-
Content Count
214,410 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Taliska howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa tababar muddo socday gudaha magaalada Muqdisho ugu soo gabagabeeyey saraakiil ka tirsan isla howlgalkaasi. Tababarkaan oo muddo todobaad ah socday ayaa waxaa bixinayey saraakiil khubaro ah oo ka tirsn howlgalka nabad ilaalinta ururka Midowga Africa ee AMISOM. Sidoo kale tababarka ayaa ku saabsanaa arrimaha bani’aadanimada, sida looga hortagayo miinooyinka dhulka lagu aaaso iyo mandate-ka QM iyo AMISOM. Saraakiisha tababarka loo qabtay oo dhowaan dalka yimid ayaa ka soo kala jeeda wadamada Ghana, Zambia, Uganda and Sierra Leone. Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan kumanaan ciidamo ah oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM, waxaana ciidamadaasi ay ka soo kala jeedaan wadamada Kenya, Itoobiya, Burundi, Uganda iyo Jabuuti, waxaana sanadka dambe la filayaa in AMISOM ay guud ahaan Soomaaliya isaga baxdo, iyadoona Qaramada Midoobay sanadkii 2018-kii ay soo saartay qaraarka ay uga baxayso Somalia. View the full article
-
Three people were on Sunday killed when an ambulance they were riding in ran over an Improvised Explosive Devise on the Sangailu-Hulugho road, Garissa County. Among those killed were a critically ill woman and the ambulance driver. She was being driven to the Garissa Provincial Hospital when the incident happened. After attacking the ambulance at Koran-Hindi, Galmagala area of Hulugho in Lower Garissa at the border with Somalia, the terrorists followed with a gun attack. North Eastern regional Commissioner Nicodemus Ndalana said the gunmen escaped soon after. “We have deployed more personnel to pursue them. They will face justice,” he said. Garissa Governor Ali Korane said he was saddened by the heinous attack that killed the three in the ambulance. “Those killed include the driver and a patient. I condemn this heartless attack. Perpetrators of terror in all forms must be defeated,” he said. The attack comes at a time when the government is fighting to contain the terrorists who have infiltrated the region. More than 20 people have been killed in similar incidents in two months. On Friday, six militants were killed and one captured alive in the same area. President Uhuru Kenyatta last month gave the North Eastern leaders 14 days to come up with an amicable solution on security challenges that have hurt education. The President told the leaders the ongoing terror attacks are homegrown and must be addressed by residents. According to some of those present, the President told the group security agents have sealed off the main Kenya-Somalia border and there would be no more al Shabaab terrorists coming into Kenya. The leaders had discussed the current crises of removal of non-Somali teachers by the Teachers Service Commission (TSC) from the region and agreed that some measures must be taken to improve the situation.TSC removed all non-local teachers from Garissa, following incidents of attacks targeting them. To date, 42 teachers have been killed in separate attacks since 2014. View the full article
-
The Federal Government forces were reported to have recaptured a strategic town in the southern Lower Shabelle region on Monday following an operation backed by AU troops. The allied forces wrested control of Janale, located about 100-Km southwest of Mogadishu from Al-Shabaab, the Al-Qaeda-linked militant group battling to oust the UN-backed government. The area has been under Al-Shabaab control for almost 10 years. Abdi Ali, one of the Somali army commanders in the region has confirmed the seizure of the town to the local media in Mogadishu without providing further details of the current situation. Al-Shabaab has not yet commented on the military claims. View the full article
-
Taliska ciidanka qeybta 27-aad ayaa ku baxay shaqaaqo dhowaan sababtay dil oo ka dhacaday xadka gobolka Hiiraan uu la leeyayay Ismamulka Soomaalida Itoobiya. Saraakiisha ku baxday shaqaaqada oo uu hoggaminayay abaanduulaha qeybta, General ; Saalax Yacquub iyo saraakiil kale ayaa waxay socdaalkooda ku tageen deegaannda Kabxanleey, Burdhiinle Feer-feer, waxanay kulamo la yeesheen odayaasha dhaqanka iyo maamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya. Abaanduulaha qeybta oo warbaahinta lahadlay ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda ay ku raad joogan kooxdii dilka fulisay, waxuuna ismamulka iyo odayaasha deegaanka ka dalbaday inay ka qeyb qaataan soo qabashada raggaasi. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya walaaca laga qabo cudurka Coronavirus oo haatan adduunka si xowli ah ugu faafaya, iyadoo dalal badan uu saameeyey xanuunkaan ay la tacaalayaan, mana jirta illaa iyo hadda daawo lagu bogsoon karo oo loo isticmaalo Corona, waana tan sii murjineysa xaaladda. Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xaqiijiyey in qofkii ugu horreeyey oo laga helay cudurka, kaasi oo ah qof lagu karantiilayo garoonka Muqdisho, oo ka yimid dalalka cudurka uu ku faafay. Xanuunkaan oo markiisii hore ka soo bilowday magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa gaaray wadamo badan oo ay ka mid yihiin kala ah Algeria, Nigeria, Egypt, Morocco, Senegal iyo Tunusia, Koonfurta Kuurya, Maraykanka, Talyaaniga, Japan, Faransiiska, Britain, Kenya Itoobiya iyo dalal kale oo badan. Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa Fayruskan u aqoonsatay xaalad caafimaad oo caalami ah, guud ahaan tirada dadka caalamka ugu geeriyooday caabuqaasi waxay kor u dhaaftay 5,500 oo qof, iyadoo in ka badan 114,000 oo kalena laga helay Fayruska. Shabakadda wararka ee Worldmeter ee uruurisa Kiisaska cusub ee Koronafayruska waxay sheegtay inuu fayruskan ku faafay in ka badan 115 waddan. Dalka Koonfurta Kuuriya waxaa caabuqaasi laga helay 7,513 qof, dalka Talyaaniga 9,172 qof, Iraan 7,161 qof, Japan 530 qof, Faransiiska 1,412 qof, Mareykanka 729 qof iyo Britain oo caabuqaasi laga helay 321 qof. Xeel-dheerayaasha ayaa rumeysan in maalmaha soo socda ay suurtagal tahay in la hakiyo isu-socodka maraakiibta, xilli hore loo hakiyey inta badan duuliaadyada. Soomaaliya oo ka mid ah dalalka soo koraya waxaa ay ku tiirsan tahay cuntoonyinka uga yimaada dibadda inta badan, waxaana saameyn ku yeelan kara go’aankan. Sababta loo xanibi karo isu socoda maraakiibta ayaa ah cabsi ah in cunada ay soo rarayaan shaqaalaha dalalka kale laga yaabo inay qaarkoo qabaan xanuunka, halka shaqaalaha markabka saaranna ay u gudbin karaan dalalka ay tagayaan. Dadka arrimahan xog ogaalka u ah ayaa tilmaamaya mar hadii uu istaago isku socodka dunida, gaar ahaan maraakiibta cuntada keenta in qiimaha oo cirka isku shareeri karo sicir bararna uu ka dhalan karo. Waxay ka digeen in haddii ay sidaas dhacdo ay dad badan oo Soomaali ah ay halis u geli karaan nafaqa darro baahsan, maadaama aysan Soomaaliya laheyn warshado ay uga maarmi karto waxyaabaha uga yimaada dibadda. Waxay soo jeediyeen in ka hor inta aan la hakin maraakiibta isaga kala gooshta caalamka in dadka Soomaaliyeed ay keydsadaan cunto ku filan muddo 3-bil ah, gaar ahaan cuntooyinka energy-ga badan leh sid baastada, burka, bariiska, saliida, iyo kuwa kale ee muhiimka u ah aadanaha, dhinaca kalana waxaa lagusoo waramayaa in wadamo uu gaaray cudurkaan sida Yurub inay cuntada ka go’day goobaha weliba ay haawanayaan dukaamada kadib markii dadku ay ku yaaceen.
-
Guddiga arrimaha bulshada, gaadiidka iyo maaliyadda golaha shacabka ayaa waxa ay xukuumadda ka dalbadeen in gabi ahaanba la joojiyo qaadka Soomaaliya uga yimaada dalalka deriska sida Kenya iyo Itoobiya, xilli dalalkaasi laga helay kiisas la xirira xanuunka Coronavirus. Guddiga oo maanta shir ka yeeshay arrinkan ayaa waxa ay xukuumadda ka codsadeen in si ku meel gaar ah loo joojiyo qaadka ka imaanayay dalalka Kenya iyo Itoobiya waxaana guddigan aya si gaara u carabaabeen dalka Kenya, maadaama bey yiraahdeen shacabka Soomaaliyeed ay walaac xooggan ka muujiyeen xanuunka Coronavirus ee soo gaaray dalalka deriska. Sidoo kale dhamaan xubnihii kulankan ka soo qeyb galay ayaa si isku mid ah waxa ay xukuumadda ugu baaqeen in si degdeg ah loo joojiyo waxkasta oo shacabka Soomaaliyeed u keeni kara xanuunka Coronvirus oo uu ugu horeeyo qaadka laga keeno Kenya sida ay tilmaameen. Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo deris la ah Soomaaliya ayaa laga helay kiisaskii ugu horeeyay ee xanuunka Coronvirus, waxaana xusid mudan in madaxweynaha Kenya ee Uhuru uu xaalad degdeg ah galiyay dalkiisa. Lama oga sida ay uga jawaabi doonto xukuumadda Soomaalia dalabka uga yimid golaaha Shacabka ee ku aaddan sidii loo joojin lahaa qaadka ka yimaada dalalka Kenya iyo Itoobiya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliyaha ciidamada Boliska gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya, Generaal Nicodemus Ndalan oo ka hadlayey xaaladda amaan ee gobolkaasi ayaa sheegay in aysan laamaha ammaanka oo kaliya ka adkaan karin dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab. Gen. Nicodemus ayaa qeybaha kala duwan ee bulshada degmooyinka Gaarisa, Mandera iyo Wajeer ka dalbaday inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in bulshada iyo dadka deegaanka ay uga qeyb qaadan karaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, inay xogaha iyo akhbaaraadka ay helaan ogeysiiyaan hay’adaha sirdoonka, si looga hortago suurta galnimada ay weeraro dhici kara. Ugu dambeyn taliyaha ciidamada Booliska ee gobolka Waqooyi Bari ayaa saraakiisha ciidamada kula dardaarmay in ay si dhow ula socdaan dadka rayidka ah ee la shaqeynaya hay’adaha ammaanka, islamarkaana ay siiyaan mudnaan gaar ah iyo tix-gelin muhiim ah. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe Al-Shabaab ay kordhisay weerarada ay ka fuliso dalka Kenya, gaar ahaan deegaannada dhaca xadka Soomaaliya. View the full article
-
War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa looga hadlay weeraro isugu jiray qarax iyo madaafiic oo saacadihii la soo dhaafay ay ka fulisay magaalada Boosaaso ee G/Bari. Qoraalka Al-Shabaab lagu sheegay in tiro madaafiic ah ay la beegsadeen saldhig ciidamada Puntland ay ku leeyihiin agagaarka dekedda magaaladaasi. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in qarax ka dhacay duleedka Boosaaso ay ku dishay sarkaal ciidan oo magaciisa ay ku soo koobtay Asad. Dhinaca kale ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Puntland oo ku aadan weeraradaasi iyo khasaaraha ka dhashay. Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab oo ku xoogan buuraleyda ee Bari ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi. View the full article
-
(SLT-Qaahira)-Madaxweynaha dalka Masar, Cabdifitaax Al-siisi ayaa dhiggiisa Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ka dalbaday inuu dhex-dhexaadiyo isaga iyo raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed. Al-siisi ayaa qoraal uu Axadii soo gaadhsiiyey madaxweyne (Farmaajo) ugu baaqay inuu kala shaqeeyo xal u helida arrinta biyo-xidheenka ee ay haatan isku hayaan labada dal. Warqadda la soo gaadhsiiyey madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa keenay kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Masar ee arrimaha Afrika, Abuubakar Xifni Maxamuud. Kaaliyaha oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in xukuumadda Qaahira ay rajo weyn ka qabto inuu Farmaajo xalin karo xiisada u dhexeysa waddamada Itoobiya iyo Masar, isaga oo ka faa’ideysanayo saxiibtinnimadiisa labada dhinac. “Soomaaliya waa dal muhiim ah, siyaado iyo miisaan leh, xidhiidh fiican la leh labada dhinac, waxaan hubaa in madaxweyne Farmaajo oo ka faa’ideysanaya xidhiidhkiisa saaxiibtinnimo ee ra’isul wasaare Abiy uu xal u helista biyo-xidheenka qeyb ka noqon karo, Masar-na saacidi karo”. ayuu yidhi Abuubakar Xifni Maxamuud. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday kaaliyuhu ahmiyadda uu webiga Nile-ka u leeyahay Masar, isagoo carabka ku dhuftay in la’aantiisa ay u sababi karto shaqo la’aan baahsan. “Webiga Nile waxaa ku tiirsan biyo ahaan 97% dadka Masar, dalkeenna ma jirayo Nile la’aantiis, waa amni qaran, haddii dhibaato soo gaadho waxaa shaqo la’aan noqon doona 4 Milyan oo qof, inta kalena biyo la’aan iyo harraad”. ayuu sii raaciyey Abuubakar Xifni. Masar iyo Itoobiya ayaa in muddo ah isku haya arrinta biyo-xidheenka ee Webiga Nile, iyadoona ay fashilmeen wadahadallo lagu dhex-dhexaadin lahaa labada dowladood. Source
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda howlgallo ballaaran ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dhaq dhaqaaqyada xoogooda ayaa waxaa si gaar ah looga dareemayaa deegaanka Janaale oo saacadihii la soo dhaafay ay gaareen ciidamo ka tirsan milatariga Somalia. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay inay arkayeen ciidanka dowladda oo wata gaadiidka oo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada tuulooyin ku xeeran deegaankaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada dowladda ay madaafiic ku garaaceen qeybo ka mid ah deegaanka Janaale, walow aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyey, sida ay xaaladdu tahay. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-Cabdiqani-gobolka-shabellaha.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Duhur-16032020.mp3 View the full article
-
Janaale (Caasimada Online) – Wararka hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab uu ka qarxay magaalada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada dawladda oo garabsanaya kuwa caalamiga ah ee taageera dawladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen magaalada, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah. Goobjoogeyaal la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ku jiraan magaalada, oo ay dhinac ay ka qeybsadeen. Wararku waxay intaas ku darayaan in rasaas laga maqlay bartamaha magaalada taasi oo u dhaxaysa ciidamada dawladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab. Saraakiisha milatariga dawladda oo magacooda ka gaabsaday ayaa sheegay in qorshuhu yahay in ciidamada dawladdu ay qabsadaan lana wareegaan gacan ku haynta Jannaale. Caasimada Online ayaa shalay werisay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay faarujiyay degmada Janaale ee gobalka Shabeellada Hoose kadib markii ay ku soo dhawaadeen ciidamada Milateriga Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa ku sugnaa duleedka magaalada, hase yeeshee ciidamada dowladda ayaa dib isu dhigayey si ay u galaan magaalada. “Ma jirto awood ciidan oo na hortaagan laakiin waxaa ka cabsi qabnaa qaraxyo dhulka la geliyay si tartiib ah ayey u galayaan ciidanka” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa toddobaadyadii dhowaa kordhiyey duqeymaha ay la beegsanayaan Janaale, ayada oo toddobaadkii tagay kaliya laga fuliyey laba duqeyn, inkasta oo mid ka mid ah la sheegay inay ku dhinteen shacab. Degmada Janaale ayaa ka tirsan degmooyinka ay mudada dheer maalayaan Al-Shabaab waana degmada saddexaad oo ay gobalkaas ka joogaan. Al-Shabaab hadii ay gacantooda ka baxdo Janaale waxay ku hari doonaan Sablaale iyo Kuntuwaarey oo ka tirsan degmooyinka ay hadda maamulaan ee gobalka Shabeellada Hoose.
-
Janaale (Caasimadda Online) – Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ay taageerayaan kuwa AMISOM ayaa ku sii dhaawanaya magaalada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin kooxda Al-Shabaab. Ciidamada Dawladda ayaa hawlgalkooda bilaabay maalintii Axadda ee shalay iyagoo ka dhaqaaqay degmada Awdheegle. Ciidamada ayaa si taxadar leh ku socda iyagoo mararka qaar gaadiidka ka dagaya si ay u hubiyaan minooyinka dhulka lagu aaso oo ay Al-Shabaab u isticmaalaan inay ku qarxiyaan ciidanka kuna hor istaagaan socodkooda. Ciidamada xoogga dalka ayaa la sheegay inay labo jiho ugu dhaq dhaqaaqeen Janaale, inkastoo aan weli la soo sheegin wax iska hor imaad ah, hadana saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in si taxadar ku jiro u socdo howlgalka ay wadaan. Taliyaha Ciidanka dhulka Jen. C/xamiid iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa gaaray deegaanka Buufow ee duleedka Marka, halkaasoo uu kula hadlay Ciidamada ka qeyb qaadanaya howlgalka lagu qabanayo deegaanka Janaale. Saraakiisha ciidanka oo ay soo xigeynaysay warbaahinta dawladda ayaa sheegaya in ujeedka hawlgalku yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa magaalada Janaale oo ah xarun muhiim ha oo ay ka soo abaabullaan weerarrada ay ka fuliyaan gobolka Shabeellaha Hoose iyo magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Sidoo kale waxa todobaadyadii ugu dambeeyay kordhay duqeynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee maraykanka ee lagu bartilmaameedsanayo xubnaha Al-Shabaab. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Al-Shabaab isaga baxeen Janaale, inkastoo saraakiisha ciidanka dowladda ay tilmaameen inay ka feejigan yihiin taxadarayaan dhagarta Al-Shabaab. Degmada Janaale ayaa ka mid ah deegaanada caanka ku ah dhul beereedka, waxaa Al-Shabaab u aheyd meel muhiim ah oo ay ka soo galaan dhaqaale fara badan oo dhanka ganacsiga, waxaana degmadan muddo sanado gacanta ku hayay Al-Shabaab tan iyo markii Ciidanka AMISOM lagu weeraray, isagana baxeen shan sano ka hor.
-
(SLT-Riyadh)-Dawladda boqortooyada Sucuudiga ayaa xidh-xidhay Boqollaal Qof Masuuliyiinta Dawladda ah, Saraakiil Millatari iyo hay’adaha ammaanka ka mid ah. Dadka la xidhay ayaa tiradoodu tahay 298 Qof, sida uu ku dhawaaqay Xafiiska la dagaalanka Musuqmaasuqa ee Boqortooyada Sucuudiga. Dadkan ayaa lagu eedeeyay inay qaateen Laaluush iyo inay si khaldan uga faa’idaysteen awoodaha Xafiisyada ka shaqaynayeen. Hay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa ee Sucuudi Carabiya (Saudi’s National Anti-Corruption Commission (Nazaha) oo Xilli dambe oo Axaddii shalay ah ku dhawaaqday Warka sheegaya in la xidhay Dadkan saddexda Boqol ku dhow, ayaa sidoo kale sheegtay in Maxkamad ka soo taagi doono dhammaan Dadka hadda gacanta lagu hayo. Boqortooyada Sucuudiga ayaa sannadkii 2017 xidhay tiro badan oo ka mid ah Amiirrada boqortooyada Sucuudiga, Ganacsato iyo Siyaasiyiin, taana waxa lagu sheegay inay ahayd isku day lagu doonayo in lagula dagaalamo Musuqmaasuqa. Xadhigga Dadkan loo haysto Musuqmaasuqa ayaa ku beegmaya toddobaadyo uun ka dib, markii la xidhay Boqor Salmaan Walaalkii iyo laba xubnood oo kale oo ka mid ah Amiirrada boqortooyada Sucuudiga, kuwaasi oo la sheegay in qaarkood la jidh-dilay. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Maxamuud Xaashi Cabdi wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in Soomaalidu kala dawlado tahay laakiin, ehelnimada iyo Soomaalinimadu tahay mid ka dhexaysa dhammaan umadda Soomaalida, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga oo lagu magacaabo Macallin Suugaani ayaa Goobjoog News waxa uu u sheegay in ciidanka dowladda ay saakay gabi ahaanba la wareegeen magaalada janaale ee gobalka Shabeelaha hoose. Sarkaalka ayaa sheegay in iska hor imaad ciidanka dowladda iyo Al shabaab ku dhexmaray magaaladaasi uu ka dhashay khasaare kala duwan isaga oo xusay in 9 dagaalame ay ka dileen dhaqdhaqaaqa Al shabaab sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale Macallin Suugaani ayaa tilmaamay in shacabka ku dhaqan Janaale ay kala kulmeen soo dhoweyn aad u wanaagsan waxa uuna intaas hadalkiisa ku daray in degmooyin iyo deegaano kala ay kala wareegi doonaan Al shabaab. Ugu dambeyn sarkalkan ayaa inoo sheegay in xaaladda degmada ay haatan tahay mid degan. Halkan ka dhageyso wareysiga Sarkaalka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/Sarkaal-Janaale.-Macallin-Suugaani.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa ka hadlay warqad ka soo baxday xafiiska taliyaha ciidanka Xoogga, taas oo lagu amray ciidanka dowladda, gaar ahaan kuwa milatariga ee haatan ilaalada u ah madaxdii hore ee dalka, inay dib ugu soo noqdaan xarumahooda. Fiqi ayaa sheegay in warqaddaasi laga leeyahay dano gaar ah, islamarkaana taliyaha ku saxiixan lagu qasbay, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu ka digay isku dhac ka dhalan kara, haddii ilaalada laga qaado madaxweynahayaashii hore ee dalka, isaga oo sheegay inay taasi albaabada u fureyso in ciidamo gaar ah ay sameystaan, kuwaas oo aysan ‘jidgooyo u dhigan karin’ ciidanka dowladda federaalka oo uu tilmaamay in hadda loo adeegsado arrimo siyaasadeed. Halkaan hoose ka aqriso qoraalka xildhibaan FIQI: Waxaan aqriyay warqad ciidan oo baraha bulshada isla markii la soo saarayba lagu faafiyey taasoo u muuqata mid propagando iyo daandaansi looga gol leeyahay! Taliyaha warqadda ku saxiixan waa nin la qasbayo, umana malaynayo in lagala tashaday ama uu wax talo ah ku lahaa ciidamada shaqada leexsan loogu diray Galmudug iyo Gedo, ama uu talo ku leeyahay ciidamada la hayb soocayo ee madaxtooyada laga bedelay ama ciidanka labada kun ka badan ee shaqada iyo ujeedooyinka leexsan uu Md. Farmaajo ka leeyahay ee uu ku magacaabay ilaaladadiisa! Haddii warqaddan ujeedka laga leeyahay ay tahay in madaxweynayaashii hore ilaalada Boqolka ka yar laga qaado, ayadoo Md. Farmaajo rabo inuu isku ilaaliyo 2 kun, loona loogo kooxaha argagixisada ama unugyada qarsoon ee shirqoolada In ay weeraraan madaxdii hore taasi waa qorshe fashilan ee yaan la isku daalin, hana la ogaado In ay albaabada u furayso in ciidamo gaar ah oo ilaalo ah la samaysan doono, kuwaasna aysan jidgooyo u dhigan karin ciidamada beelaysan ee Eritrea soo tababartay! Haddii taliyuhu uu awood leeyahay oo ciidanka XDS u taliyo oo shaqo qaran ciidamo qabta u baahan yahay ha soo celiyo kuwa Gedo shaqaaqada ka wada, ama Galmudug baagamuudada ku ah ama kuwa Farmaajo isku hubaynayo ee labada kun ka badan wixii intaas ka soo hara waa beegsi gaar ah oo aan loo dulqaadan doonin.
-
Mareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya Axmed Macallin oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa waxa uu sheegay in dowladda federaalka ah ay ka shirayso sidii xayiraad dhinaca duulimaadyada ah loogu soo rogi lahaa dowladaha deriska nala ah ee Kenya iyo Itoobiya oo iyagu laga helay kiisaskii ugu horeeyay ee xanuunka Coronavirus. “Si joogta ah ayaan isha ugu heynaa, waxaan saacado ka hor la wadaageynay civil aviationka Kenya iyo kan Itoobiya, waddanka haddii hal kiis ama labo kiis laga helo ma ahan micnaheedu ma ahan in anagu aan xayiraadda is kala soo boodno, laakiin waxaan fiirinaynaa xadiga uu ku socdo kororka cudurkaasi, haddii uu xaddi sare ku socdo Notaamka aan diyuuradaha kula hadalno ayaa kordhinaynaa waddankaasina listiga ayaan ku darnaa, marka berry ayaan shir ka leenahay arrintaasi” ayuu yiri mareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya Axmed Macallin. Dhanka kale maareeyaha ayaa sheegay in Nootaamka ay diyaaradaha kula hadlaan ay la wadaagi doonaan in aysan soo qaadi Karin dadka taransitka ah islamarkaana wax ka yar 14 maalmood ka soo maqnaa dalalka ay xayiraadda saareen ee uu sida ba’an u saameeyay cudurka Coronavirus. “24-kii saac ee la soo dhaafay Nootaamkii wax baan ka badalnay in daadkaas naftirkooda meel aan taransit point ahayn duyuuraddu ka soo qaadi Karin hadduu passapoorkiisa exist-ka ku dhegsan uu muujinaayo in 14 berri muddo ka yar uu moogyahay waddamada ay xayiraaddu saran tahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay maareeyaha. Hadalka maareeyaha ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli kiisaskii ugu horeeyay laga helay dalalka Kenya iyo Itoobiya oo deris la ah Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
