-
Content Count
214,410 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Markii uu talada dalka qabtay Madaxweyne Muuse, waxa uu hay`ada cusub ee Duulista Hawada iyo Madaarada Somaliland u magacaabay Cabdi Maxamed Rodol oo ka mid ahaa dhalinyaradii lagu asaasay, isla markaana tiir dhexaadka u noqday shirkadii diyaaradaha ee Somali Airlines ilaa uu ka gaadhay Chief Pilot. Magacaabista Rodol oo dadka qaar yidhaahdaan waxa ay ku timid saaxiibtinimo ka dhaxaysay labada oday ilaa wakhtigii dawladii Siyaad Barre, halka dad kalena ay aaminsan yihiin inay ku timid abaal shakhsi ah oo la xidhiidha halgankii uu Muuse ku doonayey inuu ku hanto Gudoomiyenimada Xisbiga Kulmiye. Si kastaba ha ahaatee, anigu shakhsiyan, waxaan ka mid ahaa dadka sida weyn ugu farxay magacaabida Chiefka, aniga oo filayey inuu wax badan ku soo kordhin doono Aviationka Somaliland maadaama uu khibrad iyo waayo aragnimo dheer u leeyahay hawlaha duulimaadyada madaniga ah. Hase yeeshee, waxay u eeg tahay in filashadaas lagu hungoobay! Maanta oo laga joogo 2 sanno iyo dheeraad markii la magacaabay Maareeyaha, ishaydu may qaban, manaan maqlin qorshe iyo higsi mudada dhow/dhexe/fog la xidhiidha oo uu soo bandhigay Maareeyuhu. Ma jiro waxqabad muuqda oo uu ku soo kordhiyey Aviationka iyo Garoomada Somaliland. Waxtar, wanaajin iyo waxqabad ha joogee, Maareeyuhu waxa uu afka ooda ka saaray waaxdii xidhiidhka bulshada iyo warbaahinta (Media and Communication) u qaabilsanayd wasaarada/hayada. Taasina waxay sababtay inaan maanta hayadu lahayn cid iyo meel gudbisa fariinteeda. Marar dhawr ah Maareeyaha laftiisa ayaa isku kalifay inuu saxaafada wax u sheego, hase yeeshee hadal macno leh oo masuul kuma hadlin, manuu ogolaan in suaalo la weydiiyo. Waxa ugu dambaysay dhacdadii todobaadkan iyo muranka ka soo cusboonaaday maamulka hawada sare ee Somaliland iyo Somaliya oo haba yaraatee Maareeyuhu aanu shirkiisii jaraa`id wax ka duwan hadalka dadka suuqa jooga aanu ku hadlin! Maareeyuhu waxa uu cabudhin, hanjabaad, iyo amar ku taaglayn ku bilaabay ilaa hadana ku hayaa shaqaalaha hayada uu maamulo. Dhamaan shaqaaluhu waxa ay noqdeen kuwo niyad jabsan oo aan haba yaraatee ku niyad samayn habkan uu Maareeyuhu wax u wado. Waxa la yaab leh in aan Maareeyaha albaabka xafiiskiisa cidi furin una galin marka uu soo fadhiisto ilaa inta uu ka baxayo. Wax kale kuma garatide shaqaaluhu waxa ay ku jiraan “xabsi xafiiseed” uu Maareeyuhu galiyey. Intaa waxa dheer, xog ogaal laaan aanuu Maareeyuhu hoos uga war hayn madaarka kaliya ee dalka oo dhan ka shaqeeya; Hargeisa Airport. Ma jiro xidhiidh wada shaqayneed oo uu Maareeyuhu la leeyahay Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo ah Wasaarada guud ahaanba maamusha gaadiidka oo ay diyaaraduhuna ku jiraan. Sidoo kale, ma jirto wada shaqayn ka dhaxaysa Maareeyaha iyo Wasaarada Arimaha Dibeda madaama hawlo badan oo heer caalami ah ay hay`adu ku khasban tahay inay u sii marto Wasaarada Arimaha Dibeda. Bishii Oktoober 2019ka, Mareeyuhu waxa uu shaqada ka eryey inta badan shaqaalihii macluumad bixinta iyo hagida diyaaradaha Air Navigation Serviceka (ANS) ee madaarka Hargeisa. Saqaalahaa oo tacab, kharash iyo wakhti badani ku baxay tababaridooda, waxa abaal la`aan kula wareegtay Puntland ka dib markii ay halkaa u shaqo doonteen. Taasi waxay curyaamisay hawlihii iyo adeegii madaarka Hargeisa ee la xidhiidhay hagida diyaaradaha. Waa sababta keentay inay shirkada diyaaradaha ee flydubai ku cabatay in information khalad ah uu siiyey Towerka Madaarka Hargeisa. Hayada Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyada Somaliland waxa horyaala hawlo waaweyn oo u baahan in si aqoon iyo waayo aragnimoba ku jirto loo maareeyo loona waajaho. Sida hada cadaatayna Maareeye Rodol maaha masuulkii ku haboonaa inuu maamulo hayada. Ma muuqato guul iyo horumar uu gaadhsiin karo oo ku dhawaad saddexdaa sanno ee uu xilka hayey ayaa la arki lahaa. Lugooyada iyo hagardaamada u Maareeyuhu ku hayo hay`ada duulistu waa mid aan la sii eegan karin. Sidaa daraadeed, Madaxweyne Muuse waxa la gudboon inuu kala doorto raaligelinta Rodol iyo badbaadinta aviationka Somaliland. Guul baan u rajeynayaa aviationka Somaliland. Cabdikariim Cali Baarjeex MSc, MA, BSc, Dip Aviation Consultant Herer Aviation Solutions abdikarim@havisol.com www.havisol.com Source
-
Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa shaqaaqo maanta ka dhacday agagaarka suuqa xoolaha Xirga -Dheere ee magaalada Muqdisho. Dhacadaan ayaa timid kadib markii ciidamo maleeshiyaad beeleed lagu sheegay ay weerareen sarkaal ka tirsan ciidanka Xoogga dalka oo marayay halkaasi. Rasaasta ayaa lagu soo warramayaa inay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay dad shacab ah, iyo mas’uul ka tirsan maamulka degmada Kaxda ee isna la sheegay inuu ku socdaalayey duleedka degmada Karaan ee gobolkaan Banaadir. Cumar Muxudiin Xasan oo ah sarkaalka la weeraray ayaa Shabelle uga warramay sida ay wax u dhaceen, isagoona beeniyey weerar been abuur ah oo laga faafiyey. Inta badan degmada Karaan, gaar ahaan nawaaxigeeda ayaa waxaa ka dhaca iska hor imaadyo ay waxyeelo ka soo gaarto dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso cod https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Warka-Habeen-22032020.mp3 View the full article
-
Taliyaha hoggaanka ilaalinta Canshuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta ka digay in maciishadda la kordhiyay. Shirkaan Jaraa,id ee uu maanta ku qaabtay Ganaraal Cabdullahi Xasan Bariise Taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa ku saabsanaa digniin uu u diray Ganacsatada Soomaliyeed oo ah in aysan sara u qaadin maciishada quutul-daruuriga ah, iyaga oo ka faa,iideeysanaya dadaalka loogu jiro ka hortaga cudurka Corona Virus ee COVID 19. Sidoo kale Taliyaha Hoggaanka ilaalinta cashuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono qofka qaadan waayo digniinta ay u direen. Hadalaka ka soo baxay Hogaanka ilaalinta cashuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Ganaraal Cabdulaahi Xasan Bariise ayaa wax badan u tari doonto Shacabka soomaaliyeed oo ka wal-walsan in lagu qaaliyeeyo maciishada qutul-daruuriga ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Lafoole (Caasimada Online) – Qarax goor-dhow ka dhacay agagaarka deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu dilay taliyihii ciidamada booliska degmada Afgooye. Qaraxa oo ka dhacay inta u dhaxeysa Xaawa Cabdi iyo Lafoole ayaa waxaa ku dhintay Dhamme Cabdulqaadir Cismaan Nuunow iyo saddex ka mid ah ilaaladiisa. Lama oga cidda ka danbeysa dilka taliye Nunow, mana jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda, hase yeeshee inta badan qaraxyada ka dhaca aagaas ayaa waxaa fuliya kooxda Al-Shabaa. Naga filo faah-faahin dhowaan, Insha Allah.
-
Afgooye (SMN) – Taliyihii booliska saldhiga degmada Afgooye ayaa lagu waramayaa in lagu dilay qarax ka dhacay inta u dhaxeysa Lafoole iyo Xaawa Cabdi. Cabdiqaadir Cusmaan Nuunow ayaa la sheegay in meyd ahaan looga qaadey goobta uu falku ka dhacay. Askar ilaalo u ahayd ayaa la xusay in ay waxyeelo kasoo gaareen weerarka, sidda sheegeen goobjoogeyaal. Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkaas, wallow dhacdooyinkaan oo kale looga bartay xarakada Al-Shabaab. Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ee hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaanan wali wax war ah kasoo saarin dilka marxuum Cabdiqaadir. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Waxaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb xubno ka tirsan Xildhibaanada Mucaaradka ee ka soo horjeeday hannaankii Doorashada Galmudug ee Dowladda Federaalka garwadeenka ka aheyd ee lagu doortay Axmed Qoor Qoor. Xildhibaanada maanta Gaaray Dhuusamareeb ayaa kala ah Xildhihaan Mahad Salaad, Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdisaabir Nuur Shuuriye, waxaana garoonka Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug, maamulka Dhuusamareeb iyo qaybaha kala duwan bulshada. Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye ayaa sheegay in u jeedka Dhuusamareeb ay u tageen ay tahay sidii loo dhameystiri lahaa wada-hadallo socdey oo ku saabsanaa xal ka gaarista khilaafka ka dhashay doorashada Galmudug iyo tabashadii ay ka qabeen. Waxaa uu intaas ku daray in inta badan xal laga gaarey arrimihii jirey, islamarkaana ay go’aansadeen inay u tanaaslaan Shacabka deegaannada Galmudug si horumar ballaaran loo gaarsiiyo deegaanka. Sidoo kale Xildhibaan Mahad Salaad oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal ayaa sheegay inuu kulankaan gogol xaar u yahay dib u heshiisiinta Galmudug. “Kulan gogol xaar iyo dib u heshiisiin Galmudug ah oo maanta aan ku soo gaarnay magaala Madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb.” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad. Dhanka kale Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo isna ka hadlayey kulankii ay la yeesheen Madaxweyne Qoor Qoor ayaa yiri: “Xanuunada kala tagista iyo isfaham-darrada oo idil waxaaa lagu daweeyaa kulamo cusub oo lagu baadi-goobayo xalka, kumana sii jirto marka arrintu ay taabanayso masiirka iyo mustaqbalka umadeed iyo tan deegaan. Waxaan maanta ku nimid Magaalada Dhuusa-Mareeb oo ay noogu danbaysay bishii hore bilowgeedii socdaal xal raaadin iyo dib u heshiisiin ah si Galmudug u tiigsato horumarka dadkeedu ku taamayaan, maamul midaysanna uga hanaqaado.” Wadahadalo todobaadyadii u dambeeyay socday Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo xubnaha Mucaaradka ayaa la isku afgartay in dib u dib heshiisiinta deegaanka laga shaqeeyo dhinacyada salluugsanaa hannaankii doorashada madal isugu yimaadaan, si looga gudbo caqabadaha jira, danta Galmudug laga shaqeeyo. Wada hadaladaas ayaa ka dhashay in Guddi ka socda Xildhibaanada Mucaaradka ee ka soo jeeda Galmudug ay tagaan Dhuusamareeb waxaana waxa ayna isla maanta ka kulmeen Madaxweynaga Galmudug Axmed Cabdi kaariye.
-
Battle for Nile waters spills over to East African capitals
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kenya has been thrust into the competing interests of Ethiopia and Egypt, who are jostling for regional support for a decisive agreement on a dam being built on the Nile. Source: Hiiraan Online -
Madaxweynaha dowladdq Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo qoraal kooban soo saaray, ayaa si adag uga jawaabay hadal ka soo yeeray guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Soomaaliya. Guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka dowladda Federaalka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yareey) oo maanta Warbaahinta la hadashay, ayaa labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ka dalbatay, in ay de-dejiyaan meel-marinta dib u-eegista Sharciga xisbiyada dalka. Haddaba, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo saacado kadib u jawaabay guddigaas, ayaa hadalkoooda ku tilmaamay tallaabo lagu fashilinayo gogosha wada-hadalka Garoowe ee Puntland fidisay. Madaxweyne Deni , ayaa sheegay in tani ay tahay, tallaabadii labaad jid-gooyo loogu dhiganayo Shirka Garoowe, isagoo tallaabadii kowaadna ku sheegay war-saxaafadeedkii wasiirada Federaalka ay Garoowe ka soo saareen. “Guddiga Doorashada DFS hadalka ay hadda soo jeediyeen ma aha mid sharci waa-hore la ansixiyey lagu taageerayo, ee waxaan u arkaa mid looga hordhacayo dadaalada ay Puntland wado, laguna fashilinayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay, waana talaabo labaad oo jid-gooyo ah, marka laga soo tago warsaxaafadeedkii ay Wasiiradu qabteen” ayuu yiri madaxweyne Deni. PUNTLAND POST The post Puntland oo si adag uga jawaabta hadal ka soo yeeray guddiga doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Shir Jaraa’id ee uu maanta qabtay Taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa digniin loogu diray Ganacsatada Soomaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho. Taliyaha ayaa sheegay inay ganacsatada uga digayaan inay sare u qaadaan maciishada Quutul-daruuriga ah, iyaga oo ka faa’iideeysanaya dadaalka loogu jiro ka hortaga cudurka CoronaVirus ama COVID 19. Taliyaha ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidamo dharcad ah oo la socon doono dhaq dhaqaaqa suuqyada kala duwan ee Magaalada Muqdisho. General Bariise ayaa waxa uu sheegay in cidii ay ciidamadani ku soo qabtaan sare u kac la xiriira sicirka ganasiga magaalada ay sharciga la tiigsan doonaan, isla markaasina la maxkamadeyn doono. Waxa uu intaa ku daray taliyuhu in ganansatada gobolka Banaadira ay dhammaan ka wada digtoonaadaan in ay sare u qaadaan ganacsigooda, si ay uga helaan faa’iidooyin dheeraad ah, oo ka badan tii hore ay u heli jireen. Hadalka ka soo baxay Hogaanka ilaalinta cashuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Ganaraal Cabdulaahi Xasan Bariise ayaa waxaa uu kusoo aadey xilli dad badan ay walwal ka qabeen in maciisha kala duwan qiimahooda ay Ganacsatada kordhinayaan inta lagu guda jiro ka hortaga Caabuqa Coronavirus.
-
(SLT-Hargeysa)-Caabuqa Coronavirus oo si deg-deg ah dunida faafaya ayaa Axadda Maanta la soo sheegayaa Kiisas lagu arkay dalal hor leh oo uu u gudbay. Xanuunka Coronavirus ayaa la soo sheegay in labadii Kiis ee ugu horeeyay lagu arkay Marinta Qaza ee Falastiin. Labada Qof ee reer Falastiin ee laga helay Caabuqa Coronavirus ayaa dhawaan ka soo laabtay dalka Pakistaan, markii la baadhayna waxa laga helay Caabuqa. Kiisaska laga helay Gaza ayaa sii kordhinaya Cabsidii laga qabay Caabuqa, maaddaama oo adeegga Caafimaad ee Falastiin aanu wanaagsanayn, maaddaama oo sanado badan ay Isreal xayiraad ku haysay dhulkaasi. Dhawaan waxa Gaza gaadhay boqol reer Falastiin ah, balse waxa xanuunka laga baadhay 92 keliya, sida uu ku warramay Wargeyska The National. Sidoo kale, Dawladda Uganda ayaa Saaka xaqiijisay in Qofkii ugu horeeyay ee qaba Covid_19 laga helay dalkaasi. Wasiirka Caafimaadka ee dalka Uganda Ruth Jane Aceng ayaa sheegtay in Nin u dhashay dalka Uganda oo ka soo noqday Dubai 17-kii bishan laga helay caabuqa Coronavirus. Wasiirku waxay sheegtay in ninkaasi oo da’diisu tahay 36 jir uu la socday diyaaradda Ethiopian Airlines. Dawladda Eritrea ayaa xaqiijisay inuu dalkeeda soo gaadhay Caabuqa Coronavirus, Qofka laga helay ayaa ka yimid dalka Norway, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadku. Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in qofka Norway ka yimid uu la socday Diyaaradda Fly dubai. Source
-
Wasiirka Amniga DFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo aaday Baydhabo Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo habeen hore kulan ay ku yeesheen Muqdisho cabasho beeleed ka keenay xildhibaanada cusub ee Koonfur Galbeed ayaa maanta u ambabaxay Baydhabo. Masuuliyiinta oo diyaarad gaar ah u qaatay Baydhabo ayaa ka kooban 13 xubood oo hoggaaminayo Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, waxaana kamid ah, Sanoter Cabdi Axmed Dhuxulow, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, Xildhibaan Cabduqaadir Carabow iyo xubno kale. Wafdigan ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo ay kala hadli doonaan tabasho ay beeshoodu ka qabto xildhibaanada dhawan la soo xulay ee Koonfur Galbeed. Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa jabiyey xeerka anshaxa oo ku amraya in uusan ku lug lahaan khilaafka dowlad goboleedyada dhexdooda. Arrintan ayaa loo fahmi karaa inay tahay mowqif dowladeed oo lagu taageerayo qabiil aan qancin. PUNTLAND POST The post Wasiirka Amniga Soomaaliya oo tabasho beeshiisu qabto u aaday Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan looga hadlayey amniga oo maanta lagu qabtay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Kulanka ayaa waxaa diirada lagu soo saaray sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka amni darro ee ka dhaca inta u dhexeysa degmooyinka Guriceel iyo Matabaan. Sidoo kale waxaa kulanka goob-joog ahaa saraakiisha Booliska ee labadaasi degmo oo ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhegeyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/War-Cali-Gaab-1.mp3 View the full article
-
Dowladda Giriiga ayaa karantiil ku sameysay muhaajiriin ay kuwa Soomaali ah ku jiraan, kuwaas oo ku sugnaa xeryo ku dhow magaalada loo dalxiis tago dalkaas ee Kea. Xukuumadda Athens ayaa sheegtay in muhaajiriinta ay garayaan illaa 190 ruux, islamarkaana ay ku heyso hoteelo loo bedalay xarumo dadka lagu karantiilo. Ku xigeenka duqa magaalada Kea ee dalka Giriiga Eleftherios Tzouvaras oo la hadlayey wakaaladda AFP ayaa sheegay in dadkaasi muhaajiriinta ah ay ka soo jeedaan wadamada Afghanistan, Iran ,suuriya iyo Somalia, islamarkaana loo soo wareejiyey magaaladda caasimadda ah ee Athens, halkaasina lagu ogaan doono caafimaadkooda. Dalka Gariiga ayaa waxaa ku sugan boqolaal muhaajiriin Soomaali ah, kuwaas oo haatan qaxooti ku ah xeryo ku yaala jasiiradaha Keos iyo Lesbos ee dalkaasi. View the full article
-
Qodobada ugu waa weyn barnaamij wareedka galab ee GoobjoogFM ayaa kala ah: Faa-faahinno ayaa ka soo baxaya weerar ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen shaqaale dhisayay waddo ku taalla inta u dhexeeysa Gobolka xeebta ah ee Lamu iyo deegaanka Garsen. Qaramada Midoobay ayaa bogaadisay booqashada Madaxweyne Deni ee la filayo in uu ku soo gaaro Muqdisho, kulana la qaato Madaxda Dowladda federaalka. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in uu dhawaan billaaban doono safarka uu kula kulmi doono Madaxda Dowladda federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah. Dowladda Soomaliya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen Madixii sirdonka Al-shabab u qaabilsana Shabeellaha hoose.. Haddaba halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Cabdiwali Qorane https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-waredka-galabnimo-22-03-2020-ok.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qaar ka mid ah dadka shacabka ah ee ku dhaqan Muqdisho ayaa soo dhoweeyey tallaabadii ay dowladda Soomaaliya ku joojisay duulimaadyada, gaar ahaan qaadka. Dadweynahaan oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in Soomaaliya aysan wax faa’iido ah ku qabin Jaadka looga keenayo Kenya, iyagoo dalbaday in gabi ahaan la joojiyo. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Cod-turki-1.mp3 View the full article
-
Tirada dadka uu ku dhacay cudurka Coronavirus ee dunida oo dhan, ayaa maanta oo Axad ah gaartay 300, 000 kun oo qof. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa laga soo xigtay in ay maanta dunida oo dhan ka diiwaan-gelisay 300, 000 kun oo qof, kuwaasi oo uu soo ritay cudurka Coronavirus. Sidoo kale, WHO ayaa xaqiijisay in ay diiwaan-gelisay dad gaaraya 12, 895 qof oo cudurkaas ugu dhintay ilaa 169 waddan Caalamka oo dhan. Hay’adda Caafimaadka Adduunka, waxay sidoo kale sheegtay in haatan waddanka Talyaanigu yahay dalka ugu dhimashada badan Coronavirus, kadib markii uu kaalinta kowaad kala wareegay dalka Shiinaha. Gudaha dalka Talyaaniga, dhimashadu waxay maraysaa 5000 oo qof, waxaana Sabtidii shalay oo keliya dalkaas coronavirus ugu dhintay ku dhowaad 800 oo ruux. PUNTLAND POST The post Wadarta guud ee dadka uu ku dhacay Coronavirus oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
Taliska howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa abaal marino kala duwan guddoonsiiyey saraakiil Booliis ah oo muddo sanad ah ka howlgalayey Soomaaliya. Saraakiishaan oo uu dhammaaday howlgalka ay u joogeen Soomaaliya ayaa ka soo kala jeeda wadamada Kenya, Ghana, Zambia iyo Sierra Leone, waxaana munaasabad sagootin ah oo magaalada Muqdisho loogu qabtay lagu guddoonsiiyay bilado iyo shahaadooyin. Taliyaha ciidamada Booliska ee AMISOM general Augustine Magnus Kailie oo munaasabadda ka qeyb galay ayaa sheegay in saraakiishaAn ay shaqo wanaag soo bandhigeen mudDadii ay joogeen Soomaaliya, islamarkaana ay khibradooda ugu adeegeen dadka Soomaaliyeed. AMISOM ayaa saraakiil Boolis ah inta badan ka keenta dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo tababaro siiya kuwa Booliiska Soomaaliyeed. Si kastaba ha’ahaateen AMISOM ayaa hadda u diyaar garoobeysa in ciidamadeeda guud ahaan Soomaaliya ay ka baxaan sanadka soo socda ,kadib qaraar qeexayey ka bixitaanka AMISOM oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu sii saaray sanadkii 2018-kii View the full article
-
The world is shocked with the spread of a new strain of Coronavirus, now called COVID-19, which is categorized by the World Health Organization (WHO) as a global pandemic. The virus is spreading so fast that countries are closing borders, restricting mobility, instituting strict surveillance measures, establishing and operationalizing quarantines, putting money into social awareness programs, importing sanitation products and supporting the needy (particularly the elderly). Globally, markets are seeing downward spiral. Major indices such as DOW Jones, NSADAQ 100, S&P 100, and NIKKEI have all been witnessing declines in the past few weeks. Jobs are getting lost, while savings are eroding in the face of increasing health care expenditures. Vulnerable groups, such as people without health insurance coverage, have increasingly become vulnerable. Ethiopia has identified the first victim of the virus on March 13, 2020. By the time this article was composed, the total number of confirmed cases has reached 6, while the total number of people under close follow-up stands at 992. Prime Minister Abiy Ahmed has ordered 15 days of ban on gatherings, sporting events and school. As it stands, it looks like the number of cases will increase and so will the magnitude of the problem. But there is a higher chance to put the problem under control if stakeholders, from religious institutions to business people, are to coordinate their acts towards preventing the spread of the virus. Read more The post Economic Analysis: #COVIDー19’s test to the Ethiopian economy appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors
