-
Content Count
214,410 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Living in a remote part of the Somali region of Ethiopia , far from medical care, ten-year-old Najma and her seven siblings have had to contend with all kinds of illness. Source: Hiiraan Online
-
Over the past few days, I have received a surge of people asking if they should buy stocks now, or at some specific point in the future. A few people have asked if they should sell everything and invest in a lifetime supply of toilet paper, but I digress. Source: Hiiraan Online
-
Sabrina dhoore oo uu qabo Jilaaga Caanka ah ee Idiris Elba oo ah Haweenay Somaliyada ayaa laga helay Caabauqa Coronavirus+Weedho calaalcala oo ka soo yeedhay Lamaanaha ayaa isguursaday April 2019 Sabrina Dhowre oo ah xaaska jilaaga Hollywood-ka Idris Elba ayaa xaqiijisay in uu ku dhacay fayraska corona, todobaad ka dib markii fayraska laga helay ninkeeda. Sabrina ayaa difaacay go’aankii ay ku ag-joogtay saygeeda oo ku jiray karantiil, waxay u sheegtay barnaamijka cusub ee Oprah Winfrey ay ka bilowday Apple TV+ “Inay ay doonaysay la joogitaanka Idris, isla markaana ay dareemaysay dabciga xaasnnimo ee ah in ninkeeda ay daryeesho” Lammaanaha ayaa ku sheegay wareysiga in ay hadda ku jiraan karantiil ayna ku sugan yihiin gobolka New Mexico, ee dalka Mareykanka, halkaasi oo jilaaga filimkiisii ugu dambeeyey lagu diyaarinayo. “Dhab ahaantii, maanta ayaan ogaaday inaan qabo fayraska” ayey Sabrina ugu sheegtay Oprah iyadoo kula hadlaysay Facetime-ka Sabtidii. Idris Elba waa 47 sano halka Sabrina 30 jir tahay “Go’aan waan sameyn lahaa aan nafteyda ugu galiyo qol gaar ah, ama aan ka fogaado, laakiin waxaan qaatay go’aan ah innaan isaga la joogo oo waliba xitaa jirkeenu is taabto” ayay tiri Sabrina. Sabrina oo ka hadlayey caafimaadkeeda iyo waxa hadda ay dareemayso ayay tiri “Ma dareemayo wax dadku ay filan lahaayeen, sida calaamadaha fayraska corona, taasi oo ah wax la yaab leh” Waxay sii raacisay “Laga yaabee inay isbadasho todobaadyada soo socda, waan idinla socodsiin doonaa, kaliya waxa walwalka ah ayaa ah innaan halkan labadeennu fadhino, laba qof oo calaamadaha laga helay”. Xaaska aktarka ayaa aad loogu dhaliilay in ay nafteeda ka dheerayn wayday Idris markii laha helay fayraska covid-19. Sabrina Dhowre La wadaag qodobkan Faahfaahin Qaran News
-
MOGADISHU, Somalia - At least four people, including a town police chief, were killed after a bomb blast in Somalia on Sunday afternoon, the officials said. Source: Hiiraan Online
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) ― Dowladda Itoobiya ayaa si weyn uga xumaatay qaraar uu dhowaan Ururka Jaamacadda Carabtu uu ka soo saaray Xiisada Nile-ka ee kala dhaxeysa dalka Masar, oo ay qeyb ka ahaayeen Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti. Qaraarkaasi ayaa cambaareyn loogu jeediyay Itoobiya, midaasi oo keentay in dowladda Itoobiya ay si weyn uga gubato in qaraar ka dhan ah ay qeyb ka noqdeen Jabuuti iyo Soomaaliya, oo saaxiibtinimo dhow la leh Abiy Ahmed. Ururka Jaamacadda Carabta ayaa garab istaag weyn u muujiyey dowladda Masar, xiisada kala dhaxeysa Itoobiya ee webiga Nile-ka, taasi oo loo arko inay keentay galaan-galka weyn ee Masar ku dhex leedahay Ururkaasi. Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka tirsan Ururkaasi, ayaa iyaguna qeyb ka ahaa qaraarkaasi, inkasta oo markii dambe ay Fariin raali-gelin ah gaadhsiiyeen Abiy Ahmed, oo isagu si weyn uga carooday inay qeyb ka noqdaan qaraarkaasi. Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya, Gedu Andargachew oo wareysi gaar ah siiyey wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee Itoobiya, ayaa sheegay in Dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya ay soo gaadhsiiyeen Dhambaalo ay uga xun-yihiin qaraarkaasi, kadib markii faah-faahin ka dalbatay Itoobiya doorkooda ku aadan arrinkaasi. “Dhambaalo aanu ka helnay (Soomaaliya iyo Jabuti) waxay noogu sheegeen in qaraarkaas uu Jaamacadda Carabtu ansixiyay aanu door xalin ah ka ciyaarayn dhibaatada taagan, balse uu xaaladda sii xumaynayo” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Waxay noo sheegeen in dhibaatada aan lagu xalin doonin jidkaas oo kale, waxaanan rumaysanahay in xubnaha kale ee jaamacadda Carabtu ay sidan oo kale yeeli doonaan”. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhowaan u tagay caasimada Itoobiya ee Addis-Ababa, si uu Abiy Ahmed ugu gudbiyo dhambaal uu usoo dhiibay madaxweyne Farmaajo oo uu ku caddeynayo inay ka xun-yihiin qaraarkaasi uu soo saaray Ururka Jaamacada Carabta oo qeyb ka ahaayeen, isla markaana uu Raali-gelin buuxda ka siiyo. Qaraarka Jaamacadda Carabta ayaa waxaa saxiixay wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdulqaadir Axmed Khayr, oo Soomaaliya uga qeyb galay shirka, hase yeeshee waxaa kasoo horjeestay madaxweyne Farmaajo, oo sheegay inaan lagala tashan. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan lumin karin taageerada Itoobiya, maadaama uu u baahan yahay in ciidankeeda uu adeegsado dagaalka uu kula jiro maamul goboleedyada dalka. Ciidamada Itoobiya ayaa horey loogu adeegsaday maamulka Koonfur Galbeed. Waxay sidoo kale ku sugan yihiin gobolka Gedo, ayada oo horey loogu fashilmay in loo adeegsado maamulka Jubaland, maadaama ay Jubaland taageero ka haysato ciidamada Kenya, oo Itoobiya aysan dooneyn inay isku dhacaan.
-
New York (Caasimadda Online) – Wargeyska Newsweek ee dalka Mareykanka ayaa warbixin uu qoray ku iftiimiyey in dhaqaatiirta adduunka ay bilaabeen inay ku baaqaan taladii uu Rasuulka SCW uu sheegay 1400 sano ka hor, taasoo looga hortagayo cudurada faafa. Arrintaan ayuu wargeyska ku sheegay maqaal uu sameeyey cilmi-baare Mareykan ah oo lagu magacaabo Dr. Craig Considine, kaasoo sheegay in cudurka ka dilaacay adduunyada ee Coronavirus uu ku qasbayo dowladaha iyo aaladaha warbaahinta kala duwan inay bixiyaan talo sax ah oo ka caawineyso bulshada adduunka inay wax ka qabtaan cudurkaan faafayo ee khatarta gelinayo aadanaha oo dhan. Cilmi-baarahaas ayaa intaas ku daray, in Coronavirus dartiis ay sare u kacday baahida loo qabo talada khubarada daryeelka caafimaadka iyo sidoo kale seynisyahanada ku lugta leh daraasadaha cudurada faafa iyo saameyntooda. Cilmi-baarahaan Mareykanka u dhashay oo soo xiganayo Dr. Anthony Fossey oo ku takhasusay cilmiga difaaca Jirka iyo Dr. Sanjay Gupta, oo ah wariye dhanka caafimaadka ayaa yiri “Joogteynta Nadaafadda, karantiilnimada, ama ku-dhaqanka kala fogeynta bulshada, iyadoo la rajeynayo ka-hortagga faafidda cudurrada faafa, waa tallaabada ugu waxtarka badan gaar ahaan waqtigaan hadda la joogo oo adduunyada la tacaaleyso Virus-ka cusub ee Corona”. Considine, oo horey u qoray laba buug oo uu kaga hadlayey Islaamka ayaa la waydiiyey su’aal uu isku dayey inuu ka jawaabo oo aheyd “Ma taqaanaa cidda ku talisay nadaafad iyo karantiil marka uu dillaaco cudur faafa? wuxuu ku jawaabay isagoo leh ” Nabiga Islaamka Muxumed Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ahaatee 1400 sano ka hor”. Qoraaga ayaa hadalkiisa kusii daray “Inkastoo Nabiga Islaamka uusan aheyn khabiir dhanka arrimaha la xiriira cudurada dilaaga ah, haddana wuxuu bixiyey talo fiican oo looga hortagi karo faafitaanka cudurada faafa sida Virus-ka cusub ee Corona”. Qoraaga ayaa sheegay in Nebi Muxammad SCW uu ku taliyay in laga fogaado kuwa cudurada faafa qabo si looga ilaaliyo kuwa caafimaadka qaba, sidoo kalo wuxuu sheegay in Nabiga SCW uu ku booriyay aadanaha inay raacaan caadooyinka nadaafadeed ee maalin walba, taasoo awood u siineyso inay iska difaacaan cudurka isagoo soo daliishanayo dhawr xadiis oo la xiriira Nadaafadda. Wuxuu intaas ku daray: “Nabi Muxamed SCW wuxuu yiri: Haddii aad maqasho dhul gaar ah oo uu ku faafay cudurka Daacuunka ha gelina, balse haddii uu cudurka ku faafo meel aad joogto haka soo bixin, Wuxuu kaloo yiri: Kuwa cudurrada faafa qabo waa in laga ilaaliyaa dadka kale ee caafimaadka qaba.” Qoraaga oo sii wado su’aal is waydiinta ayaa yiri “Haddiiba uu qof xanuunsado, waa maxay talada uu Nabi Muxammad SCW ku taliyey in la siiyo dadka xanuusan? Qoraaga wuxuu ku jawaabay: Runtii wuxuu ku dhiirigaliyey inay raadsadaan dhakhaatiir iyo dawo” wuxuuna qoraaga soo daliishaday Xadiiska uu Nabiga ka wariyey Usaama Bin Sharik ee uu ku yiri ” Acraabi ayaa saruulka ku dhahay “Rasuulkii Allow miyaan is daaweynaa? Rasuulka ayaa yiri: Addoomihii Allow is daaweeya, Ilaahey ma keenin cudur illaa wuxuu u dajiyey daawo hal cudur maahane, waxay Rasuulka ku dhaheyn waa kee cudurkaas, wuxuu ku yiri ” duqnimada” Qoraaga ayaa sheegay in Nabiga Islaamku uu ahaa mid ay ka buuxdo Xikmad isku dheeli tireyso Iimaanka iyo Caqliga, wuxuuna sheegay in asbuucyadii lasoo dhaafay ay qaarkood arkeen in Salaadda kaligeed ay awood u leedahay inay dadka ka ilaaliso Coronavirus, iyadoo aan loo hoggaansamin xeerarka aasaasiga ah ee go’doominta bulshada iyo karantiilka. Dhammaadka maqaalkiisa ayuu qoraaga ku sheegay inay mudan tahay in lagu daydo qisadii uu soo wariyey Tarmadi ee uu ku sheegay in Maalin uu Nabiga u yimid nin reer baadiye ah oo Nabiga kala tashanayey arrin ku saabsan hashiisa: “Nin baa yiri, Rasuulkii Ilaahayow, hasheeda ma xiraa kadibna alle maku kalsoonaadaa, mise waa sii daayaa oo Alle ayaa ku kalsoonaadaa, wuxuu yiri: Xir kadibna Alle ku kalsoonow”. Qoraaga ayaa sheegay inkasta oo uu Nabiga Maxamed SCW ku taliyay in diinta ay tahay dastuur dhameystiran oo dhanka nolosha aadanaha, wuxuu sidoo kale ku booriyay in taxadarka lagama maarmaanka ah la qaado si loo hubiyo xasilloonida, nabadgeliyada iyo wanaagga dhammaan.
-
Telesom oo xal u keentay hakadkii waxbarasho ee uu Sababey Xanuunka Coronavirus “Maanta waa maalin Taariikhi ah”, Cabdikariin Maxamed Iid “Waxaanu balan-qaadeynaa in wixii loo baahdo ee tiknoolaji ah ama kaabo dhaqaale…” Cabdikariin Maxamed Iid Shirkadda Telesom ayaa maanta soo bandhigtay adeeg cusub loogu magac darey TABSERA, kaasi oo ay goobaha waxbarashadu si toos ah uga gudbin karaan casharadda qaab online ah. Nidaamkan waxbarasho ee Tabsera ayaa lagu soo bandhigey xarunta shirkadda Telesom ee Shacabka, waxaana ka soo qayb-galay Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, wasiirka Waxbarashada, Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada, boodhka iyo guddoomiyaha shirkadda Telesom, masuuliyiin ka socday Jaamacadaha: Hargeysa iyo Camuud, Machadka Tababaradda Shaqaalaha Dawladda, daladaha iyo maamulayaasha dugsiyadda gaarka loo leeyahay. Guddoomiyaha shirkadda Telesom Md. Cabdikariin Maxamed Iid oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay in adeegan cusub ee TABSERA uu dabooli doono baahida waxbarasho ee uu hakadka galiyey ka feejignaanta xanuunka Coronavirus. Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Md. Cabdikariin ayaa sidoo sheegay inay tahay maalin taariikhiya oo adeegani saameyn weyn ku yeelan doono mustaqbalka waxbarashada dalka. “Wargeyska the Guardian ayaa qortay in 850 milyan oo arday ay hadda iskuulada dibadda ka joogaan. Waxaynu halkan u joognaa siday bay ardeydeenu waxbarashada u sii wadan karaan”, ayuu yidhi Md. Cabdirkariin Maxamed Iid. Md. Cabdikariin ayaa yidhi, “Waxaanu balan-qaadeynaa in wixii loo baahdo ee tiknoolaji ah ama kaabo dhaqaale ah ee anaga dhinacayaga nagu xidhan, intaanu gacan ka geysan karno ka geysano, insha Allaah”. Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Md. Cabdiwali Sh. Cabdilaahi Suufi ayaa shirkadda Telesom uga mahadnaqay nidaamka Waxbarashada Online ah ee Tabsera, isagoo ka hadlay faa’iidada uu leeyahay. Waxaanu yidhi, “Waxaan ku hambalyeynayaa shirkadda Telesom inay inoo soo bandhigtay system-kam. E-learning-ku wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan oo ay ka mid tahay in ardeygu wixii loo duubay inuu dib u akhriyo ama u dheysto”. Wasiirka Waxbarashadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Diiriye (Axmed Toorno) ayaa si weyn u soo dhaweeyey nidaamka Waxbarashada TABSERA waxanu sheegay inuu wax weyn ka tari doono horumarinta waxbarashada Somaliland, “Arintan aynu maanta iskugu nimid aniga dhawr meelood ayey farxad iiga tahay, ta koowaad, barnaamijkani waa mid waxbarashadda wax ka tarayaa, mar labaad waxaan ka tirsanahay guddidii madaxweynuhu magacaabay ee u toog-heynta xanuunka hadda yimid, oo markaa sii wadista warbarashada wax ka tarayaa”, ayuu yidhi wasiirku. Masuuliyiin ka socday Jaamacadaha Camuud, Hargeysa iyo Machadka Tababaradda Shaqaalah Dawladda ee CSI ayaa sheegay inay ka faa’iidan doonaan hanaankan waxbarashada Online ah ee TABSERA. Guddoomiyaha dugsiyadda Al-daareyn Sheekh Maxamed Sheekh Dalmar oo door weyn ka soo qaatay, fikraddo bandanna ku soo kordhiyey hanaankan warbarashada online-ka ah ee TABSERA oo ka hadlay xafladda ayaa shirkadda Telesom ku bogaadiyey hirgalinta adeegan waxbarasho, isaga oo sheegay inay ka wadda shaqeyn doonaan dugsiyada waxbarasho iyo shirkaddu sidii loo sii horumarin lahaa. Maamulaha guud ee dugsiyadda Nuuradiin Xaaji Mahad Ibraahim Maxamed oo ka hadlay munaasibadda daah-furka ayaa waxa uu yidhi, “Barnaamijkan waxaa la yidhaahdaa TABSERA. Tabsera waa kalmad Quraan ah. Magacaa aad baan u bogaadinayaa ciddii bixisay, khayr Allaha ha siiyo. Waa magac aad u qiimo badan Tabsera. Aduunyadda hal-abuurka iyo ibdaaca iyo in mashaakilaadka xal loo helaa waa waxa ummaduhu isku dhaafaan”. TABSERA waa tiknoolajiyad ay isticmaali doonaan dhammaan goobaha waxbarashada iyagoo adeegsana macalimiintooda iyo manaahijtooda, TABSERA waxaa si wadda jira ah u isticmaalaya macalinka, ardeyga iyo waalidka. Sidoo kale waxaa uu leeyahay sabuurad digital ah oo leh dhamaan agabta wax lagu qoro iyo kuwa wax lagu sawiro. Sdioo kale waxaa si toosa u wadda xidhiidhi kara ardeyga iyo macalinka. HALKAN KA DAAWO WARKA BARNAAMIJKAN TABSERA: Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya dood ku saabsan sida loo soo xulayo ciidan ku jira Milateriga Soomaaliya oo loo qaadayo tababar muhiim ah oo ka dhacaya dalka dibadiisa. Khilaafkaan ayaa salka ku haayo in ciidanka loo soo xulo qaab ku saleysan qabiil iyo in loo soo xulo nidaam kale oo u degsan ciidanka qaranka, gaar ahaan wasaaradda difaaca, balse waxaa diidan haweeney ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Tababarka ciidankaan oo ah mid casri islamarkaana ay ka faa’iideysan doonaan tiro kooban ayaa la qorsheeyay inuu dhawaan dibadd ka dhaco balse waxaa dib u dhigay dood taagneed iyo cudurka Coronavirus, waxayna wararku sheegayaan in loo qaadi lahaa Turkiga halka warar kalane ay sheegayaa in loo qaadi lahaa Ruushka oo muddo dheer kadib billaabaya tababarka saraakiisha ciidamada Soomaaliya. “Haweeney xafiiska ra’iisul wasaaraha ka tirsan oo ciidamada qaabilsan waxay dalbatay in iyada ay soo xusho halka taliyaha xoogga uu diiday waxayna arrintu u gudubtay ra’iisal wasaaraha iyo madaxweyanha,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan xarunta taliska Xoogga ee Gaashaandhiga Soomaaliya. Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay ka dhamaan la’a khilaaf iyo muran kala dhaxeeya xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre.
-
Humburg (Caasimada Online) – Dalka Jarmalka waxaa uu ka mid yahay dalalka ku yaal qaaradda Yurub ee la daalaa dhacaya dhibaatada ka dhalatay xanuunka safmarka ah ee corona ee faraha ba’an ku haya dalal ka badan 150. Dalkaas Jarmalkana waxaa ku nool Soomaali badan kuwaas oo qaar ka mid ah la sheegayo in laga helay cudurka Corona. Waxaa dadkaas ka mid ah Maxamed Cabdi Jaamac, oo ku nool magaalada Hamburg ee waddankaas, oo ka hadlay wadada uu maray markii cudurkan lagu sheegayay. “Isbitaalkii baan tagay dhacaan bay iga qaadeen kabacdi xaafadaan iska aaday oo annagaa ku soo wacayno ayey dhaheen, ileen jawaabta waxa ay qaadanaysaa 24 saacadood, marka waxyar bay kuu dhiibayaan guuntaad iska galinaysaa waad ku celinaysaa, annagaa ku soo wacayno ayey igu dhaheen oo numbar ayey iga qorteen, hadda dhaw bay isoo waceen oo cudurkii baad qabtaa bay igu dhaheen, laba todobaad waa inaad gurigaaga joogtaa oo aadan bixin,” ayuu yiri Maxamed oo la hadlay BBC-da. Maxamed ayaa waxa uu ka hadlay calaamadaha uu isku arkay ka hor inta uusan baaritaanka samayn: “Waxaan isku arkay riiraxyo iyo dhuunta oo i xanuunayso, kabacdi hergab inuu yahay baan aaminay, waxaan dareemay wareer, dhegaha oo i xanuunaya, labada dhafoor oo aad ii xanuunaya, tabar darro qufac iyo qandho aan jirkayga ka baxayn.” ayuu yiri Maxamed. “Markasta waxaan dareemayay in waxan uu yahay wax hergab ka wayn ileen hergab weligay afar maalmood ka badan lama xanuunsan, marka waan dareemay waxan inay yihiin wax aan caadi ahayn sidaas darteed baana shaki igu jiray saddexdii maalmood ee ugu dambaysay shaki baa igu jiray sidaas ayaan keentay inaan dhakhtarka aado oo isa soo baaro.” Wiilkan Soomaaliga ah ee ku nool dalka Jarmalka ee laga helay cudurka coronavirus ayaa waxa uu u walwalsan yahay Soomaalida kale ee uu ku arkay caalamadaha uu markii hore isku arkay ee misana aan isa soo baarayn. “Dhibaatada jirta ayaa waxa ay tahay Soomaali badan oo magaalada Hamburg joogta oo gaaraysa 5 ilaa 6 oo maalmahaan xanuunsanaa wada xiriirnay, kuli inta aan dareemayo ayey dareemayaan qof rabo inuu isbaaro ma jirto, marka waxaan dhihi lahaa war heedhe ha la isa soo baaro oo qofka horta ha ogaado waxaan hayo Ilaah baa caafimaad hayee Alxamdullilaahi Rabil Caalamiinee, oo waa in qofka uu ku qanco wixii ku dhaco.” ayuu yiri Maxamed. “Dad badan baan aqaanaa oo kow iyo laba iyo saddex midna aan ahayn oo magaalada ila joogo oo dhalinyara ah oo Soomaali ah oo isnaqaanno oo kuligood wada qandhan oo qufacaya, oo ku dhahayo calaamadahaas lagaa helay annagana waan dareemaynaa aanan rabinna inay isbitaalka aadaan.” ayuu yiri Maxamed Cabdi. Isha: BBC
-
Battle for Nile waters spills over to East African capitals
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kenya has been thrust into the competing interests of Ethiopia and Egypt, who are jostling for regional support for a decisive agreement on a dam being built on the Nile. The tussle, which kicked off two weeks ago, represents the latest haggling over the use of the Nile waters, a perennial discussion that has lasted 60 years. At the centre of the debate is the Grand Renaissance Dam (GERD) in Ethiopia, which Egypt sees as a threat to its water source. But it has roped in riparian countries like Kenya, who form a group aggrieved by a colonial-era treaty that gave Egypt massive rights and control over the waters of the Nile. NILE BASIN Sources said Ethiopia was tapping this grievance to seek support from Kenya, Uganda, Rwanda and other countries in the Nile basin affected by the old treaty. The Basin includes 11 countries. Egypt, in turn, is seeking to divide countries in the eastern Africa region and roil any joint statements. That fight manifested this week when President Uhuru Kenyatta reportedly promised his Egyptian counterpart Abdelfattah al-Sisi Nairobi’s support. Bassam Rady, al-Sisi’s spokesman, told Egyptian media that President Kenyatta had told his counterpart the Egyptian stand on the GERD was a result of “sincere political will”. The revelations by Egypt were, however, clarified by Nairobi a day later, with officials insisting Kenya supports an appropriate agreement reached by negotiations between African countries themselves. Officials who spoke to the Sunday Nation said Kenya sees sharing of water volumes of the Nile as one aspect that must be addressed through the African Union and not external bodies as the GERD issue has been negotiated, in order to benefit all riparian states. The GERD, a $4.5 billion (Sh450 billion) project on the Nile’s main tributary in Ethiopia (the Blue Nile), was supposed to boost electricity generation once full, producing up to 6.5GW of power. But the project, largely funded by Ethiopians themselves, has seen opposition from Egypt, which argues that the programme to fill it might deny Cairo its “historical and rightful share” of the water. NEGOTIATIONS President Kenyatta’s call with the Egyptian leader had followed a cancellation of a trip by Foreign Minister Sameh Shoukry due to the Covid-19 outbreak. But the Ethiopians had sent President Sahle-Work Zewde to Kenya, Uganda and Rwanda to “brief” the leaders on the negotiations between Ethiopia, Sudan and Egypt on GERD, which Addis Ababa says “collapsed”. On March 12, the Ethiopian leader warned there could be problems if any contentious agreement on the Nile was implemented. “The President also underscored Ethiopia’s commitment to continue working with all Nile Basin countries, and to ensure that only treaties that are properly entered into by the countries will apply to the basin,” a dispatch from Addis Ababa said of Mrs Sahle-Work’s visit in Nairobi. In turn, President Kenyatta called for a review of agreements on the Nile to take into consideration the “needs of its increasing populations”. “The President (Kenyatta) also emphasised the importance of ensuring equitable and reasonable utilisation of natural resources. The two leaders agreed on the importance of reaching a resolution in the spirit of African Solutions to African Problems and concurred on the need for the African Union to support the countries reach a win-win outcome.” At a meeting with Ugandan President Yoweri Museveni on March 13, the Ethiopian leader was told Uganda supports equitable distribution of the Nile waters. “The two leaders recognised the strategic importance of the Nile for all the riparian countries, the livelihood of their peoples and the need to solve any issues among the countries.” President Museveni even called for “frank” discussions on the Nile, possibly through a summit by riparian countries, according to a statement from their meeting. In Rwanda, President Paul Kagame also supported renegotiations to allow riparian countries more rights and control on their natural resources. HISTORICAL RIGHTS Egypt’s strategy on the Nile has been to seek support of blocs. A fortnight ago, Cairo tabled a motion to the Arab League which endorsed a communique supporting Egypt’s historical rights and urged for a rejection of any decisions that could alter or threaten the Egyptian share of the Nile. Sudan, a member of the League, refused to endorse the declaration, warning such a move could risk cooperation between the League and Ethiopia, and did not serve its national interests. Somalia, though, endorsed the declaration. Last week Somali Prime Minister Hassan Khaire rushed to Addis Ababa to clarify Mogadishu’s stance on “horn of Africa integration”, interpreted to mean a change of mind from what a “junior officer” had voted. Later, a statement from Addis Ababa said Somalia and Djibouti respectively called for bilateral and win-win solutions. The dam itself became the central point of contention after negotiations facilitated by the US Treasury collapsed two weeks ago. Ethiopia had skipped the final negotiations, saying it wanted more time. Washington had tabled a draft agreement and asked the three countries to sign. Cairo initialled on it, which in diplomatic parlance signals an end to negotiations. Addis Ababa was furious. Ethiopian Ambassador to Kenya Meles Alem Tekea told the Sunday Nation the issue on GERD should be seen as a beneficial project for all the three countries, and that Egypt should not force through its stances. “If there was justice in the world, then Sudan and Egypt should have contributed for the completion of the dam as they also benefit,” he said on Friday. “The dam will boost the flow of water by reducing annual flooding and siltation, which affects Sudan most. Besides, all the three countries stand a chance to utilise the electricity produced at a reasonable price.” Some observers, though, think the Nile debate could be a chance for riparian countries to settle scores among themselves by supporting Egypt, especially if they disagree on other matters. An assessment by the International Crisis Group this week said the three countries could reach an amicable deal if they appointed a joint arbiter. Source: Daily Nation -
At least four people, including a town police chief, were killed after a bomb blast in Somalia on Sunday afternoon, the officials said. Ismail Mukhtar Orongo, a Somali government spokesman, told Anadolu Agency over the phone that Abdikadir Osman Nuunow, Afgoye district police chief was killed alongside his three bodyguards. Two others were also wounded. “Abdukadir Osman Mursal Nunow and his three bodyguards were killed while two others were wounded after a roadside bomb blast targeted his vehicle in Hawa Abdi [outskirts of Afgoye town] this afternoon,” Mukhtar said. Police officers reached the scene and transported the wounded to Mogadishu hospitals for treatment, he added. Hawa Abdi is located 20.5 kilometers (12 miles) southwest of the capital Mogadishu. No group has yet claimed responsibility for the bomb blast attack on Sunday but Somali-based al-Qaeda ally group al-Shabaab had carried out recent attacks in the Horn of the African country.
-
Xil. Mukhtaar Axmed Cumar Tinle Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur, oo wareysi gaar ah siiyay Puntland Post, ayaa faahfaahin ka bixiyay dil caawa ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo lagu dilay xildhibaan ka tirsan Golaha Degaanka Gaalkacyo. Xildhibaanka oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Axmed Cumar (Tinle), ayaa laba nin oo bastoolado ku hubaysan waxay ku toogteen bartamaha magaalada Gaalkacyo, waxaana dhaawaciisa loola cararay isbitaalka, halkaas oo uu markii dambe ku geeriyooday, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Mudug. “Haa, waa isa’ soo kor taageen isagoo meherad ka soo horjeedda Somteel jooga, laba nin bay ahaayeen, bastoolad bay ku dhufteen, way carareen. Dariiqaa waxay soo mareen Saylaan, aaggaas markay marayeen askari qori sitaan ka horyimid isagiina xabad bay ku dhufteen oo waa dhaawac” ayuu yiri Guddoomiyaha. Sidoo kale, dableeyda hubaysan oo aan gacanta lagu dhigin, ayaa dhaawac u gaystay askari ka tirsan ciidamada Puntland oo meel kale kaga soo baxay, kadib markii ay ka soo carareen goobta ay xildhibaanka ku dileen. Ma jirto ilaa iyo haatan cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi, inkastoo malayshiyaadka Al-shabaab looga bartay weerarada noocaas oo kale ah. Hoos ka daawo wareysiga Guddoomiyaha PUNTLAND POST The post Puntland: Xildhibaan lagu dilay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Bar-____-Qumanah-Wararka-22032020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa soo dhoweeyay ansixinta sharciga doorashooyinka heer federaal iyo meelmarintiisa,wuxuuna guddiga ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo horay loo qaaday. Sidoo kale Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ka codsaday goleyaasha sharci dejinta iney dedejiyaan meelmarinta dib u eegista sharciga Xisbiyada oo hadda horyaala Golaha Shacabka si xisbiyada ugu gudbaan xisbiyo rasmi ah oo sharciyad u leh iney ka qeyb galaan doorashada 2020/21. View the full article
-
Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa si adag uga jawaabay hadal maanta kasoo yeeray guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo labada Aqal ee baarlamanka Soomaaliya ka dalbatay in ay dedejiyaan meel marinta dib u eegista sharciga xisbiyada ee dalka. Qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in hadalka guddoomiyaha guddiga doorashooyinka uu yahay mid looga hordhacayo dadaallada ay wado Puntland. Sidoo kale qoraalka Puntland ayaa lagu sheegay warka kasoo baxay guddiga doorashooyinka lagu fashilinayo gogosha wadahadal ee Madaxweynaha Puntland uu iclaamiyey, taas oo la dhigay magaalada Garowe, kadib shirkii wadatashiga Puntland. “Guddiga Doorashada DFS hadalka ay hadda soo jeediyeen ma aha mid sharci waa-hore la ansixiyey lagu taageerayo, ee waxaan u arkaa mid looga hordhacayo dadaalada ay Puntland wado, laguna fashilinayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay”ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale warkan kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay hadalka guddoomiyaha guddiga doorashooyinka uu ka dhiganyahay tallaabadii labaad ee lagu hor istaagayo gogosha uu fidiyey Madaxweyne Deni, kadib hadalkii maalin ka hor kasoo yeeray wasiirrada federaalka ee ka qeyb galay shirkii wadatashiga ee ka dhacay Garowe. “Waa tallaabo labaad oo jid-gooyo ah, marka laga soo tago warsaxaafadeedkii ay Wasiiradu qabteen” ayaa lagu yiri jawaabta Madaxweyne Deni. Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) oo maanta shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa labada gole ee Baarlamaanka federalka Soomaaliya ka dalbatay in ay dadajiyaan meel marinta dib u eegista sharciga xisbiyada si ay ugu gudbaan xisbiyo sax ah oo ay kumeel gaarnimada uga soo gudbaan ugana qeyb galaan doorashada 2020-2021-ka. Guddoomiye Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in xisbiyada sida kumeel gaarka ah isku diiwaan galiyey ay soo buuxiyaan shuruudaha looga baahan yahay si ay ugu gudbaan xisbi rasmi ah. Iyadoo shacabka Soomaaliyeed ka dalbatay in ay ka qayb qaataan xaqiijinta iyo hergalinta howlaha muhiika u ah doorashada la filaayo in dabayaaqada sanadkan ay ka bilaawdaan dalka
-
WASHINGTON VOA) - A Washington-based software developer is recruiting other techies to combat the spread of the new coronavirus in his native Ethiopia, following the lead of countries such as China and South Korea with early experience in what is now a global pandemic. Source: Hiiraan Online
-
Mandera miraa (khat) traders on Sunday morning engaged police in running battles over miraa ban in the region. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in ay lama huraan tahay wadahadallo dhex mara dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah. Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in hadii dhinacyadu wadahadlaan oo heshiiyaan fursad loo helayo in laga faa’iideysto deyn cafinta, doorashooyinka oo ku dhaca waqtigooda iyo ka hortaga cudurka Coronavirus. “Wadahadalka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo hogaamiyaasha maamul goboleedyada waa lama huraan, si looga faa’iideysto dalka deyn cafintiisa, la keeno doorashooyin toos ah oo qaran oo waqtigeeda ku habboon waafaqsana sharciga cusub, iyo wax ka qabashada coronavirus. Waxaan soo dhaweynayaa talaabooyinkaan muuqda ee horay loo qaaday, waxaana rajeynayaa in kuwa ay khuseyso ay ku heshiin karaan in ay u kulmaan dhakhsi”ayuu qoraalkiisa ku yiri safiirka UK ee Soomaaliya. Dhinaca kale Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya oo daba socda qoraal shalay kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya sida kaliya oo wadahadallo ay u yeelan karaan ay tahay in ay muujiyaan isku tanaasul. “Ergeda Midowga Yurub ee Soomaaliya waxay ku raacsan QM. Waxaan rumeysanahay in ayada oo la isku xirayo mabaadi’ida iyo garowshiiyaha, lana sameynayo tanaasul ay tahay sida kaliya ee wada-hadallada siyaasadeed loogu jiheyn karo waddada saxda ah”ayuu yiri. Shalay ayaa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa uu soo dhaweeyey go’aanka uu madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ku qaatay inuu ku yimaado magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Sidoo kale qoraalka Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegtay inay ku faraxsan tahay xubnaha Dowladda Soomaaliya ka socday ee ka qeybgalay shirka wadatashiga Puntland, isla markaana ay ka war sugayaan natiijada wadahadallada Madaxweyne Farmaajo iyo Saciid Deni. “Xaafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya wuxuu amaanay damaca Madaxweyne Deni ee ah in uu soo booqdo Muqdisho, wuuna ku faraxsanyahay waftigii dowladda ee shirkii wadatashiga Puntland ayaa soo dhoweeyay arrintan. Waxaan sugeynaa kulanka u dhexeeya Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Farmaajo, si loo sii amba qaado wadahadallada danaha guud” ayaa lagu yiri qoraalkii Qaramada Midoobey. Taageeradaan ay muujinayaan dhinacyada caalamka ayaa ku soo aadeysa, kadib markii madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni uu ka dhawaajiyey in uu socdaal ku marayo magaalo-madyada maamul goboleedyada dalka. Sidoo kale Deni ayaa ka dhawaajiyey in safarkiisa ugu horeey uu ku imaanayo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo uusan cag soo dhigin tan iyo markii loo doortay hoggaamiyaha Puntland 8-dii Janaayo 2019, iyadoo xilligaas wixii ka dambeeyey ay marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareereysay xiisadda siyaasadeed ee xukuumaddiisa kala dhaxeysa madaxda federaalka.
-
Taliyihii Saldhigga ciidamada Booliska degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa lagu dilay qarax loogu xiray gaarigiisa xili uu marayey wadada xiriirisa Muqdisho iyo degmada Afgooye. Taliye Cabdiqaadir Cismaan Mursal (Nuunow) ayaa qaraxu haleelay xili uu marayey deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho. Wararka ayaa intaasi ku daya in taliyaha ay la geeriyoodeen sedex askari oo karirsanaa ilaaladiisa, kuwaas oo saarnaa gaariga taliyaha uu la socday ee qaraxa lagu xiray. Wadada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ayaa waxaa inta badan weeraro iyo qaraxyo loogu geystaa ciidamada iyo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Wargeyska New York Times ee Mareykanka ayaa qoray in kooxda Al-Shabaab ay halis cusub oo aan horey loo arag ku tahay danaha Mareykanka ee Bariga Africa iyo gudaha Mareykanka. Warbixin dheer oo wargeyska uu qoray ayuu ku sheegay in Al-Shabaab ay qorsheyneyso weerar la mid ah kii Al-Qacida ay sanaddii 2001 ka fulisay Mareykanka, ayada adeegsaneysa diyaarado. Dhowaan, laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo baranayey habka loo duuliyo diyaaradaha ayaa lagu kala xiray dalka Philippines iyo dal kale oo African ah, oo aan la shaacin weli, sida ay saraakiil sirdoon u sheegeen New York Times. Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika Gen. Stephen Townsend ayaa bishan isaga oo la hadlayay guddi ka tirsan Aqalka Koongareeska Mareykanka sheegay in khatarta Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya, tan gobolka, iyo guud ahaan caalamkuba ay tahay mid dhab ah. Haddaba, maxaa keenaya in Al-Shabaab oo ay aad u kooban tahay dhulka ay maamusho ay khatar ku noqdaan ammaanka Bariga Afrika iyo danaha Mareykanka? Taliye ku xigeenka hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA, Ismaaciil Daahir Cusmaan oo wareysi siiyey idaacadda VOA, ayaa ka jawaabay arrintan. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/03/d810d924-6e19-4b44-9106-1b851a89730b_48k.mp3
-
Popular Contributors
