-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamo dheeraad ah oo kuwa Boolis ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay la geeyey xadka dheer ee ay wadaagaan wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya, si loo xakameeyo cudurka Coronavirus. Wararka ayaa lagu sheegaya in ciidamadaasi ay fulin doonaan amarkii ka soo baxay dowladda Soomaaliya iyo HirShabelle, kaas oo ahaa in la xiro xadka labada dal. Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jeyte Cismaan iyo wafdi uu hoggaamanayo ayaa booqasho ku tegay deegaanada dhaca xadka, isagoona u kuur galaya xaaladda guud iyo sida ay u howlgalayaan ciidamada Booliska la geeyey halkaasi. Sidoo kale Jeyte ayaa shaaciyey in haatan wixii ka dambeeya la hakiyey dhaq dhaqaaqa xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, si bulshada looga bad-baadiyo Fayruska Corona. Tallaabadaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ay qeylo dhaan ka soo yeereysay madaxda HirShabelle, kuwaas oo ka cabanayey furnaashaha xuduuda labada dowladood oo maalmihii u dambeeyey laga soo gudbinayey Qaad fara badan. Dowladda dgexe ee Soomaaliya ayaa wada dadaallo lagu xakameynayo cudurka saf-marka ee Coronavirus, iyadoona horay u xirtay xadka ay dhanka gobolka Gedo kala wadaagto Kenya, sidoo kalena joojisay duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah intaba.
-
Kulan ay khadka internet-ka (video conference) ku yeesheen xubnaha guddiga Qaran ee ka hortagga Covid-19, ayaa looga hadlay wax ka qabashada xaaladaha taagan, dadaallada naf-badbaadinta, muhiimadda ay leedahay wacyi-gelinta bulshada iyo gargaaridda dadka nugul ee cudurku uu ku yeelanayo saameynta dhaqaale. Guddiga ayaa kulanka kusoo bandhigay warbixinnadii ugu dambeeyay ee xaaladda COVID-19 ee dalka, dadaallada loogu jiro xakameynta faafitaankiisa, caqabadaha iyo fursadaha jira, waxaana la isku raacay in la dardar geliyo dadaallada socda, hannaan wadajir ahna loo abbaaro kahor-tagidda khatarta bulshada uga imaan karta cudurkaan safmarka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo shirka guddoomiyay ayaa faray wasiirrada Qorsheynta, gargaarka iyo arrimaha gudaha in Hey’adaha dalka ka howl gala ay ku war geliyaan inay gargaaraan dadka danta yar ee dhibaatadu kasoo gaareyso saameynta COVID-19. Ganacsatada Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday inay qaybtooda ka qaataan kaalmeynta dadka nugul. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale guddiga faray in sare loo qaado wacyi gelinta bulshada iyada oo ay ka qayb qaadanayaan Culimada, dhaqaatiirta iyo dhammaan dadka indhaha u ah bulshada, si dadka Soomaaliyeed ay wax badan uga ogaadaan cudurka, ayna qayb uga noqdaan dadaallada lagu xakameynayo. Guddiga Qaran ee ka hortagga Covid-19 oo dadaal xooggan ugu jira ka guuleysiga cudurka dunida dhibaatada badan ku haya, ayaa ku guuleystay fulinta qorshayaal badan oo qayb ka qaadanaya yareynta faafitaanka cudurka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-14042020.mp3 View the full article
-
Guddiga dowladda Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka Coronavirus ayaa xaqiijiyay in shalay gudaha Puntland lagu karantiilay laba ruux oo looga shakiyay cudurka COVID-19 inkastoo aysan shaacin halka labadaas ruux ku sugan yihiin. Qoraal xalay ka soo baxay guddiga ka hortagga iyo wacyi-gelinta cudurka Coronavirus ee Puntland ayaa lagu sheegay in guddigu ay Isniintii shalay karantiileen laba qof oo lagu arkay caalamadaha xanuunka COVID-19 kuwaas oo looga shakiyay in ay xanuunka qabaan. Qoraalka guddiga ayaa sidoo kale lagu xusay in labadaasi qof baaritaan lagu sameeyay si loo xaqiijiyo haddii ay qabaan xanuunka islamarkaana baaritaankaas oo isla shalay la qaaday ay guddigu sugayaan natiijada ka soo baxda. Guddiga ka hortagga iyo wacyi-gelinta ee Puntland ayaa horay u karantiilay shan ruux oo looga shakiyay xanuunka COVID-19 balse baaritaan kadib dhammaantood waa laga waayay xanuunka sida ay guddiga sheegeen. PUNTLAND POST The post Puntland: Dad looga shakiyay Coronavirus oo la karantiilay appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, ayaa amar ku bixiyay in loo gargaaro dadka danyarta ah ee uu saamaynta xooggan ku yeeshay xanuunka Coronavirus. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa amarkaasi bixiyay, kadib markii uu shir-guddoomiyay Kulan ay khadka internet-ka (video conference) ku yeesheen xubnaha guddiga heer Federaal ee ka hortagga Covid-19, kaasi oo looga hadlay wax ka qabashada xaaladaha taagan, dadaallada naf-badbaadinta, muhiimadda ay leedahay wacyi-gelinta bulshada iyo gargaaridda dadka nugul ee cudurku uu ku yeelanayo saameynta dhaqaale. Guddiga ayaa kulanka kusoo bandhigay warbixinnadii ugu dambeeyay ee xaaladda COVID-19 ee dalka, dadaallada loogu jiro xakameynta faafitaankiisa, caqabadaha iyo fursadaha jira, waxaana la isku raacay in la dardar geliyo dadaallada socda, hannaan wadajir ahna loo abbaaro kahor-tagidda khatarta bulshada uga imaan karta cudurkaan safmarka ah. Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre, ayaa faray wasiirrada Qorsheynta, Gargaarka iyo Arrimaha gudaha in Hey’adaha dalka ka howl gala ay ku war geliyaan inay gargaaraan dadka danta yar ee dhibaatadu kasoo gaareyso saameynta COVID-19. Ganacsatada Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday inay qaybtooda ka qaataan kaalmeynta dadka nugul. sidoo kale, wuxuu guddiga faray in sare loo qaado wacyi gelinta bulshada iyada oo ay ka qayb qaadanayaan Culimada, dhaqaatiirta iyo dhammaan dadka indhaha u ah bulshada, si dadka Soomaaliyeed ay wax badan uga ogaadaan cudurka, ayna qayb uga noqdaan dadaallada lagu xakameynayo. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo amray in Gargaar loo fidiyo Danyarta uu saameeyay COVID-19 appeared first on Puntland Post.
-
In clear terms, the Somali people expects with no excuse or delay free and fair election in 2020/2021. But, because of the federal government’s abject failure and disinterest to organize and hold free and fair elections as scheduled by the late of this year and the devastating COVID-19 Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay khadka internet-ka (video conference) ku yeesheen xubnaha guddiga Qaran ee ka hortagga Covid-19, ayaa looga hadlay wax ka qabashada xaaladaha taagan, dadaallada naf-badbaadinta, muhiimadda ay leedahay wacyi-gelinta bulshada iyo gargaaridda dadka nugul ee cudurku uu ku yeelanayo saameynta dhaqaale. Guddiga ayaa kulanka kusoo bandhigay warbixinnadii ugu dambeeyay ee xaaladda COVID-19 ee dalka, dadaallada loogu jiro xakameynta faafitaankiisa, caqabadaha iyo fursadaha jira, waxaana la isku raacay in la dardar geliyo dadaallada socda, hannaan wadajir ahna loo abbaaro kahor-tagidda khatarta bulshada uga imaan karta cudurkaan safmarka ah. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo shirka guddoomiyay ayaa faray wasiirrada Qorsheynta, gargaarka iyo arrimaha gudaha in Hey’adaha dalka ka howl gala ay ku war geliyaan inay gargaaraan dadka danta yar ee dhibaatadu kasoo gaareyso saameynta COVID-19. Ganacsatada Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday inay qaybtooda ka qaataan kaalmeynta dadka nugul. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale guddiga faray in sare loo qaado wacyi gelinta bulshada iyada oo ay ka qayb qaadanayaan Culimada, dhaqaatiirta iyo dhammaan dadka indhaha u ah bulshada, si dadka Soomaaliyeed ay wax badan uga ogaadaan cudurka, ayna qayb uga noqdaan dadaallada lagu xakameynayo. Guddiga Qaran ee ka hortagga Covid-19 oo dadaal xooggan ugu jira ka guuleysiga cudurka dunida dhibaatada badan ku haya, ayaa ku guuleystay fulinta qorshayaal badan oo qayb ka qaadanaya yareynta faafitaanka cudurka.
-
Dowlad goboleedka Jubaland ayaa xalay shaaciyay in labadii kiis ee u horreeyay xanuunka Coronavirus laga helay gudaha Jubaland gaar ahaanna magaalada Kismaayo. Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Jubaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa laga soo xigtay in laba ruux oo ku sugan magaalada Kismaayo laga helay cudurka COVID-19 kadib markii ay soo baxday natiijada baaritaan lagu sameeyay oo loo qaaday magaalada Muqdisho. Wasiir Darwiish oo ah guddoomiyaha guddiga ka hortaga Coronavirus ee Jubaland ayaa tilmaamay in labada qof ee laga helay cudurka lagu karantiilay isbitaalka Kismaayo halkaasna lagula tacaalayo xaaladdooda caafimaad. Sidoo kale xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Iyana xalay shaacisay in shalay oo keliya 32 kiis oo Coronavirus ah laga diiwaan-geliyay magaalada Muqdisho halka 2 kiis laga diiwaan-geliyay Hargeysa midna magaalada Boorama. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in wadarta guud ee kiisaska laga diiwaan-geliyay dalka ay dhan yihiin 60 kiis waxaana haddii 2-da kiis ee Jubaland lagu daro ay noqonayaan 62 xaaladood. PUNTLAND POST The post Jubaland oo shaacisay in dadkii u horreeyay Kismaayo laga helay Coronavirus appeared first on Puntland Post.
-
Madasha Xisbiyada Mucaaradsan dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka dhisan magaalada Muqdisho ayaa soo saaray talooyin la xiriira ka hortagga iyo xakamaynta xanuunka Coronavirus si looga gaashaanto in cudurkaas uusan ku faafin dalka. Madasha ayaa soo jeediyay in dadka Soomaaliyeed dowlad iyo shacabba loo midoobo ka hortagga iyo xakamaynta faafidda xanuunka COVID-19 oo dunida dhibaato ba’an ku haya islamarkaana kiisas kamid ah laga helay gudaha dalka. Madasha Xisbiyadu waxay sidoo kale dowladda Soomaaliya u soo jeediyeen in ay dalka keento agab caafimaad oo ku filan ka hortagga iyo xakamaynta cudurkaas sidoo kalena ay badiso xarumaha lagu karantiilo dadka xanuunka laga helo si loo dardar geliyo ka hortagga faafidda COVID-19. Sidoo kale Madasha Xisbiyadu waxay soo jeedisay in dhammaan hay’adaha heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ee dalka ay u midoobaan dadaallada lagu xakamaynayo faafidda cudurka Coronavirus. PUNTLAND POST The post Madasha Xisbiyada Muqdisho oo soo bandhigay talooyin la xiriira Xakamaynta COVID-19 appeared first on Puntland Post.
-
Africans are reportedly evicted from their homes, tested for coronavirus several times and shunned in public. Source: Hiiraan Online
-
Djibouti on Monday reported 83 new confirmed COVID-19 cases, bringing the country's total to 298.This is one of the highest in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in inta badan Isbitaallada magaalada Muqdisho ee sida gaarka ah loo leeyahay ay joojiyeen qaabilaada bukaanada cusub ee Isbitaallada yimaada. Wararka aan helnay ayaa sheegeysa in maamullada Isbitaalada ay ilaaladooda ku wargeliyeen in aysan soo daayin bukaan cusub, xitaa dumarka foosha ah sabab la xariirta cabsida cudurka COVID-19. Dhowr qof oo hadda ku xanuunsan Muqdisho ayaa tagay Isbitaalada qaar waxaana loo sheegay in aan la qaabili karin sabab la xariirta cabsida Coronavirus oo dalka ku sii baahaya. “Isbitaalada Digfeer iyo Aadan Cadde ayaa la xiray kadib markii lagu arkay kiisas COVID-19 ah, waxaa ku dhacday khasaaro sababtoo ah bukaanadii dhan ayaa ka baxay kuwa cusubna kuma dhiiran karaan marka sidaas ayey ka baqeen kuwa kale,” ayuu yiri mid kamid ah dhaqaatiirta Muqdisho oo la hadlay Caasimada Online. Hadda Muqdisho Isbitaalada waa weyn ee sida gaarka ah loo leeyahay ma jirto bukaano cusub oo ay qaabilayaan waxayna arrintaan halis ku tahay caafimaadka dadweynaha. Qaar kamid ah dadka xanuunsan ee loo diiday daryeelka ayaa hada lagu daaweeyaa xaafadahooda kadib markii loo keenay dhaqaatiir ay qaraabo yihiin, waxaana dowladdu loogu baaqay in arrintaan ay xal u raadiso. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 60 qof uu ku dhacay Covid-19 gudaha Soomaaliya, ayadoo tirada shalay kaliya la xaqiijiyey ay gaartay 35 qof, taas oo wadarta guud ka dhigtay 60 qof.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Taliyihii hore ee sirdoonka Somaliland, Janaraal Jaamac Maxamed Bootaan ayaa markii u horeysay ka hadlay warar sheegayey in uu xil sarre ka helay Saldhiga weyn ee Turkigu ku leeyahay magaalada Muqdisho. Janaraal Jaamac Bootaan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in xil looga magacaabay saldhigaasi uu leeyahay Turkigu, isagoona si adag u beeniyay wararkaasi oo uu ku tilmaamay been abuur. Bootaan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu sharciga la tiigsan doono cidii faafisay warkaasi uu ku tilmaamay been abuurka, isla markaana xusay inay ujeedo gaar ah ka lahaayeen arrintaasi. “Anigoo ah Janaral Jaamac Maxamed Bootaan, oo ahaa taliyihii hore ee sirdoonka qaranka Somaliland, waxaan cadaynayaa inaanay waxba ka jirin wararka la qoray ee sheegaya inaan shaqo sare ka helay xarunta saldhiga ciidamada Turkiga ee Muqdisho ku yaala oo aan qaatay dhalasho Turki ah. Waan beeninayaa wararkaas” ayuu yiri Janaraal Bootaan. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Xamarna maan tagin, xilna umaan doonan, waxbana kama jiraan wararkaas oo waa kuwo been abuur ah, ciddii samaysay wararkaasna waa lala xisaabtami doonaa oo sharciga ayaan la tiigsan doonaa. Waana kuwo ujeedo gaar ah laga leeyahay”. Waxaana xusid mudan in Janaraal Jaamac Maxamed Bootaan oo bishii hore ee March uu Madaxweyne Muuse Biixi ka qaaday xilkii Taliyaha sirdoonka Somaliland, uu isla markiiba u baxay safar dibedda ah.
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed oo xalay warbaahinta la hadlay ayaa talooyin ka bixiyay xakaynta xanuunka halista ah ee Coronavirus. Mudane Sheikh Shariif ayaa dadweynaha ku boorriyay in ay u hoggaansamaan talooyinka la xiriira ka hortagga faafidda xanuunka Coronavirus si loo xakameeyo khatarta cudurkaas Wuxuu sheegay in xanuunka uu yahay Musiibo Caalami ah oo sameeyay dalal badan oo ku yaalla Caalamka kaasi oo aan halistiisa la dhayalsan Karin. Sidoo kale madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ayuu ugu baaqay in ay u midoobaan ka hortagga iyo xakamaynta xanuunkaas si uusan dalka ugu faafin. Waxa kale oo uu ku baaqay in dadka laga helay Cudurka ay helaan Gargaar Caafimaad oo deg deg ah oo aan la karantiilin oo kaliya. PUNTLAND POST The post Sheikh Shariif oo bixiyay talooyin la xiriira Xakamaynta COVID-19 appeared first on Puntland Post.
-
Dawlada Somalia oo shaacisay dadkii ugu badnaa laga helay Xanuunka Coronavirus Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in dalka Soomaaliya laga diiwaan geliyay 35 xaaladood oo COVID-19 ah 24-kii saac ee ugu dambeysay. Waa tiradii ugu badneyd ee 24 saac la diiwaan-geliyo. 32 ka mid ah Xaaladaha cusub waxay ku suganyihiin magaalada Muqdisho, labo waxaa laga diiwaan geliyay Hargeysa, Booramana waxaa laga helay qofkii ugu horreeyay. Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in Xaaladaha maanta soo kordhay ay tirada guud ee dadka laga diiwaan geliyay ka dhigayaan 60 xaaladood. Sida ay sheegtay Fowsiya, 52 kamid ah bukaannada xaaladdooda caafimaad aad ayey u wanaagsan tahay, waxa ayna ku karantiilan guryahooda, sedax kamid ah waxaa lagu baxnaaninayaa Isbitaal De-Martini, iyada oo qofka kale uu ku jiro xarun caafimaad oo ku taalla Xalane. Marwo Fowsiya Abiikar Nuur waxay ugu baaqday dadka inay guryahooda joogaan hadii aysan jirin arrimo muhiim u ah nolosha, dadkuna kala fogaadaan ugu yaraan laba mitir, taxadar gaar ahna la siiyo dadka da’da ah iyo dadka qabad cudurada daba dheeraada. Soomaaliya ayaa waxaa inta la ogyahay cudurka ugu geeriyooday laba qof, hase yeeshee warbixinta cusub ee caawa soo baxday ayaa muujineysa in cudurka uu si xooggan ugu faafayo bulshada, loona baahan yahay inay maqlaan talooyinka loo jeedinayo. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya kufsiga iyo xadgudubyada loo geysanayo dumarka Soomaaliyeed iyo caruurta ka yar da’da qaan-gaarka. Falal naxdin leh oo kufsi ah ayaa saacadihii iyo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, ilaa haddana ma jirto qof maxkamad loo soo taagay sida ay sheegeen ehelada dadka la dhibaateeyay. Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa 7-dii bishaan magaalada Janaale oo ay maalmo ka hor la wareegeen ku kufsaday gabar 13 sano jir ah iyo haweeney xaamilo aheyd, sida ay sheegeen ehelkeeda iyo mas’uuliyiin. Guddoomiyihii hore ee Marka Xasan Cumar Macalim ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dumarkaan la kufsaday sidoo kale loo geestay jirdil iyo xadgudubyo kale. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in gabdhahan Axaddii la keenay Muqdisho kadib markii 5 maalmood oo ay jiifeen Isbitaal ku yaala Marka wax looga qaban waayay gabadha 13 sano jirka ah. Sidoo kale habeenkii Axadda ayaa koox hubeysan waxay gabar 18 sano jir ah ka afduubteen degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir, waxayna u geysteen kufsi iyo jirdil, sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada. Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa falkii ka dhacay Yaaqshiid usoo qabtay laba eedeysane halka kii ka dhacay Janaale loo soo qabtay 3 Askari. Hore ayaa sidaan oo kale laba gabdhood oo 3 jir iyo 4 jir kala ah waxaa kufsi loogu geestay Afgooye, halka gabar 7 jir ahayd loogu kufsaday Balanbal. Bishii horey ayaa sidoo kale gabar loogu kufsaday magaalada Warsheekh, taasi oo ka dhigeysa 7 kufsi oo bil gudaheed ka dhaca Soomaaliya, gaar ahaan magaalooyinka Muqdisho, Afgooye, Janaale, Warsheekh iyo Balanbal.
-
Boorama (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shalay shaacisay in Saddex Kiis oo cusub oo Coronavirus ah laga helay deegaanadeeda, gaar ahaan magaalada Hargeysa oo labo qof ah iyo Boorama oo qofkii u horeeyay laga helay. Caasimada Online ayaa xog ka heshay Qofkii u horeeyay ee qaba cudurkaasi Coronavirus ee laga helay gudaha magaalada Boorama ee gobolka Awdal. Qofkaasi oo aan qarinay magaciisa, ayaa waxa uu ku noola xaafada Xaasleyda ee magaalada Boorama, waana shaqsi ganacsiyo kala duwan ku leh gudaha magaalada, sida ay qaar kamid ah qoyskiisu u xaqiijiyeen Caasimada Online. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Qofkaasi la xaqiijiyey inuu qabo cudurka ayaa markii hore la soo xidhiidhay wasaarada caafimaadka, kaasi oo muddooyinkii dambe isku arkayey caalamado kamid ah kuwa Coronaha, midaasi oo abuurtay shikiga uu xidhiidhka ula sameeyay wasaarada. Shaqsigaasi ayaa hadda kaligii lagu karantiilay guriga, kadib markii la xaqiijiyey inuu qabo cudurkaasi halista ah ee dunida faraha ba’an ku haya, inkasta Waxaana xusid mudan in qofkaasi uusan wax safar ah galin muddooyinkii dambe, iyadoona loo badinayo in cudurkaasi uu ka qaaday gudaha magaalada Boorama, midaasi oo sarre u sii qaadeysa halista cudurkaasi ee gudaha Boorama, oo ay hore u baahisay Caasimada Online. Dhinaca kale, Caasimada Online oo xidhiidh la sameysay Saraakiisha caafimaadka ee gobolka Awdal, ayaa shacabka uga digay inay tagaan goobaha la iskugu yimaado, iyagoona ugu baaqay inay iska dhaafan socodka laga maarsami karo oo guryaha la joogo. Sidoo kale waxa ay bulshada reer Boorama u soo jeediyeen Saraakiisha caafimaadku in la raaco tilmaamaha caafimaad ee wasaarada, iyadoo la joogteynayo nadaafada iyo faro dhaqida. Halista cudurka Coronavirus ee gudaha Soomaaliya ayaa u muuqata mid kasii dareysa, xili dalka oo dhan laga helay Kiisas badan oo gaaraya Lixdan Kiis, halka labo qofna ay cudurkaasi ugu geeriyoodeen magaalada Muqdisho. Hoos ka akhriso magaalooyinka iyo Kiisaska laga helay: Muqdisho: 55-Kiis Hargeysa: 2-Kiis Boorama: 1-Kiis Berbera: 1-Kiis Burco: 1-Kiis
-
The objective of this article is to forewarn of imminent post-COVID-19 food insecurity crises in Somalia and to brace for rocky aftermath, which may affect most of the country. Regardless of how the COVID-19 impacts on the Somali people, the inevitable blockade of the world supply chain systems have already shown its effect on the Somali food markets. The world supply systems are interconnected and thus affect each other. Currently, all the supply routes into and out of Somalia are closed, or semi-closed, which means none of the required consumer goods, including food, health care products, and other household and garment materials can enter into the country. This is not the fault of Somalia, because even if Somalia opens its doors to the rest of the world, the producing countries have closed down their borders and trade routes. Additionally, when the doors are open again, the flowing results may ensue: There may be a global economic decline which results in a recession; The dollar, which the Somali economy is pegged on, may lose much of its current value; Industrial production systems take time to resume; Even when they resume their local consumption is the priority; Prices of consumer goods may go up to a point where most of the population cannot buy it; Xawala remittance disruption may ruin the livelihoods of half of the population; As a result, when the pressure of the COVID-19 passes by, and the dust settles down, we may wake up into a new reality of food insecurity, which the pandemic has left behind. And if we don’t plan ahead of time, the consequence maybe even severe. The aftermath of COVID-19 may create the like of a drought, which may blanket the whole country, specifically the most vulnerable sectors of the population and regions. Bear in mind that this is a global problem, but fragile states may be the hardest hit. The reason is that a corona-weakened population of a fragile country has no endurance for food and medical shortages, especially, the IDPs and the other poor segments of the population. Some states like Galmudug, with limited resources and no seaports of its own, maybe severely affected. Food Insecurity Since we do not manufacture 99% of the primary goods we consume, shortages of food supplies and other consumer goods create high demand against low supplies. This usually comes when the product is not available as needed, and the severe the need, the severe the demand, which results in severely higher prices. The underlying reasons are: Product is not available in the local market; it’s available but not enough; it’s available but costly; In contrast, the problem of food shortages could emanate from the manufacturing nations due to the flowing reasons: Food and medical supplies are not available in the country because, Producing countries need them in the first place; They lost much-needed revenues during the pandemic so they want to sell it expensive to those who can afford it; Supply roots are blocked because some countries are infected until late 2020; The dollar which we depend on may be weakened, and so cannot buy much; Many countries which we buy stuff from, may demand other currencies, which means the low dollar will buy far less; All these above points result in food insecurity, which disrupts the livelihoods of millions of fragile Somali communities. The inability to buy available commodities is the main factor of food shortages, which is contributed partially by the fluctuations of the dollar value, and product scarcity in the markets. Contributing Factors International Economic Rivalry The emergency of COVID-19 has generated early symptoms of economic predicaments as a prelude for an imminent recession and perhaps stagflation. Initially, the mass quarantines and shutdowns of entire cities, states, and regions have paralyzed the industrial production of the affected countries, and that has translated into a global economic decline. In salvaging their economy, individual concerned countries poured billions of dollars into the economy, like unemployment benefits, salary subsidies, and tax reliefs for companies. Although the objective is to resuscitate the economy, these same steps reduce the national revenues, and in turn, diminish the value of the currency. While mass job losses are a recipe for a recession, relief income-supplements for the unemployed and bailout of the corporations in the billions of dollars lead to stagflation. All those events created competition and mistrust among the developed countries, as each country wants to survive through this pandemic and its subsequent economic ordeal. The head of the UK Central Bank, Mark Carney, remarked in 2019 that Britain might abandon the US dollar as a foreign reserve currency. Likewise, Alfredo McCoy (2020) pointed out that the US dollar depreciation inflates food prices and fosters unemployment. In all, this may lead to an economic and political rivalry of the developed allied nations to compete with each other for survival and significant market shares. And this may lead to a reconfiguration of foreign exchange and reserve currency, whereby other stronger currencies emerge as international exchange currencies instead of the dollar. Many countries, including China, Iran, and Russia, were, for years, eying such an opportunity. This economic and financial competition for survival directly affects the poor and developing countries that are dependent on their production as customers. As a result, in this post-COVID-19 situation, the economy of many countries in Europe, Latin America, Asia, and Africa may not recover from the upcoming recession and stagflation, and the economies of some of them may even collapse. China and Russia may easily recover from the post-COVID-19 economic decline due to their sociopolitical culture and economic structure, but that is another issue which we are not going to discuss it here at this point. Xawaala Remittance Setback A large number of the Somali population depends on remittance-money in their livelihoods. With the current disruption of the money transfer, banking, and air-transport systems, the Xawala operations become very limited. This means at least half of the population may lose their monthly income, while some may meet other financial restrictions. These financial restrictions contribute to the expected post-COVID-19 food insecurity in the country. Hajj Seasonal Livestock Exports The Hajj pilgrimage of 2020 is very likely not to materialize, and the impact on the Somali livestock traders and thousands of nomads who depend on this once a year trade for the source of revenue is severe. Traders start to buy livestock early on the year and keep managing their health and wellbeing to bring a good income for them and their nomad customers. However, the hopes of these traders and their local suppliers have been dashed by the cancellation of the Hajj. This termination of the Hajj season may cost them their annual income and livelihoods, especially when the coronavirus is devastating their lives. Recommendations for survival: It is not easy to ward off such an imminent food crisis within a short period of time. Likewise, it is not wise to give up a fight that you may win or may achieve the honor of fighting for a worthy cause. For this, we propose the following measures to minimize the impact of food insecurity on the population: Taking advantage of the current Gu’ rains, initiate a campaign of cultivating local foods, such as sorghum, corn, Jowhar-rice, and sesame, among others; Improve livestock rapid development programs; Since the Hajj seasonal livestock export has been canceled, find a means which livestock market can be revitalized by buying livestock from traders and nomads (if possible) and re-distribute as livelihood assistance; Buy grain from the farmers and distribute as food aid; Engage and encourage seafood consumption; Encourage riverside communities to river-fishing; Establish emergency food management programs to avoid hoarding and gouging; Promote transnational livestock and produce trade; These steps may minimize the impact of food shortages on the population. On the other hand, it is honorably patriotic to take on a challenge such as this, whether you win or lose. The outcome will be a national endeavor of historical proportion, similar to the 1975 Somali campaign of the drought-refugees resettlement. Dr. Shariff Osman has PhD from Ohio university and now works at Mogadishu university as Professor of political science and sociology.
-
Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Galmudug Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa guddoon cusub u magacaabay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Qoorqoor ayaa Faarax Cabdi Macallin loogu magacaabay Guddoomiyaha degmada Guriceel, halka Cabdishakuur Axmed Faarax Dhimbil loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda iyo amniga, sidoo kale Cabdirisaaq Cabdullaahi Faarax ayaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo arrimaha bulshada degmadaas. Madaxweynaha Galmudug ayaa faray dhammaan hay’adaha kala duwan ee amniga Galmudug inay la shaqeeyaan guddoonka cusub ee Guriceel, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo. Hoos ka eeg wareegtada magacaabista PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Galmudug oo mas’uuliyiin cusub magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa talooyin dhowr ah loogu soo jeediyey, dhinacyada dowladda dhexe, shacabka, ganacsatada iyo Beesha Caalamka. Ugu horeyn Madasha ayaa dowladda federaalka kula talisay in wixii taag iyo tabar ah ay isugugeyso la tacaalidda iyo ka hor tagga faafitaanka cudurka COVID-19. Isla markaanada aabaabul xoog leh ku sameyso qaybaha kala duwan ee bulshada si loo mideeyo cududa shacabka loogana hortago faafidda cudurkan. Sidoo kale Madasha Xisbiyada Qaran ayaa dowladda ka dalbaday in ay ka hawlgasho sidii loo keeni lahaa guud ahaan dalka, agabka caafimaad ee lagula dagaalo faafidda xanuunkan Coronavirus. Sidoo kale DF ay iskaashi wadashayn ah la sameyso hey’adaha dowlad goboleedyada, si wadajir ahna looga hortago faafidda cudurka Coronavirus. Qoraalkan kasoo baxay Madasha ayaa dowladda federaalka looga dalbaday in canshuur dhaaf loo sameeyo waxyaabaha daruuriga ah sida raashinta, daawada, shidaalka iwm. Sidoo kalena la badiyo xarumaha baarista cudurka iyo goobaha karaantiilka si loo dardargeliyo ka hortagga COVID-19. Madasha ayaa dowladda federaalka u soo jeedisay in ay sameyso sanduuqa taakuleynta ka hor tagga Coronavirus, ciidamada dowladana loo sameeya daryeel gaar ah si uusan cudurkan u wiiqin amniga dalka iyo dadka. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war-saxaafadeedkan shacabka Soomaaliyeed uga dalbatay in ay dhaqangeliyaan tilmaamaha Wasaaradda Caafimaadka iyo in xilligan adag ay is caawiyaan caafimaad ahaan iyo dhaqaale ahaanba. In ay isbedel ku sameeyaan hab nololeedkooda xag bulsho, iyo xag dhaqan-dhaqaale iyaga oo tashiilanaya dhaqaalahooda si ay ugu diyaar garoobaan saameynta uu yeelan karo la dagaalanka iyo ka hor tagga cudurka COVID19, badiyaana baryada Alle. Mashada ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ka dalbatay in ay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan soo dhoofinta waxyaabaha daruuriga ah, isla markaasna ay maalgashi gaar ah ku sameeyaan wax soosaarka gudaha dalka. Qiimo dhimisna ay ku sameeyaan dhammaan waxyaalaha daruuriga ah sida raashinka, daawada, shidaalka iwm. Ugu dambeyntii qoraalkan kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu yiri, “Waa in Beesha Caalamka laga codsado kaalmo mug leh oo ay ugu deeqaan shacabka Soomaaliyeed , kuwaas oo isugu jirta farsamo, dhaqaale iyo qalab caafimaad. Si gaar ahna loo caawiyo xoogsatada, dadka danyarta ah iyo barakacayaasha. Sidoo kalena laga codsado in ay hakad geliyaan kala bedelka shaqaalaha ajnabiga ah iyo isbedelka ciidamada AMISOM si looga hor taggo in cudurka Coronavirus uu ka soo gudbo wadamo kale”.
-
Dowladda Soomaaliya, ayaa shaacisay in Isniintii maanta oo keliya la diiwaan geliyay 35 xaalad oo cusub oo COVID-19. Xaaladaha cusub 32 kamid ah waxay ku suganyihiin magaalada Muqdisho, labo waxaa laga diiwaan geliyay Hageysa, Booramana waxaa laga helay hal ruux oo keliya. Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in Xaaladaha maanta soo kordhay ay tirada guud ee dadka laga diiwaan geliyay ka dhigayaan 60 xaaladood. 52 kamid ah bukaannada xaaladdooda caafimaad aad ayey u wanaagsan tahay waxa ayna ku karantiilan guryahooda, seddax kamid ah waxaa lagu baxnaaninayaa Isbitaal De-Martini, iyada oo qofka kale uu ku jiro xarun caafimaad oo ku taalla Xalane. Marwo Fowsiya Abiikar Nuur waxay ugu baaqday dadka inay guryahooda joogaan hadii aysan jirin arrimo muhiim u ah nolosha, dadkuna kala fogaadaan ugu yaraan laba mitir, taxadar gaar ahna la siiyo dadka da’da ah iyo dadka qabad cudurada daba dheeraada. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in maanta oo keliya 35 qof oo hor leh laga helay COVID-19 appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar___Qubanaha-13042020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowlad goboleedka Jubbaland Maxmaed Warsame Darwiish oo ah guddoomiyaha guddiga ka hortaga Caabuqa Corona Virus ee Jubbaland ayaa sheegay in labo ruux oo laga helay COVID-19 lagu karantiilay Isbitaalka magaalada Kismaayo halkaasna lagula tacaalaayo. Mr Darwiish oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in ay xaaladooda caafimaad aad ula socon doonan bukaanadaas. Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu tilmaamay in ay ku xaqiijiyeen baaritaano sax ah oo ay ka qaadeen. Labadaan ruux ayaa noqonaaya kuwii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay in ay qabaan xanuunka COVID-19 ee kusugan meel kamid ah dowlad goboleedka Jubbaland. View the full article
