-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Imaaraadka Carabta oo Gargaar caafimaad ku wareejiyey Dawladda Somalia+Sawirro Diyaarad sidda gurmad caafimaad, kana timid dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa saaka soo caga dhigatay garoonka Aadan Cadde. Deeqdaan oo ay la wareegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa loogu tala-galay ka hortaga cudurka Coronavirus. Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda ayaa keentay todobo tan oo gargaar ah oo ay dowladda Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya iyo 20 tan oo ka timid hay’adda WHO. Waa gargaarkii ugu horreeyey ee uu Imaaraadku soo gaarsiiyo Muqdisho , tan iyo markii uu ka dilaacay cudurka saf-marka ah ee Coronavirus. Sidoo kale Imaaraadka ayaa horay gargaarkaan mid la mid ah uga dajijyey magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe ee maamullada Somaliland iyo Puntland. Soomaaliya ayaa la daala dhaceysa xakameynta cudurkaan oo marba marka ka dameysa soo ridanayo dad hor leh, waxaana tirada haatan ay mareysaa illaa 60 kiis. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan cudurka COVID19. Ugu horreyn ururka ayaa walaac ka muujiyey faafitaanka cudurka, kadib markii shalay wasaaradda caafimaadka ay shaacisay kiisaskii ugu badnaa ee xanuunkaasi. Sidoo kale uruka dhaqaatiirka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dadka laga helay cudurka Coronavirus ay ka mid yihiin shaqaalaha wasaaradda caafimadka, taas oo kor u qaadeysa walaaca laga qabo cudurka COVID-19 oo fara ba’an ku haya caalamka. Ururka dhaqaatiirka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale dalbaday in si deg-deg ah loo qalabeeyo isbitaalka Martiini, loona diyaariyo shaqaale caafimaad, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xaalad halis ah iyo daryeel la’aan ay ka jirto isbitaalkaasi. “In Si deg deg ah loo qalabeeyo isbitaalka (De-mertino Hospital) loona dhameystiro wax yaabaaha asaasiga ah ee isbitaal looga baahanyahay sidoo kalane si deg deg ah loo diyaariyo shaqaalihii caafimaad ee ka shaqeyn lahaa loona dhameystiro dhamaan waxyaabaha laga maarmaanka u ah oo ey ku shaqeyn lahaayeen sida qalabka PPE, N95, FACE MASK, GLOVES iyo wixii kale oo ey u baahdaan”ayay ku taliyeen Dhaqaatiirtu Ugu damgeyn waxay ku baaqeen in loo midoobo la dagaalanka cudurkaan, lana helo siyaasad mideysan, si looga hortago faafistiisa. “In lahelo siyaasad midaysan loogana hortagayo xaaladda Xanuunka COVID-19 ayna hormuud ka noqdaan kaadiriinta Caafimaadka Dalka maadaama ey yihiin dadkii u lahaa aqoonta iyo khibradda labadaba”. Halkaan ka aqri Talooyinka Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed. KU: MADAXWEYNAHA DOWLADDA FADARAALKA SOMAALIYA KU: RAYSULWASARAHA DOWLADDA FADARAALKA SOMAALIYA OG: WASIIRKA WASARADA CAAFIMAADKA IYO DARYEELKA BULSHADA DFS UJEEDO: TALO-SOOJEEDIN MUHIIM AH OO KU WAJAHAN CUDURKA COVID-19 Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed wuxuu walwal badan ka muujinayaa xaalada cudurka COVID19 ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan maalmihii ugu danbeeyay oo ey soo bateen bukaanada laga helay xanuunka eyna kana mid noqdeen shaqaalaha wasaarada caafimadka, sidoo kalena ee bukaanadii ugu horeeyay ee u dhinteen Xanuunka ayna Wasaarada Caafimadka Soomaaliya ku dhawaaqday in ay billaabatay in xanuunku ku faafay Bulshada Dhexdeed ( Community Transmission) taa oo ey ka dhalan karto in ay aad u bataan bukaanada uu soo ridanayo xanuunka COVID-19 maalmaaha soo socdo. Sidaas darted ururka dhkhaatiirta somaliyeed waxuu u soo jeedinayaa dhamaan Madaxda Qaranka sida Madaxweynaha, Raiswasaaraha, Wasiirka Caafimadka Soomaaliya iyo qof walba oo qeyb ka ah howlaha looga hortagayo Xanuunka COVID-19 talooyinka soo socda: 1. In Si deg deg ah loo qalabeeyo isbitaalka (De-mertino Hospital) loona dhameystiro wax yaabaaha asaasiga ah ee isbitaal looga baahanyahay sidoo kalane si deg deg ah loo diyaariyo shaqaalihii caafimaad ee ka shaqeyn lahaa loona dhameystiro dhamaan waxyaabaha laga maarmaanka u ah oo ey ku shaqeyn lahaayeen sida qalabka PPE, N95, FACE MASK, GLOVES iyo wixii kale oo ey u baahdaan. Ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed wuxuu diyaar u yahay inuu ku taageero Aqoon, Farsamo ,Hogaamin,iyo wixii kale loo baahanyahay. Date: 13-04-2020 Mogadishu- Somalia نقـابة أطبـــــــاء الص ــــومال مقديشوا ـ ال صومال URURKA DHAKHAATIIRTA SOOMAALIYEED Ref: GCCSMA04012020 Address: KPP, Wadnaha Street, Hodan District, Mogadishu-Somalia/www.sma.org.so/ E-mail:-info@sma.org, Tell: +252617002850, +252615334486, Mobile: +252615968488 2. Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed wuxuu madaxda qaranka u soo jeedinayaa, maadaama uu bilawday in uu xanuunku ku faafo bulshada dhexdeeda bukaanada uu soo ridanayana ay aad u badan doonaan sida la filayo ayna adkaan doonto in hal isbitaal lagu daweeyo in dhamaan isbitaalada leh adeega Oxygenka iyo ICU ga ( Centralized Oxygen and ICU) in laga dhigo Xarumaha sida gaarka ah loogu daaweeyo Xanuunka COVID-19. Xarumahaas waxaa ka mid ah Isbitaalada ( Ex-Digfer Hospital, Yerdemeli Hospital, Ex-Deva Hospital, Sheikh-Zayid Hospital).Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed wuxuu diyaar u yahay in uu ka qeyb qaato ka shaqeysiinta, Hagida iyo la socodka dhamaan howlaha isbitaaladaa ee qabanayaan. 3. Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed wuxuu madaxda qaranka u sheegaya in ay dayacan yihiin Shaqaalihi Caafimaadka Dalka kuwa ka shaqeeya isbitaalada dawladda iyo isbitaalada gaarka looleeyahayba ayna qatarta ugu badan ugu jiran in uu ku dhaco xanuunka maadaama ay taagan yihiin aaga hore la dagaalanka Xanuunka COVID-19 ayna xarumahaas imaanayaan bukaano badan oo leh calaamadaha xanuunka. Ururka dhakhaatiirta somaliyeed wuxuu ku talinayaa in loo helo qalabka ay xirfadleyda caafimaadku isaga ilaaliyaan COVID-19 sida PPE, N95 Facemask. Haddii qalabkaas la waayo waxaa dhaceyso in shaqaalaha caafimadku Qatar galaan ama shaqadi ay bulshada u hayeen adkaaneyso in ey sii wadaan. 4. Culays ayaa ka jira soo referr garaynta bukaanada looga shakiyay xanuun ka Covid-19 ee lagu arko xarumaha caafimaadka, sida ka jawaabista taleefonada xarunta soo wicidda, si fudud u helidda Ambulance qaadda bukaanka sidaa si lamida in lakordhiyo xarumaha baaritaanka cudurka. Ururka Dhakhaatiirta Somaliyeed wuxuu soo jedinayaa in la xoojiyo wadashaqaynta xarumaha lagula tacaalayo COVID-19 iyo Isbitaalada laga soo diro bukaanada. 5. Ururka Dhakhaatiirta Soomaliyeed wuxuu soo jeedinayaa in lahelo siyaasad midaysan loogana hortagayo xaaladda Xanuunka COVID-19 eyna hormuud ka noqdaan kaadiriinta Caafimaadka Dalka maadaama ey yihiin dadkii u lahaa aqoonta iyo khibradda labadaba. Waxaan allah ka baryeynaa in uu umada soomaaliyeed meel walbo oo ey joogaan uu ka badbaadiyo halista Cudurka COVID-19 Dhamaad
-
Ku xigeenka Agaasimaha Goobjoog Media Group ayaa xabsi loo taxaabay , ka dib markii looga yeeray xarunta Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Cabdicasiis Axmed Gurbiye ku xigeenka Agaasimaha ayaa ilaa iyo hada aan la ogayn sabaha xarigiisa ka dambeeya. Agaasimaha Goobjoog Media Group Xasan Maxamed Maxamuud ayaa xaqiijiyay xariga Cabdicasiis Gurbiye kaas oo meel ku dhac ku ah xoriyatul qowlka iyo madax bannaanida warbaahinta. Maamulka degmada Hodan ilaa iyo hada wax war ah oo la xiriira xariga Cabdicasiis Gurbiye kama soo bixin. Maamulka Goobjoog Media Group ayaa wada dadaalo lagu doonayo sidii lagu sii dayn lahaa Agaasime ku xigeenka Goobjoog Cabdicasiis Axmed Gurbiye. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowlada Imaaraatka Carabta, oo kaashaneysa hey’adda qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka ee (WHO), ayaa waxay Somaaliya u soo dirtay diyaarad gargaar oo sidda 27 tan oo ah Agab caafimaad oo lagula tacaalo cudurka Corona Virus. Diyaaraddan ayaa sidday 7 tan oo gargaar ah oo ay Dowladda Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya, iyo 20 tan oo (WHO) uga deeqay Soomaaliya, iyadoo Agabkaan Caafimaad lagu wareejiyay Wasaaradda caafimaadka ee DFS. Deeqdan ayaa waxa ay dowladda Somalia ka caawineysaa in ay qalabeyso goobaha lagu daweeyo dadka uu soo rito xanuunka Corona virus iyadoo sidoo kale u suura galin doonta shaqalaha cafimaadku iney si dardar leh ula tacaalaan cudurkan. Safiirka dowladda Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Danjire Mohammed Ahmed Al-Othman Al Hammadi, ayaa sheegay in Dowladda Imaaraadku ay taageero buuxda la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka soomaaliyeed xilligaan adag si loo xoojiyo dadaallada looga hortagayo COVID-19. Safiirku wuxuu intaas ku daray in Dowlada Imaaraadku, iyadoo la kaashaneysa hey’adaha caalfimaadka Dunida ee WHO, ay ka caawisay Dadl badan, iyada oo kaalmo deg deg ah gaarsiisay dalalkaas sidii ay u xoojiyaan dadaallada looga hortagayo COVID-19. Deeqdaan ayaa kusoo aadeysa xilli ay Dowladda iyo shacabka Soomaliyeed ay u baahan yihiin in lagu garab istaago la tacaalidda cudurka Corona virus iyo xakameynta faafitaankiisa intaba. View the full article
-
Jowhar (Caasimada Online ) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare oo u warramay BBC-da ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi oo uu cabsi xoog leh ku abuuray cudurka Coronavirus, kadib markii uu u geeriyooday wasiiru dowlihii wasaaradda cadaaladda HirShabelle, marxuum Khaliif Muumin. Waare ayaa wareysigaan ku sheegay in cudurka uu saameyn ku yeeshay howlaha guud ee maamulkaasi, islamarkaana la joojiyey kulamadii golaha wasiirada iyo baarlamaanka. “Annaga hadda labo arrimood ayaa noogu daran, maskaxdeenna, tamarteenna iyo walwalkeennana aan isugu geyneynaa. Midda koowaad waa saameynta caafimaad ee uu keeni doono cudurkaan, Alle hanaga fududeeyee, tan labaad ee kasii walwalka badanna waa saameynta iyo dhibaatada dhinaca dhaqaalaha ee ka dhalan doonta.” ayuu yiri Waare. Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo wax laga weydiiyey arrimaha doorashada maamulkaasi oo fooda nagu soo haya ayaa sheegay in illaa xaaladda Corona dhinac u dhacdo aysan u oollin talo ku saabsan doorashada, sida uu hadalka u dhigay. “Alle hanaga fududeeyee, haddii aysan nagu dheeraanin, oo uu dhammaado waqti doorashada la qaban karo, dabcan in uu Alle naga fududeeyo ayaan rajeyneynaa, laakiin taladaas ma aha talo maanta noo taalla, waa talo aan u gali doonno si wadar ah oo ka tashi ah, waqtigii uu Alle arrintaan dhinac noo dhaafsiiyo”. ayuu markale yiri. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan xaalad karantiil ah Madaxweyne Waare iyo dhammaan xubnaha kale ee maamulkiisa, kadib geeridii ku timid Wasiir Khaliif oo Axadii la soo dhaafay magaalada Muqdisho ugu dhintay cudurka faafa ee Coronavirus. Xaaladda COVID19 ee Soomaaliya ayaa haatan ka sii dareysa, iyadoona kiisaskii ugu badnaa cudurka ay shalay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.
-
Ubax Cabdullaahi Abshir Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, ayaa Maanta oo Talaado ah magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga, kadib kulan ay ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Garoowe. War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga, oo ku taariikhaysan 14 April 2020 ee ku beegan Maanta, ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Guud ee Guddiga Doorashooyinka Puntland loo magacaabay Ubax Cabdullaahi Abshir. Jagada Xoghayaha Guud ee Guddiga, waxaa horay u hayay Liibaan Saalax Maxamuud (Gegiroor) oo xilkaasi loo magacaabay 24 November 2016, islamarkaana la soo shaqeeyay Guddigii hore ee Doorashooyinka Puntland. Gabadha haatan loo magacaabay Xoghayaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, waxay Shahaahada Heerka Labaad ee jaamacadda ka haysataa Dhaqaalaha iyo Maamulka Dowladda, waxaana ay in ka badan 15-sannadood la soo shaqeysay Hay’ado Dowladeed iyo kuwa gaar loo leeyahay. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Xoghaye cusub oo loo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa qarax khasaare geystay oo ka dhacay xaafadda Jamhuuriye degmada kaaraan ee gobalka Banaadir, waxaana qaraasi ka soo baxaya warar kala duwan. Sida Goobjoog News ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka dowladda, inkastoo qaraxa uusan haleelin gaarigaasi waxaana khasaare kala duwan uu soo gaaray dad shacab ah. Inta la xaqiijiyay 4 qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacantay qaraxa waxaana sidoo kale goobta ku bur buray mootooyinka loo yaqaan bajaajka. Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda kuwaas oo bilaabay baaritaano kala duwan waxaana la sheegay in ciidamadii halkaasi gaaray ay muddo kooban ridayeen rasaas. Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaan inkastoo weerarada nuucaan ah looga bartay inay sheegtaan dagaalamayaasha Al shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad sidda gurmad caafimaad, kana timid dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa saaka soo caga dhigatay garoonka Aadan Cadde. Deeqdaan oo ay la wareegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa loogu tala-galay ka hortaga cudurka Coronavirus. Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda ayaa keentay todobo tan oo gargaar ah oo ay dowladda Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya iyo 20 tan oo ka timid hay’adda WHO. Waa gargaarkii ugu horreeyey ee uu Imaaraadku soo gaarsiiyo Muqdisho , tan iyo markii uu ka dilaacay cudurka saf-marka ah ee Coronavirus. Sidoo kale Imaaraadka ayaa horay gargaarkaan mid la mid ah uga dajijyey magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe ee maamullada Somaliland iyo Puntland. Soomaaliya ayaa la daala dhaceysa xakameynta cudurkaan oo marba marka ka dameysa soo ridanayo dad hor leh, waxaana tirada haatan ay mareysaa illaa 60 kiis.
-
Dhawaan waxaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ka dhici doona doorashada kursiga xaafada 6aad ee Soomaalidu dagto, waxaana boobkaas dhawaan baneeyay Abdi Warsame oo muddo 7 sano ah ku fadhiyay kursigaas. Inkastoo ilaa 7 musharax oo Soomaali ah ay usoo istaageen kursigaan, hase ahaatee musharaxiinta ugu cadcad waxaa ka mid ah wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Suud Colaad. Hadaba haddii aadan Suut aqoon u lahayn ama aadan fikrad ka haysan, waxaan kuu tilmaamaynaa illaa 7 qodob oo Suud Colaad gaar u ah. Wuxuu astaan u yahay dhalinyarada ka timid Qaxootiga Dhadhaab Iyo Ifo, kuwaasi oo doonaya in ay aduunka baraan wajiga fiican ee Soomaaliya, dhiig cusub-na ku shubaan midnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed. Suud waa shaqsi isku kalsoon, aan isla weynayn, ku faanaa taariikhdiisii hore, iyo tan haddaba. Wax dambi ah aan ka galin dalka Maraykana, dadkuna aad u xurmeeyaan. Waa shaqsi ka dhisan caqiidada, dhaqanka iyo aqoonta. Waxaana intaas u dheer in uu yahay Murashax Ololihiisa ay xudun u tahay Soomaalinimo, Africaanimo, Iyo Muslinimo. Waa shaqsi lasoo shaqeeyay dadyawga ajaaniibta ah ee Minneapolis Minnesota. Leh hal abuur, la hadli kara oo qancin kara dadyow kala diin ah, kala dhaqan ah, kala afkaar iyo kala luuqad-ba ah. Suud Colaad ma’ahan shaqsi lagu bartay qabyaalad, nacayb, takoor, dagaal, iwm. Taas badelkeed, waa shaqsi ay ushooda u dhiiban karaan dadka reer Minneapolis. Taariikhdiisuna aysan lahayn bar-madoow. Suud Colaad waa shaqsi lagu bartay in uu dadka aan codka lahayn u qareemo had iyo goor, wuxuuna waqti badan galiyay intii uu Maraykan joogay u adeehida jaaliyada Soomaaliyeed ee Minnesota. Inta Badan dhalinyarada Qaxootiga markay tagaan Maraykanka waxay ku mashquulaan riyooyinkooda, balse Suud waa shaqsiga kaliya ee bilaabay markii Maraykan tagay in uu u doodo xaquuqaha dadkii uu uga soo tagay Ifo iyo Dhadhaab. Kuwaasi oo uu marar kale duwan kusoo laabtay, la sheekeystay, indha caalamkana kusoo jeediyay. Ugu dambeyntii 7daas sifo oo Suud Colaad u gaarka ah ayay u badan tahay in uu noqdo qofkii 2aad ee badali lahaa kursigii uu baneeyay Cabdi Warsame ee xaafada 6aad. (Ward 6). W/Q: Mahad Axmed Cabdullaahi Minneapolis, Minnesota AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde soo caga dhigatay diyaarad ka timid dalka Imaaraadka Carabta oo sidday deeq caafimaad taas oo lagu caawinayo ummadda Soomaaliyeed. Masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la wareegay qalabkaan caafimaad oo loogu tala galay sidii looga hortagi lahaa xanuunka COVID-19 oo kiisas gaaraya 60 laga diiwaan galiyay guud ahaan Soomaaliya. Deeqdan ka timid dowladda Imaaraadka ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee ay soo diraan tan iyo markii uu xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta sanadkii 2018-kii. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in cudurka Corona uu si tartiib tartiib ah ugu fidayo bulsha weynta Soomaaliyeed waxaana talooyin caafimaad loo jeediyay bulshada qeybaheeda kala duwan, iyada oo ay sidoo kale xusid mudan tahay in bandhow habeen dambe bilaabanaya ay soo rogeen taliska booliska. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somalia has announced 35 new COVID-19 cases in the country, taking the total confirmed cases in the country to 60. Health Minister Fowsiya Abikar said 32 of the new cases were registered in the capital, Mogadishu, while Hargeisa and Borama cities in the breakaway region of Somaliland recorded two cases and one case respectively. The minister revealed that 52 of the patients were in stable conditions and are in self-isolation in their homes, two are being treated in Martini hospital in Mogadishu while another is under the care of a facility at Halane UN camp in the capital. The huge spike in the COVID-19 infections is worrying for the Horn of Africa nation due to its weak healthcare system. Minister Fowsiya called on the public to observe social distancing and stay in their homes unless they are going out for a very important reason. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen Caasimada Online. Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in lala damacsanaa gaari Cabdi Bile oo ku socdaalayey waddada aada dhinaca xaafadda Jamhuuriya ee defmada Kaaraan. Sida ay ogaatay Caasimada Online bartilmaameedka qaraxa ayaa wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya oo lagu magacaabo, Saney Cabdulle Gaab, kaas oo ay galbinayeen ciidamadu, waxaana la sheegay inuu ka bad-baaday qaraxaas, islamarkaana uu dhacay waxyar kadib markii uu gudbay gaarigii uu saarnaa. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in waxyeelada ugu badan ay soo gaartay dad shacab ah oo ka agdhowaan galkaasi. Ugu yaraan illaa afar qof oo rayid ahaa ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen qaraxaasi oo miino ahaa, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale wuxuu burbur soo gaaray mootooyin nooca Bajaajta ah oo marayey wadada uu qaraxu ka dhacay. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro qaraxyo ah la beegsata ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee isaga kala gooshaya gudaha magaalada Muqdisho.
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur) oo ka mid ah hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani ayaa ka hadlay dadka laga helay xanuunka Coronavirus ee Wasiirka Caafimaadku shalay sheegay, waxaanu ku taliyey in aad looga feejignaado taxadir badana la sameeyo. Siyaasi Cabdillaahi Axmed Maxamed (Daamur), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay geerida ku timid Guddoomiyihii Duruqsi, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Xanuunkii Coronavirus,wuxuu noqday xanuun saamayn ku yeeshay wax walba, xanuunkana lama mid ah xanuunada kale ee hore u jiray, ee khatartiisa ayuu leeyahay, sida loo kala qaadayana waa si aad iyo aad u fudud, ee ILLAAHAY ayaa awood u leh inuu inaga hayo, ee waxaynu ka baryeynaa inuu inaga qabto, hore waxaa loo sheegay in laba qof oo kala jooga Berbara iyo Burco laga helay, shalayna waxaa la sheegay in laga helay saddex qof oo laba ka mid ahi ay Hargeysa joogaan, halka qofka kalena uu Boorama joogo, haddii uu sidaas inoogu sii fido waa khatar, ee dadku ha qaatan wacyigelinta oo dadka aad ha loo wacyigeliyo.” Mar uu ka hadlayey duruufaha ka jira Somaliland iyo xanuunka Coronavirus saamaynta uu ku yeelan karo ayaa yidhi “Dadkeenu waxay u badan yihiin dad danyar ah, oo dhaqaalahoodu yar yahay, oo maalintii wax ka yar hal doolar ku nool, sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in dadkeena dan yarta ah aynu caawino, oo aynu wax tarno, oo waliba la sameeyo meelo lagu kaydiyo raashinka iyo cuntooyinka, oo degmo walba iyo xaafad walba waa inay sidaas samaysaa oo la sameeyaa Guddiyo arintan qaabilsan, cid kasta oo wax haystana waa inay cidda jaarka la’ tahay ee danyarta ah ay caawisa, maxaa yeelay maceeshadiina qaali bay noqonaysaa, duruufo adagani way jiraan, ee dadkeena danyarta ah aynu caawino”. Mr. Daamur oo ka hadlayey xanuunka Coronavirus iyo siyaasadda ayaa yidhi “Wakhtiga adag ayeynu maanta ku jirnaa, ee wakhti la is dhaleecayo iyo wakhti la is dhaliilo kuma jirno, ee daruufaha taagan inaynu is wada jir ah ugu gudubno ayaa la inooga baahan yahay”. Dhinaca kale, wuxuu Tacsi u diray Guddoomiyihii Duruqsi oo ku geeriyooday Magaalada Burco, waxaanu ALLE uga baryey inuu jannadii ka waraabiyo, samir iyo imaana ka siiyo eheliisa, asaxaabtiisa iyo umadda reer Somaliland ee uu ka baxay. Source
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo ka hadlayey dagaalkii jabahadda ONLF ayaa sheegay in intii ay ku guda jireen halgankaasi ay dileen dad badan oo shacab ahaa. Cagjar ayaa ka dalbaday hoggaanka sare ee ururkaasi oo haatan soo af-meeray dagaalkii uu waday inay raalli-gelin iyo garowshiyo buuxda ka bixiyaan ‘xasuuq’ uu sheegay inay geysteen, xilligii ay dagaalka ku jireen, sida uu hadalka u dhigay. “Madaxda ururka ONLF waa in ay ka xishoodaan shacabka, waa in aysan dadku u sheegin in dagaalka uu ahaa mid ehel, balse ay dadka u caddeeyaan in dagaalkooda halganka ee gumeysi diidka lagu laynayayay rayidka.” ayuu yiri Madaxweyne Cagjar. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in hoggaanka ONLF ay horyimadaan shacanka, una cadeeyaan khaladaadkii ay horay uga galeen. “Hoggaanka ONLF waa in ay shacabka hor yimaadaan oo ay u caddeeyaan dagaalka, looma baahno in xiligaan dadka murugsan dib loo dhaawaco maskaxdooda, dadka gubanayo ee ehelkooda la dilay waxa kaliya ay u baahan yihiin waa in raalli gelin buuxda lasiiyo” ayuu markale yiri Madaxweynaha is-maamulka Soomaalida ee Itoobiya. ONLF oo muddo dheer dagaal dhiig badan uu ka daatay ka waday dhulka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sanadkii 2018-kii heshiis la gashay Ra’iisul wasaaraha wadankaasi, Dr. Abiy Axmed oo isbedallo ballaaran sameeyey, tan iyo markii uu talada la wareegay.
-
Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ciidamo geysay xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago dalka Itoobiya sababo la xariiro xanuunka Coronavirus, ciidamada la geeyey xadka ayaa isugu jiro Milatari iyo Boolis kuwaas oo loogu talo galay in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago dalka Itoobiya waxa soo gali iyo ka baxi. Ciidamada oo laga qaaday xerada 27-aad ee taliska xoogga dalka ayaa waxaa hoggaaminayey goddomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan, ujeedka guddoomiyaha ee tagitaankiisa xadka ayaa lagu sheegay fulinta amar maalinimadii shalay ka soo baxay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo lagu sheegay in la xiro gabi’ahaan. Ciidamada xadka gobolka Hiiraan ee dalka Itoobiya la geeyey ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo horay mas’uuliyiinta Hirshabeelle u sheegeen in xadka uu ka soo gudbo Qaadka iyadoo ay jirto cabsida laga muujinaayo caabuqa Corona ee Hirshabeelle oo dhowaan wasiiru dowlihii cadaaladda uu u geeriyooday xanuunka Coronavirus . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Source
-
Source
-
(SLT-Hargeysa)-Saraakiisha taliska qaybta 7aad ee ciidamadda qaranka Somaliland ayaa soo dhaweeyay maleeshiyaad tirro badan oo ka soo goostay jabhadda SSC oo fadhigeedu yahay magaaladda Buuhoodle. Maleeshiyaadkan oo lagu soo dhaweeyay deegaanka Yeyle, oo ka tirsan gobolka Sool waxaa u soo gelbiyay dhinaca fadhiisinka ciidamadda qaranka Somaliland maayarka degmadda Buuhoodle iyo maayarka degmadda Ceegaag. Abaan-duulaha qaybta 7aad ee ciidamadda qaranka Somaliland gaashaanle dhexe Ibraahim Ashkir, ayaa ku boogaadiyay jabhadan ka soo goostay maleeshiyadda SSC go’aankoodda. Geesta kale taliyihii hogaaminayay maleeshiyaadkan soo goostay ayaa ka hadlay sidii ay ku soo baxeen iyo sababaha ku kalifay in ay isku soo dhiibaan taliska qaybta 7aad ee ciidamadda qaranka Somaliland. Halkan Ka Daawo Hadaladii Saraakiisha iyo Maleeshiyaadka Soo Goostay: Source
-
Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay sare u qaadeen afduubka ay ka geystaan gudaha dalka Kenya, inta badana ay beegsadeen shaqaalaha gargaarka ee ka howlgala qeybo kamid ah dalkaasi, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Booliska ayaa tilmaamay in deegaanada ugu badan ee Al-Shabaab ay ka geysteen afduubka ay hoos yimaadaan degmada Mandera ee gobolkaasi. Al-Shabaab ayaa sanadkii la soo dhaafay oo kaliya 11 ruux ku afduubtay magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee wadankaasi. Si kastaba ha’ahaatee afhayeen u hadlay dowladda Kenya ayaa maalin ka hor sheegay in dowladda Kenya ay ku raad joogto xogta dhaqaatiir u dhashay dalka Cuba oo sanad ka hor Al-Shabaab ay ka afduubteen deegaano ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Kenya. View the full article
-
Madasha Xisbiyada Qaran oo Ka Hadashay Xanuunka Coronavirus
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madasha xisbiyada qaran ee dalka ayaa war ka soo saartay xanuunka Coronavirus kaas oo ka dilaacay dalka lagana diiwaan geliyey kiisas dhowr ah, oo isugu jiro dhimasho iyo kuwo uu soo ritay xanuunka, isagoo sameyey korar 24-kii saac ee ugu dambeyey. Warsaxaafadeedka soo baxay madasha ayaa lagu sheegay in loo bahan yahay in wixii tabar tacaal ah la isugu geeyo sidii loo samatabin lahaa dadka uu soo ridanayo xanuunka, guddoomiye Shariif Sheeikh Axed oo hadlay ayaa ka digay in la siyaasadeeyo xanuunka COVID-19. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay dhaqdhaaqa Al-Shabaab weeraro ay ku qaadeen qeybo ka mid ah deegaanka Janaale ee gobolkaasi. Weerarada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday saldhigyo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin halkaasi. Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabelle uu sheegay in tiro seddex jeer ah Al-Shabab ay weeraro ku qaadeen Janaale, islamarkaana ay ku dhinteen illaa 2 qof oo rayid ahaa. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan weeraradaasi iyo dagaallada xigay intaba. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana wararku ay sheegayaan in ciidamada milatariga Soomaaliya ay dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen halkaasi. View the full article
