Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday barnaamij ay ugu magac dartay Baxnaano, kaasoo sida madaxweynuhu sheegay lagu taakuleynayo dadka danyarta ah ee Soomaaliyeed. Intii ay socotay daahfuridda barnaamijkan, ayaa madaxweyne Farmaajo wuxuu xukuumaadda ku ammaanay xaqiijinta ballanqaadyo ku aaddan soo nooleynta adeegyadii bulshada ee aasaasiga ahaa. Haddaba qoraalkan yar waxaan wax kaga eegeynaa aragtiyo laga qabo barnaamijka Baxnaano iyo sidoo kale weydiinta ah maxaa ka dhab ah in dowladdu xaqiijisay fulinta adeegyo aasaasi ah. Barnaaminka Baxnaano oo ah mid uu maalgelinayo bangiga adduunka ayna isla fulin doonaan DFS, hey’adda WFP iyo UNICEF, ayaa waxaa ku kici doonta lacag gaareysa 4 milyan oo doollar, ayada oo ay ka faa’iideysan doonaan, sida DFS sheegtay, dad gaaraya 1.3 milyan (hal milyan iyo saddex boqol oo kun) oo qof oo ku nool 21 degmo oo dalka ah. Waxaan is weydiiyey sidee kaalmo ugu noqon kartaa dadka intaas le eg lacagta loo qoondeeyey? Waxaa qofkiiba ku soo aadi doonta 3 doollar. Waa kaalmo aad u yar marka loo eego sida dowladdu ay maal faro badan hore ugu bixisay waxyaabo aan aasaasi aheyn. Sida aan xusuusanno waxey xukuumaddu horey malaayiin doollar ugu bixisay dhismooyin goobo fanneed, ciyaareed iyo maaweelo. Rw Kheyre oo booqday Gaalkacyo wuxuu dhowr boqol oo kun doollar ku deeqay dhismo garoon ciyaareed, ayadoo lacagtaas lagu bixin karay adeeg aasaasi u ah bulshada sida isbitaal, dusgi waxbarasho iwm. Waxaa sidoo kale Reysulwasaaruhu mar uu booqday magaalada Baydhaba ku deeqay lacag fara badan si loogu dhiso garoon lagu ciyaaro, ayadoo lacagtaas loo weecin karay adeeg bulsho oo aasaasi ah. Dowladdu waxey malaayiin doollar ku bixisay dhismaha taallooyin aan wax weyn ugu fadhiyin xilligan dadka Soomaaliyeed oo beddelkeeda u baahan adeegyo aasaasi ah. Waxaa kale oo jira maal kale oo lagu bixiyey dhismaha Tiyaatarka Qaranka iyo Stadio Muqdisho. Hantidaas ay dowladdu faraqday waxaa looga faa’iideysan karay in la geliyo goobaha caafimaadka iyo waxbarashada. Baxnaano waa mashruuc wanaagsan laakiin aan heysan gacan furnaantii uu u baahnaa. Saddex doollar cidna meel kama qoyso. Haddiise laga dhigo waxtar, waxey noqoneysaa meel ka dhac garaadka bulshada loo geystay. Haddaba ayadoo wax walba laga istaagayo dhinaca wanaagsan waxaa dowladda la gudboon iney xoolo u hurto shacabka Soomaaliyeed oo xilliga baahi weyn u qaba kaalmo daruuri ah. Hantidaas la geliyey meelahaas aan sheegay ee aan munaasibka aheyn, waxaa ay ku habbooneyd in isbitaal casri ah dowladdu ku hirgaliso, taasoo maanta meel weyn uga soo bixi laheyd bulshada Soomaaliyeed xilligan adag. Maanta ma jiro hal isbitaal oo qalabeysan oo ay dowladdu hirgelisay, marka laga reebo kuwii ay ugu yimaadeen marka ay xilka qabanayeen. Dowladnimadu maaha dhagar, afgobaadsi iyo halagaa sheego, ee waa waxqabad iyo isla xisaabtan. Waxaan heysannaa xukuumad aan weligeed la xisaabin, muddo saddex sano ka badan, oo aan baarlamaan hortagin. Haddii isla xisaabtan jiri lahaa maamul-xumadaas naguma dhacdeen! Yusuf Shuqale Xasan – Waxaad kala xiriiri kartaa Email: yhamari@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo sidoo kale ahaa Samafale caawiya dadka tabaaleysan ayaa muddo ku siman hal sanno u xiran xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi, iyada oo loo soo jeediyay eedeymo kala duwan oo salka ku haya magac dil qaran iyo aflagaado Madaxweyne. Wariye Coldoon ayaa la aaminsan-yahay in sifo sharci daro ah loo maray xarigiisa, iyada oo 17-kii April ee sanadkii hore ee 2019-ka ay gacanta kusoo dhigeen Ciidamada Somaliland, iyaga oo aan wax waaran ah u sidan xarigiisa, sida ay hore u sheegen Qareeno u doodayey Coldoon. Coldoon ayaa Maxkamadi ku xukuntay Saddex sano iyo badh, kadib markii ay sheegtay inay ku heshay eedeymaha aan kor kusoo xusnay iyo weliba faafinta warar been abuur ah oo ka dhan ah Somaliland, iyada oo Qareenadiisu ay aaminsan-yihiin in xukunkaasi uu udhacay qaab siyaasadeysan, oo lagu xukumay aragtidiisa shaqsiyadeed oo laf dhuun-gashay ku noqotay Somaliland. Xukuumada Muuse Biixi oo eedeymo kala duwan loogu jeediyay xariga Coldoon ayaa gebi ahaanba iska fogeysay, iyada oo ay ugu dambeysay eedeyntii Hey’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ujeedisay xukuumadooda, iyada oo weliba si dhakhso ah uga dalbatay in loo sii daayo Wariye Coldoon oo sifo sharci daro ah ku xiran. Amnesty International ayaa xariga Cabdimaalik ku tilmaamtay mid sabab la’aan ah, maadaama loo fuliyay amar la’aan, waxaana lagu xadgudbay Qodobka 25 (2) ee dastuurka Somaliland, kaas oo dhigaya in booliska ay qasab ku tahay in ay ka helaan warqad amar qaadasho ka hor inta aan la xirin Xukuumada Somaliland, gaar ahaa hogaamiyaheeda Muuse Biixi Cabdi ayaa dhowr jeer oo kala duwan laga dalbaday inuu cafis u fidiyo Wariye Cabdimaalik Coldoon, inkasta oo u muuqdo mid dhagaha ka fureysanaya dalabaadka ku aadan sii-deynta Coldoon, hadana waxa socda dadaalo xukuumadiisa culeys lagu saarayo si ay usii deyso Wariyaha
  3. On 16th March, 2020, Somalia recorded its first case of coronavirus. Somalia comes top of the INFORM Global Risk Index with a vulnerability score of 8.9 out of 10. This makes it the country with the weakest capacity to cope with the added stress of a pandemic such as COVID-19 in the world- With a health system already at breaking point, if no urgent attention is given to this looming crisis, Somalia will likely suffer the effects of the pandemic more severely than many other countries. More than 2.4 million people already requiring lifesaving essential healthcare and nutrition services are facing an uncertain future if the spread of the pandemic is not stopped in its early stages. Although the country has taken precautions to curb the spread of the virus such as banning of flights and closure of schools, the number of cases has been rising by each day, this includes cases with no travel history, thereby signifying community transmission. Among those most at risk are the more than 2.6 million internally displaced people (IDPs) faced with water scarcity, poor hygiene and lack of access to quality and affordable medical service. The closure of schools has left more than 1.3 million children with no access to education, eroding the gains that have been made over the years to ensure Somali children receive education without interruption. This is in addition to the 3 million school-aged children who are not enrolled in schools in Somalia. The school closures have also negatively affected girls through reinforcing social norms and practices of gender inequality, the girls now shoulder the burden of taking care of the households. Despite the challenges posed by school closures CARE will continue to support the Somali education system directly and through partners. This will be by using technology and innovative solutions to provide pre-recorded academic lessons and messages on COVID- 19 prevention through radio and television programming and potentially online platforms, as well as distribution of low cost laptops to the most vulnerable children. COVID-19 is also likely to have an even worse and longer lasting economic impact on the country which is still recovering from decades of civil war. Not only is the country’s own economy affected by travel bans and lock downs, but it is estimated that Somalia receives approximately USD$1.6 billion per year in remittances from countries around the world that are also facing lock downs that affect those working in informal labour disproportionately. CARE SOMALIA/SOMALILAND COUNTRY DIRECTOR, IMAN ABDULLAHI SAYS: “We are faced with one of the greatest emergency challenges for Somalia and Somaliland. As an organization we have identified women and girls to be the most affected if the virus spreads in the country, children will also be greatly affected by the closure of schools. Before the pandemic, Somalia and Somaliland already had more than 2 million girls who were out of school and further interruptions to the school calendar will have a huge negative impact on the future of education. Our teams on the ground have met children who are afraid if they will ever go back to school again or enjoy their childhood with friends and relatives. We have already started adapting our programs to respond to the threat of an outbreak in the country. CARE is on the ground raising awareness on the virus amongst communities through our partners. But our efforts will be in vain if we don’t receive funding urgently, currently the Country Preparedness and Response Plan requires US$57.8 million to scale up preparedness, readiness and response over the next nine months.” CARE is currently embarking on a massive awareness campaign through different channels in Somalia focusing on prevention and recognizing symptoms of the virus. The COVID-19 virus has followed the locust plague which has left Somalia reeling; a second wave of locusts is also currently threatening countries in East Africa. CARE aims to reach at least 15% of the estimated 15 million Somali population with awareness raising and communication, bulk SMS messaging, radio and TV talk shows, provision of supplies including non-food items for hygiene and sanitation and installation of handwashing facilities in Mogadishu and Hargeisa which have already reported cases. CARE calls upon all stakeholders and the global community to support the Somalia COVID-19 response and save thousands of lives. Strengthened coordination and more funding is also needed to support a country that is still recovering from climatic shocks which have left thousands with vulnerable immune systems.
  4. On 17th of April 2020, two Kenyan newspapers published what they called as “confidential” report alleging the existence of strong links between Somalia’s National Intelligence and Security Services (NISA) and Al-Shabab. The allegations in the report say Al-Shabab received staggering amount of USD 1.5 million through a cheque from the deputy director of NISA but was soon discovered to be unfounded. As reported by the Caasimada Online news outlet, the alleged cheque was a fabricated image that was shared by a Facebook page under the name Mudaaharaadka 7 of February (February 7 Demonstration), which has been used to criticize the Somali government leaders, on 11th of April 2020, six days before the Kenyan newspapers claimed to have received a confidential report from an insider in the militia. This baseless report is a series of propaganda that are aimed at defaming Somalia and its intelligence services. The full report is on www.caasimada.net. Kenya’s ambitions to occupy Jubaland are in tatters now that the forces of Somali National Army are being deployed to secure the border between the two countries. Kenya is also of the impression that Somalia is winning the maritime dispute case currently being handled at the ICJ. In December 2009, the US Deputy Assistant Secretary of State for African Affairs, Mr. Karl Wycoff met with the Kenyan Minister of Foreign Affairs, Mr. Wetangula in Djibouti on the margins of the IGAD ministerial meeting, warning the Kenyan government against the “Jubaland” initiative of using that region as a buffer state citing it would only add to Somalia’s instability. Wikileaks had exposed the contents of the meeting in Djibouti through the cable https://wikileaks.org/plusd/cables/09DJIBOUTI1391_a.html. Disregarding the advices of the International Community, Kenya deployed its troops inside Somalia’s territory in October 2011, to allegedly fight Alshabab, a move that was strongly opposed by the then President of Somalia, Mr. Sheikh Sharif who described the military invasion as illegal. Kenya also partnered with Ahmed Madobe, who himself fought the Somali government as an ally of Alshabab for years, before he was installed in Kismayo to lead the Kenya’s buffer state of Jubaland in 2012 shortly after the invasion of the Kenyan troops in Somalia. Kenya had close collaborations with Alshabab on the charcoal trade as reported by the UN Monitoring Group, and many still believe the relationship between the two does exist as yet though sporadic. The locals in Kismayu and in the other regions of Jubaland are against the invasion of the Kenyan troops who commit, from time to time, various violations against civilians in the region. Kenya’s militarization of diplomacy with Somalia never slowed down the attacks of Alshabab, but left the Kenyan troops helpless to counter their escalated attacks inside and outside Kenya. In the latest Alshabab’s assault at the US military base of Manda Bay in Kenya, the Kenyan troops, as reported by witnesses, escaped the base in to the bush. It is to note that Kenya pushed for Alshabab to be listed as a terror group under Resolution 1267, but the Security Council had disapproved the request, after the humanitarian agencies operating in Somalia showed concerns over the delivery of the humanitarian aid in Somalia. The Somali government also sees this as increased sanctions and restrictions so could only oppose such proposal. In the past, Kenya was regarded by Somalis as a friend when it hosted several peace reconciliation conferences that were fruitful, but now seem to be losing that respect following its occupation of Somalia’s territory of Jubaland. Seeing their plans turn to ashes, Kenya’s foreign policy is failing successfully and the apparent loss of the maritime case to Somalia June this year, could only wear out its international reputation, having claimed seawaters that don’t belong to them. Kenya also started to host the opposition groups of Somalia for the purpose of using them to destabilize Somalia. Kenya never took Somalia seriously after the civil war until recently when the current administration of the Federal government started to bring the disoriented government affairs including the foreign policy back in to normal. Kenya is ought to respect Somalia and its sovereignty, or else, Somalia would revive the project of bringing back the occupied NFD, the current North Eastern part of Kenya.
  5. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar___Qubanaha-19042020-ok.mp3 View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta shir guddoomiyay kulan ay ka qeyb galeen guddoomiyaasha guddiyada dowlad gobaleedyada ee ka hor tagga xanuunka COVID-19, ayaa maamul goboleedyada u balanqaaday wada shaqeyn buuxda. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulanka ka sheegay in dalku uu maanta ku jiro xaalad adag, isla markaana wixii kala aragti duwanaasho ah aysan saameyn ku yeelan dadaallada looga hortegayo Coronavirus. “Xilli adag ayaan ku jirnaa, maanta waa xilligii qof kasta oo naga mid ah uu dadaal kasta bixin lahaa, waxa walba oo kala aragti duwanaan ah oo noo dhaxeeya, waa in aysan naga hor istaagin badbaadinta dadkeena, DF waad ku tashanaysaan, gaar ahaan xaafiiskeyga 100% waxaa uga tashaneysaa wada shaqeyn buuxda, wasiirka caafimaadka Fowsiyana waxay idiin qirtay in sifiican aad ula shaqeysaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre. Kulankaas ayaa waxaa la sheegay diiradda lagu saaray dardar gelinta dadaallada lagu xakameynayo faafidda iyo saameynta uu bulshada ku yeelan karo cudurka Coronavirus. Guddoomiyaasha guddiyada dowlad gobaleedyada dalka u qaabilsan ka hor tagga xanuunka COVID-19, ayaa kulanka kusoo bandhigay warbixinnadii ugu dambeeyay ee deegaanada dowlad gobaleedyada iyo caqabadaha jira. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kulankaas ka sheegay in dowladda federaalku ay dadaalkeeda isugu geyneyso wax ka qabashada COVID-19, waxuuna ka dalbaday hoggaankii guddiyada Corona ee kulanka ka qeyb galay in wadajir loo wajaho, lana laba jibaaro dadaallada lagu xakameynayo cudurkan. Dowladda Federaalka ayaa maanta Muqdisho ka hir-gelisay xarunta dhexe ee xiriirka oo laga hagi doono, talooyina laga siinayo dadka uu soo rito xanuunka COVID-19 iyo kuwa iskaga shakisan ee u baahan in ay is-baaraan. Xaruntaas ayaa la sheegay in si casri ah loo diyaariyay, waxay ka jawaabeysaa dhammaan wicitaannada teleefanka gaaban ee u gaarka ah Coronavirus ee 449, waxayna bukaanada ku xiri doontaa qeybaha kala duwan ee la tacaala cudurkan. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinteedii caawa ku shaacisay kiisas cusub oo hor leh. Kuwaas oo gaaraya 29-kiis, waxaana faahfaahinta lagu sheegay in 21-qof oo ka mid ah 29-kaas qof ee maanta laga helay cudurka ay lab yihiin ama rag, halka sideeda kalena ay dumar yihiin. Sidoo kale deegaanada Puntland iyo Somaliland ayaa maanta laga soo weriyay mid hal kiis oo Coronavirus ah, waxuuna Puntland u noqonayaa kiiskii ugu horeeyay ee laga diiwaan geliyay deegaanadeeda, halka Somaliland uu u noqonayo kiiskii lixaad ee dadka laga helay COVID-19.
  7. Muqdisho (SMN) – Ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Haramcad ayaa caawa jirdil aan loo meel-dayin u geystay wariyeyaal ka tirsan Shabakadda Warbaahinta Shabelle. Falkaan foosha xun ayaa ka dhacay isgoyska Xaaji Baasto, degmada Hodan ee gobolka Banaadir xili ay suxufiyiinta kusoo wajahnaayeen xarunta kadib markii ay howlo shaqo kasoo laabteen. Suxufiyiinta ayaa kala ah; Cabdinaasir Cabdiraxmaan Maxamuud, Cabdikariin Ciise Cadaawe iyo Faadumo Cabduqaadir Xasan. Ku dhowaad saddex askari oo ka tirsan ciidamadda ayaa si wadar ah ugu gacan-qaadey Cabdinaasir oo ah wariye iyo farsamayaqaan, iyagoo aan waydiin waxa uu yahay iyo aqoonsigiisa shaqo. Askar kale oo ku sugneyd goobta ayaa qoryo kuwada qabtay Cabdikariin oo ah wariye iyo filim-qaade, si lamid ah Faadumo, oo ah wardoon iyo barnmaaij soo saare ka tirsan Raadiyaha iyo Telefishinka Shabelle. Xadgudubkaan ayaa qeyb ka ah gabood-falo ay ciidamadda dowladda federaalka Soomaaliya maalmihii lasoo dhaafay kula kacayeen wariyeyaasha madaxa banaan ee ka howlgala caasimadda. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in wariyeyaasha loo ogol yahay in ay dhaqdhaqaaq sameeyaan habeenkii maadaama magaaladda bandow loogu soo rogay fayruska Corona dartiisa. View the full article
  8. Mogadishu (PPM) — The former Somali Minister for Foreign Affairs Fawzia Yusuf Haji Adam, who is a Member of the Federal Parliament, has criticised Somali politicians still clinging to the 4.5 power-sharing mechanism as basis for 2021 elections in Somalia. Writing in wardheernews, a news website, Fawzia discusses stages the Somali transition has passed through and different electoral models adopted since 2000. Fawzia proposes proportional representation as opposed to first-past-the-post, which the incumbent Federal Government of Somalia proposed and had it codified in the electoral law passed by the Federal Parliament and the Upper House in December 2019. Fawzia argues proportional representation reduces possibility of electoral fraud in Somalia’s planned one person, one vote elections to be conducted for the first time since 1969, when the military had brought to an end Somalia’s experiment with parliamentary democracy. Fawzia: Puntland State warned against a return to 4.5 system as a basis for elections after 2017 “Elections can take place in Puntland, South West State, Galmudug, Hirshabelle, Jubaland and Mogadishu” she writes. “It is deplorable that traditional leaders with no knowledge of the business of government select the national legislators.” Fawzia proposes that voter registration take place on the election day due to security impediments that make pre-election registration impossible. She urges the Federal Government of Somalia to work with Federal Member States and Banadir Regional Administration to assist the National Independent Electoral Commission to conduct elections next year. After elections the new government should finalise the draft constitution and the Judicial Service Commission, argues Fawzia. “One must not flinch from the commitment to conducting free and fair elections in Somalia where youths and women constitute 75% and 65% respectively. Women must be allowed to exercise their full representation rights in line with the [Draft] Constitution” Fawzia concluded. Fawzia is the Chairwoman of the National Democratic Party and leads Hiigsi, an alliance of Somali political parties. Puntland Post Monthly, 2020 The post Fawzia Yusuf H. Adam recommends proportional representation for Somalia elections appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shir ay ka qeyb galeen guddoomiyaasha guddiyada ka hortagga Covid-19 ee dowlad gobaleedyada, oo looga hadlay dardar gelinta dadaallada lagu xakameynayo faafidda iyo saameynta bulshada uu ku yeelanayo cudurka COVID-19. Guddoomiyaasha guddiyada dowlad gobaleedyada ee ka hortagga COVID-19 ayaa kulanka kusoo bandhigay warbixinnadii ugu dambeeyay ee dowlad gobaleedyada iyo caqabadaha jira. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo caddeeyay in dowladda federaalku ay dadaalkeeda oo dhan isugu geyneyso wax ka qabashada COVID-19, ayaa ku baaqay in wadajir loo wajaho cudurkaan, lana laba jibaaro dadaalka maadaama lagu jiro xilli aad u adag. Dowladda oo ku dadaaleya xakameynta iyo saameynta bulsho ee cudurkaan COVID-19, ayaa hir-gelisay xaruma caafimaad oo lagu daryeelo bukaannada, waxayna dhanka kale canshuur dhaaf iyo canshuur dhimis u sameysay cunnada aasaaniga u ah nolosha bulshada, iyadoo sidoo kale wada qorshe lagu caawinayo dadka u nugul saameynta ka dhalanayesa tallaabooyinka lagu xakameynayo cudurkaan. View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay 29 kiis cuusb oo ah Coronavirus. War-saxaafadeed ayay ku sheegtay in tiradda guud ay haatan noqoneyso 164, marka lagu daro xaaladahaan maanta soo kordhay. Bayaanka ayaa u noqdaa sidda tan; 19 April 2020: Warbixinta maanta ee COVID-19 Baaritaanadii maanta la sameeyey, waxaa cudurka COVID-19 laga helay 29 qof. > Lab: 21 > Dhedig: 8 > Bogsasho: 1 > Tirada guud: 164 Dowladda Soomaaliya oo muhiimadda koowaad siineysa ka shaqeynta bed-qabka bulshada, ayaa dadaal xooggan ugu jirta xakameynta faafitaanka iyo saameynta cudurkaan dhibaatada badan ku haya caalamka. View the full article
  11. Wasaaradda caafimaadka Dawlad goboleedka Puntland ayaa caawa shhaacisay in qofkii ugu horeyey laga helay xanuunka Caoronavirus kaas oo ku sugan Puntland sida caawa ay ku dhawaaqday wasaaradda caafimaadka. Qoraalka kooban oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in muwaadin laga helay xanuuka COOVID-19 uu yahay muwaadin ku sugnaa dalka oo aan ka safrin waxaana sidoo kale ay xustay inuu yahay Rag da’diisa tahay 33 jir Guddoomiyaha Guddiga wacyi gelinta xanuunka Coronavirus ee deegannada Puntland Jamac Farax Xasan ayaa sheegay in dhowaan labo ruux oo laga shakiyey laga qaaday dheecaanno si loo baaro waxaana uu xusay in uu ahaa mid ka mid ah xili warbaahinta uu la hadlayey waxaana uu intaas ku daray in bukaanka xaaladdiisu wanaagsan tahay. Goobjoog News – Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa goor dhaweyd soo saartay warbixintii maalinlaha aheyd ee cudurka Coronavirus, waxaana lagu shaaciyey kiisas cusub oo COVID-19 ah. Wasaaradda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay 29 qof loo diiwaan geliyay in uu ku dhacay cudurka Coronavirus. 21-qof oo ka mid ah 29-ka qof ee maanta laga helay cudurkaas ayaa ah lab ama rag. Halka sideeda kalena ay dumar yihiin. Sidoo kale warbixinta wasaaradda ee caawa soo baxday ayaa lagu sheegay in hal qof oo ka mid ahaa dadkii horay loo shaaciyey uu ka bogsaday cudurkaas. Warbixin inta cawanimo kasoo baxday guddiga wacyi gelinta iyo ka hor tagga xanuunka Coronavirus ee deegaanada maamulka Puntland ayaa lagu xaqiijiyey kiiskii ugu horeeyay oo Coronavirus ah, kaas oo laga diiwaan geliyay deegaanada Puntland. Sidoo kale Somaliland ayaa maanta shaacisay hal kiis oo isla cudurkan ah, taas oo tirada guud ee dadka ku nool deegaanada Somaliland ee laga helay cudurkaas ka dhigeysa lix kiis. Warbixinta caawa kasoo baxday wasaaradda caafimaadka Soomaaliya laguma cadeyn halka ay ku kala noolyihiin 29-ka qof ee 24-kii saac ee lasoo dhaafay loo diiwaan geliyay in ay qabaan Coronavirus.
  13. Cadaado (Caasimada Online)-Labadii maleeshiyo beeleed ee maalmihii lasoo dirirtu ku dhex martay xadka gobolka Galgaduud uu la wadaago dowlada deegaanka Soomaalida ayaa maanta heshiis ka kooban 13 qodob ku kala saxiixday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Wafdi ka socday dowlad deegaanaka Soomaalida ayaa shalay soo gaaray magaalada Cadaado, waxaana halkaas ka bilaawday kulamo xal loogu raadinayo colaada kasoo dhex cusboonaatay labada maleeshiyo beeleed oo maalmihii lasoo dhaafay dad badan iska dilay. Mas’uuliyiin ka kala socday dowlad goboleedka Galmudug iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa labada dhinac u kala saxiixay heshiiskan ka koobnaa 13-ka qodob . Qodobada heshiiska ayaa waxaa ugu muhiimsan in hubka dhigis lagu sameeyo labada maleeshiyo beeleed, wixii hub sharci darro ah ee lagu arko xaduudahana ay la wareegaan ciidamada federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya. In guud ahaan xaduudka labada dal uu noqdo mid ka caagan hubka iyo abaabul ciidan beeleed. In arrimaha xaduudaha labada dal ay ka hadlaan guddiyada xaduudaha ee labada dawladood ama cidda ay wakiishaan. In qofkii ama ciddii fal dambiyeed ka geysata xaduudka ay iska kaashadaan soo qabashadiisaa labada dawladood. Heshiiskaas xalka loogu raadinayo colaada kasoo cusboonaatay xuduuda Galmudug iyo dowlad deegaanka oo u dhaxeysa laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda deegaanada labada maamul ayaa waxaa saxiiixay 10 xubnood oo kala metelayey labada dhinac. Dhanka dowlad goboleedka Galmudug waxaa u saxiixay heshiiskaas xubnaha kala ah. 1- Wasiirka arrimaha gudaha Duraan Cabdi Samatar 2- Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Daahir Shidane Cabdi 3- Cumar Maxamed Diiriye (Cumar Guureeye) 4- Gen. Cabdi Jaamac Cabdulle la taliyaha Madaxwaynaha Galmudug ee dhanka amniga 5- Korneyl Mahdi Cumar Muumin Taliyaha NISA ee qeybta Galmudug. Halka dhanka dowlad deegaanka Soomaalida ay u saxiixay heshiiskaas xubnaha kala ah. 1- Wasiir ku xigeenka amniga Cabdullaahi Muxumed Cabdi 2- Cabdinaasir Maxamed Cabdulle 3- Badal Xirsi Maxamed la taliyaha dhanka amniga ee Madaxwaynaha DDS 4- Korneyl Deeq Cumar Cabdi madaxa maamulka iyo lacagta DDS 5- Korneyl Xaashi Ibraahin Cawaale Taliyaha Gaaska 3-aad ee ciidamada dowladda faderaalka Itoobiya. Hoos ka aqriso qodobada heshiiska oo dhameystiran
  14. Guddiga ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka COVID-19 u qaabilsan Puntland ayaa Caawa shaaciyay in maanta oo keliya gudaha Puntland lagu karantiilay shan ruux oo looga shakiyay cudurka Coronavirus. Warbixin ka soo baxday guddiga ayaa lagu sheegay in shanta ruux ee karantiilan lagu samayn doono baaritaan dibadda loo qaadayo islamarkaana natiijadiisa laga war-sugi doono si loo xaqiijiyo in ay xanuunka qabaan iyo in kale. Sidoo kale guddigu waxay sheegeen in ay maanta booqdeen xarun laga hirgelinayo Shaybaar guud oo Puntland yeelanayso kaasi oo lagu baari doono xanuunno uu kamid yahay COVID-19 Warbixinta guddiga ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in bukaankii ugu horreeyay ee qaba xanuunka Coronavirus laga helay gudaha Puntland kaas oo aan dhowaan wax safar ah gelin. Bukaanka laga helay xanuunka ayaa ku sugan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland halkaas oo uu haatan ku karantiilanyahay. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay hirgelinayso Shaybaarka COVID-19 appeared first on Puntland Post.
  15. Ciidamada xoogga dalka qeybta 27-aad ayaa maanta gacanta ku dhigay Qaad laga soo deejiyey Dekadda Ceel Macaan ee gobolka Shabeellaha dhaxe iyadoo la doonayey in si sharci darro ah loo soo geliyo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka dib markii la joojiyey keenista Qaadka Sababo la xariira xanuunka COVID-19. Qaadka Ciidamu ay qabteen oo ahaa dhowr jawaan oo lagu keenay dooni badda soo maray ayaa laga keenay dalka Itoobiya waxaana goobtii lagu soo bandhigayey ku sugnaa taliya Taliyaha Qeybta 27aad ee ciidamada xooga dalka Jeneraal Axmed Maxamed Maxamuud, taliyaha ilaada canshuuraha dhaqaalaha Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Cabdullaahi Xasan Barrise iyo ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha guud Qaranka Axmed Cabdullaahi Maxamed. Ciidamada ayaa marki dambe goob fagaaro ah aku gubay Qaadka. Taliyaha Qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga dalka oo goobta lagu gubayey Qaadka ka hadlay ayaa sheegay in Qaadka la rabay si sharci darro ah loo soo geliyey dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho lana qabtay iyadoo laga tigtoonaanayo faafotaanka xanuunka Coronavirus. “Waxaan fulinay inaan soo qabanno Qaadkaan oo ka soo degayey dekadaha debiiciga ah ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxaa lagu soo qabtay dad ganacsato ah wallow ay ka carareen, Qaadkaan waxaa looga baqay faafinta cudurka halista ah ee COVID-19 oo ah cudur aad u fida” ayuu yiri taliyaha qeybta 27-aad ee xoogga dalka. Sidoo kale taliyaha ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa ugu mahad celiyey ciidanka qeybta 27-aad ee xoogga dalka howlgalkii ay ku qabteen Qaadka , waxaana uu tilmaamay in shacabka laga badbaadiyey halis cudur waxaana uu yiri taliye Bariise isaga oo arrintaas ka hadlayo. “Qaadka sidiisa dhan caafimaad maahan ee waa cudur, waa labo cudur cudur waxaa uu cudur ku yahay dhaqalaha dalka ama dadka cunaayo Qaadka caafimaad in uusan laheyn cidda cunta Og iyo ciddii cunijirtay waa ay taqaan” Dhanka kale Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Cabdullaahi Maxamed ayaa tilmaamay in qaadka uu si fudud uu u gudbiyo xanuunka Coronavirus, waxaana uu intaas ku daray in horay loo joojiyey waxaana uu yiri, “Awaamiir ka soo baxday dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu joojiyey maadaama uu yahay sun uu xambaari karo cudurka Coronavirus ayna sahlan tahay inuu si fudud u gudbiyo maadaama ay gacmo badan ay taabanayaan” Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhaawaaqday inaan dalka la keeni karin Qaadka oo laga keeni jiray wadamada Kenya iyo Itoobiya cabsi laga qabo xanuunka Coronavirus oo Bariga iyo Geeska afrika lagu arkay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (SMN) – Dhowr madfac ayaa laga maqlay xaafadaha ku teedsan xeradda Xalane oo fariisin u ah diblumaasiyiinta iyo howlgalka AMISOM. Wararka ayaa sheegaya in qaar kamid ah hoobiyeyaasha ay ku dhaceen gudaha saldhiga, wallow aanan la caddeyn karin khasaaraha guud. Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkaas. Balse, waxaa dhacdooyinka noocaan ah looga bartay Al-Shabaab. Tirro dhowr jeer ah oo weeraro noocaan ah loogu ekeeyay Xalane waxaa ka dhashay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhaweyd laga maqlay jugta madaafiic culus oo loo maleynayo inay yihiin hoobiyeyaal kusoo dhacay. Dad ka ag dhaw garoonka ayaa Caasimada Online u sheegay in ay maqleen illaa afar jug oo aad u culus, kuwaas oo laga maqlay aagga garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo xarunta Xalane oo ku dhaw garoonka. Si rasmi ah looma oga halka ay ku dhaceen madaafiicdaas, halka laga soo riday iyo cidda soo riday toona, balse madaafiicda ayaa ahaa illaa saddex wareeg oo midkiiba dhowr madfac uu ahaa. Ururka Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore xarunta Xalane ku weeraray madaafiic ay u adeegsadeen qoriga loo yaqaano hoobiyaha. Sidoo kale illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaas madaafiicda ah ee laga maqlay aaga Aadan Cadde iyo Xalane. Xarunta Xalane ayaa fadhi u ah hey’ado caalami ah oo ay ugu horeeeyaan kuwa Qaramada Midoobey iyo sidoo kale safaarado dhowr ah, waxaana ammaankeeda suga xaruntaas ciidamada midowga Afrika ee AMISOM, hase yeeshee Al-Shabaab ayaa mararka qaar beegsada, inkasta oo aysan weli ka hadlin weerarka caawa oo isagu goor dhow dhacay.
  18. Gudiga Puntland u qaabilsan Ka hortaga Corona Virus ayaa sheegay in Shan Qof oo karantii ku jiray midkood laga helay Corona Virus. Baaritaan lagu sameyay [...] Source
  19. Garowe (SMN) – Guddiga Puntland u qaabilsan wacyi-gelinta iyo ka hortagga Coronavirus ayaa xaqiijiyey kiiskii ugu horeeyay oo cudurkaas ah. Bukaanka ayaa lagu sheegay muwaadin kamid ah laba qof oo dhowaan laga baarey xanuunkaas safmareenka ah. Sidda ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay guddigaas, ruuxa kale ayaa waxaa laga waayey fayruska dilaaga ah. Dhanka kale, guddiga ayaa sheegay in maanta ay karantiileen shan qof oo lagu tuhmay xanuunka, kuwaas oo la baari doono. Ugu dambeyntii, dadweynaha ayay ugu baaqeen in ay muujiyaan taxadar dheeraad ah kana fogaadaan meelaha bulshadda ku kulanto. View the full article
  20. Guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka COVID-19 ayaa haatan shaaciyay in kiiskii ugu horreeyay xanuunka Coronavirus laga helay Puntland. Guddiga ayaa sheegay in baaritaan lagu sameeyay bukaanka lagu xaqiijiyay in uu haleelay cudurka Coronavirus, kadib markii maanta ay soo baxday natiijada baaritaankaas. Inkasta oo Guddiga uusan shacaacin meesha uu qofkaasi ku sugan yahay, ayaa hadana ilo xog ogaal ah oo dhanka caafimaadka ah warbaahinta Puntland Post u xajiijiyeen in uu ku sugan yahayb magaalada Garowe caasimada Puntland. PUNTLAND POST The post Xaaladdii ugu horreysay ee Coronavirus oo laga helay Garowe appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-habeen-19042020.mp3 View the full article
  22. Garowe (Caasimada Online) – Guddiga wacyi gelinta iyo ka hor tagga xanuunka Coronavirus ee deegaanada maamulka Puntland ayaa caawa xaqiijiyey kiiskii ugu horeeyay oo ah cudurka in laga diiwaan geliyay deegaanada Puntland. Guddiga ayaa sheegay in qofka laga helay cudurkaas uu ka mid ahaa laba qof oo dhawaan laga qaaday dheecaan si loo baaro, waxuuna sheegay guddoomiyaha guddiga oo warbaahinta kula hadlay Garowe in qofka laga helay xanuunkaas uu san gelin wax safar ah. Sidoo kale guddoomiayaha guddiga ayaa sheegay in xaaladda bukaanka laga helay cudurkaas ay haatan aad u wanaagsantahay, waxaana xanuunkaas laga helin qofkii kale eel ala baaray. Waa kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus ah oo laga diiwaan geliyay deegaanada maamulka Puntland, waxuuna masuulka u hadlay guddiga wacyi gelinta iyo ka hor tagga xanuunka Coronavirus ee Puntland uu walaac ka muujiyey in qofka maanta laga helay cudurkan uusan ka bixin Puntland, sidaas darteedna ay cabdi badan ka qabaan in bulshada uu si tartiib ah ugu faafo COVID-19. Illaa shan qof oo kale ayaa sidoo kale maanta loo karaantiilay shaki la xariira Coronavirus, sida uu ka dhawaajiyay gudoomiyaha guddi Puntland u qabilsan arrimaha cudurkan. Markii laga soo tago oo laga diiwaan geliyay kiisaska ugu badan ee cudurkaas waxaa kiisas kale horay looga diiwaan geliyay Somaliland iyo Jubbaland, waxaana maanta oo u dameysay deegaanada Somaliland laga soo weriyay hal kiis oo wadarta kiisaska Corona virus ee ka jira Somaliland ka dhigeysa lix kiis.
  23. Mogadishu (SMN) – The Federation of Somali Trade Unions (FESTU) today applauded the Federal Government of Somalia for the launch of the Social Safety Net for Somalis across the country, particularly vulnerable people who will receive the shock-response cash transfers. The inauguration of the social safety net program at this critical time of the COVID-19 pandemic by President Mohamed Abdullahi Mohamed of Somalia with the presence of the Minister of Labour and Social Affairs Sadik Hirsi Warfa and the Minister of Finance Dr Abdirahman Baileh, demonstrates strong political will and commitment. Now is the time to turn commitments into action to create inclusive opportunities for working families and the poorest and most vulnerable groups in the country. The World Bank-funded Shock Responsive Safety Net for Human Capital project, under the leadership of the Ministry of Labour & Social Affairs (MOLSA), is necessary and timely support as it aims to provide cash transfers to targeted poor and vulnerable households and establish the building blocks of a responsive national system to shocks. Known for its Somali name Baxnaano, the project is expected to support 200,000 poor and vulnerable families living in extreme poverty across the country and provide them with nutrition-linked cash transfers. “Trade unions greatly appreciate this timely support from the World Bank in partnership with our government. But it is only a drop in the ocean as Somalia now faces the daunting task of overcoming the converging pandemic crisis and persistent poverty,” said FESTU General Secretary, Omar Faruk Osman. The raging COVID-19 crisis has revealed the urgent need for adequate social safety nets to protect the vulnerable population, particularly the workers trapped in in-work poverty. The vast majority of workers and their families are unlikely to receive assistance of any kind and will be left to fend for themselves. This combination of acute and unexpected social pain on the one hand, and the lack of collective relief provided on the other is fertile ground for causing social unrest if not addressed quickly. Organized labour continues to emphasize the urgency of providing a universal social safety net to workers in the informal economy, as opposed to cosmetic and fragmented solutions, as workers in the informal economy are the most affected, least supported and are often the last to rebuild their lives at times of crisis. Osman, fuming at the huge unemployment rate in Somalia and the loss of jobs and income compounded by the COVID-19 pandemic, stressed the need for the Federal Government, in collaboration with development partners, to put in place a mechanism that will generate social protection and inclusive growth in accordance with the National Social Protection Policy and the National Development Plan (NDP-9). “The establishment of social safety nets for the vulnerable groups has become more important than ever as Somalia strives to combat this deadly Coronavirus disease. The COVID-19 crisis is spreading rapidly and has had a dramatic negative impact on the entire labour market and the economy. We call for effective implementation of the social protection policy to ensure that the policy protects the majority of Somalis and workers,” stressed the labour leader. View the full article
  24. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka hadlay xaaladda colaadeed ee kasoo cusboonaatay deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag, ka hortaga Covid1-19 iyo joojinta qaadka. Muuse Biixi ayaa ugu horreyn hormuudka beelaha ku dagaallamaya deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag ugu baaqaday in ay u guntadaan joojinta colaadaas, wuxuuna sheegay in waqti badan geliyeY xallinta colaadda deegaannada Ceel-Afweyn, marar badanna xal laga gaadhay, balse ay nasiib-darro tahay dhibaatada maanta soo cusboonaatay. Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland ayaa ka hadlay xanuunka halista ah ee Covid-19 iyo sida ay bulshadu uga hortegi karto, wuxuuna bulshada ugu baaqay inay guryahooda ku cibaadaystaan, kana dheeraadaan goobaha la isugu yimaado, si looga fogaado isu ururka bulshada, isaga oo culimada iyo dadka kaleba ugu baaqay inay raacaan talada dhakhaatiirta iyo guddida ka hortagga xanuunka Covid-19. Madaxweyne Somaliland sheegay inay xukuumadiisu ay furtay Sanduuq lagu ururinayo dhaqaale loogu talo galay in lagula tacaalo xanuunka Covid-19, islamarkaana ay xukuumad ahaan ku shubeen qaddar lacag ah oo dhan $3,000,000 (Saddex milyan oo doolar), taas oo ay ka jareen mashaariicda horumarka iyo gunnooyinka dowladda. Sidoo kale ganacsatada iyo baayac-mushtarka ayuu ugu baaqay inay maalkooda iyo maskaxdoodaba kaga qayb-qaataan halganka lagula jiro xanuunka Covid-19, una damqadaan bulshadooda, Ugu dambeyna Madaxweynaha Somaliland ayaa u jawaabay Dr. Goboose oo maalin ka hor xukuumadda Somaliland ku eedeeyey waxka qabasho la’aan qaadka ka soo qulqulaya Itoobiya oo qeyb weyn ka qaata faafitaanka Covid-19. Muuse Biixi oo arrintaas ka hadlayna wuxuu sheegay inaan lagu joojin karin qaadka wax uu ku tilmaamay “laab la-kac iyo caaddifad”, balse lagu joojin karo go’aamo lagu midaysan yahay. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi oo ka hadlay saddex arrimood appeared first on Puntland Post.