-
Content Count
214,428 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Suldaanka guud ee beelaha Somaliland, Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa maanta si kulul uga jawaabay hanjabaadii uu dhowaan u direy Madaxweyne Muuse Biixi, kadib markii uu sheegay Suldaanku in midnimada umadda Soomaaliyeed ay tahay muqadas. Suldaan Maxamed ayaa kamid ahaa Salaadiin ka hadlay wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaasi oo dalbanayey inay qeyb ka noqdaan wada-hadaladaa si looga gaaro natiijo wax ku ool ah. Suldaanka ayaa hore u sheegay inay muhiim tahay dib u furida wada-hadaladaasi, isagoona carabka ku adkeeyay midnimada iyo wada-jirka umadda Soomaaliyeed. Suldaanka ayaa hanjabaada Muuse Biixi ku tilmaamay mid aan meesha oolin, isagoona sheegay haddii uu ka fiirsan waayo arrinkaasi inay reer Somaliland ka tashan doonaan oo shir-weyne iskugu iman doonaan. Sidoo kale waxa uu Suldaanku shaki galiyay heerka aqooneed ee uu Madaxweyne Muuse Biixi u leeyahay arrimaha siyaasada, isagoona si dad-ban u sheegay inuusan u aqoonsaneyn Siyaasi hogaamin kara. “Madaxweynaha waxaanu leenahay, Arrinku meel aanu taagnayn inaad gaadhsiisaan waa Fool-xumo. Madaxweynaha isku gefi mayno. Dadka Koonfureedna waxba hadal u dhigan mayno” ayuu yiri Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir. Wuxuuna intaas kusii daray Suldaanku “Meel aanu Arrinku nala gaadhin haddaad gaadhsiiso, Qaranka Somaliland baa ka wada-hadli. Ninka siyaasiga ah anigu waxaan u aqaan Ninka Jaamacad ka sita Shahaado, Siyaasada Jaaamacad baa looga soo baxaa oo Kuliyad dhan baa looga soo baxaa siyaasada”. Hadalka kulul ee Suldaanku uu maanta uga jawaabay Hanjabaadii Madaxweyne Muuse Biixi ayaa kor usii qaadaysa xiisada kala dhaxeysa, xili ay ku kala aragti duwan-yihiin qaabka loo wajahayo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Lamana oga in Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ay talaabo ka dhan ah ka qaadi doonto Suldaankan iyada oo hore ugu hanjabtay, maadama ay hore u dhacday in Salaadiin iyo Siyaasiin kale oo aaminsan fikirka midnimada umadda Soomaaliyeed xabsiyada Somaliland lagu guray.
-
Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa maanta howlgallo ballaaran ka sameeyey waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu baadi goobayey raggii ka dambeeyey dilkii loo geystay, Cismaan Xuseen Xaaji Ismaaciil (Farey) oo ahaa sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, laanteeda Puntland. Saraakiisha horkaceysay howlgalladaan ayaa sheegay inay soo qab-qabteen tiro dad ah oo lagu tuhmayo dilkaasi, islamarkaana ay weli ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Ammaanka Gaalkacyo, gaar ahaan qeybta Puntland ayaa maalmihii dambe faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey falal amaan dari oo u badan dilal qorsheysan. View the full article
-
Wasaaradda ganacsiga iyo warashadaha ee Jubbaland ayaa uga digtay ganacsatada inay kordhiyaan qiimaha badeecadaha, iyaga oo uga faa’iideysanaya Coronavirus. Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabo laga qaadi doono, haddii ganacsatada ay sare u dhigaan qiimaha, iyagoo uga faa’iideysanaya Corona. Halkaan hoose ka aqriso: View the full article
-
EU pledges 27 million Euros to help Somalia combat Covid-19
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The EU mission in Somalia said the bloc has pledged 27 million Euros to help Somalia combat COVID-19 in the Horn of Africa country. “Together against COVID-19, the European commissioner for the international partnership Jutta Urpilainen has a phone conversation with Farmajo to express EU solidarity and support,” said EU envoy for Somalia, Nicolas Berland. He added a package of 27 million Euros for Somalia against Coronavirus is ready to confront the crisis in the country. Somalia has recorded 22 COVID-19 cases, including one death and one recovery. View the full article -
Wararka ka imaanaya gobolka Sanaaga ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dagaal beeleed khasaare geystay uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen labo maleeshiyo beeleed oo ku sugan deegaanka Waqdariya oo bari ka xiga degmada Laas-Qoray. Wararka ayaa sheegaya in labada beelood oo ka soo kala jeeda maamullada Somaliland iyo Puntland ay isku hayaan arrimo la xariira dhul-qaasimeed. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac. Dadka dhaawacmay oo u badan maleeshiyada dirirtay ayaa waxaa loo soo qaaday dhanka degmada Laas-Qoray ee gobolka Sanaag. Xaaladda ayaa hadda degan, balse waxaa weli goobihii lagu dagaalamay isku horfadhiya maleeshiyaadka labada dhinac. View the full article
-
Ciyaaryahan Johan Djourou iyo sagaal kale oo asxaabtiisa ah ayaa waxaa ay maxkamad la tiigsanayaan naadigooda FC Sion sababo la xiriira mushaarka oo ay hoos uga dhigtay ciyaartooyda sababo la xiriira hoos u dhac dhaqaale oo kasoo gaaray cudurka coronavirus. Laacibkan oo intii u dhaxeysay 2003 ilaa 2014 u soo ciyaarayay kooxda Arsenal ayaanan ku qancin farriinta mushaar-dhimis ee ay koodiisa soo gaarsiisay, waxaana isaga iyo dhowr ciyaartooy oo kale kuwaas oo diiday ay kooxdu ka eriday naadiga. Madaxa naadiga FC Sion oo ka dhisan dalka Griiga Christian Constantin ayaa sheegay in ay la daalaa-dhacayaan dhaqaalexumo, sababtaasna ay keentay in ay mushaarka ka jaraan ciyaartoysa, ruuxii aan ku qancina ay u furntahay in uu isaga tago kooxda. Djourou ayaa dhankiisa sheegay in eryida la eryay eysan wax shaqo ah ku laheyn dhaqaale-xumo balse ay ka dambeyso siyaasad kale. Dhibaatada dhaqaale ee ay sheeganeyso kooxda FC Sion ayaa waxaa ay sidoo kale haysataa kooxo kale oo waaweyn sida Barcelona iwm, waxaana ay iyana mushaar-dhimis ku sameeyeen ciyaartooydooda. Qaran News
-
New U.S. airstrikes targeted and killed 11 members of Al-Shabaab, an Al-Qaeda affiliate in Somalia. One airstrike against Al-Shabaab came as a defensive measure after the terror group’s fighters engaged U.S. and Somali government forces near Kobon, Somalia on Thursday, according to a press statement U.S. Africa Command (AFRICOM) provided to American Military News. AFRICOM supported partner forces with an airstrike that killed 10 Al-Shabaab terrorists. Another airstrike on Friday also targeted members of the group near the town of Jilib, and resulted in the death of one more Al-Shabaab fighter. U.S. forces were working alongside partner forces of the Somali National Army Danab and Jubaland Security. “Our assistance continues to build on the gains our partners are making,” U.S. Army Gen. Miguel Castellanos, the deputy director of operations for AFRICOM said. “The SNA and African partners on the ground keep hitting al-Shabaab hard, and it’s having an effect on the al-Shabaab terror network” AFRICOM assessed no additional civilian casualties as a result of the Thursday and Friday airstrikes. The Thursday and Friday strikes are just the latest in a series of attacks on Al-Shabaab positions throughout Somalia. Those AFRICOM strikes have resulted in the deaths of dozens of Al-Shabaab members in recent weeks, including one high-ranking member of the terror group, Yusuf Jiis. AFRICOM has carried out dozens of strikes targeting Al-Shabaab since the start of the year. Those U.S. forces in Africa set a record for airstrikes in 2019, having conducted more than 60 airstrikes in Somalia over the year. They previously conducted 47 airstrikes in 2018 and 35 in 2017. “U.S. Africa Command and our international partners recognize that stability in Somalia will not be achieved through purely military means. It requires providing programs and opportunity for the Somali people,” the AFRICOM statement continues. “In support of the Federal Government of Somalia, U.S. forces will use all effective and appropriate methods to assist in the protection of the Somali people, including partnered military counterterrorism operations with the Federal Government of Somalia and Somali National Army forces. Together with the partner and allied forces, U.S. Africa Command works on a daily basis to improve security conditions to enhance governance and economic development.” AFRICOM said it is working with its Somali partners to transfer responsibility for maintaining security conditions onto the Federal Government of Somalia and its member states. View the full article
-
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xayiraad dhinaca socdaalka ah oo saameyneysa dadweynaha iyo gaadiidka oo looga dhawaaqay qeybo ka mid ah gobolka waqooyi bari ee wadanka Kenya, si loo yareeyo faafitaanka cudurka Coronavirus. Taliyaha Booliska gobolkaasi, General Nicodemus Ndalana oo shir jaraa’id qabtay ayaa ku shaaciyey in xayiraada lagu soo rogay dhaq dhaqaaqa dadweynaha iyo gaadiidka. Sidoo kale taliyaha ayaa tilmaamay in xayiraadaasi ay ka dhaqan-geleyso deegaano dhaca xadka Kenya iyo Soomaaliya, taasina ay ka dambeyso cabsida laga qabo COVID-19. Si kastaba ha’ahaatee degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya oo dhacda xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay laga helay cudurkaan dilaaga ah, kadib markii baaritaan lagu sameeyey laba ruux oo walaalo ah laga helay cudurka. View the full article
-
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in barqanimadii maanta albaabada la’isugu laabay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, sababo la xariira cudurka Coronavirus. Ilo caafimaad oo lagu kalsoon-yahay ayaa Shabelle u sheegay in la joojiyey qaabilaAda bukaanada maalin walba tagi jiray isbitaalkaasi. Wararka ayaa sheegaya inay furan tahay kaliya qeybta gargaarka deg-dega ah oo loogu-talagalay dadka dhaawacyada qaba iyo haweenka Umulaya. Arrintaan ayaa ka dambeysay, kadib markii ay shalay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay shaacisay illaa 9 kiis oo cudurka Coronavirus ah, kuwaas oo saddex ka mid ah ay yihiin howlwadeeno ka shaqeynayey isbitaalka Digfeer ee M/ Muqdisho. View the full article
-
Xidhibaan Sahro Cumar Maalin oo maanta shir jiraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay kaga hadashay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka. Sahra oo ka tirsan BFS ayaa shir saxaafadeedkeeda ku soo qaaday arrimo la xariira cudurka Coronavirus oo walaac xoogan ku abuurayo dadka Soomaaliyeed, iyadoo ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaadka iyo amarada dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay soo hadal qaaday xaaladda Galmudug iyo kufsigii dhowaan ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/War-Zakariye-Xildhibaano-barlamanka-katirsan.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Duhur-11042020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Ceynta ayaa wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ka dalbaday inay raali-gelin buuxda siiso gabdhaha Soomaaliyeed, kadib warqad gef ku ah oo kasoo baxday. Warqaddan oo lagu xayeysiiyey shaqooyin ka banaan taleefishinka qaranka oo loo doonayo gabdho, ayaa lagu qoray shuruudo ay dad badan u arkeen takoor iyo aflagaado lagu sameeyey gabdhaha. Shuruudaha lagu xiray shaqada ayaa waxaa ka mid ahaa; “inaysan ka weyneyn 25 jir, inay dherer ahaan, miisaan ahaan iyo muuqaalba leedahay qaab taleefishin, inay leedahay cod warbaahineed iyo hub-qaad wanaagsan”, sida qoraalka loo dhigay Caynta oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa yiri “Wasaaradda Warfaafinta ayaa soo dhajisay 2 fursad shaqo oo gaar loogu qoondeeyay gabdhaha wariyayaasha ah. Balse shuruudaha lagu xiray ayaa fajac igu abuuray. In ka badan 12 sano ayaan wariye iyo tafatire kasoo ahaa warbaahinta caalamka kuwa ugu waaweyn. Waligeyna ma arag takoor, aflagaaddo iyo akhlaaq darro ka weyn middan!” “Ka sokow inuu faquuqan kasoo horjeedo mabaadii’da aasaasiga ah ee dastuurkeenna, wuxuu kaloo gef weyn ku yahay Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.” Caynte ayaa ugu dambeyn yiri “Wasaaradda Warfaafinta waxaa la gudboon inay la noqoto iidhehdaan, maxaa yeelay waxaa kasoo uraya ujeeddooyin kale. Sidoo kale, waa inay raalli galin siiso gabdhaha Soomaaliyeed.” Hoos ka arag warqadda
-
Shir hor dhac u ah heshiis laga gaaro dagaaladii maalmahii la soo dhaafay ku dhexmarayay laba beelood oo walaala ah galbeedka magaalada Kismaayo ayaa dhinacyadii dagaalamay waxaa ay aqbaleen xabad joojin rasmi ah oo la dhexdhigay labadan beeloow. Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay qaarkamid ah wax garadka beelaha gobolka, kuwaasi oo doonaya in heshiis laga gaaro colaada soo noqnoqatay ee ka dhex martay dadka reer guuraaga ah. Kulanka ayaa lagu go aamiyay in xiisada la qaboojiyo waxana lagu balamay in heshiis xabad joojin ah ay wada saxiixaan wax garadka dhinacyadii dirirtu dhex martay si dhiig dambe uusan u daadaadan, sidaasi waxaa wada jir u gudoonsaday Suldaanada hogaanka u ah labadan beelood. Beelahan ayaa dhawaan ku dagaalamay deegaanno dhaca galbeedka magaalada Kismaayo, dagaalada oo salka ku haya is-qabqabsi la xiriira tuulooyin iyo dhulka daaqsimeed ayaa horay dhowr mar xal laga gaaray, balse dib ayey usoo laba kacleeyeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliska iyo Saraakiisha qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ka hawlgala deegaannada Galmudug ayaa hawlgallo ka sameeyay degaanka Camaara oo ka tirsan gobalka Mudug, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Al-shabab. Taliyaha qeybta 21-aad Ciidanka Xoogga dalka Gen C/Casiis C/Laahi “Qooje iyo Sarakii kale ayaa gaaray Camaara ayaa shacabka deegaanka la hadlay, Camaara ayaa ka Mid ah deegaanno dhowr ah oo gobolka Mudug ah oo ay maalulayeen Al-shabab muddooyinkii dambe. Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Gen: “Qooje” oo la hadlayey shacabka Camaara ayaa u sheegey in Ciidamadu ay horay usii socon doonaan qorshahooda iyo mowqifkoodana uu yahay in nabada la gaarsiiyo dhammaan deegannada kale ee aan xorta aheyn sida uu hadalka u dhigay taliye Qooje. Waxuna sido kale taliyuhu ugu baaqay shacabka in Ciidamada ay ku garab siiyaan fulinta howshan, ciidamada soo gaaray deegaanka ayaa fariisinno ka samaystay wadooyinka soo gala deegaanka Camaara ee gobolka Mudug. Camaara ayaa waxaa ka mid noqonaysaa deegaanno dhaca gobalada Mudug iyo Galgaduud oo ciidamada xoogga dalka qeybta 21-aad ay gaareen iyadoo ciidamadu horay u gaareen deegaanka Qaayib oo dhaca bariga magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud iyo Baxdo oo ka samaysteen fariisin ciidan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sheekh Cabdillaahi Berberaawi Oo Ka Hadlay Cudurka Covid 19
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Source -
(SLT-New York)-Maraykanka ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee hal maalin laga diwaangeliyo inay Coronavirus dartii u dhinteen, tiradii ugu badnayd ee u dhimata adduunkoo dhan, taasi oo dhan 20,35 Qof (2 Kun iyo 35 Qof) Sida ay baahisay Jaamacadda Hopkins, afar iyo labaatankii Saacadood ee u danbeeyey, dad laba kun kor u dhaafayaa ayaa ku dhimatay Maraykanka. Mareykanka wuxuu si dhakhso leh u dhaafi karaa Talyaaniga isaga oo ku socda inuu ahaado dalka ugu badan ee dhimashada ee coronavirus Adduunka oo dhan. Laakiin, khubaro Aqalka Cad u xulay feyraskan ayaa sheegay in fiditaankiisu uu bilaabayo inuu meel xad ka baxa gaadho Maraykanka oo dhan. Madaxweynaha dalkaasi Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu filanayo in Mareykanka ay ku dhintaan Dad tiro ahaan ka hooseeya tii saadaashu ahayd oo dhamayd 100,000. Maraykanku waxaa ku dhintay ku dhawaad 18,693 qof, sida laga soo xigtay Jaamacadda Johns Hopkins. Ku dhawaad kala badh dhimashadaas waxaa laga diwaan geliyey Gobolka New York. Talyaanigu waxa uu diiwaangeliyay 18,849 dhimasho halka adduunka in ka badan 100,000 oo qof ay u dhinteen fayraska. Baadhayaasha ayaa saadaaliyay in tirada dhimashada Mareykanka ay ku dhici doonto heerkeedii ugu sareeyay Jimcaha ka dibna si tartiib tartiib ah ay u bilaabi doonto inay hoos u dhacaan, oo ay ku dhacaan ku dhawaad 970 qof maalin kasta 1-da May. Dr Anthony Fauci, madaxa cudurrada faafa ee Mareykanka, wuxuu ku raacay in Mareykanku uu bilaabayo inuu heerka uu marayo hoos uga dhaco siiba dadka qaadaya iyo kuwa u dhimanayaba. Laakiin wuxuu intaas ku daray in kasta oo “horumarka muhiimka ah” uu jiro, haddana in dadaallada lagu yaraynayey la sii wado, sida kala fogaanshihii bulshada. Magaalada New York oo ah Magaalada Dadka ugu badani ugu dhinteen Xanuunka Covid_19 ayaa Dadka lagu aasayaa Xabaal-wadareed. Xabaalo lagu aasi jiray Dadka la garan waayo ee ku dhintay New York ayaa hadda laga dhigay goob lagu wada aaso dadka u dhinta xanuunkan dunida aafeeyay. Xabaalahaasi waxa Toddobaadkii lagu aasi jiray 25 Qof, balse imika Maalintii waxa lagu aasaa tiro intaa ka badan. Source
-
Dagaal xooggan ayaa waaberigii hore ee saaka waxaa uu ka qarxay deegaan lagu magacaabo Waqdariye oo ka tirsan Gobolka Sanaag, waxaana oo u dhexeeyaa laba Maleeshiyo beeleed oo halkaas wada-dega. Dagaalka ayaa waxaa la sheegayaa inuu salka ku hayo dul-daaqsimeed ku yaalla deegaanka Waqdariye iyo tuulooyin kale, waxaana Maleeshiyaadka ay dagaalka isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan. Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay dagaalka oo weli socda, sidoo kalena la maqlayo jugta rasaas xooggan oo ay isdhaafsnayaan labada dhinac. Wararka ayaa intaas kusii daraya in dab la qabadsiiyay qeybo kamid ah deegaanka Waqdariye ee Gobolka Sanaag, waxaana la sheegayaa in meelaha la gubay uu kamid ahaa Masaajid ku yaalla halkaas. Dagaalka ka socda deeghaanka Waqdariye ee u dhexeeya Maleeshiyo beeleedka ayaa waxaa uu yahay mid dhowr jeer soo noq-noqday, wuxuuna salka ku haaya dul-daaqsimeed iyo dilal hore oo la xidhiidha aanooyin qabiil Qaran News
-
Bosaso (PP News Desk) — According to reports from Eastern Sanaag clan feuding erupted earlier today at Waqideriya coast north of Las Qoray district. Hostilities began when armed militias belonging to rival subclans clashed there. Due to poor infrastructure and lack of communications in the area Puntland Post has not been able to find out the number of casualties. Neither Puntland nor Somaliland, to which rival militias separately belong, has issued statement on hostilities. Parts of Sanaag are under the control of Puntland and Somaliland administrations. Hostilities will compound pressures already facing Puntland and Somaliland due to the Covid-19 pandemic. © Puntland Post, 2020 The post CLAN FEUDING ERUPTS IN EASTERN SANAAG appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors
