Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19, ayaa xaqiijiyay in laba ruux oo kamid ah dadkii laga helay cudurka COVID-19 ay geeriyoodeen, 62 xaalada cusub oo 44 kamid ah lab yihiinna ay soo kordheen 24-kii saac ee ugu dambeeyay. 18 qofood oo kamid ah bukaannada cusub ayaa haween ah. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur, oo xubin ka ah guddiga kahor tagga COVID-19 ayaa sidoo kale sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen laba ruux oo kale taas oo 10 ruux ka dhigeysa tirada guud ee ka caafimaaday cudurkaan. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa noqotay 390 ruux, bukaannada dalka ugu geeriyooday guud ahaan waxay noqdeen 18 ruux. Dowladda oo qaatay tillaaboyin lagu xakameynayo cudurkaan, ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqeysa inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19. View the full article
  2. MOGADISHU (HOL) - Protests erupted Saturday in Mogadishu following the killing of two teenagers Friday night by police officers. Source: Hiiraan Online
  3. MOGADISHU (HOL) - Protests erupted Saturday in Mogadishu following the killing of two teenagers Friday night by police officers. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay kordheen tirada dadka ugu geeriyoonaya iyo kuwa uu cudurka COVID-109 kusoo ridanayo gudaha dalka Soomaaliya. Guddiga qaran ee ka hor-tagga COVID-19 ee Soomaaliya, ayaa qoraal ay galabta soo saraeen ku xaqiijiyay in laba qof oo kamid ah dadkii laga helay cudurka COVID-19 ay geeriyoodeen, islamarkaana 62 qof oo kale oo hor leh uu cudurka soo ritay, 24-kii saac ee lasoo dhaafay. Dadkan cusub ee cudurka laga helay ayaa 44 kamid ah lab yihiinna, halka 18 qofood oo ka mid ah bukaannada cusub ay yihiin haween ah. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Fowziya Abiikar Nuur, oo xubin ka ah guddiga kahor tagga COVID-19 ayaa sidoo kale sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen laba qof oo kale, taas oo 10 qof ka dhigeysa tirada guud ee ka caafimaaday cudurkaan. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa noqotay 390 qof, halka halkan guud ahaan bukaanada dalka ugu dhintay cudurka ay yihiin 18. Soomaaliya ayaa hadda dalka labaad ee ugu kiisaska badan cudurka ee dalalka Bariga Afrika, marka laga yimaado dalka Jabuuti. Dowladda, ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19, si loo yareeyo faafitaanka cudurka.
  5. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in maanta oo keliya xanuunka COVID-19 laga helay 62 bukaan oo cusub, kuwaaas oo 18 kamid ah ay dheddig yihiin, halka 44 ay lab yihiin. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Fawsiya Abiikar Nuur, oo Galabta soo gudbisay warbixinta xanuunka COVID-19, ayaa sidoo kale sheegtay in laba ruux ay u geeriyoodeen cudurka halka laba kalena ka bogsadeen. Wasiir Fawsiya, ayaa sheegtay in tirada guud ee bukaannada laga helay COVID-19 ee dalka ay gaartay 390 qof, halka tirada dadka u geeriyooday ay gaartay 18 ruux, sidoo kalena ay ka bogsoodeen 10 bukaan. Marwo Fawsiya, ayaa sidoo kale dadweynaha ugu baaqday in ay taxaddar ka muujiyaan xanuunka COVID-19, islamarkaana ay qaataan talooyinka caafimaad, si looga hortago faafidda xanuunka. Halkaan ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Kiisaska Xanuunka COVID-19 ee Soomaaliya oo gaaray 390 qof appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay inuu xilka ka qaaday Taliyaha saldhigga booliiska degmada Boondheere Najiib Carab, oo askari ka mid ah ciidanka hoos yimaada uu xalay dilay laba qof oo shacab ah. Allaha u naxariistee labada marxuum ee la dilay, ee dhaliyey kacdoonka shacabka Muqdisho, ee maanta ayaa kala ahaa. 1- Marxuumad Madiino Cabdullaahi iyo Xasan Cali Cadaawe oo labaduba deganaa degmada Boondheere. Xijaar, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sidoo ballan-qaaday in hadda kadib lala xisaabtami doono taliyayaasha askarta ay xukumaan dhibaatada u geysanaya shacabka, oo isla xisaabtanka aanu ku ekaan doonin askariga dambiga gaysta kaliya. Taliye Xijaar ayaa dhinaca kale sheegay in gacanta lagu hayo askarigii xalay labada qof ee shacabka ah ku dilay magaalada Muqdisho, taasi oo horseedday carada iyo dibad-baxa ay shacabka ka dhigeen magaalada. Xijaar ayaa dhanka kale ku celiyey “in aan la qaban karin dadka hal halka iyo labo labadda ugu lugeynayo gudaha magaalada, inta lagu guda jiro waqtiga Bandowga.” Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay dibad-baxyo rabshado wata, ayada oo carrada shacabka ay u muuqatayinay ku wajahan tahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo sawiradiisa lagu gubay magaalada. Dadkaan careysan ayaa sidoo kale ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen “Farmaajo ha dhaco, guba Farmaajo” iyo kuwa kale.
  7. Taliyihii saldhiga degmada Boondheere, Najiib Carab Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Booliska saldhiga degmada Boondheere ee gobolka Banaadir Najiib Carab. Xilka qaadista Taliye Najiib Carab ayaa lagu sababeeyey falkii xalay ay ciidamada bandowga Muqdisho ku dileen labo qof oo rayid ah, taas oo xalay iyo saaka sababtay bannaanbaxyo rabshada wata oo ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Dhanka kale Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Xijaar ayaa sheegay in bandowgii dowladdu ku soo rogtay Muqdisho oo ka bilaabayay 7:00 fiidnimo, loo baddelay 8:00 fiidnimo. Waa markii labaad oo la baddelo xiliga bandowga Muqdisho, 22kii bishan ayaa dowladdu is baddel ku sameysay, iyadoo sheegtay in uu ka bilaaban doono 7:00 fiidnimo, kuna ekaan doono 5:00 arroornimo. Magaalada Muqdisho dad careysan ayaa ilaa xalay ka wada bannnaanbax ay uga soo horjeedaan labadii qof ee xalay ciidamada dowladda ku dileen Boondheere. Bannaanbaxyaasha oo u badnaa dhalinyaro ayaa maanta xiray wadadda u dhaxeysa baarlamaankii hore ilaa Isgoyska Jubba, waxayna gubeen taayiro iyo boorar ay ku dhaganaayeen madaxda dowladda Soomaaliya. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish oo Taallada Daljirka Dahsoon kula hadlay dadkaas ayaa markii dambe ku qanciyey in maxkamad la soo taagi doono ciddii geysatay dilkaas. Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay magaca iyo sawir askari ay sheegtay in uu geystay dilkii xalay ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post Taliyihii saldhiga Boondheere oo xilkii laga qaaday iyo Bandowga Muqdisho oo wax laga baddelay appeared first on Puntland Post.
  8. (SLT-Riyadh)-Sacuudiga ayaa meesha ka saareysa ciqaabta karbaashka sida laga soo xigtay dukumiinti sharci ah oo ay heleen warbaahinta. Maxkamadda ugu sarreyso dalkaasi boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegeysa in karbaashka lagu baddali doono xabsi ama ganaax. Dukumiintiga ayaa waxaa ku qoran in tallaabadani ay ka mid tahay isbadallada xuquuda aadanaha ee ay keeneen Boqor Salmaan iyo wiilkiisa. Markii ugu dambeeysay ee ay bogagga hore ee warbaahinta qabsato ciqaabta karbaashka ee Sacuudi Carabiya, waxay ahayd sannadkii 2015-kii markii la karbaashay Raif Badawi oo wax ku qora baraha bulshada kaddib markii lagu soo eedeeyay inuu aflagaadeeyay Islaamlka. Waxay ahayd in toddobaadkasta lagu dhufto 1,000 karbaash balse waxaa badbaadiyay cambaareynta dunida iyo wararka sheegayay inuu dhimasho qarka u saaran yahay. Tifaftiraha arrimaha Carabta ee BBC-da Sebastian Usher ayaa sheegeya in tallaabadaasi aanay sawir wanaagsan u ka bixin Sacuudi Carabiya. Balse haatan waxay u muuqata in sharcigaasi gabi-ahaanba meesha laga saaray. Hase yeeshee waxaa jira mowjado xarig ah oo lagula kacaya dadka ka soo horjeeda boqortooyada Sacuudi Carabiya. Galinkii hore ee Jimcaha ololeeyihii xuquuqda aadana ee ugu caansanaa Sacuudiga ayaa xabsiga gudihii ku geeriyooday kaddib markii uu ku dhuftay xanuunka qofka dhinaca qalajiya ee faaligga loo yaqaano. Source
  9. The commander of the Somali police force, Abdi Hassan Mohamed [Hijar] has sacked Boondheere district police commissioner Najib Arab following Friday night shooting. The decision comes as hundreds of residents stage a rally in the capital on Saturday to protest against the shooting of two unarmed civilians by a policeman during a curfew. The government has announced it revised the hours of the curfew, says it will begin at 8 pm instead of 7 pm to contain the spread of the Coronavirus. The country has seen an increase of Covid-19 cases in recent days with health ministry confirmed 328 plus the deaths of 16 people from the pandemic. View the full article
  10. Weftigii u hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa Maanta kormeer indho indho ah ku tegay taliska ciidanka qaybta 3aad oo ku sugan Degmada Fadhigaab ee dhawaan shaqaaqadu ku dhex martay beelaha walaalaha ah. Ujeedka Kormeerkani ayaa daaranaa sidii labada beelood ee dhawaan shaqaaqadu ku dhex martay Fadhigaab loo dhex dhigi lahaa Nabad. Source
  11. Mogadishu Mayor Omar Filish delivered a speech to protesters in the capital on Saturday during a rally against the murder of two civilians by a policeman on Friday night. Filish has called for calm and assured the public that the killer will be brought to justice. During the demonstration, the angry protesters have burned down tyres on the streets and marched along a road at the presidential palace to show their rejection of police brutality. The security forces have detained the policeman following the shooting with reports that he is currently being questioned at custody. View the full article
  12. COVID-19 is spreading through East Africa. Since its first detection on 13 March in Kenya and Ethiopia, countries in the region have increased their testing capacities, the number of COVID-19 cases have risen steadily in the region, now reaching more than 2,000 cases and 28 deaths. COVID-19 strikes at a time when the region is fighting an ongoing desert locust outbreak and is recovering from drought and floods in 2019. • The triple threat of COVID-19, floods and locusts is a major concern in East Africa and in the coming weeks. According to FEWSNET, locust breeding and formation of new swarms has been reported in Somalia, Kenya and Ethiopia, and mature swarms have arrived in Southeastern cropping areas of South Sudan and are spreading in areas of Karamoja sub-region in Uganda. The start of the long rains is sustaining conducive conditions for breeding which is likely to result in formation of new swarms by June-July. Heavy rains and floods have also begun in Kenya and are expected elsewhere in the region in the weeks ahead. Food insecurity is already alarmingly high in East Africa. • WFP estimates that 20 million people are food insecure in nine East African countries: Ethiopia, South Sudan, Kenya, Somalia, Uganda, Rwanda, Burundi, Djibouti and Eritrea. Home to only 3 percent of the world’s population, the region also hosts 22 percent of the world’s total number of acutely food-insecure people. • WFP expects humanitarian needs to increase in the coming months as the crisis escalates. Stress on the weak health systems in the countries will persist, the fragile political environment and insecurity will exacerbate the already highly vulnerable countries like South Sudan, Burundi, and Somalia. The socio-economic fallout from the pandemic will be far more devastating than the disease itself. • In 2019, WFP alone assisted nearly 24 million people in the East Africa. WFP estimates that the number of food insecure people in the region is likely to increase from 20 to 34-43 million in the next three months due to effects of COVID-19. This 43 million total would include a total of 20 million people in IPC Phase 3 food insecurity and above, nearly 17 million urban poor and 3.2 million refugees who depend on assistance • Of particular concern is the urban population, in which hundreds of thousands of people employed in the informal sector have already lost their sources of income, threatening their food and livelihood security. The refugee population is also at risk, a possible outbreak in the refugee population would put more pressure on the heath system and potential protections risk could emerge. • Meeting the food security needs of populations in urban slums across the region is a critical enabling factor to contribute to prospects for stability and security in this tumultuous period. While the urban populations are already affected with a significant reduction in economic activities, for households in the rural areas, it is very important to watch how this pandemic affects the farming activities in the approaching main cropping season, and its impact on the livestock sector. • The governments in the region continue to enhance preventive and control measures to slow the contagion. A key priority to mitigate food insecurity in East Africa is to keep borders open. A protectionist response would have disastrous effects. WFP commends Governments in East Africa for cooperating to keep food flowing so people dependent on markets can still access the right food at the right time. View the full article
  13. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaraadda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka digay xeelad kasta oo cadawga Somaliland ka faa’iidaysan karo, waxaanu ku taliyey in in laga fogaado wax kasta oo nabadgalyada waxyeelo ku ah. Wasiirka Wasaraadda Arrimaha Dibadda Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Bisha Ramadaan iyo sababta loo joojiyey qaadka, waxaanu ugu horeyn yidhi “Xanuunka Coronvirus maaha xanuun sahlan oo la fududaysan karo, mana ah xanuun la mid ah xanuunnada kale ee jira, waa xanuun sababay inay dad badan oo ku kala nool daafaha dunida iyo qaaradaha dunida u dhinteen, dad badana u liitaan, waana xanuun si yar oo fudud loo kala qaadayo, si deg-degna u fidiya, waxaana tusaale inoogu filan qaabka uu xanuunkani go’doonka u galiyey caalamkii, sidaas awgeed in la qaato awaariinta lagaga hor tagayo xanuunkan ayaa haboon, wacyigelinta iyo awaamiirta ay Dawladdo waddana maaha in la fududaysato, ee waa in sidooda loo qaadata, maxaa yeelay Dawladdu dadkeeda lexejeclo ayey ka qabtaa, xaalad kasta oo ay ku badbaadinaysana waa u diyaar inay ku dhaqaaqdo, qaadkana sababta loo joojiyey waa in taxadir badan la sameeyo”. Mar uu ka hadlayey bisha Ramadaan iyo baaq uu diray guud ahaan Shacabka Somaliland ayaa yidhi “Bishii Ramadaan ayeynu galnay, waa bishii xasanaadka, tobankii naxariista ayeynu ku jirnaa, oo hadda inoo bilaw ah, tobankii dambi dhaafkuna wuu ku xigaa, tobankii naarta ALLE ka xoreynayey addoomihiisa camalka fiican la yimaaddana way ku sii xigaan, ee ALLE ha inaga dhigo dadka uu u naxariisto, ee ha la isma saamaxo, oo qofna yaanu qofna caloosha xumaan ugu hayn, ta kale ha laga digtoonado dagaal beelaysan iyo xeelad kasta oo cadageenu inaga ga faa’iidaysan karo, isku duubnideena iyo ilaalinta nabadgalyadeena meel aynu uga soo wada jeedsano, qabyaaladdana ha laga dheerado”. Source
  14. Waxaan Bulsha weynta Soomaliyeed Dal iyo Dibadaba u rajaynayaa Ramadaan Kariim pic.twitter.com/GxMR9zC0iI — Nicolas Berlanga (@NBerlangaEU) April 23, 2020 Qaran News
  15. Djibouti has recently witnessed a huge rise in coronavirus cases, according to media reports on Friday. Source: Hiiraan Online
  16. Wasaaradda caafimaadka dowladda Jabuuti ayaa waxa ay shaacisay kiisas cusub oo hor leh islamarkaana la xiriira caabuqa Coronavirus oo dalkaasi uu si darran u saameeyay. Wasaaradda caafimaadka ayaa xaqiijisay kiisas 9 ah oo la xiriira COVID-19 in ay diiwaan galiyeen waxaana sii kordhaysa tirade dadka uu soo ridanayo xannuunkaan ee gudaha dalkaasi. Dalalka dhaca geeska Afrika ayaa waxaa kaalinta 1-aad uga jirta dowladda Jabuuti marka laga hadlayo tirade guud ee dadka laga helay cudurka Coronavirus. Tirada guud ee la xaqiijiyay inay qabaan cudurka COVID-19 ee dalka jabuuti ayaa cagacageynaysa 1,008 kiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in dib loo beddelay saacadda uu billaabanayo bandowga Muqdisho, oo laga dhigay 8-da habeennimo. Bandowga oo markii horeba ahaa 8-da habeenimo ayaa laga dhigay 7-da kadib bilowga bisha Ramadan, taasi oo horseeday in shacab badan ay ka dhiidhiyaan, ayada oo maanta Muqdisho ay ka dhaceen dibad-baxyo rabshado wata. Xijaar ayaa dhanka kale ku celiyey “in aan la qaban karin dadka hal halka iyo labo labadda ugu lugeynayo gudaha magaalada, inta lagu guda jiro waqtiga Bandowga.” Taliye Xijaar ayaa sheegay in amarka lagu beddelay saacadaha bandowga uu ka yimid madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo maanta sawiradiisa lagu gubay Muqdisho, kadib carro ka dhalatay laba qof oo shacab ah oo askari uu xalay ku dilay Muqdisho. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay dibad-baxyo rabshado wata, ayada oo carrada shacabka ay u muuqatayinay ku wajahan tahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo sawiradiisa lagu gubay magaalada. Dadkaan careysan ayaa sidoo kale ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen “Farmaajo ha dhaco, guba Farmaajo” iyo kuwa kale. Allaha u naxariistee labada marxuum ee la dilay, ee dhaliyey kacdoonka shacabka Muqdisho, ee maanta ayaa kala ahaa. 1- Marxuumad Madiino Cabdullaahi iyo Xasan Cali Cadaawe oo labaduba deganaa degmada Boondheere.
  18. From loudspeakers on the roof of a Minnesota mosque, the Islamic call to prayer echoed for the first time ever throughout a Minneapolis neighbourhood late on Thursday as the Muslim community there prepared to begin the holy month of Ramadan. Source: Hiiraan Online
  19. Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo goordhow warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dib loogu celiyey 8:00 habeenimo bandowga saaran magaalada Muqdisho, kaasoo la soo rogay si loo xakameeyo Corona. Xijaar ayaa sheegay in bandowga uunan saameyn doonin dadka lugeynaya ama socda, isagoo tilmaamay inay kaliya mamnuuc tahay isu-imaatinada guud ee dadweynaha. Sidoo kale taliyaha Booliska ayaa shaaciyey in xil ka qaadis uu ku sameeyey taliyihii saldhigga degmada Baoodheere Najiib Carab, kaas oo uu xalay askari ka mid ah ciidamadiisa laba qof oo shacab ahaa uu ku toogtay agagaarka isgoyska Jubba. Ugu dambeyn taliye Xijaar ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, sidoo kalena ay u hoggaan-samaan awaamiirta dowladda. View the full article
  20. Shir jaraa’id oo goor dhow ay aqalka dowladda hoose ee Xamar si wadajir ah ugu qabteen guddoomiyaha gobalka Banaadir Cumar Filish iyo taliyaha booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar ayaa waxa ay sheegeen in wax ka badal lagu sameeyay bandowga saaran magaalada Muqdisho oo ka bilaabanayay 7:00 fiidnimo. Taliye Xijaar ayaa sheegay in iyada oo la tix galinayo cabashada dadka in bandowga waqtigiisii hore dib loogu celiyay kaas oo ahaa 8:00 fiidnimo inuu bilawdo, waxa uuna sheegay in amarkaan uu yahay amar madaxweyne. Xijaar ayaa sidoo kale sheegay in xilkii laga qaaday taliyihii saldhigga degmada Boondheere Najiib Carab oo xalay askari ka tirsan booliska degmadaasi uu labo qof oo shacab ah ku dilay halkaasi, waxaana taliyiyuhu uu sidoo kale digniin u jeediyay saraakiisha kale ee hoggaamisa booliska. Dhanka kale taliyaha booliska Soomaaliya ayaa sheegay in dadka lugeynaya ee waddooyinka ku socda inuusan bandowgu saameyn ku yeelan Karin waxa uuna hoosta ka xariiqay in kaliya la diidayo isu imaatinka dadweynaha. Hadalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli maanta magaalada Muqdisho laga dhigay dibadbaxyo waa weyn oo ay shacabku uga soo hor jeedaan bandowga habeenkii ah iyo dil xalay degmada Boondheere loogu geystay dad rayid ahaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho ( Caasimadda Online) – Waxaa cirka isku sii shareerayo banaanbax ay dhigayaan qaar ka tirsan Shacabka Muqdisho oo loogu soo horjeedo askari ka tirsan Ciidamada Booliska oo Xalay Muqdisho ku dilay laba qof oo Shacab ah. Banaanbaxa ayaa intiisa badan wuxuu ka dhacay Isgoyska Jubba illaa Daljirka Daahsoon, waxaana istaagay isku socodka dadka iyo Gaadiidka. Dadka banaanbaxa dhigayo ayaa gubay tabeele uu ku dhaganaa sawirka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyagoo ku dhawaaqayey ereyo liddi ku ah Madaxweynaha. “Farmaajo ha dhaco, guba Farmaajo, guba Farmaajo,” ayey ku qeylinayeen shacabka. Haweeneyd kamid ah dadka Muqdisho ayaa madaxweynaha weydiisay ” Madaxweyne Cadaalad miyaa iyadoo soon ah in hal saac bandow magaalada laga dhigo, oo aan soo gadan weyno afar iyo Saxuur? Xaq miyaa in gabar maalmo yar ka hor dhashay la dilo? Qaar badan oo ka tirsan dadkaas oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inuusan banaanbaxa istaagi doonin illaa Cadaaladda la hor keeno askarigii dilka geystay isla markaasna wax laga badalo mandowga saaran Magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo banaan baxayaasha kula hadlayay fagaaraha Daljirka Dahsoon ayaa ka dalbaday inay is dejiyaan, isagoo ka tacsiyadeeyay dhibkii dhacay, ayna dowladdu u xirtay askarigii dilka geystay oo xabsi ku jira. Halkaan hoose ka daawo sawirka madaxweyne Farmaajo oo la gubayo
  22. Xubno ka tirsan Hay;adda Hormuud Foundation ayaa shirkan jaraa’id ku Qabtay Xarunta Hay’ada ee Magaalada Muqdisho waxay kaga war bixiyeen Dadaalada tooska ah oo ay kaga qeybqaadanayaan dhibaatada Caalamka Gaadhay ee uu sababay cudurka Coronovirus,kaasi oo sababay saameyn dhinac walba ah. Gudoomiyaha Hormuud Foundation Cabdullaahu Nuur Cismaan ayaa warbaahinta u sheegay Dadaalada Hay’adda iyo guud ahaan shirkada hormuud ku bixineyso kaalinta kaga aaadan Dagaalka lagula jiro Cudurka Covid19 isagoo sheegay in qalab caafimaad iyo dhinac dhaqaale ay uga qeyb qaadanayaan dhibaatada uu umada gaarsiiyay cudurkaasi. Dhinaca kale Gudoomiyaha Hormuud ayaa waxaa uu sheegay in sanad walba marka la gaaro bisha bareksayn ee Rmadaan ay Caawinaad u Sameeyaan Dadka nugul ee ku dhaqan Dalka SOmalia gaar ahaan Magaalada Muqdisho. Sanadkan ayaa waxaa uu sheegay in Dad gaaraya inaa 20,000 oo qoys ah u qorsheeyeen sidii ay Cawinaad ugu sameyn lahaayeen fadliga bisha barakeysan Awgeed waxaana dadka iyaga oo guryahooda jooga loogu diri doonaa lacagaha loo qoondeeyay Madaama aan laysu imaan karin iyadoo oo laga baqayo faafida cudurka corona virus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. War ka soo baxay afhayeenka ciidanka difaaca ee Uganda Richard Karemire ayaa looga warbixiyay weerar is-miidaamin ahaa oo shalay Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada dalkaasi ay ku leeyihiin degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qoraalka afhayeenka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ay fashiliyeen weerar ay shalay galinkii hore Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig milatari oo ay ku leeyihiin nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Richard Karemire afhayeenka ciidamada difaaca ee wadanka Uganda ayaa sidoo kale qoraalka uu soo saaray ku xusay in ciidamada AMISOM ay ka hortageen weerarkaasi, islamarkaana ay qarxiyeen laba gaari oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa. Dhinaca kale afhayeenka ayaa tilmamay in ciidamada AMISOM ee weerarka lagu soo qaaday khasaare dhimasho iyo dhaawac midna uusan ka soo gaarin weerarka is-miidaaminta ah ee lala eegtay saldhigga ay ku leeyihiin magaallo xeebeedka Baraawe. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in heegan la galiyey ciidamada ku sugan saldhigga ay shalay weerarka ku qaadeen Al-Shabaab oo sheegatay inay khasaare dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiisay ciidamadii ku sugnaa gudaha xeradaasi. View the full article