Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Washington (Caasimadda Online) – Dhaqaalaha Mareykanka waxa uu la daalaa-dhacayaa xaalad ma hubanti ah, tan iyo in ka badan 10 sano, markii ugu horraysay iyada oo lagu jiro qaybtii hore ee sannadka, isaga oo waddankuna galay xaalad u muuqatay bandaw oo uu kaga hortagayey faafitaanka feyraskaasi. Waddankaan ugu dhaqaalaha badan dunidu waxa uu hoos u dhacay dhaqaalihiisu heerka sanadlaha ahaa 4.8%, sida lagu sheegay tirooyinka rasmiga ah ee la soo faafiyey Arbacadii. Xogta la baahiyey ayaa tilmaamaysa xiisadda dhaqaale ee waddankaasi ka taagan, iyadoo markii horena xayiraado badan dalkaasi aanu gelin, tan iyo ka hor March. Safmarkan “ayaa sababi kara dhibaato aad u weyn oo bini aadamnimo iyo dhaqaale guud ahaan Mareykanka iyo daafaha dunida”, siyaasad dejiyaasha baanka dhexe ee Mareykanka ayaa Arbacadii sidaasi sheegay. Mareykanka ayaa isku deyey inuu taakeeyo xaaladda dhaqaale ee dalkaasi iyagoo ku dhawaad $ 3tn (£ 2.4tn) oo cusub qarash gareeyey oo ay ku jirto lacago toos ah oo la siiyey qoysas badan. Kaydka Federalka wuxuu kaloo qaaday talaabooyin deg-deg ah, oo ay kujirto hoos udhaca saamiga dulsaarka ilaa eber la gaadhsiiyey.
  2. About 10,000 families in Mandera are to benefit from relief food supplies from the county government in efforts to combat the effects Covid-19. Source: Hiiraan Online
  3. Strolling through Berlin’s sprawling Tiergarten, window-shopping along stylish Kurfuerstendamm boulevard, getting stuck in traffic again: After a winter of vigilance, Germans are venturing out, masked and properly socially distanced, to enjoy the first warm days of spring. Source: Hiiraan Online
  4. Saaka iyo Qardho Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland ayaa Maanta oo Khamiis digniin ka soo saartay Roobab Mahiiggaana oo sida Wasaaraddu sheegtay ku soo wajahan Degaannada Puntland. Qoraal kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo xiganaysa xog laga helay Saadaasha Hawada ayaa lagu sheegay in Puntland ay ku soo wajahan yihiin Roobab mahiiggaan ah oo khasaare gaysan kara. Wasaaradda ayaa sidoo kale ku baaqday in laga baxo Dhulka godan iyo Meelaha Biya-marenka ah si looga gaashaanto Khasaaraha Roobabka la saadaalinayo ee ku soo wajahan Degaannada Puntland. “Waxaa dadweynaha lagu wargelinayaa in saadaasha hawadu sheegayso inay soo socdaan roob mahiigaan ah oo khasaare geysan kara. Hadaba waxaa la farayaa inay ka guuraan dhulka godan iyo meelaha biyo mareenka ah” ayaa lagu yiri Qoraalkaas. PUNTLAND POST The post Digniin laga soo saaray Roobab mahiiggaana oo ku soo wajahan Puntland appeared first on Puntland Post.
  5. Dowlad goboleedka Puntland ayaa shaacisay in dowladda Federaalka ah ay soo gaarsiisay lacag hal milyan ah taas oo loogu gurmanayo dadka reer Qardho ee ku waxyeeloobay daadadkii magaaladaasi ku rogmaday islamarkaana ay dad ku geeriyoodeen. Wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gurmadkii ugu horreeyay ay ka heleen dowladda dhexe waxa uun hoosta ka xariiqay in gurmadyo kalana ay ka sugayaan isaga oo yiri “Waxaa Na Soo Gaartay Lacag hal Milyan Ah oo Ay Soo Dirtay DF waan uga mahadcelinaynaa waa gurmadkii 1-aad lacago badan oo kalane waan ka rajaynaynaa lacagtaasina waxay ku soo dhacday akoonka dowladda”. Wali waxaa soconaya gurmadka loo sameynayo bulshada reer Qardho iyada oo xaaladda magaaladaasi ay tahay mid wali cakiran waxaana shalay la soo badbaadiyay dad ay qaadeen daadadkii magaalada ku soo rogmaday. Waxaa sidoo kale jira guddi uu magacaabay madaxweynaha Puntland Siciid Deni kaas oo ka shaqeyn doono sidii loo samatabixin lahaa dadkaasi waxaana guddigaasi oo u badan wasiirro ay ka koobanyihiin 24 xubnood. Roobabka ka da’ay Qardho ayaa sababay in magaalada ay ku soo rogmadaan daadad sababay dhimashada ugu yaraan saddex ruux iyo burburka hanti fara badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Rag ku labisan dareeska ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramay in ay isbaarooyin horleh ay dhigteen wadada isku xirta degaanka Lamber 50 iyo Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Illo wareedyo dadka degaanka ah ayaa u sheegay Raadiyaha Shabeelle in dableyda ay lacago ka qaadanayaan gaadiidka. Sidda ay ka dhawaajiyeen dadweynaha la hadlay Shabelle, tani ayaa saameyn xoogan waxay ku yeelatay isu socodka. Taliska Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed ayaa dhowaan digniin u diray ciidamadda xoogga ee ku lug-yeesha falalka burcadnimadda ah oo ay kamid tahay Isbaarooyinka, waxaana loo sheegay in talaabo laga qaadayo. View the full article
  7. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lacag dhan Hal Milyan oo Doolar gaarsiisay Puntland si loogu taakuleeyo dadka ay saameeyeen daadadka ku soo rogmaday magaalada taariikhiga ah ee Qardho. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Dowlad Goboleedka Puntland gaarsiisay lacag dhan $1,000,000 (Hal Milyan oo Doolar) oo loogu talo galay gurmadka dadka ay saameeyeen daadadka magaalada taariikhiga ah ee Qardho,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Xasan Shire Cabdi, wasiirka maaliyadda Puntland oo warbaahinta la hadlay, ayaa xaqiijiyey in ay gaartay lacagtaas. Qardho waxaa todobaadkan harqiyey fatahaado ka dhashay roobab mahiigaan ah. Burbur maaliyadeed, xarumo ganacsi iyo guryo ayaa sidoo kale ka dhashay. Lix oo saddex caruur yihiina way ku dhinteen. View the full article
  8. Madaxweynihii hore ee dalka haatanna ah guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu baaaq ku aaddan in gurmad degdeg ah loo fidiyo dadka uu saameynta ku yeeshay fataahadda u sameeyay wabiga Jubba u diray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa beesha caalamka iyo cidkasta oo wax haysata ugu baaqay inay gurmad la gaaraan dadkaasi isaga oo yiri “Waxaan ugu baaqayaa Dowladda, Ganacsatada, saaxiibada caalamka ee Soomaaliya iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in gurmad degdeg ah loo fidiyo, waa bil Ramadaan ee aan gacmaha isqabsanno walaalaheenna u gurmano”. Dhanka kale guddoomiyaha madasha xisbiya qaran ayaa sheegay inuu muragada la qeybsanayo dadka ka barakacay deegaanno ka tirsan Jubbaland kuwaas oo ka cararay saameynta ka dhalatay fataahaada uu sameeyay wabiga Jubba oo deegaannadaasi mara. “Waxaan murugada la qaybsanayaa shacabka ku barakacay daadadka ku dhuftay deegaanno ka tirsan Jubaland sida Baardheere, Madhawa iyo Jaziiradda Kudhaa” ayuu hadalkiiisa sii raaciyay Shariif sheikh Axmed. Qaar badan oo kamid ah shacabka dagmada Baardheere ayaa guryohooda ka barakacay iyaga oo raadsaday goobo taag ah oo aysan biyuhu gaadhin hasayeeshee aysan ku haysanin wax gabaad ah oo ay roobabka wali da’aya ka galaan. Shacabka dagmada Baardheere ayaa dalbanayo in loo fidiyo gurmad dagdag ah loona fidiyo taakulo si loo xakameeyo saamaynta ay fatahaadahan ku yeelan karaan noloshooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Democratic presidential candidate Joe Biden said Wednesday that the US embassy in Israel would remain in Jerusalem if he’s elected, even as he called President Donald Trump’s decision to move the diplomatic base from Tel Aviv “short-sighted and frivolous.” Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (SMN) – Shariif Sheekh Axmed ayaa baaq wuxuu kasoo saarey fatahaadaha ka dhacay degaano ka tirsan maamulka Jubaland gaar ahaan Baardheere, Madhawa iyo Jaziiradda Kudhaa. “Waxaan murugada la qaybsanayaa shacabka ku barakacay daadadka ku dhuftay deegaanno ka tirsan Jubaland sida Baardheere, Madhawa iyo Jaziiradda Kudhaa,” ayuu yiri Shariifka. Wuxuu raaciyey: “Waxaan ugu baaqayaa Dowladda, Ganacsatada, saaxiibada caalamka ee Soomaaliya iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in gurmad degdeg ah loo fidiyo”. “Waa bil Ramadaan ee aan gacmaha isqabsanno walaalaheenna u gurmano,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay. Sikastaba ha ahaatee, Shariif ayaa haatan ah gudoomiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran xilli uu horey u soo noqdey madaxweynihii 7aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
  11. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo mas’uuliyiin ka socota midawga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Turkiga, Ingiriiska, iyo Mareykanka, ayaa Mareegta Internet-ka ku yeeshay kulan heerkiisu sarreeyo oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya. Kulanka ayaa looga dooday horumarka ay ku tillaabsatay dowladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo tillaabooyinka xiga ee dib-u-kabashada dalka. Mudane Xasan Cali Khayre waxuu sheegay in hoggaanka dalka ay ka go’antahay dib-u-habeynta hey’adaha dowladeed, in lagu taagnaado wadada dib-u-kabashada dhaqaalaha iyo in lagu geeleysto Soomaaliya nabad iyo barwaaqo ah. Dhammaan mas’uuliyiinta ka qayb galay kulanka ayaa ballan qaaday in sii wadayaan taageerada dowladda Soomaaliya ay la garab taaganyihiin si loo gaaro himilooyinka ummadda Soomaaliyeed. View the full article
  12. Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Siciid Xamse ayaa ka warbixiyey xaaladda binu aadantinimo ee ka dhalatay fatahaadda webiga Jubba ka sameeyay magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo. Wasiir Xamsa ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku amray Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha in ay deg-deg ugu howlgalaan samata-bixinta dadka ku dhaqan Baardheere iyo degaannada ku xeeran oo ay soo food saartay xaalad nololeed oo aad u adag. “Talaabada ugu muhiimsan wakhtigan waa in aan ka daad-gureynaa dadka ku xaniban gudaha xaafadaha ee wabigu ku soo fatahay, iyada oo aan u rarayno qeybta magaalada ee kore. Sidoo kale waxaa muhiim ah in aan qorshe u samayno dadka beeralayda ah ee dalagoodii iyo agabkoodii wax soosaar ay galaafteen biyuhu, si aan uga hortagno xaalad binu aadantinimo oo ka dhalatay fatahaadahan maadaama nolasha reer Baardheere ay ku tiirsan tahay beeraha.” Ayuu yiri wasiirka. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha ay yeesheen kulan deg-deg ah oo ku saabsan xaaladaha binu aadantinimo ee ay sababeen fatahaadaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle iyada oo la qorsheynayo diyaarinta gurmad deg deg ah oo lala gaaro degaannada dhibaateysan. Guddiga ayaa ka digay fatahaad laga cabsi qabo in uu sameeyo wabiga Shabeelle waxayna ugu baaqeen dadka Soomaaliyeed in ay ka taxadaraan, gaar ahaan dadwaynaha magaalada Baladwayne. Wasiir Xamse Siciid ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka deg-deg ah ee loo fidinayo deegaannada ay fatahaaduhu ku dhufteen iyada oo la xoojinayo wacyi gelinta ku aaddan halista fatahaadaha iyo daadaka ee la filanayo maadaama lagu guda jiro xilli roobaadkii Guga’. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo Gurmad deg deg ah u diraysa magaalada Baardheer oo uu ku fatahay Webiga Jubba appeared first on Puntland Post.
  13. Ugu yaraan afar qof oo isku qoys ah ayaa ku dhintay halka inta la ogyahay labo ruux oo kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii ay Biriq ku dhufatay hooygooda oo Ku yaala Deegaanka Innamid oo 35-km jahada Barri kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug Biriqda ayaa xalay ku habsatay qoyska oo ka koobnaa 7-qof iyadoo isla goobta ku dishey afar caruur ah, hooyadii reerka. Mid ka mid ah caruurta ayaa dhaawacmay, sidda ay Shabelle u sheegeen illo wareedyo dadka degaanka ah. Sidda laga soo xigtay warar horudhac ah, waxaa wali la la’yahay ilmo kale oo caruurta ka mid ah. Biriqdaasi waxay la socotay Roob xoog leh oo ka da’ay Degaanada Dhuusamareeb Ku hareeraysan, saacadihii u dambeeyay. Mas’uuliyiinta ayaa nan wali ka hadlin musiibadaan rabaaniga ah. View the full article
  14. Qardho (Caasimadda Online) – Dowladda Federalka Somaliya ayaa lacag dhan Hal Milyan oo doolarka Mareykanka waxa ay ugu deeqday Maamulka Puntland, gaar ahaan fatahaada ka dhacday Magaalada Qardho. Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Cabdi, ayaa xaqiijiyey in ay gudoomeen aduun lacageed dhan hal milyan oo Doolar oo ka timid xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. Mr Xasan oo u waramay warbaahinta ayaa daboolka ka qaadey in lacagtaas oo lagu shubay akoonka dowladda loogu talagalay siddii loogu gargaari lahaa shacabka ku ceeyroobay daadadkii Qardho. Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in lacagtaas lagu wareejin doono mid kamid ah akoonadda laga furay Bangiyadda gaarka loo leeyahay ee loo sameeyay gurmadka xarunta Karkaar. “Waxaan uga mahadcelineynaa dowladda federaalka lacagtaas ay nasoo gaarsiisay, in ka badan waan fileynaa in ay nasoo gaarsiin doonto,” ayuu hadalkiisa kusii daray wasiirka Maaliyadda Puntland. Dhanka kale, qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa looga faaloodey lacagta loogu gurmanayo magaalada taariikhiga ah ee Qardho. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Dowlad Goboleedka Puntland gaarsiisay lacag dhan $1,000,000 (Hal Milyan oo Doolar) oo loogu talo galay gurmadka dadka ay saameeyeen daadadka magaalada taariikhiga ah ee Qardho,” ayaa lagu yiri. Inkastoo hadda xaaladda Magaalada Qardho ay tahay mid soo hagaageysa, kadib daadadkii ku dhuftay Magaalada, haddana Bulshadii ku khasaartay daadadka ayaa u baahan xaalad gurmad muuqda. Inta la xaqiijiyay daadadkii habeen hore ku rogmaday Xaafadaha Magaalada Qardho ayaa waxaa ku geeriyooday 6 Ruux halka ay ku hanti beeleen Boqolaal qoys sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degmada Qardho. Shacabka Somaliyed ayaa u istaagay muujinta Kaalinta gurmadka shacabka reer Qardho ee maanta u baahan caawinta walaalahooda Soomaaliyeed.
  15. Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow Ibraahim oo waraysi siinayay Shabelle ayaa ugu baaqay shacabka iyo maamulka HirsShabelle in ay sameeyaan ka hortag si loo yareeyo khatarta ka dhalan karta daadad mar kale ku dhufta degaanada maamul goboleedkaas. Mudanaha ayaa sheegay in looga baahanyahay dadka iyagu dagan meelaha inta badan fatahaadaha saameeyaan laga fogeeyo lana geeyo meela kale maadaama laga cabsi qabo in mar kale degaanada maamulkaas ay kadhacaan fataahaad uu sameeyo wabiga Shabelle Sharci-dejiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku adkeeyay in madaxda HirShabelle ay kawada hadleen in kahortag laga sameeyo daadad markale ka dhaca deegaanada hir shabelle. Wabiga shabelle ayaa lagu soo waramayaa inuu sii buux dhaafinayo xili roobab mahiigaan ah ay ka da’een qeybo kamid ah gobolada Soomaaliya, waxaana inta badan dhacda in fatahaaduhu saameyn ku yeeshaan dadka iyo beeraha ay ka dhacaan gobolada ShabellaHa Dhexe iyo Hiiraan, taasi oo cabsi badan laga muujinayo waqti xaadirkaan. View the full article
  16. Waxaa habeenkii todobaad galay tartan aqooneedka faca weyn ee shabakada warbaahinta Shabelle ee bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoo habeenkii xalay ahaa ay ku tartameen degmooyinka Kaxda iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobolka Banaadir iyo Shabeellaha Hoose. Degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa xalay guul ka gaartay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii ay isaga hor yimaadeen tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle. Labada degmo oo kawada tirsan Group-ka D ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxa ay xalay guushu raacday degmada Kaxda Tartamayaasha degmada kaxda oo dadaal iyo fir-fircooni ay muujiyey ayaa la yimid dhibco gaaraya 12, halka Afgooye ay keensatay 8 buundo. Degmada kaxda ayaa noqotay degmadii 4-aad ee badisa, tan iyo markii la bilaabay tartanka, waxaana ka horeeyey degmooyinka Cabdicasiis, Dayniile iyo Warta Nabadda. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Somali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee magaaladda caasimada ah ee Muqdisho. View the full article
  17. Maamulka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa la sheegay in uu sameystay qolal lagu ciqaabo dadka dhaliila mas’uuliyiinta maamulkaas. Sidda ay wararku sheegayaan, dadka ugu badan ee xadgudubka loogu geystay xaruntaas waxaa loo beegsaday fekerkooda oo ay cabireen Bulshaawi Axmed Xasan oo todoba cisho goobtaas lagu haayey, ayaa Raadiyaha Shabelle u sheegay in loo jirdilay comment uu ka bixiyey qoraal maamulka kasoo baxay. Ciidamo ka tirsan kuwa amniga degmadda ayuu ka dhawaajiyey in ay kala soo baxeen hoygiisa, iyaddoo aan loo sheegin sababta. Qolalka ciqaabta lagu geystay oo ku yaala xaafadda Cusboole ayuu ka dhawaajiyey in aysan ka war-hayn nabad-sugida iyo milatariga. Dhanka kale, wali ma jiro wax jawaab ah oo ku saabsan eedeyntaan oo illaa iyo haatan kasoo baxday maamulka degmada iyo dowladda federaalka. Hoos ka dhageyso warbxinta oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Dayniile.mp3 View the full article
  18. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Subax-30042020.mp3 View the full article
  19. Dhuusamareeb ( Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa sheegay in biriq ku dishay ugu yaraan 5 ruux oo qoys ah sida ay sheegeen ilo wareedyo deegaanka ah. Saacadihii la soo dhaafay ayaa roob xoogan waxaa uu ka da’ayay Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaannada hoostaga, waxaana Shan Qof oo isku qoys ahaa ay ku geeriyoodeen Biriq ku dhacday Gurigooda oo ku yaalla deegaanka Innamid oo 35-km jahada Barri kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug. Biriqda ayaa ku dhacday reerka oo ka koobnaa 7-qof iyadoo isla goobta ku dishey afar caruur ah , hooyadii reerka, sidoo kalana waxaa dhaawacmay mid ka mid ah caruurta sida dadka deegaanku sheegayaan halka qof kalana la la’yahay nolol iyo geeri. Qaar kamid ah dadka deriska la ah qoyskaas biriqda ku dhacday Gurigooda ayaa waxaa ay sheegeen inay aad uga naxeen musiibada ku dhacday dadkaas, iyaga oo gurmad u sameeyey qoyska si loo helo halka qof ee maqan. Roobab xooggan oo ay watay Biriq iyo Onkod ayaa abaara shantii saac oo habeeno ka bilaawday Dhuusamareeb iyo deegaanada hoos taga waxa uuna istaagay wax yar uun ka hor salaadii subax ee saaka sida dadka deegaanka ku waramayaan. Maanta ayaa lagu wadaa in deegaanka ay Biriqda ku dhacday ay booqdaan mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug si ay u kuurgalaan xaalada dadka ku nool deegaankaas ulana kulmaan Ehalada qoyska dhibaatada gaartay.
  20. Kismaayo (Caasimada Online) – Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Ben Fender ayaa sheegay in doorashadii lagu doortay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe bishii August ee 2019 ay ahayd mid “aad u cilladeysan”. Safiirka ayaa hadalkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta twitter-ka, oo uu kaga jawaabayey bayaan 28-kii bishan kasoo baxay saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, oo lagu taageeray heshiiska Axmed Madoobe iyo dhinacyada ay siyaasadda isku hayeen, oo 23-kii April ka dhacay Nairobi. Dowladda UK ayaa ka mid ahayd dalalka bayaankaas lagu saxiixay inay qeyb ka ahayd, hase yeeshee warkan cusub ee kasoo baxay safiirka ayaa u muuqday mid uu kaga fal-celinayey dood arrintaas ka dhalatay. “Tani waxay dhalisay dood badan. Fikirkayga wuxuu yahay: Soomaalida, si la mid ah dadka kale, waxay u qalmaan inay hogaamiyayaashooda ku doortaan doorashooyin xor, dhex-dhexaad iyo sharci ah. Hanaankii doorasho ee August-dii tegtay wuxuu ahaa mid aad u cilladeysan. Waa wax wanaagsan in la arko inay heshiiyaan dad horey u xifaaltamayey hase yeeshee siyaasad si dhab ah loogu dhan yahay – ha noqoto mid deegaan iyo mid qaran – waxay u baahan tahay intaas ka badan,” ayuu yiri. Ayada oo ay garwadeen ka tahay dowladda Kenya, ayaa madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe wuxuu heshiis la galay Cabdinaasir Seeraar Maax iyo xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo labaduba sheegeenayey madaxweynaha Jubaland, iyo Daahir Sheekh Axmed, kuwaas oo taageeray doorashadiisa. Afartan ninba waxay kasoo wada jeedaan hal beel.
  21. Shacabka iyo ganacsatada qaadka reer SL, waxa aan ku adkaynayaa in ay si wanaagsan oo hagar la'aan ah ugu hoggaansamaan muddada kooban ee la mamnuucay keenista iyo ka ganacsiga qaadka si aynu u kordhinno fayo-dhowrka iyo bad-qabka bulshadeenna ee cudurka safmarka ah ee Covid19. pic.twitter.com/Te0tmvFMl8 — Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) April 29, 2020 Waxa aan la qeybsanayaa murugada iyo dhibka ka soo gaadhay deegaanka Qardho fatahaadda aafeysay ee naf iyo hanti-ba leh, Ilaahayna waxa aan uga baryayaa in uu u naxariisto inta dhimatay, cawil kheyr qabana ugu beddelo dhibka ka soo gaadhay, kana samata-bixiyo inta hadhay… pic.twitter.com/zK1cyu0JdY — Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) April 29, 2020 Qaran News
  22. Gudigha Sare ee Dowladda Puntland u qaabilsan Gurmadka Fatahaada Magaalada Qardho, oo xalay warbaahinta kula hadlay Qardho, ayaa ka warbixiyay halka uu marayo Gurmadka. Wasiir Maaliyada Puntland Xasan Shire Abgaal, oo ka tirsan Guddiga Gurmadka Qardho, ayaa ugu horrayn sheegay in lacag dhan hal Milyan oo Dollar, oo loogu tala-galay Gurmadka Fatahaadda, ay Dowlada Federaalka ah soo gaarsiisay Guddiga, islamarkaana wuxuu u mahad-celiyay Dowlada dhexe kaalinta ay ka qaadatay Gurmadkaas. Sidoo kale, waxa uu sheegay in Shalay deeq raashin ah oo ka timid Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe uu Gudiggu la wareegay, Si guudna ay ugu mahad-celinayaan Maamulada degmooyinka iyo Shacabka ka qayb qaadanaya Gurmadka. Wasiir Xasan Abgaal, ayaa sidoo kale tilmaamay in deeqo kale ay keeneen Wasaaradaha Puntland Qaarkood, Kuwaas oo isugu jirra Biyo Nadiifah, Cunto Bisil, Bacaha Roobka iyo Bustayaasha laga dugsado dhaxanta. Halkaan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay in Dowladda Soomaaliya Hal Milyan oo Dollar ku bixisay Gurmadka Qardho appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo wareysi siiyey Xarunta La-dagaaalanka Argagixisada (Combating Terrorism Center) ayaa wax laga weydiiyey suurta-galnimada wada-hadal dhex mara dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab. Yamamoto ayaa sheegay in dalal badan ay rumeysan yihiin in wada-hadal lagu soo geba-gebeyn karo dagaalka Soomaaliya, hase yeeshee ay su’aashu tahay in xubnaha Al-Shabaab ay ogol yihiin wada-hadal? “Marka ay noqota xaaladda Soomaaliya, waxaa jira 2,000 illaa 3,000 oo ah dagaalyahanno Shabaab ah oo mayal adag, kuwaas oo aan dooneyn wada-xaajood, taasina waa dhibaato, sidaas darteed sidee ku keeneysa miiska wada-hadalka,” ayuu yiri Yamamoto. Yamamoto ayaa sheegay in dad badan ay hadda eegayaan xaaladda Afghanistan iyo heshiiska lala galay Taliban, ayna rumeysan yihiin inay tusaale u noqon karto dalal kale, sida Soomaaliya oo kale, balse la doonayo in dal kasta si gaar ah loo eego xaaladdiisa. “Waxaan u maleynayaa in marka ay noqoto Soomaaliya ay tahay inaan la gaarin waqtigii aan oran lahayn ‘waxaan u baahanahay wada-xajaood’. Waxaan rumeysanahay in ugu dambeyn wada-xaajoodku, ha noqoto mid lala galo Al-Shabaab ama koox ama urur kale uu yahay caqabad, waana arrin ay tahay inay go’aansadaan dadka Soomaaliyeed, ma ahan arrin u taalla Mareykanka, waa arrin u taalla Soomaaliya,” ayuu yiri. “Waa inaan fahamnaa in kani uu yahay dagaalkooda, waa na saameyneysaa annaga, kaalin ayaana ka qaadan doonnaa, balse waa Soomaalida kuwa go’aanka ka gaaraya inay doonayaan wada-xaajood iyo in kale.”
  24. Kenya put one of the world’s largest refugee camps under lockdown, even as humanitarian agencies warned there’s no infrastructure in place to deal with a potential outbreak of the coronavirus. Source: Hiiraan Online