Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan oo meeraya meel xiiso badan ayaa waxaa xalay ku baratamay degmooyina Wadajir iyo Howlwadaag ee gobolkaan Banaadir. Labada degmo oo ku wada jiray group-ka A is-aragiisa labaad ee tartanka ayaa waxaa xalay guul ka gaartay Wadajir, kadib markii ay ka badisay dhiggeeda Howlwadaag. Wadajir ayaa la timid 16 dhibcood, halka Howlwadaag ay keensatay 12 buundo, sida uu natiijada ku dhawaaqay, Xasan Weli Sheekh Abuubakar guddoomiyaha tartanka. Dhinaca kale waxaa caawa tartanka aqooneedka faca weyn ee Shabelle isaga hor imaan doono, islamarkaana ku ballansan degmooyinka Kaaraan iyo Dharkenley oo ka tirsan group-ka A is-aragiisa labaad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Kaaraan ayaa horay barbar dhac ula soo gashay Howlwadaag is-aragii koowaad ee tartanka, halka Dharkenley ay iyana barbar dhac la soo gashay dhiggeeda Wadajir. Sanadkaan taaba-gelinta tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Somali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article
  2. Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in markale gargaar caafimaad ay u soo direyso Soomaaliya, si loogu kabo xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus. Afhayeen u hadlay xafiiska Madaxweynaha dalkaasi, Reccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Madaxweynaha uu amray in markale shixnad gargaar loo diro Soomaaliya. Sidoo kale afhayeenkaan oo lagu magacaabo Ibrahim Kalin ayaa bogga uu ku leeyahay Twitter-ka ku daabacay in gargaarka caafimaad ee uu markii labaad Turkiga u soo dirayo Soomaaliya uu isugu jiri doono qalabka hawa siinta ee Ventiletarka loo yaqaano, daawooyin iyo agabka ay isticmaalaan dhaqaatiirka ku howlan la tacaalida Covid-19. Si kastaba ha’ahaatee gargaarkan caafimaad ee uu Turkiga u soo dirayo Soomaaliya ayaa noqonaya midkii labaad, xilli bartamihii bishii la soo dhaafay M/ Muqdisho ay soo caga dhigatay diyaarad siday gargaar caafimaad oo uu Turkiga ugu deeqay Soomaaliya. View the full article
  3. Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay inay korortay tirada dadka maamulkiisu diiwaan-geliyey ee la geeyo maalintii Qabuuraha ku yaalla Caasimada, xilli dalka uu ka jiro Covid-19. Duqa magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in laga soo bilaabo 19-kii bishii April illaa haatan ay diiwaan-geliyeen ku dhowaad 500 oo ruux, islamarkaana cel-celis ahaan malintiiba ay diiwaan-galinayeen tira u dhexeysa 22- 49 Qof, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay aaminsan yihiin in dadkaasi ay intooda badan u dhinteen cudurka faafa ee Coronavirus, kaas oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Filish.mp3 View the full article
  4. Sida ay horay u sheegtay warbaahinta Puntland Post, waxaa dhammaan dib laga helay dadkii lagu la’aa fatahaaddii ka dhacday magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Dadkaas oo tiradooda lagu sheegay 11 qof, ayaa dhammaantood nolol lagu helay 24-saac gudahood markii ay fatahaaddu dhacday, waxaana iyagoo bed-qaba dib loogu celiyay Qoysaskoodii, islamarkaana ma jiraan dad weli lagu la’yahay magaalada Qardho. Warbaahinta qaar, ayaa maalmahan qoraysay in weli fatahaaddii Qardho lagu la’yahay dad gaaraya 30 ruux, waxaase wararkaasi beeniyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Qardho, oo aan dib ula xiriirnay. Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya, in khasaaraha nafeed ee fatahaaddii Qardho ay ku koobantahay ilaa lix qof oo dhimasho ah, kuwaas oo isu’gu jira saddex carruur ah iyo saddex qof oo waaweyn oo midkood haweenay tahay. Balse, waxay xaqiijiyeen in aysan jirin khasaare nafeed oo intaas ka badan iyo dad maqan midna. Hase yeeshee, burbur hantiyeed iyo mid dhaqaale oo baahsan ayaa ka dhashay daadadkaas, waxaana ku bara-kacay boqollaal qoys oo hooy iyo hanti la’aan ku dhacday. PUNTLAND POST The post Maxaa ka jira in weli dad lagu la’yahay Fatahaaddii Qardho? appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-02052020.mp3 View the full article
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo xalay khudbad ka jeedinayey kulan ka dhacay Muqdisho ayaa ka hadlay saameynta ka dhalatay cudurka Coronavirus ee ka dilaacay Soomaaliya. Cumar Filish ayaa sheegay in tan 19-kii bishii la soo dhaafay ee April ay baaritaano ku sameynayeen dadka dhinta ee la geeyo Qabuuraha ku yaalla caasimada. Duqa Muqdisho ayaa shaaciyey in illaa iyo hadda ay diiwaan-geliyeen meydadka ku dhowaad 500 oo qof, kuwaas oo ku geeriyooday gobolkaan Banaadir. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay aamin-san yihiin inay dadkaasi badi u dhinteen cudurka halista badan ee Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya. Tiraddii ugu badneyd ee ay diiwaan-geliyeen hal maalin ayuu ku sheegay 43 ruux , halka tiradii ugu yareydna uu ku sheegay guddoomiyuhu 22 qof. Guddoomiye Filish ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay qaataan talooyina caafimaadka, si loo xakameeyo fidista Covid-19. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan wasiirka warfaafinta Soomaaliya uu shaaciyey in qof kasta xililigan dhinta ay dowladda federaalka u aqoonsan tahay inuu dilay cudurka faafa ee Coronavirus, kaas weli ku sii fidiya wadamo badan oo ku yaalla caalamka. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Filish.mp3
  7. Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa digniin ka soo saartay nadaafad-darro baahsan oo ka dhalatay daadadkii ku fatahay magaalada Qardho kuwaas oo keeni kara xanuuno halis ah. Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xassan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Qardho ayaa sheegay in daadadkii ku rogmaday Qardho ay isku fureen suuliyaashii iyo ceelashii laga cabi jiray ee magaalada taasina ay ka dhalan karaan cuduro halis ah. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in suuqyadii magaalada iyo waddooyinka qaar ay daadadkaas ku reebeen qashin iyo dhiiqo badan oo isku dhex qasmay oo sababi kara xanuuno ay ku jiraan shubanka iyo daacuunka oo ka daran COVID-19. Sidoo kale wuxuu aad shacabka Qardho uga digay in ay iska ilaaliyaan biyaha wasakhaysan ee ceelasha suuliyaashu ku furmeen iyo sidoo kale qashinka iyo biyaha isku milmay ee daadadku ka tageen. Halkaan ka daawo hadalka Wasiirka PUNTLAND POST The post Puntland oo ka digtay xanuuno halis ah oo ka dhalan kara Fatahaaddii Qardho appeared first on Puntland Post.
  8. Belgium is the world's worst affected country when it comes to the coronavirus mortality rate. Source: Hiiraan Online
  9. Turkey will send medical supplies to Somalia to help the country combat the novel coronavirus outbreak, the presidential spokesman said on Friday. “Today, by instructions of President Recep Tayyip Erdogan, a cargo load of medical supplies, masks, overalls, test kits and other equipment is going to Somalia to help them against COVID-19,” Ibrahim Kalin said on Twitter. “Turkey stands together with Somalia and Africa against all calamities,” Kalin added. Recalling Erdogan’s first visit to Somalia in 2011 when “tens of thousands of people had died because of the famine,” Kalin said: “The visit drew the world’s attention to the forsaken country of Somalia and Erdogan became the hope of our Somali brothers and sisters.” Since first appearing in Wuhan, China last December, the novel coronavirus, officially known as COVID-19, has spread to at least 187 countries and regions, with the US and Europe the hardest-hit areas. Over 3.27 million cases have been reported worldwide, with the death toll surpassing 233,700 and more than 1 million recoveries, according to data compiled by Johns Hopkins University in the US.
  10. Ankara and Abu Dhabi, who find themselves on opposing sides of many Middle East issues, now trade barbs over Libya war. Source: Hiiraan Online
  11. Concerns that official mortality counts in African countries are a big understatement Source: Hiiraan Online
  12. Wasiir Warfaafinta Somalia oo Badka soo dhigay Sir hoose oo u qarsoonayd Farmaajo & Dadka ku dhawdhaw Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Maxamed Xayir (Maareeye) oo ka hadlayey cudurka faafa ee Coronavirus/Covid-19 ayaa shalay sheegay in dowladda federaalku qof kasta oo dhinta ay u aqoonsan tahay inuu dilay Coronavirus. Hadalka Wasiir Maareeye ayaa ku soo aadaya xili xasaasi ah oo bulshada qaarkood ay shiki badan ka qabeen in wax ka qaldan yihiin tirada xad dhaafka ah ee la sheegay inuu dalka ku dilay Coronavirus. Dadka uu gudaha Soomaaliya ku dilay cudurka faafa ee Coronavirus ayaa gaadhey 28-qof, halka Kiisaska guud ay yihiin 601, sida ay shaacisay Wasaarada caafimaadka Soomaaliya, iyada oo la filayo inay sare u sii kacdo saacadaha soo socdo tiradaasi, maadama ay Wasaaradu soo saarto warbixin maalinle ah oo ku saabsan xaalada Coronaha ee dalka. Tirada dhimashada Soomaaliya ee Coronavirus ayaa hogaanka u haysa dalalka geeska Afrika oo iyagu ay cudurkaasi uga geeriyoodeen tiro ka yar mida Soomaaliya, taasi oo soo if-bixisay labo arrin, oo midood ay dabada ku hayso adeeg xumada caafimaad ee ka jirta Soomaaliya. Iyada oo dad badana ay aaminsan yihiin in hadalka Maareeye uu cadeyn u yahay in dowladdu liiska dhimashada iskaga darsato dad badan oo aan la marin hubin caafimaad oo la xiriirta cudurkaasi, inkasta oo Wasiirada caafimaadku ay dhowr jeer ku dooday in qofkasta oo liiska Coronaha ku jira lagu shaaciyay kadib markii baaritaan la mariyo. Hadalka Wasiir Maareeye ee uu ku sheegay in ‘dowladdu qof kasta oo dhinta u aqoonsan tahay inuu dilay Coronavirus’, ayaa sidoo kale soo shaac bixinaya qorshe culus oo ay ka leedahay dowladda federaalku, kaasi oo lagu rabo in xad ka bax laga dhigo tirada dhimashada ee cudurkaasi, iyada oo aan la xaqiijin. Siyaasiyiinta qaar ayaa sheegay in dowladdu ay uga dan leedahay korarka Kiisaska Coronaha iyo kuwa dhimashada, si ay fursad ugu hesho muddo korodhsi, ama lacag looga qaato hay’ado caalami ah, taasi oo ay si madax banaan u xaqiijin karin Caasimada Online, walow waqti xaadirkan ay muuqato eedeymaha mucaaridka dowladda ugu jeedinayaan muddo korodhsiga ee la xiriirta Coronaha. Dhawaaqa kasoo yeeray Wasiir Maareeye ayaa sumcad xumo weyn usoo jiidaya dowladda federaalka, iyada oo aan la cadeyn karin inay hadalkaasi kula socdaan Mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka, isla markaana ay tahay qorshe jira oo kasoo fakaday afka wasiirka. Waxaana xusid mudan in tirada Kiisaska Coronaha ee dalku ay maalinba maalinta kasii dambeyso sii kordheyso, iyada oo Wasaarada caafimaadkuna ay shaaciso dad hor leh oo uu soo ritay cudurkaasi iyo kuwa kale oo uu galaaftay noloshooda. Qaran News
  13. SEOUL (Reuters) - After weeks of intense speculation about the health of Kim Jong Un, state news agency KCNA said on Saturday the North Korean leader attended the completion of a fertilisers plant north of Pyongyang, the first report of his appearance since April 11. Source: Hiiraan Online
  14. CAIRO — Sudan’s new government has outlawed the practice of female genital mutilation, a move hailed as a major victory by women’s rights campaigners in a country where the often dangerous practice is widespread. Source: Hiiraan Online
  15. Pyongyang (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un ayaa markii ugu horreysay bulshada kasoo dhex-muuqday, tan iyo markii warar la xiriira xaaladdiisa caafimaad ay soo shaac baxeen bishii tagtay, isaga oo xariga ka jaray warshad bacraminta sameysa, waxaa sidaas werisay warbaahinta dowladda. Kim “waxa uu ka qeyb galay xafladda” oo maalintii Jimcaha ka dhacday magaalada Suncheon oo u dhow magaalada caasimadda ah ee Pyongyang, waxaana aad ugu riyaaqay dadkii ku sugnaa markii ay arkeen, ayey tiri wakaaladda wararka Korea-da Waqooyi ee KCNA. Kim ayaa waxaa wehliyey saraakiil sare oo ka tirsan Korea-da Waqooyi oo ay ku jirto walaashiis kayar Kim Yo Jong, sida warbixinta lagu sheegay. Waxaa uu sidoo kale baaritaan ka sameeyey warashadda, waxaana “warbixin laga siiyey hanaanka ay wax usoo sarato,” ayaa lagu yiri warbixinta. KCNA ayaa intaas ku dartay “Kim waxa uu si dareen qoto dheer leh u sheegay in awowgiis Kim Il Sun iyo aabihiis Kim Jong Il ay aad ugu farxi lahaayeen, haddii ay maqlaan warka ah in la sameeyey warshad sameysa bacriminta kiimikada oo casri ah.” KCNA ayaa baahisay sawir muujinaya xarig jarka Kim, hase yeeshee lama xaqiijin karo sax ahaanshaha sawirkaas. Toddobaadyadii tegay waxaa aad loo hadal hayey in Kim uu xanuusan yahay kuna sugan yahay xaalad halis ah kadib markii lagu sameeyey qalliin dhanka wadnaha ah oo qaldamay. Hase yeeshee, sarkaal sare oo dhanka amniga kala taliya madaxweynaha Korea-da Koonfureed Moon Jae-in ayaa maalmo ka hor sheegay in Kim “uu nool yahay aadna u fiican yahay”, isaga oo qaboojiyey wararka la xiriira inuu xanuusan yahay ama uu miir beelay. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kadib warbixinta KCNA sheegay inuu wax ka dhihi doona xaaladda Kim, waqtiga ku habboon.
  16. Kim Jong-un oo Caafimaadkiisa lagu muransanaa oo Fagaaro ka soo muuqday Kim Jong-un fagaaraha laguma arag ku dhowad 3 tooddobaad Kim Jong-un ayaa dib fagaaraha uga soo muuqday markii ugu horreeysay muddo labaatan maalmood ah, sida ay soo tabisay warbaahinta qaranka Kuuriyada Waqooyi. Wakaaladda wararka ee KCNA ayaa sheegeysa in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu xarigga ka jaray warshadda sameysa qalabka bac-riminta ee beeraha. Wararku waxay intaasi ku darayaan in dadkii ku sugnaa warshadda ay aad u farxeen markii ay arkeen hogaamiye Kim Jon Un. Ka soo muuqashadiisan fagaaraha ayaa ah tii ugu horreysay tan iyo 12-kii April waxayna taasi sababtay in caalamka la isla dhexmaro warar ku saabsanaa in xaaladdiisu caafimaad aysan wanaagsanayn. Maxaa keenay in la isla dhexmaro xaaladda caafimaad Kim Jong Un? Kim Jong-un waxaa markii ugu dambeysay sawir laga qaaday 12 April Wararka la isladhexmarayay ee ku saabsan Kim ayaa soo baxay markii sida la sheegay uu ka baaqsaday ka qeybgalka munaasabad sannad walba lagu maamuuso sanad guuradii kasoo wareegatay dhalashada awoowgii oo ku beegneyd 15-kii bishii April. Kim Jong-un waligiis kama uusan baaqanin munaasabadda xuska awowgii – wayna iska muuqatay inuusan si sahlan u go’aansan karin inuu ka qeyb gali waayo. Muqaalka cajiibka ah ee askariga baxsanaya Kuuriyada Waqooyi Kuuriyada Waqooyi oo ah dal ay adag tahay in laga helo xog ku saabsan madaxda sare ee dalkaas ayaa waxaa adkaatay in la xaqiijiyo xaaladda caafimmaad ee Kim, waxaana sidoo kale maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay warar kale oo sheegaya in hogaamiyaha dalkaas uu galay qalliin dhanka wadnaha ah. Waxaa sidoo kale soo baxay warar kale oo sheegaya in Kim Jong Un uu nool yahay. Kim Jong-un waligiis kama uusan baaqanin munaasabadda xuska awowgii Horay ma u dhacday in Has Kim Jong-un la waayo? Sanadkii 2014-kii, ayaa Kim Jong-un la waayay muddo 40 cisho ah, waxayna taas keentay in wax la iska weydiiyo halka uu ku sugan yahay. Sidoo kale xilligaas waxaa soo baxay warar kale oo sheegayay in la afgembiyay. Haseyeeshee, maalmo kaddib waxaa uu kasoo muuqday warbaahinta dalkaas. Haddii ay dhacdo in uu meesha ka baxo, yaa baddalaya? Wargeyska Kuuriyada Koonfureed ee lagu magacaabo Rodong Sinmun ayaa dhowr sawir ka qaaday Kim bishii October ee sanadkii 2014-kii Haddii ay dhacdo in Kim uu meesha ka baxo, sida ay doontaba ha ahaatee, ma cadda cidda baddali doonta. Kim waxaa uu xilkaas ka dhexlay aabihii oo sanado badan hogaaminayay dalkaas, waxaana muuqata in dhaxalka dhanka xukunka ee dalkaas uu yahay mid uusan cid kale damac ka geli karin. Gabar ay walaalo yihiin Kim Jong-un oo lagu magacaabo Kim Yo-jong, ayaa u muuqata qofka iska leh dhaxalka dalkaas, maadaama ay walaalo yihiin, aadna ay ugu dhow dahay walalkeed. Waxaa sidoo kale la sheegaa in ay saameyn ku leedahay xukunka dalkaas. Taliska dalkaas ayaa ah mid aad looga baqo halka shacabkuna ay dunida inteeda kale ka xirxiran yihiin, taasoo yareyneysa wararka laga heli karo gudaha. Qaran News
  17. Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa qalab caafimaad usoo direysa Soomaaliya, si looga caawiyo dagaalka ay kula jirto faafitaanka cudurka Coronavirus, kadib amar kasoo baxay madaxweyne Erdoğan, waxaa sidaas sheegay afhayeenka madaxweynaha. “Maanta, ayada oo la fulinayo amarrada madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan, diyaarad xamuul oo ay ku jiraan qalab caafimaad, maaskaro, aaladaha lagu sameeyo tijaabada Coronavirus iyo qalab kale, ayaa u baxeysa Soomaaliya, si looga caawiyo dagaalka COVID-19,” ayuu yiri Ibrahim Kalin, oo qoraal soo dhigay twitter-ka Jimcihii. Kaalin ayaa sheegay in Turkey ay sii wadi doonto inay Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrika ku garab taagnaato dhib kasta oo ay wajahayaan. Kalin ayaa xusay in Erdigan uu ahaa qofkii indhaha caalamka kusoo jeediyey Soomaaliya sanaddii 2011, xilligaasi oo uu booqday ayada oo kumanaan qof oo Soomaali ah ay u dhinteen macluul ka dhalatay abaar xooggan oo dalka ku dhufatay. Kalin ayaa yiri “Booqashadaas waxay dareenka caalamka kusoo jeedisay dalka la hilmaamay ee Soomaaliya, waxaana Erdogan uu noqday rajada walaalaheen Soomaaliyeed, wiilal iyo gabdhaba.” Today, by instructions of President Recep Tayyip Erdoğan, a cargo load of medical supplies, masks, overalls, test kits and other equipment is going to Somalia to help them against COVID-19. Turkey stands together with Somalia and Africa against all calamities. — Ibrahim Kalin (@ikalin1) May 1, 2020 Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 601 kiis oo Coronavirus ah laga diiwaan geliyey dalka, ayada oo 28 qof ay u dhinteen cudurka, waxaana gargaarka uu soo diray madaxweyne Erdogan uu noqon doonaa mid aad loogu baahnaa.
  18. Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Gobolka Gedo ahna Madaxa Amniga ee Gobolkaas Cismaan Nuur Xaaji Macalimow oo gaaray degmada Garbahaarey ayaa xilalkii waxaa uu ka qaaday Guddoomiyeyaashii degmooyinka Garbahaareey iyo Buurdhuubo. Macalimow ayaa sidoo kale magacaabey guddoomiyeyaal cusub iyo ku-xigeenadooda, sida ku cad warqad uu soo saaray. Wareegto kasoo baxdey xafiiska Macalimow ayaa waxaa xilkii looga qaaday Guddoomiyihii degmada Garbahaarey Iimaan Cadow Kaarshe, waxaana xilkaasi loo magacaabey Xasan Sheekh Cilmi Faarax. Sidoo kale waxaa la magacaabay laba guddoomiye ku-xigeen iyo xoghayaha degmada. Macalimow ayaa sidoo kale xilkii ka qaaday guddoomiyihii degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo Xuseen Muxumed Cali, waxaana xilkaas loo magacaabey Cali Shariif Cabdullaahi. Dhinaca kale, guddoomiyihii degmada Garbahaarey Iimaan Cadow Kaarshe ayaa kasoo horjeestay xilka qaadista lagu sameeyey, isaga oo sheegay in uu yahay guddoomiyaha sharciga ah ee degmada Garbahaarey. Arrintan ayaa hadda xiisad cusub ka abuurtay gobolka, oo markii hore ay ka taagneyd xiisadda u dhaxeysa dowladda dhexe iyo maamulka Jubaland. Hoos ka akhriso wareegtooyinka xilka qaadista iyo magacaabista.
  19. Maxaan ka barankarnaa horumarka wadamada hore uu usoo ragaadiyeen dagaaladda sokeeye, jabhaddo iyo qabaail, oo maanta ku talaabsaday muddo yar oo lataaban karo, horumar dhaqaale iyo mid siyaasadeed ba leh?, Bal ila milicso akhriste wadamada Mosembik iyo Rwanda, waxay hormood u noqodeen wadamada Africa in ay kaga daydaan maamul wanaaga, la dagaalanka musuq maasuqa, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Waxaa hadaba is weydiin mudan, maxaa sabab u ah horumarka dalalkaa, maxaase ka hortaagan dalkeena Somaliland horumar la mid ah dalalkaa, maxeynuse ka baran karnaa horumarkaa. Dadka falanqeeya siyaasada geeska Africa waxay aminsanyihiin in horumarka Mosembik iyo Rwanda gaadhay ay sabab u tahay Hogaanka madaxweynayaasha tallada gacanta ku qabtay sida Paul Kagame iyo Joaquim Chissano oo ahaa generaaladdii hogaaminayey jabhaddii ku guuleysetay in ay talada wadanka la wareegaan. Waxaa xaqiiq ah in markasta oo wadan galo dagaal sokeeye in uu ubaahanyahay hogaamiye adag oo leh arigti dheer iyo xeel siyaasadeed oo qotodheer si uu u maareeyo caqabadaha ka dhasha colaada sokeeye ee ku salaysan qabiilka iyo maamulxumida. Waxaa la isku raacsan yahay in Mosembik iyo Rwanda ay nasiib u yeesheen in ay helaan hogamiyeyaal daacad ah lehna aragti dheer oo u suuragelisay muddo yar gudeheed in uu kaga saaro marxaladii adkayd gaadhsiiyay iskufilaansho dhinacya badan taabanaya. Somaliland waxay soo gashay dagaalo sokeeye ooaan qorsheysneyn. Taasi waxay keentay in ay u kala qeybsamaan qabiil qabiil, kadibna kooxo kooxo ay hogaaminayeen shaqsiyaad aan laheyn aragti qaran oo mideysneyn, muhiimadooda ugu weynina ay ahayd sidii uu midba midka kale u majaxaabin lahaa . Taasi na waxay dhashay in uu dagaalkii sokeeye sii dheeraado, iyadoo soo dedijisay burburkii kaabayaasha dhaqaalaha iyo heyadihii dowliga ahaa. Hadaba maxeynu ka baran karnaa horumarka dalalkaasi ku talaabsadeen, waa Hogaamiye daacad ah, wadninimo leh, isla markaana dib u habeeya dhamaan Hay’addaha dawladda iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Waa in la helaa heya’do si hufan ula xisaabtama masuuliyiinta ku takri fala xoolaha ummadda oo ay masuulka ka yihiin, ilaaliyana xuquuqda muwaadinka. Intaas markaan helno ayaan gaadhi karnaa horumarka Mosambik iyo Rwanda ku talaabsadeen oo kale. QALINKII PROF, MOHAMED AHMED FARAH MATAAN (JAAFAA) ANKARA, TURKIYA. jaafaa66@gmail.com Qaran News
  20. PRESS RELEASE Coronavirus – Kenya: COVID-19 update by CS Health, Sen. Mutahi Kagwe NAIROBI, Kenya, May 1, 2020/ — Hotspots in Kenya: Nairobi *Kawangware 13 *Eastleigh 11 *South C 7 *Kilimani 6 *Pipeline 6 *Kileleshwa 5 *Dandora 5 Mombasa *Mvita 36 *Likoni 8 *Bamburi 11 Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Kenya. Qaran News
  21. Bacaadweyn (Caasimada Online) – Magaalada Bacaadweyn oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa lagu soo warramayaa inay ku fataheen oo ay galeen daadad xooggan oo dhibaato weyn ka horseeday magaalada. Wararka ayaa waxay sheegayaa in ugu yaraan laba qof ay ku dhinteen magaalada, ayada oo dad kale oo badanna ay ku baralaceen. Illaa iyo hadda ma jiro wax gurmad ah magaaladaas ku wajahan, oo ka imaanayaa Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedka Galmudug, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaankaas ka barakakacay. Iska daa gurmad’e, xitaa ma jirto cid ka hadleysa dhibaatada halkaas ka dhacday. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay haatan dadaalkeeda isugu gaysay magaalooyinka Qardho iyo Baardheere, oo sidoo kale ay daadad qaadeen, halka Wabiga Shabeelle isagana lasoo warinayo in uu ku fatahay tuulooyin hoos yimaadda degmada Mahadaay, kuwa kalena ay khatar ku jiraan. Dowladda Soomaaliya ayaa horey loogu eedeeyey inaysan u caddaalad falin shacabka, islamarkaana gargaarka ay fidiso ay badanaa ku salleyso dano siyaasadeed, iyo heerka ay le’eg tahay saameynta siyaasadeed ee deegaanada ay dhibaatada ka dhaceen. Hoos ka daawo sawirrada daadadka qaaday Bacaadweyn