-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Adana (Caasimadda Online) – Waxaa Baraha Bulshada ee dalka Turkiga qabsatay geerida ku timid Haji Ali Sulfik, oo Allaha uu oofsaday isagoo aqrinayo qur’aanka Kariimka ah. Haji Ali Sulfik oo ahaa wadaad Xaafidul Qur’aan ah, islamarkaana daganaa Magaalada Adana ee dalka Turkiga ayaa geeriyooday isagoo Maalin ramadaan ah aqrinayo qur’aanka Kariimka. Wadaadkaan ayaa wuxuu qur’aanka kariimka baray boqolaal qof oo ku nool dalka Turkiga gaar ahaan magaalada uu kasoo jeeday ee Adana. Sawiro lagu faafiyey baraha Bulshada ayaa muujinayey wadaadkaan oo ay nafta ka baxday isagoo Qur’aanka aqrinayo, waxaana la arkay isagoo meyd ah oo ku kor jiifo kitaabka Qur’aanka. Inta badan dadka arrintaan ka hadlay ayaa ku tilmaamay inay tahay khaatimo fiican oo uu wadaadka ku dhintay maadaama uu ahaa wadaad inta badan waqtigiisa ku qaatay aqrinta Qur’aanka Kariimka. “عاش على القرآن ومات عليه”.. وفاة حجي علي شلفك أحد محفظي القرآن الكريم في ولاية آيدن التركية والذي تخرج على يديه مئات الحفاظ والقراء pic.twitter.com/L48WiLvSBv — قناة الجزيرة (@AJArabic) April 30, 2020
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Qatar ayaa la filayaa inay magaalada Hargeysa u soo dirto wefti culus oo wata diyaarad gaar ah oo ay ku sidaan mucaawino ay ugu tallo galeen ka hortagga xanuunka Covid_19. Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in weftigani ay Hargeysa soo gaadhayaan toddobaadkan, waxaana la filayaa inay mucaawinada ku wareejiyaan guddiga ka hortagga xanuunkan oo uu guddoomiye u yahay madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici. Si rasmi ah looma oga in deeqdan ay dawladda Somaliland ka codsatay dawladda Qatar iyo inay dawladda Qatar si iskeed ah isugu xilqaantay inay shacabka reer Somaliland soo gaadhsiiso mucaawino. Wasiirka arrimaha dibadda oo uu wargeyska Geeska Afrika isku dayay inuu arrintan ka waraysto ayaanay u suurtogelin. Deeqdan ayaa noqonaysa tii u horaysay ee dawladda Qatar uga timaada si toos ah ee soo gaadha shacabka reer Somaliland. Dadka aqoonta u leh diblomaasiyada ayaa tilmaama in mucaawiyoonku yihiin aalad la mid ah amaba ka xoog badan diblomaasiyada, lamana garan karo in arrintu ku koobnaan doonto mucaawino keliya iyo inay bilaabmi doonto diblomaasiyad cusubi. Source
-
Human Rights Watch oo maanta qoraal ka soo saartay saxaafadda Soomaaliya iyo heerka Xuriyadda Saxaafadda Adduunka ee May 3 ayaa sheegeysa in Soomaaliya ay sii laba jibaartay hanjabaaddda ka dhanka ah saxafiyiinta iyada oo tan iyo bartimihii April la xiray 3 weriye halka shaqada laga joojiyey idaacad maxali ah, waxayna dowladda Soomaaliya ugu baaqday iney soo afjarto xarigga sharci-darrada ah iyo dhibaataynta suxufiyiinta. Dowladda Soomaaliya waa iney joojisaa xarigga iyo dhibaateynta saxafiyiinta waqtiga ay muhiim tahay helidda wararka”, sidaa waxaa tiri Laetitia Bader, oo ah agaasimaha seeska Afrika ee hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch iyada oo intaasi raacisay “Saxaafad madax banaan oo laga ilaaliyo xadgudubka ayaa fure u ah in la hubiyo in Soomaalidu ay heystaan macluumaad ay ku gaarayaan go’aanno xog-ogaal ah inta lagu jiro cudurkan safmarka ah.” April 20, waxaa Baydhabo lagu xiray weriyaha Voice of America (VOA) ee Mukhtaar Maxamed Catoosh, labo habeen marka uu xirnaa ayaa la sii daayey April 22. Qoraal maxkamad ka soo baxay ayaa lagu sheegay in lagu heyso inuu baahiyey warar been abuur ah, ka badbadin ah iyo inuu digniin been ah siiyey maamulka. Mukhtar waxaa uu u sheegay Human Rights Watch in wax laga weydiiyey war ku saabsan war uu VOA ka baahiyey April 19 oo la xiriiray gabdho 3 ahaa oo lagu kufsaday inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhaba taas oo keentay in mid ka mid ah ay dhaawaca dartii u dhimatay. April 14, Booliiska degmada Hodan ayaa amar xarig waxaa ay xabsiga ku dhigeen tifaftiraha guud ahna agaasime ku-xigeenka warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Goobjoog Media Group Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, arrintan ayaa daba socotay qoraal bartiisa facebooga ah uu ku dhaleeceeyey sida dowladda Soomaaliya uga jawaabtay dhibaatada Covid-19, mid ka mid ah qoraalladaas waxaa uu ku sheegay mashiinka neefta(ventilator) ee uu qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo kaas oo ahaa deeq uu isbitaalka helay. April 15, dacwo oogeyaasha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in Cabdi Caziz lagu heysto eedeymo la xiriira “Inuu meel uga dhacay sharafta iyo heybadda madaxweynaha”, “Faafinta warar been ah” iyo qaar kale oo haddii lagu helo ay gaareyso xabsi 3 sano ah. Garsooraha ayaa amray in Cabdi Caziz loo gudbiyo xabsiga dhexe, oo lagu sii hayo inta barista socoto. Waxaase damaannad lagu soo daayey April 18. April 2, NISA ayaa qoraal ay soo dhigtay Twitter ku sheegtay iney baareyso in weriyaha caanka ah ee VOA ahna qoraaga bug laga qoray Al-shabaab ee Haaruun Macruuf uu khatar ku yahay amniga qaranka iyo arrimo ka baxsan anshaxa saxaafadda. April ayey hadana qortay iney gal dacwo hordhigtay xeer ilaaliyaha qaranka. Sida ay sheegeen hey’adaha u dooda saxaafadda, dowladda ayaa xirtay weriye Maxamed Cabdiwahaab Abuuja March 7, markii ay weriyeyaasha dibad baxeen ayey wasaaradda warfaafinta sheegtay inuu u xiran yahay hey’adaha amniga, loona heyso dil iyo inuu xubin ka yahay Al-shabaab. Human Rights Watch oo qoraal u dirtay xafiiska xeer ilaaliyaha iyada oo wax ka weydiisay barista kiisaska loo heysto Abdiaziz, Harun, iyo Maxamed ayaan helin wax jawaab ah. April 24, Booliiska ayaa waqti yar xiray Farxaan Maxamed Xuseen oo ka tirsan Radio Kulmiye isaga oo duubayey dibad-bax looga soo horjeeday booliiska oo dilay 2 ruux xilliga bandowga. Farxaan Xussein, waxaa la qabtay isaga oo la kulmay dibadbaxa, waxaa la geeyey saldhigga Boondheere waxaana laga tirtiray sawiradii iyo codadkii uu duubay, waana la sii daayey. April 20, magaalo xeebeedka Baraawe, guddoomiyaha degmada Cumar Sheekh Cabdi ayaa mar ku bixiyey in laga joojiyo idaacadda Baraawe iney bahiyaan lahjadda Barawaaniga. Xeerka ciqaabka Soomaaliya oo waqtigiisu dhacay waxaa la hirgeliyey 1964-tii waxaana ku jira dambiyo hummaag ku jiro oo tiro badan oo ay ka mid yihiin sumcad dilid, ku xadgudubka karaamada iyo sharafta madaxweynaha, cayda sarkaal dowladeed ama hay’ad iyo quudhsi ka dhan ah qaranka, gobolka, ama calanka, dhammaan waxaas lama jaanqaadi karaan xeerka dalka, gobolka iyo dunida ee xuquuqda aadanaha. Booliiska ayaa sidoo kale xiray 3 maalin May 2019 weriye Cali Aaadan Muumin oo ka tirsan Goobjoog isaga oo lagu eedeeyey inuu caayey sarkaal dowladeed qoraal uu ka sameeyey NISA, kadib dalka ayuu isaga cararay. Human Rights Watch qoraalkeeda March 2020, waxay dowladda Soomaaliya ka dalbatay iney damaanad qaado xuriyadda hadalka xilliga Covid 19, oo ay ku jiraan helidda xogta iyo baahinta, xakameyn kastana waa sharci darro, waana in la helaa warar sax ah oo waqtiga la socda si shacabka ula socdaan arrimaha caafimaadka. Human Rights Watch waxaa ay leedahay, dowladda Soomaaliya waa iney ogolaataa iney shacabka siiso xogta, ogolaataa in ay cabiraan aragtidooda oo ay ku jirto in lagu dhaliilo jawaabaha ay xukuumadda ka bixiso Covid-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Faarax Cabdi Guuleed oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ka soo jeeda deegaannada Jubbaland islamarkaana wareysi siiyay Goobjoog News ayaa waxa uu ka hadlay heshiiskii dhowaan ay magaalada Nairobi ku gaareen madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo siyaasiyiintii isbadal doonka ahayd waxa uuna heshiiskaasi ku tilmaamay inuusan wax natiijo ah u lahayn umadda reer Juubaland. Siyaasigaan ayaa tilmaamay in masiirka reer Jubbaladn aan lagu go’aamin Karin magaalada Nairobi isaga oo yiri “ Masiirka reer Jubbaland ma ahan wax Nairobi lagu go’aamiyo ama dano siyaasadeed oo dowlado kale ay leeyihiin lagu go’aamiyo waa heshiis aan wax macno ah ku fadhin oo aan waxba soo kordhinayn shacabka reer Jubbaland mar walba wax ay raadinayaan nabad iyo in culeyska laga dul qaado”. Sidoo kale Siyaasi Faarax cabdi ayaa wax uu ka dhawaajiyay in heshiiskaasi uu u arko mid ay ku heshiiyeen dad isku qoys ah islamarkaana uu ka war sugayo goorta la heshiin doonaan ummadda reer Jubbaladn iyo dowladda Soomaaliya. “Anigu waxaan u arkaa halkaas dad ilmo adeer ah oo qoys ah oo heshiiyay qoyskaas heshiiyana waxay bilaaw u noqon karaan iyagu markey danahooda soo xalistaan ummadda kale ee Soomaaliyeed iyo dowladda in haddii uu caqliga uu shaqeynayo ay noqdaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Dhanka kale siyaasigan ayaa carabka ku dhuftay in muddadii uu Jubbaland ka talinayay Axmed Madoobe uu dhib iyo culeys ku hayay maamulkaasi isaga oo sheegay in xalku uu haatan ku jiro dadka reer Jubbaland ay doorkooda qaataan. “sideen ilaa sagaal sanno ayuu Axmed ka talinayay Jubbaladn culeys iyo dhib waxaan ahayn oo ay Jubbaland ka faa’iidday ma jirto marka xalka wuxuu ku jiraa dadka reer Jubbaland inay doorkooda qaataan” ayuu hadalkiisa ku soo koobay siyaasi Faarax Cabdi. 23-kii bishaan ayey ahayd markii ay soo saareen siyaasiyiinta Jubbaland ee kala ah madaxweyne Axmed Madoobe iyo xubnihii isbadal doonka Jubbaland ee Xiddig iyo Seeraar inay heshiiyeen islamarkaana ay u tanaasuleen madaxweyne Axmed Madoobe heshiiskaas oo ay soo dhoweysay beesha caalamka. Halkaan ka daawo wareysiga Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa maanta qalab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta cudurka Coronavirus ku wareejisay dowladda Soomaaliya, kaas oo uu soo amray Madaxweynaha wadankaasi, Reccep Tayyip Erdogan. Diyaaradda Turkish Airlines ayaa qalabkaan caafimaad keentay Muqdisho, iyadoona ay la wareegtay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa goob joog ahaa wasiirka gargaarka, Xamza Siciid Xamza iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad. Fowsiyo Abiikar Nuur wasiirka caafimaadka oo hadal kooban jeedisay ayaa sheegtay in qalabkaan uu kaalin weyn ka qan doono ka hortaggida iyo la-tacaalida covid19. Dhankiisa safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho, Amb. Maxamed Yilams ayaa xusay in dowladdiisa ay ka go’an tahay garab istaaga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu ku amaanay dowladda federaalka dadaalka ay kaga hortageyso cudurka faafa ee Coronavirus. Ugu damneyn wasiirka arrimaha dibada Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyay taageerada ay mar-weliba siiso Soomaaliya. Si kastaba ha’ahaatee ma’an gargaarkii ugu horreeyey ee uu Turkiga u soo diro Soomaaliya, isagoona dhowaan agab iyo daawooyin ku wareejiyey dowladda dhexe.
-
Turkish airline oo sidda deeqdii ugu horey oo ah qalab caafimaad oo ay dowlada turkiga ugu deeqday Soomaliya ayaa waxaa Garoonka Muqdisho ku gudoomay Wasiirka caafimaadka XFS, iyadoo ay goob jog ka ahaayeen Wasiirka gargaarka iyo maaraynta miusiibooyin, Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee XFS iyo Masuuliyiinkale. Wasiirka gargaarka XFS Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in baahi weyn looqabay qalabka caafimaad ee dowladda Turkiga ay soo garasiisay dalka maadama uu sameeyay cudurka halista ah ee Corona Virus. Wasiirka wasaarada caafimaadka iyo daryeelka bulshada Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in qalabkaan caafimaad uu kaalin weyn kaqandoona ka hortgida iyo latacaalida cudurka covid19. Safiirka Turkiga ufadhiyo Soomalia Maxamed Yilams ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Turkiga ay garabtagantahy Dowladda & Shacabka Soomaaliyeed waxa uuna ku amanay dowladda dadaalka ay kaga horatagayso cudurrkaan. Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa ugu danbeeyntii dowladda Turkiga uga mahadceliyay taagerada ay garab taagantahay shaabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda. Dowladda Turkiga ayaa horay u shaacisay in Soomaaliya ay ugu talagaleen kaalmo caafimaad si ay ugula tacaasho xaladaha caafimaad iyo in ay xakamayso fafintaanka Virus-ka Corona. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Magaallada Hargeisa ee caasimada Somaliland oo dalka intiisa kale kala mid ah joojinta qaadka, ayaa mudadii koobnayd ee uu qaadku istaagay waxa dhalinyardii cuni jirtay ay habaynkii ku madadaalaan soo noolayntii ciyaarahii hidaha iyo dhaqanka iyaga marka salaada Taraawiixda ka soo baxaan habayn walba qabsada ciyaar Soomaaliga. Waxa kuu soo baxaysa in joojinta qaadku ay faa’ìido weyn u leedahay bulshada, waxana aad ogaanaysaa in dhaqanka fiican ee sii suulaaya ama guuraaya uu qayb weyn ka qaato qaadku oo dagaal kula jira ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka. Waxa haboon in xukumadda iyo ciidanka booliska lagu taageero mudsdaasi ay u caymeen joojinta qaadka, sidoo kale waa in la eego oo la ogaado mudadaasi uu jaadku dalka ka maqnaa faa’iidooyinka bulsho,ahaan ama shaqsi ahaanba inoo soo kordhay. Daawo dhalinyaro xalay ku ciyaaraysa ciyaarta Waalo ama Heelalo, waana goob ka mid ah bariga Hargeisa Qaran News
-
Guddiga qaran ee ka hortagga COVID-19 ayaa maanta agab caafimaad geeyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, agabkan ayaa loo adeegsan doonaa sidii loo xakameyn lahaa safmarka Coronovirus. Wafdiga oo ay garoonka dhuusamareeb kuso dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa inta ay magaalada joogaan waxey booqan doonaan isbitaalo gaar ah oo maamulka Galmudug uu u diyaariyay in lagu karantiilo dadka uu so rito caabuqaa Covid 19. Maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabeele ayaa horey loogu wareejiyay agabkan ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya oo loogu talagalay in lagula tacaalo bushiga COVID-19. Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey u bixisay amar ah in dhammaan maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir la gaarsiiyo agab iyo maaliyad loo adeegsado ka hor tagga safmarka Coronovirus. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Illaa saddex xubnood oo ka tirsan xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa la shaaciyey in laga helay cudurka Coronavirus. Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaiya, Nicolas Berlanga ayaa sheegay in 3-da qof ee ka tirsan howlwadeenada xafiiskiisa laga helay cudurka, kadib baaritaan lagu sameeyey. Nicolas Berlanga ayaa tilmaamay in la karantiilay xubnahaasi, islamarkaana lagu hayo meelo gaar ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la go’doomiyey dhammaan dadkii ay la kulmeen saddexdaasi qof ee la xaqiijiyey in laga helay Covid-19. Safiirka ayaa ugu dambeyn xusay inay qaadi doonaan tallaabooyinka caafimaad ee hay’adda WHO, si loo badbaadiyo shaqaalaha ka shaqeeya xafiiska Midowga Yurub. Coronavirus oo haatan si aad ah ugu sii fidayo Soomaaliya ayaa waxaa dhowaan laga helay askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee magacoodaloo soo gaabiyo AMSISOM, iyadoona sidoo kale sarkaal kale oo looga shakiyey xanuunka la karantiilay. Kiisaska illaa iyo hadda ay xaqiijsay wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kor u dhaafay 600 oo ruux.
-
Faysal Cabdi Rooble oo ah mareeye guud ee magaalada Los angales ayaa cod dheer waxa uu ku sheegay in maanta loo baahanyahay in maamullada dalka ka jira iyo madaxda dalka inay iskaashadaan isaga oo tilmaamay inay muhiim tahay in dhinacyadaasi ay isku yimaadaan islamarkaana y heshiiyaan. Faysal Cabdi oo sii hadlayay ayaa yiri “Xilli maanta looga baahi badan yahay majirto inay iskaashadaan maamullada iyo madaxda Soomaaliyeed waxaan maqlayaay in Puntland iyo Galmudug ay iska kaashadeen maareynta arrinta ku aaddan Gaalkacyo oo ah magaalo la wadaago arrimahaasi oo kale waa wax aad iyo aad ah loogu farxo federaalka waxaa loo baahanyahay inay gacanta u haatiso maamul goboleedyada”. Dhanka kale Faysal Cabdi ayaa hoosta ka xariiqay in isku imaatinka madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dowladda dhexe ay horseed u noqon karto sidii dalka oo idil uu isku raaci lahaa. “Aaad baa loogu baahanyahay inay isku yimaadaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo hay’adaha kala duwan meel kaliyana looga wada taliyo” ayuu hadalkiisa ku sii daray Faysal Cabdi Rooble. Faysal Cabdi ayaa si gaara u dul istaagay khilaafka u dhaxeeya maamulka Puntland iyo dowladda dhexe isaga oo madaxweyne Farmaajo iyo ra’isulwasaare Kheyre ugu baaqay inay geed dheer iyo mid gaabanba u koraan sidii khilaafka labada dhinac xal waara looga gaari lahaa. Waxa uuna yiri “madaxweyne Farmaajo oo dalka ugu sareeya iyo ra’isulwasaarihiisa inay geed gaaban iyo mid dheer u fuulaan sidii xurgufta dhextaal loo laali lahaa xataa haddey noqoto lixda bilood ee soo socoto”. Mareeye Faysal ayaa ka ahdlay arrinta sida aadka ah la iskula dhexqaadayo ee ah in dowladda federaalka ah ay sameyn doonto muddo kororsi isaga oo sheegay in wax dan ah aysan ugu jirin villa Soomaaliya inay si lab la kac ah u sameysato muddo kororsi. Waxa uuna taas badalkeeda tilmaamay inay dan ugu jirto saamileyda siyaasadeed ee dalka inay isku yimaadaan isaga oo yiri “Dan uma ahan madaxtooyada Villa Soomaaliya inay si laab la kac ah ula dhaqaaqdo muddo kororsi dadka iyo dalka oo dhan dan baa ugu jirta iyo maamul goboleedyada bal inta aan lagu dhawaaqin in lakala warqaato”. Waxaa jirta walaac ah in madaxda dalka ay muddo kororsi sameeyaan xilli haatan lala tacaalayo xanuunka safmarka ah ee COVID-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa laba jibaartay hanjabaadooda ku aaddan suxufiyiinta xilli dalku wajahayo tiro sii kordheysa oo kiisaska Covid-19 ah, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxay hay’adda udoooda ilaalinta xuquuqda Aadanaha ee Human Rights watch. Tan iyo badhtamihii Abril 2020 oo kali ah, ayay mas’uuliyiintu si aan kala sooc lahayn u xireen saddex weriye, waxa ay ku eedeeyeen laba dambi oo kaladuwan, waxayna ka mamnuuceen xarun raadiye maxalli ah in ay wax ku baahiso lahjadeeda maxalliga ah ayaa lagu yiri warbixinta. Laga soo bilaabo Abriil 30, Soomaaliya waxa ay xaqiijisay 601 kiis oo ah “Covid-19″ iyo 28 dhimasho ah. Dalka waxaa sidoo kale loo qorsheeyay in la qabto doorashooyinka guud dabayaaqada 2020 ama horraanta 2021, laga yaabee in ay tahay doorashadii ugu horreysay ee waddanku yeesho muddo 50 sano ah. “Mas’uuliyiinta Soomaaliya waa in ay u isticmaalaan Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Adduunka, Maajo 3, 2020, sida ay uga go’antahay soo afjaridda xarigga sharci-darrada ah iyo dhibaataynta suxufiyiinta,” ayaa lagu yidhi warbixinta Human rights watch. Laetitia Bader, oo ah agaasimaha Geeska Afrika ee Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa yiri ” Saxaafad madax banaan oo laga ilaaliyo xadgudubka ayaa fure u ah in la hubiyo in Soomaalidu ay heystaan macluumaad ay ku gaaraan go’aanno xog-ogaal ah inta lagu jiro masiibada”. 20-kii Abriil, magaalada baydhabo, mas’uuliyiintu waxay xireen weriyaha VOA, Mukhtaar Maxamed Atosh, waxayna hayeen laba habeen ka hor intaanan la sii deyn. Mukhtaar wuxuu u sheegay Human Rights Watch in booliiska gobolka ay su’aalo ka weydiiyeen sheeko la xiriirta bishii Abriil 19-keedii ee la soo sheegay in uu ka warbixiyay kufsi loo geystey seddex haween ah oo ka dhacay wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo iyo geerida mid ka mid ah dhaawaceeda. 14-kii Abriil, booliisku waxay uga yeereen Cabdicasiis Axmed Gurbiye, oo ah tifatiraha guud iyo ku-xigeenka agaasimaha Goobjoog Media Group, saldhig booliis oo ku yaal magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku yaallay amar lagu soo xirayo. Tani waxay daba socota laba qoraal oo boggisa Facebook-ga uu soo dhigay oo lagu dhaleeceeyay jawaabta dowladda Soomaaliya ay ka bixisay xiisadda Covid-19 iyo in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” uu qaatay mid ka mid ah hawo-mareenada dhowaan lagu deeqay isbitaal ku yaal Muqdisho. 2-dii Abriil, Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka (NISA) ayaa bartooda Twitter-ka ku soo qortay in ay baarayaan Harun Maruf oo ka tirsan VOA, oo ah suxufi caan ah oo Mareykan ah, oo lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa falal ka baxsan xeerka anshaxa saxaafadda. Sida laga soo xigtay ururada saxafiyiinta Soomaaliyeed, maamulka ayaa xirey wariye Maxamed Abidwahab Nuur oo loo yaqaan Abuja 7-dii Maarso, waxayna ku hayeen illaa Abriil 22, ka dib markii ururada saxafiyiinta ay ka mudaaharaadeen xarigiisa, Wasaaradda Warfaafinta waxay ku dhawaaqday in ay xireen hay’adaha amniga isla markaana uu ku eedeeysan yahay Alshabaabnimo iyo inuu ka qeyb qaatay dilka haweenay. Human Rights Watch waxa ay warqad u qortay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud bishii Abriil 28 iyagoo weydiisanaya faahfaahinta xaaladda baaritaannada lagu sameeyay Cabdicasiis, Harun, iyo Maxamed Abuja laakiin jawaab kama helin. Hay’adda Amnesty International ayaa ku warrantay in dowladda hadda jirta ee Soomaaliya ay si joogto ah ugu hanjabto, dhibaateyso, isla markaana ay faragalin ku sameyso baraha warbaahinta bulshada kuwaas oo dhajiya faallooyinka muhiimka ah. “Xukuumadda Soomaaliya waa in ay hubisaa in shacabka la wargaliyo iyo in dadka loo ogolyahay in ay soo bandhigaan aragtidooda, oo ay kujirto in ay dhalleeceyso jawaabta ay dowladdu ka bixisay Covid-19”, ayay tiri Human Rights Watch.
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ka dareen celiyay doodda agaasimaha madaxtooyada Maxamed Cali Bile ee ku aaddan muranka qoyska madaxweynaha iyo dadka shacabka ah ee dhinaca dhulka. Agaasimaha oo shalay arrinta dhulka ee soo noqnoqotay wax laga waydiiyay ayaa dooddiisa ku saleeyay in loo baahan yahay in hay’adaha sharciga dhulka ku lug leh ee wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dawladda Hoose u garnaqaan madaxweynaha iyo shacabka. Halkan ka daawo doodda agaasimaha madaxtooyad Cali Guray oo doodda agaasimaha ka falcelinayay ayaa tilmaamay in aanay hore u dhicin madaxweyne iyo shacab arrimo dhul ku yooyootamaya waxaanu qoraal uu soo saaray u dhignaa sidan. “Waryaa! Lexajeclo Waa Khamri Dheh Waa Xaajo ugub oo aan curad ahayn. Hadii uu jiray dhul uu Madaxwaynuhu qof ahaan ama qoys ahaan u lahaa malaha dhul ay dad kale leeyihiin kamuu qaadeen oo Madaxtooyo ayaa laga dhigayaa muu yidhaahdeen isaga oo Madaxwayne ah ee wuxu bixin lahaa kiisa, ilayn isaga ayaa Madaxwayne ahe oo uu odhan lahaa aniga ayaa ugu deeqay qaranka oo waa dan guud.Taas ayaa magac iyo sharaf u noqon lahayd. Markaa sheekadan anigu maan fahmin. Dhul dan guud ahaa oo waddo 200 mitir ( ring road) loogu talogalay ayaa la sheegayay inu ku jiro dhulkan lagu muransan yahay. Mooyi Ilaahay baa iga og waxse aan jeclaa in aan la odhan dad sabool ah oo danyar ah iyo Madaxwaynahoodii ayaa dhul isku haysta. Sheeko iyo shaahid wax hore u dhacayna maaha; laakiin Agasimuhu isagu caadi buu u arkaa. Horaase loo yidhi lexajeclo waa khamri.” Source
-
Xukuumadda Puntland ayaa maanta oo sabtiya dib u bilowday baaritaannada lagu samaynayo dadka looga shakisanyahay xanuunka COVID-19 kadib maalmo kooban oo hakad ku yimid baaritaanka dadka karantiilan. Hakadkaas ayaa ka dhashay kadib markii sida la sheegay ay go’day kiimiko loo isticmaalo mashiinka baaritaanka taasi oo laga dalbay dalka dibaddiisa islamarkaana maalmo la sugayay balse ugu danbayntii shalay la keenay. Ilaa 20 ruux oo karantiilan kadib markii looga shakiyay xanuunka COVID-19 ayaa sida qorshaysan maanta oo Sabiya la marinayaa baaritaanka waxaana isla caawa la shaacinaya natiijada ka soo baxda baaritaankaas. Tirada guud ee dadka laga helay xanuunka COVID-19 ee degaannada Puntland ayaa gaaraysa 11 bukaan waxaana u dhintay hal ruux oo keliya balse ma jirto weli cid ka bogsatay. PUNTLAND POST The post Puntland oo dib u bilwoday baaritaannada COVID-19 kadib maalmo hakad ku yimid appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, Maxamed Siciid C/laahi ayaa si adag uga jawaabay hadalkii ka soo yeeray wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ee ahaa in qof kasta ay xilligan dhinta dowladda federaalka ay u aqoonsan tahay inuu dilay cudurka faafa Covid-19. Maxamed Siciid ayaa sheegay in hadalka wasiir Maareeye uusan ka tarjumeyn xaqiiqada jirta ee cudurka Coronavirus, wuxuuna tilmaamay in tirada saxda ah ee dhimashada xanuunkaan ay tahay kuwii ay shaacisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Wasiir ku xigeenka ayaa tilmaamay in warbixinada ay baahisay wasaaradda ay yihiin kuwo xaqiiqo ah oo ku yimid baaritaan caafimaad. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay inay loo baahan yahay in waxa la sheegayo ay ku dhis-naadaan cilmi iyo baaris la sameeyey. “Anagu warbixinadii aan baahinay waxay ahaayeen kuwo ku yimid baaritaano aan sameynay, xaqiiqda dhimashada cudurkaasna waa tiradii aan shaacinay, laakiin waxaan lee nahay, waxa la sheegayo waa inay cilmi ku dhisnaadaan oo baaritaan ku cadaadaan. ”ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan wasiirka warfaafinta Soomaaliya uu shaaciyey in qof kasta xilligan dhinta ay dowladda federaalka u aqoonsan tahay inuu dilay cudurka faafa ee Coronavirus, kaas haatan ku sii fidiya qeybo badan oo ka mid ah dalka.
-
Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa waxa uu beeniyay in dowladda federaalka ah ay diyaarado siday gargaar shalay ka dajisay magaalada Garowe ee xarunta gobalka Nugaal. Wasiirka oo arrintaasi ayaa sheegay in diyaaradihii shalay ka dagay Garowe islamarkaana waday gargaarka ay ka socdeen hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga adduunka ee UNHCR. Shalay ayaa wafdi uu hoggaaminayay wasiir Jamaal Maxamed Xasan waxa ay gaareen Garowe iyga oo sheegay in deeq ka timid dowladda federaalka ay soo gaarsiiyeen Garowe ku kalne ay dowladdu soo waddo balse waxaa hadalkaasi biyo qaboow ku shubay wasiirka arrimha gudaha Puntland Cabdiraxmaan Dhabancad. Dowladda federaalka ayaa horey Puntland waxa ay ugu dirtay lacag dhan hal milyan oo doolar taasi oo wax loogu qabanayay dadkii ku waxyeeloobay daadadkii ku rogmaday magaalada Qardho ee sababay geeri iyo burbur hantiyadeed. Hadalka ka soo kala yeeray dowladda dhexe iyo maamulka Puntland ayaa abuuray dood dadka ay siyaabooyin kala duwan u fasireen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Kismaayo)-Masaajidka Xareed Yaroow oo kamid ah Masaajida ugu waaweyn dalka, Soomaaliya gaar ahaan magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa shalay gebi ahaanba lagu tukan salaadii Jimcaha, kadib markii la xidhay masaajidka. Culimada gacanta ku haysa maamulka masaajidka Xareed Yaroow ayaa isla qaatay in masaajidka la xidho, sababa la xidhiidha cudurka faafa ee Coronavirus oo si weyna ugu sii fidaya gudaha dalka Soomaaliya. Waxaana dhowaan cudurka Coronaha laga helay qof kamid ah jameecada masaajidkaasi ku tukan jiray, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah Culimada maamulka masjidkaasi, midaasi oo u horseeday inay culimadu qaatan go’aanka xidhista masaajidka. Masaajidka Xareed Yaroow ayaa noqonaya masaajidkii u horreeyay ee gudaha Soomaaliya la xidho, tan iyo intii uu dalkaasi ka bilaamay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, oo hadda kusii fidiya dhamaan gobolada dalka Soomaaliya. Source
-
(SLT-Pyongyang)-Kim Jong-un ayaa dib fagaaraha uga soo muuqday markii ugu horreeysay muddo labaatan maalmood ah, sida ay soo tabisay warbaahinta qaranka Kuuriyada Waqooyi. Wakaaladda wararka ee KCNA ayaa sheegeysa in hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu xadhigga ka jaray warshadda sameysa qalabka bac-riminta ee beeraha. Wararku waxay intaasi ku darayaan in dadkii ku sugnaa warshadda ay aad u farxeen markii ay arkeen hoggaamiye Kim Jon Un. Ka soo muuqashadiisan fagaaraha ayaa ah tii ugu horreysay tan iyo 12-kii April waxayna taasi sababtay in caalamka la isla dhexmaro warar ku saabsanaa in xaaladdiisu caafimaad ayna wanaagsanayn. Source
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in Roobab mahiigan ah oo geystay khasaare xoogan ay ka da’een deegaanka Bacaadweyn ee gobolkaasi. Wariyaha Shabelle Cali Gaab oo ku sugan Gaalkacyo ayaa sheegay in Roobabkaasi oo watay daadad ay ku dhinteen illaa laba ruux oo ka mid ahaa dadka deegaanka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Roobabku ay saameyn ballaaran ku yeesheen guud ahaan Bacaadweyn, gaar ahaan isku socodka dadka iyo gaadiidka. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Wareysi-Cali-Gaab-.mp3 View the full article
-
(SLT-Ankara)-Dowladdda Turkiga ayaa ugu baaqdey Imaaraadka carabtu in ay joojiyaan taageerada ay siiyaan kuwa aan sharciga ahay iyo maalgeliya ay siiyaan argagixisada. Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa ku eedeysey Imaaraadka carabta in siyaasadda ay ka wadaan Waqooyiga Afrika iyo Bariga dhexe ay tahay burburin, waxaana ay Imaaraadka ka codsadeen in ka tanaasulaan siyaasadda colaadinta ku dhisan. Warka ka soo baxay Turkiga ayaa daba socda, war kale oo Imaaraadka carabtu ka soo saareen xaaladda dalka Liibiya, Imaaraadka carabta ayaa sheegay in Turkigu farogelin xooggan ku hayo xaaladda dalka Libya. Source
-
Turkey will send medical supplies to Somalia to help the country combat the coronavirus outbreak, the Turkish presidential spokesman said on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland, Jaamac Faarax Xasan oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Qardho oo dhowaan ay ku rogmadeen daadad geystay khasaarooyin xoogan. Dr Jaamac ayaa ka digay suura-galnimada inay Qardho ka dilaacaan cuduro ka dhimasho badan Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya. Wasiirka ayaa sababta ku sheegay in nadaafad darrada ka jirta halkaasi ay ka dhalan karaan cudurada Daacuunka iyo Shuban-Biyoodka oo si deg-deg ah ku faafa. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in daadadku ay isku fureen Ceelasha ay Biyaha dadka ka cabayeen iyo Suuliyaashii ku yaallay magaaladaasi. Wasiirka caafimaadka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay shacabka inay ka feejignaadaan xanuunadaasi, islamarkaana ay ku dadaalaan nadaafadda guud. “Waxaan ka codsanayaa dadka magaalada Qardho in ay aad uga feejignaadaan xanuunadaas iyo qashinkaas magaalada dhex-yaala.” ayuu yiri wasiir Jaamac. Dhowaan ayey aheyd markii dadaad xoogan oo geystay khasaare isugu jira naf iyo maal ay ku dhufteen magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, waxaan haatan socda gurmad ballaaran oo loo fidinayo dhammaan qoysaskii ay sameynta ku yeesheen daadadkaasi.
-
Wasiirka Haweenka Puntland Aamina Cismaan Xaaji Jaamac, oo ka tirsan guddi-hoosaadka qaabilsan Qorshaynta iyo Arrimaha Banii’aadanimada Gurmadka Magaalada Qardho, oo ka warbixisay kormeer ay ku sameeyeen xaaladda Banii’aadanimo ee ka dhalatay Fatahaaddii Qardho, ayaa sheegtay in ay jiraan musqulo Daadadkii ku dumay oo af-bannaan, islamarkaana meelo mugdiya ku yaalla. Wasiirka Aamina, ayaa sheegtay in Fatahaaddii ka dhacday Magaalada Qardho ay keentay, in Suuliyaal badan isku furmaan, kadina ku dhex qarsoomeen waadiyo biyo iyo qashin ah oo dhex ceegaaga gudaha Magaalada Qardho, kuwaas oo khatar weyn ku ah Dadweynaha ku nool Qardho. Waxay sheegtay, in suuliyaashaas malaasmay ay halis ugu jiraan in dadka iyo duunyaduba ku daataan, maadaama ay qarsoomeen oo aan si fudud lagu ogaan Karin in halkaasi suuli ahaan jirtay, waxaana ay xustay in sidoo kale xanuuno daran ay ka dhalan karaan musqulahaaas aasmay. Sidoo kale, waxay sheegtay in suntii loo isticmaali jiray in xoolaha dulinka lagaga dilo ee Bakhaarada taallay, ay Fatahaadda raacday haatana ay daafaha Magaalada ka buuxdo, taasina ay khatar xooggan ku hayso dadka iyo doonyadaba. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Puntland oo ka digtay khatar kale oo soo food saartay Shacabka Qardho appeared first on Puntland Post.
