-
Content Count
214,458 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) -Barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa Idaacadda VOA ayaa lagu soo bandhigay baaritaan ku aadan dhismihii garoonka diyaaradaha ee degmada Baraawe oo dhaliyey hadal heyn badan. Garoonkaas waxaa dhismihiisa xarigga laga jaray 10-kii bishii lasoo dhaafay ee Maarso, waxaana ku baxday lacag dhan 4.3 milyan oo dollar-ka Mareykanka ah. Hase yeeshee muuqaallo iyo sawirro laga soo qaaday ayaa muujiyey in lacagta ku baxday dhismaha oo ahayd 4.3 milyan lagu dhisi karay garoon ka tayo fiican midkan, oo dhabihiisa diyaaradaha ay ku ordaan uu noqon karay mid laami ah. Sidoo kale roob halkaas ka da’ay maalmo yar un kadib markii la furay garoonka waxa uu burburiyey qeyb kamid ah, balse maamulka degmada Baraawe iyo hey’adihii maalgeliyaba, waxay ku adkeysteen in dhulka uu burburiyey roobkaas uusan ka tirsaneyn qeybaha la dhisay ee garoonka. Garoonka magaalada Baraawe waxaa maal gelisay hey’adda Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya, taas oo ay ku mideysanyihiin hey’ado iyo dowlado deeqda bixiya. Doorka maamulka Koonfur Galbeed uga soo aaday dhismaha garoonkaas waxaa lagu sheegay in uu ahaa inay keenaan halkii laga dhisi lahaa oo kaliya. Caqabadaha ugu badan dhismaha garoonka Baraawe waxa ay kasoo wajaheen ururka Al-Shabaab oo diidanaa sida la sheegay in Baraawe garoon laga dhiso iyo inay caasimad u noqoto Koonfur Galbeed. Barnaamijkan waxaa shaaca looga qaaday in Al-Shabaab oo Baraawe laga saaray Sebtember 2014-kii ay weerarro joogto ah ku hayeen howsha dhismaha garoonka diyaaradaha Baraawe. Nuur Cali Buubaal oo ah maamulaha guud ee shirkadda qaadatay qandaraaska dhismaha garoonka Baraawe ayaa barnaamijka Galka Baarista u sheegay inay weli ku suganyihiin Baraawe, taasina ay ka mid aheyd heshiiskii la galay. Sababta ay weli u joogaan halkaas maadaama uu dhamaaday dhismihii garoonka Nuur waxa uu ku sheegay inay tahay xaqiijinta in aysan cilado ka imaan dhismihii lagu sameeyey garoonka, sida in aysan degin ama burburin biyaha kasoo hoora roobka. Halkan ka dhageyso barnaamijka oo dhan https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/04/e8668226-8ded-4c48-887c-cddd407db914_48k.mp3
-
Mogadishu (HOL) - Somalia government Tuesday came under heavy criticism from the European Union over arbitrary arrest of journalists and silencing of dissenting voices with the bloc’s ambassador warning the Horn of Africa nation was risking a freedom of information ‘pandemic’. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Bar___Qubanaha-Shabelle-210420.mp3 View the full article
-
Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in tiradii ugu badnayd oo dad ah ay maanta oo Tallaado ah u geeriyoodeen xanuunka Coronavirus. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey in 6 qof ay maanta gudaha dalka ugu geeriyoodeen xanuunka Coronavirus. Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliy ayaa sheegtay in ay soo kordheen 49 kiis oo cusub oo Coronavirus ah, kuwaas oo dalka laga helay saacadihi ugu dambeeyay, halka ay ka bogsadeen 2 qof . Dowladda Soomaaliya ma sheegin halka ay dalka kaga sugan yihiin dad u geeriyooday iyo cusub ee ku dhacay xanuunka Coronavirus. Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa noqonaysa 286 qof, halka dhimashadu ay gaareyso 13 ruux, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Maalmihii ugu dambeeyay waxaa si xowli ah u sii kordhayay kiisaska Coronavirus ee laga helayo gudahah dalka. PUNTLAND POST The post Tiradii u badnayd oo maanta u geeriyootay Corona appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in isbitaalka Martiini loo dhammeystiray qalabkii caafimaad ee loo baahnaa, kaas oo ka mid ah isbitaalada lagu dabiibo dadka uu soo rito xanuunka Coronavirus. Dowladda ayaa maanta qolalka xaaladda degdegga ah ACU ee Isbitaalka ku xirtay 20 sariirood oo loo dhammeestiray qalabkii loo baahnaa si loogu baxnaaniyo dadka xaaladoodu aadka u adagtahay, sida lagu sheegay qoraal goor dhaw kasoo baxay xukuumadda. Isbitaalka waxaa sidoo kale laga howl geliyay Dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal takhasus u leh xirfadaha loo baahanyahay, kuwaas oo kala ah 10 dhakhtar iyo 10 kalkaaliye oo Isbitaalka Digfeer horay uga howlgeli jiray. Saraakiishaas caafimaad ayaa hada qayb ka qaadanaya xakameynta COVID-19, waxaa sidoo kale qoraalkan lagu sheegay in dhawaan ay ka howl billaabayaan Martiini la taliyaal sare oo caafimaad, kuwaas oo ku takhasusay maareynta cudurrada faafa iyo cudurrada ku dhaca neef mareenka. Isbitaalka Martiini oo lagu howl billaabay bishii hore Maarso16-keedii ayaa lagu qaabilay 218 bukaan oo 21 kamid ah la jiifiyay, halka afar kamid ah bukaannadii la jiifiyay ay ka bogsadeen xanuunka COVID-19, sida lagu sheegay warbixintan. Haatan Martiini waxaa jiifa oo lagu baxnaaninayaa 17 bukaan, waxayna xukuumaddu sheegtay in lasii dardar gelinayo horumarinta isbitaalkan. Ugu dambeyntii dowladda federaalka ayaa mar kale bulshada ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad, si gaar ah waxaa looga deyriyey in dadka qaba xanuunada daaha hadii uu ku dhaco cudurkan ay gelayaan xaalad halis ah.
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in ay korortay tiradda kiisaska iyo dhimashada ee Coronavirus. Warbixin kasoo baxday guddiga ka hortagga ee heerka qaran ayaa lagu xaqiijiyey lix qof oo cusub oo u dhintay cudurka. Sidoo kale, waxaa lasoo wariyey 49 kiis cusub oo ah cudurka Covid-19, taas oo wadarta guud ka dhigeysa 286 kiis. “49 qof ayaa maanta laga helay xanuunka COVID-19. Waxaa u geeriyootay 6 ruux waana tiradii ugu badneyd ee hal maalin u dhimata cudurka. 2 qof ayaa ka bogsootay,” ayaa lagu yiri warbixinta guddiga. Fahfaahinta hoos ka eeg View the full article
-
Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa fartay maamulayaasha isbitaallada gaarka loo leeyahay inay bukaannada daryeelka caafimaad usoo doonanaya ay u qaabilaan sida ugu habboon, ugu fudud, uguna taxadarka badan. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa isbitaallada ku yaalla Muqdisho fartay in ay qaabilaan bukaannada si looga fogaado dayac ku yimaada bukaano u baahan daryeel caafimaad, iyadoo sheegtay in ay si taxadar leh u ogaan karaan xaaladda bukaanka kaddibne ay u soo gudbi karaan wasaaradda caafimaadka marka ay uga shakiyaan cudurka karoona fayris. Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in maamulada laga doonaayo in ay bixiyaan adeegyadii Caafimaadka ee horay ay u bixin jireen,Waxaa ayna sidoo kale sheegtay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin in daryeel xumo ay u dhintaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay qaar kamid ah dadka Muqdisho isla dhex marayeen warar ku saabsan in qaar kamid ah isbitaallada ay albaabada ka xirteen bukaannada u baahan daryeel caafimaad iyagoo ka cabsi qaba cudurka karoona fayris. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo ay wehliyaan Hey’addaha Garsoorka, Taliska Qeybta Galbeed ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Guddoomiyaha Degmada Wadajir ayaa Saldhiga Booliiiska degmada Wadajir ku gubay 51 jawaan oo Maandooriyaha Qaadka ah, kaasi oo si sharci darro ah lagu soo geliyay Muqdisho. Taliyaha Qeybta Galbeed ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Yuusuf Xundubeey ayaa sheegay in xalay Howlgal ay fuliyeen ugu suura gashay in ay gacanta kusoo dhigaan gawaari lagu siday Khaat sharci darro ah. Dhinaca kale Xeer ilaalinta iyo Maxkamada Gobolka Banaadir oo goobta ku sugnaa ayaa xukunno 6 bilood oo xarig ah ku riday Milkiilayaasha Gawaaridaasi oo Afar ruux ah, kuwaasi oo baxsad ah, iyadoona sidoo kale Laamaha Garsoorka oo cuskanaya qodobo dastuuri ah sheegay in lala wareegay 4 Gawaari oo ahaa kuwii lagu qabtay qaadka Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin kuwa aan u hogaan-samin awaamiirta Dowladda oo ahaa in aan wax khaat ah lasoo gelin-karin dalka maadaama lala dagaalayo Cudurka COVID19, isla markaana Khaat-ka uu ka mid yahay Maandooriye aan caafimaad ahaan Bulshada u wanaagsaneen sahli karana faafitaanka COVID19. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxa ay laamaha Ammaanka ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan, Doomo iyo Gawaari si sharci darro ah Magaalada Muqdisho kusoo gelinayay maandooriyaha Khaat-ka, iyadoona lala wareegay gaadiidkaasi jibiyay amarada Dowladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garowe (SMN) – Guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga fayruska Corona ayaa xaqiijiyey in uu dhintay qof ay kaga shakiyeen cudurkaas. Warbixintooda maalinlaha ee 21-ka April sanadka 2020 ayay ku sheegeen in aysan wali xaqiijin hadii qofkaas uu qabo Covid-19. Natiijada baaritaankiisa ayay tilmaameen in ay dhowaan heli doonan maadaama ay ku maqan tahay baaritaanka wadanka Kenya. Dhanka kale, guddiga wuxuu xaqiijiyey in ay maanta karantiileen sagaal qof oo ay ka baarayaan caabuqaas dilaaga ah. Tani ayaa ka dhigan in wadarta guud ee dadka lagu tuhmay Corona ee ku sugan degaanada Puntland ay haatan mareyso 15. Dhowaan ayay ahayd markii Puntland ay xaqiijisay kiiskii koowaad ee Coronavirus, waxaana laga helay muwaadin aan safar dibada ah gelin. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa caawa soo saartay warbixintii Coronavirus ee 24-kii saac ee u dambeyey, waxaana lagu shaaciyey in dadkii ugu badnaa ay gudaha dalka saacadihii lasoo dhaafay ugu dhinteen cudurkan. 6-qof ayaa lagu sheegay inay 24-kii saac ee lasoo dhaafay Soomaaliya ugu geeriyootay xanuunka COVID-19. Sidoo kale 49-qof oo ah kiisas cusub oo cudurka Coronavirus ah ayaa loo diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafa, sida lagu shaaciyey warbixinta wasaaradda caafimaadka. 30 kamid ah 49-ka qof ee maanta laga helay cudurkaas waa lab ama rag, halka 19-ka kalena ay dumar yihiin. Warbixinta caawa ka soo baxday wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in laba qof ay kasoo bogsatay xanuunkaas, waxayna noqoneysaa tiradii ugu badney oo bogsasho ah oo hal maalin la shaaciyo. Tirada guud ee gudaha dalka Soomaaliya dadka laga helay Coronavirus ayaa gaartay 286 kiis, waxaa u geeriyootay 14 ruux, hal ay ka bogsatay 6-qof. Warbixinta wasaaradda caafimaadka Soomaaliya laguma xusin halka ay ku kala noolyihiin dadkaas loo diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay in ay qabaan Coronavirus, sidoo kale laguma xusin goobaha ay ku kala noolaayeen kuwa dhintay iyo kuwa ka bogsadayba.
-
Guddoomiyaha Maxkamdda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa shaqo joojin ku sameeyey guddoomihii maxakamadda gobolka Banaadir Muuse Macalin Cabdi, Guddoomiye Baashe Yuusuf Axmed ayaa xilkaas si ku meel gaar ah waxaa uu u magacaabay xilka maxkamadda gobolka Cabdisalaan Macalin Cabdi oo ah guddoomiyaha Maxkamadda degmada Howlwadag ee gobolka Banaadir. Shaqo joojinta lagu sameeyey guddoomiyihii maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ay ka dambeyso khilaaf soo kala dhex galay guddoomiyaha maxkamadda gobolka iyo guddoomiyaha Maxakamadda Sare Baashe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kala hadlay kuna dhaliilay caburinta ay xukuumaddisu ku heyso Suxufiyiinta Soomaaliyeed. Safiirka iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayuu kulankaas ku dhex maray qaab Online ah, waxuuna Danjire Nicolas kula taliyey xukuumadda Soomaaliya in aysan xal aheyn caburinta ay ku heyso kuwii xaqiiqada jirta bulshada u soo gudbiya. Qoraal Nicolas Berlanga safiirka Midowga Yurub uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka kadib kulankii dhex maray wakiilada beesha caalamka iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayuu ku sheegay in hadallada xanafta leh ee saxaafadda ay yihiin qeyb ka mid ah dimuqraadiyadda. “Cambaareynta waa qeyb ka mid ah hannaanka dimuqraadiyadda, xadeynta xoriyadda hadalku ma noqon karto cudur kale oo faafa, haddii saxafiyiintu dayacaan macluumaadka, xabsi ama xiritaanku xal ma ahan,” ayuu yiri Nicolas Berlanga Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya. PM Khaire VTC with International Community, EU message: “criticism is part of the democratic process. Limitation of Freedom of Expression cannot become another pandemic. If journalists neglect information, prison or detention is not an option” pic.twitter.com/DRw8sTjmOd — Nicolas Berlanga (@NBerlangaEU) April 21, 2020 Halkan kasoo yeeray beesha caalamka ee lagu dhaleeceeyey caburinta ay weriyaasha Soomaaliyeed kala kulmayaan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ku soo aadaya iyadoo mudo ku dhaw laba bilood uu Weriye Maxamed Cabdiwahaab Nuur ‘Abuuja’ u xiranyahay madaxda dowladda, isagoo aan helin wax cadaalad ah. Shalay oo ugu dambeysay waxaa magaalada Baydhaba lagu xiray Weriye Mukhtaar Maxamed Catoosh oo ka howlgala Idaacadda VOA laanteeda af-Soomaaliga. Sidoo kale intii ay jirtay dowladan uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo waxaa caadi noqotay caburinta iyo caga jugleynta saxaafadda Soomaaliya, waxaana jira weriyaal badan oo dowladan ay ku canaaday xoriyadda hadalka, qaar ayaa dalka iskaga tegay, qaar ayaa xiran, halka inta kalena loo caga jugleeyo.
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Soomaaliya oo ku dadaaleysa in sida ugu habboon uguna dhaqsaha badan loo xakameeyo cudurka CODIV-19, ayaa qalabkii caafimaad ee loo baahnaa u dhammeystirtay isbitaalka Martiini ee loo asteeyay in lagu daweeyo bukaannada uu soo rito cudurka safmareenka ah ee dunida oo dhan dhibaatada badan ku haya. Dowladda ayaa maanta qolalka xaaladda degdegga ah (ACU) ee Isbitaalka ku xirtay Labaatan (20) sariirood oo loo dhammeestiray dhammaan qalabkii loo baahnaa si loogu xanaaneeyo dadka xaaladoodu aadka u adagtahay. Isbitaalka waxaa sidoo kale laga howl geliyay Dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal leh dhammaan takhasusyada loo baahanyahay oo ay kamid yihiin 10 dhaqtar iyo 10 kalkaaliye oo Isbitaalka digfeer horay uga shaqeyn jiray, hadana qayb ka qaadanaya xakameynta COVID-19, waxaa sidoo kale dhawaan ka howl billaabaya la taliyaal sare oo caafimaad oo ku takhasusay maareynta cudurrada faafa iyo cudurrada neef mareenka. Isbitaalka oo lagu howl billaabay March 16, 2020 ayaa lagu qaabilay 218 Bukaan oo 21 kamid ah la jiifiyay. Afar kamid ah bukaannadii la jiifiyay ayaa cudurka ayaa ka bogsooday dibna looga saaray, waxaana xilligaan jiifa 17 bukaan oo xaaladooda lagula tacaalayo, kuwaas oo uu kamid yahay Bashiir Qaasim Maxamed oo caddeeyay inuu ka helay adeegya caafimaad oo tayo keh. Dowladda oo caddeysay in horumarinta lasii wadayo, ayaa bulshada ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad maadaama marka uu Xanuunka soo rito dadka qaba xauunnada raaga ay wax ka qabashadoodu adagtahay. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Eng. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in hantidooda ay uga qayb qaataan qorshaha xakameynta COVID-19, sidoo kale ay ku dadaalaan inaan sare loo qaadin qiimaha la kala siisto badeecada gaar ahaan cunnada aasaaska u ah nolosha bulshda iyo inay ku tarsamaan wax soo saarka gudaha si looga maarmo ku tiirsanaanta cunnada dibadda laga soo dhoofiyo. Eng. Cabdullaahi Cali Xasan waxuu sheegay in xukuumaddu ay xooggeeda isugu geysay in ganacsatada loo fududeeyo wax kasta oo qayb ka qaadan kara horumarinta ganacsiga, cunnada qaarna cashuur dhaaf iyo canshuur dhimis loogu sameeyay, sabab la xariirta in dadka nugul aysan dareemin saameynta ka dhalaneysa tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19. Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada, Fowsiya Abiikar Nuur, oo sheegtay in dib-u-dhis ballaaran lagu wado Isbitaal Banaadir, qaybta loogu tala galay la tacaallida COVID-19, ayaa u mahad celisay shirkadda Isgaarsiinta Horumuud oo bixineysa qarashaadka ku baxay dib-u-dhiska. Maamullada Isbitaallada gaarka loo leeyahaya ayey wasiirku ugu baaqday inay bukaannada si wanaagsan u qaabilaan, baaritaan marsiiyaan iyaga oo taxadaraya, bukaankii ay ka shakiyaanna ay ku wareejiyaan qaybka ku shaqada leh la tacaallidda cudurka COVID-19, si looga baaqsado in qof Soomaaliyeed uu dhibaato usoo gaarto daryeel xumo. Tala-bixiyaha caafimaad ee COVID 19, Dr Maxmed Cali Fuje, ayaa bulshada kula darmaarmay inay qaataan tillaabooyinka caafimaad, si ay qayb uga noqdaan qorshaha xakameynta cudurka dilaaga ah “Walaalayaal COVID19 Hargab daran ma aha. Waa xanuun halis ah, Waa xanuun wata qandho daran, cune xanuun iyo in uu marka dambe qofku neefsan waayo oo sambabadu istaagaan, taas oo keeneysa geeri”, ayuu yiri Dr. Fuje Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo maanta kulan la qaatay safiirrada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan ayaa ku war geliyay in dhammaan barnaamijyadii qorsheysnaa ee dowladda lagu caawinayay loo leexiyo wax ka qabashada cudurka halista ah ee COVID-19 iyo caawinta dadka nugul ee saameynta ay ku yeelanayaan tillaabooyinka lagu xakameynayo cudurka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay fal dambiyeedka kufsiga oo dhawaanahaan ku soo badanayey gudaha waddanka. War-saxaafadeedka View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Warka-Habeen-210420.mp3 View the full article
-
Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Horshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa war ka soo saaray xilka qaadista guddoomiyaha maxkamadda racfaanka Gobolka Shabeelaha dhexe Cali Cabdulle Nuur, Guddoomiyaha ayaa ku tilmaamay sharci daro xil ka qaadista lagu sameeyey guddomiyaha maxkamadda isaga oo sheegay in Garsoorku ka madaxbannaan yahay laanta fulinta. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa intaa ku daray in maamulka hirshabelle ku jiro xilli kala guur ah aysan sharci ahey in xilka laga qaado masuuliyiinta maamulka hirshabelle inta ay ka dhacayso doorashada hirshabeelle. Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeele ayaa sheegay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uusan xilka ka qaadi karin masuuliyiinta hirshabelle waxa uuna ku sheegay warqada ka soo baxday in ay shaqaalaha hada jooga sii wataan shaqada dowladda inta laga dhisayo maamul cusub oo hirshabeele hoggaamiya. Guddoomiyaha oo soo saaray war qoraal aha yaa xusay in hey’adaha dowladda Hirshabelle aan lagu sameyn karin wax isku shaandheyn ah inta ay ka dhacayso doorasho. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay si qoto dheer uga walaacsan tahay warbixino sheegaya in Turkey ay waddo dadaallo hor leh oo ay ugu weecaneyso iibsashada iyo isticmaalka gantaallada Russia. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka, Morgan Ortagus ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegtay in Washington ay sii waddo inay “si joogto ah” u diidan tahay iibasashada Turkey ee habka difaaca gantaallada Russia ee S-400. “Waxaan sidoo kale si qoto dheer uga walaacsannahay warbixino sheegaya inay Ankara waddo dadaallo ay hubkaas uga dhigeyso kuwa howl-gala,”ayey tiri Ortagus. “Waxaan sii wadi doonnaa inaan sida ugu sarreysa u muujinno in howl-galinta habka difaaca gantaallada ee S-400 ay horseedi doonto cunaqabateyn ka dhan ah Turkey, ayada oo la eegayo xeerka CAATSA, islamarkaana ay caqabad ku noqon doonto xiriirka labada dal iyo kan NATO.” Ortagus ayaa sheegtay inay ku kalsoon tahay in madaxweyne Erdogan iyo saraakiisha sare ee Turkey ay fahmi doonaan mowqifka Mareykanka. Turkey ayaa marar badan horey ugu cel-celisay inaysan joojin doonin iibsashada iyo adeegsiga habka difaaca gantaallaha ee S-400, islamarkaana ay u madax-banaan tahay go’aan ka gaarista arrimaheeda gudaha. Hase yeeshee Mareykanka iyo NATO, oo Turkey ay xubin ka tahay, ayaa ku dooday in howl-galinta barnaamijkaas ay keeni karto in Russia ay hesho sirta NATO, maadaama qalabkaas uu la fal-geli doono qalab NATO ay leedahay. REUTERS + VOA
-
Ciidamada amniga gobolka Karkaar ee dowlad goboleedka Puntland ayaa ku guuleystay ka dib howlgal qorshaysan in ay soo furtaan gaar xamuul ah oo habeenimadii xalay ay dhac u geysteen kooxo burcad ah oo wadada u galay. Ciidamada amniga ayaa intii howlgalka uu socday waxaa sidoo kale soo qabteen sedex ruux kuwaas oo ahaa kooxdii dhaca u geystay gaari xamuulka ah oo ahaa nuuca Candho Meedka loo yaqaano iyo rakaabkii saarnaa. Sidoo kale Taliyaha ciidamada Madaxtooyada magaalada Qardho Cabdi fitaax Warsame Hiirad oo warbaahinta kula hadlay goobtii lagu soo bandhigay kooxda burcada ah ayaa faahfaahiyey ragga burcadka ah ee la soo qabtay isaga oo sheegay in gaariga xalay lagu dhacay inta u dhaxeyso magaalada Qardho iyo Tuulada Yakka ee gobolka Karkaar. Dhanka kale Saraakiisha ciidamada ayaa xusay in gariga iyo alaabtii saarneyd sidoo kale ay soo furteen raggii lagu Gaariga afduubay oo ahaa sedex ruuxna lagu soo qabtay howlgalka iyadoo dhammaan xabsiga loo dhaadhiciyey . Howlgalka lagu soo qabtay kooxdaan ayaa waxaa uu gacan ka geysan doonaa in ay yaraadaan kooxa burcada ah ee dhaca u geysta gawaarida xamuulka ah ee sida shixnadaha ganacsi ee u kala goosha inta badan gobalada Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
A convoy of vehicles carrying Somali soldiers triggered a bomb planted alongside the road near Muri village in Lower Shabelle Region, southern Somalia. Muri residents said the explosion hit one of the vehicles, and then soldiers opened fire in all directions, but there were no casualties as a result. The Al-Shabaab militant group has claimed responsibility for the attack. According to reports published on the group’s websites, seven soldiers from a US-trained Somali special force were killed in the attack. The militant group has shrugged off intensified military operations against it in the Shabelle Region to continue with its deadly attacks against government forces and AU peacekeepers. View the full article
-
An asylum seeker living at a Greek refugee facility has tested positive for the novel coronavirus, reports said Monday. The patient, identified as a 28-year-old woman from Somalia who is six months pregnant, lives at a reception facility in Kranidi in the Peloponnese. She was tested during a visit to the Nafplio Hospital on Sunday. The woman is reportedly asymptomatic and has been placed under quarantine at the facility, a hotel rented by the International Organization for Migration (IOM). The hotel houses a total of 470 asylum seekers, who all come from sub-Saharan Africa. The hotel has been placed under quarantine since Thursday as a precaution after a female worker tested positive for COVID-19. Reports said the worker has not been at the hotel for 12 days. Health authorities are tracing all of the people who potentially had been exposed to the virus. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta shaqo joojin ku sameeyey gudoomiyaha maxkamadda gobolka banaadir Muuse Macallin Cabdi, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ku-simaha gudoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir u magacaabay Cabdisalaan Macallin Cabdi oo ah gudoomiyaha maxkamadda degmada Howlwadag. Xubnaha ku dhow labada dhinac ayaa sheegaya in xil ka qaadistan ay salka ku hayso khilaaf u dhaxeeya labada mas’uul oo dhanka maamulka iyo dhaqaalaha ah, waxaana wararka aan ka heleyno maxkamadaha rayidka ay sheegayaan in khilaaf lacageed uu hareeyay hanaanka cadaaladda dalka. Waxaa horey u jirta xiisad ka dhex oogan labada dhinac, oo ka dhalatay markii Muuse Macallin uu shaqada uga eryay laba wiil oo ay qaraaba dhow yihiin guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf, kuwaas oo lagu eedeeyey musuq-maasuq. Sharci-yaqaano la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in guddoomiyaha Maxkamadda Sare uusan awood u lahayn inuu xilka ka qaado guddoomiyaha maxkamadda gobolka. “Anshax marinta, badalaadda, shaqa ka joojinta, magacaabista, xilka qaadista waxaa iska leh golaha adeegga garsoorka sida ku qoran dastuurka iyo xeerka nidaamka garsoorka, haddii intaas la waayane madaxweynaha ayaa awood u leh,” ayuu yiri sharci-yaqaanka la hadlay Caasimada Online. Xiisaddan ayaa gaartay madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la filayaa in madaxweynaha uu soo faro-geliyo dhowana.
-
Taariikh: 21/04/2020 TACSI MADAXWEYNE INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golayaasha deegaanka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Xildhibaan Cibaado Maax Cilmi oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 21/04/2020, dalka Ingiriiska. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi golayaasha degaanka ee dalka, gaar ahaana golaha deegaanka ee gabiley oo marxuumadu ka mid ahayd, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mid ah u dirayaa dhammaan qoysaska reer Maax Cilmi, meel ay kala joogaanba. Waxaanu madaxweynuhu marxuumada ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golayaasha deegaanka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
-
Popular Contributors
