Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan ayaa Maanta Booqasho ku tagay Saldhigga Degmada Dayniile oo maalmihii ugu dambeeyey la sheegay in lagu ciqaabayey shakhsiyaad gaar ah oo dhaliilay Maamulka degmadaas. Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo ugu horeyn ka hadlay eedeyntii loo jeediyey Guddoomiyaha Degmada Dayniile Maxamed Abuukar Cali Jacfar ee ahaa inuu saldhigaas oo hadda loo bixiyey Cusboole ku ciqaabay dad Shacab ah ayaa sheegay in eedeyntaas ay hadda ku jirto baaritaan, islamarkaana natiijadeeda la ogaan doono. Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay in Saldhiggaan wixii hadda ka dambeeyo ay la wareegeen taliska Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta Gobolka Banaadir, wixii hadda ka dambeeyana uu noqon doono saldhig Boolis oo kamid ah kuwa ku yaalo Gobolka Banaadir. Suleymaan ayaa tilmaamay in wixii hadda ka dambeeyo saldhigaas mas’uuliyadiisa laga wareejiyey Degmada Dayniile, wixii dhib ah oo hadda kadib laga soo sheegana lagula xisaabtami doono Madaxda Booliska Soomaaliya. Ugu dambeyntii Xeer Ilaaliyaha ayaa ugu baaqay madaxda Degmooyinka inay ku dadaalaan inay sharciga fuliyaan iskana ilaaliyaan inay qof si sharci darro ah xoriyadda uga qaadaan islamarkaana aan lasoo ogeysiin hey’addii shaqada ku lahaa. Booqashadaan ayaa timid kadib markii Guddoomiyaha Gegmada Dayniile lagu eedeeyay in Xabsi lagu magacaabo Cusboole oo ku yaala gudaha degamdaasi uu dad badan ku marsiiyay ciqaab adag, islamarkaana ay hadda ku jiraan dad qoraallo soo dhigay akoonada ay ku leeyihiin Facebook inkastoo Guddoomiye Jacfar uu arrintaas wax kama jiraan ku tilmaamay mar uu wareysi siiyey telefishinka Qaranka. Halkaan hoose ka daawo hadalka Xeer ilaaliyaha Qaranka
  2. Bishii Maarij ee sannadkii 1988-kii ayaa 25 qof oo laga soo afduubtay Gabiley iyo Tog-Wajaale ay Maxkamaddii Wareegaysay ee Ciidanku ku xukuntay xabsi abadi ah. Dadkaasi idilkoodba waxay ahaayeen dad rayid ah, waxa se la saaray Maxkamad Ciidan. Isla maalintii ayaa xukunkii loo beddalay dil toogasho ah, isla maalintii ayaana toogashadii la fuliyay. (HRW, a government at war with its own people, bogga 66aad). Bogga 67aad, warbixintu waxay ku sheegtay in nin gaadhi watay ay ciidanku Afweyne gaadhigiisii ku joojiyeen meel ku dhaw Xabsiga Weyn ee Hargeysa, ka dibna ay ku amreen inuu ku wareejiyo furaha gaadhiga. Ninkaasi wuu diiday inuu furaha wareejiyo, isla halkii ayayna ku toogteen. Isla boggaas, warbixintu waxay sheegtay in nin la odhan jiray Aw Axmed Daa’uud Yuusuf ay ciidankii Afweyne ka qaadeen lacag gaadhaysay 2,000 oo shilling, kolkii uu ciidankii kula gorgortamay lacagtiisana ay isla bartii ku toogteen. Waxay ahaayeen budhcad shaadh dawladeed u soo xidhatay si ay wax ugu dhacdo, ugu boobto oo ay ugu bililiqaysato. Nafta basharka ee qaaliga ah, waxay gaadhsiiyeen heer uu qiimaheegu hoos maro furayaasha gaadhiga. La yaab ma noqonayso haddii aad maqasho in qof bani-aadan ah ay ku dileen midh xanjo ah. In loogu aargudo weerraro guuldarraystay oo ay ciidankii Afweyne ku qaadeen SNM ayaa ahayd sababta loo gummaaday 25kaas qof (Ibid). Kolka loo eego indhaha dawladda, wax farqi ah uma dhaxayn qofka Isaaqa ah ee dawladda taageersan iyo ka la dagaallmaya. Qof kasta oo Isaaq ahi waxaa loo dilayay aanada SNM, askari kasta oo ay SNM dishana waxaa loogu aarayay qof shacab ah oo magaalooyinka iska jooga. 25-kaas qof waxa ku jiray aabbe iyo labadiisii ciyaal ahaa, waxaana lagu toogtay tuulada Gaas-dheere. Akhriso magacyadoodii: 1. Sh. Ciise Yuusuf Good 2. Maxamed Cabdi Xawsi “Jawaan” 3. Maxamed Cabdi Koofil 4. Dagaal Dhinbiil 5. Muxumed Sahal 6. Kalinle Cashuur Raage 7. Muxumed Gurey Mixille 8. Xuseen Amiir Faarax 9. Mawliid Xuseen Amiir (Ninka sare inankiisii) 10. Cali Xuseen Amiir (Ka sare walaalkii) 11. Haybe Gurey Xasan 12. Siyaad Isaaq Xaaji 13. Aadan Cali Ibraahin 14. Cabdillaahi Jaamac Caqli 15. Xaaji Xasan Abraar 16. Barre Muxumed 17. Saleebaan Diiriye Xirsi 18. Maxamed Cali Samatar 19. Siciid Xasan Deeqsi 20. Ardaale Warsame Faarax 21. Aw Cali Sahal Taani 22. Cabdi Sahal Tani, (ka sare walaalkii) 23. Cabdi Maxamed Sahal (Ka sare ayaa adeer u ah) 24. Shamah Elmi Fahie 25. Daa’uud Qawrax Tixraac: Human Rights Watch, a government at war with its own people, bogga 66 – 67aad, iyo lifaaqa 5aad. Qore: Maxamed Sharma’arke Sharmaake91@gmail.com Qaran News
  3. Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubaland ayaa gebi ahaanba mamnuucay xirashada Indho-shareerka ama Niqaamka, iyadoona digniin adag u dirtay dadka xirta oo u badan Gabdhaha. Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa bulshada ku nool deegaanada maamulkaasi uga digtay xirashada Indho-shareerka oo ay ku sheegen inay ka dhalato khatar amni oo hor leh. Nabad-Sugidda Jubaland ayaa aaminsan in mamnuucida xirashada Indho-shareerka looga hortagi karo khataro badan oo dhanka amniga, oo ay maleegayagaan kooxaha xagjirka ah ee weerarada ka geysta gudaha Soomaaliya. Hay’adda ayaa digniintaasi ku baahisay barta ay ku leedahay Facebook, iyada oo bulshadana ku wargelisay in xiligan adag ee dagaalka lagula jiro Coronavirus aan looga faa’iideysan xirashada niqaamka oo mararka qaar loo adeegsado fulinta falal lidi ku ah amniga. “Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubaland waxay ku war gellinaysaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Guud ahaan Deegaanada Jubbaland in ay ka feejignaadaan adeegsiga ama xirashada Indho shareerka oo kol hore la mamnuucay,” ayaa lagu yiri qoraalka. Maaha markii u horeysay ee deegaanada Jubaland laga mamnuuco Indho-shareerka ama Niqaamka, balse waa go’aankii ugu cuslaa ee gebi ahaanba lagu mamnuucayo xirashadiisa xili lagu guddo jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
  4. Bayaan uu Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo Ka mid ah Madax Dhaqameedka Beelaha Soomaaliland ayaa bayaan uu soo Saaray kaga Hadlay Colaada Deegaanka Ceel Afweyn. Bayaan uu Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) ayaa waxa uu ku yidhi sida tan: Marka hore waxaan tacsi udirayaa dhamaan Dadkii ehelka ahaa ee kudhintay fadhigaab Iyo intii ku dhaawacantay eheladii aykabaxeen Waxaan leeyahay samir iyo iimaan Runtii waan ladanahay tacsida aniga oo xanuunsanaayey awgeed waxaan cidwalba ucadaynayaa dhamaan beelaha aan odayaashooda nahay waxaa naga go aan ah Arinta fadhigaab inaanu kudhamayno dariiqii Aanu kusoo afjarnay colaadii dabada dheerayd Ee boho iyo idarays mana ogolaan doono CID abaabusha wax colaad ah waxaanu umada soomaaliland ucadaynaynaa inaanu fulindoono Dhamaan qodobadii shirkii Burco ee ay ku heshiiyeen West Burco Clan iyo East Burco Clan waxaan Cidwalba ucadaynayaa arintan waxaan kagawakiil ahay dhamaan beelaha biciide.iyo guud ahaanba beelaha East Burco Clan Waxaanu islaqaadanay beesha axmed faarax Biciide maanta lagabilaabo inay latalo tahay Beelaha biciide iyo guud ahaan East Burco Clan Waxaan baraha bulshada ku arkaayey Dhalinyaro ukala abtirinaysa beelaha East Burco Clan Arinkaas raaligelin baanu kabixinaynaa Waxaan kale oo aan qurbajooga kuwargelinayaa inaykadheeraadan abaabulka colaada nabadana nagalashaqeeyaan Beelaha soomaaliland waxaanu kuwargelinaynaa dhamaantood inaynagala shaqeeyaan nabadgelyada beelaha walaalaha ah Xukuumada waxaanu ugadigaynaa inayku kacdo go aamo dhaawacikara qaranimada iyo wadajirka soomaaliland marwalba waxaanu diyaar unahay wado kasta oo loomaraayo Ilaalinta qaranimada iyo isu tanaasulka Wabilaahi tawfiiq Qaran News
  5. Dowlad goboleedka Jubaland ayaa digniin adag ka soo saartay xirashada indha-shareerka dumarka ee loo yaqaan Niqaabka. Qoraal maanta oo Khamiis ah ka soo baxay hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Jubaland ayaa loogu baaqay dadweynaha ku dhaqan Jubaland in ay ka feejignaadan xirashada indha-shareerka. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in degaannada Jubaland laga mamnuucay xirashada insha-shareerka si looga hortago amni-darro ka dhalan karta gaar ahaanna in kooxaha Argagixisada ah ay ku soo dhuuntaan. Balse Jubaland waxay sheegtay in shacabku ay xiran karaan Face mask ( fool-saab) maadaama lagu jiro wakhtigan ay sii kordhayaan kiisaska xanuunka COVID-19 ee laga helayo dalka. PUNTLAND POST The post Jubaland oo mamnuucday xirashada Niqaabka appeared first on Puntland Post.
  6. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Awdheegle. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay ka hortageen weerarkaasi, islamarkaana ay iska caabin kala hortageen dagaalyahanadii weerarka soo qaaday. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Xoogga dalka ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Sh/Hoose. View the full article
  7. The effects of a government lockdown in Eastleigh, Nairobi and Old Town, Mombasa dawned on residents Thursday morning after the police flooded the estates to ensure movement was restricted. Source: Hiiraan Online
  8. Degmooyinka Kaxda iyo Hodan oo ka wada tirsan gobolka Banaadir ayaa caawa isaga hor imaan doono barnaamijka tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle. Labad degmo ayaa sidoo kale ku wada jira group-ka D, wareega koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Kaxda ayaa lugtii hore soo garaacday ama ka soo badisay degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale Hodan ayaa kulankii hore barabro la soo gashay dhiggeeda degmada Waabri, kadib markii ay la yimaadeen min 12 buundo. Tartamayaasha labada degmo oo uu dhinac kasto guusha rajeynayo ayaa haatan wada diyaar garowgii u dambeeyey. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Somali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article
  9. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab khasaare hantiyeed geystay oo maanta ka kacay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Dabka oo ka dhashay Koronto ayaa ka kacay guri ku yaalla halka loo yaqaano Efeko oo ka tirsan degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dabka uu sameeyey gooba ganacsi oo ku yaallay halkaasi. Dhinaca kale waxaa xalay dab xoogan uu ka kacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel lagu magacaabo Riham oo ku yaal isgoyskaasi. Ilaa afar dukaan ayaa dabkaasi oo isna ka dhashay Koronto ku bas beelay, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ugu dambeyn waxaa lagu guuleystay in la damiyo dabkaasi, iyadoona ay goobta gaareen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir. View the full article
  10. Waxaan ku qasbannahay inaan qaadno tallaabbo amniga dalka aan ku sugeyno” Rai’sal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa sheegay iney dowladdu qaadeyso tallaabbo kasta oo ay kaga hortageyso dhaqdhaqaqyada dastuurka dalka ka horimanaya. Ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed oo xaaladda dalka Itoobiya uu ku sugan yahay warbaahinta dalka Itoobiya shacabka farriin uga tabiyey wuxuu sheegay shacabka waxyaabaha ay xuquuqdooda ku meelmarsadaan iney ka mid tahay doorashada guud oo dalka ka qabsoonto taasoo ah xuquuq dimuqraadiyadeed oo ay muwaaddiniintu leeyihiin. “Iyada oo ay xisbiyada mucaaradka qaar ay aaminsanaayeen iney doorasho dhicin ayaan annagu ku adkeysannay doorashada iney xilligeeda ku dhacdo diyaar garow ballaaranna la billaabay.” “Hase yeeshee, cudurka safmarka ee Covid-19 ee dalka Itoobiya soo gaaray ayaa nagu kalliftay inaan doorashada dib u dhigno.” Ra’isal waraare Dr Abiy Axmed oo ka hadlay hadalka ka soo yeeray deegaanka Tigreeda oo ay ku sheegeen iney doorasha gaar ah deegaan ahaan u qabsanayaan oo ay sugeynin doorashada guud ee dib loo dhigay wuxuuna yiri: “Si ka baxsan dastuurka dalka Itoobiya u yaallo dhaqdhaqaaq kasta oo ka hormarinayo ay tahay khalad aad u weyn ayna xadgudub ku tahay shruucda dalka iyo kan caalamka intaba.” “Sida uu dhigayo dastuurka dalka Itoobiya qodobkiisa 50-aad ee faahfaahinayo awoodda iyo waajibaadka dowladda federaalka inaan dastuurka difaacno waxkasta oo ka horimanayana aan ka hortagno diyaar ayaan u nahay” ayuu yiri. Dr Abiy Axmed oo warbaahinta xafiiskiisa kula hadlay “Si ka baxsan dastuurka dalka inuu deegaan si gaar ah doorasha iskii u qabsado maadaamaa ay ammaanka dalka iyo dadka ay waxyeello aad u weyn u geysaneyso dowladdu waxay ku qasban tahay iney qaaddo tallaabba kasta oo iskudayga noocasi looga hortagayo.” “Xisbi kasta oo siyaasadeed oo doonaya inuu xukunka siyaasadeed uu qabto waa inuunan marin waddo dalka iyo dadka dhibaata u horseedeyso.” “Cid kasta oo doorasha aan sharciga waafaqsaneen iney qabato dooneyso, isla-markaana damacsan iney awoodda deegaan xoog ku qabsato dowladda federaalka wixii hadda ka dambeeyo uma dul qaadaneyso, tallaabba kasta inaan qaadanana diyaar ayaan u nahay” ayuu yiri Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed. Hadallada kulul ee Dr Abiy maxaa keenay? Xisbiga deegaanka Tigreega ka arrimiya ee TPLF ayaa maalin ka hor ku dhawaaqay iney deegaan ahaan ay qabsanayaan doorasha iyaga u gaar ah oo dalka Itoobiya intiisa kale aan la socon. Guddiga fulinta xisbiga TPLF oo shir seddex maalmood uga socday magaalada Maqale ee caasimadda deegaanka Tigreega soo gabagabeeyey ayaa soo saaray amar ay maamulka deegaanku ku amrayaan in laguda galo diyaargarowga iyo qabanqaabada uu deegaanku doorashadiisu ku qabsan lahaa. Hadalka ka soo yeeray deegaanka Tigreega ayaa noqday mid aan horay looga baran dalka Itoobiya tani iyo marki uu ka hirgelay nidaamka federaalka ee qowmiyadaha ku saleysan. Go’aanka Xisbiga TPLF ee doorashada ku aaddanna waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Xisbiga TPLF ahna madaxweynaha deegaanka Tigreega Dr Gebresiyon Gebre-Mikaael. Guddiga doorashooyinka siduu uga falceliyey? Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya Birtukaan Mideqsa oo warbaahinta dalkaasi la hadashay ayaa sheegtay hadalka ka soo yeeray deegaanka Tigreega inuu la yaab ku noqday uuna yahay mid sharci darra ah. “Sida uu dhigayo dastuurka dalka Itoobiya qodobkiisa 102-aad arrimaha doorashada waxaa awood u leh guddiga doorashooyinka qaranka” ayey tiri. “Doorashada heerarkeeda kala duwan waxaa qabanaya oo wakhtiga la qabanayana go’aan ka gaari karo oo keli guddiga doorashooyinka qarnaka ee dalka Itoobiya.” “Deegaan wuxuu doorasha si gaar ah uu u qabsan karaan marka uu codsigiisa uu soo gaarsiiyo guddiga doorashooyinka, guddiguna uu oggolaado codsiga deegaanka oo keli ah balse, ay jirin ilaa iyo hadda deegaan codsi doorasha inuu qabsado soo gaarsiisay guddiga doorashooyinka, xilli dalka Itoobiya uu ku jiro xaalad degdeg ah oo uu la tacaalayo cudurka safmarka ee Covid-19 iney deegaan xubin ka ah dowladda Federaalka ay yirahdaan doorashaan qabsaneynaa waa nasiib darro” ayey tiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya Birtukaan Mideqsa. Guddoomiyaha Guddiga doorashada qaranka ee dalka Itoobiya Birtukaan Mideqsa Tani iyo marka uu isbeddel ka dhacay dalka Itoobiya uu dalka Itoobiya majaraha u qabtay Dr Abiy Axmed waxaa sii badanayey khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka ee Dowlad Deegaanka Tigreega, iyada oo uu deegaankaasi uu ku doodaya iney dowladda hadda ka arrimisa dalka Itoobiya ay nidaamki Federaalka ee lagu heshiiyey ay god ku sii rideyso. Qaran News
  11. Labo askari oo la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamada Booliska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay shalay si bareer ah rasaas ugu fureen dad barakacayaal ah oo lacag ay ku Afuraan loogu soo qeybiyey degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir. Dadka la rasaaseeyey oo tiro ahaan gaarayey illaa 22 qof oo ka soo baxay deegaanka Garasbaaley ayaa saarnaa labo gaari oo Noah ah, waxaana ay marayeen agagaarka Warshadda Caanaha, gaar ahaan qeybta soo xigta dhinaca degmada Hodan. Inta la xaqiijiyey waxaa falkaasi ku dhaawacmay darawalkii gaariga waday iyo Islaan da,ah oo 70 jir ah, kuwaas oo la kala geeyey isbitaalada Digfeer iyo Soomaali Suudaanees. Sidoo kale magacyada labada qof ee dhaawaca ah ayaa waxaa lagu kala sheegay Xabiibo Cali Xasan iyo Maxamuud oo ahaa wiilka gaariga ku waday qoysaskaasi. Aamino Xasan Cumar oo gaariga la rasaaseeyey wax ka saarneyd ayaa Shabelle uga warrantay, sida ay wax u dhaceen. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/cc.mp3 View the full article
  12. Marxuum: Axmed Cumar Gaabow Waxaa maanta magaalada Jowhar ku geeriyooday Wasiirkii Hubka Dhigista iyo Dhaqan Celinta Maleeshiyaadka maamulka Hirshabeelle Axmed Cumar Gaabow. Axmed Cumar Gaabow oo sidoo kale ahaa Xildhibaan ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa sida la sheegay maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanaa magaalada Jowhar, lama sheegin xanuunka uu u geeriyooday in uu yahay Covid1-19 iyo in kale. Marxuum Axmed Cumar Gaabow ayaa Baarlamaanka Hirshabeelle ku soo biirey dabayaaqadii 2016 xiligaasi oo la unkay maamulkaas, wuxuuna muddooyinkii u dambeeyey ahaa Wasiir. Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsiyeeyey geerida Wasiirkii Hubka Dhigista iyo dhaqan Celinta Maleeshiyaadka maamulka Hirshabeelle Axmed Cumar Gaabow. Madaxweyne Waare oo ku hadlay afka golayaasha dowladda, iyo dadweyna Hirshabeelle ayaa marxuumka ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo. PUNTLAND POST The post Wasiir ka tirsan Hirshabeelle oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  13. Maxamuud Sayid Aaden, Madaxweyne Xigeenka Jubbaland ayaa maanta Kismaayo kusoo Laabtay kadib Safar Shaqo oo uu ugu maqnaa Kenya iyo Gobolka Gedo. Masuuliyiin ka tirsan [...] Source
  14. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa ku hanjabay in dowladdiisa ay tallaabo ka qaadi doonto dadka ku xadgudbaya dastuurka, “si loo ilaaliyo nabadda iyo amniga dadweynaha.” Abiy oo ka hadlay arrimaha ka taagan dalka ayaa sheegay in baahida hanaan diqmoraadi ah oo laga wada qeyb-galo uu yahay waxa ay tiigsaneyso Itoobiyada cusub, islamarkaana doorashooyinka qaran ee soo socda ay muhiim u yihiin si hadafkaas loogu guuleysto. Abiy Ahmed ayaa mar kale ku celiyey go’aankii Guddiga Qaran ee Doorashooyinka ay soo saareen 31-kii march, ee ahaa inaan la qabin karin doorashooyinka la waqtiyeeyey bisha August, sababo la xiriira cudurka Coronavirus. Taas waxa uu macnaheedu yahay in doorasho aysan dhici karin ka hor waqtiga uu ku eg yahay muddo xileedka baarlamanka oo ah bisha October. Dastuurka Itoobiya si cad uma qeexayo habka ay tahay in dib u dhigis doorasho loo sameeyo, taasi oo keentay in baarlamanka uu u saaro guddi soo sameeyo sharaxaad dastuuri ah. Hase yeeshee waxaa taas ka hor-yimid xisbiyada qaar. Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray-ga ee TPLF, oo ah xisbiga ugu weyn gobolka Tigray, ayaa sheegay in doorashooyinka gobolka Tigray ay ku dhici doonaan waqtigooda, ayaga oo ku gacan seeray go’aankii dowladda ay ku baajisay doorashooyinka. Ra’iisul wasarae Abiy ayaa sheegay in cid kasta oo isku dayda inay go’aankaas ka hor-timaada laga qaadi doono tallaabo, islamarkaana ay dowladdiisa qaaddi doonto tallaabo kasta oo ay ku ilaalineyso kuna difaaceyso dastuurka. “Cid kasta oo doorasha aan sharciga waafaqsaneen iney qabato dooneyso, isla-markaana damacsan iney awoodda deegaan xoog ku qabsato dowladda federaalka wixii hadda ka dambeeyo uma dul qaadaneyso, tallaabba kasta inaan qaadanana diyaar ayaan u nahay” ayuu yiri. “Kuwa doonaya inay hab aan dastuuri ahayn kula wareegaan awoodda, waxaa ciqaabi doona sharciga,” ayuu Abiy ku yiri khudbad uu jeediyey oo uu soo dhigay bartiisa facebook. “Ma ahan in dhallinyaradu ay dhintaan, ma ahan in hooyooyinka ay ooyaan, mana ahan in la gubo guryo, si siyaasiyiin ay u helaan xukun,” ayuu yiri. Waxa uu intaas ku daray “Xisbiyada doonaya awood wadaag ayada oo aanay doroasho dhicin ma ahan wax la qabali karo, waxayna jebineysaa dastuurka Itoobiya iyo xeerarka caalamiga.” TPLF ayaa xisbiga Abiy Ahmed ee PP ku eedeeyey inaysan dooneyn inay doorasho qabtaan, islamarkaana ay u adeegsanayaan cudurka Coronavirus “cudurdaar ay ku aas-aasaan kali-talis hal nin ah.
  15. (SLT-Hargeysa)-Gabadh ku nool magaalada Hargeysa oo lagu magacaabo Hani Asad Daahir ayaa ka warrantay qiso xanuun iyo naxdin badan oo ay kala kulantay dhakhtarka weyn ee magaalada Hargeysa. Hani Asad Daahir waxa ay tidhi sidan tan: “Magacaygu waa Hani Asad Daahir, dhawaan ayaan isku arkay caalamadaha #Covid19, waxaan isku arkay Qufac, xumad iyo neef-qabatoow, saa’id ah, waxaan la xidhiidhay telefoonka Heeganka waana layga qaban waayey. Kadib wiil ayaa i caawiyey oo usoo sheegay wuxuu igu yidhi dawooyin baan message kuugu soo dirayaaye isticmaal, haddaad ku ladnaan waydo igu soo celi, dawooyinkii baa laysoo iibiyay, waan ku ladnaan waayay, naqaskii baa aad ii qabtay, kadibna telefoonkii ayaan dib u garaacanay maqribkii ilaa dhawr jeer markii nalaga qaban waayay anna naqaskii i qabtay, ayay xaafaddu go’aan satay in lay qaado oo dhakhtarka lay geeyo, anakoo dhexda ku sii jirna ayaa telefoonkii nalaga qabtay, waxaana naloo sheegay in Dhakhtarka Wayn (Hargeisa Group Hospital) lay keeno, kadibna dhakhtarkiibaan sidaa ku tagay, qaybta Emergency-ga, markii aan galnay ma jirin adeeg caafimaad oo degdeg ah oo lay fidiyay, waxaana laysoo dhaweeyay qaybta Emergency-ga oo ay joogaan dad xanuuno kala duwan qaba, halkii ay ahayd in goob gaar ah laygu eego, waxoogaa markaan goobtii fadhiyay ee sariir bannaan lay waayay, ayaan wiil dhakhtarka ka shaqeeya oo ay xaafaddayada macaariif yihiin ii shaqeeyay iina gudbiyay Qololka Danbe ee Dhakhtarka (Qaybta Payment-ka). Halkii ayaa lay dhigay, walaashay oo ila socotay ayaa la yidhi iyada ayaa ku haynaysa, waxaana laygu rakibay Oxygen. Walaashay lama siin wax ka hortag ah oo qalab ah maadaama ay iyadu i haynayso, xitaa Mask iyo Golf’s ha u yaraadaane, Anigayga Bukaanka ah xattaa layma siin. Walaashay Nimco Asad, waxay suuqa nooga doontay Mask iyo Golf’s oo halkii mask qiimo ahaan yahay wax ku dhaw $1. Ma jirin gargaar lay qabtay, xumaddii oo iga yara dejiyey mooyee qufaacii iyo neefqabatoowgii wali waan dareemayay. Xalay gabadhii neerasta ahayd waxay Ilawday inay isiiso dawadii aan qaadanayey Walaashay ayaa dhawr jeer xafiiska tagtay waanay weydey Ana waxaan dareemayey xanuun Saacad iyo badh kabacdi waxay isiisay Nimco Dawadii Oo ay igasiisay kaanoolihii aan xidhnaa Markii aan dawadii qaatay saacad kabacdi ayey iitimi oo gabadhii Nurse-ta ahayd i weydiisay dawadii waanan u sheegay in aanu weynay dhamaantood oo qaadanay dawadii. Shift C gii ayey soo galeen qoladii kale Wuu isoo maray kadib wuxuu idhahay Dawo ayaan kuu qorayaa haye ayaan dhahnay Xafiiskiisii ayuu ku noqday waanuu ilaabay inuu iikeeno dawadii isna oo sidii ayuu saaka waagu ku baryey. Meesha ma joogaan Cid nadaafada ka shaqeysaa, waxaanu xaafada ka dalbanay Masaxaad iyo baaldi iyo iskoobe aanu iskaga nadiifino. Saaka subaxnimaddii ayaan Wiil kamid ah Nurse-ta meesha ka shaqaynayay walaalo ka codsatay in uu Sariirta ii hagaajiyo, Cay iyo Aflagaado ayuu ugu jawaabay , Aniga ayà u kacay oo soo xareeyey nimco Waliba iyada oo ooyeysa, oo ka ooyeysa Xaalka meesha iyo daryeel la’aanta waliba Kibirku la socdo Waxaanan u sheegay in Innaku aynu ubaahanahay oo aan iskaga dul qaadano inta uu Xaalkaygu dhinac uun u dhacayo oo soo baxayso jawaabtu Ayuu Si Cad noo dhahay naa Baxa oo na dhaafa. Ugu danbayn. Markii aan waayay adeeg caafimaad oo lay qabtay aan ka ahayn Oxygen-taas, markii aan waayay Qalab aniga lay siiyo oo aan isku ilaaliyo, ama walaashay oo i haynaysay la siiyo, markii Nurse-ta meesha joogtaa si fiican noola dhaqmi wayday, ee cay iyo afladaago lay raaciyay, dhakhtarkii waan iskaga soo baxay, hadda qolkaygii ayaan Alle ku sugayaa. Waxaa layga qaaday baadhis, shalay oo ay taariikhdu ahayd 6-May-2020, wali waan sugayaa jawaabtayda. Isoo duceeya walaalayaal. Ilaahay ayuunbaa inoo maqan” Source
  16. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray maamulka golayaasha iyo qoyskii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqan Celinta Maleeshiyaadka Hirshabelle Marxuum Axmed Cumar Gaabow. Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ku hadlayay Afka Golayaasha Dowladda, iyo Shacbiga Hirshabelle ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo. “Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Aad baan ugu naxay marka aan maqlay geerida Wasiir Xildhibaan Sh Libbi waxa uu ahaa shaqsi karti iyo Wadaniyd ku sifoobay wax badan ka soo maray dhismaha Dowladda Hirshabelle. ayuu yiri Madaxweyne Waare. Marxuumka oo sidoo kale ahaa mudane ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa Saakay Ku geeriyooday Magaalada Caasimada ah ee Jowhar oo uu maalmihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay. View the full article
  17. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-07052020.mp3 View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in shan qof ay cudurka Coronavirus ugu dhinteen Soomaaliya 24-kii saac ee lasoo dhaafay. Waxay sidoo kale sheegtay inay kordheen dadka uu ku dhacay cudurka Coronavirus ee gudaha Soomaaliya, islamarkaana kiisaska ay hadda gaareen 928, halka sidoo kalena dad kale ay ka bogsadeen. Wasaaradda ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ku sheegtay in dalka laga helay 55 xaaladood oo cusub oo COVID-19 ah kadib baaritaanno lagu sameeyay dad badan oo lagu arkay astaamaha Cudurka. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, ayaa sidoo kale sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen 19 qof, waana tiradii ugu badneyd ee dowladda ay maalin qura shaaciso inay xanuunka ka bogsadeen. Guud ahaan waxaa hadda cudurka ka bogsaday 94 qof. 55-ka kiis ee cusub ayaa 41 ka mid ah waxa ay ku sugan yihiin Muqdisho, halka qof kalena uu yahay qof jooga deegaanada HirShabelle. Wasaaradda ma shaacin halka ay joogaan 13-ka kale, inkasta oo loo badinayo Puntland oo xalay tiradaas shaacisay. Sida ay wasaaradda ay sheegtay, 55-ka bukaan ee cusub ay 37 ka mid ah yihiin lab, halka 18 kale ay yihiin dhedig. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee Soomaaliya ayaa hadda ah 928 qof. Dhimashada illaa hadda waa 44 qof, waxaana bogsaday 94 qof.
  19. Kabtanka kooxda Horseed Ibraahim Cabdi Maxamed ayaa heshiisa cusub u saxiixay kooxdiisa wuxuuna sheegay tan iyo markii uu kaga soo biiray naadiga Gaadiidka uu horomar wanaagsan iyo guulo waaweyn ee la gaaray sii joogitaanka halkan uu kaga mahad celinayo maamulka ciidanka xoogga dalka ee Horseed. Macallinka Kooxda Horseed Cabdiwali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) ayaa u mahad celiyay guddoomiyaha naadiga DR.Maxamed Axmed Maxamed,isagoo sheegay in uu diyaar u yahay horomarinta iyo kor u qaadida magaca Horseed dhamaan ciyaartooydana uu la yahay saaxiib aad u dhaw. Guddoomiyaha Kooxda Horseed DR.Maxamed Axmed Maxamed ayaa Goobjoog u sheegay in ay ka shaqeyn donaan horomarinta iyo kor u qaadida xirfadlayaasha u ciyaara naadiga ciidanka xooga ee Horseed. “Waan ku faraxsanahay sii joogitaanka kooxdda Horseed waxaan rajaynayaa in aan la gaaro guulo waaweyn mustaqbalka dhaw,waxaan u mahad celinaynaa saaxiibadii iyo maamulka igu dhiiri geliyay in aan sii joogo kooxdayda” ayuu Goobjoog u sheegay kabtanka naadiga Horseed Ibraahim Cabdi Maxamed Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Saxiixa Kabtanka Kooxda Horseed Source: goobjoog.com
  20. Iyada oo dalku uu ka jiro Covid 19, baarlamaanka federaalka ah oo fasax tahay ayaa hadana waxaa dhow doorashada 2020/2021 oo ay aheyd in xilliga ay meel fiican mareyso. Haddaba Goobjoog News ayaa arrintaas kala hadashay Prof Afyare Cabdi Cilmi, Cabdinuur Daahir, Faysal Cabdi Rooble iyo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim. Ugu horreyn, Prof Afyare Cabdi Cilmi oo barre ka ah jaamacadda Qadar islamarkaan wareysi siiyay Goobjoog News ayaa waxa uu ka hadlay in dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah iyo in kale waxa uuna carabka ku adkeeyay in dalka kaliya ay ka dhici karto doorasho qabyo ah. Afyare oo sii hadlay ayaa tibaaxay in dowladda Soomaaliya aysan awood u lahayn doorasho qof iyo cod ah taas oo ka dhacdo gees ka gees Soomaaliya isaga oo yiri “Doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ka dhacda gees ka gees ma u maleynaayo inay taas hadda jirto, sababtana wax kale maa ahane dowlad hadda dalka dhan gacanta ku haysa maba joogtaba haddiiba ay wax dhacayaan waa inay dhacaan wax qabyo ah”. Dhanka kale Prof Afyare ayaa tilmaamay in haddii dhamaadka sanadkan ay dowladdu keeni weyso xildhibaanno cusub in iyada uun laga doonayo in sameyso hab lagu heli karo doorasho maadaama dadka oo dhan ay wada sugaan doorasho waqtigeeda ku dhacda isaga oo yiri“Hadda dhibaatooyin badanaa jiray saas oo ay tahay dowladu ayaa isbadalayay horaa loo soconaayay haddii rabitaan jiro oo madaxdu ay ka go’an tahay way sameyn karaan wax uun way sameyn karaan waxaasi waa inay iyagu ka heshiiyaan” . Sidoo kale Afyare Cabdi mar aan wax ka weydiinay in dowladda haatan ay ku dhaqaaqi karto muddo kororsi ayaa ku jawaabay”Walaahi anigu hadda muddo kororsigu sida uu ku iman karo ma aqaano labo wadduu ku yimaadaa sharciga inuu ogolyahay iyo in siyaasad ahaan looga heshiiyo laakiin qodob aan ogahay oo ay cuskankaraan iima muuqdo, laakiin waxaan kaloon ognahay waayahaan dambe oo dhan waxa inta si ula kac ah dib loogu dhigo oo la lug jiido ayaa marka saddexda bilood ee dambe la eryaa oo la rashgareeyaa laga yaabee inay taas hadda isleeyihiin taas ayaan yeelaynaa waana inay isku yimaadaan saamileyda siyaasadda dalka si ay go’aan uga gaaraan waqti intee la eg ayaa lagu dari karaa” ayuu yiri. Dhankiisa, Cabdinuur Daahir oo ah cilmi baare iyo falanqeeye ka tirsan machadka talefeshinka qaranka Turkiga ee loo yaqaan TRT oo isagoo ku sugan magaalada Istanbul oo u warramay Goobjoog News ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in sababo jira aawadood aysan dalka ka qabsoomi Karin doorasho qof iyo cod ah. Falanqeeye Cabdinuur ayaa sababaha ku hor gudban doorasho qof iyo cod ah waxa uu soo qaatay in haatan aysan muuqan hididiilo ku aaddan in dowladdu u diyaar garowdo doorashadaasi, in amniga guud ee dalka aysan gacanta ku hayn iyo in Soomaaliland ay meesha ka maqantahay sababahaasi oo diidaya inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. “Uma muuqato inay hididiilo jirto dadaal in la bixiyay dowladdu waxay ku dhawaaqday sharciga hal qof iyo hal cod hase ahaayee sababaha amni oo jira dartii oo waddanki oon gacanta ugu jirin dowladdii Soomaaliland oo kale oo aan doorasho ka dhici Karin intaas oo dhan hadda waxaa ka sii daran cudur COVID-19 oo dadkii fara ba’an ku haya, cudurkaas inay la tacaasho oo ay hadda dowladii ku mashquulsantahay mana ka dhici karto doorashadaas” ayuu yiri Cabdinuur Daahir. Dhanka kale Cabdinuur ayaa shegay in dastuurka dalka uu qabo in doorashooyinka qaranka dib loo dhigi karo haddii ay dhacaan musiibooyin “Dastuurka xitaa dowladda federaalka Soomaaliya ee ku meel gaarka ah waxa uu dhigayaa in haddii musiibooyin qaran ay imaadeen in doorashooyinka ama shaqooyinka mudnaanta u leh in dib loo dhigi karo”. “Soomaaliya doorashadeeda dadka saameynta ku leh ama taageeraya beesha caalamka aa ka mid ah oo lacagta doorashada lagu sameeya dhiiba waxaa sidoo kale ka mid ah ciidanka AMISOM labadoodiba waxa ay ku mashquulsanyihiin inay iska difaacaan cudurka Coronavirus marka waxaan isleeyahay haddii ay dhacdo in Coronavirus sadexda ama afarta bil ee soo socota laga guuleysto waa laga yabaa in doorashadu laba ama saddex bil dib ha u dhacdee inay dhacdo laakiin haddii caalamka ay ku qaadato 5 bilood Soomaaliyana ay ku qaadato 10 bilood in doorashadu hal sanno dib u dhacayso ayey ila tahay” ayuu sii raaciyay Cabdinuur Daahir. Falanqeeyahan ayaa sidoo kale sheegay in xitaa Soomaaliya haddii uu waqtigaan ka dhamaado Coronavirus ay marwalba doorashadu waqtigeeda kadaba marayso isaga oo yiri “Anigu waxaan qabaa oo aan isleeyahay marwalba doorashaan Soomaaliya dib waa u dhacaysaa xilliga loogu tala galay ma qabsamayso Corona dhan haddii xitaa Soomaaliya laga waayo ma suurta galaeyso in bisha December ee soo aaddan baarlamaanka dalka lagu soo doorto hal qof iyo hal cod”. Waxaa sidoo kale, doorashada 2020/2021 Goobjoog News kala hadlay ka mid ah, aqoonyahan Faysal Cabdi Rooble oo ah khabiir ka faalooda arrimaha geeska Afrika isaga oo yiri “Aad baa loogu baahanyahay inay isku yimaadaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo hay’adaha kala duwan meel kaliyana looga wada taliyo, madaxweyne Farmaajo oo dalka ugu sareeya iyo ra’isulwasaarihiisa inay geed gaaban iyo mid dheer ha u fuulaan sidii xurgufta dhextaal loo laali lahaa xataa haddey noqoto lixda bilood ee soo socoto, dan uma ahan madaxtooyada Villa Soomaaliya inay si laab la kac ah ula dhaqaaqdo muddo kororsi dadka iyo dalka oo dhan dan baa ugu jirta iyo maamul goboleedyada bal inta aan lagu dhawaaqin in lakala warqaato” . Xaliimo Ismaaciil Yarey oo ah guddoomiyaha guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka qaranka oo la hadashay Goobjoog News ayaa sheegtay in guddiga ay shaqo wadaan, oo haddii lagu dhaqaaqo in doorasho la qabto ay awoodaan. Mar aan weydiiney sida Covid 19 u saameyn karo shaqadooda waxa ay tiri “ Waan ku faraxsanahay, dadkana ay aad uga welwelaan, waddankan waxaa uu soo maray dhibaatooyin badan, waxaa uu soo maray xuquuq la’aan, dimoqoraadiyad la’aan, isdardar iyo is dilid, waxaanna hiigsaneynaa adduunka sida uu u socdo, kama duninin, oo dad banii’aad ayaan nahay, xoolo ma nihin, maskax ayaa ilaah na siiyey, dadku waa fekerayaan oo dunida wax fiican ayaa ka socdo.., waxaa lagu wada fekeraa in aan noqonno kuwa wax fiican hiigsada, doorasho wax caan ah, oo adduunyada oo dhan ka dhacda, oo qofkii, hey’addii ama dadkii la rabay in dalkaan maamulaan, in la doorto, oo raali laga yahay, shacabkeena middaas ayey sugayaan, xuquuq ka maqan waayey 50 sano. Covid dunida ayaa la mid nahay, waan ka tabar yahay, oo 30 sano ku dhawaad dagaal ku jiray ama soo kabanaayo, hadana la isma dhiganaayo, oo wixii la qaban karo ayaa la qabanaa, oo sida adduunka u saameeyo ayuu noo saameyn doonaa”. Guddiga baarlamaanka u saaray habraacyada waxay ka tiri” Waajibka saaran waxaa waayey, afta qeybood ee ahaan magaalada Muqdisho maxaa laga yeelayaa? Haweenka side loo ilaalinaa 30%, Somaliland xagee doorashadeeda laga qaban doonaa iyo kuraasta xagee la kala geynaa golaha shacabka”. Ma dhaceysaa doorasho qof iyo cod ah sanadkan waxaa ay ka tiri “Doorasho qof iyo cod ah wey dhaceysaa haddii umadda Soomaaliyeed ay u soo diyaar garoobaan, guddi ahaan innaga diyaar ayaan u nahay iney dhacdo doorasho” Ugu dameyntii waxaa ay Xaliimo Ismaaciil guddoomiyaha guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka qaranka ay sheegtay in May 27 hotgati doonaan Baarlamaanka iyaga oo wada go’aanka la xiriira dhicista doorashada ee waqtigeeda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. London (Caasimadda Online) Inkastoo dadka lagu adkeynayo iney wali kala fogaadaan maadaama xaalad adag lagu jiro, hadana Dowladda Ingiriiska ayaa xaqiijisay iney sidii caadiga aheyd u shaqeyn doonaan xawaaladaha lacagta lagu diro. Dhaq-dhaqaaqa xawaaladaha waxaa saameyn ballaaran ku yeeshay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, waxeyna arintaas keentay hoos u dhac dhanka dhaqaalaha si la mid ah nolosha beni’aadamka. Ingiriiska wuxuu ka mid yahay wadamada laga helay kiisaska ugu badan COVID19, sidoo kalana waa wadanka labaad ee dadka ugu badan ay ku geeriyoodeen sida lagu shaaciyay warbixintii ugu dambeysay ee la qoray. Iyadoo ay taasi jirto ayey hadana Safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa tallaabadaan ku tilmaantay mid u ogolaaneysa dadka Soomaalida ee ku nool wadanka galbeedka yurub ku yaala iney taageeraan qoysaskooda ku nool gudaha dalka. Wasiirka Maaliyadda dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa xaqiijiyay in dalka uu khasaari karo 5 Bilyan oo Dollar sabab la xiriirta COVID19, hadii uusan helin kaab dhaqaale oo dibadda kaga yimaada. Qoysas badan oo ku noo Soomaaliya ayaa ku tiirsan kaalmo dhaqaale oo kaga timaada dibadda, UK ayaana ka mid ah wadamada ugu badan oo ay Soomaalida wax ka sugaan, waxaana nolosha dadka halkaas ku nool ciriiri galiyay caabuqa Coronavirus.
  22. “Madaxweyne Muusoow Haddii Aad U Badheedhayso Deegaankan Waxa Kaasoo Horreeyaa Waa Rag, Mushkiladda Ku Haysataana Waa Maxamed Kaahin Oo Aannaan Marnaba Ogolayn Beel Ahaan” Chief Caaqil Maxamuud Cali (SLT-Burco)- Jiif Caaqil Maxamuud Cali Maxamuud oo ah Jiif Caaqilka Guud ee Beesha Muuse Abokor (East Burco Clan) ayaa dhaliilo culus waxa uu dusha u saaray Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo uu ku eedeeyey in aanu nabadaynta Beelaha walaalaha ah ee Gobolka Sanaag daacad ka ahayn isaga oo dhinaca kalena sheegay in ay aad uga soo hor jeedaan deegaan ahaan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo uu ku tilmaamay shakhsi aan deegaankaasi laga jeclayn oo aanay raallo ka ahayn halka uu Madaxweynaha ugu baaqay in haddii uu baddali waayo siyaasadda ka dhanka ah sida uu hadalka u dhigay deegaankooda ay ka tashan doonaan. Jiif Caaqil Maxamuud Cali Maxamuud oo shalay ka mid ahaa odayaal deegaanka ka tirsan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Burco waxa uu eedo u jeediyey Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa Daakhiliga halka uu ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex maryau deegaanka Fadhigaab in ay walaalo noqdaan oo nabadda qaataan isaga oo Guddidii Beelaha East Burco Clan iyo West Burco Clan ugu baaqay in ay qaataan Masuuliyadda nabadaynta beelahaasi ku dirirsan Sanaag. Jiif Caaqil Maxamuud Cali Maxamuud oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Halkan waxa isugu yimid Beesha Muuse Abokor. Anigu waxaan ahay Jiif Caaqilka Guud ee Beesha Muuse Abokor waxaanan xubin ka ahay Guddidii Gar-adag ee Beelaha East Burco Clan. Mudane Madaxweyne horta in aad wax waddo aniga waa la ii sheegay. Waanan kaa arkayaa oo waxaad daawatay Cajalado aan lagaa soo edit garayn oo waxa ay ku yidhaahdaan waa Kacaan diid. Dadkaa halkaa ka hadlayaa ee Cabanayaa waa dadkii rasmiga ahaa ee waddankana wax ugu filnaa waxna yeeli karayay. Mudane Madaxweyne waxaan kuu sheegayaa halkaa deegaankaa Fadhigaab wax aka dhacday mashaqo. Labada beelood ee ku dirirsanba waxaannu ugu baaqaynaa nabad-galyo. Waxaanu leenahay waar walaalo ayaad tihiine gacmaha is qabsada. Beelihii Burco ku shiray waxaanu leenahay Guddidii ha hawl gasho. Dawladda waxaan leeyahay dawladeey ciidan fara badan iyo Tikniko ayaad soo kaxaysay Fadhigaab baad keentay oo aan qaadiba karayn laba Tikniko ah. Madaxweyne haddii farriin qaldan laguu keenana wax sax haddii aad waxan u badheedhaysana waxan aad ku socotaa waa rag. Madaxweynahayagii baad taay waanu ku ixtiraamaynaa sharaf baanu kuu haynaa. Dhibta ugu weyn ee ku haysataa waxa weeyi Maxamed Kaahin Axmed. Haddii aad rumaysan lahayd iyo haddii aanad rumaysateenba waa Maxamed dhibka ugu weyn eek u haystaa. Maxamed Kaahin raalli kama nihin. Reerkaa la yidhaa Axmed Faarax annaga ayaa xadhig u ah oo qabana. Sacad Yoonis iyo Biciide waxaanu leenahay waar tolow nabadgalyo iyo wanaag wax innoo dhaammaa ma jirtee aan wanaag ka wada shaqayno oo aan nabad qaadano. Walaalo noqda oo gacmaha is qabsada”. Ayuu hadalkiisa ku soo kooban Jiif Caaqil Maxamuud Cali Maxamuud. Source
  23. Shirkad lagu magacaabo Maandeeq ayaa muddo 16-sanno ah qaab aan la garanayn u maamulata Dakhli Culus oo Xukuumadda meel weyn ka gufayn lahaa kaasi oo aanay habayaraatee Xukuumaddihii kala dambeeyay ee Kulmiye hoos u eegin islmarkaana aanay Daraasayn mihiimka ku samayn Nadaafadda kawaanka Xoolaha Hargeysa oo Xoolo tiro badan iyo dakhli Culus laga dheefo. Sida lagu baahiyay Shabakadaha Wararka Somaliland ee ay ka mid yihiin shabakadda wararka ee Wargeyska Yool (yoolnews.com) oo aanu warbixintan si rasmi ah uga soo xiganay, Shirkadda Maandeeq ayaa waxa mashruuca Nadaafadaynta “Hygiene” ee Kawaanka Xoolaha lagu qalo ee Magaalada Hargeysa ku wareejisay Xukuumaddii Daahir Riyaale wakhti ku siman Bishii January – 1-Deedii 2006-dii, taasi oo uu door weyn ku lahaa Maayarkii Wakhtigaasi ee Dawladda Hoose Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir,oo la sheego inuu isaga laftiisu ka mid yahay saamilayda Shirkaddan, Waxaanay tan iyo wakhtigaasi oo ay hadda kaso wareegtay 16-sanadood si xor ah iskaga manaafacaadsanaysaa Kawaanka Xoolaha Hargeysa iyadoo aan wax la xisaabtan ah iyo jeekin ah kala kulmin Xukuumaddihii ka dambeeyay Xukuumadii UDUB, Wallaw la sheego inay Qaab laaluusho iskaga maamulan tahay shirkaddani. Shirkaddan ayaa waxay Neefka Geella ah ee lagu qalo Kawaanka ka qaadaa cashuur dhan, 58000-kun oo Shilin Somaliland ah oo nadaafad ah, Neefka Adhiga ahna 12000-kun, halka ay Neefka Lo’da ahna ka qaado 33000-kun, waxa isku celcelis ahaan Maalintii Kawaanka Hargeysa lagu qalaa Xoolo isku gayn noqonaya 5000-Neef oo iskugu jira Lo, Adhi iyo Geel, kuwaasi oo ay ka soo xerooto lacag ka badan 12-kun oo dollar, taasi oo sanadkii Noqonaysa Dakhli ka badan afar Milyan oo dollar, waxaanay lacagtaasi muddo 16-sanno ah sifo aan la garaynayn ugu dhacaysay jeebka Shaqsiyaasi gaar ah oo iska manaafacaadsadda. Arimaha Cajiib ah ee ka yaabiyay Ganacsatada Hiliblayaasha Hargeysa ee ay shirkaddani ku arkayayeen muddo dheer ayaa wax ka mid ah inay shirkaddani si toos ah oo aan qarsoodi lahayn ay uga been sheegto tiradda xoolaha maalinlaha ee lagu qalo Kawaanka Hargeysa si ay u lunsato cashuurta yar ee kuwaajibtay inay Dawladda u xerayso, waxay si maalinle ah tiradda Xoolaha lagu qalo Kawaanka Xoolaha Hargeysa u gudbiyaan Maayarka Hargeysa, iyagoo si layaableh tirada Xoolaha u yareeya, tusaale ahaan waxay geella ka dhigaan 7-neef oo qudha halka ay boqolaal Neef oo Geel ah Kawaanka lagu qalo, taasi oo burbur ku ah nidaamka dakhli ururinta ee Qaranka, iyadoo aanay shirkaddani wax qaliin ah shaqo ku lahayn balse ay mashruuc ku haysato Nadaafadii “Hygiene” Dawladda Hoose qaban jirtay. Dakhli culus ayaa Xukuumadda kaga laaban Kawaanka Hargeysa oo ay shirkaddani nadaafadaynteeda gacanta ku hayso,haddii si fiican loo maamulo waxay kafayn kartaa qaybo dhan oo ka mid ah kharashaadka muhiimka ah ee Qaranka, gaar ahaan Dawladda hoose ee Hargeysa. Waa deked qalan oo aan la ogayn islamarkaana ay dheeftaan shaqsiyaad aan ku xisaabtamayn inay maruun la kulmi doonaan la xisaabtan dawladeed. Source
  24. The African Union and the UN have welcomed the decision by leaders from Somalia, Kenya, and Ethiopia to investigate Monday’s plane crash in southwest Somalia which killed six people on board. In separate statements on Wednesday, senior officials of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) and the UN humanitarian agency said they were saddened and troubled by the unfortunate incident involving an aircraft which was carrying aid supplies for use in the fight against the novel coronavirus. “We would like to pledge our continued solidarity with the governments of Somalia, Kenya and Ethiopia and will support and facilitate investigations aimed at clarifying the circumstances surrounding this incident,” Francois Madeira, AMISOM head of mission said. Both Kenyan and Somali leaders spoke on phone on Tuesday and resolved to conduct joint investigations into the cause of the crash. The Kenya-registered aircraft, belonging to African Express, crashed on Monday in Bardere, southwest Somalia as it approached the airport under unclear circumstances. The plane had six people, including the pilot, co-pilot, flight engineer and a trainee pilot. Kenya and Ethiopia are troop-contributing countries to the AMISOM which has, over the years, been supporting the Somali government in its effort to end the war, bring peace and develop the country. Adam Abdelmoula, resident and humanitarian coordinator for Somalia, said the UN will do everything possible to establish the cause of the incident, noting that the commercial plane was carrying humanitarian cargo for an international NGO. View the full article