Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Allah u naxariisto waxaa maanta magaalada Jowhar ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ku geeriyooday wasiirkii dhaqan cellinta Maleeshiyaadka maamulkaasi. Allah u naxariistee Axmed Cumar Gaaboow ayaa ahaa wasiir iyo xildhibaan ka tirsan maamulka Hirshabeelle waxaana uu u geeriyooday xanuun maal mihii la soo dhaafay uu la jiifay wasiirka. Masuuliyiinta dowlad goboleedka Hir-shabeelle ayaa xaqiiqiyey geerida maanta ku timid wasiirkii Hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeyishaadka Hirshabeelle. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid wasiirka isaga oo tacsi u diraydhammaan maamulka golayaasha iyo qoyskii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee wasiirkii Hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyaadka Marxuum Axmed Cumar Gaaboow. Qoraal la soo dhigay bogga Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa madaxweyne isaga ku hadlayay Afka golayaasha maamulkaasi , iyo Shacbiga ku dhaqan dowlad goboleedka Hirshabelle ayuu marxuumka Allah uga baryey inuu naxariistii janno uu ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan Illaahey ka siiyo. “Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Aad baan ugu naxay marka aan maqlay geerida Wasiir Xildhibaan Sh Libbi waxa uu ahaa shaqsi karti iyo Wadaniyd ku sifoobay wax badan ka soo maray dhismaha Dowladda Hirshabelle. ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/BAr-____-Qubanha-Wrraka-07052020-ww.mp3 View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta waxaa uu ka dhacay degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellada Hoose. Dagaalka ayaa waxaa uu u dhexeeyay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamo ka tirsan milatariga Somalia. Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka ay qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana ay weerar ka fuliyeen saldhigyo ay ciidamada xoogga ku leeyihiin deegaanka Aw-dheegle ee gobolka Shabeellada hoose. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalka ay iska caabiyeen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, islamarkaana halkaasi ay ku dileen 14 ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab. Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in hub fara badan ay ka soo furteen Al-Shabaab. Maalmihii dambe ayay aheyd markii ciidamada xoogga dalka ay howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka shabellada Hoose, inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee ramadaan
  4. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Habeen-07052020-1.mp3 View the full article
  5. Masuuliyiinta Shirkadda HECO Oo Iska Difaacay Eedeymo Loo Jeediyay Source
  6. J2Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ay wehliyeen taliyaha qeybta Booliiska ee Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed iyo taliyaha qeybta galbeed ee Booliiska Gshaanle Dhexe Yuusuf Xundubeey ayaa maanta kormeeray Xarumaha Booliiska ee Degmada Deyniile iyagoo si gaar ah Ciidanka Booliis ay uga howlgeliyeen saldhiga Deyniile oo loo yaqaano Cusboole kaa soo uu maamulijiray maamulka degmadaasi. Mas’uuliyiintan ayaa warbixin ka dhageystay gudoomiyaha degmadaasi Maxamed Abuukar Jacfar, iyagoo intaasi kaddib si gaar ah u kormeeray qeybaha uu ka koobanyahay dhismaha saldhigga cusboole, waxaana taliska Booliiska Gobolka Banaadir uu halkaasi geeyay ciidamo Booliis ah oo si rasmi ah uga howlgalaya saldhiggaasi. Gudoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa dhinaciisa sheegay in saldhiggani uu soo shaqeynayay muddo dheer isagoo soo dhaweeyay in ciidamada boolisku ay dib ula wareegaan saldhiggaasi. “Saldhigaan waxa soo soo shaqeynay muddo dheer waxaana soo dhaweynayaa in Ciidamada Booliska ay la wareegaan waana bogaadineynaa’Sidaas waxaa yiri Guddoomiye Jacfar. Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo warbaahinta Qaranka kula hadlay gudaha saldhiggaasi ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay xabsigaasi la wareegeen kana howlgeli doonaan Ciidamada Booliiska, wuxuuna intaasi ku daray in la baaridoono tacaddiyadii la sheegay in ay halkaasi ka dhaceen. “Waxaan rabaa inaan guud ahaan shacabka aan Sheegno halkaan ma ahan meel qof iska maamusha waaa saldhiigu hore ee Degmada Deyniile mana ahan xabsi gaar loo maamulo sidoo kale eedeymaha loo jeediyay Maamulka Degmada baaritaan ayaa ku socdo natiijadane waa soo bixi doontaa”ayuu ku daray hadalkiisa Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud. Sidoo kale xeer illaaliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa Maamullada Degmooyinka uga digay isticmaalka awood xad ka baxsan mas’uuliyaddooda . “Sidoo kale waxaan Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir iga digeynaa inay bulshada u isticmaalaan adoow ka baxsan masuuliyadda ay bulshada u hayaan si loo illaaliyo kala dambeynta iyo nidaamka sharciga ah ee u yaalla dalka”Xeer illaaliyaha Guud ee Qaran. Ugu dambeyntii Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa warbaahinta uga digay iyo sidoo kale dada isticmaalo social mediayaha inay ku ixtiraamaadan hay’addaha ku shaqada leh garsoorka sidoo kale lala xisaabtami doono cidii jabisa sharciga dalka . Tallaabadan ay ciidamada booliisku maanta kula wareegeen saldhigga cusboole ayaa imaaneysa iyadoo maalmihii la dhaafay ay soo ifbaxayeen warar sheegaya in halkaasi ay ka dhaceen falal yaryar oo ka dhan ah bani’aaddanimada. View the full article
  7. MOGADISHU (HOL) - Thousands of families in Beletweyne in central Somalia are at the risk of flash floods as water levels in Shabelle river near the brim, the FAO has warned. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa dowladda federaalka iyo shacabka ugu baaqday inay ogolaadaan oo ay dhiiri-geliyaan in si daah-furnaan leh loo weriyo saameynta cudurka COVID-19, si loo fududeeyo dadaallada muhiimka ah ee lagu ilaalinayo laguna joogteynayo caafimaadka iyo fayoqabaka shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa hogaamiyayaasha qaranka inay si xooggan ugu ololeeyaan, u difaacaan, u taageeraan, islamarkaana u ilaaliyaan xuquuqda suxufiyiinta iyo shacabka ay u leeyihiin inay helaan akhbaaraadka ku saabsan safmarka COVID-19, iyo horumarada kale ee muhiimka ah ee amniga iyo siyaasadda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay safaaradda. “Waxaan sidoo kale ka fileynaa hogaamiyayaasha Soomaalida ee heer qaran iyo heer gobol inay taageeraan werin sax ah oo aan lagu sameyn faro-gelin ama hanjabaad rabsho ama xabis.” Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in xoriyadda saxaafadda ay u qiimeyso inay muhiim u tahay dowladnimada dimqoraadiga ah. “Bulshooyinka dimqoraadiga ma ahan kuwa dhameystiran, balse waa lala xisaabtami karaa, islamarkaana aragti is-weydaasriga ayaa aas-aas u ah dowladnimo lala xisaabtami karo,” ayaa lagu yiri bayaanka. Safaaradda Mareykanka waxay sheegtay in saxaafadda ay kaalin muhiim ah ka cayaarto war-gelinta iyo waxbarista muwaadiniinta, islamarkaana ay ku amaaneyso suxufiyiinta kaalinta muhiimka ah ee ay cayaaraan. “Mareykanka waxa uu ku garab taagan yahay muwaadiniinta iyo suxufiyiinta Soomaaliya difaacista xuquuqda xoriyadda saxaafadda iyo tan hadalka,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Waa waajibka dowladaha, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Soomaaliya, iyo dhammaan muwaadniinta caalamka inay u hadlaan taageeridda warbaahinta, ilaalintooda iyo kaalinta muhiimka ah ee ay ka cayaaraan bulshooyinka furfuran.”
  9. Booliska Soomaaliya ayaa la wareegay saldhiga Cusboole oo ku yaalla degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, oo maalmihii u dambeeyey warar soo baxayey ay sheegeen in saldhigaas lagu xiro dad aysan ka warqabin dowladda, tacadiyana ka dhacaan. Dowladda Soomaaliya oo baraha bulshada kala socotay wararka saldhigaas ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa booqday Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ay wehelinayeen Taliyaha qeybta Booliiska ee gobolka Banaadir Gen. Saadiq Cumar Maxamed, Gudoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar iyo saraakiil kale. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Suleymaan Maxamed Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay gudaha saldhigaas ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay xabsigaasi la wareegeen kana howlgeli doonaan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, wuxuuna intaasi ku daray in la baari doono tacaddiyada la sheegay in ay halkaas ka dhaceen. Dhanka kale Guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar oo maamulkiisu gacanta ku hayey saldhigaas ayaa sheegay in saldhiga Cusboole uu soo shaqeynayay muddo dheer, isagoo soo dhaweeyay in ciidamada Booliska la wareegaan. Maalmihii u dameeyey waxaa degmada Deyniile ka soo yeeraysay cabasho ku aadan in degmaadaas uu ku yaallo xasbi qarsoodi ah oo tacaddiyo loogu geysto qaar kamid ah dadka shacabka ah. PUNTLAND POST The post Booliska Soomaaliya oo la wareegay xabsi qarsoodi ah oo ku yaallay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Habeen-07052020.mp3 View the full article
  11. Wasiirka Boostada isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan oo goor dhaw la hadlay hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay wado dadaalo looga hortago fatahaad uu sameeyo wabiga shabeelle e Magaalada Baladweyne . “Waxaa goordhaw Garoonka diyaardaha aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ka amba baxay diyaarad siday saambaagyadda loogu talagalay in loo adeegsado ka hortaga fatahaada wabiga shabeelle ee magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan” sidaas ayuu yir Wasiir Boostada Eng.Cabdi Canshuur Xasan. Labo maalmood ka hor ayay aheyd ka markii wafdi balaaran ee uu horkacayay wasiirka Boostada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kormeer qiimeyn ah oo lagu ogaanayo xaaladihii ugu dambeeyay ee fatahaada wabiga shabeele ay ku tageen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Buslhada Magaalada Baladweyne ayaa cabsi xooga soo wajahday markii uu qeybo ka ka mid ah Magaalada uu Fatahaad uu sameeyay wabiga shabeelle waxaan jira dadaalo ay iska kaashayaan Maamulka Gobolka Hiiran iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ee ku aadan sidii looga hartagi lahaa qasaaro ka dhasha Fatahaad iuu sameeyay wabiga iyadoo la ogyahay qasaarihii uu geystay sanadki tagay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Dowladda Oo Daah furtay Hab Fududeynaya In Gurmad iyo Talooyin Caafimaad Ay Helaan Dadka Isku Arka Astaamaha COVID-19 Wasaaradda Amniga Gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta daah furtay Application-ka Badbaado449 (Boda Community) oo loogu tala galay in dadka Soomaaliyeed ay taleefannadooda ku degsadaan kadibna ay ku raadsadaan talooyinka iyo gurmadka caafimaad ee ay u baahanyihiin. Agaasimaha siyaasadda iyo sharciyada ee wasaaradda amniga, Cabdullaahi Faarax, ayaa sheegay in Habkaan (Application-ka) cusubi uu qeyb wayn ka qaadanayo isku xirka bulshada iyo xarumaha caafimaad ee ku howlan la tacaalidda COVID-19. Dr. Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo kamid ah dhaqaatiirta ka howl gala xarunta isku xirka COVID-19 ee 449 ayaa sidoo kale sheegay in habka Badbaado449 uu bulshada u fududeynayo inay taleefannadooda ay si degdeg ah ugu helaan farriimaha caafimaad ee ay u baahanyihiin . Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta in sida ugu habboon ay u xakameyso cudurkaan halista badan ee COVID-19, si looga nabad galo saameynta uu ku yeelanayo nolosha bulsahda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta soo saartay amarro ku wajahan bulshada ku dhaqan deegaannada Jubbaland waxaana amarku si gaar ah u samaynayaa Haweenka oo looga digay in ay xirtaan Niiqaabka indhaha lagu xirto ee dumarka ay qaataan. Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Facebook ee hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in hey’adda horay u joosisay mar kalena ay ku cilinayso in loo hoggaanamo mamnuucidda Niqaabka, sabab la xiriirta feejignaan dhinaca nabad-gelyada ah, waxaana lugu yiri qoraalka ka soo baxay Nabad-suggidda & Sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland. “Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland waxay ku war gellinaysaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan deegaanada Jubbaland in ay ka feejignaadaan adeegsiga ama xirashada Indho shareerka oo kol hore la mamnuucay. Iyadoo laga hortagayo khatar amni oo ka dhalata xirashada Niqaabka ama indho shareerka waxaa suurto gal ah in Cadowga umada soomaaliyeed ay ka faai’deystaan Xirashada Indho-shareerka Xiliga adag ee Lagu gudo jiro ka hortaga Aafada COVID_19, shacabka rag iyo dumarba waxaa ay si siman u isticamaali karaan Gafuur Xirka afka qalaad lagu dhaho Face Mask” Laamaha ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa heegan buuxa la geliyey si ay uga hortaggaan falal liddi ku ah amniga inta lagu jira xaaladda adag ee uu sababay sababay cudurka safmarka ah ee Covid-19 iyo bisha barakaysan ee Ramadaan waxaana muddooyinkii dambe xaafada kala duwan ee magaalada Kismaayo ciidamada ay ka wadeen baaritaanno amniga lagu adkaynayey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Somalia and Djibouti’s covid-19 cases could become the new worry for regional neighbours already fighting their local battles against the scary virus disease. Source: Hiiraan Online
  15. Madaxwayne ku xigeenka koobaad ee Jubbaland mudane Maxamuud Sayyid Aadan ayaa maanta dib ugu soo laabtay maaalada Kismaayo kadib safar shaqo oo uu mudooyinkii dambe ugu maqnaa gobolka Gedo iyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waxaa madaxwayne ku xigeenka garoonka diyaaradaha ee Sayyid Maxamad Cabdulle Xassan ee magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dawlad goboleedka Jubbaland kuwaas oo ay kamid yihiin wasiirro, xildhibaanno, odayyo dhaqameed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Madaxwayne ku xigeenka ayaa imaanshihiisa kadib khudbad ka jeediyay qaybta nasashada ee garoonka diyaaradaha Sayyid Maxamad Cabdulle Xasan isaga oo ka warbixiyay hawlihii shaqo ee uu safarkiisan daaranaa isla markaana faahfaahiyay in hawlihii uu u aaday gobolka Gedo iyo magaalada Nairobi ay ugu qabsoomeen sidii ay dawladdu u qorshaysay guulna ay ku soo dhammaadeen. Wuxuu sidoo kale madaxwayne ku xigeenka ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid wasiirkii waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jubbaland marxuum Maxamad Ibraahim Maxamuud Madaxwayne ku xigeenka ayaa sidoo kale khudbadiisan kaga hadlay halista xanuunka saf marka ah ee COVID-19 ee ku faafaya guud ahaan dalka gaar ahaanna magaalada Kismaayo isaga oo shacabka ugu baaqay in ay taxaddar dheeri ah muujiyaan qaataanna talooyinka dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa soo dhoweeyay kaalinta Soomaaliya ay ka gashay isbrabardhigga lagu sameeyay qiimaha internetka taleefoonka gacanta (Mobile Data). Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 10-ka dal ee ugu qiima jaban adduunka oo dhan iyo dalka 1-aad ee qaaradda Afrika. Warbixin uu soo saartay Cable.co.uk – oo ah bar internet oo isbrabardhig ku sameysa qiimayaasha shirkadaha isgaarsiinta dalalka caalamka – ayaa muujineysa in Soomaaliya ay kaalinta 7-aad kaga jirto adduunka, qaaradda Afrikana kaalinta 1-aad dhinaca qiimaha 1GB ee internet-ka taleefoonka gacanta, kadib markii qiimeyn lagu sameeyay shirkadaha isgaarsiinta ee dalalka adduunka. Warbixintu waxay muujineysaa in qiimaha mobile internet ee Soomaaliya uu aad hoos ugu dhacay 12-kii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo sanad ka hor ay Soomaaliya ku jirtay kaalinta 134-aad ee adduunka ama kaalinta 37-aad ee Qaaradda Afrika. Isbeddelkan ayaa ah mid xawli ah marka loo eego dalalka kale ee qiimeynta kula jira oo qaarkood aan wax isbeddel ah sameynin sanadkii la soo dhaafay. Wasiir Cashuur, oo soo dhoweynayay natiijadan, ayaa sheegay in arrintani ay muujineyso in suuqa isgaarsiinta Soomaaliya uu horumar sameynayo, taasina ay gacan weyn ka geysan doonto sidii uu dalkeena uga hana-qaadi lahaa dhaqaalaha ku dhisan teknolojiyada (digital economy) oo ah halka adduunka maanta ku kala horumaray, waayo internetka jaban wuxuu dhiirrigeliyaa in adeegyo kala duwan bulshada loo marsiiyo dhinaca teknolojiyada. “Natiijada sanadkan waxay marqaati u tahay dadaalka iyo hal-abuurka shirkadaheena isgaarsiinta iyo shaqaalaha ka hawl-gala. Sidoo kale waa arrin muujineysa in dadaalkooda iyo naf-huristooda ay miro-dhal noqonayaan, oo ay u tartami karaan heer caalami,” ayuu yiri wasiirku.
  17. NAIROBI (HOL) - The international community is committing an initial funding assistance of $16 milling to support Somalia’s fight against the COVID-19 pandemic, the US ambassador to Somalia Donald Yamamoto has said. Source: Hiiraan Online
  18. NAIROBI (HOL) - The international community is committing an initial funding assistance of $16-million to support Somalia’s fight against the COVID-19 pandemic, the US ambassador to Somalia Donald Yamamoto has said. Source: Hiiraan Online
  19. Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ay wehliyeen taliyaha qeybta Booliiska ee Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Maxamed iyo taliyaha qeybta galbeed ee Booliiska Gshaanle Dhexe Yuusuf Xundubeey ayaa maanta kormeeray Xarumaha Booliiska ee Degmada Deyniile iyagoo si gaar ah Ciidanka Booliis ay uga howlgeliyeen saldhiga Deyniile oo loo yaqaano Cusboole kaa soo uu maamulijiray maamulka degmadaasi. Mas’uuliyiintan ayaa warbixin ka dhageystay gudoomiyaha degmadaasi Maxamed Abuukar Jacfar, iyagoo intaasi kaddib si gaar ah u kormeeray qeybaha uu ka koobanyahay dhismaha saldhigga cusboole, waxaana taliska Booliiska Gobolka Banaadir uu halkaasi geeyay ciidamo Booliis ah oo si rasmi ah uga howlgalaya saldhiggaasi. Gudoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa dhinaciisa sheegay in saldhiggani uu soo shaqeynayay muddo dheer isagoo soo dhaweeyay in ciidamada boolisku ay dib ula wareegaan saldhiggaasi. “Saldhigaan waxa soo soo shaqeynay muddo dheer waxaana soo dhaweynayaa in Ciidamada Booliska ay la wareegaan waana bogaadineynaa’Sidaas waxaa yiri Guddoomiye Jacfar. Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo warbaahinta Qaranka kula hadlay gudaha saldhiggaasi ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay xabsigaasi la wareegeen kana howlgeli doonaan Ciidamada Booliiska, wuxuuna intaasi ku daray in la baaridoono tacaddiyadii la sheegay in ay halkaasi ka dhaceen. “Waxaan rabaa inaan guud ahaan shacabka aan Sheegno halkaan ma ahan meel qof iska maamusha waaa saldhiigu hore ee Degmada Deyniile mana ahan xabsi gaar loo maamulo sidoo kale eedeymaha loo jeediyay Maamulka Degmada baaritaan ayaa ku socdo natiijadane waa soo bixi doontaa”ayuu ku daray hadalkiisa Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud. Sidoo kale xeer illaaliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa Maamullada Degmooyinka uga digay isticmaalka awood xad ka baxsan mas’uuliyaddooda . “Sidoo kale waxaan Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir iga digeynaa inay bulshada u isticmaalaan adoow ka baxsan masuuliyadda ay bulshada u hayaan si loo illaaliyo kala dambeynta iyo nidaamka sharciga ah ee u yaalla dalka”Xeer illaaliyaha Guud ee Qaran. Ugu dambeyntii Xeer illaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa warbaahinta uga digay iyo sidoo kale dada isticmaalo social mediayaha inay ku ixtiraamaadan hay’addaha ku shaqada leh garsoorka sidoo kale lala xisaabtami doono cidii jabisa sharciga dalka . Tallaabadan ay ciidamada booliisku maanta kula wareegeen saldhigga cusboole ayaa imaaneysa iyadoo maalmihii la dhaafay ay soo ifbaxayeen warar sheegaya in halkaasi ay ka dhaceen falal yaryar oo ka dhan ah bani’aaddanimada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 55 xaalado cusub oo COVID-19 ah. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixita ku sheegtay in 5 bukaan ay u geeriyoodeen xaruunka 19 ruux oo kalana ay ka bogsoodeen. Xaaladaha cusub ayaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (41) Puntiland, (13) iyo Hirshabeelle (hal) ruux. 37 kamid ah bukaannada cusub ayaa la xaqiijiyay inay rag yihiin 18 ayaa haween ah. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 828 guud ahaan 44 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka. Wasiirka caafimaadka ayaa xaqiijisay in COVID-19 uusan xuduud laheyn, qof kasta, da’ kasta, lab iyo dhadig uu si isku mid ugu dhici karo, waxayna ku baaqday in qof kasta uu mas’uuliyad dheeraad ah iska saaro hannaanka xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona. Dowladda oo xoogga saareysa in la ballaariyo hannaanka bulshada looga baarayo cudurka ayaa maanta daah furtay hab cusub oo Mobile-ka lagu degsanayo kaas oo sahlaya in dadka isaga shakiya COVID-19 ay si dhaqsa ah ku helaan talo iyo gurmad caafimaad. Gobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa inta badan sheegata in qaab gaar ah oo adeeg heer sare ah ay u diyaarisay dadka looga shakiyo xanuunka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19, iyada oo dhowr jeer oo horena soo bandhigtay goobo ay ku sheegtay in lagula tacaalayo dadka uu soo rito cudurkaasi. Arrinta yaabka leh ee ay ogaatay Caasimada Online ayaa ah in xukuumada Biixi ay gebi ahaanba adeeg caafimaad oo habeysan aysan u diyaarin dadka cudurkaasi looga shakiyo ama uu aad u soo rito xanuunkaasi ka hor inta ay soo bixin natiijada baaritaankiisu, midaasi oo kor u sii qaadeysa halista caafimaad ee ka taagan gudaha Somaliland. Sida ay xog ku helayso Caasimada Online, shaqaale ka tirsan wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa qaab burinaya sheegashada xukuumada Muuse Biixi ula dhaqmay Gabadh dhawaan iskaga shikisay cudurka Coronavirus, oo ka dalbatay caawimaad deg-deg ah. Gabadhaasi oo ku nool magaalada Hargeysa ayaa Caasimada Online u sheegtay inay ugu horeyntii isku aragtay Qufac, xumad iyo neef qabatin, midaasi oo dhalisay inay iskaga shakiso cudurka halista ee Coronavirus, maadama ay isku aragtay astaamihii ugu waaweyn ee lagu aqoonsanayey cudurkaasi. Dhowr jeer oo ay wacday telefoonka ay wasaarada horumarinta caafimaadku u sameysay inay la soo xiriiran dadka iskaga shikiya cudurkaasi, ayaa haba yaraate laga jawaabin, iyada oo xaaladeeda caafimaad ay kasii dareysay marba marka kasii dambeysa. Qoyska Gabadha ayaa isku raacay inay Gabadhooda gar-gaar caafimaad oo deg-deg ah ay uga doontaan isbitaalada gaarka loo leeyahay, si ay u hesho Oxygen oo xiligaasi ay si aad ah ugu baahneyd, maadama ay laheyd neef qabatin saa’id ah. Iyada oo loo sii qaaday Isbitaalada gaar ah ee Hargeysa, ayaa waxa suurta-gashay in khadka telefoonka isku helaan wasaarada caafimaadka oo iyagu markiiba ka dalbaday in Isbitaalka dowladda ee Hargeysa la keeno gabadha, isla markaana lagula tacaali doono xaaladeeda, waa sida uu waqtigaasi u sheegay sarkaalkii caafimaad ee telefoonka kala hadlayey. Markii la geeyay gabadha Isbitaalka Hargeysa ayaa waxa markiiba la galiyey qeybta Emergency-ga maadama ay aad u qabaneysay Neeftu, walow aysan helin adeeg caafimaad oo dhameystiran, iyada oo aan lagu xareyna meel gaar ah maadama ay iskaga shaki qabto cudurka Corona oo si fudud ugu dhex faafi kara bukaanada kale ee xanuunada kala duwan u jiifa isbitaalkaasi. Arrinta la yaabka leh ee ay Gabadhu noo sheegtay ayaa aheyd in markii lagu xiray Oxygen-ta aysan dhakhaatirtu xirneyn wax qalab ka hortaga, iyagoona qaab aan wanaagsaneyn ula dhaqmayey, waxaana xiligaasi loo ogolaadeyna in gabadh walaasheed ah oo iyadana aan la siin qalabka la iskaga difaaco Coronaha ay xaaladeeda dul joogteyn ka noqoto, midaasi oo meesha ka saaraysa Karantiilkii ay hore u sheegtay xukuumadu Muuse Biixi, kaasi oo ahaa in goob gaar ah lagu baxnaaniyo qofka looga shakiyo iyo kuwa uu soo rito cudurkaasi Ugu dambeyntiina markii ay adeeg caafimaad oo tayo leh ka weyday Gabadhaasi Isbitaalka dowlada, waxay qoyskeedu go’aansadeen in iskaga noqdaan gurigooda, halkaasi oo lagu baxnaaniyo, isla markaana ay ku sugayaan natiijada baaritaanka cudurka ay iskaga shikisay ee Coronavirus. Xukuumada Somaliland ayaa u muuqata mid si dhab ugu diyaar garoobin cudurkaasi safmarka ah oo ku faafay qaar kamid deegaanadeeda, iyada oo ay dhowaana u geeriyoodeen labo qof oo cudurkaasi qabay, iyada oo lala xiriirinayo inaysan helin adeeg caafimaad oo tayo leh, walow ay dhamaatay saacadoodii.
  22. Wasaaradda caafimaadka XFS oo soo saartay warbixinteeda maalin-laha ah ee Covid-19 ayaa shaacisay dad hor leh oo uu soo ritay xanuunka 24-kii saac ee u dambeysay. Warbixinta wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in cudurka Coronavirus laga hlay 55 qof oo hor leh, kadib baaritaan caafimaad oo lagu sameeyey. Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in 41 ruux laga diiwaan-geliyey magaalada Muqdisho, halka Puntland laga diiwaan-geliyey 13 qof iyo HirShabelle oo ah 1 ruux. Waxa kale oo ay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya warbixinteeda ku sheegtay in ay cudurka u geeriyoodeen 5 qof, halka ay ka bogsadeen illaa 19 kale. Tirada guud Covid-19 ee Soomaaliya ayaa ku dhow 1000 qof, waxaana haatan ay sii cagacageyneysaa 928 ruux, sida lagu sheegay warbixinta wasaaradda caafimaadka. View the full article
  23. (SLT-Jubbaland)-Maamul-gobolleedka Jubbaland ayaa deegaannada uu ka taliyo ka Mabnuucay xidhashada Nidaamka ama Indho-shareerka ay Dumarku adeegsadaan. Maamulka ayaa sidaa u yeelay Cabsi laga qabo Falal Amniga lid ku ah, kuwaasi oo ka dhici kara deegaannada Jubba-land. Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal War-gelin ah oo ay soo saartay Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee Dawlad Gobolleedka Jubba-land. Hay’adda Nabad-sugidda ayaa Qoraalkeeda ku sheegtay “Hay’adda nabad-sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland waxay ku war-gelinaysaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan deegaannada Jubbaland inay ka feejignaadaan adeegsiga ama Xidhashada Indho-shareerka oo kol hore la mabnuucay.” Hay’addu waxay sheegtay in sababta loo Mabnuucay tahay in aanay sifo khaldan uga faa’idaysan waxay Hay’addu ku sheegtay Cadowga Ummadda Soomaaliyeed “iyadoo laga hor-tagayo khatarta amni ee ka dhalata Xidhashada Niqaamka amba Indho-shareerka, waxa suurto-gal ah in Cadowga Ummadda Soomaaliyeed ka faa’idaystaan Xidhashada Shareerka xilligan adag ee lagu guda jiro ka hor-tagga Aafada Covid_19. Shacabka, Rag iyo dumarba waxay si siman u isticmaali karaan Gafuur-xidhka afka Qalaad lagu dhaho Face Mask.” Ugu dambayn, Hay’addu waxay shacabka ka codsatay inay ka qayb-qaataan ilaalinta Amniga “Ka qayb qaado ilaalinta Amniga xilli walba iyo xaalad walba..” ayaa la yidhi, qoraalka ka soo baxay Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Maamulka Jubbaland. Source