-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-China)-Dalka Shiinaha waxaa mar kale sare u kacday tirada uu soo ridanayo cudurka Corona ka dib markii Isniinta maanta ah dalkaas laga diiwaangaliyay 17 kiis oo cusub. Shan ka mid ah kiisaskan ayaa waxaa laga diiwaangaliyay magaaalada Wuhan . Magaaladan oo ah goobtii uu cudurka Covid-19 ka soo bilaabmay ayaa waxaa kiisaskani ay yihiin kuwa ka dashay gudaha magaalada oo aan meel kale uga iman. Waa tiradii ugu badnayd oo laga helo Wuhang tan iyo intii shaaca laga qaaday in cudurka laga soo afjara magaaladaasi. Saraakiisha caafimaada ayaa rumaysan in 5 kiis ee la helay ay yihiin shaqsiyaad hal goob ku nool. Magaalada Wuhan oo xudun u ahayd cudurka Corona ayaan dhowr maalmood wax kiisas ah laga soo sheegin. Dalka Mareykanka waxaa 24 saac ee ugu dambeysay cudurka u dhintay 776 qof taasi oo tirada sii kordhinaysa. Waxaa tirada guud ee Mareykanka cudurka ugu dhimatay ay imika gaadhay 79,526. Dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa waxaa ay dowladda ka digtay in mowjad labaad oo cudurka Corona ah laga cabsi qabo. Dalka Australia labada gobol ee ugu wayn dalkaasi oo kala ah New South Wales (NSW) iyo Queensland ayaa waxaa maanta dib loo furayaa iskuulada. Ra’isul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa dhankiisa sheegay in dowladda ay dajinayso qorsha si tar-tartiib ah xayiraadaha loogu qaadayo. Source
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland oo howlgallo ka sameeyey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay illaa saddex nin oo looga shakiyey inay ka tirsan yihiin kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ayaa sheegay in raggaasi ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah, islamarkaana ay ka war sugayaan natiijada. Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray inay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyadaasi oo looga hortagayo falalka amaan dari ee mararka qaar ka dhaca halkaasi. Maalin ka hor ayey sidoo kale markii Boosaaso lagu qabtay nolol iyo geeri rag hubeysan oo ka tirsan Daacish, kuwaas oo weerar ka geysan rabay gudaha magaaladaasi. Magaalooyinka Puntland, sida Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe la dhigay ciidamo dheeraad, si loo adkeeyo amniga magaalooyinkaasi.
-
Waxaa Xalay Magalaada Muqdisho ka da’day ma hiigaan ahaa, oo daad watay kaas oo keenay in ay ka dhalato dhibaato naf iyo maal leh. Xaafado ka tirsan Muqdisho oo la soo xiriiray Goobjoog News ayaa sheegaya in roobkaasi uu dhibaato u geystay qoysas badan, oo qaarkood la la’yahay halka qaar kale isbitaallo jiifaan. Dhanka kale, waxaa uu burbur soo gaaray guryo ku yaalla xaafadaha Muqdisho kuwaas oo meelo hoose ku yaalay, daadka u galay halka guryaha qaar ay xalay oo dhan biyo dhaamin ku jireen. Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in barakacayaasha ay sidoo kale soo wajahday dhibaato adag taas oo ka xanuun badan dadka ku nool xaafadaha. Weriyeyaasha Goobjoog ayaa ku kallahay qeybo ka mid ah degmooyinka Xamar, wixii ka soo baxa la soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay soo gaareen lacago ka kala yimid dowladaha Somaliya iyo Jabuuti. Waare iyo wafdigiisa ayaa la sheegayaa iney kulamo la qaateen maamulka iyo waxgaradka Hiiraan si loo qiimeeyo xaaladda fatahaadda webiga Shabeelle gaar ahaan agagaarka Baladweyn. Madaxweynaha Hirshabelle ayaa qoraal uu xalay soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxaa uu ku sheegay in lix boqol oo kun oo dollar ay ka soo gaartay Jamhuuriyadda Jabuuti. Sidoo kale qoraalka ayuu ku sheegay in shan boqol oo kun oo dollar ay soo gaarsiisa Dowladda Federaalka Somaliya, halka laba iyo afartan kun oo dollar ay siiyeeyn guddiga gurmadka qaranka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysan oo ciidamada sida gaarka u tababaran Danab ay ka fuliyeen duleedka degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu qaaday deegaanka Carabow oo 50 KM u jira magaaladaasi, gaar ahaan goob uu shir uga socday saraakiil ka tirsan Al-Shabaab. Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo ah taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weerarkaasi ay khasaare xoogan ku gaasiyeen Al-Shabaab, islamarkaana ay gabi ahaan cagta mariyeen goobtii uu shirka ka socday, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu shaaciyey in howlgalkaasi ay ku dileen illaa saddex sarkaal oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana uu midkood ahaa Ajnabi ka soo jeeda dalka Maali, kaas oo uu magaciisa ku soo gaabiyey, Abuu Ayman. Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sidoo kale tilmaamay in labada kale ay yihiin Soomaali, islamarkaana ay dib ka soo sheegi doonaan magacyadooda. Waxa kale oo hoosta ka xariiqay in weerarkan ay ku laayeen dagaalyano kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab, walow uusan shaacin tiradooda. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobollada Jubbooyinka ee koonfurta dalka Soomaaliya.
-
NAIROBI, Kenya — When Valentine Ochogo arrived home in Kenya after being laid off from her job at a hot-air balloon business in Dubai, she was put in quarantine in a university dormitory with other travelers — one step in the government’s aggressive, often-lauded campaign to prevent the spread of the coronavirus. Source: Hiiraan Online
-
Turkey’s National Intelligence Organization (MIT) helped rescue a kidnapped Italian aid worker in Somalia, according to a security source on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamada Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Isniin ah shaaciyay, in ay hawlgal qorshaysan ku dileen saddex sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo midkood ajnabi yahay. Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA, ayaa saraakiil ka tirsan Kumaandooska ka soo xigatay, in hawlgalkaasi ka dhacay degaanka Carabow oo qiyaastii 50km u jira degmada Bu’aale ee gobolka Jubada dhexe, kadib markii ciidamadu ay weerar ku qaadeen horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab oo halkaas shir uga socday. SONNA, oo xiganaysa Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska DANAB Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, ayaa ku warrantay in ciidanku ay cagta mariyeen goobtii shirku uga socday horjoogayaasha Al-shabaab, islamarkaana ay ka dileen saddex sarkaal oo midkood ajnabi yahay. Gaashaanle Maalin, ayaa magaca horjoogaha ajnabiga ah ku soo koobay Abu-ayman, oo ka soo jeeda waddanka Maali, balse ma xusin magacyada labada sarkaal ee Soomaalida ah, isagoo sheegay in ay dib ka shaacin doonaan. PUNTLAND POST The post Kumaandooska Soomaaliya oo laayay horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab oo ajnabi ku jiro appeared first on Puntland Post.
-
Degmooyinka Wadajir iyo Kaaraan ee G/Banaadir ayaa xalay isaga hor yimid tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ee shabakadda warbaahinta Shabelle. Labada degmo oo soo bandhigay tartan xiiso badan ayaa galay barbaro, waxaana ay ka wada tirsanaayeen group-ka A, wareega koowaad ee tartanka Shabelle. Wadajir ayaa la timid 12 dhibcood, halka Kaaraan ay iyana keensatay 12, sida uu natiijada ku dhawaaqay, Xasan Weli Sheekh Abuubakar. Guddoomiyaha guddiga tartanka ayaa sidoo kale sheegay in group-ka A oo ay ku wada jireen illaa afar degmo ay ka soo baxeen degmooyinka Wadajir iyo Howlwadaag oo iska sii xaadiriyey wareega labaad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Soomaali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo guddoomiyey shirka guddiga qaran ee xakameynta COVID19 ayaa bogaadiyay dhaqaatiirta ugu waaweyn dalka oo bilaabay in ay ka howlgalaan isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho. Khayre ayaa sidoo kale baaq u diray aqooyahanada kale ee Soomaaliyeed, wuxuuna ka dalbaday inay ka qeyb qaataan la-dadaalanka Coronavirus. “Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Khaire oo guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakameynta COVID19 ayaa bogaadiyay dhaqaatiirta ugu waaweyn dalka oo bilaabay in ay ka howl galaan isbitaalka Martini iyaga oo garab istaagaya dalkooda iyo dadkooda si loo dabiibayo dadka uu soo ritay cudurka Covid19. isaga oo aqoonyahannada kale ee dalku leeyhay ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan dadaallada socda.” ayaa lagu yiri qoraal kooban ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre. Soomaaliya oo dalalka Afrika ee uu saameeyey cudurka Covid-19 haatan kaga jirta kaalinta 13-aad ayaa waxaa kiisaska la xaqiijiyey ay kor u dhaafeen illaa kun qof. View the full article
-
La-taliyaha sare ee wasaaradda caafimaadka XF, Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje) ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo gashay kaalinta 13-aad kala sareynta dalalka Afrika uu saameeyey Covid-19, ayna tahay wax laga naxo faafidda uu sameenayo cudurka. Dr Fuje ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in qof walba uu ku dadaalo qaababka looga hortagi karo caabuqa, iyadoo ay u tahay bad-baado naftaada iyo qoyskaaga. Sidoo kale wuxuu baaq udiray dhalinyarada, isaga oo ka dalbaday in ay noqdaan badbaadiyaha qaranka iyo bad-qabka bulshada Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/cod-jaamac.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-11052020-sx.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in gabar ka mid ah dadka deegaanka ay Sun ku cabtay gudaha degmada Guriceel oo ka tirsan gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in gabadhaasi oo magaceeda lagu sheegay Ifraax la dhigay isbitaalka magaaladaasi, islamarkaana haatan lala tacaalayo xaaladeeda caafimaad. Lama oga sababta ka dambeysa in ay sun cabto gabadhaasi, balse wararka qaar ayaa sheegaya in dhacdadaasi ay salka ku heyso arrimo la xiriira qoys, gaar ahaan muran u dhexeeya, Ifraax iyo Sayigeeda oo ka diiday inuu furo, kadib markii ay ka dalbatay. Xaaladda caafimaad ee gabadhaan oo haatan dhaqaatiirtu ay la tacaalayaan ayaa laga deyrinaa, iyadoona ku jirto xaalad aad u adag, sida ay inoo sheegeen ilo deegaanka ah. Dhowaan ayey aheyd markii dhacdo tan la mid ah laga soo wariyey magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kadib markii wiil dhalinyaro ahaa oo loo diiday gabar uu jecla uu sun ku cabay gudaah degmadaas, inkastoo uu la aqal galay markii dambe.
-
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso, ayaa sheegaya in Laamaha Amniga gobolka Bari ay xabsiga dhigeen ilaa saddex ruux, oo looga shakisanyahay malayshiyaadka Al-shabaab iyo Daacish. Saraakiil ka tirsan hay’adaha Amniga, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay saddex ruux oo looga shakisanyahay kooxaha Daacish iyo Al-shabaab, kuwaas oo lagu qabtay hawlgal ciidanku ka fuliyeen Boosaaso. Saraakiisha ayaa sheegaya, in baaritaan lagu wado saddexdaasi xubnood ee lagu tuhunsanyahay in ay ka tirsan yihiin kooxaha Argagixisada ah, inkastoo aysan weli soo bixin natiijada baaritaanka, islamarkaana aan si buuxda loo caddayn eedaymaha loo haysto. Sidoo kale, maalin ka hor, Laamaha Amniga magaalada Boosaaso ayaa fashiliyay weerar ay soo qaadeen dableey hubaysan oo ka tirsana Daacish, kuwaas oo midkood ciidanku toogasho ku dileen, halka kii kale oo sarkaal sare ahaana dhaawac lagu qabtay. Hawlgalkaas, ayaa sidoo kale lagu qabtay gaari miinaysan oo ay wateen dableyda, kaas oo laga soo buuxiyay hub iyo qaraxyo la doonayay in laga fuliyo gudaha Boosaaso. PUNTLAND POST The post Shakhsiyaad lagu tuhunsanyahay Daacish iyo Al-shabaab oo Boosaaso lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Yamamoto ayaa ka hadlay wada-hadalada Soomaaliya & Somaliland, iyo cudurka Coronavirus, isagoona si yaab leh uga jawaabay su’aal laga weydiiyay mucaawinada Mareykanka ee ku aadan Somaliland, maadama ay ku doodo inay tahay dal ka madax-banaan Jamhuuriyada. Safiirka ayaaa sheegay in xiriir wanaagsan kala dhaxeeyay Madaxdii kala duwaneyd ee talada Somaliland iskaga kala dambeeyay, isagoona si dad-ban u xusay in taageerada Mareykanka ee Somaliland ay door muhiima ka ciyaareyso midnimo labada dhinac, midaasi oo uu sheegay inay uga dan leeyihiin sidii ay Soomaaliya u noqon laheyd mid xoogan. Donald Yamamoto ayaa aaminsan in haddii maamulada dalka iyo dowladda federaalku ay si wada-jir ah u shaqeeyan in wax badan lagu talaabsan karo, weliba xiliga adag ee dagaalka lagula jiro cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19. Yamamoto ayaa sidoo kale banaanka soo dhigay rabitaanka Mareykanka ee ku aadan midnimada Soomaaliya, midaasi oo meesha ka saareysa doonista Somaliland oo iyadu muddo 30-sanno ah baadi-goobeysay ictiraaf aan miro-dhalin, iyada oo xiligan ay sareyso xiisada kala dhaxeysa dowladda federaalka. Waxa kale oo uu carabaabay Safiirku in deyn cafinta Soomaaliya iyo la dagaalanka Covid-19 ay qeyb weyn ka qaadan doonaan doorka lagu rabo midnimada, maadama ay laga maarman u tahay in si isku mid ah u wajahaan, iyagoo koox keliya ah oo si wada-jira u wada shaqeynaya. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Yamamoto, ayaa arrimahaasi kaga hadlay shir jaraa’id oo dhawaan ku qabsoomay adeega ZOOM, iyada oo su’aalo kala duwana lagu weydiiyay, wuxuuna yiri “Waxaaan la shaqeeyey Madaxwayne Cigaal, 1998 markii loo dejinayay qaab dhismeed Somalia. Waxaan kadib la shaqeeyey dhamaantood, Rayaale iyo kuwii kale, hadana waxaan la shaqeeyaa Muuse Biixi. Hadda waxa jira dhawr arrimood oo socda. Ta koowaad waxa weeye in Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ee Abiy uu martigeliyay kullan dhexmaray Muuse Biixi iyo Madaxwayne Farmaajo, waana bilow aad u fiican”. “Arinka kale waxa weeye in COVID-19 iyo sidoo kale dayn cafintu ay ku qasbayaan Somaliland iyo Somalia iyo maamul-goboleedyada xubnaha ka ah inay wada shaqeeyaan sababta oo ah Somaliland waxa ay sii xoogaysanaysaa marka ay taageero u haysato hamigeeda. Kenya, Itoobiya iyo Jibuuti waa muhiim, balse waxa ay ila tahay marka ay jirto isku duwid iyo iskaashi ka dhexeeya Somaliland iyo dawladda federaalka ah iyo dawlad-goboleedyada xubnaha ka ah oo u wada shaqaynaya hal mid ah inay noqon doonto mid xooggan”. “Waxa ay ila tahay in arinku sidaas noqon doono. Waxaan arkaa rajo badan oo ay leeyihiin Somaliland iyo Somalia maanta oo ka badan tii aan qabay shalay, bishii hore, sanadkii hore iyo 1998. COVID-19 iyo dayn cafintu waxa ay ku qasbayaan dhamaan dhinacaydu wada-shaqeeyaan. Maraykanku wuu taageersan yahay., waxaanu doonaynaa inaanu aragno taageero buuxda oo la siiyo Somalia iyo Somaliland”. “Waxaanu doonaynaa inaanu aragno taas, waanuna ka shaqayn doonaa sababta oo ah dadka Somalia iyo Somaliland ayaa doonaya. anana markaas sidaas ayaanu la rabnaa. Way dhan tahay”.
-
Roma (Caasimada Online) – Silvia Romano, oo shalay dib ugu laabtay dalka Talyaaniga kadib 18 bilood oo ay haysteen kooxda Al-Shabaab, ayaa shaacisay inay diinta Islaamka qaadatay. Silvia, oo ah gabar ka shaqeysa samafalka oo neovember 2018 laga soo afduubtay Kenya, ayaa Talyaaniga ka degtay ayada oo xiran xijaab iyo dirac Soomaali, taasi oo dhalisay su’aalo ku saabsan inay islaamtay, waxayna xaqiijisay in sidaas ay dhacday. Waxay sheegtay in go’aankeeda diin qadashada uu yimid bartamihii la haysashadeeda, islamarkaana uu ahaa mid ay si iskeed ah u qaadatay, oo ana lagu qasbin. “Waxaa la I weydiiyey inaan aqristo qur’aanka, kadibna waan ku qancay, anigaana doortay inaan qaato diinta Islaamka, oo ma ahayn mid la igu qasbay,” ayey tiri Silvia Romano oo ay soo xigteen warbaahinta Talyaaniga. “Bilihii la i haystay waxaan sidoo kale bartay qaar ka mid ah luuqadda Carabiga, oo ay i bareen kuwii I haystay, waxaana mar walba la isiin jiray kitaabka qur’aanka oo aan aqrisan jiray.” Silvia waxay sidoo kale sheegtay inuusan jirin wax guur ama xiriir ah oo ay la sameysay kuwii haystay. “Qaadashadeed diinta waxay ahayd mid ku timid si tartiib ah. Ma jirin wax guur ama xiriir ah oo aan la lahaa kuwii I haystay, waxaa naga dhaxeysay kaliya is-xushmeyn,” ayey tiri Silvia Romano. Waxa ay intaas ku dartay in sidoo kale loola dhaqmay si wanaagsan islamarkaana aysan ku xirneyn qool, balse loo ogolaa inay dhaq-dhaqaaqo ayada oo dusha sare lagala soconayo. “Waxay ii xaqiijiyeen inaan la I dili dooni, balse meelo badan oo kala duwan oo weliba xaafado la degan yahay ayaa la ii wareejin jiray muddo kadibba,” ayey tiri. Silvia Romano ayaa waxaa lasii daayey habeenkii Jimcaha, waxaana sii daysamadeeda ka shaqeeyay sirdoonka Talyaaniga oo kaashanaya kuwa Soomaaliya iyo Turkiga.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ‘Fartaag’ oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho xilli shalay laga reebay diyaarad u socotay magaalada Kismaayo ee Jubbaland ayaa eedeymo culus u soo jeediyey Madaxweyne Farmaajo. “Sida ay wax ku wadaan Madaxweyne Farmaajo iyo Taliska Nabad sugidda, wax aan awel indhaha ka qarsanay oo hadda aanaa ka aamusi karinbaa jira, waxa Jubbaland ka socda, oo si gaar gobolka Gedo uga socda, wax laga aamusi karo maaha” ayuu yiri Sanetor Fartaag. Waxa uu sheegay in gobolka Gedo uu qabyaaladeeyay madaxweyne Farmaajo, isla markaana uu maanta gooni uga goostay gobollada maamulka Jubbaland oo uu ka tirsanaa, isaga oo leh ‘reerkeyga ayaa dega’ sida uu hadalka u dhigay Senator Fartaag. “Gobolka dhan ee Gedo oo lawada ogyahay shaqadii uu kasoo qabtay maamulka Jubbaland, in la qabyaaladeeyo oo Madaxweynihii dhamaa yiraahdo inta qabiilkeygu degan yahay ayaan gooni u goosanayaa waa arin aad u fool-xun, umadda Soomaaliyeed waxaan xasuusinayaa in Gedo ay ka tirsan yahay Jubbaland dastuuri ahaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Senator Cabdullaahi Fartaag. Sidoo kale Senatorka ayaa sheegay in kol hore seddax xildhibaan oo u socday gobolka Gedo laga hor istaagay inay ka duulaan garoonka Muqdisho, sida isaga ku dhacdayba, taas oo uu ku macneeyay in Madaxweynuhu uu kala jeedo “Qabiilka aan ka dhashay, yeysan dhaqdhaqaaq ka sameyn halkaas” sida uu hadalka u dhigay. Xayiraadii looga reebay diraayaddii meydka wasiirkii Jubbaland u siday Kismaayo Senator Fartaag waxaa ku wehliyey, Senator Iftiin Xasan Baasto, iyo Axmed Carab oo ah afhayeenkii hore ee maamulka Jubbaland, waxuuna si toos ah ugu eedeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Taliska Nabad sugidda Soomaaliya, isaga oo ka beri-yeelay Ra’iisul Wasaare Kheyre. Senator Fartaag oo wareysi siinayey Idaacadda Kulmiye waxa uu sheegay in diyaaradda laga reebay uu kireeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre, balse amarka looga reebay uu lahaa taliska sare ee NISA, sida ay ku war geliyeen xubnihii loo soo diray inay diyaaradda ka reebaan oo sida uu sheegay ka tirsanaa Nabad sugidda Soomaaliya. Intaas kadib waxa uu sheegay in agaasime ka socday xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo kamid ahaa rakaabka diyaaradda uu toos ula xariiray Ra’iisul Wasaare Kheyre, isla markaana uu ku wargeliyey in senatorada loo diiday inay raacaan diyaaradda, balse Kheyre ayaa amray in la fasaxo oo aan mas’uuliyiintaas laga reebin diyaaradda. Amarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ayuu sheegay inay ka dhega adeygeen xubnahaas ka tirsanaa NISA, isla markaana ay ku adkeysteen in laga reebo diyaaradda, waxuuna si weyn uga mahad celiyey Ra’iisul wasaare Kheyre dadaalkii uu ku bixiyey inay Jubaland gaaraan, balse suurta geli waayey.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa xiray Amiir Faysal oo uu dhalay Boqorkii hore ee Sacuudiga Cabdullah Bin Cabdulcaziz Ala Sacuud, waxaana lagu hayaa meel aan loo ogoneyn in uu cidna xiriir la sameeyo, sida ay sheegtay hey’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch (HRW). HRW oo soo xiganeysa ilo-wareed ku dhow qosyka boqortooyadda ayaa sheegtay in ciidanka amaanku ay Amiir Faysal Bin Cabdullah kasoo xireen dhisme uu qoyskiisu ka deganyahay woqooyi-bari magaaladda Riyadh, 27-kii March, halkaas oo uu isku karaantiilayay sababo la xiriira xanuunka Coronavirus. Ma jirto wax ay mas’uuliyiintu xarigiisa u sababeeyeen. Qofka ay xiganeyso HRW ayaa sheegay in xubnaha qoyska Amiir Fayal aysan ogeyn meesha uu ku xiran yahay iyo maqaamkeeda ilaa iyo hadda. Amiir Faysal ayaa kol hore lala xiray tobanaan ruux oo ay ku jiraan xubno qoyska boqortooyadda ka tirsan. Xilligaas waxa ay ahayd 2017-kii oo uu socday raaf ka dhan ah waxa lagu sheegay musuq-maasuqa. Sida ilo wareedku sheegay, Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in Amiir Faysal la sii daayay December 2017-kii kadib markii ay kula heshiisay in uu u gacan geliyo hanti uu lahaa, waxaana lagu soo rogay xanibaad dhanka safarka ah. “ka sokow mowjado cambaareyn ah, dhaqanka sharci daradda ah ee masuuliyiinta Sucuudiga inta uu talinayo Maxamed bin Salmaan waa mid aan habooneyn,” ayuu yiri, Michael Page oo ah ku xigeenka agaasimaha Bariga Dhexe ee HRW. “Hadda waxaan Amiir Faysal ku dareynaa boqolaalka qof ee sharci-daradda loogu xiray Sucuudiga,” ayu yiri Page. “Xariga Amiir Faysal waxaa mar kale muujinayaa sida ay mas’uuliyiinta Sucuudigu u xushmad darreynayaan sharciga iyo baahida loo qabo in cadaaladdu shaqayso.” HRW waxay sheegtay in Dowladda Sucuudigu ay xirtay sedax amiir bishii March ee sanadkaan, kuwaas oo ay ku jiraan Axmed bin Cabdulcasiis, Maxamed bin Nayef iyo wasiirkii arrimaha Dibadda ee la eryay bishii June 2017, kadib muddo dheer oo uu xabsi guri ku jiray.
