-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta oo Isniin ah shir-guddoomiyay, kulan looga hadlayay isku dubaridka u gurmashada Qardho, oo ay ka qeyb galeen safiirrada dalalka saaxiibbada la ah Soomaaliya, hay’adaha gargaarka, Qaramada Midoobay iyo madaxweynaha Puntlan. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa warbixin faahfaahsan ka bixiyay xaaladda ka taagan Qardho, iyo nuuca kaalmada degdeg ah ee hadda loo baahan yahay. Mudane Xasan Cali Khayre oo isna ka hadlay muhiimmadda ay leedahay in xaaladahaan oo kale wadajir loo wajaho, ayaa ugu baaqay hey’adaha caalamiga ah iyo saaxiibada Soomaaliya, in ay u gurmadaan dadka reer Qardho, si dib loogu soo celiyo noloshii caadiga ahayd. Ra’iisul Wasaaraha oo beesha caalamka uga mahad celiyay taageerada joogtada aha, ayaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Puntiland ku amaanay sida midnimada iyo dhaqsaha leh ee ay ugu gurmadeen dadka ku nool qardho xilligii ay daadadku kusoo rogmadeen. PUNTLAND POST The post Deni iyo Khayre oo Beesha Caalamka kala hadlay Dardar Gelinta Gurmadka Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Turkiga ayaa Axaddii sheegtay in ay beegsan doonto ciidamada Jeneral Khalifa Haftar, haddii ay sii socdaan weerarada ka dhanka ah danaheeda iyo howlgalkeeda diblomaasiyadeed ee Libya. Turkiga waxay taageertaa dowladda caalamka u aqoonsan yahay Libya, waxayna la gashay heshiis wada-shaqeyn militari ah, xilli xukuumadda Tripoli ay isku dayeyso in ay iska caabiso weerarada kaga imanaya maleeshiyada Haftar. “Haddii howlgalladeena iyo danaheena Libya la bartilmaameedsado, waxaan u arki doonaa ciidamada Haftar bartilmaameed sharci ah” waxaa sidaas lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda, oo sidoo kale lagu cambaareeyey QM in aysan tallaabo ka qaadin weerarada Haftar. Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga waxa kale oo ay sheegtay in weerarada garoonka diyaaradha Mitiga ee magaalada Tripoli lagu qaaday Sabtidii ay yihiin dambiyo dagaal. Khamiistii, Turkiga iyo Italy ayaa sheegay in aagga safaaradahooda Tripoli lagu soo duqeeyey hoobiyeyaal. Afhayeen u hadlay ciidamada Haftar ayaa beeniyey inay mas’uul ka ahaayeen duqeymaha. PUNTLAND POST The post Dowladda Turkiga oo ku hanjabtay in ay beegsan doonto Ciidamada Gen. Haftar appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran Kumaandooska Somaaliya ee Danab ayaa sheegay in ay weerareen deegaanka Carabow oo 50-km u jira degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe halkaasoo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa tilmaamay in xiliga ay weerarka qaadayeen uu deegaankaasi shir uga socday saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab. Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga dalka ee Danab G/lle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in ciidanka ay cagta mariyeen goobtii uu shirku ka socday, ayna gaarsiiyeen khasaare culus gaarsiiyeen Al-Shabaab. G/lle Maalin ayaa sidoo kale xusay in ay dileen saddex sarkaal oo mid ka mid ah uu ka soo jeedo dalka Maali, laguna magacaabo (Abuu Ayman), sida uu hadalka u dhigay Sidookale wuxuu tilmaamay in labada kale oo Soomaali ah ay dib ka soo sheegi doonaan Magacyadooda. Maalmihii u dambeeyey ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Somalia. View the full article
-
Tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan oo maraya is-aragii 3-aad ee wareega koowaad ayaa waxaa caawa ku ballansan degmooyinka Dayniile iyo Heliwaa ee G/Banaadir. Labada degmo ayaa sidoo kale ku wada jira group-ka B, wareega koowaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Dayniile ayaa labadii kulan ee hore kulan soo badisay, midna barbaro soo gashay, halka Heliwaa iyadana ay labadii kulan ee hore mid ay gashay barbaro, midna ay ka soo badisay dhigeeda degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dDhexe. Xasan Weli Sheekh Abuubakar oo ka warbixiey kulanka caawa ee u dhexeeya Dayniile iyo Heliwaa oo ka wada tirsan gobolkan Banaadir ayaa sidoo kale shaaciiyey, sida ay isugu aadaayaan degmooyinka is-araga labaad ee tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
-
Xarakada Al-Shabaab ayaa guullo ka sheegatay weerar saacadihii lasoo dhaafay dagaalyahaneeda ay ka fuliyeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Baarsanguuni oo hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab oo lagu faafiyay bartooda wararka ay kusoo bandhigaan ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi ay la beegsadeen saldhig ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi. Warka Al-Shabaab ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in saddex askari ay ku dileen weerarka, islamarkaana 2 ka mid ah ay hubka ka furteen, sida ay hadalka u dhigeen. Dhanka kale ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Jubbaland oo ku aadan weerarkaasi oo uu xigay iska hor imaad u dhexeeyey labada dhinac. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee ku yaalla koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay saacadihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka sameeyeen Garaashyo lagu xareeyo gawaarida oo ku yaalla degmadaasi, kadib markii laga shakiyey. Howlgalladaan ayaa waxaa xooga lagu saarayey sugidda ammaanka xafadaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Kaxda ka dhacayey falal liddi ku ah nabad-gelyada, kuwaas oo uu badan dilal qorsheysan. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/War-Faadumo-cabduqaadir-howlgal-kaxda-.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-110520.mp3 View the full article
-
Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa Axaddii sheegtay inay ciidamada dagaal-ooge Jeneral Khalifa Haftar ka dhigan doonto “bartilmaameed sharci ah”, haddii ay sii socdaan “weerarada ka dhanka ah” danaheeda iyo howlgalkeeda diblomaasiyadeed ee Libya. Turkey ayaa waxay taageertaa dowladda caalamka u aqoonsan yahay Libya, waxayna la gashay heshiis wada-shaqeyn militari ah, xilli xukuumadda Tripoli ay isku dayeyso inay iska caabiso weerarada kaga imanaya maleeshiyada Haftar. Ankara ayaa cidamada Haftar, oo ay taageeraan Imaaraadka, Masar iyo Ruushka, u aragta inay yihiin “kuwa afgambi doonaya”. “Haddii howlgalladeena iyo danaheena Libya la bartilmaameedsado, waxaan u arki doonaa ciidamada Haftar bartilmaameed sharci ah,” waxaa sidaas lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda, oo sidoo kale lagu cambaareeyey QM inaysan tallaabo ka qaadin weerarada Haftar. “Waa wax aan la aqbali karin in QM ay kasii aamusnaato dilalkan,” ayaa lagu yiri bayaanka, oo intaas ku daray “Dalalka taageerada militari, tan maaliyadeed iyo midda siyaasadeed siinaya Haftar ayaa ka mas’uul ah dhibka ay marayaan shacabka Libya iyo qaska iyo xasilooni darrada la geliyey dalka.” Wasaaradda arrimaha dibedda Turkey waxa kale oo ay sheegtay in weerarada garoonka diyaaradha Mitiga ee magaalada Tripoli lagu qaaday Sabtidii ay yihiin dambiyo dagaal. Khamiistii, Turkey iyo Italy ayaa sheegay in aagga safaaradahooda Tripoli lagu soo duqeeyey hoobiyeyaal. Afhayeen u hadlay ciidamada Haftar ayaa beeniyey inay mas’uul ka ahaayeen duqeymaha. REUTERS + VOA
-
The Somali health ministry on Sunday confirmed 57 new cases of the novel coronavirus, bringing the total number of infections to 1,054. During a press briefing, Fawziya Abikar, the health minister, said the death toll has reached 51 after 3 died of the virus in the past two days and 118 people have so far fully recovered. She said the majority of the cases were detected in Banadir that covers the capital, Mogadishu, while others were found in Puntland Hirshabelle and southwest Somalia. The World Health Organization has warned that if the virus transmission is not slowed down rapidly, the patient surge and increasing demand for health care will overwhelm the country’s fragile health system. The Horn of Africa nation has instituted measures to contain the possible spread of COVID-19 including closing schools, banning large gatherings, and suspending international and domestic passenger flights. View the full article
-
Like the rest of the world right now, model and humanitarian Halima Aden is adapting to living under lockdown during the coronavirus outbreak. Born in Kakuma, a refugee camp in Kenya, to a Somali mother, Aden moved to Missouri at the age of seven before finally settling in Minnesota. Currently, the 22-year-old Somali-American is isolating with her roommate and best friend, and has been observing Ramadan for more than two weeks. (The Islamic holy month, which occurs once a year, started on 23 April and will conclude on 23 May.) Here, Aden, who was the first hijabi model on the cover of British Vogue, shares her experience of Ramadan in the time of coronavirus. Source: Hiiraan Online
-
A meeting in Rome in July last year between Director of Public Prosecution (DPP) Noordin Haji, Director of Criminal Investigations (DCI) George Kinoti and top criminal justice officials from Italy laid the ground for the rescue of Silvia Romano, who returned home on Sunday after 18 months in the hands of Al-Shabaab militants. Source: Hiiraan Online
-
The health ministry of Somalia said on Sunday that 57 more coronavirus cases have been reported in the country, which has increased the total number of coronavirus infected patients across the countryto 1,054. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalin laha ah galabta ku shaacisay kiisas cusub oo cudurka Coronavirus ah. Wasaaradda ayaa maanta diiwaan gelisay 35-kiisa oo intooda badan laga helay gobolka Banaadir, sidoo kale Puntland iyo Somaliland ayaa laga diiwaan geliyey qeybo ka mid ah kiisaskan. Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay warbixinta wasaaradda in laga diiwaan geliyay 24 xaaladood, halka Puntland laga diiwaan geliyay 8-kiis, sidoo kale deegaanada Somaliland ayaa laga helay 3-kiis oo Coronavirus ah. Hal qof ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay xanuunkaas u geeriyooday Soomaaliya, sida ay shaacisay wasaaraddu, halka seddax kalena ay kasoo bogsadeen. 25 ka mid ah 35-ta qofood ee maanta cudurkaas laga helay waa rag, halka 10-ka kale ay dumar yihiin. Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 1,089 xaaladood, bogsashada guud ayaa gaartay 121, halka dhimashada uu sababay xanuunkaas ay gaartay 52 qofood, inta la ogyahay.
-
(SLT-Hargeysa)-Maareeyaha guud ee Madbacadda Qaranka Somaliland Mudane Maxamuud Raage Ibraahim oo hawlaha nabadeed ee xukuumaddu ka waddo deegaanka Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag muddooyinkii ugu dambeeyey u joogay deegaamada Sanaag Galbeed oo doonayay in uu soo ladqabeeyo Suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Ducaale oo ka mid ah salaadiinta waaweyn ee Gobolka Sanaag ayay Maleeshiyaad Suldaanku ku urursaday deegaanka Laasdoomaarre ku rasaaseeyeen gaadhigii uu watay iyo 18 xubnood oo la socday. Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya Degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in Wafti ka kooban 18 Xubnood oo uu Hogaaminayay Maareeyaha Guud ee Madbacadda Qaranka Somaliland Md. Maxamuud Raage Ibraahim waxa ay safar ku tageen Deegaanka Laasdoomaare halkaasi oo uu Maareeyuhu doonayey in uu ku soo ladqabeeyo waan waanna ula tago Suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Ducaale oo la sheegay in uu ku dhawaad 100 Maleeshiyaad ah ku urursanayay muddoba deegaankaasi kaasi oo markii waftiga Maareeyuhu Suldaanka u tagay ee la isugu Yimid goob lagu wada hadlo uu Suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Ducaale Maareeyaha u sheegay in uu iska noqdo oo aanay wax jirin wax ay ka wada hadleen balse uu taasi diiday Maareeyaha Madbacadda Qaranku Mudane Maxamuud Raage Ibraahim. Tani waxa ay keentay in Markii Maareeyuhu diiday in uu noqdo amar lagu siiyay maleeshiyaadkii goobta ku sugnaa in ay xoog kaga saaraan deegaanka iyaga oo u adeegsaday hub fara badan iyo rasaas xoog leh. Ilo-wareedyada xog-ogaalka ah ee sida rasmiga ah Wargeyska Foore xalay uga helay waftiga Maareeyaha ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in markii Maareeye Maxamuud Raage Ibraahim diiday in uu dib u noqdo illaa xal iyo waan-waan la gaadho ay maleeshiyaadkii Suldaanku deegaankaasi ku urursaday rasaas iyo hub culus ku bilaabeen gaadhigii uu watay Maareeyaha Madbacadda Qaranka iyo xubnihii la socday oo ka koobnaa 18 Nin inkasta oo wax khasaare ah oo nafeed ahi aanu halkaasi ka dhalan balse ay sidaa ku qaateen moobiladii iyo agab kale taasina ku khasabtay waftiga Maareeyuhu in ay ku soo laabtaan degmada Ceel Afweyn. Xogta Rasmiga ah ee aannu dhacdadan ka helnay waxa ay noo xaqiijisay Markii Waftiga Maareeyaha Madbacadda Qaranku ku soo laabtay Degmada Ceel Afweyn inay degmada ka dhacay isu soo bax ay wax-garadka, odayaasha iyo aqoonyahanada deegaanku sameeyeen oo ay ku shalay ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin falkan lagula kacay Maareeyaha iyo waftigiisa iyaga oo ku baaqay in xaaladda degdeg loo dejiyo nabadna la qaato iyaga oo ku baaqayay dadka deegaanku in Miiska wada hadalka la isugu yimaad oo dhinaca lala qabto dadaallada xukuumaddu ka waddo deegaankaasi ee nabadaynta ah, sidoo kalena ay markii dambe Maareeyaha loo keenay moobiladii iyo agabkii ay kooxda Suldaanku qaateen. Xaaladda ayaa imika degan waxaanay Gobolka Sanaag ku sugan waftigii xukuumaddu u dirtay in ay qaboojiso xaaladda deegaanka Fadhigaab ee Degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag oo dhawaan laba beelood oo walaalo ahi isku fara saareen. Suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Ducaale oo ka mid ah Salaadiinta Deegaanka ayaa dhawaan si adag uga hadlay tallaabadii xukuumaddu dib ugala noqotay Huteelka Hargeysa Kilaab (Hargeisa Club) oo isaga iyo Muwaadin kale hore loo siiyay balse xukuumaddu dhawaan amar ku soo saartay in dib loogala noqday arrintaasi oo keentay in Suldaanku si weyn uga kaco warkanna noo xaqiijiyay in uu deegaankaasi ku urursaday 100 maleeshiyo beeleed ah. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Waxaa soo ifbaxaya inaanay Hay’addaha Qaranka Xukuumadda Somaliland ka sinayn islamarkaana ka midaysnayn hanaanka wacyigalineed ee lagaga hortagayo Fiditaanka Cudurka Carona kaasi oo ay ugu horayso in bulshada la kala fogaayo, lalana dagaalamo isku imaadyada iyo isku ururka. Hay’adda Barakacayaasha Somaliland ee uu gudoomiyaha ka yahay Cabdikariin Xinif, ayaa waxa maalmahana ka socda talaabooyin ka yaabiyay bulshada intii indhaha ku dhufatay, waxaanay kaamboolka dayrka ay ku wadaagaan wasaaraddaha kale ka buux dhaafiyeen boqolaal qaxooti yaminiyiin u badan kuwaasi oo aan ku wacyigashayn ololaha qaranku wado ee lagaga hortagayo Cudurka Carona Virus ee maanta sida baahsan ugu dhex fidaya Somaliland waxaanay si habacsan Shalay oo u dambaysay isku dhex daadsanaayeen xafiiska Xinif hortiisa, taasi oo u muuqatay inay iskugu yeedheen oo ay raali kaga ahaayeen Masuuliyiinta sare ee Hay’addaasi. Arintan ayaa ku soo aadaysa Wakhti la mamnuucay kullamada iyo isku imaanshaha bulshadda si looga hor tagga faafi taanka Cudukra karoona Fayras, taasi oo muujinaysa in Xinif aanu dheg jalaq u siin go’aamadda Madaxweynaha iyo guddida karoona Fayras, balse uu tiisa iska wato. Arintan ayaa keeni karta khatar caafimaad darro xili ay sii korodhayso tiradda dadka u geeriyooday iyo kuwa oo soo ritay cudurka karoona Fayras guddaha Somaliland. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa hore u sheegay in la joojiyey kullamada iyo shirarka si looga hor-taggo cudurka karoona Fayras, iyadoo guddida karoona Fayrasna ay sidaas oo kale sheegeen in aan la ogolayn isku imaansha dadka,isla markaana in tallaabo laga qaadi doono ciddii u hoggaansami weyda go’aamdaas. Wallow aanay ogolanayn Hay’addaha kale ee kaamboolkaasi kula jiraa, haddana lama garanayo talaabadda ay xukuumaddu ka qaadan karto si aanay mar dambe arintani u dhicin. Dhanka kale arintan ayaa muujinaysa Guddoomiye Xinif inuu u muuqda masuulka kaliye ee ka tirsan Xukuumadda Madaxwenyne Biixi ee ka hor yimid go’aankii Xukuumadda ee xakamaynta cudurka karoona Fayras gaar ahaan kala fogaanshiyaha (Social distance), isagoo ku soo beegaya kulamadiisa wakhtigan oo ay Xukuumaddu la tacaalayso sidii ay uga horteggi lahayd faafitaanka cudurka Karoona Fayras . Dhawr jeer oo aanu telefankiisa gacanta garaacnay Xalay Gudoomiye Xinif si aanu wax uga waydiino arrintan ayaanay noo suurto galin in aannu ku helno kadkaasi. Source
-
(SLT-Berbera) Magaalooyinka Boorama iyo Berbera, ayaa noqday magaalooyinka ugu horeeyey ee laga joojiyo tukashada salaada Taraawiixda si looga hor taggo faafista cudurka karoona Fayras, waxaana loogu baaqay dadka inay ku tukadaan guryahooda. Toddobaadkii hore ayey labada Masaajid ee ugu waa weyn Magaalada Boorama ee Al-Hudda iyo Geed Goble ay imaamyadoodu sheeciyeen in ay joojiyeen tukashada salaada Taraawiixda si looga foojignaado faafista cudurka karoona Waxayna ku baaqeen in guryaha lagu tukado salaada Taraawiixda, xiliga uu jiro cudurka safka ah ee Covid-19, maadama uu cudurkaasi si fudud ugu dhex faafi karro isku imaanshaha Bulshada. Sheekh Maxamed Siciid ‘Saaweer’ oo kamida ah maamulka masaajidka Huda, isla markaana ah Imaamka masjidkaasi, ayaa si cad u sheegay in shanta salaadood ee kale sidoodii loogu tukan doono masaajidka, balse laga joojiyo uun salaada Taraawiixda. Madaxweyne Biixi iyo gollihiisa wasaaradda ayaa shirkoodii maalintii khamiistii ina dhaaftay ku bogaadiyey imaamada labada masaajid ee Boorama joojista ay joojiyeen salaada Taraawiixda inta lagu gudda jiro la dagaalanka ka hor-tagga faafista cudurka karoona“Ugu dambayn waxay golluhu ay boggaadinayaan iimaamada labada masjid ee masjidka Al Hudda iyo masjidka Geed Goble ee Magaalada Boorama ee gobolka Awdal oo hakiyey salaadihii Jamaacadda Muddada lagu jiro cudurkan saf mareenka ah ee karoona Fayras, taasi oo ay muujiyeen inay lexejeclo weyni ay ka hayso dadkooda iyo dalkooda, madaama oo uu cudurkani uu ku fidayo isku imaantinka .”Ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Dhanka kale Maamulka gobolka Saaxil iyo culimadda gobolkaas, ayaa isla qaatay in la joojiyo tukashada salaada taraawiixda si looga gaashaanto fiditaanka cudurka karoona “Culimadda gobolka Saaxil gaar ahaan Berbera waxaanu isla fahanay oo isla qaadanay in aynu salaadii sunaha ahayd ee Taraawiixda dhammaanba Masaajidada laga joojiyo .” Ayuu yidhi Badhasaabka Saaxil Geesta Kale Qaar kamid ah culimadda Magaalada Berbera oo halkaas ka haddlay ayaa ugu baaqay bulshada inay ku tukadanaa guryahooda salaadaha taraawiixda “Waxaanu isla qaadanay in salaadii Tarawiixda la joojiyo oo dadku ay guryahooda ku tukadaan oo aynu inta aynu qof bad-baadin karrayno bad-baadino oo xanuunkaasi aanu sabab teena ku faafin,oo salaada Taraawiixda ay dadku guryahooda ku tukadaan, go’aankaasi wuu ka dhaqan galay Masaajidadda Berbera habeen hore ayey fuliyeen oo ay joojiyeen salaadaha taraawiixda .” Source
-
Rome (Caasimada Online) – An Italian aid worker, who was abducted in Kenya in November 2018 has revealed that she converted to Islam. An Italian news outlet reported. Ms Romano, was seen wearing full Islamic clothes after she stepped off an Italian government plane at Rome-Ciampino International Airport. The young woman dismissed speculations that she suffered psychological problems during her kidnapping, she also declined she was forced to get married and convert to Islam. “Nobody forced me, it’s not true that I was forced to get married, I didn’t have any psychological problems, It happened in mid-captivity when I asked to be able to read the Koran and I was satisfied”. Romano denied speculations that she married one of her jailers, she said these reports are baseless and an attempt to spread false information against me. “I was held in different places and I never felt imprisoned, Quran was made available to me, I learnt some Arabic which further facilitated me to comprehend the teachings of Islam, my conversion process went slowly” Romano, 24, touched down at Rome’s Ciampino airport aboard a special flight at about 2 p.m. (1200 GMT). Escorted by masked men from the intelligence service, she lowered her mask briefly to display a broad smile after she descended the steps from the jet before hugging relatives waiting for her at the airport. Shortly after Romano spent some time with her families, she was taken to the barracks to meet the prosecutors who started an investigation surrounding her kidnapping in Kenya. “Every three months I changed my lair”, I was held in three different Lairs namely, Bula Falay, Harardhere and Janale. Silvia told the investigators giving new details of those past months without ever having been tied up or seeing her captors in the face. I never met other women, so the jailers, always the same and present in three, she explained. “They assured me that I would not be killed and so it was,” she added. Silvia Romano was abducted in late November 2018 by unknown armed men in Kenya while volunteering as an aid worker but later ended up in the hands of militants linked to Somalia’s al-Shabab Islamic extremists.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ayaa ka soo baxaya khasaraha ka dhashay roobab mahiigaan ah oo xalay ka da’ay magaalada Muqdisho. Roobabka oo geystay khasaare naf iyo maalba leh ayaa waxaa saameynta ugu daran ay ku yeesheen dadka danta-yar, gaar ahaan kuwooda barakcayaasha ah. Wararka ayaa sheegaya in illaa labo qof ay ku dhinteen roobabkii xalay, kuwaas oo ku sugnaa degmada Wadajir, kadib markii uu ku soo dumay dhismo ay daganaayeen. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dad badan ay isaga barakaceen guryahooda, kuwaas oo deganaa Ceel-Qalow, Tarabuush iyo xaafada kale. Dhinaca kale roobabkaan oo saacadihii la soo dhaafay si xoogan iga da’ay Muqdisho ayaa sameeyey wadooyinka waa weyn caasimada, kuwaas oo uu burbur soo gaaray. Waxa kale oo jira gawaari fara badan oo godad ku dhacay, kadib markii ay biyuhu jareen jidad badan oo muhiim u ah shacabka. Dhibaatada ugu daran ayaa waxaa wajahaya qoysaska barakayaasha iyo kuwa danta yar, kuwaas oo aan heysan meel ay kaga gabaadsanaa roobka iyo dhaxanta dhaceysa.
-
(SLT-Riyadh)-Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa xidhay Amiir Faysal oo uu dhalay Boqorkii hore ee Sacuudiga Cabdullah Bin Cabdulcaziz Ala Sacuud, waxaana lagu hayaa meel aan loo ogoneyn in uu cidna xidhiidh la sameeyo, sida ay sheegtay hey’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch (HRW). HRW oo soo xiganeysa ilo-wareed ku dhow qosyka boqortooyadda ayaa sheegtay in ciidanka amaanku ay Amiir Faysal Bin Cabdullah kasoo xidheen dhisme uu qoyskiisu ka deganyahay woqooyi-bari magaaladda Riyadh, 27-kii March, halkaas oo uu isku karaantiilayay sababo la xidhiidha xanuunka Coronavirus. Ma jirto wax ay mas’uuliyiintu xadhigiisa u sababeeyeen. Qofka ay xiganeyso HRW ayaa sheegay in xubnaha qoyska Amiir Fayal ayna ogeyn meesha uu ku xidhan yahay iyo maqaamkeeda ilaa iyo hadda. Amiir Faysal ayaa kol hore lala xidhay tobanaan qof oo ay ku jiraan xubno qoyska boqortooyadda ka tirsan. Xilligaas waxa ay ahayd 2017-kii oo uu socday raaf ka dhan ah waxa lagu sheegay musuq-maasuqa. Sida ilo wareedku sheegay, Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in Amiir Faysal la sii daayay December 2017-kii kadib markii ay kula heshiisay in uu u gacan geliyo hanti uu lahaa, waxaana lagu soo rogay xanibaad dhanka safarka ah. “ka sokow mowjado cambaareyn ah, dhaqanka sharci daradda ah ee masuuliyiinta Sucuudiga inta uu talinayo Maxamed bin Salmaan waa mid aan habooneyn,” ayuu yidhi, Michael Page oo ah ku xigeenka agaasimaha Bariga Dhexe ee HRW. “Hadda waxaan Amiir Faysal ku dareynaa boqolaalka qof ee sharci-daradda loogu xiray Sucuudiga,” ayu yidhi Page. “Xadhiga Amiir Faysal waxaa mar kale muujinayaa sida ay mas’uuliyiinta Sucuudigu u xushmad darreynayaan sharciga iyo baahida loo qabo in cadaaladdu shaqayso.” HRW waxay sheegtay in Dowladda Sucuudigu ay xidhay saddex amiir bishii March ee sanadkaan, kuwaas oo ay ku jiraan Axmed bin Cabdulcasiis, Maxamed bin Nayef iyo wasiirkii arrimaha Dibadda ee la eryay bishii June 2017, kadib muddo dheer oo uu xabsi guri ku jiray. Source
-
(SLT -Hargeysa) Qaar kamid ah Shaqaalaha ammaanka ee Garoonka Diyaaraddaha ee magaalada Hargeysa, ayaa shalay ka gadooday lacag ay laga musuq-maasusay oo ay lahayeen,waxaanay cabasho la hor-teggeen xafiiska Mareeyaha Hay’adda Duulista Shaqaalahan ayaa la sheegay inay hore ugu gudbiyeen Cabashadooda Masuuliyiinta Hay’adda duulista iyo Hawadda Somaliland, balse markii ay wax-ba ka qaban waayeen cabashoodooda ay keentay inay sameeyaan gadood cabasho ah oo la hor-taggeen xarunta Hay’adda Duulisa iyo gaadiidka cirka Dhanka kalena shaqaalahan ammaanka Madaarka Hargeysa ee laga musuq-maasuqay lacagahoodii, ayaa waxay la weriyey inay cabashooda ay soo gaadhsiiyeen Hay’adda Shaqaalaha Dowlada, kadib markii ay ka caal waayeen inay wax u qabato Hay’adda Duulistu. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan amuurtan oo ka soo baxay Hay’adda Duulista iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, balse waxay shaqaalaha ammaanka ee Madaarka Hargeysa ay sameeyeen shalay gadood ay la hor-taggeen xarunta Hay’addaas, iyagoo ka cabanayey lacago laga musuq-maasuqay. Source
