-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka wasaaradda Caafmaadka dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cabdi Macalin Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ee caasimadda maamulkaas ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeey ee cudurka Covid 19 ee laga diiwaan geliyay degaanada Hirshabeelle waxaa uuna sheegay in guud ahaan Hirshabeelle laga helay 6ruux tan iyo markii cudurku uu soo gaaray dalka. Wasiirka Caafimaadka ayaa Bulshada ku nool Hirshabeelle ugu baaqay in ay qaataan talooyinka wasaaradda Caafmaadka Dowlada Soomaaliya iyo tan Hirshabeelle si looga hortago faafida Cudurkan dunida dhibaatada ba’an ku haya ee Coronavirus. Dhanka kale Wasiirka caafimaadka Cabdi Macalin Maxamed ayaa sheegay inay diyaariyeen goobo dadka lagu karantiilo oo qofka isaga shakiya ama uu ku dhaco Covid19 uu tagi karo si baaris loogu sameeyo. Masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa kamid ahaa dadkii u dhintay xanuunka Coronavirus. PUNTLAND POST The post xaaladda Xanuunka COVID-19 ee degaannada Hirshabeelle oo kaga warbixiyay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay inuu aaminsanyahay inaanay Soomaaliya dhammaystirnayn inta ay maqanyihiin shacabka reer Somaliland. Raysalwasaare Xasan Cali Khayre oo khudbad u jeediyay beesha caalamka 28 April, ayaa khudbadaas oo uu Geeska Afrika helay, wuxuu ku sheegay inay doonayaan inay dib u soo celiyaan midnimadii Soomaaliya ee xorriyada qaadatay sannadkii 1960. “Gundhiga doodu, waa doodda dib u midaynta dalkayaga. Waxaanu rumaysanahay in dalkayagu aanu dhammaystirnayn iyadoo ay maqanyihiin walaalkahayaga reer Somaliland.” Sidaas ayuu yidhi Xasan Cali Khayre oo intaas raaciyay “Waxaanu rabnaa inaanu dib u dhisno Soomaaliyadii aanu xorriyada ku qaadanay.” Ayuu yidhi Xasan Cali Khayre. Hadalkan ayuu Xasan Cali Khayre kula hadlayay dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka amni iyo dhismaha kaabayaasha dawladda uu madaxda ka yahay. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay xidhay ganacsade u dhashay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya Shariif Axmed. Ganacsadahan oo ganacsi ku leh dalka UAE ayaa waxa la sheegay in dawladda UAE ku tuhuntay inuu shidaal uu ka iibsaday dalkaas uu ka iibiyay xuutiyiinta Yemen. Warku wuxuu sheegay in ganacsadahan oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee shidaalka ugu badan ka iibsada dalka UAE, una iib keena dhulka Soomaalida ay dawladda UAE muddo ku raad-joogtay, mana jirto wax war ah oo ay dawladda UAE ka soo saartay xadhiga ganacsadahan. Ganacsadahan ayay wararka qaar sheegayaan inuu xidhiidho ganacsi oo shidaalka ah la leeyahay xubno ka tirsan ganacsatada Somaliland ee dalka keena shidaalka ay ka soo waaridaan dalkaas UAE. Source
-
ADDIS ABABA (HOL) - The African Union has proposed a one-year term extension for its continental military force in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
ADDIS ABABA (HOL) - The African Union has proposed a one-year term extension for its continental military force in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Baardheere (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka dowladda uu dil ka geystay Baardheere. Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay gabar dhalinyaro ah oo ka mid aheyd dadka deegaanka, taas oo la sheegay inuu xariir kala dhexeeyey askariga dilay. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dilka uu yimid, kadib muran xoogan oo ka dhashay mooto uu lahaa askariga oo ay uga ciyaarayeen caruur ku sugneyd halkaas, waxaana kadib rasaas uu furay la sheegay inay haleeshay gabadha geeriyootay oo meesha joogtay. Wararka ayaa intaasi ku daraya in uu jiray is-faham waa muddooyinkii la soo dhaafay u dhexeeyey askariga wax dilay iyo Allaha u naxariistee gabdha geeriyootay. Dhinaca kale madaxa dambi baarista ee degmada Baardheere, Cabdi Guhaad Maxamuud oo la hadlay waraahinta ayaa xaqiijiyey dhacdadaasi, wuxuuna sheegay inay haatan wadaan baariraano dheeraad ah, islamarkaana ay dib ka shaacin doonaan natiijada. Ehellada marxuumada oo diiday in la adeegsado magaca gabadhooda ayaa dalbaday cadaalad, waxayna ku baaqeen in deg-deg maxkamad loo soo taago askarigaasi.
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in aanay sinaba suurtagal ku ahayn midnimo dhex marta Somaliland iyo Soomaaliya, xilli la sheegay in Raysal-wasaaraha Itoobiya iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ay wadaan dedaalo ku waajahan midnimada labada dal. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xanuunka Coronaha, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Somaliland maaha dal si yar oo fudud loo hoos gayn karo Soomaaliya, qaranimada Somaliland maaha mawqif laga noqon karo, cid midnimada Soomaaliya nagu qasbi kartaana ma jirto, dal ha ahaado, dawlad ha ahaado, Safiir ha ahaado, maxaa yeelay mawqifka Somalilandnimada waa mawqif ay Shacabka reer Somaliland qaateen”. Mar uu ka hadlayey xanuunka Coronaha ayaa yidhi “Dhimashadii dadku way sii kordhaysaa, xanuunkana halistiisu ayuu leeyahay, ee ILLAAHAY ayaa wax ilaaliye ee dadka ha is ilaaliyaan, oo xanuunkan ha iska ilaaliyaan”. Source
-
Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo ah guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa lagu wadaa in ay ku dhawaaqdo xilliga doorashada guud ee Soomaaliya la galayo, waana dhammaadka bishan May sida uu dhigayo sharciga doorashada. Wareysi gaar ah oo ay Goobjoog News siisyey ayaan wax weydiiney arrinkan guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil waxayna tiri” Si fiican ayuu noogu diyaarsan yahay, waxaan sugeynaa sida sharciga doorashada ku dhigan waxaa uu leeyahay 6 bilood ka hor maalinta doorashada loogu talogalay guddigu waa inuu baarlamaanka hortago, waxay ku aadan tahay 27-ka May, waa waxyaabaha aan hadda ka shaqeyneyno sidii aan baarlamaanka u hortagi laheyn, si fiican ayaan uga shaqeynay”. Akhriso: Qodobka 13-aad, farqradiisa 3-aad ee sharciga doorashada: Baarlamaanka federaalka ah oo hadda fasax ku maqan ayaan la ogeyn in xilligaas ka hor ay fariisan karaan ama iney la kulmi-doonto uun guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah si ay go’aanka ugu sheegto. Iyada oo ay sidaa tahay hadana waxaa baarlamaanka federaalka ah uu guddi gaar ah u saaray sameynta habraacyada doorashada, waxaa kale oo isla goleyaasha sharci-dejinta horyaalla sharciga xisbiyada oo dib u eegis ku jira, welina dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada kama heshiin nooca doorashada. Siyaasiyiin iyo falanqeeyeyaal la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegeen iney adag tahay doorasho qof iyo cod ah sanadkan dalka ka dhacdo iyaga oo soojeediyey in lagu laabto middii 2016-ka ama waxyar laga badalo. International Crisis Group oo iyana hadashay ayaa soojeedisay arrintaas oo kale oo ah iney doorashada golaha shacabka ka qeyb galaan 14,000 oo ergo kuwaasoo dooranaya 275 oo kuraasta golaha shacabka ah. Xisbiyada mucaaradka ayaa walaac ka muujiyey in Nabad iyo Nolol aaney daacad ka aheyn doorasho qof iyo cod ah iney dhacdo 2020-ka iyada oo la diiwaangeliyey 82 xisbi oo aaney ku jirin midka xukuumadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Meelo ka mid ah Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa waxa la sudhay Makarafoono waaweyn. Makarafoonnada ay oo ay sudheen Guddiga ka hor-tagga Xanuunka Covid_19 ee dunida aadka ugu faafaya ayaa waxa Maalin iyo habeenba ka socda Wacyi-gelin Dadweynaha loogaga digayo inay isku soo dhawadaan, Suuqyadana maraan iyagoon gashanayn Af-saabka iyo Golofiska Gacmaha si ay uga taxadaraan Xanuunka Covid_19. Sidoo kale, waxa Jidadka Hal-bowlaha ah ee Caasimadda qaarkood la sudhay Boodhadh waaweyn oo ay ku xardhan yihiin Kalmado ay ka mid yihiin ‘Kala fogaada’. Laakiin, Shacabka Reer Somaliland, gaar ahaan Shacabka Caasimadda qaarkood ayaan Wacyi-gelintaasi dheg-jalaq u siinin isla-markaana sii wada isku imaanshiyaha iyo kulamada aan macnaha badan lahayn, taasi oo khatar ku ah Caafimaadka Bulshada guud ahaan. Wargeyska Geeska Afrika oo u guur-galaya Xaaladda suuqyada Hargeysa iyo siday Mashquulka u yihiin iyo bal in Dadweynuhu isku dayayaan inay kala durkaan, ayaa ogaaday in weli Dadweynaha ka dhaadhicin wacyi-gelinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Guddiga ka hor-tagga Covid_19 ay wadaan, waxaana taa sii dheer dood ka dhex taagan Dadka gashada Af-saabka iyo Gacmo-gashiga iyo Dadka aan labadaa Midna Xidhan. Wargeyska ayaa la kulmay Tobannaan Rag ah oo Shax ku hoos Ciyaaraha Boodhadhka ay ku xardhan yihiin Wacyi-gelinta Xanuunka Covid_19. 10-kii qof ee Dadkaa ka mid ah mid baa xidhan Af-saab (Facemask), taasi oo muujinaysa khatarta jirta. Hab-dhaqanka Shacabka reer Somaliland ayaa u muuqda mid lid ku ah Wacy-gelinta Bahda Caafimaadka ee ka digaya Cudurka Covid_19, maaddaama oo Soomaalidu tahay Dad ku nool Sheekooyin ‘maxaa la yidhi ah’. Dadka Suuqyada isugu yimaadda ayaa qaarkood Wargeyska u sheegeen in aanay guryaha fadhiyi Karin oo ay doonayaan inay Asxaabtooda la soo sheekaystaan, taasi qayb ka ah khatartaha xilligan jira, maaddaama oo isku imaanshiyuhu yahay waxyaabaha fududaynaya in xanuunku faafo, wallow ay jiraan Dad badan oo suuqyada u soo gala inay helaan waxay kula noqdaan Qoysaskooda. Source
-
Dozens of people have been arrested by Somali security forces after massive security operations targeting individuals suspected to have links with Al-shabab have been conducted in Mogadishu and nearby areas on Tuesday night. Somali security forces said dozens of people were rounded up mostly youths during the widespread overnight house-to-house search operations carried out in parts of Wadajir, Dherkenley and Kahda districts. Security forces said the massive operations was aimed to hunt Alshabab militants planning to launch attacks and assassinations. The operations also targeted criminals and gangsters who have been terrorizing residents during the day and at night. Residents in Wadajir district said some people have been detained by Somali security forces and were taken to an unknown location. Hundreds of heavily armed security personnel, including intelligence officers were involved in the security check operations which began in the evening and wrapped up before dawn. A police officer, who spoke on condition of anonymity , said. The operations come days after several mortar shells suspected to have been fired from the mentioned districts targeted Halane base camp in Mogadishu, killing at least four family members near the base camp. Al-Shabaab claimed responsibility for that attack. Most of the detainees were released after questioning, but some of them were taken into police station. Mogadishu capital has seen deadly attacks that has left dozens killed, with several of those attacks claimed by Al-Qaeda affiliate, Al-Shabaab.
-
(SLT-Ankara)-Dawladda Turkiga ayaa ku eedeeyay Imaaraadka Carabta inay fowdo u horseedeen Bariga Dhexe iyaga oo faragalin ku haya Liibiya iyo Yemen, waxaana la filayaa in eedaymahani sii huriyaan xiisada u dhaxeysa xulafada gobolka. Wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu oo ka jawaabayey dhaleecayn looga soo jeediyey doorka Turkiga ee khilaafka Libya, oo hore ay ugu direen ciidamo militari ah si ay u taageeraan dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Tripoli. Dowladaha isutagga imaaraadka carabta, Masar iyo qaar kamid ah dalal kale oo ay kamid yihiin Faransiiska ayaa badhi-taageeraya Maleeshiyada Khalifa Haftar, kuwaas oo isku dayaya inay ridaan dowlada ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Liibiya. Cavusoglu ayaa u sheegay telefishanka Turkiga ee Akit TV in Imaaraadku, iyo Masar iyo dalal kale oo aanu magacaabin ay “isku dayayaan inay khalkhal galiyaan gobolka oo dhan,” balse waxa uu si gaar ah u dhaliilay Abu Dhabi. “Haddii aad wayddiinaysid cidda khalkhal gelineysa gobolkan, yaa khalkhal keenaya, markaa waxaan odhan karnaa Abu Dhabi iyadoon cidna ka waji-qarsanayn,” ayuu yidhi. “Waa run in iyagu yihiin xoogga kadhigay Liibiya oo baabi’iyay Yemen.” Hase yeeshee ilaa iyo hadda Imaaraadka Carabtu wax jawaab ah kama bixin dhaleeceynta Cavusoglu. Xidhiidhka u dhexeeya Turkiga iyo Isutagga Imaaraatka carabta waxaa curyaamiyay taageeradii Ankara ee Qatar ka dib markii afar dal oo Carab ah oo ay ku jirto Imaaraatku ay cunaqabateyn ku soo rogtay Doha sanadkii 2017 taas oo lagu eedeeyay inay taageerto xagjiriinta, taasoo Qatar ay beenisay. Source
-
Despite the inordinate challenges confronting Somalia for decades now, one pillar has kept the country from relapsing into civil war and further disintegration: national elections every four years. In some ways, it’s nothing short of a miracle that, since 2000, when the Somali state was reconstituted after Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee xakameynta COVID-19. Shirkaan oo ay kasoo qeyb galeen xubnaha guddiga ayaa waxaa looga hadlay saameynta karoona fayris uu ku yeeshay waxbarashada dalka. Cudurka karoona fayris ayaa saameyn xooggan ku yeeshay waxbarashada dalka,iyadoo la xiray dhammaan goobaha waxbarashada inkastoo Jaamacaduhu ay daruusta ku bixiyaan qaab online ah. View the full article
-
Waxaa warar dheeraada laga helayaa nin ganacsade ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho iyadoo dilka shaqsigaasi ay fuliyeen kooxo hubeysnaa. Dilka marxuumka ayaa waxa uu si gaara uga dhacay xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan waxaana sababka ka dambeysay dilkiisa ka soo baxaya warar kala duwan waxaana wararka qaar ay sheegayaan in marxuumka loo dilay taleefankiisa gacanta oo kooxda dilka u geysatay ay doonayeen inay ka dhacaan balse uu isagu ka dhaga adeegay sidaasi loo dilay balse lama xaqiijin karo sababta dhabta ah ee ka dambeysay dikiisa. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Naaleeye waxaana goobta isaga baxsaday kooxdii dilka geysatay. Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay ay fiicnayd dilalka qorsheysan iyo qaraxyada balse haatan ayaad moodaa in falalkaasi ay dib ugu soo badanayaan caasimada dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Ilyaas Cali Xasan oo ah guddoomiyaha guddiga kheyraadka ee golaha aqalka sare ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray wuxuu uga soo horjeestay qorshaha dowladda ee ku aaddan iibgeynta shidaalka Soomaaliya, gaar ahaan 7-ada balook ee ku kala yaalla Galmudug, Hirshabelle, K/Galbeed iyo Jubbaland. Ilyaas oo sidoo kale ah xoghayaha arrimaha dibadda ee Xsbiga Himilo Qaran ayaa warka uu soo saaray ku sheegay in xilligaan qiimaha shidaalka ee caalamka uu yahay mid aad u hooseeya, islamarkaana uu saameeyey cudurka adduunka halakeeyey ee Coronavus. Sidoo kale Sanator Ilyaas Cali Xasan ayaa intaasi ku daray in tani ay tusaale u tahay qorshe xumada xukuumadda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. “Iib-geynta Shidaalka Somalia xiligaan oo uu aduunku maraayo qiimihiisa meeshii ugu xumeed oo ah yaa iga qaata iyo aduunyada oo la daalaa dhaceyso dhibatada Coronavirus ka waxay tusaale utahay qorshe xumada iyo kala sareysiinta muhiimadaha dalka xiligaan adag.” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga kheyraada ee golaha aqalka sare. Todobada balook ee lagu soo bandhigi doono, si ay ugu tartamaan shirakadaha daneynaya ayaa waxaa la furi doonaa tartanka 4-ta bisha August ee sanadkaan,illaa bisha Maarso ee 2021-ka, kuwaas oo horay loo baaray sanadihii 2014-kii illaa 2015-kii. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo xalay dowladda Soomaaliya ay ku dhowaaqday inay bilowday tartanka bixinta shatiga balookyada saliidda laga baarayo ee Soomaaliya.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya nin ganacsade ahaa oo xalay lagu dilay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa fuliyey kooxo hubeysan oo goobta isaga baxsaday, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Naaleeye, wuxuuna dilkiisu ka dhacay xaafadda Seybiyaano, degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in kooxda dilka fulisay ay doonayeen inay marxuumka ka qaataan taleefanka, balse uu ka dhaga adeegay, iyagoona kadib toogtay. Sidoo kale waxaa dilka kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo meydka ka qaaday halkaasi, balse ma jirto cid loo soo qabtay falkaasi. Naaleeye ayaa ahaa ganacsade caan ka ahaa caasimada, wuxuuna dalka keeni jiray baabuurta oo uu sii iibin jiray. Dilkaan ayaa qeyb ka noqonaya falal amaan darri oo maalmihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
-
Taliyaha booliska Soomaaliya Cabdi xasan Maxamed Xijaar ayaa xilkii ka qaaday taliyihiin booliska deegaannada Galmudug gaashaanle sare Cabdikariin Macallin Xuseen isaga oo taliye cusubna magacaabay ka dib dikareeto xafiiskiisa ka soo baxday. Xijaar ayaa taliyaha guud ee booliska Galmudug u magacaabay sareeyo guuto Bishaar bshir Geedi waxaana sii hayaha hoggaanka caafimaadka booliska laga dhigay sareeyo guuto Cali Xirsi Barre halka Taliyaha xilka booliska Galmudug laga qaaday ee Cabdikariin Macallin loo dhiibay qeybta laanta socotada booliska. Xilka qaadista taliyaha booliska Galmudug ayaa ku soo aadeysa xilli 8-dii bishan uu iscasilay taliyihii booliska magaalada Dhuusamareeb dhame Burhaan Axmed isagoo iscasilaaddiisana ku micneeyay in saraakiil boolis ah oo isaga ka sareysa ay sii daayeen rag la tuhunsanaa inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al shabaab. Halkaan ka akhriso dikareetada Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Doha)-Shirkadda diyaaradaha ee Qadar Airway ayaa ku dhawaaqday inay bixinayso Boqol kun oo tikidh oo Bilaash ah oo Caalamka idil. Shirkadu waxay sheegtay inay Boqol kun oo Tikidh oo lacag la’aan ah la siin doono Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha Caafimaadka ee la dagaalamaya cudurka Covid-19 Shirkadu waxay sheegtay in arrintan ay tahay mid lagu abaal marinayo shaqaalaha caafimaadka ee safka hore kaga jira la dagaalanka cudurka Covid-19 iyo badbaadada dadka uu soo ritay cudurku Dalbashada Tikidhada oo ku eg 18 bishan May ayaa sidoo kale waxaa ka faa’iidaysanaya qoysaska shaqaalaha caafimaadka. Shirkadda Qadar Airway ayaa hadda waxay duulimaad ku samaysaa ilaa 30 Magaalo oo caalamka, waxaana la filayaa in dhammaadka Bisha June ee soo socota inay gaadho 80 Magaalo oo caalamka. Source
-
(SLT-Riyadh)-Horraantii bishii March, Sacuudiga waxay bilaamay dagaal dhanka qiimaha saliidda ah oo caalami ah, kadib waxaa caalamka ku dhuftey cudurka COVID-19. Khasanadaha Boqortooyada Sucuudiga ayaa hoos u dhacdey, waxaana ay bilaabeen in ay sameeyaan lacago keyd ah. Maalintii Shalay waxaa Boqortooyada Sucuudigu jartey lacagta gunnada gaarka ah ee billaha ah oo u dhiganta 250$ ee la siiyo dhammaan shaqaalaha dowladda sidoo kale waxaa kor loo qaadey qiimaha canshuurta iibka ee loo yaqaan VAT bisha Juun 2020. Canshuuraha VAT-ka dalka wuxuu ahaa 5% waxaana la gaarsiinaya 15 boqolkiiba, taas oo saameyneysa qoysaska dakhligoodu hooseeyo. Saameynta Korona Fayras ku yeeshay caalamka ayaa ah mid dalkasta xanuujineysa, laakiin tan si gaar ah looga dareemi karo gudaha Saudi Arabia, halkaas oo dad badan oo degani ay ku barteen inay ku noolaadaan daryeelka samafalka oo ay uga mahadcelinayaan saliida dalkaasi hodanka ku ahaa. Sacuudi Carabiya iyo Ruushka ayaa in kabadan kala bar Saliida caalamka loo dhoofiyo soo saara. Wadamada ku jira OPEC badanaa waxay galaan heshiisyo lagu xadidayo wax soo saarka saliida si kor loogu qaado qiimaha saliida marka baahidu ay timaado. Laakiin markii qiimaha saliida uu hoos u dhacay horaantii 2020 sababo la xiriira fayraska ‘cKrona’, Ruushku waxa uu diidey in uu dhimo soo saaridda saliida, taas oo keentey in Sucuudigu dhulka dhigo qiimaha saliida si waxyeelo u gaarto dhaqaalaha Ruushka looguna khasbo dhimidda wax soo saarka. Wasiirka Tamarta Ruushka Alexander Novak ayaa wariyeyaasha ugu sheegay bannaanka xarunta OPEC ee Vienna in Ruushku diyaar u yahay inuu kordhiyo wax soo saarka saliida bisha Abriil, taas oo Sucuudiga ka caraysiisey. Sucuudiga ayaa si lamid ah caalamka waxaa saameeyey dhaqaalahooda Coronavirus, waxaana ay hadda bixinayaan qiimihii ugu saraysey dagaalkii ay galeen horraantii bishii March. Shirkadda ugu weyn dalkaas ee Saliida ARAMCO ayaa hoos u dhacay dhaqaalaheedu 25%. Source
-
(SLT-Moscow)-Dowlada Ruushka ayaa xaqiijisay in tirada dadka uu soo ritey cudurka Coronavirus ay gaadhay 232,000 oo qof iyadoo uu noqoday dalka Ruushka dalka labaad ee ugu badan ee cudurkan uu saameeyay. 24-kii saac ee ugu dambeeyay ayaa dadka laga helay cudurkan dalka Ruushka waxa ay gaadhay 10,899 qof waxaana ka mid ah dadkaas afhayeenka Madaxweynaha Ruushka Dmitry Peskov. Hase yeeshee tirada dadka ugu dhintey cudurka Coronavirus ee dalka Ruushka ayaa ah 2,116. Mr Peskov ayaa u sheegay wakaalada wararka ee TASS in markii ugu dambeysay ee shaqsi ahaan ay kulmaan Madaxweyne Putin ay ahayd bil kahor. Afhayeenka ayaa la dhigey isagoo warbaahinta u xaqiijiyay in la daweynayo. Raysal Wasaaraha Ruushka Mishustin ayaa laga helay coronavirus labo toddobaad kahor iyadoo sidoo kale wasiirada dhaqanka iyo warshadaha dalka Ruushka laga helay cudurkan. Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa ku dhowaaqay dabcin dhinaca bandowga ah oo uu hore ugu soo rogay iyadoo shaqaalaha ay dib ugu laabteen xarumahooda. Dhinaca kale dab ka kacay isbitaal ku yaal magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ruushka ee St Petersburg ayaa waxaa ku dhintey shan ruux oo ka mid ah dadka uu cudurka Covid-19 soo ritey. Source
-
NAIROBI (HOL) - Somalia will launch its offshore licensing rounds in August putting on sale seven oil blocks as the Horn of Africa nation seeks to exploit its vast oil resources. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa xalay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkaasi waxa uu ka daah furay shir loogu magacdaray nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Jubbaland waxaana Axmed Madoobe uu halkaasi ka jeediyay khudbad taabanaysay dhinaca nabadda. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa golihii isbadal doonka ee dhowaan heshiiska la galay madaxda Jubbaland waxaana halkaasi sidoo kale hadallo ka jeediyay madaxdooda. Axmed Madoobe ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay inay israacdo Jubbaland isaga oo hoosta ka xariiqay in isaga laftiisa dhaliilo loo jeedin karo islamarkaana wixii tabasho ah loo baahan yahay in lagu xaliyo miiska wadahadalka. Dhanka kale hoggaamiyaha Jubbaland ayaa dowladda federaalka ah ugu baaqay inay nabadda la qaataan maamulkiisa isago oo xusay inay yimaadaan deegaannada Jubbaland waxa uuna xusay inuu ka mahadcelinayo muddadii ay kala xirnaayeen iyaga iyo dowladda Farmaajo. Axmed Madobe ayaa sidoo kale sheegay in xilligan laga bilaabo aysan jirin wax la yiraahdo isbadal doon taa badalkeeda ay Jubbaland Mid tahay isaga oo intaas raaciyay in kulankii xalay ay ka dambeyn doonaan kulamo kale waxa uuna si gaara u xusay in haweenka Jubbaland uu kulamo gaar ah u sameyn doono kuwaas oo lagu xalin doono tabashooyinkooda. Shirka nabadeynta loogu magacdaray ee uu daah furay Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku soo aadaya xilli wali uu taagan yahay khilaafka u dhaxeeya Maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka ah balse Madoobe ayaa ku guuleystay inuu dhammaan isu keeno dadkii kula loolamayay kursiga, lamana oga tallaabada ay dowladda Farmaajo ka qaadan doonto maamulkan. Halkaan ka daawo sawirrada Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Batroolka xukuumada federaalka Soomaaliya, Injineer Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa faah faahin ka bixiyey balookyada saliidda ee laga baarayo Soomaaliya, kadib markii ay wasaaraddiisu soo bandhigtay xirmooyinka shidaalka ee dalka laga helay, kadib sahmin lagu sameeyay. Ugu horreyn wuxuu sheegay inay raaci doonaan, kuna dhaqmi doonaan Hindise sharciyeedka Batroolka dalka ee lagu heshiiyey, islamarkaana ay meel mariyeen labada aqal ee baarlamaanka iyo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray cabashooyinka ka imaanaya qaar ka mid ah maamul goboleedyada, kuwaas oo ku doodaya in aysan caddeyn qaybsiga saamiga. “Ma arko Khilaaf ka taagan, waa loo dhan yahay ka faaiideysiga Khayraatka oo uu kamid yahay Batroolka, waxaa ansixiyay labada Gole ee BFS oo wakiilo ka kala ah Dowlad Goboleedyada, iima muuqata cid ka maqan marka la eego dhammaan dhinacyada ogolaaday” ayuu yiri wasiirka wasaaradda Batroolka xukuumadda Soomaaliya. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in tartanka shirkadaha daneynaya ay furi doonaan 4-ta bisha August ee sanadkaan, lana joojin doono bisha Maarso ee 2021-ka. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in xogtii laga soo uruuriyey ciidda ee ay dowladda amartay muujisay astaan dhiiri-gelin leh oo ah in 15 xirmo oo la qorsheynayo in la baaro ay ku jirto saliid dhan 30 bilyan oo barmiil.
-
Degmada Marka ayaa xalay ka adkaatay dhiggeeda degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, kadib markii ay isaga hor yimaadeen tartan aqooneedka Shabelle. Labada degmo oo ku wada jiray group-ka C wareega koowaad, is-aragiisa saddexaad ayaa waxaa ku gacan sarreeyey Marka oo guusha la hoyatay. Xasan Weli Sheekh Abuubakar oo natiitada ku dhaawaqay ayaa sheegay in Xamarjajab ay la timid 12dhibcood, halka tartamayaasha Marka oo su’aalihii la weydiiyey intooda badan ka jawaabay, kuwa kalena ka faa’iideystay ay keensadeen 14 buundo, waxaana sidaas ay ugu gudubtay wareega 2-aad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Dhanka kale waxaa caawa tartanka ku ballansan degmooyinka Warta Nabadda iyo Cabdicasiis oo ka tirsan gobolkaan Banaadir. Sidoo kale labada degmo ayaa u dambeeya group-ka C, wareega koowaad ee tartan aqooneedka shabakadda warbahinta Shabelle. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho View the full article
