-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Deegaanka Taaroge oo ku yaalla galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ka dhaqan-galay xabad joojin la kala dhax-dhigay dhinacyadii dhowaan ku dagaalamay deegaankaas, kuwaas oo ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland. Taaroge ayaa waxaa gaaray mas’uuliyiin ka kala socotay maamullada Galmudug iyo Puntland, waxaana qayb ka ahaa Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, saraakiil, waxgarad iyo dhalinyaro, kuwaas oo halkaasi u tegay arrimo xal raadin ah. Wadahadal muddo dheer qaatay kadib waxaa mas’uuliyiinta iyo waxgaradka labada dhinac ay ku guuleysteen in xabad joojin rasmi ah ay kala dhàx-dhigaan beelaha ku dagaalamay deegaanka Taaroge ee gobolka Mudug, waxaana loo saaray guddi labada dhinac ah oo ka shaqeyn doono soo afjarida colaada Taaroge oo marar badan soo noq noqotay. Wararkii ugu dambeeyey ee haatan naga soo gaaraya deegaanka Taaroge ayaa waxaa ay sheegayaan in 24-kii saac ee la soo dhaafay xaaladda deegaanka ay aheyd mid degan, waxaana dib ugu soo laabanaya dadkii maalmo ka hor ka barakacay halkaasi. View the full article
-
Waabari oo xalay tegtay Final-ka tartan aqooneedka Shabelle
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waabari ayaa noqotay degmadii 2-aad ee tegta Final-ka tartan aqooneedka Shabelle, kadib markii ay ka adkaatay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir oo ay xalay isaga hor yimaadeen wareega afar dhamaadka ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Tartamayaasha degmada Waabari ayaa la yimid 10 dhibcood, halka Howlwadaag ay iyana keensatay 2 buundo oo kaliya, sida uu shaaciyey, Xasan Weli Sheekh Abuubabakar guddoomiyaha guddiga tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in caawa la soo gabagabeyn doono tartanka, islamarkaana la qaban doono labo kulan oo u dhexeeya afar degmo ka wada tirsan gobolkaan Banaadir. Kulanka ugu horreeya oo soo geli doono 8:00 habeenimo ayaa waxaa isaga hor imaan doono Wadajir iyo Howlwadaag oo u tartami doono kaalinta saddexaad ee sanadkaan tartan aqooneedka Shabelle, halka Hodan iyo Waabari ay isku hardin doonaan Final-ka tartanka, wuxuuna kulankooda soo geli doono 10:00h habeenino. Taaba-gelinta sanadkaan tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article -
Waxaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe laga dareemayaa diyaar-garow xoogan oo ku aadan munaasabadda Ciidul-Fidriga oo fooda inagu soo heysa. Suuqyada dharka iyo goobaha lagu iibiyo wax-yaabaha Mac-macaanka ah ee magaaladaasi ayaa waxaa laga dareemayaa mashquul aad u xoogan. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/War-cali-taliye-jowhar.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-21052020.mp3 View the full article
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Farxaddii ka dhalatay magacaabistii Abiy Axmed ee Ra’iisul wasaaraha Ethiopia bishii April sanadkii 2018-kii, ayaa u muuqata inay mar hore daaqadda ka baxday. Kadib sii deyntii maxaabiistii siyaasadeed, casuumaaddii uu u sameeyay dhaq-dhaqaaqyadii dibad joogga ahaa, heshiiskii uu la galay cadowgii mudadda dheer ee Eritrea, taas oo uu sanadkii 2019-kii ku helay Nobel Peace Prize, Abiy waxaa hadda la xarbinayaa joogteynta kala dambeynta iyo midnimada wadanka. Labadii sano ee lasoo dhafay, isku dhac goboleed, mid isir iyo mid siyaasadeed ayaa hareeyay fekerka, awoodda iyo khayraadka, waxaana ku dhintay kumanaan, malaayiinna waa ay ku baro kaceen. Go’aanka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ee uu dib ugu dhigay doorashadii Ethiopia ayaa abuuray mashaakil dastuuri ah. Safmareenka COVID-19 waa waxaa lo cuskaday dib u dhigista laakiin ma’ahan sababta. Xisbiga ugu weyn mucaaradka Ethiopia ee Oromo Federalist Congress iyo lixda xisbi ee ay xulafada yihiin ayaa diiday go’aanka Abiy Axmed, waxayna ku baaqeen wada hadal si loo helo xal siyaasadeed. Xisbiga Tigrayga ee TPLF ayaa diiday dib u dhigista doorashadda waxaana uu sheegay in uu isu diyaarinayo doorashooyin gobol. Waxaa intaas ku dareen in tani ay meesha ka saareyso in si sharci darro ah ay awoodda ku heystaan dadka talada haya. Dadka taxliiliya siyaasadda Ethioipia oo uu ka mid ayahay Rene LeFort ayaa sheegay in Abiy Axmed uu awoodda isku gaar yeelayo. Waxaa ay sheegayaan in uu muujiyey astaamo uu ku noqonayo “ninka weyn” ee Ethiopia waxay ku qaadataba. Waxaana ka mid noqon kara in loo shaqeeyo si ka baxsan sharciga haddii ay lagama maarmaan noqoto. Maamulka Abiy Axmed waxaa uu horumarro ka sameeyay furista gaab siyaasadeed. Dib u soo celinta cabsi gelinta iyo xarig wadareedka dadka mucaaradka ah ku ah waxay dib ugu celineysa maalmihii hore ee keligi talisnimada. Maamulkiisuna waxaa uu ku guul dareysanayaa in uu ka dhabeeyo balanqaadkiisii, waxaana uu si deg-deg ah ku luminayaa sharciyadiisii. Dib u dhigista cod bixinta iyada oo aan la gaarin heshiis siyaasadeed waxaa ay noqon kartaa wareegii ugu dambeeyay. Gobolka Tigrayga ayaa ku dhaawaqay in ay u dareeri doonaan doorashooyinka gobolka. Guddiga Doorashooyinka iyo Abiy Axmed midna kama joojin karaan dadka Tigrayga in ay doorashooyinka qabsadaan. Isku day kasta oo lagu joojinayo doorashooyinka iyadoo awood la isticmaalayo waxaa ay kala qaybin kartaa ciidanka Ethiopia. Iskudayga nuucaas ah waxaa uu sidoo kale keeni karaa in dadka gobolka Tigray ay adeegsadeen qodobka 39 aad ee dastuurka islamarkaana ay madaxbanaani ku dhawaaqaan. Xisbiyo dhowr ah oo mucaarad ah oo uu ku jiro midka Oromada aya sidoo kale ku dhawaaqay in ay doorashada u dareeri doonaan wixii ka dambeeya 30-ka September. Waxay diideen in ay aqoonsadaan Dowlad sharci darro ah. Sidaas darteed, xalku waa wada hadal siyaasadeed ee ma ahan “tarjumaadda” dastuurka. Heshiis laga gaaro xilliga cod bixinta iyo qaab maamulka wixii ka dambeeya September ilaa doorashadda xigta keliya waxaa ay ku imaan karaan wadahadal u dhaxeeya xisbiyada siyaasadda iyo ururadda bulshadda. Wixii intaas kasoo hara waxay Ethiopia gelineysaa mashaakilkii ugu darnaa taariikhda casriga ah.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorshaynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte, oo qoraal uu soo dhigay facebook uga hadlay dib u dhigista kiiska badda Soomaaliya, ayaa su’aalo ka keenay arrimo dhowr ah oo tuhun abuuri kara. Hoos ka qoraalka Caynta. Bismillah, Maxkamadda Caddaaladda Dunida (ICJ) ayaa maanta markii 3-aad dib u dhigtay dhageysiga dacwadda badda ee ka dhaxeysa #Soomaaliya iyo #Kenya. Saddexda jeerba waxaa codsiga dibu dhigista lahaa Kenya. Kolka, waxaan isweydiiyay: sidee ku dhacday inay maxkamaddu 3 goor aqbasho codsiga Kenya. Si kale haddii loo dhigo, maxay 3 goor ku diidday codsiga Soomaaliya? Ma Kenya ayaa naga afmiinshaarsan? Mise way naga qareenno fiican tahay? Mise wax kale oo la qarinayo ayaa meesha ku jira? Tuhunka la qabo waxaa sii xoojinaya in 3-dii qof ee Soomaalida ahaa ee uu Madaxweyne Xasan Sheikh u magacaabay dacwadda, inuusan midkoodna maanta ku lug laheyn dacwadda. Dadkaas waxay kala yihiin: 1. Muna Sharmaani oo ay aheyd qareenka hormuudka u ahaa difaaca gayi badeedkeenna. 2. Axmed Cali Dahir, xeer ilaaliyihii hore iyo Dr. Cali Faqi, Danjirihii hore ee Midowga Yurub. Dowladdu ma sheegin cid ay ku beddeshay kooxdaas. Intaas waxaa dheer, dowladdii Madaxweyne Xasan Sheikh waxay dhageysiga dacwadda u diri jirtay dad fara badan oo isugu jira bulshada rayidka ah, warbaahinta iyo qurba-joogta. Yoolku wuxuu ahaa in, maadaama uu kiiska badda xasaasi yahay, in markhaati badan loo yeelo, illeen xalaal barqa cad ayaa la quutaaye! Madaxdeenna sharafta leh waxaa la gudboon inay arrintan fagaare uga hadlaan, waliba si furcaddi leh. Haddii kale, waxay noqoneysaa “ninkaa dhuumanayee, dhabarkiisu muuqdo, waa dharaar lagu dhowrayaaye”. Wabillahi Towfiiq.
-
Ciidamada Gen.Khalifa Haftar oo iskaga baxay Saldhigyadii ay ka deganayeen caasimada Tripoli Ciidamada ka amar qaata Jeneral Khalifa Haftar ayaa isaga baxay goobihii ay ka joogeen nawaaxiga caasimada Liibiya ee Tripoli kadib markii laga qabsaday Saldhig militari oo muhiim ah. Ciidamada hoostaga Dowlada Liibiya ee caalamka aqoonsan yahay ayaa Isniintii gacanta ku dhigay Saldhiga iyo garoonka diyaaradaha Militari ee AL-WATIYA oo ku yaal Galbeedka magaalada Tripoli, garoonka ku yaal Saldhigaasi ayaa ahaa midka kaliya ee Galbeedka dalkaasi oo ay ka duuli kareen diyaaradaha Haftar. Guushan ciidamada Dowlada ayaa ku khasabtay in xalay iyo maanta oo Arbaca ah ay xoogaga Haftar baneeyaan goobihii ay difaaca uga jireen nawaaxiga Tripoli. Ciidamada Dowlada saldhigeedu yahay Tripoli ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay gacan militari ka helaysay dowlada Turkiga oo duqeyn dhanka cirka ah la beegsatay xoogaga Haftar oo muddo sanad ah dagaal ugu jiray sidii ay u qabsan lahaayeen caasimada. Jeneraalka Haftar iyo ciidamadiisa ayaa taageero ka helaya dalalka Imaaraatiga, Masar iyo Ruushka. Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Arrimaha siyaasaddeed ee waayadan ka socday Galmudug ayaa dad badan shaki galiyay. Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xukuumadiisa ku badiyay xubno ay si weyn isaga soo horjeedaan madaxda dowladda Federaalka ah. Xubnaha uu Qoor Qoor qaatay ayaa u badan xubno ka socday Xisbiyadda UPD iyo Wadajir. Hadaba su’aasha ay dad badan is weydiinayaan maalmahan ayaa noqotay maxaa qasbay Qoor Qoor, ma siyaasad fur furid ayey ka tahay mise qorshe kale ayaa jira. Caasimada Online ayaa illo aad u xooggan oo lagu kalsoonyahay ka heshay inuu Qoor Qoor kasii baxaayo gacanta Farmaajo iyo Kheyre, uuna u xuubsiibanaayo siyaasiyiinta ku xiran Dowladda Imaaraadka Carabta, oo lagu qanciyay inuu dhisi karo maamul la mid ah Puntland, hadii uu sidaas sameeyo. Ragga howshaan gacanta ku haya waa labo koox oo gunnaanadka isku ujeeddo ah. Koox koowaad waxaa ka mid ah Axmed Macalin Fiqi iyo Liibaan Tahliil Warsame. Xubnahan waxaa soo raaca gudoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare Abshir Axmed Bukhaari, kaas oo aanney wali si fiican u heshiinin Qoor Qoor. Xubnahan ayaa heysan jiray qandaraaska mushaar bixinta iyo saadka ciidankii Imaaraadku maamuli jiray ee dagannaa Muqdisho. Mashruucoodii ayaa istaagay kadib markii ay Dowladda Federaalku xirtay xaruntii ay deganayeen ciidankii hoos tagi jiray Imaaraadka. Kooxda labaad waxaa hogaaminaya musharax hore Kamal Gutaale, waxaana qeyb ka ah dad uu ka mid yahay Cabdinasir Geelle oo dhowaan laga dhigay wasiirka qorsheynta ee Galmudug, xagga farsamada iyo dabagalka kulamada Qoor Qoorna waxaa kala shaqeynaya nin la yiraahdo Cabdullaahi Calas. Labada dhinac waxaa ay ka simanyihiin hal mowqif oo ah in Qoor Qoor uu ka baxo gacanta Villa Somalia iyadoo faa’iido badan laga tusay dhanka Imaaraadka. Liibaan Tahliil oo abti u ah Cabdinaasir Geelle ayaa ah ninka isku xiraya labada dhinac, si aan hadhow la isu khilaafin, markii arrinta lagu guuleysto. Qoor Qoor waxaa lagu qanciyay in Imaaraadku ay diyaar u yihiin iney ciidamo xoog leh u dhisaan Galmudug sida Puntland iyo Jubaland, waxaa kaloo lasoo jeediyay in shirkadda DP World ee laga lee yahay Imaaraadka lagu wareejiyo dekadda Hobyo. Inta aan talaabbada Dekadda la qaadin waa in ciidanka ka amar qaata Dowladda Federaalka ah laga saaro Galmudug sida qorshuhu yahay. Imaaraadku waxey aqbaleen in lacagtii ay ku bixin jireen ciidanka Xamar loo wareejiyo Galmudug hadii uu Qoor Qoor aqbalo inuu xiriirka u jaro Villa Somalia. Wasiirka amniga ee Galmudug, Axmed Macalin Fiqi wuxuu sheegay in ay dhisayaan ciidamo ugaar ah, balse ma uusan sheegin meesha dhaqaale looga keeni doono madaama aaney Galmudug wax soosaar laheyn. Howlaha socda waxaa ka mid ah in markii uu Qoor Qoor isku soo dhiibo kooxdan oo uu lumiyo xiriika Dowladd Federaalka ah, in isaga mooshin lagu bixiyo kadibna Galmudug loo dhiibo Cabdiraxmaan Odawaa, madaama uusan isagu (Qoor Qoor) mar walba toos ula macaamili karin Imaaraadka, oo mar walba loo dhaxeyn doono. Waxaa kaloo qorshooyinka ka mid ah in gacanta Farmaajo laga bixiyo maamulkii sadexaad, si maamulka doorashada guud ee Soomaaliya loola yeesho. Qoor Qoor wuxuu dhowaan u sheegay dad saaxiibadiis ah in aaney hada isku fiicneyn isaga iyo madaxda Dowladda Federaalka ah, taas oo loo fahmay inuu ku qancay mashruuca ay curiyeen labada koox, waxaa kaloo jira warar sheegaya in lagala hadlay Qoor Qoor inuu iska fogeeyo senator Yuusuf Geelle Ugaas iyo Senator Dhagdheer oo ahaa saaxibadii dhisay. Siyaasiyiinta dhowaan la wareegay jiheynta Qoor Qoor waxey aaminsanyihiin in Dhageey Geelle iyo Dhagdheer ay u shaqeynayaan ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Illaha aan xogta ka helnay waxey sheegayaan in Qoor Qoor uu maalmihii dambe dhabarka xijiyay Dhagdheer iyo Dhageey, taasoo ay dad badan la yaab ku tilmaameen. Waxaa durba soo baxaya walaac ku saabsan aayaha Galmudug, taas oo aan 4 sanno wax mashruuc ah ka helin hay’addaha Caalamiga ah ee xiriirka laleh Dowladda Federaalka ah, hadana waxaa muuqata in maamulka uu go’adoon cusub gali karo.
-
Warbixin:Amiiradii uu xidhay Maxamed Bin Salmaan oo kireystay shirkado Mareykan ah oo ay…. Xubno ka tirsan qoyska boqortooyada ee u xiran dowladda Sucuudiga ayaa shaqaaleysiiyay dad xiriir dhow la leh Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump si ay ugu ololeeyaan in xabsiga laga sii daayo, sida ay warisay New York Times. Xubno ku dhow Amiir Salman bin Abdulaziz bin Salman al Saud ayaa shaqaaleysiisay Robert Stryk oo xiriir xoogan la leh siyaasadda arrimaha Dibadda ee Trump si uu ugu ololeeyo sii deynta amiirka, ayey werisay The Times. Qoraal ay gudbisay shirkad uu leeyahay Stryk oo lagu magacaabo Sonoran Policy Group ayaa lagu muujiyey in uu ololaha gaarsiin doono Maraykanka , Britain, France iyo Midowga Europe, muddo lix bilood ah si loo sii daayo Amiir Salmaan. Sida ay baahisay New York Times, Stryk waxaa uu xiriir la leeyahay xubno muhiim ah oo ka tirsan dadka ku hareereysan Madaxweyne Trump. Waxaa uu la shaqeeyay qareenka Madaxweynaha, Rudy Giulian, waxaana uu saaxiib dhow la yahay Kirsten Fontenrose oo hogaaminayay siyaasadda Amniga Qaranka Mareykanka ee ku wajahan Sacuudiga ka hor intii uusan is-casilin sanadkii 2018-kii. The Times waxaa ay sidoo kale sheegtay in la taliyaha dhaxal sugihii hore ee Maxamed bin Nayef uu shaqaaleysiiyay Barry Bennet oo la taliye u ahaa ololaha madaxweyne Trump. Maxamed bin Nayef oo ah wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Sacuudiga, islamarkaana uu abti u yahay Boqor Salmaan waxaa la rumeysan yahay in la xiray bishii March kadib markii Maxamed bin Salmaan uu xabsiga u taxaabay amiirro ka tirsan qoyska boqortooyadda. Amiirka xiran waxaa sanadkii 2015-kii loo magacaabay in uu xilka ka sugayo boqor Salmaan, balse waxaa lagu beddelay Maxamed bin Salmaan bishii June ee 2017-kii. Wixii xilligaas ka dambeeyay bin Nayef, waxaa laga qaaday ilaaladiisa, taleefanadiisa, gunadiisiina waa laga xayuubiyay, loomana ogoleyn in uu dibada u socdaalo. Dad xaaladda ka warqaba ayaa u sheegay wargeyska Middle East Eye in dhaxal sugaha uu saaxiibadiis u cawday islamarkaana uu warqad u diray boqorka, taasi oo uu ku codsaday in uu la baxo lacagaha ay u ogoshahay boqortooyada. Dhanka kale, wakiilo ka socda gabadha amiiradda ah ee Basmah bint Saud Al Saud, ayaa la xiriiray qareeno jooga magaalooyinka Washington iyo London si ay arrinteeda u taageeraan. Bishii lasoo dhaafay, ayaa Amiirad Basmah waxaa ay qoraal ku shaacisay in eed la’aan la xiray, waxay boqor Salaam iyo Maxamed bin Salmaan ka codsatay in ay sii daayaan. Si kastaba ha ahaatee, wakiiladda Basmah waxay sheegeen in aysan awood u lahayn in shaqaalaystaan shirkad olole sababtoo ah Dowladda Sacuudiga ayaa xanibtay akoonadii bankiga kadib markii ay twitter-ka ku dalbatay in la caawiyo Xildhibaano Maraykan ah ayaa muujiyay walaacooda ku aadan xukunka Maxamed bin Salmaan, dagaalka militari ee uu ku qaaday Yemen, dilkii Jamal Khashoggi, iyo dagaalka saliida ee Saccudigu la galay Russia. Maxamed Bin Salman ayaa hadda u muuqda mid laga sii nacayo Washington, taasi oo ay ka faa’iideysan karaan xubnaha la xiray, si cadaadid loo saaro Bin Salman. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dhammaan lixda waax ee degmada Yaaqshiid laga jartay Korantada, kadib markii ay bixin waayeen lacagihii lagu soo dallacay. Muddo Asbuuc ah ayey korontadu ka maqan tahay waaxyaha degmada Yaaqshiid oo kala ah, Heegan, Horseed, Towfiiq, Juungal, Tawakal iyo Kowda Luulyo. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada oo aan la xariirnay ayaa xaqiijiyay Korontada ka maqan waaxyaha degmada, waxaana sababta lagu sheegay in maamulka degamda uu bixin waayay lacagta Korontada. Lacagta Korontada iyo biyaha iyo waaxyaabaha kale oo ay Waaxyaha degmooyinka u baahdaan ayaa laga bixiyaa xarunta degmada, siday masuuliyiintu sheegeen, hase yeeshee Guddoomiyaha Yaaqshiid ayaa diiday inuu bixiyo bishaan lacagtii la soo dallacay isagoo amray in Shirkaduhu jartaan adeegooda. Waaxyaha degmada Yaaqahiid ayaa bulshada u haayay adeegyo muhiim ah oo ay ugu yaraan amaanka iyo waaxyaha qaar oo saldhig u aheyd waaxda Canshuuraha gobalka iyo degmada. Arrintan ayaa saameen weyn ku yeelatay Yaaqshiid waxayna waaxyaha degmada halis ugu jiraan in ay wajahaan weeraro maadaama ay mugdi yihiin.
-
Qoyska madaxweynaha Suuriya oo isku jeestay Rami Makhlouf wuxuu baraha bulshada soo dhigay muuqaallo uu uga cabanayo sida loola dhaqmayo Rami Makhlouf, oo ah bilyaneer ka tirsan ehelka madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Al-Asad ayaa muddo hal bil ah baraha bulshada soo dhigayay muuqaallo uu uga hadlayo arrimo uu ka careysan yahay. Muuqaalkii ugu dambeeyay ee Axaddii uu shaaciyay ayaa laga arkayaa isagoo kaamirada indhaha ku taagaya, hoosna u hadlaya, oo aad xitaa moodid inuu xamxamleynayo marka uu sheegayo jumladaha qaar. Garkiisu wuu ka cadyahay sida uu ahaa markii uu awoodda ku lahaan jiray xukunka, hantida badanna uu ku dul fadhiyay, isagoo tirin jiray balaayiin lacag ah. Dhaqaalihiisa kama uusan keenin xukuumadda balse wuxuu ka helay qoyskiisa, oo dabcan isla dowladdiiba ah. Makhlouf waa maal qabeen aan waligiis laga cabsi qabin inuu sabool noqdo, arrintaasoo dhif ka ah dalka Suuriya, oo ay Qaramada Midoobay sheegtay in 80% ka mid ah bulshada waddanka ay faqri ku nool yihiin. Ku dhawaad 10 milyan oo shacabka dalkaas ka mid ah ma heystaan raashin ay cunaan oo ku filan, kala barkoodna waxay waayeen guryahoodii, dagaalka socda awgiis. Wuxuu ku nool yahay deegaan ay jecel yihiin dadka maalqabeennada ah ee reer Suuriya, kaasoo ku yaalla waddada ka baxda magaalada Dimishiq ee aadda dhinaca magaalada Bayruut ee dalka Lubnaan. Muuqaallada uu soo duubay Makhlouf waxaa laga arkayaa isagoo xiran jaakad u muuqata mid qaali ah, wuxuuna fadhiyaa meel ka mid ah gurigiisa Laakiin haddii waxa uu sheegayo ay dhab yihiin – isagoo isbuucanna muuqaalkii saddexaad shaaciyay – awooddii uu heystay way burburtay. Waxaa lagu sharfay inuu saami ku lahaado dhammaan heshiisyada gacansi ee ay gasho dowladda Suuriya, waana sababta dadka qaar ay ugu naaneysaan ‘ninka boqlkiiba shan qaata’ Xil ka qaadis kadis ah oo dhifna ah Rami Makhlouf waxay ilmo habreed koowaad yihiin madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad. Waa isku da’aad, waxayna ku jiraan 50-meeyo. The EU imposed sanctions on Rami Makhlouf in 2011, saying he “bankrolled” the Assad regime Sidoo kale waxay saaxiibbo soo ahaayeen ilaa yaraantoodii. Makhlouf wuxuu waligiisba garab taagnaa xukuumadda, mana dhici jirin inuu meelo fagaareyaal ah ama baraha bulshada uga hadlo arrimo khuseeya qoyska, siyaasadda ama xitaa ganacsiga. Wareysi uu sanadkii 2011-kii siiyay wargeyska New York Times, xilligii uu dagaalka billaabanayay, ayuu ku difaacay qoyska ay kasoo jeedaan isaga iyo madaxweyne Asad. Wuxuu wacad ku maray inay dagaallami doonaan ilaa dhammaadka. Hadalkaas wuxuu markii dmabe noqday, laakiin ballanqaadyadiisii waxaa ka mid ahaa inay mideysnaan doonaan. Hadda muuqaalladiisa waxaa laga fahmayaa inaysan taasi dhicin. Mid ka mid ah muuqaallada uu soo dhigay baraha bulshada waxaa laga arkayaa isagoo Alle ka baryaya inuu soo afjaro caddaalad darrada lagu hayo isaga. Dhammaan saddexda muuqaalka wuxuu eedeyn ugu jeedinayaa xukuumadda. Arrimaha uu sida gaarka ah uga hadlo waxaa ka mid ah xaq darrada laga galo dadka reer Suuriya ee ku jira xabsiyada. 3-dii bishan May, wuxuu yiri: “Madaxweynaheygiyoow, ciidamada ammaanka waxay billaabeen inay meel uga dhacaan xorriyadda shacabka. Dadka sidaas la yeelayo waa taageerayaashaadii.” Nolo tamashleyn ah Makhlouf wuxuu qaabilsanaan jiray howlaha dowladda ee la xiriira ganacsiga saliidda iyo dhismaha, laakiin shaqooyinka ugu waaweyn ee uu lacagaha badan ka heli jiray waxaa ka mid ah adeegga isgaarsinta dalka. Madaxweynahihii Suuriya Xaafid Al-Asad, xaaskiisa Anissah Makhlouf (oo fadhiya), iyo carruurtooda waxaa sawirkan laga qaaday 1985 Shirkadihiisa waxaa lagu eedeeyaa inaysan bixinin lacago canshuuro ah oo gaaraya $180m (£147m; 165m euros). Shaksi ahaan isaga lacagtaas agtiisa waxba kama aha. Xitaa wiilkiisa Mohammad, oo daggan magaalada Dubai ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay bilyaneer. Waxaa isasoo taraya warar badan oo sheegaya in Makhlouf uu hadda gabalkiisa dhacay. Calaamadihii ugu dambeeyay ee ismaandhaafka isaga iyo madaxweyne Aasad waxay soo baxeen xagaagii lasoo dhaafay, xilligaasoo lagu khasbay inuu albaabbada isugu dhufto shirkaddiisa isgaarsiinta ee Bustan, taasoo ay weerar ku qaadeen koox hubeysan oo ka kooban 20 ruux. Sheekaha ku saabsan khilaafka qoyska waxaa lala xiriirnayaa xaaska madaxweynaha, Asma Al-Asad, oo kusoo kortay magaalada London, loona arko inay awood weyn ku leedahay maamulka dowladda. Warar kale waxay sheegayaan in khilaafka uu salka ku hayo sida loo maareynayo xiriirka Suuriya iyo Ruushka. Warbaahinta Ruushka ayaa in muddo ahba hadal heysay musuqmaasuq ka jira dalka Suuriya. Suuriya wuxuu burbur xoog leh kasoo gaaray dagaal sokeeye oo socday ku dhawaad 10 sano. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xarunta Xuqul Insaanka ee Somaliland (HRC) ayaa baaq culus kasoo saartay xarig ay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ay kula kacday Fanaaniin booqday magaalada Muqdisho. Xarunta Xuqul Insaanka Somaliland ayaa sheegtay inay wax laga xumaado tahay in xarig lagula kaco fanaaniintaasi, kuwasi oo xukuumada Muuse Biixi ay ku eedeysay qodobo culus oo aan loo meel dayin. Xukuumada Biixi ayaa fanaantaasi kusoo oogtay dacwad ciqaab ah iyada oo ku eedaysay falal Somaliland ka dhanka ah oo muwaadin dalka debediisa ka sameeyo (qodobka 212 Xeerka Ciqaabta) iyo in qof muwaadin ahi lacag ka qaato shisheeye (qodobka 189), sida lagu sheegay Baaqaasi kasoo baxay HRC oo nuqul kamid ah uu soo gaaray Caasimada Online. Xarunta ayaa sharci daro u aragta dacwada ay xukuumadu kusoo oogtay fanaaniintaasi oo magacaantooda lagu kala sheegay Xamda Yuusuf Ibraahim iyo Barwaqo Maxamed Xaashi, iyada oo xabsigana loo taxaabay bishii hore ee April. Sidoo kale waxa baaqa kasoo baxay Xarunta Xuqul Insaanka ee Somaliland (HRC) lagu sheegay inay xukuumadu xarig kula kacdo shaqsiyaad afkaartooda ku qora baraha bulshada gaar ahaan barta Facebook, isla markaana lagu soo oogin dacwad. Xarunta ayaa walaac xoogan ka muujisay ciqaabta xukuumada Biixi ay marsiineyso fanaaniintaasi iyo dadka ka afkaarta duwan, iyada oo eedaha lagu soo oogeyna ku tilmaamtay kuwo aan sharci ku fadhiyin. Ugu dambeyntiina waxa ay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi usoo jeedisay inay dib uga laabato eedahaasi, isla markaana ay usoo celiso xoriyada muwaadiniintaasi oo ku xiran sifo sharciga baalmarsan. Maaha markii u horeysay ee Xukuumada Somaliland ay xabsiga u taxaabto Fanaaniin u safray Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, iyada oo dhowr jeer oo horena ay dhacday, walow aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxa xukuumada.
-
Garowe (PP Editorial) — President Said Abdullahi Deni of Puntland State believes the role of Somalia’s partners (aka the International Community) is less constructive. He faulted the International Community for falsely claiming to provide Somalia with security assistance. He particularly took issue with what he views as a policy of the International Community that runs counter to bottom-up approach to building state institutions. Puntland feels left out in dynamic political changes at the level of Federal Member States. It is no longer the only administration that can harangue the Federal Government or the International Community for “retrogressive policies”. Its views are offset by the views of other Federal Member States particularly those not aligned with Garowe politically. In this context is it fair to label Puntland State the odd one out in Somali politics? In a recent policy statement from the Federal Education Ministry Puntland State declined to endorse the policy that entitles the Federal Government to prepare secondary school leaving examinations. Puntland advocates genuine federalism but it is a centralised Federal Member State. Some Puntlanders argue Puntland is reeling from a host of decisions that straitjacket its economic potential. They cite the thirty-year concession to run Bosaso Port awarded to DP World, the Dubai-based global port operator, as a development that diminishes Bari’s economic potential. If Federal Member States can sign infrastructural deals without the oversight of the Federal Government of Somalia, Puntland will have the right to sign oil prospecting deals with foreign companies. The Draft Constitution emphases the role of the Federal Government to exercise its sovereign rights when signing an infrastructural or oil exploration deals. The Federal Government is duty bound to honour agreements signed with legacy companies. Puntland Security reform initiated by President Said Abdullahi Deni is laudable. Puntland State attempted to reform the security sector in 2015. Top security officers mutinied and successfully nipped security reforms in the bud. President Deni describes the security reform as self-funded. In 2018 a Somali Army Integration Committee delegation arrived in Garowe to lay groundwork for intergration of Puntland forces into the Somali National Army as a part of the Security Architecture unveiled in London in May 2017. Puntland Adminstration has withdrawn from the integration initiative, depriving its forces of remuneration and capacity building to fight ISIS and Al-shabaab. The accusation that the International Community has left Puntland in the lurch is far-fetched. Puntland State leadership owes it to Puntlanders to mend relations with the International Community. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND SHOULD MEND RELATIONS WITH THE INTERNATIONAL COMMUNITY appeared first on Puntland Post.
-
Puntland oo joojisay in jimaaco lagu tukado Salaadda Ciidda
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta dowladda Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed, oo warbaahinta Garoowe kula hadlay, ayaa shaaciyay in gebi ahaanba degaannada Puntland laga joojiyay isu-soo bixii iyo salaaddii Ciidda Soonfur, si looga gaashaanto faafidda xanuunka COVID-19. Wasiir Cawil Sheikh Xaamud, ayaa sheegay in xukuumaddu go’aamisay in dadweynaha Puntland aysan salaadda Ciidda masaajidda iyo fagaarayaasha u soo bixin, balse qof kasta uu gurigiisa ku tukado, maadaama jimaacaadka salaadda Ciidda loo joojiyay, sababa la xiriira faafidda xanuunka Coronavirus. Wasiir Xaamud, ayaa sidoo kale tilmaamay in dugsiyada Qur’aanka ee ku yaalla gudaha Puntland, oo horay loo fasaxay ka hortagga COVID-19 la go’aamiyay in dib loo furo bacdal Ciid, kadib markii macallimiinti dugsiyada Qur’aanka ay soo wajahcday duruuf dhaqaale oo adag. Balse, furidda dugsiyada Qur’aanka ayuu shardi uga dhigay in ay raacaan talooyinka bahda caafimaadka ee ku aaddan ka hortagga cudurka Coronavirus, islamarkaana aan la ogolayn in 30 arday ka badan hal meel la isu’gu keeno. Wasiirka ayaa ku tusaaleey, in haddii dugsiga Qur’aanka ay wax ka bartaan 60 arday ay macallinka waajib ku tahay in uu 30-kii arday-ba gelin waxbaro, si loo ilaaliyo talooyinka bahda Caafimaadka ee ku wajahan xanuunka. PUNTLAND POST The post Puntland oo joojisay in jimaaco lagu tukado Salaadda Ciidda appeared first on Puntland Post. -
SOMALI FEDERAL GOVERNMENT SENDS MEDICAL EQUIPMENT TO BADHAN
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Badhan (PP News Desk) — A plane carrying medical equipment yesterday touched down at Badhan airport. The plan to deliver the medical assistance for the people of Badhan was almost scuppered when officials from Puntland State Government tried to delay the clearance for the plane to land in Badhan. The intervention of traditional leaders in Eastern Sanaag paved the way for the arrival of the aircraft from Mogadishu after twenty-four hour delay. The Federal Government of Soma has allocated direct medical assistance for districts designated as Disputed Territories claimed by Puntland State and Somaliland. A similar plane delivered medical equipment for Buhodle distrit of Togdheer region two days ago. A spokesman for Somaliland Government in Lasanod criticised the Federal Government for the direct medical assistance to Buhodle. He described the delegation of MPs that delivered the medical equipment to Buhodle “as people who do not represent the district”. © Puntland Post, 2020 The post SOMALI FEDERAL GOVERNMENT SENDS MEDICAL EQUIPMENT TO BADHAN appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Xili si weyn loo hadal hayo dib u dhigista saddexaad ee Maxkamadda ICJ ku sameesay dacwadda Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya kadib codis ka yimid xukuumadda Nairobi, ayaa Soomaalida waxey is-weydiinayan sababta madaxweynaha weli uusan arrintan uga hadal. Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed Khadar oo muuqaal kasoo duubay xafiiskiisa ayaa ku soo koobay in dib u dhigista ay Maxkamadda ku wargelisay dowladda, ayna ku qasban yihiin inay qaataan go’aanka maxkamadda. Maxkamadda ICJ ayaa aqbashay codsiga Kenya oo marmarsiyo ka dhigatay cudurka Coronovirus dartiis ineysan sanadkan dacwadda ka qeyb gali karin. Hadaba waxaa jira madaxdii hore ee dalka, siyaasiyiin iyo Xildhibaano ugu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu arrinta badda isaga mas’uul ka yahay ayna hoos imaaneyso, sidaas darteedna loo baahan yahay inuu ka hadlo. Waxaa intaas sii dheer in maanta dadka ku xiran baraha bulshada Villa Somalia ay ka falceliyeen qoraal xil loogu magacaabay shaqsi madaxtooyada u qaabilsan hab-maamuuska, ayaga oo si weyn ugu dalbaday in madaxweynaha uu ka hadlo arrinta badda, taas oo muujineysa iney shacabka shaki ka qabaan dib u dhigista kiiskan. Qaar kamid ah dadka ayaa ka dalbanayay madaxweyne Farmaajo in la cadeeyo sababta xilka looga qaaday, qaarna loo badalay qareenadii iyo dibloomaasiyiintii difaacayay dacwadda Badda sida Muna Sharma, Xeer ilaaliyihii shaqada laga ceyriyay Axmad Cali Daahir, iyo safiirkii Soomaaliya u fadhiyay xarunta Midowga Yurub ee Brussles Danjire Danjire Cali Saciid Fiqi oo laga dhigay Gudoomiayaha Xildhibaanada Koofur Galbeed oo dhamaantood hormuud u ahaa difaacidda iyo dacwadda Badda oo ilaa imika booskooda aan la buuxin. Hadaba waa kuwan qaar kamid ah dad kasoo felceliyay qoraalkii ugu dambeeyay ee madaxtooyada:
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Bar-___-Qubanaha-Warrka-20052020-web.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-habeen-20052020-web.mp3 View the full article
-
PRESS RELEASE Coronavirus – East Africa: Red Cross raises the alarm over a “triple menace” of floods, COVID-19 and locusts To respond to flooding, COVID-19 and locusts, the International Federation of Red Cross has provided over 7 million Swiss francs to Red Cross and Red Crescent National Societies NAIROBI, Kenya, May 20, 2020/ — A series of mutually exacerbating disasters is unfolding in East Africa, on a scale rarely seen in decades, warned the International Federation of Red Cross and Red Crescent Societies (IFRC). Ongoing heavy rain—which has killed nearly 300 and displaced about 500,000 people—has slowed down operations aimed at controlling the worst locust crisis in decades and increased the risk of the spread of COVID-19. Dr Simon Missiri, IFRC’s Regional Director for Africa said: “The ongoing flooding crisis is exacerbating other threats caused by COVID-19 and the invasion of locusts. Travel and movement restrictions meant to slow down the spread of COVID-19 are hampering efforts to combat swarms of locusts that are ravaging crops. Flooding is also a ‘threat amplifier’ with regards to the spread of COVID-19 as it makes it hard to implement preventive measures.” Flooding has left thousands of people homeless, many of them now seeking shelter in temporary accommodation centres where it is not easy or not possible at all to observe physical distancing. As a result, thousands are now at higher risk of contracting COVID-19 or waterborne diseases and need emergency food assistance. “We are facing an unusually complex humanitarian situation. We are worried that the number of people who are hungry and sick will increase in the coming weeks as flooding and COVID-19 continue to severely affect the coping capacity of many families in the region,” added Dr Missiri. “Harsh weather conditions are having a multiplier effect on an already difficult situation and this could potentially lead to worrying levels of food insecurity in the region.” Red Cross teams in the affected countries are rushing to respond to multi-faceted and overlapping crises. To respond to flooding, COVID-19 and locusts, the IFRC has provided over 7 million Swiss francs to Red Cross and Red Crescent National Societies in East and Horn of Africa. Red Cross and Red Crescent teams in Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Tanzania, Rwanda and Uganda are helping communities mitigate the negative impacts of the triple disaster through community awareness and direct food and non-food support. In Kenya, the Red Cross is conducting assessments in 16 counties, using drones and satellite images. Red Cross teams are also airlifting household items to families that have been marooned by floods. “Flooding is a recurrent phenomenon in the region. To break this cycle, we call upon Governments and partners to invest more in preparedness and flood control methods,” said Dr Missiri. Distributed by APO Group on behalf of International Federation of Red Cross and Red Crescent Societies (IFRC). SOURCE International Federation of Red Cross and Red Crescent Societies (IFRC) Qaran News
-
Somalia opposition parties have issued a statement in which they expressed grave concern over the increasing presence of non-AMISOM troops from the Ethiopian National Defense Force in several parts of Somalia. In a statement jointly seen by opposition political parties led by Forum National Party under the former Somali president Sheikh Shariff Sheikh Ahmed says the unilateral action by non-AMISOM Ethiopian troops constitutes a blatant disregard for the longstanding agreement between the Federal Republic of Somalia and AMISOM troops contributing countries, which clearly defines the scope of their jurisdiction. The opposition parties therefore considered all foreign troops who are not under the AMISOM mandate as occupiers. Meanwhile, the parties condemned the downing of the Kenyan plane by the non-AMISOM Ethiopian troops in the Somali town of Bardale early this month, killing all those on board. The opposition parties condoled the death of those killed in the tragic incident and sent their heartfelt condolences to their families. “Our deepest condolences and prayers are with the victims and those who lost their loved ones as a result of this horrific action” The opposition parties have recently accused the federal government of using Ethiopian troops to intimidate officials in Gedo into renouncing Madobe while Ethiopia denied the accusation. The parties said though Ethiopian troops flashed out Alshabab militants within the capital Mogadishu in 2007/08, they killed dozens of civilians, displaced millions across the country and caused widespread destruction. They warned repeat of that horrendous mistake would undermine peace and security in the country. It would also further embolden extremist elements. On the other side, the opposition parties also accused the chairperson of the African Union Commission for Somalia, Ambassador Madeira of overseeing unchecked violation of Somalia’s sovereign integrity and closely working with FGS. They said, Madeira worked in collusion with Ethiopian troops to interfere with Southwest and Jubbaland elections in the past. They added, Madeira is supposed to ensure AMISOM integrity is not tainted by ambitions of foreign state. They asked both Somalia parliaments, The African Union and the UN Security Council to intervene, investigate the presence of Ethiopian troops in the country and to avert the building tension. Also, they called The African Union Commission leader Mousa Faki with immediate effect to replace his special representative Madeira, with a neutral and experienced diplomat who discharges his duties faithfully. Finally, they called on the Somali people around the country to strengthen their internal cohesion and resist their illegal interference from external forces particularly Ethiopian troops which they said have a long and checked history of destabilizing the country for fear of seeing a united, peaceful, strong and democratic Somalia.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ethiopia uma muuqato wax sabab ah oo ay dib ugu dhigto buuxinta biyo-xireenka muranka uu ka taagan yahay ee webiga Nile, inkasta oo ay jiraan digniino ka imanaya Masar oo ah in tallaabada noocaas ah ay xasilooni darreyn karto gobolka, sida lagu sheegay warqad ay wasaraadda arrimaha dibedda Ethiopia u dirtay Golaha Ammaanka QM. Biyo-xireenka dib-u-curashada weyn ayaa ahaa isha xiisad u dhaxeysay labada dal tan iyo markii ay Ethiopia ay billowday dhismaha mashruucan, 2011—kii. Addis Ababa ayaa sheegtay in biyo-xireenka uu muhiim u yahay dhaqaalaheeda, halka Qaahira ay ka cabsi qabto inuu waxyeeleyn karo webiga ay ka hesho inta badan biyaheeda. Wada-hadallo dhacay horraantii sanadkan oo u dhaxeeyay labada dal iyo Sudan – oo ah dal kale oo webiga uu maro – ayaa ku guul-darreystay in wax heshiis ah lagu gaaro. Bishii April, ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa soo jeediyey in lagu dhaqaaqo “marxallada koowaad ee buuxinta” taasi oo muddo laba sano gudaheed ah ku shubeysa keydka biyo-xireenka biyo dhan illaa 18.4 bilyan oo cubic meter. Masar iyo Sudan ayaa ka cabsi qaba in keydka biyaha biyo-xireenka – oo qaada 74 bilyan oo cubic meter ah – uu yareyn doono biyaha soo gaara. Buuxinta iyo howl-galinta biyo-xireenka “waxay halis gelin doontaa amniga biyaha, amniga cunnada, iyo xaqiiqdii jiritaanka 100 milyan oo Masaari ah, kuwaasi oo noloshooda ay ku xiran tahay Webiga Nile,” waxaa sidaas lagu yiri warqad uu wasiirka arrimaha dibedda Masar Sameh Shoukry u diray Golaha Ammaanka QM oo ku taariikheysan 1-da May. “Tani waa xaalad suurta-gal ay tahay inay halis muuqata ku noqoto nabadda iyo amniga gobolka oo dhan,” ayuu yiri. Jawaab ku taariikheysan 14-ka May, islamarkaana ay aragtay wakaaladda wararka AFP, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Gedu Andargachew waxa uu Masar ku eedeeyey inay tahay carqaladeeye. “Ethiopia ma haysato waajib sharci ah oo ay tahay inay Masar fasax uga raadsato buuxinta biyo-xireenka,” ayuu yiri Gedu. “Ethiopia waxay saameyso dadaallo aan caadi ahayn oo ay ku tix-gelineyso dalabyada aan dhammaadka lahayn iyo dhaqanka aan la saadaalin karin ee Masar,” ayuu yiri. Masar ayaa dooneysa in Ethiopya ay taageerto heshiis qabyo qoraal ah oo kasoo baxay wada-hadalladii horraantii sanadkan ay fududeysay wasaaradda maaliyadda Mareykanka, oo arrintan soo faro-gelisay kadib markii madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi uu cadaadis saaray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ay xulufo yihiin. Hase yeeshee, Ethiopia ayaa ka baaqatay wareeggii ugu dambeeyey wada-hadallada, waxayna beenisay in wax heshiis ah lagu gaaray. Inkasta oo warqadda Masar ee Golaha Ammaanka ay kasii dartay xiisadda, haddana suurta-galnimada dagaal dhex-mara labada dal oo ka dhasha biyo-xireenka ayaan “weli muuqaan”, sida uu sheegay William Davidson oo ka tirsan hay’adda xasaradaha caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG). “Waxaan fileynaa in xaaladda ay kasii darto diblomaasiyad ahaan, iyo haddalo kulul oo la is-weydaarsado. Hase yeeshee xal laga wada-xaajooday oo arrintan loo helo waa mid u wanaagsan dhinac kasta, waxaana weli jira suurta-galnimada arrintaas,” ayuu yiri Davidson.
