-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Faah afaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidan oo ku yaalla degmada Buurdhuubo ee gobolkaasi. Taliyaha amniga ee magaaladaasi, Nuur Kadiye Ibraahim oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka hortageen weerarkaasi, wuxuuna tilmaamay in ciidamadii ku sugnaa saldhigga uu dagaalku ka dhacay uusan soo gaarin wax khasaare ah. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi. View the full article
-
Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeyb-galay kulanka 4-aad ee doodaha looga hadlayo habka ugu wanaagsan ee Soomaaliya uga gudbi karto marxalada kala guurka, kaas oo lagu qabtay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. Kulanka oo ay ka soo wada-shaqeeyeen wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyeynta Puntland iyo hay’adda PDRC, waxaa ka qey-bgalay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Puntland, Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas iyo Senator Faroole, Senator Cabdirisaaq Juurile iyo xubno kale. Intiisa badan waxaa kulanka looga dooday hanaanka doorasho ee Soomaaliya ka qabsoomi kara, iyadoo lagu saleynayo caqabadaha iyo fursadaha jira, doodaha noocan oo kale ah ayaana la sheegay inay sii socon doonaan, illaa ugu dambeyn ay ka soo baxdo aragtida Puntland ee nooca doorasho ee dalka ka dhici karta. Madaxweynihi hore ee Puntland Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in madaxda hadda dalka xukunta si aysan muddada u kordhisan ay muhiim tahay in la helo dad hortaagan, sidoo kalena wuxuu intaas ku daray in Somalia aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-22052020-ok.mp3 View the full article
-
New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee QM António Guterres, oo warbixin ku saabsan Soomaaliya u gudbiyey Golaha Ammaanka, ayaa walaac ka muujiyey khilaafka weli taagan ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada. “Waxaan weli ka walaacsanahay inkasta oo ay jiraan baaqyadeyda, iyo dadaallada joogtada ah ee wakiilkeyga gaarka ah ee Soomaaliya, haddana xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu weli yahay mid kacsan,” ayuu warbixintiisa ku yiri António Guterres. Xoghayaha guud ayaa madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu dib usoo celiyo kulamadii uu la yeelan jiray madax goboleedyada. “Waxaan ku dhiiri-gelinayaa Mr. Farmaajo inuu dib usoo nooleeyo madashii kulamada hogaamiyayaasha dalka, si loo wada-hadlo islamarkaana horey loogu dhaqaajiyo arrimaha qaranka,” ayuu yiri António Guterres. Guterres ayaa sidoo ugu baaqay madax maamul goboleedyada inay si wanaagsan uga jawaabaan tallaabooyinkan, ayaga oo ka billaabaya inay soo magacaabaan wakiilo dowladda kala shaqeeyaa diyaarinta kulan madaxeed ay yeeshaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyey xiisadda gobolka Gedo, iyo dagaalkii halkaas ku dhex-maray ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland, wuxuuna yiri “Waa muhiim in dib loo soo celiyo wada-shaqeynta iyo wada-hadallada dowladda dhexe iyo mas’uuliyiinta Jubaland.”
-
Having re-started commercial services in 2015, after more than a dozen years in the airline wilderness, Air Djibouti is embarking on ambitious plans to expand both freight and passenger services regionally and internationally. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka madasha xisbiyada qaran, Cabdirisaaq Shoole oo wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa sheegay in ciidamo huwan magaca AMISOM ay hub fara badan soo galiyeen gudaha dalka. Shoole ayaa wareysiga lala yeeshay ku sheegay in hubkaan laga soo galiyey dhinaca dhulka, gaar ahaan dhanka xuduudaha, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in la geeyey gobollada Gedo, Baay iyo Bakool ee koonfurta dalka Soomaaliya. Afhayeenka madasha xisbiyada qaran oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay walaac ka qabaan arrintaas oo uu tilmaamay inay sii hurin karto xiisadaha ka jira gobolka Gedo. C/risaaq Shoole ayaa intaasi ku daray in laga rabo wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika inuu la socdo dhaq dhaqaaq ciidamada AMISOM iyo hubka ay soo gelinayaan dalka. “Waxaan maqli jirnay maleeshiyaad aan heybtooda la aqoonin, maanta marka ciidamo shisheeye oo aan heybtooda la aqoonin ayaa waxaa ka dambeeyey ama sameeyey looma dul-qaadan karo.” ayuu yiri afhayeenka madasha xisbiyada qaran ee hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeel gaarka aheyd ee Shariif Sheekh Axmed. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintaan ay ku soo aadeyso, kadib dhacdadii lagu soo riday diyaaddii rakaabka aheyd ee ku socotay garoonka diyaaradaha magaalada Bardaale, taas oo la sheegay inay gantaal ku dhufteen ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya. Halkaan hoose ka dhageyso codka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Shoole.mp3
-
pic.twitter.com/oSpAZxSniO — salah khashoggi (@salahkhashoggi) May 21, 2020 Jamal Khashoggi has become an international symbol bigger than any of us, admired and loved. His ambush and heinous murder does not have a statue of limitations and no one has the right to pardon his killers. I and others will not stop until we get #JusticeForJamal (1/2) pic.twitter.com/hX0kFRPNvr — Hatice Cengiz / خديجة (@mercan_resifi) May 22, 2020 Qaran News
-
Qaahira (Caasimada Online) – Xiisadda Itoobiya iyo Masar ee biyo-xireenka webiga Nile ayaa kasii dareysa ayada oo Itoobiya ay billowday difaac ay kaga hortageyso weerar ay ka cabsi qabto, halka ciidamada Masar heegan culus la geliyey. Wargeyska The New Arab ayaa ilo-wareedyo Itoobiyaan ah kasoo xigtay in horraantii bishan ay Itoobiya billowday inay habka gantaallada lidka diyaaradaha gayso halka laga sameynayo biyo-xireenka, si ay isaga difaacdo duqeymo ay ka cabsi qabto in lagu soo qaado. Daad gureynta gantaalladan oo weli socota ayaa la filayaa in lasoo geba-gebeeyo bisha June. Itoobiya ayaa lagu warramayaa inay gantaalladan ka heshay Ruushka iyo dalalka kale. Dhinaca kale, madaxweynaha Masar Abdifatah Sisi ayaa Talaadadii la kulmay wasiirka difaaca Mohammed Zaki iyo taliyayaasha ciidamada isaga oo amray in ciidanka heegan culus la geliyo si loo difaaco amniga qaranka. Si kastaba, inkasta oo ay jiraan dhacdooyinkan cabsida leh, islamarkaana Masar ay biyo-xireenka u aragto inuu halis ku yahay, haddana xeel-dheerayaasha ayaa rumeysan in dagaal dhex-mara labada dal uusan u muuqan mid dhici kara mustaqbalka dhow. Xiisadda ayaa sare u kacday Bishii April, markii ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed uu soo jeediyey in lagu dhaqaaqo “marxallada koowaad ee buuxinta” biyo-xireenka taasi oo muddo laba sano gudaheed ah ku shubeysa keydka biyo-xireenka biyo dhan illaa 18.4 bilyan oo cubic meter. Masar iyo Sudan ayaa ka cabsi qaba in keydka biyaha biyo-xireenka – oo qaada 74 bilyan oo cubic meter ah – uu yareyn doono biyaha soo gaara. Buuxinta iyo howl-galinta biyo-xireenka “waxay halis gelin doontaa amniga biyaha, amniga cunnada, iyo xaqiiqdii jiritaanka 100 milyan oo Masaari ah, kuwaasi oo noloshooda ay ku xiran tahay Webiga Nile,” waxaa sidaas lagu yiri warqad uu wasiirka arrimaha dibedda Masar Sameh Shoukry u diray Golaha Ammaanka QM oo ku taariikheysan 1-da May. “Tani waa xaalad suurta-gal ay tahay inay halis muuqata ku noqoto nabadda iyo amniga gobolka oo dhan,” ayuu yiri. Jawaab ku taariikheysan 14-ka May, islamarkaana ay aragtay wakaaladda wararka AFP, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Gedu Andargachew waxa uu Masar ku eedeeyey inay tahay carqaladeeye. “Ethiopia ma haysato waajib sharci ah oo ay tahay inay Masar fasax uga raadsato buuxinta biyo-xireenka,” ayuu yiri Gedu. “Ethiopia waxay saameyso dadaallo aan caadi ahayn oo ay ku tix-gelineyso dalabyada aan dhammaadka lahayn iyo dhaqanka aan la saadaalin karin ee Masar,” ayuu yiri.
-
Golaha Amaanka oo M/weynaha Soomaaliya Farmaajo uga digay Dibu-dhac ku yimaada doorashada 2020/2021,Baaq adagna u direy. Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kulan ka yeeshey xaaladda Soomaaliya, kulanka ayaa la isticmaaley VTC ama Fiidyow Konfrense. Shirka waxaa guddoominaayey Wakiilaka Qaramada Midoobey u fadhiya dalka Estooniya Sven Jürgenson, waxaana ka soo wada muuqdey dhamaan 15 ka dal ee Golaha Mmaanka ee Qaramada Midoobey uu ka kooban yahay. Ujeedka ugu weyn ee kulanka ayaa ahaa in Golaha Amaanku dhegeysto warbixino ku saabsan Soomaaliya iyo sidii wakhtiga loogu cusbooneysiin lahaa halwgalka Midowga Afrika ee AMISOM. James Swan Ugu horreyn waxaa shirka warbixin dheer siiyey Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan, iyo madaxa hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Caetano Jose Madeira. James Swan ayaa si faah-faahsan uga hadley xaaladda Soomaaliya ay wajahayso xiligan xasaaiga ah, waxaana uu sheegay in COVID-19 uu Soomaaliya ka dilaacay, kiisaska ilaa hadda la xaqiijiyey ay gaarayaan 1500 laakiin la aminsan yahay in ay aad uga badan yihiin, Dowladda federaalka iyo weliba Dowlad goboleedyada ayuu ku amaaney sida ay ugu dedaalayaan in ay u xakameeyaan COVID-19. Cudurkan ayuu sheegay in uu saameyn dhaqaale dalka ku reebey, iyada oo markii hore 5 milyan oo qof ay u baahnaayeen gargaar bini’aadanimo. James Swan ayaa sidoo kale ka hadley fatahaadaha, dalka ka dhashey, weerarada al-shabaab ay sii wadaan oo ay tixgelin waayeen baaqyada caalamiga ah kadib cudurka coronavirus ee la rabey in xabbad joojin la sameeyo iyo dhibaatada ka taagan Ayax aan waxba reebeyn, kadib roobabkii guga. Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxa si faahfaahsan uga hadley doorashooyinka 2020/2021, waxa uu sheegay in Soomaalya u diyaar garoobeyso markii u horeysey tan iyo sanadkii 1969 doorasho dimoqraadi ah, daah furan, loowada dhan yahay, laakiin waxa uu wel-wel ka muujiyey qaabka loogu diyaar garoobey iyo in Dowladda federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah aysan arrintan weli kawada shaqeyneyn. SOO JEEDINTA GOLAHA AMAANKA Xubnaha golaha amaanka ayaa soo dhaweeyey warbixinada ay siiyeen u qaybsanyaasha arrimaha Soomaaliya. Dalalka sida xasaasiga ah uga hadley arrimaha Soomaaliya waxaa kamid ahaa faransiiska, jarmalka, Biljimka, Maraykanka iyo Ingriiska. Dhamaan dalalkii hadley ayaa si weyn ugu canaantey Dowladda federaalka ah in aysan qaadin masuuliyadda sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Dowlad goboleedyada. Golaha ayaa sheegay in Dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah ay wada shaqeeyaan ay fure u tahay doorashada la filaayo in ay dalka ka dhacdo ayey ku nuux-nuuxsadeen. Ergayga dalka Faransiiska ayaa sheegay in doorashada wakhtigeeda la qabto oo COVID-19 aanu noqon karin marmarsiiyo, sidoo kale waxa uu ka digey in dib loogu laabto nidaamkii qabaliga ahaa ee 2016. Xubnaha Golaha Amaanka ayaa isku raacey, in laga doonayo Madaxweyne Farmaajo uu qaato hoggaaminta iyo masuuliyadda, wada hadal deg-deg ah la furo Dowlad goboleedyada, oo uu qabto shirkii Golaha Amniga Qaranka ee ay ku mideysan yihiin Dowladda federaalka iyo Dowlad goboleedyadu sidoo kale laga heshiiyo doorashooyinka dhamaadka sanadkan iyo bilowga sanadka 2021, loo midoobo cadowga keliya ee al-Shabaab, sidoo kale waxay ka digeen in aan ciidamada dowladda loo dhisey loo isticmaalin arrimo siyaasadeed ee lagu jiheeyo sidii al-Shabaab looga adkaan lahaa. Dhanka kale Golaha Amaanka ayaa sheegay in Soomaaliya ay weli u baahan tahay in laga taageero dhanka amaanka, laakiin la doonaayo in ay la timaado qorshaha amniga qaranka (National Security plan) ee ay kula wareegayaan amniga dalka sanadka 2021, waxaana qaarkood muujiyeen in ay muhim tahay in mudada loo cusbooneysiiyo AMISOM. Shirka waxaa Soomaaliya uga qayb-galay ergayga Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya Denjire Abuukar Baale oo jeediyey khubad ku aadan horumarka Dowladda federaalku ku tallaabsatey. Waa markii labaad ee Golaha Amaanku ugu baaqo Dowladda federaalku in ay qaadato hoggaaminta iyo masuuliyadda wada shaqeyn dhexmarta iyaga iyo Dowlad goboleedyada. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Aamin Ambulance ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xariga xalay magaalada Muqdisho loogu gaystay agaasimihii adeegaas Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Aadan. Maamulka ayaa caddeeyey in xarrigga loo geystay Agaasimaha Dr. Cabdulqaadir uusan wax xiriir ah lama laheyn Adeegga Aamin Ambulance, balse uu yahay mid shaqsi ah, waxayna u mahad-celiyeen dowladda. “Waxaan halkaan uga mahad celineynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya qeybaheeda kala duwan iyo xubnaha bulshada ee nagala soo xiriiray oo nala wadaagay dareenkooda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Aamin Ambualnce. Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa xalay Cabdulqaadir Cabdiraxmaan kasoo xiray Baar lagu magacaabo Spaghetti House oo ku yaalla agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxana la geeyey xarunta dembi barista booliska ee CID-da. Warqad kasoo baxday xaafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo ay heshay Caasimada Online ayaa lagu sheegay in Cabdulqaadir madaxa Aamin Ambulance ay cabasho kasoo gudbiyeen laba nin oo lagu kala magacaabo Axmd Cabdiraxmaan Diiriye iyo Barre Cismaan Xuseen, kuwaas qaab Forex ah uu lacag uga qaatay, taas oo cadadkeedu dhanyahay, $214,000 oo dollar. Dr. Cabdulqaadir ayaa markii dambe lasii daayey, hase yeeshee kiiskiisa ayaa weli taagan.
-
Khalifa Xaftar oo iclaamiyey dagaal ka dhan ah Turkiga iyo Turkiga oo jawaab adag bixiyey Sarkaal sare oo Turkish ah ayaa sheegay inay ka aargudan doonaan weerar kasta oo dagaal-ooge Khaliifa Xaftar uu ku qaado danaha Turkiga ee Libya, saacado kadib markii Xaftar uu iclaamiyey dagaal iyo weeraro ka dhan ah Turkiga. Hanjabaadda dagaal-oogaha ayaa timid kadib toddobaad uu guul-darrooyin kala kulmay dowladda Libya ee Turkiga uu taageero. Ciidamada Xaftar, oo ay taageerayaan Imaaraadka, Masar iyo Ruushka ayaa sanad ka hor billaabay dagaal ay doonayaan inay ku qabsadaan caasimadda Libya. Hase yeeshee faro-gelinta Turkiga ayaa beddeshay dagaalka, una riixday guusha dhanka dowladda. “Waxaad saacadaha soo socda arki doontaa ololihii duqeymo ee ugu ballaaraan taariikhda Libya,” waxaa sidaas yiri madaxa ciidamada cirka ee Xaftar, Saqr al-Jaroushi oo bayaan soo saaray. “Dhammaan goobaha Turkiga iyo iyo danahooda ee magaalooyinka Libya waxay bartilmaameed sharci ah u yihiin ciidamadeena, waxaana shacabka ugu baaqeynaa inay ka fogaadaan,” ayuu yiri. Hase yeeshee sarkaal sare oo Turkish ah ayaa sheegay inay si wanaagsan diyaar ugu yihiin inay difaacaan saldhigyadooda iyo xarumahooda, ayaga oo adeegsanaya maraakiibta dagaalka iyo diyaaradaha drone-ka ee ku sugan meel u dhow Libya. Waxa uu intaas ku daray in weerar kasta oo lagu qaado shaqaalaha Turkiga laga bixin doono jawaab aargudasho oo ay ku jirto mid lagu beegsanayo xarumaha Khalifa Xaftar. Guul-darrooyinka Xaftar ayaa waxaa horseeday diyaaradaha drone-ka Turkiga oo burburiyey habkii difaaca gantaallada Pantsir ee Ruushku ay sameeyeen, kuna caawiyeen Xaftar. Qaran News
-
Hogaamiyaha Chechnya oo cisbitaal la dhigay Ramzan Kadyrov, 43 jirka hogaamiya Chechnya Hogaamiyaha Chechnya, Ramzan Kadyrov, ayaa cisbitaal la dhigay isagoo looga shakisan yahay inuu qaaday Fayraska Korona, sida ay sheegtay warbaahinta Ruushka. Waxaa Arbacadii loo duuliyay caasimadda Moscow, si looga daweeyo xanuun leh astaamaha hergabka oo kale, sida qof xog oggaal ah uu u sheegay wakaaladda wararka ee Interfax. Hogaamiyahan oo mar dagaal jabhadeyn ah kula jiray xukuumadda Moscow ayaa hadda saaxiib dhaw la ah madaxweyne Vladimir Putin. Weriyaha BBC ee Moscow ayaa sheegay in dad badan ay u haystaan in Kadyrov uu yahay nin aad looga baqo. Marar badan ayaa lagu dhaliilay fasiraaddiisa shareecada Islaamka ee uu gobolkaasi kusoo rogay, iyo tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee lagu eedeeyay. Lama oga xaaladdiisa dhabta ah, inkastoo wararka hordhaca ah ay tilmaamayaan in dhakhtarkiisa uu kula taliyay in loo duuliyo caasimadda Ruushka si loogu daweeyo. Akhmed Dudayev oo ah madaxa telefishinka Grozny, saaxiib dhawna la ah hogaamiyaha xanuunsan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Tass in Kadyrov “uu xaaladdiisa maareynayo, isla markaana uu qaadanayo dhammaan tallaabooyinka muhiimka ah,” waxa uu intaa raaciyay “Xarunta taliskiisa weli isaga ayay gacanta ugu jirtaa.” Siyaasiyiinta Ruushka iyo Fayraska Haddii la xaqiijiyo in Fayraska Korona uu ku dhacay Kadyrov, ayaa waxa uu kamid noqonayaa mas’uuliyiinta sare ee uu haleelay xanuunka. Ra’iisal wasaare Mikhail Mishustin ayaa maalmo ka hor ku soo laabtay shaqada kadib markii uu cisbitaal u galay xanuunka Covid-19. Xoghayaha warfaafinta ee madaxweynaha Dmitry Peskov, wasiirka hidaha Olga Lyubimova, kan dhismaha Vladimir Yakushev iyo kuxigeenkiisa Dmitry Volkov ayaa dhammaantood laga helay Fayraska. Khamiistii shalay ahayd, Ruushka ayaa shaaciyay in 127 qof oo horleh ay cudurka u dhinteen, taasoo tirada guud ee dhimashada ka dhigtay 3,099. 317,554 qof ayuu cudurka ku dhacay dalkaasi, waana waddanka labaad ee ugu kiisaska badan caalamka. Balse dadka dhaliila xukuumadda Moscow ayaa tilmaamaya in dhimashada ay aad uga badan tahay inta la shaaciyay. Qaran News
-
Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika Danjire Alexander Rondos oo goor dhow ka hadlayay machadka “Norweygian Institute of International Affairs” ayaa sheegay in horumar aan hore loo saadaalin uu ka soo ifbaxaya gobolka. Weliba waxuu maalgashata reer Yurub ku baraarujiyay inay la yimaadaan ganacsi indho furan, haddii loo baahdana ay iskaashi kala yeeshaan Mareykanka iyo Shiinaha si aysan u seegin fursadda. Warkaas waxaa ka horreyay wareysi uu bishii February 18, 2020 CTC Sentinel siiyay Safiirka Mareykanka u fadhiyo Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto kuna soo bandhigay siyaasadda Mareykanka ee Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya. Danjiraha waxuu sheegay in Mareykanku uu dadaal dheeri ah ku bixinayo sidii Soomaaliya loo xasilin lahaa [amni, siyaasad iyo dhaqaaleba] (CT Foxhole Abril 2020). Labada Danjire oo ah kuwa ugu khibradda dheer wakiilladda dalalka reer galbeed ee joogga qaaradda Afrika, gaar ahaan Geeska ayaa hadaladoodi ka muuqatay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in lala ganacsado, dekedaheedana ay muhiim u yihiin suuqa gobolka. Balse xogta Safiirka Mareykanka uu bixiyay, malahaa waxay carqaladeysay qoorshaha qarsoon ee Amiirrada Abu Dhabi ka leeyahay Soomaaliya sida ka muuqata habka uu u dhigay hadalkiisa Michael Rubin oo afhayeen u ah ololaha kala qaybinta Soomaaliya – Waqooyiga iyo Konfurta. Qoraagu waxuu si aan suubbaneyn u suluugsan yahay siyaasadda Mareykanka ee xasillinta Geeska Afrika, waxuuna si aan daacad ahayn u eedeyay dadaallada nabad raadinta Ra’iisul-wasaare Axmed Abiy iyo Danjire Yamamoto (AEI Organisation – May 10, 2020). Haddaba aannu isweydiinnee, maxaa Amiirka Abu Dhabi ka khuseya midnimada ummadda Soomaaliyeed [Liibiya iyo Yemen]? Maxuuse yahay hiigsigiisa mustaqbalka dalalka ku yaal xeebaha Badda Cas iyo mediterrania? Qaabka cadawnimada leh oo ay Abu Dhabi u wajahayso Soomaaliya, waxaa si fiican loo fahmi karaa markii aanu eegno isbarbar-dhigyo xiiso leh ee ka jira Yeman iyo Liibiya oo in muddo ah dhacdooyin gudahooda ka dhacay ay dibudhac kala kulmeen dadaallada nabaddoonka ah. Abril 4, 2019 Khalifa Xaaftar oo ay taakuleyso Isutagga Imaaraadka Carbeed ayaa weerar ujeeddadiisu ahayd inuu ku qabsado caasimadda Liibiya ku qaaday dowladda uu hoggaamiyo Fayez al-Sarraaj oo ay aqoonsan tahay QM. Weerarkaas waxuu dhacay 10 maalmood ka hor inta aysan labada dhinac ku kulmin kulan uu soo qabanqaabiyay Danjire Ghassan Salamé oo ahaa Ergeyga gaarka ah ee QM. Danjire Salamé oo u dhashay Lubnaan ayaa shaqadiisii uga tegay kaddib markii dhowr jeer la carqaladeeyay dadaalladiisii nabaddoonka ahaa. Bartamihii Abril 2020 ayaa Golaha Amniga ee QM qorsheeyay inuu ku beddelo Danjire Ramtane Lamamra, balse waxaa si lama filaan ah u horistaagay go’aankaas Mareykanka oo adeegsanayay diidmo qayaxan (Veto). Dowladda Tripoli oo ilaa kol dhow guulo micna leh aan sameyn inay iska daafacdo weerarka mooye, ayaa taakuleyn militari oo ay ka heshay Turkiga u suurtaggelisay inay jebiso go’doomintii, ayna qabsato saldhiga diyaaradaha Al-Watiya iyo degmooyin muhiim u ahaa kooxda Xaftar ee ay taageeraan Imaaraadka, Masar, Ruushka iyo Fransiiska. Horumaradaas waxay dhaleen natiijooyin cusub. Imaaraadka oo xulufeysanaya dalal ay ka mid yihiin Masar, Marooko iyo kuwa kale ayaa ku cadaadiyay Aqalka Cad inuu diido magacaabidda Danjire Lamamra, walow siyaasadda “congress”-ka Mareykanka ay taas ka duwan tahay. Jan. Xaaftar ayaa Abril 27, 2020 si degdeg ah isku caleemo saaray asagoo leh “Ummadda Liibiya ayaa iga codsatay inaan dalka hoggaamiyo.” Danjire Lamamra oo horey u ahaan jiray Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jasaa’ir (Algeria) inta uusa xilka ka qaban Midowga Afrika ayaa leh khibrad uu golaha u arkayay inuu wax weyn kaga beddeli karo geeddisocodka nabadda Liibiya. Dhinaca kale, Amiir Khalid bin Salman ayaa loo xilsaaray sidii dagaalka Yemen ee daba dheeraaday xal loogu xeli lahaa, kaddib markii November 2019 dowladda Yemen ee caalamka aqoonsan yahay iyo kooxda gooni u goosatada Koonfurta (Southern Transitional Council – STC) ay wada saxiixdeen heshiiskii “Riyadh Agreement” kasoo durba la kulmay turaanturooyin ay ka dambeyso Abu Dhabi. Walow inta badan gobollada koonfureed ee Yemen ay adeecen heshiiskii, haddana Abril 25, 2020 kooxda gooni u goosatada Koonfurta ayaa Abu Dhabi kaga dhawaaqeen is-maamul u gaar ah. Falaqeeyayaasha siyaadadda ayaa rumeysan in tillaabaadahaas aysan u suurtaggasheen kooxaha Yemen amase Xaaftarka Liibiya, haddii gacmaha qarsoon ee Abu Dhabi aysan hoos ka wadin. Shaki waxaan ku jirin, in Abu Dhabi ay ka argaggaxsan tahay in nabad ay geyigaas ka dhalato iyadoo aysan danaheeda meel saarneyn. Si kastaba ha ahaate, Imaaraadka waxuu kaloo carqaladeyn ku hayaa madaxbannaanida Soomaaliya, maadaama ay tahay waddan colaad ka soo baxaya oo ay khayraadkiisu soo jiidan karo maalgashi calami ah, dekedihiisana la tartami karaan kuwa Imaaraadka. Marka la eegayo sawirka guud, waxaa muuqaneysa in Abu Dhabi ay hirgelineyso siyaasad cakiran oo ku dhisan “qaybi oo xukun,” si ay u wiiqdo midnimada Soomaaliya [Yemen iyo Liibiya], meel cidla ahna uga qaadato (iyadoo aan laga siin saami u qalma) dekedaheeda muhiim u ah himiloyinka Shiinaha ee “Belt and Road Initiative” iyo quwadaha caalamka. Haddaba, ajandaha qarsoon ee Abu Dhabi ayaa u muuqda inuu yahay inay xirmooyin dalal yaryar oo taabacsan ay ka abuurto xeebaha Badda Cas iyo midda dhexe (mediterrania), si ay ugu muuqato awood goboleed lagama maarmaan u ah danaha quwadaha caalamka (Shiinaha, Ruushka, Mareykanka, Yurub, iwm). Miyuusan Amiirku oggeyn in gudcurka [silac] dayax ku xigo, habeenkana ay maalin ka dambeyso! AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Mareykanka ayaa shaaciyey inuu ka baxayo heshiiska Caalamiya oo uu hore u galay Heshiiskan waxaa qayb ka ah 35 dal Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inuu ka baxayo heshiiska muhiimka ee oggolaanayey diyaaradaha aan hubeysneen iney hawada waddamada heshiiska saxiixay ay si xor ah u dul maraan, heshiiskasi oo loo yaqaanno ‘Open Sky Treaty’. Heshiiskan oo 2002 hirgalay ayaa loo diyaariyey si waddamada saxiixay dhexdooda looga abuuro kalsooni ah iney hawada iska soo weerarin. Mas’uul sare oo dowladda Mareykanka ka tirsan wuxuu sheegay inuu dalkiisu uu heshiiskan uga baxayo maadaamaa uu Ruushka marara badan uu ku xadgudbay heshiiskaasi. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu isna sheegay in la joogo “fursaddi ugu wanaagsaneyd oo heshiis cusub” lala geli lahaa Ruushka. “Waxaan u maleynayaa inaan xiriir wanaagsan la leennahay Ruushka, balse Ruushka ma noqon mid heshiiskaasi u hoggaansamo, ilaa ay heshiiskaasi si dhab ah ugu hoggaansamayaanna heshiiska waan ka baxeynaa” ayuu yiri madaxweyne Trump. Mas’uuliyiin ka tirsan Mareykankana waxay sheegeen iney Washington heshiiska 6 bilood gudahood kaga baxeyso. 35 dal oo ay ka mid yihiin dalalka Ruushka, Canada iyo Britain ayaa heshiiskan qayb ka ah. Ruushka siduu uga jawaabay? Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka oo ka soo horjeesatay hadalka ka soo yeeray Mareykanka ayaa sheegtay ineysan iyadu heshiiskaasi ku xadgudbin, ka bixitaanka heshiiska uu Mareykanka sheegayna ay noqon doontaa “mid uu aad uga qoomameeyo”, waxayna wasaaraddu intaa ku dartay maamulka Trump inuu mar weliba “uu carqaladeeyo heshiisyada xakameeynta hubka” ee horay loo gaaray. “Waan ka soo horjeedna sababta uu Mareykanka ku sheegay inuu heshiiskana muhiimka ah uu kaga baxayo,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka Ruushka Alexander Grushko oo u warramay wakaaladda wararka Ruushka ee RIA Novosti. “Ma jirto wax naga horistaagi kara wadahadallada farsamada la xiriira, balse Mareykanka sida uu u soo dhigay Ruushka inuu ku xadgudbay ay tahay mid khaldan,” ayuuna sii raaciyey. Wuxuuna intaa ku daray heshiiskaasi oo uu Mareykanka ka baxo iney saameyneyso waddamada heshiiskan qaybta ka ah gaar ahaanna waddamada ka tirsan Gaashaan buurta Nato. Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionHeshiiska waxaa saxeexay 35 dal uu Mareykanka ka mid yahay Jonatahan Marcus oo ka faallooda arrimaha difaaca oo ka warrmaya heshiiskan uu sheegay inuu Mareykanka ka baxayo wuxuu sheegay inuu u muuqdo Mareykanka mid uu xubinnimada heshiiskan uu hakada ku gelinayo ka bixitaankiisana ay ku xirnaan doonta wadahadalka Moscow uu la yeesho natiijada ka soo baxdo. Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka waxay sheegtay Washington haddii ay heshiiskan ka baxdo inuu iyada si gaar ah u saameynayo maadaamaa ay dayaxgacmeedyo oo ay leedahay ay maraan hawada waddamadaasi, go’aanka Trump wuxuu sida oo kale saameynayaa waddamada heshiiskaasi qaybta ka ah ee adeegsada dayaxgacmeedyada noocaasi. Horraantii sanadkanna xoghayaha gaashaan dhigga Mareykanka Mark Esper wuxuu Ruushka ku eedeeyey inuu heshiiska ka baxay oo uu mamnuucaya diyaaradaha iney maraan hawada Kaliningrad iyo deegaannada kale ee ku dhow Georgia. “Shaki badan ayaan ka qabaa heshiiskaasi halka uu hadda marayo” ayuu yiri Mark Esper. Maamulka Trump wuxuu sanadki hore uu ka baxay heshiiskii xakameynta hubka Niyuukilarka ee ridda dhexe ee INF, iyada oo ay taasi muujineyso inuu Trump maamulkiisa uu ka baxayo heshiisyo muhiim ah. Heshiiska INF wuxuu 1987 uu dhex maray Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeet, heshiiskaasi oo mamnuucayey sameysashada gantaallada Niyukilarka riddada dhexe iyo riddada gaaban. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa si kulul uga hadashay Diyaarad siday daawooyin oo dowladda Soomaaliya ka dejisay deegaanka Buuhoodle. Somaliland ayaa si cad u sheegtay inaysan marnaba raali ka aheyn waxkasta oo siyaasad iyo dano gaar ah ku dhisanba, midaasi oo ay uga jeedo gargaarkii ay DF soo gaarsiisay degmo kamid ah deegaanadeeda inuu ahaa mid siyaasadeysan ee uusan aheyn gargaar bani-aadantinimo Cabdirashiid Ducaale Qambi, Wasiirka Hawlaha guud iyo Guriyeytna Somaliland oo arrinkaasi ka hadlayay ayaa sidoo kale waxa uu eedeymo culus u jeediyay Siyaasiyiin kasoo jeeda deegaankiisa oo suurtagaliyey in Dowladda Soomaaliya ay Diyaaradaasi ka dejiso Buuhoodle. “Cudurkan Dunida ku baahaya si siyaasad la’aan ahbuu Adduunku wixii taageero ah iskaga geystay, taas oo macnaheedu yahay inuu adduunka oo dhami u wada gurmado, markaan leeyahay adduunka oo odhan baa iskaga gurmanaya, waxaa la iskugu gurmaday ,oo wax la iskugu tarayey si siyaasad la’aan ah, oo aan wax ku hoos jirin, waxaa jirtay in wakhtigan aynu joognay, in Buhoodle yimaadeen xoogaa dawo ah, oo ku saabsan Coronvirus-kaas oo Dawladda Fadaralka ka timid oo Wasiiro soo raacisay, in la isku gurmado ayaan u arkaa” ayuu yiri Wasiir Qambi. Wuxuuna intaasi kusii daray “Haddii Xamar doonayso inay Buhoodle wax tarto, Hay’addaha samafalka ee marka horeba iyaga u keenay ayey soo raacin lahaayeen oo ay dhihi lahaayeen halkaas iyo meelihii kaleba geeye oo Somalidu wey is caawisaa, laakin tani taas may ahayn, waxaa ka muuqata siyaasad oo awalba xaaladooda siyaasadeed ay dhibaatooyin badan lahayd in dhibaatooyin badan ka dhacdo muujiya, taas oo deeganka dhib ku ah”. “Waxaa jira qoloyo dagaal ogayaal ah oo reer Buhoodle ah oo Xamarna jooga oo had iyo goor wuxuu la carqaladayo ka shaqeeya oo ka dhigaya inay dadka wax u qabanayaan, haddii Dawladda Fadaralka ahi Buhoodle wax siinaysay Diyaarad bay soo saari lahayd, Odayashaa ayey odhan lahayd kala dega, wixii wax tar ah umadda wax loo baahan yahay weeye, wixii siyaasadi ku jirto ama dabada ku hayso dawlad siyaasadaynaysa waanu is hor taagayna, waana ka soo hor jeedna, waxna waanu ka muujinaynaa”.
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Africa: World Bank announces $500 Million to fight locusts, preserve food security and protect livelihoods The first countries to be financed under the initial phase of the program are Djibouti, Ethiopia, Kenya, and Uganda, with a total financing package of US$160 million WASHINGTON D.C., United States of America, May 21, 2020/ — The World Bank Group approved today a US$500 million program to help countries in Africa and the Middle East fight the locust swarms that are threatening the food security and livelihoods of millions of people. Emergency Financing for Locust Affected Countries will help people recover from losses The Emergency Locust Response Program (ELRP), approved today by the World Bank’s Board of Executive Directors, will focus on providing immediate assistance to help poor and vulnerable farmers, herders, and rural households overcome one of the worst locust upsurges in decades. ELRP will provide immediate support to affected households through targeted social safety nets like cash transfers, while investing in the medium-term recovery of agriculture and livestock production systems and rural livelihoods in affected countries. The first countries to be financed under the initial phase of the program are Djibouti, Ethiopia, Kenya, and Uganda, with a total financing package of US$160 million. “Locust swarms present a double crisis for countries that are also battling the COVID-19 pandemic,” said World Bank Group President David Malpass. “Together, this food supply emergency combined with the pandemic and economic shutdown in advanced economies places some of the world’s poorest and most vulnerable people at even greater risk.” East Africa already has 22.5 million severely food insecure people and 10.8 million forcibly displaced people, according to the UN’s Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. The World Bank has estimated that, without broad-scale, coordinated control measures to reduce locust populations and prevent their spread to new areas, potential damages and losses to crop and livestock production and related assets in the greater Horn of Africa, including Yemen, could reach as high as US$8.5 billion by the end of this year. By helping to mobilize a rapid response and more effective locust control measures, anticipated damages and losses will still be an estimated US$2.5 billion. This is why the ELRP will fund measures to protect livelihoods of the poor and vulnerable impacted by the locust crisis. In addition to protecting livelihoods, physical assets and human capital of affected households, the program will deliver seed packages and other inputs to affected households to help restore farm production and livelihoods as quickly as possible. It will also finance investments to strengthen surveillance and early warning systems so that countries are better prepared to combat future outbreaks. As of early May 2020, locust swarms have infested 23 countries across East Africa, the Middle East, and South Asia. This upsurge is the biggest outbreak faced by some countries in 70 years. Favorable breeding conditions through May will likely result in a new round of swarms in late June and July, coinciding with the start of the harvest season. The program’s design builds on the strong technical foundation of desert locust management created by the Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO), which is already working with affected countries to ensure locust control operations are done safely and effectively. The World Bank and the FAO will enhance their ongoing collaboration through the program. ELRP will employ a multi-phased programmatic approach that allows for the fast preparation of similar projects in the future. Financed through the International Development Association (IDA), the World Bank’s fund for the poorest, it makes available an initial US$500 million in financing for eligible countries to request support. Its flexible financing package means that ELRP can expand quickly to new countries depending on where the locust swarms move. All countries eligible to receive IDA and IBRD resources can access support. Among the initial projects approved: Djibouti – US$6 million will help Djibouti strengthen its regulatory framework and institutional capacity for ‘Early Warning’ preparedness and response against future locust outbreaks, as well as provide cash transfers to affected households. Ethiopia – In addition to the scale up of surveillance and control measures, US$63 million will provide seed and fertilizer packages to more than 150,000 farmers to ensure planting during the upcoming cropping season and, in pastoralist areas, emergency fodder to more than 113,000 households to safeguard their productive assets. Kenya – US$43 million will finance grants to an estimated 70,000 pastoral households and 20,000 farmers to quickly rehabilitate crop and livestock production systems disrupted by the locust swarms. Uganda – US$48 million will finance surveillance and control measures. It will also finance interventions to protect and rehabilitate livelihoods through temporary employment programs and activities that boost resilience, such as water and soil conservation activities, the adoption of agro-forestry technologies and practices, and the buildout of market infrastructure. The ELRP support builds on the Bank’s earlier emergency financing of US$13.7 million for Kenya and US$600,000 that was reallocated for Djibouti to respond to the locust crisis. Distributed by APO Group on behalf of The World Bank Group. SOURCE The World Bank Group Qaran News
