Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. New York (Caasimada Online) – Ku-xigeenka wakiilka dowladda UK ee QM, Jonathan Allen oo khudbad ka jeediyey kulankii Golaha Ammaanka ee arrimaha Soomaaliya ayaa ka hadlay doorashooyinka la flayo inay sanadkan ka dhacaan Soomaaliya. Allen ayaa sheegay in hadafka laga leeyahay siyaasadda Soomaaliya ee ah in sanadkan la qabto dooraasho qof iyo cod ah, iyo horumar laga sameeyo dib u eegista dastuurka ay yihiin kuwa aan weli is-beddelin. Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in dowladda, baarlamanka, guddiga doorashooyinka, guddiyada isku dhafka ah iyo dowlad goboleedyada ay wada shaqeeyaan, islamarkaana ay qaadaan tallaabooyin deg deg ah oo loo dhan yahay, oo fududeeya in doorashada ay si dastuuri ah ugu dhacdo waqtigeeda. “Ma jirto wax sabab ah oo cudurka COVID-19 uu u hor-istaagi karoi inuu dhaco diyaargarowga muhiimka ah ee doorashada. Waa in si deg deg ah loo shaaciyaa go’aanada muhiimka ah ee ku saabsan habka doorashada, qoondada kuraasta, qeexista deegaan doorashada, qoondada haweenka, arrinta Somaliland iyo maqaamka Muqdisho,” ayuu yiri. “Waa arrin wanaagsan inaan iminka maqalno in toddobaadyada soo socda aan arki doonno horumar laga sameeyey arrimahan.” Danjiraha ayaa intaas ku daray in la joogo xilligii dowladda federaalka iyo mucaaradka ay meel iska dhigi lahaayeen khilaafyadooda islamarkaana ay isugu tanaasuli lahaayeen. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu mar kale ku celinayo baaqa Golaha Ammaanka ee ah in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ka wada shaqeeyaan dhismaha Soomaaliya xooggan oo nabad ah. Hadalka dowladda UK ayaa imanaya ayada oo ay jiraan warar sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu isku dayayo inuu cudurka COVID-19 qiil uga dhigto in muddo xileedka loo kordhiyo, taasi oo ay ka digeen mucaaradka iyo dowlad goboleedyada.
  2. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilowday in ay dalka dibaddiisa ka soo daadguraysato muwaadiniinteeda in ka badan muddo bil uga xayirnaa howlaha socdaal joojinta la xiriirta la dagaalanka iyo xakamaynta xanuunka Karoona feyrus, iyadoo Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ay ugu baaqday dadka soo guryo-noqonaya in ay u hoggaansamaan tilmaamaha ay bixisay Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka B\bulshada. Xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa sheegay shalay oo Khamiis aheyd in 114 muwaadin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Kenya la soo daadgureeyay, si nabad ahna ay ku kala gaareen gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee caasimadda muqdisho iyo garoonka diyaaradaha ee Jeneraal Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Safaaradaha Soomaaliya ee Kenya, Turkiga iyo Pakistan ayaa si aad ah uga shaqeeyay howlaha soo daadguraynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka dib loogu soo celiyay, iyadoo la hubiyay bedqabkooda caafimaad si gaar ah feyruska Karoona kahor inta aanay soo safrin. Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 1,594 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Koroona feyrus, oo ay ka mid yihiin 204 ruux oo bogsatay iyo 61 ruux oo u geeriyootay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Buuqii Shalay ka dhacay Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa wuxuu dhaliyey Buuq hor leh oo kala Fogeeyey Xildhibaanada Dhexdooda. Mooshin laga keenay 12 Xildhibaan [...] The post Buuq Siyaasadeed oo ka taagan Jigjiga, Madaxweyne Cagjar Oo Mooshin laga keenay appeared first on . Source
  4. MOGADISHU (HOL) - AU Mission head in Somalia Francisco Madeira has described the recent political deal in Jubbaland a sub-clan pact locking out other stakeholders as his UN counterpart James Swan endorsed it as ‘progress on dialogue and reconciliation’. Source: Hiiraan Online
  5. Armed conflict forced more than 660,000 people around the world to flee their homes between March 23 and May 15, leaving people more exposed to Covid-19 and preventing global efforts to control the pandemic. “At a time when health experts tell us to stay at home, men with guns are forcing hundreds of thousands out of their homes and into extreme vulnerability,” said NRC’s Secretary General Jan Egeland. “This not only hurts those who are forced to flee, it seriously undermines our joint efforts to combat the virus.” New figures released today by the Norwegian Refugee Council (NRC) show that armed hostilities have continued despite a call on March 23 from the United Nations’ Secretary-General António Guterres for a global ceasefire in wake of the Covid-19 pandemic. Of the 661,000 internally displaced in 19 countries in two months, the highest number by far was in the Democratic Republic of Congo (DRC) where clashes between armed groups and the country’s military forced more than 480,000 people to flee their homes. Even in countries where warring parties have expressed support for a ceasefire call, the fighting has not stopped. In Yemen, the Saudi-led coalition announced that they would implement a unilateral ceasefire. However, airstrikes have continued, and the other parties have undertaken armed operations resulting in the displacement of 24,000 people since March 23. “My cousin tried to flee the farm with his family, but an airstrike hit them. Three were killed, including a baby,” said Ali, a Yemeni father, who was forced to flee on May 6. The Lake Chad region has also experienced an internal displacement surge with Chad and Niger worst affected. Afghanistan, the Central African Republic, Syria, Somalia and Myanmar all saw more than 10,000 people displaced in the same period. The UN Security Council has failed to provide leadership for ceasefires, peace talks or protection of civilians during the pandemic. While there is broad agreement on the call for a global ceasefire, powerful countries including the US and China, are stalling progress by bringing their bilateral disagreements into council deliberations. NRC appeals to UNSC members to issue a clear call to warring parties to halt the conduct of hostilities and to settle their conflicts through talks and allow for a systematic response to the pandemic. “While people are being displaced and killed, powerful members of the UN Security Council squabble like children in a sandbox,” Egeland said. “World leaders must rise to the occasion and jointly push parties to cease their fire and unite in protecting all communities from Covid-19. Now is not the time for kindergarten politics.” Qaran News
  6. Kadib markii shaqada laga eryey laba kamida Shaqaalaha u shaqaynayay Amiin Ambulance oo Hay’ada Gaadiidka Caafimaadka Deg Dega kana howlgasho Muqdisho ayay waxay soo kaxaysteen [...] The post Aasaasihii Amiin Ambulance oo qaab Qabiil loo xiray kadibna maanta lasiidaayay appeared first on . Source
  7. The Palestinian Authority (PA) has rejected coronavirus aid sent via an Emirati flight to Israel on Tuesday, saying that aid must be sent in coordination with the Palestinian leadership and not with Israel. Source: Hiiraan Online
  8. Dood ay soo qabanqaabisay Hay’ada PDRC iyo Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland oo ka dhacdey Xarunta Hay’ada ee Garowe ayaa waxay ku saabsanayd Doorashada Soomaaliya, . [...] The post Dhamaan Siyaasiyiinta u miisaanka Culus uma kala harin doodii Xalay ka dhacdey Garowe appeared first on . Source
  9. A heavy battle broke out between Somali national army (SNA) forces and Al-Shabab militants in the country’s southern Gedo region on Thursday night, authorities said. The fight flared in Burdubo town after Al shabab fighters launched an attack on a military base in the town which is under the control of Somali National Army. According to local residents, both sides exchanged heavy and small weaponry that could be heard from remote distances during the confrontation, casualties reported although the casualty figures on both warring sides have not been established so far. Military officials said government forces have fought to hold off the ambush assault from Alshabab and inflicted casualties to the militants during the counter attack. “Al-Shabaab attempted to attack SNA forces army, the federal government forces through tip-off were aware of the group’s plan before even they attacked the base, therefore the group was defeated,” Nuur Kadiye Ibraahim, an official from the government said. Reports from the town of Burdubo indicate that the situation is calm and government forces are conducting operations. There was no immediate comment from the militant group about the loss of their fighters during the fighting in the town. The group often carries out hit and run attacks in major towns under government and deadly explosions in the capital Mogadishu. The group was pushed out of Mogadishu capital in 2011 by Somali army troops and 22,000-strong African Union force in Somalia. The rebel group also lost most of their strongholds, but it still controls large rural areas and remains the key threat to peace in Somalia. The al Qaeda linked group has been fighting for over ten years to overthrow the internationally-backed government in Somalia.
  10. Hargeysa (Caasimadda Online) Xukuumadda iskeed isku magacowday ee Somaliland ayaa ku hanjabtay iney kiiska ictiraaf raadinta geyn doonto maxkamadda caalamiga ah ee ICJ iyadoo madaxweyne Muuse Biixi uu meel fagaare ah ka sheegay hadalkaan. Mr. Biixi wuxuu shacabka u sheegay iney tallaabadaas qaadi doonaan hadii aan xal waara laga gaarin wadahadalada u dhaxeeya iyaga iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Sanadkii 1991 ayey Somaliland sheegatay iney ka go’day Soomaaliya inteeda kale, waxeyna wali ku raad joogaan iney helaan madax banaani gaar ah iyo in dunidu u aqoonsato dal aan ka mid aheyn Somaliya. Muuse Biixi aaminsan yahay in Somaliland iyo Soomaaliya ay kaliya ka wadahadli karaan daris wanaagga iyo danaha labada dal, wuxuuna meesha ka saarayaa wadahadal ay Somaliland dib ula midowdo Somaliya inteeda kale. Dhawaan ayey aheyd markii Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed uu Adis Ababa isugu keenay madaxda labada dal, balse tan iyo markaas wax natiijo ah oo laga gaaray ama la sheegay ma jiraan.
  11. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilowday in ay dalka dibaddiisa ka soo daadgureyso muwaadiniin badan oo muddo bil ah u xayirnaa howlo la xiriira la dagaalanka iyo xakamaynta xanuunka Karoona feyrus,iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ay ugu baaqday dadka soo guryo-noqonaya in ay u hoggaansamaan tilmaamaha ay bixisay Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka B\bulshada. Xoghayaha joogtada Wasaaradda Srrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa sheegay shalay oo Khamiis aheyd in 114 muwaadin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Kenya la soo daadgureeyay, si nabad ahna ay ku kala gaareen gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee caasimadda muqdisho iyo garoonka diyaaradaha ee Jeneraal Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Safaaradaha Soomaaliya ee Kenya, Turkiga iyo Pakistan ayaa si aad ah uga shaqeeyay howlaha soo daadguraynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka dib loogu soo celiyay, iyadoo la hubiyay bedqabkooda caafimaad si gaar ah feyruska Karoona kahor inta aanay soo safrin. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo soo daad-guraysay muwaadiniin ku xanibnaa dalka dibaddiisa appeared first on Puntland Post.
  12. (SLT-Hargeysa)-Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxa guud ahaan shaqadii joojiyey mashiinka lagu baadhayey dadka looga shakiyey caabuqa Covid 19. Masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka iyo guddiga ka hortaga xanuunka Karoona Feerays ayaan faahfaahin ka bixinta shaqo joojinta mashiinkan. Saraakiil ka mida kuwa gacanta ku haya baadhitaanka iyo ku shaqaynta mashiinkan oo aanu la xidhiidhnay ayaa noo sheegay in ugu yaraan laba maalmood aan la samayn wax baadhitaan ah. Iyada oo maanta guddiga sheegtay in aanay jirin cid laga helay caabuq Covid19. Qalabka mashiinka ka xumaaday ayaa loo doonay wadanka Kenya, sida ay nala wadaageen shaqaalaha caafimaad ee arrinta ku hawlan. Lama oga inta ayaamood ee uu qaadan doonto dib u kicinta mashiinkan. Source
  13. Faahfaahin dheeriya ayaa kasoo baxaysa dagaal ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo malayshiyaad ka tirsan Alshabaab ku dhexmaray degmada Buurdhoobo ee gobolka Gedo Dagaalkaas ayaa yimid kadib matkii Alshabab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhig ciidamada dowladdu ku leeyihiin degmada Buudhuubo ee gobolka Gedo sida laga soo xigtay saraakiil ciidan. .Dadka degaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaas culus oo ka dhexsocotay saacado inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin khasaaraha kala gaaray dhinacyadii dagaallamay. Taliyaha Amniga degmada Buurdhuubo ee gobolkaa Gedo oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay in ay iska caabiyeen dagaalamayaasha Shabaab isla markaana ay sii ogaayeen weerarka ku soo wajahan. Dhinacooda ayuu tilmaamay in aysan jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray,Alshabaab ayaa dhowr jeer weeraro noocaan oo kala ah ku qaaday saldhigyo ay lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dagaal ka dhacay degmada Buurdhoobo ee gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.
  14. January 9, 2020 I watched and listened to President Deni’s State of Union Speech on his First Year in office last night. While the efforts of his administration are commendable in many aspects, I felt that there is a long way for him to go to address root causes as to why Puntland State is falling behind in many fronts, including, first and foremost, democratization process, public service, judiciary and public security reforms. But, what is clearly noticeable and overarching problem of Puntland is the absence of strategic policy planning on: 1. Puntland policy objectives towards poverty reduction, youth unemployment, the crisis of health sector, whereby there is no a single quality hospital in State after 21 years of statehood. 2. Economic benchmarks to strive for in the next five years, at least. 3. Education goals, where Puntland State has fallen behind Somaliland and Banadir Region, especially in quality of its higher learning. 4. Think Tank and academic research centres. 5. Competent State advisory boards and professional associations tackling with issues of state and national interests on daily basis. 6. Provision of proactive policy and strategy in dealing with the fledgling Federal Government in the making of a “New Somalia”. Puntland should cause things to happen, not to wait for things to happen to her and reacts to events. It should take the lead in national political developments. It should make noises and alerts of its dissatisfaction to Somalia’s International Partners and all stakeholders. 7. Unlike the rest of Somalia, Puntland has immense human and natural resources to exploit effectively. It has a huge diaspora population. It has rich cultural heritage and a long history of self-government. In the past, it had played critical and leading roles in Somalia’s statecraft and statehood. These are historical achievements it couldn’t abandon to be quite visible and proactive. It has to re-assert itself, reset and reboot. 8. Finally, Puntland should proclaim policy guidelines on fighting maladministration, cronyism, nepotism and abuses of public office. There must be developed and known standards for handling issues of malpractice in both public and private sectors. 9. In conclusion, the Head of the Administration must launch a policy of public accountability and must do away the notion of ‘Madax-Ka-Nool’, whether it is perceived or real. This will be a break from the past mistakes or abuses of power. All branches of government must operate in the accordance with the Constitution. That is what people of Puntland deserve after long and historic struggle for a better life. This will also set the record for Somalia’s governance, and act as another Puntland contribution to Somalia’s continued nation-state. It is my sincere hope that President Deni’s Administration would wake up and wise up to meet the challenges of the time. © Ismail Haji Warsame, 2020 The post An Excerpt from Talking Truth to Power appeared first on Puntland Post.
  15. Garowe (Caasimadda Online) Magaalada Garowe waxey kulmisay dad maqaam ku leh siyaasadda Soomaalida, waxeyna ka qeyb galeen dood ku saabsan sida laga yeeli doono doorashada qaran ee la filayo iney dhacdo dhamaadka sanadkaan ama bilowga sanadka soo aadan. Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa ka qeyb galay doodda la qabtay, sidoo kale madaxweynayaashii horay usoo maray maamulka Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole oo hadda ka mid ah senator-ada dowladda. Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee gobolaha wakiilada ayaa sidoo kale ka mid ahaa dadkii doodda ka qeyb galay. Warbaahinta waxey sidoo kale sheegtay in Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland ay xaadir ku ahaayeen, waxaana looga hadlay waxa ku gudban in doorasho qaran la qabto dhamaadka sanadkaan ama horaanta sanadka xiga. Waxaa la ogyahay in loo baahan yahay dhismaha xildhibaanno, senataro, guddoonkooda iyo labada masuul ee ugu sarreysa dalka, waxeyna arintaan imaaneysaa xilli xiriirka dowladda dhexe iyo Puntland uusan cago badan ku taagneyn tan iyo markii la magacaabay Saciid Deni. Sida ku cad hanaanka la marayo dowlad goboleedyada waxey xaq u leeyahiin iney soo magacaabaan Senatarada ay ku yeelanayaan Aqalka sare, sidoo kale xildhibaan walba wuxuu u baahnaan doonaa inuu aado deegaan doorashadiisa. Guddiiga madaxa banaan ee Doorashooyinka wali waxey aaminsan yahiin in la hirgalin karo doorasho qof iyo cod ah, balse waxaa loo qabtay muddo isbuuc ah iney gudoonka baarlamaanka hortooda kaga caddeeyaan nuuca doorasho oo uu dalka galayo. Dhamaadka bishaan ayaa laga sugayaa guddiga iney sheegaan hanaanka la marayo iyadoo waxyaabo badan isha lagu hayo. Inkastoo guddiga ay aaminsan yahiin iney doorasho qof iyo cod ah dhici karto, hadana xaaladdo badan oo ay ka mid yahiin (Amniga, Dhaqaalaha iyo xanuunka safmarka ah ee Coronavirus) ayaa la dareensan yahay iney ku horgudban yahiin. DAAWO SAWIRADA:
  16. (SLT-Addis Ababa)-Xiisadda Itoobiya iyo Masar ee biyo-xidheenka webiga Nile ayaa kasii dareysa ayada oo Itoobiya ay billowday difaac ay kaga hortageyso weerar ay ka cabsi qabto, halka ciidamada Masar heegan culus la geliyey. Wargeyska The New Arab ayaa ilo-wareedyo Itoobiyaan ah kasoo xigtay in horraantii bishan ay Itoobiya billowday inay habka gantaallada lidka diyaaradaha gayso halka laga sameynayo biyo-xidheenka, si ay isaga difaacdo duqeymo ay ka cabsi qabto in lagu soo qaado. Daad gureynta gantaalladan oo weli socota ayaa la filayaa in lasoo geba-gebeeyo bisha June. Itoobiya ayaa lagu warramayaa inay gantaalladan ka heshay Ruushka iyo dalalka kale. Dhinaca kale, madaxweynaha Masar Abdifatah Sisi ayaa Salaasadii la kulmay wasiirka difaaca Mohammed Zaki iyo taliyayaasha ciidamada isaga oo amray in ciidanka heegan culus la geliyo si loo difaaco amniga qaranka. Si kastaba, inkasta oo ay jiraan dhacdooyinkan cabsida leh, islamarkaana Masar ay biyo-xidheenka u aragto inuu halis ku yahay, haddana xeel-dheerayaasha ayaa rumeysan in dagaal dhex-mara labada dal aanu u muuqan mid dhici kara mustaqbalka dhow. Xiisadda ayaa sare u kacday Bishii April, markii ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed uu soo jeediyey in lagu dhaqaaqo “marxallada koowaad ee buuxinta” biyo-xidheenka taasi oo muddo laba sanno gudaheed ah ku shubeysa keydka biyo-xidheenka biyo dhan illaa 18.4 bilyan oo cubic meter. Masar iyo Sudan ayaa ka cabsi qaba in keydka biyaha biyo-xidheenka – oo qaada 74 bilyan oo cubic meter ah – uu yareyn doono biyaha soo gaadha. Buuxinta iyo howl-galinta biyo-xidheenka “waxay halis gelin doontaa amniga biyaha, amniga cunnada, iyo xaqiiqdii jiritaanka 100 milyan oo Masaari ah, kuwaasi oo noloshooda ay ku xidhan tahay Webiga Nile,” waxaa sidaas lagu yidhi warqad uu wasiirka arrimaha dibedda Masar Sameh Shoukry u diray Golaha Ammaanka QM oo ku taariikheysan 1-da May. “Tani waa xaalad suurta-gal ay tahay inay halis muuqata ku noqoto nabadda iyo amniga gobolka oo dhan,” ayuu yidhi. Jawaab ku taariikheysan 14-ka May, islamarkaana ay aragtay wakaaladda wararka AFP, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Gedu Andargachew waxa uu Masar ku eedeeyey inay tahay carqaladeeye. “Ethiopia ma haysato waajib sharci ah oo ay tahay inay Masar fasax uga raadsato buuxinta biyo-xidheenka,” ayuu yidhi Gedu. Source
  17. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa khudbadda uu ka dhagaystay ergayga UNka James Swan iyo ergayga Midowga Africa Francisco Madeira horumarka laga sameeyey ansixinta sharciga doorashooyinka iyo hawlgalladii ciidanka ee Shabeellada Hoose iyo qabsashada magaalada Jannaale. Xubnaha Golaha Ammaanka oo markaasi kadib midmid u hadlay ayaa soo dhoweeyey horumarradaas. Dhinaca kale waxay Golaha Ammaanku ugu baaqeen madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada inay wada hadlaan. Dawladda Maraykanka sarkaalka u hadlay ayaa ugu baaqday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu qabto kulanka Golaha Amniga Qaranka oo ay ku wada jiraan madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada. Waxaa sidoo kale ay xubno ka mid ah Golaha Ammaanku ka hadleen inay ka walaacsan yihiin in ciidamada amniga meelaha qaarkood sida Gedo loo isticmaalo “xafiiltan siyaasadeed”. Ergayga Qaramada Midoobay James Swan iyo madaxda kale ee hadashay waxay sidoo kale soo dhoweeyeen kulankii Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. VOASOMALI Source
  18. Dhiilada ilma Mohamed Daahir Cusbitaalka Guud kala kulmeen waa, “hurdaayaw toos!” (It is a wakeup call). Farrimaha ugu muhimsan ee kharshka Korona Fayraska lagu bixiya waxa ka mid ah wacyigelintaa ah: faraxasha, kala durka iyo garaaca lambarka heeganka ee 988 baa ka mid ah. si aad talo iyo tusaalo u hesho. Shilka dhacaday: Ilma Mohamed Daahir walaalkood oo xanuunka la ildaran bay dhakhtarka keeneen. Neeftaa haysee oksijiin noogu qabta. Ma hayno ayay jawaabtii cusbitaalku noqotay. Mishiinkii Oksijiinta debedday ka doonteen, qofkii ninka buka ku xidhi lahaa baa la waayey, markii la soo helayna, wuxu u sheegey in mashiinkay sidtaan biri ka maqan tahay, birtii bay dib u baadi dooneen. intii ay hore iyo dib u sii socdeen ayaa walaalkood geeriyooday. Ambalaas aannu maydka ku qaadno na siiya, jawaabtii waxay noqotay, ambalaasyadu way wada jajaban yihiin, haadana ilma Maxamed Daahir waxay codsadeen, bal hadda na siiya qalabkii dadka aasayaa xidhan lahaayen. kaa si waa lacag, $294 keena. Sheekadii ilma Moxamed Daahir oo kooban waa taas. Hurdaayaw Toos Murugo iyo xannun kasta ay leedahay, dhacdadani waa HURDAAYAW TOOS! Xanuunka waa bilaw, hay’adaheenii caafimaadkana waad aragtaan. Sidee xaal noqon doonaa marka tarabtarab bukaanihii ay cusbitaalka ku soo faruurmaan? Talo Bixin: xaalad dagaal baa ina soo waajahday, dagaal kaga qaylisiiyey dawladihii inaga taagta roonaa. Yeelkeed, rag baa waa ku raqdiis. Cusbitaalka Guud halaga furo xafiiska la dagaalanka cadawga karoona Fayras. (Operations room for the fight against the Corona Virus). Xafiiskaa waxa fadhiisanaya Guddomiyaha guddida la dagaalanka cudurka uu magacaabay madaxweynuhu kaas oo ah madaxweyne xigeenka JSL Mudane Saylici iyo koox dhakhaatiir ah oo volintiir ah(volunteers) baa halkaa saldhig hawlgal ka dhiganaysa. hawlaha guddida dagaal-gelintu qabanaysaa waxa kale oo ka mid ah inay gebi ahaanba dib u habayn ballaadhan ku sameeyaan qaab maamaluka cusbitaalka guud, inay dooriyaan hab-dhaqanka dhaqaatiirta iyo maamulka cisbitaalka ka hawlgala, in la hagaajiyo daryeelka iyo dhiirigelinta dadka waanaagsan ee cisbitaalka ka hawlgala. Dhacdadan murugada lihi ha noqoto mid aynnu ku saxayno qaladaadka iyo xilkasnimo darrada sida weyn dalkeena uga jirta. Source
  19. Kulanka ay yeesheen guddiga heer Federaal ee ka hortaga xanuunka covid-19 oo qaab muuqaal ah loo adeegsaday Mareegta Internet-ka ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray qiimeyn ku saabsan saameynta uu dalka ku yeeshay xanuunkaas. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka jogtada ah ee Guddiga heer Federaal ee xakameynta COVID19 kaas oo looga hadlo arrimo dhowr ah. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Guddiga ka hortagga faray dar dargelinta howlaha looga hortagayo faafitaanka dalka ee Cudurka Coronavirus iyo fatahaadaha ka jira meelo kamid ah dalka Soomaaliya. Maalmihii la soo dhaafay waxaa la dareemayay in uu bilowday hoos u dhac ku imaanaya tirade dadka uu soo rito cudurka gaar ahaan gobolka Banaadir waxaana wali jira dadaalo lagu xakameynaya halista uu leeyahay covid-19 iyadoo guud ahaan dalka lasyka kaashanayo sidii dalka looga ciribtiri lahaa. Guud ahaan tirada uu soo ritay cudurkaan Karoona ayaa gaartay 1,594 halka 204 ay ka bogsoodeen markii lala tacaalay. PUNTLAND POST The post Hoos u dhac ku yimid faafidda Xanuunka COVID-19 ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  20. Buurdhuubo (Caasimadda Online) Xoogagga Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa weerar ku qaaday saldhig militari oo ay ciidamad dowladda Soomaaliya ku leeyahiin dagmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo. Habeenimadii xalay aheyd ayuu weerarka dhacay, waxaana la ogeyn khasaaraha kala gaaray labada dhinac maadaama ay adkeyd in la ogaado wax walba, waxaana la fahamsan yahay in ciidamada dowladda ay baaritaanno ka sameeyeen goobahii ay dirirtu kula dhexmartay Al-Shabaab marka ay kala joogsatay rasaasta. Ciidanka dowladda ee halkaas ku sugan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay iney ka war heleen weerarka lagu soo yahay ka hor inta uusan dagaalka bilaaban. Taliyaha Amniga dagmada Buurdhuubo Nuur Kadiye Ibraahim ayaa sheegay iney khasaaro gaarsiiyeen kooxahii weerarka soo qaaday, taliyaha wuxuu sidoo kale sheegay iney mar walba yahiin kuwa heegan ugu jira weerar kaga yimaada kooxo uu ku tilmaamay canaasiir. Dhawaan ayey aheyd markii xukuumadda ay ciidamo gaarsiiyay gobolka Gedo si ay u kaabaan kuwii horay ugu sugnaa, mana jiraan wax natiijo ah oo ay kasoo calaameeyeen hawlgalkii ay kadib dagaalka xalay ka sameeyeen duleedka dagmada.
  21. Kulanka ay yeesheen guddiga qaran ee ka hortaga cudurka Covid-19 oo ahaa qaab muuqaal mareegta Internet-ka ah ayaa waxaa diirada lagu saaray qiimeynta guud ee lagu sameeyay saameynta uu dalka ku reebi karo safmarka Covid19, maadaama uu billowday hoos u dhaca heerka faafitaankiisa. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka jogtada ah ee guddiga Qaran ee xakameynta COVID19, kaas oo looga hadlo arrimo dhowr ah. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa guddiga ka hortagga faray dar dargelinta howlaha looga hortagayo faafitaanka dalka ee cudurka Coronavirus iyo fatahaadaha ka jira meelo ka mid ah dalka Soomaaliya. Maalmihii la soo dhaafay waxaa la dareemayay inuu bilaawday hoos u dhac ku imaanaya tirade dadka uu soo rito cudurka gaar ahaan gobolka Banaadir waxaana wali jira dadaalo lagu xakameynaya halista uu leeyahay covid-19 iyadoo guud ahaan dalka lasyka kaashanayo sidii dalka looga ciribtiri lahaa. Guud ahaan tirada uu soo ritay cudurkaan Karoona ayaa gaartay 1,594 halka 204 ay ka bogsoodeen markii lala tacaalay. View the full article
  22. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qeybgalay kulanka 4-aad ee doodaha looga hadlayo habka ugu wanaagsan ee Soomaaliya uga gudbi karto marxalada kala guurka. Kulanka oo ay kasoo wadashaqeeyeen Wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland iyo Hay’adda PDRC, waxaa ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynihii hore Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole. Sidoo kale, waxa ka qayb-galay Senator Cabdirisaaq Juurile, Xildhibaanad Sacdiya Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Soomaaliya, Xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Siyaasiyiin hore xilal ugasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliyaba, Ururada Bulshada, Haween iyo Dhallinyaro. Waxaa kulanka looga dooday hanaanka Doorasho ee Soomaaliya ka qabsoomi kara, Iyadoo lagu saleynayo caqabadaha iyo fursadaha jira, Doodaha noocan oo kale ah yaana sii socon doona illaa ugu danbeyn ay kasoo baxdo aragtida Puntland ee nooca Doorasho ee dalka ka dhici karta. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Garoowe kaga qayb-galay Kulan looga hadlayay Doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  23. Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa shaacisay natiijada dad looga shakisnaa cudurka Coronavirus, kuwaas oo wasaaraddu sheegtay in qaarkood laga helay xanuunka. Qoraal ka soo baxay guddiga wacyi-gelinta iyo xakameynta cudurka Coronavirus u qaabilsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in la baaray 35 qof, balse cudurka laga helay 7 ruux oo kala ah 6 rag ah iyo hal dumar ah. Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyey in dadka laga helay cudurka COVID 19 ay kala joogaan gobollada Nugaal, Karkaar iyo Bari, islamarkaana haatan la karantiilay dadkaasi. Ugu dambeyn guddiga ayaa tilmaamay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan-geliyey ay tahay illaa 170 qof, halka 5 qof ay u geeriyoodeen xanuunka. View the full article
  24. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa khudbadda uu ka dhagaystay ergayga UNka James Swan iyo ergayga Midowga Africa Francisco Madeira horumarka laga sameeyey ansixinta sharciga doorashooyinka iyo hawlgalladii ciidanka ee Shabeellada Hoose iyo qabsashada magaalada Jannaale. Xubnaha Golaha Ammaanka oo markaasi kadib midmid u hadlay ayaa soo dhoweeyey horumarradaas. Dhinaca kale waxay Golaha Ammaanku ugu baaqeen madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada inay wada hadlaan. Dawladda Maraykanka sarkaalka u hadlay ayaa ugu baaqday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu qabto kulanka Golaha Amniga Qaranka oo ay ku wada jiraan madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada. Waxaa sidoo kale ay xubno ka mid ah Golaha Ammaanku ka hadleen inay ka walaacsan yihiin in ciidamada amniga meelaha qaarkood sida Gedo loo isticmaalo “xafiiltan siyaasadeed”. Ergayga Qaramada Midoobay James Swan iyo madaxda kale ee hadashay waxay sidoo kale soo dhoweeyeen kulankii Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Golaha Ammaanka oo ka shiray Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  25. Degmada Waabari ee gobolka Banaadir ayaa xalay ku guuleysatay kaalinta koowaad ee barnaamijka tartan aqooneedka faca weyn ee shabakadda warbaahinta Shabelle, kaas oo ay sanadkan ku tartamayeen illaa 16 degmoo oo ka kala tirsan gobollada Banaadir, Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose. Waabari ayaa ka badisay dhiggeeda degmada Hodan, kadib markii ay xalay isaga hor yimaadeen Final-ka tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Tartamayaasha Waabaari ayaa la yimid 14 dhibcood, halka Hodan oo gashay kaalinta 2-aad ee tartanka ay keensatay 2 buundo, sida uu shaaciyey Xasan Weli Sh. Abuubakar. Sidoo kale waxaa kaalinta saddexaad ku soo baxay degmada Wadajir, ka-gadaal markii ay xalay ka guuleysatay dhiggeeda degmada Howlwadaag ee gobolkaan Banaadir. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/War-Cadaani-Waabari.mp3 View the full article