-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Arab League ambassador to Somalia, Hamud Bin Samran Al-Xuwayti, has on Sunday died in Mogadishu days after falling sick. According to sources, Al-Huweydi who has been serving Arab League in Somalia for the last three years passed on at a hospital in Mogadishu where he was undergoing treatment. The circumstances surrounding the death of the ambassador is yet unclear. Arab League appointed Al-Huweydi mid 2017 as the ambassador to Somalia to head their office in Mogadishu. Ambassador Hamoud’s Profile Dr. Hamud Al-Huweydi was born in Riyadh, the capital city of Saudi Arabia in 1383/1963. He completed his degree In Law from the University of King Saud. He also possesses several certificates on Diplomacy, Constitutional Governance and Conflict Resolutions. The Arab League has its headquarters in Cairo, Egypt. Somalia joined the organization in 1974 during the reign of Said Bare.
-
Qarax jugtiisa meelo Fog Fog laga maqlay ayaa wuxuu ka dhacay Goobo Dad danyar ah ay degan yihiin, Ilaa hada khasaaraha Lama oga. Wariye ka [...] The post War Deg Deg ah Qarax ka dhacay Baydhabo appeared first on . Source
-
The second assassination attempt in a week on a senior Somali police officer ended Sunday in the Somali capital Mogadishu with a narrow escape by the officer. Ali Hirsi Barise (Gaab), the head of health department of the Somali police forces escaped death after a roadside bomb targeted his vehicle in the capital Mogadishu. An eyewitness said the explosion occurred at Aviazione neighborhood in the capital’s Waberi district and could be heard through the area and sent massive plumes of smoke into the sky. “The blast which resulted from a bomb apparently planted on the roadside wounded two civilians and destroyed the vehicle” he added. The blast comes barely four days after a similar bomb attack targeted his vehicle at Banadir junction in Mogadishu’s Hodan district killing three of his bodyguards. Alshabab claimed responsibility for the attack saying the group targeted the senior police officer Ali Gaab. The war-torn Horn of Africa country continues to be riven by violence between government forces, al-Shabbab fighters and other armed groups. Al-Shabab was ejected from Mogadishu in 2011 and has since been driven from most of its other strongholds. However, it still carries out frequent attacks across Somalia, as well as in neighbouring Kenya, whose soldiers form part of African Union-mandated peacekeeping forces that help defend the Somali government.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya magaalada Baydhaba ayaa sheegay in qarax xooggan oo sababay khasaare nafeed uu galabta halkaas ka dhacay, sida ay ilo-wareedyo amni u xaqiijiyeen Caaismada Online. Qaraxa ayaa lagu warramayaa inuu ka dhacay xero ay degan yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla waqooyiga magaalada, halkaasi oo xilliga qaraxa uu dhacayey ay ka socdeen cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo loogu dalbaal-degayey munaasabadda ciidda. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen qaraxa, islamarkaana dad gaaraya illaa iyo 15 ay ku dhaawacmeen, inta la xaqiijiyey illaa iyo hadda. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa intooda badan ah barakacayaashii ku noolaa xerada, waxaana dhimashada ku jira laba caruur ah. Illaa iyo hadda si rasmi ah uma cadda waxa sababay qaraxa, balse mas’uul ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa Caasimada Online u sheegay inay loo maleynayo inuu ka dhashay miino dhulka lagu aasay. Waxaa weli socda baaritaan la xiriira dhacdadan Goobta qaraxa ayaa waxaa hadda ku sugan mas’uuliyiinta iyo ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.
-
Waxaa galabtii sabtida magaalada Muqdisho ku geeriyooday safiirkii ururka jaamacadda carabta ee Soomaaliya Xamuud Bin Samraan Al-xuweydi. Xogheyaha guud ee jaamacadda carabta Axmed Abuu Geyth ayaa ka tacsiyeeyey isaga oo tacsi u diray ehelka iyo diblomaasiyadda Sacuudiga, una rajeeyey inuu eebe u naxariisto. Abuu Geyth waxaa uu intaas ku daray inuu sharaf u ahaa diblomaasiyadda carabta, waxaa uuna Soomaaliya ka shaqeynayey tan iyo markii la magacaabay 2016-kii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimad Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in xaalad cakiran ay ka taagan tahay deegaanada xuduuda goboladaasi, gaar ahaan deegaanka garasle ee hoostaga dagmada lababaar oo ku yaalla xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida Ciidamada Liyuu boolis ayaa toogasho ku dilay dad shacab ah oo ku noola deegaankaasi, midaasi oo dhalisay xiisad hor leh oo xoogan. Liyuu booliska ayaa toogtay dadkaasi shacabka ahaa kadib markii uu muran xoogan dhex-maray dadka deegaanka Garasle oo iyagu ka horyimid talaabooyin ay ku kaceen ciidamadaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Liyuu boolisku ay si ula kac ah ay u duugeen dhowr barkadood oo dadka deegaanka Ismadhaqo iyo xooluhuba ay ka cabi jireen biyaha. Talaabadaasina ayaa horseeday inay qaraxdo xiisada ka dhex oogan dadka deegaanka iyo ciidamada Liyuu booliska, iyada oo ay bilowdeen abaabulka maleeshiyaad lagu xoojinayo dagaalka kala dhaxeeya ciidamdaaasi. Waxaana laga dareemaya deegaanadaasi saan-saanta colaad hor leh iyo xiisada ka dhex oogan ciidamada Liyuu booliska iyo dadka deegaanka oo isku abaabulay qaab maleeshiyaad hubeysan ah.
-
Jeneraal Caanka ah Somalia oo mar Labaad Todobaad gudihii ka badbaaday qarax lala beegsaday Maanta Tafaasiil dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qarax maanta lala eegtay taliyaha hoggaanka caafimaadka ee ciidanka booliska Soomaaliya Janaraal Cali Barre Xersi “Cali Gaab” xilli uu marayay waddada Afisoyooni Wararku waxay sheegayaan in taliyaha qaraxa lala eegtay uu ka badbaaday, balse ay ku dhaawacmeen laba qof oo rayid ah. Sidoo kale gaadhiga taliye Cali Gaab ayaa waxaa soo gaadhay wax-yeello. Waa markii labaad oo muddo hal isbuuc ah la qarxiyo taliyahaasi , waxaana horay qarax loola eegtay ku dhintay dhowr askari oo ilaaladiisa ah, xilliga qaraxaasi hore lala beegsaday Janaraal Cali Gaab ayaa waxa uu sheegay in uusan la socon gaadhiga. Qaran News
-
(SLT-Jabuuti)-Dalka Jabuuti ayaa Xanuunku dunida ku faafaya ee Covid_19 wuxuu gaadhay oo uu ku dhacay Dad dhan 1,800 Qof, taasina waxay ka dhigaysaa Dalalka Afrika kuwa uu Dadka ugu badan ku soo ritay. Xanuunka Covid_19 ayaa Qaaradda Afrika waxa ku dhacay dad gaadhaya 100.000 (boqol kun oo Qof), laakiin Jamhuuriyadda Jabuuti waxa xanuunkaa ka soo kabtay 1,000 Qof oo ka mid ah 1,800 ee uu haleelay. Madaxa Xarunta guud ee la tacaalidda Covid_19 ee Jabuuti ayaa sheegay inay Dadka xanuunku ku dhacay siiyaan daawada lagula dagaalamo Xanuunka duumada ama Kaneecada ee (chloroquine), taasina waata keentay ama sababtay in Dadka Jabuuti ugu dhimanaya Xanuunku u yaraato, hase-ahaatee Saynisyahannadu waxay wer-wer ka muujinayaan isticmaalka Daawada chloroquine loo adeegsanayo Covid_19. Dadkii ugu horreeyay ee Jabuuti kaga soo kabta Xanuunka ayaa ahayd bishii March, 2020, xilligaasna waxa Dawladda Jabuuti iyo Hay’adda Caafimaadka Adduunku ay jideeyeen in Hab adag loola macaamilo Dadka Xarunta Shaybaadhka la soo xidhiidha ee qaba ama doonaya in laga hubiyo Covid_19, laakiin Habkaasi wuxuu sababay in muddo kooban tirada dadka uu xanuunku soo ritay inay gaadho 77 Qof, taasina waxay Jabuuti ka dhigtay Dalalka uu Xanuunku dadka badan ku soo ritay Qaaradda Afrika oo guud ahaan Dadka uu ritay illaa hadda marayso 100.000 kun. Xanuunka Covid_19 wuxuu ku dilay illaa 9 Qof. In Daawada Malaariyada ee Chloroquine loo isticmaalo Covid_19, waxa hore uga soo horjeedsaday isla-markaana Cambaareeyay Madaxweynaha Dalka Maraykanka, Doland Trump Source
-
Garowe ( Commentary ) — The ongoing power struggle between Puntland State President Said A. Deni and Vice President Ahmed Elmi raises questions about the efficacy Puntland Constitution, which has its origins in 1998 Charter. Vice President Ahmed Elmi refers to the Constitution when he criticises President Said Deni for not consulting the Office of the Vice President about appointments. President Deni interprets “consultation” as notification. Both Deni and Ahmed Karaash have sound arguments against each other. Is the presidency-controlled Puntland Parliament the venue to settle questions that require constitutional interpretation? A second complication arises from Puntland electoral system based on a shared mandate. MPs elect the President and Vice President. When a Puntland presidential candidate chooses a running-mate, an agreement to prevent power struggle, though not enforceable, does not get attention in the political programme of the Presidential Hopeful. Only the Presidential Candidate has a political programme although the position of the Vice President is heavily contested. President Deni did not expect Ahmed Karaash as his Vice President. It was a bolt from the blue. When an elected President is forming Puntland Council of Ministers, he seeks the the input of the Vice President. Puntland does not have political parties that could enable a presidential candidate to form a bond with influential party members whom he can appoint as Ministers and Vice Ministers after winning the election. Karaash (left) and Deni (right) have a shared mandate under the presidecy-controlled Puntland Parliament Puntland is partly based on a customary law. Traditional leaders select MPs, who elect the President and Vice President. The hybrid nature of Puntland political system weakens the role of the Supreme Court. The Parliament of Puntland is where the dispute between the President and Vice President of Puntland will be settled. The Vice President stands little chance of weathering the Vote of Confidence storm against him. The Parliament does not interpret Puntland Constitution. It may debate the motion from the presidency accusing the Vice President of lack of cooperation with the Puntland President. When Puntland Presidency had fallen out with the former Speaker of Puntland Parliament, the result was an abrupt dismissal of Cabdixakiin Maxamed Axmed through a Vote of No Confidence. The odds of seeing off President Deni in this round of power struggle are stacked against the Vice President. With less than 25% of the territories in the ex-British Somaliland under Puntland’s control, the power struggle in Puntland strengthens the case for a direct federal representation for constituencies in Disputed Territories before 2021 elections. Opinions expressed in this commentary does not necessarily reflect the views of Puntland Post or its subsidiaries. The post THE FAULTY CONSTITUTION OF PUNTLAND BEGETS A DYSFUNCTIONAL GOVERNMENT appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalku waxay sugayaan jawaabta Gudigii Baarlamaaniga ahaa ee loo diray iney rogrogaan ayna Baarlamaanka usoo gudbiyaan Qaabka iyo Nooca Doorasho ee Dalka ka [...] The post Hanaanka Doorashada ee Baarlamaanku soo wado wuxuu noqonayaa Qarax Siyaasadeed oo Villa Soomaaliya gilgila appeared first on . Source
-
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka ayaa waxaa looga hadlay geerida ku timid, safiirkii Jaamacadda Carabta u joogay Muqdisho, Xamuud Samraan Al-Xuwayti, kaas oo maanta ku dhintay caasimadda. Dowladda federaalka ayaa ka tacsiyadeysay geerida ku timid marxuum Al-Xuwayti oo u dhintay xanuun deg-deg ah oo ku soo booday. Halkaan hoose ka aqriso:- View the full article
-
Safiir Carbeed oo Maanta ku geeriyooday Muqdisho Waxaa saaka gudaha magaalada Muqdisho ku geeriyooday safiirkii Jaamacadda Carabta u qaabilsanaa arrimaha dalka Soomaaliya, Danjire Xamuud Samraan Al-Xuwayti. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Warbaahinta u soo dusiyey in Al-Xuweyti uu ku soo booday xanuun deg-deg ah, kadibna uu geeriyooday markii la geeyey xarun caafimaad. Ma jirto illaa iyo hadda faah faahin intaasi ka baxsan oo laga bixiyey geerida ku timid, Allaha u naxariistee Marxuum Xamuud Al-Xuweyti. Soomaaliya ayaa xubin buuxda ka ah Jaamacadda Carbta, iyada oo ka mid noqotay sanadkii 1974-tii, waxaana ururkan ku mideysan wadamo badan oo Carbeed. Qoraal ka soo baxay xukumada Farmaajo:- Qaran News
-
Wararka ka imaanaya gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah ay ka jirta deegaanada dhaca xuduuda, gaar ahaan deegaanka Garasle, kadib markii Ciidanka Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Somalida Itoobiya ay dileen dad shacab ahaa. Dadka la dilay oo tiro ahaan gaarayey 5 ruux ayaa dilkoodu wuxuu yimid, kadib markii khilaaf xoogan uu soo kala dhex-galay ciidamada Liyuu Boolis iyo dadka deegaanka Garasle, waxaana ciidamada ay toogteen dadkasShacabka ah oo Xoolo dhaqato ahaa. Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ciidamadu ay duugeen laba barkadood oo ku yaalla tuulada Is-madhaqo, kuwaas oo dadka rayidka ah iyo xoolaha ay biyaha ka cabi jireen. Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka Garasle oo ku yaalla xadka gobolka Galgaduud uu la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeeysa masleeshiyaad deegaanka ah iyo ciidamada Liyuu Boolis. View the full article
-
Soomaaliland ayaa maanta oo Axad ah shaacisay kiisas horleh oo cudurka Coronavirus ah oo laga helay deegaanadeeda iyo saddex ruux oo cudurkaas u dhintay. Wasaaradda horumarinta caafimaadka Soomaaliland ayaa shaacisay in la baaray 110 qof oo looga shakisnaa cudurka COVID-19, balse cudurka laga helay 37 ruux. Waxaa kale oo ay wasaaraddu sheegtay in dadka cudurka laga helay oo kala ah 21 rag ah iyo 16 dumar ah ay dhammaantood ku sugan yihiin magaalada Hargeysa,isla markaana ay yihiin kuwo aan waligood ka bixin Somaliland. Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in 3 ruux oo qabay cudurka ay ugu dhinteen Hargeysa, waxaana ay noqonayaan dadka Somaliland ugu dhinta Corona, 14 ruux. Tirada guud ee dadka laga helay cudurka Coronavirus ee deegaannada Somaliland waxaa ay yihiin illaa 168 qof, halka ay ka bogsadeen 18 ruux. View the full article
-
Sidii loo qabtay ninkii “Maleegay” xasuuqii Rwanda oo 26 sano dhuumaalaysanayey+Taariikhdiisa oo kooban Felicien Kabuga Ganacsade hodan ah oo la yidhaa Felicien Kabuga ayaa muddo labaatan sano iyo dheeraad ah ka dhuumaalaysanayey dacwad oogeyaasha maxkamadda Rwanda ee baadhayey xasuuqii dalkaa ka dhacay, waxaanu adeegsan jiray 28 magac oo been ah iyo xidhiidho uu la leeyahay dad awood ku leh labada qaaradood ee Yurub iyo Afrika. Ninkan 84 jirka ah ayaa muddo dheer dhuumaalaysigaa ku jiray ilaa intii ay dhamaanayeen dacwadihii ay qaadasay maxkamaddii caalamiga ahayd ee loo saaray xasuuqii dhacay 1994. Laakiin kama dambaystii ayaa todobaadkii hore waxa laga soo qabtay guri uu deganaa oo ku yaal duleedka magaalo madaxda Faransiiska ee Paris oo uu isku qarinayey. Waxa hawl galkan haatan lagu soo qabtay uu qayb ka ahaa baadhitaankii oo uu mar labaad dib u bilaabay dacwad oogaha dembiyada dagaalka Qaramada Midoobay, oo madax ka ahaa dacwad oogeyaashii baadhayey dembiyadii dagaal ee aan ilaa haatan laga gun gaadhin ee ka dhacay wadamada Rwanda iyo Yoguslavia. Wax yar uun ka dib xasuuqii ayaa Kabuba wuxu u baxsaday dalka Switzerland laakiin looma ogolaan inuu dalkaa dego, waxaanay waraku tibaaxayaan in uu dib ugu soo noqday Afrika oo uu ka soo degay magaalada Kinshasa ee caasimadda dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. Caddaymihii waagaa la helay badankoodu waxay farta ku fiiqi jireen in uu joogo Kenya, in kasta oo Brammertz sheegay in sidoo kale hore ninkaa loogu arkay Madagascar iyo Burundi. Félicien Kabuga waxa laga qabtay aqal ku yaal dhismahan la yidhaa Asnières-sur-Seine Laakiin had iyo goor wararka noocaas ah ee soo baxayey waxay ahaayeen uun kuwo falcelin ah oo mar dambe oo marka uu meeshaa ka baxo uun la sheegayo. Sidaa awgeed hawl galkan haatan lagu soo qabtay “wuxu ahaa mid sir ah oo ay iska kaashanayeen baadhitaanno faro badan oo meelo badan ka socday” ayuu yidhi. Wuxuu qaatay hawl galkani ugu yaraan muddo laba sano ah, waxaana raadcadiisa laga soo bilaabay halkii ugu dambaysay ee la ogaa in uu joogay oo ah Jarmalka oo markii ugu dambaysay ee lagu arkay ahayd sannadkii 2007 oo uu qalliin u tagay. Baadhitaanno fiiro dheer oo lagu axadhay telefoonad iyo xogo maaliyadeed ayaa kama dambaystii baadhayaasha ku soo hagay Paris. “Way adagtahay in la maleeyo sida uu ku soo galay Faransiiska isaga oo aan cidina gacan siinayn,” ayuu yidhi Patrick Baudoin oo ka tirsan xarunta International Federation for Human Righs. Arinta layaabka lihi waxa weeyi in dalkan haatan joogay ay hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Human Rights Watch sannado badan ku baaqaysay in halkaa laga baadi goobo oo sidoo kalena la baadho sida uu ku galay iyo cidda u fududaysa ba. Xayiraadda fayraska korona ka hor Dadka ay jaarka ahaayeen ee reer Paris waxay sheegeen in ninka da’da ahi muddo saddex ilaa afar sano ah uu halkaa degenaa. Olivier Olsen, oo ah gudoomiyaha ururka dadka aqallada ku leh dhismahaa uu ku noolaa, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Kabuga ahaa “nin taxaddar badan” iyo sidoo kale qof “gunuusa marka aad salaanto”. Intii aan xayiraadda fayraska korona la soo rogin waxa had iyo goor la arki jiray isaga oo lugaynaya, ayuu yidhi. Kabuga haatan waxa lagu xidhay jeelka La Santé oo ku yaal badhtamaha Paris, halkaas oo uu ku jiri doono ilaa inta lagu wareejinayo hay’adda u xil saaran maxkamadayntiisa. Qareennada Kabuga sheegeen in uu door bidayo in lagu maxkamadeeyo Faransiiska. Brammertz ayaa se sheegay in ay todobaaddo ama bilo qaadan doonto ama xataa sannad ba inta ay bilaambayso maxkamadaynta ninkaas oo ka furmi doonta Hague ama magaalada Arusha ee dalka Tanzania, oo ah halkii fadhiga u ahayd maxkamaddii qaadaysay dembiyadii xasuuqii Rwanda. Laakiin waxay qareennada Kabuga sheegeen in uu door bidayo in lagu maxkamadeeyo Faransiiska. Dadkii ka badbaaday xasuuqaas ayaa rajaynaya in aanay dib u dhici doonin caddaaladda ay dooni jireen oo ninkaa maxkamadda dhakhso loo saari doono. Markii la qabtay ayaa Valerie Mukabayire, oo ah gudoomiyaha dumarkii raggooda lagu laayey xasuuqaasi oo magaciisa loo soo gaabiyo Avega, ay BBC-da ku tidhi ” qof kasta oo xasuuqii ka badbaaday wuu ku farxay qabashadiisa. Qof kastaa wuu sugayey inuu maalin uu malqo warkan. Waa wax lagu farxo in haatan caddaaladda la hor geynayo”. Taariikhda Félicien Kabuga oo kooban Waxa lagu sheegaa inuu ahaa ninkii ugu hantida badnaa Rwanda wixii ka horeeyey xasuuqii 1994. Wuxuu hantidiisa ka helay ganacsiga shaaha todobaataneeyadii iyo ganacsiyo kale oo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ah. Waxa ay aad iskugu fiicnaayeen xisbigii talada hayey ee MRND , waxaanay xidid ahaayeen Madaxweyne Juvénal Habyarimana, oo dhintay 1994. Waxa lagu eedeeyey in uu ahaa ninkii lacagta ugu badan ku bixiyey xasuuqaas ee qorsheeyey isaga oo goobihii ganacsigiisa ka dhigay meelo laga qaado weerarrada oo lacag lagaga bixiyo gumaadka. Wuxu lahaa idaacadda gaarka loo leeyahay ee RTLM oo lagu eedeyey in ay ku abaabushay qoomiyadda Hutu in ay laayaan Tutsis. Maraykanka ayaa ballan qaaday abaal marin 5 milayn oo doolar ah oo la siinayo cidii halka uu joogo soo sheegta. Qaran News
-
Madaxweynihii hore ee ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay arrimo ku aadan cudurka Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya iyo xaaladda isbitaalka Martiini oo dad badan ay ugu geeriyoodeen xanuunka Sheekh Shariif ayaa sheegay in cudurka COVID-19 uu yahay mid halis ah, hayeeshee dadka Soomaaliyeed aysan aheyn kuwo ka feejigan, sidoo kalena dalka uusan laheyn isbitaallo si wanaagsan ugu shaqeeya bulshada. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday qalabka lagula tacaalo cudurka oo dowladda Soomaaliya ay ugu deeqaan dalal kala duwan, waxaana uu tilmaamay in sidii loogu talo galay aan loo isticmaalin, islamarkaana qaarkood suuqyaa lagu kala iibsaday. “Waxa aan la soconaa in qalab badan oo dowlado kala duwan ay keeneen waxaa muuqata in aan loo adeegsan sidii loogu talagalay, waxaa kale oo naloo sheegay in suuqa lagu arkay, arrimahaas ma fiicno, amaanada in sida loo keenay loo guto ayaa la rabaa.” ayuu yiri Shariif. Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in isbitaallo gaar ah loo sameeyo la tacaalida cudurka faafa ee Coronavirus, isagoona sidoo kale dhaqaatiirta Soomaaliyeed ka codsaday in aysan ka fikirin dhaqaalo, balse ay bad-baadiyaan dadkooda. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-240520.mp3 View the full article
-
Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa ka tacsiyeysay geerida ku timid Danjirihii Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Amb. Xamuud Alxuweydi oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa tacsi u diray ehelada, Qaraabada iyo dhammaan dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ee uu danjiruhu ka baxay. “Dowladda Soomaaliya waxay ay Murugada la qeybsaneysaa ehelka iyo asxaabta uu ka baxay Danjire Xamuud, waxayna Alle SWT uga baryeysaa in uunaxariistii janno ka waraabiyo “. Danjire Alxuweydi muddadii koobneyd ee uu Jaamacadda Carabta u fadhiyay Soomaaliya waxa uu ka qeyb qaatay howlo badan oo Soomaaliya lagu taageerayay, waxa uuna ahaa diblomaasi xurmo badan sida ay sheegtay Dowladda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Safiirkii Jaamacadda Carabta u fadhiyay Soomaaliya oo Muqdisho ku geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland oo faahfaahin dheeraada ka bixisay Xogihii ugu dambeeyay Xanuunka Coranavires. Baadhitaanka 72kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 110 Todoba iyo soddon qof (37) ayaa laga helay xanuunka, dhamaantood waa Somalilander, 21 qof waa rag, 16 qofna waa dumar Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa: (20jir ilaa 30jir = 18 qof) (30jir ilaa 40jir = 9 qof) (40jir ilaa 50jir = 2 qof) (50jir ilaa 60jir = 4 qof) (60jir ilaa 70jir = 3 qof) (70jir ilaa 80jir = 1 qof) Bukaanadan waxa dhamaan ay degen yihiin magaalada Hargeysa Waxaa xanuunka ka bogsaday 8 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay sideed iyo toban (18) Waxaa geeriyooday saddex qof oo Hargeysa degenaa. Hal qof waa rag da’diisuna ahayd 24jir halka laba qof ay ahaayeen dumar oo da’doodu kala ahaayeen 60jir iyo 63jir taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhintay Somaliland Afar iyo toban (14). Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey munaasabada ciidul-fidriga ayaa soo hadal qaaday arrimo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda. Xasan Sheekh ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa xoog iyo sharaf leh, islamarkaana ah 100% dad Muslim ah, balse wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in aysan Soomaalidu is-liidin, si aysan uga dhex faa’iideysan dad kale oo leh dano gaar ah. “Qoom fiican, xoog leh, sharaf leh, musliim ah oo soomaaliya ah, oo karaamo leh aya nahay qoom kale oo naga liilato yaanan qoryaha u gurin, Qoomkii Isquursadaa, Qoom Kale Ayuu Qoryaha u Guraa.” ayuu yiri Madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Soomaaliya ay tahay dal leh kheyraad badan, balse lagu heshiin la’yahay sidii looga faa’iideysan lahaa iyo siyaasadii lagu maamuli lahaa. “Beryahan siyaasadda waa tii laga qeyliany ee waxaan leeyahay, dalkan kheyraad naguma yara, nimca ilaahey siieyey naguma yara, meel ilaah dad ku abuuro, meelaha ugu fiican ayaan joognaa, ku abuuranahay, hal cilad ayaan leenahay, waan tashan la’nahay, siyaasaddana waan ka heshiin la’nahay, wax waa isu ogolaan la’nahay, waa isu dhimrin la’nahay, waa isaqbali la’nahay.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xasan Sheekh. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay is-dhageysiga iyo is-qadarinta, si ay horey uga sii dhaqaaqdo meesha ay hadda joogto Soomaaliya “Soomaaliyey aan isaqbalno, aan isdhageynasno, aan is qadarinno, kii waaya arag kii aan waayo arag aheyn ka weydiiyo…, nin walbo meesha uu ku fiican yahay aan ku ixtiraamno, uga dambeyno, oo aan dhageysanno.” ayuu hadalka ku soo gabagabeeyey Xasan Sheekh.
-
Safaaradda dowladda Soomaaliya u fadhida waddanka Pakistan ayaa maanta dalka ku soo celisay 117 qof oo mawaadiniin Soomaaliyeed ah kuwaas oo muddooyinkii dambe ku xayirnaa gudaha Pakistan. Garooonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo degtay diyaarad siday dadkaasi,waxana soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Safiirka Soomaaliya ee dalka Pakistaan Khadiijo Maxamed Almakhsoumi ayaa la sheegay in ay dadaal ku bixisay sidii dadkaasi dalka dib ugu soo laaban lahaayeen xilli duulimaadyada Caalamiga ah ee Soomaaliya ay xayiran yihiin sababa la xiriira Xanuunka COVID-19. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale todobaadkii hore dalka kusoo celisay 114 ruux oo ku xayirnaa waddanka Kenya kadib markii ay saamaysay xannibaadda ka dhalatay COVID-19. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo dalka ku soo celisay muwaadiniin ku xayirnaa Pakistan appeared first on Puntland Post.
