-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo xubno kamid ah weftiga uu hoggaaminayo ee safarka shaqo ku maraya Gobolka Karkaar, ayaa maanta booqasho ku tegay Xerada tababarka ciidamada ee Xorgoble, Qardho. Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibril ay wehelinayaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo Taliyaha qeybta iyo maamulka gobolka karkaar ayaa kormeeray xerada Ciidamada. Guddoomiyaha ayaa halkaas u tagay si uu u dhiiri galiyo Ciidamada Puntland ee halkaasi Tababarka ku qaadanaya Waxaa Guddoomiyaha uu halkaas kula kulmay Sarakiisha Tababaraysa ciidamada iyo masuuliyiin kale isagoo ku booriyay in ay sii laba jibaaran dadaalkooda si looga guuleyso cadawga Puntland. Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa salaan booqasho ah ugu tagay Qasriga uu Qardho ka degan yahay Boqorka Beelaha Daarood, Boqor Burhaan Boqor Muuse. Guddoomiyaha ayaa waxaa ku wehlinayey Booqashada Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo hoygiisa ku booqday Boqor Burhaan Boqor Muuse appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Garoonka Diyaaradaha ay kasoo dagtay diyaarad siday dhaawacyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Dhaawacyada laga dajiyey Magaalada Muqdisho ayaa gaarayey illaa 15 askari oo la sheegay inay ku dhaawacmeen dagaal Shalay dhex maray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab oo ka dhacay Deegaanka Abal oo 18km u jira Magaalada Xudur ee Gobolka Baay. Dhaawacyada laga soo dajiyey Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay yihiin kuwa ay aad u daran tahay xaaladooda Caafimaad. Dagaalka ka dhacay Deegaanka Abal oo ahaa mid aad u culus isla markaasna la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac aad u badan uu soo kala gaaray ciidamadii dagaalay ee ka kala tirsanaa Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Soomaaliya. Saraakiisha ciidamada ee Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin dhaawacyada laga soo dajiyey Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay inay dagaalka ka dhacay Abal ku dishay illaa 20 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab inkastoo aysan jirin illo madax banaan oo xaqiijiyey. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa guul ka sheegatay dagaalka, waxayna sheegtay inay ku dishay 15 askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda oo ay ku jiraan saraakiil ay sheegeen in lagu soo tababaray dalka Turkiga.
-
Muqdisho (Caasimad Online) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Yuusuf Cali oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in maanta ciidamada ammaanka ay ka hortageen qaraxyo la doonayey in laga fuliyo gudaha magaalada Muqdisho. Sadiiq ayaa tilmaamay in ciidamada Booliska ay gacanta ku dhigeen labo nin oo watay walxaha qarxa, kuwaas oo uu tilmaamay in la doonayey in lagu dhibaateeyo shacabka. Afhayeenka Booliska ciidamada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in mid ka mid ah raggaasi lagu qabtay agagaarka isgoyska Ex-Koontarool Afgooye, isaga oo qarax ku dhajinaya gaari uu leeyahay mas’uul dowladeed, walow uusan shaacin magaca mas’uulkaasi. Sidoo kale wuxuu shaaciyey in nin kale oo xirnaa jaakadda qaraxyada lagu qabtay dhinaca deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib howlgal ballaaran oo ay halkaasi ka sameeyeen ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Dhamme Sadiiq Yuusuf Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in qaraxyadaasi la doonayey in lagu carqaladeeyo amniga Muqdisho, gaar ahaan banaan-baxyada maanta ka socda caasimada ee lagu taageerayo hadalkii madaxweyne Farmaajo. Ugu dambeyn afhayeenka ayaa xusay in saacadaha soo socda ay ay soo bandhigi doonaan raggaasi oo uu tilmaamay in haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Amniga Muqdisho ayaa muddooyinkan ahaa mid degan, marka loo eego qaraxyadii horey uga dhici jiray caasimada, inkastoo ay weli ka dhacaan falal u badan dilal qorsheysan.
-
Wasaraadda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qabatay munaasabad ay ka qeyb galeen Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya, qaar ka mid ah shirkadaha wax soo saar dalka taasi oo lagu xusayay maalinta bedqabka cunnada Adduunka 7da Juun2020 oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Wasaraadda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Hay’adaha Qaramada Midoobe ee dhinacyada Cunnada iyo Caafimaadka ee FAO iyo WHO ayaa soo qabanqaabisay munaasabadda si bulshada loo xasuusiyo looguna wacyi geliyo muhiimadda bedqabka cunnadu ay u leedahay caafimaadka bulshada. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Soomaaliya, Mudane Xuseen Maxamuud Sheikh Xuseen ayaa sheegay in munaasabadan ay ku soo beegantay xilli dunida guud ahaan uu dhibaato ku hayo caabuqa COVID19, ayaa Ganacsatada ugu baaqay inay si dhaw ula shaqeeyaan Dowladda si loo gaaro hadafka guud ee ah in dadku ay quutaan cunno caafimaad qabta. “ Dhamaanteen waa in aan ka qeyb qaadanaa badqabka cuntada sida hilibka xoolaha, caanaha iyo dalagyada si aysan waxyeelo u soo gaarin caafiimaadka guud ee Aadanaha iyo midka bulshada Soomaaliyeed” sidaas waxaa yiri Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Soomaaliya, Mudane Xuseen Maxamuud Sheikh Xuseen. Xuska sannadkaan waxaa loo asteeyay halku dhig ah “Bedqabka cuntada qof kasta ayaa mas’uul ka ah”, taas oo muujineysa sida dadka dhan looga doonayo inay gutaan xilka ka saaran bedqabka cunnada, waxaana xuska maalintaan ay muhiim u tahay in dadka lagu baraarujiyo sidii ay dareenkooda u siin la haayeen ka qayb qaadashada tilalaabooyinka looga shaqeynayo bede-qabka cunnada iyo caafimaadka Aadanaha.
-
Kadib guul-darrooyin is xig-xigay oo looga qabsaday magaalooyin dhowr ah, dagaal oogaha dalka Libya Jeneral khaliifa Xaftar ayaa hadda u muuqda nin dabcay oo diyaar u ah heshiis. Xaftar oo muddo ka badan saddex sano diidanaa inuu wada-hadal la galo dowladda caalamku aqoonsan yahay ayaa hadda sheegay inuu doonayo inuu heshiis xabad joojin ah la gaaro, sida uu sheegay madaxweynaha Masar Abdifatah al-Sisi oo ay ku kulmeen Qaahira. “Hindisahan wuxuu ku baaqayaa in la ixtiraamo dadaallada caalamiga ah, ayada oo lagu dhowaaqayo xabad joojin laga billaabo 6:00pm maalinta Isniinta oo June ay tahay 8,” ayuu yiri al-Sisi. Sisi ayaa ka dhinac hadlayey Xaftar iyo Aguila Saleh oo ah afhayeen baarlamanka dowladda Bariga Libya ee Xaftar uu sheegto. Xabad joojinta ay soo jeediyeen Sisi iyo Xaftar ayaa waxaa sidoo kale taageeray Ruushka. Ruushka, oo ay wehliyaan Masar iyo Imaaraadka Carabta, ayaa ah dalalka taageera dagaal-ooge Xaftar. Baaqa xabad-joojinta ayaa imanaya ayada oo ciidamada dowladda ay toddobaadyadii dhowaa magaalooyin badan ka qabsadeen maleeshiyada Xaftar. Waxay sidoo kale sheegeen inay sabtidii billaabeen weerar ay ku qabsanayaan magaalada muhiimka ah ee Sirta, oo ah magaaladii uu kasoo jeeday hoggaamiyihii hore ee dalkaas Muamar Ghadaffi. “Ciidamada cirka waxay shan duqeyn ka fuliyeen duleedka magaalada Sirte,” waxaa sidaas yiri afhayeenka dowladda Mohamad Gnounou, oo sheegay inay ku wajahn yihiin magaalada. Sirte waa magaalada ugu dambeysay ee ciidamada Xaftar ay kaga sugan yihiin galbeedka Libya, oo ah halka ay dowladda ku xoogan tahay. Xulufada Xaftar ayaa maamula Bariga Libya. Inkasta oo Xaftar weli uu haysto Bariga Libya oo dhan, haddanaa guul-darrooyinka is-xig-xiga ee ku socda ayaa abuuray walaac ku saabsan in marka laga soo idlaado galbeedka, ay dowladda weerar ku tahay Bariga. Mas’uuliyin dowladda u hadlay ayaa sheegay inay suurta-gal tahay in muddo kooban gudaheed ay ku wada qabsadaan dalka oo dhan. Qaran News
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sabtidiia khudbadda furitaanka kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka federaalka ah ka horjeediyay labada gole isaga oo ka hadlay arrimo badan. Maxay aheyd in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo ka hadlo? Goobjoog News waxaa akhristayaasheeda la wadaageysaa arrimo muhiim ahaa oo madaxweynaha aanu soo hadalqaadin, sida kiiska badda, colaadaha ka socda dalka, dhameystirka hey’adaha dowliga ah ee muhiim ka u ah doorashada iyo dowlad dhisidda dalka. Saameynta Covid-19: Madaxweynaha Soomaaliya furitaanka hadalkiisa waxuu ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan u dhintay caabuqa, waxuuna sheegay in dowladda soo celisay dad Soomaaliyeed oo ku xayirmay dalal ay safar ku marayeen markii uu cudurku dunida ka dilaacay, waxa uuna u mahadceliyay guddiga uu ra’iisul wasaaruhu hoggaamiyo, marna madaxweynaha ma sheegin saameynta taban ee dhaqaale, caafimaad, iyo horumarka bulshada, iyo qorshaha xakuumadda farmaajo, mana jirin xisaab celin ku aadan maareynta deeqaha dowladda Soomaaliya ka heshay beesha caalamka. Kiiska Badda: Maxkamadda cadliga aduunka waxay May 29, 2020 dib u dhigtay dhageysiga dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya, ilaa markaa madaxweynaha dadka la ma hadlin, hadal jeedinta baarlamaanka Madaxweyne Farmaajo sooma hadal qaadin kiiska badda, qaabka iyo cidda difaaceysa badda, arrintaas oo ahmiyad gaar ah u lahaa shacabka Soomaaliyeed si loo ogaado sababta 3 jeer dib loogu dhigay iyada oo maxkamadda ay bishan dhageysaneyso dacwado kale. Colaadaha: Inkasta oo madaxweynaha sheegay iney dhammaadeen xilliga dhiilada colaadda iyo dhiigga kuraasta lagu raadiyo, sheegayna in xukuummaddiisu ku guuleysatay sugida amniga, hadana waxaa uu ka aamusay colaadaha ka dhacday gobolada Shabeelaha hoose, dhexe, Baay, Gedo, Jubbada Hoose, Galgaduud, madaxweynaha hadalkiisa kuma darin ka mana tacsiyeyn dilkii ka dhacay Gololey, iyo xataa dagaallo sokeeye oo ka socda qeybo ka mid ah Muqdisho. Golaha Adeega Garsoorka: Madaxweynaha khudbadiisa uga ma hadalin dhismaha guddiga adeegga garsoorka oo muhiim u ah madaxbannaanida garsoor, dhanka kale madaxweynaha ma soo hadal qaadin dhismaha maxkamadda dastuurka oo muhiim u ah doorashooyinka iyo madaxbanaanida adeega garsoorka dalka. Dhismaha Guddiga Xuquuqul Insaanka: Farmaajo kama hadlin xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ka dhaca dalka iyo toona mida ay ciidanka dowladdiisu ku kacaan iyo halka uu ku dambeeyo dhismaha guddiga xuquuqul insaanka oo 3 sano wax laga qaban la’yahay, waxaa kale oo uusan waxba ka xusin tacadiyada ka dhanka ah ee haweenka Soomaaliyeed wajahaan oo dhawaanahaan soo badanayay. Guddiga Musuqmaasuqa: Inkasta uu soo hadalqaaday la dagaalanka musuqa hadana kama hadlin dhismaha guddiga madaxabanaan ee la dagaalanka musuqa oo muhiim u ah waxqabashada musaqa mana sheegin dalka Soomaaliya uu ku jiro liiska ugu hooseeya ee musuqmaasuqa caalamka. Iyo halka uu ku dambeeyay sharciga hanti dhawrka qaranka. Shaqo-abuur: Madaxweynaha waxa uu ku faanay in ay dowladiisu tahay dowladda shacabka ma uu Dhalinyarada soo hadal qaaday waxa uu ku ekeystay boorin iyo guuubaabo balse kama hadlin in dowladdiisa ku guul dareysatay shaqo-abuur ku aadan dhalinyarada, waayo shaqaalaha dowladda ee rayidka ah waa sidii ay ahaayeen maamulkii ka horeeyey, dhanka kale dowladda ma abuurin fursado ganacsi oo walaaleynta shirkaddaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn horay uma dhaqaaqin, gacansiga goonida loo leeyahayna waxay la daalaadhacayaan jidad la’aan iyo canshuur aan laheyn natiijo. Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada: mar uu madaxweynaha ka hadlayay doorashada dalka waxa uu soo cuskaday dood ah kulamo dhexmaray dowladda iyo maamulada dalka 2018 kii, mana sheegin xaalka hada iyo meesha xun ee uu maraya xiriirka maamulkiisa iyo dowladaha xubnaha ka ah, arrintaas xalkeeda sooma hadal qaadin, lamana oga qorshaha villa Soomaaliya ee ku aadan watashiga dowladda iyo maamullada. Deegaanka: Arrimaha deegaanka iyo musiibooyinka soo noqnoqda dalka waa dhibaato kale oo aanu ka hadlin xalkooda, dad badan waxay ka barakaceen deegaankii ay daganaayeen waxayna ku waayeen daadadka roobka iyo wabiyada dad iyo duunyo, kuwa kale waxay la il daranyhiin musiibada Ayaxa waxaana muuqata in dowladda madaxweyne Farmaajo u heyn siyaasad. Source: goobjoog.com
-
Baadhitaanka 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 65 Todaba iyo toban qof (17) ayaa laga helay xanuunka, 17 waa Somalilander. Bukaanadan 14 qof waa rag, 3 qofna waa dumar Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa: (10jir ilaa 19jir = 1 qof) (20jir ilaa 29jir = 8 qof) (30jir ilaa 39jir = 4 qof) (40jir ilaa 49jir = 1 qof) (60jir ilaa 69jir = 1 qof) (70jir ilaa 79jir = 2 qof) Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 6 qof, Boorama 10 qof iyo Burco oo ah 1 qof Waxaa xanuunka ka bogsaday 2 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Afar iyo Lixdan (64). Qaran News
-
Soomaaliland ayaa maanta oo Axad ah 07-06-2020 waxa ay sheegtay in deegaannadeeda laga helay kiisas la xiriira safmarka Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunkan. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay in cudurka COVID-19 laga helay 17 qof, iyada oo sidoo kale shaacisay in xanuunka ay ka bogsadeen 2 bukaan, halka 24-kii saac ee la soo dhaafay aysan jirin dad xanuunka u geeriyooday. Tirada guud ee ka bogsatay Coronavirus gudaha Soomaaliland ayaa ah 64 qof iyada oo guud ahaan xanuunkan ay u geeriyoodeen 24 ruux. Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 430 kiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo maanta ka qeyb-galay dibad-bax ballaaran oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrinta taagan ee maqaamka Muqdisho. Cumar Filish oo dibad-baxayaal taageerayey hadalkii shalay ee Madaxweyne Farmaajo kula hadlay, isaga oo saaran gaari Cabdi-Bile ah isgoyska KM4 ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in maqaamka Muqdisho uu ka hooseeyo maamullada kale ee ka jira dalka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in gobolka Banaadir uu ka miisaan weyn yahay metelaada 7 xubnood ee laga siiyey Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya. “Gobolka Banaadir waxa uu u qalmaa matalaad ka miisaan iyo macna weyn tan lasiiyay maamul goboleedyada dalka ka jira” ayuu yiri guddoomiye Cumar Filish. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay reer Muqdisho inay is-dajiyaan, islamarkaana ay xuquuqdiooda ku raad-sadaan si nabadoon. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dood badan ay ka taagan tahay maqaamka caasimada oo la’isku mari la’yahay, xilli ay fooda nagu soo heyso doorashada madaxweynaha iyo mid baarlamaanka oo dhaceysa dhamaadka 2020 illaa 2021-ka.
-
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka bilowday dibad-bax ay dhigayaan dadweyne isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir oo muujiyay dareenkooda ku aadan hadal shalay Madaxweeynaha Dowlada fadarelka uu ka hor jeediay labada Aqal ee Baarlamaanka oo ah ahaa xubno matala gobolka Banaadir in lagu kordhiyo aqalka sare ee Baarlamaanka. Dibad-baxyada ayaa haatan ka dhacay qeyba kamid ah magaalada Muqdisho sida taalada Daljirka Daahsoon iyo isgoyska KM4. Dadka dhigaya dibad-baxa oo kala yimid dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa wata boorar lagu soo xardhay sawirrada Madaxweynaha Farmaajo iyo Gudoomiyaha Gobolka Cumarb Filish. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish oo ka hadlay banaan bax lagu taageerayay hadalkii Madaxweynaha oo ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyay codsigii Madaxweyne Farmaajo u jeediyay labada Aqal ee Baarlamaanka ee ahaa in ay ogolaadaan mataalad siyaasadeed oo Gobolka Banaadir ay yeelato. PUNTLAND POST The post Bannaan-baxyo lagu taageerayo Hadalkii Farmaajo oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Rather than unilateral legal ploys, Ethiopia need a solution that provides for a minimum two-year transitional period and places constraints on the government. It is open season for constitutional interpretation in Ethiopia. So much so that recently Lidetu Ayalew declared that you do not have to be a lawyer to interpret controversial provisions—for him it was enough to be able to read. I felt Ronald Dworkin and many other great jurists and hermeneutics turning in their graves. Michael Devitt, an Australian philosopher said, “When someone starts talking about ‘interpretation’, reach for your gun.” Interpretation of laws are part of the foundation of any legal system, but interpretation is not a simple endeavor and everything about ‘interpreting’ can be contentious. Indeed, interpretation and who should be involved is one of the most controversial fields in law: What role should a judge play in interpretation of statutes or of a constitution? Should it involve the intent of constitutional drafters? Should interpretation be ‘broad’ or ‘narrow’? Should it concentrate on the text, the structure, the purpose or the history and intent of the legislators? These are questions that are relevant to the—so-called—constitutional crisis Ethiopia faces. At the end of March, the National Electoral Board of Ethiopia (NEBE) said it could not conduct the elections on 29 August. The reason was COVID-19. On 8 April, the House of Peoples’ Representatives declared a peacetime state of emergency (SOE) for five months to 8 September. Under the constitution, the government’s term ends on 5 October. Even if the COVID crisis does not necessitate extending the state of emergency, preparing an election in one month would be impossible. So, the dilemma is clear: if you follow the constitution, and legitimately impose an SOE for one of the reasons enumerated in it, the election cannot be held as scheduled. If the election is not held, this contravenes Article 58(3): limiting the term of the government to five years. To resolve this, the incumbent tabled four proposals: dissolving parliament in accordance with Article 60, while the current administration continues as a caretaker until elections within six months; extending the state of emergency and prolonging the government’s term; provide constitutional amendments (Articles 104 and 105) to resolve the issue; or refer the issue to the House of Federation for interpretation. The ensuing debate was intense. Five political parties issued a statement stating that the incumbent must not stay even for a single day beyond its mandate of five years; leading opposition figures, including Jawar Mohammed and Lidetu, claim the government would have no legitimacy beyond 5 October. Instead, they proposed an extra constitutional alternative: a transitional government to include all political parties registered to partake in the election. The Tigray People’s Liberation Front (TPLF) issued a statement rejecting the government’s proposal, and declared that it would hold an election in Tigray as previously scheduled; a move that would put the TPLF on a collision course with the federal government. Other parties have come up with alternatives. For example, EZEMA has called for a constitutional amendment to extend the incumbent’s term, suggesting a one-year period as reasonable. None of the opposition parties, except TPLF, really questioned the COVID-19 crisis as justification for election postponement. Elections require lots of physical interaction, and, most importantly, involve campaign meetings and rallies. This landmark election will doubtless spark huge enthusiasm, rallies, and turnout. With COVID-19, this would not be possible. The option of using alternative campaign methods— social and print media, TV, radio etc—in Ethiopia is also hardly possible. Therefore, any argument that COVID-19 is not a justification for postponing the election is hard to stand up. Consequently, the government—correctly in my opinion—adopted the fourth proposal: to refer the issue to the Council of Constitutional Inquiry and the House of Federation. The other proposals were in fact either unconstitutional (specifically using a state of emergency to manage the election delay) or politically untenable because of fundamental opposition disagreement. Some criticized the government’s decision to follow the route of interpretation. There is, however, a constitutional gap: what to do when the election is delayed on justifiable constitutional ground, but this contravenes Article 58.3? Should the government’s term be extended? Does the constitution answer this question? If not, there is a need for interpretation. Most legal systems give interpreting power to general courts or a dedicated constitutional court. The Ethiopian constitution is unique in that it gives the power to the Council of Constitutional Inquiry (CCI) and the House of Federation (HoF). Two specific provisions, Articles 84(1) and 84(2), makes it clear that that the power of the HoF is not limited to specific cases; and subsequent legislation underlines it: “constitutional interpretation on any unjusticiable matter may be submitted to the Council by one-third or more members of the federal or state councils or by federal or state executive organs”. In this instance, the CCI is not asked to give an advisory opinion on an abstract constitutional question. It is being asked to rule on a serious constitutional conundrum of great consequence to resolve an impending crisis. Understanding or resolving the constitutional conundrum largely depends on how the issue is framed. If the question is: Can the government extend its term beyond five years? the answer should generally be ‘no’. However, the issue is not about extending the term of the government as such. It is rather about how to resolve the constitution problem when implementing one article of the constitution leads to contravention of another. The questions should, therefore, be posed sequentially. First: Can the election be postponed due to an emergency situation, in this case COVID-19? Second: If yes, what if the justifiable postponement of the election leads to noncompliance with Article 58.3, or leads to noncompliance with the five-year limit on a government term. Posed this way, the answer is straightforward. If as a result of taking a constitutionally mandated act (e.g. an SOE), the election cannot be held, this should by necessity extend the government’s term. The government can assume power only through election. If there is no election, there can be no legal transfer of power. If there is no transfer of power, then the most reasonable interpretation is that the incumbent’s term should be extended for a limited period. The term extension flows from the postponement. It is the result of—not the purpose of—imposing the SOE. A legal solution for a constitutional conundrum cannot, however, be considered in isolation. It also needs an accompanying political process. Recent events have made it clear that the fundamental cause of the crisis is not constitutional but political. There is a huge gap between the way political parties, and people, of varying ethnicity and ideology, view the government. For those who have lost confidence in the Abiy’s administration, it doesn’t matter what the constitution says. Their aim is to try and end the government’s monopoly of political power, as well as position effectively for the upcoming election; they are therefore demanding power sharing or a transitional government. Similarly, those who are supporters of the regime, don’t care what the constitution says. They want to take the opportunity to extend the regime’s term. In between there are academics and others genuinely taking a stand on the basis of their reading of the constitution. What drives most, however, is not legal interpretation, but politics. Unfortunately, for those who want to share power, the constitution provides no support. As a result, they are looking at extra-constitutional options. But even if there was any agreement to seek a solution outside the constitution, a proposal for a transitional government would be fraught with problems. Primary among them is that deep enmity and disagreement that exists between political factions means it would be very difficult for them to form a viable government. What we need is a solution that can provide a transitional period as well as put limitations on the government. Recent events demonstrate the need for a transition of at least two years focused on preparing for elections. This is indispensable to hold a successful contested post-conflict election. The government’s use of state machinery, media, and security forces to bolster the ruling party and constrain the opposition have shown that unless mitigating action is taken, it cannot conduct a free and fair poll. During the transitional period, a consultative body to advise the government on election issues, should be formed out of opposition parties, after a bout of negotiation to decide on its composition. The government, in consultation with this body, should create an independent entity to control the state media; reconstitute the election board to assuage opposition complaints; approve any legislation, directives and regulations related to the election; and revise a written code of campaign ethics for candidates and political organizations, as well as a code of professional conduct and ethics for party members, employees and volunteers. Independent election monitors should be identified and trained in integrity, transparency, and fairness. As I’ve written, Ethiopia had just emerged out of conflict—holding election too soon is dangerous because it can trigger renewed violence. In polarized societies with heightened social mistrust and weak democratic and security institutions, conducting elections too quickly after conflict is counterproductive. A transition is a necessity. The government might use the constitution to prevent even this minimum transitional arrangement preparing the ground for a competitive election. If the fragmented opposition cannot come together on these issues, the major political organizations should at least agree that there must be a level playing field. Without that, the next election will be no different from the past two polls. While the opposition may lack leverage, unless their suggestions are taken on board by the government, the upcoming election will not receive the legitimacy the incumbent desires. The key dynamic here is that COVID-19 has given us an opportunity to rethink our approach. It offers a renewed chance for an election that could finally lead to democratic consolidation. We must grasp it rather than waste it. Source: Ethiopia Insight The post Ethiopia needs an inclusive two-year transitional period – Ethiopia Insight appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online ) – Janaraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ah taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka ayaa ka warbixiyey dagaallo ciidamada dowladda Soomaaliya ay Al-Shabaab kula galeen duleedka degmada ee xarunta gobolka Bakool. Taliyaha ayaa sheegay in howl-gallo ay ka fuliyeen deegaanka Abal iyo tuulooyin hoos-yimaada ay ku dileen illaa 11 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in deegaanadaasi ay gacan ku heyntooda la wareegeen ciidamada dowladda, gaar ahaan guutada 9-aad, qeybtooda 16-aad. Janaraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hadalkiis sii wata ayaa xusay in howl-galladu ay sii socdaan, ciidamaduna ay ku sii siqayaan deegaano ku yaalla gobolka Bakool. Dhinaca kale Al-Shabaab oo war ka soo saartay dagaalladaasi ayaa guullo ka sheegatay, waxaana ay baahisay inay khasaare xoogan ku gaarsiisay ciidamada huwanta. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay halkaasi ku dileen 15 askari oo ay tilmaameeyn inuu ku jiro sarkaal saddex xidigle ah, sida ay hadalka u dhigeen. Xaaladda goobihii lagu diriray ayaa maanta yare degan, balse waxaa dhaq dhaqaaqyo milarai ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay ka wadaan deegaanka Abal oo ku dhowaad 20 KM dhinaca bari ka xiga magaalada Xudur.
-
Baadhitaanka 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 65 Todaba iyo toban qof (17) ayaa laga helay xanuunka, 17 waa Somalilander. Bukaanadan 14 qof waa rag, 3 qofna waa dumar Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa: (10jir ilaa 19jir = 1 qof) (20jir ilaa 29jir = 8 qof) (30jir ilaa 39jir = 4 qof) (40jir ilaa 49jir = 1 qof) (60jir ilaa 69jir = 1 qof) (70jir ilaa 79jir = 2 qof) Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 6 qof, Boorama 10 qof iyo Burco oo ah 1 qof Waxaa xanuunka ka bogsaday 2 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Afar iyo Lixdan (64). Source
-
Daraasaddan uu soo saaray machadka Heritage ayaa looga hadlay arrimo badan oo khuseeya heerka caafimaadka dalka sida cudurrada, tayada goobaha iyo hawlwadeennada, nadaafadda iyo fayodhowrka, hooyada iyo dhallaanka iyo kaalinta dowladda ee arrimahaas la xiriira. Goobjoog News waxaa ay akhrisratayaasheeda la wadaageysaa qeybo ka mid ah daraasaddan uu soo akhriyey Cabdi Caziz Gurbiye. Ugu horreyn, waxaa daraasadda ku xusan in 2016 ay hey’adda Sara ogaatay in 1,074 oo ahaa qalabka caafimaad ee dalka yaaley ay ka shaqeeyaan uun 799. Waxaa kale oo warbixinta ku jirtay, isbitaallada gaarka ah ayaa daboola baahida caafimaad ee 80% dadka Soomaaliyeed halka isbitaallada guud aaney ka jirin meelo badan oo dalka ah. 2016: Waxaa jiray ilaa 3,289 goobo caafimaad oo gaar loo leeyahay, 79% waa magaalooyinka halka 20% ay miyiga ku yaalaan. 2019-kii, sida ay sheegeen wasaaradda qorsheynta iyo bangiga adduunka, hey’adaha deeqaha bixiya waxaa ay lacag ahaan caafimaadka dowladda ku bixiyeen sanadihii 2017, 2018 iyo 2019-kii: $109.3 Milyan, $108.6 Milyan iyo $137 milyan. Hooyada iyo Dhallaanka: Mid ka mid a h 7-bada caruurta ah waxaa ay dhintaan inta aan 5 sano gaarin, waana dalka ugu badan ee bariga Mediterranean. Dhimashada hooyada: 2016 waxaa uu ratioga ahaa in 726 hooyo ay ka dhintaan 100,000 halka xilliga dhalmada ay khatar ugu jirto in 22 haween ah ee laga umuliyo ay mid dhimato. Nadaafadda iyo Fayodhowrka: Soomaaliya waxaa ugu badan oo dilaa ah keena la’aanta nadaafadda iyo fayodhowrka oo ah labada caafimaadka ku xiran yahay. 45% wax ka yar ayaa helo biyo la cabi karo halka hal-afartii qofba uu helo biyo nadiif ah, arrimahan oo qeyb weyn ka qaata cudurrada iyo geerida hooyada iyo dhallaanka. Cudurrada: Cudurrada ugu badan ee Soomaalida u dhintaan ma aha kuwa is qaadsiiyo ee waa qaar kale sida dhimirka(1.9) milyan, Sonkorta(537) kun, Cancer(42) kun, Cudurada ku dhaca beerka(2.7) iyo kuwa wadnaha(103) kun. Shaqaalaha iyo Goobaha: Sida ay sheegtay WHO 2014-kii, dadka xilligaas ka shaqeynayey guud ahaan caafimaadka waxaa lagu qiyaasay 9,566 qof, oo isugu jira dhakhaatiir, kalkaaliye iyo umulisooyin, 0.34 ayaa ku soo aadaya 1,000 qof, 2016-kii, WHO waxaa ay sheegtay in hal dhakhtar uu ku soo aadayo 20,000 oo buukaan Soomaali ah halka 4 kalkaaliso iyo hal umuliso ku soo aadayaan 20,000. Soomaaliya waxay u baahantahay in la shaqaaleeyo sanadka 2030-ka, ilaa 97,700 oo isugu jira dhakhaatiir, kalkaaliye iyo umuliso, 24,350 dhakhtar, 73,350 kalkaaliye iyo umuliso ah. Waxbrasho: Dadka ka shaqeeya goobaha caafimaadka ma helaan waxbarasho formal ah taasi oo khatar gelineysa nolosha dadka. Haweenku guud ahaan waxaa ay gaarayaan ilaa 42% dhakhaatiirka Soomaaliya. Waxaa ay baahi xooggan ka jirtaa dhakhaatiirta leh takhasusaadka gaarka ah ee la xiriira taranka, dhimirka, dhallaanka. 2019_kii, waxaa ay jaamacadaha iyo xarumaha tababarka caafimaadka bixiyeen ilaa 63 koorso, mana laheyn qorshe, qalab waxbarasho iyo manhaj toona, oo ay intaas dheer yihiin macalimiin la’aan. Dowladda Federaalka h iyo Dowlad Goboleedyada: Dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada waxaa la ogaaday in aaney miisaaniyad meel u dhigin tababarka shaqaalaha caafimaadka. 2019: Maamullada ka duwan, waxaa hoos taga ilaa 661 goobo caafimaad, (305 Puntland, 29 Koonfur galbeed, 92 Galmudug, 93 Jubbaland, 81 Hirshabeelle iyo 61 oo Banaadir ah. Lama yaqaano shaqaalaha saxda ah ee caafimaadka ee dowladda, laakin warbixin ay soo saartay wasaaradda caafimaadka 2019kii, waxaa ay shaqaalaha ku sheegtay 6,918 qof, Hirshabelee iyo Koonfur Galbeed waa labada meel ee ugu badan ee ay ku yar yihiin shaqaalaha caafimaadka. Waxaa dowladda lagula taliyey iney xoogga saarto caafimaadka, lana kaashato deeq bixiyeyaasha, lana tababaro ugu yaraan 90,000 oo qof. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynihihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka la qorsheynayo inay dalka ka dhacaan 2020 / 2021-ka. Guuleed ayaa marka hore dalbaday in doorashada dalka ka qabsoomeysa ay noqoto mid heshiis lagu wada yhay, si looga baaqsado xasilooni darro siyaasadeed oo timaada. Sidoo kale wuxuu soo dhoweeyey hadalkii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in dalka ay ka dhaceyso doorasho, islamarkaana aysan jiri doonin muddo kororsi. “Waa go’aan wanaagsan hadalka Madaxweynaha ee ah in dalka ay ka dhaceyso Doorasho oo aan jiri doonin muddo kororsi, balse waxaa mudan in la isweydiiyo oo laga baaraandego waqtiga la heysto iyo howsha la rabo in la sameeyo.” ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed. Ugu dambeyn wuxuuu ugu baaqay dowladdda federaalka ah ee Soomaaliya inay xoojiso diyaar-garowga, sidoo kalena ay diyaariyso dhammaan shuruudaha looga baahan yahay doorashooyinka soo socda oo isugu mida baarlamaanka iyo tan madaxweynaha. Hadalkan ayaa ku soo aadayaa, iyadoo weli aysan cadeyn nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso dhammaanka sanadkan 2020-ka illaa sanadka xiga ee 2021-ka.
-
Reports reaching us from Eyr-daye and Miira-jibaale villages in Hiraan region indicate that clashes between two clan militias erupted early Sunday morning. At least two people were killed and several others wounded after the clan militias engaged a fierce gunfight causing residents of the villages to flee from their homes because of the sound of the heavy weapons the two sides were using. Said a local resident. “The clash erupted after one of the clans launched an attack. There was a stiff battle between the two militias and 2 people from the warring sides died during the clashes while several others were injured,” Added the local resident. The fight is believed to have been flared up over a pastoral land as the country is suffering from severe flash floods that affected thousands of people in parts of Hiraan and Middle Shabelle regions. Local residents said there is a lot of tension in the area, adding that there could be more retaliatory clashes in the nearby villages as battle preparation of both sides is underway. There is still no effort from the traditional elders and peace advocates from the region to ease the tension and enmities between the two clans in the areas. Arguments over land use, boreholes and pasture have perennially contributed to fighting among Somali clans who are largely pastorals.
-
Mudaharaadku saaka ka dhacay Muqdisho oo lagu taageeraya Madaxweyne Farmaajo ayaa la ogaadey in Calamada iyo Boorarka loogu soo sameeyey Villa Soomaaliya oo ah Madaxtooyada [...] The post Mudahaarkii Saaka ka dhacay Muqdisho oo la ogaadey in Villa Soomaaliya lagasoo abaabulay appeared first on . Source
-
Khudbaddii Sabtida uu madaxweyne Farmaajo ka jeediyay furintaanka kalfadhigii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa ay xambaarsaneyd farriimo fara badan oo ay ugu hurreyso doorasho qof iyo cod ah oo inta badan khudbaddu ay ku saleysneyd, iyadoo aan ognahay in doorasho qof iyo cod ah aaney xilli dhow dalkani diyaar u ahayn isla markaana aaney suurtaggal ahayn. Iyadoo weliba aan ognahay in Covid-19 aan lagu dhawaaqin in laga adkaaday oo gabi ahaanba uu dalka ka maran yahay. Hadaba, markii aan khudbadda dhageystay oo aan dhuuxay waxaa iiga soo baxay Shan qodob oo aan is leeyahay cid kasta oo fahmeysa biyaha dhaca khudabadda madaxweynaha iney fahmayaan saameynta taban ee ka dhalan karta khudbadda. Doorasho aan suurtaggal ahayn oo dalka lagu khasbayo Madaxweynaha waxa uu sheegay in doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka hirgelinayaan muddo 50-sano ah kadib. Laakiin waxaa is weydiin leh siday ku suurtaggaleysa iyadoo caqabadahan faraha badani ay taagan yihiin, waqtiguna uu aad u kooban yahay. Waxaa lagama maarmaan ah in guddiga doorashooyinka la ballaariyo oo shaqaale farabadan loo qaro. Wacyigelintii shacabka oo waqtigeeda iyo fahamsiinteeda u baahan oo ay xilligan ahayd iney gaba gabo marayso, ololihii xisbiyada oo xilligan gobollada dalka oo dhan ka bilowda. Xisbigii xukuumadda oo aan weli dhisneyn, iyadoo bilo yar un ay doorashada ka harsan yihiin. In la yiraahdo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo qof iyo cod ah wey fududahay; laakiin fulinteedu waxay u baahan tahay 4 sano oo hadda kadib ah. Halkii uu xaalku joogay 4 sano ka hor ayey weli mareyso marka laga reebo sharciga doorashooyinka oo la ansixiyay. Si kasta iyo dhan walba oo aad ka eegto suurtaggal maaha in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo dalka xilligan aan joogno. Xasillooni darro siyaasadeed Madaxweynaha khudbadiisa waxa uu ku faanay in dalka xasillooni siyaasadeed uu u horseeday, isagoo soo hadal qaaday in isaga iyo Ra’iisul-wasaarah isla dhammeysteen, baarlamaankii mooshinnadii tirada badneyd laga yareeyay. Laakiin sida hadda muuqata madaxweynuhu waxa uu ka shaqeynayaa xasilloonni darro siyaasadeed, marna ma aanuu soo hadal qaadin “Saamileyda Siyaasadda” oo muhiim u ah geedi socodka nabadda dalkan. Madaxweynuhu waxa uu illowsan yahay in marka uu waqtigiisu dhammaado bilo kadib, doorasho cod iyo qof ahna ay dalka ka dalka ka suurtageli weydoin isaga iyo baarlamaankuba ay sharcidarro soo dhex istaagayaan, sidaa darted; ma fursaneyso inuu la tashado Saamileyda Siyaasadeed. Haddii kale waxaa loo diyaar garoobayaa xasilloonni darro siyaasadeed maadama la isla wada og yahay in aan madaxweynaha loo ogolaan doonin inuu maalin ku darsado muda xileedkiisa oo ah shayga kaliya ee uu xasaannada ku leeyahay, madaxweynana uu ku yahay. Madaxweynah iyo Ra’iisul-wasaarihiisa oo ku kala duwan doorashada 29 May, 2020, ayaa Ra’iisul-wasaare Kheyrre, waxa uu ka hadlay muhiimadda ay doorashooyinku dalka u leeyihiin, waxa uu farta ku fiiqay inaanuu waxba ka qabin in saamileyda siyaasadda ay isku yimaaddaan, doorasho kasta oo lagu heshiiyo dalkan ay ka qabsoonto, laakiin aan waqtigeeda dhaafin. Hadal u muuqday mid maangal ah oo wax garadka siyaasddu ay aadu u soo dhaweeyeen. Laakiin waxaa muuqata in madaxweyne Farmaajo habkaa si ka duwan uu wax u arko oo uu ku dhaggan yahay doorasho qof iyo cod ah oo dalka xilligan sinaba aan uga suurtaggaleyn. Madaxweynuhu tashi ma rabo go’aankiisa mooyaane Madaxweynuhu waxa uu soo qaatay heshiisyo hore oo wadar ogol lagu ahaa oo ku saabsanaa in dalkan doorasho qof iyo cod ah ay ka qabsoonto oo shirkii Baybadho uu ku jiray. Laakiin madaxweynuhu ma aanuu tilmaamin in xilligaa ay dalka ka suurtaggal ahayd doorasho qof iyo cod ah, shirkaasi waxa uu ku beegnaa May 14, 2018. Laakiin xilligan haddii la isku yimaado taladu tii hore way ka duwanan lahayd. Laakiin sida muuqata madaxweynuhu diyaar uma aha inuu cidna la tashado, doorasho nooca uu rabo iyo riyadiisa ah mooyaane. Madaxaweynah waxaa niyaddiisa ku jirta muddo kororsi aan dhanna loo dhaafeyn. Haddii sida uu rabo ay u meel marto oo ay noqoto in doorasho qof iyo cod ah dalka laga hirgeliyo, ugu yaraan waxaa loo baahan doonaa 2 sano oo kordhin ah, marka la eego howlaha ay dooraashadaasi u baahan tahay oo baaxadeeda leh. Waxaa dhici doonta iney baarlamaanku fariistaan oo ay naftooda iyo tan madaxweynahaba ay u sameeyay muddo kordhin ay duruuf lagu marmarsiyoodo. Hal qodob oo uu ka baqayo madaxweynaha oo welwel ku haya. Madaxweynah khudabaddiisii waxa uu kusoo qaatay in dhalinyarada uu ku booranayo inaaney noqon xaabadii dabka lagu shidanayay ee ‘Ma liibaanayaasha lagu liibaaney’ ay u baxday, waxa uu ka (cabsanayaa) in mudaharaadkii lagu soo dhaweeyay mid la mid ah lagu sagootiyo. Waa caqabadda kaliya ee uu u arko iney hor istaagi karto damaciisa ah muddo kororsiga. Si kastaba, waxaa laga maarmaan ah in madaxweynaha uu kusoo laabto dowga saxda ah ee maangalka ah dalkanna aanuu u horseedin xasilloonni darro siyaasadeed oo aan la mahdin doonin ciribteeda. Madaxweynaha kaligii dalkan uma caqli badna, waa inuu dhageysto talada aqoon yahaynka iyo siyaasiyiin. Waa inuu tixgleiyo talooyinka hey’adaha caalamiga ah ee uu ka mid yahay ururka ka hortagga xasaradaha oo sheegay in dalka aaney ka dhici Karin doorasho qof iyo cod ah loona baahan yahay in habkii 2016 dib loogu noqdo; Sida dalkan looga badbaadiyo dhibaato hor leh inuu lugta la galo. W/Q: Khadar Xuseen Maxamed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka hadlayay doorashooyinka dalka ku soo wajahan ayaa waxa uu dalbaday in doorashada dalka ka qabsoomeysa ay noqoto mid heshiis lagu wadayhay islamarkaana waxa uu ku baaqay in arrinkaasi la xaqiijiyo. Sidoo kale Cabdikariin Guuleed ayaa dowladda Farmaajo waxa uu ka dalbaday inay diyaariyaan dhammaan shuruudaha looga baahanyahay doorashooyinka isaga oo intaas raaciyay inay muhiim tahay inay xasilooni siyaasadeed wada gaaraan dowladda iyo kuwa xubnaha ka ah iyo in la gaaro heshiis siyaasadeed oo dhexmara dowladda dhexe iyo xisbiyada. Dhanka kale Guuleed ayaa hoosta ka xariiqay in hadalkii Farmaajo shalay uu ka jeediyay furritanka kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaliya ee ku aaddanaa doorashooyinka qaranka uu noqdo mid laga dhabeeyo islamarkaana abuura niyad wanaag. Cabdikariin Guuleed oo sameystay xisbi siyaasadeed ayaa doonaya inaysan madaxda dalka sameysan wax muddo kororsi ah oo dowladda hadda jirto looga cabsi qabao inay waqti ku darsato muddo xilheynteeda, xisbiyada dalka ka jira ayaana ka dhursugaya tallaabada ay qaadi doonaan dowladda Farmaajo oo wax ka yar 8 bilood ay u harsanyihiin. Guddiga doorashooyinka ayaan wali shaaca ka qaadin nuuca doorasho ee dalka ka qabsoomi doonta iyada oo guddigaanna ay baarlamaanka dalka hor imaan doonaan 27-ka bishan waxaana lawada sugayaa waxa ay markaasi sheegi doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Source
