Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland oo ku hungoobay kaalmo dhaqaale oo uu weydiistay baanka Horumarinta Afrika+Jawaabtay Siiyeen Qaran News
  2. Inta badan waxaa saaka xiran wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho halkaas oo ciidamo ka tirsan booliska la soo dhoobay. Warar ayaa sheegaya in xalay illaa gelinkii dambe ee shalay ay Muqdisho ka socdeen abaabulka banaanbaxyo lagu taageerayo codsigii uu Madaxweyne Farmaajo shalay baarlamaanka uga dalbaday in Aqalka Sare uu metelaad ka helo gobolka Banaadir. Goobo dhawr ah oo ku yaalla meelaha ugu muhiimsan ee caasimadda ayaa la sheegay in loo qorsheeyay in lagu qabto banaanbaxan maanta si dadka isku soo baxaya aay taageero ugu muujiyaan codsigii Madaxweyne Farmaajo uu ka hor jeediyay baarlamaanka ee ahaa in gobolka Banaadir uu metelaad ku yeesho Aqalka Sare. Sida ay wararku sheegayaan abaabulka banaanbaxaas waxaa ku howlan xubno ka kala socda maamulka gobolka Banaadir iyo kooxaha taageera Villa Somalia ee la baxay Xoogagga Wadaniyiinta. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa khudbadiisii shalay uu ka jeediyey furitaankii kalfadhiga 7-aad ee baarlamaankan 10-aad waxa uu ku soo gaba-gabeeyay codsi uu u jeediyay labada Aqal ee baarlamaanka Soomaliya oo ahaa in Gobolka Banaadir uu Aqalka sare matalaad ka helo. PUNTLAND POST The post Waddooyinka Muqdisho oo xiran iyo bannaan-baxyo la filayo appeared first on Puntland Post.
  3. Jigjiga (Caasimada Online) – Gabdhaha Wariyeyaasha ah ee ka howlgala Telefisnida iyo Idaacaha dalka ayaa kaalin firfircoon ka qaadanayay sanadihii ugu dambeeyay tabinta iyo diyaarinta warararka iyo Barnaajimyyada kuwaa oo ku shaqeeya inta badan marxalad ka adag tan ay ku shaqeeyaan Wiilasha Wariyeyaasha. Gabdhaha Saxafiyiinta ayaa si isku mid ah uga howlgala Idaacadaha iyo Telefeshinada ku yaala magaalooyinka dalka waloow tiro ahaan aysan badneyn ayaa hadana waxey la kulmaan mararka qaar arrimo culees ku ah shaqada ay u hayaan bulshada. Xarumaha ay ka howlgalaan ayaa isugu jira kuwa dowladeed iyo kuwa ay leeyihiin shaqsiyaad gaar ah oo xuquuqdooda iyo dumarnimada aan lagu ixtiraamin mararka qaar. Sadeexdaan Gabdhood waa Wariyeyaal shaqadooda ku waayay qaab aan sax aheyn oo ku tagri fal ah iyo mid lagu kalifay iney shaqada ka tagto, waxeyna kala yihiin: 1 – Sahro Cabdi Maxamed 2 – Amaal Garaad Qaaje 3 – Filsan Cabdiraxmaan Duceysane. Sahro Cabdi Maxamed oo u shaqeyneysay warbaahinta dowlad deegaanka Soomaalida Somali region TV (SRTV) ayaa shaqada laga ceyriyay taa oo qaban jirtay Barnaamij Todobaadle ah oo ku saabsan arrimaha Bulshada iyo ciidanka Dowlad deegaanka Soomaalida. Waxaa loo soo dhajiyay warqad shaqo ka ceyrin iyo in waardiyaha uusan u ogolaan karin iney shaqada soo gasho kadib markii ay diyaarisay barnamij qurux badan oo ku saabsan sida Ciidanka DDS ay ula ciidayaan shacabka iyadoo laga dalbaday iney keento lacag ay ku qaadatay Barnaamijka. Sahro ayaa sheegtay in aysan ku qaadin Shilin Barnamijka ay qabatay waxaana ay xustay in Laba mid kala dooro lagu dhahay taa oo kala ah “ Lacagta aad ku qaadatay keen ama shaqada lagaa ceyrinaa” Maamulka Somali region TV ayaa dhagaha ka fureestay warka Sahra Siman ee ah ineysan wax sharuur ah ku helin barnamijka islamarkana taliska uusan Wariyuhu u qoon deyn lacag gaar ah balse ay u qabatay Ciidanka si ay farxad TV-ga ugala ciidaan Shacabka, iyadoo markii dambe shaqada laga ceyriyay sida ku cad warqadan hoose, iyadoo maalin kadib shaqada agaasinka SRTV uu keensaday gabar kale oo qaraabo ay yihiin maamulka. Warisada Labaad oo ah Amaal Garaad waxey u shaqeyneysay Telefisinka maamul Goboleedka Puntland waxeyna shaqadeeda ku weysay Page-ka Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmad Karaash oo Like iyo Share ay u saartay intii uu jiray khilaafka madaxweynaha Puntland Saciid Dani kala dhaxeeya, waxaana maamulka uu u sheegay iney dambi gashay, shaqada ay hadda heysana mid ka hoose in loo dhiibayo taa oo ku kaliftay iney shaqada ka tagto. Amaal oo hadda joogto Muqdisho ayaa sheegtay in maamulka TV-ga uu kasoo wacay xarunta Garoowe waxaana ay ku tiri ” Karaash dadka kula mid maaha oo isku xaafad ayaad tihiin hadii aad joojin waydo hadal hayntiisana Shaqadaada ayaad ku wayn doonto” Warisada Saddexaad waa Filsan Duceysane oo u shaqeyneysay Talefisinka Mogadishu Cable waxaa lagu qasbay iney shaqeyso iyadoo xanuunsan,iyadoo xustay in wax texgelin ah uusan siinin maamulka arrimaha caafimaadka ee Wariyaha. Filsan ayaa sheegtay iney goobjoog u noqotay gabar ay isla shaqeeyaan oo ku dhex-suuxday Telefisinka kadib markii lagu qasbay iney shaqeyso iyadoo xanuunsan. Gudoomiyaha Ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SOMWA) Maryan Saylac iyo Xoghayaha Isutagga Suxufiiyinta Soomaaliyeed ee FESOJ Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa arrintan si kulul u cambaareeyay iyagoo sheegay in aan loo dul qaadin karin in sidan loola dhaqmo gabdhaha oo xaalado adag ku shaqeynaya. ‘Masuuliyiinta Warbaahintu howshoodu waxa ay ahayd in ay ilaaliyaan wanaajiyaan gabdhaha u shaqeeya ee ma ahayn in ay ku xadgudbaan, Gabdhaha waxa ay si guud ula wadagaan dhibaatooyinka ay wajahaan Suxufiiyinta oo dhan, xaq ma ahan in loogu daro caqabado kale, Waan la xiriirney xaruumaha laga soo cawdey waxa aana ka rajeynaynaa in ay dhageystaan baaqeena” ayey tiri Gudoomiyaha SOMWA Maryan Saylac Gabdhaha Wariyeyaasha ah waxaa lagu qasbaa sidoo kale iney wiilasha cuntada u kariyaan, iney nadaafadda ka shaqeeyaan iyo shaqadooda aan loo madax-baaneyn.
  4. Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta firimbi lagu yeeriyay xilli uu jeedinayay khudbadda furitaanka kalfadhiga 7-aad ee labada gole ee uu ka kooban yahay baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaannada buuqa iyo firimbiga billaabay waxaa kamid ahaa Xasan Cabdi Ismaaciil oo laga soo doorto Jubaland, kaasoo BBC-da u sheegay inuu saluugay qodobada uu madaxweynaha kusoo qaatay khudbaddiisa. “Xildhibaannadu deegaannadooda dhibaato ayaa lagu hayaa, deegaannadoodu cunaqabateyn ayaa saaran. Anigu Jubaland ayaan ka soo jeedaa dadkeyga waa la cunaqabateeyay, Gedo waxa ka dhacaya waad u jeedaa,” ayuu yiri xildhibaan Xasan. Waxa uu sheegay in fursadda keliya ee ay madaxweynaha dareenkooda ku gaarsiin kareen ay ahayd kulanka maanta. Afhayeenka xafiiska Madaxweynaha, Cabdinur Maxamed Axmed oo ka falceliyay firimbi yeerinta maanta ayaa bartiisa Facebook ku qoray: “Geeddi socodka Dowlad dhisidda Soomaaliya heerar kala duwan ayuu soomaray. Waxaa jirtay xilli kala aragti duwanaashaha lagu xallin jiray qori caaraddiis, maantase waxay mareysaa in firimbi loo yeeriyo marka Madaxda laga aragti duwanaado. Waa horumar runtii loo qaaday dhanka dimuqraadiyadda,” Madaxweynaha ayaa markii dambe si aan qash-qashaad lahayn u dhameystay khudbad jeedintiisa oo uu kaga hadlay arimo badan oo masiiri ah. Qaran News
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay si weyn ugu baahay baraha bulshada warar sheegayey in Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland, Xasan Maxamed Gaafaadhi uu warqad istiqaalo u gudbiyey madaxweyne Muuse Biixi. Wasiir Gaafaadhi oo tixraacaya wararkaasi ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiis twitter-ka ku sheegay inay waxba kama jiraan yihiin wararka sheegaya inuu istiqaalada wasiirnimo u gudbiyay Biixi. Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dad been ku macaash ah ay wararkaasi baahiyeen, kuwaasi oo aan wax xog ah ka haysan arrintaasi. Gaafaadhi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay wararka sheegaya is-casilaadiisa, maadama uu yahay mid xaqiiqada ka fog, wuxuuna ku yiri qoraalkiisa: “Dadka beentan iyo xasarradan wareejinaya tolow yaa u warrama. Dadkii goormaa ladoorshay oo beenta ka doorbideen runta. Inta caqligu ku hadhsanyahay waxan u sheegayaa inaan waxba ka jirin arrinkan ayaamahan la wareejinayay, kolley dadkii waalli u badaye”. Maaha markii u horeysay ee warar noocan ah laga baahiyo wasiiro ka tirsan xukuumada Muuse Biixi, kuwaasi oo badanaa lala xiriiriyo shaqsiyaadka mucaarida xukuumada.
  6. Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Arrimaha dalka Soomaaliya, James Swan waxa uu Fariin u diray Xildhibaanadda Labada Gole oo uu Shirweynahooda 7-aad maanta ka furmay magaalladda Muqdisho. Ergayga waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Fariin taageero u diro Furitaanka Kalddhiga 7-aad ee Xildhibaanadda oo uu ku bogaadiyey Xildhibaanadda sida ay ugu heelan yihiin inay xaqiijiyaan Hawlaha Barlamaanka, inkastoo ay jiraan caqabadaha ka dhashay COVID 19. Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, James Swan waxa kaloo uu tilmaamay isagoo ku hadlayo magaca bahda QM inuu jecel yaahay inuu muujiyo inay garab taagan yihiin DFS iyo Dadweynaha Soomaaliyeed ee wajahaya caqabaddan caalamiga ah. Halkaan ka akhriso Qoraalka oo dhan PUNTLAND POST The post James Swan oo taageero u muujiyay Baarlamanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  7. PRESS RELEASE Coronavirus : Kenya has 126 new cases of Coronavirus NAIROBI, Kenya, June 6, 2020/ — Kenya has 126 new cases of Coronavirus. Had we not taken the interventions early the situation could be worse; President Uhuru Kenyatta. Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Health, Kenya. SOURCE Ministry of Health, Kenya Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay xogta in caawa uu Muqdisho ka socdo abaabulka banaanbaxyo lagu taageerayo codsigii uu Madaxweyne Farmaajo maanta baarlamaanka uga dalbaday in Aqalka Sare uu metelaad ka helo gobolka Banaadir. Banaanbaxan oo la qorsheeyay in berri uu ka dhaco magaalada Muqdisho ayaa dadka dhigaya loo diyaariyey dhowr goobood oo ka tirsan caasimadda, si ay taageero ugu muujiyaan codsigii Madaxweyne Farmaajo uu ka hor jeediyay baarlamaanka ee ahaa in gobolka Banaadir uu metelaad ku yeesho Aqalka Sare. Sida aan xogta ku heleyno, abaabulka banaanbaxaas waxaa ku howlan xubno ka kala socda maamulka gobolka Banaadir iyo xooggaga wadaniyiinta (Guddiga abaabulka wacyi-gelinta Qaranka), iyadoona goobaha loo qorsheeyay ay ka mid yihiin Taalada Daljirka Daahsoon, isgoyska Sanca, isgoyska KM 4 iyo saldhig Galbeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisii maanta uu ka jeediyey furitaankii kalfadhiga 7-aad ee baarlamaankan 10-aad, waxa uu ku soo gaba-gabeeyay codsi uu u jeediyay labada Aqal ee baarlamaanka, inay aqbalaan in Muqdisho metelaad ku yeelato golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya. “Waxaan maanta labada Aqal ee baarlamaanka federaalka u jeedinayaa codsi Madaxweyne oo aan rajeynayo inaad iga aqbashaan, iguna sharaftaan, si aan u muujino tixgelinta iyo qadarinta aan u heyno caasimadda Muqdisho, oo aan wada jecelnahay, oo si gaar ah meel gaar iga taalla, oo aan ku dhashay, fadlan igu raaca inay metelaad ku yeelato Aqalka Sare” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
  9. (SLT-Hargeysa)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in qiime kasta oo ay ugu kacdo iyo wakhti kasta oo ay qaadato yoolka ay Somailand hiigsanaysaa uu yahay aqoonsi caalamiya oo ay ka hesho beesha caalamka. Madaxweyne Muuse Biixi waxa kaloo uu daboolka ka qaaday inay Somaliland tahay qaran dimuqraadi ah oo nabdoon isla markaana jaarkeeda kula naaloonaysa nabadgelyo, waxaanu tilmaamay in 29kii Sannadood ee la soo dhaafay ay gaadhay horumar iyo xasilooni isla markaana ay hirgelisay dimuqraadiyad aan ka jirin badi dalalka Geeska Afrika. Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi wuxuu sidaas ku sheegay waraysi dheer oo uu siiyey Idaacadda Maraykanka ee VOA, waxaanu ku sheegay in casriyeyntii Marsada Berbera ay shirkadda DP World dhammayn doonto sannadka 2021ka, waxa kaloo uu tilmaamay in jidka Berbera Cooridoor ee isku xidhaya Berbera iyo Wajaale ay dhiseen Boqolkiiba dhawr iyo Toban. Sidoo kale, Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu caddeeyey in dhismaha jidka muhiimka ah ee isku xidha Burco iyo Ceerigaabo dhammaystirkiisii ay ka hadhay 60km. waxa kaloo uu tilmaamay in la bilaabi doono dhismaha jid isku xidhaya Jabuuti iyo Boorame oo ay Xukuumad iyo shacab-ba la iska kaashan doono. Madaxweynaha Somaliland waxa kaloo uu intaas ku daray in shacbiga Somaliland markii ay arkeen abaarihii isdaba jooga ahaa ee dalka ka dhacay ay go’aansadeen inay wax beertaan, si dalku iskugu filnaado dhinaca cuntada. Waxaanu xusay in markii u horreysay ay sannadkan Xukuumaddu ka iibsanayso beeralayda wax-soo-saarkooda. Madaxweynaha JSL oo wax laga weydiiyey asbaabaha hortaagan aqoonsiga Somaliland, waxa uu iftiimiyey in JSL tan iyo markii ay sannadkii 1991kii la soo noqotay madax-bannaanideeda ay dedaal aanay waxba la hadhin gelisay sidii ay u kasban laheyd aqoonsi, hase ahaatee muddadaas ay JSL qabsatay guulo badan oo ay ka mid yihiin dib u dhiska dalka iyo inay dhisatay dawlad dimuqraadi ah oo u qalanta ta caalamka ugu ammaanka badan. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku eedeeyey dawladda Muqdisho inay aqoonsigii iyo dhaqaalihii caalamku siiyey ay u adeegsatay inay Somaliland kala dagaalanto xaga dhaqaalaha iyo inay isku daydo inay qas ka rido Somaliland gudaheeda. Madaxweynuhu mar wax laga weydiiyey dhinaca wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay inay aqbasho xaqiiqda ah inay labada dhinac ahaayeen laba dal oo isku biiray. Waxaanu ku dooday in loo baahan yahay in la helo cid labada dhinac dhex u ah oo u garnaqda. Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay inay Somaliland tahay dal dimuqraadi ah oo ay ka jirto madax-bannaani xad dhaaf ah oo dhinaca Saxaafadda ah, waxaanu xaqiijiyey in Suxufi kasta oo la xidho loo qabto qareen u dooda. Ugu dambeyn Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inay Somaliland iskugu tagtay sidii loo xakameyn lahaa xannuunka Coronavirus isla markaana qalabkii loo baahnaa Boqolkiiba 63 la keenay inta kalena la sugayo inuu dalka soo gaadho. Waxaanu ammaanay doorka ay ganacsatada dalku ka qaadatay sidii looga samato-bixin lahaa bulshada Xannuunka Covid19 Source
  10. Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo mudo bil ku dhow kormeer shaqo ku marayay Xarumaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka ee Qaybta 21-aad ayaa soo gaaray Magaalada Balaweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo uu ku yaalo Taliska Guutada 5-aad ee Qaybta 27-aad Abaanduulaha Qaybta 27-aad General Saalax Yacquub ayaa wafdiga Taliyaha Xoogga oo ay qayb ka yihiin Taliyaha Qaybta 21-aad General C/casiis C/laahi Cabdi “Qooje” iyo Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad General Mascuud Maxamed Warsame kusoo dhoweeyay Xerada lamagalaay ee Taliska guutada 5-aad oo ay ku suganyihiin Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga . Saraakiil saraakiil xigeen iyo Dabley ka tirsan ururada guutada 5-aad ayuu taliyaha xoogga kula hadley xeradan oo booqashadiisani u aheyd Tii ugu horeysay ee mudadii uu Taliyaha Xoogga ahaa ku yimaado halkan . Hadalka taliyaha xoogga oo ku qotomey waajibaadka adag ee laga rabo Ciidanka Xoogga ayuu ku tusaaleeyay Askartan da’daalka laga sugayo in ay u galaan Xoreenta Deegaanada ka maqan gacanta Dowlada iyo hab muuqaalka wanaagsan ee looga fadhiyo Askari walba oo qaadey masuuliyada qaranka gaar ahaan hab dhaqanka ciidannimo iyo xaq dhowrka bulshada amnigeeeeda masuulka laga yahay iyadoo laga fogaanayo tilaabo walba oo ka baxsan shuruucda ciidannimo . Taliyaha xoogga ayaa carabka ku adkeeyay in la joogo waqti Xoogga dalku isbadal balaaran ka sameeyay dhanka soo kabashada Awooda Hugaanada kala duwan sarena loo qaadey fursadaha askari walbaa ku heli karo Xuquuqaaadkiisa oo mushaarku ugu horeeyo si ka sareysa sanadihii hore . General odawaa Taliyaha Xoogga ayaa si gaa ah u dhageystay duruufaha u gaarka ah Ciidamada Guutada 5-aad isagoo balan qaadey in taliska Xooggu ka jawaabayo baahiyaha loo soo gudbiyay iyadoo masuuliyad kastaba cidii loo dhiibay lagula xisaabtamayo . In ka badan labaatan cishe oo taliyuhu kormeerkiisan ku howlanaa ayuu ku booqdey Xarumaha Ciidanka Xoogga Sida Taliska Guud ee Qaybta 21-aad ee Magaalada Dhuusamareeb , Taliska Guutada 13-aad ee Cadaado , Dugsiyada Tababarada ee Harqaboobe iyo Uruuris ee Qaybta 21-aad , iyo Fadhiyo kale oo ciidamadu ku leeyihiin Gaalkacyo iyo Caabudwaaaq ee gobolka Galgaduud. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Haween baa aduun is dhaafshay! Haweenku waxay tan intii Xaawa la abuuray kaalin muuqata kaga jireen horumarka iyo kobcinta dadyawga iyo bulshooyinka ay ka tirsanyihiin. Hadaba gaar ahaan haweenka Soomaalidu waa lafdhabrta bulshadooda waxaa la odhan karaa 65% waqtigan la joogo iyaagaa ayaa wada oo u ah shidaal iyo mishiinka riixaya koboca bulsho, waana cunsurka qudha ee ka soo dhalaalay masuuliyadii ay bulshadooda u hayaan balse baradhaafiyay halkii laga filayay. Haweenku waxay kaalinta koowaad kagga jiraan bulshada Soomaaliyeed hadii laggu eego miisaanka saxda ah si dhab ahna loo xisaabtamo. Shaqada haweenku hayaan lagga bilaabo markay raad dhaqaajiso ilaa ay godka ka gasho waa adeege bulsho oo aan lahayn hawl gaara oo xadidan. Horumarka aduunkuna dalwaliba waxa uu maanta ku naaloodaa hadba sida dumarkiisu ugga qayb yihiin ka qayb qaadashada adeegyada bulsho ee jirra waxaanan odhan karaa “ Dadyawga Aduunka Haween baa is dhaafshay” Guusha iyo horumarku maaha mid la gaara ragga balse waxaa door muhiima ku leh Haweenka oo la’aan tood ay yartahay in guul iyo horumar la gaadho : “ gare iyo guntenaba maalintuu iskugu baydhay Allaa noo gargaaree markii shicibku guulaystay” Maanta waxaa muqata in iskuulada, Jaamicadaha, goobaha shaqada iyo ganacsigaba ay si aada ugga muuqdaan haweenku una baahan yihiin in la siiyo tixgelin gaara sidii loo jihayn lahaa. Hadaba waxaa muhiim ah in dib loo shaandheeyo afkaarta qaldan ee aan ku dhisnayn aragti cilmiyaysan diin ahaan iyo caqli ahaanba ee dadka qaarkii ka aaminsanyihiin dumarka waana in si saxa (productive) ah looga faaidaystaa awoodaasi iyadoo la dhawrayo xuquuqda iyo sharaftooda. Waxaa loo baahan yahay in aynu ula falgalo isbedelka caalamka ka socda iyo korodhka baahiya baniaadamka ee jirra si waafaqsan diinteena, dhaqankeena suuban iyo jirtaankeena ummadnimo. Mudooyinkan danbe waxaa soo if baxaysa in gabdhuhu ka horeeyaan inamada xagga waxbarashada sidoo kalena ay ka badanyihiin dhalasho ahaan, taasina waxay keenaysaa in loo helo maarayn caafimaad qabta jihayntoodu oo aan la dhayalsan oo loo baahanyahay in loo helo ku talagal iyo qorshe cilmiyaysan oo la jaan qaadi kara baahida dhaqan dhaqaale ee inaggu soo fool leh. Waa in ay helaan haweenku si la mida ragga: abaalmarinta dalacsiinta iyo siinta fursadaha aqoon korodhsi oo aan lagga takoorin, oo aan loo arag in ay yihiin faraawil (The flowers) lagu qurxiyo xafiisyada) sida ragga qaarkii aaminsanyihiin. Waa in looga diyaariyo sida wasaaradaha,jaamicadaha iskuulada Shirkaddaha suuqyada ganacsiga,xabsiyada( jails), Masaajidada, meelo u gaara oo ay ku tukadaan, waysaystaan,suuliyo iyo nasashoba oo loogu tala galaa. waa in lagu tababaro Booliska, garsoorayaasha iyo qareenadaba in ay aqoon u yeeshaan nuglaanta haweenka loona fududeeyo in ay heli karaan talooyin sharci iyo taakulaynba si ay dacwadahooda u soo gudbin karaan una heli lahaayeen cadaalad. iskuulada iyo machadada ( institutions) waa in laggu dhigo laguna daro tuducyo ka hadlayaa xuquuqda qofka (citizenship rights) iyadoo la waafijinayo diinta. Waa in laga wacyi geliyaa bulshada oo lagga tirtiraa afkaarta iyo dhaqanka xun ee laga aaminsanyahay dumarka ayadoo la adeegsanayo qalabka war baahinta lana abuuraa barnaamijyo isugu jirra: talabixinno, suugaan iyo kobcin maskaxeed oo ay qayb ka yihiin aqoonyahanka, suugaanlayda, culimada iyo shakhsiyaadka ku dayashada mudani. Waa in si wada jira loola dagaalamaa cid kasta oo isku dayda ama ku tacadida haweenka, oo la mamnuuco dhamaan dulmiga, dhaqamada iyo fal tacadiyeedka lagula kaco haweenka lagana soo saaro sharci ciqaabeed laggu abaal mariyo qofkii ku kaca. waa in la siiyo oo loo dhiso xarumo (centres) ay gaar u leeyihiin si ay ugu qabsadaan kulamadooda uguna soo bandhigaan xirfadahooda. waa in laga qayb geliyaa talabixinta iyo in ay ka falanqoodaan arimaha khuseeya. Qormadan waxaan ku soo afmeerayaa waa masuuliyad inna saaran dhamaan in laxaqdhawro haweenka lana ilaaliyo xuquuqdooda, sharaftooda si wada jirana looga shaqeeyo sidii aynu u heli lahayn bulsho ku wada nool cadaalad is ixtiraam ilaashatana diintooda iyo dhaqankooda kana nabad gasha in ay innagu milmaan ama aynu soo waaridno afkaarta ka soo horjeeda diinteena iyo dhaqankeena. Allah baa mahad leh. Ahmed Abdulkadir Ahmed (Kayse) Qaran News
  12. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa maanta shir guddoomiyay shirka isbuuclaha ah ee golaha wasiirrada Galmudug oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Shirka ayaa looga hadlay Ammaanka deegaanada Galmudug, Cudurka Covid-19 iyo sidoo kale Dib u habeynta Ciidanka Galmudug, madaxweynaha ayaa sidoo kale warbixino ka dhageystay wasiirro ay ka mid yihiin Amniga iyo Arrimaha Gudaha oo maalmihii lasoo dhaafay shaqo adag ka waday degaano ka mid ah gobolka Mudug. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo socdaal maalmahaan ku marayay deegaano badan oo ka tirsan Galmudug ayaa u kuurgelayay xaaladda guud ee deegaannada maamulkaas iyo dib u heshiisiinta ay wadaan wasiirro ka tirsan Galmudug, waana markii ugu horeysay oo shirka golaha wasiirrada uu ka dhaco magaalada Gaalkacyo tan iyo markii lasoo doortay madaxda dowlad Goboleedka Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Ciidamada Jabuuti ee Hiil-walaal ee ku sugan magaalada Dhusamareb qaybna ka ah howlgalka AMISOM ayaa maanta xusay musaabada 43 guuradii ka soo wareegtay markii la Aas aasay Ciidamada Jamhuuriyada Walaalaha aynu nahay ee Jabuuti. Ciidamada ayaa ugu horeeyn soo bandhigay Dhoolatusyo Ciidan munaasabada awgeed, Saraakiisha Ciidamada Jabuuti eek u sugan Dhusamareeb ayaa diray hambalyada munaasabada Aas aaskii Ciidamada Jabuuti. Kabtan Axmed AadanTaliyaha Ciimada Jabuuti ee Galmudug ayaa sheegay inuu aad ugu farasan yahay maalintan aadka ugu wayn dhamaan Ummadda reer Jabuuti. Sagaalkii Bilood ee la soo dhaafay ayaa Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Dowladda Jabuuti waxa ay ku sugnaayeen Magaalada Dhusamareb iyaga oo ka qayb qaadanayay Sugida Amaanka deegaanada Galgaumudug. Ugu danbeeyntii Saraakiisha Ciidamadan ayaa u Mahadceliyay Bulshada reer Galmudug gaar Shicibka Dhusamareb sida ay u soo dhowaeeyeen Ciidamada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Sacdiyo Salaad oo ka tirsan golaha shacabka, isla markaana ka mid aheyd xildhibaanadii maanta dhaliilay khudbadii Madaxweynaha oo warbaahinta la hadashay ayaa baaq u dirtay dadka reer Muqdisho. Ugu horeyn Xildhibaan Sacdiyo ayaa sheegtay in xarunta Jeneraal Kaahiye oo markii hore lagu balansanaa in lagu qabto xafladda furitaanka kalfadhiga 7aad, looga baqay in Al-Shabaab ay hoobiye ku soo garaacaan, taas oo sida ay sheegtay cadeyneysa fashilka xukuumadan. Waxa ay sheegtay in Madaxweynuhu uusan xataa ka tacsiyadeyn dhakhaatiirtii Soomaaliyeed ee maalmo ka hor la xasuuqay, isla markaana uu la soo hor istaagay hadallo ay ku tilmaantay khiyaali, sidaasna ay u dhageysan waayeen iyaga oo ka badan 60 xildhibaan. “Maanta cid kale la hadli maayo waxaan baaq u jeedinayaa reer Muqdisho, waxaa ogtihiin Mareykanka waxaa lagu dilay hal nin oo madow ah, sideed beri ayuuna mudaharaad ka socdaa, Soomaaliyana sideed dhakhtar ayaa maalin la dilay asaadnaa ka hadlin, idinkaa masuul ka ah in dadkiina la baabi’iyo, anagu waan hadalnaa waxa naloo maqli la’yahay awooda waxa heystaa waa reer Muqdisho” ayey tiri Xildhibaan Sacdiya. Xildhibaan Sacdiya ayaa sidoo kale sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu been ka sheegayo oo Muqdisho uusan jecleyn, iyadoo sheegtay in ciidankii la rabay in amniga Muqdisho ay sugaan uu Jubbaland ku weeraray. “Waxaan idin leeyahay reer Muqdishow Farmaajo maanta waxa uu awoodi waayey dhakhaatiirtii la laayey Allaha u naxariisto, anigu ma qabo in Farmaajo lagu sii fiirsado dalka, marka kaca reer Muqdishow oo iska xureeya Farmaajo wuu fashilmaye, haddii Muqdisho looma ooyaan tahay, waa in gobollada loo cid diro, si loo helo dad Muqdisho xoreeya oo difaaca” ayey hadalkeeda sii raacisay Xildhibaan Sacdiya. Halkan ka Daawo
  15. GAROWE (HOL) - Efforts by Puntland President Abdullahi Deni to seek financial assistance from the African Development Bank in response to the floods in Qardho flopped after the Bank said it had exhausted all its resources but also reminded the Puntland leader it only deals with the Federal Government. Source: Hiiraan Online
  16. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada ammaanka gobolka Mudug ee Galmudug iyo Puntland ayaa si wadajir ah uga warbixiyey howlgal maanta lagu dilay nin la sheegay in uu ahaa madaxii amniyaadka Al-Shabaab ee gobolka Mudug. Howlgalka oo ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa fuliyey ciidamada Danab iyo kuwa PSF-ta Puntland, waxaana la sheegay in ninkaas uu dagaalamay inta aysan dilin ciidamadu. Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee Puntland G/Sare Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in ninka la dilay uu watay qaraxyo iyo bastoolad, isla markaana uu ahaa madaxii Al-Shabaab u qabilsanaa dilalka iyo qaraxyada ka dhici jiray Gaalkacyo, isaga oo u mahad celiyay ciidamada ammaanka Puntland iyo Galmudug ee ka howlgala magaalada Gaalkacyo. Sidoo kale taliyaha qeybta booliska Puntland ee gobolka Mudug ayaa sheegay in ciidamada booliska Galmudug ay maanta kadib fasax u heystaan in dhinaca Puntland ay kasoo qaban karaan qofkii ay u arkaan in uu amni darro ka wado magaaladan, isla markaana ay ku xiri karaan saldhigyadooda. Dhankiisa Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saraakiisha Puntland ay ku wada heshiiyeen in ciidamada labada dhinac ay isla howgalaan, si nabad loogu soo dabaalo magaalada Gaalkacyo. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ka socaday howlagallo ay si wadajir ah u sameynayeen ciidamada kumaandoosa Soomaaliya ee Danab qeybtooda gobolka Mudug, PSF-ta Puntland, booliska Galmudug iyo kan Puntland, waxaana tan iyo markii la bilaabay howlgalladaas meesha ka baxay falalkii amni darro ee ka dhici jiray magaalada Gaalkacyo.
  17. (SLT-Jabuuti)-Xukuumada Jabuuti ayaa Lagu Soo Waramayaa In ay Xabsiga u taxaabtay Coronel Maxamed Jamac Yoonis Oo Ahaa Taliyihii Ciidanka Jeelka Gabood we Dalka Jabuuti. Xadhiga Taliyaha ayaa La sheegay in uu ka.dambeeyay ka Dib Markii Fuaad Yuusuf Cali Oo Askari Ka Tirsan Ciidamada Cirka Djabouti uu Jeelka ka soo dhex Duubay Muuqaal uu xaaladiisa kaga Hadlayo. Dhinaca kale Xaalada Magaalada Djabouti ayaan Degenayn Waxaana maanta dhawr Magaalo oo Dalkaasi Ka Tirsan Tirsan dhacay Dibadbaxyo. Source
  18. Authorities in Somaliland have on Saturday released Abdimalik Muse Oldon, a well known Somali journalist and an activist after being in prison for more than a year in Hargeisa, the capital of the breakaway region of Somaliland. The freelance journalist Abdimalik Muse Oldon was arrested on April 17 in Buroa city over his critical reporting against Somaliland government officials, harsh social media posts and smear campaign against Abaarso school in Hargeisa. Speaking during a press conference shortly after his release, Oldon thanked all people that worked tirelessly to ensure that he got his freedom back. “I am happy to regain my freedom and I thank all sides which contributed to my release. I would like particularly thank here the leaders of main opposition parties of Wadani and UCID and organizations like EU parliament and the amnesty international for their selfless effort and solidarity they showed me during my detention and advocating for my freedom.” Journalist Oldon said.” He further said that he will not retaliate but rather forgive those who put him behind bars. “Let’s not recall back what happened but focus in future due to the circumstances we are going through” Usually Somaliland detains journalists, artists and writers who travel to Mogadishu, the Somali capital accusing them of violating the existence and sovereignty of Somaliland. Last month, Somaliland authorities arrested two female musicians Hamda Yousuf Ibrahim and Barwaaqo Mohamed Hashi only for traveling to Mogadishu. Somaliland sees Somalia as an obstacle hindering its efforts aimed at gaining an international recognition as seeks an independence from the rest of Somalia. Somaliland broke away from Somalia in 1991, but it is internationally recognized as an autonomous region in Somalia.
  19. Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay kalafadhigii 7-aad ee labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa, oo maanta uu kulanka ka qabsoomay ayaa yimid markii amni darro loo tagi waayey iskuulka booliiska. Waxaa furitaanka kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka goobjoog ahaa madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, guddoonka labada gole iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir waxaana la ay jeediyeen Khudbadooda dastuuriga ah ee furitaanka kalafadhiga 7-aad oo maanta ahaa kuwii ugu dambeysay. Guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalioya Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo ka hor hadlay labada gole ayaa soo hadal qaaday arrimo dhowr ah isaga oo si aad ugu dheeraaday saameynta cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu ku yeeshay habsami u socodka shaqadii labada gole ee Baarlamaanka waxaana uu intaas ku daray in Baarlamaanka kalafadhigii 6-aad ay wax badan u soo qabsoomeen. “ Sida uu yahay dhaqanka Baarlamaanka waxaa ah inuu warbixin idiinka siiyo howlihii u qabsoomay kala fadhigii lixaad, iyadoo dalka uu galaayo marxalad loo baahan yahay in si dhow ay u wada shaqeeyaan hey’adaha dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliyeed oo idil si loo fuliyo ballanqaadkii aan qaadnay sanadkii 2016kii dhammaadkiisii markii la dhisaayey Baarlamaanka 10-aad ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ”. Ayuu yiri goddoomiyaha aqalka sare Sanotor Cabdi Xaashi Cabdillaahi. Guddoomiyaha oo hadalkiisa siiwato ayaa yiri” Mudane madaxweyne mudanayaal iyo marwooyin caabuqa safmarka ah ee lamagac baxay COVID-19 waxaa uu caalamka oo dhan geliyey xaalado uusan marnaba aadmigu uusan ka fekerin iney dhici karaan waxaan uu mar qura kalifay in noloshii caadiga aheyd ay istaagto isaga oo dunida ku keenay dhibaatooyin isugu jira kuwa caafimaad, dhaqaale iyo bulshaba, gaar ahaan dalkeena Soomaaliya waxaa uu noqday mid aad ugu nugul dhibaatada uu keenay xanuunka COVID -19 maadaama aan nahay dal dagaallo sokeeye ka soo kabanayo oo ku jira dowlad dhisid” ayuu yiri hadalkiisa ku soo koobay goddoomiye Cabdi Xaashi. Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo jeediyey khudbaddiisa furitaanka ayaa guul weyn ku tilmaamay uu gaaray Baarlamaanka 10-aad ansixinta sharciga doorashooyinka qaranka isaga oo tilmaamay in weli ay harsan yihiin arrimo saldhig u ah oo loo baahan yahay inuu sharcigu qeexo , waxaana sidoo kale uu ka hadalay halka uu marayo arrimo ku aadan Dastuurka. “Mudane Madaxweyne ansixinta sharciga doorashooyinka ee kalafadhigii 6-aad ee Baarlamanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya waa guul weyn hase ahaatee waxaa dhiman arrimo saldhig ah oo ay tahay inuu sharcigu qeexo, labada goddoon iyo labada aqal ee Baarlamaanka waxaa ay 1March 2020-ka magcaabeen guddi wadajir ah oo kumeel gaar ah ee dhameystirka sharciga doorashooyinka qaranka oo ka kooban 17 xildhibaan ee ka tirsan xubnaha labada gole ee baarlamaanka waajiaadka shaqo ee guddiga waxaa ka mid ah in ay la tashadaan cid weliba oo sharciga tayeyntiisa looga maarmin sida guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib-u heshiisiinta iyo federaalka, dowladda goboleedyada dalka hey’adaha amniga xisbiyada siyaasadda iyo dhammaan ururada bulshada rayidka aha.” ayuu yiri Maxamed Mursal Sheekh goddoomiyaha golaha shacabka. Guddoomiyaha hadalkiisa siiwata ayaa yiri” Geedi socodka dhameystirka Dastuurka wuxuu calaamad weyn u yahay dib u dhiska dowladnimadeenna Soomaaliya uuna noqon doono guul weyn uu dalku gaaray nasiin doono taariikh weyn, hadaba waxaan xildhibaannada sharafta leh ka codsaneynaa inaan dhammaan si adag kalafaddhigaan uga wada shaqeyno sidaan himiladaas uga guul gaari laheyn, guddiga la socodka dastuurka waxaa uu soo gudbiyey qabyo qoraal wax ka badalka dhammaan cutubyada Dastuurka ku-meel gaarka Soomaaliya, qabyo qoraalka dastuurka ayaa waxaa la soo bandhigay lagana tashtay shacbka dowlad goboleedyada Galmudug Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed iyadoo guddiyadu ay ka soo uruuriyeen talooyin wax ku ool ah, guddiga la socodka madaxbannaan ee Dastuurka waxaan rajeynaynaa in ay soo dhammeystiraan latashiga dhacabka iyo dowlad goboleedyada, haddaba mudanayaal waxaa golaha horyaalla qaraar ku saabsan habraaca ansixinta dastuurka oo oo uu soo gudbiyey guddiga la socodka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” ayuu guddoomiye Maxamed Mursal. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo furay kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay dhowr arrimood ay ugu weyn tahay doorashooyinka dalka isaga oo sheegay in la gaaray waqigii shacabka u dhaqaaqi lahaa in ay soo doortaan qofka ay doonayaan, isaga oo sidoo kale soo hadal qaaday arrimo ku aadan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo mudoo hakad ku jiray. “Waxaan haatan u fadhinaa in aan shacabkeenna ugu bishaarayno in uu dhammaaday xilligii dhiillada colaadaha iyo dhiigga lagu raadin jirey kuraasta oo aan u gudubnay xilli muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu si xor ah u dhiiban karo codkiisa si uu u doorto madaxda uu doonaayo, waxaan shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmayaa in ay u soo baxaan doorashada, si xor ahna ugu codeeyaan xisbiga ay doonayaan si ay uga gudbaan cudurrada dilaaga ah ee kala ah qabyaaladda, saboolnimada iyo argagixisada, Dhallinyarada Soomaaliyeed waa udub dhexaadka nabad galyada iyo hormarka iftiimaya ee ummadda Soomaaliyeed ay maanta ku naalooneyso, ma tihiin madaxdii barri ee waxaad tihiin madaxda maanta, ayuu ka yiri Madaxweyne Madaxweynahe Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Madaxweynaha oo sii hadlayo ayaa yiri ” Maanta waxaan labada aqal ujeedinayaa codsi Madaxweyne, oo aan rajaynayo inaad iga aqbashaan, igu taageertaan, iguna sharaftaan. Si aan u muujinno tixgalinta iyo qaddarinta aan u hayno caasimadeena Muqdisho ee aan wada jecelnahay, fadlan, igu raaca in aqalka sare ay caasimada Muqdisho ku yeelato matalaadda ay mudantahay, ayna muraayad ugu wada noqoto dhamaan shacabka soomaaliyeed, dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah, oo aan kala maarmin, waana soo dhawaynayaa hadalkii walaalkay Muuse Biixi Cabdi uu ku aqbalay in aan dib u bilowno wadahadalladii, wax kasta oo jirana ku dhammeyno walaalnimo” ayuu yiri. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixinteeda maalin laha ah ee xanuunka safmareenka ee COVID-19 ku sheegtay guud ahaan dalka in laga diiwaan geliyey 85 xaalaad oo cusub taas oo guud ahaan muwaadiniinta xanuunka uu ku dhacay dalka ka dhigeyso 2,289 oo ruux. Wasaaradda ayaa qooraalkeeda maalin laha ah ku sheegtay in gobolka Banaadir laga helay 19 ruux, Somaliland ayaa laga diiwaan geliyey 29 kiis halka dowalda goboleedka Galmudug laga soo xusay 17 xaalad iyo jubbaland 14 xaalad, Koonfur Galabeed 5 kiis halka dowlad goboleedka Hirshabeelle laga soo diiwaan geliyey 1 kiis oo COVID-19 ah,dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta aan laga soo sheegin wax xaalad oo ku aadan xanuunka Coronavirus. Wasaaradda caafimaadka ayaa maanta sheegtay in 3 muwaadin dalka ugu geeriyoodeen xanuunka COVID-19 taas oo guud ahaan dadka xanuunka u geeriyooday ka dhigeyso 82 ruux, waxaana xanuunka ka soo caafimaaday 13 ruux oo guud ahaan dadka soo bogsaday ka dhigeyso tan iyo markii uu ka dilaacay 431 ruux, kiiska la helay 58 ka mid ah waa Rag halka 27 Haween yihiin sida qoraalkeeda maalin aha ah lagu sheegtay wasaardaa caafimaadka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo furay kalfadhiga 7-aad ee baarlamanka, ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho waqtigeeda lagu qabto. “Waxaan haatan u fadhinaa in aan shacabkeenna ugu bishaarayno in uu dhammaaday xilligii dhiillada colaadaha iyo dhiigga lagu raadin jirey kuraasta oo aan u gudubnay xilli muwaadin kasta oo soomaaliyeed uu si xor ah u dhiiban karo codkiisa si uu u doorto madaxda uu doonaayo,” ayuu yiri Farmaajo. Madaxweynaha ayaa adkeeyay in dowladdu ay diyaar u tahay qabashada doorasho ku qabsoonta xilligii loo asteeyay oo fursad u siinaysa shacabak Soomaaliyeed in ay doortaan masuuliyiinta ay ku aaminayaan hoggaaminta dalka. “Guddoomiyeyaasha labada gole ayaa caddeeyey in doorasho dhaceyso, waqtigeedana ku dhaceyso, sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa umadda iyo golaha wasiirada u caddeeyey in dalka doorasho uu aadayo, sidii loogu talo-galayna ay dhaceyso,” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka in ay gutaan masuuliyadda wadaniyeed ee ka saran go’aaminta masiirka dalka. “Waxaan shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmayaa in ay u soo baxaan doorashada, si xor ahna ugu codeeyaan xisbiga ay doonayaan si ay uga gudbaan cudurrada dilaaga ah ee kala ah qabyaaladda, saboolnimada iyo argagixisada.” Hoos ka daawo madaxweynaha
  22. MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Farmaajo has reiterated his government’s commitment to holding one- person-one-vote elections in a transparent manner later this year. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u jawaabay xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo buuq ku furay markii uu billaabay khudbad uu ka jeedinayey furitaanka kalfadhigga 7-ad ee baarlamanka. Madaxweynaha ayaa hadalka laga horjoogsaday muddo ku dhow 10 daqiiq, waxaana markii kadib buuqa yaraaday uu la hadlay xildhibaanada buuqaya iyo kuwii kale ee fadhiyey xarunta. “Halka qof ee firimbiga haysta waa bixi karaa, waxaan leeyahay qofka firimbiga haya waqti mahayo, aniga iyo dowladeydu waxaan soo kordhinay xasillooni siyaasadeed, hala kala aragti-duwanaado waa caafimaad laakiin ixtiraamku waa inuu meesha ku jiro” “Shaqaale dowladeed hal bil mushahar la’aan ma noqon, askari dowladeed hal bil mushahar la’aan ma nooqn, waxayna ku dhacday taas xasiloonida aad adinka abuurteen, adinka ayaa mas’uul ka ah” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisa ay tahay middii ugu horreysay ee bixisa waxbarasho lacag la’aan ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay waxbarasho lacag la’aan ah siiso 65 arday, taasoo dhalisay dood badan oo ku aadan sida tiridaas u yar tahay, balse markii dambe lagu saxay qoraal kasoo baxay Villa Somalia oo lagu sheegay in loola jeeday 65 kun. Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha