-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
“Fire! Fire!” is the answer one gets after asking Omar Mohamed what he remembers about the Saturday bomb blast in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
With its security-sealed plastic boxes and cardboard polling booths, Somalia's election - under way since last month and still ongoing - has the trappings of democracy, but few of the functions. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Avv. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, ayaa si adag uga digay in Doorashada qof iyo cod ee Soomaaliya loo wadaa ay noqoto mid ku salaysan Hannaanka Wax-qaybta 4.5 Guddoomiyaha Cabdicasiis, ayaa sheegay in Nidaamka 4.5, uu ahaa Xal wakhtigiisa joogay oo laga soo gudbay, inkastoo uusan marnaba Nidaamkaasi sax ahayn, balse loo baahanyahay in aan Maanta mar kale dib loogu laaban. Sidoo kale, wuxuu sheegay in haddii la yiraahdo Doorasho qof iyo cod ah baa loo gudbayaa, Wax qaybtuna waa inoo Habkeennii Qabiilka, taasi ay ka dhigantahay in Nidaamka Qabaliga ah ee 4.5 Sharci laga dhigayo. Avv. Cabdicasiis Cabdullaahi, wuxuu intaas raaciyay in haddii sidaas lagu Sharciyeeyo Hannaanka wax-qaybsiga 4.5, ay iyana caddaalad-darro baahsan ku keeni doonto Qaar kamid ah Beelaha Soomaaaliyeed. “waa in qabiilada Soomaaliyeed midna cod yeesho midna aanu cod yeelan oo qabiil is doorto waa in la sameeyo xeer aan u cadaalad samaynayn umadda Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa ku daray Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamanka Puntland. PUNTLAND POST The post Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Puntland oo ka digay Doorasha qof iyo cod ah oo ku salaysan 4.5 appeared first on Puntland Post.
-
A suicide bomber blew himself up inside a Mogadishu army camp Monday, killing at least three soldiers a day after the army chief escaped an attack on his convoy, military sources said. Source: Hiiraan Online
-
Mohamed Abdullahi Mohamed's victory in Somalia's presidential election last week brought joyous crowds into the streets of Mogadishu, a testament to the former prime minister's enduring popularity. Source: Hiiraan Online
-
Maxaa jira, maxaa khaldan, waxan oo dhib ahi waa maxay? Dunidan aynnu ku nool nahay dhibaatooyinkeedu dhammaad ma laha, xanuunno faafa ayaa socda, colaado aan dhammaad lahayn baa markay meeli ka nasataba meel ka oogsanaya. Qof la jeclaa baa dhimanaya, dano loo oradayey ayaa la gaadhi waayayaa! Mid buu Jaceylku ka murkacaynayaa oo naftiisu ledi waayeysaa ! Laba is jeclaa oo isku faraxsan bay geeridu kala tuuraysaa ! Abaaro lagu le’do ayaa nimcooyinkii lagu tannaaday ka daba imanaya oo ku illowsiinaya, duufaanno ayaa adiga oo farxad ku seexday xaga kale wax walba u rogaya, farxaddiina murugo ka dhigaya, oo noloshii dhimasho ka yeelaya, oo hantidii huf siinaya. Ma jiro caafimaad joogta ahi, ma jirto farxad meel iska taagani, dhadhamo kasta oo macaani dheef badhax tiran ma aha. Waxkasta oo qiimo leh, dhib baa loo marayaa hanashadiisa, haddana xejintiisu ma sahlana! Nimco kasta oo ku soo marta ugu yaraan xaasidbay leedahay. Dhibtani xaggay ka socotaa? Maxaa khaldan? Jawaabtu waxa weeye: Adigaagan su’aalaha is waydiinaya ayaa khaldan ee waxba ma khaldana! Dunidan dabciga lagu abuuray iyo sida Eebbe u dhigay ayaa sidan ah, gebigeeduba waa meel la isku imtixaamo oo exam joogta ah lagu jiro. Haddaad saacaddeeda jarribaadda ah ee la iskala hufayo, mooddo inaad nasasho ku jirto, sow adigu ma tihid ka aan la haysannin ee wareersan. Qof qiimo leh oo aad mustaqbalkiisa hilaadinaysay mar kaliya geeridiisa ma laguu sheegay, oo ka dibna si aan hubsiimo lahayn, ma isaga tidhi geeridu xishood daranaa, miyaanay waxba xeerinayn? Ma ogtahay ka aan waxba xeerinayni in uu adiga yahay, waayo adiga ayaan xeerin jadwalka geerida ee ka horreeyey dejinta qorshahaaga, baahidaada iyo ballamahaaga intaba! Daartan daar adduunyaa la yidhaahdaa inta aad joogto imitixaan ayaad ku jirtaa, naftaada ayaa imitixaaman, deegaankaaga iyo dadka aad la dhaqantahay ayaad isku imitixaaman tihiin waxa lagu siiyey iyo waxa laguu diiday laftoodu waa jarribaad. Waxa kula gudboon oo keliya in aad ku dadaasho sidii aad imitixaankaa ugu guulaysan lahayd, meel loo geeddi yahay oo natiijada lagu kala qaadanayo ayaa jirta oo Aakhiro la yidhaahdo. قال الله – عز وجل -: ﴿ إِنَّا جَعَلْنَا مَا عَلَى الْأَرْضِ زِينَةً لَهَا لِنَبْلُوَهُمْ أَيُّهُمْ أَحْسَنُ عَمَلًا * وَإِنَّا لَجَاعِلُونَ مَا عَلَيْهَا صَعِيدًا جُرُزًا ﴾ [الكهف: 7 – 8]. Goobtan khayrkeeda iyo sharkeeda, caafimaadkeeda iyo cudurkeeda, caydheeda iyo cuudkeeduba waa imitixaan. ﴿ الَّذِي خَلَقَ الْمَوْتَ وَالْحَيَاةَ لِيَبْلُوَكُمْ أَيُّكُمْ أَحْسَنُ عَمَلًا ﴾ [الملك: 2، {ونَبْلُوكُم بِالشَّرِّ وَالْخَيْرِ فِتْنَةً ۖ وَإِلَيْنَا تُرْجَعُونَ}الانبياء: 35 Sidaa kula qabso oo dadaalkeeda yeelo, dhammaadka imtixaanku waxa uu ku egyahay geeridaada, iyana waa mid qorshaysan oo haddana kaa qarsoon! {وَعِندَهُ مَفَاتِحُ الْغَيْبِ لَا يَعْلَمُهَا إِلَّا هُوَ ۚ وَيَعْلَمُ مَا فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ ۚ وَمَا تَسْقُطُ مِن وَرَقَةٍ إِلَّا يَعْلَمُهَا وَلَا حَبَّةٍ فِي ظُلُمَاتِ الْأَرْضِ وَلَا رَطْبٍ وَلَا يَابِسٍ إِلَّا فِي كِتَابٍ مُّبِينٍ} (59(. {وَمَا تَدْرِي نَفْسٌ بِأَيِّ أَرْضٍ تَمُوتُ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ} لقمان: 34. Allahayow imtixaanka nagu guulee, oo khaatimada danbe noo wanaaji, abaalkayagana jannatal Firdowsa ka yeel. Aamiin. Ma fahantay dhabta iyo dhaqankeennu sida ay u kala dheeryihiin? Dr-Abdulqani Beder 7/6/2018 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa fariin la xariirta shaqooyinka culus ee hor yaalla iyo talooyin u diray baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo kalfadhigiisii u dambeeyay uu Sabtidii Muqdisho ka furmay. James Swan ayaa baarlamaanka Soomaaliya ku baraarujiyey in shaqooyin culus ay hor yaallaan ay ka bilaabaan kuwa deg degga ah ee mudnaanta leh, iyaga oo ku tashanaya taageerada xafiiskiisa Qaramada Midoobey. “Indhaha dadka Soomaaliyeed, iyo weliba indhaha saaxiibada Soomaaliya ee caalamka, waxay soo eegayaan Baarlamaanka idinkoo gudagalaya shaqadiina aad hore ugu sii waddaan arrimaha degdegga ah ee mudnaanta leh. Waxaad ogaataan oo aan idiin xaqiijinayaa in Qaramada Midoobay ay ka go’antahay inay taageerto shaqadiina idinkoo billaabaya kalfadhigan muhimka ah” ayuu yiri. War-saxaafadeedkan kasoo baxay xaafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa looga dalbaday xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee kalfadhigoodii u dambeeyay uu u furmay inay sii wadaan shaqadooda, iyadoo ay taagantahay khatarta cudurka COVID-19. “Anigoo ku hadlaya magaca bahda Qaramada Midoobay, waxaan jecelahay inaan muujiyo inaan garab taaganahay dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed idinkoo wajahaya caqabaddan caalamiga ah” ayuu yiri James Swan. Sidoo kale Ergeygan gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey waxa uu sheegay in arrimaha ay Soomaaliya sida dhaw uga caawinayaan ay ka mid yihiin, geedi socodka doorashooyinka Qaranka, wax ka bedelka Sharciga xisbiyada siyaasadda iyo warbixinta guddiga doorashooyinka Qaranka. “Mudaneyaal, Xildhibaanada Sharafta leh, Soomaaliya waxay maraysaa marxalad xasaasi ah, oo shaqada Baarlamaanka Federaalku waxay qeexi doontaa waddada ay Soomaaliya u marayso dimuqraadiyad iyo xasillooni ee sannado badan oo soo socda.” “Waxaan idinku baaqaynaa inaad shaqadiina u qabsataan si isku duubni ah oo loo wada dhanyahay, idinkoo ka shidaal qaadanaya codadka dhammaan xoogagga siyaasadda iyo bulshada, haddana idinkoo muujinaya aragtiyada haweenka, kooxaha laga tirada badanyahay iyo kuwa taariikh ahaan matalaad la’aa. Midnimada dadka Soomaaliyeed waa lama huraan iyadoo uu dalku ka gudbayo marxaladdan adag ee xasaasiga ah” ayuu yiri. Ugu dambeyntii war-saxaafadeedkan ayaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya looga dalbaday inay isu keenaan dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya ee ay taladu ka go’do. “Waxaan jecelahay inaan idiinku mahadceliyo shaqadiina idiinkuna dhiirrigeliyo inaad isu keentaan dhammaan saamileyda ay taladu ka go’do, si aad u xoojisaan dibuheshiisiin, u dhistaan isafgarad wadarogol ah, oo laga yeesho arrimaha qaranka ee mudnaanta leh oo aad ka qaybqaadataan wax ka qabashada caqabadaha uu dalku wajahayo. Markaad gudagaleysaan doodihiina, fadlan ku xisaabtama taageerada Qaramada Midoobay.” ayaa lagu yiri.
-
Taliska Ciidamada Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyin ku dhow degaanka Janaale ee Gobolka Shabellada Hoose,waxaana la sheegay in howlgalkaas ay kusoo qabteen Qaraxyo lagu diyaarinayay duleedka janaale. Taliyaha Ciidanka Dhulka Janeral C/Xamiid Dirir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Howlgal ay Ciidamada Xoogga Dalka ka fuliyeen Janaale ay lagu soo qabtay Qaraxyo ay Al-Shabaab doonayeen inay ku Aasaan wadada u dhaxeysa Janaale iyo tuulada urunji ee gobolka Shabeellaha Hoose. Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in howlgalkaas ay sidoo kale ku dileen 13 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab isla markaana ay sidoo kale bururiyeen Xarumo ay ku diyaarin jireen qaraxyada waa sida uu hadalka u dhigay. Degaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa mararka qaar qaraxyo iyo weeraro toos ah waxaa ay Al-Shabaab la beegsadaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM xilliyada qaar oo ay howlgallada ku jiraan. PUNTLAND POST The post Militariga Soomaaliya oo fasiliyay Qaraxyo ay maleegayeen Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
TACSI MADAXWEYNE: 07/06/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, gaar ahaan Gobolka Togdheer ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Gudoomiyihii Gobolka Togdheer Marxuum Xamse Maxamed Cabdi oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 06/07/2020, dalka dibediisa oo isla maanta loo qaaday dalka Turkiga. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul hawlkar ah oo xilal ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey, tilmaan iyo hiigsina u ahaa da’a yarta dalka, kuna suntanaa daacadnimo iyo dedaal. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegay in dib loo dhigay furitaanka duulimaadyada dalka oo muddo dheer hakad ugu jira saameynta Covid-19. Duulimaadyada Soomaaliya ayaa lagu waday iney si rasmi ah u furmaan maanta oo Isniin 8-da bisha, hase yeeshee waxaa dib loo dhigay ilaa todobaadka dambe, sida ay noo sheegeen xubno xog ogaal ah oo ka tirsan wasaaradda duulimaadka. Shalay Galab ayaa warqado loo diray shirkadaha duulimaadyada dalka taas oo loogu sheegayo iney dib u dhacday furitaanka duulimaadyada dalka. Sababta keentay dib u dhaca ayaa lagu sheegay cilado farsamado islamarkaana la xalin doono maalmaha soo socda, sida aan ka soo xiganay xubno xog ogaal ah oo ka tirsan hay’adda duulista rayidka Soomaaliya. Muddo ka badan laba bilood waxaa hakad ku jira duulimaadyada Soomaaliya waxaana sababta lagu sheegay arimo la xariira Covid 19, kaas oo wali ka jira Soomaaliya iyo meelo kale oo dunida ah.
-
Damascus (Caasimada Online) – Ururo argagixiso ah oo ay taageerto Iran ayaa weerar ku qaaday macbad ku yaala Siiriya, halkaas oo la rumeysanyahay in lagu aasay Khaliifkii Umawayiinta Omar bin Abdulaziz waxayna soo saareen haraadigii meesha ku aasnaa. Muuqaal lagu daabacay baraha bulshadda ayaa muujiyay ururadda argagixisada oo qodaya xabaasha oo ku taalla magaaladda Deir Sharqi oo u dhow magaalada Maarat al-Numan. Muuqaal kale ayaa muujiyay xaabaasha oo lana furay lana faarujiyay. Lama hayo warbixin ku saabsan meesha lagu aasay haraadigii godka laga soo saaray. Bishii February, ciidanka Bishaar Al-Assad ayaa dab ku dhajiyay aaga ku hareereysan macbadka markii ay magaaladda qabsadeen waxaana gaarsiyeen waxyeello. Omar bin Abdulaziz, waxaa uu ahaa Khaliifkii sideedaad ee Umawiyiinta abtiriskiisuna waxaa uu dib ugu laabanayaa Cumar bin Khadaab, ilaahey ka raali ahaadee oo ka mid ahaa saxaabadii Nabi Maxamed NNKH. Cumar bin Cabdul Caziz waxaa lagu magacaabay khaliifkii shanaad ee ugu wanaagsanaa Islaamka, marka la eego cadaaladiisa mudadii uu xilka hayay oo ahayd laba sano iyo shan bilood.
-
MINNEAPOLIS (AP) — A majority of the members of the Minneapolis City Council said Sunday they support disbanding the city’s police department, an aggressive stance that comes just as the state has launched a civil rights investigation after George Floyd’s death. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan qaatay saacado una dhaxeeyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Sheekh Axmed ayaa aad looga hadlay arrimaha Soomaaliya. Mas’uuliyiintaan ayaa isku soo hadal qaaday arrimaha ammaanka, doorashada, khilaafka siyaasadeed iyo arrimaha Covid-19. Inta badan qodobada ayaa la isku afgartay markii laga reebo arrimaha doorashooyinka oo aan wali la cadeynin sidey u dhici doonto. Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyaha Golaha shacabka u sheegay in qorshaha doorashada qof iyo cod ay tahay riyo aan suurta galeyn 2021-ka loona baahan yahay qorshe kale. Mas’uuliyiintaan oo ka socda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in ay waajib tahay in dalka ka dhacdo doorasho waqtigeeda aan ka dib marin, hufan oo xor ah, haddii ay dhici weyso ayey sheegeen in dalka lugaha la geli karo dhibaatooyin culus. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in sidoo kale mas’uuliyiintaan ay dalbadeen in laga qeyb geliyo saamilayda siyaasadda qorshaha looga go’aan gaarayo nuuca doorasho ee dalka ka dhici karto. Madasha Xisbiyada ayaa la filayaa iney soo saaraan war-saxaafeed ay kaga hadlayaan qodobadii ay kala hadleen guddooniyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya waxaase ka horreeya kulan kale oo ay yeelan doonaan dhammaan mas’uuliyinta Madasha Xisbiyada Qaran.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Bayaan kasoo baxay Madasha Qurbo Joogta Gobolka Banaadir ee loo yaqaan Muqdisho Principals ayaa lagu cambaareeyey dibad-baxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo hadalkii shalay kasoo yeeray madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Hoos ka aqriso bayaanka. Ujeeddo: Cambaareyn ka dhan ah mudaaharaadkii maanta ka dhacay Muqdisho. Anagoo ah qurba joogta ka soo jeeda Gobolka Banaadir waxaan la wadaagaynaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya baaq cambaareyn ah kaas oo xambaarsan dareen ka xumaansho ah mudaaharaadkii maanta ka dhacay mgalaada Muqdisho. Sidoo kalana digniin u diraya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaika Soomaaliya, Hogaanka iyo Guddoonka Gobolka Banaadir & Xukuumada uu hogaamiyo RW Xasan Cali Kheyre: Baaqana waxa uu u qoran yahay sida soo socota: Cambaarayn 1- Waxaan cambaarenaynaa hindisa sharciyeedkii ka soo baxay Gudigii isku dhafka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ku saabsanaa matalaada Shacabka Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka kaas oo ah gef ula-kac ah oo loo geystay shacabka deggan Gobolka Banaadir. 2- Waxaan si xoog leh u cambaaraynaynaa Khudbadii Madaxweyne, Maxamad Cabdullaahi Farmaajo uu ka horjeediyay kalfadhigii (7) toddobaad ee BFS taariikhdu marka ay ahayd 06/06/2020, taas oo si kutalagal ah aan loogu tacsiyadeen isla markaana aan lagu cambaarayn xasuuqii ka dhacay tuulada Gololay ee Gobolka Shabeellada Dhexe. 3- Waxaa wax laga xumaado ah in Hogaanka Dowlada Fedaraalka ka been abuuraan Matalaadda Gobolka Banaadir isla markaana xaqiraan baaqii ka soo baxay Ugaaska Qowmiyadda Mudulood uu dhawaan la wadaagay saxaafadda iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed. 4- Waxaan ka soo horjeednaa Mudaaharaadkii been abuurka ahaa ee ka dhacay magalaada Muqdisho 07/06/2020 laguna sheegay in lagu taageerayay khudbadii Madaxweynaha lagu doonayay in lagu jahawareeriyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Banaadir. 5- Waxaan Soomaalida iyo Wakiiladda Beesha Caalamka u fadhiya dalka Soomaaliya u cadaynaynaa in dadka loo soo bixiyay in ay taageeraan Khudbadii Madaxweynaha ay ahaayeen dad isugu jiray baarkacayaal la soo kiraystay iyo kooxo lagu sheegay xoogagii wadaniyiinta oo u shaqeeya Farmaajo, laakiin ayan ahayn dad matalaya dareenka Shacabka deggen Gobolka Banaadir. 6- Waxaan si gooni ah u cambaaraynaynaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish si ula kac ah u xaqiray hogaanka dhaqanka qowmiyada Mudulood (Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle) oo horay u diiday soo jeedinta gudiga isku dhafka ah ee BFS. Gudoomiyuhu wuxuu arintaan ku dhaqaaqay isagoo iska indha-tiraya mowqifka Ugaaska iyo shacabka Gobolka Banaadir, isla markaana si kutalagal ah u taageeray go’aanka guracan ee uu qaatay Madaxweyne Farmaajo 7- Waxaa Cadaynaynaa in shacabka Gobolka Banadir xor u yihiin, xaqna u leeyihiin in ay aayahooda siyaasadeed ka taliyaan. 8- Waxaan sidoo kale cambaaraynaynaa falkii argagaxa lahaa ee lagula kacay dibad baxayaashii diidanaa kana soo horjeeday taageerada Farmaajo iyo hogaankiisa kuwaas si nabad ah ku cabirayay dareenkooda. Talaabada ay qaadeen ciidamada daacada u ah Farmaajo waxa ay ka soo horjeedaa Sharuucda caalamiga. 9 – Waxaan si adag u cambaareynaynaa falal dembiyeedka ay sida joogtada Dowladda Farmaajo kula kacayso shacabka Gobolka Banaadir ee u doodaya xaquuqdooda. 10- Ugu dambeystii waxaan ka xunahay Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Banaadir aamusnaanta ay ka amuusan yihiin xaalada cakiran ee ka jirta Gobolka Banaadir iyo iyaga oo gabay waajibaadkii ka saarnaa dadka ay wakilka uga yihiin labada Aqal.. Wabilahi Towfiiq DHAMAAD
-
Askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta galinkii dambe wiil dhalinyaro ah ku dilay agaarka isgooyska Tarabuunka degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Marxuumka la dilay ayaa waxaa uu ahaa wiil dhalinyaro ah oo shaqeysta dhaqista gawaarida lagu dhaqo wadada dhinaceeda .. Askariga ayaana wiilka weydiistay lacag 1$ baad ah oo ka qaado dhalinyarada goobtaas wax ku dhaqda sida uu Goobjoog News u sheegay mid kamid ah dadkii goobjooga u ahaa dhacdada lagu dilay wiilka dhalinyarada ah. Halkaan ka Daawo Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey tallaabooyinkii ay dhowaan qaaday dowladda federaalka Soomaaliya ee wax looga qabanayo musuq-maasuqa. Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa 4-tii June waxay meel mariyeen istaraatiijiyadda la dagaalanka musuq-maasuqa ee 2020-2023. Istaraatiijiyaddan ayaa waxaa looga gol leeyahay in lagula dagaalo musuq-maasuqa, lagu xoojiyo sumcadda hay’adaha, islamarkaana lagu dhiso hanaan ku saleysan tayo oo lagu xaqiijinayo daah-furnaanta maamulka maaliyadda dadweynaha, sarena loogu qaadayo la-xisaabtankooda. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku dhowaaqday inay diyaar u tahay inay ku biirto islamarkaana saxiixdo axdiga QM ee la-dagaalanka musuq-maasuqa ee UNCAC. “Waxaan soo dhoweyneynaa sida dowladda federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay la-dagaalanka musuq-maasuqa, islamarkaana ay u dhiseyso aaminaadda lagu qabo hay’adaha dowliga ah,” waxaa sidaas qoraal uu soo saaray ku yiri ergeyga QM ee Soomaaliya James Swan. “Tallaabooyinkan waa kuwa muhiim ah, islamarkaana xafiiska QM ee Soomaaliya wuxuu ku dhiiri-gelinayaa laamaha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay qaadaan tallaabooyin dheeri ah oo lagu ilaalinayo laguna ballaarinayo daah-furnaanta, sumcadda iyo la-xisabataanka maamulka maaliyadda dadweynaha,” ayuu yiri. Swan ayaa intaas ku daray inuu filayo in lagu dhaqaaqo fulinta ballan-qaadyadan.
-
Taliska ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ka warbixiyey Qarax ay sheegeen in maanta ciidamada Booliska caasimadda ka howlgalla ay fashiliyeen sida ay hadalka u dhigeen waxaana xusid mudan in maanta magaalada Muqdisho ay ka jireen dibadbaxyo iska soo horjeeday oo ku aadana maqaamka caasimadda Muqdisho. Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliya Dhamme Sidiiq Aadan Cali oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho waxuu sheegay in ciidamada booliska Soomaaliya ay maanta qabteen nin doonayay inuu isku dhex qarxiyo dadweynihii maanata Muqdisho ka dhigayey banaanbaxa nabadeed ee lagu taageerayey maqaamka Muqdisho. Afhayeenka ayaa sheegay in shaqsiga qaraxa lagu qabtay uu ahaa qof rag ah oo xirnaa Jaakadda qaraxda, balse ay ka war heleen ciidamada ammaanka sidaasna lagu fashiliyey qaraxaas, oo hadda ay gacanta ku hayaan, waxaana uu xusay lagu guuleystay in la qabto nin gaari doonayey inuu qarax ku xiro agagaaraha Excontrol Afgooye . Halkaan ka Daawo Afhayeenka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Alle ha u naxariisto Guddoomiyihii gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi oo geeriyooday, iyadoo isla maanta uun xaalad caafimaad loogu qaaday dalka Turkiga. Guddoomiye marxuun Xamse Maxamed Cabdi ayaa muddooyinkii u dambeeyay xaalad caafimaad u jiifay. Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Baashe Cawil ayaa tacsi u diray marxuunka waxaanu yidhi “ TACSI: 7/6/2020 IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Waxaan halkan tacsi uga dirayaa Qaranka JSL geerida naxdinta leh ee ku timid Guddoomiyihii Gobolka Togdheer Mudane Xamse Maxamed Cabdi, oo hadda la ii soo sheegay inuu xaqii u yimid, dhawaanahana xaaladiisa caafimaad ay aad u liidatay. Marxuumku wuxuu ahaa qof u dhashay degenaan, Af gaabani, iyo Alle ka Cabsi leh. Waxaan si gaar ah tacsidan ula waddaagayaa Qaranka JSL ee uu ka baxay, Sidoo Kale qoyskii, ehelkii iyo saaxiibadii uu marxuumku ka baxay, waxaanan Illaahay swc u waydiinaynaa in uu su’aalaha qabriga u dhib yareeyo oo Firdawsa ku janneeyo, samir iyo iimaana ka siiyo dhammaan Ehelkii, qaraabadii iyo saaxiibadii uu ka baxday marxuumku. Allahuma Aamiin إنالله وإنا إليه راجعون” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Ugu yaraan shan dagaalyahan ayay dileen ciidamada dalka Hindiya oo ku sugnaa Shopian oo ka tirsan dhinaca Hindiya ay maamusho ee Kashmir. Dilka ayaa dhacay Axadii maanta, kaas oo keenay in dadka deegaankaasi deganaa ay ka dibadbaxaan dhacdadaasi. Wakaalada Wararka ee AP oo la hadashay Kornayl, Rajesh Kalia oo ah Afhayeen Ciidamada Hindida ayaa sheegay in ciidamo Milatari iyo boolis ahi ay isku gadaameen goob ku taala koonfurta Shopian oo lagu soo wargaliyey inay isku qarinayeen dablay hubaysani. Waxaanu intaasi ku daray in markii ay is-weydaarsadeen Rasaas ay keentay mishada shanta dagaalyaha, sida uu sheegay Rajesh Kalia oo u waramayey AP. Mudaharaadyo iyo iska hor imaad ayaa daba socday arintaasi, iyada oo boqolaal ka mid ah dadka deegaanka ay isku dayeen in ay ku dibadbaxaan goobta dablayda lagu laayey ee dagaalku ka dhacay. Waxaanay dadku ku dhawaaqayeen halku dhigyo ay kaga soo horjeedaan qabshada Hindiya ee Kashmir, lamina soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay dibad-baxayaashii dhagaxaanta ku tuurayey bilayska iyo askarta milatariga, oo iyadugan ku ridayay rasaas iyo gaaska dadka ka ilmaysiiya. Source
-
Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sh. Abdirahman ayaa kulan gaar ah ku casuumay hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran. Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada qaran Sh. Shariif Sheekh Ahmed iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankan gaarka ah la yeeshay guddoonka golaha shacabka. Kulanka waxaa looga hadlay arimaha quseeya doorashooyinka dalka ee 2020-2021, iyo Cudurka halista ah ee COVID-19 iyo guud ahaan siyaasadda dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
