Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. War-murtiyeed laga soo saaray shirkii Somaliland & Somalia ee Jabuuti Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa war-murtiyeed kasoo saartay shirkii madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ay maanta ku yeesheen magaalada Jabuuti, kaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha beesha caalamka. Sida ku cad war-murtiyeedka, wax qodobo ah oo la taaban karo kama soo bixin shirka, waxaana uu muujinayaa in labada madaxweyne aysan sii joogi doonin Jabuuti wixii maanta ka dambeeya. War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ay isla garteen in la aas-aaso guddi farsamo oo ka kooban xubnaha wufuudda labada dhinac, si ay usii wadaan wada-hadallada. Kulamada guddigan ayaa la isku raacan inay ka dhacaan Jabuuti. Waxaa sidoo kale la isla gartay in wada-hadallada labada dhinac ay lagu sii ambaqaado arrimaha taagan ee labada dhinac ay horey isugu raaceen. Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sidoo kale isla gartay inaan la siyaasadeen kaalmada horumarinta iyo maal-gelinta. Qodobkan ayaa u muuqda mid Somaliland guul ka gaartay, maadaama horey dowladda Soomaaliya u joojisay deeqdii Somaliland kadib markii ay qasabtay in ayada loo soo mariyo. Halkan ka akhriso warbixintaas. Hoos ka aqriso war-murtiyeedka shirka Qaran News
  2. The post Breaking News : – War murtiyeedkii shirka oo ay ka muuqato Fashil iyo iyadoo lagu xusay eryga ” Labda Dawladood ” waa garbo siman. appeared first on . Source
  3. Jabuuti (Caasimada Online) – Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa war-murtiyeed kasoo saartay shirkii madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ay maanta ku yeesheen magaalada Jabuuti, kaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha beesha caalamka. Sida ku cad war-murtiyeedka, wax qodobo ah oo la taaban karo kama soo bixin shirka, waxaana uu muujinayaa in labada madaxweyne aysan sii joogi doonin Jabuuti wixii maanta ka dambeeya. War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ay isla garteen in la aas-aaso guddi farsamo oo ka kooban xubnaha wufuudda labada dhinac, si ay usii wadaan wada-hadallada. Kulamada guddigan ayaa la isku raacan inay ka dhacaan Jabuuti. Waxaa sidoo kale la isla gartay in wada-hadallada labada dhinac ay lagu sii ambaqaado arrimaha taagan ee labada dhinac ay horey isugu raaceen. Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sidoo kale isla gartay inaan la siyaasadeen kaalmada horumarinta iyo maal-gelinta. Qodobkan ayaa u muuqda mid Somaliland guul ka gaartay, maadaama horey dowladda Soomaaliya u joojisay deeqdii Somaliland kadib markii ay qasabtay in ayada loo soo mariyo. “Waxaa muhiim in danaha labada shacab ay xuddun u noqdaan hanaanka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka, oo ku booriyey ururada gobolka iyo kuwa caalamka inay taageeraan hannaankan. War-mutiyeedka ayaa imanaya ayada oo goor sii horreysay guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, oo ka mid ah wafdiga Somaliland, uu sheegay in wax natiijo ah aan maanta laga gaarin wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland uga furmay Jabuuti, islamarkaana lagu kala tegay. Guddoomiye Saleebaan oo la hadlay TV-ga Horn Cable ayaa sheegay in ka Somaliland ahaan ay dalbadeen in Soomaaliya ay fuliso ballamihii la galay ilaa afar jeer oo horay ay isusoo hor fariisteen dhinacyadu, ayada oo aanay taas dhicinna aan lasii wada-hadli karin. Halkan ka aqriso warbixintaas. Hoos ka aqriso war-murtiyeedka shirka
  4. Wararka soo gaaraya Shabakada Puntlandi ee ku saabsan wada- hadalada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ee maanta laysugu yimid magaalada Jabuuti ee Dalka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa [...] The post Warbixin : – Niyada jab ku dhacay Dawladihii shirka soo qabanqaabiyey iyo War-murtiyeedkii oo la diyaarinaayo appeared first on . Source
  5. Gudoomiyaha Guurtada Soomaaliland Saleebaan Gaal oo isla markaasna ahaa Ninka labaad ee Wafdiga Soomaaliland uga qayb galayay Wadahadalka Jabuuti ayaa sheegay in Wadahadalkii judhii horeba [...] The post War Deg Deg Ah ..Saleebaan Gaal “ Wadahadalkii waa burburay” appeared first on . Source
  6. Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ayaa dhagax dhigay dhismaha Isbitaal la qorsheynayo in laga hirgeliyo markii u horeeysay muddo 30 ka badan deegaanka Af-barwaaqo oo ka mida deegaannada ay ka jireen dhibaatooyinka la xariira dhanka adeegga caafimaadka Dhagax dhiga isbitaalkaan ayaa haddii uu hirgalo waxa uu wax weyn ka tarayaa dhibaatooyinka dhanka caafimaadka ee ay la daalaa dhacayaan Bulshada Af-barwaaqo degmada Jariiban ee Gobolka Mudug. Maamulka iyo bulshada deegaanka ayaa soo dhaweeyay dhagax dhiga isbitaalkaan, iyagoo sheegay in ay baahi weyn u qabaan helitaanka adeeg caafimaad oo dhameystiran. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameystirayo dhismaha isbitaalka, isagoo dhanka kalana ku booriyay bulshada Af-barwaaqo iyo qurba joogta ka soo jeeda deegaankaasi inay kaalintooda ka qaataan horumarinta adeegyada aas aaska u ah nolasha aadana. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. DJabuuti (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, oo ka mid ah wafdiga Somaliland, ayaa sheegay in wax natiijo ah aan maanta laga gaarin wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland uga furmay Jabuuti, islamarkaana lagu kala tegay. Guddoomiye Saleebaan oo la hadlay TV-ga Horn Cable ayaa sheegay in ka Somaliland ahaan ay dalbadeen in Soomaaliya ay fuliso ballamihii la galay ilaa afar jeer oo horay ay isusoo hor fariisteen dhinacyadu, ayada oo aanay taas dhicinna aan lasii wada-hadli karin. “Wax natiijo ah oo maanta shirkaas kasoo baxay ma jiro oo Somaliland waxay taagan tahay markii la fuliyo wixii hore ayaan wada,hadleynaa,” ayuu yiri Guddoomiye Saleebaan. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in gabi ahaanba shirkii uu sidaas ku fashilmay, isla markaana ay berri ama berri dambe ay ku soo laabanayaan magaalada Hargeysa, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Cabdifitaax Saciid Axmed ayaa isna faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha ay Somaliland ka tabaneyso Soomaaliya in aysan u fulin sidii loogu balamay. Wakiilka ayaa sheegay qodobadaas, ay ka mid ahaayeen inaan la xayirin la isna hortaagin deeqaha Somaliland iyo gargaarka bani’aadannimo, in aan la carqaladeen heshiiskii hawada ee horay loo gaaray, in hadallada xanafta leh aan warbaahinta la isku marin, iyo in dad kasoo jeeda Somaliland aysan kasoo qeyb galin wada-hadallada labada dhinac. Caasimada Online oo xiriir la sameysay dhanka wafdiga dowladda federaalka waxay diideen inay xaqiijiyeen in shirka lagu kala tegay. Si kastaba, waxaa suurta-gal ah in madaxda ay kasoo tagaan shirka balse guddi hoosaas farsamo ay sii wadaan wada-hadallada. Hoos ka dhageyso wareysiga Saleebaan iyo Cabdifataax
  8. Waxaa maanta Jabuuti ka furmay Wadahadalkii Dowlada Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland, Shirka ayaa Ajandihiisu wuxuu maanta ahaa furitaan iyo Khudbado guud. Mudadiibuvdambaysay kulanka maanta ayaa [...] The post Breaking News— Shirkii Jabuuti oo maalintii kowaad lagu kala kacay appeared first on . Source
  9. Senator Ayuub Cismaaciil oo ka mid ah xildhibaanada golaha Aqalka sare ayaa sheegay in ay sharci daro tahay inkulanka aqalka sare lagu qabto aalada ZOOM-ka “ Halkan Ka Daawo Xildhibaan Ayuub Cismaaciil Oo La Hadlay Warbaahinta https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/wht2.mp4 Source: goobjoog.com
  10. Senator Fartuun Cabduqaadir Faarax oo ka mid xildhibaanada aqalka sare ayaa sheegtay in qabsoomada kulanka golaha aqalka sare ay u diideyn in lagu qabto aakada ZOOM -ka Halkan Ka Daawo Xildhibaan Fartuun Cabduqaadir Oo Warbaahinta La Hadashay https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/wht-1.mp4 Source: goobjoog.com
  11. “Dhicis hadduu naga nool yahay, waanu ku dagaalamaynaa xornimadayada, ma aqbalayno wixii aanu lixdankii luminay in aanu mar kale ku celino Xamar”sidaasi waxa yidhi mid kamida Dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan caasimada dalka oo la hadlay Telefishan. Shacabka Somaliland, ayaa si weyn ugu dhegtaaya waxa lagaga hadlayo iyo natiijada Shirka Somaliland iyo Soomaaliya uga furmay Magaalada Jibuuti. Dareenka dadweynaha ayaa aad u kacsan, waxaanad moodaa in qof waliba gaarkiisa uga showrayo arrimaha laga wada hadlayo, sababtoo ah wax faham ah lagama hayo ajandaha Shirka. Warbaahinta Maxaliga ah, ayaa soo gudbinaya muuqaalo Ra’yiga dadweynaha oo cabiraya arragtida ay ka qabaan Shirka “Waxaanu ku kalsoonay in Madaxweynaha iyo weftigiisu guul kala soo noqdaan Shirkaas”ayuu yidhi Nin kale oo ka hadlay Telefishan. Madasha Shirka waxa isha ku haya bulshada Soomaalida oo dhan, gaar ahaan Shucuubta labada dhinac ee ay madaxdoodu miiska wada-xaajoodka fadhido “Ma sahlana arrintu, waxaana laga wada hadlayaa arrimo adag”ayuu yidhi mid kamida dadka siyaasadda falanqeeyaa. Shirkan oo ay goob-joog ka yihiin hogaamiyeyaasha Djibouti iyo Itoobiya, ayaa furmay xilli qadihii maanta wakhti ku beegan. Inkasta oo aan si dhab ah loo ogayn ajandaha Shirka, haddana waxa la hadal hayaa in uu ku furmay jawi xaasaasi, lagana garnaqsanayo arrimo masiiri ah. Qalabka Warbaahinta ayaa si weyn looga dareemayaa shucuurta Shacabka Somaliland. Source
  12. “Somalinad ma dooneyso in ay ku biirto Soomaaliya”, erayadaas oo ka mid ahaa khudbadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa meesha ka saaray qodobka ugu muhiimsan ee dowladda federaalka ah dooneysay ee ahaa in midnimada in daro ajendaha shirka Djibouti. Wafdiga Somaliland ayaa ku adkeystay in ajendaha laga saaro ka hadlidda midnimada, laguna koobnaado arrimaha kale ee khilaafka. Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa goobta ka sheegay in midnimo ay tahay halka ay ka bilaabato xalka, oo ajendaha lagu daro, kadibna laga wada hadlo wax kasta. Wararka ayaa intaa ku daraya in madax ay ku jiraan ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo safiirka Mareykanka Ambassador Donald Yamamoto ay layaab ku noqotay go’aanka Muuse Biixi oo horay ugu sheegay hadallo dabacsan. Shirka oo ka koobnaa wejiyo badan ayaa la sheegayaa inuu ku burburay wejiga ugu horeeyey haddana la diyaarinayo war murtiyeed ceeb astur ah oo lagu ammaani doonno uun wada hadalka qabsoomay iyo martigelinta Djibouti, ayna sii wadi doonaan wada hadallada guddiyada Farsamada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Mogadishu (HOL) - The Federal Government of Somalia has announced on Sunday that it will recognize Ahmed Mohamed Islam (Madobe) as the interim President of the Jubaland, reversing its previous position. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL) - The Federal Government of Somalia has announced on Sunday that it will recognize Ahmed Mohamed Islam (Madobe) as the interim President of the Jubaland, reversing its previous position. Source: Hiiraan Online
  15. Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbad uu ka jeediyey furitaanka shirka Soomaaliya iyo Somaliland ee Jabuuti waxa uu ku dalbaday in caalamku aqoonsado Somaliland. Muuse Biixi ayaa hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay muddo sannado ah usoo dhabar adaygayay in mar uun ay beesha caalamka iyo Afrikaba ay garawsadaan “horumarka iyo dimuquraadiyada ka hana qaaday Somaliland.” Waxa uu sheegay in Somaliland ay in badan ay u dheg taagaysay inay maqasho waxa ay shacbiga Somaliland “ka mudan yihiin dunida kale, xaqana ay u leedihiin oo ah aqoonsi buuxa, muddo badanna ay sugaysay madal sidan oo kale u furan oo ay garteeda iyo xuquuqdeeda ku sheegato.” Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay, sida uu hadalka u dhigay, ku caano maashay dimuqraaddiyad buuxda, hannaan dawladdnimo, daahfurnaan iyo nabad iyo xasillooni ay ku naaloonayeen shacabkeedaa wixii ka dambeeyey dib ula soo noqoshada wax uu ugu yeeray “gobanimadii hallowday lixdankii” oo ay haatan dib ula soo noqoshadeedii laga joogo muddo ku dhow 30-sanno. Hadalka Muuse Biixi ayaa meesha ka saari kara rajo kasta oo laga qabay in natiijooyinka shirka kasoo bixi kara ay ka mid noqdaan in Somaliland ay kasoo laabato gooni isu-taagga aan weli aqoonsiga helin ee ay ku dhowaaqday. Shirka oo maalinkiisii koowaad soo dhammaaday ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Dawladda Maraykanka, Ururka Midowga Afrika, Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.
  16. Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalilaha ee COVID-19 waxaa ay ku sheegtay in maanta la diiwaan geliyey 24-kiis oo xanuunka Coronavirus ah. Wasaaradda ayaa xustay in kiisaskaan laga diiwaan geliyey gobolka Banaadir 1 kiis, Somaliland 7 xaaladood, Puntland 14 kiis, halka Jubbaland laga xusay 1 kiis iyo Galmudug oo sidoo kale laga sheegay 1 kiis oo COVID-19 ah. Wasaaradda ayaa dhanka kale sheegtay in 1 ruux uu gudaha dalka ugu geeriyooday xanuunka, waxaa sidoo kale ka soo caafimaaday 18 ruux, kiiska maanta la shaaciyeu 15 kamid ah waa Rag halka 9 kale yihiin Dumar. Guud ahaan xanuunka COVID-19 ayaa ku dhacay 2,603 ruux, tan iyo markii uu ka dilaacay dalka, waxaa u geeriyooday xanuunka 88 ruux, halka ay ka soo caafimaadeen dad gaarayo 577 muwaadin guud ahaan dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Khadka Telephone ugu warramay Wariye Xasan Gallaydh ayaa sheegay in lagu kala kacay wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Saleebaan, ayaa ii sheegay in Soomaaliya ay ku xidheen hal shardi oo ah in ay horta fuliyaan qodobadii hore loogu heshiiyay ee wadahadalada hore ee Soomaaliya iyo Somaliland. “Maanta sidee ayaynnu u sii wadi karnaa wada-hadalkan haddii heshiisyadii hore ee lagu saxiixay London, Istanbul iyo Djibouti aan weli la hirgalin?” Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa su’aashaas waydiiyay madashii shirka Jabuuti. Waraysiga guddoomiyaha oo dheer goor dhow la soco. Source
  18. Kismayo (PP News Desk )— The Jubaland State of Somalia has rejected the Federal Government‘s proposal to recognise Ahmed M. Islam as an Interim President for two years. A policy statement issued by the Federal Government of Somalia stated that elections would take place after the term of Jubaland President comes to end. Jubaland Presidency accuses the Federal Government of violating the Draft Constitution A letter from Jubaland Presidency indirectly alluded to the Federal Government of Somalia’s policy statement. “It is regrettable that the Federal Government violates the Draft Constitution of the Federal Republic of Somalia. Jubaland elections were conducted in line with the Draft Constitution” reads the statement from Jubaland Presidency. The Federal Government of Somalia initially rejected the outcome of 2019 Jubaland elections after Jubaland State Government declined electoral guidelines from the Federal Government to be the basis on which elections should be conducted in Kismayo. The International Community has voiced concerns about lack of inclusiveness in Jubaland electoral process. “By snubbing what some analysts view as an olive branch from the Federal Government of Somalia Jubaland President has dealt another blow to his legitimacy” said Mohamud Yasin Ali, a Somali journalist in Nairobi. © Puntland Post, 2020 The post JUBALAND REJECTS FEDERAL GOVERNMENT’S CONDITIONAL RECOGNITION OF AHMED MADOBE AS PRESIDENT appeared first on Puntland Post.
  19. Prime Minister Dr Abiy Ahmed reiterated the value of peace and reconciliation in the Horn region as the foundation for regional integration. Source: Hiiraan Online
  20. NAIROBI (HOL) - Talks in Djibouti between the leaders of Somalia and Somaliland have in the last hour kicked off in Djibouti about four years since similar talks failed to commence in Turkey. Source: Hiiraan Online
  21. Jubbaland ayaa sharci darro ku tilmaantay war maanta ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu sheegay in Madaxweyne ku meel gaar ah loo aqoonsaday Axmed Madoobe. War-saxaafadeed ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in Jubbaland ay rumaysan tahay in Dastuurka Jubbaland iyo kan Federaalku ay qeexayaan hanaanka loo marayo doorashada hay’adaha dowliga ah ee heer dowlad goboleed iyo mudada xil hayntooda. Dhanka kale Jubbaland waxay xustay in ay soo dhaweynayso oo si buuxda uga qeyb qaadanayso arrimaha masiiriga ah ee doorashooyinka, dhameystirka dib u eegista Dastuurka, la dagaalanka argagixisada iyo barnaamijka deyn cafinta. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Jubbaland oo dhameystiran. PUNTLAND POST The post Maxay Jubbaland ka tiri aqoonsiga KMG ee Federaalka? appeared first on Puntland Post.