Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online ) – Waxaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya dilalka Soomaalida ku ganacsata Koonfur Afrika loogu geysanayo dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya in dilkii u dambeeyey saacadihii la soo dhaafay loo geystay, Cabdiraxmaan Macalin Cali oo sugnaa magaalada Cape Town ee wadankaasi. Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa lagu soo waramayaa inay marxuumka ku dileen goobtiisa shaqo, kadibna ay baxsadeen. Sidoo kale waxaa goor dambe meesha uu dilku ka dhacay gaaray ciidamo Boolis ah oo baaritaano kooban sameeyey. Waa dilkii afaraad ee bishan gudaheeda ka dhacaya dalkaasi, waxaana kii u dambeeyey oo loo geystay muwaadin Soomaaliyeed uu todobaadkii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Cape Town. Inta badan ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dilal iyo tacadiyo kale kala kulma kooxo burcad ah oo u dhashay dalkaasi, kuwaas oo sidoo kale boob u geysta hantidooda.
  2. Saaka waxaa Djibouti ka furmaya wada hadal ay garwadeen ka yihiin dalka Mareykanka, balse ay gogosha dhigtay Djibouti, goobjoogna ka tahay Adis Ababa, kaas oo maraya heerar kala duwan! 1. Furitaanka Shirka waxaa ka hadli doona Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Somalinad, Djibouti, ra’isul wasaaraha Itoobiya, safiirrada Mareykanka, midowga Yurub iyo wakiillo ka socda dalalka kale ee daneeya arrimaha Soomaaliya. Sida ay Goobjoog News ogaatay qeybtan waa khudbado la xiriira iskaashi, amni iyo siyaasadda cusub ee geeska Afrika. 2. Maalinta xigta, waxaa loo gudbayaa wejiga 2-aad oo dhanka Villa Somalia waxaa wadaxaajoodka hor kici-doonna ra’isul wasaare Xasan Kheyre, Guddoomiye Mursal iyo wasiir Sabriye halka Somalinad ay joogi doonaa 5 mas’uul oo ay ku jiraan guddoomiyaha golaha wakiillada, 4 wasiir iyo Edna Aden. Wejigan waxaa lagu xallin-doonnaa arrimaha siyaasadda sida deeqaha, hawada, fiisayaasha, iskaashiyo muhiim u ah labada dhinac. 3. Wejiga 3-aad ee ugu dambeeya waa midka ugu adag, oo dib ayaa loo dhigay, waa midka looga hadlayo mustaqbalka midnimada, waxaa wada fariisanaya “guddi farsamo” oo socda labada dhinac, oo ay ku jiraan khubaro, odeyaal, siyaasiyiin iyo bulshada rayidka. Ujeedka ugu weyn waa doodda ah in laga hadlo 30 sano kadib halka geediga loo rarayo, ma jiraan wax hadaf kulmiya, taas oo dan u ah waqooyi iyo Koonfur. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Madaxweyne Muuse Biixi iyo wefdi uu hoggaaminayo, oo ka qayb-galaya Wada-hadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, ayaa saaka oo Axad ah ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa. Wefdiga ayaa ku sii jeeda Magaalada Jabuuti, halkaas oo uu ka dhacayo Kulanka labada dhinac, waxaana Socdaalkiisa ku weheliya Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, Wasiirka Arimaha Dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, Wasiirka Maaliyadda Dr . Sacad Cali Shire, Wasiirka ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad Saajin, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed iyo Ergayga Somaliland u qaabilsan Wada-hadallada labada dhinac Dr Adna Aadan Ismaacil. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, oo markii Wefdigu Garoonka ka dhoofayay si kooban ula hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in kulanka labada dhinac ay qaban-qaabiyeen Dalalka Maraykanka iyo Jabuuti, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin ajandaha kulankaas. Wasiir Faratoon, ayaa sheegay in ajandaha kulanka laga wada-hadli doono, kadib markii labada dhinac ee Dowladda Federaalka iyo Somaliland uu kulankoodu bilowdo, balse aysan inta ka horraysa ka warbixin karin. PUNTLAND POST The post Somaliland oo ka hadashay Kulanka Jabuuti appeared first on Puntland Post.
  4. Peel police have identified a 21-year-old man killed in a shooting in Mississauga on Friday morning. Abdulaziz Dubet, of Toronto, was found in a vehicle outside a hotel in the area of Dundas... Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Shir saddex geesood ah oo u dhexeeyey Qaramada Midoobay, IGAD iyo AMISOM ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan wada shaqeynta u dhexeysa saddexdaasi dhinac. Kulanka oo ku qabsoomay Video Conference ayaa waxaa diirada lagu saaray howlaha xafiisyada UNSOM, IGAD iyo AMISOM. Sidoo kale waxaa lagu soo qaaday geeddi socodka iyo xoojinta iskaashiga kala dhaxeeya Soomaaliya. War kooban oo ka soo baxay xafiiska wakiilka Qaramada Midoobay, James Swan ayaa lagu faah faahiyey kulankaasi , iyadoona lagu sheegay in dhammaan xubnahaan ay isla meel dhigeen waxyaabihii ay ka wada hadleen. “Waxa aan ku faraxsanahay in maalmihii la soo dhaafay aan saxiixnay Heshiis Isfaham oo u dhexeeya AMISOM, IGAD iyo UNSOM, oo aan ku xoojineyno iskaashigeenna iyo iskaashigeenna aan hore ugu taageernay Hay’adaha iyo dadka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri qoraalka. Shirkan saddex geesoodka ah ayaa ku soo aadaya, xilli dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah, dowladduna ay um diyaar garoobeyso doorasho dhacda 2020/2021-ka.
  6. For the past few months, it was abundantly clear that President Mohamed Abdullahi Farmaajo was desperately trying to orchestrate an extension of his four-year term without ever uttering the desired but elusive and unpopular E-word. Source: Hiiraan Online
  7. Wararka ka imaanayaa Gobolka Jubada Hoose ayaa ku warramayaa in Malayshiyaadka Al-shabaab ay weerar culus ku ekeeyeen Saldhig Ciidamada Dowladda Kenya ku leeyihiin Degaanka Kulbiyow ee Gobolkaasi. Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in ay weerar dhawr jiho ah ku qaadeen Saldhiga Kulbiyow ee Ciidamada Militariga Kenya halkaas oo uu ka dhashay Khasaare kala duwan inkastoo aan faahfaahin laga helin. Weerarka oo ku bilowday Bumbooyin Al-shababaab ku tureen Saldhigaasi ayaa isu rogay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray labada dhinac kaasi oo saacado halkaas ka socday. Dhinaca kale Al-shabaab ayaa fiidnimadii Xalay weeraray Degaanka Sabiib ee Gobolka Shabeellada Hoose halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Kumaandooska DANAB ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dadka Degaanka ayaa ku soo warramaya in Rasaas xooggan oo laba dhinac ah laga maqlay Saldhig Ciidamada DANAB ku leeyihiin Degaankaas oo Al-shabaab weerartay balse faahfaahin lagama helin khasaaraha. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weerartay Saldhigyo ay leeyihiin Ciidamada Kenya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  8. A letter signed by all 54 African nations requested the UN Human Rights Council to urgently debate racism and police violence as protests over George Floyd's death grow around the world. Source: Hiiraan Online
  9. (ERGO) – The shutdown of mobile health services has left rural communities in remote areas north of Kismayo, in Somalia’s Jubbaland state, unable to access critical medical treatment without long journeys to over-crowded clinics in the nearest town. Source: Hiiraan Online
  10. Somali Health Ministry on Saturday reported 66 new COVID-19 cases, bringing the total number of infections to 2,579. Source: Hiiraan Online
  11. Madaxweyne @M_Farmaajo waxa ka go’an dhammaan dadaallada keenaya in wadahadallo miradhal ah lala yeesho Somaliland. Tani waxay la jaanqaadaysaa hannaankiisa dib-u-heshiisiinta ku dhisan, waxayna xoojinaysaa mawqifkiisa ku aaddan si joogtaynta walaalnimada isku haysa qarankeenna. https://t.co/SVAjsH6Y1e pic.twitter.com/jXknqiNJHV — Abdinur Mohamed (@AbdinurMAhmed) June 13, 2020 Qaran News
  12. Washington (Caasimada Online) – Koox Yahuudi ah oo awood badan ku leh dalka Mareykanka, ayaa amarroo bahdilaad ah kusoo rogtay xubnaha congress-ka Mareykanka. Ururka Maraykanka Yahuudda Mareykanka ee u ololeeya Israel ee AIPAC ayaa amray Dowlada iyo Xildhibanadda in aysan si faah-faahisan uga hadli karin qorshaha Israel ay ku goosaneyso Daanta Galbeed, balse loo ogol yahay inay cambaareen qorshaha, haddii ay intaas ku ekeynayaan. Ururka AIPAC oo saameyn buuxda ku lahaa siyaasadda Maraykanka tobanaankii sano ee lasoo dhaafay, ayaa bixiyay qodobo hagaya cambaareyn xadidan kadib kulan ay ku yeesheen aaladda Zoom, iyo sharci dejiyeyaasha Maraykanka oo ay telefoonka kula hadleen, sida la-taliye congress-ka uu u sheegay Times of Israel. Ma cadda waxa ay la micno tahay in aan cambaareynta aad loogu dheraan, laakiin waxaa loo malaynayaa in lagu jaan goynayo sii wadidda kaalmada Maraykanku siiyo Israel. Deeq-bixiye ku lug leh ololaha congress-ka ayaa yiri “Waxaan u sheegnay senator-ada xor ayaad u tihiin in aad cambaareysaan dhul goosiga, laakiin haka hadlin in la gooyo kaalmadda Mareykanka siiyo Israel.” Hadalkan ayaa loo fahmay in cambaareynta goosiga Israel aan lagu xirin in congress-ka uu kaalmada ka gooyo Israel. Digniinta ay soo saareen AIPAC ma saameyneyso gar-gaarka, sida uu muujiyay qof u shaqeeya congress-ka, kaas oo dimoqaraadiyiinta ku tilmamay in ay beegsanayaan ururka arrimaha Israel iyo Maraykanka, waxaana uu yiri “xubnaha congress-ka waxay doonayaan in ay xaqiijiyaan in xilligaan uu yahay waqtigii loogu talo galay in loo digo Israel balse aan loo hanjabin heshiiska isfahamka ah.” Isfahamku waa heshiis dhexmaray Dowladda Israel ee uu hogaamiyo Netanyahu iyo Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama 2016-kii, kaasi oo damaanad qaadaya in 38 billion oo dollar lagu kabo miisaaniyadda difaaca ee Israel sanad walba. Cambaareyn walba ma ahan in ay saameyso kaalmadda, ayuu yiri shaqaale ka tirsan congress-ka ee la hadlay Times of Israel. Sanado badan oo ay saameyn ku lahaayeen siyaasadda wadanka awgiis, ayey AIPAC si adag uga soo horjeesteen cambaareyn walba oo ku saabsan siyaasadda Israel ama xitaa Dowladda qudheeda. Ogolaanshaha uruka AIPAC ayaa loo arkaa in uu liddi ku yahay sida ay AIPAC doonayaan, waxaana loo malaynayaa in ay sababtay goosashada Daanta Galbeed oo ah arrin aad la isugu khilaafsan yahay, taasi oo kala qaybisay kuwo badan oo taageera Israel. Sida uu yahay qorsha Dowladda wadaagga ah ee Israel, Israel waxay sheegan doontaa madaxbanaanida lana wareegi doontaa maamulka in ka badan 30 boqolkiiba dhulka Falastiin ee ku yaala Daanta Galbeed, gaar ahaan meelaha ay hadda Yahuudu sida sharci daradda ah ku deganyihiin oo ay ka mid tahay dooxada Jordan. Talaabooyinka waxaa la qaadi doonaa kowda bisha July.
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Kulanka la filayo inuu dalka Jabuuti uu ku dhex-maro madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa si weyn looga hor-yimid, kaasi oo gogol xaadh u noqonaya wada-hadalada labada dhinac ee mudada badan hakadka ku jiray. Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa gebi ahaanba kulankaasi ka hor-yimid, isagoona ku sheegay mid aan xiligan loo baahneyn. Guddoomiye Faysal ayaa aaminsan in xiligan aan wada-hadalo lala gali karin dowladda federaalka ee uu hogaaminayo madaxweyne Farmaajo, maadama ay tahli kari laadahay inay isku keento maamuladeeda aaminsan nidaamka federaalka ah. Faysal ayaa kulankaasi la filayo inuu dhex-maro Farmaajo iyo Muuse Biixi ku tilmaamay mid aan munaasib aheyn, isla markaana uu xiligan kasoo horjeedo wada-hadal dhex-mara dowladda federaalka iyo Somaliland. “Mawqifkaygu waxa weeyi horena waan uga soo horjeeday, horena waan u sheegay in aan kulankaasi aanu maanta meesha qaban, wakhtigeediina aanu ahayn” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Maalinta berri ah ayaa lagu wada in dalka Jabuuti uu kulan ku dhex-maro madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland, sida uu shaaciyay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Kulankaasi ayaa noqonaya midkii labaad ee noociisa ee dhex-mara Farmaajo iyo Muuse Biixi, kaasi oo gogol xaadh u noqon doona wada-hadalada ay dib u dhigeen xiisadaha siyaasadeed ee dhex aloosan labada dhinac.
  14. The EU Delegation hopes the meeting becomes a first step to embrace common gains in which all may prosper through dialogue; and the release of emotion retained for a long time. Doors of hope for agreement should not close again. https://t.co/yyKyDyJi41 — Nicolas Berlanga (@NBerlangaEU) June 13, 2020 Qaran News
  15. https://twitter.com/JustAwHirsi/status/1271527616986714117/photo/3 Qaran News
  16. Waxa uu Farmaajo xafiiska yimid iyada oo Somaliland ay kaalmooyinka beesha caalamka u hesho qaab gaar ah oo maamullada kale ka duwan (Special arrangement). Arrintaas waxay ku timid wadahadallo hore oo madaxdii isaga ka horreysay ay soo wadeen. Dhaqsaba dowladda Federaalka ayaa joojisay macaamilkaas gaarka ah. Taageerayaasha Farmaajo waxay arrintaas u arkayeen guul weyn, oo waxay ku faanayeen in laga soo gudbay waqtigii jileeca, isbarbaryaaca, iyo tanaasulka. Intaas ku ma ekayn e, silsiladdii wadahadalka ee soo taxnayd waxa keliya ee uu Farmaajo ku soo kordhiyay waxay ahayd in uu dhexda ka kala gooyay. Saddex sanno iyo washii oo uu xafiiska joogay, intii ugu badnayd waxa ay dowladdiisa iyo kuwa taageeraba ku tookhayeen in ay soo celiyeen sharafkii dalka, inay soo xireen kanaalladii dibadda, iyo inay gacan adag ku qabteen cid walba oo aan iyaga ahayn oo dowladnimada kula dhegta. Waxyaabaha agtooda caayda ka ahaa, oo inuu dalku ka gudbayna ay ku celcelin jireen; waxaa ugu weyn in lala gola-fadhiisto oo la qanciyo maamul ama mucaarad Soomaali ah oo ay dood kala dhexeyso madaxda dowladda. Maanta, oo dhowr bilood ay muddadii xilhaynta Farmaajo ka hartay, dhammaan mushkiladihii dalka ee xallintooda isaga loo doortay weli miiskiisa ayay saaran yihiin. Meelaha ugu dhaw ee xalkooda laga filayana waa kulamo iyo shirar ay dalal shisheeye ku qabanayaan Jabuuti iyo gudaha dalka, oo ujeedkooduna yahay in la isu keeno Farmaajo iyo dadkii ay taladu kala dhexeysay ee markii uu talada iyo taagtaba lahaa uu la-tashigooda ka doorbiday ka-tashigooda iyo ku-taagsigooda. Farmaajo oo muddoxilkeedkiisu dhammaad yahay in uu isafgarad mustaqbal ah la gaaro Soomaalida ay wax kala dhexeeyaan, waxa ay la mid tahay in qof ay naftu ka sii baxayso laga fisho inuu dhammeystiro howl badan oo qabyo ka ah. Taas beddelkeeda, natiijada ugu muhiimsan ee kulamadaan laga dhaxli doono waa in ay tusaale iyo toosin u noqdaan madaxda talada la wareegi doonta, si ay u sii ogaadaan in runta kama dambeysta ah ay tahay in mushkilad kasta oo qof Soomaali ah kaala dhexeysa aanay jiri doonin cid aan isaga ahayn oo kaala xaajoota. ~”Markay dani meeday tidhi Maxaan talo meel ka dayay ………………………………………. Intaan isku duubay been Ka buuxsaday labada dacal Maxay runi daadi tidhi” M. I. W. Hadrawi AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  17. ADDIS ABABA – Tension between Amhara and Tigray, two of Ethiopia’s most powerful regions, is increasing as the country approaches elections next year, says a new International Crisis Group report. The northern Tigray region, which ruled the country for nearly three decades, has been ostracized by the federal government in Addis Ababa, raising the risk of military conflict in the north. The two regions also share a contested border and are at odds over when federal elections should be held. Increased competition involving Ethiopia’s patchwork of ethnic groups and political parties has been a hallmark of the government formed by Prime Minister Abiy Ahmed, due to greater social and political freedoms granted by his administration. But it is the dispute between the Amhara and Tigray regions, the new report says, that “is arguably the bitterest of these contests, fueled in part by rising ethnic nationalism in both regions.” William Davison, the Crisis Group’s senior analyst for Ethiopia, tells VOA that Amhara citizens believe that several key zones, notably the Wolqait and Raya areas, were annexed by Tigray when the current Ethiopian federation was mapped out in the early 1990s. “The problem has been there in some form for decades,” Davison said. “It flared up and became more prominent during the anti-government protests [between 2016 and 2018.] It has not gone away and it is simmering away as one of Ethiopia’s major inter-regional fault lines.” Adding to the heightened tension, the Tigray People’s Liberation Front, the former ruling party, has threatened to hold its own regional election. Plans to hold a vote have led political elites in Tigray and Amhara to adopt increasingly hardline stances toward each other, the report says, noting a recent warning from Prime Minister Abiy that any such act would “result in harm to the country and the people.” Davison pointed out that relations between the TPLF and the federal government, to which members of the Amhara Democratic Party belong, are becoming “increasingly acrimonious.” “People have to be seeking a compromise and we need a political atmosphere to seek that compromise,” Davison said. “But what I’m getting at is that we obviously do not have that, unfortunately, at the moment…Whilst we have that situation, it’s going to be hard to make any progress on this entrenched territorial dispute between Amhara and Tigray. So, the problem is simmering and it’s not going away and the worse that Tigray and TPLF relations get with other federal actors, the bigger potential risk there is that this problem with Amhara could turn into something more deadly.” Numerous Amhara and Tigray officials, including Fanta Mandefro, deputy president of the region, did not respond to repeated calls for comment. But Dessalegn Chanie Dagnew, chairman of the opposition National Movement of Amhara, said via a messaging app that Ethiopia’s regional map based on ethnic territories has been the root cause of many tensions, not just between the Amhara and Tigray regions, but many others. “I would say it [violence] has happened in most of the areas and it’s not [unique] to the Amhara and Tigray regions,” Dessalegn said. “But still, in spite of all these things, I wouldn’t expect that there would be an open clash.” To reduce tensions, the International Crisis Group recommends that the national boundary commission facilitate dialogue by providing information on the contested land and the two regions’ current and former demographics.
  18. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sida qorshaysan maanta oo Axad ah ku kulmaya magaalada Jabuuti ee caasimadda waddanka DJabuuti. Madaxweyne Farmaajo, waxaa socdaalkiisa Jabuuti ku wehelin doona Ra’iisul-wasaare Xassan Cali Kheyre, guddomiyaha Baarlamaanka, wasiirka arrimaha debadda iyo xubno ka tirsan Xafiiskiisa. Sidoo kale, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaa socdaalka ku wehelin doona guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, wasiirka arrimaha debedda iyo xubno ka tirsan xisbiyada mucaaridka. Kulanka labada dhinac oo ay fududaysay safaaradda Maraykanka ee Somaaliya, waxaa marti gelinaya madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaan furitaankiisa ku casuman Ra’iisul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed iyo wakiillo ka kala socda urur goboleedka IGAD, Midowga Africa iyo Midowga Yurub. Balse, waxaan ilaa iyo haatan si rasmiya u caddayn Ajandaha Kulanka iyo qodobada miiska u saaran dhinacyada kulmaya ee dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland oo mowqifyo adag kala taagan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi oo ku kulmaya waddanka Jabuuti appeared first on Puntland Post.
  19. Wararka ka imaanaya Koonfur Afrika, ayaa sheegaya in dalkaasi kooxo burcad ah ku dileen muwaaddin Soomaaliyeed, oo halkaas ka ganacsan jiray. Kooxda ayaa weerartay muwaadinka Soomaaliyeed Alle ha u naxariistee oo lagu Magacaabi jiray Cabdiraxmaan Macalin Cali , isaga oo ku sugnaa Goobtiisa Shaqada oo ku taalla Magalada Cape town. Maxamed Maalin oo kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ayaa xaqiijiyay dilkaas,waxaana uu sheegay in kooxihii ka dambeeyay dilka ay goobta ka baxsadeen. Dalka Koonfur Afrika ayaa Bishaan Gudaheeda waxaa lagu dilay qofkii Afaraad oo Soomaali ah,waxaana todobaadkii la soo dhaafay Gudaha dalkaasi lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Yaasiin Maxamed Xasan. PUNTLAND POST The post Muwaaddin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  20. Atlanta (AP) - Atlanta's police chief resigned Saturday, less than 24 hours after a black man was killed by an Atlanta officer in a struggle following a field sobriety test. Source: Hiiraan Online
  21. https://uk.mobile.reuters.com/article/amp/idUKKBN23K0I5 Qaran News
  22. Ugu yaraan 20 askari iyo inkabadan 40 ruux oo shacab ah ayaa ku dhimatay weeraro ka dhacay dalka Nigeria. Weerarada oo ahaa labo ayaa waxa ay sigaar ah kaga dhaceen gobolka Borno ee waqooyi bari dalka Nigeria halkaas oo ay sidoo kale ku dhaawacmeen boqolaal ruux oo shacab ah. Weerarkan ayaana kusoo beegmaya maalmo uun kadib markii kooxo hubaysan ay deegaano katirsan gobolkaasi ku dileen illaa 81 ruux. Wali majirto koox sheegatay masuuliyada weerarkan balse waxaa dalka Nigeria ku sugan kooxo hubaysan oo ay qayb ka yihiin Boko Haram iyo Isis PUNTLAND POST The post Weerar Khasaare badan dhaliyay oo ka dhacay Nigeria appeared first on Puntland Post.
  23. Waxaa tacsi loo dirayaa Qoyskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Illaahay naxariistii Jano haka waraabiyee Marxuum Xasan Cali Dheere oo Caawa ku geeriyooday Garowe. [...] The post Tacsi- Marxuum Xasan Cali Dheere oo Garowe ku geeriyooday appeared first on . Source
  24. Muscat (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya ee dalka Cuman Cabdiweli Cali Axmed (Jaylaani), ayaa is-hortaag ku sameeyey diyaarad ay soo kiraysteen Soomaali muddo ku xannibneyd dalka Cuman, oo doonayey inay dalka kusoo laabtaan, sida ay muujinayaan dokumentiyo ay heshay Caasimada Online iyo xog ay nala adaageen qaar ka mid ah dadka xayiran. Diyaaradda oo qorshuhu ahaa inay Cuman kasoo baxdo 11-kii bishan June ayaa lagu joojiyey warqad uu safiirka soo saaray 10-kii bishan oo loo diray shirkadda Salam Air, oo dadka Soomaaliyeed ay diyaarad khaas ah ka kireysteen, si ay ugu soo qaaddo Boosaaso. Sidee wax u dhaceen? Dad ka badan 60 qof oo Soomaali ah, oo ay ka mid yihiin dad da’ ah, haween iyo caruur, ayaa muddo ku xayirnaa dalka Cuman, kadib markii duulimaadayada caalamiga ah loo joojiyey sababo la xiriira cudurka COVID-19. Kadib ku dhowaad saddex bilood oo ay sugayeen in duulimaadyada dib loo furo, waxay ugu dambeyn go’aansadeen inay kireystaan diyaarad gaar ah, waxayna la heshiiyeen shirkadda diyaaradaha Salam Air ee dalka Cuman, oo u diyaarisay duuliimaad soo bixi lahaa 11-ka June, oo dadkan keeni lahaa magaalada Boosaaso, maadaama badankood ay yihiin reer Puntland. Waxaa intaas xigay in shacabka ay iska ururiyeen lacag gaaraysa 15,000 oo Riyaalka Cuman ah, una dhiganta ku dhowaad 40,000 oo dollar, taasi oo ganacsato ka wakil ah ay ku shubeen akoonka shirkadda Salam Air ay ku leedahay Bankiga Muscat, sida ku cad rasiidka caddeynta lacag biixnta, oo ay heshay Caasimada Online. Waxay sidoo kale arrintan kala hadleen wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, oo ay ka heleen fasax ah in dalka loo soo qaadi karo. Intaas kadib ayaa dadkan Soomaaliyeed, waxay sidoo kale ku guuleysteen ina warqad fasax ah, oo ah in diyaaradda ay soo caga-dhigan karto garoonka Boosaaso 11-ka June ay ka helaan hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed, warqaddaas oo ku taariikhaysan 2-da June. Si kastaba, shirkadda Salam Air ayaa qoraallo ay is-dhaafsadeen wakiilada dadka Soomaaliyeed ku dalbatay inay qasab tahay inay fasax ka hesho safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Cuman, ayada oo loo soo marinayo marinnada diblomaasiyadda, sida ku cad email- ay is-waydaarsadeen wakiilada matalayey shacabka iyo shirkadda Salam Air, oo ay heshay Caasimada Online. Waxaa markaas kadib soo baxay warar sheegaya in safiirka Soomaaliya Cabdiweli Jaylaani uu joojiyey diyaaradda. 7 nin oo u badan ganacsato ayaa habeenkii Taaladada ee 9-ka June la hadlay safirka, si ay arrintan wax uga weydiiyaan. “Wuxuu safiirka noo sheegay inaysan arrintaas waxba ka jirin, oo uu ku faraxsan yahay, haddiiba culeyskii dowladda ay shacabka ayaga dhabarka u riteen oo ay iskood diyaarad usoo kireysteen, wuxuuna ballan-qaaday inuu siin doono warqadda ay u baahan yihiin subaxa xigay, si diyaaradda ay u baxdo,” waxaa sidaas yiri Cumar Muuse Nuux oo ka mid ah Soomaalida halkaas ku sugan, oo la hadlay Caasimada Online. “Hase yeeshee, waxaa yaab lahaa in safiirka uu sameeyey wax liddi ku ah ballantii uu qaaday, halkii aan ka sugeynay warqad fasax ah, wuxuu subaxii Arbacada ee 10-ka June uu soo saaray warqad uu ku joojinayo duulimaadka, taasi oo dadkii dhan layaab ku noqotay,” ayuu yiri Cumar. Caasimada Online ayaa lala wadaagay warqadda kasoo baxday safiirka oo uu shirkadda Salam Air ku wargelinayo inaysan u duuli karin Soomaaliya, ayada oo aan fasax ka haysan safaaradda. Sida ku cad qoraalka, safiirka ayaa ku doodaya inaan lasiin waqti ku falin, iyo inaysan diyaar u ahayn mas’uuliyiinta rayidka iyo amniga, inkasta oo warqad fasax ah laga hayo hay’adda dullista, sidoo kale maamulka garoonka Boosaaso u dyaar-garoobay. Caasimada Online oo xiriir la sameysay safaaradda, uma suurta-gelin inaan ku helno qadka, si aan wax uga weydiino, sababta ay dad u baahan kaliya warqad ay ugu xayiran yihiin dad kale. Diyaaraddii ayaa sidaas ku baaqatay, dadkii Soomaaliyeedna weli waxay ku xayiran yihiin Cuman. “Dadka qaarkood, waa dad guryihii ay deganaayeen iska fasaxay, waxaa ku jira caruur, haween iyo dad waayeel ah, oo aan haysan meel ay seexdaan, dhibaato ayaa halkan ka taagan,” ayuu yiri Cumar Muuse. Waxa uu intaas ku daray inay xiriir la sameeyeen wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya iyo xafiiska ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, balse illaa iyo hadda aysan jirin cid wax ka qabatay cabashadooda, ama soo faro-gelisay arrintan balse ay rajo un leeyihiin. Warar kale oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in safiirka uu yahay nin aad u awood badan oo ku xiran qaar ka mid ah madaxda sare ee dowladda, sidaas darteedna aysan jirin cid wax ka qaban karta.