Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. @US2SOMALIA welcomes opening of #Somalia– #Somaliland talks today in #Djibouti. We commend the leadership of @M_Farmaajo & @Musebiihi. T/Y @IsmailOguelleh for hosting a historic mtg. We support coop for the good of the #Somali people & urge all Somalis to be part of the process. — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) June 14, 2020 Qaran News
  2. The Presidency endorses the dialogue efforts witnessed in #Djibouti between #FGS and #Somaliland. H.E President @M_Farmaajo wishes the committees success and reassures the Somali people and all the stakeholders involved the unlimited support of the Federal Government of Somalia. pic.twitter.com/pOzEmy6c6I — Villa Somalia (@TheVillaSomalia) June 14, 2020 Qaran News
  3. Somali national forces on Saturday killed 13 al-Shabab militants in an offensive in the southern region of Lower Juba, a military officer confirmed on Sunday. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed shalay ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya Madaxweyne kumeel gaar ah u aqoonsatay Axmed Maxamed Islaam Madoobe, kaas oo ay doorashadiisa diiday sanadkii hore. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in dowladda Soomaaliya ay tallaabadan qaaday kadib lagu cadaadiyay ogolaanshaha iyo tanaasulka khilaafka Jubbaland. Xubnaha beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka iyo xafiiska QM ee Soomaaliya, ayaa dowladda Soomaaliya ku cadaadiyay iney tanaasul sameyso si loo sii amba qaado arrimaha doorashooyinka loona qabto shir wadahadal ah. Safaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa isla shalay soo dhaweysay aqoonsiga dowladda federaalka ee madaxweynaha Jubbaland iyo shirka wadatashiga ah ee madaxweyne Farmaajo uu iclaamiyey, kaas oo la filayo inay isugu yimaadaan madaxda dowaldda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in maamulka Puntland ay sharuud ka dhigeen in shirka maamul gobaleedyada iyo dowladda ay ka qeyb noqoto Jubaland ama aysan ka soo qeyb geli doonin dadaalada doorashada Soomaaliya. Beesha Caalamka ayaa garowsatay inaysan suurta-gal ahayn in Soomaaliya laga qabto doorasho aysan qeyb ka ahayn Jubaland iyo Puntland, taasi oo dhalisay inay cadaadis xooggan saaraan madaxtooyada Soomaaliya.
  5. Xafiiska Warfaafinta Madaxweyne Farmaajo ayaa Shir Dhab u-Heshiisiin ku tilmaamay Wada-hadalka Dowladda Federaalka iyo Somaliland ee ka socda Waddanka Jabuuti. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Shirkaasi u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Somaliland uu muhiim u yahay Hormarka Nabadda iyo Midnimada Dalka Soomaaliya. Sidoo kale Qoraalka waxaa lagu xusay in Shirka Jabuuti ka socda lagu xallinayo Tabashooyinka ay Somaliland qabto inkastoo aan la faahfaahin Tabashooyinkaas. Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale u mahadcelisay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ku bogaadisay in uu mar kasta martigeliyo Shirarka Dib u-Heshiisiinta Soomaaliya sida Shirkii Dib u-Heshiisiinta CARTA. PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo Shirka Jabuuti ka socda ku tilmaantay mid Dhab u-Heshiisiin appeared first on Puntland Post.
  6. The sons of elderly city tycoon Yussuf Adan are locked in a bitter battle for the control of his vast business empire estimated to be worth over Sh10 billion. Source: Hiiraan Online
  7. Ethiopia wants to fill dam's reservoir in coming weeks but Egypt says that could significantly reduce its Nile water. Source: Hiiraan Online
  8. PARIS: France on Sunday slammed Turkey's "aggressive" intervention in the Libya conflict as unacceptable, accusing its fellow NATO member of violating a UN arms embargo and sending half a dozen ships to the war-torn country's coast. Source: Hiiraan Online
  9. Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal rasmi ah kasoo saartay shirkii Jabuuti ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, iyo hadalladii uu halkaas ka jeediyey madaxweyne Farmaajo. Hoos ka aqriso qoraalka Villa Somalia. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Dhab u heshiisiinta DFS iyo Soomaaliland ayaa tilmaamay maamuuska walaaltinimo ee ku xeeran wadahadalladan iyo himilada shacabka Soomaaliyeed ay u qabaan horumarka, nabadda iyo midnimada. Madaxweynaha ayaa muujiyey ifafaalaha shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku qabaan gogosha ay fidiyeen walaalaheenna dalka Jabuuti shacab iyo dowladba, maadaama ay baal dahab ah kaga jiraan dowlad dhiska dalkeenna iyo garab istaagga shacabkeenna Soomaaliyeed. “Labaatan sano kahor maanta oo kale, dib u curashada Qaranka cusub ee Soomaaliya waxaa lagu yegleelay halkan Carta ee Jabuuti oo uu hoggaamiye u ahaa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle kaas oo martigaliyey shirkii dib u heshiisiinta ugu weynaa ee Soomaali loo qabto kaas oo dhabbaha u xaaray dowladihii is xig xigay ee Soomaaliya, maanta, dhab ahaantii waxaa qormeysa taariikh kale.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay garbaha ka fadhiyaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka FS Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Raiisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo heer Qaran ah ayaa la wadaagay Madaxdii kulanka ka soo qeyb gashay iyo beesha caalamka sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in wadahadal maan furan oo miro dhal ah lagu xalliyo tabashada walaalaheenna Soomaalland. “Halkan waxaan maanta u joognaa in aan furno wadahallada taariikhiga ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo mudada dheer la sugayey si aan uga xaajoonno mid ka mida qodobada udub dhexaadka u ah si loo gaaro nabad waarta iyo barwaaqo ay helaan bulshadeenna.” Madaxweyna Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Walaalkiis Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, shacabka iyo dowladda Jabuuti marti gelinta shirkan, isaga oo ku bogaadiyey Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Mudane Abiye Axmed, Safiirka Dowladda Maraykanka Mudane Doland Yamammoto, Urur Goboleedka IGAD iyo Midawga Yurub kaalintooda dhiirri gelineed ee ku aaddan qabsomidda shirkan taariikhiga ah.
  10. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa si rasmi ah u shaacisay war-murtiyeed laga soo saaray shirkii loo qabtay Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana war-murtiyeedka lagu caddeeyey in sababta shirka loo qabtay ay ahayd sidiin hoggaamiyeyaasha Somaliland iyo Soomaaliya looga caawin lahaa sii ambo-qaadka wada-xaajoodka khuseeya xidhiidhka u dhexeeya LABADA DAL (between the tho countries), taasina waxay muujinaysaa guul u soo hoyatay Somaliland. Qodobbada kale waxa ku jira qaar faa’iido u wada leh dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Source
  11. Kalfadhiga 46-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa Maanta oo Isniin ah ka furmaya Xarunta Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ee Caasimadda Garoowe. Furitaanka Kalfadhiga waxaa ka qayb-galaya Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash oo labaduba Khudbado ka jeedin doona Kulanka. Madaxweyne Deni ayaa laga sugaya in uu soo bandhigo Waxqabadka Xukuumaddiisa ee Mudadii u dhexaysay labada Kalfadhi iyo sidoo kale in uu ka hadlo Arrimaha Siyaasadeed ee Puntland iyo guud ahaan Dalka Soomaaliya. Ajandaha Kalfadhigaas waxaa ugu muhiimsan La xisaabtanka Xukuumadda iyo dhammaystirka iyo Ansixinta Maxkamadda Dastuuriga ah oo Puntland aysan horay u lahaan jirin taasi oo muhiim u ah Hannaanka Xisbiyada badan. PUNTLAND POST The post Kalfadhiga 46-aad ee Baarlamanka Puntland oo Maanta furmaya appeared first on Puntland Post.
  12. War-murtiyeed ka soo baxay Wada-hadalka madaxda dowladda Federaalka iyo Somaliland uga socday magaalada Jabuuti ayaa lagu soo bandhigay qodoba hordhac ah oo labada dhinac ku heshiiyeen. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa isla gartay in guddi farsamo oo ka kooban labada wafdi ay sii ambaqaadaan wadahadallada u dhexeeya labada dhinac, isla markaasna ay ka sii shaqeeyaan arrimaha wali dhiman ee la isla qaatay. Dhinacyada ayaa sidoo kale soo jeediyay in Jabuuti ay noqoto madasha shirarka farsamo ee labada dhinac. Sidoo kale waxa la isla gartay in ay lagama maarmaan tahay in danta labada bulsho ay udub dhexaad u noqoto hanaankan wadahadal. Kulankaas wuxuu ku boorriyay dhammaan dalalka gobolka, qaaradda iyo hey’addaha caalamiga ah inay taageeradooda u muujiyaan hannaankan. PUNTLAND POST The post War-murtiyeed laga soo saaray Wada-hadalka dowladda Federaalka iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
  13. Madaxweyne Farmaajo weli kama quusan qorshihii muddo kordhinta ee labada sano ahaa. Markaad eegto qaabka uu doonayo in uu ku maareeyo Wadahadallada Somalia iyo Somaliland, go’aanka uu ka soo saaray Jubbaland iyo gogosha aan muddeysneyn ee shirka dowlad Goboleedyada. Farmaajo wuxuu ku taamayaa in uu Jabuuti heshiis kula gaaro Somaliland, heshiiskaas oo dhigaya in wadahadallada labada dhinaca lagu soo afjaro muddo labo sano ah. Wuxuu Farmaajo ku andacoon doonaa in heshiiskaas uu isaga dhammeystirayo, maadaama uu isagu soo galay heshiiska, sidaas darteedna si joogistiisa ay lagama maarmaan u tahay danaha midnimada Soomaaliya. Dhinaca kale, waxaa madaxtooyada ka soo baxay qoraal uu Farmaajo ku saxiixan yahay, kaasoo Madaxweyne ku meel gaar ah u aqoonsanaya madaxweynaha Jubbaland mudane Axmad Maxamad Islaam (Axmad Madoobe). Tani waxay daaha ka qaadday in madaxweyne Farmaajo uu yahay ninka sida tooska ah ugu jira dagaalka Jubbaland, isagoo xukuumadii iyo Baarlamaankiba waxba ka soo qaadin. Labada sano ee uu qoraalkiisa ku sheegay ayuu ku doonayaa gorgortan Axmad Madoobe iyo Puntland lagu oggolaysiiyo muddo kordhinta labada sano ah ee Farmaajo. Dhinaca kale, Farmaajo oo ka jawaabaya cadaadiska kaga yimid beesha caalamka, doonayana in uu maja xaabiyo dadaalka Aqalka Sare, ayaa ku baaqay shir ay madaxda Dowladda Federaalka ah iyo dawlad Goboleedyada isugu yimaadaan, kaasoo aan lahayn muddo cayiman. Wuxuu doonayaa in shirka Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada uu dhaco kulanka Guddiga Doorashooyinka ay Baarlamaanka ku hor imaanayaan kaddib. Guddiga ayaa Baarlamaanka ka codsan doona muddo kordhin si ay doorasho qof iyo cod ah u qabtaan. Horay ayaan dhowrjeer u sheegnay in Soomaalidu ay ku sirantahay Farmaajo, laakiin Farmaajo qudhiisana uu Soomaalida ku siranyahay, oo waxaan ka maangal aheyn raba inuu ka gado. Haddaba waxaan ugu baaqeynaa Aqalka Sare in uu sii wado dadaalka uu saamileyda siyaasadeed isugu keenayo, cayimana halka ay ka dhaceyso gogosha la isugu imaanayo. Waxaan ugu baaqeynaa guddoonka Baarlamaanka iyo Dowlad Goboleedyada taageersan Madaxweyne Farmaajo in ay ka waantoobaan gacan siinta qaska iyo fidnada ay madaxtooyada Soomaaliya la maaggantahay dadka iyo dalka Soomaaliya. Raysalwasaaraha Soomaaliya waa in uu caddeeya mowqifkiisa ku aaddan dhacdooyinka isdaba yaala ee dalka. Siima ahaan karo laacib siyaasadeed oo aan kaalin muuqata ku laheyn siyaasadda. Xisbiyada siyaasadeed waa in ay ka tashadaan sidii shacabka u tusi lahaayeen, hagardaamada ay madaxtooyada la damacsan tahay dalka. Waana in ay abaabul muuqda sameeyaa. Wadajir diyaar ayey arrinkaas u tahay. Soddonkii sano ee la soo dhaafay ayaan darro ka weyn sooma marin Soomaaliya in kursigii dalka ugu sarreeyey ee madaxtooyada fidno, qas iyo qalaalase si ula kac ah loogu abaabulo, xukuumaddii iyo Baarlamaankiina ay noqdaan awood aan wax dheeli tiri karin. Soomaali waxay taagan tahay kala bayr siyaasadeed oo ay ku kala baranayso dadka fitnada Villa Somalia raacsan iyo kuwo diiddan ee doonaya in ay dalka iyo dadka badbaadiyaan. Taariikh ayaa qormeysa. Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa guddoomiyaha Xisbiga Wadajir, iyo wasiirkii hore ee qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya ee dowladdii madaxweyne Shariif. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa shalay iyo dorraad ka soo dagaya boqolaal Askari oo tababar ku soo qaatay dalka Eritrea, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil dowladda ka tirsan. Ciidankaan oo muddo dheer ku maqnaa dalkaas ayaa wax war ah laga heynin mudadii ay maqnaayeen, waxaana waalidiinta dhalay looga kaxeeyay in la geyn doono dalka Qatar, oo halkaas lagu soo tababari doono. Diyaaradii Sabtidii soo degtay oo laga leeyahay dalka Eritrea ayaa keentay ciidan lagu sheegay ilaa 250 Askari, waxayna Muqdisho ka qaaday shalay dhalinyaro kale oo tababar loo rabo. Sidoo kale diyaarad kale ayaa shalay ka soo degtay garoonka Muqdisho waxaana la sheegay iney keentay ciidan kale oo tababar ku soo qaatay Eritrea. Ciidanka tababarka soo qaatay ayaa la sheegay in ay qabaan tababar gaar ah waxaana loo qorsheeyay ilaalinta doorashooyinka Soomaaliya halka siyaasiinta qaar ay sheegeen in loogu talagalay in lagu caburiyo siyaasiinta iyo musharaxiinta. Si rasmi ah looma oga tirada guud ee ciidankaan hasa yeeshee warar qaar ayaa sheegaya iney gaarayaan ilaa dhowr kun oo askri. Dhowr bilood kahor ayaa warbaahinta waxaa qabsaday hooyooyin Soomaaliyeed oo ka cabanaya in wiilashooda loo qaaday Eritrea aysan muddo bilo ah war ka hayn. Hooyooyinkaas ayaa markii dambe si gaar ah loola hadalsiiyey wiilashooda, kuna qancay.
  15. Madaxweynaha Maamulka Somaliland Gashaanle Muse Biixi Cabdi ay maanta shirkii wadatashiga ee Jabuuti ku soo bandhigay Khudbad aad u diyaarsaneyd oo qaadatay 17 minute iyo [...] The post Daawo : – Alleylehe Gari Ilaahay bay taqaane Gashaanle Muse Biixi ka Dood iyo Garnaqsi fiican Madaxweyne Farmaajo. appeared first on . Source
  16. This past week, Donald Trump’s campaign did what one senior aide on the president’s 2020 team described to The Daily Beast as the “dumbest thing I’ve read in a long time.” Source: Hiiraan Online
  17. Every weekday morning, from 10 to 11am, Abdullahi Mire hosts a radio show for the residents of Dadaab. His studio is inside a converted shipping container, once used by the United Nations to deliver supplies to this sprawling network of three refugee camps in northeastern Kenya. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta baaqday kulankii golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii ay carqaladeeyeen xubno ka tirsan golaha oo taageersan Villa Somalia, kuwaas oo ku dooday in aysan shirci aheyn qaabka loo qaban rabay shirkaas. Shirka golaha oo qorshuhu ahaa in lagu qabto aaladda Zoomka ayaa ajendihiisu waxa uu ahaa wax-kabedelka xeer hoosaadka golaha Aqalka Sare, balse waxaa is hortaag ku sameeyey inuu qabsoomo dhowr senetor. Xubnaha kasoo hor jeestay in kulanka golaha lagu qabto aalladda Zoomka waxaa kamid ah Senetor Fartuun Cabdulqaadir Faarax iyo Senetor Ayuub Cismaaciil Yuusuf oo la aaminsan yahay inay ku xiran yihiin Villa Somalia. Senetor Fartuun ayaa sheegtay in xeer hoosaadka golaha aysan ku jirin in Zoom lagu qabto kulanka golaha, isla markaana lasoo geliyo senetarro dalka ka maqan. Dhankiisa Senator Ayuub ayaa sheegay in Aqalka Sare aysan afduuba karin koox yar , sida uu hadalka u dhigay, isla markaana ay horay guddoonka golaha ugala hadleen in la wada dhowro xeer hoosaadka. “Labada Aqal waxay horay u meel mariyeen in uu hor yimaado guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, waxaa noo soo baxday in la carqaladeyn rabo dhameystirka xeerarkaas, waxaan fareynaa guddoonka golaha inay sida ugu dhaqsiyaha badan kalfadhiga golaha u qabtaan” ayuu yiri Senetor Ayuub. Senator Ayuub ayaa sidoo kale sheegay inay lama huraan tahay in kulamada labada gole ay noqdaan kuwo u dhaca si wadajir ah, taas oo ah sida ay dooneyso Villa Somalia, halka guddoomiyaha Aqalka Sare iyo inta badan Senatorraduna ay doonayaan in kulamadu ahaadaan sidii hore. Villa Somalia ayaa sida muuqata dagaalkeedii u weecisay kala dhantaalidda golaha Aqalka Sare, waxuuna dagaalkan cusub soo if-baxay markii uu guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi shir wadatashi ah ugu yeeray madaxda dowaldda federaalka iyo maamul goboledyada dalka, kaas oo dhaca ka hor warbixinta laga sugayo guddiga doorashooyinka.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Safaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay aqoonsiga dowladda federaalka ee madaxweynaha Jubbaland iyo shirka wadatashiga ah ee madaxweyne Farmaajo uu iclaamiyey, kaas oo la filayo inay isugu yimaadaan madaxda dowaldda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. “Safaaradda Mareykanka waxay soo soo dhaweyneysaa oo bogaadineynaa, ku dhawaaqidda Villa Somalia ee shirka madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo aqoonsiga dowladda ee dowladda Axmed Madoobe ee Jubaland. Wadahadalka iyo dib u heshiisiinta ayaa fure u ah nabadda iyo horumarka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lasoo dhigay barta twitter-ka ee safaaradda. @US2SOMALIA welcomes and commends @TheVillaSomalia’s announcement of FGS – FMS Presidential meeting, and recognition of Jubaland President Madobe’s government. Dialogue and reconciliation key to #Somalia’s peace and development. — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) June 14, 2020 Qoraal galinkii hore ee maanta kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa madaxweyne ku meel gaar ah loogu aqoonsaday Axmed Madoobe in uu ka ahaado Jubbaland muddo laba sano ah oo kasoo bilaabaneysa markii uu dhamaaday mudo xileedkiisii hore sanadkii 2019-kii. Jubbaland oo ka jawaabtay aqoonsiga kasoo yeeray dowaldda federaalka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay nasiib-darro tahay in dowladda federaalka Soomaaliya “ay mar walba ku dhaqaaqdo tallaabooyin si toos ah uga hor imanaya dastuurka dalka u yaalla.” Qaalka ayaa sidoo kale lagu yiri “Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Jubaland waxaa saldhig u ah Dasuurka Ku meel-gaadhka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (Qodobadiisa 120 iyo 142) iyo Dasuurka Dowlad Goboleedka Jubaland, waxaana loo maraa habraac sharci ah oo ay fuliso hay’adda u xilsaaran.” Jubbaland ayaa si cad uga hortimid go’aanka Villa Somalia ee ah in maamulka Jubaland uu yahay ku-meel gaar. “Mudo xileedka hay’adaha la doorto ee Jubaland waa afar (4) sano sida ku qeexan qodobka 70-aad ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Jubaland. Sidaas darted, ma jirto cid si gaar go’aan uga gaadhi karts muddo xileedka iyo doorashooyinka Dowlad Goboleedka Jubaland si aanan waafaqsananayn dastuurka” ayaa lagu yiri qoraalkan oo kasoo baxay xaafiiska Axmed Madoobe.
  20. Shir madaxdeedka ka dhacay Djibouti waxaa durba kasoo ifbaxaya sida dhinacyado ugu kala guuleysteen tartanka diblomaasiyadda. Warmurtiyeedka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Djibouti ee ku saabsan shirkii u dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in “labada dal ee Soomaaliya iyo Somaliland ay ku heshiiyeen inay dib u soo nooleeyaan wadahadalkii ku saabsanaa xiriirkooda” Hadalkaas ayaa guul weyn oo siyaasadeed u ah Somaliland, oo ka sokow fagaaraha caalamiga ah ee ay maanta kusoo bandhigtay qadiyaddeeda, haddana sii xoojinaya mosqifkeeda. Dhanka kale, in laba dal lagu sifeeyo labada dhinac waxay waji gabax ku tahay maamulka Madaxweyne Farmaajo, kaas oo laga filayay inuu guulo waaweyn soo hooyo. Wadahadalkan oo si weyn loo filayay ayaa hadda u muuqda kuwa ku laabtay meeshii ay awalba marayeen oo aheyd in guddi farsamo lagu celiyo. Dhanka kale, Djibouti ayaa laba guulood oo waaweyn gaartay. Waa marka horee, waxay indhaha warbaahinta ka weecisay mudaaharaadyadii dhawaan ka socday halkaas ee la xiriiray duuliyihii la xiray. Waa marka labaade waxay Djibouti indhaha caalamka mar kale kusoo jeedisay inay tahay dal hormuud ka ah nabadeynta Geeska Afrika. Sawirkaas ayaa wuxuu gacan weyn ka geysanayaa ololaha ay Djibouti ugu jirto kamid noqoshada Golaha Amniga Qaramada Midoobay, oo ay kula tartameyso Kenya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa diiday war-murtiyeed ay ku sheegtay inuu ahaa qabyo qoraal oo kasoo baxay shirka Jabuuti ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Sida aan xogta ku helnay, dowladda ayaa ka hor-timid ereyao dhowr ah oo ku qoran war-murtiyeedka, taasi oo wax u dhimeysa madax-banaanida dalka. Ereyadaas ayaa waxaa ka mid labada dal, labada shacab, iyo Soomaaliya iyo Somaliland, iyo arrimo kale. Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu isna soo saaray oo kooban ku yiri “Laba arrimood ayaa rabaa inaan halkan ka caddeeyo; 1. War-murtiyeedka lagu faafiyay baraha bulshada maha mid rasmi ah. Wali waa laga shaqeynayaa si qoraal la isla ogol yahay usoo baxo. 2. Wadahadallada waxay u dhaxeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee maha wada hadal Soomaaliya-Somaliland u dhaxeeya sida warbaahinta qaar ay qoreyso.” War-saxaafadeedka ayaa ah mid sax ah oo aan la been abuurin, waxaana saaran shaabadda wasaaradda arrimaha dibedda Jabuuti, hase yeeshee Cabdinuur ayaa Caasimada Online u sheegay in la bahaiyey ayada oo aysan ogolaan ama aan lagala tashan dowladda Soomaaliya. Illaa iyo hadda ma cadda sida qoraalka ku baahay, iyo cidda ka dambeysa in ayada oo dowladda federaalka aysan ogolaan la baahiyo. Si kastaba, wasaaradda arrimaha dibedda maamulka Somaliland ayaa war-saxafadeedka soo dhigtay barteeda twitter-ka, taasi oo muujineysa inay ku qanacsan tahay. Ilo-wareedo ku sugan Jabuuti kana mid ah wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay inay rumeysan yihiin in arrintan ay ka dambeeyaan xubno ka mid ah dowladda Jabuuti oo si hoose ula shaqeynaya Somaliland. “Arrintan waxaa loo sameeyey in wada-hadallada dhinacyada la fashiliyo, waana ogaan doonnaa sida ay wax u dhaceen,” ayuu yiri qofka aan la hadalnay oo codsaday inaan la magacaabin. Waxaa hadda la filayaa in lasoo saaro war-murtiyeedka kale, balse ma cadda sida Somaliland ay kaas raali uga noqon doonto. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay jawaab rasmi ah kasii saarto arrintan. Hoos ka arag war-murtiyeedka ay diiday DF
  22. Gudoomiyaha Golaha Guurtida Maamulka Somaliland Mudane Saleebaan Gaal ayaa TV Horn Cable u sheegay in shirkii maanta ee Dawlada Federaalka Somaaliyeed iyo Maamulka Somaliland uu [...] The post Daawo Saleebaan Gaal : – Adeer shirkii wuu fashilmay oo waa dhamaaday. Ninka Farmaajo Safiirka Mareykanka iyo Ethiopia ayaa dabda ka riixaya. appeared first on . Source