-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wafdigii dowladda Soomaaliya uga qeyb galay furitaanka shirkii wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, kaas oo ka furmay dalka Jamahuuriyadda Jabouti ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaaray gudaha dalka. Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayey madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan labada gole .. Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa dalka Jahbuuti uga qeyb galay Shirka wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo uu maanta khubad ka jeediyay munaasabadda daah furka go’aamadii shirka soo baxay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu dalka Jabuuti kaga qayb galay Shirkii wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Source
-
Starting over in a new country is hard. A new language, a new culture, a new set of rules—so many that are unwritten. It’s overwhelming. When my family left Somalia for the refugee camps, we lost everything. When we left the camps and arrived in California, we lost everything again. Each time we had to start over. Source: Hiiraan Online
-
Starting over in a new country is hard. A new language, a new culture, a new set of rules—so many that are unwritten. It’s overwhelming. When my family left Somalia for the refugee camps, we lost everything. When we left the camps and arrived in California, we lost everything again. Each time we had to start over. Source: Hiiraan Online
-
Starting over in a new country is hard. A new language, a new culture, a new set of rules—so many that are unwritten. It’s overwhelming. When my family left Somalia for the refugee camps, we lost everything. When we left the camps and arrived in California, we lost everything again. Each time we had to start over. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa maanta war kale kasoo saartay wada-hadalada ka socda dalka Jabuuti, xili la rumeysan yahay in lagu kala kacay qodobadii ugu muhiimsanaa ee shirkaasi. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon oo wareysi siiyay idaacada VOA-da ee laanteeda Afka Soomaaliga ayaa si cad usoo bandhigay dhowr qodob oo lagu heshiiyay wada-hadaladii hore, balse aan weli fulin. Wasiirka ayaa sheegay in hore loogu heshiiyay in gebi ahaanba la joojiyey hadalka xanafta leh ee warbaahinta isku mariyaan madaxda labada dhinac, iyada oo xiligan arrimahaasi ay mararka qaar sarre usii kiciyaan xiisada labada dhinac. Qodobada Somaliland ay ku doodeyso inaysan weli fulin dowladda federaalku ayaa ku qotoma kuwo la xiriira deeqaha caalamka in si madax-banaan loo siiyo Somaliland, oo aan loo soo marin dowladda federaalka oo iyadu sii gaarsiisa deeqaha beesha caalamka maamul goboleedyada dalka. Faratoon ayaa sidoo kale si cad u sheegay in dowladda federaalka ay hore ugala heshiiyeen in si wada-jir ah loo maamulo hawada Soomaaliya, isla markaana si isku mid ah loo qeybsado lacagaha kasoo baxa, midaasi oo aysan weli fulin dowladda Farmaajo, waa sida uu hadalka u dhigaye. Wasiirka ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday inuu wax faah-faahina ka bixiyo waxyaabaha laga yeelayo qodobadaasi uu sheegay inay ka fuli waayeen dowladda federaalka, balse uu xaqiijiyay in labada dhinac ay weli isku hor-fadhiyaan kulamo. Somaliland ayaa ku doodeysa in fulin la’aanta qodobadaasi ee hore loogu heshiiyay ay sii fogeynayaan is aaminada labada dhinac, taasi oo meesha ka saareysa kalsoonida lagu qabi karo wada-hadalo midho dhala. Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ee shalay ka furmay dalka Jabuuti ayaa weli socda, iyada oo wajigii labaad ee kulankaasi uu maanta ka furmay dalkaasi, waxaana la filayaa in war-murtiyeed rasmi ah laga soo saaro kulamadaasi.
-
Bosaso ( PP News Desk ) — Abdirahman Mohamud Dhorreh, a Member of Puntland Parliament from Sanaag and Bari regions, has criticised the reorganisation of Bosaso into four neighbourhoods. The reorganisation is billed as a part of decentralisation initiative for Bosaso city. Mr Dhorreh has singled out Puntland Interior Minister Mohammed Abdirahman Dhaban’ad for “incitement and usurping the role of Bosaso Mayor to divide Bosaso into four neighbourhoods”. He called on Puntland Interior Minister to stop interfering in the administration of the commercial city of Puntland. “The neighbourhoods of Bosaso and how people co-exist are well-known. One must respect inhabitants of every district” Mr Dhorreh wrote in his Facebook account. Bosaso district administration views the reorganisation of neighbourhoods as a part of the decentralisation effort to deliver public services efficiently Under the new reorganisation scheme Bosaso will have four neighbourhoods — Banderqaasim and Baalade in the northern part of Bosaso, and Buur-cad iyo Biyo-kulule in the eastern part. Bosaso district administration said the decentralisation and reorganisation will facilitate the delivery of public services in the business city efficiently. Bosaso had sixteen neighbourhoods before the Puntland Interior Ministry had launched decentralisation-based reorganisation. © Puntland Post, 2020 The post A PUNTLAND MP CRITICISES REORGANISATION OF BOSASO FOUR NEIGHBOURHOODS appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federalaka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in COVID-19 dalka laga diiwaan geliyey kiisas cusub, kuwaas oo gaarayo 39 xaalaadood oo Coronavirus ah. Wasaaradda ayaa xustay in kiisaska laga kala helay, gobolka Banaadir14, Puntland 12, Somaliland 8, Jubbaland 3 iyo Koonfur Galbeed oo laga xusay 2, kiiska wasaaraddu sheegtay 25 kamid ah waa Rag halka 14 ay yihiin Dumar. Wasaaradda ayaa dhanka kale sheegtay in xanuunka ka soo caafimaadeen 45 ruux, halka wasaaraddu aysan warbixinteeda ku xusin muwaadin dalka guidihiisa ugu geeriyooday xanuunka samarja ah ee Coronavirus . Xanuunka COVID-19 ayaa guud ahaan dalka wuxuu ku dhacay 2,642 ruux, waxaa u geeriyooday 88 muwaadin, halka ay dib uga soo caafimaadeen tan iyo markii uu ka dilaacay gudah dalka 622 qof sida lagu xusay qoraalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waa isbarbardhig ku saabsan matalaadda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladda Somaliland. Labada dhinac markii u horreysay ee ay is hor fariistaan waxay ahayd January, 2012. Waxay ahayd Chevening House oo ah meel aan ka fogeyn magaalada London. Shalay ka hor, kulankii u dambeeyay wuxuu ahaa 2014 oo ay labada Madaxweyne ku kulmeen Djibouti. Labada shir mid aniga oo suxufi ah ayaan joogay ergooyinkana gooni gooni ula kulmay. Midka kale, wafdiga Madaxweynaha ayaan ka mid ahaa oo miiska ayaan fadhiyay. Intii u dhexeysay si dhow ayaan ula socday. Marka aan suxufinnimo ku shaqeynayay labada dhinac ayaan xog wareysanayay. Marar kale aniga oo matalaya Soomaaliya ayaan wadahadalka uga qeyb galay Istanbul, Ankara oo ahayd kulan aqoonyahanno iyo Djibouti. Qaar kale qabanqaabada ayaan wax ku lahaa. Is arag aan la shaacinna si hoose ayaan xogtooda u helay. Ku dhowaad dhammaantood waxaa ii muuqata in aan labada dhinac ahayn isku diyaar garow xag macluumaad iyo waliba marka ay noqoto in aan waxba lala harin ee loo bareero dhinaca kale. Waxaan qabaa dareenka ah in ay isa soo hor fariistaan koox taqaanna waxa ay ka hadleyso iyo sida ay u dhigeyso, Iyo koox dooneysa Midnimo ay doonayaan in ay ku helaan “in ay u caqli celiyaan walaalhood.” Istaraatiijiyada Somaliland waa in Soomaaliya ay noqoto laba dal oo koofuriyo Woqooyi ah. Waxay ku bixisay dhiig, kharash fara badan iyo borobagaanda. Waa dacaayad aan kala go’ lahayn oo dadweynaha la gaarsiiyay, laguna celceliyay. Waxaa la hubiyay in shakhsi kastaa ay farriintu gaarto – mid awalba sidaa qabay amaba ka horreeya, mid hadda lagu qanciyo iyo mid lagu celceliyo ugu yaraan ilaa uu ka garaabo. Waxay saaxiibbo ku yeelatay Saxaafadda Caalamiga ah iyo diblomaasiyiinta shisheeye. Xafiisyo u sameysan suuq geynta siyaasadda ayaa la kireystay. Si doodda aan loo kala illoobin, marnabana aanay dadka madaxiisa uga bixin waxaa loo sameeyay astaamo lagu xusuusto. Mid keliya haddii aan xuso waa Taallada ay dayaaradda Miigga ahi saaran tahay ee qof og in aad og tahay sheekadeeda murugada leh aanuu ka caajiseyn in uu mar laba iyo ka badan kuugu soo celiyo. Somaliland shakhsiyaad beey leedahay loo bixiyay mujaahiddiin. Waxay la dagaallameen oo ay ka adkaadeen shakhsiyaad astaan looga dhigay shar oo loo bixiyay faqash. Qof kastaa wuxuu ka qalin jebiyay Iskuulkaas furan ee ku saabsan wixii la soo maray iyo waxa hadda la hasto ee aan la heleen haddii Soomaaliya laga sii tirsanaado. Aqoontaas barashadeeda ma jirto meel ka caagga. Waxaa lagu bartaa xafladaha, xafiisyada, goobaha ganacsiga, guryaha iyo saxaafadda bulshada, waxaana laga dhegeystaa Raadiyaha iyo TV-ga. Iyada oo ay taasi jirto ayaa marka wadahadal la tagayo waxaa la soo xulaa dadka ugu xog ogaalsan, ugu mintidsan, qaarkood ay waxyeello toos ahi soo gaartay oo marnabana aanay suurta gal ka ahayn in uu shaki ku dhasho. Waxaa intaa u wehliya aqoonyahanno u soo diyaariya doodda, mararka qaarna sooba raaca oo ka tirsan ergada. Madasha ayay tagaan iyaga oo ku hubeysan Taariikh si taxaddar leh loo soo xulay, xad gudubyo iyo dhacdooyin fool xun oo dhab ah iyo qaar fasiraad aan sax ahayn laga bixiyay. Iyo wax kasta oo sax ama khalad leh ee ay Somaliland ku gar heli karto kuna caddeyn karto in xalka keliyihi uu yahay in laba dal la noqdo. Intaa waxaa u dheer in shacab iyo Dowladba ay la xisaabtayaan wafdigu marka ay dalka ku laabtaan. Federaalka Soomaaliya waxaa u safta Madax ay ku jiraan qaar ku soo booday ama lagu soo dhex tuuray wafdi baxaya, xilka ay ku magacaaban yihiin awgiis ama si loo buuxiyo 4.5 beesha ay ka soo jeedaan darteed. Xubnahaas waxaa laga yaabaa in qaarkood aanay weligood tegin, akhrin, iskuna howlin in ay si qoto dheer u fahmaan doodda Somaliland waxa ay ku saleysan tahay. In aanay aqoon taariikhda oo dhammaystiran. In aanay la socon dhacdooyinka foosha xun ee hore u dhacay, marka laga reebo in ay maqleen woqooyi waa la duqeeyay. Iskaba daa midda ka sii culus oo ah waxa la soo hor dhigi karo ee ku qancin kara reer Somaliland in ay dantoodu ku jirto Midnimada. Istaraatiijiyada marar badan la isku dayo in lagu iibiyo Midnimadu waa niyad wanaag iyo in la yiraahdo ‘walaalayaal midnimada ayaa ka wanaagsan tafaraaruqa ee midnimada aqbala’. Taariikh, sharciyad iyo dood Soomaaliyeed intaba dad la geli kara Somaliland kuma yara Koofurta. Waxaa ugu badan Soomaalida ka soo jeedda Somaliland ee madax iyo shacab leh ee Muqdisho iyo ku nool kana shaqeysta gobollada oo dhan. Qaarkood sabab kasta ha keentee Midnimada ma iibiyaan. Qaar kalena, fursad looma siiyo in ay qeyb ka ahaadaan wadahadalka ama xataa ay daaha gadaashiisa ka talo bixiyaan. Soo jeedin Soomaaliya waa dal aad u weyn oo ka weyn Ingiriiska iyo Talyaaniga oo la isku daray. Sidaa darteed, qof kastaa arrimaha gobolkiisa ama degaankiisa wuu kaga xog ogaalsan yahay inta kale oo dhan. Labadii Gobol ee midoobay marka uu midkood gooni isu taago, inta u dhalatay ee sidaa taageersan iyo inta diiddaniba, ariinta waa ay uga xog ogaalsan yihiin Soomaalida inteeda kale. Waxaan qabaa in Koofurta laga furo dood Dadweyne oo qoto dheer oo ujeeddadeedu ay tahay in ay sahasho is faham. Dooddaasi waa in ay jawaab u heshaa weydiinta ah cinwaanka qormadan – Somaliland maxay ku faleysaa Midnimo? Madaxda Somaliland iyo shacabka taageersan waa maxay danta ugu jirta Midnimada, ee la tusi karo, la taabsiin karo ayna ku qanci karaan? Su’aashaas jawaabteeda waa in ay dusha ka bartaan ugu yaraan inta siyaasadda ku jirta iyo inta daneyneysa in ay gasho. Iyaga oo intaas yaqaan, ka dib, ayay marka la soo xulo u diyaar garoobi karaan oo ay dejin karaan Istaraateejiyada wadahadalka iyo taatikada ay tahay in la adeegsado. Source
-
Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha wasiirada Galmudug iyo xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Soomaaliye, ayaa kulamo wadatashi ah la qaatey Bulshada ku dhaqan degamada Afbarwaaqo ee gobolka Mudug. Madaxweynaha ayaa intuu joogey degmada afbarwaaqo ayuu dhagax dhigay Xarumaha adeegyada bulshada degmada Af-barwaaqo ee Gobolka Mudug. Dhagaxdhigan dhismayaashaan ayaa fulintooda iska kaashan doona Dowladda Galmudug iyo Jaaliyadaha Galmudug. Xarumahaan uu dhagax dhigay Madaxweynaha Galmudug ayaa kala ah Isbitaalka Degmada, Dugsi Sare iyo Ballaarinta Xarunta Saldhigga Degmada Af-barwaaqo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shirka dalka Jabuuti uga socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa galay maalintii labaad. Shirka waxaa maanta lagu wareejiyay Guddi farsamo oo ka kala socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, si ay usii ambaqaadaan wadahadalada labada dhinac. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in guddigu ay haystaan kalsooni buuxda oo ay kaga talo bixiyaan masiirka umadda Soomaaliyeed. Dhanka kale Muuse Biixi ayaa Guddiga farsamo kula dardaarmay in ay keenaan waxa dantu ku jirto iyo waxa ugu dhow ee lagu heshiin karo. Guddiga farsamo ee DFS ku matalaya shirka Jabuuti 1- Maxamed Cabdi Sabriye, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka 2- Cabdirashiid Maxamed Axmed, Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka 3- Xuseen Cabdi Cilmi, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dastuurka 4- Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee fulinta iyo dib u eegista Dastuurka. 5- Suleymaan Maxamed Axmed, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. 6- Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim 7- Balal Maxamed Cismaan, La-taliye sare iyo Wakiilka Madaxweyne Farmaajo ee Arrimaha Geeska Afrika. Guddiga farsamo ee Somaliland ku matalaya shirka Jabuuti 1- Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, Wasiirka Arrimaha Dibada 2- Sacad Cali Shire, Wasiirka Maaliyadda 3- Maxamuud Xasan Saajin, Wasiirka Ganacsiga 4- Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumeysiga 5- Adna Aadan Ismaaciil, La-taliyaha madaxweynaha 6- Cabdifitaax Siciid Axmed, Wakiilka Somaliland ee Jabuuti 7- Mubaarak Ismaaciil Taani, Wakiilka gaarka ah ee madaxweynaha. PUNTLAND POST The post Maxay yihiin Guddiga farsamo ee loo xilsaaray wadahadalada DFS iyo Somaliland? appeared first on Puntland Post.
-
Wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa lagu magacaabay Maamulka Deegaanka Jaziira ee Degmada Afgooye kadib markii uu ogaaday baahida loo qabo helidda maamul, halkaasi maamula. Guddoomiyaha ayaa mas’uuliyiinta uu magacaabay waxa ay kala yihiin: Cismaan Maxamed Nuur waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Deegaanka Jaziira degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Xuseen Jilacoow Maxamuud waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee deegaanka Jaziira iyo Maxamed Shuqaale Maxamed oo isna loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee deegaanka Jaziira. Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa kula dar daarmay mas’uuliyiinta loo magacaabay deegaanka Jaziira ee degmada Afgooye inay ka soo dhalaalaan howsha loo igmaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gudiyadda farsamo ee labbada dhinac ee arrimaha wada hadalada ayaa loo kala magacabey. Somaliland. Wasiirka Arrimaha Dibada 1. Yasin Haji Mohamud Hir. 2. Wasiirka Ganacsiga dalxiiska. Mohamud Hassan Sa,ad 3. Ergeyga wada hadalada Somaliland iyo Soomaliya Dr Adna Adan Ismail 4. Wasiirka Xanaanada xoolaha Iyo kaluumaysiga Said Sulub Mohammed 5. Wasiirka Maaliyadda Dr Saad Ali Shire 6 . Safiirka Somaliland ee Jabuuti Ambassador Abdifatah Said Ahmed 7. Xoghayaha Gaarka madaxwaynaha Mubarak Ismail Taani. Soomaliya. 1. Wasiirka Arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdi Maxamed Sabriye 2. Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed 3. Wasiir ku xigeenka areimaha dastuurka Xuseen Cabdi Cilmi 4. Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee fulinta iyo dib u eegista arrimaha dastuurka Maxamed Dahir Afrax 5. Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Sulayman Maxamed Maxamuud. 6.Xildhiban Maryan Carif Qasim 7. Wakiilka ahna la taliyaha sare ee Madaxweynaha Soomaliya Balal Maxamed Cismaan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey hindisaha uu 14-kii bishan soo jeediyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo uu kulan kula yeelanayo madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Qoraal kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu ammaanay qorshahan, oo ay ku sheegeen mid lagu xoojinayo wada-shaqeynta laguna abuurayo heshiis. “Waxaan ugu baaqeynaa hogaamiyayaasha Soomaaliya inay uga faa’iideystaan fursaddan inay isku raacaan hab horey loogu dhaqaajin karo ahmiyadaha qaranka ee taagan, oo ay ku jiraan doorashooyinka, ayaga oo uga faa’iideysanaya shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Waxaan sidoo kale soo dhoweeneynaa dadaalladii kale ee ay sameeyeen wakiilo kala matalayey dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada kuwaas oo gacan ka gaystay inay saldhig u noqdaan wada-hadallada.” Beesha caalamka ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo abaabulo, ayada oo aan dib u dhigsi lagu sameyn, kulamo fool-ka-fool ah iyo kuwa ku dhaca qaab online ah. “Waxaan soo dhoweeneynaa dadaallada socda ee ku wajahan wada-hadalka, dib u heshiisiinta, iyo tanaasulka ay sameynayaan hogaamiyayaasha. Waxaan sidoo kale soo dhoweeneynaa raadinta xal loo helo khilaafyada siyaasaddeed ayada oo ay ka maran yihiin rabshado, oo ay ku jirto arrinta Jubaland,” ayaa lagu yiri qoraalka. Beesha caalamka ayaa sheegtay inay sugeyso horumar deg deg ah oo laga sameeyo arrimaha muhiimka u ah Soomaaliya, ayada oo loo marayo wada-shaqeynta dib uga dhex billaabaneysa hogaamiyayaasheeda. “Waxaan u taagannahay oo diyaar u nahay inaay taageerno dadaallada sare loogu qaadayo siyaasad loo dhan yahay iyo ilaalinta midnimada dalka.” Qoraalkan ayaa waxaa si wada jir ah usoo saaray: *Belgium, Canada, China, Denmark, Egypt, European Union, Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority on Development, Italy, Ireland, Kenya, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, Switzerland, Uganda, United Kingdom, United States, United Nations.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shirka maalintii labaad Jabuuti uga socda dowladda dhexe iyo Somaliland ayaa guul u rajeeyay Shirkaasi. Guddiga farsamada labada dhinac oo maanta uu bilaabmay fadhigoodii ugu horeeyey ayaa madaxweyne Farmaajo dardaaran dhaxal gal ah u soo jeediyey isaga oo caddeeyey in guddigu ay haystaan kalsooni buuxda oo ay kaga talo bixiyaan masiirk dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa sheegay in ifafaale shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku qabaan gogosha uu fidiyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wada-hadallada marti-gelinaya. Madaxweynaha oo ay weheliyaan xubnaha Wefdigiisa ayaa la wadaagay Madaxdii kulanka ka soo qeyb gashay iyo beesha caalamka sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in wadahadal maan furan oo miro dhal ah lagu xalliyo Soomaalland. Halkaan ka daawo Khudbaddiisa PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Shirka Jabuuti lagu xallinayo Tabashada Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa goordhoweyd war kasoo saartay kulanka Wada-hadalada Somaliland ee ka socda dalka Jabuuti oo maanta galay wajigii labaad. Villa Somalia ayaa shirka Wada-hadalada ku tilmaamtay mid ah ‘dhab u heshiinta DFS iyo Somaliland’, xili ay Somaliland mowqif adag ka taagan tahay ‘midnimo dib u dhalata’. Madaxweynaha Soomaaliya oo shirka maanta hadal ka jeediyay shirkaasi ayaa dar-daaran dheer ujeediyay guddiga farsamo ee lagu wareejiyay Wada-hadaladaasi, isaga oo ballan-qaaday in dowladda federaalka ay xalineyso tabashada Somaliland. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhigiisa dalka Jabuuti uga mahad-celiyay kaalinta uu ku lahaa wada-hadalada dib uga furmay dalkaasi maalintii shalay aheyd. Farmaajo ayaa guddigaasi ku wareejiyay awooda Wada-hadaladaasi, isagoona xusay inuu kalsooni badan ku qabo sidii ay uga talin lahaayeen masiirka umadda kala maqan 30-ka sanno. “Shirkan inshallaah waxaan rajaynaynaa in uu noogu dhammaado guul oo aan uga farxinno shacabkeenna Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaan ka hadlaynaa sidii loo walaaloobi lahaa, wax loo wada qabsan lahaa, si dhab ah loo wada hadli lahaa, soddon sano waan wada joognay, soddon sano waan kala maqnayn, soddonka sano ee soo socda caruurteenna maxaan uga tagnaa oo dhaxal ah?” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Wuxuuna intaas kusii daray “Annagu waan idin siinnay kalsoonidayada dadkii ugu aqoonta badnaa ayaad tihiin Soomaalida, waxaa loo baahanyahay in aad ka fakartaan mustaqbalkeenna soddonka sano ee soo socda, waxaan idiin rajaynaynaa guul, waxaan idiin rajaynaynaa is afgarad walaaltinimo ku dheehan”. Madaxweynaha ayaa muujiyey ifafaalaha shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku qabaan gogosha ay fidiyeen walaalaheenna dalka Jabuuti shacab iyo dowladba, maadaama ay baal dahab ah kaga jiraan dowlad dhiska dalkeenna iyo garab istaagga shacabkeenna Soomaaliyeed. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay madaxdii kulanka kasoo qeyb gashay iyo beesha caalamka sida dowladda federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in wadahadal maan furan oo miro dhal ah lagu xalliyo tabashada Somaliland.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda daah furka go’aamadii shirka dhab u heshiisiinta DFS iyo Somaliland ayaa u rajeeyey in shirkani uu guul, walaaltinimo iyo wax wada qabsi ku soo gaba-gaboobo. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-10.mp4 Source: goobjoog.com
-
Wejigii labad ee Wada-xaajoodka u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaliya iyo maamulka Somalilamd ee shalay ka furmay Waddanka Jabuuti ayaa maalintii labaad galay. Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa guddida farsamo ee wada-hadalada loo saaray kula dardaarmay in runta laga-wada hadlo islamarkaana, loo baahan yahay in shirkaasi guulaysto oo arrima Wax ku ool ah ka soo baxaan. “Dhankayaga waxaanu halkan la nimi run, wixii aanu dhibaato u aragno in aanu sheegno, wixii Soomaali u dan ah ee aanu ka fursan waynayna waanu la nimi, Walaalahayo waxaanu u sheegaynaa si walaaltinimo ah waxaanu diyaar u nahay inaanu dhegaysano rayiga naga duwan ee kaayaga ka kafog in aanu dhegaysano” ayuu yiri madaxweyne Biixi. “Shalay arrintu waxay ahayd Madaxweynayaashii baa shiray oo hadlay oo la dhegaysanaayey, masuuliyadii waanu soo wareejinay guddidan wasiirada ah baa lagu soo wareejiyey annagu tilmaantayadii waanu dhamaynay, maanta waxaa lasoo eegayaa guddida farsamo ee halkan ku hadhay inay keento maxaaa inoo dan ah maxaa ugu dhow ee aan ku heshiin karnaa”. Hoos ka daawo Khudbaddiisa PUNTLAND POST The post Muuse Biixi: Wixii Soomaali dan u ah oo aan ka fursan wayno waan samayn appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta la hadlayay Xildhibaanada Puntlanf wuxuu sheegay in Puntland ay soo dhaweynayo wax alaale iyo wixii Umada Soomaaliyeed [...] The post Madaxweyne Deni ‘Puntland wareersan waa cadyahay, Shir aanaan qayb ka ahayn wixii kasoo baxa ma ogolin” appeared first on . Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta khudbadiisi labaad ka jeediyay kulanka wada-hadalada ee ka socda dalka Jabuuti, oo galay wajigiisi labaad. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in shirka wada-hadalada ee ka socda Jabuuti ay qeyb ka noqon karaan qofkasta oo Soomaali ah, maadama uu xusay in looga tashanayo aayaha umadd Soomaali ah. Madaxweyne Biixi ayaa si cad u sheegay in loo baahan yahay in xal waara la gaaro, kaasi oo ku dhisan waaqica jira, isagoona carabka ku adkeeyay gooni isu-taaga ay ku doodo Somaliland ee mudada badan ay aqoonsiga u baadi-goobeysay. Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu ka dhawaajiyey in lagama maarmaan tahay in la fuliyo waxkasta oo lagu heshiiyo, isla markaana la meel mariyo, taasi oo mid miro dhala ka dhigeysa wada-hadalada labada dhinac. Madaxweynaha ayaa sheegay inuu diyaar u yahay dhageysiga madaxda Soomaaliya iyo arrinta ay la imaadan miiska wada-hadalka, iyada oo uu meesha ka saaray in midnimo keligeed gacmaha la isku qabsan karo. Muuse Biixi ayaa ku cel-celiyay inay muhiim tahay xiligan in la heshiiyo oo wax meel la isla wada dhigo, si horumar loo wada sameeyo dhamaan iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed. Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xili uu shalay furitaanka shirka ka hor cadeeyay mowqifka gooni isu-taaga iyo tabashada ay ka qabaan dowladda federaalka, midaasi oo ku qotontay in si madax-banaan ay beesha caalamku deeqeheeda ugala tacaamusho Somaliland.
-
Mandheera (Caasimada Online) – Warbaahinta Kenya ayaa daabacday in sarkaal ka tirsan ciidamada booliska Kenya lagu dilay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen xarun ay tuulada Waranqara ku leedahay shirkadda Safaricom. Wararka waxey intaas ku darayaan in laba qof oo kale ay ku geeriyoodeen weerarka, sidoo kalana uu canug yar dhaawac kasoo gaaray. Saraakiisha ciidanka waxey warbaahinta maxaliga ah u sheegeen in labada qof ee la dhintay Askariga booliska ah ay ka mid ahaayeen kooxaha weerarka soo qaaday, xarunta la weeraray ayaana ku taalla xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya. Mid ka mid ah saraakiisha amaanka ismaamulka Mandheera oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney iska caabiyeen kooxahii weerarka soo qaaday, walow uu diiday inuu faah-faahin dheeri ah weerarka ka siiyo. Dhinaca kale Al-Shabaab waxey sheegteen masuuliyadda wixii ka dhacay tuulada Waranqara, balse war ka duwan midka saraakiisha amaanka Mandheera ayey kusoo qoreen warbaahinta afkooda ku hadasha. Waxey sheegeen iney saddex askari oo keenyaan ah ku dileen weerarka, sidoo kalana ay dagaalyahanadooda qabsadeen goobtii ay weerareen.
