Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Djibouti president Ismail Omar Guelleh has confirmed the meeting between Somalia and Somaliland leaders. According to him, the two leaders are set to meet on Sunday June 14 in Djibouti. The date is contrary to earlier reports that the meeting was scheduled to take place in the coming week. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed is also expected to be part of the meeting. Tomorrow in Djibouti, I will chair a meeting between President Mohamed Abdullahi Farmajo and President Moussa Bihi Abdi to follow up on the mediation efforts between the two leaders. I have also invited Prime Minister Abiy Ahmed to attend the discussions.— Ismail Omar Guelleh (@IsmailOguelleh) June 13, 2020 Somalia, Somaliland leaders to meet in Djibouti next week President Abdullahi Mohamed Farmaajo of Somalia will meet with Somaliland leader Muse Bihi next week in neighbouring Djibouti, multiple sources have confirmed. The meeting follows an invitation from the Djiboutian president Ismail Omar Guelleh. Reports say there will be representatives from the African and European Unions, United States and Ethiopia joining the meeting. “Agenda for the summit between the two leaders has not been released but according to sources the two main topics of discussion will be to build confidence between the two sides and start a process that can lead to a negotiated settlement,” VOA journalist Harun Maruf said in a tweet. “If the summit takes place it will be historic event. In a matter of days, Somalia and Somaliland will both mark the 60th anniversary of independence from the British and Italian colonies,” he added. The two leaders met in Addis Ababa in February this year. A planned follow-up meeting in Somaliland, engineered by Ethiopia PM Abiy Ahmed, failed to materialize due to stern disagreement by political actors in Hargeisa, the Somaliland capital. In between the two incidents, President Farmaajo admitted a dark chapter in Somaliland under the regime of Siad Barre. He was speaking at a judicial conference where he averred that the civil war didn’t start in 1991 but well before that claiming many lives in northern regions (Somaliland). “We are here now, what is needed is where we go from here, it is go towards justice. What is needed is acknowledgment in seeking forgiveness for the bad things that have happened, to correct the dark chapter in our history, which means to express regret for the suffering in the north. “To express regret, to apologize to our brothers, those who died and those maimed, to say to them that what happened was bad history, it is in the past. Indeed what happened there was not like the south invading the north, it was not based on clan, it was a government system that existed at the time. “As the head of State, to express regret, and to convey our apologies to our northern brothers and you join in that regard with me.” Qaran News
  2. Shir labo beelood maalmihii tagay uga socday deegaanka Bandiiradley ee gobolka Mudud ayaa maanta laga gaaray heshiis hordhac ah, iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed, labada dhinac ayaa isla gartay in nabad iyo xasilooni logu soo dabaalo deegaanka. Colaadda beelahaan ayaa soo taagneyd mudada dheer oo gaareysa 40 sano sida lagu xusay bayaanka ayaa in xal laga gaaro waxaa horseed ka ahaa isimada labada dhinac iyo xubno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Wajiga labaad oo lagu dhameystirayo heshiiska ayaa lagu wadaa in 20 June 2020-ka uu ka dhaco deegaanka Goldogob ee gobolka Mudug, Halkaan Ka Akhriso War-murtiyeedka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka hadlay kulanka lagu wado inuu maalinta berri ah uu dalka Jabuuti uu ku dhex-maro Madaxweynaha Soomaaliya iyo midka Somaliland. Puntland ayaa markale ku celisay dalabkeedii ku aadana ka qeyb gelida wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoona kulanka berri ku tilmaamtay ‘mid aan waxba soo kordhineyn’. Afhayeenka Madaxweynaha Puntland, Jaamac Dabaraani ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu bartiisa Facebook uu ku baahiyay, isagoona hoosta ka xariiqay inay Puntland u qalanto in door laga siiyo wada-hadaladaasi. Afhayeen Dabaraani ayaa sheegay in Puntland ay tahay maamulka keliya ee Somaliland la leh xuduuda, isla markaana ay tahay in door laga siiyo wada-hadaladaasi, iyadoo laga duulayo ku shaqeynta midnimo dhab ah. Dabaraani ayaa ku doodaya in madaxda maamulkiisu ay qeyb ka noqdaan kulankaasi, isagoona taasi badalkeeda haddii ay dhacdo ku sifeeyay mid aan masiiri aheyn oo laga leeyahay dano siyaasadeed. “Wadahadal Soomaaliya iyo Somaliland ah oo aan Puntland door lagu siin anigu magaran karo ujeedka laga leeyahay, waayo cidd ay xuduudu ka dhexeeyso waa Puntland iyo Somaliland” ayuu ku yiri qoraalkiisa Afhayeen Dabaraani. Wuxuuna intaas sii raaciyay “Marka hadii la rabo inay wax hagaagaan oo midnimo dhab ah laga shaqeynayo waa in Masuuliyiinta Puntland, oo ay ku jiraan siyaasiyiinta Puntland ku metela Sanaag, Sool iyo Ceyn ay ka qeyb galaan wadahadalka, hadii kale waxaa uu wadahadalku ku sifoobaya mid aan masiiri aheyn oo dano siyaasadeed uun laga leeyahay.”
  4. Degmada Boosaaso ayaa maanta oo Sabti ah laga daahfuray barnaamij loogu magacdaray maamul daadejin oo magaalada loogu qeybiyay Afar xaafadood oo waaweyn. Furitaanka barnaamijkan, waxaa ka qeybgalay wasiiro ka tirsan Puntland, maamulka gobalka Bari, kan degmada Boosaaso iyo qaar ka mid ah qeybaha kale duwan ee bulshada Boosaaso. Afarta xaafadood ee magaalada Boosaaso loo qeybiyay ayaa kala ah, Banderqaasim iyo Baalade oo dhanka Waqooyi ah iyo Buur-cad iyo Biyo-kulule oo dhanka Bari ah. Maamulka degmada Boosaaso ayaa sheegay in u jeedada barnaamjikan loo hirgaliyey ay tahay, sidii bulshadu si fudud ugu heli lahayd adeegyada dowladda. Magaalada Boosaaso oo horay u hayd Lix iyo Toban xaafadood ayaa xaafadaha qaar waxaa ku adkaatay in ay adeeyada dowladda u soo doontaan xarunta degmada oo ku taalla bartahama magaalada. Magaalada dekada leh ee Boosaaso oo ah isha dhaqaalaha Puntland ayaa 22 sano ee dambaysay si weyn u kobocday. PUNTLAND POST The post Boosaaso oo loo qeybiyay Afar xaafadood appeared first on Puntland Post.
  5. Wasiirka Amniga Gudaha, wasiirka Dekedaha iyo kaluumaysiga, wasiirka Bay’ada iyo horumarinta reer Miyiga iyo saraakiil kale ayaa maantay booqasho ku tagay xerada Dhaanka-roone ee dhacda duleedka Galbeed ee Galinsoor iyo xero kale oo ku taalla duleedka Cadaado. Wafdiga wasiiradaa ayaa qorshaynaya wajiga labaad ee xareynta maleeshiyaadka iyo gaadiidka dagaal ee ay wataan kuwaasoo qeyb ka ah hawlgalka tababarka Ciidamada daraawiishta Galmudug. Wasiir Axmed Macalin fiqi iyo wafdiga la socda ayaa maalmihii dambe deegaannada Galmudug ka waday wajiga koowaad ee xareynta maleeshiyaadka iyo hubkooda, oo wasaaraddu sheegtay in tababar iyo dhaqan celin loo sameyn doono si ay uga mid noqdaan dhismaha ciidamada maamulka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Farmaajo isagoo aan heynin Jubbaland iyo Puntland ma ku saxanyahay inuu raadiyo Somaliland ?. Halkan ka daawo Warbinta The post Warbixin : – Wadahdalada Farmaajo ee Somalia iyo Somaliland waa Siyaasad u muuqata is maqiiq iyo dafiraad lagu sameynaayo xaalada murugsan ee Dalku ku sugan yahay appeared first on . Source
  7. George Floyd, oo ahaa nin ka tirsanaa Bushada Madow ee Mareykanka, dilkiisana uu dhaliyay dibadbaxyo gilgilay guud ahaan Mareykana iyo qeybo ka mid ah dunida, ayaa Talaadadi shalay lagu aasay magaalada uu ku dhashay ee Houston. Xubno ka tirsan qoyskiisa, asxaabtiisa, siyaasiyiin, shakhsiyaad u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda rayidka iyo dad caan ka ah Mareykanka oo intooda badan xirnaa dhar cad cad afkana uu u daboolnaa, ayaa ka qeybgalay kana hadlay munaasabadda lagu macsalaameeyay Floyd. Al Sharpton oo ka mida dadka ugu caansan ee u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda madaniga Mareykanka, ayaa munaasbadda ka sheegay in George Floyde uu baddalay adduunka. Floyd ayaa dhintay 25-kii May, kaddib marki uu qoorta kaga istaagay askari caddaan ah oo ka tirsanaa qeybta booliska ee magaalada Minneapolis, kaasoo marki danabana shaqada laga eryay lana xiray. Qof waddada marayay ayaa muuqaal ka duubay dhacdada. Muuqaalka ayaa laga maqlay Floyd oo dhahaya ‘ma nefsan karo’, ‘ha iddiin’ iyo ‘maama’. Muuqaalkaasi ayaa kiciyay bannaanbaxyo rabashado watay oo lagu dalbanayo caddaaladda iyo in boolisku uu dhowro xuquuqda dadka madoow. Brooke Williams oo ah gabadh uu abti u yahay George Floyd ayaa munaasabaddi aaskiisa shalay ka sheegtay, in ay neefsan karto isla markaana inta ay neefsaneyso ay ka shaqeyn doonto sidii uu Floyde caddaalad u heli lahaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay oo galabta socdaal dhanka dhulka ah ku gaaray magaalada Af-barwaaqo ee gobolka Mudug iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay. Wafdiga Madaxweynaha oo ay qeyb ka ahaayeen xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweyne Qoorqoor ayaa maalmihii lasoo dhaafay socdaal uu ugu kuur gelayo xaaladda deegaannada Galmudug ku marayay qeybo kamid ah degmooyinka iyo tuullooyinka dowlad goboleedka Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Madaxweyanaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa xaqiijiyay kulanka rasmiga ee u dhaxeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo Iyo Muuse Biixi Cabdi. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-geele.mp4 Source: goobjoog.com
  10. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta looga digay inuu marnaba ka tanaasulo qadiyada gooni goosaadka ah ee Somaliland ay 29-ka sanno ka badan u weyday ictiraafka. Xisbiga Waddani ayaa ka digay in marnaba lagu gor-gortamo madax-banaanida ay ku doodo Somaliland, xili ay socdaan qorshayaal lagu rabo in wada-hadaladaasi kasoo baxaan midnimada Soomaaliya. Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdirisaaq Khaliif ayaa sheegay in xisbigooda uu si buuxda u taageersan-yahay kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi ku dhex-maraya Jabuuti, balse uusan aqbaleyn in laga tanaasulo qaranimada Somaliland. Cabdirisaaq Khaliif ayaa aaminsan in kulanka Jabuuti ay uga faa’iideysato sidii ay qadiyadeeda ugu soo bandhigi laheyd miiskaasi oo ay goob joog ka tahay beesha caalamku. Digniinta Waddani ayaa kusoo aadaysa xili uu socdo qorshe lagu rabo in dib loogu soo celiyo midnimadii Soomaaliya, kaasi oo la sheegay inay dabada ka riixayaan Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya. Somaliland ayaa muddo ka badan 29-sanno ku dooda inay ka go’day Soomaaliya, walow aysan beesha caalamka ka helin aqoonsi buuxa oo loogu ictiraafo dal madax-banaan. Kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri ah ka furmo dalka Jabuuti, sida uu shaaciyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyada oo uu qeyb ka yahay Ra’iisal wasaare Abiy Axmed oo isagu door weyn ka ciyaaray dib u furista wada-hadalada.
  11. Waxaa lagu wadaa in dalka Djibouti uu safar ugu ambabaxo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ay la socdaan ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre, guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal, wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Sabriye iyo xubno kale . https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-5.mp4 Source: goobjoog.com
  12. PRESS RELEASE African Development Bank COVID-19 response: moving from commitment to action As of June 12, the Bank’s COVID-19 emergency packages have reached the continent’s five geographic regions ABIDJAN, Ivory Coast, June 13, 2020/ — The African Development Bank (https://www.AfDB.org) has responded swiftly to the needs of its member countries during the ongoing COVID-19 pandemic. The Bank’s operations have continued to run smoothly since the first cases appeared in early March, despite the wide range of lockdowns and measures imposed by governments to flatten the curve. The COVID-19 pandemic is forecast to cause Africa’s GDP to drop by between $22.1 billion and $88.3 billion. African countries, with the experience of having fought off Ebola, are working to adapt to this new threat and looking to the Bank for an effective, multilateral response to the crisis. As of June 12, the Bank’s COVID-19 emergency packages have reached the continent’s five geographic regions. West Africa Before the advent of the COVID-19 pandemic, West Africa was home to at least four of the continent’s fastest-growing economies, and it has felt the impact of the disease hard, as borders remain closed and economic and social distress deepens. Gambia, Mali and Niger will benefit from an ECOWAS support package to bolster national health systems in response to the pandemic. Much of the funds to this region will seek to address shortages in personal protective equipment (PPE), ventilators and other emergency equipment. The support will also enable governments to provide shortfall cash to the millions of people who have been affected by mass layoffs or are unable to work because of lockdowns. Nigeria – 288.5 million euros Senegal – 88 million euros Côte d’Ivoire – 75 million euros Cabo Verde – 30 million euros ECOWAS – $22 million North Africa The North African region is the worst hit by the COVID-19 pandemic, with over 60,000 cases as at 12 June. The disease has already triggered a sharp drop in household incomes in North Africa, as export and tourism earnings suffer. The region will be assisted with a series of emergency operations to boost containment measures and help to ensure the supply and distribution of laboratory tests and reagents. The package will also support national and regional coordination mechanisms. Morocco – 264 million euros Tunisia – 180 million euros Egypt – $500,000 East Africa East Africa, the continent’s fastest-growing region economically, has been simultaneously struck by the coronavirus outbreak and an infestation of desert locusts, a double whammy for the region’s farmers and economies. In a region of climate change and water scarcity, post-harvest losses and poorly developed agricultural markets could threaten the promise of economic reforms and investment. Ethiopia, Kenya and Rwanda are the top-performing countries, which have all seen a sharp fall in tourism revenue. Kenya – 188 million euros Southern Africa A decisive lockdown has been effective in stemming the spread of COVID-19 in the region’s economic powerhouse, South Africa. The spread of the virus is by no means curtailed. Measures taken across the region to contain the pandemic have affected millions of people, many of whom work in the informal economy. Assistance to this region comes in the form of preventive and protection measures as well as financial assistance to the vulnerable beyond the end of the epidemic. Mauritius – 188 million euros Zimbabwe – $13.7 million Central Africa In Central Africa, Cameroon has reported over 8,000 cases as at 12 June and significant community transmission. The package approved for this region, $13.5 million, will target the provision of PPEs, testing kits and healthcare and laboratory facilities, for Chad, the Democratic Republic of Congo and the Central African Republic, which is among the countries with the least number of ventilators on the continent. CEMAC/RDC – $13.5 million Timeline of COVID-19 support: The Bank’s rollout of emergency response support to assist African countries began in March and has provided a package of financial relief and preparedness and response assistance. March 27: The Bank raised $3 billion from the Fight COVID-19 Social Bond, the largest dollar-denominated social bond ever launched in international capital markets. Proceeds from the bond, with a three-year maturity, will help alleviate the impact of the pandemic on livelihoods and Africa’s economies. April 2: The Bank provided $2 million in emergency assistance to the World Health Organisation (WHO) to bolster the capacity of member countries on infection prevention, testing and case management. WHO Africa will also boost surveillance systems, procure and distribute laboratory test kits, and support coordination at national and regional levels. April 8: The Bank announced a COVID-19 Response Facility that will provide up to $10 billion to African governments and the private sector to tackle the disease and mitigate suffering that results from the economic downturn and job losses. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
  13. Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa maanta kulan la yeeshay wakiilka guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan. Wasiir Islow iyo James Swan ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka, wada-shaqeynta labada dhinac iyo u diyaargarowga sugidda amniga xilliga doorashooyinka. “Waxaan maanta kulan la yeeshay wakiilka xoghayaha guud ee Q/Midoobay James Swan oo aynu ka wadahadalnay xaaladda dalka, wada-shaqeynta labada dhinac iyo u diyaargarowga sugidda amniga xilliga doorashooyinka,” ayuu yiri wasiir Ducaale. Goobjoob News Source: goobjoog.com
  14. Madaxweynaha Djibouti ayaa sheegay inuu berri shir guddoomin doonno wada hadal dhex mara Madaxweyneyaasha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Somaliland Muuse Biixi. “Berri waxaan shir guddoomin doona kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Biixi oo lagu daba socdo dhexdhexaadinta labada hoggaamiye. Waxaan wada hadalka ku casuumay ra’isul wasaare Abiy Axmed” ayuu yiri madaxweyne Geelle. Berri ayaa waxaa lagu wadaa in wadanka Jabuuti uu ka furmo wada hadal ay markale dib isugu Soomalaiya iyo Somaliland kulankaan ayaa ka duwan kulamadii hore waxaana ka qeyb galidoona hoggaanka labada dinac. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si rasmi ah uga hadlay kulanka la filayo inay dalkiisa ku yeeshaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Madaxweyne Geelle oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa twitter-ka, ayaa sheegay in kulanka uu dhici doono berri, islamarkaana uu sidoo kale qeyb ka noqon doono ra’iisul wasaare Itoobiya Abiy Ahmed. “Berri, waxaan dalka Jabuuti ku guddoomin doonaa kulanka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, si aan horey ugu sii wado dadaallada dhex-dhexaadinta labada hoggaamiye. Waxaan sidoo kale ku casuumay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed inuu ka qeyb-galo wada-hadallada,” ayuu yiri madaxweyne Geelle. Tomorrow in Djibouti, I will chair a meeting between President Mohamed Abdullahi Farmajo and President Moussa Bihi Abdi to follow up on the mediation efforts between the two leaders. I have also invited Prime Minister Abiy Ahmed to attend the discussions. — Ismail Omar Guelleh (@IsmailOguelleh) June 13, 2020 Madaxweyne Geelle ma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer oo ku saabsan wada-hadallada. Si kastaba, xog aan helnay ayaa sheegeysa in wada-hadallada ay gadaal ka riixayso dowladda Mareykanka, waxaana sidoo kale qeyb ka ah Midowga Yurub. Waxybaaha la filayo in kulanka ay kasoo baxaan ama heshiis looga gaaro, ayaa waxaa ka mid ah in dowladda federaalka ay dib u fasaxdo qeybo ka mid deeqdii beesha caalamka ay usoo marin jirtay Somaliland, oo muddo xayirneyd. Soomaaliya iyo Somaliland ayaa dhowaanahan waxaa u socday wada-hadallo hoose, sida uu kulankii Golaha Ammaanka ka sheegay ergeyga QM James Swan oo xaqiijiyey in labada dhinac ay leeyihiin xiriir joogto ah. “Marka ay noqoto xiriirka Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa na dhiiri-gelinaya in wada-hadallo heer sare ay socdaan, islamarkaana labada dhinac ay muujiyeen inay ka go’an tahay inay joogteeyaan xiriirka ayna sii raadiyaan wada-xaajoodyo dheeraad ah,” ayuu yiri James Swan.
  16. Abdulrahim Abby Farah My hometown, Barry, is a remarkable place which has produced some remarkable people. Former Plaid Cymru leader, Gwynfor Evans, was named the 4th most important Welsh person of the last Millennium. The story of Gareth Jones, who wrote about Stalin’s man-made famine in the Ukraine, has recently been turned into a Holywood film. But few in Wales could tell you much about Abdulrahim Abby Farah, the man from Barry who became a senior United Nations diplomat, leading the 1990 UN Mission that oversaw the dismantling of South Africa’s apartheid state. Farah was born in October 1919, the year of the Race Riots; only weeks after the murder of Chilean sailor, Jose Martinez, on a neighbouring street to Thompson Street where Farah was raised. His mother, Hilda Anderson, ran a boarding house while his Somali father, Abby Farah, was a sailor and entrepreneur. The young Farah attended Gladstone Primary School and Barry County Grammar School, while his parents were amongst a group which founded the multiracial Domino’s Club on Thompson Street. Most of the street was later erased in clearances of the Barry Docks area running south of Holton Road, a less famous and less romanticised version of Cardiff’s Tiger Bay. His father was a member of Thompson Street’s Colonial Club Committee and awarded an MBE for his wartime support for international sailors. As a seventeen-year-old, Farah was sent to Hargeisa, in British Somaliland, where he became a clerk and then magistrate with the British Colonial Services, fighting in World War Two as a commando for British Forces in East Africa. After the War, he graduated from Exeter and Oxford in civic administration, before returning to the horn of Africa, where he spent the 1950s working in the Trust Territory of Somaliland, the Italian administered territories which had Mogadishu as a capital. The independent Somali Republic in 1960 was formed by the merger of the two British and Italian protectorates, the British Somaliland in the north understandably being the region with closest links to Wales. In 1961, Farah became the Somali ambassador to Ethiopia, then under the rule of Emperor Haile Selassie. This was perhaps the biggest role for a Somali diplomat – as the two neighbours continued an ongoing border dispute over the Ogaden region, considered part of a ‘Greater Somalia’. He represented the new country at the Organisation of African Unity and to the United Nations Economic Commission for Africa. In 1965, he became the permanent representative of Somalia to the United Nations, a post he held until 1972. During that era he served as Acting Director of Somalia’s Ministry of Foreign Affairs and, in 1969, became the Chair of the recently formed UN Special Committee on Apartheid, created by UN resolution 1761. Many Western countries did not participate in the committee’s early years because they would not support an economic boycott of South Africa. Somalia underwent regime change from 1969 onwards. Mohamed Siad Barre’s revolution declared Somalia a socialist state, and it appears that Farah, who was linked with the previously elected Somali Youth League, took a backseat in terms of Somali domestic politics. Barre led Somalia to a disastrous war with Ethiopia in 1977-78, and the 1980s civil war and attempted genocide brought about the 1991 Somaliland declaration of independence for the north, the former British colony. Since that time, Somaliland has self-governed, whilst the remainder of Somalia is frequently described as a failed state lacking in democracy and governance. Internationally, Farah continued his work. He is credited with arranging the UN’s meeting in Ethiopia’s capital, Addis Ababa, in 1972 – the first time since the permanent location in New York was established in 1952 that they had met elsewhere. He was President of a six-day UN Security Council meeting on ‘Questions relating to Africa’, alongside Umar Arteh Ghalib, with votes taken on resolutions about independence for Namibia, criticism of South Africa’s apartheid regime and ongoing repression in Portuguese territories in Africa. Writing in 1974 on apartheid, he began his case by arguing that: “The existence of the Government of South Africa’s apartheid policy which is racism in its most extreme form — is a challenge of the same moral order as slavery in the eighteenth century, or the Nazi persecution of the Jews in the twentieth century.” This was a diplomat who wasn’t sat on the fence. Back in New York, Farah continued to work within the United Nations, becoming first an Assistant Secretary-General for Special Political Questions between 1973 and 1978 before becoming the Undersecretary General from 1979 until 1990. In 1990, Farah led the UN Mission on ‘Progress made on the Declaration on Apartheid and its Destructive Consequences on South Africa’, effectively the dismantling of South Africa’s apartheid state, meeting the newly freed Nelson Mandela, South African President F W de Klerk, and completing the work of several decades of campaigning at international non-governmental level. In ‘retirement’, Farah helped to start the Partnership to Strengthen African Grassroots Organisations, Pasago, which he chaired, and established a hospital for landmine victims in Somalia. Abdulrahim Abby Farah died in New York in May 2018, aged 98 years old. In writing this brief biography, I make no claim to be an expert on Abdulrahim Abby Farah. If I have misunderstood or misinterpreted his aims, goals or beliefs, I apologise, and am happy to be corrected so that our understanding of him can be improved. But that is perhaps my point: how is a man who clearly achieved so much in the world, remain so unknown in the country in which he was born and raised? I also offer no expertise in Somali politics, but hope that readers will recognise the importance of Cardiff-based organisations the Hayaat Womens Trust and the Somaliland Mental Health Organisation, and also reflect on how little most of us know about Somalia considering its centuries-long relationship with our communities in Wales. Source: Nation Cymru The post Abdulrahim Abby Farah: The most important Welshman you’ve never heard of appeared first on Puntland Post.
  17. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa goor dhawayd xafiiskiisa kula shiray madaxda labada xisbi qaran ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysay Cali Waraabe. Madaxweynaha ayaa labada guddoomiye kala xaajooday qorshaha wadahadallada labada dhinac Soomaaliya Somaliland uga furmi doona maalinta berrito ah dalka Jabuuti. Xisbiga Waddani ayaa soo dhaweeyay go’aanka madaxweynaha ee ah ka qayb galka shirkaas, waxaanu xisbigu sheegay in ay Madaxweynaha u daba fadhiyaan hawlaha wadahadallada” Waxaanu u aragnaa wax kasta oo danta qaranka Somaliland lagu raadinayo iyo gole kasta oo danta qarana Somaliland laga raadinayo in laga qayb galo. Maandhaytkaa waxaa iska leh xukuumada marba markaa joogta, iyadaana laga rabaa hawshaa iyada ah cidii ay kala maarmi weydo ay u yeedhato oo ay waydiiso wixii talo ah ee ay waydiinayso iyada oo ilaalinaysa xeerarka iyo qawaaniinta dalka u yaal” ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga Waddani, Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo BBC-da la hadlay. Dhanka kale, guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa isagu ku dooday in aan arrimaha culayskaa leh aanu Madaxweynuhu keligii go’aankooda lahayn oo ay lagama maarmaan tahay in ay ka qayb galaan” Dawladda Soomaaliya ee maanta lala kulmayaana aanay ahayn dawlad mutaysatay in lala kulmo ayaan u arkaa, markaa guud ahaan kama soo horjeedno in Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlaan hase ahaatee dawladda hadda joogta ood ogtahay dhibaatooyinka ay la raadiyeen Somaliland iyo heshiisyadii ay ka baxeen, iyo kii u dambeeyey ee ninkaa arimaha dibada u qaabilsan wixii uu ku hadlayey in la horfadhiistaa waxaan u aragnaa in ay tahay guul darro ku timi Somaliland. ayuu yiri guddoomiywe Faysal Cali Waraabe xili uu la hadlayey BBC-da. Hadallada aka soo yeeray guddoomyayaasha mucaaradka Somalilanda ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo la filaayo in maalinta barito shir labada shinac ah lagu wado inuu ka furmo wadanka Jabuuti. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Ummada Soomaaliyeed cirif ilaa cirif colaad iyo dhibaatooyin badan ayay soo mareen, kuwaas oo ay qaarna gaysteen nidaamkii keligii taliska ahaa, qaarna ahaayeen wixii laga [...] The post Farax Maxamuud Aw Cusmaan : – Aragtidayda Wada hadalka Farmajo iyo Muse Bihi waa ! ” Ninkii tiisa daryeelaa, tu kale ku dara” appeared first on . Source
  19. Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa la filayaa inay toddobaadkan ku kulmaan magaalada Djibouti ee dalka Djibouti. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala. Ma jiro war rasmi ah oo ay Hargeysa iyo Muqdisho ka soo saareen warkan kulanka labada madaxweyne, laakiin warku wuxuu sheegay in wada hadalkan oo uu soo qaban qaabiyay safiirka Maraykanka ee Muqdisho danjire Donald Yamamoto uu ka furmi doono dalka Djibouti oo ay labada madaxweyne isku horfadhiisan doonaan, waxaana kulanka martigeliyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele. Danjire Donald Yamamoto ayaa isna goob-joog noqon doona. Labada madaxweyne ayaa kala hoggamin doona laba wefti oo culus oo ka kala ambabixi doona Hargeysa iyo Muqdisho. Waxa iyaguna kulanka ka qayb geli doona oo lagu martiqaaday Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed, diblomaasiyiin ka kala socota Ingiriiska, Faransiiska iyo Jaamacadda Carabta. Waa shirkii u horeeyay ee miisaankan leh ee ay isku horfadhiistaan Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, waxaanay kulan hore oo koobnaa ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya bishii February ee sanandkan. Geeska Qaran News
  20. (SLT-Hargeysa)-Gabadh yar oo da’deeda lagu sheegay 13jir ayaa lagu kufsaday Xarunta Agoomaha Hargeysa, sida ay barteeda facebook ku baahisay weriye Salma A Sheikh. Kufsiga gabadhan ayaa ahaa mid joogta ah, iyadoo haatan uur leh. Wararka la xidhiidka kiiska gabadhan yar ayaa sheegaya in ku dhawaad 5 wiil loo xidhay. Waxaana kiiskani uu dhacay ku dhawaad 6 bilood ka hor. Waxaa iso soo taraaya kiis gabadh yar oo 13 sano jirta oo mudo ku xareysneyd Xarunta Agoomaha Hargeysa kadib markii labadeeda waalid ay daryeeli kari waayeen iyada iyo laba caruur ah oo walaalaheed ah. Kiisa gabadhan yar ayaa lagu soo warinayaa in ay kufsadeen tiro rag isla markaana ay hada tahay xaamilo uur 5 bilood ah leh. Gabadhan yar oo aanan magaceeda iyo astaamaha lagu garan karo aanan muujineyn madaama ay tahay weli ilmo aan qaangaadhin waxa aan ugu yeedhi doonaa kaliya gabadh yar. Waxaa ilo xog’ogaal ahi sheegayaan in gabadhan yar ee da’deedu 13 ka sano tahay mudo dheer si joogto ah (caadeysi) loogu kufsanaayey Xarunta Agoomaha Hargeisa iyo iskuulka caruurtu ay wax ka barato. Kadib markii uurkeedu soo baxayna ay qasab noqotay in la ogaysiiyo bileyska dalka oo uu taliyaha ciidanka bileysku amar ku bixiyo in lasoo qabto dadka ay markaa magacowdey ee kufsiga joogtada ah ku sameeynaayay gabadha yar. Ilaa hada waxaa xabsiga ku jira oo saaka lay cadeeyey 6 nin/wiil oo la sheegaayo inay yihiin inamadii kurayda ahaa ee markaa Xarunta Agoomaha ku jirey. Waxaa ilo xog’ogaal ah oo wareysi la yeeshay gabadha yar iyo aabaheedba ay sheegayaa inay gabadha yari werinayso in cida kufsatey ay ka mid yihiin macalimiinta caruurta agoomaha wax bara. Sidoo kalena ay sheegtay in aanay keligeed aheyn cida kufsigan lagula kacay ee xarunta ku jirta ee caruur kale oo wiilal iyo gabdho leh iyaguna yihiin dulmanayaal. Xarunta Agoomaha Hargaysa oo hoos timaada maamul ahaan Wasaarada Waxbarashada ayaa ah Xarun aad u balaadhan oo ay ku xareysan yihiin caruur badan oo da’ahoodu kala duwan yihiin qaarkoodna aanay laheyn wax waalida oo sheegta am cid ehel u ah oo aan aheyn caruurta meesha kula xareysan iyo maamulka Xarunta gacanta ku haya. Ilaa hada ma jiraan shaqsiyaad ama hay’ad ku shaqo leh Xarunta Agoomaha oo si toos ah warbaahinta iyo bulshada uga warantay kiiskan aadka u foosha xun ee ka dhacay Xarunta lagulana kacay gabadhan yar ee iyadu Xarunta ku xareysneyd. Ilaa hada lama oga in ay kiisas kale jiraan madaama Xarunta ay joogaan tiro badan oo caruur aad u da’ yari. Hada gabadhan yar iyo qoyskeedu waxay garab uga baahan yihiin dhamaan umada reer Somaliland si xaqooda loogu soo dhiciyo oo sharciga loo horkeeno eedaysanayaasha iyo cida falkan argagixisada ah ku taageeraysa ama hor istaagaysa in sharciga la mariyo cida falkan geysatey. Waxaa ilo xog’ogaali sheegayaan in dad dhaqaale haystaa ay rabaan in ay debibaasaan kiiskan iyaga oo ka faa’ideysanaaya duruufta dhaqaale ee waalidka gabadhan yar oo noloshii laga dumiyey. Waxaa arintan si xog’ogaal ah ula socda hay’ado dawli ah iyo qaar madaxbanaan oo ay ka mid yihiih: Xarunta Agoomaha Hargeisa Wasaarada Waxbarashada Xarunta Denbi Baadhista (CID) Taliyaha Booliska Xarunta Xaquuqul Insaanka Xarunta Qareenda ee Horizon Institute Xeer Ilaalinta Somaliland Inta kale ee kiiskan la socota ama xog’ogaal u ah waxaan ku soo gudbin bartaydan Facebook si cidii daneyneysaa ay kiiskan ugala xidhiidho isla markaana Gabadhan Yar cadaalad loogu helo baadhitaana lagu sameeyo cidii kale ee dulman ee arimo noocana wajahday. Dulmiga oo loo dulqaataa waa hoog. Source
  21. Wasaadda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixinteeda COVID-19 ku sheegtay in 48-kii saac ee la soo dhaafay la diiwaan geliyey 66 xaaladood oo Coronavrirus ah. Wasaaradda ayaa xustay in kiisaska laga helay gobolka Banaadir 5, Somaliland oo laga diiwaan geliyey 46 kiis, Puntland 12 xaaladood, Koonfur Galbeed 2 kiis iyo Jubbaland oo laga xusay 1 kiis oo xanuunka COVID-19 ah. Wasaaradda caafiimaad ayaa dhanka kale xustay in xanuunka ay u geeriyoodeen 2 ruux, taas oo tirada ka dhigeyso guaha dadka xanuunka u geeriyooday 87 ruux, tirada la shaaciyey 55 kamid ah waa Rag halka 11 ay yihiin Dumar. Waxaa xanuunka COVID-19 dib uga soo caafimaaday 27 ruux taas oo guud ahaan ka dhigan dadka soo gobsooday 559 ruux, guud ahaan xanuunka ayaa ku dhacay dalka tan iyo markii uu dilaacay 2,579 muwaadin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xisbiga uu hogaamiyo ee Wadajir ayaa maanta u dabaal dagaya 4 sano guuradii kasoo wareegtay markii lagu dhawaaqay Xisbiga Wadajir. Xisbiga Wadajir [...] The post Xisbiga Wadajir oo 4 jirsadey appeared first on . Source
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa asbuucaan la filayaa inay dib u bilowdaan wadahadalada Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo muddo badan hakad jiray, iyadoo laga bixiyey fasiraad kala duwan. Sanatar Mustafa Qodax oo kamida xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya oo ka hadlay wada-hadalada ayaa ku macneeyey qorshe uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isaga furay dabin siyaasadeed oo uu ku jiro, sida uu hadalka u dhigay. Senator Mustafa ayaa heegay in wada-hadallada lagu soo aadiyey xilli madaxweyne Farmaajo uu dhexda kaga jiro mowjado iyo khilaaf siyaasadeed oo ay adagtahay in uu ka samata baxo, islamarkaana ay wadahadaladdayihiin kuwa sumcad loogu sameynayo Farmaajo oo wajahaya “fashil hogaamineed.” Hoos ka akhriso qoraalka Senator Mustafa Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku jiraa dabin siyaasadeed, waxayse u egtahay inuu si taxadar leh uga fikiray sidu uga bixi lahaa. Looma baahna inay Somaliland dhabar jabiso mucaaradka Soomaaliya iyo Ummada Soomaliyeed ee isbadal doonka ah ee La daalaa dhacaysa beenta iyo borobagaandada xukuumada N&N ee aan social media ha dhaafsanayn, waxaan u arkaa ilduuf siyaasadeed inay Somaliland ka ogolaato Farmaajo wadahadal xilli ay xukuumadda Soomaaliya u hadhay muddo lix bilood oo kaliya. Ka sakow muddo xileedka dawlada Soomaaliya ee gebo-gabada ku dhaw; Farmaajo waxa uu badhtanka ugu jiraa mawjado khilaaf siyaasadeed oo ay adag tahay inuu ka baxo, markaad eegto duruufaha ku xeeran iyo fursadaha uu haysto. Wadahadal kasta oo Soomaaliya iyo Somaliland dhexmara waxa sal u ah inuu haysto kalsoonida xisbiyada ka jira labada dhinac, dhinaca Soomaaliya; maadaama ay dawladu tahay dawlad federaal ah waxa muhiim ah inay ugu yaraan maamul goboleedadu kalsooni ku qabaan dawlada federaalka waa haddaanayba si toosa ugu lug lahayn wadahadalada, taasoo aynu maanta ognahay halka ay kala marayaan Farmaajo iyo inta badan madaxda dawlad goboleedyadu. Dhinaca Somaliland waa muhiim in xisbiyada dalka ka jira laga talo galiyo wadahadal kasta ama ugu yaraan loo bandhigo waxa socda si ay aragti iyo talo ugu yeeshaan. Markaad dib u yara raacdo afcaasha xukuumada Farmaajo, malaha taariikh wanaagsan oo ah dhinaca walaalaynta iyo isu soo dhaweynta dadka Soomaaliyeed, waa xukuumadda aalaaba ka shaqaysa fadqalalo iyo cunfi xaasidnimo ka muuqato oo ay ugu danbaysay waraysigii wasiirka arimaha dibada ee dawlada federaalku ku weeraray DP World oo mashaariic horumarineed kawada Somaliland waraysigaa wasiirka oon marnaba u adeegayn isu soo dhawaanshaha ummada. Markaan dhan walba iska taagay aniga aragtidayda iima muuqato wax haba yaraatee fursad ah oo wakhti xaadirkan wada hadal ugu jirta somaliland iyo guud ahaan Ummada Soomliyeed oo u baahan in Farmaajo laga hor dhaqaqjiyo. Taa bedelkeeda, waxay fursad u tahay Farmaajo oo doonaya in uu indha Ummada Soomaaliyeed iyo kuwa beesha caalamka ee sida dhaw ula socda waxa ka dhacaya Soomaaliya uu ka jeediyo kuna mashquuliyo mawduuc kale. Waxaan hubaa in xalay oo kaliya uu yaraaday culayskii social media ha ka haystay N&N oo social media u yahay garoonka diyaaradaheedu ka kacaan, kadib markii mar qudha lasoo tuuray wadahadalka tasoo noqotay mowduuc lagaga nastay mashaqadii siyaasadeed ee ay ku jireen N&N waana sida ay doonayeen.
  24. Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo ku kala aragti duwanaadey kulanka Biixi iyo Farmaajo Gudoomiyeyaasha 2-da xisbi mucaarad, F.C.Waraabe & Cabdiraxmaan Cirro Kulan heer sare ah ayaa la filayaa in uu maalinta berrito ah uga furmo Jamhuuriyadda Djibouti wufuud heer sare ah oo ka socda Somaliland iyo Soomaaliya oo wada xoojoodkoodii waayadan ba la hadal hayey uu kulan hor dhac u ahi ka furmayo dalkaas. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa goor dhawayd xafiiskiisa kula shiray madaxda labada xisbi qaran ee Somaliland, waxaanu kala xaajooday oo soo hor dhigay qorshaha wadahadallada labada dhinac uga furmi doona maalinta berrito ah dalka Djibouti. Xogo lagu kalsoonyahay oo ay BBC-du heshay ayaa xaqiijiyey in labada xisbi ee mucaaradka ahi ku kala aragti duwanaadeen warkaa madaxweynuhu siiyey. Xisbiga Waddani ayaa soo dhaweeyay go’aanka madaxweynaha ee ah ka qayb galka shirkaas, waxaanu xisbigu sheegay in ay Madaxweynaha u daba fadhiyaan hawlaha wadahadallada. Balse wixii dhaliil iyo taageero ah ee ay ka odhan doonaan oo kaliya wixii ka soo baxa shirkaas ee ay arkaan. “Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya maanta may bilaabin. Laba kun iyo koobiyo tobankii xukuumaddii aan ka midka ahaa ee Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa bilowday. Waxaana isku waafaqay goleyaasha qaranka Somaliland, hadday noqdaan kuwa xeer dejinta iyo fulinta, golaha dhaqanka xisbiyada qaranku horena waa uga qayb qaateen waana Idhoosgareeyeen arintaa iyada ah way waafaqeen. Waxaanu u aragnaa wax kasta oo danta qaranka Somaliland lagu raadinayo iyo gole kasta oo danta qarana Somaliland laga raadinayo in laga qayb galo. Maandhaytkaa waxaa iska leh xukuumada marba markaa joogta, iyadaana laga rabaa hawshaa iyada ah cidii ay kala maarmi weydo ay u yeedhato oo ay waydiiso wixii talo ah ee ay waydiinayso iyada oo ilaalinaysa xeerarka iyo qawaaniinta dalka u yaal” ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga Waddani, Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo BBC-da la hadlay. Cabdirisaaq Khaliif waxa kale oo uu sheegay in aanu xisbigiisa ka codsanin in xubno ka tirsani raacaan iyaguna aanay ka codsanin. Waxase uu xaqiijiyey in berito ay bixi doonaan weftiga madaxweynaha Somaliland oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Golaha Guurtida, Wasiirka Arimaha Dibadda, Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga, Wasiirka Ganacsiga iyo Edna Aadan Ismaaciil oo wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan xukuumadda. Dhanka kale, guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa isagu ku dooday in aan arrimaha culayskaa leh aanu Madaxweynuhu keligii go’aankooda lahayn oo ay lagama maarmaan tahay in ay ka qayb galaan. “Aniga jeermaan ahaan mawqifkaygu waxa weeyi horena waan uga soo horjeeday horena waan u sheegay in aan kulankaasi aanu maanta meesha qaban, wakhtigeediina aanu ahayn. Dawladda Soomaaliya ee maanta lala kulmayaana aanay ahayn dawlad mutaysatay in lala kulmo ayaan u arkaa, markaa guud ahaan kama soo horjeedno in Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlaan hase ahaatee dawladda hadda joogta ood ogtahay dhibaatooyinka ay la raadiyeen Somaliland iyo heshiisyadii ay ka baxeen, iyo kii u dambeeyey ee ninkaa arimaha dibada u qaabilsan wixii uu ku hadlayey in la horfadhiistaa waxaan u aragnaa in ay tahay guul darro ku timi Somaliland.” Ayuu yidhi Faysal Cali waraabi oo muujinayey sida ay uga soo horjeedaan in Somaliland shirkaa ka qayb gasho. Xogo kale oo aanu ka hellay dhinac xukuumadda Soomaaliya, ayaa iyaguna noo xaqiijiyey in qorshuhu yahay in Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo u duulo magaalada Djiobouti maalinta berri ah. Waxay xogaha aanu dhankaa ka hellay intaa ku dareen in madaxweynaha wafitigiisa ay ka mid noqon doonaan Ra’isal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamanka. Guddiga Somaliland u qaabilsan wadahadallada Soomaaliya ayaa hore u sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadallada laakiin ay marka hore dowladda federaalka ka doonayaan inay meelmariso heshiisyadii horay loogu gaaray kulamadii ay labada dhinac yeesheen. Labada dhinac ayaa muddooyinkii u dambeeyey midba kan kale ku eedaynayey masuuliyadda caqabadaha hortaagan sidii miiska wadahalka loogu noqon lahaa. Ilaa haatan labada dhinac midkoodna kama soo saarin war faahfaahsan oo ku saabsan arimaha lagu gorfayn doono, hase yeeshee dadka arimaha siyaasadda Soomaalida falanqeeyaa waxay sheegayaan in aan la saadaalin karin in wax weyni ka soo bixi doonaan. Qaran News
  25. Ururada Bulshada Rayid oo ka digay in dalka uu ka dhaco qalalaase siyaasadeed oo horseeda burburka Dowladnimo waxaan warsaxaafadeed ka soo baxay warbhaainta u aqriyay mudane Shaatax https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/WHATS.mp4 Source: goobjoog.com