Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,225
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Scientists at Germany’s Max Planck Institute of Colloids and Interfaces in Potsdam are among a group of researchers from Germany and Denmark collaborating with the US company ArtemiLife to explore whether the Artemisia plant can be used against the novel coronavirus. Source: Hiiraan Online
  2. Waa bartamihii bishii May 1990 iyo Kulliyaddii Qaanuunka ee Jaamacadda Ummadda, jawiga subaxaasi waa uu ka duwan yahay kii maalmihii iyo bilihii la soo dhaafay, dareen ayaa jira, ardaydu labo-labo iyo saddex-saddex ayay si hoose ugu faqayaan, dhawr arday oo aanu fasalka wada dhiganaynay ayaa eheladoodii xabsiga loo dhaadhiciyay, waa Ruqiya, Nadiifo iyo Cismaan. Xilligii rawaxaadda ayaa la gaaray, waxaan u soo dhaqaaqay dhankii xaafadda markii aan sii dhaafayay dhismihii Kulliyaddii Xanaanada Xoolaha ayaa waxaa ii dhawaaqay saaxiibkey Sahal oo halkaa wax ka baranayay wuxuuna si hoose iigu yiri: Adeer waa la xiray! Sahal adeerkiis waxa uu kamid ahaa madaxdii Jaamacadda Ummadda. Qarsoodi ma ahayn waxa kulmiyay xariga afartaa oday ( Ruqiya saygeeda, Nadiifa Aabaheed, Cismaan walaalkii iyo Sahal Adeerkii) iyo rag kale oo magac iyo maamuus ku lahaa dalka oo dhamaantood dharaartaa xabsiga loo dhaadhicyay, waxaase jirtay in maalimhii xabsigooda ka horeeyay la hadal hayay in xukuumaddii uu ra’iisalwasaaraha ka ahaa Maxamed Xawaadle Madar oo dhawr bilood uun jirtay markaa, wasiirradeeduna u badnaayeen dhalinyaro aqoonayhanno ah, inay wadahadal la geli doonto odayaal isu xilqaamay inay talo wax ku ool ah oo dadka iyo dalkaba lagu badbaadinayo u jeediyaan Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Eedda loo haystay odayaasha oo tiradoodu 100 kor u dhaaftay, isuguna jiray siyaasiyiin, danjirayaal, saraakiil, aqoonyahano, culimo, ganacsato, cuqaal iyo garyaqaanno ay kamid ahaayeen Madaxweyne Aadan Cadde, Guddoomiye Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen, Xaaji Muuse Boqor, Ismaaciil Jimcaale Cosoble, Cali Shido Cabdi, Jeneraal Maxamed Abshir Muuse, Maxamed Siciid Ciiyoow “Gentleman”, Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi, Xaaji Maxamed Cabdulle Furre, Xasan Dhimbil Warsame, Professor Ibraahim Maxamuud Abyan, Cali Mahdi Maxamed, Xaaji Baynax Barre, Xuseen Xaaji Bood, Maxamed Faarax Siyaad, Cabdicasiis Nuur Xirsi, Cali Maxamed Oosbito, Axmed Daahir Sheel, Maxamed Cali Xaashi, Sheekha Muuddeey, Xaaji Maxamed Cawaale Liibaan, Cismaan Axmed Rooble, Maxamuud Xaaji Cabdullahi Qore… waxa ay aheyd in ay qoraal ka kooban 6 bog oo ay uga hadlayaan xaaladda adag ee uu dalku marayay maalinkaa iyo sida ay tahay in lagu badbaadin karo ay u direen Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre (Eeg lifaaqa labaad). Qoraalku waxa uu si kooban u soo bandhigay xaaladda amniga, tan siyaasadda iyo midda dhaqaalaha ee dalku ku sugnaa, waxa uuna soo jeediyay talooyin sahlan oo suurogal ka dhigaya in wax laga qabto mashaakilkii dalku waajahayay, kuwaa oo maalinba maalinta ka dambaysa sii cuslaanayay. Waxa uu qoraalku dul-istaagay 5 qodob oo saldhig u ahaa culaysyadii jiray kuwaa oo u dhignaa sidatan: Dagaal Sokeeye Nabadgelyo La’aan Xadgudubka Xuquuqda Muwaadinka Maamul Xumo Dowladeed Burbur Dhaqaale Qoraalku waxa uu tibaaxay in hannaanka keliya ee xal waara lagu gaari karo uu yahay in la helo “Isbaddal Taam ah oo Xukuumadeed” iyo in dib loogu laabto nidaamkii dimuqraadiga ahaa ee dalka ka hirgalay markii uu xorriyadiisii qaatay 1960. Waxa kale oo uu qoraalku xusay si loo fududeeyo hirgelinta isbeddel micno sameeya in loo baahan yahay baab’inta “sharciyada xuquul insaanka iyo xorriyaadka kaleba cabburinaya iyo hay’adaha ujeedadaas darteed loo dhisay, sida: – Sharciga 10 Jan. 1070, Lr. 01 Awoodda Xarigga -Sharciga 10 Jan. 1970. Lr. 03 Dhismaha Maxkamadda Badbaadada -Sharciga 15 Feb. 1970. Lr. 14 Dhismaha Hey´adda NSS -Sharciga 10 Sept. 1970. Lr. 54 Ilaalinta nabadsugidda Qaranka -Sharciga 10 Okt. 1970. Lr. 64 Baabi’inta Habeas Corpus Sharciga 10 Nov. 1970. Lr. 67 Difaaca Bulshada Sharciga 05 Abr. 1972. Lr. 38 Awoodda GSK ee Arrimaha Garsoorka Sidoo kalana in Xeerka Ciqaabta iyo Xeerka Habka Ciqaabta dib loogu celiyo sidii ay ahaayeen intii aanu millatarigu la wareegin hoggaanka dalka “si shacbiga loogu soo celiyo xorriyaadkiisii oo dhameys tiran oo ay markaas suuragal ugu noqoto inuu kulmi karo, tashan karo, dhisan karo ururro siyaasadeed iyo kuwo bulshadeed”. Waxayna soo jeediyeen in la dhiso guddi ka kooban 13 xubnood oo qabanqaabiya shirweyne ay ugu yeereen “ Shirweynaha Suluxa iyo Bad-baadada Ummadda”, waxayna soo jeediyeen in guddigu ka koobnaado xubnaha soo soda (Eeg Lifaaqa kowaad): Xaaji Aaden Cabdulle Cusmaan – Madaxweyne Hore Sheekh Mukhtaar Maxamad Xusseen – Madaxweyne iyo guddoomiye Baarlamaan hore Xaaji Muuse Boqor – Wasiir hore Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble – Wasiir hore Dr. Maxamad Raajis Ahmad – Mudane Baarlamaan hore Maxamad Abshir Muuse – Taliye ciidanka biliiska hore Dr. Maxamuud Sheekh Axmad – Guddoomiye Maxkamad Sare hore Suldaan Duulane Rafle Guuleed – Odey dhaqameed Soomaaliyeed Cali Shido Cabdi – Guddoomiye ku-xigeyn SYL iyo Safiir hore Garaad Cabdulqani Garaad Jaamac – Odey Soomaaliyeed Xaaji Jirde Xusseen Ducaale – Ganacsade Sheekh Ibraahim Suuley – Caalim Diinta Islaamka Sheekh Shariif Sharafow – Caalim Diinta Islaamka Qoraalkan iyo talooyinka uu xambaarsan yahayba waxa ay ahaayeen fursad qaali ah oo uu Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ku furdaamin karay mawjadihii siyaasaddeed ee sida talantaaliga ah marba dhinac ugaga imanayay tan iyo markii uu ka badbaaday afgambigii fashilmay ee Gugii 1978, iyadoo 12-kii sannadood ee xigay uu si joogto ah ula kulmayay turunturooyin siyaasaddeed oo aanu si xikmadaysan u maaraynin, kuwaa oo ugu dambayntii dhaliyay dhibaatooyinka ay odayaasha talada siiyay ku tibaaxeen qoraalkooda. Halkii uu Madaxweynuhu ka eegi lahaa nuxurka qoraalka, fiirinna lahaa mustaqbalka dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo uu muddo ku filan hoggaanka u hayay, ma uusan yeelin ee waxa uu dib u jalleecay shalay iyo Oktoobar 1969, maalinkii uu xilka kala wareegay Xisbigii SYL oo qolyaha hormuudka u ah qoraalka talooyinka xambaarsan ay yihiin madaxdii hoggaanka u haysay Xisbiga iyo Xukuumaddii uu talada kala wareegay. Sida muuqata Madaxweynuhu waxa uu is weydiiyay sidee ayay qolyihii aad shalay dalka ka badbaadisay ugu fekeri karaan maanta inay adiga dalka kaa badbaadiyaan?! Su’aashaasu waxa ay aheyd mid maangal ah, waxa aanse maangal ahayn falceliskii uu qaaday oo isugu jiray inuu taladii diiday iyo in odayaashii talada u soo jeediyay uu xabsiga u taxaabay. Waxay aheyd haddii uusan qolyahan ku kalsoonayn in uu talada qaato oo baadigoobo dad kale oo ku habboon furdaaminta dhibaatooyinkii dalka ka aloosnaa, haseyeeshee ma dhicin taasu, oo Madaxweyne Siyaad iyo saaxiibadiisii ay talowadaagga ahaayeen waxa ay go’aansadeen inaan loo joojin, odayaashanna xabsiga loo taxaabo, si aanay mar dambe ugu fikirin in ay tallaabo noocan oo kale ah qaadaan, saxiixayaasha qaarkood eheladooda ayaa loo sheegay inay ceshadaan oo ku qasbaan inay beeniyaan in ay qoraalka wax ka ogaayeen!. Odayaasha badankoodu ma ahayn kuwa xabsigu ku cusub yahay, ee iyaga iyo xabsigu waxa ay ahaayeen wehel iyo wedaay, sanado badan oo noloshooda kamid ahna halkaa ayay ku soo qaateen. Waxayna ahaayeen dad ( da’ ahaan) horay u batay, cabsi gooyay, arkayayna qarankii ay xorriyadiisa muruq, maskax iyo maalba geliyeen oo gebi ka sii dhacaya. Welwelka ugu weyn ee haystay waxa uu ahaa madax-adaygga Madaxweyne Siyaad iyo qar iska- tuurnimada jabhadihii hubaysnaa. Waxaa u caddayd haddii aan la helin gogol lagu wadahadlo iyo is-beddel siyaasaddeed oo ku yimaada qaab nabadeed oo dimuqraadi ah in dalka iyo dowladnimaduba burburi doonaan. Madaxweyne Maxamed Siyaad fursaddii qaaliga ahayd waa lumiyay, awood uu odayaashii xabsiga ugu sii hayana waa waayay, taasoo hoos u dhigtay haybaddii hoggaankiisii iyo tii hay’adihii dowladdii uu hogaaminyay, arrinkaasuna waxa uu dhiirigaliyay jabahadihii hubaysnaa oo markii horaba aaminsanaa in Madaxweyne Siyaad waddada keliya ee lagula xaajoon karo ay tahay gumaca rasaasta oo la isku liso!, iyada oo aan dan loo gelin natiijada ka dhalan karta wadaxaajoodka noocaas ah. Waxaa xusid mudan in dabayaaqadii sanadkii 1990, xilli ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen, uu Madaxweyne Siyaad oggolaaday wadahadal uu la yeesho mucaaradkii uu in badan ka meermeeray, waxayse ahayd mar ay jabahadihii hubaysnaa ay dalka intiisii badnayd ku baaheen ayna kulaalayaan caasimadda oo ay maalmo kadib soo galeen, iyaga oo ay 26 maalmood keliya ku qaadatay in ay Madaxweynihii caasimadda dibadda uga saaraan, qarankiina uu halkaa ku burburo. Qoraalka ay odayaashu soo saareen oo ay ugu magac dareen “Bayaankii Koowaad ee Muqdisho” waa mid taariikhi ah, ka sokow inuu maalintaa ay soo saareen ee 15-ka May 1990 uu xambaarsanaa talooyin wax ku ool ah oo lagu furdaamin karay xaaladdii dalka ka jirtay, maanta oo uu qoraalkaasi 30 sano jirsaday, waxa uu weli leeyahay qiimihii uu maalinkaa lahaa, waa haddii la helo cid dhegaheedu iyo indhaheedu laabta u furan yihiin. Lifaaqa 1aad “Bayaanka Koowaad ee Muqdisho” Lifaaqa 2aad “Liiska Odayaasha Bayaanka soo Saaray” Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali – Waxa uu ahaa la-taliyaha arrimaha siyaasadda ee madaxeynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay maanta daahfurtay Adeega Macluumaadka Coronavirus ee WhatsApp. Adeegan cusub oo lacag la’aanta ah ayaa waxaad kaheli kartaa xogta Coronavirus ee ugu dambeysey, oo sugan, saxnaanshaheedana la hubiyey, iyadoo ujeedku yahay inaan gudano waajibaadkeena ah in bulshadu marwalba la socdaan xaalada caabuqa COVID-19 ee dalka. Adeega Macluumaadka Coronavirus ee WhatsApp waa ‘Robot kuu jawabaya’ oo u sahlaya bulshada Soomaaliyeed inay jawaabo u helaan su’aalaha soo noqonoda ee ku saabsan Coronavirus, jawabaahaas oo idiin ka imanaya Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya. Iyadoo uu sahlayo wada sheekaysi laba dhinac ah, Adeega Macluumaadka Coronavirus waxaa lagu dhisay WhatsApp Business API, waxaana loo adeegsaday barta xiriirka adduunka ee ay leedahay Infobip si loo sahlo in dadku wadaagaan xogta la xiriirta Coronavirus. Adeegani wuxuu Wasaaradda Caafimaadka Federaal Soomaaliya u sahlayaa in si deg deg ah oo waqtiyeysan ay bulshada oo dhan ula wadaagto xogaha muhiim ka ah. Dhamaan dadka ka isticmaala WhatsApp waxay heli karaan macluumaad lacag la’aan ah. Waxaad mobile-kaaga ku kaydsataa (sayf-garee) lambarka: +252 61 3 600700. Hadaba, si aad u isticmaashid, markaad lambarka sayf-garaysid kadib, waxaad doorataa WhatsApp-ka lambarkaan, kadibna waxaad ku qortaa tusaale ahaan ‘Asc’, tani waxay ku siisanaynaa liis aad kala dooran kartid. Sidoo kale waxaa ka geli kartaa adigoo gujinaya: https://bit.ly/MoHSomalia Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Fawziya Abikar Nur oo ka hadashay iskaashiga Wasaaradda, WhatsApp & Infobip ayaa tiri “Sida aan ognahay, WhatsApp waa mid ka mid ah kuwa ugu caansan baraha bulshada ee Soomaaliya laga isticmaalo. Sidaas darteed, waxaan u mahadcelinaynaa WhatsApp & Infobip doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen dadaallada wacyigelinta bulshada ee aan ku xakamaynayno caabuqa Coronavirus.” Matt Idema, Madaxa Hawlaha WhatsApp, wuxuu ka yiri arinkaan “Waqtiyadan adag oo kale, dadku waxay aad u adeegsadaan WhatsApp-ka si ay ula xiriiraan una caawiyaan qaraabadooda, asxaabtooda iyo bulshadoodaba. Waxaan ku faraxsannahay inaan ku caawino Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya hab isgaarsiineed kaas oo u sahlaya inay su’aaaha bulshadooda ka imanaya ay ka bixiyaan jawaabo lagu kalsoon yahay iyo talooyin caafimaad oo deg-deg ah si loo xaqiijyo badqabka bulshada.” View the full article
  4. Hague (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa mar kale isku dayeysa in dib loo dhigo dhageysiga kiiska badda Soomaaliya ee hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), sida ku cad dokumentiyo cusub oo ay dirtay. Arrintan ayaa khilaaf hor leh ka dhex-abuurtay labada dal, ayada oo Soomaaliya ay si xooggan uga hor-timid damaca cusub ee Kenya ay uga baxsaneyso inay cadaaladda wajahdo. Dhageysiga dacwadda ayaa qorshuhu ahaa inuu dhaco horraanta bisha xigta ee June, hase yeeshee Kenya ayaa maxkamadda ka codsatay in dib loo dhigo muddo aan la cayimin. Kenya ayaa qiil ka dhigatay cudurka Coronavirus ee caalamka kusii faafaya, ayada oo sheegtay inuu saameyn xooggan ku yeeshay qareenadii ku matali-lahaa maxkamadda, oo sida ay sheegtay ku kala xayirmay dhowr dal oo caalamka ah, islamarkaana isku iman waayey. Saameyn kale oo Kenya ay ku sheegtay dokumentiga dooddeeda ee dib u dhigista, ayaa ahaa mid dhaqaale, ayada oo ku doodey inay qarash u hayn kiiska, maadaama dhaqaalihii dalka uu hoos u dhacay, sida ay sheegtay, lana dhimay miisaaniyadda dowladda. Kenya waxay sheegtay inay ahmiyad dhaqaale gaar ah siineyso arrimaha muhiimka ah. Si kastaba, Soomaaliya ayaa dooddan diiday, sida ku cad dokumenti ay iyana dirtay, waxayna Kenya ku eedeysay in marnaba aysan dooneyn in kiiskan maxkamad lagu xaliyo, oo ay daneyneyso meel ka baxsan maxkamadda. Soomaaliya ayaa xustay inaysan ahayn markii koowaad ee Kenya codsato dib u dhigisa balse ay tahay markii saddexaad, taasi oo muujineysa daacad darrida Kenya. Soomaaliya waxay sidoo kale ashtako ka muujisay cadaadis diblomaasiyadeed oo Kenya ay ku hayso. Soomaaliya waxay maxkamadda ka dalbatay in kiiska lagu qaado hab muuqaal oo Online ah, sida iminkaba ay maxkamadda sameyso, maxkamado badan oo caalamka ahna ay sameynayaan. Maxkamadda ayaa la filayaa in maalmaha soo socda shaaciso go’aankeeda ku aaddan in kiiska uu ku dhacayo waqtigiisa iyo in kale, kaasi oo ah 8-da ilaa 12-ka Bisha June. Maxkamadda ICJ ayaa 5-tii September ee 2019-kii ogolaatay codsi ka yimid Kenya oo ahaa in dib loo dhigo kiiska, waxaana xilligaas ay ballan-qaaday inaan mar kale kiiska dib loo dhigi doonin.
  5. Amid the prevalent chaos due to the coronavirus pandemic in the country, a horrifying incident has come to light from Mogadishu, the Somali capital where a government soldier allegedly raped a four-year-old girl. The incident shocked and enraged local residents, it also sent shock waves across the country, triggering a firestorm on social media. According to the victim’s uncle Ahmed Botan Abdulle, the incident occurred in Mogadishu’s Wadajir neighborhood at around 10:30 a.m local time on Thursday May, 14 when the soldier identified as Mohamed who lived next to the victim’s family sneaked into their house and brutally assaulted the young girl while her mother was a way for a family shopping at a nearby market. The young girl was seriously injured in the sexual assault and was rushed to a local hospital for treatment. He said. The suspect has been detained at Wadajir police station for further investigation. The devastating incident comes a month after two young girls aged four and five were abducted and brutally gang raped in a field near Afgoye town located 30 kilometers west of the capital. Incidents of rape have been widely reported in different parts of Somalia in recent years. In February, authorities in the Somali region of Puntland executed two men who abducted, gang raped and then brutally killed a 12-year-old girl in the town of Galkayo in 2019. Somalia is a conservative society where rape is stigmatized and victims are traditionally forced to marry their assailants. Most rape cases go unreported and unpunished, according to Somali women rights activists. Many rape survivors and their families are afraid to come forward to publicly confront perpetrators, because they fear being shunned by their community. In many cases, the rape victims are deemed unmarriable. Anti-rape campaigners in Somalia say the brutal nature of several videos of gang rape and murder, which have been shared on social media in the past two years, are turning the tide against the conservative stigmatization and the nature of hiding perpetrators.
  6. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan dooneyn inuu la hadlo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, wuxuuna soo jeediyey in laga yaabo in gebi ahaan uu xiriirka u jaro dalka labaad ee ugu dhaqaalaha xooggan caalamka. Wareysi uu siiyey taleefishinka Fox Business, ayuu Trump ku sheegay inuu aad uga niyad-jabsan yahay guul-darrada China ay ku xakameyn weysay faafitaanka cudurka Coronavirus, oo sida uu sheegay iminka halis ku ah heshiiskii ganacsi ee bishii Janaayo uu la gaaray Beijing. “Ma ahayn in marnaba ay ogolaadaan in tani ay dhacdo,” ayuu yiri Trump. “Waxaan la galay heshiis ganacsi oo weyn, hase yeeshee iminka sidii hore ma dareemayo, warqaddii lagu qoray heshiiska weli waa qoyneyd, balse waxaa yimid safmareenkan, mana muuqato hadda sidii hore.” Carrada Trump ee ka dhanka ah Shiinaha ayuu sidoo kale kusoo daray madaxweyne Xi oo marar badan uu sheegay inuu xiriir wanaagsan la leeyahay. “Ma doonayo inaan iminka la hadlo,” ayuu yiri Trump oo wareysiga uu siiyey Fox Business ee la duubay Arbacadii lasii daayey Khamiistii. Trump ayaa wax laga weydiiyey soo jeedin ka timid Senator Jamhuuri ah, oo ah in dal-ku-galka Mareykanka loo diido ardayda Shiinaha ee codsanaya waxbarashada xiriirka la leh amniga qaranka. “Waxaa jira waxyaabo badan oo aan sameyn karno, waxaana ka mid ah in gebi ahaan aan xiriirka u jarno,” ayuu yiri. “Haddii aan sidaas sameyno, maxaa dhici doona, waxaad keydsan kartaa 500 oo bilyan oo dollar,” ayuu yiri Trump oo tixraacaya qiimaha badeecadaha sanad kasta uu Mareykanka kasoo dhoofiyo Shiinaha. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha Zhao Lijian ayaa maanta weriyayaasha ugu sheegay magaalada Beijing in joogteynta xiriirka ay dan ugu jirto labada dalba, oo dadkooda ay ka faa’iidayaan nabadda iyo xasiloonida caalamka. REUTERS + VOA
  7. Qaar ka mid ah qoysaska barakacayaasha ee ku dhaqan duleedka Muqdisho ayaa haatan ka cabanaya nolol xumo, kadib markii ay saameeyeen roobabkii ka da’ay caasimadda. Qoysaskaan oo badi ka soo hayaamay deegaanka Janaale, kuna sugan Garasbeeley ayaa baaq u diray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale waxay ka dalbadeen hay’adaha samafalka iyo maamulka gobolka Banaadir inay la soo gaaraan gurmad deg-deg ah. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-barakac-.mp3 View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa laga wareystay arrimo ku saabsan doorka ay Qatar ku leedahay sii deynta gabadhii dhawaan laga sii daayay gacantga Al-Shabaab ee ilaa iyo 2018 lagu heystay gudaha Soomaaliya. Silvia Romano oo 25-jir ah ayaa dib loogu celiyay dalkeeda muddo kadib, waxaana laga afduubtay Chakama oo ah xeeb ku taala gobolada Koonfur Bari dalka Kenya. Sanbaloolshe, oo wareysi siinayay Telefashinka Al-Carabiya, ayaa wax badan laga weydiiyay doorka ay Qatar ku laheyd sii deynta Silvia, balse wuxuu ka dhawaajiyay ineysan jirin cid ogsoon xaqiiqda dhabta ah ee qaabkii Al-Shabaab looga sii daayay Silvia Romano. “Lama oga doorka dhabta ah oo ay Qatar ku laheyd sii deynta shaqaalahii gar-gaarka ee Talyaaniga, balse dadka oo dhami wey ogyahiin taariikhda ay ku leedahay fududeynta, abaabulka iyo wadahadalada lacagaha madax furashada ee la siiyo kooxaha argagixisada ee aduunka si ay usii daayaan dadka ay heystaan,” ayuu yiri Sanbaloolshe. Taliyihii hore wuxuu carabka ku dhuftay in Qatar ay door aan caadi aheyn ka ciyaartay arrintaan, iyadoo xiriir la sameysay xubanaha ugu jira gudaha Al-Shabaab iyo sidoo kale dad uu sheegay iney ku leeyahiin dowladda dhexe gaar ahaan hay’adda NISA. “Waxaan shaki iiga jirin in dowladda Qatar ay door weyn ka ciyaarta sidii ay xiriir ula sameyn lahaayeen xubnaha ugu jira Al-Shabaab oo ay macaamilaan iyo shaqsiyaadka ugu jira dowladda Soomaaliya ee hadda gaar ahaan hay’adda sirdoonka,” ayuu yiri Sanbaloolshe. Sanbaloolshe wuxuu dowladda Qatar ku eedeeyay iney tahay dowladda kaliya ee adduunka ka jirta, islamarkaana taageero u muujisa Al-Shabaab, wuxuuna madaxa hadda ee hay’adda NISA ku sheegay inuu yahay qofka ugu saameynta badan ee ay Qatar ku heysato gudaha Soomaaliya. “Waxaa jirta istaraatiijiyad shaki weyn keentay oo ka dhaxeysa dowladda Qatar iyo xukuumadda hadda ka talisa Soomaaliya, taasina waxey sababtay in dowladda ay soo dhaweysato Qatar iyo lacagaheeda, islamarkaana ay iska fogeyso dalalka kale ee carbeed sida dowladdaha Imaaraadka iyo Sacuudiga,” ayuu sii raaciyay. Sanbaloolshe oo wax laga weydiiyay hadii uu jiro xiriir ka dhaxeeya Al-Shabaab iyo Qatar ayuu kaga jawaabay inuu jiro xiriir ka dhaxeeya labada dhinac, balse wuxuu sheegay inuusan xog fiican ka heynin qaabkii loo marayo sii deynta Silvia Romano. Intaas kadib Sanbaloolshe wuxuu inyar ka hadlay qaabka ay dowladda Qatar lacagaha usoo gaarsiiso kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inuu aaminsan yahay in lacagahaas loo soo marsiiyo dad ku jira dowladda iyo ganacsato xiriir la leh hay’adaha Qatar. Waxaa uu sheegay eedeymaha loo jeediyo Qatar ee xiriirka ay leedahay kooxaha xagjirka iyo kaalmada dhaqaale ay ku maal-geliyaan howlahooda aanu aheyn wax cusub, isla markaana Qatar ay had iyo jeer muddo sanado taageeri jirtay Al-Shabaab, iyagoo isticmaala waddooyin kala duwan. Danjire Sanbaloolshe ayaa wax laga weydiiyay saameynta ay yeelan karto lacagaha uu sheegay inay dowladda Qatar ku bixineyso kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida iyo waxa ay kaga dhigan tahay kooxdaan ka dagaalanta bariga Afrika ayuu ku jawaabay: “Lacagaha madax furashada iyo kuwa kale oo ay Qatar siiso Al-Shabaab waxey qeyb weyn ka qaadaneysaa weerarada ay kooxdaan ka fuliso Soomaaliya, Uganda iyo Kenya, sidoo kale waxaa loo adeegsanayaa weeraro ka dhan ah dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska,” ayuu yiri. Sanbaloolshe ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay ilahaas dhaqaale ka saacidi karaan agaasinka weeraro argagixiso, askareynta dhalinyarada, iney is hubeyso, sidoo kalana agaasimaan qaraxyo iyo dagaalo ay ka fulinayaan gudaha Soomaaliya iyo wadamada Dariska. Ugu dambeyntii Danjiraha ayaa fariin u diray dowladda Qatar oo uu aaminsan yahay iney taageero xoog leh siiso kooxaha argagixisada, wuxuuna sheegay in dunida oo dhan ay isha ku heyso. HALKAAN HOOSE KA DAAWO WAREYSIGA
  9. Kulanka ugu horreeya ee tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle oo soo geli doono 8:00 habeenimo ayaa waxaa markale ku ballansan degmooyinka Kaxda iyo Waabari ee gobolka Banaadir, kadib markii ay xalay ka baaqdeen tartanka. Labada degmo oo ku wada jira group-ka D ayaa guud ahaan u dambeeya, wareega koowaad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan. Kaxda iyo Waabari ayaa degmada guuleysata waxay u gudbi doontaa wareega sideed dhammaanka ee tartanka Shabelle, waxaana mid waliba ay soo badisay hal kulan, halka min kulan kalena ay soo galeen barbar dhac. Dhinaca kale waxaa jira kulan kale oo u dhexeeya degmooyinka Wadajir iyo Xamarweyne , kuwaas oo lagu furi doono wareega labaad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan, kaas oo soo geli doono 10:00 habeenimo, Insha allaah. Wadajir iyo Xamarweyne ayaa degmada badisa waxa ay iska xaadirin doontaa wareega Sama-finaalka ee tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle. Sidoo kale waxaa wareegan ku jira Dayniile oo ku dhici doonta dhiggeeda Howlwadaag, Marka oo ay iska hor imaan doonaan degmada soo baxda Kaxda iyo Waabari oo caawa ku ballansan tartan aqooneedka Shabelle iyo Hodan oo ay isku beegmi doonaan Warta Nabadda , Ex Wardhiigleys ee magaalada Muqdisho. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
  10. Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulan deg-deg ah la qaatay culimada iyo imaamyada masaajidada ku yaalla magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose,isaga oo kala hadlay dhibaatada ama khatarta Coronavirus. Axmed Madoobe ayaa culimada faray in dhamaan la xiro masaajida ku yaalla guud ahaan deegaannada Jubbaland, si looga hortago faafitaanka Cudurka COVID-19. Sidoo kale shacabka ku nool deegaannada dowlad goboleedka Jubbaland ayuu ugu baaqay inay qaataan talooyinka caafimaad ee loo soo jeedinayo, si ay uga badbaadaan khatarta cudurka, isamarkaana ka maamul ahaan ay dadaal fara badan ku bixin doonaan. Deegaano ka mid ah maamulka Jubbaland ayaa waxaa laga diiwaan-geliyay kiisas ka mid ah COVID-19, waxaana illaa iyo hadda laga helay 58 Ruux. View the full article
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa wali xayiran duulimaadyadii ay diyaaradaha ku imaan lahaayeen Soomaaliya sababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee Coronavirus, balse masuul ka tirsan dowladda ayaa ka dhawaajiyay wakhtiga ay suuragalka tahay in dib loo furo. Marka laga tago duulimaadyo laga maarmi waayay oo fasax ka hela Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somalia, waxaana jirtay in shalay ay diyaarad qaadaty in ka badan 150 muwaadin oo heysta dhalasho wadamada USA, Canada iyo dalal yurub ah ka dhooftay magaalada Muqdisho. Saacid Cabdi Celiye oo ah maareeye ku-xigeenka garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee Muqdisho ayaa sheegay iney jecel yahiin in dib loo bilaabo duulimaadyada, balse ay ku xiran tahay hadba xaaladda uu marayo xanuunka COVID-19. Lama oga wakhti rasmi ah oo uu furmayo garoonka, balse Saacid wuxuu sheegay iney suuragal tahay bisha Luulyo (July) in dib loo furo, markaas oo qof walba oo kasoo daga garoonka awood loo yeelan karo in laga baaro xanuunka adduunyada dhibaatada ku haya. Xayiraadda duulimaadyada Soomaaliya ayaan laga gaarin ujeedkii laga lahaa ee ahaa in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka, sababtoo ah marka aad joogto Muqdisho waxaad arkaysaa dadka oo sidii caadiga ahayd u macaamila, mana jiraan wax tallaabooyin ah oo ay qaadayaan si loo yareeyo faafista cudurka. Sidaas darteed, dad badan ayaa rumeysan inaysan jirin sabab duulimaadyada loo joojiyo, maadaama gudihii dalka, oo ah halka faafitaanka ugu badan ee cudurka uu ka dhici karo aanay xayiraad socdaal ama dhaq-dhaqaaq ka jirin.
  12. Somalia’s president Mohamed Abdullahi Farmajo has appointed two new judges to Banadir courts as part of a judiciary overhaul. In a statement, the president has replaced the chairman of Banadir regional court Muse Moalim Mohamed and the chief of regional Appeals Court Abshir Omar Abdullahi following recommendation from the chairperson of the Supreme Court Ahmed Baashe Yussuf Ahmed,” a Twitter post by Villa Somalia reads in part. The president appointed Mohamed Abdikadir Hassan as the new Banaadir Region High Court judge and Mohamed Ahmed Osman as the head of the Banaadir Regional Appeals Court. Meanwhile, the president has urged the new judges to fully protect the rule of law and to serve all people equally in a bid to win their hearts and minds. The Presidency noted the changes were part of ongoing judicial reforms in the country.
  13. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-150520-web-.mp3 View the full article
  14. Madaxweynaha Dowlada Jubbaland oo kulamo la qaatay Qaybaha kala diæuwan ee Bulshada ayaa sheegay in Reer Jubbaland ay isu diyaariyaan waqtiiga Adag ee uu keenay [...] Source
  15. Maanta waa 77 sano guuradii kasoo wareegatay aasaaskii ururkii wadaniga ahaa ee SYL. Munaasabaddan iyo maalinta dhalinyarada darteed, Goobjoog News waxaa ay ku maamuseysaa wareysi taariikhi ah oo laga soo qaaday Cali Xasan Maxamed (Berdura) oo ka mid ahaa 13-kii dhallinyaro ee aasaasay urukii SYL. Waxaa wareysigaa magaalada Qoryooleey ee gobolka Sh/Hoose kaga soo qaaday 2002-dii weriye Cabdi Casiis Axmed Gurbiye oo hadda ah tifaftiraha guud ee Goobjoog. Gobolka shabeellaha hoose gaar ahaan magaalada Qoryooleey ayaa hoy u noqotay muddo dheer mid ka mid ah 13-kii dhalinyaro ee 15-kii bishii May 1943 Ururka SYL ku dhisay Magaalada Muqdishu. Cali Xasan Maslax {Berdura} oo xiliga wareysiga la qaadayey da’diisu aheyd 80 jir ayaa 2002-dii wareysi qiimo badan siiyay Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo booqasho ugu tagay Verdura. Gurbiye ayaa ugu horeyntii weydiiyay Cali Xasan Maslax Berdura, Shaqsiyadiisa, Qoyskiisa iyo halka uu Magaca Berdura (Verdura) kasoo jeeda? Berdura: Waxaan ahay nin reer Mudug ah, yaraantaydii is koris ayaan ahaa, waxaan isku soo maray yaraantaydii Galkacyo, Eyl iyo Hobyo oo aan 6-bilood joogay. Waxaan soo maray dhowr guur xaaskaygii ugu horeeysay waxa ay aheyd Fadumo Yasin Cali Sharmarke waxaa Adeer u ahaa C/rashiid Cali sharmarke oo marna waalid ii ahaa marna saxiibo ahayn. Magacyo badan ayaan lahaa Cali Maslax ayaa ka mid ah oo Hooyo iyo Aabo oo dirirsan ayaan dhashay oo markiiba hehiiyay, Cali Cade ayaa ka mid ahaa oo nin Cad ayaan ahay, Cali Waayeel ayaa sidoo kale ka mid ahaa lakiin ugu dambeentii waxaa u xoog batay Cali “Vardura”(khudaare) oo uu ii bixiyay C/qadir Saqaawudiin oo SYL aan wada Aasaasnay waayo marka aan SYl dhisaynay waxaan gadi jiray khudaarta. Gurbiye: Sababtii iyo Qaabkii aad ku timid Xamar? Berdura: Waxaan maqli jiray in ninkii xamar tago lacag iyo shaqo ayuu helaa, xitaa waxaan maqlay Talyaaniga dadka lacag ayuu siiyaa, kadib waxaan go’aansaday inaan tago, markab ayuu i saaray Adeer Cali Yusuf oo ahaa Suldaanka Hobyo, waxaan ka degay Ceel-gaab, waxaan ku degay dad aan qaraabo nahay, waxaan raadiyay shaqo, howlo badan ayaan qabtay ilaa markii dambe aan khudaare noqday Syl-na aan dhisnay, kadib shaqo fiican ayaan helay. Gurbiye: Waa maxay sababta iyo Qaabkii loo Aasaasay Xisbiga SYL? Berdura: Horta waxaa ahayn dad dhalinyaro ah oo u dhxeeya 15-21 jir, sedax kooxood ayaa ahayn Awaysiya, Qaadiriya sida {Dahir Xaji Cuman Dhagawayne, Maxamed Xirsi Nuur Sayidiin, Cusmaan Geedi Raage iyo Maxamed C/llaahi farax xayeysi. Qeyb aqoon yahan ahaa sida{Yaasin Xaaji Cusman, Maxamed Cali Nuur} iyo Aniga iyo Maxamed Hilowle. Marka hore inaga ayaa isbaraarujinay, aaminay micnaha Midnimada, Wadaniyadda, waxaa jiray Gumaysi ba’an Gaadiidka gadaal ayaan ka raaci jirnay Shaneemooyinka gadaal ayaan ka fariisan jirnay, dadkana waa la adoonsanjiray, dadkeena wax wacyi ah ma lahayn marka waxaan go’aansanay in aan dhisno urur siyaasi ah oo aan uga hortagno gumystaha, kadib waxaa dhisnay naadigii SYC oo aan ula jeednay in aan ku qaladno Gaalada. Habeenkii la dhisayey leegada ma wada joogin 13-ka, balse nasiib wanaag aniga waan joogay waxaan ku dhisnay guri ku yaala Via Roma 15-kii bishii May 1943. Qodoba badan ayaan qornay ma wada xasuusto balse waxaa ka mid ahaa in dalka gumeystaha laga xureeyo, Somaliwayn la isu raadiyo, qaabyaaladda iyo dariiqooyinka laga fogaado. in dadka wax la baro. Waxaa kaloo ka mid ahaa calanka oo ahaa bil oo tilmaamaysa Islaamka, xidigta oo ah Soomlinimada iyo shanta far oo midnimo iyo wada jir ah. Mas’uuliyiin baan dooranay, waxaan u gudbinay dowladda ingiriiska nasiib wanaag way soo dhawaysay, kadib waxaan bilownay in aan waxbarashada dhiirigalino, makii dambe oo shacabka nasoo dhaweeyay oo na garab istaagay waxaa u badalnay Xisbigii SYL 1947-dii, waxaa kaloo xafiisyo ku yeelanay gobolada dalka sida Kismaayo, Galkacyo, Baydhabo iyo Baladwayn. Waxaa layaab lahaa in ururo kale la sameemay sida Iririya lakin masii ragin. Gurbiye: Maxaa ka xasuusataa Dadaaladii iyo Dagaaladii aad gasheen? Berdura: Dagaalo badan ayaan galnay waxaan xasuustaa 11-kii Janaayo 1948-dii waxaa dalka soo booqanayey gudi UNada raacsan oo ahaa dalalkii ku adkaaday dagaalkii labaad sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiska, Ruushka, iyo Talyaniga. Maalintas waxay adeegsadeen dadka dabadhilifka ah, waxaan sameenay markiiba boqolkii qofba waxaan u dhiibnay hal hogaamiye , labo calanka sida iyo afar ilaalo ah…aniga calamada ayaan qeybiyay, waxaa dhacay dagaal wayn shuhado badan ayaa noog dhintay, waxaa ka mid ahaa Xaawo Taako., waxaa anaguna ka dilnay dhowr iyo konton, waxaan ku aruurinay bilaajo Carab. Dagaaladii aan galnay waxaa ka mid ahaa Dhagaxtuur oo aan ku diidanayn in markale dalka Talyaani dib ugu soo laabto. Ingiriisna bandaw ayuu soo rogay, meelo badan oo dalka ka tirsan ayaan kula dagaalnay gaaladii adeer……Dhanka dadaaladii aan galnay waxaa ka mid ahaa angoo UNka u dirnay C/lahi Ciisa Maxamuud oo isaga iyo Aadan Cabdulle Cusman ay ka soo galeen Leegada Baladwayn. Waxaan Caalamka u sheegnay in aan doonayno madaxbanaani, Soomaaliya waxaa loo ogaaladay ismaamul hoosaad {Daakhiliya}, waxaa sidoo kale Arday minxo (deeq waxbarasho) ah loo diray Yurub iyo Carabta. Gurbiye: Shacabku waa idiin maamuusay maxaa keenay Musuqmaasuq? Berdura: Walaahi adeer shacabka waa na ixtirimaa ilaa hadda, bilado sharaf ayaa nala siiyay {aniga waan ka diiday Maxamed Siyaad}, ma aqaano meel uu qaladka ka jiray waxaan 1955-tii waxbarasho cilmiga siyaasadda u aaday Dalka Talyaaniga ilaa 1966-dii aan dalka dib ugu soo laabtay. Gurbiye: OK. Syl iyo Inqilaabkii Milatari 21-kii bishii October 1969kii? Berdura:- Haa, waxaa jirtay in ay noo yeereen Maxamed Siyaad, Kulmiye, Gabayre iyo Caynanshe, waxay noo sheegeen in dalka ka dhacayo Inqilaab aan dhiig ku daadan oo dalka ay isbedel ka samaynayaan… aniga meel cidla ah ayaan ka istaagay waxaa u sheegay in taariiqda xusi doonto khiyaanada ay wadaan…waxaa igu xanaaqay Gabayre oo gacantooda ku sababsaday markii dambe….Siyaad Barre waa i xiray xitaa lacag uu ii balan qaaday aniga ayaa diiday…wax xil inaan qabto walgeey ma jeclayn, daacadnimo ayaan intaan kusoo gaaray adeer. Gurbiye: ka waran Siyaasadda Somalida maanta iyo Dagaalada Sokeeye? Berdura: Siyaasad maahan waxa kani waa burcadnimo…waxaa la baneysta dhiiga dadka, xasuuq ayaa socda, danta gaarka ayaa shaqaysa, qarankii si fudud ayaa loo iibsaday….dadakan miyaanay damiir lahayn. Gurbiye: Soomliya uma bislayn Gobanimo ma saxbaa? Berdura: Su’ashan waxaa hortaa xamar igu waydiiyay rag aqoonyahano ah isla jawaabtii ayaan kusiinayaa (Adeer Aadami inaan dhalayno ayaan mooday, balse Daanyeero ayaan dhalnay) , maandeeq ayeey qalad ka fahmeen, xuriyadda waa loo shahiiday. Gurbiye: ugu dambeentii aragtidaada sidee Dowladnimo lagu helayaa, Maxaase ugu Baaqaysaa Shacaka Soomaliyee? Berdura: in is aaminad timaado, wada jirkii lasoo celiyo, kitaabka lagu dhaqmo, lakala saaro Qabiil iyo Qaran oo lagu dadaalo walaltinimo, isxaqdhoor, is afgarad,wada tashi……….Waxaan Shacabka ugu baaqayaa in Qabiilka laga fogaado,dadkuna noqdad isku xuquuq lana dhiso Dowlad ku istaagta rabitaanka Umuadda…….waxaad oagataa in Dhalinyarada mas’uuliyad saarantahay. Wareysiga waxaa qaaday Cabdi Casis Axmed Gurbiye Sanadkii 2002-dii, waxaana boggan horay loogu daabacay 2015-kii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weerar dadban ku qaaday madaxdii ka horreysay, xilli uu maanta jeediyey khudbad ku saabsan xuska maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, oo ku beegan aas-aaska ururkii SYL, 77 sano ka hor. Hadalka madaxweynaha oo ay baahisay Villa Somalia ayuu ku sheegay in dowladdiisa ay dhaxashay dhibaatooyin xooggan, isaga oo xusay saddex ka mid ah, kuwaasi oo kala ah, sida uu hadalka u dhigay: 1 – Hannaankii dhaqaale ee dalka oo aad u hooseeyey, markii uu xilka qabanayey. 2 – In looga tegay daymo tiro badan oo culeys ku hayey horumarka dalka. 3 – Iyo xaalad adag oo ay ku noolaayeen kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo qaarkood ay ku dhibaateysnaayeen xabsiyo shisheeye iyo xarumo qaxooti. Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay hadda gaartay guulo taariikhi ah oo ay ku wajahday caqabadahaas, islamarkaana maanta uu muuqdo ifafaalo. Inkasta oo Farmaajo sheegay in deymo badan looga tegay, haddana ma jiraan wax caddeymo ah oo muujinaya deymo ay qaateen madaxdii ka horreeyey, waxaana deynta caalamiga ah ee lagu leeyahay Soomaaliya ay ka timid dowladdii kali-taliska aheyd ee Maxamed Siyaad. Marka ay timaado hanaanka dhaqaale ee uu sheegay inuu aad u hooseeyey, haddana labada sano ee dhaqaalaah Soomaaliya uu sameeyey kobacii ugu xoogganaa waxay ahaayeen 2014 iyo 2016, markaasi oo GDP-ga dalka uu kordhay 3.7% sanadkiiba, sida ku cad xogta Bankiga Horumarita Africa ee African Development Bank (AFDB),waxaana labadaas xilli dalka madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh. Kororka ugu wanaagsan ee dowladda Farmaajo ay sameysay waa 2.9%, waana sanadkii 2019. Marka ay noqoto dhallinyada ku xiran xabsiyo shisheeye, waa run in dowladdiisa ay soo daysay in badan oo ka mid ah, si la mid ah dowladihii ka horreeyey, waxaana weli jira qaar xiran, si la mid ah kuwii xirnaa markii ay xilka ka degayeen madaxdii hore.
  17. (SLT-Garoowe)-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Karaash, ayaa qaadacay isla markaasna ka hor-yimid xilka qaadis uu madaxweyne Deni maanta ku sameeyey Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Puntland. Axmed Karaash ayaa sheegey in aan lagala tashan xilka qaadista Taliye Ku-xigeenka Madaxtooyada. Source
  18. (SLT-Ankara)-Iyadoo Covid-19 uu uga si darayo dhaqaalaha Turkiga ayaa Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee CHP waxaa uu sheegay in xubno Dowladda ka tirsan iyo warbaahin uu hogaaminayo Madaxweyne Erdogan ay ku eedeeyeen qorshe afgambi. Eddeyntii ugu adkeyd waxaa ay madaxda sare kasoo baxday 4-tii May kadib markii uu Erdogan gudoomiyay shir muuqaal ah oo ay yeeshee golaha wasiiradda, isagoo jooga meesha uu ka degna yahay Madaxtooyada. Erdogan waxaa la rajeynayay in uu diiradda saaro dib usoo celinta shaqada dowladda iyo qorshe lagu xadidayo safmareenka, laakiin waxaa uu qayb ka mid ah khudbadiisa kusoo qaatay cadho ka dhan ah xisbiga ugu weyn mucaaradka. Xisbiga CHP ayaa sheegay in Erdogan uu muujiyay “aragti kaligi talis, taas oo aan ku fiyoobeyn sarreeynta sumcadda qaranka, dimoqaradiyadda, cadaaladda iyo doorashooyinka la rajeynayo.” Dhaqanka CHP waxaa haga “damacooda ah in ay maamulka waddanka ku qabsadaan afgambi iyagoo aan u marin hanaan demoqaraadi ah,” ayuu yidhi Erdogan. Isagoo ku daray “taasi waa waxa noo sawirmaya marka aad isku geyso hadallada ay sheegtay hogaanka CHP todbaadkii lasoo dhafay oo keliya” Inkasta oo uusan Madaxweynuhu magacabin hoggaanka CHP ee uu cambaareeyay, haddana dib u eegis lagu sameeyay warkii CHP ee dhowanahaan, ayaa muujiyay in uusan jirin war lala xidhiidhin kara in CHP ay dooneyso in ay talada wadanka xoog ku qabsato. Bishii April 29-kedii war uu siiyay TV-ga Halk ayaa Kaftancioglu oo hogaamisa xisbiga CHP waxaa ay sheegtay “isbeddel Dowladeed iyo nidaamka Dowliga ah ayaa la filayaa iyadoo loo marayo doorashooyin ama xitaa hanaan kale waqiga soo socda.” Sida ku cad eedeynta Dowladda, waxaa baraha bulshadda iyo akoono warbaahined oo ay maamulsho Kaftancioglu lagu faafiyay “qaab kale oo awooda lagula wareegayo” taas oo ay Dowladdu u fasirtay afgambi. Kaftancioglu waxay sideedii bishan sharaxad ka bixisay hadalkeedii. “Waxaan idhi Dowladu waxay geli doontaa doorasho xilli hore oo waqtigeedii laga so horumariyay ama mid caadi ah, markii horeba waan saadaalinayay isbedel nidaamka ah” ayey tidhi. Ahmet Mahmut Unlu oo loo yaqaano Ahmet Hodja ee qarsoon ayaa 11-kii May waxaa uu qabsaday cinwaanada warbaahinta isagoo ka digaya Afgambi. “Waxaa jirta khatar afgambi. Waxaan arkay riyooyin, khatar ayaa jirta ayuu yidhi. Waxaa uu hadalkiisa ku daray khatartaani aysan ka imaaneyn Fatxullahi Gulen iyo kooxdiisa sidii dhacday July 2016. Source
  19. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Dhallinyarada Soomaaliyeed u diray farriin ku saabsan sannad-guurada 77-aad ee aas-aaskii Ururka (SYL) ee horseeday xornimada dalka ayaa dul istaagay tilmaamaha furaha u ah guusha ay gaarsiiyeen dalka 13-kii dhallinyaro ee baalka dahab ah ka galay taariikhda. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isku duubnida, dhabar adayga, waddaniyadda iyo ka fogaanta qabyaaladda ee ay ku sifoobeen halyeeyada SYL ay sabab u noqotay xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa taabagalinta dal xor ah iyo dowlad shacabkeeda ay ku faanaan oo karaamo iyo sharaf ku leh ummadaha kale ee dunida. Halyeeyadii SYL waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka dadkeenna Soomaaliyeed, jiil walba oo inaga mid ah waxaa waajib ku ah in uu dhaxalsiiyo jiilka xiga xusuustooda, halgankooda, taariikhdooda iyo diiwaanka maamuuskooda.” Madaxweynaha ayaa muujiyey caqabadihii waaweynaa ee hortaagnaa riyada Dhallinyarada SYL kuwaas oo ay ka mid ahayd qorshihii Gumeystaha ee ku dhisnaa hab qabiileysan in uu u kala qeybiyo Umaddan walaalaha ah, arrinkaas oo u adeegayey danaha cadawga, iyada oo jahli lagu hayo ummadda, aqoontana loo diido, dhaqaalahana lagala dagaalo, koox yar oo fikirka shisheeye u adeegtana laga dhex sameeyey dadka Soomaaliyeed. SYL kuma muteysan maamuuskaas kaliya in ay dadka Soomaaliyeed ka dulqaadeen heeryada gumeystaha, una horseedeen gobanimo buuxda, balse waxa ay ku muteysteen in caqabadaha waaweyn iyo jilaafooyinka ay ka soo gudbiyaan halganka dheeraa ee gobanimo-doonka” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dul istaagay xaaladihii adkaa ee ay dhaxashay Dowladda uu hoggaaminayo oo ay ka mid ahayd hannaankii dhaqaale ee aadka u hooseeyey, daymo tiro badan oo culeys ku hayey horumarka dalkeenna, xaalad adag oo ay ku noolaayeen kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo qaarkood ay ku dhibaateysnaayeen xabsiyo shisheeye iyo xarumo qaxooti ayaa soo bandhigay guulaha taariikhiga ah ee Dowladdu ay ku wajahday caqabadahaas iyo ifafaalaha maanta muuqda. Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay maanta ka qaadanayaan horumarinta dalka, hoggaaminta Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada naf hurnimada leh ee ay bixinayaan halyeeyada Bahda Caafimaadka oo dhallinyaro u badan, kuwaas oo naftooda iyo noloshoodaba u huray sidii ay dadkooda uga samata bixin lahaayeen cudurka COVID-19. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tusaaleeyey casharka taariikhiga ah ee ku jira midnimada iyo wada jirka ay lahaayeen Xisbiyada ama ururrada Dhallinyaro ee ka kala dhisnaa Gobolada Koonfurta iyo Gobolada Waqooyi ee dalka, kuwaas oo wadaniyad iyo walaaltinimo ku fashiliyey qorshihii Gumeystaha ee kala qeybinta dalkeenna iyo dadkeenna. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) Dagmada Wadajir ee gobolka Banaadir waxaa ka dhacay fal ka baxsan beni’aadanimada kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu kufsi u geystay gabar sida la sheegay afar jir aheyd. Ehelada gabadha yar ayaa warbaahinta u xaqiijiyay falka lagula kacay gabadhooda yar, waxeyna rumeysan yahiin in askari ka tirsan ciidamada dhawaan ay tababareen Turkiga uu geystay falkaas kaas oo guriga dhinac ka daganaa. Adeerka gabadha oo lagu magacaabo Axmed Bootaan ayaa saxaafadda uga warbixiyay wixii halkaas ka dhacay, waxeyna arintaan imaaneysaa xilli dhawaan kiis kufsi caruur ah laga diiwaangaliyay Shabeelada Hoose. “Magaceygu waa Axmed Bootaan Cabdulle, waxaan adeer u ahay Farxiya Cabdishakuur Bootaan, waxaa dhalay walaalkey Allaha u naxariisto Cabdishakuur Bootaan Cabdulle. Gabadha waxay ahayd afar jir agoon ah, waxayna wax u dhaceen shalay barqadii marka ay saacadda ahayd 10:30am in nin askari oo guriga la deganaa uu qolka ugu soo galay gabadha, askarigaas oo magaciisu yahay Maxamed Xuseen Cilmi, oo ka tirsan Ciidamada Gorgor ee Turkiga uu tababaro. Meesha ayuuna ku kufsaday ayadoo bil Ramadan tahay. Koley sababta uu sidaasi u sameeyay isaga ayaa la weydiin doonnaa, waana xiran yahay, wuxuuna ku xiran yahay Saldhiga Booliska ee Degmada Wadajir, in loo wareejiyo Xarunta CID-da ayaana sugeynaa, oo warqadihii loogu wareejin lahaa ayaan u xanibanahay.” “Guriga uu falku ka dhacay waa guri laba qol ka kooban, qol waxaa deganaa Farxiya iyo hooyadeed, qolka kalana waxaa kiro ahaan ugu deganaa askariga dhibaatadaan gaystay. Hooyadii suuqa ayay adeeg u doonatay, intii ay maqneyd ayuuna falkaasi sameeyay. Waa 21 jir iskaabulo ah.” “Dhibaatadaan waxay na soo gaartay, ayadoo aan cadaalad-darro tirsaneynay, ka dib markii gabadhan aabaheed lagu dilay shil ay Ciidamada Uganda ka gaysteen Ceelasha Biyaha, shilkaas oo ay ku dhinteen Cabdishakuur Bootaan Cabdulle, Cabdulqaadir Xuseen Cali oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska iyo iyo Xasan Jeylaani Abuukar oo isna shacab ahaa. Ayagoo ku sugan Ceelasha Biyaha ayay Ciidamada Uganda gaarigoodii jiirsiiyeen, dhacdadaas oo dhacday 26-kii bishii June ee sanadkii 2019 illaa iyo hadda wax cadaalad ah ma helin, oo waxaan ku weynay Farxiya aabaheyd oo aniga walaalkey ahaa.” Kiisaska kufsiga ah ayaa kusoo badanaya Soomaaliya, waxaana sidoo kale bishii April ee lasoo dhaafay la diiwaangaliyay kiis kufsi ah oo ka dhacay Shabeelada Hoose gaar ahaan deegaanka Yaaq-bari weyne halkaas oo saddex haween ah oo midi ay geeriyootay dhib loogu geystay.
  21. 24 people have been killed and more than 283,000 others have been displaced by floods in Somalia, according to figures released by the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) in Somalia. The figures also indicated that 28 districts and more than 701,000 people in the Horn of Africa nation have been affected by the floods. The worst affected states are Hirshabelle, Jubaland and South West with their numbers accounting for 88 percent of those affected by the floods. The destruction caused by the floods is evidenced by the fact that most parts of an entire small town in Puntland were swept away by floodwaters. According to the OCHA in Somalia, majority of the cases of flooding in the country have been caused by flash flooding. Hundreds of people in the East and Horn of Africa regions have been killed while thousands of others have been displaced by heavy rains and the resulting floods and landslides. The heavy rains have been caused by moisture dumped in the region by winds coming in from the Indian Ocean where temperatures have risen in recent months, according to Chris Shisanya, a professor of climatology in Nairobi, who spoke to Reuters. Kenya has been the worst hit so far with the government recently reporting that at least 237 people had been killed and more than 161,000 others displaced since heavy rains began in April. At the end of 2019, rain-triggered disasters, including flash floods and landslides, killed at least 250 people and affected millions of others across East Africa. Somalia is currently facing a triple threat of problems: the floods, the COVID-19 pandemic which is straining its already fragile health system and the desert locust infestation. Source: CGTN
  22. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Dhallinyarada Soomaaliyeed u diray Farriin ku saabsan Sannad-guurada 77-aad ee Aas’aaskii Golihii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL) ee horseeday xornimada dalka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isku duubnida, dhabar adayga, waddaniyadda iyo ka fogaanta qabyaaladda ee ay ku sifoobeen halyeeyada SYL ay sabab u noqotay xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa taabagalinta dal xor ah iyo dowlad shacabkeeda ay ku faanaan oo karaamo iyo sharaf ku leh ummadaha kale ee dunida. Madaxweynaha ayaa muujiyey caqabadihii waaweynaa ee hortaagnaa riyada Dhallinyarada SYL kuwaas oo ay ka mid ahayd qorshihii Gumeystaha ee ku dhisnaa hab qabiileysan in uu u kala qeybiyo Umaddan walaalaha ah, arrinkaas oo u adeegayey danaha cadawga, iyada oo jahli lagu hayo ummadda, aqoontana loo diido, dhaqaalahana lagala dagaalo, koox yar oo fikirka shisheeye u adeegtana laga dhex sameeyey dadka Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyay doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay maanta ka qaadanayaan horumarinta dalka, hoggaaminta Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada ay ku samata bixinayaan Bahda Caafimaadka oo dhallinyaro u badan, kuwaas oo dadaalkooda ku bixinaya sidii ay dadkooda uga samata bixin lahaayeen cudurka COVID-19. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tusaaleeyey casharka taariikhiga ah ee ku jira midnimada iyo wada jirka ay lahaayeen Xisbiyada ama ururrada Dhallinyaro ee ka kala dhisnaa Gobolada Koonfurta iyo Gobolada Waqooyi ee dalka, kuwaas oo wadaniyad iyo walaaltinimo ku fashiliyey qorshihii Gumeystaha ee kala qeybinta Soomaaliya. Hoos ka daawo Khudbadda Madaxweynaha PUNTLAND POST The post Khudbadda Madaxweyne Farmaajo ee ku aaddan Sanad-guuradii Aas’aaska SYL appeared first on Puntland Post.
  23. MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Farmaajo has appointed two new judges to serve in Banaadir Region High Court and the Regional Court of Appeal. Source: Hiiraan Online