Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,225
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Halkan Ka Daawo: Odayaal Iyo Waxgarad Ka Soo Jeeda Gobolada Buuhoodle Iyo Saraar Oo Raali U Diray Gudoomiye Golaha Guurtida Si Adagna Uga Hadlay Suldaan Dhowaan La Shaaciyay Source
  2. Dagaal-ooge Khalifa Haftar oo laga qabsaday saldhiggii ugu muhiimsanaa Libya iyo maalmihiisa oo dhamaad ku dhow Ciidamada dowladda caalamku aqoonsna yahay ee Libya ayaa saldhigga muhiimka ee ciidamada cirka ee al-Watiya ka qabsaday maleeshiyada dagaal-ooge Jeneral Khalifa Xaftar. Afhayeen u hadlay militariga Libya, Mohamed Gnunu ayaa qoraal uu maanta soo dhigay twitter-ka ku xaqiijiyey in ciidamada dowladda ay si buuxda ula wareegeen guud ahaan saldhigga, oo ku yaalla xuduudda Tunisia. Warka kasoo baxay dowladda ra’iisul wasaare Fayez al-Sarraj ayaa yimid kadib bil uu socday dagaal xooggan oo ciidamada xulufada ah ay kaga saareen maleeshiyada Xaftar inta badan xeebaha galbeed ee Libya. Xaftar ayaa weerar culus ku billaabay dowladda bishii April ee 2019, isaga oo doonaya inuu qabsado magaalada caasimadda ah ee Tripoli. Dadka amniga fallanqeeya ayaa rumeysan in qabshada saldhigga al-Watiya, oo 25km u jira xuduudda Tunisia, uu ciidamada dowladda u ogolaan doono inay dagaal-yahanada Xaftar ka eryaan dhinaca koonfureed ee Tripoli. “Tani waxay miisaankii awoodda Libya u weecin doontaa dhanka dowladda. Waa guul-darro weyn oo soo gaartay Xaftar, maadaama halkan ay ahayd halkii ugu dambeysay ee ciidamadiisa ay ka joogeen galbeedka Libya,” waxaa sidaas yiri weriye ka tirsan Al-Jazeera, Mahmoud Abdelwahed oo ku sugan Tripoli. “Maleeshiyada Xaftar ayaa saldhigga kasoo qaadi jiray weerar dhanka cirka ah oo ay ku beegsan jireen goobo badan oo ciidamada dowladda ay kaga sugnaayeen galbeedka, taasi oo hadda meesha ka baxeysa.” Dagaal-ooge Khalifa Xaftar ayaa waxaa taageera Imaaraadka Carabta, Sacuudiga, Masar iyo Ruushka, halka dowladda ay taageero ka heleyso Turkey iyo Qatar. Qaran News
  3. Taariikhda cudurradii safmarka ahaa ee saameeyay cibaadada bisha Ramadaan Muslimiinta sannadkan wuxuu Ramadaankan u yahay mid ka duwan kuwii hore maadama lagu soo rogay xayiraado saameyn ku yeelatay cibaadooda si looga hortaggo fiditaanka feyraska Korona, balse waxaa dunida soo maray cudurro kale oo safmar ahaa oo saameyn ku yeeshay muslimiinta xilliga bisha Ramadaan. Cudurrada safamarka ee soo maray sida ku xusan taariikhda waxaa ka mid ah cudurka daacuunka, shuban biyoodka, busbus, baras, duumada iyo cudurro kale, waxayna ahaayeen kuwo soo noq noqda qarniyaal badan oo ku baahay dhulka muslimiinta oo ay dad badan u dhinteen. Caddeymo kooban Haddii aan dib ugu laabano taariikhda islaamka gaar ahaan sida muslimiinta ay u soomi jireen xilliyada dhulkooda uu ka dilaaco cudur safmar ah, waxaana inoo soo baxeysa in taariikhynadu ay wax ka og yihiin dhibataada cudurrada faafa ay ku reebeen cibaadada balse caddeymo buuxo uma hayaan sida ay u saameeyeen soonka. Balse waxaa cad in ay horseedeen in nolosha ay ku adkaato bukaannada iyo dhakhaatiirta, sida ay xustay Nükhet Varlık oo bare ka ah jaamacadda Rutgers ee ku taalla gobolka South Carolina ee dalka Mareykanka. Nükhet Varlık waxay ku takhasustay taariikhda dowladdii Cusmaaniyiinta, daraasaddeedu waxay diiradda saareysaa taariikhda cudurrada safmarka ah iyo qaabkii ay muslimiinta isku daweyn jireen xilliggaas. Waxay qortay buug ka hadlayo cudurradii safmarka ee halakeeyay dowladdii cusmaaniniyiinta, waxay su’aalaha ay BBC-da weydisay uga jawaabtay qaab Email ah. Daacuun iyo Ramadaan: Waa cadow qaddiimi ah Waxaan halkan idiin kugu soo gudbineynaa qaar ka mid ah cudurradii safmarka ahaa ee saameeyay muslimiinta xilliga bisha Ramadaan sida ku xusan taariilkhada, waxaana sharraxeysaa Nükhet Varlık. Daacuunkii madoobaa, wuxuu dhacay bartimihii qarnigii 14-aad, waxaana lagu tilmaamaa in uu ka mid ahaa cuduradii dhaliyay dhimashadii ugu badneyd dunida. Taariikhda waxay sheegeysaa in cudurkan uu si daran u sameeyay muslimiinta xilli bisha Ramadaan lagu jiray, wuxuu xilliggaas ku baahay dalalka Suuriya iyo Masar halkaas oo kumanaan qof uu ku dilay. Taariikhyahankii weynaa ee dunida safarka ku maray Ibnu Batuuta wuxuu maray dhulka Shaam, wuxuu wax ka qoray saameynta daacuunka uu ku yeeshay dhaqamada islaamka gaar ahaan cibaadada iyo soonka, wuxuu arrintaas uga gollahaa wacyigelinta ku aadan ka hortagga fiditaanka cudurada safmarka ah. Daacuunkii sannadkii 1420, wuxuu cagta mariyay dalal badan oo muslim ay degan yihiin, wuxuu si aan kala go’ laheyn ugu baahay dalal badan, waxaana u dhintay kumanaan kun oo qof. Sannadkii 1422 wuxuu cudurka ku faafay magaalada barakeysan ee Makah oo xitaa salaadihii jamaacada lagu tukan waayay, waxaana haweenka muslimiinta lagu soo rogay xayiraad ah in aysan tegi karin qabuuraha gaar ahaan magaalada Qaahira. Sannadihii ugu dambeeyay ee qarnigii 16-aad, wuxuu dacuunka saameyn ballaaran ku yeeshay cibaabada, Farlik waxay soo xigtay buugag uu qoray Olay Jalbi oo ah taariikhyahaan ka soo jeeday Cusmaaniyiinta kaas oo sheegay in daacuunka uu baahay ramadaankii sannadkii 1567, xilliggii Suldaankii Saliim 11, wuxuu safmaka maalin kasta halkaas ku dilayay 3 kun oo qof, waxay arrintani horseeday in suldaankii cusmaaniyiinta uu walaac ka muujiyo dhibaatada cudurka, wuxuu amarka ku bixiyay in saaladaha aanan lagu tukan maasaajidka habeennadii ugu dambeeyay Ramadaanka. Bishii Ramadaan sannadkii 1579, wuxuu daacuuka ku faafay dalal badan oo muslim ah, waxay arrintaas horseeday in la joojiyo safarka xujeydii ka imaan jiray Masar, waxaana xayiraad kale lagu soo rogay magaalada Basra ee Ciraaq. Sannadkaas, taariikhyanadu waxay soo weriyeen in cudurka uu horseeday in xitaa la uruurin waayo canshuurtii laga qaaday shacabka maadama dad badan ay u geeryoodeen xanuunka. Sannadkii 1592, wuxuu cudur safmar ah mar kale ku baahay gudaha magaalada Istanbul ee Turkiga, halkaas oo uu ku nagaaday muddo bilooyin ah, suldaankii ka arriminayay magaalada wuxuu ku amray shacabka in Alle ay baryaan, dadka saboolka ah ay caawiyaan iyo in lasii daayo maxaabiista si Alle uu uga saaro cudurka. Ramadaankii sannadkii 1780, cudur ayaa ku faafay gudamaha magaalooyinka Makah iyo Madiina, waxaana la rumeysan yahay in halkaas uu ku dilay 12,000 qof. Intii u dhexeysay 1811 iyo 1812, Istanbul waxay la kulantay daacuun faro ba’an ku hayay shacabka kaas oo socday illaa bisha Ramadaan, dadka magaalada waxay ku sugnaayeen guryahooda marka laga reebo inay u baxaan adeegyada aasaasiga ah. Dabayaaqadii qarnigii 19-aad, cudurka daacuunka wuxuu saameeyay xajka, gaar ahaan markii la furay kanaalka Suez kaas oo horseeday in cudurka uu ku faafo dekedaha iyo tareennada. Xujeyda waxaa lagu amray inay galaan 15 maalmood ah oo karantiil ah ka hor inta aysan usoo ruqaansan dhulka Xijaaz, balse kumanaan qof ayaa la isugu geeyay xarumaha karantiilka waaggaa. Taariikhda cudurrada safmarka ah Nükhet Varlık waxay koox kala shaqeyneysaa sidii lagu hergin lahaa nidaam digital ah oo lagu keydinayo taariikhda ku saabsan ‘daacuunkii madoobaa’ ee hareeyay dunida muslimka, waxayna hayaan ilo wareedyo kala duwan oo aan ku ekeyn buugaagta taariikhda. Marka laga soo tego daraasadda ay ka sameysay sida cudurrada safmarka ah ay u saameeyeen dhaqamada dadka muslimiinta ah, waxay Varlık sheegtay inay daneyneyso inay wax ka qorto raadka ay ka tegeen dhakhaatiirta muslimiinta markii ay la dagaalamayeen cudurada faafa iyo raadinta dawada. Isticmaalka Liinta, khalka iyo in la yareeyo galmada Varlık waxay sheegtay in dhakhaatiirta ay dadka kula talinayeen in guryahooda ay ku buufiyaan khalka oo ah waxyaabo laga dhaliyay maaddooyin la qamiiriyay iyo aashito ama aasid, waxay sidoo kale dadka ka codsadeen inay iska yareeyaan cuntada, dhaqdhaqaaqa iyo la yareeyo galmada. Waxaa shacabka lagula taliyay in aysan qubeysan xilliga cudurka safmarka isla markaana aysan welwelin. Sida ay sheegeyso Varlık , dhakhaatiirta dadka waxay kula talin jireen inay cunaan miraha dhanaan sida Liinta, Rumaanka, dawooyinka la siin jiray waxaa kamid ahaa dawo dhireed, macddan iyo nafaqada xoolaha. Soonka wuxuu gaashaan u ahaa cudurka Varlık waxay sidoo kale sheegtay in dadka ay isku uruursan jireen kooxo kooxo si ay u cibaadeystaan, xilliga soonka, akhrinta Qur’aanka, caawinta dadka saboolka ah iyo siideynta maxaabiista ayaa sidoo kale jiray. Sida uu sheegayo taariikhyahankii u dhashay Ruushka Tasbakrizadeh, waxay muslimiinta cibaadeysan jireen 10ka dambe ee soonka, waxay rumeysan yihiin in Qur’aanka uu dawo yahay iyo xuska Alle si looga gaashanto cudurrada faafa, waxaana dadka lagula talin jiray in bukaannada ay siiyaan biyo laga soo hooriyay warqad lagu qoray aayado Qur’aan ah. Qaran News
  4. Qatar has strongly condemned the deadly suicide bombing that claimed the lives of at least four people including the governor of Somalia’s Mudug region in the regional capital of Galka’yo on Sunday. In a statement, the Ministry for Foreign Affairs reiterated Qatar’s firm position rejecting violence and terrorism regardless of motives or reasons. The governor of Mudug region Ahmed Muse Nur alongside with his three bodyguards were killed after an auto-rickshaw laden with explosives rammed into his vehicle outside the headquarters of Mudug region in an attack claimed by the Al-Qaeda linked group al-Shabaab. The statements expressed Qatar’s condolences to the families of the victims, the governments and people of Somalia and sent its heartfelt condolences to the bereaved families over the untimely tragic loss. Puntland President, Said Abdullahi Deni has condemned the attack, vowed to bring to justice those behind the deadly attack. “All terrorist elements who are behind such attacks will be brought to justice and will be punished in public. Puntland is facing the fight against terrorist groups who are the enemy of Puntland and the enemy of the Somali people,” Mr Deni said in a statement released on Sunday evening. Meanwhile the Federal Government of Somalia has also condemned the Galkayo attack while calling for the community in Mudug to unite against terrorist groups. “The Somali government extends its deepest condolences to the families and relatives of the victims. And is calling on all Somalis in uniting to eradicate all terrorist groups” said Somalia’s minister of information in a statement. The deadly attack comes at a critical time the country is suffering from coronavirus and severe flash floods that continues to wreak havoc across the country.
  5. Dal ragga iyo dumarka ku amray inay suuqa aadaan maalmo kala duwan Dowladda Panama waxay sharci adag u yeeshay xayiraadda lagu xakameynayo cudurka coronavirus, iyadoo ragga u oggolaatay inay danahooda bannaanka soo fushadaan maalmo gooni ah, dumarkana maalmo kale oo u gaar ah. Tallaabadan ayaa durba hir gashay waxaana maalmaha isbuuca loo kala asteeyay labada jiski ee bulshada. Dumarka waxaa loo fasaxay inay adeegyada muhiimka ah doontaan maalmaha Isniinta, Arbacada iyo Jimcada, halka raggana loo oggolaaday inay soo baxaan maalmaha Talaadada, Khamiista iyo Sabtida. Axadda, qof kasta waa inuu gurigiisa joogo. Waddooyinka waayen ee magaalooyinka iyo xaafadaha ayaa aad u xasilan, iyadoo dadka qaarkood ay adeeggooda ugu soo talagalaan dhowr isbuuc, si aysan usoo bixin. Haween badan ayaa maalmaha loogu talagalay soo baxa, kuwaas oo qaarkood ay carruurtooda gacanta ka heystaan. Booliska ayaa si joogto ah u sameeya howlgallo ay ku ku hubinayaan dhaqangalinta sharcigan, iyagoo tallaabooyin adag ka qaada qof kasta oo ay ku helaan inuu u hoggaansami waayay. Qaran News
  6. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa si dadban u weeraray dowladda Federaalka kadib dhibaatooyinka maalmahii dambe kusoo badanayay deegaankiisa, oo ay ugu weynaayeen qaraxyo lagu dilay mas’uuliyiin sare Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada Ammaanka Puntland ay iska hor imaad hubeysan kula galeen Boosaaso kooxda Daacish, sidoo kale waxaa xigtay in hawlgallo ay fuliyeen ay ku fashiliyeen qaraxyo ay sheegeen in lala damacsanaa isla magaalada Boosaaso. Iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana waxaa xigay qarax loo adeegsaday Bajaaj oo lagu dilay gudoomiyahii gobolka Mudug ee maamulka Puntland shalay, wuxuuna qaraxa ka dhacay meel aan ka fogeyn xaruntiisa magaalada Gaalkacyo. Si kastaba Saciid Cabdullaahi Deni ayaa aaminsan in dad dano gaar ah leh ay isku dayayaan iney marin habaabin iyo dhibaato ka abuuraan Puntland isla markaasna ay dhawaan soo bandhigi doonaan kooxahaas isbaheystay oo uu ku eedeeyey inay ka dambeeyaan dilalka ka dhacayo deegaanada Puntland. Madaxweynaha ayaa si dadbadan u sheegay in dilalkaan ay qeyb ka yihiin ololaha ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay ku ciribtirto maamul goboleedyada dalka jiro. “Dalkaan marxalad cusub ayuu galay oo la rabo in la baabi’iyo federaalism-ka, la rabo in la wiiqo kala dambeynta, la rabo in la yiraahdo qof walba sharciga gacanta haku qaato, dagmo walba iyo magaalo walba wax loo akhriyo,” ayuu yiri Deni. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in culeyska lasoo saaray Puntland ay keeneyso inay Dowladda iyo Shacabka Puntland dib u eegis ku sameeyaan falalka dhacayo. “Fahamka qaldan ee dowladnimada ee waayahaan dambe soo badanaya waxey u badan tahay dadka reer Puntland oo lagu yaqaanay dowladnimo iyo kala dambeyn iney dib u fiiriyaan,” ayuu mar kale yiri Deni oo sida muuqata dowladda ku leexinaya eedaha qaar.
  7. Qatar ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo shacabka Soomaaiyeed uga tacsiyadeysay dadkii ku dhintay weerarkii is-qarxinta ahaa ee shalay ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu dilay guddoomiyhii gobolka Mudug ee Puntland. War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Qatar ayaa waxaa lagu cambaareeyey qaraxaas, waxaana lagu sheegay in dowladda Qatar ay aad uga xun tahay sidoo kalena ay ka soo hor jeedo fal kasta oo abuuri kara colaad iyo mid argagixiso. Wakaalladda wararka Qatar ee Qatar News Agency “QNA” oo baahisay warkaan ayaa sheegtay in ay uga tacsiyadeynayaan dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda falkaas, islamarkaana ay garab taagan yihiin. Weerarkii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Gaalkacyo ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab, kaas oo ay ku dhinteen guddoomiye Axmed Muuse Nuur iyo 3 askari oo ilaalo u aheyd. View the full article
  8. Hargeysa (PP News Desk) — The President of the self-declared Republic of Somaliland Muuse Bihi Abdi has proposed a new approach to talks with the Federal Republic of Somalia. Speaking in Hargeysa on the 29th anniversary of the unilateral secession of Somaliland from Somalia on 18 May 1991, President Bihi categorically rejected any talks with Somalia as long as Mogadishu refers to Somaliland as “Northern Regions of Somalia.“ “The Federal Government of Somalia views the goal of talks as union whereas Somaliland looks upon talks as a steppingstone to breaking away from Somalia” President Bihi said. “For talks to bear fruits we propose the International Court as arbiter of the sovereignty dispute between Somalia and Somaliland” President Bihi added. The International Community has urged Somaliland to talk with Mogadishu about union or secession. “President Bihi has lost confidence in the African Union whose charter bolsters the sovereignty argument of Mogadishu” says Farah Abdullahi, a London-based journalist. President Bihi’s predecessor, Ahmed M. Mohamud, started unconditional talks with the Transitional Federal Government of Somalia in 2012. The incumbent Federal Government maintains good relations with Somaliland. © Puntland Post, 2020 The post SOMALILAND PRESIDENT CALLS FOR A NEW APRROACH TO TALKS WITH SOMALIA appeared first on Puntland Post.
  9. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ku hanjabtay inay tallaabo qaadi doonto haddii ay ku qanci weyso baaritaanada lagu sameynayo diyaaradii dalkeeda laga lahaa ee lasoo riday iyadoo ku duuleysa hawada Soomaaliya. Baarayaal ka socda dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Ethiopia ayaa Axaddii shalay tegay goobta ay ku dhacday diyaaraddan oo ay lahayd shirkadda African Express ee magaalada Bardaale, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online. Baarayaasha ayaa hadda kusoo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana la filay inay warbixin kasoo saaraan wixii ay soo ogaadaan iyo xogta laga helay sanduuqa madow ee diyaaradda. Si kastaba, dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo aad isugu dhow darteed, ayaa Kenya waxay ka cabsi qabtaa in la isku dayo in baaritaanka loo leexiyo dhan kale. Ilo-wareedyo ka tirsan qaar ka mid ah shirkadaha duulimaadyada Soomaaliya ayaa sheegay in saraakiil socdaal oo Kenya ah ay u sheegeen inay tallaabi qaadi doonaan, haddii aysan ku qanicin natiijada baaritaanka. Dadka diyaaradda ku dhintay ayaa waxaa ku jiray laba qof oo Kenyan ah. Sida ay sheegeen saraakiishan, waxa la filan karo ayaa ah in dowladda Kenya ay gabi ahaanba diyaaradahada wadankeeda ka diiwaan-gashan u diido iney u safraan Soomaaliya, waxeyna arrintaan culeys badan ku yeelan doontaa isku socodka labada dal. Warbixin kasoo baxday Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ciidamada Ethiopia ay sheegteen inay soo rideen diyaaradda, waxeyna sabab uga dhigeen iney uga shakiyeen inay damacsaneyd weerar is-miidaamin ah. Cudurdaarkaas ayaa la rumeysan yahay inaysan ku qancin Kenya, inkasta oo uu ahaa mid hordhaca ah, waxaana Kenya ay hadda sugeysaa warbixinta kama dambeysta ah.
  10. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ballaraan oo maanta ciidanka amniga ay ka sameeyeen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada oo sidoo kale ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo lagu xiray xabsiga dhexe ee magaaladaasi. Saraakiisha horkaceysay howlgallada ayaa sheegay in haatan baaritaano dheeraad ah lagu hayo dadka gacanta lagu soo dhigay. Shalay ayey aheyd markii weerar is-miidaamin ahaa oo lagu dilay guddoomiyihii Mudug ee Puntland uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi. View the full article
  11. Kooxo Burcad-beed ah, ayaa Axaddii shalay ku guul-darraysay, isku day ay ku doonayeen in ay ku qafaashaan Markab shidaal, kaasi oo marayay xeebaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen, sida laga soo xigtay shirkadda markabkaasi leh. Markabka oo ay leedahay shirkadda Stolt-Nielsen, oo ku gooshayay calanka waddanka Ingiriiska, islamarkaana ka soo shiraacday dekedda magaalada Jubail ee dalka Sacuudi Carabiya, ayaa Burcad-beeddu ku weerartay xeebaha gacanka Cadmeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen. Laba doonyood oo yar yar, oo ay saaran yihiin lix Burcad-beed ah oo hubaysan, islamarkaana xawaare sare ku socda, ayaa markabka weeraray, inkastoo aysan ku guulaysan in ay qafaashaan, kadib markii ilaalada markabku iska difaaceen sida ay ku warrantay Sky News oo xiganaysa shirkadda Stolt-Nielsen ee markabkaasi leh. Qoraal ay shirkadd Stolt-Nielsen u dirtay warbaahinta Sky News, ayaa laga soo xigtay in ilaalada markabu ay burburiyeen mid kamid ah doonyihii weerarka soo qaaday, halka markabka ay waxyeello ka soo gaartay Rasaastii ay Burcad-badeedda, inkastoo aan wax khasaare nafeed ah ka dhalan. Sidoo kale, Isbahaysiga La-dagaaallanka Burcad-badeedda Xeebaha Soomaaliya, ayaa ka digay in laga cabsi qabo in Burcad-badeeddii Soomaalidu dib isu’ abaabulaan sababo la xiriira dhaqaale yarida ka dhalatay xanuunka COVID-19. PUNTLAND POST The post Burcad-badeed markab shidaal ku weerartay xeebaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen appeared first on Puntland Post.
  12. HARGEISA (HOL) - Puntland and Somaliland have lifted the ban on import of the leafy stimulant khat following a month-long suspension of trade in the product. Source: Hiiraan Online
  13. Waxaa caawa tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan isaga hor imaadn doono degmooyinka Wabari iyo Marka oo sanadkaan qeyb ka ah tartanka Shabelle Labada degmo ayaa sidoo kale kala matali doono gobollada dariska ee Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Degmada badisa Waabari iyo Marka ayaa iska xaadirin doonto wareega afar dhamaadka, iyada oo ay halkaas ku sii sugeyso degmada Howadaag ee gobolka Banaadir. Sidoo kale degmada laga adkaada ayaa guud ahaan isaga hari doonto sanadkaan tartan aqooneeda faca weyn ee shabakkada warbaahinta Shabelle Taaba-gelinta sanadkaan tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
  14. HirShabelle state president Mohamed Abdi Waare has presided over a key regional cabinet meeting held in Beledweyne city. The meeting focused on the current humanitarian situation in the Hiran region and ongoing efforts to mitigate the flood crisis in Beledweyne resulted from the heavy Gu’ rainfall. HirShabelle state leader urged his cabinet to work tirelessly and step up the mission to prevent the River Shabelle from flooding again to the town and nearby environs. The city has seen recurrent floods that uprooted hundreds of Somali families who became often IDPs in the region with no adequate humanitarian assistance from aid agencies. View the full article
  15. Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kula kulmay, xubno ka tirsan golaha wasiiradda Hirshabelle iyagoo ka wada hadlay xaaladda Fatahaada Beledweyne, iyo howlaha socda ee Dadka looga samatabixinayo Dhibaatada Biya baxada, Sidoo kale Waxaa Kulanka aad looga hadlay sida muhiimka ay u tahay hirgalinta barnaamijka Xalka Waara ee Beledweyne looga leexinayo Biyaha mar walbo ku fataha. Madaxweynaha Hirshabeelle iyo golahiisa wasiirada ayaa sidoo kale isla soo qaaday dib u dhiska garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne iyo sidii biyaha kusoo fatahay xaafada looga saari lahaa maaadaama isku socodka uu go’ay . “Waxaan qorsheynay in mashaariic hormarineed aan ka fulino magaalada Baladweyne oo ay ka mid tahay inaan biyaha ka leexino magaalada si aan wax uga bedelmno fatahaadaha soo laa’laabtay iyo sidoo kale dhismaha garoonka diyaarahada Magaalada “ayaa logu yiri kulanka . In kabadan 60 kun oo qoys ayaa ku barakacay fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka sameeyay magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan waxaana haatan ay ku sugan yihiin deegaanka Ceel-jaale iyo deegaano kale oo hoostada magalaada si aan uga badbaadaan biyaha baxa wabigaasi shabeelle uu kawada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Ciidaanka Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaysa taliska Africom ee Mareykanka ayaa howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyey gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgalkaasi oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah ayaa lala beegsaday nawaaxiga deegaanka Kuunyo Barrow, iyadoona lagu khaarijiyey 2 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale howlgalkaan ayaa ka qeyb ka aha qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo isbahaysiga caalamiga ee sii wadida dagaalka looga soo horjeedo Ururka Al-Shabaab oo dagaal adag kula jira dowladda iyo saaxiibada taageera. War saxaafadeed ka soo baxay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka iyo bahwadaageeda Mareynkanka ay si aad uga taxadareen waxyeello dadka rayidka ka soo gaarta weerarkaasi dhanka cirka ah. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta oo is-kaashanaya yaa sare u qaaday howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee K/ Soomaaliya View the full article
  17. Tripoli (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda caalamku aqoonsna yahay ee Libya ayaa saldhigga muhiimka ee ciidamada cirka ee al-Watiya ka qabsaday maleeshiyada dagaal-ooge Jeneral Khalifa Xaftar. Afhayeen u hadlay militariga Libya, Mohamed Gnunu ayaa qoraal uu maanta soo dhigay twitter-ka ku xaqiijiyey in ciidamada dowladda ay si buuxda ula wareegeen guud ahaan saldhigga, oo ku yaalla xuduudda Tunisia. Warka kasoo baxay dowladda ra’iisul wasaare Fayez al-Sarraj ayaa yimid kadib bil uu socday dagaal xooggan oo ciidamada xulufada ah ay kaga saareen maleeshiyada Xaftar inta badan xeebaha galbeed ee Libya. Xaftar ayaa weerar culus ku billaabay dowladda bishii April ee 2019, isaga oo doonaya inuu qabsado magaalada caasimadda ah ee Tripoli. Dadka amniga fallanqeeya ayaa rumeysan in qabshada saldhigga al-Watiya, oo 25km u jira xuduudda Tunisia, uu ciidamada dowladda u ogolaan doono inay dagaal-yahanada Xaftar ka eryaan dhinaca koonfureed ee Tripoli. “Tani waxay miisaankii awoodda Libya u weecin doontaa dhanka dowladda. Waa guul-darro weyn oo soo gaartay Xaftar, maadaama halkan ay ahayd halkii ugu dambeysay ee ciidamadiisa ay ka joogeen galbeedka Libya,” waxaa sidaas yiri weriye ka tirsan Al-Jazeera, Mahmoud Abdelwahed oo ku sugan Tripoli. “Maleeshiyada Xaftar ayaa saldhigga kasoo qaadi jiray weerar dhanka cirka ah oo ay ku beegsan jireen goobo badan oo ciidamada dowladda ay kaga sugnaayeen galbeedka, taasi oo hadda meesha ka baxeysa.” Dagaal-ooge Khalifa Xaftar ayaa waxaa taageera Imaaraadka Carabta, Sacuudiga, Masar iyo Ruushka, halka dowladda ay taageero ka heleyso Turkey iyo Qatar.
  18. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey sanad guurada 18-ka May oo ah markii ay Somaliland shaacisay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa sheegay in aysan waxba la wadaagi doonin dowladda federaalka oo ay haatan si weyn isku hayaan. Muuse Biixi ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan deeqaha ay beesha calamka ku caawineyso, balse wuxuu tilmaamay in aysan aqbali doonin in loo soo marsiiyo Soomaaliya. Sidoo kal waxa uu hoosta ka xariiqay in cid kasta oo garab is-taag iyo gargaarba la dooneysa ay Somaliland si toos ah ula xiriireyso. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo afar sano ah hakad ku jira, wuxuuna hoosta ka xariiqay in wax wada-xaajood ah aysa la geli doonin dowladda Soomaaliya inta ay Somaliland ugu yeereyso magaca gobollada waqooyi ee Soomaaliya, taasina ay tahay xaqiraad, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Soomaaliya ay kula macamiil-tami karaan oo kaliya hal shardi, kaas oo ah inay u wada-hadlaan sidii labo dal oo daris ah. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Codka-Madaxweynaha-Soomaaliland.mp3 View the full article
  19. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-18052020.mp3 View the full article
  20. Taliska ciidamada dalka Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in hoowlgal ay ka fuliyeen gobolka Jubbada dhexe lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab, iyadoo goboka ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidama Kumaandooska Soomaaliya oo ay taageerayaan talis Africom. Taliska oo qoraal kooban soo dhigay bartooda Twitter-ka ayaa xusay in duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen diyaarada Mareykanka deegaanka Kuunyo Barrow in lagu dilay ilaa labo dagaalamae oo ka tirsan Al-shabaab, taliska ayaa intaas ku daray in howlgalkaas dad shabab ah aysan wax ku noqon sida lagu sheegay qooraalka. Taliska ciidamada Mareyanka ayaa muddooyinkii dambe kordhiyey howlgalldaha dhanka cirka ah uu ka fuliyaan Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dhowaan ay sheegtay inuu bilowfday howlgal lagu doonayo in lagu gaaro degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe oo ay gacanta ku hayaan Al-shabab oo muddooyinkii ku sugnaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi (Xildiid) oo maanta Khudbad ka jeediyey xaflad lagu maamuusayey sanad guuradii 29-aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ee 18-kii May sanadkii 1991-kii ayaa soo hadal qaaday suurto galnimada wadahadallo dhab ah oo dhex mara labada dhinac. Madaxweyne Muuse ayaa xusay in Somaliland ay ka go’an tahay ina y noqoto qaran madaxbannaan, si wadahadallaas loo sii anbo qaadana loo baahan yahay in Soomaaliya ay aqoonsato gooni isutaagga Somaliland, waxaana uu intaas uu ku daray in dhammaan shacabka iyo madaxda Somaliland ay ka go’antahay arrintaas waaxana uu yiri. “Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland iyadoo go’aannada shacbiga Somaliland madaxbannaanidooda uu yahay muqadas lama taabtaan sida uu dastuurku cadeynayo, casriga aan maanta joogno oo ilbaxnimada ah iyo caqliga fiyoobiba waxaa ay isku raacsan yihiin wixii khilaafaad ah ee yimaada in lagu dhammeeyo wadahadal si looga fogaado dhiig dambe oo daata iyo colaado hor leh oo dabo dheeraada, haddii la doonaayo in lawada hadlo waxaa shardi ah in la aqoonsado inaan nahay labo dal oo wada hadlaayo” Sidoo kale, Madaxweyne Muuse Biix Cabdi wuxuu tilmaamay in wada-hadalka labada dhinac ka hor, ay tahay in laga heshiiyo Ajandaha laga wada-hadli doono, isagoo xusay in mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya aaminsan yihiin in midnimo oo keliya laga wada hadli karo, halka Somaliland aaminsantahay in ay ka go’do dalka intiisa kale oo ay noqoto jamhuuriyad caalamku aqoonsado sida uu sheegay. “Ma aqbali karno go’aan ah mid inamada Xamar joogaan ay ku hadlaan oo ah wixii aan kala go’ ama aan kala tag ah eynu aheyn aan ka wadahadallno si cad oo dheer ayaan ugu sheegayaa kala go’mooyee wax kale ka hadli mayno waan kala go’nay waana kala tagnay ee labo dal oo daris ah ma ahaanaa, haddii kale waxaad wadaan waad heli doontaan “ ayuu yiri madaxweyne Muuse biixi. Hadalka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aya waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo muddooyinkii dambe uu hakad badan uu galay wadahadalladii labada dhinac taas oo ay ugu wacan tahay siyaasadaha kala fog iyo halka ay kala joogan labada dhinac waxaana jirin ku dhowaad 30-sano wax isku soo dhowaansho ah oo laga gaaray wadahadallada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Hargeysa (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Muwaadiniinta reer Somaliland ayaa si wada-jir ah maanta usoo saaray baaq xasaasiya oo ku saabsan xuska 18-ka May, oo ku beegan maalintii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya. Baaqa ay maanta soo saareen Shacabku oo nuqul kamid ah uu soo gaaray Caasimada Online, ayaa waxa lagu sheegay in Ujeeddada iyo yoolka loo unkay qaran madax-bannaan ay aheyd in la dhiso dowladd umadda wada deeqda, kuna dhisan sinaan iyo cadaalada. Sidoo kale waxa baaqaasi shaki lagu galiyay inay xukuumada Somaliland ku shaqeynayso qaab waafaqsan rabitaanka shacabka iyo yoolkii aasaaskeeda, kaas oo ku dhisan mabaadi’da Dastuuriga ah ee sinnaanta muwaadiniinta, caddaaladda, talo-wadaagga, is-dheelitirka awoodaha iyo sugidda xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyadda qofka. Waxaana lagu xusay in gudaha Somaliland ay ka dhacaan falal kasoo horjeeda sharciga, midkaasi oo wiiqaya xorriyaadka muwaadiniinta ee cabbiridda aragtida, iyada oo Muwaadiniin badan oo reer Somaliland ah ay xabsiyada ugu jiraan soo bandhigida fikirkooda. Baaqaasi ay maanta soo saareen Shacabku ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay inay marag ma-doon tahay in xukuumada Somaliland ka leexatay gaadhista yoolkii loo abuuray, xili dadkii dhashay 1991 iyo wixii ka danbeeyey weligood ma helin fursad ay ugu codeeyaa baarlamaan metela. Waxaana sarre u kacay gudaha Somaliland shaqo la’aanta baahsan ee ka taagan, sinnaan la’aanta, caddaalad darada iyada oo hoos u dhaca wayni ku yimi wada-tashiga iyo ixtiraamka xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyaadka qofka, sida lagu sheegay baaqaasi. “Waxa aan indhaha laga qarsan karin, habboonna in la is-waydiiyo sagaal iyo labaatan sanadood kadib Dawladda Somaliland ma tahay mid ku shaqaynaysa si waafaqsan rabitaanka shacabka iyo yoolkii aasaaska qarankan, kaas oo ku dhisan mabaadi’da Dastuuriga ah ee sinnaanta muwaadiniinta, caddaaladda, talo-wadaagga, is-dheelitirka awoodaha iyo sugidda xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyadda qofka” ayuu lagu yiri baaqaasi. “Somaliland waxa ka dhaca ku-tumasho sharci, xadhig siyaasadeed iyo cabudhin ka dhan ah warbaahinta, siyaasiyiinta, iyo muwaadiniinta cabbira aragtiyohooda. Waxa kale oo si joogto ah u dhaca ku-xadgudub madaxbannaanida Golayaasha Sharcidejinta iyo Garsoorka oo aan shaqadooda u madax bannaanayn, iyada oo xadhigga xildhibaannada iyo masuuliyiinta xisbiyada mucaaradku yihiin kuwo soo noqnoqda. Deeqaha iyo miisaaniyadda Somaliland looma qaybiyo si caddaalad ah oo ay u siman yihiin gobollada dalka oo dhan” ayaa sidoo kale lagu yiri baaqaasi. Baaqaasi oo ay ku saxeexnaayeen boqolaal shacab ah ayaa waxa kale oo lagu sheegay in xukuumada Somaliland ay gebi ahaanba baal martay heshiisyadii lagu galay shirarkii Burco ee 27kii April ilaa 5tii May 1991, Shirkii Boorame ee 24kii January ilaa 25kii May 1993kii iyo Dastuurka Somaliland ee la ansixiyay 2001. Ugu dambeyntiina waxa xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi lagaga dalbaday inay ku soo noqoto heshiisyada bulsho, ixtiraamto dastuurka oo ay dalka ku soo dabaasho hanaan dimoqraadi ah, sinaan iyo caddaalad.
  23. The European Union has announced €105.5 million in aid to Horn of Africa nations facing not just the coronavirus pandemic but also ongoing conflict, severe flooding and a months-long locust infestation that has destroyed crops and threatened food security. Somalia and Ethiopia will share €90 million nearly equally, while Kenya will receive €15 million and Djibouti will see €500,000. The money is meant to support health care facilities with controlling the epidemic a top priority, as well as provide assistance to farmers to help maintain food production during the crisis. The funds also are meant to meet the basic needs of refugees and internally displaced people. Somalia, which has seen 56 fatalities among its 1,421 confirmed coronavirus cases, now faces a potential cholera outbreak following recent floods. Aid agencies say the flooding along the Shabelle River has forced 412,000 people from their homes, adding to the risk of spreading COVID-19 and other diseases. World Bank also has approved US$137.5 million for Somalia to help the nation address its multiple crises. “The flood has occurred at a time when Somalia is facing the challenge of limiting community transmission from COVD-19 and its fragile health system is struggling to cope with the pace in which the outbreak is spreading,” said WHO. “The country is also facing one of the worst desert locust infestations in 25 years with new swarms reported in all states across the country.” That’s true for Kenya too, which has seen its flooding death toll reach 237 since the rains began in April and continues to battle locust infestation. “The EU remains committed to help address humanitarian needs in countries in the Horn of Africa, all the more so in these challenging times,” said Commissioner for Crisis Management, Janez Lenarčič. “EU aid will support communities at risk of hunger and strengthen measures to prevent the spread of coronavirus. A global pandemic requires a global response.” Africa Times