-
Content Count
212,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Sudan Iyo Masar ayaa sii wada wadahadalada ku saabsan Mashruuca Biyo-xidheenka Ethiopia, sida uu sheegay Golaha Wasiirada dalka Sudan. Kuwaas oo war-saxaafadeed ay soo saareen kulankaasi oo ay ka qaybgaleen Raysal Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok iyo dhigiisa dalka Masar Mustafa Madbouli oo ay weheliyaan Wasiirada arimaha dibada, Beeraha iyo Bihaha iyo Hoggaanka Sirdoonka labada dal. “Kulankan ayaa Raysal Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok iyo Dhigiisa dalka Masar Mustafa Madbouli ay ku falanqeeyeen habka hore loogu sii wadi karo wadahadalada ku saabsan Biyo-xidheenka Wabiga Nile, ee saddexda dal sida ugu dhakhsaha badan,” ayuu lagu yidhi War-saxaafadeedka ay kulankaasi ka soo saareen dalalka Sudan iyo Masar. Waxaana sidoo kale kulankaasi hoosta lagaga xariiqay in dedaalada dhexdhexaadinta u sii wado Raysal Wasaaraha Sudan isla markaana uu isku soo dhaweyn lahaa dalalka Masar iyo Ethiopia, iyadoo la sii wadayo kulano saddex geesood ah oo ay yeeshaan saddexda dal. Raysal Wasaaraha Sudan ayaa loo asteeyey in kulanka ka dib uu Telefoonka kula hadlo Raysal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed to si uu ugala tashado isaga sidii loo sii wadi lahaa kulanada saddex geesoodka ah sida ugu dhakhsaha badan ee uguna suurtagalsan, ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka. Dhinaca kale Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Ugu Baaqay Masar, Ethiopia Iyo Sudan Inay Sii Wadaan Wadahadalada Lagu Doonayo Inay Heshiis Ka Gaadhan Biyo-Xidheenka Ethiopia, iyo dedaalada meesha lagaga saarayo farqiga u dhexeeya. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka amar qaata madaxtooyada Kismaayo ay gurigeeda kala baxeen Haweeney caan ah. Haweeneydaan ayaa lagu magacabaa Aamino Shukri Ibraahim, waxayna ka tirsaneed Golaha Isbadal doonka Jubaland lamana oga sababta ka dambeysa in lala baxo. Qaar ka mid ah ehellada Aamina oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada madaxtooyada Jubbaland ay ka dambeeyeen falkaasi. Ciidamada la baxay Haweeneydaan ayaan la ogeyn halka ay u kaxeesteen. Aamina Shukri Ibraahim, waxay kamid tahay dumarka ugu caansan Kismaayo waayihii ugu dambeeyay waxayna caan ku aheyd doodaha looga soo horjeedo Maamulka Axmed Madoobe oo dhawaan la heshiiyay Cabdirashiid Xidig oo ay Golaha Isbadal doonku Madaxweyne u doorteen balse aan qeyb ka noqon heshiiskii uu galay. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha amaanka Jubbaland oo arintaan ku saabsan, waxaana heli weynay xariiro aan la sameynay mas’uuliyiinta amniga Jubaland. Jubbaland oo tan markii dib loo doortay Axmed Madoobe lugaha la sii galeyso xiisado siyaasadeed ayaa waxaa muddooyinkii dambe muuqday isku soo dhawaasho u dhexeeya dhinacyada isku haya hoggaanka maamulkaasi, kadib heshiiskii ka dhacay dalka Kenya.
-
Dhuusamareeb (PP News Desk) — The President of Galmudug State Ahmed Abdi Kariye has given an account of priorities for his administration. In a speech he delivered last night in Dhuusamareeb President Kariye stressed restoring peace to Galmudug.“Liberation of areas in Galmudug still under the terrorists is urgent. In those areas Al-shabaab denied citizens their right to peace, education and health care” Kariye said.“My adminstration is committed to ending inter-clan clashes in Galmudug and subsequent feuding. It is unacceptable to shed the blood of innocent people in feuding. Any person who commits a crime will face justice. Land disputes will be prevented. Only people with planning permission or can start construction ” Galmudug President said. President Kariye said that he would continue reconciliation efforts to make necessary concessions to stakeholders with whom he has had political differences following Galmudug presidential election held several months ago. “We will address fair and reasonable complants” President Kariye concluded. © Puntland Post, 2020 The post GALMUDUG PRESIDENT OUTLINES PRIORITIES FOR HIS ADMINISTRATION appeared first on Puntland Post.
-
Qoraal ay soo saartay Maria Arena, oo madax ka ah guddiga hoosaadka xuquuqda aadanaha ee baarlamaanka midowga Yurub ayey uga hadashay weerarrada joogtada ah ee ka dhanka weriyeyaasha Soomaalida iyo guud ahaan xadgudubyada ka dhanka ah xuriyadda saxaafadda. “ Waxaan ammaanaya saxafiyiinta Soomaaliyeed oo noloshooda halis u geliya si ay si xuriyad leh ugu shaqeystaan, una difaacaan xuriyadda saxaafadda. Dilka Saciid Yuusuf Cali oo ka tirsanaa Kalsan TV 4 May 2020 ee magaalada Mogadishu, waxaa uu naxdin ku beeray dhammaan saxafiyiinta. Waxaan ugu baaqayaa dowladda iney ku saameyso baaris hufan oo dhameystiran, oo ciddii mas’uulka ka aheydna cadaaladda la marsiiyo”. Waxaan soo dhoweynayaa dhawaqa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee ahaa inuu dib u habeyn uu ku sameynayo xeerka ciqaabta Soomaaliya ee 1964, kaas oo loo adeegsado si joogta ah in afka lagu qabto saxafiyiinta ee soo bandhiga ra’yi dhaliil ah. Dib u eegistan waxaa ay tallaabo muhiim ah oo horay loogu qaaday in la badbaadiyo saxafiyiinta, kuwaas oo iyaga iyo muwaadinkaba aad u doonaya iney helaan xuquuq iyo xuriyadda hadalka cabsi la’aan, oo weliba aan loo raacan wax dambi ah. Waxaan filayaa dowladda Soomaaliya in iyada oo la raacayo soojeedinta madaxweynaha la laalo eedeymaha dambi ee ka dhanka ah Mukhtaar Maxamed Catoosh oo ka tirsan VOA iyo Cabdicaziz Axmed Gurbiye oo ka tirsan Goobjoog Media Group, oo labaduba lagu sii daayey dammaanad oo dambiyo loo heysto. Waxaan kale oo ugu baaqayaa maamulka Somaliland si dhaqso ah oo shuruud la’aan ah u sii daayaan weriyaha u xiran ee Cabdimaalik Muuse Coldoon oo lagu eedeeyey inuu faafinayo afkaar dalka ka soo horjeeda, propaganda iyo warar been ah”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Soomaaliland ayaa shaacisay in maanta deegannadeeda laga helay kiisas aad uga yar kuwii maalmihii la soo dhaafay ay shaacinayeen waana caabuqa sida adag dunida u saameeyay ee COVID-19. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay 2 qof oo cusub uu cudurka soo ritay, iyada oo sidoo kale shaacisay in guud ahaan ay xanuunka ka bogsadeen 10 ruux, waxaana cudurkaan u geeriyootay 11 qof. Sidoo kale Deegaannada Soomaaliland ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa xanuunka ugu geeriyooday shaqsi 65-sanno jira haa kaas oo ku noolaa magaalada Boorama. Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurka Coronavirus laga diiwaan geliyay kiisas kor u dhaafaya 100 kiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey qarax gaarigiisa saaka lagula eegtay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Cali Gaab oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in gaariga qaraxa lala eegtay oo ahaa Toyota Hilux (Qooqan) uu geeyey xafiiskiisa shaqada, kadibna gaariga uu soo laabtay, isagoo doonayey inuu soo qaado sarkaal kale, balse la qarxiyey. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu caafimaad qabo, islamarkaana uu aad uga xun yahay dhacdadaasi. Jeneraal Cali Gaab ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qaraxaas uu ku dhintay mid ka mid ah ilaaladiisa oo uu magaciisa ku sheegay Xamze Xasan Axmed, sidoo kale ay uga dhaawacmeen saddex askari oo kale, isaga oo u rajeeyey caafimaad deg-deg ah. Xaaladda meesha uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan degan,waxaana si caadi ah ku soo laabtay dhaq dhaqaaqa isku socodka dadka iyo gaadiidka intaba. Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan, sida lagu shaaciyey war goor dhow ay ku shaacisay baraha bulshada ee Internet-ka. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Cod-Taliye-Cali-Gaab.mp3
-
Webiga Shabeelle ee mara Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa saacadihii la soo dhaafay fatahaad ka sameeyay degmada Mahadaay iyo tuulloyin dhowr ah oo hoostaga taasi oo keentay bara-kac xooggan. Tuulooyinka uu Webiga ka fatahay ee degmada Mahadaay ayaa waxaa kamid ah, Diinlaawe, Buurfuule,Shiidle Bari,Buulo Axmed, Kulmis iyo degaano kale,isla markaana dalagyo farabadan ay fatahaada baabi’isay. Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe Saalax Fuleel Xaaji ayaa sheegay in dhammaan tuulooyinkaas iyo kuwo kale ay ka barakaceen dadkii ku noolaa oo uu fataahada saameeyey,isla markaana degaano kale ay dhibaatooyin ku heystaan. Waxaa uu sheegay in illaa iyo hadda Maamulka Hir-Shabeelle aysan jirin gurmad kasoo gaaray,sidoo kalena Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle aysan jirin wax dadaal ah oo ay wadaan si loogu gurmado shacabka ay fatahaadu barakicisay. PUNTLAND POST The post Webiga Shabeelle oo fatahaad xooggan ka sameeyay degmada Mahadaay appeared first on Puntland Post.
-
Wararka aan ka helayno gobalka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay sheegayan in xalay ciidanka AMISOM ee ku sugan gobalkaasi ay duqeyn madaafiic ah ka geysteen qeybo ka mid deegaana Shallan-bood ee gobalkaasi. Guddoomiyaha deegaanka Shallan-bood Nuur Cismaan Raagge ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka AMISOM ay madaafiic ku garaaceen xaafadaha qaar ee deegaankiisa isaga oo intaas raaciyay in duqeyntaas ay ka dambeysay ka dib markii qarax miino askar ka tirsan AMISOM lagula eegtay deegaanka. Guddoomiyaha oo sii hadlayay ayaa tibaaxay inaysan sheegi Karin khasaaraha rasmiga ah ee ay keentay duqeyntaasi waxa uuna xusay in saakay ay ku baxeen xaafadihii la duqeeyay si ay xog uga keenaan waxyeelada soo gaartay dadka rayidka ah. Ciidanka midowga Afrika ee Soomaaliya u jooga nabad ilaalinta loona yaqaan AMISOM ayaa fariisin ku leh duleedka deegaanka Shallan-bood ee gobalka Shabeellaha hoose, waxaana mararka qaar ay madaafiic aan loo meel dayin ku garaacaan dadka shacabka ah marka qaraxyo lala eegto kolonyadooda. Goobaha dalka aya ka joogaan AMISOM waxa ay ka geystaan tacadiyo ka dhan ah aadanaha, mana jirto tallaabo ay arrinkaasi ka qaaday dowladda federaalka ah marka laga tago inay cambaareyso falalka caynkan oo kale ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Booliska gobalka Bari ee maamulka Puntland oo kaashanaya kuwa sida gaarka ah u tababaran ee PSF ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen qaraxyo nooca dhulka lagu aaso ah, kuwaas oo ay sheegeen in la doonayey in dadka lagu dhibaateeyo. Howlgalkaan oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa saraakiisha hoggaamineysay waxa ay sheegeen in qaraxyadan ay doonayeen Al-Shabaab iyo Daacish inay ku aasaan goob ay dadka isugu yimaadaan oo ku taalla bartamaha Boosaaso. Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari G/sare Xusseen Cali Maxamuud ayaa sheegay inay hayaan gaarigii ay wateen ragii ku howlanaa diyaarinta Qaraxyadaasi. Sidoo kale wuxuu sheegay in ay wadaan baaritaan ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggii watay qaraxyadaasi oo goobta ka baxsaday si ay u maxkamadeeyaan. Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa dhowr jeer oo hore waxaa lagu soo bandhigay waxyaabaha qarxa iyo raggii waday, iyada oo sidoo kale qaraxyo ka dhacay ay mas’uuliyadooda sheegteen Al-Shabaab. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ay madaafiic ku garaaceen deegaanka Shalanbood ee gobolkaasi, gaar ahaan xaafado ay dagan yihiin dad rayid ah. Guddoomiyaha deegaankaasi, Nuur Cismaan Raage oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay duqeeyeen gudaha deegaanka, kadib markii qarax miino halkaasi lagula beegsaday kolonyo ay wateen. Raage ayaa tilmaamay inuu jiro khasaare kala duwan, balse ay haatan wadaan baaritaano ku aadan dhacdadaasi, dibna ay faah faahinta ka bixin doonaan. Shalanbood oo ka mid ah deegaanada muhiimka ah ee gobolka Sh/Hoose ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada milatariga Soomaaliya, iyadoona aan la ogeyn sababta ay AMSIOM hoobiyeyaasha ugu garaacday deegaankaasi oo shacab badan ay ku nool yihiin. Inta badan ciidamada AMISOM ayaa waxaa dhibaato xoogan ay u geystaan dadka rayidka ah, markasto oo qaraxyo lala eegto, iyaga fura rasaas aan loo meel dayin. Gobolka Shabeelaha Hoose oo uu ka socda howlgalka ugu ballaaran ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu weeraraa ciidamada huwanta xilliyada ay isaga kala gooshayaan deegaanada kala ee gobolkaasi oo ay weli ku xoogan yihiin Al-Shabaab.
-
From childhood onward, according to her new memoir, Rep. Ilhan Omar often seemed to find herself in the middle of nasty fights. Source: Hiiraan Online
-
Maxkamadda cadliga adduunka ee ICJ ayaa talaadadii ku dhawaaqday in markii 3-aad dib loo dhigay kiiska baddda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ka dib markii Nairobi ay dalbatay in dib loo dhigo dhageysiga kiiskaas. Maxkamaddan oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland ayaa dib u dhigista dacwadan ku micneysay saameynta adag e dunida uu ku yeeshay cudurka Covid 19 oo caalamka oo idil kala xirxiray, waxaa ayna maxkamaddu waraqad lagu ogeysiinayo in dhageysiga dacwadda badda dib loo dhigay ay u dirtay labada dal oo ay dacwaddu u dhaxeyso. March, sanadka 2021 ayey maxkamadda ICJ go’aamisay inay bilaabato dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya waxa ayna maxkamaddu intaas ku dartay inay tixgelisay dalabkii uga yimid dowladda Kenya sidaasna ay ku go’aansatay inay dib u dhigto kiiskan. Haddaba, Goobjoog News ayaa heshay dokomentiyada ay isdhaafsadeen dhinacyada ICJ, Kenya iyo Soomaaliya: April 24, 2020: Maxkamadda Cadliga ICJ ayaa qoraal ay soo gaarsiisay dowladda federaalka ah ku sheegtay in ay heshay codsi ka yimid dalka Kenya April 23, 2020 oo ay ku dalbaneyso in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda xilli aan la cayimin sababo la xiriira Covid 19. May 1, 2020: Qoraal ay Soomaaliya u dirtay maxkamadda oo uu ku saxiixnaa ra’isul wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed waxaa ay Muqdisho ku sheegtay in aragtay codsiga Kenya ee dib u dhigista dacwada badda, taasina ay tahay markii 3-aad oo ay sidaasi sameyso. Soomaaliya waxaa ay intaasi ku dartay in Kenya ay ku cadaadineyso Soomaaliya in xal lagu gaaro meel ka baxsan maxkamadda, oo weliba taktikada Kenya ay waddo ee ay ku dooneyso in Soomaaliya ka baxdo maxkamadda ay tahay mid walaac leh. Warqaddan waxaa ay Soomaaliya ku xustay in cudurkan Covid 19 uu halis yahay, loona baahan yahay in ay ahmiyad la siiyo badqabka dadka iyo maxkamadda sidaasi darteedna ay maxkamadda dacwada ku gasho dhageysigeeda qaab video-conference ah. May 1, 2020: Maxkamadda Cadliga waxaa ay sheegtay iney heshay qoraal ay Soomaaliya dirtay oo ah in in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka soo horjeedo dib u dhigista dhageysiga dacwadda badda, codstana in dhageysiga laga dhigo video-conference ah. May 4, 2020: Qoraal ay Maxkmadda ka heshay Kenya waxaa ay ku sheegtay in Kenya ay difaaceyso codsigeeda ah dib u dhigista. May 7, 2020: Qoraal uu diray ra’isul wasaare ku-xigeenka Soomalaiya Mahdi Maxamed ayey Soomalaiya ku sheegtay in doodda Kenya ee ah in doodda ku fiicantahay in maxakamadda la horjoogo ay daciif tahay, lana dhageysan karo qeybaha iyada oo live streaminig oo dadweynaha la socon karaan, dhinacyadana ay ku qancayaan. Muqdisho waxaa ay caddeysay in ay ku dheggan tahay soojeedinteeda ah in doodda u dhacdo qaab video-conference oo intii hore ay dib u dhigis ugu filnaato. May 7, 2020: Qoraal uu waxaa ay maxkamadda sheegtay inay heshay jawaabta Soomaaliya ee la xiriirta codsiga Kenya taas oo Muqdisho ku dalbatay in dhageysiga laga dhigo qaab video-conference ah May 19, 2020: Maxkamadda ayaa sheegtay in ay dhageysatay soojeedinta labada dhinac oo ku saabsanaa dib u dhigista dhageysiga dacwada badda iyada oo la tixgelinayo caabuqa Coronavirus taasina ay keentay in dhageysiga laga dhigo March 15, 2020. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Faahfaahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax saakay lala eegtay sarkaal sare oo ka tirsan booliska Soomaaliya kaas oo ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. Qaraxan oo ahaa mid lagu dhejiyay gaari uu lahaa taliyaha hoggaanka caafimaadka booliska Soomaaliya Jeneraal Cali Xirsi Bare Cali Gaab ayaa waxaa la sheegay inuu ku geeriyooday hal askari oo ka mid ahaa ilaalada taliyaha, halka sidoo kale ay qaraxaasi ku dhaawacmeen tiro kale sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka. Taliyaha Hoggaanka caafimaadka ee ciidanka booliska Cali Gaab ayaa ka badbaaday qaraxa waxaana wararka qaar ay sheegayaan in taliyuhu uu gaari la socday. Askar ku sugneyd halka uu qaraxu ka dhacay ayaa durbadiiba xiray isku socodka dadka iyo kan gaadiidka iyaga oo goobta ka bilaabay baaritaan kooban inkastoo aysan baaritaankaasi ka soo bixin wax natiija ah. Wali ma jirto faahfaahin ay bixiyeen saraakiisha booliska Soomaaliya maadaama qaraxan lala beegsaday sarkaal iyaga ka tirsan. Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan la soo sheegayaa in xaaladeedu ay tahay mid degan islamarkaana waxaa caadi ku soo laabtay isku socodka dadka iyo kan gaadiidka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Degmada Hodan ayaa xalay u gudubtay Final-ka tartan aqooneedka Shabelle, kadib markii ay ka adkaatay dhiggeeda degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Labada degmo oo dadaal badan soo muujiyey, tan bilowgii barnaamijka ayaa waxa ay guushu raacday Hodan oo noqotay degmadii ugu horreysay ee tega Final-ka tartanka. Wadajir oo laga badiyey ayaa la timid 2 dhibcood, halka Hodan oo guusha la hoyotayna ay keensatay 6 buundo, sida uu shaaciyey, Xasan -Weli Sheekh Abuubakar. Dhinaca kale waxaa caawa tartanka ku ballansan degmooyinka Howlwadaag iyo Waabari oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Degmada guuleysata sidoo kale waxa ay iska xaadirin doontaa Final-ka, iyada oo ay isku dhici doonaan degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Taaba-gelinta sanadkaan tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article
-
Saraakiisha amaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa waxa ay sheegeen inay fashiliyeen qaraxyo lagu aasayay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta goblka Bari, ka dib markii ay falkaas xog ka heleen hey’adaha booliska maamulkaasi. Taliska booliska gobalka Bari oo kaashanaya ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan PSF ayaa wax ay sheegeen in qaraxyadan ay fashilyeen xalay islamarkaana waxa ay intaas ku dareen in raggaasi aasayay qaraxyada looga shakisanyahay inay ka tirsanyihiin dagaalamayaasha Al shabaab iyo kuwa Daacish ee ka dagaalama deegaannada Puntland. Booliska ma aysan faahfaahin inay gacanta ku dhigeen raggii qaraxyada aasayay iyo inkale balse waxa ay xuseen in qaraxyadan la doonayay in lagu aaso bartamaha magaalada islamarkaana ay ciidanku ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan waxyaabihii la doonayay in la qarxiyo ka hor inta aysan qarxin. Magaalooyinka waa weyn ee Maamulka Puntland sida Boosaaso iyo Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe amnigoodu waxa uu noqday mid faraha ka sii baxayay ka dib markii magaalooyinkaas ay ka dhaceen dilal qorsheysan, weeraro toos ah iyo qaraxyo waxaana dhacdadii u dambeysay lagu dilay guddoomiyihii gobalka Mudug ee qeybta Puntland Axmed Muuse Nuur oo ku geeriyooday qarax ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Masuuliyiinta ugu sareysa Puntland waxa ay had iyo jeer sheegaan inay tallaabooyin cad ka qaadi doonaan amniga deegaannadooda, balse taas xilligan uma muuqato mid ay amni iyo xasilooni ku helayaan shacabka deegaannadaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Carta, Djibouti 2000 Toban sano oo kala haad ah kadib waxaa dib u bilaamay abaabul cusub oo Dawladnimo. Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa fidiyey gacan walaal oo gogol fidsan dhigay Magaalada Carta ee Djibouti 2000. Shir aad u balaaran oo waxgaradka iyo bulshada rayadka ah u badan, lagana ilaaliyey hogaamiye-kooxeedyada ayaa gogol aan waqti cayiman ku xirrayn oo xal doon ah loo fidiyey. Talada shirka nabadaynta, maalgelintiisa iyo abaabulkaba waxaa keli ahaan dusha u ritay Madaxweyne Ismaaciil iyo Djibouti. Aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo hoggaan dhaqan oo jilib culus ah ayaa oo toban sano oo magac xumo iyo metelaad la’aan Dawladnimo kadib is-horfariistay. Calankii buluugga ahaa oo aan muddo fagaare lagu arag iyo heeso wadani ah oo qiiro leh ayaa laga hor ooyey oo lagu wada calaacalay. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf (midig) iyo Cabdiqaasim Salaad Shirka Carta maamul ahaan lagama casumin Somaliland iyo Puntland oo ay kala hogaaminayeen Cabdullahi Yusuf Maxamed Ibrahim Cigaal, inkasta oo ergo deegaamadaas kasoo jeedaa shirka yimaadeen. Dood iyo lafogur dheer oo qaatay ilaa lix bilood waxaa shirkii Carta ka dhalatay Dawlad loo bixiyey TNG-Transitional National Government iyo nidaam awood-qaybsi siyaasaddeed loogu yeeray 4.5 loona arkayey xal ku meel gaar ah oo albaabka Dawladnimo-doonka ah lagu furo maadaama kalsooni xumo iyo kala shaki badani jirey. Waxaa Madaxweyne loo doortay Cabdiqaasim Salaad Xasan, iyo Cali Khalif Galayr oo Raysal-wasaare ah oo labaduba ka mid ahaa xukuumaddii Askarta, kana soo kala jeeday Woqooyi iyo Koonfur. Si weyn ayaa Dawladdii Carta loo soo dhoweeyey, waxayna Xamar ka degtay iyada oo rajo weyn laga qabo. Inkasta oo ay Dawladdii Cabdiqaasim cod loo baahnaa u noqotay Soomaaliya, fagaarayaasha caalamkana metelaad uga heshay, haddana wax weyn oo kale uma qabsoomin. Taageero iyo aqoonsi macno leh kama helin caalamka, marka laga reebo sako iyo sadaqo Carbeed oo sooryo ah. Mucaarad gudaha ah iyo mid dibadda ahna waa yeelatay oo sii wiiqa. Waxayse fure muhiim ah u noqotay safarka dheer ee dib-u-yagleelka Soomaaliya oo qori-isu-dhiib ku dhisan, waxayna Dawladdii carta ee TNG-da taariikhda ku gashay inay noqoto xukuumaddii ugu horraysay ee is-faham ku dhalata ilaa iyo burburkii xukuumaddii Askarta Jannaayo 26, 1991. Mbegati-Eldoret, Kenya 2002-2004 Kahor dhamaadka muddo xileedkii xukuumaddii Carta waxaa sii bilowday ololaha tii bedeli lahayd oo ay hormuud ka yihiin siyaasiyiin iyo hoggaamiye kooxeedyo mucaarad ku ahaa Madaxweyne Cabdiqaasim iyo TNG-dii Carta. Is-bahaysiga hannaankii Eldoret-Embegati waxaa horkacayey Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo Madaxweyne ka ahaa Puntland oo iyadu markaas maamul ahaan u dhisnayd. Waxaa kaloo hannaanka Dib-u-heshiisiinta Eldoret iyo Embegati riixayey dalalkii deriska ahaa ee Kenya, Ethiopia iyo Urur Goboleedka IGAD oo u arkayey in Xukuumaddii Cabdiqaasim dhinaca Carabta u badatay iyo Midowga Yurub oo bixinaysay kharashkii badnaa ee shirka. Ugu yaraan labo sano oo xarig jiid, gorgortan iyo cadaadis adduunka ah kadib waxaa dhalatay xukuumaddii la baxday Kumeel Gaadhka (TFG1-Transitional Federal Government) oo uu Madaxweyne ka yahay Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Cali Maxamed Geedi-na Raysal-wasaare. Waxay ahayd Dawlad ku dhisan Charter federal ah oo leh 175 xildhibaan oo ku salaysan awood-qaybsi siyaaasadeedkii Carta ee 4.5 oo uu Gudoomiye Baarlamaan ka yahay Sheriif Xasan Sheekh Aaden. TFG1 Waxay ahayd Dawladdii 2-aad ee dalka dibaddiisa lagu soo dhiso, waxay kaloo ahayd Dawlad ay ku dhan yihiin dhamaan qabqablayaashii dagaalka ee muuqday iyo cidkasta oo saamayn siyaasadeed iyo mid ciidan lahayd xilligaas. Waxaa la jideeyey in wasiirradu kasoo dhex bixi karaan xildhibaanada taas oo ah caqabad weli taagan oo wax weyn u dhintay Is-korjoogtaynta iyo Isla xisaabtanka (Transparency and Accountability) Hay’adaha Dawladda. Waajibaadka ugu weyn ee TFG1 Waxay ahayd: 1. In muddo labo sano ah lagu dhamaystiro nidaamka cusub ee Federalism-ka ah ee la qaatay, 2. In Xukuumaddu gudaha dalka ka hawlgasho oo Hay’adihii Dawladda la dhiso iyo 3. In la dhamaystiro Axdi-qarameedka ku meelgaarka ah. Laakiin markiiba waxay xukuumaddii Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf iyo Raysal-wasaare Geeddi la kulantay mucaarad xooggan oo fursad u diidday. Guddoomiyihii Baarlamaanka Sheriif Xasan iyo hoggaamiyeyeyaashii hubaysnaa ee Muqdisho qaar ka mid ah ayaa samaystay isbahaysi siyaasaddeed oo mucaarad ah, waxayna diiddeen in xukuumaddu Xamar tagto. Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf iyo xukuumaddiisii waxay u guurtay Jawhar oo uu markaas haystay Maxamed Dheere oo ay Raysal Wasaare Geeddi qaraabo ahaayeen, kursiga Baarlaman-kana uga baxay. Xoogaa ka dib Maxamed Dheere wuxuu u jirxumeeyey xukuumaddii Cabdillaahi Yuusuf ee maganta u ahayd. Si lama filaan ah ayaa Madaxweyne Cabdillahi Yusuf ugu guuray Baydhabo oo uu gacan-haadis ka helay. Isafgranwaagii mucaaradkii TFG1 iyo Madaxweyne Cabdillaahi waa sii xoogaystay, waxaana samaysmay “muqaawimo” ama iska caabbin isku xiran dibad iyo gudoba. Xarakadii Maxaakiimta ee Sheekh Sheriif iyo Xasan Daahir Aweys hoggaaminayeen ayaa soo if baxday oo xoogaa kala dambayn iyo amni ah ka samaysay Xamar iyo nawaaxigeeda muddo lix bilood ah. Madaxweyne Cabdillahi Yuusuf wuxuu ka badbaaday isku day dil mar uu kasoo baxay xarunta Baarlamaan-ka, waxaana aad u xumaaday xiriirka isaga iyo Gudoomiye Sheriif Xasan oo mucaarad toos ah xilligaas noqday. Markaas kadib xukuumaddii Cabdillaahi Yuusuf iyo Geeddi waxay Itoobiya ka dalbatay ciidamo xoog leh oo gacan siiya, Xamarna u gelbiya. Markii ugu horraysay taariikhda ayaa ciidamo Itoobiyaan ahi galeen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho taas oo ay dad badani u arkayeen bahdil siyaasaddeed. Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo ay Cabdullaahi Yuusuf isku aragti dhawaayeen, ayaa loo doortay bishii Janaayo 2007 Gudoomiyaha Baarlmaanka Soomaaliya. Labo sano ayey ku qaadatay in xukuumaddii Cabdillaahi Yuusuf oo ay ciidamo Itoobiyaan ahi gelbinayaan ay Xamar gasho oo jebiso isbahaysigii maxaakiimta iyo muqaawimada, calankana dib looga taago Villa Soomaaliya markii ugu horraysay 17 sano kadib. Laakiin khasaare ballaaran oo dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac weyn leh ayey taasi ku timi. Waxaa arrintaas iyana ka dhashay mucaarad kale oo xoog leh oo la baxay isbahaysiguu ARS ee ASMARA oo isugu jirey xildhibaanno, maxaakiim, qurbo-joog iyo siyaasiyiin kale oo dhamaan ku midaysnaa inay xukuumadda Cabdillahi Yuusuf tuuraan, waxaana hormuud u ahaa Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka-ka Sherif Xasan iyo Sheekh Sherif oo ahaa Madaxii maxaakiimtii la jebiyey. Waxaa iyana is-khilaafay Madaxweyne Abdullaahi Yuusuf iyo Raysal Wasaare Geeddi, waxaana la magacaabay Raysal Wasaare cusub oo ah Nuur-cadde oo isna ay isla markiiba markale is-khilaafeen Madaxweyne Abdullahi Yuusuf. Itoobiya oo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf soo dhistay ayaa markaan dhabarka u jeedisay, Maraykankuna wuxuu saaray cadaadis weyn oo ah inuu tago si loo qanciyo mucaaradka ASMARA ee sii xoogaysanaya. Bishii Nofember ayaa Madaxweyne Yuusuf si lama filaan ah u hortegey Baarlamaanka oo ka horsheegay inuu is-casilay, xilkana uu sii haynayo Gudoomiyihii cusbaa ee Baarlamanka Sheekh Aaden Madoobe. Madaxweyne oo muddo-xileedkiisa ay ka harsan tahay 7 bilood ayaa kasoo degey magaalada Garowe isaga oo kelidiis ah oo hubkii iyo ciidankii uu Puntland kala tegey aan wadan. Tani waxay ka dhignayd inuu Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ka dhabeeyey mid ka mid ah ballanqaadkiisii markii la doortay ee ahayd inuu saddex mid noqon doono: Inuu ku guulaysto shaqada loo igmaday, Inuu ku dhinto isaga ku dhex jira iyo Inuu dadka talada dib ugu soo celiyo hadduu shaqadaas ku fashilmo. Wuxuu taariikhda ku galay inuu noqdo Madaxweynihii ugu horreeyey ee calanka sura Villa Soomaaliya burburkii kadib iyo inuu noqdo Madaxweynihii ugu horreeyey ee taariikhda Soomaaliya is-casila isaga oo aan waqtigisu dhamaan. Djibouti TFG 2: Sheekh Sheriif 2009-2012 Wadahadal iyo gorgortan siyaasaddeed oo dhexmaray Raysal Wasaare Nuur-cadde iyo mucaaradkii ASMARA oo xafiiskii UN-ka ee Axmed Walad Cabdalla ku dhex jiro, ayaa kusoo dhamaaday in doorasho cusub la qabto, mucaaradkana la siiyo 250 xildhibaan oo ah hadiyad siyaasaddeed si loo hubiyo inay kursiga ku guulaystaan. Feegaarkii siyaasaddeed ee ugu horreeyey oo sharciga ka baxsan ayaa la jideeyey. Sheekh Sheriif Sheekh Axmed oo ahaa madaxii ARS-ta ee ASMARA, ayaa Djibouti loogu doortay inuu noqdo Madaxweynihii labaad ee TFG 2009, wuxuuna Raysal Wasaare u doortay Cumar cabdirashiid Cali Sharmaarke. Xasan iyo Sheekh Shariif Madaxweyne Sheekh Sheriif inkasta oo ay is-qabteen labadiisii Raysal Wasaare ee Cumar Cabdirashiid iyo Farmaajo labadaba haddana wuxuu si xoog leh usii waday shaqadii dib-u-heshiisiinta, Datuur samaynta iyo dal-isku wadka. Waxaa si gaar ah loogu xasuustaa shirarkii Garowe 1, iyo Garowe 2 iyo gabagabeyntii iyo ansixintii Dastuurka KMG ee Muqdisho ka dhacday. Waxaa kaloo lagu xasuustaa in doorashadii ugu horraysay ee Madaxweynimo lagu qabto dalka gudihiisa oo ay Mugdisho ka dhacdo 2012, taas oo ahayd tallaabo muhiim ah oo xusid mudan iyo weliba muddo-xileedkiisa ay Dawladdu ka baxday ku meelgaarkii oo noqotay Dawlad rasmi ahoo loo yaqaan FGS. Nuxurka ka bixidda ku meelgaarnimada iyo dhinacyadiisa togan ama taban waa dood kale oo furan. FGS1: Muqdishu 2012-2016 Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweyne loogu doortay Sebtember 2012, wuxuuna noqday Madaxweynihii 1-aad ee Muqdisho lagu doorto ilaa iyo intii ay Dawladdii dhexe dhacay 1991. Dooarshada Xasan Sheekh Maxamuud waxay Soomaaliya ka dhigtay Dawlad rasmi ah oo la aqoonsan yahay oo adduunka la macaamili karta. Inkasta oo gaabisyo iyo caqabado jireen muddo xileedkiisa sidii xukuumadihii ka horreeyeyba, haddana Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa lagu xasuusan karaa dhowr qodob oo muhiim ah oo saldhig u noqday dhismaha Dawladda Federaalka ah. Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu Dastuurka ku meelgaarka ah iyo nidaamka federaalkaba su’aalo ka qabay, kana horyimi bilowgii dhismihii Jubbaland, haddana dhamaan maamul-goboleedyadu waxay samaysmeen muddo xileedkiisii marka laga reebo Somaliland iyo Puntland oo iyagu ka horreeyey Dawladda Federaalka dhalashadeeda. Sidaa daraadeed Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu xasuusan doonaa dhamaystirka qalfoofka Federaalka. Madaxweynayaal- Cabdiqaasim, Cabdullaahi, Shariif iyo Xasan Waxaa kaloo lagu xasuusan doonaa samaynta Madashii Wadatashiga ee Madaxda dawlad-Goboleedyada oo noqday Madal go’aamo wadajir ah lagu qaato marka taladu murugto sida tii doorashooyinka 2016 ee xildhibaanada lagu soo doortay deegaan doorasho. Maxaa lagu xasuusan doonaa TNG-dii CARTA, TFG-dii Mbegathi, TFG-dii Djibouti iyo FGS-tii 1-aad ee Muqdishu? Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan wuxuu cod iyo metelaad u noqday Soomaalida muddo toban sano oo Dawlad la’aan ah kadib. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf wuxuu calankii iyo Dawladnimadii dib ugu celiyey Villa Somalia 16 sano kadib. Madaxweyne Sheekh Sheriif Sheikh Axmed wuxuu dalka ka saaray kumeelgaarnimadii, wuxuu ansixiyey Dastuurkii kumeelgaarka ahaa, wuxuu xoojiyey isu soo dhoweynta Soomaalida, wuxuuna hirgeliyey in doorashadii ugu horreeysay ee Madaxweynenimo ka dhacdo Muqdisho ilaa iyo burburkii. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dhamaystiray qalfoofkii Dawlad-Goboleedyada iyo nidaamka Federaalka. Kulli Madaxweynayaashaasi waxay ka midaysanaayeen in mid waliba tallaabo iyo sal muhiim ah u dhigo Dawladnimada iyo in is-bedel yimaado dhamaadka muddo xileedka kan kale. Kulligood waxay qayb ka ahaayeen 17 sano oo baadigoob iyo dib-u-dhis Dawladnimo Soomaaliyeed ah. Cabdi Faarax Siciid (Juxa) Email: juxafarah@gmail.com —————– Juxa waa siyaasi horey u soo ahaa Wasiirkii Waxbarashada ee Puntland iyo Wasiirkii Arimaha Gudaha iyo Federaalka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya / The post 17-KII SANO EE DIB-U-YAGLEELKA DAWLADNIMADA SOOMAALIYA 2000-2017 appeared first on Puntland Post.
-
Khayre oo guddoomiye shir looga hadlayey saameynta Covid-19
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay guddoomiyay shirka guddiga Qaran ee xakameynta COVID-19 oo ah mid joogto ah. Shirka ayaa lagu falanqeeyay saameynta dhaqaale ee safmarka fayriska Karoona iyo tillaabooyinka lagu xakameynayo ay ku yeesheen shirkadaha ka shaqeeya duulimaadyada dalka. Ra’iisul wasaaraha ayaa guddiga ku ammaanay shaqada ay shacbka Soomaaliyeed u hayaan, isagoo ku boggaadiyay in ay sii laba laabaan wacyigelinta si cudurka Karoona looga hortago dhibaatada uu bulshada ku hayo. View the full article -
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax saaka ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdsho. Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ahaa nooca miinada ee meelaha fog-fog laga hago, sida ay Shabelle u sheegeen dad goobjoogayaal ah. Khasaare kala duwan oo soo gaaray askartii saarneyd iyo dad shacab ah ayaa jira, balse lama oga inta uu la’egyahay. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amniga oo hakad galiyey dhaq dhaqaaqa isgoyskaasi, mana jiro weli wax faah faahin ah oo laga bixiyey qaraxaasi miino. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraradan ceykan oo kale ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gudaha magaalada Muqdisho. View the full article
-
Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay saddex kalena waa ku dhaawacmeen qarax miino oo saaka ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta degmadaasi. Qaraxa ayaa lala beegsaday sarkaal lagu magacaabo Gen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya iyo ciidamo uu watay balse sarkaalkaas ayaa ka badbaaday qarax sida ay xaqiijiyeen Laamaha Amniga. Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa la sheegay in ay madaafiic culus ku garaaceen xaafado ka tirsan degaanka Shaban-bood ee gobolka Shabeellada hoose kadib markii halkaasi qarax lagula eegtay. Guddoomiyaha degaanka Shalan-bood Nuur Cismaan Raage oo la hadlay warbaahinta Muqdisho aya xaqiijiyay wararka sheegaya in AMISOM madaafiic ku garaacday xaafado shacab deggan yihiin oo ku yaalla degaankaas inkastoo uusan faahfaahin khasaraha ka dhashay. Guddoomiye Raage ayaa sheegay in ay khasaaraha madaafiicdaas ka warbixin doonaan kadib markii ay xog sugan ka helaan xaafadaha la duqeeyay iyo cidda waxyeelladu ka soo gaartay. Qaraxa Shalan-bood waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay Al-shabaab oo sheegay in ay khasaare xooggan ku gaarsiiyeen ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay ee qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo Shalan-bood appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo goor dhow ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu soo warramayo in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda. Qaraxa oo ahaa miino, islamarkaana jugtiisa laga maqlay xaafadaha qaar ee caasimada ayaa waxaa lala bartilmaameeda gaari Toyota Hilux (Qooqan) oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliyeed. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa khasaare kala duwan uu ka soo gaaray askartii la socotay gaarigaasi iyo dad shacab ah oo marayey wadada. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya. Sidoo kale ma jiro weli wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya ay ka bixiyeen qaraxaasi. Al-Shabaab ayaa inta badan qaraxyo ku weerara ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gudaha caasimada iyo gobollada kale.
-
Madaxweyne Qoor Qoor Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo xalay hadal ka jeediyay Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay Arrimaha ugu muhiimsan ee u qorshaysan in uu wax ka qabto. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in uu muhiimadda kowaad siin doono soo celinta Amniga iyo Xasiloonida Galmudug gaar ahaanna Cirib-tirka iyo La-dagaallanka Malayshiyaadka Al-shabaab ee weli ku sugan Degaanno ka tirsan Galmudug. Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ballan-qaaday in uu gudaha Dowlad Goboleedka Galmudug ka ilaalin doon isku dhacyada Qabiilada iyo dilalka la xiriira aanooyinka Reer Guuraaga si loo xaqiijiyo Nabadgelyada Shacabka. Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday in uu sii wadi doono Dib-u-heshiisiinta iyo Midnimada Shacabka Galmudug islamarkaana uu wada-hadal iyo tanaasul u muujin doono cid kasta oo wax ka tabanaysa Maamulkiisa waase haddii Tabashooyinkaasi sax yihiin. Halkaan ka daawo Khudbaddiisa PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo ka warbixiyay Qorshayaashiisa ugu muhiimsan appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa xalay ka hadlay go’aan maanta kasoo baxay maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ( ICJ) oo lagu caddeeyay in dib loo mudeeyay xilliga garmaqalka Dacwadda Badda ee Maxkamadda hor taalla waqtiga dheer. Maxkamadda caddaaladda caalamiga ah ( ICJ) ayaa maanta caddeysay in ilaa 15-ka bisha March 2021-ka dib loo dhigay waqtiga garmaqalka dacwadda Badda Soomaaliyeed ee Kenya muranka gelisay, iyada maxkamaddu ku sababeysay xaaladda uu sababay xanuunka Feyruska Karoona. Maxkmadda ICJ waxay 15-ka iyo 18-ka March 2021 dhageysaneysaa dooda dowladda Soomaaliya, iyada oo sidoo kale 17-ka iyo 19-ka March 2021 dhageysaneysa doodda Kenya ee doonista badda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya mar waliba ay dooneysay in dacwadda la dhageysto xilligii loo qorsheeyay ee aheyd horraanta bisha soo socota, hase yeeshee dowladdu ay ku qasbantahay inay u hoggaansanto amarka dib-u-dhigista ee kasoo baxay maxkamadda. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed waxuu sheegay in maxkamddu ay go’aamisay sidoo kale in dhageysiga dacwaddu uu noqon doono mid afka ku saleysan oo aysan jiri doonin caddeymo qoraal ah oo maxkamadda lala tegi doono maadaama labada dowladood ay horay u geeyeen caddeymaha ay dacwaddooda saldhigga uga dhigayeen. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-20052020.mp3 View the full article