-
Content Count
212,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Saakay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay qarax lala eegtay gaari uu lahaa madaxa hawlgelinta caafimaadka ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Cali Xirsi Barre (Cali Gaab). Hal askari ayaa ku dhintay, saddex kalana wey ku dhaawacmeen qaraxa, balse gaariga lama socon Cali Gaab oo sida la sheegay lala damacsanaa in lagu dilo qaraxii maanta ka dhacay isgoyska Banaadir ee dagmada Hodan. Xoogagga Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qacida ayaa sheegtay qaraxii maanta ka dhacay sida lagu qoray warbaahinta afkooda ku hadasha. Warbixin dheeraad ah kama sheegin qarax marka laga reebo iney soo qoreen iney masuul ka ahaayeen qaraxii uu ka badbaaday Taliyihii hore Ciidamada Nabadgalyadda Wadooyinka ee Taraafiko.
-
Guddiga wacyigelinta ka hortagga xanuunka Coronavirus ee Somaliland ayaa soo saaray amarro ku aadan isku imaatinka iyo isku socdka bulshada ku dhaqan Somalilnad, sababo laxiriira xanuunka xanuunka safmarka ah ee COVID-19, oo muddooyinkii dambe kiisas badan laga diiwaan geliyey deegaannada kala duwan ee Somaliland. Guddiga ayaa sheegay in markii ay la kulmeen wasaaradda hormarinta caafimaadka iyo dhaqaatiirta ay iska garteen in la joojiyo isku socodka dadka iyadoo gabi ahaan la xiran goobaha loo ciid geeyo caruurta maalmaha ciida oo lagu amray inaan la furi karin, waxaana ay intaas ku dareen in sidoo kale la joojiyey gadiidka dadweynaha ay raacaan. Halkaan Ka Akriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (HOL) - Somalia will abide by the ICJ determination to further defer the maritime case with Kenya despite its earlier objection, deputy Prime Minister Mahdi Gulaid has said. Source: Hiiraan Online
-
Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyda Soomaaliya oo sanadkii seddaxaad oo xiriir ah lacago ciid ah ka caawinaya caruurta Agoonta ah ee ay ka tageen Wariyeyaashii ku dhintay Muqdisho ayaa Guddi ka socday Warbaahinta madaxa bannaan u wakiishay qeybinta lacagahaas. Guddiga ka socday Warbaahinta Madaxa Banaan oo maanta fulinayay hawsha qeybinta lacagta ayaa xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ku boggaadiyay garab isgtaaga ay u muujiyeen bahda Warbaahinta. Guddoomiyaha Guddiga Warbaahinta Madaxbanaan ee fulinayay hawshan Mudane Cabdullaahi Cusmaan Faarx oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in caruurta Agoonta ah ee lacagta ciidda ah ay siiyeen ay tiradoodu gaareyso ilaa 86 caruura oo ka kala yimid 26 Qoys, kuwaas oo Aabayaashood geeriyoodeen iyaga oo Bulshadooda u adeegaya tan iyo sanadkii 2007. Cabdullaahi Kulmiye Xirsi , Agaasimaha Universal TV ee Bariga Afrika ayaa Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada uga mahadceliyay sida ay isaga xil saareen in laga warqabo Agoonta Wariyeyaasha iyo in joogteeyeen Sanadkii Seddaxaad oo xiriir ah. Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo ka mid ah Guddiga Warbaahinta Madaxa Bannaan ee qeybinta lacagtaan loo wakiishay oo isna goobta ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la caawiyo Agoonta, si gaar ah in bahda Warbaahintu ay tusaale noqoto, isagoo ammaanay doorka Xafiiska Warfaafinta ee Madaxtooyada uu ka qaaday arrintaas. View the full article
-
Wabiga Shabeelle ee mara Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu fatahaad ka sameeyay degmada Mahadaay iyo tuulloyin dhowr ah oo hoostaga,kuwaas oo ay ka barakaceen dadkii deganaa. Tuulooyinka uu Wabiga ka fatahay ee degmada Mahadaay ayaa waxaa kamid ah, Diinlaawe, Buurfuule,Shiidle Bari,Buulo Axmed, Kulmis iyo deegaano,kale,isla markaana dalagyo farabadan ay fatahaada baabi’isay. Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe Saalax Fuleel Xaaji ayaa sheegay in dhammaan tuulooyinkaas iyo kuwo kale ay ka barakaceen dadkii ku noolaa oo uu fataahada saameeyey,isla markaana deegaano kale ay dhibaatooyin ku heystaan. Waxaa uu sheegay in illaa iyo hadda Maamulka Hir-Shabeelle aysan jirin gurmad kasoo gaaray,sidoo kalena Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle aysan jirin wax dadaal ah oo ay wadaan si loogu gurmado shacabka ay fatahaadu barakicisay. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-20052020-ww.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay xisbiyada mucaaradka Soomaaliya oo loo diray baarlamanka Soomaaliya, lalana socod siiyey ururada caalamiga ah iyo dalal dhowr ah, ayaa wlaaac looga muujiyey joogitaanka ciidamada Itoobiya ee aan ka midka ahayn Amisom ee Soomaaliya. Qoraalka ayaa lagu sheegay in joogitaanka ciidamada Itoobiya ay xadgudub ku tahay heshiiska Soomaaliya iyo Amisom ee qeexaya baaxadda howlgalka Amisom ee Soomaaliya. Xisbiyada mucaaradka ayaa qoraalka ku sheegay inay aad uga naxeen dhacdadii 4-tii May ay ciidamada Itoobiya kusoo rideen diyaarad shacab ah, oo ku degi lahayd garoonka diyaaradaha Bardaale ee gooblka Bay iyo jawaabta jees-jeeska ah ee ay Itoobiyaanka ka bixiyeen dhacdadan. Waxay sidoo kale sheegeen in ciidamada Itoobiya ay sanadihii dhowaa faro-gelin toos ah ku hayeen arrimaha siyaasadda gudaha Soomaaliya, ayaga oo ujeedkoodu yahay in doorashooyinka gobollada ay dhan kale u weeciyeen. Xisbiyada ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo itoobiyaan ah oo hubeysan ay ku sugan yihiin gobolka Gedo, ayaga oo wada howl-gal lagu kala dhantaalayo, islamarkaana xasilooni darro looga abuurayo maamulka Jubaland, kadib markii ay ku guul-darreysteen in doorashadii Jubaland ay u weeciyaan dhankii ay rabtay dowladda federaalka. Qoraalka ayaa lagu sheegay in arrimahan oo dhan ujeedka kama dambeysta ah ee laga leeyahay uu yahay in lagu faro-geliyo doorashada federaalka ee sanadkan dhaceysa. “Xadgudubyada la iska indho-tiray ay ciidamada Itoobiya ku hayaan madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya waxaa qeyb ahaan mas’uul ka ah guul-darrada wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira, kaasi oo laga rabay inuu xaqiijiyo in sumcadda Amisom aysan waxyeeleyn damac juqraafi siyaasadeed ee xubin ka mid ah,” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka ayaa ugu dambeyn ku baaqay in baarlamanka Soomaaliya ay baaraan dhacdadii lagu soo riday diyaaradda. Sidoo kale, ururka Midowga Afrika ayaa looga codsaday inay baaraan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya oo sumcad darro ku ah Amisom, iyo in guddoomiyaha Midowga Afrikca uu beddelo wakiilkiisa Soomaaliya. Qoraalka ayaa Golaha Ammaanka QM ka dalbaday baaritaan ku saabsan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya oo xadgudub ku ah qaraarka 733 ee 1992-kii, kaasi oo Soomaaliya kusoo rogay cunaqabateyn hub. Hoos ka aqriso qoraalka
-
Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa walaac ka muujiyay hannaaanka xukuumadda Federaalku u maaraysay dacwadda kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya, oo markii saddexaad dib loo dhigay. Ex. Madaxweyne Xassan Sheikh, ayaa sheegay in dacwadda kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya ay weli joogto halkii ay uga tagtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa, 4-sannadood ka hor, islamarkaana aysan jirin wax isbeddel ah oo laga sameeyay. Mudane Xassan Sheikh, wuxuu sidoo kale sheegay in mudda saddex jeer ah dowladda Kenya ay dalbatay in kiiska dib loo dhigay, sidaasna lagu fuliyay codsigii Kenya, isagoo xusay in aysan jirin caddayn muujinaysa in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diiday dib u-dhigiddaas. Wuxuu ku baaqay, in haddii uu jiro dukuminti dowladda Soomaaliya ku diiday in dib loo dhigo kiiska, lala wadaagi lahaa golayaasha Xukuumadda iyo Baarlamanka Soomaaliya, loona soo bandhigi lahaa shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, wuxuu xusay in dhammaan la beddelay dadkii Soomaaliya mas’uulka uga ahaa dacwadda kiiska badda, islamarkaana aan umadda Soomaaliyeed loo soo bandhigin ciddii lagu beddelay, taasina walaac kale muujinayso. Halkaan ka daawo muuqalkiisa PUNTLAND POST The post Ex. Madaxweyne Xassan Sheikh oo walaac ka muujiyay dib u dhigidda kiiska badda Somalia iyo Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Bosaso (PP News Desk) — Bosaso Police in cooperation with Puntland Security Force (PSF) last night diffused an improvised explosive device. Operatives believed to be loyal either to Al-shabaab or ISIS who were burying an IED in a Bosaso city centre street fled the scene. “Investigations are under way to apprehend suspects who were planting IED and are still at large” the Commander of Bari Police Division said in a statement. The suspects still at large were assembling IED when security forces came upon them in Bosaso last night Two weeks ago security forces in Bosaso killed one ISIS assailant and arrested an accomplice after PSF officers searching cars had come under fire from two ISIS fighters. Al-shabaab and ISIS have bases in Bari, where both outfits allegedly levy tax on some businesses despite the presence of two organisationally distinct security forces in the commercial town of Puntland. © Puntland Post, 2020 The post PUNTLAND SECURITY FORCES FOIL IED ATTACK IN BOSASO appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay go’aanka ayMaxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa dib u dhigtay kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee u dhaxeeyey dalalka Soomalaiya iyo Kenya. Maxkamadda ayaa shalay ku dhowaaqday in kiiska markii saddexaad dib loo dhigay illaa bisha March 2021. Xasan Sheekh Maxamuud, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa arrintaas kasoo horjeestay, wuxuuna ka dhawaajiyay in dowladda looga baahan yahay iney shacabka hor keento cadeymo muujinaya inaysan raali ka aheyn go’aanka maxkamadda. Xasan Sheekh oo Soomaaliya maamulay intii u dhaxeysay 2012-2017, wax badanna ka yaqaanna hanaanka sharciyadeed ee dowladnimada, ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay iney qasab tahay labada dal ay raali ka wada yahiin go’aan kasta oo kiisaska ICJ dib loogu dhigayo, marka laga hadlo sharciga ay maxkamadda u heysato inay dib ugu dhigto kiiska. “Kaliya marka ay labada dal heshiis ku yahiin ayaa dib loo dhigi karaa dacwadda badda, in la aqbalay codsiga Kenya saddex jeer ma ahan wax sax ah, hadii ay dowladeennu ka biyo diidsan tahay dib u dhigista dacwada hala wadaagto shacabka cadddeymaha arrintaas, ma ahan in hadal lagu soo koobo,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Xasan Shiekh wuxuu sheegay inuu rumeysan yahay in dowladda hadda talisa ay raali ka tahay dib u dhigista dacwada sidaas darteed ay maxkamadda go’aanka u qaadatay. Sidoo kale hogaamiyaha xisbiga UPD wuxuu sheegay in dowladda ay qaadday tallaabo ay meesha uga saareyso qareenadii Soomaaliyeed ee caalamiga ahaa oo ay ka mid tahay Muna Sharma, balse aysan wali shaacin dadka ay ku beddeleen. Waxaa shacabka kiiska dib u dhigista uga warbixiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, kaasi oo sheegay in mar walba ay dowladda diyaar u aheyd in wakhtiga horay loo qorsheeyay la dhageysto dacwada balse ay u hogaansamayaan amarka ka soo baxay maxkamadda. Si kastaba, Xasan Sheekh wuxuu qabaa in dowladda ay dooneyso iney shacabka been ku qanciso maadaama aysan maxkamadda sharci u heysan inay dib u dhigto kiiska iyadoon ogolaansho ka heysan labada wadan. Xasan Sheekh wuxuu aaminsan yahay in dowladda hadda jirta aysan waxba ka qaban kiiska badda ay muranka galisay Kenya. Ugu dambeyntii muddada la sheegay in la dhageysanayo dacwada oo ah 15-19 Maarso 2021 waxaa macquul ah in Soomaaliya ay yeelato hoggaan cusub maadaama taliska hadda jira uu wakhtigooda dhamaanayo bil ka hor wakhtigaas. Hoos ka daawo Xasan Sheekh
-
Madaxweynihii hore ee soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu kaga hadlay dacwadda badda soomaaliya oo Kenya muran galisay isagoo sheegay in madaxda dalka ee haatan talada heysa aysan dacwadda badda horey uga sii wadin halkii markii uu madaxweynaha ahaa gaarsiiyay. Waxa uu sheegay in meeshii uu afar sano ka hor uga tagay in wali ay joogto qaddiyadda badda oo markii saddexaad dib loo dhigay. “Afar sano kahor meeshii aan uga tagnay ayey qadiyada badda taagantahay sadax jeer ayaa qadiyadaas dib loo dhigay dowladeenu marwalba waxay noo sheegtaa inay diidaneyd in dib loo dhigo lkn wax cadeynaayo inay dowladu diidaneyd marnaba shacabka lama wadaagin” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in mar 3-aad dib loo dhigo dacwadda badda soomaaliya ee ay Kenya nagu heysato, sido kalena madaxda dalka ugu sareeyso ayuu ku eedeeyay in hal mar xittaa aysan ka hadlin halka ay mareyso kiiska dacwadda badda soomaaliya Waxa uu dhanka kale madaxweynihii hore sheegay in Caronavirus uusan aheyn wax lagu marmarsiiyoodo madaxda talada dalka heysa ee waqtigoodu sii dhamaanayo loo baahan yahay in ay ka hadlaan halka ay mareyso dacwadda badda sido kale Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowldda soomaaliya heshiisyada ay gasho aysan hor keenin baarlamaanka shakina ka muujiyay sida ay wax u wadaan madaxda talada haysa. “Waa marmarsiyo yar cudur daar fiican uma ahan arrintaas oo dhan Coronavirus shalay ayuu yimid ma dheerayn laakiin 4 sano qaddiyadda badda inay meesheedii taagantahay oo aanay waxba ku darsoomin 4 sanoo ummada Soomaaliyeed inay meeshoodii taagnaato wax macquula ma ahan” ayuu sii raaciyay Xasan Sheekh. Ugu dambeyn waxa uu carabka ku adkeeyay in madaxda dalka inaysan golayaasha dowladda hor keenin diidmada ay sheegeen inay diidanyihiin dib u dhigista kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya waxa uuna intaas raaciyay inay rajo wanaagsan ka qabeen in madaxweyne Farmaajo uu dadka horyimaado si uu ugu sharraxo qaddiyadda badda, balse nasiib darro taas ma dhicin. “Waxaan rajeynaynay in madaxweynuhu dadka horyimaado oo uu u sheegow axa jira” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Halkan ka daawo hadalka madaxweyne Xasan Sheekh Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
London, May 19, 2020 (Issuewire.com) – Each week, Innov East will offer struggling organisations and countries in Sub-Saharan Africa a tailored programme to analyse and reduce the deadly coronavirus from the very best of Innov East. In times of crisis, leadership plays a vital role, and Innov East encourages leaders to put aside their differences and lead the east African nation of 12 million people through this challenging time. Fawzia Nur, Health Minister, said “59 people have died after testing positive for coronavirus and 1502 confirmed cases in Somalia”, the highest death rate in East Africa. The country is unprepared, without basic facilities such as clean water, access for ICU beds and ventilators. World Health Organisation has warned Africa will be overwhelmed by the virus. Although Covid-19 has been detected all over Africa, the numbers of those infected have not skyrocketed like in Europe and the USA. Coronavirus is real with neither vaccine nor cures so far. Somalia is recovering from decades of civil war and cannot be compared with other neighbouring countries, yet people need decisive and trustworthy leadership. The leaders have to analyse, act and adopt a strategy to combat the disease. Innov East provides assistance and support needed for leaders to make clear choices, take difficult decisions and win over people’s trust. Since the 16th of March, when the first confirmed Covid-19 registered, leaders’ obvious weakness has been a power failure in crisis management, particularly their communications. Covid-19 disinformation circulated widely on social media. Traditional healers boasted about their ability to cure the coronavirus. Rumours and myths about the disease appeared to be more credible to many people. Adam Hashi, a resident in Garowe, Somalia, said “Having a conversation with ordinary Somalis, they are either in denial or providing you advice and possible prevention of the virus. People have clearly taken the lead to equipping themselves with intense unscientific interventions to stop transmission of the novel coronavirus. They filled the vacuum which federal government and state leaders have created. This could jeopardise getting efforts right with serious consequences for public health. Leaders face challenges in managing crisis. Federal government and states made spontaneous decisions by declaring night curfews, suspending regional transportations and closing schools without giving the country time to prepare for a lockdown. Such swift government moves resulted in riots, tensions among states and contradictory messages. Head of states’ call for curfew has been described as petty, dictatorial-minded and out-of-touch. To avoid powerlessness and ineffective and desultory leadership, Innov East can provide its expertise to enable leaders to study the situation carefully and came up with phased government strategy. In countries with weak governance and sensitive society, the need for culturally acceptable action to stop the spread of the coronavirus is the highest priority, before it takes hold, as had happened in Iran, Italy and Spain. The slogan “Stay at Home” wouldn’t relate to many people and it is impractical. Ordinary people cannot self-isolate, as they live in shared and crowded places. Currently over 2.65 million Somalis remain internally displace and a further unaccounted number of people live below the poverty line. In addition, they are hard to reach out and provide the necessary information about self-isolation, risks and prevention of Covid-19. The idea of testing, tracing and isolating is unachievable and data is thin and undetailed. The daily briefings from the Health Ministry tell us merely death and infected figures of the virus. Innov East offers here more detailed information such as a number of new cases in a given time period, people who are ever likely to be infected and present more reliable estimates of the rate at which the Covid-19 is spreading “R-value”. The impact of dealing with inadequate technology, virology experts and wider coordination should not be underestimated and Innov East is here to help. Media Contact Innov East contact@innoveast.com +44 7385 263125 https://innoveast.com/ Source : https://innoveast.com/
-
Jaaliyada Soomaaliyeed ee Caasimada Canada Ottawa ayaa dhaqaale lagu taageerayo Bulshada Magaalada Qardho ee Daadadku waxyeeleen. Jaaliayada ayaa dhaqaalahaan arurisay tan iyo bilowgii bishaan balse [...] Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sameynta ciidamo gaar ah oo ay yeelaneyso Galmdug, kuwaas oo isugu jira Boolis iyo Daraawiish. Fiqi ayaa tilmaamay inay haatan wadaan diyaarinta sharciga lagu aas aasi lahaa ciidamadaasi, si ay Galmudug u sugato amniga deegaanadeeda. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aan laga maarmi doonin wixii iskaashi iyo caawimaad oo dhinaca dowladda ah, inta laga dhisayo Booliska Galmudug. “Booliska Galmudug sharciga lagu aas aasayay waa soo wadnaa isagaa kow ka ah, Galmudug inay Booliskeeda, amnigeeda iyo daraawiishteeda ay yeelato, dowladda federaalka waa soo gurmatay Ciidamada jooga oo dhan dowladda federaalka raacsan yihiin, biyo sacabadaada looga dhargaa inaan Booliskeena iyo ciidankeena aas aasano, ciidanka dowladda federaalka iskaashi iyo caawinaad meelaha aan dabooli weyno maadaama dhaqaale nagu filan ayaamaha hore aanan heysan ayay noqoneysa, laakiin shaqo adag ayaa taalla, la xisaabtan dhab ayaa ogolnahay, baarlamaan waa ka soo shaqeynay”ayuu yiri wasiirka cusub ee amniga dowlad goboleedka Galmudug. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan ciidamo fara badan oo heer federaal ah ay ku sugan yihiin Galmudug, kuwaas oo badi la geeyey xilligii doorashada, kadib markii laga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Deegaanada Galmdug sidoo kale waxaa xilligan ku xoogan deegaanada qaar Al-Shabaab, kuwaas oo gacanta ku haya magaalooyin muhiim u ah maamulkaasi.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Maanta markale soo Bandhigtay natiijada kasoo baxday dad laga baadhay Cudurka COVID-19, kuwaas oo lagu sameeyay baadhitaano kala duwan. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay Cudurka laga helay laba qof, kadib baadhitaano kala duwan oo lagu sameeyay lagu ogaaday inay qabaan Cudurka. Laba qof ee laga helay Cudurka ayaa kala ah rag iyo dumar, kuwaasi oo da’dooda ay u dhexeeyso 30 illaa iyo 40 jir, isla markaana waxaa ay ku sugan yihiin Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu xusay in hal qof uu Cudurka ugu geeriyooday halkaas, kaasi Nin ah da’diisuna ahayd 65jir kuna noolaa Magaalada Boorama, isagoona kamid ahaa Bukaanada Cudurka la jiifa. Tirada guud ee Cudurka COVID-19 laga helay deegaanada Somaliland ayaa gaadhay 142, waxaana Cudurka halkaas ugu geeriyootay 11 qof, halka ay Cudurka ka bogsatay dhowr qof. Source
-
Somali Health Ministry on Tuesday confirmed 47 new cases of coronavirus, bringing the total tally of infections to 1,502. Fawziya Abikar, the Health Minister said the new patients are from the semi-autonomous region of Puntland which has 19, Banadir 13, Somaliland 8 and SouthWest 7. Abikar said two patients succumbed to the deadly respiratory disease, bringing the total number of deaths since the pandemic was reported in the country to 59. She said 15 people recovered from COVID-19, bringing the total number of people who have been discharged from hospitals to 178. The minister said 42 of the latest cases are male while five others are female persons amid concern from the UN that the cases are largely due to community transmission. The Horn of Africa nation joined the long list of countries dealing with COVID-19 on March 16, when the Health Ministry of Somalia announced the first confirmed case. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dalal xiisaynaya wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay 18 may ayaa yidhi “Hambalyo ayaan u dirayaa guud ahaan Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay kaga nool yihiin daafaha dunida, waxaana ku hambalyeynayaa sannad guuradeena 29aad ee ka soo wareegtay markii aynu qarankeena dhisanay, intaas aynu jirnayna waxaynu gaadhnay horumar dhinac kasta leh, waxaana sannadkan sannadkiisa inoogu ducaynayaa horumar, aqoonsi iyo inaynu ka midho dhalino qadiyadeena ictiraaf raadinta, taas oo insha allaah aynu heli doono”. Mar aanu wax ka weydiinay wada hadalada Somaliya xiilo Dalalka qaar ay rabaan in la wada hadlo, gaar ahaan Itoobiya iyo Markeyanka ayaa yidhi “Dabcan wey jiraan Wadamo doonaya inaynu wada hadalno Somaliya, oo aynu iskugu nimaadno miiska wada hadalada, laakiin Madaxweynaheena Jamhuuriyada Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi ayaa xuskii munaasibada 18 may aritan iyo arimo kaleba kaga hadlay, run ahaana Madaxweynuhu xaqiiqada ayuu taabtay, waxaa xaqiiqo ah in Maamulka Muqdisho oo jahaweerar siyaasadeed ku jira inay iska indho tirayaan xaqiiqooyinka jira, waxaana xaqiiqo ah inay Somaliland tahay dal madax banaan, oo ku yaala Geeska Afrika, waliba xoriyada ka hor qaatay Somaliya, waxaa ka taliya Madaxweyne la doortay, waxaynu nahay Dal, Dawlad iyo Dad isku tashaday, mar walba rabitaankeena ayeynu ku soconaynaa, cid walbana inaynu qancino ayeynu diyaar u nahay, ee Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Midawga Afrika, Jaamacada Carabta iyo Mareykankaba xidhiidh aad u fiican baa inaga dhexeeya, ee waxaanu leenahay sidaas uu Madaxweynahayagu sheegay ayaa dhab ah oo Somaliya waanu kala tagnay, waxaanu kala hadli karnaa oo qudha in aanu sidaas hadda kala nahay aanu kala ahaano, oo waliba cid kastana in aanu qaranimadayada ku qancino ayaanu diyaar u nahay, ee ha naloo tixgeliyo mar kasta jiritaankayaga dawladnimo, dalnimo iyo dadnimo”. Mar uu ka hadlaayey xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamka iyo Ictiraaf raadinta ayaa yidhi “Beesha Caalamka, xidhiidh aad u fiican baa inaga dhexeeya,Dawlad ahaana waxaanu diyaar u nahay in aanu ka midho dhalino sidii aanu ku heli lahayn Ictiraaf Caalamiya, dhabaheediina waanu haynaa, Caalamkuna in Ictiraafka inagaga maqan inay ina siiyaan weeye,, madaama aynu nahay dal jira, Cudurkan Coronviruska ee dunidii godoonku ku ridayna, waxaan ALLE ka baryayaa inuu inaga dulqaado, dadkuna ha is ilaaliyaan”. Source
-
Talaadadii, Maxkamadda Cadliga Adduunka waxaa ay go’aamisay in dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya la dhageysto March 2021, waa markii 3-aad ee ay sidaasi sameyso. Haddaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda dib u xusuusineysaa sooyaalka dacwada badda iyo khilaafaadka. April 11, 1963: Soomaaliya ayaa aqoonsatay maxkamadda cadliga adduunka ee ICJ halka Kenya ayaa sidaa sameysay April 19, 1965-tii. 1988: Waxaa la soo saaray sharciga badda ee Soomaaliya. 1989: Labada dal, waa Kenya iyo Soomaaliya e, waxaa ay saxiixeen heshiiska badda ee qaramada Midoobey, heshiiskan caalamiga ee badaha waxaa la sameeyay 1982 . April 7, 2009: Dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa Heshiis is afgarad oo Badda ku saabsan ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Is afgaradkan oo ay saxiixeen wasiirka qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdiashur iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Moses Wetang’ula ayaa waxaa lagu sheegay in labada dal ogolaadeen xadeynta cabbirka qalfoofta qaaradda ee badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed oo u dhiganta( (370km), oo weliba u gudbniyaan guddiga xadeynta iyo in la calaamadeeyo si rasmi ah biyaha lagu muran san yahay ee ee Badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta-( (370km) ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya iyadoo la raacayo sida ku qoran qawaaniinta caalamiga ah ee qaramada midoobey…heshiiskaas oo hadda taariikhda galay, waxaa qeylo-dhaan ka keenay shacabka Soomaaliyeed oo badankood ku doodeen in baddii Soomaaliya La iibsaday. October 8, 2011: Baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya ayaa fadhi ka yeeshay arrinta heshiiska badda, kulanka waxaa shir guddiiminayey Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo ahaa ku simmaha afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, kulanka waxaa soo xaadiray ilaa 335 mudane, waxaana Laga soo saaray ilaa 6 qodob: Xildhibaannada Soomaaliya waxaa ay si buuxda u sheegeen in aan laga hadli Karin xadeynta badda Soomaaliya. Qodobadaaas ayaa kala ahaa: In lagu dhaqmo sharciga badda Soomaaliya ee soo baxay 1988 In hey’adaha dastuuriga ah sida madaxtooyada, baarlamaanka iyo xkuumadda aysan awood u laheyn in ay wax ka badalaan ama dib u eegis ama wada xaajood ku sameeyaan xaduudda badda, hawada iyo dhulka Soomaaliya. Waxaa la laaley dhammaan heshiisyadii ama is afgaradkii caalamiga ahaa ee Lala galay hey’ado, dowlado daris ah iyo ururo caalami ah iyo shakhsiyaad ee ku saabsan xadeynta badda wixii ka dambeeyay January 1, 1991-kii. Xadgudubka kasta ama gabood fal kasta oo wax loogu dhimmayo xuduudaha Soomaaliya Berriga, Badda iyo Hawada, waxaa loo aqoonsaday duullaan bareer ah oo lagu soo qaaday madaxbannaanida iyo siyaadada iyo Midnimada umadda Soomaaliyeed. Xukuumad walba oo loo igmado howsha dalka, waxaa la faray in go’aankaas gaarsiyaan dhammaan dowladaha dariska iyo hey’adaha caalamiga ah. Cid walba oo ku xadgudubta waxaa la sheegay in ay galeyso khiyaammo qaran August 28, 2014: Dowladda Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan dalka Kenya, kuna saabsan muranka dhulka u gudbisay Maxkamadda Cadliga Aduunka ee hoos tagta Qaramada Midoobey. October 8, 2015: Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai ayaa dood ka keenay Dacwada Badda ee laga gudbiyay Kenya, ninkan ayaa sheegay in dalkiisa uu xaq u leedahay ka hor imaashiyahoodan ama is hortaagooda in ay ka jawaabaan dacwada. Xeer Ilaaliyaha Kenya waxaa uu ku taliyay in howsha Wada hadal hoose lagu dhameeyo inta labada dal ay maxkamadaha isku jiijiidi lahaayeen, isagoo intaa raaciyay in Soomaalida aanay iloobin in ciidamo mabad ilaalin oo Kenyaan ah ay ka joogaan Soomaaliya iyo in Qaxooti ka badan Nus Milyan oo Soomaali ah in ay joogaan gudaha dalka Kenya. October 10, 2015: Dr. Axmed Cali Daahir oo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee Soomaaliya ayaa qiray in uu jiro codsiga Kenya ayaa waxaa uu sheegay in qoraal codsi hor-u-rdhac ah oo dowladda Kenya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, taasi oo ku aadan wada hadal hoose in lagu dhameeyo muran badeedka kala dhaxeeya Soomaaliya, Xeer Ilaaliyaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in Kenya ay doonayso inay is hortaag ku sameyso dacawadda Badda, taasina ay markhaati cad u tahay sida ay uga wal walsan tahay saldhig la’aanta ee qaanuuneed ee dooda ku wajahan sheegashada Badda Soomaaliya. May 26, 2016: Maxkamadda Cadliga Adduunka ayaa soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegeyso in dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya ay dhageysaneyso September 2016-ka. September 19, 2016: Waxaa The Hague ka bilowday dhageysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya, waxay aheyd labo wareeg oo la dhageystay labada dal. December 18, 2017:- Kenya ayaa xareysay jawaabta ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya ayaa sheegay in maxkamadda aaney xaq u laheyn dhageysiga kiiska, waxaa uuna soo jeediyey in meel ka baxsan maxkamadda lagu dhameeyo halka Muqdisho ku adkeysatay in maxkamadda lagu dhameeyo. February 2, 2018:- Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya. February 7, 2019:- Soomaaliya ayaa waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya. Feb 16, 2019:- Kenya waxay la soo noqotay safiirkeedii Soomaaliya, waxayna ka codsatay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu dalkiisa ku laabto. Febraayo, 17, 2019: Danjiraha Soomaaliya ee ku sugnaa Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. June 25, 2019: War qoraal ah oo ka soo baxay ICJ ayaa lagu muddeeyay in 9-ka illaa 13-ka bisha September ay dhageysan doonto doodad labada dhninac ee xuduudda badda, laakin arrintaas Kenya ayaa ka daba timid oo codsatay in sanad dib loo dhigo, laakin maxkamadda waxaa ay ka aqbashay uun 2 bil. Bilowgii September 2019: Kenya waxaa ay ICJ ka codsatay in dhageysiga dib loo dhigo muddo hal sano ah iyada oo sheegtay in qareenno la’aan heyso. September 5, 2019: Danjire Cali Fiqi ayaa xaqiijiyey dhageysiga maxkamadda dib loo dhigay 2 bil, isaga oo sheegay sheegay in dacwada dhageysigeeda ay bilaaban doonto November 04 teeda 2019 islamarkaana ay tahay waqti aad u yar. October 16, 2019: ICJ ayaa mar kale mudeysan in ay dacwadda dhageysan doono 8, June, 2020. April 24, 2020: Maxkamadda Cadliga ICJ ayaa qoraal ay soo gaarsiisay dowladda federaalka ah ku sheegtay in ay heshay codsi ka yimid dalka Kenya April 23, 2020 oo ay ku dalbaneyso in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda xilli aan la cayimin sababo la xiriira Covid 19. May 19, 2020: Maxkamadda ayaa sheegtay in ay dhageysatay soojeedinta labada dhinac oo ku saabsanaa dib u dhigista dhageysiga dacwada badda iyada oo la tixgelinayo caabuqa Coronavirus taasina ay keentay in dhageysiga laga dhigo March 15, 2020. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dawladda dalka Venezuela ayaa doonaysa wakhti xaadirkan in Bangiga dalka Ingiriisku inuu ku soo wareejiyo Dahab Kayd ah oo Qiimahiisu dhan yahay $1bn oo u taala Bank of England. Bangiga dhexe ee dalka Venezuela ayaa sameeyey dacwad sharciyeed ah inuu isku dayayo inuu ku khasbo Bankiga England inuu ku wareejiyo £930m ($ 1.13bn) oo dahab ah si dowladda Nicolás Maduro ay ugu maalgaliso la dagaalanka coronavirus, sida lagu sheegay dukumiinti loosoo gudbiyey maxkamad ku taal London. Talaabadan ayaa daba socota codsi Venezuela ay u dirtay Bangiga bishii April inay ku iibiso qeyb ka mid ah kaydkeeda dahabka ah halkaasna ay u soo dirto lacagtaasi si ay gacan uga geysato dadaallada la dagaallanka coronavirus ee dalka. Bangiga England ayaa diiday inuu ka hadlo sheegashada arintaasi. Hase yeeshee Bangiga dhexe ee Venezuelan kamuu jawaabin codsi uu kaga hadlay. Laga soo bilaabo 2018, Bankiga England wuxuu daaha ka rogay wareejinta 31 tan oo dahab ah oo Venezuelan halkaas lagu keydiyo Madaxweyne Maduro, dalka Ingiriiska Ayaan isagu Maduro u aqoonsanayn inuu yahay hogaamiyaha sharciga ah ee dalkaasi. Si kastaba ha ahaatee cudurka Coronavirus, iyo hoos u dhaca dakhligii Shidaalka dalkaasi ka soo gali jiray ayaa sababay dhibaato dhaqaale oo soo wajahday dalka Venezuela, waxaanay hadda keentay inay dalbadaan dahab kayd ah oo u yaala Bangiga Ingiriiska in loo sarifo ama la iibiyo oo lacagtiisa loo soo diro si ay wax ugaga qabtaan cudurka dalkaasi ku fidaya ee COVID19. Source
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah magaalada Badhan ka dejisay diyaarad sidda gargaar caafimaad oo loogu tala-galay ka hortagga iyo la tacaalidda xanuunka COVID-19. Diyaaraddaas oo la qorsheeyay in ay shalay ka degto magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa dib u dhac kooban ku yimid kadib muran ka dhashay isku day mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ay ku doonayeen in ay ku baajiyaan balse ay ka diideen madaxda dhaqanka gobolka Sanaag. Saacadihii murankaasi socday ayaa keentay in wakhtigu u ciriiri ku noqdo diyaaradda islamarkaana dib loo dhigay maadaama Airport-ka Badhan aysan xilli habeen ah diyaaraduhu ku degin sidaasi darteedna maanta ayay halkaasi gaartay. Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay si toos ah gurmad caafimaad u gaysay magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn iyadoo maantana gaysay magaalada Badhan waxaana la filayaa in ay bilow u noqdaan gargaar caafimaad oo dowladda Federaalku si toos ah u gayn doonto degmooyinka ka tirsan Sool Sanaag iyo Cayn. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo si toos ah gurmad Caafimaad uga dejisay Badhan appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin ee Somaliland ayaa tilmaamay in 18 may ay tahay maalin astaan iyo sumad u ah guud ahaan umadda Somaliland, waxaanu tilmaamay inay maalintan aanu si dhayal ah ku iman ee halgan ay ku timid. Madaxweyne ku xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Maalinta 26 june, waa maalin inoo gaar ah, waana maalintii ugu horeeysay ee aynu xoriyadeena ka qaadanay Ingiriiska, halka 18 mayna tahay maalin iyana inoo gaar ah, markaas umaddeena waxaan leeyahay hambalyo, hambalyo, hambalyo, munaasidan awgeedna ayaana inagu bogaadinaya, 18 may waa astaan iyo caalamad aynu si gaar ah u leenahay, oo inooga suntan maalmaha kale, khaladkii aynu hore u galayna dib u gali mayno, maxaa yeelay markii aynu xoryadeena ka qaadanay Ingiriiska, inaga oo raadinayna shantii Somalida, ayeynu ilduufnay, oo si yar oo fudud calankeenii iyo dawladnimadii u dacaynay, inkasta oo nasiib wanaag aynu halgan dheer kadib aynu dib ula soo noqonay,maantana Somaliya dib uguma socono, ee hore ayaanu uga soconaa, lagamana yaabo inaynu dib u dagano, oo aynu mar dambe la midawno Somaliya, cid kasta oo aamisan midnimo dambe oo dhacda riyo ayey ku jirtaa, maxaa yeelay Umadda Somaliland ayaa goostay madax banaanidooda”. Dhanka kale wuxuu guud ahaan Shacabka ku booriyey inay is ilaaliyaan, iskana ilaaliyaan inuu ku dhex fido xanuunka Koronuhu. Source