-
Content Count
212,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Aqoonyahan Axmed Macallin Cali oo ka mid aqoonyahanada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ka soo jeeda deegaanada Koonfureed islamarkaana Goobjoog ugu warrmaya qadka Skyp-ka ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay in xilligan dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod taas oo wali ku adkeysanayo dowladda federaalka ah. Eng Axmed Macallin ayaa ugu horeyn carabka ku dhuftay in deegaannada Koonfureed ay wali ku xooggan Al shabaab islamarkaana aysan suura gal ahayn in waqtigan dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah “Arrintan mid dhici karta ma ahn sababa jiro awgood oo dadka oo dhan ay wada ogyihiin deegaannada Koonfurta wali waxaa ka taliya Al shabaab inta badan amnigii baan gacan ku jirin sidaa daraadeed goob aan amni ahay doorasho qof iyo cod ah kama dhici karto”. Sidoo kale aqoonyahankan oo sii hadlayay ayaa sheegay inaysa jirin shacab la diiwaan geliyay si ay uga qeyb noqdaan doorashada, waxa uuna intaas ku daray in xilligan aysan suura gal ahayn in tirakoob la sameeyo maadaama waqti kooban ay ka harsan tahay muddo xil heynta madaxweynaha dalka. “Waxaa kaloo meesha yadana jirin diiwaan gelin oo shacab la diiwaan geliyay waddankan maanta Soomaaliya oo aan la qaban suura galna ahayn waqtiga haray oo kooban ee ay ka dhiman tahay muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaankaba oo doorasho oo muxuu ahaa tirakoob intaas shacab Soomaaliyeed lagu sameeyo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Eng Axmed Macallin. Dhanka kale Eng Axmed ayaa sheegay in siyaasadda Soomaaliya aan laga gaarin heshiis dhab ah isaga oo intaas ku daray in sidoo kale dalka uusan lahayn axsaab siyaasadeed oo qaran ah waxa uuna kuwa hadda diiwaan gashay ku tilmaamay inay furteen shaqsiyaad u dhaqmaya sida milkiilayaasha oo kale. “Runtii heshiis siyaasadeed oo dhab ah ee maanta wadankan laga gaaray ma jirto xisbiyo qaran oo uu maanta waddankan leeyahay malahan, xisbiyada sidaad ogtahay shaqsiyaad baa furtay waa milkiilayaal iyaga ay leeyihiin nin dukaankiisa u furanyahay oo kale ayey iska tahay marka caqabahaas badan waa ay jiraan” ayuu yiri Axmed Macallin. Aqoonyahan ayaa xusay inay jiraan daruufo ku gadaaman in shacabka ay soo doortaan qof leh karti hoggaamineed “Dadka loo baahanyahay inay dalkan samatabixiyaan waxaa looga baahanyahay tayo, aqoon iyo nin hogaagmin kara bulshada uu matalo in la helo dad leh tayadaas waxa ay ahayd inay shacabka soo doortaan hayeeshee daruufaha ku gadaaman awgood ayaan suuragal u ahayn”. Guddiga madaxbannaa ee doorashooyinka qaranka ayaa la filayaa in 27-ka bishan ay ku dhawaaqaan nuuca doorasho ee uu dalka geli doono iayada oo madaxda dalkana ay horey shacabka ugu sheegeen inay qabsoomi doonto doorasho qof iyo cod waxaana xusid mudan in dowladda dhexe aysan amniga dalka si buuxda gacanta ugu heyn oo degmooyin muhiim ah ay gacanta ugu jiraan dagaalamyaasha Al shabaab. Halkan ka daawo wareysiga oo dhameystiran Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kadib kulan warbixin looga dhageystay guddiga wadajirka ah ee labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ee loo xil saaray dhameystirka hab-raacyada doorashooyinka qaranka ayaa lagu sheegay in shaqadii loo idmaday inta ugu badan ay u qabsoontay guddigaasi, islamarkaana inta dhimmana dhowaan ay ka soo wareegi doonto dhankooda. Guddoomiyaha guddigaas, Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qabyo qoraalkii u dambeeyay hadda ay gacanta ku hayaan, islamarkaana ay dhowaan guddoonka ku soo wareejin doonaan hab-raacyo dhameystira sharciga doorashooyinka qaranka. Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan guddoomiyaha golaha shacabka ayaa guddigan ku amaanay shaqadii ay soo qabteen, isagoo intaas ku daray in dalka uu doorashooyin galayo, islamarkaana guddiga looga fadhiyo in ay shaqadooda ku idleeyaan muddo todobaad ku siman. Dhankiisa guddoomiyaha golaha aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa ku amaanay guddigan shaqadii ay soo qabteen. Guddigan wadajirka ayaa guddoonka baarlamaanka waxaa ay u xil saareen in ay soo dhiraan-dhiriyaan hab-raacyo afar ah oo uu tilmaamayo sharciga doorashooyinka qaranka, sida koontada haweenka ee baarlamaanka sida deegaanada loo qeybinayo kuraasta xubnaha baarlamaanka waxa laga yeelayo magaalada Muqdisho iyo sida loo dooran doono xubnaha baarlamaanka ee ka soo jeeda gobollada waqooyi ama Somaliland. Sida uu qorshuhu yahay 27 bishan March, waxaa baarlamanka hor imaan doono guddigga doorashooyinka qaran, si ay u soo bandhigaan nooca doorasho ee dalka galayo iyo qaabka loo qaban doono. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Duhur-21052020.mp3 View the full article
-
Amid the rise of coronavirus cases in Somalia’s semi-autonomous region of Puntland, authorities in the region have announced to re-open Quranic schools barely a week after the state temporarily eased the COVID-19 containment restrictions. Speaking to the media, Puntland Justice Minister, Awil Sheikh Hamud said the state is going to reopen religious learning institutions which have been badly affected since the outbreak of Coronavirus in the region. “The teachers suffered losses, so, we decided just to resume the learning and take much precaution measures to avert the virus,” he said. In late March, Puntland had imposed a dusk-dawn curfew, banned all vehicles from entering or leaving the state in a desperate move to curb the surging COVID-19 cases. Last week, the region has announced that it has lifted the ban it had imposed on the use, importation and sale of Khat, a step that was initially taken to prevent the spread of coronavirus. Fresh COVID-19 cases The number of novel coronavirus cases in region, the second worst-hit region in the country after Banadir, has risen to 163 with 2 new cases reported over the past 24 hours, Puntland’s Health Ministry said on Wednesday. Another 5 patients died due to the virus since the outbreak of the deadly pandemic in the region. Added the region’s health ministry. Since first appearing in Wuhan, China last December, the novel coronavirus, officially known as COVID-19, has spread to over 200 countries and regions, with the US and Europe the hardest-hit areas. More than 5.1 million cases have been reported worldwide, with the death toll surpassing 330,000 and nearly 2 million recoveries, according to data compiled by Johns Hopkins University in the US.
-
Ka dib kulan warbixin looga dhegaystay guddiga wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee loo xil saaray dhameystirka hab-raacyada Doorashooyinka heer Federaal, ayaa lagu sheegay in shaqadii loo idmaday inta ugu badan ay u qabsoontay guddigaasi,isla markaana inta dhimman dhowaana ay ka soo wareegi doonto dhankooda. Guddoomiyaha guddigaas, Xildhibaan, Ibraahim Isaaq Yaraw, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qabyo qoraalkii u dambeeyay hadda ay gacanta ku hayaan, isla markaana dhowaan guddoonka ku soo wareejin doonaan hab-raacyo dhameystira sharciga doorashooyinka. Guddigan Wadajirka ayaa guddoonka baarlamaanka waxaa ay u xil saareen in ay soo dhiraandhiriyaan hab-raacyo afar ah oo uu tilmaamayo sharciga doorashooyinka dowladda Federaalka sida; Koontada haweenka ee baarlamaanka, sida deegaanada loo qeybinayo kuraasta xubnaha baarlamaanka, waxa laga yeelayo magaalada Muqdisho iyo sida loo dooran doono xubnaha baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolada Waqooyi (Somaliland). Sida qorshaysan 27 bishan Maajo, waxaa baarlamanka hor imaan doono guddigga doorashooyinka dowladda Federaal Soomaaliya si ay u soo bandhigaan nooca doorasho ee dalka galayo iyo qaabka loo qaban doono. PUNTLAND POST The post Guddi wadajir ah oo lagu amray soo dhamaystirka Habraaca doorashooyinka heer Federaal appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (PP News Desk) — Reports from Jowhar indicate that rising waters of Shabelle River have resulted in flooding that affected Mahadaay district and nearby villages. The Deputy Chairman of Social Affairs in Mahadaay Saleh Fulel Haji told the media that the flooding has displaced people in Diinlaawe, Buurfuule,Shiidle Bari,Buulo Axmed, Kulmis under the jurisdiction of Mahadaay. Hirshabeele State authorities have not visited areas affected by flooding. Seasonal rains cause flooding in Middle Shabelle where twenty plus years of neglect make it easier for rising river waters to breach flood defences. © Puntland Post, 2020 The post SHABELLE RIVER FLOODING AFFECTS MAHADAAY appeared first on Puntland Post.
-
Ibraahim Xaaji Muuse Wacays oo ka mid ah saaxiibbada aanu isku jaal ku ahayn halgankii SNM iyo ka hor ba, ayaa, 16kii Meey sannadkan 2020ka, goor habeennimo ah oo ay saacaddu ahayd labadii iyo toddoba iyo afartan daqiiqo, telefoonka i gu la soo hadlay. Geeridii Xasan Guure Jaamac buu ii sheegay. Waxa uu yidhi gurigiisa ayay geeridu ugu timid oo haddaas laga soo hadlay. Waxa uu ku daray in uu Xasan u dhintay xanuunka Koroonaha(Covid-19). Xaalad bay ahayd aannaan intaas wax ka badan isa sii odhan karin. Naxdin baan kacaa-fadhiistay. Haddana runta ayaan nafta u sheegay. Waa tii Alle oo waa lama-seegaan; hase ahaatee, magaalada Hargeysa, in Xasan Guure iyo kuwo la mid ahi ba, guryaha ku dhimanayaan, waxa ay tilmaamaysaa xaaladda dalku ku sugan yahay. Xasan Guure Jaamac ka allaysay adduunkan, Alle ha u dembi dhaafo oo qabriga nuur iyo neecow janno ha uga yeelo; waxaa se uu ka tegay xusuus iyo raad wax laga kororsan karo.Isbarashadayadu, aniga iyo Xasan Guure, waxa ay ka soo bilaabantay xagaagii 1969kii. Aniga oo Qaahira ka imid oo fasaxii Jaamacadda ku imid, baannu ku kulanay guri uu adeerkay Maxamuud Xaaji Axmed Guuleed(Alle ha u naxariisto), ka degganaa magaalada Hargeysa. Adeerkay Maxamuud, waxa uu ahaa nin uu Xasan Guure, si macallinnimo iyo si saaxiibnimo ah labada ba u gu xidhnaa oo uu aad u qaddarin jiray; geeridiisii debadeed na uu in badan hadal hayn jiray. Waxa aannu waagaas ahayn dhallinyaro isku ayni ah oo isafgarashadoodu dhowdahay; sidaas darteed jaal baannu noqonnay. Intaas ka dib se, waannu kala baadnay. Kudhawaad saddex bilood ka dib, waxa aan ku noqday Qaahira. Sannadkii 1984kii, buu iigu yimid magaalada Addis Ababa, halkaas oo aan ka ahaa xilhayaha Xafiiska ururka Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SNM). Maalintaas iyo ka dib baannu, Alle ha u naxariisto ee Xasan Guure, jabad, jid iyo jidiin ba wadaagnay; qof ahaantiisa na kolkan baan sii bartay. Ururka Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SNM), sida halgankiisu u hawlo badnaa ayaa gudahiisu ahaa. Goldoloolooyinkiisu ma yarayn. Qoraal ahaan, waa uu lahaa barnaamij ujeeddooyin qeexan leh; hayeeshee, heerka hoggaanka guud iyo inta hoos timaadda, cidina ku ma hakan jirin oo hoos loo ma deyi jirin. Sidaas darteed ururku ma yeelan dhaqdhaqaaq halgan siyaasadeed oo nool. Falka halganku waxa uu ku ururay dagaalka hubaysan oo keli ah. Ururku xeer qoran waa uu lahaa; marka se laga yimaaddo shirweyneyaasha iyo shirarka kale, dib loo ma eegi jirin waxa ku qoran. Dhismaha ururku qabiil iyo jibsnio qabiil buu ahaa; waxaa na lagu soo galayey dhalasho (dadka kale looma diidayn ee sawirka ayaa ciddii kale ba dib u joojinayay). Tiro aad u yar baa arrintan iyo dhibaatada ay halganka ku keeni karto arkaysay; Xasan Guure kuwaas tirada yar hormood buu ka ahaa. Ficilka siyaasadeed Siyaad Barre ayaa lahaa. Cunsuriyad qabyaaladeed oo qayaxan buu dadka ku dibindaabayayn jiray. Xabbis iyo xasuuq iyo falxumo kasta, magac dartii bay ciidammada iyo hay’daha dawladdiisu kula kici jireen dadka. Ciidammadiisa iyo madaxda maamulka uu adeejinayo na qabiil soocan buu ka dhigi jiray. Ujeeddo siyaasadeed bay ka ahayd oo waa in halganka ururka SNM qalloocdo oo uu colaad qabaa’il ku isu rogo; sidaas darteedna uu dulucdiisa waddaniga ah seego. Dabcan falcelinta degdegga ee badanka xubnaha SNM iyo dadkeeda taageersani tollaaydii qabiil bay noqotay. Xaqiiqdan waa loo wada jeeday, hayeeshee, dad tiro yar baa isweydiinayey waxa ka dhalan kara. Xasan Guure Jaamac (Alle ha u naxariisto), waxa uu ka mid ahaa oo uu u ku hadal caddaa kuwii ka digayey tubta uu Siyaad Barre la rabo SNM iyo halgankeeda. Xaaladda burburka dhaqan-bulsheed iyo qalalaasaha jira dartood dadka Soomaalidu guud ahaa, maanta waa saddex. Tirada ugu badani waa gurdanraac. Sida ugaadha iyo xoolaha, hadba dhinaca loo didiyo, ayey u didaan; ama haddii kale, geesta loo ga qaysho ee loo qamaamiyo ayey u jeestaan. Wax ba ma sii faaqidaan; isma na weydiiyaan wax la sheegay iyo wax ka run ah ama ka been ah. Kuwo kale waa hiinraac oo waxii ay hebello ka maqlaan baa ku filan. Waxaa ayagu na jira kooxo hunguri raaca ah oo maal iyo mansab tu walba u mara. Sabaankan maanta ah tiro aad u yar baa jirta oo mabd’a iyo mowqif sugan ku adkaystay. Kuwaas na Xasan Guure Jaamac, waxa aan ka marag ahay, in uu hormoodahooda ka mid ahaa. Soomaalida wuu ku yar yahay qof ta Alle dabadeed, garashada caqligiisa iyo sariigashada qalbigiisa ku go’aan qaataa oo ku dhiirran in uu si cad u cabbiro. Intii astaantaas leh, aniga agtayda, Xasan Guur kow buu ka ahaa. Xasan Guure wax uu dad ba kaga duwaanaa, asaga oo aan qofka uu la hadlayo nabarraynin, dhaleeco na dusha ka saarin, ayuu aragtidiisa u dhiibi jiray. Erey cad oo aan gardarro iyo munaafaqo labada mid na lahayn buu yaqaannay; waa na laba sifo oo dadka maanta siyaasadda ku jira ku yar. Xasan Guure waxa kale uu lahaa fool xaalad kasta farxadi ka muuqato iyo weji qosolku saaran yahay. Ma aha wax yar. Bal waqtiyada adag ee werwerku badan yahay, yididdiiladu na kugu yaraato, muunsada wejiga waayeelku dhiirri bay ku gelisaa oo guul bay horseeddaa. Xasan Guure waxa uu lahaa samo-filasho aanan qof kale ku arag. Xasan Guure Jaamac, asaga oo kale waayadan, waa macdan aad u dhif. Haddii uu tii Alle uga hoyday, kaalintiisii, dib wax ay ka noqoto ba, maanta waa bannaan tahay. Alle ha u naxariisto Xasan Guure Jaamac. Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne), 20 May, 2020. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiyada mucaaradka Soomaaliya ayaa shalay Ururka Midowga Afrika ka codsaday iney badalaan ergayga u fadhiya Muqdisho kaas oo ay ku eedeeyeen inuu si aad ah ugu milmay siyaasadda kooxda xukunka heysa. Francisco Madeira wuxuu wajahayaa eedeyn kulul, inkastoo uusan ka jawabin haddana waxaa la saluugay qaabka uu u shaqeeyo. Madasha waxey ergaygaan ku eedeeyeen inuu garab u noqday Dowladda, isla markaasna raalli ka noqday faragalin ay kooxda talada heysa ku sameysay hab maamuuska doorashooyinka maamul goboleedyada. Afhayeen Madasha Xisbiyada Qaran Cabdirisaaq Axmed Shoole ayaa ka dalbaday ergayga inuu si cadaalad ah u shaqeeyo mar uu gudbinayay dalabka shaqada looga eryayo. “Wakiilka Midowga Afrika waa mas’uulka ugu sarreeya hawlgalka AMISOM, wuxuu dalka ku joogaa Sharci iyo heshiis, waa mamnuuc in astaanta ciidanka AMISOM ay cid kale xirato,” ayuu afhayeenka u sheegay idaacadda VOA. “In ciidamo aan ka mid aheyn kuwa AMISOM lagu faragaliyo doorasho maamul goboleed waa wax xad dhaaf ah, waxaana ognahay in AMISOM ay wadanka u joogaan la dagaalanka kooxaha argagixisada,” ayuu mar kale yiri. “Xadgudubyada la iska indho-tiray ay ciidamada Itoobiya ku hayaan madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya waxaa qeyb ahaan mas’uul ka ah guul-darrada wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira, kaasi oo laga rabay inuu xaqiijiyo in sumcadda Amisom aysan waxyeeleyn damac juqraafi siyaasadeed ee xubin ka mid ah.” Madasha Xisbiyada Qaran waxey walaac xoog leh ka qabaan inuu dhex-dhexaad ka noqon waayo doorashooyinka qaran ee la filayo bilowga sanadka dambe, ayaga oo sheegay in ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ujeedka kama dambeysta ah ee laga leeyahay uu yahay in lagu faro-geliyo doorashada federaalka ee sanadkan dhaceysa.
-
(SLT-Baqdaad)-Ciidammada dalka Ciraaq ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen ninka la rumeysan yahay inuu beddalay Hoggaamiyihii Kooxda Daacish Abu Bakar Al-Baqhadi kaasoo lagu dilay howlgal ay ciidamada gaarka ah ee Marekanka ka fuliyeen Gobalka Idlib ee dalka Syria bishii October ee sanadkii hore. Hoggaamiyaha ay sirdoonka Ciraaq sheegeen in gacanta lagu dhigay ayaa lagu magacaabaa Amir Mohammed Abdul Rahman Al-Mawli Al-Salbi, kaasoo la baxay magaca Cabdul Naasir Qardash. Qardash ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa ninkii hoggaaminayey dagaalkii cuslaa ee Bishii February sanadkii 2019 ka dhacay Deegaanka Baquus ee dalka Syria. Sirdoonka Ciraaq ayaa sheegay inay heleen xogta halka uu ku sugan yahay hoggaamiyahaan, sidaasna ay ciidamada Booliska weerar ugu qaadeen guri ku yaalla degmada Hawija ee Kirkuk oo dhacdo Waqooyiga Baqdaad, islamarkaana ay suurta gashay in gacanta loogu soo dhigo, isagoo watay aqoonsi been abuur ah oo lagu qoray magaca ah Shaclaan Cubeyd. Naasir Qardash ayaa asal ahaan kasoo jeedo dadka Turkemen-ka Ciraaq ee ku nool Gobalka Telafar oo u dhow magaaladda Mosul ee Waqooyiga Ciraaq. Illaa hadda kooxda Daacish kama ayna hadlin sheegashada Sirdoonka Ciraaq ee ah inay gacanta ku dhigeen hoggaamiyihii badalay Abu Bakar Albaqdaadi, mana jirto caddeymo muujinayo sheegashada Ciidamada Ciraaq. Source
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah isaga diiwaangeliyey urur Siyaasadeedka dowladda ee Kaah. Madaxweynaha ayaa xarunta ururka waxaa kusoo dhoweeyay Guddoonka Ku meel gaarka ah ee Ururka iyo Xubnaha Ururka qaar ka mid ah, Wuxuuna kadib u gudbey qeybta diiwaangelinta, halkaasi oo uu Madaxweynuhu si rasmi ah isu diiwaangeliyay maanta xubinimada Urur Siyaasadeedka Kaah. Hirgelinta nidaamka xisbiyada badan ee Puntland waxaa uu ka mid ahaa qorsheyaasha Iyo Siyaasadda Madaxweyne Deni, waxaana ay dowladdu muddo 7bilood ah kusoo dhistay Guddiga Doorashooyinka Ku meel gaarka ah oo wakhti yar shaqooyin muuqda ku qabtay, Iyadoo ay is diiwaangeliyeen 17 urur siyaasadeed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo iska diiwaan-geliyay urur siyaasadeedka dowladda ee Kaah appeared first on Puntland Post.
-
Somali Health Ministry on Wednesday confirmed 71 new cases of coronavirus, bringing the total tally of infections to 1,573. Fawziya Abikar, the Health Minister, said the new infections are from Jubaland in the southern region with the majority of cases 46, Banadir 17, the semi-autonomous region of Puntland which has six and Somaliland two. Abikar said two patients succumbed to the deadly respiratory disease, bringing the total number of deaths to 61. She said 10 people recovered from COVID-19, bringing the total number of people who have been discharged from hospitals to 188. The minister said 52 of the latest cases are male while 19 others are female persons following the samples which were tested in the last 24 hours. The increase in the number of COVID-19 cases comes at a time Somalia is also facing heavy flooding and a threat of desert locust infestation. The UN has warned that if the virus transmission is not contained rapidly, the patient surge and increasing demand for health care will overwhelm the country’s fragile health system. The Horn of Africa nation has instituted measures to contain the possible spread of COVID-19 including closing schools, banning large gatherings and suspending international and domestic passenger flights. View the full article
-
With five days remaining to the end of the Muslim holy month of Ramadhan, it is obvious that Idd-ul-Fitr celebrations will be marked differently this year. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ahna haatana sheegay in uu sharraxanyahay madaxtinimada dalka ayaa si kulul uga hadlay Dacwadda Muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya ee Saddexda jeer Maxkamadda ICJ ay dib u dhigtay qaadista kiiskaas. Qoraal dheer oo uu soo saaray Amb. Daahir Maxamuud Geelle ayuu ku caddeeyey in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo aysan jirin wax tallaabo ah oo ay u qaaday arrimaha la xiriira kiiska dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya. “Dowladdu waxay caayeysaa garaadka dadkeenna. 3 jeer ayaa dib loo dhigay dacwadda baddeenna ay Kenya nagu haysato.Si kale haddii loo dhigo, ma jirto hal tallaabo oo horay loo qaaday oo arrintaas la xiriirta tan iyo intii ay dowladda jirtaahi talada qabatay.” Ayuu yiri Amb Daahir. Madaxweyne Farmaajo ayuu ugu baaqay in uu Shacabka Soomaaliyeed u caddeeyo xaqiiqda qaddiyadda badda maadaama Saddexda jeer la tixgeliyay Codsiga Kenya ee dib u dhigista dhegaysiga Kiiska dacwadda labada dhinac. “Shacabka Soomaaliyeed waa ka garaad badan yahay in loo been guuro oo hadba loo sheego sheeko darfo go’an. Dadka Soomaaliyeed waxay kaa filayaan dhiirranaan iyo daahfurnaan intaan ka badan iyo in aad u caddeyso xaqiiqda qaddiyadda badda.” Ayuu sii raaciyay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oolaga dalbaday in uu caddeeyo xaqiiqada ku qarsoon kiiska badda appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xeer ilaaliya Qaranka Dr. Suleeymaan Maxamed Maxamuud ayaa ka hadlay musuq-maasuq la sheegay inuu ka dhacay Mashruucii uu dhawaan furay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee loogu magac daray (Baxnaano), kaasi oo uu Bankiga Adduunka. Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku beeniyey warbixin ay qoreen warbaahinta qaar oo lagu sheegay in la masuq-maasuqay mashruucaan oo ay ku baxayso lacag dhan 4 Malyan oo Dollar bishiiba. Dr. Suleymaan ayaa ugu hanjabay inuu sharciga la tiigsan doono cid kasta oo ka dambeysay in la faafiyo waxa uu ugu yeeray been abuur ka dhan ah Mashruuca Baxnaano. Mashruuca Baxnaano ayaa waxaa iska kaashanayo hay’adaha UNIFEC, WHO iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya, waxaana la bilaabay wajigiisa koowaad. Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday xafiiska xeer ilaalinta
-
Waxaa faahfaahinno dheeraad ah laga helayaa dil xalay askari ka tirsan ciidanka dowladda uu degmada Wadajir ugu geystay wiil dhalinyaro ahaa kaas oo xilliga la dilayay u socday masaajid uu ku soo dukanayay salaadda tahajudka. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulaahi Maxamed Muuse oo 16 jir ahaa waxaana dilkiisa uu yimid ka dib markii uu shakiyay askariga sida uu sheegtay waxaan sidaa Goobjoog News u xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelada marxuumka oo diiday inaan magacooda baahinno. Wararka aan dhacdadaas ka helnay ayaa sidoo kale sheegaya in uu baxsaday askariga dilka geystay halka ay qaadeen askar kale isaga oo dhaawac ah kadibna uu isbitaalka Madiina ku geeriyooday. Wali ma jirto masuuliyiin ka tirsan laamaha amaanka dowladda oo ka hadlayay dhacdadan, balse ciidanka dowladda ayaa gudaha magaalada Muqdisho dilal kala duwan u geysta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa Congress-ka ku wargelisay suurta-galnimada inay Taiwan ka iibineyso gantaallada biyaha hoostooda ku safra oo ku kacaya 180 milyan oo dollar, taasi oo sii xumeyneysa xidhiidhka Washington iyo Beijing. Dowladda Mareykanka, si la mid ah inta badan dalalka caalamka, wax xidhiidh diblomaasiyadeed oo rasmi ah lama lahan Taiwan, hase yeeshee waxaa jira sharci ku qasbaya inay ka iibeyso hub ay isku difaacdo. Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa ansixisay iibka gantaallada 18 MK-48 Mod6 ee maraakiibta badda laga rido oo casri ah, kuwaas oo ku kacaya 180 milyan oo dollar, sida ay sheegtay Hay’adda Iskaashiga Difaaca Amniga Mareykanka, oo bayaan soo saartay. Hay’adda ayaa sheegtay in iibkan uu u adeegayo danta qaran, amni iyo dhaqaale ee Mareykanka, islamarkaana ay ku wargelisay Congress-ka. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha Zhao Lijian ayaa sheegay in Shiinaha ay ashtako rasmi ah oo arrintan ka dhan ah u gudbiyeen Washington. Zhao ayaa intaas ku daray in Shiinaha ay ku booriyeen dowladda Mareykanka inay joojiso dhammaan hubka ay ka iibiso iyo xidhiidhka millatari ee ay la leedahay Taiwan, si looga hortago dhaawac kale oo gaara xidhiidha labada dal. Taiwan ayaa sheegatay inay tahay dal madax-bannaan, halka Shiinaha ay u arkaan gobol ka tirsan. REUTERS Source
-
WAR CELINTA WAR BEEN ABUURID AH Reer Somalia Ma Habaar Bay Dan Moodeen! Way iska dhacdaa in marka albaabka siyaasadu soo xidhmo, oo beentii aan lugaha ku taagnay isa soo oodo, in dadka la isku dayo in la jaah-wareeriyo, oo waxaan jirin iyo riwaayad lagu mashquuliyo. Dadka Somalia anigu ma aflagaadeenayo, oo sharaf bay naga muddan yihiin, laakiin qolyaha Dawladda Somalia ee Nabar iyo Naxdin waxa aan leeyahay beenta aad shacabka ku shubaysaan iska daaya, Aniga layma xidhin, waxaan muddo labo bilood ahna aan joogay Dalka Imaaraadka Carabta, oo ay iigu dhacay xayiraadii COVID 19 si lama filaan ah. Waxaan ahay Wakiil matala Sharafta iyo Karaamada Shacab iyo dawladd ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dawlada Kenya iyo Somaliland na waxa ay leeyihiin cilaaqaad soo jireena, oo oo ilaa 18th century gii soo jiray, maantana maraya heerkiisii ugu sareeyay. ALLAA MAHAD LEH. W/Q Wakiilka Somaliland ee Kenya Amb Baashe Cawil Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Farxaddii ka dhalatay magacaabistii Abiy Axmed ee Ra’iisul wasaaraha Ethiopia bishii April sannadkii 2018-kii, ayaa u muuqata inay daaqadda ka baxday. Kadib sii deyntii maxaabiistii siyaasadeed, casuumaaddii uu u sameeyay dhaq-dhaqaaqyadii dibad joogga ahaa, heshiiskii uu la galay cadowgii mudadda dheer ee Eritrea, taas oo uu sanadkii 2019-kii ku helay Nobel Peace Prize, Abiy waxaa uu hadda la xarbinayaa joogteynta kala dambeynta iyo midnimada waddanka. Labadii sanno ee lasoo dhafay, isku dhac gobolleed, mid isir iyo mid siyaasadeed ayaa hareeyay fekerka, awoodda iyo khayraadka, waxaana ku dhintay kumanaan, malaayiinna waa ay ku baro kaceen. Go’aanka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ee uu dib ugu dhigay doorashadii Ethiopia ayaa abuuray mashaakil dastuuri ah. Safmareenka COVID-19 waa waxaa lo cuskaday dib u dhigista laakiin ma’ahan sababta. Xisbiga ugu weyn mucaaradka Ethiopia ee Oromo Federalist Congress iyo lixda xisbi ee ay xulafada yihiin ayaa diiday go’aanka Abiy Axmed, waxayna ku baaqeen wada hadal si loo helo xal siyaasadeed. Xisbiga Tigrayga ee TPLF ayaa diiday dib u dhigista doorashadda waxaana uu sheegay in uu isu diyaarinayo doorashooyin gobol. Waxaa intaas ku dareen in tani ay meesha ka saareyso in si sharci darro ah ay awoodda ku heystaan dadka talada haya. Dadka taxliiliya siyaasadda Ethioipia oo uu ka mid ayahay Rene LeFort ayaa sheegay in Abiy Axmed uu awoodda isku gaar yeelayo. Waxaa ay sheegayaan in uu muujiyey astaamo uu ku noqonayo “ninka weyn” ee Ethiopia waxay ku qaadataba. Waxaana ka mid noqon kara in loo shaqeeyo si ka baxsan sharciga haddii ay lagama maarmaan noqoto. Maamulka Abiy Axmed waxaa uu horumarro ka sameeyay furista gaab siyaasadeed. Dib u soo celinta cabsi gelinta iyo xarig wadareedka dadka mucaaradka ah ku ah waxay dib ugu celineysa maalmihii hore ee keligi talisnimada. Maamulkiisuna waxaa uu ku guul dareysanayaa in uu ka dhabeeyo balanqaadkiisii, waxaana uu si deg-deg ah ku luminayaa sharciyadiisii. Dib u dhigista cod bixinta iyada oo aan la gaadhin heshiis siyaasadeed waxaa ay noqon kartaa wareegii ugu dambeeyay. Gobolka Tigrayga ayaa ku dhaawaqay in ay u dareeri doonaan doorashooyinka gobolka. Guddiga Doorashooyinka iyo Abiy Axmed midna kama joojin karaan dadka Tigrayga in ay doorashooyinka qabsadaan. Isku day kasta oo lagu joojinayo doorashooyinka iyadoo awood la isticmaalayo waxaa ay kala qaybin kartaa ciidanka Ethiopia. Iskudayga nuucaas ah waxaa uu sidoo kale keeni karaa in dadka gobolka Tigray ay adeegsadeen qodobka 39 aad ee dastuurka islamarkaana ay madaxbanaani ku dhawaaqaan. Xisbiyo dhowr ah oo mucaarad ah oo uu ku jiro midka Oromada aya sidoo kale ku dhawaaqay in ay doorashada u dareeri doonaan wixii ka dambeeya 30-ka September. Waxay diideen in ay aqoonsadaan Dowlad sharci darro ah. Sidaas darteed, xalku waa wada hadal siyaasadeed ee ma ahan “tarjumaadda” dastuurka. Heshiis laga gaaro xilliga cod bixinta iyo qaab maamulka wixii ka dambeeya September ilaa doorashadda xigta keliya waxaa ay ku imaan karaan wadahadal u dhaxeeya xisbiyada siyaasadda iyo ururadda bulshadda. Wixii intaas kasoo hara waxay Ethiopia gelineysaa mashaakilkii ugu darnaa taariikhda casriga ah. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ka dib kulan warbixin looga dhageystay guddiga wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee loo xil saaray dhameystirka hab-raacyada Doorashooyinka Qaranka, ayaa lagu sheegay in shaqadii loo idmaday inta ugu badan ay u qabsoontay guddigaasi,isla markaana inta dhimman dhowaana ay ka soo wareegi doonto dhankooda. Guddoomiyaha guddigaas, Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow ayaa sheegay in qabyo qoraalkii u dambeeyay hadda ay gacanta ku hayaan isla markaana dhowaan guddoonka ku soo wareejin doonaan hab-raacyo dhameystira sharciga doorashooyinka qaranka. Mudane, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa guddigan ku amaanay shaqadii ay soo qabteen, isagoo intaas ku daray in dalka uu doorashooyin galayo isla markaana guddiga looga fadhiyo in ay shaqadooda ku idleeyaan muddo todobaad ku siman. Guddoomiyaha golaha Aqalka sare, mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa dhankiisa amaanay guddigan shaqadii ay soo qabteen. Guddigan Wadajirka ayaa guddoonka baarlamaanka waxaa ay u xil saareen in ay soo dhiraandhiriyaan hab-raacyo affar ah oo uu tilmaamayo sharciga doorashooyinka Qaranka sida; Koontada haweenka ee baarlamaanka, sida deegaanada loo qeybinayo kuraasta xubnaha baarlamaanka, waxa laga yeelayo magaalada Muqdisho iyo sida loo dooran doono xubnaha baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolada Waqooyi ama Soomaaliland. Sida uu qorshuhu yahay 27 bishan Maajo, waxaa baarlamanka hor imaan doono guddigga doorashooyinka Qaran si ay u soo bandhigaan nooca doorasho ee dalka galayo iyo qaabka loo qaban doono.
-
Wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Amb Daahir Maxamuud Geelle oo qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebuugga uga hadlay qaddiyadda badda ee markii saddexaad dib loo dhigay ayaa carabka ku dhuftay in dowladda Farmaajo ay cayneyso garaadka dadka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay “Dowladdu waxay caayeysaa garaadka dadkeenna. 3 jeer ayaa dib loo dhigay dacwadda baddeenna ay Kenya nagu haysato”. Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladdu carabawday inay diidan tahay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda balse Daahir geelle ayaa hoosta ka xariiqay inaysan jirin caddeyn muujinaysa in dowladda federaalka ah ay diidanayd dib u dhigista. Dhanka isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in dowladda ay arrinka qaddiyadda badda u adeegsatay dacaayad iyo inay isu muujiso inay wax fiican qabatay balse taas badalkeeda ayuu sheegay in waxkasta oo ay dowladdu qabatay ay dhalinayaan shaki weyn. Maxakamadda cadliga adduunka ayaa markii saddexaad dib u dhigtay kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyadoo sheegtay in kiiskan la dhageysan doono 15 March 2021. Halkan ka akhriso qoraalka Daahir Geelle Dowladdu waxay caayeysaa garaadka dadkeenna. 3 jeer ayaa dib loo dhigay dacwadda baddeenna ay Kenya nagu haysato. Si kale haddii loo dhigo, ma jirto hal tallaabo oo horay loo qaaday oo arrintaas la xiriirta tan iyo intii ay dowladda jirtaahi talada qabatay. Taas baddelkeeda waxaa loo nuglaaday Kenya oo mar walba rabitaankeeda la tix gelinayay. Saddexda jeer ee dacwadda dib loo dhigay waxay ku dhacday codsiga Kenya. Dowladdu waxay sheegeysay in ay diiddan tahay dib u dhigistaas, mase jirin wax caddeynaya in ay diiddan tahay. Daahfurnaanta arrintani aad ayay u yarayd walina u yartahay waxaana ku gedaaman shaki iyo mugdi badan. Waxaa muuqata in xukuumaddu arrinta badda u adeegsatay dicaayad iyo in ay isu muujiso in ay shaqo fiican hayso, balse wax kasta oo ay sameysay waxay dhalinayaan shaki weyn. Dadkii faylkan gacanta ku hayay waa la kala diray sida Xeer Ilaaliyihii guud iyo qareennadii Soomaaliyeed ee kartida lahaa. Bulshada lalama wadaagin dadkii lagu baddelay, ka qeyb galkii bulshada rayidka ah iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed waa la joojiyay, mana jirto xog shacabka lala wadaagay oo ku saabsan kiiskan. Shacabka Soomaaliyeed waa ka garaad badan yahay in loo been guuro oo hadba loo sheego sheeko darfo go’an. Qaddiyadda baddu way ka weyn tahay wax ay madaxdu isku koobaan. Waa masiir ummadeed oo ay shacabka oo dhami u dheg taagayaan. Mudane Madaxweyne, Dadka Soomaaliyeed waxay kaa filayaan dhiirranaan iyo daahfurnaan intaan ka badan iyo in aad u caddeyso xaqiiqda qaddiyadda badda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Dimishiq)-Dowlada Suuriya ayaa xayiraad saartay dhamaan Hantida uu leeyahay ninka ugu taajirsan Suuriya oo lagu magacaabo Rami Makhlouf oo uu dhalay Madaxweynaha dalkaasi Bashar Al Assad abtigii. Rami Makhlouf ayaa ah mulkiilaha Shirkada Telefonada Suuriya ee SyriaTel, waxaana hantidiisa lagu qiyaasaa $5 Bilyan oo dollar, waana ganacsadihii ugu weynaa ee maalgelinayey ciidamada Bashar Al Assad. Amar kasoo baxay Wasaarada Maaliyada ee Siiriya ayaa lagu sheegay in la xayiray dhamaan hantida ninkan, xaaskiisa iyo caruurtiisa. Caruurta Maalqabeenkan ayaa ku nool magaalada Dubai Wasaarada Maaliyada ayaa ku dooday in dowlada ay lacago gaadhaya 77 Milyan oo dollar ku leedahay shirkadiisa SyriaTel. Rami Makhlouf oo hadda ku xidhan gurigiisa ayaa ku dooday in dowlada dooneyso inay ka dhacdo ama kala wareegto hantidiisa gaar ahaan shirkada Telefonada. Wuxuuna filim uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga codsaday inuu arrintan joojiyo Madaxweynaha Bashar Al Assad oo ay dhashay eedadiis Anisa Makhlouf. Ganacsade Rami Makhlouf ayaa kamid ahaa ragga ugu awooda badan dalkaasi ayaa hadda khatar ku jira, waxaana muuqata in dagaal hoose uu ka dhex curtay Tujaarta udub-dhexaadka u ahayd xukuumada Talada heysa iyo Qoyska reer Asad. Bashar Al Assad ayaa doonaya inuu helo lacago badan uu isaga bixiyo daynmo la sheegay inuu ku leeyahay Vladimir Putinka xukuma Ruushka. Dowlada Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa hore cunaqabateyn u saaray Ganacasade Rami Makhlouf oo ay ku eedeeyeen inuu si weyn ugu lug lahaa dagaalka ka socda Suuriya, uuna kamid yahay xubnaha dhaqaalaha badan ku taageeray Bashar Al Assad. Source
-
Baqdaad (Caasimadda Online) – Ciidamada dalka Ciraaq ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen ninka la rumeysan yahay inuu badalay Hoggaamiyihii Kooxda Daacish Abu Bakar Al-Baqdaadi kaasoo lagu dilay howlgal ay ciidamada gaarka ah ee Marekanka ka fuliyeen Gobalka Idlib ee dalka Syria bishii October ee sanadkii hore. Hoggaamiyaha ay sirdoonka Ciraaq sheegeen in gacanta lagu dhigay ayaa lagu magacaabaa Amir Mohammed Abdul Rahman Al-Mawli Al-Salbi kaasoo la baxay magaca Cabdul Naasir Qardash. Qardash ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa ninkii hoggaaminayey dagaalkii cuslaa ee Bishii February sanadkii 2019 ka dhacay Deegaanka Baquus ee dalka Syria. Sirdoonka Ciraaq ayaa sheegay inay heleen xogta halka uu ku sugan yahay hoggaamiyahaan, sidaasna ay ciidamada Booliska weerar ugu qaadeen guri ku yaalo degmada Hawija ee Kirkuk oo dhacdo Waqooyiga Baqdaad isla markaasna ay suurta gashay in gacanta loogu soo dhigo isagoo watay aqoonsi been abuur ah oo lagu qoray magaca ah Shaclaan Cubeyd. Naasir Qardash ayaa asal ahaan kasoo jeedo dadka Turkemenka Ciraaq ee ku nool Gobalka Telafar oo u dhow magaaladda Mosul ee Waqooyiga Ciraaq. Illaa hadda kooxda Daacish kama aysan hadlin sheegashada Sirdoonka Ciraaq ee ah inay gacanta ku dhigeen hoggaamiyihii badalay Abu Bakar Albaqdaadi, mana jirto caddeymo muujinayo sheegashada Ciidamada Ciraaq.
-
Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan la qaatay guddiga isku dhafka ah ee iyaga u qaabilsan diyaarinta iyo dhameystirka xeerarka doorashooyinka qaranka ayaa waxaa guddigaas looga dalbaday inay shaqadooda dedejiyaan maadaama guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka ay dhamaadka bishan ku dhawaaqi doonaan nuuca doorasho ee uu dalka geli doono. Kulan warbixin looga dhageystay guddiga wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee loo xil saaray dhameystirka hab-raacyada Doorashooyinka Qaranka, ayaa lagu sheegay in shaqadii loo idmaday inta ugu badan ay u qabsoontay guddigaasi,isla markaana inta dhimman dhowaana ay ka soo wareegi doonto dhankooda. Guddoomiyaha guddigaas, Xildhibaan, Ibraahim Isaaq Yaraw, oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay in qabyo qoraalkii u dambeeyay hadda ay gacanta ku hayaan isla markaana dhowaan guddoonka ku soo wareejin doonaan hab-raacyo dhameystira sharciga doorashooyinka qaranka. Mudane, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa guddigan ku amaanay shaqadii ay soo qabteen, isagoo intaas ku daray in dalka uu doorashooyin galayo isla markaana guddiga looga fadhiyo in ay shaqadooda ku idleeyaan muddo todobaad ku siman. Guddoomiyaha golaha Aqalka sare, mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa dhankiisa amaanay guddigan shaqadii ay soo qabteen. Guddigan Wadajirka ayaa guddoonka baarlamaanka waxaa ay u xil saareen in ay soo dhiraandhiriyaan hab-raacyo affar ah oo uu tilmaamayo sharciga doorashooyinka Qaranka sida; Koontada haweenka ee baarlamaanka, sida deegaanada loo qeybinayo kuraasta xubnaha baarlamaanka, waxa laga yeelayo magaalada Muqdisho iyo sida loo dooran doono xubnaha baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolada Waqooyi ama Soomaaliland. Sida uu qorshuhu yahay 27 bishan Maajo, waxaa baarlamanka hor imaan doono guddigga doorashooyinka Qaran si ay u soo bandhigaan nooca doorasho ee dalka galayo iyo qaabka loo qaban doono. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ka hadlay kiisaka dacwadda badda ee ay Kenya Muranka gelisay ayaa sheegay in tuhun badan uu ku jiro in markii saddexaad maxkamadda ICJ ay dib u dhigto dhageysiga dacwaddaas. Dowladda federaalka ah ayuu u sheegay in looga baahanyahay faahfaahin maangal ah oo shacabka ay ku qanci karaan “Tallaabada ay maxkamadda ICJ markii saddexaad dib ugu dhigtay dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya waxaa ku jira tuhun badan, waana arrin u baahan iney Dowladda Soomaali ka bixiso faah faahin maangal ah, oo ay Shacabku ku qanci karaan. Inaan saddexdda jeerba la aqbalin codsiga Soomaaliya, oo mar walba ay maxkamaddu u jawaabeyso hal dhinac ayaa sidoo kale cabsi iyo shaki leh, ma Soomaaliya ayaan diidmo muujin, ma maxkamadda ayaa hal dhinac noqotay, ma dadka na matallaya ayaan aheyn kuwii saxda ahaa mise waxaa jira wax kaloo qarsoon, oo shacabka lagala cabsanayo ?!!”. Dhanka kale waxa uu nasiib darro weyn ku tilmaamay in madaxweynaha dalka uusan wax hormar ah ka sameynqaddiyadda badda islamarkaana uusan waxba ku soo kordhin qaddiyaddan oo ah mid qaran. “Waa nasiib daro weyn inuu madaxweyne Farmaajo iyo xukuumadiisa wax horumar ah oo muuqda aysan ku kordhin dacwada Badda, oo ah qadiyad qaran oo masiiri ah . Arrintu labbo ayey mid noqon kartaa in aaney Dowladdu wax dadaal iyo ahmiyad ah aysan siinin arinka dacwada badda, oo hal dhinac ay shaqadu iska wataan ama iney dowladdu ka waddo howlo qarsoodi ah maxkamadda banaankeeda.Si qadiyadda loogu xaliyo hanaan ka baxsan garsoorka. Haddaba mid ay tahayba waa ayaan darro waana wax mugdi galineya xaqa iyo xuquuqda umadda Soomaaliyeed. Maadaama kiiska loo dhigay bisha March 2021, waxaa madaxda Dowladda Federaalka ah la gudboon iney shacabka u daacad warramaan billaha yar ee u dhiman” ayuu yiri Cabdikariim Xuseen Guuleed. Ugu dambeyn shacabka ayuu ugu baaqay inay hubiyaan tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee kiiska badda “Guud ahaan shacabka Soomaaliyeedna waa iney aad u hubiyaan tallaabooyinkii u dambeeyay ee kiiska Badda. Cabsi xoogleh ayaa noo muuqata mana ahan in la sahashado xaaladdan”. Isaga oo intaas raaciyay inay jirto cabsi xooggan oo ay tahay inaan la sahalsan. Maxakamadda cadliga adduunka ayaa markii saddexaad dib u dhigtay kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyadoo sheegtay in kiiskan la dhageysan doono 15 March 2021. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Puntland oo Soo Saartay Awaamiir Ku Saabsan Maalmaha Ciidda
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa soo saaray awaamiir cusub oo la xiriira maalmaha ciidda gaar ahaan salaadda maalinkaas la dukado. Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha diinta maamulkaas Cawil Sheikh Xaamud Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay gabi ahaanba hakiyeen isu soobaxyadii maalmaha ciidda iyo saaladda Soonfurka isaga oo ku micneeyay inay ka hortagayaan faafitaanka xanuunka Coronavirus. Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu tilmaamay in dadweynaha Puntland la faray inay salaadda ku oogaan guryahadooda maadaama marka la gaaro sanadkan oo kale ay bulshadu isku soo bixi jirtay islamarkaana ay meel fagaara ah ku tukan jireen salaadda Soonfurka. Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in malcamadaha lagu barto Quraanka Kariimka ah oo markii hore loo xiray sabab la xiriirta faafitaanka cudurka COVID- 19 in wixii ka dambeeya maalmaha Ciidda dib loo furi doono isaga intaas ku daray in daruufo dhaqaale oo aad u adag ay soo wajahday macalimiinta deegaannada maamulka Puntland. Maalin qura ayaa inaga xigta bilashada bisha Soonfur, waxaana sanadkan la filayaa inuu isbadal ku yimaado maalmaha Ciida maadaama dalka uu si adag u saameeyay Coronavirus. Goobjoog News Source: goobjoog.com