Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,225
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha Amaanka oo M/weynaha Soomaaliya Farmaajo uga digay Dibu-dhac ku yimaada doorashada 2020/2021,Baaq adagna u direy. Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kulan ka yeeshey xaaladda Soomaaliya, kulanka ayaa la isticmaaley VTC ama Fiidyow Konfrense. Shirka waxaa guddoominaayey Wakiilaka Qaramada Midoobey u fadhiya dalka Estooniya Sven Jürgenson, waxaana ka soo wada muuqdey dhamaan 15 ka dal ee Golaha Mmaanka ee Qaramada Midoobey uu ka kooban yahay. Ujeedka ugu weyn ee kulanka ayaa ahaa in Golaha Amaanku dhegeysto warbixino ku saabsan Soomaaliya iyo sidii wakhtiga loogu cusbooneysiin lahaa halwgalka Midowga Afrika ee AMISOM. James Swan Ugu horreyn waxaa shirka warbixin dheer siiyey Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan, iyo madaxa hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Caetano Jose Madeira. James Swan ayaa si faah-faahsan uga hadley xaaladda Soomaaliya ay wajahayso xiligan xasaaiga ah, waxaana uu sheegay in COVID-19 uu Soomaaliya ka dilaacay, kiisaska ilaa hadda la xaqiijiyey ay gaarayaan 1500 laakiin la aminsan yahay in ay aad uga badan yihiin, Dowladda federaalka iyo weliba Dowlad goboleedyada ayuu ku amaaney sida ay ugu dedaalayaan in ay u xakameeyaan COVID-19. Cudurkan ayuu sheegay in uu saameyn dhaqaale dalka ku reebey, iyada oo markii hore 5 milyan oo qof ay u baahnaayeen gargaar bini’aadanimo. James Swan ayaa sidoo kale ka hadley fatahaadaha, dalka ka dhashey, weerarada al-shabaab ay sii wadaan oo ay tixgelin waayeen baaqyada caalamiga ah kadib cudurka coronavirus ee la rabey in xabbad joojin la sameeyo iyo dhibaatada ka taagan Ayax aan waxba reebeyn, kadib roobabkii guga. Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxa si faahfaahsan uga hadley doorashooyinka 2020/2021, waxa uu sheegay in Soomaalya u diyaar garoobeyso markii u horeysey tan iyo sanadkii 1969 doorasho dimoqraadi ah, daah furan, loowada dhan yahay, laakiin waxa uu wel-wel ka muujiyey qaabka loogu diyaar garoobey iyo in Dowladda federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah aysan arrintan weli kawada shaqeyneyn. SOO JEEDINTA GOLAHA AMAANKA Xubnaha golaha amaanka ayaa soo dhaweeyey warbixinada ay siiyeen u qaybsanyaasha arrimaha Soomaaliya. Dalalka sida xasaasiga ah uga hadley arrimaha Soomaaliya waxaa kamid ahaa faransiiska, jarmalka, Biljimka, Maraykanka iyo Ingriiska. Dhamaan dalalkii hadley ayaa si weyn ugu canaantey Dowladda federaalka ah in aysan qaadin masuuliyadda sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Dowlad goboleedyada. Golaha ayaa sheegay in Dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah ay wada shaqeeyaan ay fure u tahay doorashada la filaayo in ay dalka ka dhacdo ayey ku nuux-nuuxsadeen. Ergayga dalka Faransiiska ayaa sheegay in doorashada wakhtigeeda la qabto oo COVID-19 aanu noqon karin marmarsiiyo, sidoo kale waxa uu ka digey in dib loogu laabto nidaamkii qabaliga ahaa ee 2016. Xubnaha Golaha Amaanka ayaa isku raacey, in laga doonayo Madaxweyne Farmaajo uu qaato hoggaaminta iyo masuuliyadda, wada hadal deg-deg ah la furo Dowlad goboleedyada, oo uu qabto shirkii Golaha Amniga Qaranka ee ay ku mideysan yihiin Dowladda federaalka iyo Dowlad goboleedyadu sidoo kale laga heshiiyo doorashooyinka dhamaadka sanadkan iyo bilowga sanadka 2021, loo midoobo cadowga keliya ee al-Shabaab, sidoo kale waxay ka digeen in aan ciidamada dowladda loo dhisey loo isticmaalin arrimo siyaasadeed ee lagu jiheeyo sidii al-Shabaab looga adkaan lahaa. Dhanka kale Golaha Amaanka ayaa sheegay in Soomaaliya ay weli u baahan tahay in laga taageero dhanka amaanka, laakiin la doonaayo in ay la timaado qorshaha amniga qaranka (National Security plan) ee ay kula wareegayaan amniga dalka sanadka 2021, waxaana qaarkood muujiyeen in ay muhim tahay in mudada loo cusbooneysiiyo AMISOM. Shirka waxaa Soomaaliya uga qayb-galay ergayga Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya Denjire Abuukar Baale oo jeediyey khubad ku aadan horumarka Dowladda federaalku ku tallaabsatey. Waa markii labaad ee Golaha Amaanku ugu baaqo Dowladda federaalku in ay qaadato hoggaaminta iyo masuuliyadda wada shaqeyn dhexmarta iyaga iyo Dowlad goboleedyada. Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Aamin Ambulance ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xariga xalay magaalada Muqdisho loogu gaystay agaasimihii adeegaas Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Aadan. Maamulka ayaa caddeeyey in xarrigga loo geystay Agaasimaha Dr. Cabdulqaadir uusan wax xiriir ah lama laheyn Adeegga Aamin Ambulance, balse uu yahay mid shaqsi ah, waxayna u mahad-celiyeen dowladda. “Waxaan halkaan uga mahad celineynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya qeybaheeda kala duwan iyo xubnaha bulshada ee nagala soo xiriiray oo nala wadaagay dareenkooda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Aamin Ambualnce. Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa xalay Cabdulqaadir Cabdiraxmaan kasoo xiray Baar lagu magacaabo Spaghetti House oo ku yaalla agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxana la geeyey xarunta dembi barista booliska ee CID-da. Warqad kasoo baxday xaafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo ay heshay Caasimada Online ayaa lagu sheegay in Cabdulqaadir madaxa Aamin Ambulance ay cabasho kasoo gudbiyeen laba nin oo lagu kala magacaabo Axmd Cabdiraxmaan Diiriye iyo Barre Cismaan Xuseen, kuwaas qaab Forex ah uu lacag uga qaatay, taas oo cadadkeedu dhanyahay, $214,000 oo dollar. Dr. Cabdulqaadir ayaa markii dambe lasii daayey, hase yeeshee kiiskiisa ayaa weli taagan.
  3. Khalifa Xaftar oo iclaamiyey dagaal ka dhan ah Turkiga iyo Turkiga oo jawaab adag bixiyey Sarkaal sare oo Turkish ah ayaa sheegay inay ka aargudan doonaan weerar kasta oo dagaal-ooge Khaliifa Xaftar uu ku qaado danaha Turkiga ee Libya, saacado kadib markii Xaftar uu iclaamiyey dagaal iyo weeraro ka dhan ah Turkiga. Hanjabaadda dagaal-oogaha ayaa timid kadib toddobaad uu guul-darrooyin kala kulmay dowladda Libya ee Turkiga uu taageero. Ciidamada Xaftar, oo ay taageerayaan Imaaraadka, Masar iyo Ruushka ayaa sanad ka hor billaabay dagaal ay doonayaan inay ku qabsadaan caasimadda Libya. Hase yeeshee faro-gelinta Turkiga ayaa beddeshay dagaalka, una riixday guusha dhanka dowladda. “Waxaad saacadaha soo socda arki doontaa ololihii duqeymo ee ugu ballaaraan taariikhda Libya,” waxaa sidaas yiri madaxa ciidamada cirka ee Xaftar, Saqr al-Jaroushi oo bayaan soo saaray. “Dhammaan goobaha Turkiga iyo iyo danahooda ee magaalooyinka Libya waxay bartilmaameed sharci ah u yihiin ciidamadeena, waxaana shacabka ugu baaqeynaa inay ka fogaadaan,” ayuu yiri. Hase yeeshee sarkaal sare oo Turkish ah ayaa sheegay inay si wanaagsan diyaar ugu yihiin inay difaacaan saldhigyadooda iyo xarumahooda, ayaga oo adeegsanaya maraakiibta dagaalka iyo diyaaradaha drone-ka ee ku sugan meel u dhow Libya. Waxa uu intaas ku daray in weerar kasta oo lagu qaado shaqaalaha Turkiga laga bixin doono jawaab aargudasho oo ay ku jirto mid lagu beegsanayo xarumaha Khalifa Xaftar. Guul-darrooyinka Xaftar ayaa waxaa horseeday diyaaradaha drone-ka Turkiga oo burburiyey habkii difaaca gantaallada Pantsir ee Ruushku ay sameeyeen, kuna caawiyeen Xaftar. Qaran News
  4. Hogaamiyaha Chechnya oo cisbitaal la dhigay Ramzan Kadyrov, 43 jirka hogaamiya Chechnya Hogaamiyaha Chechnya, Ramzan Kadyrov, ayaa cisbitaal la dhigay isagoo looga shakisan yahay inuu qaaday Fayraska Korona, sida ay sheegtay warbaahinta Ruushka. Waxaa Arbacadii loo duuliyay caasimadda Moscow, si looga daweeyo xanuun leh astaamaha hergabka oo kale, sida qof xog oggaal ah uu u sheegay wakaaladda wararka ee Interfax. Hogaamiyahan oo mar dagaal jabhadeyn ah kula jiray xukuumadda Moscow ayaa hadda saaxiib dhaw la ah madaxweyne Vladimir Putin. Weriyaha BBC ee Moscow ayaa sheegay in dad badan ay u haystaan in Kadyrov uu yahay nin aad looga baqo. Marar badan ayaa lagu dhaliilay fasiraaddiisa shareecada Islaamka ee uu gobolkaasi kusoo rogay, iyo tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee lagu eedeeyay. Lama oga xaaladdiisa dhabta ah, inkastoo wararka hordhaca ah ay tilmaamayaan in dhakhtarkiisa uu kula taliyay in loo duuliyo caasimadda Ruushka si loogu daweeyo. Akhmed Dudayev oo ah madaxa telefishinka Grozny, saaxiib dhawna la ah hogaamiyaha xanuunsan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Tass in Kadyrov “uu xaaladdiisa maareynayo, isla markaana uu qaadanayo dhammaan tallaabooyinka muhiimka ah,” waxa uu intaa raaciyay “Xarunta taliskiisa weli isaga ayay gacanta ugu jirtaa.” Siyaasiyiinta Ruushka iyo Fayraska Haddii la xaqiijiyo in Fayraska Korona uu ku dhacay Kadyrov, ayaa waxa uu kamid noqonayaa mas’uuliyiinta sare ee uu haleelay xanuunka. Ra’iisal wasaare Mikhail Mishustin ayaa maalmo ka hor ku soo laabtay shaqada kadib markii uu cisbitaal u galay xanuunka Covid-19. Xoghayaha warfaafinta ee madaxweynaha Dmitry Peskov, wasiirka hidaha Olga Lyubimova, kan dhismaha Vladimir Yakushev iyo kuxigeenkiisa Dmitry Volkov ayaa dhammaantood laga helay Fayraska. Khamiistii shalay ahayd, Ruushka ayaa shaaciyay in 127 qof oo horleh ay cudurka u dhinteen, taasoo tirada guud ee dhimashada ka dhigtay 3,099. 317,554 qof ayuu cudurka ku dhacay dalkaasi, waana waddanka labaad ee ugu kiisaska badan caalamka. Balse dadka dhaliila xukuumadda Moscow ayaa tilmaamaya in dhimashada ay aad uga badan tahay inta la shaaciyay. Qaran News
  5. Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika Danjire Alexander Rondos oo goor dhow ka hadlayay machadka “Norweygian Institute of International Affairs” ayaa sheegay in horumar aan hore loo saadaalin uu ka soo ifbaxaya gobolka. Weliba waxuu maalgashata reer Yurub ku baraarujiyay inay la yimaadaan ganacsi indho furan, haddii loo baahdana ay iskaashi kala yeeshaan Mareykanka iyo Shiinaha si aysan u seegin fursadda. Warkaas waxaa ka horreyay wareysi uu bishii February 18, 2020 CTC Sentinel siiyay Safiirka Mareykanka u fadhiyo Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto kuna soo bandhigay siyaasadda Mareykanka ee Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya. Danjiraha waxuu sheegay in Mareykanku uu dadaal dheeri ah ku bixinayo sidii Soomaaliya loo xasilin lahaa [amni, siyaasad iyo dhaqaaleba] (CT Foxhole Abril 2020). Labada Danjire oo ah kuwa ugu khibradda dheer wakiilladda dalalka reer galbeed ee joogga qaaradda Afrika, gaar ahaan Geeska ayaa hadaladoodi ka muuqatay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in lala ganacsado, dekedaheedana ay muhiim u yihiin suuqa gobolka. Balse xogta Safiirka Mareykanka uu bixiyay, malahaa waxay carqaladeysay qoorshaha qarsoon ee Amiirrada Abu Dhabi ka leeyahay Soomaaliya sida ka muuqata habka uu u dhigay hadalkiisa Michael Rubin oo afhayeen u ah ololaha kala qaybinta Soomaaliya – Waqooyiga iyo Konfurta. Qoraagu waxuu si aan suubbaneyn u suluugsan yahay siyaasadda Mareykanka ee xasillinta Geeska Afrika, waxuuna si aan daacad ahayn u eedeyay dadaallada nabad raadinta Ra’iisul-wasaare Axmed Abiy iyo Danjire Yamamoto (AEI Organisation – May 10, 2020). Haddaba aannu isweydiinnee, maxaa Amiirka Abu Dhabi ka khuseya midnimada ummadda Soomaaliyeed [Liibiya iyo Yemen]? Maxuuse yahay hiigsigiisa mustaqbalka dalalka ku yaal xeebaha Badda Cas iyo mediterrania? Qaabka cadawnimada leh oo ay Abu Dhabi u wajahayso Soomaaliya, waxaa si fiican loo fahmi karaa markii aanu eegno isbarbar-dhigyo xiiso leh ee ka jira Yeman iyo Liibiya oo in muddo ah dhacdooyin gudahooda ka dhacay ay dibudhac kala kulmeen dadaallada nabaddoonka ah. Abril 4, 2019 Khalifa Xaaftar oo ay taakuleyso Isutagga Imaaraadka Carbeed ayaa weerar ujeeddadiisu ahayd inuu ku qabsado caasimadda Liibiya ku qaaday dowladda uu hoggaamiyo Fayez al-Sarraaj oo ay aqoonsan tahay QM. Weerarkaas waxuu dhacay 10 maalmood ka hor inta aysan labada dhinac ku kulmin kulan uu soo qabanqaabiyay Danjire Ghassan Salamé oo ahaa Ergeyga gaarka ah ee QM. Danjire Salamé oo u dhashay Lubnaan ayaa shaqadiisii uga tegay kaddib markii dhowr jeer la carqaladeeyay dadaalladiisii nabaddoonka ahaa. Bartamihii Abril 2020 ayaa Golaha Amniga ee QM qorsheeyay inuu ku beddelo Danjire Ramtane Lamamra, balse waxaa si lama filaan ah u horistaagay go’aankaas Mareykanka oo adeegsanayay diidmo qayaxan (Veto). Dowladda Tripoli oo ilaa kol dhow guulo micna leh aan sameyn inay iska daafacdo weerarka mooye, ayaa taakuleyn militari oo ay ka heshay Turkiga u suurtaggelisay inay jebiso go’doomintii, ayna qabsato saldhiga diyaaradaha Al-Watiya iyo degmooyin muhiim u ahaa kooxda Xaftar ee ay taageeraan Imaaraadka, Masar, Ruushka iyo Fransiiska. Horumaradaas waxay dhaleen natiijooyin cusub. Imaaraadka oo xulufeysanaya dalal ay ka mid yihiin Masar, Marooko iyo kuwa kale ayaa ku cadaadiyay Aqalka Cad inuu diido magacaabidda Danjire Lamamra, walow siyaasadda “congress”-ka Mareykanka ay taas ka duwan tahay. Jan. Xaaftar ayaa Abril 27, 2020 si degdeg ah isku caleemo saaray asagoo leh “Ummadda Liibiya ayaa iga codsatay inaan dalka hoggaamiyo.” Danjire Lamamra oo horey u ahaan jiray Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jasaa’ir (Algeria) inta uusa xilka ka qaban Midowga Afrika ayaa leh khibrad uu golaha u arkayay inuu wax weyn kaga beddeli karo geeddisocodka nabadda Liibiya. Dhinaca kale, Amiir Khalid bin Salman ayaa loo xilsaaray sidii dagaalka Yemen ee daba dheeraaday xal loogu xeli lahaa, kaddib markii November 2019 dowladda Yemen ee caalamka aqoonsan yahay iyo kooxda gooni u goosatada Koonfurta (Southern Transitional Council – STC) ay wada saxiixdeen heshiiskii “Riyadh Agreement” kasoo durba la kulmay turaanturooyin ay ka dambeyso Abu Dhabi. Walow inta badan gobollada koonfureed ee Yemen ay adeecen heshiiskii, haddana Abril 25, 2020 kooxda gooni u goosatada Koonfurta ayaa Abu Dhabi kaga dhawaaqeen is-maamul u gaar ah. Falaqeeyayaasha siyaadadda ayaa rumeysan in tillaabaadahaas aysan u suurtaggasheen kooxaha Yemen amase Xaaftarka Liibiya, haddii gacmaha qarsoon ee Abu Dhabi aysan hoos ka wadin. Shaki waxaan ku jirin, in Abu Dhabi ay ka argaggaxsan tahay in nabad ay geyigaas ka dhalato iyadoo aysan danaheeda meel saarneyn. Si kastaba ha ahaate, Imaaraadka waxuu kaloo carqaladeyn ku hayaa madaxbannaanida Soomaaliya, maadaama ay tahay waddan colaad ka soo baxaya oo ay khayraadkiisu soo jiidan karo maalgashi calami ah, dekedihiisana la tartami karaan kuwa Imaaraadka. Marka la eegayo sawirka guud, waxaa muuqaneysa in Abu Dhabi ay hirgelineyso siyaasad cakiran oo ku dhisan “qaybi oo xukun,” si ay u wiiqdo midnimada Soomaaliya [Yemen iyo Liibiya], meel cidla ahna uga qaadato (iyadoo aan laga siin saami u qalma) dekedaheeda muhiim u ah himiloyinka Shiinaha ee “Belt and Road Initiative” iyo quwadaha caalamka. Haddaba, ajandaha qarsoon ee Abu Dhabi ayaa u muuqda inuu yahay inay xirmooyin dalal yaryar oo taabacsan ay ka abuurto xeebaha Badda Cas iyo midda dhexe (mediterrania), si ay ugu muuqato awood goboleed lagama maarmaan u ah danaha quwadaha caalamka (Shiinaha, Ruushka, Mareykanka, Yurub, iwm). Miyuusan Amiirku oggeyn in gudcurka [silac] dayax ku xigo, habeenkana ay maalin ka dambeyso! AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  6. Mareykanka ayaa shaaciyey inuu ka baxayo heshiiska Caalamiya oo uu hore u galay Heshiiskan waxaa qayb ka ah 35 dal Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inuu ka baxayo heshiiska muhiimka ee oggolaanayey diyaaradaha aan hubeysneen iney hawada waddamada heshiiska saxiixay ay si xor ah u dul maraan, heshiiskasi oo loo yaqaanno ‘Open Sky Treaty’. Heshiiskan oo 2002 hirgalay ayaa loo diyaariyey si waddamada saxiixay dhexdooda looga abuuro kalsooni ah iney hawada iska soo weerarin. Mas’uul sare oo dowladda Mareykanka ka tirsan wuxuu sheegay inuu dalkiisu uu heshiiskan uga baxayo maadaamaa uu Ruushka marara badan uu ku xadgudbay heshiiskaasi. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu isna sheegay in la joogo “fursaddi ugu wanaagsaneyd oo heshiis cusub” lala geli lahaa Ruushka. “Waxaan u maleynayaa inaan xiriir wanaagsan la leennahay Ruushka, balse Ruushka ma noqon mid heshiiskaasi u hoggaansamo, ilaa ay heshiiskaasi si dhab ah ugu hoggaansamayaanna heshiiska waan ka baxeynaa” ayuu yiri madaxweyne Trump. Mas’uuliyiin ka tirsan Mareykankana waxay sheegeen iney Washington heshiiska 6 bilood gudahood kaga baxeyso. 35 dal oo ay ka mid yihiin dalalka Ruushka, Canada iyo Britain ayaa heshiiskan qayb ka ah. Ruushka siduu uga jawaabay? Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka oo ka soo horjeesatay hadalka ka soo yeeray Mareykanka ayaa sheegtay ineysan iyadu heshiiskaasi ku xadgudbin, ka bixitaanka heshiiska uu Mareykanka sheegayna ay noqon doontaa “mid uu aad uga qoomameeyo”, waxayna wasaaraddu intaa ku dartay maamulka Trump inuu mar weliba “uu carqaladeeyo heshiisyada xakameeynta hubka” ee horay loo gaaray. “Waan ka soo horjeedna sababta uu Mareykanka ku sheegay inuu heshiiskana muhiimka ah uu kaga baxayo,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka Ruushka Alexander Grushko oo u warramay wakaaladda wararka Ruushka ee RIA Novosti. “Ma jirto wax naga horistaagi kara wadahadallada farsamada la xiriira, balse Mareykanka sida uu u soo dhigay Ruushka inuu ku xadgudbay ay tahay mid khaldan,” ayuuna sii raaciyey. Wuxuuna intaa ku daray heshiiskaasi oo uu Mareykanka ka baxo iney saameyneyso waddamada heshiiskan qaybta ka ah gaar ahaanna waddamada ka tirsan Gaashaan buurta Nato. Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionHeshiiska waxaa saxeexay 35 dal uu Mareykanka ka mid yahay Jonatahan Marcus oo ka faallooda arrimaha difaaca oo ka warrmaya heshiiskan uu sheegay inuu Mareykanka ka baxayo wuxuu sheegay inuu u muuqdo Mareykanka mid uu xubinnimada heshiiskan uu hakada ku gelinayo ka bixitaankiisana ay ku xirnaan doonta wadahadalka Moscow uu la yeesho natiijada ka soo baxdo. Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka waxay sheegtay Washington haddii ay heshiiskan ka baxdo inuu iyada si gaar ah u saameynayo maadaamaa ay dayaxgacmeedyo oo ay leedahay ay maraan hawada waddamadaasi, go’aanka Trump wuxuu sida oo kale saameynayaa waddamada heshiiskaasi qaybta ka ah ee adeegsada dayaxgacmeedyada noocaasi. Horraantii sanadkanna xoghayaha gaashaan dhigga Mareykanka Mark Esper wuxuu Ruushka ku eedeeyey inuu heshiiska ka baxay oo uu mamnuucaya diyaaradaha iney maraan hawada Kaliningrad iyo deegaannada kale ee ku dhow Georgia. “Shaki badan ayaan ka qabaa heshiiskaasi halka uu hadda marayo” ayuu yiri Mark Esper. Maamulka Trump wuxuu sanadki hore uu ka baxay heshiiskii xakameynta hubka Niyuukilarka ee ridda dhexe ee INF, iyada oo ay taasi muujineyso inuu Trump maamulkiisa uu ka baxayo heshiisyo muhiim ah. Heshiiska INF wuxuu 1987 uu dhex maray Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeet, heshiiskaasi oo mamnuucayey sameysashada gantaallada Niyukilarka riddada dhexe iyo riddada gaaban. Qaran News
  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa si kulul uga hadashay Diyaarad siday daawooyin oo dowladda Soomaaliya ka dejisay deegaanka Buuhoodle. Somaliland ayaa si cad u sheegtay inaysan marnaba raali ka aheyn waxkasta oo siyaasad iyo dano gaar ah ku dhisanba, midaasi oo ay uga jeedo gargaarkii ay DF soo gaarsiisay degmo kamid ah deegaanadeeda inuu ahaa mid siyaasadeysan ee uusan aheyn gargaar bani-aadantinimo Cabdirashiid Ducaale Qambi, Wasiirka Hawlaha guud iyo Guriyeytna Somaliland oo arrinkaasi ka hadlayay ayaa sidoo kale waxa uu eedeymo culus u jeediyay Siyaasiyiin kasoo jeeda deegaankiisa oo suurtagaliyey in Dowladda Soomaaliya ay Diyaaradaasi ka dejiso Buuhoodle. “Cudurkan Dunida ku baahaya si siyaasad la’aan ahbuu Adduunku wixii taageero ah iskaga geystay, taas oo macnaheedu yahay inuu adduunka oo dhami u wada gurmado, markaan leeyahay adduunka oo odhan baa iskaga gurmanaya, waxaa la iskugu gurmaday ,oo wax la iskugu tarayey si siyaasad la’aan ah, oo aan wax ku hoos jirin, waxaa jirtay in wakhtigan aynu joognay, in Buhoodle yimaadeen xoogaa dawo ah, oo ku saabsan Coronvirus-kaas oo Dawladda Fadaralka ka timid oo Wasiiro soo raacisay, in la isku gurmado ayaan u arkaa” ayuu yiri Wasiir Qambi. Wuxuuna intaasi kusii daray “Haddii Xamar doonayso inay Buhoodle wax tarto, Hay’addaha samafalka ee marka horeba iyaga u keenay ayey soo raacin lahaayeen oo ay dhihi lahaayeen halkaas iyo meelihii kaleba geeye oo Somalidu wey is caawisaa, laakin tani taas may ahayn, waxaa ka muuqata siyaasad oo awalba xaaladooda siyaasadeed ay dhibaatooyin badan lahayd in dhibaatooyin badan ka dhacdo muujiya, taas oo deeganka dhib ku ah”. “Waxaa jira qoloyo dagaal ogayaal ah oo reer Buhoodle ah oo Xamarna jooga oo had iyo goor wuxuu la carqaladayo ka shaqeeya oo ka dhigaya inay dadka wax u qabanayaan, haddii Dawladda Fadaralka ahi Buhoodle wax siinaysay Diyaarad bay soo saari lahayd, Odayashaa ayey odhan lahayd kala dega, wixii wax tar ah umadda wax loo baahan yahay weeye, wixii siyaasadi ku jirto ama dabada ku hayso dawlad siyaasadaynaysa waanu is hor taagayna, waana ka soo hor jeedna, waxna waanu ka muujinaynaa”.
  8. PRESS RELEASE Coronavirus – Africa: World Bank announces $500 Million to fight locusts, preserve food security and protect livelihoods The first countries to be financed under the initial phase of the program are Djibouti, Ethiopia, Kenya, and Uganda, with a total financing package of US$160 million WASHINGTON D.C., United States of America, May 21, 2020/ — The World Bank Group approved today a US$500 million program to help countries in Africa and the Middle East fight the locust swarms that are threatening the food security and livelihoods of millions of people. Emergency Financing for Locust Affected Countries will help people recover from losses The Emergency Locust Response Program (ELRP), approved today by the World Bank’s Board of Executive Directors, will focus on providing immediate assistance to help poor and vulnerable farmers, herders, and rural households overcome one of the worst locust upsurges in decades. ELRP will provide immediate support to affected households through targeted social safety nets like cash transfers, while investing in the medium-term recovery of agriculture and livestock production systems and rural livelihoods in affected countries. The first countries to be financed under the initial phase of the program are Djibouti, Ethiopia, Kenya, and Uganda, with a total financing package of US$160 million. “Locust swarms present a double crisis for countries that are also battling the COVID-19 pandemic,” said World Bank Group President David Malpass. “Together, this food supply emergency combined with the pandemic and economic shutdown in advanced economies places some of the world’s poorest and most vulnerable people at even greater risk.” East Africa already has 22.5 million severely food insecure people and 10.8 million forcibly displaced people, according to the UN’s Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. The World Bank has estimated that, without broad-scale, coordinated control measures to reduce locust populations and prevent their spread to new areas, potential damages and losses to crop and livestock production and related assets in the greater Horn of Africa, including Yemen, could reach as high as US$8.5 billion by the end of this year. By helping to mobilize a rapid response and more effective locust control measures, anticipated damages and losses will still be an estimated US$2.5 billion. This is why the ELRP will fund measures to protect livelihoods of the poor and vulnerable impacted by the locust crisis. In addition to protecting livelihoods, physical assets and human capital of affected households, the program will deliver seed packages and other inputs to affected households to help restore farm production and livelihoods as quickly as possible. It will also finance investments to strengthen surveillance and early warning systems so that countries are better prepared to combat future outbreaks. As of early May 2020, locust swarms have infested 23 countries across East Africa, the Middle East, and South Asia. This upsurge is the biggest outbreak faced by some countries in 70 years. Favorable breeding conditions through May will likely result in a new round of swarms in late June and July, coinciding with the start of the harvest season. The program’s design builds on the strong technical foundation of desert locust management created by the Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO), which is already working with affected countries to ensure locust control operations are done safely and effectively. The World Bank and the FAO will enhance their ongoing collaboration through the program. ELRP will employ a multi-phased programmatic approach that allows for the fast preparation of similar projects in the future. Financed through the International Development Association (IDA), the World Bank’s fund for the poorest, it makes available an initial US$500 million in financing for eligible countries to request support. Its flexible financing package means that ELRP can expand quickly to new countries depending on where the locust swarms move. All countries eligible to receive IDA and IBRD resources can access support. Among the initial projects approved: Djibouti – US$6 million will help Djibouti strengthen its regulatory framework and institutional capacity for ‘Early Warning’ preparedness and response against future locust outbreaks, as well as provide cash transfers to affected households. Ethiopia – In addition to the scale up of surveillance and control measures, US$63 million will provide seed and fertilizer packages to more than 150,000 farmers to ensure planting during the upcoming cropping season and, in pastoralist areas, emergency fodder to more than 113,000 households to safeguard their productive assets. Kenya – US$43 million will finance grants to an estimated 70,000 pastoral households and 20,000 farmers to quickly rehabilitate crop and livestock production systems disrupted by the locust swarms. Uganda – US$48 million will finance surveillance and control measures. It will also finance interventions to protect and rehabilitate livelihoods through temporary employment programs and activities that boost resilience, such as water and soil conservation activities, the adoption of agro-forestry technologies and practices, and the buildout of market infrastructure. The ELRP support builds on the Bank’s earlier emergency financing of US$13.7 million for Kenya and US$600,000 that was reallocated for Djibouti to respond to the locust crisis. Distributed by APO Group on behalf of The World Bank Group. SOURCE The World Bank Group Qaran News
  9. PRESS RELEASE African Union Member States reporting COVID-19 cases as of 21st May 2020 6 pm EAT COVID-19 cases (96,829), deaths (3,031), and recoveries (38,334) ADDIS ABABA, Ethiopia, May 21, 2020/ — African Union Member States (54) reporting COVID-19 cases (96,829), deaths (3,031), and recoveries (38,334) by region: Central (9,353 cases; 304 deaths; 2,611 recoveries): Burundi (42: 1; 20), Cameroon (3,529; 140; 1,567), central African Republic (418; 0; 18), Chad (565; 57; 177), congo (420; 15; 132), ORC (1,835; 61; 303), Equatorial Guinea (719; 7; 22), Gabon (1,567; 12; 365), sao Tome & prjncipe (258; 11; 7) Eastern (10,486; 285; 3,029): Comoros (34; 1; 8), Djibouti (2,047; 10; 1,055), Eritrea (39; 0; 39), Ethiopia (398; 5; 123), Kenya (1,109; 50; 375), Madagascar (405; 2; 131), Mauritius (332; 10; 322), Rwanda (314; 0; 216), Seychelles (11; 0; 11), Somalia (1,594; 61: 204), South Sudan (282; 4; 4), Sudan (3,138: 121; 309). Tanzania (509; 21; 167), Uganda (274; 0; 65) Northern (30,201; 1,498; 13,077): Algeria (7,542; 568; 3,968), Egypt (14,229; 680; 3,994), Libya (69; 3; 35), Mauritania (131; 4; 6), Morocco (7,185; 196; 4,212), Tunisia (1,045; 47; 862) Southern (20,608; 389; 9,492): Angola (58; 3; 17), Botswana (29; 1; 19), E-swatini (217; 2; 97), Lesotho (1; 0; 0), Malawi (72; 3; 27), Mozambique (162; 0; 48), Namibia (18; 0; 14), South Africa (19,137; 369; 8,950), Zambia (866; 7; 302), Zimbabwe (48: 4; 18) Western (26,181; 555; 10,125): Benin (130; 2; 57), Burkina Faso (812; 52; 669), Cape Verde (356; 3; 85), Cote d’Ivoire (2,231; 29; 1,083), Gambia (24; 1; 13), Ghana (6,269; 31: 1,898), Guinea (2,863: 18: 1,525), Guinea-Bissau (1,089: 6:42), Liberia (240; 23; 131), Mali (931; 55; 543), Niger (920; 58; 738) Nigeria (6,677; 200; 1,840), Senegal (2,714; 30; 1,186), Sierra Leone (585; 35; 205), Togo (340; 12; 110) Distributed by APO Group on behalf of Africa Centres for Disease Control and Prevention (Africa CDC). View multimedia content SOURCE Africa Centres for Disease Control and Prevention (Africa CDC) Qaran News
  10. Two residents of the Dadaab complex have tested positive for Covid-19, the United Nations refugee agency has announced. Source: Hiiraan Online
  11. The COVID-19 pandemic has disrupted every aspect of life around the globe in the last three months. It changed the way we interact with each other, the way we conduct business, and the way we learn. People are conforming to social distancing, employees are working from home, meetings are conducted via Zoom and students are receiving their lessons online. In Somaliland, the government had closed all schools and universities to prevent spread of COVID-19 in learning spaces. The schools were originally supposed to be closed for four weeks, but the period was later extended by four weeks. Educational institutions, like other institutions affected by the preventive measures, have no clues how long it will take to reopen schools and universities. They have had to adopt new ways to deliver lessons to students to meet their teaching obligations. Universities and schools have come up with a creative solution: online classes. Distance learning is a new territory for most universities in Somaliland. It is a timely initiative to lessen the impact the lockdown has on students’ learning. Students avail themselves of enough, influx of recorded lessons and live sessions on Facebook or YouTube. These lessons benefit from interactive facilities that enable student following live lessons to ask questions or leave comments once the live lesson comes to an end. Students have found ways to boost their learning. whatsApp groups to exchange class links, assignments, and other resources have become common. Social Media platforms, which were dubbed to be a waste of time, have suddenly become a valuable resource. A teacher in Hargeisa gives an online lesson via YouTube Moreover, cable channels have started airing prerecorded lessons for elementary, intermediate and secondary students,. Students who do not have access to the internet or television sets can just turn on their radios because Radio Hargeisa has also started broadcasting lessons. The interesting thing is that this new way of schooling is in a sense becoming a great equaliser regarding the quality of education students from public and private schools receive. It’s is usually the private schools that hire the best teachers since they pay much better than government schools do, this has long caused a disparity between the quality of education students in these institutions obtain. This gap is most evident in the secondary and intermediate leaving exams taken by the Ministry of Education; private school students receive top marks . But now classes taught by the best teachers in the country are available for all on platforms like Facebook and YouTube, the educational inequality in Somaliland gets temporarily addressed. When the lockdown is over, the Somaliland Ministry of Education will be hard pressed to ignore educational disparities that deprive many children of life chances bestowed by quality education. © Puntland Post Monthly, 2020 Click here to download a full webzine The post THE LOCKDOWN TRANSFORMS SOMALILAND EDUCATIONAL SYSTEM appeared first on Puntland Post.
  12. Jigjiga(Caasimada Online)-Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaali Galbeed ayaa maanta xasaanadii ka xayuubiyey 12 xildhibaan, kadib muran sababay gacan ka hadal oo hareeyay fadhigii golaha. Xildhibaanadan laga qaaday xasaanadoodii ayaa doonayay in ajendaha kulankii maanta lagu daro xilka qaadis ay la damacsanaayeen qaar ka mid ah madaxda ugu sareysa dowlad deegaanka. Xildhibaanadaas ayaa isku deyay inay carqaladeeyaan fadhiga golaha, kadib markii guddoonku ka aqbali diiday ajendihii ay wateen, waxaana gudaha u galay hoolka ay ku shirayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, kuwaas oo u gacan qaaday xildhibaanadii watay ajendaha xil ka qaadista ah. Intaas kadib fadhigii golaha ayaa cod xasaanad ka xayuubin ah loogu qaaday xildhibaanadaas oo gaaraya 12 xubnood, waxayna xubnihii kale ee baarlamaanku ogolaadeen in xaaaanadda laga xayuubiyo. Xildhibaanadaas ayaa kala ah: Maxamed Axmed Layli Axmed Aadan Axmed Cabdiwali Axmed Faarax Mahad Xasan Maxamed Shaafi Cashiir Nadiir Yuusuf Aadan Cabdirisaaq Cabdullaahi Belyi Yuusuf Cilmi Isaaq Axmed Xasan Nuur Yuusuf Axmed Xirsi Nimcaan Cabdullaahi Xamare, iyo Cabdiraxmaan Curaagte. Inta badan jidadka iyo xaafaha magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa lasoo dhoobay ciidamada Liyu-boolis, waxaana jira khilaaf culus oo soo kala dhex galay siyaasiyiinta deegaanka. Horay siyaasiyiin u badan xildhibaano ayaa xukuumadda si weyn ugu dhaliilay in baarlamaanka aysan u madax baneyn shaqadiisa, waxaana horay isku casilay afhayeenkii baarlamaanka, kaas oo xildhibaanada maanta xasaanadda laga qaaday ay ku doodayeen in afhayeen cusub loo doorto booskaas, balse xukuumadda ayaa la sheegay inay ka cagajiideyso, in kastoo aan la cadeyn sababta.
  13. For years, he was one of Saudi Arabia’s top intelligence officers, an expert in artificial intelligence who played key roles in the kingdom’s fight against Al Qaeda and in its security coordination with the United States. Source: Hiiraan Online
  14. (SLT-Hargaysa) Waxa magaaladda Hargaysa Maanta ku geeriyooday Alle hawnaxariiste Marxuum Xaji Ibraahim Barre Nuur oo kamid ah Odayaasha Haldoorka Somaliland. Shabakadda Wararka ee Somalilandtoday waxaa soo gaadhay Wargalin ku saabsan aaska Marxuumka. Kaas oo u dhignaa sidan. “Alle hawnaxariiste Maydka Xaji Ibraahim Barre Nuur waxaa laga qaadi doona Gurigiisa oo ku yaala Kaalinta Gaafane ee agagaarka Buurta Kala Jeexan 11-Subaxnimo. Waxaana lagaga tukanayaa Masaajidka Tabliiqiga Salaada Duhur. Sidaa hawlo socaan cid kasta oo ka soo qayb galaysa. “ Axmed Cilmi Barre. Source
  15. The coronavirus poses enormous challenges for Somalia, where the humanitarian situation is already dire, said the top UN envoy for the country on Thursday. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xigbiga Midnimada Dimuquraadiyadda Salaad Cali Jeelle, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimaha kiiska badda iyo go’aanka ay maxkamadda ICJ dib ugu dhigtay dhageysiga dacwadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxuuna naqdiyey qaabkii uu malin ka hor uga hadlay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in ICJ aysan Soomaaliya waxba ka weydiinayn go’aankeeda, isla markaana ay ku qasbaneed inay aqbasho dalabka Kenya, maadaama sida uu sheegay ay ku war gelisay in aysan diyaar u aheyn sababo jira awgood. “Shalay waxaa arinta badda ka hadlay Xasan Sheekh, horay Xasan Sheekh heshiiskii is afgaradka ahaa ayuu usoo noo leeyay, markii uu dhinac u dhaqaaji waayey ayuu go’aankii baarlamaanka awgiis waxaa khasab ku noqotay ama Ilaaheyba ka waafajiyee in markii dambe uu maxkamadda caalamiga ah geeyo, taasina waxay aheyd shaqadii laga rabay qof mas’uul ah oo Soomaaliyeed” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle. Isaga oo hadalkiisa sii watay ayuu yiri,Shalay Xasan Sheekh hadalkiisa waan fiirsanaayey, cid uu la hadlaayo waan garan waayey, maxaa yeelay hadii dib loo dhigay oo Corona loo sababeeyay, in uu isagu inta iclaamka tago niyad jab ku rido umadda Soomaaliyeed, waxaaba u moodaa dad kale in uu la hadlaayo kolba Soomaali lama hadleyn.” Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa sidoo kale sheegay in Xasan Sheekh uu u muuqdo nin loolan siyaasadeed ku gelaaya arinta badda. “Badda Soomaaliya ninkii wax kasoo dhicinaaya oo garab taagan, waa loo wada baahan yahay, laakiin in Xasan Sheekh meeshaas loolan ka raadiyo oo dhaho afar sano ka hor meeshii aan uga tegay ayey joogtaa, mana joogto oo waxay gacanta u gashay maxkamadda caalamiga ah, marka yaan laga af miishaareyn shacab Soomaaliyeedna waa inay ogaadaan gacan amaan ah inay ku jirto hantidoodii” ayuu yiri mar kale Salaad Cali Jeelle. Halkan ka Daawo
  17. Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida ayaa maanta kula laabtay xasaanaddii xildhibaannimo 12 xildhibaan kuwaas oo maanta kulankii golaha muran ka dhex abuuray golaha. Xildhibaanadan ayaa doonayay in Ajendaha kulanka Baarlamaanka loogu daro xilka qaadis lagu sameeyo madaxda ugu sarraysa doladda Deegaanka uu hoggaamiyo Mustafe Maxamed Cagjar. Murankaas ayaana waxaa ka dhasjhay in jirdil loo geysto xildhibaanno intaas ka dib ayaa guddoonka golaha waxaa ay ku dhawaaqeen in saxaanadda laga noqday xildhibaanimo 12-ka xiildhibaan ee maanta xasaanadda lagala noqday ayaa kala ah. Maxamed Axmed Layli Axmed Aadan axmed C Waali Axmed Faarax Mahad Xasan Maxamed Shaafi Cashiir Nadiir Yuusuf Aadan C risaaq C Laahi Belyi Yuusuf culmi isaaq Axmed xasan nuur Yuusuf axmed xirsi Nimcaan claahi xamare C raxmaan curaagte. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay xaafiiska Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa eedeyn culus oo la xariirta xaaladda gobolka Gedo loogu soo jeediyay madaxda dowladda federaalka. “Dowlad goboleedka Jubbaland waxay ka xuntahay falalka sharci darrada ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ka wado gobolka Gedo, kuwaas oo sababay khalkhal amni, jaha wareer siyaasadeed iyo burbur bulsho,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkan oo ka soo baxay xaafiiska Axmed Madoobe. Qoraalka ayaa lagu sheegay in mudooyinkii lasoo dhaafay ay dowladda federaalku si khasab ah xaafiisyadoodii uga saartay guddoomiyeyaashii sharciga ahaa ee degmooyinka gobolka Gedo, isla markaana ay ku soo daad gureysay ciidamadii loogu tala galay inay dalka ka saaraan cadawga, kuwaas oo sida lagu yiri qoraalka loo iclaamiyey inay burburiyaan nidaamkii iyo kala dambeyntii ka jirtay gobolka Gedo. “Falalkan sharci darrada ah oo noqday kuwo aysan ka waantoobin dowladda federaalka, oo ay ugu dambeysay warqaddii lagu sheegay in uu soo saaray wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland, taas oo lagu sheegay in uu magacaabay gudoomiyaha gobolka Gedo iyo ku xigeenkiisa,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Jubaland. Jubbaland ayaa war-saxaafadedkan ku sheegtay inay cadeyneyso in dowladda federaalka ay ku xadgudbeyso dastuurka dalka, isla markaana ay burburineyso nidaamka federaalka ah ee dalka u degan. “Jubbaland waxay u cadeyneysaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed, hey’adaha dowladda federaalka iyo hey’adaha caalamiga ah, inay u aqoonsantahay gudoomiyeyaasha sharciga ah ee degmooyinka gobolka Gedo, kuwii ay horay ugu magacaawday si waafaqsan dastuurka Jubbaland iyo kan federaalkaba,” ayaa lagu yiri. Jubbaland ayaa bulshada ku nool gobolka Gedo waxay ugu baaqday inay la shaqeeyaan guddoomiyeyaasha sharciga ah ee horay Jubbaland ugu magacaawday gobolka Gedo, iyadoo cidii la tacaamusha qolo kale ku war gelisay inay qaadan doonto mas’uuliyadda darradii ka dhalata. “Dowlad goboleedka Jubbaland waxay uga digeysaa shakhsiyaadka sameynaya ku takrifalka awoodda aysan laheyn iyo sharciga, waxayna la tiigsan doontaa maxkamadaha si waafaqsan dastuurka dalka,” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay qoraalkan ka soo baxay xaafiiska madaxweyne Axmed Madoobe.
  19. Aasaasaha hey’adda Aamin Ambulane oo adeeg gurmad lacagta la’aan ah u fidisa dadka Muqdisho Dr. Cabdiqaadir Adan oo booliiska ay saacado kahor ka kaxeysteen ayaa la sii daayey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Mogadishu (PP News Desk) — The Joint Electoral Committee of the Somali Parliament and Upper House has submitted a progress report on its activities. The Committee was formed to finalise guidelines to be incorporated into the electoral law. The Joint Committee reported that the task of preparing electoral guidelines were near completion. The Chairman of the Joint Electoral Committee Ibrahim Isaq Yarow said that the “electoral guidelines are in final draft to be submitted to the secretariat of the Parliament and the Upper House”. The electoral guidelines under preparation revolve around a quota for women MPs and Senators, parliamentary seats, the status of Mogadishu and the selection of MPs from Northern Somalia (Somaliland). The National Independent Electoral Commission will present to the Parliament to options for the type of elections Somalia will conduct in 2021. The NIEC Chairwoman Halima Ismail said recently that elections would only take place provided they meet conditions set out in the electoral law passed by the Parliament in December 2019. © Puntland Post, 2020 The post A JOINT ELECTORAL COMMITTEE SUBMITS A PROGRESS REPORT appeared first on Puntland Post.
  21. Warbixin ay maanta dhagaystaan Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay Xaalada Soomaaliya, Amaanka, Doorashada iyo Caafimaadka. Qaramada Midoobay waxay walaac weyn ka muujiyeen Doorashada [...] The post Baaqii Jubbaland oo Golaha Amaanka QM gaaray, Dowlada FEderaalka oo la eedeeyey appeared first on . Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa caawa soo xiray Agaasimaha hey’adda gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Aamin Ambulance Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Aadan. Ciidamada afurkii kadib Cabdulqaadir Cabdiraxmaan kasoo xiray Baar lagu magacaabo Spaghetti House oo ku yaalla agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxayna la’aadeen dhanka xarunta dembi barista booliska ee CID-da. Warqad kasoo baxday xaafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo ay heshay Caasimada Online ayaa lagu amray taliska hey’adda dembi barista booliska Soomaaliya ee CID-da soo qabashada Cabdulqaadir Cabdiraxmaan madaxa hey’adda Aamin Ambulance. Warqadda ayaa lagu sheegay in Cabdulqaadir Aamin Ambulance ay cabasho kasoo gudbiyeen laba nin oo lagu kala magacaabo Axmd Cabdiraxmaan Diiriye iyo Barre Cismaan Xuseen, kuwaas qaab Forex ah uu lacag uga qaatay, taas oo cadadkeedu dhanyahay, $214,000,00 oo dollar. “Waxaa la farayaa taliska qeybta barista dembiyada ee CID-da, in uu baaris ku sameeyo cabashada sare ku xusan, natiijada kasoo baxdana kusoo celiyo xaafiiska xaafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, si loo waafajiyo sharciga” ayaa lagu yiri warqadda.
  23. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Habeen-21052020.mp3 View the full article