-
Content Count
212,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in heshiis horudhac ah laga gaaray xiisad u dhexeysay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo dhowaan ku dagaalamay M/Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Falagle ayaa sidoo kale tilmaamay inay haatan socdaan dadaallo nabadeed oo looga hortagayo dagaallada ku soo noq-noqday guud ahaan gobolkaasi. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago wax kasta oo qatar ku ah nabad-gelyada deegaanka. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Falagle.mp3 View the full article
-
Guddoomiyaha degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, Cabdirisaaq Cabdi Ibraahim oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa Al-Shaabaab ku eedeeyey inay ka dambeeyeen falkii shalay lagu rasaaseeyey diyaarad siday shixnad gargaar ah oo ku socotay degmadaasi. Mr Cabdirisaaq ayaa sheegay in xilliga la rasaaseynayey diyaaradda ay ku so socotay joog hoose, islamarkaana ay ka timid dhanka magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in rasaastaasi aysan waxyeelo u geysan diyaaradda, islamrkaana ay degtay, kadibna markii dambe ay si nabad ah uga soo duushay halkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/www.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online ) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday Mindi oo xalay saq-dhexe lagu qaaday askari ka tirsan ciidamada Booliska xilli uu ku sugnaa hoygiisa oo ku yaalla degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in ragga weerarka qaaday oo labo ahaa ay abaaro 3:00 habeenimo ay gurigiisa ugu galeen askariga, balse uu iska difaacay, islamarkaana uu toogasho ku dilay mid ka mid ah labadii ruux ee ku hubeysnaa Tooreeyada. Shucuyb Cabdulle oo ah Aabaha askariga la weeraray oo u warramay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la damacsanaa in wiilkiisa lagu dilay weerar qorsheysan, balse uu iska difaacay, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Aabe Shuceyb ayaa tilmaamay in haatan ay socdaan baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi. Lama oga illaa iyo hadda sababta ka dambeysa weerarkaan iyo u jeedka loo bartilmaameedsaday askarigaasi. Ma jiro sidoo kale weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka, balse dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa, xilli maalmihii dambe magaalada Muqdisho ay ku soo badanayeen kooxo hubeysan oo xilliyada habeenkii ah dhac ka geysta caasimada. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/05/Cod-1.mp3
-
Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegtay inay la wareegeen maleeshiyaad dhowaan weerar ka geystay Koonfurta magaalada Gaalkacyo halkaas oo ay fariisin ku lahaayeen ciidanka DANAB ee ka tirsan xoogga dalka iyada oo wasaaraddu intaas ku dartay in sidoo kale ay si toos ah ula wareegeen gaadiidkii dagaal ee ay maleeshiyaadkaasi wateen. Wasiirka wasaaradda amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayey u suura gashay in maleeshiyaad ku dhow lixdameeyo iyo gaadiidkoodii ay xalay saqdii dhexe soo galeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud, waxaana maleeshiyaadkaasi laga soo kaxeeyay tuulada Saaxo Qurux ee ka tirsan gobalka Mudug. “Ilaahay fadligii dadaal dheer oo ay dhinacyo badan qeyb ka ahaayeen ayaa waxaa wasiirka wasaaradda Amniga Gudaha u suurtagashay inuu ku guuleysto la wareegista si nabadgalyo ah dhammaan gaadiid dagaal oo ay wateen maleeshiyo weerar ka geysatay fariisin ciidanka Danab ee XDS ay ku leeyihiin duleedka Koofurta Gaalkacyo. Ciidamo lixdameeyo ku dhow iyo gaadiid waaweyn oo kuwa dagaalka ah tiradooduna gaarayso 5 gaari, oo wasiirku uu horkacayey ayaa xalay saqdii caasimadda Dh-mareeb soo gaaray kuwaasoo laga soo waday tuulada Saaxo Qurux oo degmada Goldogob ka tirsan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda amniga Galmudug. Dhanka kale maleeshiyaadkan ayaa lagu biirin doonaa ciidanka daraawiishta Galmudug oo kal sii horeysay uu ku dhawaaqay wasiir Fiqi in ciidan diifaca Galmudug la yagleeli doono, waxaana sidoo kale qoraalka ka soo baxay wasaaradda amniga lagu xusay in baaritaan lagu sameyn doono ciddii ka dambeysay falkii lagu weeraray fariisin ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ay ku lahaayeen Koonfurta magaalada Gaalkacyo. “Ciidamada iyo gaadiidka ayaa ka mid noqon doona ciidamada daraawiishta Galmudug, ayadoo lagala xisaabtami doono, baaritaanna lagu samayn doono ciddii ka mas’uulka ahayd weerarkii iyo falkii lagu weeraray saldhigga ciidanka Danab ee Gaalkacyo ka dhacay Sabti 23 May 2020” ayaa la sii raaciyay qoraalka ka soo baxay wasaaradda. 23-kii May maleeshiyaad hubeysan ayaa weerar ku qaaday fariisin ay koonfurta Gaalkacyo ku lahaayeen ciidanka DANAB waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare isgu jiray dhimasho iyo dhaawac. Deegaannada Galmudug ayaa waxaa ku soo noqnoqda dagaal beeleedyada iyo weerarada maleeshiyaadka hubeysan ay mararka qaar ka geystaan baraha ay joogaan ciidanka dowladda federaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The World Health Organization said Monday that i will temporarily halt the use of hydroxychloroquine — the anti-malarial drug for treating coronavirus patients due to safety concerns. The announcement came after a study published in The Lancet medical journal last week suggested the drug could increase the risk of death among COVID-19 patients, WHO chief Tedros Adhanom Ghebreyesus told a virtual news conference. “The Executive Group has implemented a temporary pause of the hydroxychloroquine arm within the Solidarity Trial while the safety data is reviewed by the Data Safety Monitoring Board,” said WHO Director-General Tedros Adhanom Ghebreyesus. He said the other arms of the trial – a major international initiative to hold clinical tests of potential treatments for the virus – were continuing. Hydroxychloroquine is normally used to treat arthritis but public figures including US President Donald Trump have backed the drug as a virus treatment, prompting governments to bulk buy. Last week, Trump announced he was taking hydroxychloroquine although he has not tested positive for COVID-19. His own administration has warned the drug can have deadly side effects, and both the European Medicines Agency and the U.S. Food and Drug Administration warned health professionals last month that the drug should not be used to treat COVID-19 outside of hospital or research settings due to numerous serious side effects that in some cases can be fatal. In an interview aired on Sunday on Sinclair Broadcasting Trump said he had completed his course. “Finished, just finished,” Trump said. “And by the way, I’m still here. To the best of my knowledge, here I am.” Brazil’s health minister also recommended last week using hydroxychloroquine, as well as the anti-malarial chloroquine, to treat even mild COVID-19 cases. The Lancet study found that both drugs could produce potentially serious side effects, particularly heart arrhythmia. And neither drug helped patients hospitalized with COVID-19, according to the study, which looked at the records of 96,000 patients across hundreds of hospitals. Tedros said both drugs were generally safe for patients with autoimmune diseases or malaria. WHO chief scientist Soumya Swaminathan told Monday’s briefing the Solidarity Trial had been looking only at the effects of hydroxychloroquine and not chloroquine. The decision to suspend enrollment for trials using hydroxychloroquine was “a temporary measure”, she said. The COVID-19 pandemic, which began late last year in China, has killed nearly 350,000 people worldwide and infected almost 5.5 million, according to figures compiled by the U.S-based Johns Hopkins University. While there is still no approved treatment or vaccine, drastic measures that at one point saw half of humanity under lockdown have reduced transmission rates in several countries. As many nations begin to gradually lift restrictions, the WHO stressed the need to maintain physical distancing and to scale up efforts to test and detect cases. “All countries need to remain on high alert,” WHO expert Maria Van Kerkhove said. “The virus will take the opportunity to amplify if it can.” WHO emergencies chief Michael Ryan warned against the idea that the pandemic might move in seasonal waves. “Making an assumption that it is on a downward trajectory, and the next danger point is some time in October or November, I think that would be a dangerous assumption,” he said.
-
Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa lagu soo warramayaa in xalay rag ku hubeysnaa Mindiyo ay ku weerareen gurigiisa oo ku yaalla degmada Warta Nabadda. Ragga weerarka qaaday oo labo ahaa ayaa la sheegay inay gudaha u galeen hoyga askariga, kadibna falcelin uu sameeyey uu ku toogtay mid ka mid ahaa raggaasi. Shuceyb Cabdulle oo ah Aabaha askariga la weeraray ayaa Shabelle uga warramay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna tilmaamay in la doonayey in wiilkiisa la dilo. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/uuu.mp3 View the full article
-
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa soo saartay warbixinta maalinlaha ah ee COVID19,waxaana at ku sheegtay in la helay kiisas Cusub oo ah Feyruska Karoona . Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in la diiwaan geliyay 95 xaalado cusub oo COVID19 ah, oo kala jooga 72 Somaliland 17 Gobolka Banaadir 4, Koonfur Galbeed 4 halka Galmudug laga helay 2 Ruux,kuwaas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 1,689. Bukaannada cusub oo 65 kamid ah waa rag, 30-na waa haween. 24-kii saac ee ugu dambeeyay waxaa Cudurka COVID19 u geeriyooday 5 Ruux,waxaana ka bogsaday 31 Qof. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, waxay ku baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo. View the full article
-
Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, S/Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo ku sugan magaalada Caabudwaaq ayaa kormeer ku gaaray xerada Gaaska 11-aad, guutada 35-aad oo ka mid aheyd xeryihii ilaalinta xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya oo haatan dib u habeyn lagu wado, si markale ay kaga mid noqoto xeryaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed . Kormeerkan waxaa ku wehliyay taliye Odawaa saraakiil ka tirsan qeybaha 21-aad iyo 27-aad ee Xoogga dalka, sida Janaraal Saalax Yacquub oo ah abaanduulaha qeybta 27-aad iyo gaashaane Aadan Siyaad Cabdi oo isna ah abaanduulaha qeybta 21-aad ee Xoogga dalka. Xeradaan oo dhismeheedu meel dhexe marayo ayaa taliyaha wuxuu ku amaanay saraakiisha qeybta 21-aad iyo reer Caabudwaaq juhdiga ay galiyeen dib u qaabeenteeda oo taliyuhu tilmaamey in ay faa’iido badan u yeelan doonto dib u dhiska ciidanka Xoogga . View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-260520.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka joogtada ah ee guddiga xakameynta Covid-19 oo xalay la qabtay ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee xanuunka. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shirka guddoomiyey, iyadoona ay ka qeyb-galeen xubnaha guddiga oo u badan golaha wasiirada Soomaaliya. Intiisa badan waxaa shirkaan diirada lagu saaray hal qodob oo ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda sheybaarka qaranka, si ay u suurto gasho kordginta tirada dadka la baarayo ee gobollada dalka. “Shirka joogtada ee Guddiga Qaran ee la tacaalidda safmarka #COVID19 oo uu Ra’iisul Waaaare Hassan Ali Khairere guddoomiyay caawa ayaa diiradda lagu saaray sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda sheybaarka Qaranka, si ay u suurto gasho kordginta tirada dadka la baarayo ee gobollada dalka.” ayaa lagu qoraal ka soo baxay xafiiska Khayre. Sidoo kale xubnaha guddiga la tacaalida Coronavirus ayaa soo jeediyey in deg-deg howshaas loo guda galo, si adeegyada sheybaarka loo gaarsiiyo meel badan. Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada uu fara ba’an ku hayo cudurka safmarka ah ee Covid-19 ee saameeyey caalamka, waxaana saacadihii ugu dambeeyey dalka laga diiwaan-geliyey illaa 95 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha ka dhigeysa 1,689 ruux.
-
Despite all-round, significant progress, Africa remains plagued by poverty, violence, and lack of democratic governance, the chairman of African Union Commission said on Monday. The remarks by Moussa Faki Mahamat came in a statement issued to mark the Africa Day named after the establishment of the Organization of African Unity (OAU) in 1963. The OAU morphed into the African Union (AU), a pan-African union of 55 member states, in 2002. Africa “…initiated its political unity, and made significant economic, social, and cultural progress. However, such progress cannot conceal the sometimes-flagrant shortcomings and delays,” Mahamat said. He argued that the crises in the continent were major problems that lay “uncertainty over the future.” “Ranging from open crises, caused by terrorism and inter-tribal or inter-religious conflicts to post-electoral crises, Africa is constantly beset, here and there, by scenes of violence, fragility and uncertainty over the future,” Mahamat noted. He added: “Against this mixed backdrop, there are some glimmers of hope, insofar as there is great determination to overcome the odds, and immense resources to break the cycle of dependency and poverty.” Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed also congratulated the AU on the African Day which is marked across the continent. The diverse continent was destined to “multidimensional prosperity,” Ahmed said on Twitter. “As we celebrate# Africa Day today, let us strengthen our solidarity for the #Africa we want,” he wrote. Source: AA Agency
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo 10 maalmood gudahood waxaa Qaraxyo ka badbaaday Janaraal Cali Xirse Barre (Cali Gaab) oo dhawaan loo magacaabay Hogaanka Caafimaad ee Booliska Soomaaliya, waxaana weeraradaas ka dhashay su’aalo badan. Janaraal Cali Gaab ayaa shalay gurigiisa ku qaabilay odayaal, siyaasiin iyo saraakiil ciidan oo ka soo jeeda Beesha Habar-gidir waxayna kala hadleen xaaladiisa iyo haddii ay jiraan dad ay is haayaan oo siyaasadda ama ciidamada ku jira. Jananka ayaa la sheegay in uusan jirin qof uu hadda dagaal kala dhaxeeyo balse ay jiri karaan kuwa badan oo ka xun xilka loo dhiibay. Sidoo kale waxa uu sheegay in saraakiil badan oo booskaan laga badalay ay ka xumaadeen dhismo uu durbo ku bilaabay xarumihii caafimaad ee booliska Soomaaliyeed oo aan muddo dheer la dayactirin. Sidoo kale Janaraal Cali Gaab ayaa la sheegay in uu aaminsan yahay in Al-Shabaab aysan kali ku aheyn qorshahan balse ay wax ka wadaan kuwa isaga la shaqeeya oo aad ugu dhaw. Mas’uuliyiintaan ka tirsan Beesha Habar-gidir ayaa Janaraalka ka dalbaday inuu gurigiisa joogo. Sidoo kale waxay u ballan qaadeen in dowladda ay ka dalban doonaan baaritaan dhab ah oo arrintaan lagu sameeyo iyo in Jananka la siiyo gaadiidka aan Xabadda karin, haddii laga waayana ay maalin ku iibin doonaan. Cali Xirsi Barre oo muddo ka yar laba bil ku magacaaban hogaanka Caafimaadka ee Booliska Soomaaliyeed ayaa durba dhismo iyo dayactir ku bilaabay xarumaha caafimaadka ee booliska, iyadoo sidoo kale hore ugu soo guuleestay hagaajinta iyo daryeelka agoonta booliska Soomaaliyeed. Dadka yaqaana waxay ku sheegaan nin shaqo, salaad badan, sadaqo badan una jirmaada shaqada uu haayo waana sababta laba jeer aroor hore loo qarxiyay.
-
Mr Aden Duale, Mr Ben Washiali and Mr Kimani Ichung'wa are a restless lot. They face a purge from their prestigious offices in the National Assembly after being accused of disloyalty. Source: Hiiraan Online
-
Somalia's Jubaland forces on Monday killed four al-Shabab extremists in a fierce fight in Dhobley, a town in southern Somalia, a police officer confirmed. Source: Hiiraan Online
-
Tehran (Caasimada Online) – Website-yo laga jabsaday ee Israel, weeraro internet-ka oo laga soo wariyay Iran iyo dagaalka Twitter-ka ee hogaankooda u dhaxeeya: Cadaawadda u dhaxeysay labadan dal ee si weyn u xifaaltama ayaa ka holcaysa Online-ka. Falaarihii ugu dambeeyay ee ay is-weydaarsadeen Israel iyo Iran waxay ku beegmeen 20 sano guuradii kasoo wareegtay markii ciidanka Israel ay ka baxeen koourta Lubnaan, taasi oo ay ku khasabeen maleeshiyaadka Iran ay taageerto ee Xisbullah. Iyadoo Israel ay u dabaal degeeyso markii ay qabsatay qaybta bari ee magaaladda barakeysan ee Qudus sanadkii 1967, Iran waa ay xuseysaa maalinkas waxayna ku xuseysaa Falastiiniyiinta iyo isku xirka muslimiinta iyo sidoo kale Yahuud nacayb. “Waan taageeri doonaa waana caawin doonaa maamul kasta iyo koox kasta oo la dagaalamaysa rajiimka Yahuudda,” waxaa sidaas Twitter-ka ku qoray hogaamiyaha Iran Ayatollah Ali Khamenei. Waxaa uu ku baaqay in la difaaco dadka Falastiin iyo in xilka laga tuuro Ra’iisul Wasaaare Benjamin Netanyahu. Ra’iisul Wasaaraha Israe ayaa Khamanei Twitter ka ugu jawaabay. “ Waa in uu ogaadaa in rajiim walba oo Israel ugu goodiya xasuuq uu naga heli doono khatar la mid ah,” yuu qoray Netanyahu. Weeraro internet-ka ah Subax kadib markii hogaamiyeyaashu Twitter-ka isku hardiyeen, Israel waxay kusoo kacday weerar Internet-ka ah oo lagu beegsaday website-yo, ganacsi, dowladaha hoose, iyo NGO iyadoo ay la socotay farriin ku qoran luuqadaha Hebrew iyo English oo sheegeysa in “bur-burinta Israel ay bilaabatay muddo ka hor.” Weerarkaas waxaa la socday muuqaal muujinaya Caasimadda dhaqaalaha Israel ee Tel Aviv oo gubaneysa waxaana ku dul qornaa “ u diyaar garooba layaab weyn” Ma jirto faah-faahin laga helay kooxda weerarka sheegatay oo magacooda ku sheegay “Hackers of Saviour”. Horraantii todobaadkaan, Washington Post ayaa werisay in Israel ay qaaday weerar ka dhan ah dekadda Iran ee Shahid Rajae oo ku taalla marinka Hormuz oo muhiim u ah isu socodka saliidda caalamka. Weerarkaasi waxaa la aaminsan yahay in uu aargoosi u ahaa weerar lagu qaaday warshadaha biyaha Israel. Mas’uuliyiinta Israel ma aysan xaqiijin labada weerar midkoodna, hase yeeshee waxay ogolaadeen in tuhunka uu sii jiitamo. “Canaasiirta Iran waxay noo soo dirayaan unugyo dhan kasta naga qabsada,” waxaa sidaas yiri wasiirka difaaca Israel ee xilka ka degay toddobaadkii tegay Naftali Bennett. “Waa inaan sare u qaadno cadaadiska diblomaasiyadeed, midka dhaqaale, kan militari iyo midka teknoolaji, islamarkaana ka fal-celinaa dhan kasta,” ayuu yiri. Maalinkii ku xigay, madaxa ciidamada Israel Aviv Kahovi ayaa yiri “waxaan diyaarineynaa habab kala duwan oo gaar ah iyo xeelado dagaal oo aan maskax ahaan ku dhaawacno cadowga.” Iran iyo Israel, oo ah labada dal ee isugu neceb bariga dhexe weli kuma dhiirin dagaal hubeysan oo toos ah, waxayse hadda ku dagaalamayaan teknoolajiyadda, labadooduna aad ayay ugu wanaagsan yihiin.
-
Colonel Abiy Axmed-ka Itoobiya hoggaamiya wuxu ahaa askari sir-doonka Itoobiya ka tirsan, fikirkiisa siyaasadeed ee gobolkuna uu ku hana qaaday intii ay Soomaaliya burburtay oo dalal badan oo Itoobiya ugu horeyso u soo qalab qaateen duminteeda, waxaana maskaxdiisa buux dhaafshay sheekooyinkii asaadhiirta ahaa ee boqortooyooyinkii Amxaarrada ee ku aaddanaa cadaawadda ay Soomaaliya u qabaan, iyo damaca hadda sii xoogeystay ee waligiis uu guumeystaha qadiimka ah dabada ka riixayay ee ah in dalka Soomaaliya iyaga la hoos geeyo, waxaana taas dhiiri geliyay oo dhibkaba keenay inuu ku soo aaday xilli uu Soomaaliya madax-weyne ka yahay Max’ed Cabdullaahi Farmaajo oo wax kale aan siyaasaddiisa lagu macnayn karin laakiin u adeegay siyaasado shisheeye si ay ugu hayaan awoodda illaa uu ka fulo danaha aan la garanayn ee qaranimmad Soomaaliya kala weynaaday! waase haddii shacabka Somaaliyeed aysan intaas garan karayn! Ciidammada caadiga ah ee Itoobiya waxay soo galeen Soomaaliya 1996-kii waxayna ka soo tallaabeen xudduudda gobolka Gedo iyagoo xad gudubyo waaweyn oo isugu jir dil, kufsi, qafaalasho, dhac, iyo xatooyo ka geysanaya gudaha Soomaaliya, waxaana jirtay in 2sano ka hor taariikhdaas ay ciidammadeeda sir-doonka ah soo gelisay xudduudaha dalka oo dhan. Marmarsiinyadii waagaas ay sababta uga dhigtay xad-gudubkii ay ka geysatay gobolkaas ayaa ahayd inay koox minted ah uga soo duushay Soomaaliya ammaankeedana u baqayso, waana sabab la mid ah waxyaabaha hadda ku marmarsiyootay markii ay magaallada Berdaalle (May 04, 2020) ku soo ridday diyaaraddii xamuulka ahayd ee gargaarka waday, waxayna sheegeen inay uga shakiyeen inay diyaaradda wataan argagixiso rabta inay iyaga isku qarxiyaan!!… Been intaas la eg?! SHacabka indhaha ha kala qaadaan, mana aha inay fiirsadaan waxa Gedo ka dhacay ee waa inay ka dhiidhiyaan, xad gudubka ay ciidammada Amxaarada Gedo iyo Bay ku hayaan waa marka horee waa mid guri kasta oo Soomaaliyeed ku dhacay, laynaguna barayo shacab ahaan inaan dulinimmada qaadano, waana dharbaaxo ku taal dhabanka muwaadhin kasta oo Soomaaliyeed! Qarammada Midoobay (QM) iyo dhammaan waxa Beesha Caalamka loogu yeero waxay ku taageereen Itoobiya xad gudubka ay ku samaysay qaranimmada Soomaaliya, waxbana lagama soo qaadin gabood falkii iyo dhibaatooyinkii ay u geysatay shacabka gobolkaas, waxaana falalkii argagixisnimo ee ay ciidankii Itoobiya geysteen lagu macneeyay tallaabo ay koox argagixasa ah dalkeeda kaga difaacaysay!…KOOX?! Wixii maalinkaas ka dambeeyay Itoobiya waxaa si aan la sheegin loo siiyay rukhsad ah in xad gudubyada ay Soomaaliya gudaheeda ka geysanayso ay yihiin kuwo sharci ah. Arrintan waxay iska noqotay mid ay dunida aamusnaan ku oggolaatay, dalalka qaarkod iyo QM, iyagoo taageeraya xad gudubyadaas ayey qiil bixintii aan naqaanay marka dal lagu duulayo sabab uga dhigeen inay Itoobiya xaq u leedahay inay is difaacdo, middaasna waxay horseedday in joogitaankeeda iyo far gelinta ay arrimaha Soomaaliya ku hayso raali looga noqdo, waxayna QM iska indho tirtay in Soomaaliya tahay qaran madax-bannaan oo xubin ka ah QM, Ilaa iyo waqtigan la joogo arintan sidii ayeey wali u jirtaa oo waxba iskama bedelin. Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Yukio Yamamoto (Donald) Yeygii haragga cawsha huwanaa ! Waxaa arrin cad ahayd in kast oo ay dhici karto in dadka Soomaaliyeed badankood aysan ku baraarugsanayn in xad-gudubyadaas iyo daandaansigaas ay ahaayeen kuwo ay Itoobiya la ogaayeen dalalka maanta ku taageeraya waxayna bilow u ahaayeen hawlaha maanta uu Yukio Yamamoto (Donald) ka wado Soomaaliya, waxaana marqaati u ah in bishii April, 2018 ra’iisal wazaaraha dalka Britain Boris Johnson oo waqtigaas aha waziirka arrimaha dibadda uu markii Colonel Abiy Axmed loo magacaabay inuu hoggaamiyo dalka Itoobiya isagoo ugu hambalyayniya bartiisa Twitter-ka hambalyadii ka dib isla markiiba kula soo booday inuu Abiy kula dardaarmo inuu qayb ka noqdo is-bedel siyaasadeed oo Soomaaliya laga hirgeliyo “…Ajandaha weyn ee la wadaagayo oo laga shaqaynayo waa laga bilaabo horumarinta iyo is-bedelka Siyaasadeed ee Soomaaliya….” Muxuu Boris si gaar ah Itoobiya ugu doortay arrintaas?!… Boris hadalka iskama dhihin!… Arrimahan ma aha kuwo si kama ah isaga dhacay, waxaana jiray qorshe soo jiitamayay gaar ahaan marka ay timaado kaalinta ay ku leedahay dowladda Maraykanka. Intii uu socday shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed ee Mbagathi ee dalka Kenya, wakiilladii Maraykanka shirkaas u joogay waxay u dhaqmayeen ama u muuqdeen sidii inay yihiin kor joogto aan shirka qayb ka ahayn, marka la garab dhigo wadammada kale ee reer galbeedka ah oo runtii aan oran karo ilaa iyo xad waxay isku dayayeen inay taageero u muujiyaan shirkaas sida; Talyaaniga, Sweden, Jarmalka, iyo kuwo kale oo ay iyagu ka muuqatay inay aad u danayniyeen arrimaha shirkaas, waxaana marar badan lagu macneeyay kaalintii Maraykanka ee shirkaas mid hummaag badan uu ku jiro walaac badan ku haysay dadkii Soomaaliyeed ee shirkaas fadhiyay. Laakiin wax kasta waxay sidii cadceeddii u soo muuqdeen markii shirkaas uu madax-weyne u doortay Cabdullaahi Yuusuf Axmed, isla markaasna uu samaysmay dhisma dowladeed oo hay’adihiisii intii muhiimka ahayd u dhanyihiin laakiin wali u baahan tabantaabo faro badan iyo in gacan la siiyo, hasa yeeshee si middaas ka soo hor jeedda Maraykanka markiiba wuxuu u gacan haadiiyay xubnihii dowladda la dhisay ka soo horjeeday oo u badnaa qabqablayaashii dagaalka ee Muqdisho. Sababta uu Maraykanka uga soo hor jeesteen dowladda waxaa siyaasiyiin badan oo arrimaha siyaasadda Soomaaliya aad xog ogaal ugu ahaa ay ku macneeyeen in Maraykanka uu diidanaa in nin sida Cabdullaahi Yuusuf ah oo ku soo barbaaray siyaasadihii gumeysi nacaybka ahaa aadna xog ogaal ugu ah arrimaha siyaasadeed ee dalka iyo taariikhdiisa uu Soomaaliya madax-weyne ka noqdo. Safaaradda Maraykanka ee Nairobi maalmo yar ka dib doorashadii Cabdullaahi Yuusuf waxay isugu yeertay rag uu hor kacayo SHariif Xasan SHiikh Aadan oo isagu ahaa guddoomiyihii golaha shacabka, iyo rag faro badan oo ay ka mid ahaayeen; Muuse Suudi Yalaxow, Cusmaan Xasan Cali (Cusmaan Caato), Max’ed cabduulaahi Jaamac (Sifir), Max’ed Qan-Yare Afrax, iyo xubno kale, kuwaasoo ku kacsanaa dowladdii la dhisay iyagoo waliba xilal ka haya. SHirkaas oo aan xogtiisa la helin waxaa uu muujiyay in dowladda Maraykanka ay lid ku tahay dowladii meesha lagu dhisay wuxuuna kullankaas dhiiri gelin weyn siiyay xubnihii dowladda ka soo hor jeeday waxaana uu sababay in xubno kale oo dowladda taageersanaa ay ku biiraan mucaaradka. Dad badan oo Soomaaliyeed waxay rumaysanyihiin in ciidammadii Itoobiya ee dowladdii ku-meel-gaarka ahayd u soo gelbiyay Muqdisho 2006dii ay keensadeen Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Cali Max’ed Geeddi hasa yeeshee waxay xaqiiqdu tahay in ciidammadaas ay ku soo galeen dalka amar ay ka heleen dowladda Maraykanka oo aan xataa waxba laga ogeysiin ama aan lagala tashan madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf iyo ra’iisal wazaare Cali Max’ed Geeddi. Arrintan ayaa ka dambeysay markii ay fashilantay rajadii ay dowladda Maraykanka ka qabtay kooxdii mucaaradka ahayd ee ay kula soo heshiisay Nairobi si ay xukuumadda u ridaan iyadoo la adeegsanayo golaha shacabka iyo guddoomiyaha golaha SHariif Xasan SHiikh Aadan, qorshahaas oo aan dhameys tirmin ayaa waxaa Maraykanka walaac weyn oo kedis ah ku noqday ururkii Midowgii Maxkamadaha oo uu arkay in maamulkooda si xawli ah ugu sii baahayo gobollada dalka oo dhan si uu taas uga hor tago ama uu u joojiyo fiditaanka awoodoodana wuxuu u baahday inuu helo cudud uu si deg-deg ah uga hor geeyo oo aan ahayn midda dowladda Federal-ka Ku-Meel- Gaarka ah oo iyada lafteeda uusan u aqoonsanayn dowlad isla markaasna uu doonayay inuu burburiyo, sidaas daraadeed wuxuu adeegsaday ciidammadii Qab-Qablayaashii Dagaalka ee Muqdisho oo uu ku mideeyay magaca Golaha La Dagaallanka Argagixisada isagoo waliba ku bixinaya lacago faro badan hasa ahaatee markii ay ururkii maxkammadaha ka adkaadeen wixii loogu yeeriyay Golaha La Dagaalanka Argagixisada Maraykanka isla markiiba wuxuu dalbaday ciidammada Itoobiya isagoo ka fogeyniya dowladdii federal-ka ku-meel-gaarka ahayd mas’uuliyadeedii dowladnimo, iyadoo aan cidna laga talo gelin haddii ay tahay; Dowladda Soomaaliya, QM, Midowga Afrika, IGAD, iyo guud ahaanba waxa Beesha Caalamka loogu yeero. Waxaa xusid mudan in marka ciidammadaas ay soo gelayaan Soomaaliya in xukuumadda iyo golaha shacabka ay wali isku haysteen oo aan la ansixin ciidammada AMISOM ee ay codsatay xukuumaddi lagu soo dhisay Mbagathi. Sidii Xamiid Karsay-gii Afghanistaan mas’uul si cad u diidi kara wixii dalka dhibaaya ma laga waayay siyaasiyiinta u dhaartay dalka! Waxaan iyadana arrin aan qarsoonayn ah in Maraykanku uu si awood sheegasho ku jirto ula dagaalay dowladdii federal-ka ahayd ee ku-meel-gaarka ahayd aakhirkiina keentay inuu u adeegsado dowladda Itoobiya ilaa ay gaartay in si qasab ah Madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf uu is cazilo, maalinkaas wixii ka dambeeyeyna waxaa bilaabatay siyaasad ay dowladda Maraykanka gadaal ka yeerinayso cadowgii Soomaaliyeed ee Itoobiyana ay fulinayso waliba waxaa si anshaxa diplomat-siyadeed ka baxsan loo soo fariisayay bartamaha xafiiska madaxtooyada Soomaaliya, isla markaasna iyada oo aan waxba laga weydiin ama aan la ogeysiin dowladda Soomaaliya qasab laga dhigay in sir-doonka Itoobiya xafiisyo ka furto meel kasta oo maamul siyaasadeed ka jiro dalka oo dhan, oo ay ug horeeyeen Puntland iyo Somaliland, ka dibna maamul-goboleeddadii cusbaa. Arrintani waxay horseedday dal kasta oo ay ku jirtay cadaawadda Soomaaliya ama dan guracan ka lahaa wuxuu qaatay ama ku dhaqaaqay inuu Soomaaliya kula dhaqmo siyaasaddaas oo kale, khaasatan dalalka Carabta; Qatar, Midowga Immaaradaha Carabta, iyo Sacuudiga, waxayna raaceen siyaasad la mid ah middii uu Maraykanka qaatay waxayna soo adeegsadeen isla cadowga Itoobiya, heer waliba Midowga Immaaradaha Carabta ay gaareen in Itoobiya ay saami uga qorto dekedda Berbera!…Bal ma iyadaa leh?!… Dhibaatada ugu weyn waxay dhacday markay dhallin-yaradii dalka askaraysteen dowladdiina ay ka hadli waysay!…Askarta Maraykanka, askarta Midowga Immaaradaha Carabta, sir-doonka, askarahaas aalaaba markay ciidammada dowladda Soomaaliyeed ama dowlad goboleeddada ay hawl galo samayniyaan ayaa xilliyada qaarkood la arkaa iyagoo gacan siinaya, taasoo loola jeedo in loo ekaysiiyo inay yihiin ciidamo Soomaaliyeed, laakiin xaqiiqdu ay tahay ciidamo ay dalal shisheeye ka dhex samaysteen dalka gudihiisa, khatarta ugu weynna waxay tahay in dhallin yaradaas aysan isu arag inay dalal shisheeye u shaqeeyaan iyagoo run ahaantii u adeegaya dano shisheeye. Ciidammadaas ayaa sal-dhigyo ku leh meel kala duwan oo muhiim ah xagga istaraatiijiyadda military-ga oo qaarkood ay ahaayeen sal-dhigyo hore o ay isticmaali jireen ciidammada Soomaaliya ama ciidammadii Soviet-ka. Balse ma aragtay qabka, qabka dhaafay ee Kyle McCarter safiirka Maraykanka u fadhiya Nairobi ugu garab istaagay Kenya boobka badda Soomaaliya?!… Markii uu madax-weynihii hore ee Maraykanka Brack Obama uu boqday dalka Itoobiya sanadkii 2015kii oo ahayd markii ugu horeysay ee madax-weyne Maraykan ah oo xafiiska fadhiya uu booqdo dalkaas wuxuu si cad u sheegay in arrimaha Soomaaliya ay kala soo xiriirayaan ama ay wax ka weydiinayaan oo keliya Itoobiya iyo Kenya, waa dhab waan dunsnnahay qaranimadeenii inaan dhisano waan ku filnaan waynay, laakiin Itoobiya iyo Kenya?!… tani macnaheeda ma aha Obama inuu riyooniyayay ama uu dheelilowsanaa markuu sidaas lahaa ee wuxuu raacayay waddo horay u falnayd, wuxuu raacayay qorshihii horay u soo socday ahna midka uu wali maanta ku shaqayniyo ama uu Muqdisho u joogo Yukio Yamamoto (Donald) oo mar kasta oo uu la kulmo madaxda ama siyaasiyiinta Soomaaliyeed qosolkiisa iyo ilko cadayntiisa aad moodayso Baadari ilmo rajo ah kaniisadda loogu keenay!… Waxaase hubaal ah in sida uu inoo aqriyay iyo sida ay runtu tahay ay yihiin labo aad u kala fog!… Sababta ugu muhiimsan ee mar kasta uu u taageero xukuumadda madax-weyne Farmaajo iyo ra’iisal wazaare Xasan Cali KHeyr ayaa lagu macnayn karaa inuu ka dambeeyo ama wax ka ogyahay heshiisyada beenta ah ee ay wada saxiixdeen Colonel Abiy Axmed iyo Farmaajo ee runtooda laga qariyay dadka Soomaaliyeed, arrimaha uu Yamamoto ka wado dalka waa in lagu baraarujiyaa dad-weynaha Soomaaliyeed oo siyaasiyiinta ay ka hadlaan. Kyle McCarter, waa safiirka Maraykanka u fadhiya Nairobi, shaqadiisu qareenimo ma aha,waxaana la moodaa ujeeddadiisu inay tahay inuu ku taba barto oo uu isku tijaabiyo dal sida Soomaaliya oo kale uu ku tuhmiyo inaysan ka jirin xukuumad xoog badan, oo waliba Farmaajo madax-weyne ka yahay! Kyle McCarter dowladda Soomaaliya oo baddeeda lagu soo duulay oo dacwadii maxkaddu ay meel dhexe marayso buu bartamaha uga soo booday isagoo si amar ku jiro u sheegaya in dacwadda laga soo cesho maxkammadda!…Yaa?!…fara gelinta uu ninkaas ku sameeyay arrintaas xukuumadda iyo labada gole ee shacabka (waa un magacaasee) midna kama hadlin, laakiin waxaa laga ogaaday war baahinta dunida waxayna ku soo dhammaatay in Farmaajo iyo Kenyatta labadooda keliya qol aan cidna ku wehlin wax ku soo saxiixdaan!…Farmaajo sida aan ku baranay sidii macdaar uu isaga leeyahay buu taladii dalka isaga isku keli yeelay! Kulankaas oo McCarter labadaas nin isugu keenay natiijadii ka soo baxday waxaa lagu sheegay in laysku af gartay!…maxaa laysku af gartay?! Codsiga Kenya in mar 3aad dib loogu dhigo go’aanka maxkamadda ka gaari lahayd arrinta badda ayaa lagu macneyn karaa inay doonayso inay waqti u hesho sidii Soomaaliya loogu cadaadin lahaa inay si xeer jajab wax ku dhameystaan labada dal. Yukio Yamamoto Itoobiya xambaarsanyahay ! Kyle McCarter Kenya xambaarsanyahay!… Yaa?! Bal adigu macnee caqligaas!… Waxaa shaki la’aan ah in siyaasadda is-xambaarka ah ee Maraykanka iyo Itoobiya ay meel ka dhac ku tahay qaranimmada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, waana meesha ay ka dhutinayso dowladnimmada Soomaaliya, iyo sababta ugu weyn ee looga ilaalinayo inay gaarto deggenaansho siyaasadeed, waana walaac ugu weyn ee had iyo goor ummaddu isku baraarujiso, waxaase talo wanaagsan ahaan lahayd in Colonel Abiy uu ka waantoobo dhaqankii hore ee guumeystayaashu maalin kasta Itoobiya u soo adeegsanayeen Soomaaliya! Waxaa muuqata marar badan dad-weynuhu ka wada hadlaan waxa Abiy iyo Yamamoto isu sheegeen! Waxaase ka daran oo ay is weydiinayaan maxay Farmaajo iyo Yamamoto saaxiibo gaar u yihiin?! Waxa loo socdose yaan garan oo Soomaali ah?! Mase fahmi karaa Abiy in kursiga uu Farmaajo ku fadhiyo ummaddu leedahay ee kursiga uusan lahayn ummadda?!… Waxaa muddo soo socday qorsho si awood sheegasho ah sal-dhigyo ciidan looga samaystay dalka oo dhan; Muqdisho, Kismaanyo, Berbera, Gaal-Kacyo, Wanle-Weyn, Baydhabo…iyadoo waliba la leeyahay waa dowlad madax-bannaan oo ka tirsan golaha loo dhanyahay ee QM!… Yaa arkay dowalad markii dano laga saxiixanayo keliya dowlad ahaan loola dhaqmayo?!… wax kasta oo ay saxiixday dowlad aan shacabku soo dooran ma noqon doonaan kuwo sharci ah. Arrintu sow ma aha caarradii cayayaanka (xasharaadka) guri ka cunaysay, laakiin nafteeda u cunaysay! Ciidammada AMISOM looma keenin inay Al-SHabaab la dagaalaan ee maxaa loo keenay?! … SHacabka Soomaaliyeed ma jirto cadaawad ay u qabaan dalka Maraykanka, waxayna aad u fahamsanyihin guud ahaan siyaasadaha ka socda gobolka, laakiin kuma faraxsanna siyaasadda uu ciyaarayo Yamamoto mana dhici doonto in ummadda Soomaaliyeed shacab iyo dowlad iyagoo isku duuban inay dulinimo qaataan, waxayna so dhoweyniyaan wax kasta oo xiriir ama heshiis ah oo aan meel ka dhac ku ahayn jiritaanka qaranimadooda dal ahaan iyo ummad ahaanba… Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan, waxaad kala xiriiri kartaa alle_yaqaan99@yahoo.co.uk AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Tripoli (Caasimada Online) – Dadaallada Sacuudi Carabiya ay ku dooneeyso in ay saameyn ugu yeelato Bariga Dhexe islamarkaana ay noqoto hogaamiyaha Carabta Dunida waxaa cuuryaaminaya Imaaraadka Carabta, sida uu Khabiir arrimaha Bariga Dhexe ku xlee-dheer uu u sheegay TV-ga TRT ee Turkiga. Tusaale cad waa dagaalka Libya, halkaas Sacuudigu uu si toos ah u taageeray ololihii dhiigu ku daatay ee Khaliifa Xafter uu sanadkii lasoo dhaafay ku doonayay in uu ku qabsado magaaladda Caasimadda ah ee Tripoli. Si kastaba ha ahaatee, ka sokow dhaqaalaha ay xukuumadda Riyadh ku taageereyso Xafter, Imaaraadka Carabta ayaa kala wareegay ninka awoodda ku leh Libya, sida ay khubaradu sheegayaan. “Sacuudigu waxaa uu si qarsoon ugu carreysanyahay is-muujinta iyo go’aanq aadashada kaliga ah ee sii kordhaysa ee Imaaraadka Carabta, gaar ahaan arrinta Yemen,” ayuu yiri khabiirka. Sacuudi Carabiya, Imaaraadka, iyo xulifadooda waxay dagaal militari ku qaadeen Yemen sanadkii 2015-kii iyagoo isku deyaya in ay dib u soo celiyaan xukuumadda Madaxweyne Cabdi Rabbu Mansoor Haadi islamarkaana ay u bur-buriyaan dhaq-dhaqaaqa Xuutiyiinta. Si kastaba, Shan sano oo dagaalku socday, boqortooyadu ma aysan gaarin wax hadafkeedii ka mid ah, Imaaraadka Carabtuna waxaa uu si tartiib-tartiib ah uga furanayaa xukuumadda Riyadh. Imaaradka iyo Sacuudigu markii horeba waxay ku loolamayeen gacanta sare ee koofurta Yemen, halkaas oo Imaraadku uu taageero dhaq-dhaqaaqa gooni u goosadka oo doonaya in Koofurtu ay ka madax-banaanaato inta kale ee Yemen. Bishii April 25-keedii, Golaha Xaaladda Kala-guurka Koofureed ayaa maamul gooni isu tag ah uga dhawaaqay koofurta Yemen, waxayna caasimad ka dhigteen magaaladda Cadan. Talaabadaasi waxay kicisay loolan siyaasadeed ee oo soo wajahay taageerada Sacuudiga waxayna dhalisay caqabad weyn ee dhinaca diblomaasiyadda ah oo Sacuudiga qabsatay. Sacuudiga oo la halgamaya awooda xadidan ee militari iyo cadaadiska dhaqaale ee ka dhashay dagaalka, ayaa wada-hadallo qarsoodi ah la furay Xuutiyiinta bilihii lasoo dhaafay, taasi oo muujineysa qirasho ah in dagaalka looga adkaaday. Duqaymaha cirka ee Sacuudigu ka geystay Yemen waxay sababeen waxa ay Qaramadda Midoobay ku tilmaantay xasarad banii-aadanimo tii ugu xumeyd ee aduunka soo martay waxaana duqaymahaas ku dhintay 100,000 oo qof.
-
Jenaral Xaftar oo ay garabkiisa ka baxeen dagaalyahanno muhiim u ah Boqolaal ka tirsan calooshood u shaqeysatayaasha Ruushka ah ee ka garab dagaallamayay Jenaral Khalifa Xaftar ayaa isaga baxay aagga dagaalka ee koonfurta Tripoli, sida ay wakaaladda wararka ee AFP kasoo xigatay xooggaga dowladda ay Qaramada Midoobay taageersan tahay. Bixitaanka dagaalyahannadaasi ayaa kusoo beegmaya xilli jananka ay guuldarooyin waaweyn kasoo gaareen duullaanka mudada sanadka ah uu ku doonayay inuu ku qabsado caasimadda Tripoli ee fadhiga u ah dowladda uu caalamka aqoonsan yahay. “32 diyaaradood oo ah nooca milateriga ee Antonov ayaa kusoo degay garoonka Bani Walid si ay u daadgureeyaan calooshood u shaqeystayaasha Wagnar ee ka baxay aagga koonfurta Tripoli, lamana ogga halka ay ku socdeen,” ayaa lagu qoray barta Twitter-ka ee xooggaga taabacsan dowladda. Warbaahinta maxalliga ayaa ku warrantay in dagaalyahannada la daadgureeyay la geeyay deegaan ka tirsan gobolka Jufra ee bartamaha Liibiya, halkaasi ay ku xooggan yihiin maleeshiyaadka taabacsan Xaftar. Khubarada falanqeeya arimaha Liibiya ayaa rumaysan in tallaabadan ay dhabar-jab ku tahay Jenaral Xaftar oo dhul ballaaran qabsaday markii ay u yimaadeen xooggaga Wagnar sanadkii 2019. In ka badan 1,400 oo calooshood u shaqeysatayaal Ruush ah ayaa la rumeysan yahay inay garab siinayeen Jenaralkan doonaya inuu gacanta ku dhigo guud ahaan Liibiya. Bishii January ee sanadkan, wadahadallo nabadeed oo ka dhacay caasimadda Berlin ee Jarmalka ayaa guuldarro kusoo idlaaday, kadib markii dhinacyada isku haya Liibiya ay joojin waayeen colaadda. Qaran News