Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,225
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu ( PP News Desk) — The Federal Government of Somalia will launch an investigation into the killing of eight young men whose bodies were found at Gololey, on the outskirts of Bal’ad district. Al-Shabaab denied responsibility for the massacre. The United Nations and the African Union condemned the massacre of innocent young men. People in Bal’ad district yesterday took to the streets to demand justice for the families of the slain men who were health workers making difference to lives of people in Bal’ad and nearby villages. Al-shabaab does not control any district in Hirshabelle State but has a presence in countryside of Middle Shabelle. The proscribed group has accused the Federal Government of Somalia of the massacre. Al-shabaab has a history of distancing itself from massacres it deems detrimental to its image. The group views the staff of the Federal Government of Somalia as apostate and ‘legitimate target’ for assassination. © Puntland Post, 2020 The post THE FEDERAL GOVERNMENT TO INVESTIGATE GOLOLEY MASSACRE appeared first on Puntland Post.
  2. Dowladda federaalka ah ayaa dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaas oo sida la sheegay ku go’doonsanaa dalka Sacuudiga tan iyo markii caalamka uu kala xirxiray xanuunka safmarka ah ee Coronavirus. Diyaaradda Daallo oo sida 132 Mawaadiniin Soomaali ah oo muda ku xayirnaa dalka Sacuudi Carabiya ayaa xalay ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Mawaadinidiintan xalay diyaaradu keentay waxa ay u badnaayeen haween iyo caruur waqti dheer sugayay in dib dalkooda loogu soo celiyo, waxaana safarkooda soo noqoshada saameeyay cudurka safmarka ah ee dunida oo idil kala xeray ee Covid19, waxaana dalkaasi ku haystay dhibaatooyin kala duwan. Maalmaha soo aaddan waxaa dalka Sacuudiga ka imaan doono ilaa afar duulimaad oo kale oo sida mawaadiniin kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayey kulankii golaha wasiirada ayaa sheegay in dalka ay ka dhici doonto doorasho ku dhacda amni iyo xasilooni, islamarkaana ay u dhan-tahay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Khayr ayaa tilmaamay in xildhibaanada BFS ay gacanta ku hayaan arrimaha doorashooyinka, isaga oo tilmaamay inay muhiimad gaar ah u leedahay dalka in afartii sano mar la qabato doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda gudaha dalka Soomaaliya. “Afartii sano waa in mar doorasho la galo, doorasho dadka intooda badan isla oggol yihiin ayna saamileyda badankood ama kuligood qeyb ka yihiin, doorasho ayaa dalka ka dhici jirtey 4tii sanaba mar nooceey rabto ha ahaatee, waana tan sharciyada aaan halkan ku joogno na siisay, dalka doorasho inay ka dhacdo ayaa ka muhiimsan inta kale qof walba inuu dareemo in afartii sano mar dalkaan doorasho ka dhacdo.” ayuu yiri R/wasare Kheyre. Hadalka Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ku soo aadaya, xilli ay haatan dood adag ka taagan tahay qabsoomida doorashada soo socota 2020/2021, taas oo ay walaac ka muujinayaan xisbiyada mucaaradka ee ka jira dalka. View the full article
  4. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa markii u horraysay si cad u soo bandhigay mowqifkiisa ku aaddan doorashada madaxtinimada dalka iyo wakhtiga ay tahay in la qabto. Muuqaal Khamiistii laga duubay Ra’iisul wasaare Khayre oo la shirayay Golihiisa Wasiirada balse dib laga baahiyay ayuu ku muujiyay sida ay uga go’antanay in dalka ay doorasho ka dhacdo islamarkaana aysan jirin wax mudda kororsi ah. Ra’iisul Wasaare Khayre wuxuu sheegay in muhiim tahay in dalka doorasho ka dhacdo nooca ay doonto ha u dhacdeen isagoo xusay in waddanka afartii sanaba mar ay doorasho ka dhici jirtay sidaas darteedna loo diyaar garoobo doorashada soo socota. Mudane Khayre ayaa sidoo kale Golihiisa Wasiirada u sheegay in laga doonayo in ay ka shaqeeyaan sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho loo dhanyahay oo xasiloon nooca ay doontaba ha u dhacdeen waxaana hadalkiisu muujiyay in uusan ku qanacsanayn hannaanka doorashada Qof iyo Cod. Hadalka Ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in madaxweyne Farmaajo iyo Mr Khayre ay ku kala aragtid duwan yihiin hannaanka doorasho ee ay tahay in dalku aado. Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu doonayo in mudda kordhin la sameeyo kadibna dalku galo doorasho qof iyo cod ah balse Ra’iisul wasaaruhu doonayo in doorashada wakhtigeeda lagu galo islamarkaan aysan suura-gal ahayn qof iyo cod. Halkaan ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo muujiyay in ay ka go’antahay in doorashada wakhtigeeda lagu qabto appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddooyinkii la soo dhaafay ku xayirnaa dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya, sidoo kalena ku dhibaateysnaa dalkaasi. Diyaarad sidday muwaadiniintan oo gaarayey illaa 132 ruux ayaa xalay ka soo degtay garoonka caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Dadka ay diyaaraddu keentay ayaa waxa ay u badnaayeen haween iyo caruur, kuwaas waqti dheer sugayey in dib dalkooda loogu soo celiyo, kadib markiii uu soo noqoshada saameeyey cudurka safmarka ah ee dunida oo idil kala xiray ee Coronavirus. Sidoo kale waxaa amarka muwaadiniintaan dalka dib loogu soo celiyey bixiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Waxaa sidoo kale muwaadiintan Soomaaliyeed garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo loo xil-saaray soo dhoweyntooda. Ugu dambeyn qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in maalmaha soo socda dalka Sacuudiga ay ka imaan doono illaa 4 duulimaad oo kale oo soo qaadi doonaa muwaadiniin kale oo weli ku xayiran gudaha wadankaasi.
  6. MINNEAPOLIS (WCCO) — A lawyer has issued a statement from the wife of the now-arrested and charged former Minneapolis police officer Derek Chauvin, and she said she has filed for divorce. Source: Hiiraan Online
  7. Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay falka wuxuushnimada ah ee lagu xasuuqay howl-wadeenada caafimaadka ka howlgalayay deegaanka Gololey ee degmada Balcad, goblka Shabeelaha Dhexe. Wasiirka caafimaadka ayaa falkan ku tilmaamtay mid nasiib darro ah, iyadoo xustay in hawlwadeennada caafimaadka ay ku jiraan xilligan adag oo ay la tacaalayaan xakameeynta caabuqa COVID-19 oo kusii baahaya dalka oo idil. “Wasaaradda Caafimaadka waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa ehelada iyo bulshada Soomaliyeed, waxayna Ilaahay uga baryaysaa marxuumiinta inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, ehelka iyo bahweynta caafimaadkana samir iyo iimaan ka siiyo”. ayey tiri wasiir Fowsiyo. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay “Waxaan murugada la qaybsanaynaa bulshada iyo bahda caafimaadka, waxaana dalbanaynaa in cadaalad ay helaan Howlwadeenaadaas lagu xasuuqay Gololey”. View the full article
  8. Diyaarada Daallo oo sida 132 muwaadiniin Soomaali ah oo muda ku xayirnaa dalka Sacuudi Carabiya ayaa xalay ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee M/Muqdisho. Muwaadinidiin diyaaradu keentay waxa ay u badnaayeen haween iyo caruur waqti dheer sugayey in dib dalkooda loogu soo celiyo, waxaana safarkooda soo noqoshada saameeyey cudurka safmarka ah ee dunida oo idil kala xiray ee Covid-19. Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka duulaya dhibka haystay muwaadiniinta ayaa amray soo daad gureynta dadkani oo u badan kuwa nugul Maalmaha soo aadan waxaa dalka Sacuudiga ka imaan doono ilaa afar duulimaad oo kale oo sida muwaadiniin kale. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  9. Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa lagu muujiyay sida ay uga walaacsan tahay falalka isugu jiray afduubka iyo dilkii loo geystay todoba qof oo shaqaale caafimaad ahaa iyo qof kale oo rayid ahaa oo ku sugnaa xarun caafimaad oo ku taalla tuulada Gololey ee Gobolka Shabeelaha Dhexe. UNICEF ayaa dhacdadaasi sheegtay in aan la aqbali karin, islamarkaana ay tahay mid xadgudub ah oo ka dhan ah sharciga caalamiga ee arrimaha bani’aadanimada iyo hab-dhaqanka caadiga ah. “Waxaan ka naxnay afduubka iyo dilidda toddobo shaqaale caafimaad ah oo joogay xarun caafimaad oo ku taal koonfurta Soomaaliya, Bartilmaameedsiga shaqaalaha daryeelka caafimaadka ayaa si weyn xadgudub ugu ah sharciga caalamiga ah waxayna u horseedi kartaa dambi dagaal. Weeraradan foosha xun waxay faragalin ku hayaan ilaalinta aasaasiga ah ee caafimaadka iyo in dambiilayaashu lala xisaabtamo” ayaa lagu sheegay War kasoo baxay UNICEF Warka UNICEF ayaa intaasi kusii daray “Shaqaalahan caafimaadku waxay ahaayeen geesiyaal waxa ay bixin jireen daryeel nafo lagu badbaadiyo carruurta iyo qoysaska” View the full article
  10. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Warka-Subax-30052020.mp3 View the full article
  11. Turkey will not allow any uncertainty in Libya, said Vice President Fuat Oktay on Friday, and voiced full support for Libya's legitimate government. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda UNICEF oo hoostagta Qaramada Midoobay ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay uga hadleyso dhacdadii dhowaan sideeda dhalinyarada aheyd lagu laayey ee deegaanka Gololey ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Qoraalka ka soo baxay hay’adda ayaa marka hore lagu sheegay inay aad uga walaacsan tahay falkaasi oo isugu jiray afduub iyo dil intaba. Sidoo kale waxay UNICEF shaacisay in dhacdadaasi ay xadgudub ku tahay sharciga caalamiga ah, islamarkaana ay horseedi karto dambi dagaal. “Waxaan ka naxnay afduubka iyo dilidda toddobo shaqaale caafimaad ah oo joogay xarun caafimaad oo ku taal koonfurta Soomaaliya, Bartilmaameedsiga shaqaalaha daryeelka caafimaadka ayaa si weyn xadgudub ugu ah sharciga caalamiga ah waxayna u horseedi kartaa dambi dagaal. Weeraradan foosha xun waxay faragalin ku hayaan ilaalinta aasaasiga ah ee caafimaadka iyo in dambiilayaashu lala xisaabtamo.” ayey tiri UNICEF Sidoo kale waxa ay intaasi raacisay “Shaqaalahan caafimaadku waxay ahaayeen geesiyaal waxa ay bixin jireen daryeel nafo lagu badbaadiyo carruurta iyo qoysaska.” Warka UNICEF ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan ay socdaan baaritaano ku aadan falka lagu xasuuqay dhalinyaradaasi oo todobo ka mid ah ay ka shaqeynayeen xarun caafimaad oo ku taalla Gololey, halka qofka kale uu ka mid ahaa dadka deegaanka.
  13. Diyaarad sidday 132 Mawaadiniin Soomaaliyeed oo mudda ku xayirnaa dalka Sacuudi Carabiya ayaa xalay ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dadkaas ay xalay diyaaradu keentay ay u badnaayeen haween iyo caruur waqti dheer sugayay in dib dalkooda loogu soo celiyo balse safarkooda uu saameeyay xanuunka COVID-19. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay in uu amray in dadkaas dalka lagu soo celiyo kadib markii lagu soo war geliyay in gudaha Sacuudiga dhib ku haysto. Sidoo kale maalmaha soo socda waxaa la filaa in ay dalka yimaadaan ilaa afar duullimaad oo kale kuwaas oo muwaadiniin Soomaaliyeed ka soo qaadi doonta waddanka Sacuudiga. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo dalka ku soo celisay in ka badan 130 muwaaddin oo ku xayirnaa Sacuudiga appeared first on Puntland Post.
  14. Mary Harper, the veteran BBC reporter on Africa and now its section editor, has written a truly timely book which cuts through the political posturing, diplomatic niceties and, often, stereotypically violent narratives and imagery, to present a book which examines Al-Shabaab more accurately through the ‘real stakeholders’ eyes. Source: Hiiraan Online
  15. Haweeney magac yaab leh ugu yeedhay Maxamed Bin Salmaan oo lagu xidhay Sacuudiga Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ka walaacsan xaaladda amni ee haweeney Sacuudiyaan ah, oo lagu warramay in la xiray kadib markii ay baraha bulshada “ku aflagaadeysay” dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman. Amani Alzain, oo ah 40 jir deggan magaalada Jeddah, ayaa waxaa baraha bulshada ku beegsaday dad daacad u ah dowladda kadib markii ay Maxamed Bin Salmaan ugu yeertay magaca “Abu Munshar”, oo macnaheedu yahay “Aabihii Mishaarta”. Maxamed Bin Salmaan ayaa caan ku noqday magaca “Abu Munshar” kadib markii wakiilo ku xiran dowladda ay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul ku dileen suxufi Jamaal Khaashuqji, kaasi oo la rumeysan yahay in lagu jarjaray mishaar. Arbacadii, cinwaan twitter oo loo yaqaan Maxaabiista Sharafta, kaasi oo la socda dadka lagu xiro Sacuudiga, ayaa ku warramay in Amani Alzain la xiray. Warkan ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyey kooxda u doodda xuquuqda aadanaha dadka Khaliijka ee Gulf Centre for Human Rights (GCHR). Kooxda GCHR ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo sii daayo Amani Alzain, iyo dhammaan dadka la xiray ayada oo lagu xadgudbayo xuquuqda ay u leeyihiin inay fikradahooda muujiyaan, oo ay ku jiraan kuwa difaaca xuquuqda haweenka. Sidoo kale, Arbacadii Golaha Xuquuqda iyo Xoriyadaha ee fadhigiisu yahay Geneva ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Sacuudiga inay shaaca ka qaadaan xaaladda ay ku sugan tahay Amani Alzain. @GenevaCouncil called on the Saudi authorities to come clean on the fate of activist @AmaniAlzain who was reportedly arrested from her home in Jeddah after a campaign of incitement targeting her on social media. #SaudiArabia https://t.co/gksQLYyuE7 pic.twitter.com/kkMh5BLBaA — Geneva Council For Rights and Liberties (@GenevaCouncil) May 27, 2020 Qaran News
  16. From weight loss, blood pressure to a lot more here are ways of how lemon keeps your body is beneficial for your body and you need to make it part of your life Source: Hiiraan Online
  17. German Chancellor Angela Merkel has refused to accept U.S. President Donald Trump’s invitation to attend an envisaged summit of the Group of Seven (G7) in the United States, Politico reported on Friday. Source: Hiiraan Online
  18. Boqor Buurmadow oo ku gubaabiyey Beelaha H/jeclo & Harti inay F.C.Waraabe ka soo eryaan Degaamadooda Qoraal Rasmiya oo ku saabsan arintaas oo Boqor Buurmadow soo dhigay Baraha Bulshada ayaa u yaala sidan:- Qaran News
  19. The Security Council decided, in a 29 May videoconference meeting*, to reauthorize the deployment of African Union Mission in Somalia (AMISOM) personnel for nine months, requiring them to support security in the lead-up to elections and to work towards the gradual hand-over of responsibility to Somali forces by 2021. Source: Hiiraan Online
  20. The Minneapolis police officer captured on video kneeling on the neck of a handcuffed African American man has been charged with the same murder and manslaughter counts as the officer convicted of shooting dead Australian life coach Justine Ruszczyk Damond. Source: Hiiraan Online
  21. Dacwad dil ah oo lagu soo oogay Askarigii shaqada ku waayay dhimashada ninka madowga ah Sawir muujinaya askari caddaan ah oo Floyd qoorta kaga taagan Nin laga eryay xubinnimada ciidanka booliska Mareykanka kaddib dhimashadii nin madow ah oo aan hubeysneyn ee ka dhacday magaalada Minneapolis ayaa xabsiga loo taxaabay, sida ay saraakiisha sheegeen. Derek Chauvin wuxuu ka mid yahay afar askari oo shaqada looga eryay sabab la xiriirka dhimashadii Mr Floyd, oo Isniintii geeriyooday isagoo ku jira gacanta booliska. Mr Chauvin ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa socday mudaharaadyo rabshado iyo boob sababay oo ka dhashay caradii laga qaaday muuqaal baraha bulshada ku faafay oo laga arkayay askari jilibka qoorta uga haya George Floyd. Kiiskan ayaa sii xoojiyay carada shacabka Mareykanka ee ku aaddan dilalka ay boolisku u geystaan dadka madowga ah. ‘George Floyd maalin cad ayaa la dilay’ Ilhaan Cumar Ilhan Cumar oo ka mid ah xildhibaannada Aqalka Wakiillada Mareykanka ee laga soo doortay gobolka Minnesota ayaa si kulul uga hadashay dhimashada George Floyd, oo geeriyooday isagoo ay gacanta ku hayaan booliska magaalada Minneapolis. “George Floyd waxaa magaaladeenna lagu dilay maalin cad.Waa in dacwad deg deg ah lasoo oogo. Caddaalad darrada qotada dheer ayaa sababtay xasilooni darrada bulshada. Nabad ma raadsan karo iyadoo aan caddaalad la helin. Haddii uusan xeer ilaaliyaha deegaanka u heellaneyn inuu sidaas sameeyo, waa in lasoo magacaabo dacwad ooge khaas ah.,” ayey ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka. George Floyd, oo ahaa 46 sano ayaa Isniintii geeriyooday. Wuxuu waardiye ka ahaa mid ka mid ah maqaayadaha ku yaalla Minneapolis. Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay shaqo ka ertyid lagu sameeyey Dr. Walters Samah oo madax ka ah qeybta xog taxliilinta AMISOM. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay facebook ayaa sheegay in Dr. Samah la cayriyey kadib markii uu bixiyey comment kooban oo ay dhibsatay Villa Somalia, sida uu yiri. Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan. War illeyn comments baacsigii Villa Somalia wuxuu gaaray beesha caalamka. Dr. Walters Samah oo madax ka ah qeybta xog taxliilinta AMISOM ayaa sida uu sheegay shaqadiisa ku waayey comments shan eray ah oo uu ka dhiibtay wareysi uu Matt Bryden siiyey taleefishinka France24. Waraysiga ayaa la xariiray weerarkii ay Al-Shabaab ka geysteen EX-Koontarool Afgooye 28/12/2019-kii ayna ku dileen in ka badan 80 ruux. Waraysiga oo la soo geliyey bogga taleefashinka ku leeyahay LinkedIn ayaan comment 5 eray ah saaray buu yiri Dr. Walters, anigoo ku qoray. “waa sax, waa waraysi mug leh” Muddo kaddib ayaa Ambasador Madera, oo isagu ah Ergeyga Midowga Afrika Soomaaliya u qaabilsan, wuxuu iigu yeeray xaafiiskiisa. Wuxuuna ii sheegay in dowladda Soomaaliya ay dacwo ka tahay comments aan waraysiga ka bixiyey, waxayna sheegtay in aan taageeray wareysi dowladda looga soo horjeedo. Waxaan ku iri waraysigaas waxba dawlada looga sheegin. Taxliil macquul ah ayuuna ahaa waadna dhagaysan kartaa. Waxaanse waydiiyey buu yiri Dr. Walters qoraalkii la igu soo dacweeyey iyo cidda i soo dacwaysay. Madera oo Laptop kiisa wax ka aqrinaya ayaa ii dhaafi waayey waa lagu soo dacweeyey. Mar danbe ayuu ii sheegay in uu i soo dacweeyey La Taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya. Dowlad la taliyaheeda amniga qaranka uu baacsanayo comments meelo lagu qoray, ma kula tahay in dowladdaasi amni qaran noogu maqan tahay? Tani waxey i soo xasuusisay hadda ka hor ayaa nin agaasime ka ah wasaaradaha Dowladda Federaalka ah wuxuu igu yiri ‘Guddoomiye faallo (comment) togan oo aan hadda ka hor ka bixiyey qoraal aad bartaada Facebook soo dhigtay ayaan shaqada ku waayi gaaray, mararka qaar haddii aad aragto aniguu ku baacsanaya ogow daacadnimo muujin ayey iga tahay ee ma aha in aan kaa soo horjeedo’ Sow waxani kalsooni darri ma dhaafin oo dhaqan xumo uma tillaabin? Sow dhaqan kali-talis oo tabar la’aan ah maaha? Ka warrama haddii ay qoladani awood lahaan lahayd? Ma oga miyaa in Soomaali xor tahay oo aan hadalkooda la xakamayn karin. Sow ma oga in in badan oo ka mid ah internet iyo mobile haystaan, in kaloo badanna dunida xorta ah ku nooshahay? Wallee N&N waxooda waa naf la caarinimo, eelka ay reebaan se muddo wuu ina haysan doonaa.
  23. Donald Trump oo ka dhabeeyay hanjabaaddii hay’adda WHOMadaxweyne Trump Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu soo afjaro xiriirka waddankiisa kala dhaxeeyo Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO. Madaxweynaha ayaa WHO ku eedeeyay iney ku guul- dareysatay in Shiinaha ay ku cadeyso inuu ka dambeeyay faafidda fayraska corona. ”Shiinaha ayaa maamula hay’adda WHO” ayuu yiri madaxweynaha markii uu ku dhawaaqayay tallaabooyinka lagu ciqaabayo xukumadda Beinjing. ”Xukuumadda Washington waxay kharashaadka ku baxa WHO u weecin doontaa hay’adaha kale,” ayuu yiri Trump. Mareykanka ayaa kharashka ugu badan hay’adda ku bixiya oo sannadkii 2019-kii waxa uu WHO ku kharash gareeyay aduun lacageed oo ka badan afar boqol oo malyan oo doolar ($400m). Trump oo u ololeeynaya dib u doorashadiisa ayaa lagu dhaleeyay qaabkii uu ula tacaalay fayraska corona oo ay dalkiisa ugu dhintee dadka ugu badan dunida balse waxa uu dhaleecayn dusha kaga tuuray Shiinaha isagoo ku eedeeyay iney qariyeen dilaacidda fayraska corona. Muxuu yiri Truump? “Maanta waxaanu joojinineynaa xiriirkii nagala dhaxeeyay hay’adda WHO, kharashaadkii ku bixi jirayna meelo kale ayaan u weecineynaa,” ayuu yiri Trump isagoo ku sugan Aqalka Cad. “Dunida haatan waxay la daalaa dhaceysaa dhibaato uu Shiinaha horseeday,” ayuu yiri. Waxa uu intaasi ku daray in Shiinaha uu WHO cadaadis ku saarayay si ay dunida u marin habaabiso. Muxuu salka ku hayaa Khilaafka WHO iyo Trump? Madaxweyne Donald Trump ayaa WHO ku eedeeyay inay ku guul darreysatay inay Shiinaha kula xisaabtanto xakameynta coronavirus, ka hor inta uusan gaarin heer uu bani’aadanka isaga kala gudbo. Cudurkan ayaa markii hore ahaa mid xayawaanka kaliya ku eg. Shiinaha ayaa markii hore ku wargaliyay WHO in “neef qabatoonka uu qabowga sababo uu yahay kiis noociisa la fahmi waayay oo la arkay 31-kii bishii December”. 5-tii bishii January, waxay hay’addu sheegtay in xogta ay xilligaas ka heysatay Shiinaha ay muujineysay in “aan caddeyn loo heynin inuu xanuunka isagala kala gudbi karo bani’aadanka”. 14-kii January, waxay hay’addu barteeda Twitter-ka kuwoo qortay in baaritaannadii ugu horreeyay ee laga sameeyay Shiinaha “ay caddeymo sax ah u heli waayeen in bani’aadanka ay isqaadsiin karaan” fayraska cusub. Hase yeeshee, isla maalintaas, guddiga caafimaadka ee magaalada Wuhan ayaa sheegay inaan gabi ahaanba meesha laga saari karin in fayrasku uu dadka iskaga kala gudbi karo, inkastoo ay hoosta ka xariiqeen in khatarta ku saabsan arrintaas ay hooseysay. Maalmahaas gudahooda, warbixin kale oo ay soo saartay WHO ayaa lagu sheegay inay suurtagal tahay inuu soo baxo cudur bani’aadanka isaga kala gudba, waxaana loola jeeday xanuun ka mid ah kuwa ay sababaan fayrasyada coronavirus, sida cudurka horay loo yaqaannay ee SARS. Ugu dambeyntiina, 22-kii bishii January, koox ka socotay WHO oo booqasho gaaban ku tagtay Shiinaha ayaa xaqiijisay in magaalada Wuhan uu ka dillaacay cudur bani’aadanka ay kala qaadi karaan. Hay’adda WHO ayaa Shiinaha ku amaantay sida uu ula tacaalay cudurka dillaacay Wafdi dhammeystiran oo ka ay dirtay WHO, ayna ka mid ahaayeen khubaro caalami ah ma tagin Shiinaha ilaa laga gaaray isbuucii labaad ee bishii February. Dabayaaqadii bishii January, mas’uuliyiinta WHO ayaa dowladda Shiinaha ku amaanay sida ay ula tacaashay Shiinaha, iyo inay “dhabta ka sheegeysay”. Mareykanka ayaa horay u sheegay iney hayaan cadeeymo waaweyn oo muujinaya in coronavirus uu ka soo unkamay sheeybaar ku yaalla magaalada Wuhan oo ah halkii uu markii hore ka soo bilowday xanuunkan saf-marka ahi dabayaaqadii sannadkii tagay. Haseyeeshee Shiinaha ayaa si kulul uga jaawaabay hadalka ka oo yeeray Mareykanka isagoo ku tilmaamay inuu hadalkaasi yahay mid waalli ah oo aan laga fiirsan. Maxay sameysaa WHO? Hay’addan oo la aasaasay sanadkii 1948-kii waxay hoos tagtaa Qaramada Midoobay, waxayna mas’uul uga tahay Caafimaadka Guud ee Adduunka, diyaarinta ol’olayaasha tallaalka cudurrada iyo caawinta waddamada u baahan adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah. Dhaqaalaha soo gala wuxuu igu jiraa tabarucaad isxilqaamid ahiyo kharash laga qaado dalalka xubnaha ka ah ee ay tiradoodu tahay 194, Mareykanka ayaana kaligiis bixiya lacagta ugu badan. Qaran News
  24. Horta Somaliland waa muruqii laba suul ee la yidhi ninba waa ku si. Hadda ogaada haday Faysal si ku tahay anigana si kalaabay ugu tahay oo aan ahayn sida ay Faysal ku tahaye. Xagayga Faysal iyo Axmed Karaash waa laba muwaadin oo xaq ahaan u siman Somaliland waa marka dastuurka Somaliland loo noqdo eh. Baashe barlamanka Somaliland labadiisa aqal ee muddo xileedyadoodii quufla ay dhamaadeen hadana iskaga sii fadhiya kuraasida oo tiro ahaan dhan 164 xubnood ayuun buu isaguna mid ka yahay. Haduu Faysal Baashe sheegay oo Gudoomiyaha Wakiilada ah Saleebaan oo Gudoomiyaha Guurtida ahna waayo? Isaga ayaaba weli hor fadhiya gole markii ugu dambaysay Shirbeeleed lagu doortay 1997kii eh. Sharcigu wuxu dhigayay in doorashada guurtidu ay sanad ka dambayso doorashada wakiiladii iyaga lala doortay wakhtigaasi. Wakiilada waxa la doortay 2005fii guurtidu waxay markaa ahayd inay sanad ka dambayso oo la doorto 2006. Lama dooran sharcigiina waa lagu tuntay oo waxa sharci looga dhigay wakiiladii doorashada tooska ahayd ku yimi in la yidhaa sanad bay ka dambaynayaan waana sharci darro. Markaa waa gef iyo eex hadii la doono qabyaaladaysan waxa uu labada gudoomiye midna u dhaleeceeyo midna aanu u soo qaadin. Axmed Karaash iyo sheekada Puntland oo fargelin loo qaadan karo marka meel la iska dhigo Faysal ma isaga ayaa Axmed Karaash ka qaaday ama ka qaadi kara jinsiyadda Somaliland iyo xaqiisa muwaadinnimo? Faan waynaa! Faysal hadalkiisa markuu maagayay Axmed Karaash iyo Guddoomiyaha Wakiilada ee Somaliland waxa ku jirtay ANAGA. Halkaa waxa ka furan idinka oo ayo ah? Jawaabtu ma anaga oo Isaaq ah baa? Anigu qof ahaan sidaas ayaan u fahmay? Markaa lafteeda ayuu Faysal qaldan yahay oo ma jirto Isaaq cid uu Somaliland ka leeyahay oo marti ugu ah marka ay tahay beelaha wada deggan Somaliland. Mana jiro Isaaq uu Faysal wakiil ka yahay uu codkooda isagu ku hadli karaaye isaga ayuun buu hadalku la taraaray. Qaran News