-
Content Count
212,235 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Habeen-02062020.mp3 View the full article
-
Taliska ciidanka illaalinta nabad-gelyada wadooyinka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta xarunta fiish taraafiko ee degmada shangaani ku soo bandhigay Cabdi Liibaan cabdi oo 15 jir aan gaarin da’da wadista gadiidka dadweynaha sida uu qabo sharciga gadiidka qodobkiisa gadiidka daweynaha kaasi oo xalay ciidamada ay kusoo qabteen wadada yugaandha ee loo yaqaano sidoo kale buundo labaad. Taliyaha Ciidanka illaalada nabad-gelyada wadooyin General Maxamed Yuusuf Madaale oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in qof ka yar 22 sano uusan wadi Karin gaadiidka dadweynaha marka laga reebo gadiidka gaarka ah islamarkaana uu ka digay inaan lagu aaminin gadiidka dadweynaha qof aanan gaarin heerka da’da loogu talagalay si loo ilaaliyo masuuliyada ka saaran bulshada. “ Qof aanan gaarin 22 sano ma wadi karo gadiidka dadweynaha sida caasiga bii’elka iyo sidoo kale Mooto Bajaajka si loo qaato masuuliyadda dadweynaha raacaya gadiidkaasi, sidaa daraadeed waxaa dhammaan milkiilayaasha gadiidka aan ogeysiineynaa inay nala qaataan si aan sharciga u dhowrno.Ayuu yiri Generaal Maxamed Yuusuf Madaale. Sidoo kale General Maxamed Yuusuf Madaale waxa uu faray waalidiinta Cabdi liibaan Cabdi inay yimaadan xarunta talista ciidanka illaalda wadooyinka si wax looga weydiiyo arrimaha wiilkooda. “Waxaan rabnaa inay yimaadaan xarunta taliska ciidanka illaalada nabad-gelyada wadooyinka waalidiinta Cabdi Liibaan Cabdi si aan wax uga weydiino ogaasha in wiilkooda uu yahay darawal ka xeeyo gadiidka dadweynaha .ayuu ku daray Taliyaha . Udug dambeynta waxa uu Generaal Maxamed Yuusuf Madaale kusoo gabagabeeyay in sidoo kale dadka kala gadanayo gadiidka ay ukala wareejineyso waaxda iibka gadiidka sidaa daraadeed looga baahanyahay inay yimaadaan islamarkaan ay bixiyaan canshuurta dowladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Khilaafkii u dhaxeeyey madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Karaash ayaa lagu guuleystay in la xaliyo, sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Puntland. Khilaafka ayaa waxaa xalintiisa ku guuleystay qaar ka mid ah Isimada Puntland iyo guddoonka baarlamanka, oo maalmihii u dambeeyay ku howlanaa dhex-dhexaadinta Deni iyo Karaash. War-saxafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu shaaciyay in meesha laga saaray kala aragti duwanaantii dhinaca maamulka iyo shaqada ee u dhexeysay Madaxweyne Deni iyo ku-xigeenkiisa, kadib kulan ay maanta oo Tallaado ah Madaxtooyada Garowe ku wada qaateen Madaxda ugu sarreysa Puntland iyo qaar kmid ah Isimada dhaqanka. War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan hoose. “Madaxweynaha Dowladda PuntlandSiciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame iyo xubno ka mid ah hoggaanka dhaqanka Puntland”. “Kulanka ayaa looga hadlay kawada shaqeynta midnimada, amniga iyo horumarka Puntland waxaana lagu guuleystay in meesha laga saaro kala aragti duwanaan dhinaca maamulka iyo shaqada ah oo u dhexeysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka”. “Dowladdu waxay Bulshada Puntland ugu baaqaysaa inay ka shaqeeyaan dowladdnimada, meel ugasoo wadajeestaan cadowga, iskana ilaaliyaan waxkasta oo khalkhalgelinaya nidaamka, amniga iyo jiritaanka Puntland.”
-
(SLT-Riyadh)-Nin u ololeeya arrimaha Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday warbixin ku saabsan golle ay sameynayaan mucaaradka Sacuudiga iyo dibad jooga siyaasadeed oo ay ku jiraan saddax xubnood oo ka tirsan qoyska boqortooyadda, si awoodda looga xayuubiyo dhaxal suge Maxamed bin Salmaan. “Golaha isku xidhka mucaaradka Sacuudiga waxaa uu ka koobanyahay 18 xubnood, oo ay ku jiraan saddax amiir. Goluhu kuma baaqin mudaaharaad ama amar diido shacbi ah iyo halgan hubeysan midna. Keliya waxaa uu ku xadidan yahay in lala xidhiidho hoggaamiyeyaasha dunida iyo guddiyadda caalamiga ah,” ayuu Abdul Rahman al-Suhaimi u sheegay Aljazeera. Suhaimi waxaa uu intaas ku daray in baarlamaanada dalalka muslimka ah, dalalka gacanka Persia, xubnaha congress-ka Maraykanka iyo baarlamaanka Europe in arrinta la gaadhsiiyay. Waxaa uu intaas raaciyay in goluhu uu taageerayo in Ahmed bin Abdulaziz Al Saud uu awoodda la wareego islamarkaana uu noqdo dhaxal sugaha isagoo hiigsanaya hadaf ah in Sacuudigu uu noqdo boqortooyo dastuuri ah oo baarlamaankeeda laso doorto. “Waxaan boqor Salmaan ugu baaqeynaa in uu wiilka booska ka saaro, uuna u magacaabo amiir Axmed bin Abdulcaziiz. 17 waddan oo muslim ah ayaa arrintaan taageeray, laakiin Boqor Salmaan ayaan ka sugeynaa in uu soo saaro,” ayuu yidhi Suhaimi. Warkaani waxaa uu imaanayaa iyadoo ay xiran yihiin xubno badan oo ka tirsan qoyska boqortooyadda, saaxiibadoodna waxay ololeeyeyaal saameyn leh ka shaqaaleysiiyeen Maraykanka si ay xidhiidhkooda Madaxweyne Trump ugu riixaan in la dhameeyo “Dacwad-oogista siyaasadeed” ee uu wado Maxamed bin Salmaan, xilli uu ku mashquulsan yahay la tacaalidda mashaakilka dhaqaale ee Coronavirus. Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay The New York Times, dad u dhow muwaadiniinta Sacuudiga ee siyaasadda u xidhan ayaa la xidhiidhay qareeno jooga Washington waxayna billaabeen olole iyo dadaal la doonayo in lagu dhameeyo cadaadiska siyaasadeed ee uu wado 34 jirka maamula boqortooyadda Sacuudiga. Waxay rajeynayaan in ololahoodu uu keeno xaalad loo riyaaqo oo wax ka beddeshay xaaladda xuquuqda aadana Sacuudiga iyo xitaa in ay tallaabo qaadaan maxkamadaha caalamiga ah si loo sii daayo dadka xidhan. Horaantii sanadkaan Maxamed bin Salmaan waxaa uu billaabay olole cusub oo uu ku xidhay xubno boqortooyadda ka tirsan kuwaas oo uu ku eedeeyay isku day afgambi oo ay xilka uga tuurayaan aabbihii. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbi siyaasadeedka Nabad iyo Nolol ayaa shalay si rasmi ah looga diiwaan-geliyey xarunta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaran, kadib markii uu gudbiyey warqadaha codsiga diiwaan-gelinta, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Xisbigan ayaa waxaa guddoomiye ku-meel gaar ah looga dhigay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, sida aan xogta ku helnay. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uusan qeyb ka ahayn xisbiga, islamarkaana aan xitaa lagu war-gelin diiwaan-gelintiisa. Mahdi Guuleed ayaa kulankii Tubta Siyaasaddda ee shalay ka dhacay xafiiska Kheyre kaga dhowaaqay diiwaan-gelinta xisbiga, waxayna ahayd markaas un markii uu ra’iisul wasaaraha ka war-helay. “Markii Mahdi Guuleed uu arrintan shaaca uga qaaday kulanka Tubta Siyaasadda, waxay lama filaan ku noqotay ra’iisul wasaaraha iyo wasiiro badan, waxay ahayd arrin aan horey loo sii ogeyn,” waxaa sidaas Caasimada Online u sheegay wasiiro kulanka fadhiyey, waxaana xaqiijiyey xafiiska Kheyre. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in madaxweyne Farmaajo uu amray Mahdi Guuleed diiwaan-gelinta xisbiga, ayada oo Kheyre aan lagala tashin, Mahdi Guuleed-na uu fuliyey amarka madaxweynaha. Mahdi iyo Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inay aad isugu dhow yihiin. Xisbiga aan illaa hadda la ahayn wax xubno ah, waxaana la sheegay in xitaa ajendihiisa siyaasadeed aan la qoin. Kheyre ayaa toddobaadkii tegay qaaday tallaabo lama filaan isaga oo sheegay inay qasab tahay in dalka ay doorasho uga dhacdo waqtigii loogu talo-galay, taasi oo madaxweynaha uu diidan yahay, waxaana soo baxaya inuu jiro khilaaf labada dhinac ah. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa muddo lagu xamanayey inuu doonayo inuu isu sharxo madaxweyne, inkasta oo wararkaas ay qaboobeen bilihii dhowaa, una eg tahay inuusan sidaas sameyn doonin. Diiwaan-gelinta xisbiga cusub ayaa imaneysa ayada oo toddobaadyadii dhowaa xukuumadda lagu eedeynayey in sababta aysan weli xisbi u sameysan ay tahay, inay dooneyso muddo kororsi iyo inaysan doorasho dalka ka qaban.
-
Wasiirkii Labaad ee ka tirsan Xukumada Somaliland Oo Shaaciyay In Laga Helay Cudurka Halista Ah Ee COVID 19 Wasiirka isgaadhsiinta iyo Teknolojiyadda JSL Cabdiwali sheekh Cabdillaahi Suufi ayaa shaaciyay in laga helay cudurka halista ah ee COVID 19.Wasiir Cabdiwali ayaa noqonayaa wasiirkii labaad ee Somaliland shaaciya in laga helay Covid 19. Nuxurka Qoraal wasiirku soo saaray ayaa u dhignaa sidatan:- “Aniga oo ka duulaya mas’uuliyadda iga saaran badqabka iyo caafimaadka qoyskeyga iyo ka bulshada aan xila u hayo waxa aan si iskay ah (Personal) isaga baadhay Caabuqa COVID-19, kadib markii aan iska shakiyay, baadhitaankaa oo natiijadiisu noqotay ‘Positive’. Ujeeddada ugu weyn ee aan isku baadhay waa in aan qayb ka noqdo dadaalka lagaga hortagayo Covid-19 islamarkaana lagu xakamaynayo faafida xanuunkani ku faafayo bulshada dhexdeeda siiba dadka u nugul oo ay ka mid yihiin dadka waaweyn iyo dadka qaba xanuunada lala noolaado oo uu Covid-19 khatar ku yahay. Markii aan ogaaday natiihada waxa aan islamarkiiba baadhitaan aan ku sameeyey xubnihii qoyskeyga iyo shaqaalaha Wasaaradda oo jawaabta aanu sugayno. Imika caafimaadkaygu aad ayuu u fiican yahay, shaqadii aan qaranka u hayayna guriga ayaan ka soo shaqeeya, iyada oo aan qayb guriga ka mid ah isku Karantiimay muddo 14 maalmood ah sida dhakhaatiirtu igula taliyeen. Dhammaan bulshada, gaar ahaan madaxda iyo dadka magaca leh waxa aan u soo jeedinayaa in ay iska baadhaan Covid-19 si ay nafahooda iyo kuwa dadka ay jecel yihiin u badbaadiyaan, bulshadana tusaale ugu noqdaan. Ugu dambayn, waxan mahadnaq balaadhan u jeedinayaa hawlwadeenada caafimaadka JSL oo heegan ugu jira samato bixinta dhamaan bulshada Somaliland. Guryaha jooga Kala fogaada Gacmaha maydha Taxadirku waa muhiim” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha, waxgaradka, aqoonyahannada, haweenka iyo dhallinyarada Beesha Jidle Gugundhabe, ayaa qoraal ay soo saareen uga digay go’aan ay sheegeen inuu kaligiis ku yahay shakhsiga hadda ku matala beesha Golaha Shacabka Xil: Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuux) oo isku dayaya in deegaan-doorashada kursiga u wareegsado Koonfur Galbeed. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran KU: Guddiga Diyaarinta Xeerarka Dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka =Muqdisho= KU: Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS =Muqdisho= KU: Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS =Muqdisho= OG: Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka =Muqdisho= OG: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle =Jowhar= OG: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabellle =Jowhar= OG: Ra’sulwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya =Muqdisho= OG: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalya =Muqdisho= Ujeeddo: Warqad Cabasho Odayaasha, waxgaradka, aqoonyahannada, haweenka iyo dhallinyarada Beesha Jidle Gugundhabe oo uu ugu horreeyo ugaaska Beesha Jidle, Ugaas Cabdinaasir Ugaas Nuurre Ugaas Cusmaan, oo maalmahan kulamo isdaba-joog ah lahaa ayaa waxay ka digayaan go’aan uu kaligiis ku yahay shakhsiga hadda ku matala beesha Golaha Shacabka Xil: Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuux) oo isku dayaya in deegaan-doorashada kursiga u wareegsado meel uu filayo inuu kaga shuban karo codadka doorashada 2020/21. Xildhibaan Nuux oo haatan ku fadhiya kursi dhiig leh wuxuu doonayaa inuu soo celiyo taariikh la mid ah tii uu 2016-dii ka geystay magaalada Jowhar, isagoo isticmaalaya awoodda Xukuumaddii markaas jirtay oo ku taageertay boobka, ugu dambeyntiina kursigiisa ugu soo wareejisay magaalada Muqdisho. Haddaba, Odayaasha, waxgaradka, aqoonyahannada, haweenka iyo dhallinyarada oo uu horkacayo Ugaaska Beesha waxay ugu baaqayaan xafiisyada ay warqaddan ku socoto iyo kuwa ogeysiinta leh: In deegaan doorashada kursiga Beesha uu yahay magaalada Beled Weyne ee caasimadda Gobolka Hiiraan, Dawlad-goboleedka HirShabelle, halkaas oo ah deegaanka ugu ballaaran ee beeshu degto, laguna duubo, laguna aasoay ugaaasyada beesha. Beeshu waxay xubin ku lahayd Golihii deegaanka B/weyne wixii ka horreeyay 1991-kii. Waxaan si qadarin iyo xushmad leh ugu wargelineynaa dhammaan xafiisyada in beesha xaqeeda aan qof shakhsi ah oo wata dano gaar ah aanan loogu afduubi karin. Beeshu waxay ka digeysaa in tallaabo kasta oo kursigaas loogu wareejiyo meel aan hoggaanka dhaqanka beesha lagala tashan inay horseedi doonto boob dhiig ku daato oo la mid ah tii dhacday 2016-kii, taasina ay mas’uuliyaddeeda qaadi doonaan xafiisyada iyo mas’uuliyiinta arrintaas ku lug yeesha. Ugaas C/naasir Ugaas Nuurre Ugaaska Beesha, xubinna ka ah 135ka saxiixe
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta lagu heshiisiiyay madaxtooyada maamulkaas ee Garowe ka dib kulan saacado qaatay oo halkaasi ka dhacay. Kulanka lagu heshiisiiyay madaxda ugu sareysa Puntland ayaa waxaa soo qaban qaabiyay isimada maamulkaasi waxaana sidoo kale qeyb ka ahaa guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawil waxaana kulanka ka dib qoraal ka soo baxay madaxtooyada maamulkaas lagu sheegay in la dhameeyay khilaafaadkii madaxda Puntland u dhaxeeyay. Horey waxaa u jirtay in khilaaf xooggan uu soo kala dhex galay madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash kadib markii la isku qabtay arrimo la xiriira maamulka madaxtooyada waxaana khilaafka labadaasi masuul uu gaaray heer warbaahinta hadallo xanaf leh la isku mariyo. Halkan ka akhriso qoraalka madaxtooyada Puntland Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame iyo xubno ka mid ah hoggaanka dhaqanka Puntland. Kulanka ayaa looga hadlay kawada shaqeynta midnimada, amniga iyo horumarka Puntland waxaana lagu guuleystay in meesha laga saaro kala aragti duwanaan dhinaca maamulka iyo shaqada ah oo u dhexeysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka. Dowladdu waxay Bulshada Puntland ugu baaqaysa inay ka shaqeeyaan dowladdnimada, meel ugasoo wadajeestaan cadowga, iskana ilaaliyaan waxkasta oo khalkhalgelinaya nidaamka , amniga iyo jiritaanka Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Majority Leader in the National Assembly Aden Duale on Tuesday survived the purge being undertaken by President Uhuru Kenyatta in the ongoing Jubilee party leadership changes. Source: Hiiraan Online
-
Riyadh (Caasimada Online) – Nin u ololeeya arrimaha Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday warbixin ku saabsan gole ay sameynayaan mucaaradka Sacuudiga iyo dibad jooga siyaasadeed oo ay ku jiraan saddax xubnood oo ka tirsan qoyska boqortooyadda, si awoodda looga xayuubiyo dhaxal suge Maxamed bin Salmaan. “Golaha isku xirka mucaaradka Sacuudiga waxaa uu ka koobanyahay 18 xubnood, oo ay ku jiraan saddax amiir. Goluhu kuma uusan baaqin mudaaharaad ama amar diido shacbi ah iyo halgan hubeysan midna. Keliya waxaa uu ku xadidan yahay in lala xiriiro hogaamiyeyaasha dunida iyo guddiyadda caalamiga ah,” ayuu Abdul Rahman al-Suhaimi u sheegay Aljazeera. Suhaimi waxaa uu intaas ku daray in baarlamaanada dalalka muslimka ah, dalalka gacanka Persia, xubnaha congress-ka Maraykanka iyo baarlamaanka Europe in arrinta la gaarsiiyay. Waxaa uu intaas raaciyay in goluhu uu taageerayo in Ahmed bin Abdulaziz Al Saud uu awoodda la wareego islamarkaana uu noqdo dhaxal sugaha isagoo hiigsanaya hadaf ah in Sacuudigu uu noqdo boqortooyo dastuuri ah oo baarlamaankeeda laso doorto. “Waxaan boqor Salmaan ugu baaqeynaa in uu wiilka booska ka saaro, uuna u magacaabo amiir Axmed bin Abdulcaziiz. 17 waddan oo muslim ah ayaa arrintaan taageeray, laakiin Boqor Salmaan ayaan ka sugeynaa in uu soo saaro,” ayuu yiri Suhaimi. Warkaani waxaa uu imaanayaa iyadoo ay xiran yihiin xubno badan oo ka tirsan qoyska boqortooyadda, saaxiibadoodna waxay ololeeyeyaal saameyn leh ka shaqaaleysiiyeen Maraykanka si ay xiriirkooda Madaxweyne Trump ugu riixaan in la dhameeyo “Dacwad-oogista siyaasadeed” ee uu wado Maxamed bin Salmaan, xilli uu ku mashquulsan yahay la tacaalidda mashaakilka dhaqaale ee Coronavirus. Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay The New York Times, dad u dhow muwaadiniinta Sacuudiga ee siyaasadda u xiran ayaa la xiriiray qareeno jooga Washington waxayna billaabeen olole iyo dadaal la doonayo in lagu dhameeyo cadaadiska siyaasadeed ee uu wado 34 jirka maamula boqortooyadda Sacuudiga. Waxay rajeynayaan in ololahoodu uu keeno xaalad loo riyaaqo oo wax ka beddeshay xaaladda xuquuqda aadana Sacuudiga iyo xitaa in ay tallaabo qaadaan maxkamadaha caalamiga ah si loo sii daayo dadka xiran. Horaantii sanadkaan Maxamed bin Salmaan waxaa uu billaabay olole cusub oo uu ku xiray xubno boqortooyadda ka tirsan kuwaas oo uu ku eedeeyay isku day afgambi oo ay xilka uga tuurayaan aabihiis.
-
Masuul sare oo Somali-Kenyana , Madaxweynaha Kenyana Saaxiib dhaw la ah oo ka badbaaday mooshin xilka qaadis oo lala maaganaa Aadan Barre Ducaale Hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa maanta ka badbaaday qorshe la doonayay in xilka looga qaado kaddib markii isbeheysiga haya talada ee Kenya uu isbaddallo ku sameeyay xubnaha ka tirsan ee jagooyinka kala duwan ka haya laba aqal ee baarlamaanka iyo sanetka. Ducaale oo la hadlayay BBC-da ayaa u sheegay in sababta uu uga badbaaday xil ka qaadista ay tahay in xubnaha ka tirsan xisbiga ay kalsooni ku qabaan shaqada uu ka hayo baarlamaanka. “Badbaadada Ilaahey ayaa iska leh….kalsoonida golaha baarlamaanka oo maanta madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ay joogeen dhib ayay kalsooni ii siiyeen… shaqadii aan ka qabtay xisbiga sida in aan baarlamaanka ku hoggaamiyay, arrimihii dowladda oo aan sidii la rabay uga soo baxay anigoo weliba kalsooni ka heysta xitaa dhinaca mucaaradka,” ayuu yiri xildhibaan. Wuxuu sheegay in kursiga uusan kusii fadhin doonin isla markaana uu banneen doono marka uu soo afjarmo waqtigiisa. Ducaale waxaa korsiga hoggaanka Aqlabiyadda Baarlamaanka loo dhiibay ka dib doorashadii 2013-kii, waxaana mar kale loo kordhiyay ka dib doorashadii 2017-kii. “Toddobo sanno ayaan kursigan hayay. InshaaAllah kuma fadhin dooni marka uu waqtiga dhammaado waan ka degayaan, waxaana ku wareejinayaan qofka kale, waa xafiis dastuuri ah oo dhisan oo nadaamsan”. Ducaale ayaa meesha ka saaray in kala qeybsanaan uu soo kala dhexgalay xisbiga haya talada ee Jubilee kaas oo dhowaanahanba isbaddallo ku dhawaaqayay taas oo saameyn ku yeelatay dad magac ku lahaa siyaasadda. Ducaale wuxuu ka mid ahaa 212 xildhibaan oo ka qeybgalay kullan uu Uhuru Kenyatta u qabtay xildhibaannada xisbigiisa ka tirsan. Qaar ka mid ah siyaasiyiintii xilalka sare hayay ee kullankaas aan tagin ayaa shaqada laga tuuray. Waxaa uu sidoo kale sheegay in doorashada soo socota marka la gaaro ay shaaca ka qaadi doonaan tallaabada xigta balse haatan ay ku howlan yihiin fullinta ballanqaadkii ay sameeyeen. Aadan ducaale oo ka hadlay sida uu xil ka qaadista uga badbaaday Haddaba Ducaale, maka badbaadi karaa isbaddallo kale oo lagu sameeyo xisbiga, wuxuu ku jawaabay: “Labo sanno ayaa soo hartay inta uu baarlamaanka dhammaanayo, labadaas sanno waxaan ku shaqeynayaa si daacad ah oo caddaalad ah, aniga oo waddankeyga ku shaqeynayo, fiirinayana danta guud ee waddanka, ayaan filayo in aan sii shaqeeyo labada sanno ee soo hartay”. Ducaale oo sidoo kale ah xildhibaanka degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay shakhsiga saddexaad ee ugu awoodda badan dowladda Kenya, marka laga soo tago madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. Qaran News
-
(SLT-Garoowe)-Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in kulan xasaasi ah oo ka dhacay lagu xaliyay khilaafkii ka dhaxeeyay madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa. Ismada dhaqanka iyo Gudoomiyaha barlamaanka Puntland ayaa ku guulaystay in soo gabagabeeyaan khilaafkii Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karash Munaasabad ka dhacay xarunta madaxtoyada ayaa gacanta laysugu saaray Masuuliyiinta ugu saaraysa Puntland oo galabta balan qaaday in aanu soo laaban doonin khilaaf ku soo noq noqday dhegaha shacabka Puntland. Heshiiskaan ayaa ka kooban dhowr qodob waxaana khilaafkaan uu soo jiitamayay in muddo ah iyada oo ugu dambeyntii xal laga gaadhay. Source
-
Bristol's only Somali foster family call for others to help
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The only Somali foster carers in Bristol have called for others from the same background to join them. Source: Hiiraan Online -
Policymakers in the United States have a bifurcated approach toward Egypt. On the one hand, human rights abuse under President Abdel Fattah el Sisi upset scholars, Congress, and even privately some diplomats. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Dowladda PuntlandSiciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame iyo xubno ka mid ah hoggaanka dhaqanka Puntland. Kulanka ayaa looga hadlay kawada shaqeynta midnimada, amniga iyo horumarka Puntland waxaana lagu guuleystay in meesha laga saaro kala aragti duwanaan dhinaca maamulka iyo shaqada ah oo u dhexeysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka. Dowladdu waxay Bulshada Puntland ugu baaqaysa inay ka shaqeeyaan dowladdnimada, meel ugasoo wadajeestaan cadowga, iskana ilaaliyaan waxkasta oo khalkhalgelinaya nidaamka , amniga iyo jiritaanka Puntland. PUNTLAND POST The post Khilaafkii Deni iyo Karaash oo si rasmiya oo loo xalliyay appeared first on Puntland Post.
-
La taliyaha maamulka isboortiga Gobolka Banaadir Cabdiqaadir Xaaji (Dacar) ayaa sheegay in bulshada kubbadda cagta ay doonayaan in ay is badal sameeyeen mas’uuliyeenta Xiriirka Kubbadda Cagta. “Xiriirka kubbadda cagta waa ha’yadda weyn kama jiran wax hormar balaraan marka laga reebo tartamada gudaha lagu qabto mana jiraan wax horomarin,iyadoo caalamka Soomaaliya uu sanad walib ku taageero dhaqaaqo badan si kor loogu qaado kubbadda cagta Soomaaliya” ayuu la taliyaha ciyaaraha Gobolka Cabdiqaadir Xaaji Dacar u sheegay Goobjoog Sports Tan iyo 2014 Xiriirka Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya waxaa maamuliyay Cabdiqani Saciid Carab iyo ku xigeenadiisa,waxaana sanadihii lasoo dhaafay lagu dhaliilay wax qabad la’aan iyo dayaacad fara badan oo ka jirta waaxyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya. “Xiriirka malahan shaqsiyaad gaar ah wuxuu u dhaxeeyaa Soomaali oo dhan nimanka iminka maamula ma ogala in ay dhagaystaan bahda kubadda cagta talooyinkooda,waxayna taasi caqbad ku tahay geedi socodka iyo horomarka kubbadda cagta” ayuu hadalkiisa raaciyay la taliyaha maamulka ciyaaraha Gobolka Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji Dacar. Dad badan ay ku qanacsaneen hanaanka maamulka Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya waxaan lagu eedayaa in waqtiga ugu badan mas’uuliyeenta hogaamisa ay ku lumiyaan is qab qabsi joogta ah iyo arimo kale oo ka baxsan wixii loo igmaday. “Hadii si sax uu u shaqeyn lahaa Xiriirka Kubbadda cagta waxaa la arki lahaa guulo waaweyn oo muuqda bulshadeena,balse inta ugu badan madaxda Xiriirka waqtikooda ugu badan waxaa hareeyay is qab qabsi joogta ah iyo arimo kale aan habooneyn” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Cabdiqaadir Dacar. Wuxuu sheegay in Dalka iyo dibada ay joogaan dad aqoon yahano ah oo kaalin wanaagsan ka qaadan kara mustaqbalka dhaw horomarinta Xiriirka Kubbadda cagta Soomaaliya,balse aysan haysan fursado ku haboon oo ay ku soo bandhigi karaa aragtidaada iyo qorshahooda ku aada horomarka. “Waxaan u baahahay in fursad la siiyo dhallinyarada aqoonta wanaagsan ee ka soo bixi karta hogaaminta hanaanka shaqo ee Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya,balse hadafkayga waa in aan waqtiga dhaw aragnaa in uu dhaca is badal” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Cabdiqaadir Dacar. Si kastaba bisha 2022 ayaa ku eg yahay mudada xileynta guddoomiye Cabdiqani Saciid iyo mas’uuliyeenta kale ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya,iyadoo bahda kubadda cagta ay ku haminayaan in ay arkaa is badal ka dhaca Xiriirka. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in maamulkiisa uu dadaal badan ku bixin doono sidii maleeshiyaadka tira badan looga qaadi lahaa hubka. Qoor-Qoor ayaa sheegay inay doonayaan in ay mideeyaan awoodda Galmudug, islamarkaana maleeshiyaad beeleedyadda ku biirin doonaan ciidanka maamulkasi. “Galmudug maanta waxaan ka xareyneynaa hubka gacmaha Gooni goonida ah ku jira oo aan awooda Mideyneyno , awoodaasi iyo Hubkaasi waxaan ku dhalin doona Nabadeynta degaanada ka Galmudug iyo ka hortagga dagaal beeleedyada”ayuu yiri Qoor-Qoor. Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in qorshahaan hub ka dhigista uu sii soconayo,si Galmudug nabadeedu u xoogeysato. Wasiirka amniga Galmudug ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu wareejiyay maleeshiyaad iyo hubkii ay wateen, isagoo sheegay in kuwa kalana sidaas oo kale loogu wareejin doono. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka isgaadhsiinta iyo Teknolojiyadda JSL Cabdiwali sheekh Cabdillaahi Suufi ayaa shaaciyay in laga helay cudurka halista ah ee COVID 19. Wasiir Cabdiwali ayaa noqonayaa wasiirkii labaad ee Somaliland shaaciya in laga helay Covid 19. Qoraal uu soo saaray oo arrinta kaga hadlayo ayaa waxa uu ku yidhi sida tan: “Aniga oo ka duulaya mas’uuliyadda iga saaran badqabka iyo caafimaadka qoyskeyga iyo ka bulshada aan xila u hayo waxa aan si iskay ah (Personal) isaga baadhay Caabuqa COVID-19, kadib markii aan iska shakiyay, baadhitaankaa oo natiijadiisu noqotay ‘Positive’. Ujeeddada ugu weyn ee aan isku baadhay waa in aan qayb ka noqdo dadaalka lagaga hortagayo Covid-19 islamarkaana lagu xakamaynayo faafida xanuunkani ku faafayo bulshada dhexdeeda siiba dadka u nugul oo ay ka mid yihiin dadka waaweyn iyo dadka qaba xanuunada lala noolaado oo uu Covid-19 khatar ku yahay. Markii aan ogaaday natiihada waxa aan islamarkiiba baadhitaan aan ku sameeyey xubnihii qoyskeyga iyo shaqaalaha Wasaaradda oo jawaabta aanu sugayno. Imika caafimaadkaygu aad ayuu u fiican yahay, shaqadii aan qaranka u hayayna guriga ayaan ka soo shaqeeya, iyada oo aan qayb guriga ka mid ah isku Karantiimay muddo 14 maalmood ah sida dhakhaatiirtu igula taliyeen. Dhammaan bulshada, gaar ahaan madaxda iyo dadka magaca leh waxa aan u soo jeedinayaa in ay iska baadhaan Covid-19 si ay nafahooda iyo kuwa dadka ay jecel yihiin u badbaadiyaan, bulshadana tusaale ugu noqdaan. Ugu dambayn, waxan mahadnaq balaadhan u jeedinayaa hawlwadeenada caafimaadka JSL oo heegan ugu jira samato bixinta dhamaan bulshada Somaliland. Guryaha jooga Kala fogaada Gacmaha maydha Taxadirku waa muhiim” Source