Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The biggest union of Kenya's aviation workers plans to go on strike on Wednesday to protest against a proposed deal for India's Adani Group (ADEL.NS), opens new tab to lease the country's main airport for 30 years in exchange for expanding it, a union official said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  2. Rating agency Fitch recently warned that the rapid spread of the mpox virus in sub-Saharan Africa could add to the fiscal pressures many countries in the region are already experiencing. Source: Hiiraan Online
  3. James Rodriguez scored one goal and set up another as Colombia clinched a 2-1 home victory over Argentina in their World Cup qualifier here on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  4. Nairobi (AFP) – Djibouti said it has offered a port-sharing deal with Addis Ababa, a move aimed at easing tensions between Horn of Africa rivals Ethiopia and Somalia. Source: Hiiraan Online
  5. Philadelphia - CNN — Kamala Harris baited Donald Trump for nearly all of the 1 hour and 45 minutes of their first and potentially only debate on Tuesday night – and Trump took every bit of it. Source: Hiiraan Online
  6. Ciidamada badda Senegal ayaa sheegay in ay heleen meydadka 17 qof, kuwaas oo la socday doon ay saarnaayeen qaxooti iyo muhaajiriin oo ku degtay xeebaha dalkaas, waxayna xaqiijiyeen in tirada dhimashadu ay tahay 26 qof. Qoraal la soo dhigay barta X ee ciidamada badda Senegal ayaa lagu sheegay inay heleen 17 meydad ah ka dib markii sagaal qof oo doontu ay la degtay ay raqdooda horay u shaaciyeen, islamarkaana baadi-goob u galeen dadka la’yahay. Doonta ay dadkani saarnaayeen oo axadddii ku degtay xeebaha Senegal ayaa waxaa siisoo taraya khasaaraha dhimashada ee ka dhashay, ayadoo ciidamada badda dalkaasi ay saacado ka hor ku dhawaaqeen helidda meydad hor leh. Source: goobjoog.com
  7. MOGADISHU, Somalia - Somalia has initiated a major polio vaccination campaign aimed at immunizing over 4 million children under the age of five, according to the United Nations Children's Fund (UNICEF). Source: Hiiraan Online
  8. Philadelphia (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris oo Dimoqraadi ah, iyo Madaxweynihii hore Donald Trump oo Jamhuuri ah, ayaa habeenkii Talaadada yeeshay dood adag oo muhiim u ah ololaha doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 5-ta November. Labada musharax ayaan waligood kulmin ama xitaa taleefan kuma wada hadlin, laakiin waxay xalay isaga horyimaadeen ayaga oo masaafo yar isku jira Xarunta Dastuurka Qaranka ee Philadelphia. Trump iyo Harris ayaa isku weeraray arrimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, socdaalka, amniga, siyaasadda arrimaha dibedda iyo in haweenka ay iska soo ridi karaa ilmaha uurkooda ku jira iyo in kale. Trump ayaa ku eedeeyey maamulka madaxweyne Biden ee Harris ay madaxweyne ku-xigeenka ka tahay inuu sabab u yahay sicir-bararka ka jira dalka. “Sicir barar ma jirin xilligayga. wax sicir barar ah ma jirin. Sicir-bararkii ugu sarreeyay ayay keeneyn, malaha taariikhda waddankeenna, waayo weligay ma arag waqti ka xun. Dadku ma bixi karaan oo iibsan karaan cereal, ama hilib, ama ukun ama wax kale,” ayuu yiri Trump. Hase yeeshee Harris ayaa sheegtay in Trump uusan lahayn wax qorshe dhaqaale ah. “Donald Trump wax qorshe ah idin ma hayo. Marka aad eegto qorshihiisa dhaqaalena, waa canshuur dhaaf loo sameeyo maal-qabeenada oo kaliya,” ayey tiri. Marka ay noqoto in haweenka ay iska soo ridi karaa ilmaha uurkooda ku jira iyo in kale, Harris ayaa tiri “Qofna ma ahan in uu ka tago caqiidadiisa ama waxa uu aaminsan yahay si uu wax u ogolaado. Dowladda iyo Donald Trump waa in aysan haweeney u sheegin waxa ay jirkeeda ku sameyneyso.” Balse Trumo ayaa sheegay inuu taageersan yahay in arrintaas ay go’aan ka gaaran gobollada, oo aanay go’aamin dowladda federaalka. “Muddo 52 sano ah waxay isku dayayeen inay Roe V Wade u dhaafaan Gobolada, iyada oo loo marayo garaadka iyo awoodda lix garsoore oo Maxkamadda Sare ah, waanu awoodnay inaan taas samayno. Hadda waxaan aaminsanahay waxa ka reeban kufsiga, iyo nolosha hooyada. Waxaan awoodnay inaan gayno gobollada, wayna u codaynayaan, markuu ugu horraysay baad arkaysaa, waa arrin 52 sano dalkeenii kala qeybisay,” ayuu yiri. The post Dood kulul oo dhex-martay Trump iyo Kamala Harris appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Muumin Fiidow Rooble, ayaa dib dawladda Soomaaliya dib ugu celiyay shidaal uu 33 sano ka hor ka bililiqeystay magaalada Muqdisho. Muumin oo dhowr siddeetan jir ah haddana ku nool degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa toddobaadkan maamulka dawladda ee degmadaas ku wareejiyay 50 liitar oo shidaal ah oo uu ka qaatay xerada Afisyooni 1991-kii, isaga oo sheegay in uu culimada kala tashaday dib u celinta shidaalkaas. “Maalintaas waxaan qaatay 50 litir oo layga siistay 600 oo shilin Soomaali ah, iyada muggaas ay ila qummanayd inkasta oo ay xoolo xaaran ah ay ahaayeen,” ayuu Muumin u sheegay BBC-da. “Lacagtaas qaraabada iyo qoyska ayaa raashin u siiyey,” ayuu sii raaciyey. Muumin ayaa dhanka kale sheegay in maalintaa ay xaaladdu qasnayd ee dhinac walba bililiqadu ka socotay ay ahayd “wax aan la suuraysan karin.” “Waxa Alla wixii dawlad ama shacab lahaa waa la bililiqaystay maalintaas,” ayuu yidhi Muumin. Muumin ayaa iska guday xoolihii kaddib markii uu la tashaday culimada diinta, isaga oo meel la wada arko iskaga guday qaantaas. “Markii aan ogaaday in waxan danbi yahayna sharciga Islaamka ayaan u kuur galay oo aan ogaaday in waxani xoolo shacab yihiin oo ay tahay in la iska bixiyo, meel fagaare ah ayaanan ku dhiibay,” ayuu Muumin BBC-da u sheegay. Sida oo kale oday Muumin ayaa qaba in dadka kale ee la midka ahaa isaga ama si uun u dhacay xoolo umadeed ay iyaguna iska bixiyaan int aanay dhiman. “Waa xaqa bini’aadamka in la sika bixiyaa oo la iska reebaa, aakhrio markii la gaadho qof kasta waa la su’aalaa wixii uu qaaday,” ayuu sheegay Muumin Fiidow Rooble. Wakhtigaas waxaa gebi ahaanba meesha ka baxay nidaamkii iyo kala danbayntii iyada oo ay burburtay Dawladdii Dhexe, kaddib markii jabhado hubaysani ay ku baaheen cidhifyada iyo gudaha dalka, kuwaas oo ridey Dawladdii milateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre. Tacaddiyo gudeed iyo ku takrifal awoodeed oo muddo dheer ay kooxihii diiddanaa Dawladdii Miletariga ahayd tirsanayeen ayaana keentay xaaladdaas sida ay qabaan taariikhyahannadu. Wixii ka dambeeyay 26-kii January, 1991, Soomaaliya waxay lugaha la gashay colaado sokeeye iyo dagaallo kale oo sababay macluul iyo gaajo, qax, barakac iyo dhimashada dad badan. Shirar dib u heshiisiin oo is xigxigay oo ka dhacay meelo kala duwan ayaa Soomaaliya loo qabtay, inta badan ma ay midho dhalin. Ku dhawaad 20 sano kaddib burburkii qaranka, shirkii Carta ee Jabuuti ayaa lagu doortay madaxweyne ku meel gaar ahaa – waxaa loo doortay Cabdiqaasim Salaad Xasan. Waxaa dhidibbada loo aasay qeyb ka mid ah dowladnimada cusub ee Soomaaliya. Sannadkii 2004 ayaa dib u heshiishiin kale oo la xidhiidhay nidaamka federaalka ee maanta jira lagu soo unkay dalka deriska ah ee Kenya. Isha: BBC The post Nin soo celiyay shidaal uu dowladda Soomaaliya ka dhacay 1991-kii (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  10. Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya danjire Axmed Macalin Fiqi iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, ahna xarunta ururka Jaamacadda Carabta uga qeyb-galay shirka 162-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta ee heer wasiir. Kalfadhiga ayaa waxaa isugu yimid Wasiirada Arrimaha dibadda iyo wakiillo ka socday dalalka Carabta oo uu ka mid yahay mudane Axmed Abul kheyd oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, waxaana shirka diiradda lagu saaray arrimo oo ay ku jirto xaaladda falastiin. Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah, iyadoo la kaashanaysa dalalka Carabta si loo helo nabad iyo barwaaqo gobolka oo dhan ah. Source: goobjoog.com
  11. Xaaji Muuse Boqor wuu beeniyay in xiriirka SYL iyo Masar fududeynayo in shuuciyaddu ku fiddo Soomaaliya 1957kii. Muqdisho (Faallo) — Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed (Somali Youth League) oo midnimadii kaddib noqday xisbiga ka talinayay dalka 1960-1969, wuxuu leeyahay taariikh ay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee maanta wax ka baran karaan gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud iyo Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Sanadkii 1947kii Xaaji Maxamed Xuseen ayaa loo doortay inuu noqdi Madaxweynaha SYL. Wuxuu xilka hayay ilaa 1952, markaas oo uu u dhoofay Masar halkaas uu joogay dhowr sano. Sanadkii 1957kii ayaa mar kale loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha SYL. Somalia: The Untold History 1941-1969 waa buugga uu qoray Maxamed Ciise (Trunji). Dalalka reer Galbeedku waxay aad uga walaacsanaayeen in Xaaji Maxamed Xuseen ku soo kordhin doono xisbiga siyaasad Galbeed-neceyb ah. Mr Lynch oo ahaa Qunsulkii Guud ee Maraykanka u fadhiyay Muqdisho ayaa 1957kii la kulmay Xaaji Muuse Boqor, oo ahaa Wasiirka Arrimmaha Gudaha ee Dowladdii Gobanimogaarsiinta (Daakhiliya). Mr Lynch wuxuu u sheegay Muuse Boqor inuu jiro welwel in awoodda cusub uu helay Xaaji Maxamed Xuseen ay sababi karto in xubnaha taageersan Masar ay ka awood-bataan xubnaha xisbiga SYL taageersan siyaasadda Galbeedka. “Wasiirku ma qabin walaac la mid ah uu [dibloomsaasiga] Maraykanku qabay” oo wuxuu Muuse Boqor sheegay “in Shuuciyad aysan halis ku ahayn Soomaaliya. Wuxuu qabay in qoraallada noocaas ah si degdeg ah loo keeno dadka ay siinayaan Soomaalida fursad ay ku ogaadaan waxyaabaha ay dadka aan Gaalbeedka ahayn ku dhaataan. Wuxuu intaa ku daray ‘suurtaggalnimada in Itoobiya weerar garddaro ku soo qaaddo Soomaaliya iyo taageerada militari uu Maraykanku siiyo Itoobiya ay abuureen shaki ku saabsan kaalinta Maraykanka ee Geeska Afrika’” ayuu Maxamed Ciise (Trunji) ku qoray buugga Somalia: The Untold History 1941-1969. Sida Ururkii SYL U Maareeyay Kala-jabkii Xisbiga Sanadkii 1958kii ayuu Xaaji Maxamed Xuseen asaasay ururkii Greater Somalia League (oo loo yiqiin Gareedka). Waxaa jirta in Muuse Boqor iyo Ra’iisal Wasaare Cabdullaahi Ciise Maxamuud ay mar wadashaqayntoodu xumaatay. Dad la siyaasad ahaa Muuse Boqor ayaa ku biiray ururkii Gareedka, inkastoo tabashooyinka xubnaha cusub ay kala duwanaayeen. Odayaal ay ka mid ahaayeen Xaaji Diiriye Xirsi, Salaad Cabdi Maxamed, Aadan Shire Jaamac (Aadan Low), Xaaji Jaamac Maxamuud, Xaaji Cabdullaahi Shirwa, Xaaji Yuusuf Xaaji Cali, Cismaan Xaaji Xuseen, Cali Xirsi Faarax, Ibraahim Cismaan Ibraahim iyo Sugulle Xaabsey ayaa saxiixay baaq ay kaga hortagayeen in ururka SYL hab beeleed loo kala jebiyo. Siyaasaddii Ra’iisal Wasaare Cabdullaahi Ciise Maxamuud waxay ka dhowrtay SYL inuu aad u sii kala jajabo. “Waqtigan adag oo dadkeennu marayo, annagoo ku hadlayna magaca dalka, magaca dadka, magaca waxa muqaddaska oo na mideeya, magaca fikradahan, waxaannu idinka baryaynaa inaydan noqonin sababta kala qeybinta dadka mideysan ee Soomaaliya idinkoo abuuraya xisbiyo kale, idinkoo samaynaya ururro ku salaysan qabiil. Walaalayaal, waxaannu idinkaga digaynaa inaad ku biirtaan xisbiga cusub ee Greater Somalia League, oo tilmaan qabiil yeeshay, oo hadda loo yaqaanno xisbiga Daarood. Walaalayaal, haddii aannu arrimmaha dhinac qabiil ka eegno, waxaa soo baxasysa inaannu ka helnay dowladdan saamiga ugu weyn. Dhinaca dhaqaalaha haddii la eego, Daarood waa qabiilka keliya gacanta ku haya dhaqaalaha dalka. Run ahaantii, waxaannu is weydiin karnaa, lixda gobol ee Soomaaliya, gobolladee aan ahayn Mudug iyo Majeerteenya ayaa dhaqaale ahaan si fiican u faa’iiday kaddib markii xiriir ganacsiga la leeyahay Cadan la furay? Walaalayaal, waxaannu idinka baryaynaa inaad maskaxda ku haysaan, haddii qof Darood u dhashay uu ahaan lahaa Ra’iisal Wasaaraha ama Guddoomiyaha Baarlamaanka, ma qaban lahayn wax ka wanaagsan inta ay qabatay dowladda hadda jirta.” Xaaji Maxamed Xuseen wuxuu dhowr jeer noqday Madaxweynaha ururkii SYL ka hor intuusan asaasin xisbigii Greater Somalia League. 66 sano kaddib markii odayaashu baaqa soo jeediyeen waxaa siyaasaada Soomaaliya aad iskugu maandhaafsan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. 1957kii Xaaji Muuse Boqor wuxuu ka digay waxa Itoobiya damacsanayd si ay uga hortagto in Soomaaliya noqoto dal madaxbannaan. Itoobiya waxay ku tilmaami jirtay xiriirka Soomaaliya iyo Masar u dhexeeya mid lid ku ah danaha Galbeedka. Abiy Ahmed, wuu isku dayay inuu waddadaas maro laakiin wuu ku guuldarraystay oo 7 Sebteemabr 2024 dowladda Maraykanku waxay soo saartay Amar Fulineed (Executive Order) ay ku xustay in xaaladda ka taagan Waqooyiga Itoobiya ay halis ku tahay Geeska Afrika iyo danaha Maraykanka. Taariikhdu way xusi doontaa qof difaaca qaranka Soomaaliya oo meel adag ka istaaga. © Puntland Post, 2024. The post Xaaji Muuse Boqor Wuu Ka Digay Gardarrada Itoobiya 1957kii appeared first on Puntland Post.
  12. Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris oo Dimoqraadi ah, iyo Madaxweynihii hore Donald Trump oo Jamhuuri ah, ayaa habeenkii xalay yeeshay dood adag oo muhiim u ah ololaha doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 5-ta November. Labada musharax ayaan waligood kulmin ama xitaa taleefan kuma wada hadlin, laakiin waxay xalay isaga horyimaadeen ayaga oo masaafo yar isku jira Xarunta Dastuurka Qaranka ee Philadelphia. Trump iyo Harris ayaa isku weeraray arrimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, socdaalka, amniga, siyaasadda arrimaha dibedda iyo in haweenka ay iska soo ridi karaa ilmaha uurkooda ku jira iyo in kale. Trump ayaa ku eedeeyey maamulka madaxweyne Biden ee Harris ay madaxweyne ku-xigeenka ka tahay inuu sabab u yahay sicir-bararka ka jira dalka. “Sicir barar ma jirin xilligayga. wax sicir barar ah ma jirin. Sicir-bararkii ugu sarreeyay ayay keeneyn, malaha taariikhda waddankeenna, waayo weligay ma arag waqti ka xun. Dadku ma bixi karaan oo iibsan karaan cereal, ama hilib, ama ukun ama wax kale,” ayuu yiri Trump. PUNTLAND POST The post Donald Trump iyo Kamala Harris oo xalay yeeshay dood kulul appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa u yeertay Macalimiinta goobaha waxbarashada ee iskuullada iyo jaamacadaha, waxaana xaalad halis ah ku jirta macalimiintii u hoggaansan tahay amarka kooxda Al-Shabaab. Xaaladaan waxay taagan tahay muddo todobaad ah, macalimiin badan ayaa kooxda ugu tagtay tuulada Tawakal ee gobolka Shabeellada Hoose, kuwaas oo u hoggaansamay amarkii Al-Shabaab. Macalimiinta qaar waxaa u suurta gashay inay dib ugu soo laabtaan Muqdisho, markii ay soo kala dhamaadeen Al-Shabaab, balse kuwo kale ayaa weli ku xayiran gobolka Shabeellada Hoose deegaano ka tirsan oo Shabaab heystaan. Kooxda ayaa ku qasabtay macalimiinta ay tagaan dhulka ay sida dhuumaaleysiga ah ku joogaan, intii qaadatay amarkooda waxaa ogaatay dowladda Soomaaliya, taasi oo keentay inay Muqdisho ku soo laaba waayaan Markii laga reebo tiro kooban oo macalimiintaas uga soo laabatay Muqdisho, hadana Caasimada Online waxay ogaatay intooda badan inay ku xayiran yihiin dhulka howdka ah ee Tuulada Tawakal oo ka tirsan gobolla Sh/Hoose. Hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa ka warhelay qorshaha macalimiintaasi ay u baxeen, waxaana ku adkaatay inay Muqdisho ku soo laabtaan, maadaama dembiga ay galeen ay ku muteysanayaan xabsi iyo maxkamadeyn. Macalimiinta ayaa halis ugu jirta in lala beegsado duqeymaha ay fuliyaan ciidamada xoogga iyo la howlgalayaashooda caalamka, waxayna Al-Shabaab ku hayaan dhulka howdka ah, iyadoo habeenba meel la geeyo, sida ilo xog ogaal ah ay Caasimada Online u xaqiijiyeen. Ma heystaan taleefano ay kula hadlaan qoysaskooda, maadaama kooxda Al-Shabaab aysan ogoleyn oo taleefanadii ay ka uruurisay, inta badan xogta macalimiintaas waxaa soo dusiyey xubno kamid ah macalimiintii kasoo laabatay Al-Shabaab, kuwaas oo deg deg uga soo laabtay deegaanadii looga yeeray. Kooxda Al-Shabaab ayaa cagajugleyn iyo beegsi culus ku heysa macalimiinta, ganacsatada iyo dad badan oo shacab ah oo dhaqaale ay ku tuhmayaan, horay sidaan oo kale waxay ugu yeereen iimaamyada qaar ka mid ah Masaajidda Muqdisho, kuwaas oo ugu tegay kooxda deegaanada ay joogaan, cashirana ka soo qaatay Al-Shabaab. The post Xog: Macalimiintii Muqdisho oo Shabaab aaday khatarna ugu jirta duqeyn iyo DF oo ogaatay appeared first on Caasimada Online.
  14. Mogadishu (HOL) — A Somali elder in his late seventies returned 50 litres of fuel that he had looted from the Somali government during the 1991 collapse of the central authority. Mumin Fidow Rooble, now residing in the Mahas district of the Hiiraan region, handed the fuel over to local authorities this week, saying he sought religious counsel before deciding to return the stolen property. Source: Hiiraan Online
  15. Somalia's Minister of Defence Abdulkadir Mohamed Noor has cautioned the president of the South West state, Abdiaziz Laftagareen over support for the deployment of Ethiopian troops into the country. Source: Hiiraan Online
  16. The Leadership of Muse Behi: A Case of Narcissistic Traits In recent years, President Muse Behi of Somaliland has garnered attention not just for his political actions but also for his behavior, which some observers suggest may indicate symptoms of Narcissistic Personality Disorder (NPD). This article aims to explore these characteristics and their implications for his leadership and the wellbeing of the Somaliland population. The Campaign Trail: A Disconnection from Reality During campaign tours across various regions in Somaliland, President Behi often presents a vigorous image, highlighting his health and vitality. However, this display stands in stark contrast to the reality facing many Somalilanders. Thousands are suffering from untreated illnesses, with many unable to afford basic hospital care. This stark juxtaposition raises significant concerns about his capacity for empathy and awareness of the hardships his people face. This disconnect is also reflected in Behi’s public statements, where he portrays a booming nation with economic growth and stability while failing to acknowledge the underlying systemic issues—poverty, unemployment, and limited access to essential services. His focus on self-promotion, rather than addressing the critical needs of the population, adds to suspicions that his leadership is not grounded in reality but is instead driven by personal aggrandizement. Neglecting Public Health Somaliland’s healthcare system remains severely underfunded, and citizens often have to seek medical treatment abroad in Ethiopia, Turkey, or India. President Behi’s administration has done little to address these glaring inadequacies, despite frequent reports of preventable deaths due to lack of healthcare access. In contrast, Behi’s public display of his own health and vitality—such as jogging or attending public events—has created an image of a leader far removed from the people’s suffering. Such neglect reveals not only a lack of concern for public health but also a potential symptom of Narcissistic Personality Disorder: a disregard for others’ wellbeing unless it directly serves to boost one’s own image. The indifference toward healthcare investments in Somaliland is consistent with this trait, suggesting that Behi’s leadership style may prioritize personal or political gain over addressing critical issues. Dancing Amidst Crisis: A Misplaced Prioritization Another worrying aspect of President Behi’s behavior is his engagement in celebratory activities, such as dancing traditional Dhaanto and Saylici, even amid significant national crises. During the ongoing LaasAnod conflict, for example, where hundreds of soldiers were captured, Behi was seen participating in joyful festivities. This behavior reflects a profound lack of sensitivity to the gravity of the situation and raises questions about his judgment as a leader. This lack of prioritization of human lives during a war, while engaging in self-serving celebrations, could be interpreted as evidence of Behi’s inflated sense of self-worth and need for attention. These behaviors have not only undermined public trust but also raised ethical questions regarding his ability to lead during a crisis. Key Characteristics of Concern The characteristics exhibited by President Behi align with several key traits of Narcissistic Personality Disorder, which has a profound impact on leadership styles and governance. Below are some of the main concerns: ● Lack of Empathy: Behi’s celebration of personal achievements amidst public health crises reflects a troubling lack of empathy for the struggles faced by his citizens. His focus on personal image often overshadows the urgent needs of the populace, as seen during crises when his public appearances prioritize personal joy over collective suffering. ● Exploitative Behavior: Behi has been accused of exploiting his position to benefit himself and his close associates financially. Reports of corruption and self-enrichment have surfaced during his tenure, eroding public trust in his leadership. This tendency towards exploitation reflects the NPD trait of using others to achieve personal gain. ● Attention-Seeking Behavior: President Behi frequently engages in high-profile public performances and celebrations, often centering himself in the national discourse. His need for admiration may come at the expense of addressing the critical issues facing his administration, such as widespread poverty, health care, and education. ● Grandiosity and Self-Importance: Behi has positioned himself as an indispensable figure in Somaliland’s political landscape, often emphasizing that his leadership is crucial for the nation’s progress. This grandiosity may alienate potential allies and stifle necessary reforms, as loyalty becomes prioritized over competence in his administration. ● Intolerance of Criticism: Political opponents and critics of President Behi often face harsh reprisals, including public shaming, harassment, or even legal action. This intolerance towards dissent creates a climate of fear, where open dialogue and constructive criticism are stifled, potentially leading to a lack of innovation and policy stagnation. ● Manipulative Communication: Behi’s administration has been known to manipulate public perception, often exaggerating its accomplishments while downplaying or ignoring pressing social issues. His public messaging tends to glorify his leadership while failing to address the immediate needs of the population, particularly in areas like healthcare, poverty reduction, and social equity. The Future of Leadership in Somaliland As Somaliland approaches the presidential election on November 13, 2024, the question arises: should President Behi seek re-election? Observers suggest that if he genuinely reflects on his seven years in office, he may recognize the profound disconnect between his administration and the needs of the people. His administration has been marred by allegations of corruption, economic mismanagement, and indifference toward critical social issues. If Behi does decide to run for re-election, it will be crucial for voters to critically evaluate whether his leadership has truly benefited Somaliland or if his personal ambitions and narcissistic tendencies have impeded national progress. Somaliland’s young democracy requires accountable and empathetic leadership, particularly as the region faces challenges related to conflict, healthcare, and economic development. Conclusion The signs of Narcissistic Personality Disorder in President Muse Behi, combined with allegations of self-enrichment and a lack of concern for the public’s wellbeing, raise critical questions about leadership and accountability in Somaliland. His focus on personal image and health, while neglecting the needs of the people, suggests a troubling detachment from reality. As the nation prepares for the upcoming election, it is essential for voters to critically evaluate the leadership they desire and the future they envision for Somaliland. Abdi Halim M. Musa Public Relations Secretary of Waddani Party E-mail: halimusa4@gmail.com Hargeisa, Rep. Of Somaliland Qaran News
  17. Mogadishu (HOL) — Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre has strongly opposed Ethiopia's alleged attempts to claim Somalia's territorial waters or enforce a disputed agreement with Somaliland, stating that his government will not accept any such moves. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha Golaha Badbaado Bulsho Nabadoon Abaabul ayaa si adag uga jawaabay qorshaha madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu ugu hiilinayo dowladda Itoobiya, nabadoonka ayaa warbaahinta kula hadlay Muqdisho. Nabadoon Abaabul ayaa sheegay in Laftagareen uu ku fashilmay inuu doorasho qabto, isla markaana kursi jecli ay u geysay in Itoobiyaan uu hoos galo, “Cabdicasiis kuu qari meyno jooji waxaa wado Soomaaliyaa tahay Xabashi ma tihid,” ayuu yiri. Nabadoonka ayaa sidoo kale sheegay in Laftagareen uu deegaanada Koonfur Galbeed u diiday siyaasiyiintii ka soo jeeday isagoo taas bedelkeed ku aoo dhaweynaya Itoobiyaanka, isagoo arrintaas ku tilmaamay wax yaab leh. “Dadkii Bay iyo Bakool u dhashay ayaad u diiday deegaankooda, markaasaa Xabashi noo soo dhoobtay, taas kaama yeeleyno, halu daalin,” ayuu yiri. Wuxuu sheegay in xildhibaanadii go’aankiisa ku taageeray uu u aqoonsaday SYL 2, “kuwa diiday damaca Itoobiyaanka aad dabada ku wadato maxaan ugu yeereynaa? Iyaga ayaa xaq u leh in magacaas loo bixiyo ee magac ha u soo bixiyo.” “Dalkaan wax Mogadishu Clan iyo Raxan weyn la yiraa kama socdaan, waxaa loo kala baxay Soomaali iyo Xabashi, ninkaan wuxuu wadaa boor isku qaris iyo xasarad abuur, dadka u banaanbaxay waa jufadiisa hoose, Raxanweyn maaha,” ayuu yiri Nabadoon Abaabul. Nabadoon Abaabul ayaa sheegay in xaqa beelaha Raxanweyn uu yahay doorasho iyo inay iska wareejiyaan ninkaan Soomaalinimada diidan, isagoo ku guudiyey in taasi ay horgeli doonto. “Amxaaro ayaan rabaa iyo Amxaaro ma rabno isku qaba meyno Soomaali waa mideysan tahay, Laftagareen waa fashilmay ee doorashada haka wareego, xaqa Raxanweyna waa doorasho, Laftagareen magacaaga lee ku baaba’aaya tan ee ka joog Soomaaliyaa tahay, isaga iyo Muuse Biixi meesha aad ku dambey doontaana ilama fiicna,” ayuu yiri Nabadoon Abaabul oo ka soo jeeda Mudullood. Hoos ka daawo The post Daawo: Nabadoon oo shaaciyey qorshe yaab leh oo Laftagareen ka dhex wado Mogadishu Clan iyo Raxanweyn appeared first on Caasimada Online.
  19. Tensions have heightened in the Horn of Africa after Egypt recently sent military equipment to Somalia. The move angered Ethiopia, already at loggerheads with its southeastern neighbour after signing a deal to operate a port in the breakaway region of Somaliland. A post on Facebook claims to show a video of divided members of Somalia’s parliament fighting over the weapons shipment sent to the country by Egypt. Source: Hiiraan Online
  20. Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashaneysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa qabatay aqoon-isweydaarsi diiradda lagu saarayo xeernidaamiyeyaasha tartanka suuqa isgaarsiinta iyo xargaha fiberka badda. Aqoon-isweydaarsigan, oo ka socon doona labo maalmood magaalada Nairobi, ayaa isugu keenay daneeyayaasha muhiimka ah ee qaybta isgaarsiinta Soomaaliya, oo ay ku jiraan shirkadaha Isgaarsiinta, khubarro, iyo madax iyo saraakiil ka tirsan dowladda, si ay uga wada hadlaan qaab-dhismeedka xeer-nidaamiyayaal qaabeyn doona mustaqbalka kaabayaasha dhijitaalka ah ee Soomaaliya. Aqoon-isweydaarsigu, oo qayb ka ah qorshaha istiraatiijiyadeed ee HIQ ee kor u qaadida isku-xirnaanta qaranka, ayaa waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah sida shatiyeynta soo degista xargaha badda hoosteeda, tixgelinta saamaynta deegaanka, wadaagga kaabayaasha, iyo dhiirrigelinta tartanka qaybta isgaarsiinta. Xeer-nidaamiyayaashan ayaa ujeedkoodu yahay in la waafajiyo qaab-dhismeedka isgaarsiinta Soomaaliya heerarka caalamiga ah, taasoo taageeraysa yoolalka horumarinta dhaqaalaha qaranka. Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo furay aqoon-isweydaarsiga, ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu leeyahay aqoon-isweydaarsiga, isagoo xusay sida shirkadaha gaarka loo leeyahay ay uga qayb qaateen soo kabashada iyo koritaanka dhaqaale ee dalka. Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda iskaashiga ka dhexeeya hay’adda iyo daneeyayaasha isgaarsiinta intii uu socday hadalladiisa la xiriira aqoonsi-waydaarsiga. Source: goobjoog.com
  21. (Bloomberg) -- Turkey has held talks with Somalia about setting up a site to test-fire missiles and space rockets from the Horn of Africa country, according to people familiar with the matter. Source: Hiiraan Online
  22. In aynu Madaxweynaha ka codayno oo aynu nasinaa waa waajib akhlaaqeed, mid wadaniyadeed iyo mid dadnimo. Waa midda koowaade, Madaxweynuhu wuxu ku guul-darraystay, xataa haddii aanu waxba ku soo kordhinayn, bal intii loo dhiibay uun in loogu yimaado. May dhicin taasi oo maanta Somaliland waa qalanjo dhaawacan oo dhiig baxday, qoon weyn ayaanu u geystay qabkeenii iyo qorshaheeniiba. Ninka qasaaraha intaa leeg u geystay 30 sanno wixii aynu ku tabcaynay, in aynu isaga oo guuldarraystay abaal-marin aanu u qalmin siinaa, waxay dhiirrigelinaysaa dadka aan xilkaska ahayni in ay hoggaankeena damcaan, oo ay inoo arkaan bulsho hebed ah. Waa ta labaade, Madaxweynuhu awoodihii aynu siinay wuxu u adeegsaday inu innaga inagu gumeeyo, cabudhiyo, xidhxidho, xilliyada qaarna uu nafaheena ku gaalaafto. Waxa kale oo Madaxweynuhu awoodihii aynu siinay u adeegsaday inu danihiisa gaarka ah kaga shaqeeyo, ku badhaadho, kuna sed-bursado. Waa ta saddexaade, Madaxweynuhu wuxu ku guul-daraystay inu isku keen ururiyo oo uu kaalintiisii odaynino qaato. Waxa la qummanaatay maslaxadiisana uu ka dhex arkay kala daadsanaanteena, isaga oo is tusay inay kala qaybsanaanta bulshadu tahay gabbood laga hoos galo la xisaabtanka, iyo weydiinaha ka imanaya waajibaadka uu gudan waayey. Waa ta afraade, muddadii uu Madaxweynaha ahaa waxa ku hoos burburay dhammaan hay’adihii dawladda. Musuqmaasuqii ayaa xadhkaha goostay heer la gaadhay inay saraakiishii hanti-dhawrku hay’adahii ay la xisaabtami lahaayeen qandaraasyada ka qaataan, oo ay xildhibaanadii xafiisyadii dawladda mukhalasnimo iyo dillaalis ka dhex bilaabaan, mas’uul kastaana xafiiskii uu dadweynaha ugu shaqayn lahaa uu ka dhigtay shirkad ganacsi oo uu isagu gaar u leeyahay. Waxa kale oo uu madaxweynuhu xilalkii dawladnimo ku abaal mariyey ninba ninkuu ka tuugsanaa ee uu ka xaaraan cun badnaa. Wuxu si gaar ah u xushay ninba ninkuu ka af xumaa ee uu ka cay badnaa. Intaas iyo in kale oo ka xun oo aan ka xarragoonayo sheegistooda, haddii aynu xilka ku weydaarin weyno kolkaa innagaa aayaheennii xabaal ku ridnay. Midna ogow, Kuma lihi kuwa soo socdaa waa nebiyo macsuumiin ah oo qalad ka madhan, balse waxan ku leeyahay Muuse aynu ka dhigno tusaale kuwa dambe ku cibro qaataan. Muuse waynu aragnay, waynu tijaabinay, todoba sanno oo laba xaaraan yihiin ayeynu siinay. Waynu ku qasaarnay dhan kasta. Haddii aynu isaga dooranayno mar labaad, dee aynu ardayda dugsiyada ee imtixaanka ku dhacdana wada dallacsiino!! Abwaan Weedhsame Qaran News
  23. Munaasabad lagu tartansiinayay hal-abuureyaal ganacsi oo ay si wadajir ah u taabba-geliyeen hay’adaha World Vision, iyo WFP oo kaashanaya ururka shaqa-doon ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Tartantan oo ciwaankiisu ahaa IGNITE food system innovation Challenge ayaa waxaa ka qeyb-galay hal-abuureyaal maxalli ah, kuwaas oo soo bandhigay xalka caqabadaha nidaamyada cuntada ee Soomaaliya iyo dhismeedka ganacsiyadooda. Ka qeyb-galeyaasha tartanka oo 132 hal-abuure ayaa 12 kamid ah loo xushay ka qayb-galka aqoon iswaydaarsi heersare ah oo muddo laba maalmood ah socanaya, kuwaas oo soo bandhigi doona ganacsiyadooda, sidoo kale 10 shirkadood ayaa fursad u helay inay soo bandhigaan hannaankooda ganacsi, ayadoo 5 kamid ahi ay ku guuleysteen inay u gudbaan wareegga xiga ee tartanka. Shirkadaha guuleystay waxay marin doonaan barnaamij kobcin saddex bilood ah, halkaas oo ay heli doonaan tababaro iyo la-talin si ay ugu tijaabiyaan xalalkooda, ula shaqeeyaan isticmaalayaasha ugu dambeeya, isla markaana ballaariyaan shabakadooda, waxaana kamid ah SomFarm Fresh, Raas Agribusiness, Greenlife Agribusiness Limited, Kaaliye Consulting, iyo Ruman. Tartanka IGNITE wuxuu ujeedkiisu ahaa in la siiyo fursad hal-abuurayaasha maxalliga ah si ay u muujiyaan xalalkooda cusub, sidoo kalena wuxuu dhiirrigelin u yahay maalgashi iyo iskaashi cusub oo lagu xallinayo caqabadaha nidaamyada cuntada ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  24. Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah dowladda federaalka, waxaana mar kale Puntland ay eedeymo culus u jeedisay Xasan Sheekh. Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa ku eedeeyay in Soomaaliya ay ku rideen god dheer, ayna sabab u tahay siyaasad xumo darteed. Dirir ayaa shaaca ka qaaday in Villa Soomaaliya ay qaadatay siyaasad ka dhan ah cid kasta oo kasoo horjeeda, taasoo keentay in xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada uu xumaado, meeshana ay ka baxdo wada shaqeyntii labada dhinac. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in aan la aqbali karin sida ay wax ku waddo dowladda dhexe, ayna tahay arrin walaaceeda leh, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa muuqata in dowladda Federaalka ay ku dhaqmayso siyaasad aan la aqbali karin oo cid kasta oo ka soo horjeeda ku caburineysa,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir. Sidoo kale wuxuu “Haddii aan wax laga qaban, waxaa jiri doona khatar weyn oo ka dhan ah dowladnimada Soomaaliya oo sii xumaanaysa.” Waxaa kale oo uu dowladda federaalka ku eedeeyay inay ku guul-dareystay fulinta nidaamkii heshiiska lagu wadaa ahaa ee uu ugu horreeyo ku dhaqanka dastuurka. Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday in dowladda dhexe ay joojisay dhammaan mashaariicdii muhiimka ah ee dowlad goboleedyada, wuxuuna ugu baaqay 5-ta maamul goboleed inay isku yimaadaan oo ay ka wada-hadlaan xaaladda adag ee haatan taagan. The post PUNTLAND oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.