-
Content Count
212,255 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Cabdi Haybe Maxamed oo ka mid ah Siyaasiyiinta reer Somaliland, xilligana ka mid ah hoggaanka Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo uu tilmaamay inuu soo jeediyey khudbad qiimo badan oo garnaqsi ah. Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Shirkii wada-hadallada ee lagu qabtay Dalka Jabuuti, ee loo qabtay Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu ahaa taariikhi, maxaa yeelay Madaxweyne Muuse Biixi xuquuqda inaga maqan iyo mawqifkeena ayuu ka badheedhay, marxaladihii aynu soo marnay, midnimadii aynu la midawnay Soomaaliya, iyo sidii maatideena loo galay ayuu si xeel-dheer uga xog warramay, markaas Madaxweynaha waxaan leeyahay Madaxweyne waan kugu hambalyeynayaa sida qiimaha badan ee aad u garnaqsatay iyo sida aad u soo bandhigtay mawqifkeena, iyo waliba dardaaranka aad siisay Guddida farsamada, sidaas darteed Caalamka waxaanu leenahay waa inaad ka garawdaan garnaqsiga uu Madaxweynaha Somaliland ku soo bandhigay Shirkii wada-hadallada oo waa inaad na siisaan wax kasta oo aanu xaq idiinku leenahay”. Cabdi Haybe waxa kale oo uu sheegay “Waxaa jiray marar badan oo ay Somaliland iyo Soomaaliya wada-hadleen, laakiin inta jeer ee labada dal wada hadleen, waxaa jabiyey wixii lagu heshiiyey Soomaaliya, marka la isku eego laba dalna waa laba dal oo aad u kala fog, maxaa yeelay xaaladda jahaweerar ee ka jira Soomaaliya iyo nidaamka ka jira Somaliland islama jaan-qaadi karaan, islamana keeni karaan, ee waxaan anigu odhan lahaa Soomaaliya laba dal oo jaar ah aynu ahaano..” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa saaka Muqdisho ku geeriyooday Amb. Ciise Cali Maxamed oo ku magac dheeraa (Ciise Dheere), kaas oo ahaa diblumaasi ka tirsanaa wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya. Marxuumka oo maalmihii dambe ku xanuunsanaa gudaha caasimadda ayaa saaka geeriyooday, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa. Ma shaacin ehelladu nooca xanuunka ee uu u geeriyooday maxruum Amb. Ciise Cali Maxamed oo la soo shaqeeyey dowladdii milatariga ee burburtay. Sidoo kale waxaa geeridiisa ka tacsiyeeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa horey xilal uga soo qabtay dalka, iyaga oo Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso. AUN Amb. Ciise Dheere ayaa ahaa diblumaas xeel dheer arrimaha carabta, isaga oo dowladdii kacaanka noqday safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Ciraaq.
-
(SLT-Muqdisho)-Hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Human rights watch ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Ciidammada Mareykanka ay ku guul-daraysteen in ay baadhaan weeraro lagu dilay dad shacab ah intii udhexaysay February iyo May. Hay’ada Human Rights Watch ma helin wax caddeyn ah oo muujinaya bartilmaamed millatari oo ka dhan ah kooxda Al-Shabab. Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ama dowladda Soomaaliya midna lagama helin in ay la xidhiidheen xubnaha qoyska si ay u baadhaan weerarada ama u qiimeeyaan sheegashadooda ah in wax laga qabto. “Militariga Mareykanka waa inay hubiyaan in baadhitaanada ay ku hayaan dadka rayidka ah lagu diley laguna dhaawacay howlgalada millatariga Mareykanka ee ka socda Soomaaliya ay yihiin kuwa buuxa oo daahfuran,” ayaa lagu yidhi warbixinta hay’adda. Laetitia Bader, agaasimaha Geeska Afrika ee Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa yidhi. “Milatariga Maraykanka si dhab ah ugama baadhin laba weerar oo cirka ah oo dhawaan ka dhacay gudaha Soomaaliya kaas oo lagu laayay laguna dhaawacay dad rayid ah. Intii u dhaxeysay Febraayo iyo May, Human Rights Watch waxay khadka taleefanka ku wareysatay 14 qof, oo ay ku jiraan ehelada dadkii lagu dilay weeraradii Febraayo iyo March – oo afar ka mid ah ay goobta booqdeen waxayna qiimeeyeen macluumaadka dadweynaha ee la heli karo ee ku saabsan duqeynta. Baadhitaannadii ay sameysay Human Rights Watch waxaa lagu ogaadey in 7 qof oo rayid ah la dilay 3 kalena la dhaawacay oo aan la helin caddeyn muujineysa inay xidhiidh la leeyihiin Al-shabaab. Human Rights Watch ma aysan awoodin inay aqoonsato bartilmaameedyada weeraradan, oo ka dhacay dhulka ay gacanta ku hayso Al-Shabab. Human Rights Watch waxay sheegtay Fiidnimadii 2-dii Febraayo, duqeymo ka dhacday guri ku yaal Jilib, oo ku taalla gobolka Jubbada Dhexe, in ay ku dhimatay haweeney u dhaxaysa 18 iyo 20 jir isla markaana dhaawacday labadeeda hablood iyo ayeeydeed. Hay’addu waxay tilmaamtay in Mid ka mid ah Hablaha, oo ah 14 jir, iyo ayeeyada, qiyaastii ah 70 jir, uu soo gaadhay dhaawacyo culus. AFRICOM ayaa soo saartay bayaan ay ku qirayaan in ciidamada Mareykanka ay duqeyn maalintaas ka fuliyeen agagaarka Jilib ayna soo wariyeen in mid ka mid ah “argagixisada la dilay. Qiimeynta bilowga ah ee AFRICOM waxay soo gabagabeysey in ayna jirin waxyeelo soo gaadhay shacabka. Source
-
Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka dalka Maraykanka ayaa shaacisay inuu Aabaheed u geeriyooday cudurka safmarka ee Coronavirus, kaas oo fara ba’an ku haya wadamo oo uu ka mid yahay Mareykanka. Warsaxaafadeed ay soo saartay Ilhaan oo ka mid ah siyaasiyiinta safka hore uga jira la dagaalanka Covid-19 ayaa waxa ay ku sheegtay in Aabaheed Nuur Cumar Maxamed uu u dhintay xanuunka, iyadoo intaasi ku dartay inay dareemeyso tiiraanyo xoogan. “Anigoo dareemaya tiiraanyo xanuun iyo murugo badan, waxaan idilna wadaagayaa in Aabahey Nuur Cumar Maxamed uu u dhintay Covid-19,” ayey tiri Ilhaan Cumar. Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in aysan hal eray ku qeexi karin waxa uu uga dhignaa Allaha u naxariistee Aabaheed oo ay sheegtay inuu door weyn ku lahaa horumarka ay gaartay. “Ma jiro erayo aan ku qeexi karo waxa uu aniga iiga dhignaa iyo dhamaan dadka garanaya isaga.” ayey markale qoraalkeeda ku tiri xildhibaan Ilhaan Cumar. Ilhaan Cumar Aabeheed ayaa ahaa oday si weyn loo yaqaan, lagana qadarin jiray Minneapolis, wuxuuna ka mid ahaa jameecada masjidka Rawdah, halkaas oo uu ku tukan jiray. Sanadkii 1995-tii ayey qaxooti ahaan ku tageen Mareykanka iyada iyo Aabaheyd, kadib markii ay Soomaaliya uga tageen dagaalladii sokeeye.
-
(SLT-Beledweyne)-Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya Al-Shabaab ay madaafiic ku weerareen Saldhiga Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin Xaafada Howl-wadaag. Tiro madaagiic hoobiyeyaal ah ayaa ku soo dhacay agagaarka saldhigga, waxaana Ciidamada Jabuuti ay ku jawaabeen madaafiic culus oo laga maqlayay xaafadaha magaalada Beledweyne. Lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicdan, waxaana weerarka uu dhacay xilli habeen ah, ayna adag tahay faah faahin in laga helo. Ciidamada Jabuuti ayaa saaka howlgalo ka wada deegaanada dhanka koofureed ka xiga Beledweyne oo ahaa dhanka madaafiicda laga soo riday Al-Shabaab ayaa saldhig ku leh deegaanka Luuq Jeelow oo qiyaastii Beledweyne u jirta illaa 20KM u jirta. Source
-
(SLT-Pyongyang)-Millateriga Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa uu ka digay inuu diyaar u yahay inuu u ruqaansado aagga millateriga ka caaggan ee kala qaybiya labada Kuuriya. Goodigga ayaa waxa uu qeyb ka yahay jawaab loo dirayo kooxo Kuuriyada Waqooyi ka goostay oo Koonfurta ka soo diraya hadallo borobogaanda ah. Dabayaaqada toddobaadkii tegay ayaa Kim Yo-jong, oo ay walaalo yihiin hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, waxa ay amartay millateriga inuu u diyaargaroobo u ruqaansiga xadka. Millateriga ayaa haatan sheegaya inuu diyaar u yahay “inuu goobtaas furunta ah uu ka sameeyo saldhig culus oo millateri oo feejignaantiisu ay sarrayso”. Xiisadaha u dhaxeeya labada dal ee ka taagan xadka kala qeybiya ayaa sare u sii kacayay in mudda ahba, halkaas oo badanaa la isku dhaafsado buufinno ay farriimo ku xardhan yihiin. Wasaaradda gaashaandhigga ee Kuuriyada Koonfureed ayaa Taladaadii iyadoo ka jawaabaysa hanjabaddaas cusub waxa ay sheegtay inay si dhaw Mareykanka kala shaqeynayso la socoshada dhaqdhaqaaqyada milateri ee Waqooyiga. Muxuu Waqooyigu leeyahay?? Kuuriyada Waqooyi iyo tan Koonfureed ayaa waxaa kala qeybiya aagga milateriga ka caaggan – halkaas oo ku teedsan kalaqeybiya labada dal soona jiray tan iyo dagaalkii Kuuriya ee 1950-meeyadii. Milateriga Kuuriyada Waqooyi ayaa Talaadadii sheegay inuu “darsayo qorshaha” uu milateriga ku gaynayo “aagga milateriga ka caaggan”. Madaxa shaqaalaha dowladda ayaa sheegtay in ciidammadu ay “heegan sare” ku jiraan oo ay diyaar u yihiin inay “si degdeg ah oo adag” ay u fuliyaan go’aannada dowladda. Bayaanka ayaa imanaya kaddib markii gabadha la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ay Sabtidii ku hanjabtay inay Koonfurta ka qaadi doonaan tallaabo milateri. “Waxa ay ila tahay waxaa la joogaa waqtigii aynu kala go’I lahayn mas’uuliyiinta Kuuriyada Koonfureed,” ayey tidhi Kim Yo-jong, taas oo xil sare ka haysa nidaamka siyaasadeed ee Waqooyiga. Waxa ay ballanqaadday inay “tallaaba” qaadi doonto, waxa ay sheegtay inay amartay milateriga, bayaankeedana waxa ay ku soo gunaanadday: “Qashinka meesha loogu talagalay ayaa lagu ridaa.” Source
-
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo saraakiil ciidan ayaa kulamo kawada degmada Maxaas ee gobolka Hirran, kadib markii halkaasi ay gaareen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka , Nabadsugida iyo Booliiska qaybaha ka howlgala deeganada Galmudug iyo Hirshabelle. Sidoo kale waxaa gobolka gaaray Saraakiil sare oo ka tirsan Maxkamada Ciidamada Qalabka sida, kuwaas oo goobjoog ka ahaa dadaal lagu xalinayey dagaal beel, ka dhacay deegaannada hoos yimaado Maxaas. Taliyaasha qaybaha 21-aad iyo 27-aad ee milatariga Soomaaliya iyo taliyaha guutada 15-aad ee qeybta 21-aad sareeye guuto : Mascuud Maxamed Warsame ayaa ka mid ah saraakiisha ka qeyb galaysa kulanka, kaas oo looga golleeyahay sidii loo ilaalin lahaa heshiiskii laga gaaray colaaddii ka jirtay deegaanno hoos yimaado Maxaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo xalay lagu qaaday xero ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Madaafiicda oo gaareysay illaa 9 ayaa waxaa la sheegay in qaarkood ay ku hoobteen gudaha saldhigga, halka kuwa kalena ay ku dhaceen xaafadaha Buundweyn iyo Howlwadaag ee magaaladaasi, halkaas oo ay dagan yihiin dad badan oo shacab ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Jabuuti ay dhankooda ku jawaabeen madaafiic, kuwaas oo ku dhacay duleedka Beledweyne. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay maqlayeen jugta hoobiyeyaashaasi, islamarkaana ay soo wajahday cabsi xoogan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi ay madaafiicda isku wey-daarsadeen ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM iyo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, maadaamna xilli habeen ah uu dhacay. Xaaladda ayaa saaka dagan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmadaasi.
-
Caasimadda Shiinaha ee Beijing ayaa xayiraad kusoo rogtay xaafado kamid ah, waxaana la kordhiyay baaritaannada dadweynaha kadib markii kiisas badan oo Fayraska Korona ah lagu arkay magaaladaasi. Hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegtay in inkabadan 100 kiis oo cusub laga diiwaangeliyay caasimaddaasi. Muddo ka badan todobo asbuuc ayaa Beijing waxaa Fayraska Korona laga helayay oo keliya dadka dibedda kasoo laabtay, kuwaas oo dalka soo gaaray kadib markii dowladdu ku guuleysatay maareynta caabuqa COVID-19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne ( Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe fagaare ku yaalla deegaanka Buq-Aqabale ee gobolka Hiiraan ku toogatay nin lagu magacaabi jiray, Daa’uud Aadan Muumin kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu dil geystay. Fagaaraha lagu toogtay marxuumka ayaa waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo sidoo kale dadweyne la’isugu yeeray halkaasi. Maxkamadda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ehellada marxuumkii horey loo dilay oo magaciisa lagu sheegay Daa’uud Qeyley ay dalbadeen in loo qisaaso, kadibna xukunka sidaasi loogu fuliyey, marxuum Daa’uud Aadan Muumin. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaacisay in dilkaasi uu ka dhacay isla deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kadiba gacanta lagu soo dhigay ninkaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa xukuno dil u badan ka fulisa deegaanada ay ka arrimiso ee koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
-
Madasha xisbiyada qaran oo soo dhaweysay go’aannadii ka soo baxay shirki golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa ku celisay baaqi 13-ka bisha May ay soo saartay kaasoo lagu dalbaday in ciidamada Itoobiya ee aan kamid aheyn howlgalka AMISOM laga saaro gudaha dalka. Madasha xisbiyada qaran waxay ka mahad celisay in la caddeeyey tirada dhabta ah ee ciidamada midowga Africa ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, ciidankaasoo tiradiisu tahay 19,626 askari waxay sharciyad u heystaan in gudaha Soomaaliya ay ka howl galaan ilaa 28-ka Feb. 2021 si’ ay gacan uga geystaan in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah. Madashu wxaay ka walaacsantahay in lagu xad gudbay, qaranimada Soomaaliya, siyaadada dalnimo, madaxbannaanida siyaasadeed iyo cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya lagu soo rogay 1992 ee tirsigeedu yahay 733 iyo qaraarkii Qaramada Midoobay ee 2520 oo soo baxay sanadkan 2020-ka. Gabagabadii qoraalkan oo toos ugu socday beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay waxaa lagu baaqay in il gaar ah lagu eego fara gelinta qaawan ee Itoobiya ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, ciidanka aan AMISOM ka tirsaneyn ee sharci darrada dalka ku jooga iyo in dowladda fedraalka Soomaaliya ay wada hadal dhab ah la furto madaxda maamul goboleedyada si’ loo maareeyo marxaladda kala guurka ee doorashada dalka ka dhaceysa 20/21. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sawirka waa saaka Ciidamo ku sugan Laascaanood Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka halkaasi lagu daadiyay Ciidamo kala duwan oo Booliis iyo Militari isugu jira si looga hortago Muddaharaadyo laga cabsi qabo in ay ka dhacaan Laascaanood. Maamulka Gobolka Sool u qaabilsan Somaliland ayaa ciidamo dheeriya ku daadiyay Xaafadaha Magaalada kadib markii sida la sheegayo ay ka war heleen in ay qorshaysan yihiin Muddaharaadyo looga horjeedo Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland uga socda waddanka Jabuuti. Magaalada Buuhoodle ayaa waxa Iyana shalay ka dhacay Muddaharaad looga horjeedo Wada-hadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland kaas oo lagu muujinayay in Dadka Reer SSC aysan cidna ku matalin Shirka sidaas darteedn wixii ka soo baxa uusan khusayn. Sidoo kale Magaalooyinka Badhan iyo Dhahar ee Sanaag iyo Haylaan waxa ka dhacay Kulamo kala duwan oo lagu diiddanyahay Shirka Dowladda Federaalka iyo Somaliland uga socda Waddanka Jabuuti maadaama Degaannadaas aysan cidna ku metelin Shirka. PUNTLAND POST The post Mudaharaadyo laga cabsi qabo in ay ka dhacaan Laascaanood iyo Ciidamo lagu daadiyay appeared first on Puntland Post.
-
Xeradii Labaad ee ciidamada Daraawiishta Galmudug lagu xaraynayo laguna tababarayo ayaa wasiirka amniga Dawladda Galmudug Axmed Macalim Fiqi wuxuu isugu geeyey gaadiid dagaal iyo ciidamadii saarnaa. Xerada Tababarka Dhaan-Karrooni ee dhacda duleedka Galinsoor- Galguduud ayaa wafdi wasiirro ah oo uu hogaaminayey wasiirka Amniga Galmudug kana mid yihiin wasiirka Dekedaha iyo Kaluumaysiga Md. Cabdisaabir Nuur Shuiriye iyo wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga ayaa ka mid ahaa wasiiradii la hadlay ciidamada lagu xareeyey ee ka kala yimid degradatie Cadaado iyo Galinsoor. Wasiirka Amniga ayaa sheegay in ciidamo iyo gaadiid kale oo Galgaduud ku sugan ay maalmaha soo socda imaan doonaan xerada Dhaankarroone, kuwaasoo tababarka uu u furi doono madaxweynaha Dawladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye. Hawsha xareynta maleeshiyaadka iyo gaadiidka dagaalka ee ay waddo wasaaradda amniga ayaa wajigeedii labaad ka bilowday gobolka Galgaduud ka dib markii maleeshiyaadkii gobolka Mudug lagu guulaystay in la xareeyo loona furey tababar todobaadkii hore. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somalia: Risk of Undetected Covid-19 in Camps for Displaced
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
There have been an estimated 200,000 confirmed cases of Covid-19 across Africa. The World Health Organisation believes the virus is accelerating across the continent, spreading out from densely populated urban areas. Cases have been rising in Somalia’s capital Mogadishu, a city already disrupted by years of conflict, and struggling to support thousands of internally displaced people (IDP). Habiba Haji, who is 43, lives in one of the camps for the displaced. Source: Hiiraan Online -
Kadib markii wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ay sheegtay in magaalada Boosaaso loo qaybiyay afar waaxood oo kala duwan ayaa waxa soo baxaya muran la xiriira sida loo qaybiyay waaxyahaas. Waxgaradka iyo Odayaasha mid kamid ah Beelaha deggan Boosaaso ayaa Maamulka Degmada u sheegay in aysan ku qanacsanayn hannaan loo qaybiyay Afarta waaxood ee Magaalada oo sida ay sheegeen dulmi iyo caddaalad-darro ka muuqato. Balse Maamulka ayaa Waxgaradka iyo Odayaasha la kulmay wuxuu sheegay in aan waxba laga beddeli doonin hannaanka loo qaybiyay Magaalada isagoo tilmaamay in Amniga iyo Hormarka Boosaaso uu sidaas ku jiro. Sidoo kale Arrintaas ayaa Khilaaf ka dhex dhalisay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo ku kala aragti duwan sida loo qaybiyay Afarta Waaxood ee Boosaaso kuwaas oo qaarkood taageersan yihiin halka qaar kalena ay diiddan yihiin. PUNTLAND POST The post Muran ka dhashay sida loo qaybiyay waaxyaha Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Meet Rawdah: a 28-year-old Somali model, who juggles her career in front of the camera with her day job as a behavioural analyst working with mentally disabled people. Since she found herself climbing the fashion ladder “by accident”, Rawdah has used her platform to speak out for marginalised communities who are not afforded the same opportunities to be heard. Source: Hiiraan Online
-
The political, security, socio and economic situation in Somalia is evolving, transitional and fragile. The country has experienced one of the longest civil conflicts and insecurity in the world and still continues to grapple with high levels of insecurity, under development, absence of basic social Source: Hiiraan Online
-
WhatsApp starts payments in Brazil: Sign of things to come?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Facebook’s WhatsApp chat platform is launching mobile payments in Brazil, a country often used to test out new services because of its large online population. Source: Hiiraan Online -
Dalalka iyo Ururada ku bahoobay Beesha Caalamka, ayaa soo dhoweeyey Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo uu ku casumay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirkaas oo ku saabsan, sidii wadatashiyo looga yeelan lahaa geeddi socodka Doorashooyinka dalka, Arrimaha Amniga, Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo Horumarinta dhaqaalaha dalka. Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen; Belgium, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Japan, Jarmalka, Kenya, Masar, Midowga Yurub, Netherlands, Norway, Shiinaha, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Turkiga, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD) iyo Qaramada Midoobay ayay ku soo dhoweeyeen Shirkaasi. Beesha Caalamku, waxay dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka ugu baaqday, in ay ka faa’idaystaan fursaddaas, islamarkaana ka heshiiyaan Arrimaha ay ku muransan yihiin, oo ay ku jirto Doorashada, si loogu daneeyo dhammaan Dadka Soomaaliyeed. Halkaan ka akhriso Qoraalka Beesha Caalamka PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo soo dhowaysay Shirkii Madaxweyne Farmaajo ku casumay Dowlad Goboleedyada appeared first on Puntland Post.