Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,255
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Inta aanan u gelin talooyinka aan siinayo Madaxda Dowladda Federaalka ee ku aaddan wadahadalada ay kula jiraan maamulka Somaliland ee midnimo-diidka, aan marka hore ka waramo ereyo waayadan ku soo kordhay saxaafadda Soomaalida, kuwaasi oo khatar ku ah midnimada umadda Soomaalida iyo waliba wadajirka dalkeeda. Ereyadan, ayaa la isticmaalaa marka laga hadlayo Dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland, iyadoo la leeyahay “Soomaaliya iyo Soomaaliland” sida labo dal oo kale. Halkii ay ahayd in la yiraahdo “Dowladda Federaalka iyo maamulka Soomaaliland” maadaama laga hadlayo hal dal. Isticmaalka ereyadan, ayaa muuujinayo damiirxumo iyo waliba aqoondarro ku aaddan xagga nidaamka dowliga ah. Tusaale ahaan, Soomaaliland ma ahan dal madaxbanaan oo la aqoonsan yahay. Sidoo kalena, Dowladda Federaalku ma ahan dowlad goboleed ama dowlad loo dhisay gobolada Koonfureed oo kaliya. Sidaa daraadeed, ma jirto sabab loo isticmaalo ereyadaasi wax u dhimayo midnimada iyo wadajirka dalka, iyadoo la helo karo ereyo ka fiican kuwaasi. Daahiradan khabiithka ah ayaa ku dhex faaftay qeybo ka mid bulshada Soomaaliyeed oo xittaa ay ku jiraan warbaahin muxtarim ah sida idaacadaha BBC iyo VOA-da oo kale. Waxay sidoo kale ku dhex faaftay qaar ka mid ah masuuliyiinta Dowladda Federaalka oo og ay inay danbi tahay istcmaalka ereyo wax u dhimayo midnimada umadda iyo waliba wadajirka dalka !! Marka aad u kacdo xagga diinteenna Islaamka, waxaad arkeysaa inay si adag uga hadashay kala-dhantaalidda midnimada. Waxay sidoo kale diintu baneysay in la la dagaalamo kuwa u sacyinayo furqada iyo kala tagga. Sidaa daraadeed, waxaa haboon inaan la isticmaalin ereyadaasi aan loo baahneyn waa haddii uu damiirku wali nool yahay. Haddii kalena ha la iska daba socda kooxda RUKUUBLEY. Waxay ahayd in maanta oo kale laga fikiro sidii loo mideyn lahaa dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti maadaama labadooduba ay yihiin xor, si uu halkaasi uga soo baxo dal xoog badan, laakiin nasiibdarro waxaad arkeysaa Soomaali maanta ku baaqeysa waxyaabo ka hor’imaanayo maqaasidda shareecada ee aan gorgortan laga gali doonin. Lama aqbali karo runtii in waxaasi oo kale lagu baaqo after dhiig badan oo u daatay midnimo iyo dal madaxbanaan dartii. Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan uga waramayo talooyin aan siinayo Madaxda Dowladda Federaalka ee ku aaddan wadahadalada ay kula jiraan maamulka Soomaaliland ee ku haminayo kala dhantaalidda midnimada iyo wadajirka. Talooyinkaasi oo si cad u taaban doona qaabka ay tahay in loo wajayo wadahadaladan ay khiyaanada badan ku dheehan tahay. Maadaama Dowladda Federaalku dooneyso inay ka miradhaliso wadaxaajoodkan ay mandate-ka u haysato si loo soo xerageliyo maamulka Soomaaliland, isla markaana uu uga qeyb noqdo hanaanka federaalismka ee dalka ka jira iyo waliba dhismaha Soomaaliya cusub oo ka duwan tii hore, si loo helo qaran Soomaaliyeed oo la wada leeyahay, Isla markaana ku dhisan talo wadaag. Xaqiijinta hadafkaasi shariifka ayaan fududeyn maadaama uu madax adeegayo maamulka Soomaaliland ee ka arimiyo gobollo ku yaallo Waqooyiga dalkeenna walow ay jiraan malaayiin reer Waqooyi ah oo ka soo horjeeda fikirkaasi khabiithka ah ee ka hor’imaanayo maqaasidda shareecada islaamka iyo waliba himilada umaddan muslimka ah. Halka ay dhinaca kalena jiraan faragelin shisheeye oo arinkaasi riixeysa. Dhinaca kale, maamulka Somaliland ayaa wadahadaladan u isticmaalayo wadiiqo uu doonayo inuu uga go’o Soomaaliya inteeda kale waaba haddii laga aqbalee, ka dib markii uu ku soo fashilmay hababkii kale ee gaar u socodka ahaa sida ay caddeeyeen masuuliyin badan oo ka tirsan maamulkaasi, kuwaasi oo inta badan aanba qarin waxa ay doonayaan, halka ay u socdaan iyo waliba culeysyada ka haysta gudaha iyo dibadda. Waxaa intaa dheer khiyaanooyin iyo waliba farsamooyin badan oo lagu dhex jilayo gudaha wadahadalada, Kuwaasi oo haddii ay u socdaan sida ay iyagu u doonayaan keeni kara burbur midnimo iyo waliba inuu dalkan oo dhan baaba’o. Tusaale ahaan, waxa ay doonayaan in loo wadahadlo sida labada dal oo kale, Taasi oo runtii khatar ku ah midnimada dalka, isla markaana fariin khaldan u direysa Caalamka iyo Soomaaliduba. Laakiin ilaah mahaddii, waxaa khiyaanooyinkaasi fahamsan Madaxda Dowladda Federaalka oo inta badan ka fogaada gelitaanka heshiisyo horseeda inuu dalkan kala go’o ama uu dhaawacmo madaxbanaanidiisa. Waana sababtaasi sababta keentay inay dheeraadaan wadahadalada. Waxa ay sidoo kale Madaxdu fahamsan yihiin farsamooyin badan oo lagu soo kala jaray dalal badan sida Suudaan oo kale. Waxay kaloo Madaxdu og tahay waxa uu dastuurku ka qabo midnimada iyo madaxbanaanida dalka iyo waliba halka ay midnimadu ka joogto dadweynaha Soomaaliyeed dal iyo dibadba marka laga reebo kooxdan yar ee dhisatay Maamulka Soomaaliland ee dooneysa inay afduubto malaayiin reer Waqooyi ah, Kuwaasi oo ay ka go’an tahay wadajirka dalka iyo walaalnimada iyo waliba dhismaha Soomaaliya cusub. Mar haddii uu meel sare ku dhegan yahay maamulka Soomaaliland, isla markaana ay adag tahay in uu ka tanaasulo qadiyadda gooni-isutaagga ee uu in muddo ah u sacyinayey, Anagoo dhinaca kale og inay dabada ka riixayaan dalal shisheeye sida Imaaraadka oo kale, kuwaasi oo maamulkaasi ku caawinayo waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin farsamooyin horay loogu soo kala jaray dalal badan sida Suudaan oo kale. Mar haddii aan og nahay in wadahadaladu ay yihiin wadiiqo loo marayo kala goynta dalka oo aan dano kalo laga lahayn sida midnimo iyo wax qeybsi iyo waliba dhismaha Soomaaliya cusub sida ay caddeeyeen kuwa taageera maamulkaasi. Hadabo, waxaan u soo jeedinayaa Madaxda Dowladda Federaalka talooyinkan soo socda oo aan isleeyahay waxa waxtar u yihiin dalka iyo dadka Soomaaliyeed gaar inta midnimada jecel: 1- In la joojiyo dhamaan wadahadalada inta uu maamulkaasi ka tanaasulayo qadiyadda gooni-isutaagga. 2- Inaan la aqbalin fulinta dalabaadyo danbe oo maamulkaasi ka yimaada. 3- In la dhiso maamul goboleedka Khaatumo iyo Maakhir oo midnimada u muhiimsan 4- In la badiyo cadaadiska saaran maamulkaasi ilaa uu ka tanaasulayo qadiyadda gooni-isutaagga. 5- In la beegsado dalalka, shirkadaha iyo waliba shaqsiyaadka la shaqeysta maamulkaasi. Maxamed Ibrahim waxaad kala xiriiri kartaa iidka1@hotmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyey wadahaladii Soomaaliya iyo Somaliland ee Djibouti ku dhexmaray 14-kii bishan June, waxa ayna ku tilmaameen in uu ahaa talaabo muhiim ah oo rajo gelinaysa shacbiga Soomaaliyeed iyo tan gobalka Geeska Africa-ba. “Waa qayb muhiim ah talbaada kalsooni dhisida ee dib u heshiisiinta laguna yareynayo kala aragti duwanaanshaha, laguna horumarinayo dhismaha nabadda, barwaaqada iyo hurumarka gobalka. Djibouti iyo Itoobiya waxa ay ciyaareen door fir-fircoon oo uu ku qabsoomay wadahalka”, Midowga Europe ayaa sidaa ku yiri bayaan saxafi ah oo ay SONNA heshay. Waxa yiraahdeen in Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulahi Farmajo iyo madaxweynaha Somaliland, Muse Abdi waxaa ka go’an sii wadida in ay ka shaqeeyaan hurumarinta hanaankan nabbada. Sii wadida wadahadaladan oo aan ku jirin wax car-qaladeeya, uuna ku socda si wanaagsan, waa habka kaliya ee lagu gaari karo nabbad, barwaaqa, iyo amaan waara. Midowga Yurub oo goob-joog ka ah wadahadalan wixii dadaal iyo taageero ah lama baaqsan doonto, ayaa lagu soo gunaanudan bayaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa booqasho kooban ku tagay degaanada Wargalo iyo Gal-barwaqo oo ka tirsan Gobolka Mudug. Booqashadan oo qeyb ka ah safarka nabadda ee uu madaxweynuhu ku marayay degaanada Galmudug ayuu ka mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyeey tuulooyinka Wargalo iyo Gal-barwaaqo. Safarka Madaxweyne Qoorqoor waxaa ku wehlinaayay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kale oo kamid ah Maamulka Galmudug Maalmihii lasoo dhaafay Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa uu socdaal ku marayay degaano iyo magaalooyin ka tirsan Galmudug isagoo halkaas kula kulmay shacabka iyo Mas’uuliyiin kala duwan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo socdaal ku tegay Wargala iyo Galbarwaaqo appeared first on Puntland Post.
  4. Ibraahim Geedoow Cawaale oo ka mid ah falanqeeyaasha ciyaaraha gudaha ayaa sheegay in nasiib daro ay tahay daawasho la’aanta ka jirta horyaalka Soomaaliya niyad jab ay ku noqonayso ciyaartooyda iyo kooxaha ka qeyb galaya horyaalka kubbadda cagta Soomaaliya Halkan Ka Daawo Qeyb Ka Mid Waraysi Dhinac Skyp-ka Uu Geedow Siiyay Goobjoog https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whts-Horyaalka.mp4 Goobjoog Sports Source: goobjoog.com
  5. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi ayaa ka hadlay wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex-maray dalka Jabuuti. Xoghayaha Khadar ayaa ayaa qoraal uu arrintan kaga hadlayo ku faafiyay barta uu ku leeyahay Facebooka waxa uu ku yidhi “Wada-hadaladii waa ay furmeen. Madaxwaynuhuna waxa uu jeediyay khudbad fiican oo la mid ah kuwii shirarkii hore laga jeedin jiray. Wada-xaajoodyada noocan oo kale ah waxa ay qaataan wakhti badan mar kastana qorshe qoto dheer ayaa ay u baahan yihiin. Waa aynu sugi wixii ka soo baxa, iima muuqato guul loo dabaal dego oo la soo hooyey, iimana muuqato sabab iyada oo Covid19 jiro oo xataa salaaddii Ciidda aan joojinnay in dadweynaha la xamaasad geliyo oo guul gacan ku rimis ah lagu soo saaro. Xukuumadda waajib ayaa ka saaran in ay xaq-dhawrto go’aannadii ay iyadu soo saartay ee ahaa in aan la isu soo bixin. Waa go’aanadaas kuwa maanta hooyooyin badani ku shaqo beeleen oo ku gaajoonayaan!” Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa eed culus u jeedisay hoggaanka dowladda fedraalka waxayna ka digtay in dalka uu dagaal sokeeye ka dhaco, ayada oo walaac ka muujisay dagaallada sokeeye ee soo noqnoqday ee ka dhacaya deegaannada Soomaaliyeed. Qoraalka Madasha ayaa lagu sheegay inay u taagan tahay nabad u raadinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed, iyadoo xustay in gacmo siyaasadeed uga muuqdaan dagaallada soo noq-noqday ee ka dhacaya deegaanno kala duwan oo dalka kamid ah. “Madashu waxay u aragtaa inay gacmo siyaasadeed ku lug leeyihiin colaadaha soo noqnoqdey. Madashu waxay u taagan tahay Dhiirigalinta nabadda, xasiloonida iyo dariswanaagga, Ilaalinta sharafka, dhiigga, maalka shaqsiga iyo karaamada umadda Soomaaliyeed, waxayna bulshada ku dhiirigalinaysaa ka fogaanshaha hadallada xanafta
leh ee kicin kara ama dhaawici kara dareenka dadka iyo ka baaqsashada hurinta colaadaha,” ayaa lagu yiri War-Saxaafadeedka Madasha ka soo baxay. Madasha oo adkeysay siday uga xun tahay, uga soo horjeeddo, una cambaareyneyso falalkii arxan darrada ahaa ee lagu xasuuqay Muwaaddiinniinta Soomaaliyeed ee lagu laayay deegaanka Gololey ayaa dalbatay in cadaaladda la hor keeno raggii dareeska ciidamada qaranka ku labisnaa ee dhaqaatiirta arxan darrada u dilay. Madashu waxay DF uga digtay abaabulka shirar lagu hurinayo colaad iyadoo is hor taageysa shirar bulsho oo danaha dadka iyo dalka looga tashanayay, waxaana si toos ah dowladda fedraalka loogu eedeeyey dagaalladii ka dhacay Muqdisho, Sh/Hoose, Sh/dhexe, J/Hoose, Hiiraan, Galguduud, Mudug, iyo degmooyin kamid ah Dawlad Deegaanka Soomaalida gaar ahaan degmooyinka Raaso, Sallaxaad, Doollo iyo qaybo kale oo kamid ah Dawlad Deegaanka Soomaalida. Gaba gabadii waxay Madasha Xisbiyada Qaran ugu baaqday hoggaanka DF inuu joojiyo dagaallada siyaasadeed iyo midka ciidan ee ka dhan ah dowlad goboleedyada, waxaana farriinta u dambeysa lala wadaagay wax garadka Soomaaliyeed iyo dowlad goboleedyada oo loogu baaqay inay u istaagaan doorkooda ku aaddan daminta colaadaha sokeeye.
  7. A month ago, one of my friends added me to a group on WhatsApp created by people originally from the Northern Somali provinces discussing how to save Somaliland from its current downfall. Listening to these nice fellows, I could feel the pain some were feeling knowing the end of an imagined Republic of Somaliland independent from the rest of Somalia. Our group was heavily populated by Gadhxajis Isaaq clan members, as one should expect because of the current discontent in that region, but I suspected some active participants to be from other clans because of their accent, their choice of words and their emphasis on key issues. However, most of them were genuine in their beliefs and were either disgruntled, disappointed or in denials of the current regional upheaval. I concede it is awful to be indoctrinated for many decades about the Northerners exceptionalism and other simplistic myths and one day realised how unrealistic they were/it was just wishful thinking. The core myth abundantly circulated by the Hargeysa elite is that the 1960 union of the former British Somaliland with the newly liberated Italian occupied Somalia, now deemed culturally incompatible, led to an unhealthy relationship and therefore the 1991 recovery (hear separatism) of a long lost independence was the obvious solution. Other myth propagated, in the last 29 years, by the self proclaimed Republic of Somaliland was that the Somali National Movement (SNM), who unleashed a terror in the 1980’s, with the Ethiopian army’s assistance, was merely saving the Isaaq clan from the Somali Democratic Republic’s genocidal intent. The word extermination was even uttered notably by opposition leader Faysal Ali Waraabe. There was also a long list of other myths whose only purpose was to sow the seeds of hatred and cement this hatred to make a future reconciliation with the rest of Somalia an impossible mission. As long as the South, defined as a distinct undifferentiated whole, was in turmoil and a central government was inexistent, it gave a terrain to sustain the myth of incompatibility of the two regions and the likelihood of Somaliland’s international recognition as a separate state. Every elected administration in Hargeysa entertained the possibility of a near international recognition and it is still on the agenda, even though this perspective looks more like a mirage now. This online gathering of emotionally distressed people originally from the Northern regions of Somalia happened in a sobering up moment. The current administration under Musa Bihi became the most divisive, inept and the most derided administration since Somaliland declared its independence in 1991. Moreover, the call of further secessions of some regions in Somaliland, coupled with a new wind of change blowing in the Horn of Africa, has started a questioning of all the myths propagated by the SNM’s old guards, anxious to safeguard their privileges and plunder of the meagre national resources. In fact, the new Ethiopian policy to lowering tensions in the region and a renewed favourable international attention towards the central government in Mogadishu led by the shrewd Abdullahi Farmajo have offered an alternative to all the repressed opposition to the separatism. While some clearly wonder if Somaliland will ever be an independent country and even despair of this elusive recognition, others feel lost in the changes taking place in the region and in the mediocrity of the Bihi administration dealing with these changes. You may then understand the anxiety born of these events and in particular of the recent meetings between Farmajo and Bihi. Even though I believe it would seem a daunting task to reverse course for Somaliland or even too late to save its future as an independent state, I do still believe that there’s a slight chance it may survive the current upheaval in the region with some radical but smart political manoeuvrings. Since its inception, there were so many missed opportunities to show the world its worth. The breakaway region had plenty of time, almost 30 years, to show the world that not only its democracy, peace and good governance are unshakable but that its leaders have the flexibility to deal with the rest of Somalia about its aspirations. Unfortunately, every time there was an elected president, the Hargeysa elite, and the president’s inner circle on top, was scrambling to enrich themselves. Somaliland had an opportunity to capitalize in the peace found after the collapse of the Democratic Republic but instead wasted it. Successive administrations have had no credible plans, or will, to reign on clan based political infightings, the widespread corruption, the uncontrolled inflation, land grabs, the plundering of the natural resources, the raise of poverty, human rights abuses, the dysfunction of the judicial system and growing discontents and palpable unrest in Awdal, Togdheer, Sool and Sanaag regions. In short, the count down of an implosion is in set in motion. There’s no wonder some “Somalilanders”, as they call the population from that region, are in admiration of the current Farmajo government’s discipline and view a possible reunification as a better alternative to the squandering of public funds by their administration. Others even see the current military achievements as reminiscent of the time Somalia was at its height of its glory. With this in the background, it was expected the Somaliland administration has no other choice but to accept a direct negotiation with Mogadishu and, in spite of the SNM old guard rhetoric’s, a public consultation would be unavoidable to mitigate a severe backlash from a public indoctrinated for so long in the simple and distressing concept that the “North” is a victim and the “South” is a murderous mess. Abdiqani Mohamed Badar can be reached at akbadar@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
  8. (SLT-Delhi)-Sarkaal iyo laba askari oo u dhashay dalka India ayaa lagu dilay “iska horimaad rabshad leh” oo ka dhacay xuduudda lagu loolamo ee dalkaas uu la leeyahay Shiinaha, waxaa sidaas sheegay ciidamada Hindiya. Hindiya iyo Shiinaha ayaa toddobaadyadii tegay waxa ay ku lug lahaayeen is-mariwaa ka taagan Dooxda Galwan ee galbeedka Himilayas, ayada midba midka kale uu ku eedeynayey inuu dhulkiisa kusoo xadgudbay. Ciidamada Hindiya ayaa sheegay in isku dhac uu dhacay Isniintii islamarkaana labada dhinac uu soo gaadhay khasaare. “Intii uu socday hanaan xiisadda lagu qaboojinayey ayaa waxaa iska horimaad uu ka dhacay Dooxada Galwan, halkaasi oo labada dhinac uu khasaare kasoo gaaray,” ayaa lagu yidhi bayaanka ciidamada India. “Khasaaraha nafeed ee Hindiya ayaa waxaa ku jira sarkaal iyo laba askari. Saraakiil ka socota labada dhinac ayaa hadda qaboojinaya xiisadda,” waxaa sidaas lagu yidhi bayaanka ciidamada Hindiya. Hindiya iyo China ayaa si kooban xuduudda ugu dagaalay 1962-kii, mana awoodin wixii markaas ka dambeeyey inay xalliyaan murankooda, inkasta oo ay wada-hadallo socdeen tobaneeyo sanno. Wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha ayaa ugu baaqday Hindiya ayna qaadin tallaabo hal dhinac ah, ama aysan abuuri dhibaato. Afhayeen u hadlay wasaaradda oo ku sugan Beijing ayaa sheegay in xadgudub weyn lagu smaeeyey heshiiskii labada dal, kadib markii ciidamada India “ay daan-daansadeen islamarkaana soo weerareen” shaqaale Shiinees ah, taasi oo dhalisay iska horimaad. Source
  9. Jabuuti (Caasimadda Online) – Midowga Yurub ayaa qoraal rasmi ah kasoo saaray wadahalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland uga furmay Magaalada Jubuuti ee dalka Jabuuti. Midowga Yurub ayaa qoraalka uu soo saaray kusoo dhaweeyey wada-haladii 24 Bishaan June ka furmay Jabuuti, waxayna ku tilmaameen inuu yahay tallaabo muhiim ah oo rajo gelineyso Shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa ku nool Qaaradda Africa oo dhan. “Waa qayb muhiim ah talbaada kalsooni dhisida ee dib u heshiisiinta laguna yareynayo kala aragti duwanaanshaha, laguna horumarinayo dhismaha nabadda, barwaaqada iyo hurumarka gobalka. Djibouti iyo Itoobiya waxa ay ciyaareen door fir-fircoon oo uu ku qabsoomay wada-halka,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray Midowga Europe. Midowga Yurub ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi ay labaduba ka go’an tahay sidoo ay uga wada shaqeyn lahaayeen hannaanka Nabadda iyo horumarinta. Sidoo kale Midowga Yurub ayaa sheegay in habka kaliya ee lagu gaari karo barwaaqo iyo nabad waarto ay tahay sidoo wadida wadahalada labada dhinac iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo dhibaato u keeni karo wadahadalka. Ugu dambeyntii, Midowga Yurub ayaa sheegay inay goobjoog ka ahaan doonaan wadahaladaas isla markaasna ay diyaar la yihiin bixinta taageerada iyo dadaalka lagu gaari karo Nabadda iyo barwaaqada.
  10. Somalia & Somaliland: Qodobbada ay isku mari waayeen 8-dii sano ee la soo dhafay Shirka Jabuuti ayaa lagu tilmaamay mid waddada u xaarayay in dib loo billaaba wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya Magaalada Jabuuti waxaa lagu soo gaba-gabeeyay shir dhex maray madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Shirkan oo ay marti gelinaysay dowladda Jabuuti waxaa ergada labada dhinac kala hoggaaminayay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Somaliland ayaa si iskeed ah madaxbannaani ugu dhawaaqday markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ku dhawaad 30 sano ka hor. Tan iyo xilligaas waxay masuuliyiinta raadinayeen aqoonsi caalami ah, balse Dowladda Federaalka ayaa u aqoonsan inay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya. Bayaanka ka soo baxay kulanka Jabuuti ayaa lagu qiray in shirarkii sannadihii hore aan horumar badan laga sameynin. Xitaa iyadoo aan wali la isla gaarin arrimaha masiiriga ah ee ku saabsan xiriirka mustaqbalka ayay labada dhinac isku mari waayeen qodobo aasaasi ah. Qaar ka mid ah shirarkii hore iyo qodobadii la isku mari waayay siddeedii sano ee la soo dhaafay ayaan qoraalkan ku soo koobeynaa: Halkey ka soo billowdeen wadahadallada? Fikrika ah in ay wada hadlaan Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland wuxuu markii ugu horeysey ka soo billowday shirkii caalamiga ah ee Soomaaliya loogu qabtay magaalada London, sannadkii 2012-kii. Mid ka mid ah qodobadii shirkaasi ka soo baxay waxa uu dhigayay in “beesha caalamka ay taageerto ahmiyadda ay leedahay in wadahadalo ay dhexmaraan” Somaliland iyo Dowladd Federaalka ee Soomaaliya. Dhawr bilood ka dib shirkaasi waxaa isla magaalada London ka qabsoomey shirkii ugu horeeyey ee fool ka fool ay isu soo horfadhiistaan labada dhinac, wuxuuna shirkaasi dhacay 20-kii bishii June, 2012-kii. Si loo dardargeliyo dadaallada wadahadallada. Somaliland waxay meelmarisay qaraar u oggolaanayay inay wadahadal toos ah la gasho dowladda Soomaaliya. Waxaana tan iyo xilligaas dhacay ilaa lix shir oo looga arrisanayay arrimahan. Shirkii London ee 2012 ayaa lagu go’aamiyay in la billaabo wadahallada Dowladda Somaaliya iyo Somaliland Shirkii London Dhowr bilood uun ka dib shirkii Soomaalida ee London, waxaa bilowday wadahadallo la xiriira – midnimo ama madaxbannaani. Waxaana ka mid ahaa midkii dhacay Bishii Juun, 2012-kii. Ujeedada shirkaas, oo ay martigelisay dowladda UK, wuxuu ahaa in waddada loogu xaaro waxa xaajoodka la xiriiray qodabadii ay labada dhinac ka wada hadli lahaayeen. Wakiiladii ka socday Somaliland ayaa markaasi ka carooday in shirka lagu soo daray masuuliyiin ka socday dowladda Puntland. Bayaan ka soo baxay kulankaasi ayaa lagu heshiiyay in la sii wado wahadallada, madaxda labada dhinacna ay yeeshaan kulan. Waxay sidoo kale ku heshiiyeen ka wada shaqeynta la dagaalanka argagixisada iyo burcad-badeeda. Kulankii Siilaanyo iyo Shariif ee Dubay Waxaa isla sannadkii 2012-kii, magaalada Dubay ku kulmay madaxwenihii Dowladdii Kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynihii Somaliland ee xilligaasi Axmed Maxamed Siilaanyo. Waxaa kulankaasi martigleisay Dowladda Imaaraadka Carabta. Labada madaxweyne ayaa amray in guddiyada farsamo ee labada dhinac matalayay ay sii wadahaan wadahadallada. Siilaanyo iyo Sh Shariif ayaa ku kulmay Imaaratka Carabta 2012-kii Kulankii Ankara 2013-kii Madaxweynihii Dowlladda Federaalka Soomalaiya ee xillaagaasi Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii Somaliland ee wakhtigaa Axmed Siilaanyo ayaa ku kulmay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga. Waxaa kulankaasi goobjoog ka ahaa Recep Tayyib Erdogan oo xilligaas Ra’iisal Wasaare ka ahaa Turkiga. Wasiirkii Arrimaha dibadda Turkiga Axmed Daud Oglu ayaa dhexhdexadinayay wadahadallada. Dhinacayda ayaa ku heshiiyay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin; Xoojinta nabad galyada gobolka Wadaagista xogta ku saabsan amaanka Tababarada iyo deeqaha in la wadaago iyo in laga fogaado hadalo waxyeelayn kara kulamada socda Waxay sidoo kale ku heshiiyeen inay 90 cisho ka dib isugu yimaadaan isla dalka Turkiga si loo sii wada wadahadallada Wasiirkii Arrrimaha dibadda Turkiga Axmed Daud Oglu ayaa dhexhdexadinayay wadahadallada Kulankii ka dhacay Istanbul Wax yar ka dib kullankii Ankara, waxay labada dhinac mar kale ku kulmeen Istanbul bishii July 2013-kii. Kulankaas ayaa looga hadlay arrin muhiim ah sida maamulka hawada Soomaaliya. Waxay ku heshiiyeen in maamulka hawada laga soo wareejiyo Qaramada Midoobay oo maamulesay tan iyo 1991, markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Heshiiska wuxuu ahaa in magaalada Hargeysa looga dhigo saldhig. Lana qeybsada dakhliga ka soo xarooda maamulista hawada. Mar kale ayay dhinacyada ku kulmeen Istanbul bishii January 2014-kii iyagoo ku heshiiyay in la sameeyay guddi farsamo oo labada dhinac ah oo ka so shaqeeya qaabkii maamulka hawada loogu soo wareejin lahaa Hargeysa. Kulankii Jabuuti – 2014-kii Shir ay ka qeybgaleen madaxweynayaashii Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihiin Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa ka dhacay magaalada Jabuuti, waxaana lagu kala saxiixdey heshiis dhigayay in wadahadaladii hakadka galay dib loo billaabo. Waxay sidoo kale isku afgarteen in aan la siyaasadeynin barnaamijyada gargaarka iyo horumarka. Waxay ku heshiiyeen in kulanka xiga ay ku qabsadaan dalka Turkiga January 2015. Kulankii fashilmay ee Istanbul Dhinacyada ayaa sidii ay ku heshiiyen isugu tagay magaalada Istanbul balse fool ka fool uma aysan kulmin. Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyay fashilka shirka. Somaliland ayaa ku eedeysay dowladda Federaalka ah inay si ula kac ah ugu soo dartay wakiiladeeda dad asal ahaan ka soo jeeda Somaliland. Dolwadda Soomalaiya ayaa sheegtay in Somaliland aysan daw u lahayn inay u meeriso cidda ay tahay in ay wadahadallada ku matalaan. Hakad ku yimid wadahadallada Wixii intaa ka dambeeyay ma jirin wax wadahadal rasmi ah oo dhexmaray labada dhinac. Balse waxaa sii socday eedeynta ku saabsan cidda leh masuuliyada burburka wadahadallada. Afar sano ka dib markii la hakiyay wadahadallada, bishii February ee sanadkan, Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxay ku kulmeen magaalada Addis Ababa. Labada hoggaamiye waxaa xafiiskiisan isugu keenay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Ma cadda waxa ay ka wada hadleen balse waxay u muuqataa in kulankaas uu hor udhac u ahaa kulanka dalka jabuuti ka dhacay todobaadkan. Fulinta heshiiyadii hore Labada dhinac ayaa u muuqda inuu midba kan kale ku riixayo mas’uuliyadda caqabadaha hortaagan sidii miiska wadahalka loogu noqon lahaa, lamana saadaalin karo sida ay isugu tanaasuli karaan. Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa arrimo ka tabaneysa in Dowladda Farmaajo, waxayna ku eedeysay inay meesha ka saartay arrimihii horay looga heshiiyay. Guddiga Somaliland u qaabilsan wadahadallada Soomaaliya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wada xaajoodka laakiin ay marka hore dowladda federaalka ka doonayaan inay meelmariso heshiisyadii horay loogu gaaray kulamadii ay labada dhinac yeesheen. Edna Adan Ismaaciil oo ka mid ah guddiga Somaliland u qaabilsan wadahadallada ayaa tiri: “In la wadahadlo waan soo dhaweyneynaa. Wadahadalladu halkii ay marayeen laga soo billaabo kii koowaad ilaa kii lixaad, waxaa dhacayay isu soo dhawaansho. “Umaddu way isu soo dhawaaneysay, waxaase nasiib darro noqotay in madaxweynaha dalka aannu jaarka nahay ee Soomaaliya Farmaajo uu wada buriyo qodobbadii horay loogu heshiiyay oo dhan, oo intuu maalin soo toosay ayuu yiri saxiixyadii madaxweyneyaashii hore waxba kama jiraan, oo uu yiri diyaaradaha hallaga maamulo xamar”. Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay eedeymahaas waxa ayna sheegtay inay ka go’antahay sii wadidda wadahadallada. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa raaligelin ka bixiyay “tacaddiyadii ay dowladdii Maxamed Siyaad barre ka geystay gobollada Waqooyi ee Soomaaliya”. Caqabadaha horyaalla wadahadallada dib loo billabay Cabdidifitaax Saciid Axmed, oo ah wakiilka Somaliland u qaabilsan Jabuuti ayaa sheegay in wadahadallada soo cusboonaaday aysan mira dhal noqon doonin illaa laga fulinaya qodobadii horay loogu heshiiyay. In dhinaca Soomaaliya aanay wadahadalada u meteli karin shaqsiyaadka u dhashay Somaliland ee xilalka ka haya Soomaaliya. Mashaariicda Hormarinta iyo gargaarka in aan la carqaladeynin In si wada jir ah loo maamula hawada Soomaaliya In la joojiyo hadallada xanafta leh ee warbaahinta la isu mariyo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xaqiijiyay in ay soo wadayaan wadahadallada iyo isu soo dhaweynta labada dhinac. “Aniga iyo walaalkey Muuse Biixi waxaan halkan u joognaa in aan gaarno go’aanno adag si dadkayaga ay u helaan mustaqbal wanaagsan.” ayuu yiri Farmaajo. Qaran News
  11. Ibraahim Geedow Cawaale oo ah Qoraa & falanqeeye ciyaaraha gudaha ayaa sheegay in dhismaha garoonka Stadium Muqdisho laga hoos marin heerka caalamiga ee garoomada Xiriirka Kubbadda cagta caalimga ee FIFA https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-garooonka.mp4 Source: goobjoog.com
  12. Magacii Hormuud Foundation oo maamulka Hay’adaas sheegay in uu ku bedelay Hormuud Salaam Bank Foundation https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-11.mp4 Source: goobjoog.com
  13. Warbaahinta Mareykanka oo shaacisay in Ilhan Cumar Aabaheed geeriyooday Xildhibaanada asalkeedu Soomaaliga yahay ee Ilhaan Cumar kana tirsan aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa shaacisay in aabaheed geeriyooday, kadib fariin ay soo dhigtay baraha bulshada ay ku leedahay. Ilhaan Cumar ayaana fariinteeda oo murugo xumbaarsaneyd ku sheegtay in uu geeriyooday aabaheyd Nuur Cumar Maxamed, mana sheegin Ilhan xanuunka uu u geeriyooday aabaheed. Warbaahinta dalka Mareykanka qaarkood oo ka hadlay geerida aabaha dhalay Xildhibaan Ilhan Cumar ayaa sheegay in uu u geeriyooday cudurka safmarka ah ee Caronavirus uu la xanuunsanaa. إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ Surely we belong to God and to him shall we return. It is with tremendous sadness and pain to say goodbye to my father, Nur Omar Mohamed. No words can describe what he meant to me and all who knew and loved him. pic.twitter.com/gb7q0gMXG2 — Ilhan Omar (@IlhanMN) June 16, 2020 Ilhan Cumar oo ah Haweeny asalkeeduna Soomaali yahay ayaa kamid noqtay xildhibaanada ugu caansan Mareykanka , waxa ayna marar badan dagaal siyaasadeed la gashay Madaxweynaha Mareykanka trump. Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Boqolaal dhalinyaro ah oo maanta isugu soo baxay taalada Dajirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho ayaa dhigay dibad-bax ballaaran ay uga cabanayeen sarkaal ka tirsan hay’adda nabad-sugida Soomaaliya ee NISA. Qaar ka mid ah dhalinyarada oo la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay in la musuq-maasuqay shaqo ay u doonteen hay’addaasi, islamarkaana laga qaaday lacago sharci darro ah oo ay ku sheegeen diiwaan-gelin. Sidoo kal dhalinyarada ayaa xusay in looga yeeray xarunta taliska, islamarkaana marka ay tageen laga xushay 20-tan qof oo kaliya, inta kalena la soo eryey. Dhalinyarada warbaahinta la hadashay ayaa sidoo kale xusay in qaarkood jir-dil loo geystay, islamarkaana ay soo gaareen dhaawacyo, sida ay hadalka u dhigeen. Waxa kale oo ay intaasi ku dareen in muddo dheer la meer-meerinayey, islamarkaana laga qaaday sawirro iyo dukumintiyo kale. Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqeen madaxda sare ee dowladda Soomaaliya inay soo fara-geliso arrintooda, si wax looga qabto cadaalad darrada ay ka tirsanayaan NISA.
  15. Allaha u naxariistee waxaa saaka Muqdisho ku geeriyooday Amb. Ciise Cali Maxamed oo ku magac dheeraa (Ciise Dheere), kaas oo ahaa diblumaasi ka tirsanaa wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya. Marxuumka oo maalmihii dambe ku xanuunsanaa magalada Muqdisho ayaa saaka geeriyooday, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa. Ma shaacin ehelladu nooca xanuunka ee uu u geeriyooday maxruum Amb. Ciise Cali Maxamed oo la soo shaqeeyey dowladdii dhexe. Sidoo kale waxaa geeridiisa ka tacsiyeeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah Soomaaliya iyo kuwa horey xilal uga soo qabtay dalka, iyaga oo Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowso. AUN Amb. Ciise Dheere ayaa ahaa diblumaas ku dhawaad 50 sanno ku dhexejiray diblamaasiyadda sigaar ah arrimaha carabta, isaga oo dowladdii dhexe noqday safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Ciraaq. Allah unaxariistee Safiirka ayaa lagu aasay loogu sameeyey Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. MOGADISHU (HOL) - The militant group Al-Shabaab is planning to carry out multiple bombings and targeted assassinations of humanitarian workers and clerics in Mogadishu, the national intelligence agency NISA has warned. Source: Hiiraan Online
  17. Nuur Cumar Maxamed oo ahaa aabaha Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka. Ilhaan Cumar ayaa xaqiijisay geerida aabaheed, waxayna qoraal ay ku baahisay barteeda Twitter-ka ku tiri “Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Murugo iyo xanuun weyn ayay ii tahay in aan sagootiyo Aabahay Nuur Cumar Maxamed. Ereyo laguma sharixikaro qiimaha uu iigu fadhiyay aabahay aniga, intii taqaanay iyo intii jeclaydba”. إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ Surely we belong to God and to him shall we return. It is with tremendous sadness and pain to say goodbye to my father, Nur Omar Mohamed. No words can describe what he meant to me and all who knew and loved him. pic.twitter.com/gb7q0gMXG2 — Ilhan Omar (@IlhanMN) June 16, 2020 Nuur Cumar Maxamed wuxuu ahaa 67 sano jir, waxaana isaga iyo gabadhiisa Ilhaan Mareykanka galeen iyagoo qaxooti ah 1995, markii ay ka yimaadeen Soomaaliya xilligii uu socday dagaalkii sokeeye ee dalka. Xildhibaan Ilhaan Cumar ma sheegin waxa uu aabaheed u geeriyooday, basle warar soo baxaya ayaa tilmaamaya inuu u geeriyooday dhibaatooyin la xiriira cudurka COVID-19. Covid-19 ayaa ku dhacay 2.1 milyan oo qof oo ku nool Mareykanka wuxuuna dilay in ka badan 116,000 oo qof, sida lagu sheegay tirakoob ay soo diyaarisay Jaamacadda Johns Hopkins. PUNTLAND POST The post Ilhaan Cumar aabaheed oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Jabuuti waxaa lagu soo gaba-gabeeyay shir dhex maray madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Shirkan oo ay marti gelinaysay dowladda Jabuuti waxaa ergada labada dhinac kala hoggaaminayay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Somaliland ayaa si iskeed ah madaxbannaani ugu dhawaaqday markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ku dhawaad 30 sano ka hor. Tan iyo xilligaas waxay masuuliyiinta raadinayeen aqoonsi caalami ah, balse Dowladda Federaalka ayaa u aqoonsan inay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya. Bayaanka ka soo baxay kulanka Jabuuti ayaa lagu qiray in shirarkii sannadihii hore aan horumar badan laga sameynin. Xitaa iyadoo aan wali la isla gaarin arrimaha masiiriga ah ee ku saabsan xiriirka mustaqbalka ayay labada dhinac isku mari waayeen qodobo aasaasi ah. Qaar ka mid ah shirarkii hore iyo qodobadii la isku mari waayay siddeedii sano ee la soo dhaafay ayaan qoraalkan ku soo koobeynaa: Halkey ka soo billowdeen wadahadallada? Fikrika ah in ay wada hadlaan Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland wuxuu markii ugu horeysey ka soo billowday shirkii caalamiga ah ee Soomaaliya loogu qabtay magaalada London, sannadkii 2012-kii. Mid ka mid ah qodobadii shirkaasi ka soo baxay waxa uu dhigayay in “beesha caalamka ay taageerto ahmiyadda ay leedahay in wadahadalo ay dhexmaraan” Somaliland iyo Dowladd Federaalka ee Soomaaliya. Dhawr bilood ka dib shirkaasi waxaa isla magaalada London ka qabsoomey shirkii ugu horeeyey ee fool ka fool ay isu soo horfadhiistaan labada dhinac, wuxuuna shirkaasi dhacay 20-kii bishii June, 2012-kii. Si loo dardargeliyo dadaallada wadahadallada. Somaliland waxay meelmarisay qaraar u oggolaanayay inay wadahadal toos ah la gasho dowladda Soomaaliya. Waxaana tan iyo xilligaas dhacay ilaa lix shir oo looga arrisanayay arrimahan. Shirkii London Dhowr bilood uun ka dib shirkii Soomaalida ee London, waxaa bilowday wadahadallo la xiriira – midnimo ama madaxbannaani. Waxaana ka mid ahaa midkii dhacay Bishii Juun, 2012-kii. Ujeedada shirkaas, oo ay martigelisay dowladda UK, wuxuu ahaa in waddada loogu xaaro waxa xaajoodka la xiriiray qodabadii ay labada dhinac ka wada hadli lahaayeen. Wakiiladii ka socday Somaliland ayaa markaasi ka carooday in shirka lagu soo daray masuuliyiin ka socday dowladda Puntland. Bayaan ka soo baxay kulankaasi ayaa lagu heshiiyay in la sii wado wahadallada, madaxda labada dhinacna ay yeeshaan kulan. Waxay sidoo kale ku heshiiyeen ka wada shaqeynta la dagaalanka argagixisada iyo burcad-badeeda. Kulankii Siilaanyo iyo Shariif ee Dubay Waxaa isla sannadkii 2012-kii, magaalada Dubay ku kulmay madaxwenihii Dowladdii Kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynihii Somaliland ee xilligaasi Axmed Maxamed Siilaanyo. Waxaa kulankaasi martigleisay Dowladda Imaaraadka Carabta. Labada madaxweyne ayaa amray in guddiyada farsamo ee labada dhinac matalayay ay sii wadahaan wadahadallada. Kulankii Ankara 2013-kii Madaxweynihii Dowlladda Federaalka Soomalaiya ee xillaagaasi Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii Somaliland ee wakhtigaa Axmed Siilaanyo ayaa ku kulmay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga. Waxaa kulankaasi goobjoog ka ahaa Recep Tayyib Erdogan oo xilligaas Ra’iisal Wasaare ka ahaa Turkiga. Wasiirkii Arrimaha dibadda Turkiga Axmed Daud Oglu ayaa dhexhdexadinayay wadahadallada. Dhinacayda ayaa ku heshiiyay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin; Xoojinta nabad galyada gobolka Wadaagista xogta ku saabsan amaanka Tababarada iyo deeqaha in la wadaago iyo in laga fogaado hadalo waxyeelayn kara kulamada socda Waxay sidoo kale ku heshiiyeen inay 90 cisho ka dib isugu yimaadaan isla dalka Turkiga si loo sii wada wadahadallada Kulankii ka dhacay Istanbul Wax yar ka dib kullankii Ankara, waxay labada dhinac mar kale ku kulmeen Istanbul bishii July 2013-kii. Kulankaas ayaa looga hadlay arrin muhiim ah sida maamulka hawada Soomaaliya. Waxay ku heshiiyeen in maamulka hawada laga soo wareejiyo Qaramada Midoobay oo maamulesay tan iyo 1991, markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Heshiiska wuxuu ahaa in magaalada Hargeysa looga dhigo saldhig. Lana qeybsada dakhliga ka soo xarooda maamulista hawada. Mar kale ayay dhinacyada ku kulmeen Istanbul bishii January 2014-kii iyagoo ku heshiiyay in la sameeyay guddi farsamo oo labada dhinac ah oo ka so shaqeeya qaabkii maamulka hawada loogu soo wareejin lahaa Hargeysa. Kulankii Jabuuti – 2014-kii Shir ay ka qeybgaleen madaxweynayaashii Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihiin Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa ka dhacay magaalada Jabuuti, waxaana lagu kala saxiixdey heshiis dhigayay in wadahadaladii hakadka galay dib loo billaabo. Waxay sidoo kale isku afgarteen in aan la siyaasadeynin barnaamijyada gargaarka iyo horumarka. Waxay ku heshiiyeen in kulanka xiga ay ku qabsadaan dalka Turkiga January 2015. Kulankii fashilmay ee Istanbul Dhinacyada ayaa sidii ay ku heshiiyen isugu tagay magaalada Istanbul balse fool ka fool uma aysan kulmin. Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyay fashilka shirka. Somaliland ayaa ku eedeysay dowladda Federaalka ah inay si ula kac ah ugu soo dartay wakiiladeeda dad asal ahaan ka soo jeeda Somaliland. Dolwadda Soomalaiya ayaa sheegtay in Somaliland aysan daw u lahayn inay u meeriso cidda ay tahay in ay wadahadallada ku matalaan. Hakad ku yimid wadahadallada Wixii intaa ka dambeeyay ma jirin wax wadahadal rasmi ah oo dhexmaray labada dhinac. Balse waxaa sii socday eedeynta ku saabsan cidda leh masuuliyada burburka wadahadallada. Afar sano ka dib markii la hakiyay wadahadallada, bishii February ee sanadkan, Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxay ku kulmeen magaalada Addis Ababa. Labada hoggaamiye waxaa xafiiskiisan isugu keenay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Ma cadda waxa ay ka wada hadleen balse waxay u muuqataa in kulankaas uu hor udhac u ahaa kulanka dalka jabuuti ka dhacay todobaadkan. Fulinta heshiiyadii hore Labada dhinac ayaa u muuqda inuu midba kan kale ku riixayo mas’uuliyadda caqabadaha hortaagan sidii miiska wadahalka loogu noqon lahaa, lamana saadaalin karo sida ay isugu tanaasuli karaan. Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa arrimo ka tabaneysa in Dowladda Farmaajo, waxayna ku eedeysay inay meesha ka saartay arrimihii horay looga heshiiyay. Guddiga Somaliland u qaabilsan wadahadallada Soomaaliya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wada xaajoodka laakiin ay marka hore dowladda federaalka ka doonayaan inay meelmariso heshiisyadii horay loogu gaaray kulamadii ay labada dhinac yeesheen. Edna Adan Ismaaciil oo ka mid ah guddiga Somaliland u qaabilsan wadahadallada ayaa tiri: “In la wadahadlo waan soo dhaweyneynaa. Wadahadalladu halkii ay marayeen laga soo billaabo kii koowaad ilaa kii lixaad, waxaa dhacayay isu soo dhawaansho. “Umaddu way isu soo dhawaaneysay, waxaase nasiib darro noqotay in madaxweynaha dalka aannu jaarka nahay ee Soomaaliya Farmaajo uu wada buriyo qodobbadii horay loogu heshiiyay oo dhan, oo intuu maalin soo toosay ayuu yiri saxiixyadii madaxweyneyaashii hore waxba kama jiraan, oo uu yiri diyaaradaha hallaga maamulo xamar”. Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay eedeymahaas waxa ayna sheegtay inay ka go’antahay sii wadidda wadahadallada. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa raaligelin ka bixiyay “tacaddiyadii ay dowladdii Maxamed Siyaad barre ka geystay gobollada Waqooyi ee Soomaaliya”. Caqabadaha horyaalla wadahadallada dib loo billabay Cabdidifitaax Saciid Axmed, oo ah wakiilka Somaliland u qaabilsan Jabuuti ayaa sheegay in wadahadallada soo cusboonaaday aysan mira dhal noqon doonin illaa laga fulinaya qodobadii horay loogu heshiiyay. In dhinaca Soomaaliya aanay wadahadalada u meteli karin shaqsiyaadka u dhashay Somaliland ee xilalka ka haya Soomaaliya. Mashaariicda Hormarinta iyo gargaarka in aan la carqaladeynin In si wada jir ah loo maamula hawada Soomaaliya In la joojiyo hadallada xanafta leh ee warbaahinta la isu mariyo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xaqiijiyay in ay soo wadayaan wadahadallada iyo isu soo dhaweynta labada dhinac. “Aniga iyo walaalkey Muuse Biixi waxaan halkan u joognaa in aan gaarno go’aanno adag si dadkayaga ay u helaan mustaqbal wanaagsan.” ayuu yiri Farmaajo.
  19. Madasha xisbiyada qaran ayaa qoraal ka soo saaray nabadeynta iyaga oo walaac ka muujiyey colaado ka socda qeybo ka mid ah dalka, waxanya soo qaateen iney ku jireen gacmo siyaasadeed. Qoraalka Madasha: Madasha Xisbiyada Qaran (MXQ) oo ka duulaysa baahida loo qabo nabad ku wada noolaansho waarta oo dhex marta bulshada Soomaaliyeed ee asaaggood uu ka reebay colaadaha soo noqnoqday, waxay walaac ka muujinaysaa dagaalada sokeeye ee ka soo cusboonaaday deegaanada Soomaaliyeed. Madashu waxay u aragtaa inay gacmo siyaasadeed ku lug leeyihiin dagaallada sokeeye ee soo noqnoqdey. Madashu waxay u taagan tahay Dhiirigalinta nabadda, xasiloonida iyo dariswanaagga, Ilaalinta sharafka, dhiigga, maalka shaqsiga iyo karaamada umadda Soomaaliyeed, waxayna bulshada ku dhiirigalinaysaa ka fogaanshaha hadallada xanafta leh ee kicin kara ama dhaawici kara dareenka dadka iyo ka baaqsashada hurinta colaadaha. Cambaarayn: Madashu waxay cambaaraynaysaa falka waxashnimada lahaa ee lagu xasuuqey dhalinyarada dhakhaatiirta aheyd ee ka dhacay deegaanka Golooley ee degmada Balcad kaasoo ay geysteen dad arxanlaawayaal ah oo ku labisnaa direysa ciidamada Qaranka Soomaaliyeed. Madashu waxey dalbeysaa in sida ugu degdegga badan loo horkeeno caddaaladda kuwii fuliyey iyo ciddii amarka bixiseyba. Ayadoo lawada ogsoonyahay inay dawladdu joojisey shirarka siyaasadeed ee ka qabsoomi lahaa Muqdisho, Madashu waxay ka xuntahay in dawladdu ay abaabusho oo maalgaliso shirar lagu kala fogaynaayo bulshada Soomaaliyeed laguna hurinaayo colaado sokeeye. Waxaan u aragnaa in dawladdu ay lug weyn ku leedahay hurinta colaadaha bilihii ugu danbeeyay ka soo cusboonaaday dalka gaar ahaan; Muqdisho, Shabeelada Hoose, Shabeelada dhexe, Jubada Hoose, Hiiraan, Galguduud, Mudug, iyo degmooyin kamid ah Dawlad Deegaanka Soomaalida gaar ahaan degmooyinka Raaso, Sallaxaad, Doollo iyo qaybo kale oo kamid ah Dawlad Deegaanka Soomaalida. Baaq: Madashu waxay ugu baaqaysaa hoggaanka dalka inuu joojiyo dagaalada siyaasadeed iyo midka ciidan ee ku wajahan Dawlad goboleedyada dalka iyo guud ahaan geyiga Soomaaliyeed. Madashu waxay ugu baaqaysaa culimada, salaadiinta, odayaal dhaqameedka, indheer garadka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed inay u istaagaan daminta colaadaha, ka shaqaynta nabadaynta iyo hirgalinta darisayn ku dhisan iscafis,walaalnimo iyo wax wada qabsi. Madashu waxay ugu baaqaysaa dhamaan masuuliyiinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan iney ka hortagaan colaadaha qabiileysan ee umadda kala dilaya Source: goobjoog.com
  20. Laascaanood (Caasimada Onine) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in Somaliland maanta ciidamo dheeraad ah ay dhigtay jidadka magaalada magaalada Laascaanood, kuwaas oo bilaabay dhaq dhaqaaqyo cusub. Ciidamada oo isugu jiray boolis iyo milatari ayaa waxaa lagu arkayaa xaafadaha magaaladaasi, iyaga oo wata gaadiidka dagaalka. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaas loogu tala-galay inay ka hortagaan dibad-bax laga cabsi qabo inuu ka dhacayo Laascaanood, kaas oo looga soo horjeedo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ee dib uga bilowday dalka jamhuuriyada Jabuuti. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadu ay xir-xireen qaar ka mid ah dadkii abaabulayey dibadbaxaaasi. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, iyadoona laga cabsi qabo inay isku dhacaan shacabka iyo ciidamada maamulka gobolka Sool ee Somaliland uu dhigay halkaasi. Inta badan dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa ka soo horjeeda shirka Jabuuti, kuwaas oo maalmihii dambe cabasho marinayey dhanka warbaahinta, taas oo sii xoojisay cabsida ka jira deegaanadaasi
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay mas’uul ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, kaas oo lagu toogtay xaafadda Jamhuuriyo, degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Ragga dilka fuliyey oo ku hubeysnaa bistoolado ayaa la sheegay inay goobta isaga baxsadeen falka kadib. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo meydka ka qaaday halkaasi. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi, waxaana magaca marxuumka ay ku sheegtay Cabdullaahi Bariise. Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Bariise uu ka mid ahaa waaxda canshuuraha ee wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi. Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan dilal qorsheysan ka beegsata mas’uuliyiinta iyo askarta dowladda ee ku sugan gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
  22. Muqdisho (Wararka Puntland Post ) — Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirkii hore ee Arrimmaha Dibedda ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, oo faallo ka qoray shirkii Jabuuti ku dhex maray madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa ku dooday in waxa ay rumeysan yihiin reer Somaliland uu yahay mid ka mid ah caqabadaha jira. “Somaliland shakhsiyaad beey leedahay loo bixiyay ‘mujaahiddiin’. Waxay la dagaallameen oo ay ka adkaadeen shakhsiyaad astaan looga dhigay shar oo loo bixiyay ‘faqash’” ayuu Yuusuf Garaad ku dooday. Yuusuf Garaad wuxuu mar ka mid ahaa xubnaha guddi Dowladda Federaalka Soomaaliyeed u soo xushay inay Somaliland wadahadal la yeeshaan. Doodda Yuusuf Garaad uu soo bandhigay, oo ka dhigaysa Somaliland maamul beeleed, waxay kicisay dareenno kala duwan. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu uga mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed raallingelintii ay ka bixisay gaboodfalkii dhacay siddeetamaadkii. “Waa wax laga xumaado in Yuusuf Garaad Somaliland iskugu qoosho ammaan iyo canjarafayn. Yuusuf ma hadda ayay Somaliland la noqotay mashruuc Mujaahid? ” buu Puntland Post u sheegay Maxamed Siciid Geeddi, oo ah bare wax ka dhiga dugsiyada gaarka loo leeyahay ee magaalada Hargeysa. Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay qaadatay siyaasado ka duwan dowladihii ka horreeyay si ay garawshiiyo uga keento tabashooyinka dhabta ee reer Somaliland gaar ahaan gaboodfalladii siyaasadeed oo dhacay ka hor burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991kii. © Puntland Post, 2020 The post Yuusuf Garaad: Reer Somaliland waxay rumeysan yihiin inay Faqash ka adkaadeen appeared first on Puntland Post.