Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,255
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland, Cabdulllaahi Cali Xirsi (Timacade) oo warbaahinta ugu warramay magaalada Garoowe ayaa qaadacay shirkii uu dhowaan madaxweynaha Soomaaliya uu ku casuumay madaxda dowladda goboleedyada, si looga arrinsado doorashooyinka ee 2020/2021-ka. Timacade ayaa shaaciyey in Puntland aysan ka qeyb-geli doonin shirkaasi, islamarkaana ay taageersan tahay baaqii guddoomiyaha golaha aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdulllaahi ee ahaa in la’isugu yimaado shir wadatashi ah oo ku aadan xaaladda dalka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ka maamul ahaan aysan qeyb ka noqon doonin mar-marsiiyo uu sheegay inay wadaan madaxda dowladda dhexe, si dib loogu dhigo doorashooyinka soo socda ee la filayo in la qabto dhamaadka sanadkan illaa 2021-ka. Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland ayaa xusay inay muhiim tahay in ilaaliyo waqtiga doorashada, islamarkaana laga heshiiyo nooceeda, si ay noqoto doorasho la wada ogol yahay oo ay qeyb ka yihiin saamileyda siyasadeed ee dalka. Puntland oo uu haatan khilaaf kala dhexeeyo Villa Soomaaliya ayaa noqoneysa maamulkii ugu horreeyey ee ka hor-yimaad casuumaada uu madaxweyne Farmaajo u fidiyey madaxda dowlad goboleedyada ka jira dalka, ka hor inta uusan aadin Jabuuti.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa miino ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan. Wararka ayaa sheegaya in miinada ay la kacday mooto ay saarnaayeen dad shacab ah, waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ku dhowaad 5 qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyada oo uu jiro dhaawac kale oo soo gaaray dad shacab ah, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo xiray dhaq dhaqaaqa meesha uu qaraxu ka dhacay. Faah faahinta kala soco:Caasimada.net.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah waxaa barqanimadii maanta askari ka tirsanaa ciidamada dowladda lagu dilay agagaarka isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaas oo xirnaa dharka ciidanka Booliska. Dilkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ka dambeeyeen kooxo ku hubeysnaa bistoolado oo goobta isaga baxsaday toogashada kadib. Warar ayaa sheegaya in xilliga uu dilka dhacayey uu mashquul xoogan iyo jaam uu ka jiray isgoyskaasi, iyadoona meydka marxuumka uu muddo yaallay halkaasi. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, iyaga oo qab-qabtay tiro dhalinyaro ah. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan ciidamada dowladda ee ku sugan Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa waxaa weeraro ku disha kooxda Al-Shabaab oo weeraro qorsheysan ka fulisay caasimada.
  4. Kalfadhiga Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, Fadhigiisa 4-aad oo qabsoomay Maanta oo Khamiis ah, ayaa lagu ansixiyay Ajandaha Kalfadhiga 46-aad oo ka kooban 15 Qodob. Fadhiga Maanta oo ay soo xaadireen37 Mudane, waxaa shir guddoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka kowaad Avv. Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Ku xigeenka labaad Avv. Ismaaciil Maxamed Warsame. Ajandaha oo cod gacan-taag ah la geliyay, waxa u codeeyay 35 xubnood, waxaana ka aamusay 2 Mudane oo keliya, mana jirin cid diidday sidaas ayuuna Ajanduhu ku ansaxay. Qodobada Ajandaha ugu muhiimsan waxa kamid ah La-xisaabtanka Xukuumadda, Ansixinta Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Dib u-eegista Heshiiska DP World ee Dhismaha iyo Ballaarinta Dekedda Boosaaso. Waxaase Ajandaha ku cusub ka Doodista Amniga Golaha Wakiilada, in loo helo xarun Cusub Golaha iyo sidoo kale Qodob la xiriira Doorashada Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Halkaan ka akhriso Ajandaha PUNTLAND POST The post Ajandaha Baarlamanka Puntland lagu daray Qodob la xiriira Amniga Golaha appeared first on Puntland Post.
  5. Ksimaayo (Caasimada Online) – Safiirka dowladda dalka Qatar u fadhiya magaalada Muqdisho, Xasan Xamza Asad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka gaaray magaalada Kismaayo oo xarun kumeel gaar u ah dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Wafigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaaladaasi ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo uu ugu horreeyo, Maxamuud Sayid Aadan oo ah madaxweynaha ku xigeenka ee maamulkaasi. Wararka ayaa sheegaya in si aad ah loo adkeeyey amniga Kismaayo, iyadoona ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka qaar ee magaaladaasi. Ujeedka socdaalka wafdigan ayaa la xariira sidii ay xariga uha jarin lahaayeen mashaariic horumarineed oo ay Qatar ka fulineyso halkaasi. Sidoo kale waxaa la filayaa in kulan gaar ah ay la qaataan madaxda sare ee dowlad goboleedka Jubbaland. Qatar ayaa ka mid ah dowladaha taageero Soomaaliya, waxaana mashaariic kala duwan ay ka fulisaa magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.
  6. Maxaabiista la soo celiyay maanta 13 maxbuus oo laga soo daayay xabsiyada waddanka Cummaan ayaa maanta oo Khamiis ah dib loogu soo celiyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Maxaabiistan oo mudda sagaal sannadood ah arrima la xiriira Burcad-badeednimo ugu xirnaa waddanka Cummaan ayaa waxa maalmihii u dambeeyay socday dadaallo lagu sii daynayo kuwaas oo ugu dambayntii lagu guulaystay. Qaar kamid ah maxaabiista oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin xorriyadooda ay dib u heleen kadib mudda ay ku dhibaataysnaayeen xabsiyada waddankaasi Cummaan. PUNTLAND POST The post Maxaabiis ku xirnaa waddanka Cummaan oo maanta dib loogu soo celiyay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuutu, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si faah faahsan uga hadlay loolanka kala dhexeeya Kenya ee tartanka kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka, Qaramada Midoobay. Madaxweyme Geelle ayaa sheegay in dowladdiisa ay olole adag u soo gashay helitaanka kursigaasi, si ay ugu matasho guud ahaan qaaradda Afrika. Sidoo kale wuxuu tilmaamay, haddii ay Jabuuti hanato kursigaasi in mudnaanta 1-aad ay siin doonto, sidii looga gudbi lahaa walaaca ay qabaan dalalka qaar ee Afrika. Madaxweynaha wadanka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in jamhuuriyadda Jabuuti oo 27-ka bishan u dabaal dageyso 43 sano oo xornimo ah ay u qalanto inay hesho xubinimada aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka, isaga oo sheegay in muddadaasi ay ku caan-baxday nabad iyo dulqaad. “Tani waxay aheyd olole aad u adag, waxaan soo dhageysanay oo aan diyaarsanay waxyaabaha aad mudnaanta siineysaan ee danaha idiin ah ee aad ka walaacsan tihiin ee aragtiyaha aad ka qabtaan dunida dhibka badan , 27-ka bishan Juun waxaan u dabaal degi doonaa 43 sanno oo xornimo ah, waa 43 sanno oo ay Jabuuti ku caanbaxday nabad iyo dulqaad.” ayuu yiri Madaxweyne Geelle. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in Jabuuti ay door weyn ka qaadatay dadaallada nabadda ee gobolka, wuxuuna tusaale u soo qaatay shirka wada-hadallada madaxda Soomaaliya iyo Somaliland oo dhowaan isugu tegay gudaha dalkaasi. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay Kenya iyo Jabuuti ay ku kala bixi waayeen cod-bixintii ka dhacday xarunta QM ee loolanka labadaas dal ay ugu jireen helitaanka kursi aan joogto ahayn oo ka mid ah 15-ka kursi ee golaha ammaanka, Qaramada Midoobay. Doorashadaasi ayaa waxa ay Kenya heshay 113 cod, halka Jabuuti ay ka heshay 78 cod, taasi oo macnaheedu yahay in maanta markale lagu laaban doono codeyn kale, maadaama Kenya aysan helin laba meelood saddex meel codadka ama 129 cod.
  8. Safiika dowladda Qatar u fadhiya Somaaliya Xasan Xamza ayaa saaka gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland. Madaxweyne ku xigeenka koobaad Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno kamid ah golaha wasiiradda Jubbaland ayaa safiirka ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Sayyid Maxamad Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo. Warbaahinta Jubaland ayaa sheegaysa in Safiirku uu xariga ka jarayo mashaariic horumarineed oo ay dowladda Qatar Jubbaland ka hirgelisay inta uu ku suganyahay magaalada Kismaayo. Ha yeeshee wararka qaar ayaa ku warramaya in Safiirka uu sidoo kale halkaasi u tegay arrima siyaasadeed inkastoo aysan jirin cid si rasmiya u xaqiijisay wararkasi hoose. PUNTLAND POST The post Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya oo saaka gaaray kismaayo appeared first on Puntland Post.
  9. (SLT-Addis ababa)-Xiisadda u dhaxaysa Amxaaradda iyo Tigrayga, oo ah labada gobol ee ugu awoodda badan Itoobiya, ayaa sii kordheysa kadib markii wadanku uu doorashooyinkii u dhigay sanadka dambe, sida ay sheegtay Hey’adda Caalamiga ah ee Xasaradaha, International Crisis Group (ICG). Gobolka Waqooyi ee Tigrayga oo ku dhawaad 30 sano dalka xukumayay ayaa waxaa gees u riixay Dowladda Federalka ah ee fadhigeedu yahay magaaladda Addis Ababa, taasi oo kordhisay khatarta ah in uu dagaal militari ka dhaco waqooyiga. Labada gobol waxay wadaagaan xuduud waxayna isku khilaafsan yihiin xilliga la qabanayo doorashooyinka federalka. Tartanka u dhaxeeya qowmiyadaha Itoobiya iyo xisbiyadda siyaasadda oo batay ayaa calaamad u noqday Dowladda Ra’iisul wasaare Abiy Axmed, sababtoo ah waxaa uu damaanad qaaday xoriyad weyn oo bulsho iyo mid siyaasadeed. Laakiin, warbixinta hey’adda caalamiga ah ee xasaradaha waxay sheegeysaa in muranka u dhaxeeya Amxaaradda iyo Tigrayga uu yahay kii ugu qaraaraa oo ay hurisay qowmiyanimadda labada gobol. William Davison, oo ah taxliiliye sare oo kooxda xasaradaha u qaabilsan Ethiopia, ayaa sheegay in muwaadiniinta Amxaaradu ay rumeysan yihiin in goobo muhiim ah oo ay ku jiraan Wolqait iyo Raya ay goosteen Tigraygu markii la sameynayay qariiradda federalka Ethiopia, horraantii sagaashamaadkii. “Dhibaatadda muddo tobanaan sano ah ayey jirtay,” ayuu yiri Davison. “Waxay qaraxday oo ay sii xoogeysatay intii ay socdeen mudaharaadyadii dowladda looga soo horjeeday ee 2016 ilaa 2018. Dhibaatadu ma aysan dhamaan waxayna isku qastay danaha Ethiopia ee gobolka.” Iyadoo ay xiisaddu sii xoogeysatay, xisbiga Tigrayga ee ah xisbul xaakimkii hore ayaa ku goodiyay in ay qabsanayaan doorashooyinkooda gaarka ah. Qorsha doorashadda ayaa siyaasiyiinta Tigrayga iyo Amxaaradda ku hogaamiyay in ay meel adag kala istaagaan, sida lagu sheegay warbixinta oo soo xiganeysa hadalkii uu dhowaan sheegay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, oo ahaa in ficil xumo walba oo dhexmarta labada gobol ay dhaawici doonto dadka iyo dalka. Davison waxaa uu tilmaamay in xiriirka u dhaxeeya xisbiga Tigrayga iyo Dowladda Federalka Ethiopia uu sii xumaanayo. “Dadku waa in ay tanaasul raadiyaan waxaana u baahanahay cimilo siyaasadeed si aan tanaasul u raadino,” ayuu yidhi Davison. “Laakiin waxaan fahmayaa, nasiib-darro in aanan taas heysan..waa ay adkaan doontaa in wax horumar ah laga sameeyo muranka dhulka ee u dhexeeya Amxaarada iyo Tigrayga. Sidaas darteed, dhibaatadu waa ay sii qasmeysaa mana dhamaaneyso, waxaana kasii daran xiriirka Tigraygu la sameysteen xubno Dowladda ka tirsan iyo dhibka kala dhaxeeya Amxaarada in uu isu badeli karo mid dhiig ku daato.” Saraakiil badan oo ka tirsan Amxaaradda iyo Tigrayga oo uu ku jiro Madaxweyne ku-xigenka gobolka Tigrayga Fanta Mandefro ayaa diiday inay ka jawaabaan si wax looga weydiiyo khilaafka goboladda u dhexeeya. Laakiin, Dessalegn Chanie Dagnew oo ah Guddoomiyaha dhaq-dhaqaaqa mucaaradka ah ee Amxaaradda ayaa sheegay in qariiradda Itoobiya oo lagu saleeyay dhul-qowmiyadeed ay tahay sababta khilaafka, mana ahan Amxaaradda iyo Tigrayga keliya ee sidoo kale gobollo badan ayuu khilaafku ka jiraa. “Waxaan dhihi lahaa fowdadu waxay ka dhacday melo badan kuma koobna keliya Amxaaradda iyo Tigrayga,” yuu yidhi Dessalegn. “Laakiin haddana ma filayo in uu jiri doono isku dhac.” Si loo yareeyo xiisadda, Kooxda Caalamiga ee Xasaradaha waxay ku taliyeen in guddiga xuduudaha qaranka uu fududeeyo wada xaajoodka isagoo ka warbixinaya dhulka lagu tartamayo ee labada gobol. Source
  10. (SLT-Nairobi)-Kenya ayaa ku guul-daraysatay inay hanato kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka kaasoo ay kula tartamaysay dalka Jabuuti, kadib markii ay heli weyday codadkii ay u baahneyd. Kenya ayaa waxa ay heshay 113 cod, halka Jabuutina ay heshay 78 cod, sidaas daraadeedna Kenya 15 cod ayey ku weyday kursiga, waxaana taasi ay ka dhigan tahay in markale lagu celin doono doorashadaasi. Taasi oo ah in cidana aanay helin 128 cod oo ah aqlabiyad saddex meelood ah oo laba meel oo ah. Natiijadaasi waxa ay ka dhigan in Khamiista maanta ah markale ay labada dal tartami doonaan, waxaana hawl adag ay u taallaa diblomaasiyiinta labada dal sidii ay uga dhex ololeyn lahaayeen dalalka caalamka. Haddii Jabuuti iyo Kenya uu midkoodna heli waayo tirada aqlabiyadda ah ee ay u baahan yihiin, waxaa ay aadayaan wareeg saddexaad. Haddii ay isku mari waayaanna, waxaa dhici karta in tartanka loo furi dalal kale oo Afrikaan ah. Qaabka kale ee xalka loogu heli karo arinkan ayaa ah in labada dal ay ku heshiiyaan qeybsiga muddo xileedka kursiga oo dalkiiba uu sanad ku fadhiyo. Source
  11. (SLT-Ankara)-Amb. Volkan Bozkir oo ah diblomaasi u dhashay dalka Turkiga ayaa waxaa Arbacadii loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha 75aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey. Diblomaasigan ayaa cod aqlabiyad leh lagu soo doortay, isagoo helay 178 ka mida 189 codbixiye-yaal oo wax dooraneysay, iyadoo 11 oo qura ay maya ugu codeysay. Amb. Volkan Bozkir ayaa ahaa musharaxii keliya ee jegadaasi isu soo sharaxay, waxaana uu noqonaya diblomaasigii ugu horeeyay oo reer Turki ah, oo xilkaasi loo doorto. Tallaabada lagu soo doortay ayaa waxaa si diiran u boggaadiyay, oo u soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu. “Marka la tilmaamo magacaabista Madaxweynaheena waxaa loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha 75aad ee Qaramada Midoobey, iyadoo taageero buuxdo uu ka helay xubnaha Qaramada Midoobey, hambalyo Danjire Bozkir guushaan aad gaadhay.” Ayuu yidhi Wasiirka. Bozkir ayaa 15-ka bisha September ee sanadkan xilka kala wareegi doono Tijjani Muhammad-Bande, Madaxweynaha weli tallada Golaha Guud ee Qaramada Midoobey haya. Mr. Tijjani ayaa xafiiska joogay tan iyo 17-kii bishii September ee sanadkii 2019, xilli uu hore u soo noqday Madaxweyne Kuxigeenka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey,bishii September ee sanadkii 2016. Madaxweynaha cusub oo 69 jir ah ayaa 39-kii sanno ee la soo dhaafay ka soo shaqeynayay arrimaha diblomaasiyadda, waxaana uu hore u soo noqday Danjiraha Romania, La taliyaha Qunsulka Guud ee New York, Kuxigeenka Qunsulka Guud ee Stuttgart, Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Baghdad, Wakiilka Joogtada Turkiga ee Midowga Yurub, Wakiilka Joogtada Turkiga ee OECD iyo xilal kaloo badan, oo uu ugu magacawnaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga. Source
  12. Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday qarax oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland oo ku socdaalayey agagaarka deegaanka Af-Urur oo ka tirsan gobolka Bari. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee maalaha fog-fog laga hago ayaa la sheegay in lala eegtay gaari dagaal oo ay wateen ciidamadaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga uu haleelay qaaraxa uu soo gaaray burbur xoogan, islamarkaana uu jiro khasaare kale oo soo gaaray ciidamadii saarnaa. Illaa iyo hadda lama shaacin khasaaraha dhabta ee ciidanka daraawiishta Puntland ka soo gaaray weerarkaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulkaasi. Xaaladda ayaa lagu soo warramayaa inay haatan degan tahay, iyadoona ciidamadii qaraxa lala eegtay ay halkoodii ka sii wateen socdaalkooda. Inta badan kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab oo ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari ayaa weeraro kala duwan oo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaaday ciidamada dowlad goboleedka Puntland ee ka howlgalka deegaanada kala duwan ee gobolkaasi.
  13. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ku sugan Hobyo ayaa maanta shirweyne ku qabanayo halkaasi. Shirka oo ah mid deg-deg ah ayaa madaxweynuhu wuxuu isugu yeeray dadka ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi sida ganacsato, siyaasiyiin, odayaal iyo xildhibaano. Sidoo kale xubnahaasi lagu marti qaaday shirka ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Wararka ayaa sheegaya in shirkaan intiisa badan diirada lagu saarayo dhismaha dekedda Hobyo oo muhiim u ah dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigi doonaa baahida loo qabo dekeddaasi, iyadoona shirka lagu soo qaadi doono sida ay reer Galmudug ay qeyb uga noqon lahaayeen dhismaheeda. Axmed Qoor-Qoor oo maalmahan socdaal ku marayey deegaano ka tirsan gobolka Mudug ayaa shalay gaaray degmada Hobyo oo si weyn loogu soo dhoweeyey halkaasi.
  14. Wasiir Tima-Cadde Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in aysan ka qayb-geli doonin Shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku casumay Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir si looga tashado Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-Cadde) ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka SBC wuxuu ku sheegay in xukuumadda Puntland ay taageersantahay Baaqii ka soo baxay Aqalka Sare ee ku saabsanaa in Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka ay shir isu’gu yimaadaan si looga arrinsado Hannaanka Doorashada 2020/2021. Wasiir Tima-Cadde wuxuu sidoo kale caddeeyay in Puntland aysan ka qayb-geli doonin Shirka uu ku baaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasi oo lagu casumay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Dhinaca kale Wasiirka ayaa ku celiyay Go’aankii Xukuumadda Puntland ku qaaddacday Wada-hadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee ka qabsoomay waddanka Jabuuti isagoo xusay in Puntland aysan marnaba aqbali dooni Natiija kasta oo ka soo baxda Shirkaas. PUNTLAND POST The post Puntland oo qaaddacday Shirkii Madaxweyne Farmaajo ku casumay Madaxda Dowlad Goboleedyada appeared first on Puntland Post.
  15. Beijing will write off all interest-free loans advanced to African countries that are due this year, Chinese President Xi Jinping announced on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  16. Mogadishu (HOL) - Voting for the African seat at the United Nations Security Council will head to a run-off election tomorrow after Kenya failed to reach two-thirds of the vote to win outright. Source: Hiiraan Online
  17. Tan iyo Xalay Dowlada Jabuuti ayaa labada Gudi ku khasbaysay inay isfahan iyo natiijo ka keenaan Qodobadii laga ay ka doodayeen Labada Gudi ee Dowlada [...] The post Shirkii Jabuuti oo kusoo dhamaadey i jiijiid iyo natiijo la’aan balse lagasoo saaray Qodobo, Madaxa Ciida looga ceshanayo appeared first on . Source
  18. TRIPOLI/ISTANBUL (Reuters) - Senior Turkish officials discussed a lasting ceasefire and political solution in Libya, as well as energy cooperation, during a visit to Tripoli on Wednesday, Turkey’s foreign minister said. Source: Hiiraan Online
  19. Closed as a measure to counter human trafficking, terror and smuggling of contraband goods Source: Hiiraan Online
  20. In recent months, food security concerns have emerged for nations across Africa, Asia and the Middle East, as swarms of desert locusts wreak havoc on crops. Source: Hiiraan Online
  21. (RNS) — In early June, Sulekha Ibrahim opened the doors of Healing Path Wellness Services, the mental health clinic she runs in South Minneapolis. Source: Hiiraan Online
  22. MINNEAPOLIS — A Minneapolis woman is suing the city and two police officers for discrimination and battery she says happened last year during a traffic stop. Source: Hiiraan Online
  23. It took them more than two hours to reach Shakani after setting off from Ras Kamboni. Source: Hiiraan Online
  24. US forces have not adequately investigated the two aerial attacks in February and March, Human Rights Watch says. Source: Hiiraan Online
  25. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Jabuuti, ayaa si rasmi ah u shaacisay inay qaddarinayso madaxbannaanida dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, sidaa darteedna ay u go’aansatay inay wadahadal u qabato Somaliland iyo Soomaaliya, maadaama ay Jabuuti ahaan yihiin dadka Soomaali ah oo fahmaha xuddunta khilaafka u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho. Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo hadal ka jeediyey madashii ay Somaliland iyo Soomaaliya ku kala saxeexdeen qodobbada heshiiska ah, waxa uu sheegay in dadka shisheeyaha ah uu marar badan ku guul-daraystay inuu helo dawada khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, balse waxa uu caddeeyey inay Jabuuti oo walaalo Soomaali ah ay ku dedaalayaan sidii ay Somaliland iyo Soomaaliya ugu garab-geli lahaayeen gaadhista ujeedooyinka ay leeyihiin, iyadoo ay Jabuuti mar walba tixgelinayso madaxbannaanida labada dale e Somaliland iyo Soomaaliya. “Shirkan Jabuuti ku qabsoomay waxa aannu qabnaa inuu ka duwan yahay shirarkii hore, waayo waxa aad ogaataan, haddii anagu aan Soomaali nahay shisheeyuhu halka ay boogtu ku taalo biloo uu arki karayaa, haddana dawadeedii wuu ku raagay oo wuu garan waayey, markaa Jabuuti waxay ila tahay anaga oo qaddarinayna madaxbannaanida Somaliland iyo Soomaaliya, waxa aannu leenahay Jabuuti waa walaalihiin oo iyaga ayaa garana sida ay idiinku garab galaan haddafkan aad ku socotiin,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Jabuuti. Source