Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,265
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xildhibaan Sacdiya ”Kursi gaara in gabar ah loo xiro anigu ma qabo waa inaan awoodeena wax ku raadsanaa” Halkan Ka Daawo Khudbad Ay Ka Jeedisay Xarunta Golaha Shacabka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-sac.mp4 Source: goobjoog.com
  2. Wareegto uu soo saaray Odowaa Yuusuf Raage Taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa lagu magacaabey Taliyaasha iyo Taliye Xigeenada Ururada Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad iyo Taliye Xigeenka Guutadaasi. 1-Taliye xigeenka Guutada 15-aad ayaa loo magacaabey Gaashaanle c/samad muuse Yuusuf . 2-Gaashaanle Cismaan Cali Xaashi ayaa loo magacaabey Taliyaha Ururka 71-aad Guutada 15-aad QB-21-aad 3-Gaashaanle Axmed Dabeyl Cabdule ayaa loo dhiibay Ururka 72-aad Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad . 4-Dhamme Sayid Cabdi Axmed Abtidoon ayaa loo magacaabey Taliye xigeenka Ururka 71-aad Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad. 5-Dhamme Fatxi Sayid Muxudiin Axmed oo laga soo badaley Ururka 38-aad ee Taliska Guud loona soo badaley QB-21-aad ayaa soo magacaabey 73-aad Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad . 6-L/X/Le: Maxamed Nuur Cabdi Cawaale oo laga soo badaley Turkisom ayaa loo dhiibay Taliye Xigeenka Ururka 72-aad Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad. 7-L/X/Le: Cali Abdule Hiraabe ayaa isna loo magacaabey Taliye Ku xigeenka Ururka 73-aad Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Xildhibaan Cabdi Cal ayaa sheegay in dumarka laga rabaa in ay xaquuqdooda raadsadaan Halkan Ka Daawo Khudbad Uu Ka Jeediyay Xarunta Golaha Shacabka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-cabdicali.mp4 Source: goobjoog.com
  4. PRESS RELEASE Coronavirus – Somalia: On World Refugee Day, UN calls for continued efforts to help refugees and displaced people in Somalia World Refugee Day comes at a time of a triple threat for Somalia – in addition to the COVID-19 pandemic, the country is dealing with effects of desert locusts and flooding MOGADISHU, Somalia, June 20, 2020/ — Marking World Refugee Day, the United Nations in Somalia today called for continued efforts to alleviate the plight of refugees and displaced persons in Somalia. Despite significant efforts by the Somali authorities, there are still at least 2.6 million Somalis who are internally displaced, and the country hosts more than 30,000 refugees and asylum-seekers, mainly from Ethiopia and Yemen. “I pay tribute to the resilience and courage of refugees and displaced persons, and all those fleeing conflict or persecution. I assure them that the United Nations is committed to their protection and to helping to rebuild their livelihoods. We also support the Somali government to uphold their right to asylum and protection. This has been made more challenging by the COVID-19 pandemic,” said the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, James Swan, “World Refugee Day comes at a time of a triple threat for Somalia – in addition to the COVID-19 pandemic, the country is dealing with effects of desert locusts and flooding. These have presented unprecedented challenges, yet we have seen remarkable resilience and contributions from displaced persons who are doing their part to make a difference, with activities such as making face masks and soap[AR1] . We must stand with them and ensure that the gains are not lost,” said the Representative of the Office of the UN High Commissioner for Refugees (UNHCR), Johann Siffointe. In Somalia, refugees and displaced populations are particularly vulnerable to the COVID-19 pandemic due to the large number of people living in congested urban centres and settlements for internally displaced people (IDPs). Nearly 800,000 Somali refugees continue to reside in the Horn of Africa region, with outflow figures in recent years in sharp decline given Somalia’s progress in peace and security. Over the course of the past decade, many refugees have decided to return home and UNHCR has assisted with voluntary repatriation of more than 90,000 Somali refugees. World Refugee Day celebrates the extraordinary courage and resilience of the forcibly displaced and pays tribute to the generosity of host and donor governments and populations. The theme of this year’s Day is ‘Everyone can make a difference, Every Action Counts’ and comes against a backdrop of the global COVID-19 pandemic and calls for equality. Distributed by APO Group on behalf of United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM). SOURCE United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) Qaran News
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Kadib shirkii Jabuuti ee madaxda Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa la filayaa in kulamada guddiyada farsamada ee labada dhinac ay kulamo kale iskugu yimaadaan caasimada dalka Jabuuti. Guddiyada farsada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa lagu wadaa inay kulmaan 14-beri kadib, sida uu sheegay Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye. Kulankaasi ay iskugu imanayaan guddiyada labada dhinac ayaa waxa lagaga wada-hadli doonaa sidii loo dhameystiri lahaa, isla markaana loo hirgelin lahaa heshiiskii hordhaca ahaa ee labada dhinac ay wada gaareen. Waxaana kulankaasi hogaamin doonta dowladda Jabuuti, gaar ahaan wasaaradeeda arrimaha dibada, oo iyadu hore u sheegtay inay ka go’an tahay in xal buuxa loo helo xiisada ka dhex taagan Somaliland iyo Soomaaliya. Guddiyada kulmaya ayaa ah kuwa gaar ah oo labadda dhinac ka socda, isla markaana sii ambo qaadaya wajiyada kale ee wada-hadalada, iyada oo muddo ka siman lix todobaad ay kulmi doonaan Wasiirada labadda dhinac ee qeybta ka ah wada-hadalada bilowday. Soomaaliya iyo Somaliland ayaa si cad u sheegay inay diyaar u yihiin inay gudiyadooda farsamo ay dalkaasi u safraan marka la gaaro xiliga loo balamay kulanka oo ku siman 14-maalin kadib. Wada-hadalada labada dhinac ayaa u muuqda kuwo aan wax badan ka duwaneyn kuwii hore ee dowladihii Axmed Siilaanyo iyo Xasan Sheekh, iyada oo qodobadii dhowaan laga soo saaray kulankii u dambeeyay ay u muuqdeen kuwo lasoo min-guuriyay.
  6. Xildhibaan Xasan Yare ayaa sheegay in ay billaabatay in kuraasta sidii xawilaaddii deegaanno kale loogu xawisho, saxna maahan” Halkan Ka Daawo Khudbad Uu Ka Jeediyay Xarunta Golaha Shacabka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-xasan-yare.mp4 Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho ( Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Cabdillahi Bidhaan Warsame ayaa habeenkii khamiista soo dhigay qoraal uu ugu xaqiijiyey bulshada deegaanada SSC in madaxda Dowladda Federal-ka ah ay ka go’antahay midnimada dalka Soomaaliya. Qoraalka Wasiirka ayaa ku soo aaday xilli dadka deegaankaas ay walaac badan ka muujiyeen wadahaladdii DFS ay Jabuuti kula gashay Somaliland. Dadka deegaanka ayaa ka wal walsanaa masiirkooda maadama aan laga qeybgalin wadahallada taas oo ahayd shuruud ay Somaliland ku xirtay in dadka Gobollada Waqooyi aysan qeyb ka noqon wadahadallada. Walow ay dad badani arrintaas dhallileen hadana qoraalka Wasiir Bidhaan ayaa u muuqday mid dajisay dadka deegaanka oo uu isaguba ka soo jeedo. Qoraalka Wasiirka ayaa sidan u dhignaa: “Waxaan maanta ka qeybgalay kulan ay isugu yimaadeen bulshada SSC. Anigoo garowsan dadaalka ay dadkaasi ku bixiyeen in la helo midnimo Soomaaliyeed. Waxaan la wadaagay xog ogaalnimadeyda shirkii Jabuuti iyo sida ay madaxda DFS uga go’antahay ka miro dhalinta midnimada dalka.” Maxaa laga fahmi karaa qoraalka? Dhigaalka Wasiirka oo u muuqda mid farriin qoto dheer bixinaya ayaa laga dhadhansan karaa in Madaxa Dowladda ay iyagu matalayeen dadka Midniada raba oo aan ku goobneen deegaanada SSC balse ay xataa ku jiraan dad kale sida Gobolka Awdal iyo beelaha qaar ee Gobollada loo yaqaan kuwa “Beesha Dhexe”. Dhinaca kale Wasiirka ayaa qaatay door wanaagsan marka la eego sida uu ugu xog warramay qeybaha kala duwan ee bulshada uu matala kaddib sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah bulshada deegaankaas oo nala soo xiriiyey kana qeybgalay kulan qado ah oo uu Wasiirka Khamiistii Hotel Decale ku yeeshay Xildhibaanada labada Gole, siyaasiin hore iyo dhallinyarada deegaankaas. Waxyaabaha kulankaas looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa sida aan xogta ku helnay horumarka deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn iyo doorashooyinka soo socda oo la filayo in markan ay ka dhacaan halkaas. Wasiir Cabdillhi Bidhaan waxa uu ka mid yahay xubnaha Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Nabad iyo Nolol kuwooda ugu saameynta badan.
  8. Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji oo ka mid ah golaha shacabka ayaa sheegtay in dhibaatada iyo isqabqabsiga jira ay sabab u tahay 4.5. Halkan Ka Daawo Khudbad Ay Ka Jeedisay Xarunta Golaha Shacabka https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-fowsiy.mp4 Source: goobjoog.com
  9. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ka qeyb galayey munaasabadda daahfurka dekadda magaalada Hobyo, ayaa sheegay in dhismaheeda la bilaabayo dabayaaqada sanadkaan 2020-ka. Madaxweynaha ayaa xusay in dekadda dhismaheeda la bilaabayo dhowwaan “Waxaan rabaa inaan iraahdo, dekadda caawa howsheeda halkan lagu galay Hobyo shaqada bilowga dekadda waxaa la bilaabayaa sida noo qorsheysan, sanadka cusub inta uusan dhalan, meel ayaa wax noo joogaan meesha ay noojoogaan ayaan ku dhisaynaa, inta naga dhimman ayaan dhisaynaa, intii lagu tashaanaa oo dhimmanaa caawa ayaa la gaaray. sidaas darteed qorshayaashii aan sameynay waa ay najaxeen waqtina waa ay leeyihiin lagu sameeyo qiimeyntii laguna bilaabo dekaddii, waana xiliga aan sheegay dekaddiina xiligaas ayey noo bilaabanaysaa waa inta laga iyo sida loo dhiso ayey noqonaysaa” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye. Madaxweynaha sii hadlayo ayaa yiri” Waxaan rabnaa sida aan ugu midaysannahay, Galmudug mid ah, caawa gacanta noogu jirto, la isugu tagay dib u dhiska dalka, Allah idankiis, dib uga noqon mayno, sabab dib noo celin kartaana majirto. Waxaan leenahay meel walbo oo aad joogtaan reer Galmudug dalkiina dhista, u soo jeesta, halkaan caawa waxaa fadhiya hoggaankii ama madaxdii reer Galmudug, oo la dhihi karo Soomaalina waa ay u yihiin, wax kasta oo faa’iido ah oo Galmudug ay gaarto Soomaali ayaa gaartay, Soomaali oo dhan ayaa ka faaiideysanaysa. waxaan rabnaa meel weliba aad joogtaan inaan idiin kalsooni gelinno oo idiin dhiiro gelinno” ayuu yiri madaxweyne Qoorqoor. Hadalka madaxweyna ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo dhowr jeer lagu fashilmay dhismaha dekadda Galmudug, maadaama ay ka jereen xasiiloni darro siyaasadeed, hadda ayaana waxaa hormuud ka ah dhismaha dekadda ganacsato reer Galmuduh ah, wolow dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladaha ka taageerayo dhismaha Hobyo, Googjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Qoraal ay soo saareen xisbiyada ku bahoobay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu eedeeyay dowlada federalka inay ku fashilantay qabashada doorashada qof iyo cod ah,iyagoo ku baaqay shirweyne deg-deg ah. Waxay ugu baaqeen Baarlamaanka in aysan ansixin xeerarkii uu soo gudbiyay Guddigii wadajirka ahaa , ayna dalka iyo deegaanadaba u horseedeyso qalalaase iyo degenaansho la’aan xalintiisu adkaato muddo dheer. Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa sheegtay in hoggaanka dowladda Soomaliya uu ku fashilmay qabashada doorasho qof iyo Cod ah, islamarkaana loo baahan yahay in laga tashado. Waxa ay sidoo kale ka Codsatay baarlamaanka Soomaaliya in uusan ansixin qodobo ka mid ah kuwii ku xusnaa xeerka doorashooyinka Qaranka oo abuuri kara Xasiilooni daro Siyaasadeed. Halkaan uoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Madasha xisbiyada Qaran
  11. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ku taliey in la laalo talooyinka ay baarlamaanka horkeeneen guddiga wadajirka ahaa ee habraacyada doorashooyinka. Waxaa kale, oo ay soojeediyeen in la qabto kulan looga tashanayo qaabka doorashada 2020/2012 kadib markii maamulka hadda jira ku fashilmay qabashada qof iyo cod. Qodobbada Madasha Akhriso: Source: goobjoog.com
  12. Bardaale (Caasimadda Online) – Diyaarad nooca aan duuliya laheyn oo ay Laheyd Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo riday gudaha Soomaaliya sida ay ogaatay Shabakadda Caasimadd Online. 17-kii Bishii June ee sanadkaan 2020 ayey Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan toogteen diyaaradaan aan duuliyaha laheyn oo ay laheyd kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab xilli ay mareysay inta u dhaxeyso Magaalooyinka Luuq iyo Bardaale oo ka kala tirsan Gobolada Gedo iyo Baay. Diyaaradda ay laheyd Al-Shabaab ee la toogtay ayaa lasoo sheegaya in xilliga la tooganayey ay kormeer ku kor sameeneysay kollonyo ka tirsan ciidamada AMISOM. Diyaaradda lasoo riday ayaa basaaseysay ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee deegaanadaas ku sugan ka hor inta aan lala helin Gantaal. Saraakiisha Al-Shabaab kama aysan hadlin diyaaradaan laga soo riday sidoo kalana AMISOM war kama aysan soo saarin dhacdadaan. Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro la beegsato kolonyada ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ee ku sugan Soomaaliya, waana markii ugu horeysay oo lasoo rido diyaarad ay laheyd Al-Shabaab.
  13. Ibraahim Geedoow Cawaale oo ka mid aha falanqeeyaasha ciyaaraha gudaha aya waraysi dhinaca Skyp siiyay Goobjoog Sports,isagoo ka waramay arimo badan oo ay ka mid yihiin horomarka iyo hiigsiga isboortiga Soomaaliya mustaqbalka soo socda iyo Xiriirada ka dhisan dalka ay dhageystaan talada ciyaartooydii hore iyo bahda isboortiga dalka. “Wuu jiraa horomar,bale madaxda xiriirada dalka waxaa ku bahoon in ay dhageystaan cabashada iyo baaqyada kaga imaanaya dadka ku jira xeyndaabka ciyaaraha Soomaaliya” ayuu Goobjoog Sports u sheegay falanqeeye Ibraahim Geddoow Cawaale. Dowladda ayaa dib u hagaajin ku samaysay garoonka ciyaaraha Muqdisho Stadium waxaana su’aal badan laga keenay in la wafaajiyo heerarka caalamiga ee garoomada dunida,si aysan markii la dhameeyo ceeb ama in la dhaho garoonka uma diyaarnayso in lagu martigeliyo tartamada caalamka. “shaqo wanaagsan ayaa laga qabtay Stadium Muqdisho,balse Xiriirka kubbadda cagta iyo Wasaarada Ciyaaraha waan in ay xooga iska saaraan in aysan ceeyb ka imaanin kolkii la dhameeyo dib u hagaajinta lagu sameeyo Muqdisho Stadium waa in la wafaajiyaa hanaanka garoomada ay aqoonsanyihiin ha’yadda caalamiga ee isboortiga dunida” ayuu hadalkiisa sii raaciyay falanqeeye Ibraahim Geedoow Cawaale. Hoos u dhac weyn uu ku yimid daawadashada horyaalka kubbadda cagta Soomaaliya waxayna arintaas keentay in ay si weyn ugu hadlaan gorfeeyaasha ciyaaraha gudaha Soomaaliya. “Ma garan karo daawasho la’aanta ka jirta horyaalka kubbadda cagta Soomaaliya,balse hadii uu sidan ku sii socda wuxuu niyad jab ku noqonayaa ciyaarayahanada iyo kooxaha ka qeyb galaya,waan in Xiriirka uu la yimaadaa qorsho wax looga badalaya daawasho xumada horyaalka Soomaaliya” ayuu sheegay. Madaxda Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayuu u soo jeediyay in la baralaariyo horomarka kubbadda cagta iyo in dhamaan Maamul Goboleedyada la gaarsiiyo deeqaha lagu taageero Soomaaliya. “Mas’uuliyeenta Xiriirka waa in ay ka dhaqaaqaan Muqdisho oo ay Maamul Goboleedyada gaaraan,si fursad wanaagaan ay u helaan ciyaarayahanada iyo madaxda ururada isboortiga guud ahaan Gobolada” Falanqeeye Ibraahim Geedoow wuxuu Xiriirka ku dhaliilay is badalka joogtada ah ay sanad walba ku sameeyaan tababaarayaasha Xulka Qaranka,isagoo sheegay in muhiimada kowaad ay tahay in la hormariyo aqoonta macallimiinta Soomaaliyeed lagana maarmo tabarayaasha ajaanibta ee qarashka badan ku baxa wax badan aan ku soo kordhin natiijooyinka Xulka,isagoo sheegay in fursad wanaagsan tababarayaasha dalka. “Gabi ahaan waan in la joojiyaa qaadashada macallimiinta ajaanibta ee lagu bixiyo dhaqaalaha badan,waase in Xiriirka uu la yimaadaa wado ka wanagsan mid aan aragnay sanadihii lasoo dhaafay,balse taa badalkeed waa in Xulka lagu aaminaa tababrayaasha Soomaaliyeed ee kala jooga gudaha Wadanka iyo qrubaha. Dhinaca kale falanqeeye Geedoow waxa uu madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta u soo jeediyay in waqti geliyo lagana faa’ideestay dhallinyarada xirfada wanaagsan ee ku nool gudaha dibada. “Yurub,Afrika iyo Carabta waxaa laga helayaa macalliniin iyo xirfadlayaal tayo wanaagsa oo qeyb ka qaadan kara mahsruuca guulaha Xulka,wuxuuna Xiirirka u soo jeediyay in dhaqaalo badan lagu bixiyo kobaca iyo guulaha Xulka Qaranka Soomaaliya” ayuu Goobjoog Sport u sheegay Falanqeeye Geedoow Halkan Ka Daawo Waraysi Dhinacyo Badan Uu Falanqeeye Geedoow Siiyay Goobjoog Sports W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  14. Large-scale fishermen in Lamu County and traders in goods to and from Somalia will soon resume trade after the national government revealed plans to reopen the Lamu section of the Kenya-Somalia border. Source: Hiiraan Online
  15. Wasiirka Dekadaha iyo Kalluumeysiga dowlad goboleedka Galmudug Saabir Nuur Shuuriye oo xalay uun daahfuray mashruuc lagu dhisayo dekadda Hobyo ayaa sheegay in Galmudug ay ka go’antahay in la dhiso dekadda magaalada. Halkan Ka Dhagaysi Wasiir Saabir Nuur Shuuriye Oo Waraysi Siiyay Goobjoog News https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/wasiir-shuuriye.mp4 Source: goobjoog.com
  16. (SLT-Burco)-Shacabka Magaalada Burco iyo guud ahaan reer Somaliland waxa ay walaac weyn ka muujiyeen hab-dhaqan ugub ku ah ganacsiga iyo mulkiyadda shacabka Somaliland kadib markii Magaalada Burco laga soo weriyay in lagu gubay Meherad Ganacsi sida ay sheegeen mulkiilayaasha Meheradduna ay tuhmayaan in dabka si u kas ah loogu gubay balse ay ka war sugayaan ciidamada Dambi Baadhista Somaliland, gaar ahaan Gobolka Togdheer oo baadhitaan ku wada sida xaaladdani u dhacday. Meheraddaasi oo lagu magacaabo Warsan Ethiopian Restaurant, waxa ay ku taallaa Badhtamaha Magaalada Burco taasi oo keentay hadal hayntii ugu badnayd saacadihii la soo dhaafay ee ay dadku wax iska waydiinayeen. Markii uu haddaba uu soo baxay warka sheegaya in la tuhunsan yahay in Magaalada Burco dab lagu qabadsiiyay Meheradda Warsan waxa arrintaasi xaqiijisay oo ka hadashay Mulkiilaha Maqaaxidaasi oo lagu magacaabo Warsan Maxamed Cige oo sheegtay in dabka soo gaadhay Meheradeeda Ganacsi uu ahaa dab dibadda laga keenay oo ay tuhunsan yihiin in loola badheedhay balse aanay ka hor dhacayn baadhitaanka ay wadaan ciidamada ammaanku. Qoraal ay arrintan ka soo saartay Warsan Maxamed Cige waxa ay ku qodobaysay xaaladdu sida ay u dhacday waxaanay tidhi: “Assalaamu Calaykum dhamaanba bahwaynta Sooomaaliyeed waxaan raba in aan idinla wadago dhacdadii ka dhacaday gobolka Togdheer gaar ahaan Huteelkaygii Warsan Ethiopian Restaurants. Waxan aan ka rawaxay oo albaabada u xidhnay 12:00kii Habeenimo iyada oon dhamanba wax dabi ka shidnayn gudaha meheradda. Waxa laygu soo war galiyay Saacad iyo badh kadib in ay Gubanayso Meheradaydii. Waxa aan gaadhay goobta oo gubanaysa. Waxa ku sugnaa damdamiska iyo dad tiro badan oo ka qayb qaadanayay bakhtiinta Meheradda. Cuntada waxa lagu kariyaa shoolad. laydhka meheradda waxa uu uu ku jira gudaha meheradda. Qaybta hore waxa dabka gaadhsiiya qaybiso ama fiishta xadhiga loo daadiyo. Waxaana la laabaa marka meheradda la rawixiyo. Sifada Dabka: Waxa muuqata in dabka meheradda gaadhay laga keenay dibadda meheradda, lagana bilaabay xagga dambe ee meheradda marka aanu aragnay sifooyinka dabku u gaadhay meesha arrinta baadhisteeda waxa gacanta ku haya ciidanka dambi baadhista Somaliland ee CID ee gobolka Togdheer, wixii ka soo baxa waynu sugaynaa kamana hordhacayno. Waxaan U Mahed Celinayaa Cidda wargalisay ciidanka dab-damiska, Ciidanka CID-da, Ciidanka Booliska iyo Dhallinyarada Oo Marwalba Garabkayga Taagan. Dhinaca kale Siyaasi Maxamed Siddiiq Dhamme oo ka mid ah siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaaridka ah ee WADDANI horena u ahaa guddoomiyaha garabka dhallinyarada ee Xisbigaasi ee Heer Qaran ayaa waxa uu falkan ku tilmaamay mid aan la aqbali karain isaga oo sheegay in isaga oo aan baadhista ka hor dhacayn haddana in loo baahan yahay in falkaasi aad loo hubsado. “Meheradda Warsan ee magaalada Burco lagu gubay waa fal aan ku habboonayn ganacsiga iyo dawladnimada hagaagsan, waan ka xumahay walaal Warsan, khasaaraha kusoo gaadhay cawad khayr qaba Alle ha kuugu beddelo. Anigoon baadhida ka hor dhacayn waxaan usoo jeedinayaa laamaha amaanka in tallaabo laga qaado sheekha booriyay danbigaa ee ummadda ugu baaqay in lagu farxo dhacdadaa foosha xun ee soo gaadhay muwaadinada” ayuu yidhi Maxamed Siddiiq Dhamme. Si kastaba ha ahaatee dad badan oo falkan kaga dareen celiyay baraha Bulshada ayaa xukuumadda Somaliland gaar ahaan ciidamada ammaanka ugu baaqay in ay degdeg uga hawl galaan war cadna umadda ka siiyaan sida falkaasi u dhacay. Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano badan oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow mooshin u gudbiyey guddoomiyaha golahaasi, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Mooshinkaan oo ay saxiixeen illaa 132 Mudane ayaa waxaa golaha ka hor shaacisay, xildhibaan Xaniifa Xaabsade oo laga soo doorto Koonfur Galbeed. Xaniifa oo ka hor hadashay xildhibaanada baarlamaanka ayaa ka dalbatay guddoonka golaha shacabka inuu ka aqbalo mooshinkaasi. Sida ay ogaatay caasimada Online mooshinka ayaa la xiriira kuraasta xildhibaanada haweenka ay ku leeyihiin labada gole ee baarlamaanka doorashada soo socota, si loo xaqiijiyo qoondada ay leeyihiin haweenka, islamarkaana aan la’isku darin kuraasta haweenka iyo raga, labada gole ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo maanta la filayey in xildhibaanada golaha shacabka ay dood ka yeeshaan xeerka qoondada haweenka oo horey loogu xil-saaray guddiga wadajirka ah ee labada aqal, si ay u soo diyaariyaan xeerkaasi.
  18. Trump iyo Twitter oo markale goradda isdaray Madaxweyne Trump oo looga digay muuqaalka been abuurka uu baahiyey Twitter ayaa muuqaalka uu madaxweyne Trump bartiisa Twitter-ka ku baahiyey marki ugu horreysay ku tilmaantay “mid xad gudub ku ah warbaahinta”. Muuqaalka ayaa muujinaya ilmayar oo madoow ah oo ka cararaya ilma caddaan ah xilli ay wada ciyaarayaan, muuqaalkaasi oo si been abuur ah loo saaray astaanta telefishiinka CNN. Qoraalka muuqaalka la raaciyey ayaa u yaalla sida: “Ilma socod barad ah oo ka cararayo ilmo cunsuri ah”, ka hor inta ay CNN muuqaalkaasi ku sheegin inuu yahay been abuur. Twitter oo digniin culus u diray madaxweyne Trump muuqaalka been abuurka uu bartiisa Twitterka uu ku baahiyey ayaa muujinaya inuu dagaal hor leh uu ka dhex billowday labada dhinac. Bishii May, Twitter waxay qarisay farriimo uu madaxweyne Trump bartiisa soo dhigay inta ay dadka boggiisa ku xiran gaarin ama ay akhrisan. Madaxweyne Trump oo tallaabbada ay Twitter qaadday jawaab uga dhigaya wuxuu amar ku bixiyey in la diyaariyo sharci xadgudubyada baraha bulshada looga hortago. Digniinta cusub ee ay Twitter u jeedisay madaxweyne Trump oo ah tii ugu horreysay waxaa lagu xusay “inuu xurriyadda saxaafadda uu ku xadgudbay”. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay dalka Mareykanka ka taagan tahay xiisadda ka dhalatay dilka dadka madowga ah loo geysto oo ay ka abuurantay dhaqdhaqaaqa ‘Black Lives Matter movement.’ Ilma yar oo madow ah oo ordoya ilma caddaan ah ah uu daba ordaya ayaa lagu soo qoray “Ilmahan cunsuriga wuxuu ka mid yahay cod bixiyeyaasha Trump.” CNN waxay sheegtay muuqaalkaasi inuu yahay been abuur oo dib la isugu soo habeeyey, lagana duubay carruur wada ciyaareyso lana duubay bishi September ee kalhore. Balse digniinta cusub ee ay Twitter u jeedisay madaxweynaha Trump ayey ku sheegtay “Madaxweynaha inuu baahiyey muuqaal been abuur ah isla-markaana ka hor imanaya xorriyadda saxaafadda muuqaalkana uu yahay mid dib la isugu habeeyey oo ay CNN ku sheegtay been abuur.” Trump ayaa ku jawaabay in shirkadda ay “gabi ahaanba caburineyso xoriyatul qowlka”. Twitter-ka wuxuu qoraalka Trump hoostiisa soo dhigay qoraal uu akhristayaasha ugu sheegayo inay “eegaan macluumaadka saxda ah ee ku saabsan codeynta doorshada ee dhanka boostada.” Shirkadda waxay ballan qaaday inay sare u qaadi doonto digniinta ka dhanka wararka been abuurka ee la soo geliyay bartaas, balse waxay u muuqatay mid ka gaabisay in tallaabo ay ka qaado madaxweynaha Mareykanka. Waxay sidoo kale horraantii bishan dib u eegis ku sameysay xeerarka ay kaga hortageyso wararka marin habaabinta ah. Muxuu ku jawaabay Trump? Sida ku xusan qoraallada cusub ee uu soo dhigay Twitter-ka, Trump wuxuu ku eedeeyay shirkadda in ay faragelineyso doorashada Mareykanka ka dhaceyso 3 bisha Nofeembar ee sannadkan. Wuxuu yiri: “Haddii aan ahay madaxweyne ma aqbalayo in arrintaas ay dhacdo”. Dhanka kale, madaxa ololaha doorashada u qaabilsan Trump ayaa dhaleeceeyay shirkadda Twitter-ka ku tilmaamay “wado eexasho siyaasadeed” in ay tahay. Weriyaha BBC-da ee Teknooloojiyadda ayaa kusoo warrameysa in madaxweyne Trump uu barta Twitter-ka u adeegsado in uu dagaal siyaasadeed kula galo siyaasiyiinta mucaaradka iyo dadka caanka ah ee ka soo horjeeda. Haddana wuxuu u muuqdaa in uu dagaal la galay shirkadda. Flanqeyn Marianna Spring, oo ah wariye ku takhasustay wararka aan saxda ahayn Twitter waxay sii laba jibbaartay dadaallada ay kaga hortageyso wararka aan saxda ahayn uu madaxweyne Trump toddobaadyadi ugu dambeeyey soo dhigo bartiisa Twitter-ka. Barta Facebook waxaa weli ku bixi jiray wararka aan saxneyn oo noocaasi ah balse dhawaan Facebook wuxuu tiray farriin ololaha doorashada Madaxweyne Trump ku saabsan oo uu baahiyey maadaamaa uu adeegsaday astaanta Naziga jarmalka. Dhibka Twitter-ka haysto ayaa waxay tahay joogteyn la’aan. Waxaanna weli caddeen farriimaha aan saxda ahayn uu madaxweyne Trump soo dhigo iney gaareen dadka kala socda bartiisa Twitter-ka iyo inkale. Sida oo kale tallaabbadan waxay weerar cad ku tahay CNN maadaamaa magaceeda la adeegsaday. Waxayna warbaahintaasi iisu aragtaa mid uu xilliyadi u dambeeyey Trump uu wararka beenta ah uu la beegsanayey. Sidaan ognahay CNN waxaa weerar cad loo geystay wariyaheeda oo tabin toos ah ku jiray xilligi ay socdeeen mudaharaadyadi looga soo horjeeday dilka ay booliska u geysteen George Floyd. Waxaan u maleeynayaa muuqaalka haddii aad daawato inuu madaxweynaha uu ula jeeday in lagu qoslo oo keli ah” ayuu yiri xoghayaha warbaahinta ee aqlka cad Kayleigh McEnany Jimcihii. “Waxaan sii wadeynaa inaan tabinno xaqiiqooyinka halka aan muuqaallo been abuur ah oo ku xadgudbaya carruur aan wacxbaka galabsan tabib lahayn, Waxaan kuugu casuumeynaa adiguna inaad sidaa si la mid ah aad sameyso. Wax wanaaagsan samee” ayuu CNN ugu jawaabtay farriin ay madaxweyne Trump u dirtay. CNN waxay sheegtay muuqaalka inta aan la tirin ka hor iney daawadeen dad ka badan 4 malyan. Qaran News
  19. NAIROBI (HOL) - The additional threat of COVID19 in Somalia besides an already fragile situation has worsened the situation of refugees and internally displaced persons, the UN has warned. Source: Hiiraan Online
  20. (SLT-Hargeysa)-Michael Rubin oo ah Aqoonyahan Maraykan ah oo ka tirsan Machadka American Enterprise Institute, ayaa mar kale ugu baaqay Dawladda Maraykanka inay Xafiis diblomaasiyadeed ka furato Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay dal dimuqraadi ah oo muhiim u ah Maraykanka. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu Michael Rubin ku daabacay Wargeyska Washington Examiner, taas oo uu kaga hadlay wadahadalladii Jabuuti Toddobaadkii hore ku dhex maray Dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya oo ay Maraykanku kaalin ku lahaayeen. Michael Rubin wuxuu si adag u naqdiyey Siyaasadda danjiraha Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Mr. Donald Yamamoto oo uu ku sifeeyey mid si cad ula safan Soomaaliya oo muddo dheer isku dayey inuu go’doon dhaqaale geliyo Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii uu dhaqaalaha Maraykanku ugu deeqo Soomaalida uu wada siiyo Dawladda Muqdisho oo Khabiirku ku tilmaamay mid ka talisa dhul masaafadiisu kooban tahay oo ku yaalla Muqdisho isla markaana 16 sannadood hormuud u ahayd dalalka musuqmaasuqu naafeeyey. Aqoonyahankaasi wuxuu ku dooday inay Somaliland tahay Waddan xor ahaa oo tan iyo markii ay 1991kii madax-bannaanidooda kala soo noqdeen Soomaaliya, muddadaas dheerna ku naaloonayey xasilooni iyo dimuqraadiyad. Michael Rubin oo horena uga tirsanaan jiray Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanku wuxuu ku boorriyey Dawladda Maraykanka inay Jamhuuriyadda Somaliland ka furato xilligan Xafiis diblomaasiyadeed sida ay ugu leedahay xafiisyo Waqooyiga Suuriya iyo Taiwan, waxaanu intaas ku daray in qunsuliyado kala duwan ay dalalka Turkiga, Itoobiya iyo Jabuuti ku leeyihiin Somaliland. Waxa kaloo uu intaas ku daray in dalalka Yurub qaarkood ay xafiisyo ku leeyihiin caasimadda Somaliland ee Hargeysa, halkaasi oo aanay wax dhibaato nabadgelyadarro ahi ka jirin oo ay ka dhex shaqeyn karaan. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Somaliland dhinaca fal-dambiyeedyada ay aad uga hooseyso kuwa ka dhaca Caasimadaha Yurub. Source
  21. Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa madaxweynaha dalka Jabbuuti ku bogaadiyey martigelinta iyo qabanqaabinta kulanka wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo waxa uu ugu yeedhay taageeridda dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo guud ahaan gobalka Geeska Afrika. Dr. Mishcal Bin Fahmi A-Sulami, guddoomiyaha Baarlamaanka dalalka Carabta ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray 18-kii bishan Juun waxa uu ammaanay hindisaha madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Mudane Mishcal waxa uu sheegay in baarlamaanka Carabtu uu taageersan yahay dadaalka madaxweyhne Geelle, una rajaynayo in uu is-afgarad ka dhex abuuro walaalaha Soomaalida, isla markaana taageero xasiloonida gobalka Geeska Afrika iyo xoojinta amniga qaranka Carbeed. Sida uu hadalka u dhigay. Waxa aanu tallaabadan ku tilmaamay mid togan oo sii xoojinaysa xasiloonida, dib u heshiisiinta, iyo in hore loo dhaqaajiyo taayirka horumarka Soomaalida iyo guud ahaan gobalka Geeska Afrika. Geeska Qaran News
  22. Hoggaamiyaha aqlabiyada Kenya Aadan Barre Ducaale oo qarka u saaran in xilka laga qaado Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Hoggaamiyaha aqlabiyada Baarlamaanka Kenya https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whatssssssss.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Jamacadda Nile oo soo bandhigtey Maktabad Online ah si ay ugu faa’ideystaan ardayda. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Jamacadda Nile oo soo bandhigtey Maktabad Online https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-upp-1.mp4 Source: goobjoog.com