-
Content Count
212,276 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ankara (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla Turkiga ayaa 121 qof ku xukuntay xabsi daa’in, kuwaas oo lala xiriirinayo iskudaygii afgambi ee 2016-kii la doonayay in lagu rido Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, sida ay warisay warbaahinta Dowladda. Sideedan iyo sideed ka mid ah eedeysaneyaasha waxaa lagu xukumay xabsi daa’in “halis ah” oo ay ku muteysteen “iskuday xadgudub dastuur,” sida ay daabacday wakaalada Wararka Turkiga, 35 kale ayaa sidoo kale lagu xukumay xabsi daa’in. Xabsi daa’inka halista ah waa uu adag yahay xarig ahaan, waxaana loo keenay in lagu bedelo toogashada, taas oo Turkigu uu joojiyay 2004-tii si uu ugu biiro Midowga Europe. Ugu yaraan 248 qof iyo 24 lagu tuhunsan yahay inay afgambiga abaabuleen ayaa la dilay 15-kii Julay sanadkii 2016, sida ay sheegtay Dowladda Turkiga, markii qayb militariga ka mid ah ay isku dayeen in ay Erdogan talada ka tuuraan. Tan iyo markii uu afgambigu fashilmay, ugu yaraan 80,000 oo qof ayaa la xiray in ka badan 150,000 oo kalena shaqadda ayaa laga eryay ama laga joojiyay. Ururadda xuquuqda u dooda iyo xulifadda reer Galbeedka Turkiga ayaa ka digay xarig-wadareed baahsan, iyagoo sheegay in Erdogan uu iskudayga Afgambi u adeegsaday in uu ku gebagebeeyo dadka diidan. Dowladda waxay diiday cambaareyntan, waxayna sheegeysaa in tallaabooyinkeedu ay lagama maarmaan yihiin sababtoo ah awoodda khatarta amni ee ay wajaheyso. Dadka Jimcihii la xukumay ee 121 qof waxaa ka mid ahaa, Colonel hore Erkan Oktem, kaas oo lagu xukumay sagaal halis xabsi daa’in ah taaso oo ah in uu geystay “dil ula kac ah”. Horraantii bishan, maxkamad ku taalla Turkiga ayaa xukuntay Metin Topuz oo shaqaale ka ahaa qunsuliyadda Maraykanka ee Istanbul, waxaana lagu xukmay sagaal sano oo xab si oo uu ku muteystay “la shaqaynta ururadda hubeysan ee argagixisadda.” Turkiga ayaa afganbigii fashilmay ku eedeeyay wadaadka Fethullah Gulen oo deganaa gobolka Pennsylvania ee Mareykanka degenaa tan iyo 1999-kii, eedeyntaas oo uu isna beeniyay. Wasiirka cadaaladda Turkiga Abdulhamit Gul ayaa sheegay todobaadkii lasoo dhaafay in 15 dacwad qaadis keliya ay gudubtay 289-kii la qorsheeyay, taasi oo ah hanaan sharci kii ugu weynaa taariikhda casriga ah ee Turkiga. Kadib sedax billood oo loo joojiyay coronavirus, dacwad qaadista Turkiga dib ayaa loo bilaabay bishaan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii xildhibaanada baarlamaanka federaalka Somalia ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen matalaada gobolka Banaadir uu ku yeelanayo golaha aqalka sare ayey si diria usoo dhoweeyeen shacabka gobolka banaadir iyo nawaaxigiisa ku dhaqan. Durba waxaa bilowday abaabulka qorshe lagu dhigaayo bannaanbax nabadeed oo lagu soo dhoweynaayo go’aanka baarlamaanka Somalia uu ka gaaray xaquuqda ay ku yeelaneyso gobolka Banaadir aqalka sare ee baarlamaanka. Dibadbaxaan ayaa waxaa wararku sheegayaan in ay iska kaashanayaan maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, iyadoo ilaa hadda la isku raacin maalinta uu qabsoomi doono dibadbaxaan. Magaalada Muqdisho oo ah xarunta dalka ayaa waxaa ku nool dad ka badan Laba Milyan iyo bar, waana magaalada ugu weyn ee dhul Soomaaliyeed.
-
Oslo (Caasimada Online) – Dowladda Norway ayaa sharci cusub oo ay soo saartay bilowgii sanadkaan dhamaanaya ayaa si rasmi ah u dhaqan galay, kaasoo dhigaya in baasaboorka Norge-ha ay qaadan karaan dhammaan dadka kasoo jeeda waddamada ku bohoobay Midowga Yurub iyo dadka kale ee magangelyada kusoo galay dalkaasi, iyadoo wax badan laga badalay nidaamkii horay loogu mari jiray. HALKAAN KA DAAWO WARBIXINTA
-
In the past three and half years, the UN Security Council (UNSC) suffered shameful humiliation and loss of credibility in Somalia because the Federal Government of Somalia (FGS) of President Mohamed Abdullahi Farmajo not only disregarded but also violated all UNSC Resolutions and expelled disgracefully the Special Representative of the UN Secretary General (UNSG) from the country after he attempted to perform his duties. In response, rather than being disturbed, the UNSC became complicit of FGS’s violations and decided to praise it for fictitious progress. The successor of the expelled UN Special Representative had to behave docilely. That has made the UNSC a paper tiger. Source: Hiiraan Online
-
This week marks the independence of Somalia from the yoke of British and Italian colonization. During its colonization, Somalia was divided between Britain and Italy, whereby the northern part of the country was called British Somaliland and other parts of the country was under the rule of Italy. By July 1, 1960 Somalia became an independent and unified country. Source: Hiiraan Online
-
PRESS RELEASE Coronavirus – Djibouti: On the Occasion of the Republic of Djibouti’s National Day The Horn faces the simultaneous challenges of COVID-19, a desert locust infestation, and devastating flood damage WASHINGTON D.C., United States of America, June 27, 2020/ — By Michael R. Pompeo, Secretary of State On behalf of the government and people of the United States, I congratulate the people of Djibouti as you celebrate the 43rd anniversary of your nation’s independence. Djibouti continues to be an important partner of the United States as we work together to foster prosperity and peace in the Horn of Africa. In these difficult times, as the Horn faces the simultaneous challenges of COVID-19, a desert locust infestation, and devastating flood damage, Djibouti has played a leading regional role in addressing these threats. The U.S.-Djiboutian partnership is vital to bringing security and development to the region. We look forward to continuing our important work together for the mutual benefit of the people of Djibouti and the United States. Distributed by APO Group on behalf of U.S. Department of State. SOURCE U.S. Department of State Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa maanta sheegay inuu usoo hanjabay mid kamid ah Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada dalka. Mursal ayaa sheegay in madaxweynahan, oo uusan magacaabin, uu usoo diray farriin uu ku dalbanayo in lagu joojiyo shaqada Golaha Shacabka, ama uusan imaan doonin kulanka uu Iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya. Guddoomiyaha oo ay ka muuqatay carro ayaa sheegay in fariintan ka timid mid kamid ah Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada loo soo marsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya waxa uuna arrintaasi ku tilmaamay dhaqan aad u xun. “Muddooyinkii dambe waxaa soo baxay dad raadinaya wax badsi, kawaran nin madaxweyne State ah oo dalbanayo in la joojiyo kulamada Golaha, haddii la joojin waayana uusan imaan doonin kulanka wadatashiga ee Madaxweynaha ku baaqay, soo dhaqan xumo ma ahan ilaah ayaa idinku dhaarshee” ayuu yiri Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ka hadlay kulankii Golaha Shacabka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ma uusan shaacin maga madaxweynaha fariinta soo diray ama maamulka uu hogaamiyo balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in qofkaasi uu yahay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in maamulka Puntland ay xoog iyo xoolaba geliyeen sidii ay u hor istaagi lahaayeen matalaadda gobalka Banaadir iyagoo sheegay in si toos ah ugu lug lahaa madaxweyne Deni.
-
Somaliland ayaa faahfaahiisay xiritaanka xaafiisyada Tv-ga Universal iyo Star ee magaalada Hargeysa, iyo sababta ka dambeysa in la xiroay labada Telefeshin. Wasiirka warfaafinta oo Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo wareysi siiyey BBC-da ayaa sheegay in loo xiray, kadib markii ay diideen in ay baahiyaan khudbaddii madaxweyne Muuse Biixi ee 26-ka June, ayna jabiyeen amarro horay loogu wargeliyey in ay warbaahintu ay tabiyaan maalmaha 26-June iyo 18-ka. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in ay kala laabteen ruqsadii uu ku shaqeynayay TV-ga Universal guud ahaan degaanada Somaliland, dib uga tabiyowararka sida uu sheegay wasiir Saleebaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo maanta warbixintii laga sugayey guddiga ka hor jeedisay fadhiga golaha shacabka ayaa dalbatay mudo kordhin, maadaama sida ay sheegtay mudada u hartay aysan doorasho dalka uga qaban karin. Guddoomiye Xaliima Yarey ayaa khudbadii ay maanta ka hor jeedisay golaha ku soo bandhigtay laba hab oo ay u dhici karto doorashada dalka, kuwaas oo labaduba u bahan mudada loo kordhiyo guddiga doorashooyinka. Labada nuuc doorasho ee Xaliima Yarey ay soo bandhigtay mid waxa uu ku xusanyahay sharciga doorashooyinka ee baarlamaanku ansixiyey madaxweynuhuna saxiixay, waxay sheegtay in kaasi u baahanyahay uu waqti iyo kharash badan, waqtiga oo ay xustayna waxay ku sheegtay inay u baahanyihiin 13 bilood oo ka bilaabaneysa bisha soo socota ee July 2020 kuna eg August 2021-ka. Nuuca koowaad ee qaadanaya 13-ka bilood: Diiwangalinta codbixiyaha Bio-metric ka ee dhamaystiran: Tilmaamaha hanaanka Nooca diiwaangelinta Biometricka ah: Codbixiyaasha waxaa la diiwaangelinayaa codaynta ka hor, iyada oo la adeegsanayo qalabka biometricka. Kaarka aqoonsiga codbixiyaha ayaa la bixinayaa diiwaangelinta ka dib, Sixidda liiska codbixiyaashaiyo qaadida cabashooyinkaka yimaada. Kala saarista iyo sixidda xogta (deduplication) ayadooloo adeegsanayo nidaamka aqoonsiga wajiga codbixiyaha(face recognition). Waxaa la soo saarayaadiiwaanka rasmiga ah ee loo adeegsanayodoorashada. Waxay leedahay hawlgal soo noqnoqanaya oo u baahan sugid amnio o joogta ah. Waxaa si faahfaahsan loo qorshaynayaa agabyada doorashooyinka ee loo daabulayo goob kasta. Nuuca labaad ee qaadanaya 9-ka bilood: Diiwangalinta warqada gacanta isla maalinta Codbixinta: Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Yarey ayaa sidoo kale maanta khudbadeedii ku soo bandhigtay hab labaad oo ay ku dhici karto doorashada dalka, kaas oo kharash iyo waqtiba ka yar kii hore, laakiin ka tayo yar. Nuucaan labaad hadii la qaato in lagu qabto doorashooyinka dalka waxa ay sheegtay in uu ka kharash yar yahay kii hore, waqtigana ay u baahanayaan 9-bilood in loogu daro, oo ka bilaabaneysa July 2020 kuna eg Mararso 2021-ka Tilmaamaha Nooca diiwaangelinta Warqadda Codbixiyaasha waxaa lagu diiwaangelinayaa diiwaan yaalla xarunta codbixinta isla maalinta codbixinta iyadoo gacanta lagu qorayo. Ma jiro lamana isticmaali doono karaka codbixiyaha. Fursad looma heli karo cabashooyinka diiwaangelinta iyo sixid codaynta ka hor Diiwaangelinta la sameeyey lama sii isticmaali karo. Howlgalka codaynta kaliya ayaa looga baahanayaa ciidanka amniga Waxaa adag in la qiyaaso codbixiyaasha imanaya goobta codbixinta. Guud ahaan howlgalka codayntu wuxuu ka badan karaa maalin taasoo saamayn karta waqtigii ku dhawaaqidda natiijada. Hoos ka aqriso labada nooc oo dhameystiran
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u diray dhiggiisa dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo guud ahaan shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti hambalyo ku aaddan sannad guuradii 43-aad ee kasoo wareegtay xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay maanka ku hayaan garab istaagga iyo naf-hurnimada reer Jabuuti ay u muujiyeen dalkeenna xilliyadii adkaa, taas oo garab weyn u ahayd dowlad-dhisidda iyo samata-bixinta Soomaaliya. “Dowladda iyo shacabka reer Jabuuti hiilka iyo garab istaagga hagar la’aaneed ee aad noo muujiseen gaar ahaan wakhtiyadii adkaa waa mid aan marnaba ilaawi doonin, waa mid shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay idiin ogsoon yihiin”. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xusay doorkii ay ku lahaayeen shacabka halgankii xornimo doonka ahaa ee walaalaheen Jabuuti, waxa uuna xoojiyay xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal. “maanta waxaa farxad noo ah in aan la qeybsanno walalaheen Jabuuti dabbaal-degga xuska sannad guurada 43-aad ee xornimadooda ee kasoo wareegtay markii Jabuuti xornimada ka qaadatay gumeystihii Faransiiska. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay shacabka reer Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle isku duubni, nabad waarta iyo horumar dhinac walba ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyo oo ka soo jeeda Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo degaano kale ayaa ka horyimid habkii loo maray ansixintii matalaada gobolka Banaadir ee Aqalka Sare. Xildhibaanadan oo tiradooda ku sheegay in ka badan 70 mudane, islamarkaana ay ku jiraan Wasiiro ayaa xusay in haddii la rabo in la kardhiyo kuraasta Aqalka Sare ee 54 ah loo maro hab Dastuuri ah. Xidlibaanada oo la magac baxay Kutlada sharci dhawr ayaa tilmaamay in haddii lagu daro kuraas Aqalka Sare, iyadoo aan loo marin habraaca ku xusan Dastuurka, gaar ahaan qodobbada 132-aad, 133-aad, 134-aad iyo 79-aad, in kordhintaasi baal-marsan tahay Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayna noqonayso wax aan sharci ahayn. Xildhibaanada ayaa sheegay in aysan diidanayn matalaada gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, balse loo maray sifo sharci darro ah oo Guddoonka Golaha Shacabka dano gaar ah ka leeyahay. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka xildhibaanada PUNTLAND POST The post Matalaada gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ma loo maray sifo sharci ah? appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa war-saxaafadeed wadajir ah ka soo saaray shir labadii maalmood ee lasoo dhaafay madaxweynayaasha labada dowlad goboleed uga socday magaalada Gaalakcyo ee gobolka Mudug. War-murtiyeedka kasoo baxay shirkaas oo ka kooban lix qodob ayaa tilmaamaya in inta badan shirkaas looga hadlay arrimaha amniga iyo sikaashiga labada dowlad goboleed, iyadoo lagu cadeeyay in shirarka nuucaan oo kale ah ay joogto noqon doonaan. “Labada dowladod ee Puntland iyo Galmudug waxay isku af-garteen inay iska kaashadaan, arrimaha kala ah, aminiga, xoojinta dadaallada nabadda iyo dib u heshiisiinta iyo horumarinta dhaqaalaha, sidoo kalena ka wada shaqeeyaan sidii deeqaha caalamiga ah loo gaarsiin lahaa bulshada Soomaaliyeed, si isu dheeli tiran,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo wadajir uga soo baxay Puntland iyo Galmudug. Qoraalka ayaa intaas ku sii daraya, “Labada dowladood ee Galmudug iyo Puntland waxay isla garteen ilaalinta iyo xoojinta midnimada Soomaaliyeed iyo hir-gelinta nidaamka federaaalka ah, si waafaqsan dasduurka ku meel gaarka ah ee dalka.” Sidoo kale qoraalka ka soo baxay shirka madaxda Galmudug iyo Puntland waxaa hambalyo loogu diray umadda Soomaaliyeed iyo tan reer Jabuuti, oo ku guda jira xuska sanad guurada maalmihii ay ka xoreebeen gumeystihii reer Yurub. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran
-
Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi ayaa sheegay in ay Baarlamaanku ku tunteen Dastuurka kadib markii ay maanta Ansixiyeen Qodob aan Dastuuri ahayn Hoos ka daawo [...] The post Daawo Xildhibaan Cumar Ismaciil Waaberi oo wixii Maanta ka dhacay Golaha Shacabka ku tilmaamey Sharci daro appeared first on . Source
-
Waxaa warmuriyeed laga soo saaray shir labo maalin Gaalkacyo uga socday madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland Siciid Cabdillaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor,. Kulanka ayaa waxaa intii uusan siweyn looga hadlay iskaashiga labada maamul, oo deris ah ee dhanka amniga iyo dhaqaalaha, labada mas’uul ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeey ey maalmaha xoriyadda dalka. Halkaan Ka Akhriso War-murtiyeedka Source: goobjoog.com
-
Danjire aqoon-yahan Maxamed Caalim oo ka Faalooda Arimaha Siyaasada Soomaaliya ayaa sharaxaad waafi ah ka bixiyay khudbadii ay Golaha Shacabka ka hor aqrisyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (Xaliimo Yarey). Halkan Ka Daawo Waraysi Dhinaca Skyp-ka uu Danjire Caalin Uu Siiyay Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah Senatorada laga soo doorto maamul goboleedka Jubaland ayaa madaxtooyada Somalia ku eedeeyay inay faragelin qaawan ku hayso golaha aqalka sare ee Somalia. Senator Iftiin Xasan Baasto ayaa si caro leh u sheegay in madaxtooyada ay faragelin ku wado kulamada iyo howlaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Somalia, isagoona tilmaamay in kulankii maanta lagu waday inuu aqalka sare yeesho ay ka danbeysay madaxtooyada inuu baaqdo kulankaasi. “Waxaa inuu muuqata in madaxtooyada, gaar ahaan xafiiska Farmaajo uu isbaaro u dhigtay aqalka sare, waxaana laga soo abaabulayaa duminta galaha aqalka sare, horayna waxaa loo dumiyay golaha baarlamaanka” ayuu yiri Senator Iftin Xasan Baasto. “Maadaama aad ku fashilantay hoggaankii dalka, waxaanu ku leenahay wax iskula har taariikhda ayaa ku tori doontee” ayuu sii raaciyay Senatorka. Khilaafka madaxtooyada iyo guddoonka sare ee aqalka sare ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo ay tahay maanta markii labaad ee uu baaqddo kulanka golaha aqalka sare, kadib khilaaf ka dhashay in kulamada lagu qabto aalada Online ee la iska arko.
-
Goobjoog uu kuu diyaarisay warbixin ku saabsan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee xaga ciyaaraha,isagoo horay u ahaa garsoore dhinaca kubbadda cagta. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsa Sooyaalka Ciyaaraha Madaxweyne Farmaajo https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/Whats-upp-2.mp4 Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL ahna Afhayeenka Xukuumadda Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in Telefishanka Universal uu ku xadgudbay Tebinta Xuska qaran ee 26 ka June taasina ay keentay in laga xayiro Somaliland. Wasiirka Warfaafinta oo u waramayay Wakaaladda Wararka ee Solna ayaa Sheegay in Telefishanka Universal uu ka soo horjeestay inuu baahiyo Khudbadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu ka Jeediyey Munaasibadii qaran ee 26 June oo ahayd munaasibad distoori ah, Wasiirku waxa uu xusay in maamulka Telefishanka Universal ay ka dalbadeen inay baahiyaan Xuska qaran ee 26 June isla markaana ay si cad u diideen taas awgeedna ay go’aamiyeen in laga xayiro Somaliland, Waxa uu Wasiirku intaas ku daray in Telefishanka Universal uu hore u galay denbiyo kale kuwaas oo digniino iyo wada hadal lagu dhameeyay. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL ahna Afhayeenka Xukuumadda Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore Waxaa kale oo uu sheegay in Xukuumadu og tahay in Telefishanada madaxa bannaani ay yihiin kuwo gaar loo leeyahay balse ay Waajib ku tahay inay baahiyaan wararka iyo dhacdooyinka maalmaha qaran ee dalka u yaala. Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelintu Waxa u sheegay In Telefishanka Star ay ku soo rogeen xayiraad Kadib markii uu galay Khalad Waxaanu wasiirku uga digay Warbaahinta kale inay ka Feejignaadaan inay ku xadgudbaan shuruucda dalka u degsan. Wasiirka warfaafintu Wuxuu Mahadnaq u diray Guud ahaan Telefishanadii sida Tooska ah u gudbiyey Munaasibadii Qaran ee 26 June iyagoo u hogaansamaya Shuruucda dalka iyo Xeerka saxaafadaba. Source