Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,276
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. BBC Somali Service: The Decline of a Prestigious News Outlet The BBC Somali service was launched in 1957 for the listeners in the Horn of Africa to provide news and other variety programs for Somali people. Unlike the local radio stations, BBC Somali Service was the only news outlet for the entire region. It was reliable, truthful, accurate and unbiased in reporting news and delivering other social and entertainment programs. It was staffed with well respected professional cast members who were regarded as celebrities and loved by their listeners. Their professionalism and their dedication to produce a substantive educational programs and news items earned them respect in the community. People used to congregate in large numbers outside restaurants and shops during the news hours especial at five-thirty pm. It would be so quiet one could hear a needle drop during this thirty minute news broadcast. Unfortunately, today’s BBC Somali service has failed to deliver reliable news and other so- cial service programs in multiple areas of concern including poor linguistic proficiency in Somali language. It is common to see a cringe in one’s face or hear critiques by elderlies and other Soma- li language scholars during the broadcast disapproving the usage of certain terms wrongfully. Most anchors do not proofread the news script before they come to the microphone. One could tell from the stuttering and the hesitation when reading from the teleprompter. Besides the poor delivery techniques, it also failed in delivering unbiased news information, which is a violation of the journalism principles and professionalism. At times, it is hard to distinguish the BBC Somali Service news from that of a social media opinion-based platforms or a local national radio station from Mogadishu. In addition, during round table discussions, they limit themselves to a handful of so called expertise and predictable guest speakers. The political atmosphere of the Somali community, both in the region and abroad, is polar- ized due to the past and ongoing grievances amongst themselves; unfortunately, the BBC Somali Service failed to remain neutral. In fact, they are so biased they became the mouth-piece for So- malia Federal government by promoting its agenda and ridiculing opposition groups on certain penal discussions. Furthermore, they hardly cover or try fact-finding reports in certain portions of the region. Sometimes their bias reporting go beyond regional politics and it lands them at clan level. Sadly, social media has replaced BBC Somali service as it became irrelevant to vast majority of Somali listeners and viewers. I hope that the network would reinvent and redeem itself and earn back the respect of their loyal listeners and viewers again. By Mohamed Adan Samatar Madan.samatar01@gmail.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
  2. Wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta ee Soomaaliya ayaa la sheegay iney dalka Sacuudiga ku ammaantay talaabada iyo go’aanka ah iney Xajka sanadkan ku koobeen inta ku sugan gudaha dalkaasi. Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Sacuudiga in Soomaaliya ay sidoo kale ku ammaanay go’aanka loo qaatay sababaha Covid 19, iyada oo Muqdisho balanqaaday iney arrinkaas taageeryso, soona dhoweyneyso. Dalka Sacuudiga oo sanad walba u iman jireen 3 Milyan oo Xujey ah, kana heli jiray dalxdiis ahaan $12 billion ayaan sanadka la hakiyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Waxaa saaka oo Axad ah Magaalada Muqdisho ka socda Bannaan-baxyo lagu taageerayo go’aankii Xildhibaannada Golaha Shacabka ay shalay ku ansixiyeen Xeerka Mataalada uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Aqalka Sare. Qaar kamid ah dadweynaha Muqdisho oo sida la sheegay dowladdu soo abaabushay ayaa Banaanbaxyo ka dhigaya Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere. Dadweynaha Bannaan-baxyada dhigaya waxay u badan yihiin Haween iyo Dhalinyaro laga soo abaabulay degmooyinka Muqdisho si ay taageero ugu muujiyaan Matalaadda Gobolka Banaadir ee Golaha Shacabku ansixiyeen. Golaha Shacabka ayaa Sabtidii Shalay ansixiyay in Gobolka Banaadir Aqalka Sare laga siiyo 13 Xubnood si Gobolkaasi Aqalka uga helo Matalaad dhab ah waxaase weli su’aali ka taagantahay sida loo qaybin doono Xubnahaas. PUNTLAND POST The post Bannaan-baxyo lagu taageerayo Matalaadda Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socda appeared first on Puntland Post.
  4. Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka ee loo yaqaano Danab, oo muddooyinkaan howlgallo ka waday gobolada Jubbooyinka ayaa la wareegay, deegaanno dhaca gobolka Jubbada hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al–shabab. Ciidamada ayaa howlgalkooda ku gaaray, deegaannada kala ah, Janaay Cabdale, Helishiid, Mayonde iyo Garasceebe, kana tirsan gobolka Jubbada hoose, oo muddooyinkii dambe ay maamulayeen Al-shabab. G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin Taliyaha guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa sheegay in howlgallada ay sii socon doonaan inta ciidamdu ay gaarayaan guud ahaa deegaannada Jubbooyinka. Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa muddooyinkii dambe howlgallo ka dhan ah Al-shabab ka waday gobolka Jubbada hoose, iyadoo dhowaan taliyaha ciidamada Daraawiishta Jubbaland uu warbaahinta u sheegay in uu bilowday howlgal lagu gaarayo magaalada caasimadda u ah maamulka ee Bu’aale ee jubbada dhexe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Nabadoon Cabdulaahi Xasan Maxamed oo ka mid ah waxgaradka ku nool magaalada Dhuusamareeb oo la hadlay Shabelle ayaa baaq nabadeed u diray maleeshiyaadka ku dagaalamaya deegaanada Xananbuure iyo Qalanqalle ee waqooyiga gobolka Galgaduud. Dagaalladan oo ah kuwa soo noq-noqday ayuu sheegay in loo baahan yahay in xal-waara laga gaaro, si looga baaqsado in dhiig uu markale ku daato halkaasi. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday madaxda sare ee Galmudug inay si deg-deg ah ugu baxaan dagaalladaasi, islamarkaana ay kala qaadaan maleeshiyaadka weli is-horfadhiya. Labadii maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa dagaallo dhaliyey khasaare badan ay ka dhaceen waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. View the full article
  6. Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada sida gaarka u tababaran Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi. Ciidamada ayaa howlgalkaasi kula wareegay deegaanada kala ah, Janaay Cabdale, Helishiid, Mayonde iyo Garasceebe, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo ah taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ayaa sheegay in howlgalladu ay sii socon doonaan, islamarkaana ay ku gaari doonaan deegaanada kale ee ka maqan dowladda. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya. View the full article
  7. Kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxa ay dil iyo dhaawac u geysteen laba ruux oo Soomaali ah, kuwaas oo ka mid ahaa ganacsatada ku sugan gudaha dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya in weerarka koowaad uu ka dhacay magaalada East london, kaas oo lagu dilay ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray, Daahir Carte. Marxuumka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu dhex-dilay goobtiisa shaqada, iyadoona ay baxsadeen raggii ka dambeeyey falkaasi. Dhinaca kale kooxo burcad ah ayaa deegaanka Devitown ee magaalada Johannesburg waxaa ay ku dhaawaceen muwaadin kale oo lagu magacaabo, Cumar Axmed Dhiblaawe. Ragga falkaasi dhaawaca ah geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana meesha ay ka dhaceen dhacdooyinkaasi gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee dalka Koonfur Afrika. Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa sii kordhayey dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee Soomaalida loogu geystay gudaha wadankaasi. View the full article
  8. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-subax-280620.mp3 View the full article
  9. Ciidanka Kumaandooska Dowladda Federaalka Soomaaliya ee DANAB, ayaa lagu soo warramayaa in ay Al-shabaab kala wareegeen degaanno horleh oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose. Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay, ayaa laga soo xigtay in Ciidamada ay la wareegeen degaannada kala ah, Janaay Cabdale, Helishiid, Mayonde iyo Garasceebe oo dhammaantood ka tirsan Gobolkaas Jubada Hoose. Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska DANAB Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, ayaa sheegay in howlgallada ay yihiin kuwa sii socda,isla markaana aysan joogsan doonin ilaa iyo inta Al-Shabaab ay ka saarayaan degaannada Jubbooyinka. Maalmo ka hor, Ciidamada Kumaandoosta DANAB waxay howlgallo ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose,waxaana saraakiisha horkaceysay howlgalka ay sheegeen inay la wareegeen Degaano ay haysteen Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Kumaandooska DANAB oo Al-shabaab kala wareegay Degaano ka tirsan Jubada Hoose appeared first on Puntland Post.
  10. Ganacsade Soomaaliyeed, ayaa xalay lagu dilay Magaalada East london ee Gobolka Eastern Cape ee Koonfur Afrika, kadib markii ay toogteen koox hubaysan oo Burcad Koonfur Afrikaan ah. Marxuumka la dilay waxaa lagu Magacaabi jiray Daahir Carte, isagoo ahaa Ganacsi Caan ka ahaa East london ee Gobolka Eastern Cape. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Gobolka Eastern Cape ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, waxaana ay halkaas ka sameeyeen howlgal ay ku raadinayaan ragii burcada ahaa ee dilka geystay, inkastoo aan weli gacanta lagu dhigin. Dhinaca kale Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cumar Axmed Dhiblaawe ayaa isna xalay waxaa rag hubeysan oo burcad ah ay ku dhaawaceen degaanka Devitown ee hoostega Magaalada Johannesburg. PUNTLAND POST The post Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay muwaadiniin Soomaaliyeed dil iyo dhaawac loogu geystay meelo kala duwan oo ka tirsan dalkaasi, kadib markii ay weerareen kooxo burcad ah. Weerarka koowaad oo ka dhacay magaalada East london ee Gobolka Eastern Cape ayaa waxaa lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Daahir Carte. Marxuumka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay goobtiisa shaqo ku weerareen kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in muwaadin kale oo Soomaaliyeed lagu dhaawacay deegaanka Devitown oo hoostaga magaalada caasimada ah ee Johannesburg. Ruuxa la dhaawacay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay, Cumar Axmed Dhiblaawe, iyadoona ay sidoo kale baxsadeen raggii ka dambeeyey dhaawacaasi. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in ciidamada Booliska ay tageen goobaha ay ka dhaceen falalkaasi, islamarkaana ay sameeyeen baariraano dheeraad ah. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa si aad ah u soo badanayey weerarada Soomaalida loogu geysto gudaha dalka Koonfur Afrika, iyadoona aysan jirin illaa iyo hadda wax laga qabtay dhibaatooyinka iyo tacadiya kale ee loo geysto ganacsatadaasi.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in laba kamid ah Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada dalka ay Xildhibaanada laga soo doortay degaanada ay maamulaan ugu hanjabeen in aysan ku raasta ku soo laaban doonin haddii aysan sameynin abaabul ka dhan sharcigii ay ansixiyeen Golaha shacabka ee matalaadda Gobolka Banaadir. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa la sheegay in ay teleefon kula hadleen Xildhibaanada laga soo doorto degaanadooda, islamarkaana ay ugu baaqeen in ay sameeyaan wax kasta oo arrintaasi lagu burin kara iyo doodo kale oo gudaha dowladda ah. Xildhibaan Maryam Haaruun oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegtay in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay wadaan fowdo iyo abaabul islamarkaana ay Xildhibaanada laga soo doorto ugu hanjabeen in aysan kuraasta ku soo laaban doonin haddii ay Muqdisho matalaad hesho. “Waxaan ogahay in Deni iyo Axmed Madoobe ka dambeeyaan xildhibaano kutlad sameystay, waxaa loogu hanjabay in aysan soo laaban doonin haddii ay fowdo ku sameynin mataaladda gobalka Banaadir balse hadda waa ku guul dareysteen” ayey tiri Maryam. Wali waxay u muuqataa in ay isa soo tarayaan wararku saabsan Matalaadda gobalka Banaadir islamarkaana ay jiraan Xildhibaano isu abaabulaya sidii ay muran u gelin lahaayeen arintaan oo aad loo dhowrayay dhowrkii sano ee la soo dhaafay, ugu dambeynna lagu guuleystay. Waxaa yaab leh in Puntland iyo Jubaland oo markii hore xubnaha Aqalka Sare ku sad bursaday, islamarkaana beelo la dega aysan siin wixii ay xaqa u lahaayeen inay hadda isku dayayaan inay dadkii deganaa caasimadda dalka u diidaan xuquuqdooda, ayada oo ay jiro in dowladda dhan ay ku nooshahay canshuurta dalkaas.
  13. Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Malawi Lazarus Chakwera ayaa ku guuleystay doorasho ku celis ahayd oo ka dhacday dalkaas Doorashada ayuu uga guuleystay madaxweynaha haya talada dalkaas Peter Mutharika, iyadoona codadka la tiriyay 58.57% uu uga hormaray. Sidaasi waxaa ku dhawaaqay guddiga madax banaan ee doorashooyinka Qaranka Malawi. Bishi Febaraayo Maxakamadda dastuuriga ee dalka Malawi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay guul uu madaxweynaha wadankaasi ka gaaray doorasho dhacday bishii May 2019-kii iyadoo amartay in lagu celiyo doorashada. Dalka Malawi ayaa noqonaya wadankii labaad oo Afrikaan ah oo doorashadiisa lagu celiyo marka laga tago Kenya oo ay sidan oo kale ka dhacday sanadkii 2017-kii. PUNTLAND POST The post Hoggaamiyaha mucaaradka Malawi oo ku guulaystay doorasho ka dhacday dalkaas appeared first on Puntland Post.
  14. On Thursday, every single Black member of the House of Representatives voted in favor of the George Floyd Justice in Policing Act, which passed 236 to 181. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa u jawaabay guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, waxaana muuqata in cirka uu isku sii shareeray khilaafka guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. Maxamed Mursal ayaa sheegay in Cabdi Xaashi uu horay golaha shacabka uga hor cadeeyay “In uusan ogolaaneyn in labada Aqal ay wada shaqeeyaan, iyadoo ay jirtay in laba guddoon ee baarlamaanka ay wada saxiixdeen inay wada shaqeeyaan.” Sidoo kale Mursal ayaa sheegay in golaha shacabka ay sharciyan leeyihiin hoggaaminta doorashooyinka dalka, isla markaana ay waajib tahay in afartii biloodba mar uu hor yimaado guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, balse uusan jirin sharci ku khasbaya inay hor tagaan Aqalka Sare. “Doorashooyinka iyo guddiga diiwaan gelinta sharciga axsaabta siyaasadeed golaha shacabka ayaa iska leh, waxaan rabaa in aad ku baraarugtaan, maadaama dastuurka uu ku jiro dib u eegis, in badana uu khilaaf ka dhaxeeyay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, anaga ayaa waxaan go’aansanay si loo helo wadajir in Aqalka Sare aan dhahno wax uusan dastuurku siineyn nagala shaqeeya, laakiin qodobka 47-aad markaa akhrisaan Aqalkaan ayaa iska leh shaqadaas,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal. Isaga oo sii hadlayey ayuu yiri, “Hadal jeedintii guddoomiyaha Aqalka Sare halkaan ayuu ka sheegay in uusan marna ogolaaneyn in labada Aqal ay wada shaqeeyaan.” Hoos ka daawo hadalka Mursal https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/Mursal.mp4
  16. Harare, Zimbabwe (CNN)The shooting of two Zimbabwean workers by a Chinese boss shows the "systematic and widespread" abuse that locals face in Chinese mining operations, says the Zimbabwe Environmental Law Society (ZELA). Source: Hiiraan Online
  17. Toronto (HOL) - Toronto’s Mayor raised the Somali flag at City Hall on Friday to commemorate Somali Day. Source: Hiiraan Online
  18. Police surrounded a statue of Churchill while thousands of Black Lives Matter protest descended on London again today and marched along Whitehall demanding justice for Somali schoolgirl Shukri Abdi. Source: Hiiraan Online
  19. He has a lot of clout and could cross over and team up with the Building Bridges crusaders, forging a new path to power Source: Hiiraan Online
  20. Liverpool have condemned their own supporters for "wholly unacceptable" behaviour after they defied social distancing rules in the city for the second consecutive night to celebrate the club's first league title in 30 years. Source: Hiiraan Online
  21. SPRINGFIELD — Abdirizak Farah looks up at the leaves on the trees in Kenefick Park and laughs as he remembers the first time he saw leaves change color and fall off. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online)- Gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa warbixintii ay ka hor jeedisay golaha shacabka waxay ku soo bandhigtay laba hab doorasho oo dalka ka dhici karta, kuwaas oo mid kasta uu guddiga doorashooyinku u baahanayo waqti kordhin, sidoo kale kharashaadka mid kasta ku baxaya ayey kusoo bandhigtay warbixina. Labada nooc doorasho ee Xaliima Yarey ay soo bandhigtay mid waxa uu ku xusanyahay sharciga doorashooyinka ee baarlamaanku ansixiyey madaxweynuhuna saxiixay, waxay sheegtay in kaasi u baahanyahay waqtiga iyo kharashka ugu badan, waxaana nooca koowaad ee loo yaqaano ‘Biometrika’. Hadii la qaadanayo kaas Xaliimo Yarey waxay warbixinteeda ku sheegtay in guddiga doorashooyinku uu u baahanayo waqti kordhin ku siman 13 bilood oo ka bilaabaneysa bisha soo socota ee July 2020 kuna eg August 2021-ka. Sidoo kale waxay guddoomiye Xaliimo Yarey warbixintan ku soo bandhigtay kharashka ku baxaya doorashada hadii la qaato nooca koowaad ee ‘Biometrika’ waxaana miisaanayadaas laga reebay tan ku baxeysa sugidda amniga doorashooyinka. Wadarta miisaaniyadda diiwaan gelinta codbixiyaha oo lagu daray waqtiga codbixinta: Kharashka ku baxaya doorashada nooca ‘Biometrika’ sida lagu xusay warbixinta guddiga doorashooyinka guud ahaan waa $69,670,725. Waxuuna guddigu soo bandhigay meelaha ay ku kala baxeyso lacagtaas. $4,122,600 ee ugu horeysa oo ah 6% kharashkaas ayaa ku baxaysa, (Mushaarka shqaalaha ku meelgaarka ah ee ka shaqaynaya kaydinta xarunta agabka doorashada). $21,089,210 oo ah 30% kharashka kor ku xusan ayaa ku baxeysa, (Diiwaangelinta codbixiyaha). $18,971,210 oo ah 27% ayaa ku baxeysa (Codbixinta). $10,511,488 oo ah 15% kharashka guud ayaa ku baxeysa, (Taageerida xisbiga/Musharaxa; Aqoonsi siinta korjoogayasha. Natiijada codbixiyaha. Xalinta khilaafaadka doorashada. Agabka ka hortaga cudurka COVID-19 iyo tababarida shaqaalaha ku meel gaarka ee doorashada). $14,976,217 oo ah kharashka ugu badan ee halmeel ku baxaya ayaa 21% ka ah wadarta guud ee miisaaniyadda ku baxeysa doorashada nooca koowaad ah, waxaana loo isticmaalayaa (Caawinaada farsamo ee GMDQ ka helo khubaarada ku takhasustay qabashada doorasooyinka). 100% wadarta guud ee lacagta ku baxaysa doorashada nooca koowaad ee uu soo bandhigay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, waa $69,670,725. Waana nooca loo qayaan ‘Biometrika.’ Nooca labaad Waxaa jira nooc doorasho oo labaad, taas oo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Xaliima Yarey ay sheegtay inay ka waqti iyo kharashba yar tahay tan koowaad ee aan idiin soo bandhignay waqtiga iyo kharashka ku baxayaba. Noocaas labaas hadii dalku qaato { Diiwangalinta warqada gacanta isla maalinta Codbixinta } si loo hir-geliyo waxay sheegtay in guddigeedu uu u baahanayo waqti dhan 9-ka bilood iyo kharash dhan $46,192,389. $2,714,800 waa 6% kharashkaas, waana lacagta ugu yar ee hal meel ku baxaysa, waxaana loo adeegsanayaan sida ku cad warbixinta, (Mushaarka shqaalaha ku meelgaarka ah ee ka shaqaynaya kaydinta xarunta agabka doorashada). $7,012,518 oo ah 15% kharashka guud ayaa ku baxeysa (Taageerida xisbiga/Musharaxa. Aqoonsi siinta korjoogayasha. Natiijada codbixiyaha. Xalinta khilaafaadka doorashada. Agabka ka hortaga cudurka COVID-19 iyo tababarida shaqaalaha ku meel gaarka ee doorashada). $10,736,111oo ah 23% lacagta guud ee ku baxaysa doorashadaas ayaa loo adeegsanayaa (Caawinaada farsamo ee GMDQ ka helo khubaarada ku takhasusay doorasooyinka). $25,728,960 oo ah kharashka ugu badan ee hal meel ku baxaya waa 56% tirada guud ee lacagta kor ku xusan waxayna ku baxeysaa, (Diiwaan-gelinta codbixiyaha iyo codbixinta).
  23. 121 qof oo lagu helay ku lug lahaanshaha qorshe lagu afgambin lahaa Erdogan+Xukunka lagu riday Maxkamad ku taalla Turkiga ayaa 121 qof ku xukuntay xabsi daa’in, kuwaas oo lala xiriirinayo iskudaygii afgambi ee 2016-kii la doonayay in lagu rido Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, sida ay warisay warbaahinta Dowladda. Sideedan iyo sideed ka mid ah eedeysaneyaasha waxaa lagu xukumay xabsi daa’in “halis ah” oo ay ku muteysteen “iskuday xadgudub dastuur,” sida ay daabacday wakaalada Wararka Turkiga, 35 kale ayaa sidoo kale lagu xukumay xabsi daa’in. Xabsi daa’inka halista ah waa uu adag yahay xarig ahaan, waxaana loo keenay in lagu bedelo toogashada, taas oo Turkigu uu joojiyay 2004-tii si uu ugu biiro Midowga Europe. Ugu yaraan 248 qof iyo 24 lagu tuhunsan yahay inay afgambiga abaabuleen ayaa la dilay 15-kii Julay sanadkii 2016, sida ay sheegtay Dowladda Turkiga, markii qayb militariga ka mid ah ay isku dayeen in ay Erdogan talada ka tuuraan. Tan iyo markii uu afgambigu fashilmay, ugu yaraan 80,000 oo qof ayaa la xiray in ka badan 150,000 oo kalena shaqadda ayaa laga eryay ama laga joojiyay. Ururadda xuquuqda u dooda iyo xulifadda reer Galbeedka Turkiga ayaa ka digay xarig-wadareed baahsan, iyagoo sheegay in Erdogan uu iskudayga Afgambi u adeegsaday in uu ku gebagebeeyo dadka diidan. Dowladda waxay diiday cambaareyntan, waxayna sheegeysaa in tallaabooyinkeedu ay lagama maarmaan yihiin sababtoo ah awoodda khatarta amni ee ay wajaheyso. Dadka Jimcihii la xukumay ee 121 qof waxaa ka mid ahaa, Colonel hore Erkan Oktem, kaas oo lagu xukumay sagaal halis xabsi daa’in ah taaso oo ah in uu geystay “dil ula kac ah”. Horraantii bishan, maxkamad ku taalla Turkiga ayaa xukuntay Metin Topuz oo shaqaale ka ahaa qunsuliyadda Maraykanka ee Istanbul, waxaana lagu xukmay sagaal sano oo xab si oo uu ku muteystay “la shaqaynta ururadda hubeysan ee argagixisadda.” Turkiga ayaa afganbigii fashilmay ku eedeeyay wadaadka Fethullah Gulen oo deganaa gobolka Pennsylvania ee Mareykanka degenaa tan iyo 1999-kii, eedeyntaas oo uu isna beeniyay. Wasiirka cadaaladda Turkiga Abdulhamit Gul ayaa sheegay todobaadkii lasoo dhaafay in 15 dacwad qaadis keliya ay gudubtay 289-kii la qorsheeyay, taasi oo ah hanaan sharci kii ugu weynaa taariikhda casriga ah ee Turkiga. Kadib sedax billood oo loo joojiyay coronavirus, dacwad qaadista Turkiga dib ayaa loo bilaabay bishaan. Qaran News
  24. Sidee Jabuuti looga dabaal-degay Maalinta Xoriyadda ee 27-ka Juun? Dalka Jabuuti ayaa waxaa maanta looga dabbaaldeggay xuska sannad guurada 43-aad ee xornimadooda ee kasoo wareegtay markii Jabuuti xornimada ka qaadatay gumeystihii Faransiiska oo ku beegneyd 27-kii Juun sanadkii 1977-kii. Calanka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa la suray waddo iyo meel walba, iyadoo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ubax dhigay qaar ka mid ah taalooyina halgamayaasha reer Jabuuti. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u diray dhiggiisa dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo guud ahaan shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti hambalyo ku aaddan sannad guuradii 43-aad ee kasoo wareegtay xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay maanka ku hayaan garab istaagga iyo naf-hurnimada reer Jabuuti ay u muujiyeen dalkeenna xilliyadii adkaa, taas oo garab weyn u ahayd dowlad-dhisidda iyo samata-bixinta Soomaaliya. Jabuuti ayaa ka mid ah shantii qeybood ee isticmaarku u qeybiyey Soomaalida geeska Afrika oo labo qeybood oo ka mid ah la raaciyey dalalka Kenya iyo Itoobiya, halka labadii israacday ee Somalia iyo Somaliland ay kala irdhoobeen. Qaran News
  25. Saaxiibbo iyo taageerayaal badan ayaa i soo waydiiyey sababta aan 13-ka kursi ee Gobolka Banaadir u taageeri waayey. Waxaan ku iri, Madaxweynaha iyo Baarlamaanka waxay Banaadir xaq ugu lahayd in ay sharciga caasimadda sameeyaan oo Banaadir Golayaal deegaan iyo Baarlamaan Gobol oo la soo doortay hesho, ama dawlad goboleed loo aqoonsado. Taas markii lagu guul daraystay, oo weliba Sharciga doorashooyinkana looga diiday kuraas Baarlamaanka uu Banaadir yeesho ayaa la yiri, Banaadir xaq u qalma xajmigeeda deegaan ee dhabta ah uma haynee, ee Aqalka Sare 7 kursi ha loogu daro. Xildhibaano deegaanka u badan ayaa kacay oo tiro 13 ah gaarsiiyey. Way Mahadsanyihiin Laakiin la isma waydiinin Yaa qaybinaya? yaa kale? Madaxweynaha. Yaa magacaabaya? Yaa kale Madaxweynaha?. Oo sidee laga yeelayaa Dastuurka waxaa ku dhigan 54 xildhibaan in uu yahay Aqalka Sare. Dastuurka iyadoon la beddelin ayaa kuraasta lagu kordhinayaa, sababtoo ah dalka wuxuu leeyahay madaxweyne dastuur jebintu caado u tahay, weilna u dabaaldegaya. Waxaan ku iri, qabiillada dega Banaadir ma metalaad la’aan qabiil ayaa haysa?. Kuraasta aqalka sare miyaa ku yar? Sow xildhibaano Aqalka Sare iyo Baarlamaankaba kuma laha? Banaadir maqaam siyaasadeed iyo matalaad sharci oo xajmigeeda shacab, dhaqaale iyo muunadeeda deegaan u dhiganta ayey rabtaa ee xildhibaano beelo lagu soo xulayo u baahna, kuwii hore ayaan meel la geeyo la la’yahay. Siyaasadda igu sawir kama raadiyo, mana rabo in aan hayi raac taageero been ah loo camiro noqdo, mana doonayo in si sahal ah la ii siro. Buulaay markii aan joognay waxaa maqli jiray hebel balaq ayaa loo tuuray ama qob moos ah ayaa loo dhigay. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid