Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) - A court in Mogadishu has sentenced a journalists to six months in jail and a fine of $200 for his reporting of the COVID19 pandemic. Source: Hiiraan Online
  2. Iran oo weerartay wax loo ekeysiiyay markab dagaal oo uu leeyahay Mareykanka Wax loo ekeysiiyay markabka dagaal ee Mareykanka Ciidamada ilalaada kacaanka Iraan ayaa madaafiic ku weeraray wax loo ekeysiiyay markabka qaada diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka. Falkan ayaa ka dhacay marin biyoodka Xurmuus oo Iran ay horay ugu hanjabtay in ay xiri doonta. Weerarkan oo u muuqday dhoolatus militari ayay dowladda Iran ugu magacdartay “Nabi Maxamed”. Warbaahinta Iran ayaa baahiyay muuqaallo muujinaya ciidamada Iran oo gantaalo ka tuuraya diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah iyo madaafiicda goobta. Militariga Iran oo madaafiic ku ridaya bartilmaameed la jilay Balse ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in ay ka warheleen madaafiicda ay Iran riday, taas oo keentay in heegan la geliyo ciidamada Mareykanka ee jooga saldhigyada bariga dhexe. Wuxuu u mquuday mid lagu cabsi gelinayo ciidamada Mareykanka ee inta badan adeegsada marinka Xurmuus. “Ciidamada badda ee Mareykanka waxay sameyeen dhoolatus is difaacid ah, waxaana ka wada qeybgalay saaxiibadeen, taas oo sare u qaadeysa ammaanka maraakiibta mara badda, halka Iran ay sameneyso dhoolatus duulaan ah oo ay isku dayeeso in ay nagu cabsi geliso,” ayuu yiri Rebecca Rebarich oo ah afhayeenka ciidmada badda Mareykanka ee ku sugan Baxrayn. Wuxuu intaa ku daray in waxa Iran ay qaaday ay tahay “mid mas’uuliyad darro ah oo aanan laga fiirsanin”. Sidoo kale, Wasaradada gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in ay heegan gelisay ciiamadeeda ku sugan saldhigyada ay ku leedahay Imaraatka iyo Qatar Arrinkan ayaa dhacay xilli ay xiisad u dhaxeyso Mareykanka iyo Iran, waxaana maalma kahor xukuumadda Tehran ay diyaaradaha mareykanka ku eedeysay handadaad lagu sameeyay diyaaradaha xamuulka Iran ee taga dalka Suuriya. Madaafiicda-goobta ayaa sidoo kale lagu riday Askarta Iran oo dusha uga degay markabka loo ekeysiiyay midka Mareykanka Ilaa iyo hadda lama sheegin waxa sababay arrinkan oo u muuqda mid lagu cabsi gelinayo ciidamada Mareykanka. Markabkan oo loo ekeysiiyay kan maraakiibta iyo diyaaradaha xambaara ee Mareykanka ee inta badan kormeera marinka Xurmuus, waxaana ka muuqday diyaaradaha kuwa dagaalka oo dhinacyada ka saaran. Marinkaas ayaa udub dhexaad u ah inta badan maraakiibta shidaalka ee caalamka oo mara halkaas Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa la ogaaday in dowladda Soomaaliya ay warqad laga qariyay saxaafadda u dirtay dhigeeda Kenya, waxeyna aheyd codsi ku saabsan xad gudubyada dhanka hawada. Sida ay ogaatay Caasimadda Online, warqadaas waxaa la diray 13-kii bishii lasoo dhaafay waxaana si gaar ah diirada loogu saaray dhacdo 9-kii June ay ku lug yeelatay diyaarad nuuca xamuulka qaada ah oo ku sumadan 5YDMZ. Sida gadaal laga ogaaday diyaaradda waxey ka duushay Muqdisho iyadoo sheegtay iney qof xanuunsan kasoo qaadi doonto magaalada Af-Madow ee ka tirsan gobolka Jubada Dhexe. Waxaa la ogaaday iney qaad kasoo qaaday Dhoobley isla markaana timid duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan garoonka Cisaley oo uu ku yaalo garoon macmal ah. Ilo wareedyo ayaa sheegay in diyaaradda ay dib ugu laabatay Kenya kadib markii ay soo galiyeen gayiga Soomaaliya qaadka, waxaana la helay xog ku saabsan iney damiyeen aaladaha lagala socon lahaa halka ay marayaan. Warqadda ay dowladda Soomaaliya u dirtay dhigeeda Kenya waxaa looga codsaday iney shaqada ka ceyriso labadii duuliye ee waday diyaaradii xad-gudubka sameysay.
  4. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Cabdwali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa kulan la yeeshay caawa hoggaanka sare ee Madasha Xisbiyada Qaran gaar ahaan Madaxweyneyaashii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Halkan Ka Daawo Kulankii Guddoonka Golaha Shacabka Iyo Madasha Xisbiyada Qaran Sidoo Halkan Ka Aqriso Kulankii Dhexmaray Labada Dhinac Madasha Xisbiyada Qaran oo War Ka Soo Saartay Kulankii Goddoonka BFS iyo Hoggaanka Madasha Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta lix bilood oo xabsiya ku xukunta weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ka tirsan idaacadda Goobjoog. Xukmane Gurbiye oo sida Maxkamaddu sheegtay lagu helay Tebinta warar been abuur ah ayaa sidoo kale lagu ganaaxay shan Milyan oo shilin Soomaali ah. Warka la sheegay in uu tebiyay Suxufigaas ayaa la xiriiray in Madaxweyne Farmaajo si shakhsi ah u qaatay qalabka ventilator-ka ee loogu tala-galay dadka Neeftu ku dhegto. Ururrada u dooda xuquuqda suxufiyiinta ayaa cambaareeyey xukunkaas oo ay ku tilmaameen mid xadgudub ku ah xorriyatu qowlka. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku ridday weriye Gurbiye appeared first on Puntland Post.
  6. Sida ay diblomaasiyiin u dhuun daloola arimaha geeska Africa iyo dalalka Carabtu ay u xaqiijiyeen shabakada Qarannews, waxa dhawaan ay dawlada Sucuudigu xafiis ganacsi iyo mid siyaasadeedba ay doonaysaa in ay ka samaysato ama furato caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxna baryahii u danbeeyay isi soo taraaya xiisaha iyo xidhiidhka ay dawlada Sucuudigu la soo samynayso Somaliland iyada oo ay Somaliland gaadhay xili aan indhaha laga qarsan karin. Arintani ayuunbaa ku soo beegantay xili ay dawlada Imaaraadku ay sii xoojisay xidhiidhka wada shaqayneed ee ay la leedahay Somaliland taasi oo dawlada Imaaraadku ay ogolaatay in dalkeeda lagu gali doono Passprt-ka Somaliland sidoo kale ay aqoonsatay shahaadada dugsiyada sare ee Somaliland, oo dalkeeda wax barasho lagaga sii wadi karo ama lagaga shaqaysna karaba iyada oo sidoo kale ay Somaliland xafiiskeeda Imaaraadka ay dardar galin hor leh ku samaysay taasi oo soo jiidatay dawlada Imaaraadka. Dhanka kalena waxa jira dawalada Itoobiya ayaa xoojinaysa xafiiskeeda Hargeysa ay ku leedahay iyada oo wararka ka soo baxaay Adisababa ay sheegayaan in ay Somaliland u diri doonaa safiir buuxa oo ka darjo sareeya kuwii hore u joogi jiray, kadib markii ay dhawaan dalka yimaadeen wafti heer sare ah oo ka socda dalka Itoobiya waftigaasi ayaa ka duwanaa wufuudii hore u iman jirtay dalka oo aan iyagu booqan jirin xafiiskooda Hargeysa hase ahaatee waftigii u danbeeyay ee dalka yimid waxa ay mudo ku sugnaayeen oo booqdeen xafiiskooda Hargeysa kadib markii ay dawlada Somaliland la kulmeen. Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Kulanka oo ka dhacay guriga uu Muqdisho ka dagan yahay Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa labada mas’uul waxa ay uga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marxaladda adag ee lagu jiro xilligan kala guurka ah, kadib go’aankii Golaha Shacabka. Sidoo kale labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay wada shaqeyn dhex-marta Galmudug iyo gobolka Banaadir. Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Qoor-Qoor iyo guddoomiye Cumar Filish ay ka wada-hadleen arrimo ku aadan shirarka Dhuusamareeb iyo sidii maamulka gobolka Banaadir uu qeyb uga noqon lahaa shirka kale ee lagu ballasan yahay. Duqa Muqdisho ayaanan ka qeyb-gali wejiga koowaad iyo midka labaad shirarkii ka dhacay caasimada Galmudug ee madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada. Si kastaba ha’ahaatee Madaxweynaha Galmudug oo maalin ka hor soo gaaray Muqdisho ayaa bilaabay kulamo siyaasadeed isagoo olole uu ugu jiray in beeshiisa la siiyo kursiga ra’iisul wasaaraha cusub ee la magacaabayo, kaas oo bedalay, Xasan Cali Khayre.
  8. Mogadishu (HOL) - The U.S. has not compensated families killed in its airstrike in Somalia despite admitting civilian killings, Amnesty International has said. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dr Xasan Sheekh Cali (Iimaam) oo ka ka mid ah aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is-bedalka siyaasadeed ee dhacay, kadib go’aankii Golaha Shacabka. Xasan Sheekh Cali ayaa eedeymo culus dusha uga tuuray madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), wuxuuna sheegay in Madaxweynuhu uu doonayo inuu iska leexiyo fashilka ku yimid doorashada iyo xaaladda guud ee dalka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu Madaxweynuhu rabo inuu dhammaan wixii dambi ah u saariyo, ra’iisul wasaarihii la riday ee Mudane Xasan Cali Khayre. “Wax alla wixii uu tirinayay Mursal oo uu dhahayay Kheyre ku fashilmay, ee Farmaajaa ku fashilmay, wuxuu rabaa sidii kuraastii la xawilayay wixii dambi ah in Kheyre dusha ka saaro, dadka Soomaaliyeed waa og yihiin weyna garan karaan Kheyre ma ahan cida fashiltay ee waa Farmaajo sababta waxay tahay asal ahaan Soomaaliya ma dooran Khayre ee waxaa la doortay Farmaajo.” ayuu yiri Dr Xasan Sheekh Cali. Dhinaca kale wuxuu shaaciyey in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu damacsan yahay muddo kororsi iyo in loogu daro muddo 2 sano ah. “Fashil dhamaantiis inuu Xasan Cali Kheyre u saariyo ayuu rabaa, asigana uu cusub yahay oo uu hadda u dhashtay, labo sano uu rabo in loogu daro ee ma ahan 2 sano waa 20 sano ayuu doonayaa.” ayuu sii raaciyey hadalkaasi Dr Xasan Sheekh Cali. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo si aad hoggaanka xisbiyada mucaaradka ay uga digayaan inay dib u dhacdo doorashada 2020/2021, si looga gaashaanto muddo kororsi.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta soo gaba-gabeysay kiiska Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo dhowr jeer la horgeeyey maxkamaddaasi, kadib markii loo soo jeediyey edeymo culus oo isaga ka dhan ah. Garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in Wariyaha lagu helay qodobka 368 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed oo ku saabsan faafinta warar been abuur ah. Sidoo kale wuxuu ku dhawaaqay in lagu xukumay lix bilood oo xarig ah iyo gacanaax lacageed oo dhan 5 milyan oo shilin Soomaali ah. Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay inuu racfaan qaadan karo Wariyaha, hadii uusan ku qanacsaneyn xukunka xabsiga ah ee lagu riday. Kiiska Wariye Gurbiye ayaa soo jiitamayey bilihii u dambeeyey, iyada oo markii afaraad saaka la horgeeyey maxkamadda oo ku dhawaaqday go’aankaasi, waxaana wararka ay sheegayaan in xabsiga dhexe loo gudbiyey Gurbiye, kadib xukunka saaka lagu riday. Dhanka kale qaar ka mid ah ururada u dooda saxaafadda ayaa ka soo horjeestay go’aanka maxkamadda, iyaga oo sharci darro ku tilmaamay. Si kastaba ha’ahaatee Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah tafaftiraha Goobjoog FM ayaa horey waxaa loo sheegay inay soo eedeysay Villa Soomaaliya, kadib markii uu warbixin xasaasi ah oo ku aadan sida loo xakameeyey Covid-19 uu ka qoray dowladda Somalia.
  11. Waxaa goordhow magalaada Garowe ka furmar kulanka golaha wakiillada maamulka goboleedka Punland , kaas oo ah Fadhiga 28-aad, Kalfadhiga 46-aad ee golaha, waxaana shir guddoominaya guddoonka golaha Wakiillada. Fadhiga maanta waxaa soo xaadiray 44 Xildhibaan Ajandaha ay mudeyaashu ka doodayaan ayaa ah dib-u eegista heshiiska P&O Ports ( DP-WORLD) ee Dekadda Boosaaso, laagu hormarinayo harayna maamulku ula galay DPW. Kulanka ayaa saaka goob joog ah wasiirka wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), kaas oo su’aalo ay mudanayaasha ka weydiin doonaan heeshiiskii shirkadda DP-WORD. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Sii hayaha wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in u jeedka safarkooda uu la xiriiro barnaamijka Baxnaano ee lagu taageerayo dadka danyarta ah uu ka socdo dhammaan dowlad goboleedyada dalka, kaas oo sanadkaan la daah furay. Wasiir Sadiiq ayaa sidoo kale sheegay in dowladda fedraalka Soomaaliya taageero dhaqaale oo soo kabasho ah siineyso muwaadiniinta uu saameeyay Ayaxa ku habsaday qeybo badan ka mid ah dalka. “Waxaa kalo sharaf inoo ah Dowladda Soomaaliya inay taageerro dhaqaale oo soo kabasho ah siinayso Muwaadiniinta uu saameeyay Ayaxa ku habsadday qaybo ka mid ah Dalka, arrintan oo qayb ka ah socdaalka Baydhabo”ayuu yiri wasiir Warfaa. Barnaamijka baxnaano ayaa waxaa daahfuray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Farmaajo 18 bishii April ee sannadkan 2020ka, waana barnamij la sheegay in lagu taageerayo shabacka Soomaaliyeed kuwooda danta yar. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Only a border post and a few hundred metres of dirt road stand between Mandera in northernmost Kenya and the town of Beled Hawo, in Somalia’s Gedo region, where clashes erupted on March 2 between forces loyal to the Somali federal government and those answering to the Jubaland administration. It claimed six civilian lives and displaced 56,000 people. Source: Hiiraan Online
  14. The African Development Bank today approved grants worth $25.1 million to Somalia to bolster the national budget for government efforts to mitigate national and regional [...] The post African Development Bank grants of $25 million will bolster budget for COVID-19 responses appeared first on . Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi oo hadda muddo laba sano iyo dheeraad ah xilka haysay, ayaa dhawaan soo saartay war-murtiyeed ay ku faah-faahinayso labadii sano ee ugu horreeyey Muddo xileedkeeda Hantida ay Dowladu lahayd ee ay dib ugu soo celisay gacanta Qaranka Somaliland, taas oo ay Dowladii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ay shaqsiyaad ugu gacan gelisay qaab mugdi ku jiro oo ay ku naasnuujisay. Shacabka reer Somaliland, siyaasiyiinta,wax-garadka iyo aqoon-yahanka dalka ayaa Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku amaanay Hantidaas uu lahaa Qaranka Somaliland ee ay dib ugu soo celisay dadkii gaarka ahaa ee ay Dowladii Siilaanyo ay ku wareejisay, haseyeeshee haddana weli fari kama qodan hantida Qaranka ee weli ku jirta gacmaha dad gaar ah oo ay Dowladii hore ee Siilaanyo u gacan gelisay,kuwaas oo ay ugu mihiimsan yihiin Warshadiihii laydhka Dowlada ee Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera iyo Kaalintii shidaalka ee Dowdlada hoose ee Hargeysa iyo goobo kale. Warshaddii Laydhka Ee Magaalada Hargeysa 2015-kii Bulshada reer Somaliland gaar ahaana dadka ku dhaqan magaalada Hargeys, siyaasiyiin ,Culimo ,Madax-dhaqameedka iyo aqoon yahanka, ayaa si weyn uga soo horjeestay markii ay Dowladii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ay dhaxal wareejisay Warshadii laydhka ee magaalada Hargeysa,taasi oo ay ku wareejisay ganacsato manfac doon ah oo aan dan ka lahayn dalkan iyo dadkan,kuwaas oo ay qaab qarsoodi ah ugu wareejisay, iyadoo aan la garanayn waxay dhaafsatay ilaa hadda,waxaanay warshadaas ay gacanta ugu jirtaa hadda shaqsiyaadkii ay Dowladii Siilaanyo ku naas-nuujisay,balse shacabka reer Somaliland ayaa weli waxay dhawrayaan inay warshadaasi ay mar uun dib ugu soo noqon doonto gacanta Dowlada Somaliland. Dowlada Madaxweyne Biixi uu hoggaamiyo ayaa markii ay curatay u doonyeystay inay dib Qaranka ugu soo celiso Hanti kale duwan oo uu Qaranku lahaa, taas oo ay Dowladii Siilaanyo shaqsiyaadka u gacan gelisay,haseyeeshee shacabka reer Somaliland ayaa waxay Madaxweyne Biixi iyo Dowladiisa ka sugayaan in sidda ay hantidaa kale ee Qaranka ay dib ugu soo celisay Gacanta Dowlada inay iyana u soo celiso Warshadii laydhka Dowlada ee Magaalada Hargeysa, taas oo mihiim u ahayd guud ahaan-ba Qaranka Somaliland. Warshadii Korantada ee Berbera 2015 Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo uu hoggaamin jiray ,ayaa siddaas si lamid ah ganacsato macaash doon ah ugu wareejisay warshadii korantada ee Magaalada Berbera, taas oo aan loo geli wax tartan ah, balse qol madow ay hoostii ugu dhaxal wareejisay shaqsiyaad ay soo dhabar taabatay,wallow ay guud ahaanba bulshada reer Somaliland qaybaheeda kale duwani ay ka soo horjeesteen tallaabadaasi,haddana muu noqon mawqifkoodii diidmada ahaa mid ka hor-joogsaday wareejintii Warshadaasi,waxaanay ilaa hadda gacanta ugu jirtaa shaqsiyaadkii lagu naas-nuujiyey. Xukuumadda Madaxweyne Biixii oo labadii sano ee ugu horreeyey muddo xileedkeeda ku guulaysatay inay dib gacanta Dowlad ugu soo celiso Hanti kale duwan oo mihiim u ahayd Qaranka Somaliland, taas oo ay Dowladii Siilaanyo ku wareejisay shaqsiyaad, haseyeesha waxay bulshadda reer Berbera iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland ay ka naawilayaan Xukuumadda Madaxweyne Biixi inay sidda ay Hantidaa kale ee Qaranka dib ugu soo celisay gacanta Dowlada in ay iyana dib ugu soo celiso Warshadii korantada ee Magaalada Berbera. Dareenkii Ay Bulshadda Reer Somaliland Ka Bixiyeen Sanadkii 2015kii Wareejintii Warshadihii Laydhka Ee Hargeysa Iyo Berbera. Ummadda reer Somaliland qaybaheeda kale duwan ayaa si weyn uga soo horjeestay tallaabooyinkii ay Dowladii Madaxweyne Siilaanyo ay shaqsiyaad macaash doon ah ugu wareejisay Warshadii korantadda ee magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, balse dhawaaq-yaddii bulshadda may noqon kuwa ay Xukuumaddaas ku joojiso dhaxal wareejintii labadaa warshaddood, waxaana kamid ahaa dhawaq-yaddii Cahdigaas ee bulshada kuwan “Waxaan doonayaa inaan Baaq dhiilo ah u diro dhamaan Bulsho weynta Somaliland,Baaqaasi waxa weeye hantidii dhamayd ee Umaddu wada lahayd ayaa la wareejiyay ama lagu hayaa Boob aan caadi ahayn,Waxa ugu dambeeyay Hantida Ummadda ee la wareejinayo Warshadii Laydhka Berbera oo aad ka war haysaan inay tahay Xeebtii ugu Kululayd oo aan ku taageersanahay siday dadku uga dhiidhiyeen ay arrintaas u diideen.sida Warshadda Laydhka Hargeysa oo kale oo si Tuugo ah loogu wareejiyay dadkii Hantida Umadda iyagu horeba u boobay ee qaybtoodii iyo qayb kale oo aanay lahayn ba qaatay, Waxaan soo maray Warshaddii Laydhka, Shaqaalihii waxay yidhaahdeen waxaa nalagu wargaliyay inaanu shaqada ka dareero, waliba Askar baa naloo keenay bay yidhaadheen.”ayuu yidhi Boqor Raabi. Dhanka kalena Aqoon-yahan Jamaal Cali Xuseen oo isaguna kamid ahaa Cahdigaas dadkii ka dhiidhiyey qaabka loo wareejiyey labada Warshadood ee korantada ee magaalooyinka Hargeysa Iyo Berbera ayaa sheegay isna siddan ”Horta aduunka way ka dhacdaa in hanti ummadu leedahay laga dhigo mid gaar loo leeyahay laakiin jid loo maro oo sharci ah ayey leedahay oo dadka ayaa loo soo bandhigaa qandaraaska oo markaa cida lacagta ugu badan bixinaysa ayey dawladu hantidaasi ku wareejisaa, Laakiin waxaan aduunka ka dhicin in si qarsoodi ah inta meel madow la galo in la yidhaa hebel intaas siiya hebalna intaas kale siiya, isla markaana shacbigana la yidhaahdo hebel baa la wareegay iyagoon ogayn inta lacag ee laga siiyey iyo halka ay martay lacagtaasi midna, run ahaantiina taasi waxay noqonaysaa musuqmaasuq iyo sharci-daro.”Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen. Wareejintii Kaalinta Shidaalka Dowlada Hoose Ee Hargeysa 2016kii Sanadkii 2016kii bilowgiisii ayeyXukuumaddii Siilaanyo ay Kaalintii shidaalka ee Dowlada Hoose ee Hargeysa ay si muquuno ah ama siin ah qofba sidda uu u yaqaano ugu dhaxal wareejisay Ganacsade ay xigto iyo ehel ay yihiin afadii Madaxweyne Siilaanyo, kaas oo si qarsoodi ah loogu dhaxal wareejiyey Kaalintaas iyo dhismaheediiba, balse shacabka reer Somaliland ayaa ka soo horjeestay oo ka dhiidhiyey arrintaas, haseyeeshee Xukuumaddii Siilaanyo ayaan dheg-jalaq u siin dhawaq-yaddii bulshada, iyadoo ay qaaday jidkaas aan la mahadin ee ay ku dhaxal- wareejisay Kaalintaas iyo dhismaheediiba. Gebo-gebaddi Bulshada reer Somaliland ayaa ka sugaysa Madaxweyne Biixi inuu sidda uu Hantidaa kale ee Qaranka uu dib ugu soo celiyey gacanta Dowlada inuu iyana dib ugu soo celiyo gacanta Qaranka labadan Warshadood iyo kaalintaas oo uu ka soo wareejiyo ashkhaastaa sifaha sharciga ka baxsan loo siiyey, waxaynu dhawraynaa waa inuu Madaxweyne Biixi uu ku dhiirado soo celinta labadaa warshadood iyo kaalintaas iyo inuu ka muquurto iyo in kale. Warbixinta waxa diyaarisay shabakadda Somalilandtoday Source
  16. The U.S. Africa Command (AFRICOM) says an airstrike that was intended to target al-Shabab fighters in Somalia earlier this year killed one civilian and wounded three others, in a rare admission by the Command. The findings were part of AFRICOM’s second quarterly report on civilian casualties and mark only the third time in AFRICOM’s history that the command has said civilians were killed in Somalia as a result of the U.S. airstrikes against Islamist militants. “Our goal is to always minimize the impact on civilians. Unfortunately, we believe our operations caused the inadvertent death of one person and injury to three others who we did not intend to target,” AFRICOM Commander Army Gen. Stephen Townsend said in a statement Tuesday. The death occurred from a U.S. strike on Feb. 2 in the vicinity of Jilib, Somalia. The civilians killed and wounded “weren’t visible” when the military conducted the strike, which targeted and wounded one al-Shabab terrorist, AFRICOM spokesman Air Force Col. Chris Karns told VOA Tuesday. “We are getting after a mutual threat in al-Shabab,” Karns said. “If we’re found to have made a mistake, we will admit to it because accountability and trust is key.” The U.S. military has conducted 100 airstrikes against terror groups in Somalia and Libya between February 2019 and July 21, 2020, according to military press releases. U.S. AFRICOM has closed investigations on civilian casualty allegations related to 27 separate incidents, including one posed by VOA about a strike in Jilib, Somalia, on Feb. 24, 2020. AFRICOM concluded in its latest report that the person killed in the strike was an al-Shabab commander. Four incidents of potential civilian casualties are still under review. The allegations arose through self-reporting, traditional and social media reporting, non-government organizations, and internal oversight processes, according to the Command. Amnesty International has called AFRICOM’s civilian casualty reports a “welcome glimmer of transparency in more than a decade of deadly military operations.” Brian Castner, the senior crisis advisor for arms and military operations at Amnesty International, urged AFRICOM on Tuesday to provide reparations for the victims and their families. “While AFRICOM has made tentative progress in acknowledging civilian casualties, they now need to prevent these civilian casualties in the first place,” he said. AFRICOM has said its strikes have killed a total of five civilians in Somalia since April 2018. AFRICOM made its first acknowledgment of civilian casualties from U.S. airstrikes in Somalia last year, when new information revealed that a woman and child were killed, along with four al-Shabab militants, in a U.S. airstrike near the central town of El Burr on April 1, 2018. The second acknowledgment came in April, when AFRICOM said two civilians were “regrettably and unintentionally killed” as a result of a strike on Feb. 23, 2019. The strike also killed two al-Shabab terrorists, who were the intended targets. View the full article
  17. Acmaasha Xajka ee sanadlaha ah ee caadiyan ay gutaan Muslimiinta ku nool daafaha dunida ayaa waxa ay bilaabanayaan maanta oo Arbaca ah, hasayeeshee waxaa aad loo soo koobay tirada dadka ka qeybqaadanaya fayraska korona awadii. Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay mamnuucday dadkii caalamka ka iman lahaa ee tegi lahaa magaalada barakaysan ee Makkah al-Mukaramah, arrintaas oo ay dowladdu uga gol-leedahay sidii lagu xakamayn lahaa cudurkaasi safmarka ah. Waxaa loo ogolaaday oo kaliya muwaadiniinta dalalka kale ka soo jeeda ee deggan boqortooyada inay Xajka sanadkan gutaan. Illaa laba milyan oo qof ayaa caadiyan sanadkiisa Xajka guta, hasayeeshee sanadkan ayaa waxaa la filayaa inay gutaan dad aanan ka badnayn 10,000 oo qof. Dadka loo ogolaaday inay ka qeybqaataan Xajka sanadkan ayaa waxaa laga baarayaa fayraska iyo heerkulka jirkooda markii ay soo gaaraan magaalada Makkah, sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee AFP. Dadka goobtaas barakaysan cibaadada u tagaya ayaa waxa ay tahay inay iskarantiilaan Xajka ka hor iyo kaddibba, AFP ayaa sidaas ku warrantay. Wareysi uu bilowgii todobaadkan siiyay taleefishinka al-Carabiyah ee uu Sucuudigu maalgaliyo, ayuu wasiirka Arrimaha Xajka Maxamed Saalax Bintin uu ku sheegay in xujayda guryahooda lagu karantiilay ka hor inta aanan muddo afar maalmood ah lagu sii karantiilin hoteello ku yaal magaalada Makkah. Dadka xajka gudanaya 30% ka mid ah ayaa la sheegay inay yihiin muwaadiniin u dhashay waddanka Sucuudiga halka inta soo hartayna ay yihiin ajaanib deggan boqortooyada. Boqortooyada ayaa waxa ay diiwaangelisay in ka badan 270,000 oo xaaladood oo fayraska korona ah, halka dhimashaduna ay cagacagaynayso 3,000. Dalka ayaa waxaa bishii la soo dhaafay laga qaaday xayiraaddii guud ee saarneyd. Xayiraado adag oo lagu doonayay in lagu xakameeyo faafitaanka fayraska ayaa waxaa la dhaqangeliyay bishii Maarso, kuwaas oo ay ka mid aheyd bandow 24 saacadood ah oo lagu soo rogay inta badan degmooyinka iyo magaalooyinka. View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Acmaasha Xajka ee sanadlaha ah ee caadiyan ay gutaan Muslimiinta ku nool daafaha dunida ayaa waxa ay bilaabanayaan maanta oo Arbaca ah, hasayeeshee waxaa aad loo soo koobay tirada dadka ka qeybqaadanaya fayraska korona awadii. Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay mamnuucday dadkii caalamka ka iman lahaa ee tegi lahaa magaalada barakaysan ee Makkah al-Mukaramah, arrintaas oo ay dowladdu uga gol-leedahay sidii lagu xakamayn lahaa cudurkaasi safmarka ah. Waxaa loo ogolaaday oo kaliya muwaadiniinta dalalka kale ka soo jeeda ee deggan boqortooyada inay Xajka sanadkan gutaan. Illaa laba milyan oo qof ayaa caadiyan sanadkiisa Xajka guta, hasayeeshee sanadkan ayaa waxaa la filayaa inay gutaan dad aanan ka badnayn 10,000 oo qof. Dadka loo ogolaaday inay ka qeybqaataan Xajka sanadkan ayaa waxaa laga baarayaa fayraska iyo heerkulka jirkooda markii ay soo gaaraan magaalada Makkah, sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee AFP. Dadka goobtaas barakaysan cibaadada u tagaya ayaa waxa ay tahay inay iskarantiilaan Xajka ka hor iyo kaddibba, AFP ayaa sidaas ku warrantay. Wareysi uu bilowgii todobaadkan siiyay taleefishinka al-Carabiyah ee uu Sucuudigu maalgaliyo, ayuu wasiirka Arrimaha Xajka Maxamed Saalax Bintin uu ku sheegay in xujayda guryahooda lagu karantiilay ka hor inta aanan muddo afar maalmood ah lagu sii karantiilin hoteello ku yaal magaalada Makkah. Dadka xajka gudanaya 30% ka mid ah ayaa la sheegay inay yihiin muwaadiniin u dhashay waddanka Sucuudiga halka inta soo hartayna ay yihiin ajaanib deggan boqortooyada. Boqortooyada ayaa waxa ay diiwaangelisay in ka badan 270,000 oo xaaladood oo fayraska korona ah, halka dhimashaduna ay cagacagaynayso 3,000. Dalka ayaa waxaa bishii la soo dhaafay laga qaaday xayiraaddii guud ee saarneyd. Xayiraado adag oo lagu doonayay in lagu xakameeyo faafitaanka fayraska ayaa waxaa la dhaqangeliyay bishii Maarso, kuwaas oo ay ka mid aheyd bandow 24 saacadood ah oo lagu soo rogay inta badan degmooyinka iyo magaalooyinka.
  19. Taliska ciidamada booliiska gobolka Nugaal ee Puntland ayaa sheegay in lagu guulaystay, soo qabashada laba askari, kuwaas oo lagu eedeeyey in Garoowe ay rasaaseeyeen haween ganacsato ah oo dhigayey dibadbax cabasho ah. Dumarkaan ganacsada ayaa ahaa kuwo dan yar ayaa waxaa ay ka cabanayeen lacago la sheegay in lagu kordhiyey canshuurta, ayaa waxaa ay qaarkood ku dhaawacmeen rasaastii ay rideen labadaan askari, kuwaas xabsiga la dhigay. Saraakiisha booliska goblka ayaa sheegay in aad uga xun yihiin wixii dhacay iyo dhibaatada loo geystay haweenkaan ganacsatada ah, waxaana ay xuseen in tallaabo sharci ah laga qaadayo aggii geystay falkaas oo ciidanku soo xisay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BF C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa kulan la yeeshay caawa hoggaanka sare ee MXQ gaar ahaan Madaxweyneyaashii hore Mudane, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud. Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen, sidii loo maarayn lahaa xaaladda kala guurka ah ee Dalku marayo iyo qabsoomidda Doorasho ku dhacda waqtigeeda loona dhan yahay. Kulankan oo ka duwanaa kulamadii hore ayay Guddoonka Golaha Shacabka sheegeen inaysan mataleyn, kana socon hey’ad ka baxsan hey’adda ay Guddoonka u yihiin ee Golaha Shacabka, Waxaana Madashu gaarsiisay labadda masuul mawqifkeeda ku aadan doorashooyinka dalka. Wuxuu Guddoonku sheegay in lama huraan ay tahay in xilligan adag ee kala guurka ah ay diyaar u yihiin in Waddanka xasilloonidiisa laga shaqeeyo laguna dadaalo sidii doorashada loogu qaban lahaa waqtigeedii. Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa isku raacay in laga fogaado in Dalku galo marxalad degenaasho la’aan ah maadaama uu gabaabsi yahay waqtigii Hey’adaha Dastuuriga ahaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana hoggaanka MXQ u caddeeyey Guddoonka Golaha Shacabka inaan la aqbali karin muddo korosi, lama huraanna ay tahay in Doorashada lagu aado waqtigeeda. Sida la og yahay, muddo xileedkii Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku muddaysnaa Afar sano wuxuu marayaa dhammaad, waxaana la joogaa xilligii Doorashada loo diyaar garoobi lahaa, umana muuqato in hoggaanka talada Dalka hayaa uu diyaar u yahay sidii doorashadu wakhtigeedii ugu dhici lahayd, sidaa darteed Madasha Xisbiyada Qaran waxay cid kasta oo danaynaysa inay Doorashadu ku dhacdo waqtigeedii kala shaqaynaysaa qaabkii ay ku suuro geli lahayd, taas oo looga golleeyahay inaan Dalku gelin firaaq Dastuuri ah. Madasha Xisbiyada Qaran waxay u aragtaa in ay lama huraan tahay in Doorasho laysla oggol yahay, heshiis lagu yahay, laguna qabto waqtigii loogu tala galay ay tahay dariiqa kaliya ee looga baaqsan karo qalalaase siyaasadeed oo aan marxalladan la joogo Dalku xammili karin. View the full article
  21. Taliska ciidamada Maraykanka ee ka hawlgala qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa soo saaray warbixin kale oo ku saabsan khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaara duqaymaha iyo baaritaankii uu talisku ku sameeyey. AFIROCOM waxay qiratay inay soo gaareen eedo la xiriira dad rayid ah oo ku dhintay duqayn uu Maraykanku ka gaystay nawaaxiga Jilib 2-dii Febraayo ee sanadkan 2020-ka Maraykanku waxay sheegeen inay xaqiijiyeen dhimashada qof rayid ah oo ku dhintay duqayntaas. Hay’adda u dooda xaquuqda Aadanaha wee Amnesty International ayaa horay Mareykanka ugu eedeysay in uu dad Shacab ah marwalba ku dilo duqeymaha uu ka fuliyo Gudaha dalka Soomaaliya. View the full article
  22. Macluumaadka warbaahineed ee sheegaya in Ruushku guddoonsiinayaan Dawladda Masar raxan ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee casriga ah ee Sukhoy 35, maraykanka oo cadho ka muujiyey heshiiskaa kuna hanjabay inay Masar cunoabatayn saari doonaan, maxaase ku kalliifay Masar inay iibsato diyaaradahaasi, heerkee bayse gaadhsiisan tahay tayada diyaaradaha noocan ahi macluumaad kale ayaa raaci doona ku soo dhowaada barnaamijka Mareego warbaahineed oo laga leeyahay dalka ruushka ayaa baahiyey muuqaalo video ah oo ah diyaaradaha Sukhoy 35 oo lagu hayo tijaabooyin shaqogelineed si loogu wareejiyo milaterig Masar, kana mid ahaa heshiis ay labadaa waddan ruushka iyo Masar wada galeen labo sannadood ka hor, qqiimihiisuna ku kacayey 2 Bilion oo doolarka Maraykanka ah inkastoo aanay illaa hadda oo ah xilliga barnaamijkan la samaynayey aanay Dawladda ruushku si rasmi ah ugu dhawaaqin guddoonsiinta masar e diyaaradahaasi, hadana waxaa qorshahaa si weyn uga qayliyey dalka maraykanka oo sheegay in dhaangelinta heshiis dhanka iibka hubka ah oo Masar iyo Ruushka dhexmaraa uu ku keeni karo dawladda Masar Cunoqabatayno ay maraykanku ku soo rogaan iyo in ay weydo heshiisyadii ay mustaqbalka la geli lahayd washington. Husein Kurdi Source
  23. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa ka hadashay Wiil dhalinyaro ah oo naftiisa khatar geliyay, Kadib markii Wiilkaasi uu sawir ku soo galay geed ka lusha Jar dheer oo ku yaalla buurta Daallo ee gobolka Sanaag. Sawirka uu Wiilkan dhalinyaradda ah oo toddobaadkan si weyn la iskula dhex wareegayay baraha xidhiidhka bulshadda ee Internet-ka ayay dad weynuhu intooda badan ku tilmaamayeen in uu naftiisa halis geliyay. Wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo maanta warbaahinta kula hadashay xafiiskeedda ayaa wax aad looga naxo ku tilmaantay ficilka uu wiilkaasi ku kacay. “Waxaan doonayaa in aan ka hadlo dhacdo dhawaan ka dhacday, buurta Daallo ee gobolka Sanaag. Dhinaca Laagga weyn, Iyadoo dhacdadaasi maalmahan ba, lagu qaadaa dhigayay baraha Internet-ka, Taasoo ahayd in Wiil dhalinyaro ahi, geed buurta Daallo ku yaalla oo meel Jarka xagiisa sare u dhaw ka baxay, Oo geedkaas uu Wiil dhalinyaro ahi isku soo sawiray, Weliba isagoo Gacmaha kor u taagaya sawirkiisii soo geliyay baraha bulshadda ee Internet-ka”. Wasiirku waxay sheegtay in ay aad uga xumaadeen ka wasaarad ahaan markii ay arkeen sawirka Wiilkani ku soo galay meeshan aadka u halista ah. Waxaanay tidhi, “Aad iyo aad baanu ka wasaarad ahaan uga naxnay, markii aanu aragnay sawirkaasi, dad badanina way nala soo xidhiidheen, Waxaa jira buurro ay had iyo jeer dadkeenu tagaan, oo ay koraan. Laakiin, si basar leh u taga, una korra”. “Waxaa la yaab nala noqotay dhacdadaasi weyn, iyo ninkaa dhalinyarrada ah ee naftiisa ku biimeeyay halkaa. Ee weliba dhalinyarada kalena tusaya, in ay u suurto gashay isaga, in uu halkaa ku daadego, oo uu geedkaa korro, oo uu Gacmaha kor u taago, Lug keliyana ku qabsado geedka in ay u suurto gashay, Waa qof halaag u badheedhay ama is dilis, ama in uu naftiisa in uu dilo u badheedhay, Anagu uma arkayno qof caadi ah, oo ku shaqaynaya Maskax caadi ah”. Geesta kale wasiir Shukri Baandare, waxay sheegtay in ay waajibaadkooda ka gudan doonaan dhacdadaasi, si aanay mar danbe u dhicin arrintan oo kale. Waxaanay baaq u dirtay guud ahaanba dhalinyaradda u dalxiis taga buuraha. Waxaanay tidhi, “Dhacdadaasi waxay ahayd mid aad u fool xun. Waxay ahayd mid laga wada naxay. Wasaaradda deegaanku meel walba kama noqon karto Waardiye. Dadku waa in ay is ilaaliyaan, oo ay nafahoodda ilaaliyaan baa loo baahan yahay. Laakiin, markaad aagagaas oo kale ama Jarkaas oo kale aad tegayso, waa in aad ku tallo gashaa in aad ka dhici karto. Wixii maanta ka danbeeya, in taa oo kale loo noqdo, oo dadka dhalinyarada ahi ay ku daydaan ma aha. Waana in ay iska ilaaliyaan”. “Anagu wixii waajibaad kayaga ah, waanu ka gudan. Laakiin, waxaan bulshada reer Somaliland u sheegayaa in Wiilkaa dhalinyarada ah, isaga sharciga la mariyo, oo la soo xidho, Maxaa yeelay? Naftiisa oo uu halaagayay, iyo dadka kale oo uu tusayay, ayaa wax walba ka xun” ayay tidhi wasiir Shukri Baandare. Source
  24. (SLT-Muqdisho)-Warbixin ka soo baaxdey baadhitaan ay sameeyeen ciidanka Millatariga Mareykanka ayaa qiraysa in weerar ay qaadeen ku dileen qof rayid ah saddex kalena ku dhaawaceen meel ku dhaw degmada Jilib ee Jubada Dhexe horaantii sannadkan. Warbixin la sii daayay salaasadii shalay ah ayaa xaqiijineysa eedeymaha ku saabsan weerarada cirka ee loo jeedinayo Maraykanka. Taliyaha ciidamada Mareykanka ee saldhigga Afrika Jeneraal Stephen Townsend ayaa yidhi ” waxaan aaminsanahay in howlfaladeenu ay sababeen dhimashada hal qof iyo dhaawaca seddex qof oo kale oo aanan damacsaneyn inaan bartilmaameedsano.” Warbixintii hore markii weerarka cirka uu dhacay waxaa lagu sheegay in xubin ka tirsan kooxda xagjirka ah ee al-Shabaab lagu dilay agagaarka Jilib. Tani waa qaybtii labaad ee taxane cusub oo warbixinno ah oo khuseeya weeararada ciidamada Mareykanka kuna saabsan duqeymaha cirka ee Soomaaliya iyo eedeymaha loo jeediyo ee ku aadan dadka rayidka ah, ka dib markii Pentagon cadaadis ay saareen hay’adaha xuquuqda aadanaha. Maamulka Trump ayaa si aad ah u kordhiyay tirada weerarada cirka ah ee laga fuliyo geeska afrika oo ka dhan ah kooxda xagjirka ah ee al-Shabaab, iyo kooxda kale ee yar ee Daacish ee ku sugan buuraha Bariga Soomaaliya. Xubno ka tirsan dowlada Maraykanka ayaa hore u sheegay inay xaq u leeyihiin magdhow dadka rayidka ah ee ku dhinta ama ku waxyeelooba duqaymaha maraykanku ka fuliyo gudaha Soomaaliya. Source
  25. Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal ayaa xabsiga dhigay laba askari oo ku eedaysan in ay Rasaas ku rideen Haween Ganacsato danyar ah oo shalay muddaharaad ka sameeyay barxadda Caasimadda Garoowe. Ganacsatada danyarta ah oo ka cabanayay lacago ay sheegeen in lagu kordhiyay ayaa qaarkood ku dhaawacmay Rasaas ay fureen askar ka tirsan Ciidanka Booliiska Gobolka Nugaal kuwaas oo haatan laba kamid ah xabsiga la dhigay sida ay xaqiijiyeen saraakiisha. Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in ay aad uga xun yihiin in dhibaato loo gaysto shacabka islamarkaana ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan cid kasta oo ay ku caddaato in ay dhibkaasi gaysatay. PUNTLAND POST The post Garoowe: Askar lagu eedeeyay in ay dad shacab ah Rasaas la dhaceen oo xabsiga la dhigay appeared first on Puntland Post.