Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,276
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa Maanta oo Axad ah ka hadlay, Go’aankii shalay Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamanka ay ku ansixiyeen Metelaadda Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ee dalka. Ex Madaxweyne Xasan Sheikh, oo warbaahinta Shir Jaraa’id ugu qabtay Muqdisho waxaa uu sheegay in uuu soo dhaweynayo Go’aankii 13-ka kursi Gobolka Banaadir looga siiyay Aqalka Sare, isagoo arrintaas ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo baahnaa. Mudane Xasan Sheikh, ayaa u mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ansixiyay Metelaadda Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ee dalka. Dhinaca kale, Madaxweynihii hore Xasan Sheikh ayaa waxaa uu ka hadlay hadalkii shalay kasoo yeeray Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee ahaa in xiligaan dalka aysan ka dhici karin Doorasho qof iyo Cod ah ayna u baahan yihiin 13-bilood oo dheeraad ah. Wuxuu sheegay in hadalka Guddoomiye Xaliimo Yareey laga dheehan karay mid muddda kordin loogu samaynayo dowladda haatan jirta taasina aan la aqbali Karin. PUNTLAND POST The post Xassan Sheikh oo sheegay in Warbixinta Xaliima Yareey laga dheehan karay mudda kordhin appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimo la xariira doorashooyinka 2020 illaa 2021-ka. Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday warbixintii guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ee ay shalay dhageysteen xildhibaanada Golaha Shacabka, isaga oo dhaliilay warbixintaasi oo lagu soo aadiyey xilli adag oo lagu jiro kala guur. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in warbixinta guddiga ay u hoosaasineyso muddo kordhin riman muddo kordhin kale, sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in laga gaabiyey arrimaha doorashooyinka, islamarkaana Farmaajo uusan sameyn dadaalkii looga baahnaa. Dhinaca kale wuxuu soo dhoweeyey go’aankii baarlamaanka Soomaaliya ee ansixina matalaadda gobolka Banaadir, isaga oo xusay in tallaabo wanaagsan oo boggaadin mudan ay qaadeen xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya. Ugu dambeyn Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo jeediyey in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya laga rabo in y tilmaado qorshe cad oo ku aadan doorashada 2020/2021-ka, wuxuuna carabka ku adkeeyey in aysan marnaba aqbali doonin wax muddo kororsi ah.
  3. Maalinnimadii Sabtida, waxaa xubnaha Golaha Shacabka hortagtay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa banaan Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ‘Xaliimo Yarey’. Xubanaha Baarlamaanka ay mudadiisu gabagabada sii tahay waxay ka horjeedisay khudab la wada sugayay oo ay uga hadashay masiirka doorashooyinka dalka. Guddoomiyaha waxaa laga sugayay iney kala caddeyso in doorasho dalka ka dhici karto iyo in kale, si rasmi ah ayey ugu dhawaaqday iney dalkan doorasho ka dhici Karin waqtigii xukuumadda loo igmaday, isla markaana loo baahan yahay muddo korosi, waa hadal qof walba oo si caqli ah u fakarayaa uu sugayay la iskana ogaa inaan doorasho dalkan ka qabsoomi Karin. Ma doonayo inaan ka hadlo dhinaca taban ee khudbadda iyo xaglinta ka muuqatay khudbadda guddoomiyaha oo u ekeyd mid dhanka madaxtooyada laga soo xarxariiqay. Waxaan isku dayi doonaa inaan xoogga saaro xaqiiqooyinkii ay miiska soo saartay ee lagama dhaafaanka ahaa una baahan in heshiis siyaasadeed laga gaaro. Xaqiiqada koowaad: Dalkana Doorasho kama dhici karto Waqtigii loogu talogalay “Waxaan ka hor caddeynaynaa Baarlamaanka iyo ummadda Soomaaliyeed in doorashada ku dhacaysa habka biometric ka ah aysan suurtogal ahayn inay ku qabsoonto waqtigii loogu talagalay ee ahaa Nov 27, 2020.”, ayay tiri Goddoomiye Xaliimo. Xukuumadda hadda jirta waxyaabihii loo igmaday waxaa ka mid ahaa iney dalkan doorasho qof iyo cod ah gaarsiiyaan oo muddo xileedka ay haystaan ay howshaa ku qabtaan wey ku fashilantay, doorashadii bilooyin kooban ayaa ka harsan. Sida uu darsuurtu qorayaana waa in dalkan ay doorasho ka dhacdo afartii sannaba mar. Mar haddii 4 sano ay ku guul darreysteen iney dalka doorasho ku gaarsiiyaan, hadana lagama sugayo in sannad iyo bilooyin kooban ay howshaa ku qabtaan. Xaqiiqada labaad: Caqabadaha amni oo aan weli xal loo hayn Xaliimo yarey mar ay ka hadleysa caqabadaha guddiga haysta ee ay Soomaalidu sababta u tahay waxay soo hadal qaadday ammaanka oo aan weli sugneyn: “Daahidda shuruucda doorashada waxaa weheliyay caqabado soo waajahay guddiga oo kala ah kuwa Soomaalidu isku dhex abuurtay iyo kuwa dabiici ah; sida, ismaandhaafka siyaasaddeed, nabad galyo la’aanta, fatahaadaha iyo dhibaatada caafimaad darro eek a dhalatay cudurka safmarka ah ee COVID 19”, Ayey tiri guddoomiyaha. Hadaba, waqti kasta oo hadda kadib la isla garto iney doorasho ku qabsoonto, waxaa is weydiin leh yaa ammaankii damaanad qaadaya. Magaalada Muqdisho oo ay ka howlgalaan 7,000-10,000 oo militari ah, 6,000-9,000 oo booliis ah, 4,000 oo NISA ah iyo 3,500 oo asluub ah. Ayaa ammaankeeda laga dayrinayaa. Gobollada dalka imisa ciidan ayay u baahan yihiin si ay doorasho uga dhacdo. Xaqiiqada labaad: Khilaafka siyaasadeed Guddoomiye Xaliimo waxay soo hadal qaadday in khilaafka siyaasadda uu weli jiro oo caqabad uu ku yahay arrimaha doorashooyinka. Juun 9, 2020 ayaa warbixin ay soo saartay safaaradda Mareykanka waxaa Villa Somaliya laga dalbaday iney hor fariistaan maamul goboleedyada, hadalkaa safaaradda kasoo baxay waxaa ka mid ahaa: “ Waxaa baahi weyn loo qabaa ka qeybgalka iyo iskaashiga dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah si loo xalliyo kala qeybsanaanta siyaasadeed, waxna looga qabto deyn cafinta iyo ka jawaabista Covid 19”. Xukuumadda hadda jirta waxaanay is arki karin maamul goboleedyo miisaan leh oo intii ay jirtayba uu khilaafkoodu soo jiitamayay, hadda oo waqtigeedii dhammaaday siday ku suurtagaleysaa iney wada shaqeyn dhex marto. Xaqiiqada Afaraad: Miisaaniyad lixaad leh ayey u baahan tahay doorasho kasta oo dalka ka dhacda. Sida ay guddoomiyuhu khudbaddeeda ku sheegtay miisaaniyad lixaad leh ayaa guddigu u baahan yahay si ay doorasho u qabtaan. Halkan su’aalo badan ayaa u baahan in laga jawaabo, lacagta doorashada halkee laga keenayaa, dowladdu awood ma u leedahay iney bixiso lacagata doorashada iyadoo aan oganahay in miisaaniyadda dowladda ay is dhintay sababo la xiriira COVID 19 heer gaarsiisan 40%, waa sida uu saadaaliyay Wasriir “Bayle” hadal jeedin uu sameeyay 14 April 2020. Xaqiiqada Shanaad: Yaa go’aan ka gaaraya muddo kordhinta doorashada, ma baarlamaanka ay mudadiisu sii dhammaaneysaaa mise heshiis siyaasdeed ayaa loo baahan yahay ay iskugu yimaaddaan saamileyda siyaasadda. Guddoomiyaha guddiga doorashadu waxay ku dhawaqday iney u waqti dheeri ah u baahan yihiin si ay doorasho dalkan uga qabato. Muddo xileedka guddigu waa kooban yahay, sidaas oo kale muda xileelka baarlaanka iyo sharciyaddiisa bilooyin kooban ayaa ka harsan, si kastaba ma hurayso in saamileyda siyaasadda ay isku yimaaddan oo ay go’aan ka gaaraan. Si kastaba, guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee Xaliimo yarey waxay ku dhawaaqday xaqiiqada ah inaan dalkan doorasho ka dhaceyn waqtigeedii iyo muda xileedka xukuumadda hadda jirta isla markaana loo bahaan yahay muddo kordhin. Xaqiiqadu waa in xukuumadda hadda jirtaa ay ku fashilantay waajibaadkii Qaran ee loo igmaday doorashadana aan lagu aamini Karin. Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo Golaha Shacabka la hadlayay 21 Juun, 2020, ayaa yiri; “Waxaan doonayaa inaad awooddiina ogaataan (Baarlamaanka), nimanka keeni waayay sharci dhammeystiran, nimankan dalka aminigiisii keeni waayay, nimanka dastuurka dhammeystiri kari waayay, nimanka dalka maamuli kari waayay, nimanka la heshiin kari waayay maamul goboleedyadii, iyakaa dambiga leh iyagaana la bedelayaan.” W/Q: Khadar Xuseen Maxamed. Afeef: Qoraalkani waxa uu ka tarjumayaa aragtida shaqsiga ah ee qoraaga, marnana kama tarjumayo ra’yiga hay’ad ama shaqsi kale. Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi oo warbixin qoraal ah soo saaray ayaa si qoto dheer uga hadlay ansixintii xeerka matalaadda gobolka Banaadir, isaga oo u mahadceliyey Xildhibaanada Golaha Shacabka. Geedi ayaa go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamay inuu yahay mid baal dahab ah ka galay taariikhda gobolka Banaadir iyo guud ahaan Qaranka. Sidoo kale wuxuu boggaadiyey doorkii madaxweynaha Soomaaliya ee ku aadanaa xaqsiinta gobolka Banaadir. Ra’iisul wasaarihii hore ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka looga fadhiyo dhameystirka maqaamka caasimadda Muqdisho. Halkan hoose ka aqriso: Golaha Shacabka BFS wuxuu u codeeyey, aqlabiyad buuxdana ku meel mariyey sharciga matalaadda siyaasadeed ee bulshada Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir. Waa go’aan baal dahab ka galay taariikhda Gobolka iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed. Waa tallaab geesinimo leh ee uu qaaday Golaha Shacabka BFS uguna hiilliyey muwaadiniintiisa xaqooda dastuuriga ah laga curyaaminayey muddada dheer.. Shacabka sharafta leh ee Gobolka Banaadir iyo Gobollada kaleba waxaa iyagana laga rabaa in ay taageeraan Golaha Shacabka kana difaacaan ciddii isku dayda inay wiiqdo geeddi socodka sharciga iyo hannaanka doorashooyinka dalka ee qof iyo cod ee hoggaaminayo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, loogana gudbayo doorasho dadban iyo in masiir ama xaq-siyaasadeed muwaadin uu ku sii jiro gacan shakhsi kale, darajada uu rabo ha lahaadee. Allaha awoodda leh kaddib, waxaa mahaddaas iska leh Golaha Shacabka BFS oo shalay ansixiyey 13 xubnood ee shacabka Gobolka Banaadir ku matali doona Aqalka Sare ee BFS. Si ka sarreysa, qaddarin iyo mahadcelin aan la koobi karin waxaa leh Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo furitaankii kalfadhigii 7aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (06.06.2020) uga dhawaaqay hindisaha matalaadda shacabka Gobolka Banaadir, si qiiro lehna uga codsaday inuu ku xurmeeyo kana aqbalo, taasoo Golaha Shacabka BFS uu hoosta la xarriiqay fuliyeyna. Madaxweyne Farmaajo oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah, kana jawaabaya rabitaanka dadkiisa, ayaa u bareeray oo dhigay sumad ama rikoodh (record) ay dhigi waayeen Madaxweyneyaashii ka horreeyey. Ugu dambayntii, shacabka Banaadir iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeedba waxay baarlamaanka uga fadhiyaan dhamaystirka maqaamka caasimadda Muqdisho oo ah gool kale oo dhalintiisa laga sugayo Goleyaasha Qaranka iyo Madaxweynaha JFS.
  5. Waxa aan ku bogaadinayaa golaha wakiilada ee JSL ansixinta labada xubnood ee Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI & UCID u soo xuleen in ay ka mid noqdaan Komishinka Doorashooyinka Qaranka KDQ si loo bilaabo howlihii geedi-socodka doorashada golaha wakiilada & golayaasha deegaanka. pic.twitter.com/xytJ3RFUZU — Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) June 28, 2020 Qaran News
  6. Calan Huudhaydha iyo Ciddaha Reer Xamar. Maanta oo kale 28-06-1960 waxa Soomaaliya iyo magaalada Muqdisho Ka dul babanaayey oo calan u ahaa calanka talyaaniga, maxaa yeelay May ahayd dal xor ah oo calan ay iyagu leeyihiin hoos hadhsanaayey, Dhanka kale Maanta oo kale 28-06-1960 waxa Jamhuuriyada Somaliland iyo Caasimada Hargeysa Ka dul babanaayey calan ay iyagu samaysteen oo Xor ah , oo hees iyo muusig u samaysteen, oo Suugaan lama ilaawaan ahna ku calan saarteen ama ku calan sudheen , Sareeyow Manusqaanow Sidduu yahay bal aan eegnee Kana Siib kana Saar!. Sidda Ku cad tixdaa abwaan Timocade illaahay naxariistii janatul Fardowsa haka waraabiyee, Sidduu yahay waa la arkay markii Reer Somaliland qadiyadii ay u hindiseen ee ahayd Soomaali-weyn Ku hungoobeen kalana kulmeen hagardaamo, dhib iyo halaag, oo waatii 18-05-1991 isna la siibay ee lasaaray mid aan weligii dhacahayn oo weligii labadalahayn oo Tawxiid kuyaalo iyo Tiirka koowaad ee Islaamku. Hadaba jibadii Soomaali-weyn ee Reer Somaliland lixdankii qaaday ee ay kusoo hungoobeen haddii Reer Soomaaliya Maanta damceen inay jilaan qadiyad aan ku duxin oo Dareen aanay u hayn waa u ayaandaro, maxaa yeelay shantii Soomaaliyeed ee Xiddigta Shanta-gees leh loo hindisay in laysku keenaa cirkaa loo eekeysiiyey Calankaa Huudhaydhka ah intuu jiro ayey jiraan isku keenka Shantii Soomaaliyeed ama Soomaali-weyn ee af goobaabsiga iskadaaya oo warka xamarna iska dhaafa Somaliland waa dal jira iyo Dawlad Calan leh, waxna iskuguma kiin jirin, waana dal jiray Soomaaliya oo jirin, wuuna Jiridoonaa intuu illaahay jirsiiyo ee jaw nabad gelyo, ordoo Soomaalida itoobiya dhankooda u jeesta ama ta kiiniya u jihaysta bal jees inaad noqotaan, jabuuti horay udiidee. Hadal iyo dhamaan Callal laga Baxay Ciddi kuma noqoto, idinka illaahay haydinku asturee, iska sii sita Calankaa HUUDHAYDHKA ah Ciddaha reer Xamarow. Isbaranaye Iskeen baalmari. Fuad Fartaag fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda dalka Kenya oo la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyey ciidamada uu wato wasiirka amniga maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdiuur (Janan) inay qal-qal amni ka wadaan gudaha magaalada Mandera oo ka tirsan gobolka waqooyi bari ee dalkaasi. Cumar Maxamed Macalin oo ah xildhibaan laga soo doorto bariga Mandera ayaa sheegay in ciidamada Janan ay hub ka iibiyaan qabaa’illada ku nool magaaladaasi, isaga oo arrintaasi nasiib darro ku tilmaamay. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintan ay sababi karto isku dhacyo hor leh oo dhex-mara beelaha daga halkaasi oo marar badan dagaalamay. Xildhibaanka ayaa sidoo kale soo jeediyey in is-maamulka Mandera laga saaro wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland iyo ciidamada uu wato, si loo xasiliyo amniga. Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Kenya ayaa sidoo kale sheegay inay hayaan shaqsiyaad hubka ka iibinayey dadka deegaanka. Wasiirka amniga Jubbaland ayaa tan markii uu ciidanka dowladda kula dagaalamay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ku sugan qeybo ka mid ah magaalada Madera ee gobolka waqooyi bari, halkaas oo uu ka wado abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan. Si kastaba ha’ahaatee arrintan ayaa soo aadeysa, iyadoo dhowaan ciidamada wasiir Janan ee ku sugan Mandera lagu eedeeyey inay dhac iyo kufsi ka geysteen halkaasi. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/06/Codka-Mandheera.mp3
  8. Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo qorsheysan oo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose. Howl-gallada oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa waxaa laga sameeyey deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay la wareegeen saacadihii la soo dhaafay, deegaanada, Janaay Cabdale, Helishiid, Mayonde iyo Garasceebe ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay si wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda, kuna wajahan yihiin deegaanada kale ee ka maqan dowladda. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi. Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howl-gallo milatari ka waday gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.
  9. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si diirran u soo dhaweeyay tallaabada Golaha Wakiillada Somaliland ku ansixiyay labada xubnood ee xisbiyada WADDANI iyo UCID u xuleen Komishanka doorashooyinka Qaranka. Guddoomiyaha ayaa ku tillaamay tallaabo dardar gelinaysa qabsoomidda doorashooyinka iyo dimuqraaddiyadda Somaliland. “Waxa aan ku bogaadinayaa Golaha Wakiillada ee JSL ansixinta labada xubnood ee Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI & UCID u soo xuleen in ay ka mid noqdaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka KDQ si loo bilaabo howlihii geedi-socodka doorashada Golaha Wakiilada & Golayaasha Deegaanka,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland iyo wefdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Laascaanood ayaa kormeeray xarunta cusub ee shirkadda Sool Power ee korontada siisa magalaada Laascaanood. Wasiirka waxa wehelinayay maamulka gobolka Sool iyo wasiirka hawlaha guud iyo masuuliyiin kale. Wasiirka waxa warbixin ka siiyay shirkadda Korontada Sool Power iyo sida ay u shaqayso masuuliyiinta shirkadda ugu saraysa. Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa u mahad celiyay masuuliyiinta shirkadda Sool Power waxaanu shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ugu baaqay inay gacan siiyaan shirkaddaasi. Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Golaha wakiillada Somaliland oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyey labadii xubnood ee Kominshanka doorashooyinka qaranka Somaliland u matalaayey xisbiyada Mucaaridka ee UCID iyo WADDANI. Md Maxamuud Siciid Dalmar Xubinta xisbiga WADDANI waxaa ogolaadey 51 xildhibaan , cid diiday ma jirto halka hal xildhibaan ka aamustey. Md Cabdifataax Ibraahin Sheekh xubinta xisbiga UCID waxaa ogolaadey 49 xildhibaan , cid diiday ma jirto , halka Saddex xildhibaan ay ka aamuseen. Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah ciidamada milatariga dalka Itoobiya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ayaa isaga baxa gudaha dalka, kadib markii ay dhameysteen muddo howleedkooda Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Ciidamada dib ugu laabtay dalka Itoobiya ayaa munaasabad soo dhoweyn ah loogu sameeyey gobolka Liibaan ee dowlad deegaanka Soomaalida, iyadoona lagu xareeyey xero ciidan oo ay wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya ay ku leedahay halkaasi. Sidoo kale guutadaan ka baxday Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabaa Qilfat, waxaana ay ka howlgaleysay gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya. Ciidamadan ayaa safar dhulka ah uga baxay Koonfur Galbeed, iyaga oo ku gaaray gaaray dalka Itoobiya, gaar ahaan xeryaha loogu talagalay. Itoobiyaha ayaa qeyb ka ah dalalka ay ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wada gobollada Gedo, Hiiraan, Baay iyo Bakool. Sanad kasta ayaa waxaa badal lagu sameeyaa askarta Midowga Afrika ee xiran koofida cagaaran ee muujineysa in ay u diiwaangashan yihiin howl-galka AMISOM Soomaaliya.
  13. (SLT-London)-Magaalada London ee Caasimadda boqortooyada Ingiriiska waxa lagu qabtay Munaasibad loogu dabbaal-degay Xuska lixdan Guurada Xornimada Somaliland, taasi oo Somaliland iyo guud ahaan Dalalka Dunida ee Shacabka Somaliland ku nool laga xusay Jimcihii la soo dhaafay. Xafladda London oo lagu qabtay Xarunta Safaaradda Somaliland ku leedahay Magaalada London, ayaa waxa Dadka ka qayb-galay ka mid ah Haweenay Magaceedu yahay Borus A. Nichols oo ka mid Xildhibaannada Baarlamaanka dalka Ingiriiska. Borus A. Nichols oo Xafladda hadal ka jeedisay ayaa ugu horrayn Shacabka reer Somaliland ku hambalyeysay Xuska 60 guurada ka soo wareegtay xilligii Ingiriisku Siiyey Xornimada Shacabka reer Somaliland. Xildhibaannada oo hadalkeeda sii wadataa waxay sheegtay in xilligii uu Ingiriisku siinayey Somaliland xornimadeeda uu kula taliyey in aanay Xornimada iyo Gobanimada ay qaateen aanay cidna kula midoobin, balse Somaliland ay sannadkii 1991-kii ay xornimadeedii luntay dib ula soo noqotay. Xildhibaan Borus A. Nichols waxay sheegtay in Somaliland buuxisay dhammaan shuruudihii lagu aqoonsan lahaa Dal, iyadoo sidoo kalena ku hambalyeysay Somaliland, nidaamka dimuqraadiga ah ee ka hirgalay iyo Dawladnimadeeda “Lixdan sanadood ka hor ayay ahayd markii Somaliland xornimadeeda ay ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska, Somaliland wakhtigaa waxa Aqoonsaday 35 Dawladood oo ay ka mid yihiin 5-ta Dawladood ee joogtada ku ah Golaha ammaanka, 5 Maalmood ka dib, Somaliland waxay la midowday Soomaaliya, wallow haddii aanu nahay Ingiriiska aanaan xilligaa jeclayn inay go’aankaa qaataan (midnimada)..” Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir,oo ka mid ah Culimada waawayn ee Soomaalida ayaa Bulshada u bayaamiyay sababta uu inta badan uga cudur-daarto hadii loo magacaabo xilal dawladeed ama xilal heer qaran ah. Barnaamijka macagiisu yahay “Sheekh Dirir iyo kulanka warbaahinta”oo habeenkii jimcihii lagu qabtay Masjidka Rusheeye ee caasimada Hargaysa waxa uu Sheekhu si guud uga hadlay sida ay muhiimka u tahay in Saxaafada Somaliland iyo warbaahinta Soomaalidu ay mihnadooda shaqo ku saleeyaan mabaadiida guud ee islaamka,xoriyada iyo madax banaanid ay haystaan u gutaan si waafaqsan anshaxa iyo dhaqanka islaamiga ah,xeerarka dalka iyo danaha guud ee bulshada,iyaga oo ka fogaanaya wax kasta oo danbi iyo ciqaab ALLE lagu mutaysan karo if iyo aakhiraba. Hadaba suxufi oo barnaamijkaa ka qayb galay oo kala ah Xasan Gallaydh,Badri Koosaar iyo Faysal Fifa,ayaa sheekh waydiiyay su,aalo kala duwan oo si khaas ah u khuseeya Sheekh Dirir iyo doorka uu ku leeyahay bulshada. Wariye Faysal Fifa Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir waxa aad ka mid tahay culimada waawayn ee dalka ama Soomaalidaba,waxay dadku iswaydiinayaan inta badan xilalka dhanka dawliga ah ee laguu magacaabo waad ka cudur-daarataa,bal dadka u bayaami sababta aad xilalkaas uga cudur-daarato? Sheekh Dirir:- Xagga xilalka barigii ay jirtay dawaldii hore ee Kacaanka ayaa dadka waxa lagu eedayn jiray “ahna ahna ahna”macnuhu waxa weeyaan qofku xil ayuu hayaa hadana xil kale ayuu hayaa,hadana ku sadexaad ayuu hayaa,markaa eedaymaha laga caban jiray ayay ka mid yihiin dadkuna waxay ku fiican yihiin in ay takhasusaad kala yeeshaan oo qofba meel lagu ogaado. Horta waan ka cudur-daaranayaa taas aad tidhi culimada waawayn ayaad ka mid tahay ee anigu ardayda ayaan isku tiriyaa,waxa weeyaan in qofku uu naftiisa aqoonsado,marka uu qofku diin faafinayo ee uu dawadii isku dayayo in uu dadka wax ka gaadhsiiyo,madaama ay diintu daawo tahay,waxaana marar badan iska dhacda in wixii aad sheegaysay sidiisa loo qaato ay xilalka aad ka haysaa kaa hor yimaadaan oo waadiga arkay oo xilalkuna xasaasiyad badan ayay iska leeyihiin oo midiba meel ayuu ku yara calaamadsan yahay,markaa dhexdhexaadnimadii aad dhexdhexaad u noqon lahayd bulshada aad wax u sheegayso iyo sidii loo qaadan lahaa daawada aad gudbinayso ayay runtii carqalad ku noqotaa marar badan markaa qofka caadiga ahi waxa uu ku fiican yahay inuu dadkana dhex u noqdo iyo bulshadiisa aqoonta uu u gudbinayo loo qaadan karo si aan loo duri karin markaa taasi qayb wayn ayay runtii ka tahay,mararka qaarkoodna waxyaabo kale oo kusii xeeran oo xaga canaaqadda la xidhiidha ama in aad meeshii laguu magacaabay aad waxba ka qaban kari waydo iyaduna way jirtaa. Source
  15. (SLT-Ankara)-Maxkamad ku taalla Turkiga ayaa 121 qof ku xukuntay xabsi daa’in, kuwaas oo lala xidhiidhinayo iskudaygii afgambi ee 2016-kii la doonayay in lagu rido Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, sida ay warisay warbaahinta Dowladda. Sideedan iyo sideed ka mid ah eedeysaneyaasha waxaa lagu xukumay xabsi daa’in “halis ah” oo ay ku muteysteen “iskuday xadgudub dastuur,” sida ay daabacday wakaalada Wararka Turkiga, 35 kale ayaa sidoo kale lagu xukumay xabsi daa’in. Xabsi daa’inka halista ah waa uu adag yahay xadhig ahaan, waxaana loo keenay in lagu bedelo toogashada, taas oo Turkigu uu joojiyay 2004-tii si uu ugu biiro Midowga Europe. Ugu yaraan 248 qof iyo 24 lagu tuhunsan yahay inay afgambiga abaabuleen ayaa la dilay 15-kii Julay sanadkii 2016, sida ay sheegtay Dowladda Turkiga, markii qayb millatariga ka mid ah ay isku dayeen in ay Erdogan talada ka tuuraan. Tan iyo markii uu afgambigu fashilmay, ugu yaraan 80,000 oo qof ayaa la xiray in ka badan 150,000 oo kalena shaqadda ayaa laga eryay ama laga joojiyay. Ururadda xuquuqda u dooda iyo xulifadda reer Galbeedka Turkiga ayaa ka digay xadhig-wadareed baahsan, iyagoo sheegay in Erdogan uu iskudayga Afgambi u adeegsaday in uu ku gebagebeeyo dadka diidan. Dowladda waxay diiday cambaareyntan, waxayna sheegeysaa in tallaabooyinkeedu ay lagama maarmaan yihiin sababtoo ah awoodda khatarta amni ee ay wajaheyso. Dadka Jimcihii la xukumay ee 121 qof waxaa ka mid ahaa, Colonel hore Erkan Oktem, kaas oo lagu xukumay sagaal halis xabsi daa’in ah taaso oo ah in uu geystay “dil ula kac ah”. Horraantii bishan, maxkamad ku taalla Turkiga ayaa xukuntay Metin Topuz oo shaqaale ka ahaa qunsuliyadda Maraykanka ee Istanbul, waxaana lagu xukmay sagaal sano oo xab si oo uu ku muteystay “la shaqaynta ururadda hubeysan ee argagixisadda.” Turkiga ayaa afganbigii fashilmay ku eedeeyay wadaadka Fethullah Gulen oo deganaa gobolka Pennsylvania ee Mareykanka degenaa tan iyo 1999-kii, eedeyntaas oo uu isna beeniyay. Wasiirka cadaaladda Turkiga Abdulhamit Gul ayaa sheegay todobaadkii lasoo dhaafay in 15 dacwad qaadis keliya ay gudubtay 289-kii la qorsheeyay, taasi oo ah hanaan sharci kii ugu weynaa taariikhda casriga ah ee Turkiga. Kadib sedax billood oo loo joojiyay coronavirus, dacwad qaadista Turkiga dib ayaa loo bilaabay bishaan. Source
  16. (SLT-Moscow)-Ruushka ayaa eedaymo uu Mareykanka u soo jeediyey ee ku saabsan inuu howlgeliyey maleeshiyaad xidhiidh la leh Taalibaan oo laaya ciidamada Mareykanka iyo kuwa Nato ee Afghanistaan ku sugan, ku tilmaantay mid aan sal iyo baar toona lahayn. Wargeysyada New York Times iyo Washington Post ayaa daabacay warbixinno ay ku sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dalka Mareykanka iney shegeen unugyo ka titsan sirdoonka millatariga Ruushka xidhiidh la leh iney sanadki hore ay isku dayayeen iney Yurub ka fuliyaan dilal qorsheysan. Safaaradda Ruushka uu ku leeyahay dalka Mareykanka ayaa sheegtay eeddaasi iney waxyeelleyso xidhiidhka diblumaasiyadeed ee labada dal. Ururka Taalibaan wuxuu sida oo kale uu beeniyey heshiis noocaasi inuu la galay sirdoonka dalka Ruushka. Warbixintan ayaa imaneysa xilli uu Mareykanka uu doonayo inuu heshiis nabadeed uu ku soo afjaro dagaalka 19-ka sano ka socday dalka Afghanistaan. Source
  17. Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa ganacsato Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geystay gudaha dalka Koonfur Afrika, kadib weerarro saacadii la soo dhaafay lagu qaaday goobooda ganacsi. Kooxo burcad Koonfur Afrikan ah, ayaa magaalada East london ee gobolka Eastern Cape, waxaa ay ku dileen ganacsade Soomaaliyeed, kaas oo lagu magacaabo Axmed Jeete, xili lagu weeraray goobtiisa ganacsiga. Sidoo kale waxaa caasimada dalkaas ee Johannesburg ka dhacay, dhaawac loo geystay muwaadin Soomaaliyeed, kadib markii kooxo ay weerar ku qaadeen, ganacsada la dhawaacay ayaa lagu macaabaa Cumar Axmed Dhiblaawe. Kooxihii burcada Koonfur Afrikaanka aya weerarradaas ay geysteen kadib isaga baxsaday goobtii ay weerareen, ciidamad Booliiska oo howlgal sameeyey ayaa ku guul dareystay soo qabashada kooxahaasi, inta badan ayaa waxaa dalkaasi ka dhacay weeraro ka dhan ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wadankaasi u ganacsi tagay muddo ka hor. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aadan ansixinta xeerka matalaadda gobolka Banaadir ee ay shalay meel-mariyeen xildhibaanada Golaha Shacabka. Ugu horreyn Taabid ayaa soo dhoweeyey go’aanka baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo u mahadceliyey dhammaan xildhibaanada Golaha Shacabka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la rumeeyey qeyb ka mid ah riyadii shacabka magaalada Muqdisho, islamarkaana ay tahay tallaabo horey loo qaaday. Halkan hoose ka aqriso: Waxaa rumoobay qeyb ka mid ah riyadii Muqdishaawiyiinta oo mudo duudsaneyd taasoo ah matalaadda Aqalka Sare ee G/Benaadir. Waa tallaabo wanaagsan oo hore loo qaaday. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan intii ka qeyb qaadatay rumeynta sadka xaqa ah ee G/Benaadir uu maanta helay. Laga bilaabo maanta Muqdishaawiyiinta waxaa hortaalla in ay u wada istaagaan sidii loo rumeyn lahaa riyada dhiman ee ah helidda maamul deegaan oo madaxbanaan kana shaqeeya baahiyaha amni, waxbarasho, caafimaad & maamul iskufilan oo dadka G/Benadir sitoos ah ugu adeega. Soomaaliya maadaama ay qaadatay hannaanka Federaalka, Maamul madaxbanaan in uu yeesho G/Benaadir waa mid dastuuri ah, hadii federaalku run naga yahay. Waxaa xusid mudan in Guddigii Dib-u-Eegista Dastuurka ee Barlamaankii 9aad ay isku raaceen in nooca maamul ee Benaadir/Muqdisho ay yeelan doonto uu noqdo Gobol Madaxbanaan oo isla markaana ah Caasimadda Dalka (City State), sida magaalada Berlin ee dalka Jarmalka oo federaal ah, waana nooca maamul ee uu mudan yahay G/Benadir.
  19. Magaalada Gaalkacyo waxaa lagu soo gaba-gabeeyey shir gaar ah oo u dhexeeyey madaxweynayaasha Puntland iyo GalmuduG, kaas oo socday 26 illaa 27 bishan June. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimaha amniga, nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo horumarka dhaqaalaha. Sidoo kale war-murtiyeed ka soo baxay shirka ayaa waxaa lagu sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen illaa 7 qodob. Halkaan hoose ka akhriso: View the full article
  20. Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho, si ay u taageeraan ansixintii xeerka matalaadda gobolka Banaadir. Dibad-baxan oo ah mid nabadeed ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey gobolka Banaadir, iyadoona ay ka qeyb-galayaan dad badan oo isaga kala yimid xaafadaha Muqdisho. Sidoo kale waxaa la filayaa in halkaasi ay tagaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, si ay qeyb uga noqdaan dibad-baxaasi. Shalay ayey aheyd markii xildhibaanada Golaha Shacabka ay ansixiyeen xeerka matalaadda gobolka Banaadir oo Aqalka Sare ku yeelan doono illaa 13 xubnood. View the full article
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dibad-bax ballaaran oo lagu taageerayo go’aankii baarlamaanka Soomaaliya ee matalaadda gobolka Banaadir ayaa ka socda Muqdisho. Dibad-baxan oo uu soo abaabulay maamulka gobolka Banaadira ayaa haatan ka bilowday taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere. Boqolaal dadweyne ah oo isaga kala yimid 17-ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa ku sugan halkaasi. Sidoo kale waxaa banaan-baxan qeyb ka ah koox fanaaniin ah oo heeso madadaallo ah ka qaadayo goobta uu ka socda dibad-baxa. Waxaa sidoo kale la filayaa in saacadaha soo socda ay halkaasi tagaan mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir oo lagu wado inay la hadlaan dibad-baxayaasha. Shalay ayey aheyd markii xildhibaanada Golaha Shacabka ay ansixiyeen xeerka matalaadda gobolka Banaadir oo Aqalka Sare ku yeelan doono illaa 13 xubnood.
  22. Waxaa saaka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka bilowday dibadbax lagu taageerayo, go’aankii golaha shacabka ee Baarlamaanka shalay uu ku meel mariyey 13 xubnood oo golaha Aqalka sare ku matalaayo gobolka Banaadir, Baarlamaanka soo aadan ee 2021-ka. Dibadbaxa ayaa waxaa soo qabanqaabiyey maamulka gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb galayo shacabka 17-ka degmo, Taaladda Daljirka Daah-soon ay ku sugan yihiin dadweyne farabadan iyo koox fanaanii ah oo goobta ka qaadaya heeso. Mas’uuliyiinka ka tirsan mamaulka gobolka, iyo xubno ka socda ayaa lagu wadaa in ay ku biiraan oo ugu horeeyo guddoomiyaha gobolka Cumar Maxamuud Filish, waxaana la filayaa duqa magaalada in shacabka isku soo baxay caasimadda inuu la hadlo. Shacabkaan inta badan isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegeen inay taageersan yihiin Go’aankii 13-ka xubnood Gobolka Banaadir looga siiyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, gobolka ayaa horay matalaad ugu lahaa goloha shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com