Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markale dab kusii qabatay xiisada kala dhaxeysa Masar, maadama ay si adag uga hor-timid xiriirka Masar ee Somaliland oo la rumeysan yahay inuu dhabaha u xaadhayo saldhig cusub oo deeganadaasi ay ka sameysato Masar. Itoobiya ayaa iyadu u aragta khatar amni oo hor leh haddii Masar ay saldhig millateri ka sameysato Somaliland, xili ay labada dhinac ka dhex aloosan tahay xiisada muranka badan ee webiga Nile-ka. Dina Mufti, Afhayeenka Wasaraadda arrimaha dibadda Itoobiya oo la hadlay wargeyska The Nation ayaa sheegay in qorshaha Masar uu gobolka Bariga Afrika u horseedi karo khal-khal amni, taasi oo uu kusii xoojinayo diidmada dowladda Itoobiya ee ku aadan dhaq-dhaqaaqyada ay dowladda Masaaridu ka wado gobolka. Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in Masar ay u madax-banaan tahay xiriiradeeda diblumaasiyadeed, balse ay marna aqbali doonin qorshe ay saldhig millateri uga sameysanayso Somaliland, kaasi oo si cad uga hor imanaya xiriirkaasi cusub. Hadalka Afhayeenka ayaa kusoo aadaya xili ay dhawaan Somaliland tageen wafdi ka socda dowladda Itoobiya, kuwaasi oo wax ka weydiiyay madaxda Somaliland xiriirka iyo heshiiska ay la galeyso dowladda Masar. Wafdiga Itoobiyaanka ah oo daba socday booqasho ay saraakiil Masaari ah ku tageen Somaliland ayaa waxay xukuumada Muuse Biixi la wadaageen walaaca ay dowladdooda ka qabto xiriirka cusub ee Masar iyo mowqifkooda ku aadan. Xiriirka cusub ee Somaliland iyo Masar ayaa u muuqda mid xiisad xoogan dhaliyey, iyada oo dab kusii daartay xiisadii ka dhex aloosneyd Masar iyo Itoobiya oo iyadu walaac badan ka qabta dhaq-dhaqaaqa Masar ee geeska oo ay ku hayaan webiga Nile-ka.
  2. Sharciga doorashooyinka qaranka heer federal ayaa sharci noqday kedib markii ay meelmariyeen labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya (BFS). Golaha shacabka (GSH) waxuu ansixiyay 28/12/2019 halka Aqalka Sare (AS) uu meelmariyay 08/02/2020 kedibna waxaa saxiixay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya 21/02/2020. Source: Hiiraan Online
  3. (SLT-Hargeysa)-Diyaar garowgii ugu danbeeyay ee ku saabsana munaasibada Ciidul Adxada ayaa laga dareemaya badi Sayladdaha xoolaha ee Somaliland. Meelaha sida weyn diyaar garowga saxmadda Ciidu uga muuqaneyso waxaa ka mida Sayladda xoolaha ee magaalada Hargeysa, sicirka lagu iibinayo xoolaha gaar ahaan Adhiga ayuu hoos u dhac ku yimid. Sannad walba marka la gaadho wakhtigan oo kale ee ay maalmo koobani ka hadhsan yihiin Ciida Arafo waa wax iska caadiya in isbadel uu ku yimaado qiimaha la kala siisanayo xoolaha noocyadooda kala gaddisan, balse sannadkani waa uu ka duwan yahay sannadihii la soo dhaafay taasi oo ay sabab u tahay xannuunka safmarka ah ee Covid-19 oo hoos u dhigay dhaqaalihii dalka iyo dadka, iyada oo aanay jirin xoolihii dhoofi jiray. Dhanka kale dadka xoolaha ka ganacsada ee soo iibsadda dibna u sii iibiya ayaa sheegay in hoos u dhaca ku yimid iibka xoolaha uu saameyn ku yeeshay xoolahooda taasina ay sababtay in macaashkii ay heli jireen uu yaraado “Xoolaha waala iibsanaya, kuwa waala celinayaa, xooluhu waa iska sicir suuq xoolaha waanu soo iibsanaa mukhaarish lacag aan nagu aheyn mararka qaaar waanu siinaynaa, mararka qaarna waa naloo gaadhaa sidii ay ahaan jirtay Sayladu iibku imika aad ayuu uga hooseeyaa waxaana sabab u ah xannuunada soo kordhay iyo waddamada kala xidhan, Wanka weyn ee aanu markii hore siin jirnay 120-dollar imika 80-dollar ayaanu siinaynaa, waa Ciid jawigu waa uu fiican yahay balse sidiisii looma gaadhayo wakhtigaana sababay” Maxamed Diiriye Jaamac kana mida dadka u soo xoolaha doontay Saylada xoolaha ee magaalada Hargeysa, si uu neef maalinta Ciida uu qasho uu uga iibsado ayaa ka waramay sicirka laga siiyay neefkaasi “Wananka iyo Iduhu waa ay kala duwan yihiin xagga iibka sababto ah Wananka boqol dollar ayaa ugu yar, balse laxdan waxaa la’iga siiyay lix boqol iyo konton kun oo shilinka Somaliland ah, waa ILLAAHEY mahadii, carruurtana waan u qalayaa Jidka Siraadna waxaan doonayaa in aan fuulo oo ay igala baxdo ayaan doonayaa Wanka iyo Laxduna waa isku mid xaga diinta oo in aad wuxuun qasho ayaa la doonayaa, ciyaalku waa ay ku farxi doonaan marka aan dhex geeyo hadii ILLAAHEY yidhaaho, xoolihii Sucuudiga u dhoofi jiray ayaan jirin waana ta sababtay in ay xooluhu jabaan” “Geeli wixii soo galay Saylada si fiican ayaa loo iibsaday oo wax foofay ma jiro, geelana neef iyo sararkii ayaa la iibsanayaa, kuwa dhaqmaadka ahi iyagu waa qaali, kuwa hilib ahaantuna iyaguna waa qaali, ma xuma suuqa kala iibsiga geela ee sayladu”Ayuu yidhi mid ka mida dilaalinta geela iibisa ee Saylada magaalada Hargeysa maalin aad u baahan tihiin ayaad heli doontaan Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) ayaa shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom ku amaanay soo bandhigista ay soo bandhigtay Abaal-marintii ugu balaadhneyd ee lagu abaal-marinayo dhalinyarada guur doonka ah. Abaalmarintan oo loogu magac-daray AROOS WACAN, ayaa qayb libaax leh ka qaadan doonta dhismaha guryaha kheyrka leh. Xidlhibaan Nacnac waxaa uu dhalinyarada ugu baaqay in fursadaasi ay u hibeysay shirkadda Telesom ay ka faa’ideystaan, halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ee taageerta Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid tallaabadii xilka looga tuuray Ra’iisal wasaare Kheyre, iyaga oo walaac xoogana ka muujiyey hanaanka dimuquraadiyadeed ee Soomaaliya. Beesha caalamka ayaa si cad uga hortimid qorshaha muddo kororsi ee Villa Somalia, iyada oo ka digtayna in dalka ka qabsoomto nooc doorasho oo aan heshiis lagu wada ahayn. Waxayna soo jeedisay in heshiis siyaasadeed laga gaaro nooca doorasho ee dalka ka qabsoomaysa, taasi oo looga fogaanayo muddo kororsiga la fahamsan yahay inuu xilka ku waayey Ra’iisal wasaare Kheyre, oo isagu markii dambe sheegay inuu danta shacabka isku casilay. Haddaba, Maxaa xigi doona hanjabaadda ka timid Beesha Caalamka ee xiligan kala guurka? Dr. Maxamed Xuseen Gaas oo Jaamacadda Oslo ee dalka Norway ka dhiga Xiriirka Caalamiga iyo siyaasadda, dhowaana kasoo shaqeeyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa idaacada VOA laanteeda Afka Soomaaliga uga waramay arrintaasi. Dr. Gaas ayaa sheegay in Beesha caalamku ay ka biyo diidan yihiin tallaabadii sharci darada aheyd ee Baarlamaanku xilka uga tuuray Kheyre, xili uu dalka marayo marxalad xasaasi ah. Wuxuuna xusay in jawaabtii Villa Somalia ay ka bixisay digniintii beesha caalamka ay aheyd mid aan munaasib aheyn, haddii ay kusii socotana ay gebi ahaanba ku waayi doonto taageeradooda. Dr. Gaas ayaa sheegay in Beesha caalamka oo dhaqaale badan siisa dowladda federaalka ay hakin doonto, xiligan haddii aan wax laga badalin sida ay wax u socdaan, isla markaana si toos ah looga shaqeyn sidii doorashadu waqtigeeda ugu qabsoomi laheyd. Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Farmaajo ay ku waayi doonto aqoonsiga caalamiga ah, iyada oo gebi ahaanba laga joojin doono taageerada kala duwan ee beesha caalamku ay ugu deeqdo Soomaaliya. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in beesha caalamku ay maxkamad caalami ah la tiigsan doonaan hogaamiyeyaasha dowladda federaalka, haddii doorashadu xiligeeda ay ku qabsoomi weydo, maadama ay qas-wadayaal ugu tilmaaameen qoraalkoodii ay kasoo saareen xiisadaasi taagan. Arrimahaasi ka dhalan kara digniinaha Beesha caalamka oo ay dowladda Farmaajo ka madax adeygeyso ayaa bulshada Soomaaliyeed u horseedi kara bur-bur hor leh oo dhinac kasta ah iyo dibu dhac aan laga soo kabsan karin, sida uu sheegay Dr. Maxamed Gaas. Beesha caalamka ee taageerta dowladda Soomaaliya ayaa iyadu diidan qorshe kasta oo lagu rabo muddo kororsi, taasi oo ka hor imaneysa rabitaanka Villa Somalia oo muddooyinkii dambe la rumeysan inay ku howlaneyd xeelado ay Farmaajo ugu sameyso muddo kororsi aan sharci aheyn.
  6. Sadar Institute oo Tarjuman 1 HORUDHACA Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee FAAW waxa ay maalgelisay Mac-hadka Horumarinta iyo u Adkeysiga aafooyinka ee SADAR iyadoo kataageereysa Mashruucau Awoodsiinta dadka Hawlgalka xakameynta Ayaxa/Anyaxa ee Soomaaliya. Mashruucaan ayaa la fulinayaa iyadoo gacan lagahelayo dowladda Soomaaliya. Yoolka mashruucan ayaa ah in la billaabo olole wacyigelin, kolka la dhisayo lanaxoojinayo awoodda qaran ee maareynta ku habboon xakameynta xaaladaha degdegga ah ee Ayaxa. NATIIJADA Guudahaan255qof 43 Dumar ah iyo212 rag ah oo ka kala yimid shanta dowlad-goboleedayaa loo tababaray xeeldaha xakameynta Ayaxa, cilmiga noolaha iyo deegaanka, habka sahminta; iyo Keydinta sunta cayayaanka iyo adeegsiga hanta qashinka. 100 qof oo dheeraad ah ayaa la tababari doonaa todobaadkan. Mashruuca ayaadaahfuray fulinta olole wacyigelinta xakameynta Ayaxa oo beegsanaya150 tuulooo kuyaaalla shanta dowlad-goboleed. Guudahaan 4500 qofood oobulshada ka mid ah ayaala gaarsiiyay. SameyntaWacyigelintaCOVID-19 Iyadoo lagu baraarugsan yahay cudurka faafa ee saameeyay qeybo ka mid ah dalka, hawl-fuliyeyaasha SADAR waxa ay tababarka ku dareen tallaabooyinka kahortagga cudurkaCovid 19. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Masar oo shaacisay Qorshe cusub oo ay ku wajaheyso xiisadda Itoobiya Dowladda Masar ayaa markii u horeysay shaacisay inay jawi degan u mareyso xiisada webiga Nile-ka ee sida weyn ugala dhaxeysa Itoobiya, xili ay kasii dareysay muddooyinkii u dambeeyay. Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi ayaa si cad u sheegay in dowladdiisu ay hanaanka wada-hadalka u mareyso xiisada biyo-xireenka Itoobiya, taasi oo dhalin karta is-faham dhinacyada muransan, waa sida uu hadalka u dhigaye. Al-Sisi ayaa isagu aamisan in tallaabada ay xiligan dowladdiisu kusoo dhacsan karto qeybta ay ka leedahay nafciga webiga Nile-ka uu yahay wada-hadal ay ka yeeshaan, iyada oo laga baaqsanayo colaado hor leh. Masar ayaa hore u muujisay diidmadeeda ku aadan biyo-xireenka Itoobiya, iyada oo walaac badana ka muujisay in biyaha webigu uu si weyn isku dhimo, maadama oo inta badan ay dadkeeda ku tiirsan yihiin biyaha webiga Nile. Hadalka madaxweynaha Masar ayaa imanaya xili uu dhawaan Abiy Ahmed sheegay in dalkiisa Itoobiya, Masar iyo Sudan ay ‘is-faham weyn gaareen, taasi oo dhabbaha u xaareysa heshiis rasmi ah’ oo laga gaaro biyo-xireenka xiisadda culus ka dhaliyey gobolka. Xiisada ka dhalatay webiga Nile-ka ee Masar iyo Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay sarre u kacday, inkasta oo labada dhinac ay isku dayayaan in xal kama dambeys ah laga gaaro xiisadaasi dabada dheeraatay. Qaran News
  8. Hogaamiye Caan ka ah Dunid oo shaaciyey nukliyeerka dalkiisu haysto & Wuxu ku falaayo Hogaamiyaha kuuriyada waqooyi, Kim Jong-un ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in dalkiisa uusan u bahnaan doonin in uu dagaal galo, wuxuuna tilmaamay in nukliyeerka uu waddankiisa ka difaacayo dagaal. “Inta aan heysano hubka aan isku haleyn karno ee waxtarka leh ee nukleerka, dagaal dambe kama dhici doono adduunka, ammaanka iyo badqabka dalkeenana wuxuu waligi ahaanayaa mid la isku hubo,” ayuu yiri Kim oo khudbad jeedinayay. Hadalkan ayuu ka sheegay munaasabad loogu dabaaldegayay 67 sano guuradii ka soo wareegatay markii uu dhamaaday dagaalkii labada Kuuriya. Munaasabadda lagu qabtay magaalada Pyongyang, waxaa lagu maamuusayay dadkii Kuuriyada Waqooyi uga qeyb qaatay dagaalkaas. Kim ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisa uu horumariyay hubka nukliyeerka, “si uu ugu guuleysto ka hortagga dagaal kale”. “Waxaan hadda u diyaarsanahy in aynu iska difaacno khatar walba oo militari”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Hadalka Kim Jong-un wuxuu markale hoos ka xariiqay in hogaamiyaha dalkaas uusan diyaar u ahayn in uu wareejiyo hubka nukliyeerka ee uu dalkiisa heysto, inkastoo dowladda Mareykanka ay isku dayday in Pyongyang ay ka tanaasuho hubkaas. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maeykanka, Mike Pompeo, ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump uu wadahadal dhab ah la geli doona Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, waa haddii si dhab ah horumr looga sameeyo arrintaas. Gabar ay walaalo yihiin Kim iyo saraakiisha sare ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegaya in aysan suurtagal ahayn in Trump uu arrimahaas ka dhiganayo guul siyaasadeed oo uu gaaray. Kuuriyada Waqooyi ayaa in muddo ah ku raad joogtay helitaanka hub nukleer ah oo ay isaga difaacdo khatar walba oo dibadda uga timaado, balse khubaro ah waxay aaminsan yihiin in ay uga sii dareyso xaaladda wadankaas, Kim na ay u oggolaneyso in siyaasado adag uu kusii maamulo dalkaas. Si walba oo ay noqotaba, way adag tahay in Kuuriyada Waqooyi ay heshiis ka gasho hubka nukleerka, maadaama dalal uu ka mid yahay Mareykanka ay dhowr jeer kulamo la yeesheen, natiijo wax ku ool ahna aanan laga gaarin. Qaran News
  9. Dalka heysta keydka Dahabka ee ugu badan Adduunka+Liiska 10-ka Waddan ee haysta keydka dahab ugu badan Caalamka Dahabka oo ah hanti ma guurto ah oo aad looga qiimeeyo caalamka ayaa loo aqoonyahan yahay inuu wax badan taro xilliyada ay jiraan xasaradaha dhaqaale. Bangiyada caalamka ayaa sanadkii lasoo dhaafay keydkooda dahabka ku kordhiyay 650 tan oo kale, sida uu shaaciyay wargeyska arrimaha dahabka ka faallooda ee lagu magacaabo Schiffgold. In kastoo dahabka qiimihiisa uu hoos u dhacay sannadihii 1970-meeyadii, haddana wali wuxuu ka mid yahay kheyraadka dabiiciga ah ee sida weyn loogu xisaabtamo. Hadda oo cudurka safmarka ah ee Covid-19 uu saameyn ba’an ku yeeshay dhaqaalaha adduunka, waddan kasta wuxuu milicsanayaa keydka dahabka ee uu heysto. Xitaa ka hor inta uusan fayraska dillaacin, waxaa hoos u dhac wajahayay dhaqaalaha dunida, dalal badanna waxay diiradda saarayeen inay dahabkooda sii badiyaan. Kalabarkii ugu horreeyay ee sanadkan 2020-ka, waxaa 16% doolar sare u kacay iimaha dahabka, heerkaasoo ah mid aan la arkin tan iyo sanadkii 2012-kii, sida aan kasoo xigannay bogga lagu keydiyo xogta dahabka ee GoldHub. Bangiga dahabka ee England waxaa ku jira dahab qiimihiisu dhan yahay £194bn Ilaa billowgii sanadkan, Bangiga Dhexe ee Turkiga ayaa iibsaday 148 tan oo dahab ah, wuxuuna noqday waddanka rasmiga ah ee dahabka ugu badan iibsaday sanadkan, marka loo eego guud ahaan caalamka, sida uu sheegay wargeyska KITCO. Haddaba waa kuwee dalalka heysta keydadka ugu ballaadhan ee dahabka? 1. Mareykanka Waddanka Mareykanka wuxuu keystaa keyd dahab oo dhan 8,133.5 tan. Keydkiisa waa 78.9%, marka loo eego dalalka caalamka. Mareykanka keydkiisa wuxuu ku dhow yahay marka la isku daro dahabka ay heystaan saddexda waddan ee ku xiga dhammaantood. In ka badan kalabar ka mid ah dahabka Mareykanka, oo qiimo ahaan ku fadhiya $236.4 bilyan oo doolar, wuxuu yaallaa xarunta keydka ee Fort Knox. 2. Jarmalka Waddanka Jarmalka wuxuu keystaa keyd dahab oo dhan 3,363.6 tan. Intii u dhaxeysay sannadihii 2012 ilaa 2017, Jarmalka wuxuu inta badan keydkiisa dahabka – oo dhan isku darka 674 tan – kasoo rartay magaalooyinka Paris iyo New York, wuxuuna geystay magaalada Frankfurt, sida uu qoray wargeyska Finacial Times. 3. Talyaaniga Waddanka Talyaaniga wuxuu keystaa keyd dahab oo dhan 2,451.8 tan. Si ka duwan dhammaan dalalka kale, dahabka Talyaaniga ma aha mid ay dowladdu leedahay. Waxaa leh Banca d’Italia (Bangiga Talyaaniga). Keydkan dahabka ah wuxuu kala yaallaa meelo kala duwan oo kala ah Rome, Bangiga Qaranka ee Swiss, Keydka federaalka ee New York iyo Bangiga England. Maadaama uu waddanka Talyaaniga kasoo kabsanayo dhaqaale xumo, dowladdu waxay caddeysay inaysan iibin doonin dahabka keydka ah. 4. Faransiiska Waddanka Faransiiska wuxuu keystaa keyd dahab oo dhan 2,436 tan. Inta badan dahabka Faransiiska waxaa la aruuriyay sannadihii 1950-meeyadii iyo 1960-meeyadii, waxaana lagu hayaa Banque de France (Bangiga Faransiiska) ee ku yaalla magaalada Paris. Bangiga Dhexe ee Faransiiska wax yar ayuu dahabkiisa ka iibiyay sannadihii lasoo dhaafay, waxaana lagu baaqayay inuusan iibinin oo dhammaan keydka la hayo. 5. Ruushka Waddanka Ruushka wuxuu keystaa keyd dahab oo dhan 2,299.2 tan. Bangiga Dhexe ee Ruushka wuxuu toddobadii sano ee lasoo dhaafay ahaa ganacsadaha ugu weyn ee soo iibsada dahabka ugu badan ee caalamka. Labadii sano ee lasoo dhaafay kaliya wuxuu soo xareystay 400 oo tan. Sanadkii 2017-kii, wuxuu soo iibsadat 224 tan. Ujeeddada uu Ruushka dahabka badan u keydsanayay ayaa lagu sheegay in uu damacsan yahay sidii uu uga maarmi lahaa doolarka, maadaama uu xumaaday xiriirka uu la leeyahay dalalka reer galbeedka, tan iyo markii uu sanadkii 2014-kii qaatay gobolka Crimea ee ka tirsanaan jiray waddanka Ukraine. 6. Shiinaha Waddanka Shiinaha wuxuu keystaa keyd dahab oo dhan 1,948.3 tan. Shiinaha waa waddanka ugu weyn caalamka ee sameeya wax soo saarka, isagoo 12% ka ah wax soo saarka macdanta adduunka. Sidoo kalena waa waddanka ugu weyn ee isticmaala wax soo saarkaas, maadaama dadka shacabka ah ee dahabka u baahan ay badan yihiin. Taasi waxay dabcan keentay inuusan keyd badan yeelanin. 7. Switzerland Waddanka Switzerland wuxuu keystaa keyd dahab oo dhan 1,040 tan. Switzerland, inkastoo ay ku jirto kaalinta toddobaad, waxay leedahay keydka ugu badan ee dahabka adduunka, markii loo tiriyo hal hal. Inta badan dahabkeedana waxay ku iibisaa Hong Kong iyo Shiinaha. 8. Japan Waddanka Japan wuxuu keystaa keyd dahab oo dhan 765.2 tan. Japan, oo ah waddanka saddexaad ee ugu dhaqaalaha badan adduunka, Bangigiisa Dhexe wuxuu ahaa mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee hoos u dhiga qiimaha faa’iidada dulsaarka ah ee iibka dahabka. Sanadkii 2016-kii, waxaa qiimaha dul saarka ee bangigaas laga hoos mariyay eber. Taasi waxay sababtay inuu aad sare ugu kaco dalabka dahabka. 9. Hindiya Waddanka Hindiya wuxuu keystaa keyd dahab oo dhan 654.9 tan. Hindiya waa waddanka labaad ee dahabka ugu badan ka isticmaala caalamka, waana mid ka mid ah dalalka sida fiican u kala socodsiiya dalabka guud ahaan dunida. Inta badan dahabka uu dalkaas isticmaalo waa mid loo soo dhoofiyo. Xilliga Hindiya laga sameeyo xafladaha arooska iyo munaasabadaha kale, oo ku beegan bilaha October ilaa December, ayaa si taariikhi ah loo iibsadaa dahabka. 10. Netherlands Waddanka Netherland ama Holan wuxuu keystaa keyd dahab oo dhan 612.5 tan. Sanadkii 2014-kii, Netherlands waxay waddankeeda kusoo ceshatay 20% ka mid ah keydkeeda dahabka, iyadoo kasoo qaadatay New York islamarkaana geysatay magaalada Amsterdam. 2019-kii, Bangiga Qaranka ee Datch-ka wuxuu dahabka ku tilmaamay “dhaqaalaha la aamini karo”, wuxuuna sheegay inuu kaalin weyn ka qaadan karo dib usoo nooleynta dhaqaalaha. Qaran News
  10. Xildhibaannada golaha wakiillada maamulka Puntland oo maanta doo adag ka yeeshay heshiiskii Puntland ay la gashay shirkadda DP-WORRD, kaas oo lagu hormarinaayey dekadda magaalada Bosaso ayaa dib loo dhigay. Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa intii kulanka uu socday ka dhageystay warbixinta Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) kadib su’aallo ka weydiiyay arrinta Dekadda. Xildhibaannadda Golaha Wakiillada maamulka Puntland ayaa yeeshay dood, ka dibna waxaa cod loo qaaday dib u dhigista qodobka Ajandaha ee Dib u eegista heshiiska P&O Ports ( DP-WORLD) illa Kalfadhiga 47-aad ee golaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa markii u horeysay shaacisay inay jawi degan u mareyso xiisada webiga Nile-ka ee sida weyn ugala dhaxeysa Itoobiya, xili ay kasii dareysay muddooyinkii u dambeeyay. Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi ayaa si cad u sheegay in dowladdiisu ay hanaanka wada-hadalka u mareyso xiisada biyo-xireenka Itoobiya, taasi oo dhalin karta is-faham dhinacyada muransan, waa sida uu hadalka u dhigaye. Al-Sisi ayaa isagu aamisan in tallaabada ay xiligan dowladdiisu kusoo dhacsan karto qeybta ay ka leedahay nafciga webiga Nile-ka uu yahay wada-hadal ay ka yeeshaan, iyada oo laga baaqsanayo colaado hor leh. Masar ayaa hore u muujisay diidmadeeda ku aadan biyo-xireenka Itoobiya, iyada oo walaac badana ka muujisay in biyaha webigu uu si weyn isku dhimo, maadama oo inta badan ay dadkeeda ku tiirsan yihiin biyaha webiga Nile. Hadalka madaxweynaha Masar ayaa imanaya xili uu dhawaan Abiy Ahmed sheegay in dalkiisa Itoobiya, Masar iyo Sudan ay ‘is-faham weyn gaareen, taasi oo dhabbaha u xaareysa heshiis rasmi ah’ oo laga gaaro biyo-xireenka xiisadda culus ka dhaliyey gobolka. Xiisada ka dhalatay webiga Nile-ka ee Masar iyo Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay sarre u kacday, inkasta oo labada dhinac ay isku dayayaan in xal kama dambeys ah laga gaaro xiisadaasi dabada dheeraatay.
  12. Mohamed Bashe rrivatlised Somali language through his writings The sudden death of Mohamed Bashe Hassan ( 1963-2020) left a vacuum in the promotion of Somali language and literature. Born in 1963 at Maygaagle village in Togdheer, Mohammed Bashe was enrolled at a Koranic school before his family moved to Hargeisa where he started his primary schooling at Biyodha’ay Primary School and Farah Omaar Secondary School, both in Hargeisa. Early eighties before he turned twenty he had joined Somali National Movement, an armed opposition front against the former military regime. His budding journalistic talent landed him a job with Halgan, a Somali language radio for Somali opposition forces, then based in Addis Ababa. In 1987 Bashe was awarded a scholarship to study journalism at Charles University in Prague. In 1992 he graduated with a Masters in Journalism and Mass Communication. Mid 1990s Mohammed settled in London where, in 1999, he had become a well-regarded columnist for the Hargeisa-based Jamhuriya, the first Somali language newspaper to launch a weekly edition in London. His columns touched on current political issues and were fun to read not only for salience of issues but also for Bashe’s flair for using Somali language for political commentary or literary criticism. Bashe was a Somali language wordsmith who graduated from writing columns to writing books and presenting TV programmes. Early 2000s Bashe wrote his first book, Hal Ka Haleel, a critical study of the literary works of the Somali poet and playright Mohamed Ibrahim Warsame ( aka Hadrawi). The book paved the way for the other works by different writers who had written critical works on Somali poets and playwrights. More importantly, Bashe blazed the trail in Somali diaspora publishing when publishers and distributors of Somali language books were non-existent. Mohamed ventured into business but had not lost sight of his obligation to promote the Somali language publishing. He wrote four other books that constitute a remarkable oeuvre that generations of Somalis will read with interest. Guri Waa Haween ( Home means Women ) on the central role of women in the Somalia society; Hal Aan Tabayay ( One I Have been missing ), an anthology and commentary on the poems of the late Haji Adan Afqallo’; Hal Tisqaaday ( Poetry that has caught on) on the poetry and plays of the Ali Sugulle, and Afka Hooyo Waa Hodan: Hodantinimada af Soomaaliga ( Somali Language is Rich ). The legacy of Mohammed Bashe Hassan will continue to inspire Somali writers whose work sustains the vitality of the Somali language at a time the Somali nation is still grappling with the effects of state collapse and its impact on all aspects of the Somali culture. © Puntland Post Monthly, 2020 The post MOHAMMED BASHE HAJI HASSAN: AN AUTHOR WHO REVITALISED THE SOMALI LANGUAGE appeared first on Puntland Post.
  13. Iran waxay weeraro handadaad ah ku qaaday mid ka mid ah maraakiibta dagaalka Maraykanka oo marayay gacanka ay jaarka la tahay ee Hormuz. Markabka maraykanka oo ahaa nooca xambaara diyaaraddaha dagaalka ayaa digniin u diray laba ka mid ah saldhigyada Maraykanka ee gobolka Bariga Dhexe, kadib cabsi soo wajahday. Ciidamada badda ee Maraykanka ayaa tallaabada Iran ku tilmaamay ‘mid masuuliyad darro ah’ iyagoo ku macneeyay in ay ahayd ‘cabsi-gelin iyo handadaad.’ Dhacadadan ayaa imanaysa xili ay kacsantahay xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Iran, iyagoo biyaha Khaliijka marar badan isku qabtay. Iran ayaa dhankeeda eedaymo u jeedisay Maraykanka. War kasoo baxay ciidamada ilaalada kacaanka ee Iran ayaa lagu xusay in ciidamada Iran ay samaynayeen tababar, balse waxa ay arkeen ay tahay daandaansi cad. Muuqaalo laga baahiyay talafishanka dawladda Iran ayaa lagu arkayay maraakiib ay Iran leedahay oo tuuraya gantaalo qaarkood loo ganay dhanka uu ku sugnaa markabka dagaalka Maraykanka ee gacanka marayay. Iran iyo Maraykanku waxay ku jiraan mid ka mid ah xiliyadii uu abid xidhiidhkoodu ugu xumaa, iyagoo siyaasadaha gobolka iyo caalamkaba isku khilaafsan. Source
  14. Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) ayaa xafiiskiisa kula kulmay wafdi uu hoggaaminayey wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa. Wasiirka shaqada iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka wada hadlay horumarinta deegaannada maamulkaas iyo siddii shaqo abuur loogu samey lahaa dhallinyarada. Warfaa ayaa Baydhabo u tegay qiimeynta barnaamijka Baxnaano oo Madaxweynaha Soomaaliya u daah-furay sanadkan 2020, kaas oo lagu taageerayo dadka danyarta ah. View the full article
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta kormeer howled ku tagay xarunta Bangiga dhexe Magaalada Muqdisho, halkaasi oo amar culus uu kusoo rogay. Mahdi Maxamed Guuleed ayaa inta uu ku guda jiray kormeerkiisa, wuxuu maamulka Bangiga dhexe kala hadlay dardar-gelinta shaqooyinka qaranka ay u hayaan iyo qodobo kale oo lagama maarmaan u ah socodsiinta howlohoda. Kormeerkaan ayaa qeyb ka ah dadaal la doonayo in lagu xoojiyo waxqabadka hey’adaha dowladda iyo siddii loo dardar geli lahaa shaqooyinka loo hayo bulshada si uusan gaabis ugu imaan adeegyada kala duwan. Sida ay ogaatay Caasimadda Online, Mr Guulleed ayaa ku amray maamulka Bank-ga dhexe inaan lacag laga bixin karin Bankiga inta lagu jiro xaalada kala guur ah ee Dalka. “Maanta waxaan booqday Bank-ga dhexe ee Soomaaliya waxaan kula kulmay Gudoomiyaha iyo gudoomiye kuxigeenka . Waxaa la iiga warbixiyay isbadallada muhiimka ah ee taageeraya hormarinta maaliyadeed ee kobaca iyo ganacsiyada. Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay doorka muhiimka ah ee Bankigu ku leeyahay in uu sii wato wakiilka maaliyadeed ee Soomaaliya” ayuu yiri Mr Guuleed. Tan iyo markii uu Madaxweyne Farmaajo 25 Bishaan sii hayaha xilka Ra’iisulwasaaraha u magacaabay Mr Guulleed ayaa wuxuu booqday xurumaha dhaqaalaha dalka sida Wasaaradda Maaliyada, Dekada iyo maanta oo uu booqday Bank-ga dhexe.
  16. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho. Labada mas’uul ayaa sida la sheegayo Kulankooda uga wada-hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka iyo hirgelinta Wada-shaqayn dhexmarta Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Sidoo kale waxay ka wada-hadleen Arrimaha ku gedaaman Xaaladda Kala guur ka ah ee ay marayso Siyaasadda Soomaaliya gaar ahaanna Arrimaha Doorashada soo socota. Madaxweynaha Galmudug oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa halkaasi ka wada kulamo u la qaadanayo mas’uuliyiinta kala duwan ee Dowladda Federaalka. PUNTLAND POST The post Qoor Qoor iyo Cumar Finish oo Muqdisho ku kulmay appeared first on Puntland Post.
  17. Axmadey Hilowle Maxamuud oo ka mid ahaa ciyaaryahadii hore kubbadda cagta Soomaaliya ayaa meel fagaar ah ka sheegay in naadiga Jeenyo ay samaysay taariikh weyn oo dhinaca guulaha marka loo eego kooxihii imaan jiray dalka waqtigii barisamaadka,isagoo ku tilmaamay Jeenyo in waligeed ay guul daro kala kulmi naadi ka timid dalka dibadiisa. Halkan Ka Daawo Rikoorka Ay Samaysay Kooxda LLP Jeenyo https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-upp-10.mp4 Goobjoog Sports Source: goobjoog.com
  18. Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Mahdi Maxamed Guuleed, (Khadar) ayaa maanta kormeer howled ku tagay xarunta Bangiga dhexe Magaalada Muqdisho. Sii hayaha ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu ku guda jiray kormeerkiisa, wuxuu maamulka Bangiga dhexe kala hadlay dardar-gelinta shaqooyinka qaranka ay u hayaan iyo qodobo kale oo lagama maarmaan u ah socodsiinta howlohoda. Kormeerkaan ayaa qeyb ka ah dadaal la doonayo in lagu xoojiyo waxqabadka hey’adaha dowladda iyo siddii loo dardar geli lahaa shaqooyinka loo hayo bulshada si uusan gaabis ugu imaan adeegyada kala duwan. View the full article
  19. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) strongly condemns today’s conviction and sentencing of Abdiasis Ahmed Gurbiye, the Deputy Director of Goobjoog Media Group. Today, 29 July 2020, Banadir Regional Court convicted Gurbiye on charges of “publication or circulation of false, exaggerated or tendentious information capable of disturbing public order” under article 328 of Somalia’s old and outdated penal code. The court found Gurbiye guilty and sentenced him to 6-month imprisonment and a fine of 5 million Somali shillings (approx. US$200). The court dismissed charges of “Insult to Political Administration or Judicial Body”, under article 269 of the Penal Code. In a Facebook post, Abdiasis Ahmed Gurbiye alleged that the President of Somalia took a ventilator to his office while several people were getting infected by COVID-19, prompting the Office of Attorney General to level criminal charges against him. “The conviction and sentencing of Abdiasis Ahmed Gurbiye is a big blow to the promotion and effective enjoyment of freedom of expression in Somalia. This verdict, which is unwarranted, excessive and unjustifiable, is sending a chilling message that criticizing authorities or public figures will land journalists in jail, even after Office of the President publicly asked for the charges against Gurbiye to be dropped,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary General. NUSOJ has been urging the Federal Government of Somalia and the Office of Attorney General to decriminalise journalism and freedom of expression, ensure fair trials for journalists and a withdrawal of prison sentences against journalists. “The Continued use of the penal code to indict journalists has created a hostile atmosphere for independent journalism in almost every region of this country, as it is explicitly used to silence any critical voices and Somali journalists continue to be primary victims of this oppressive approach” added Osman. NUSOJ calls on the Somali judiciary to refrain from confusing exercising the right to freedom of expression with criminal activities as expressing viewpoint on a Facebook is not criminal. “We call upon the Banadir Regional Court of appeal to quash the conviction and sentence, acquit Gurbiye and respect freedom of expression. If the judiciary still prefers to punish Gurbiye, we ask President Mohamed Abdullahi Farmaajo to use his powers to pardon him in order to uphold Somalia’s constitutionally guaranteed right to freedom of expression” declared Osman. NUSOJ continues to point out that the Penal Code of Somalia is in breach of the Provisional Constitution of Somalia and international human rights treaties and standards, including the International Covenant on Civil and Political Rights and the African Charter on Human and People’s Rights. “There is more at stake here than just one journalist’s freedom. Without strong shield laws in this country, journalists and other citizens who want to exercise their right to freedom of expression will continue to be targeted. This is not about the media. It’s about the unalienable right of freedom of expression” stressed Osman. Since President Farmaajo came to office, Abdiasis Ahmed Gurbiye is the first journalist who was arrested, prosecuted, convicted and sent to jail in Mogadishu due to his right to freedom of expression. View the full article
  20. Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday xukun lagu riday, Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo dhowr jeer la horgeeyey maxkamaddaasi. Garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in Wariyaha lagu helay qodobka 328 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed oo ku saabsan faafinta warar been abuur ah. Sidoo kale wuxuu ku dhawaaqay in lagu xukumay lix bilood oo xarig ah iyo gacanaax lacageed oo dhan 5 milyan oo shilin Soomaali ah. Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay inuu racfaan qaadan karo Wariyaha, hadii uusan ku qanacsaneyn xukunka xabsiga ah ee lagu riday. Kiiska Wariye Gurbiye ayaa soo jiitamayey bilihii u dambeeyey, iyada oo markii afaraad saaka la horgeeyey maxkamadda oo ku dhawaaqday go’aankaasi, waxaana wararka ay sheegayaan in xabsiga dhexe loo gudbiyey Gurbiye, kadib xukunka saaka lagu riday. View the full article
  21. Guddoomiiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka hadlay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Cali Key oo ahaa xoghayaha joogtada ah wasaaradda beeraha, kaas oo lagu aasay magaalada Muqdisho. Cawad oo wareysi siiyey Shabelle ayaa marka hore tacsi u diray ehellada marxuumka, isagoona Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu muddo u soo shaqeeyey dalkiisa, islamarkaana uu u geeriyooday xaalado caafimaad oo soo wajahay muddooyinkii la soo dhaafay. Allaha u naxariisteen Marxuum Maxamed Cali Key ayaa muddo fog ka shaqeynayey wasaaradda beeraha, isagoo haatan xoghayaha wasaaraddaasi. View the full article
  22. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho kula kulmay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish). Kulnka labada Mas’uul ayeey kaga wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo wada shaqeyn dhex marta maamulka Galmudug iyo Gobalka Banaadir Labada Masuul ayaa sidoo kale waxa ay inta badan ka wda hadleen xoojinta sidii loga gudbi lahaa xilliga kala guurka ah ee uu haatan marayo dalku. View the full article
  23. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-290720.mp3 View the full article
  24. Haweenay Madowa oo ay Facebook, Youtube iyo Twitter Muqaalkeeda Hawada ka saareen+Sababta? Dr Stella Immanuel Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada ee caalamka qabsaday muuqaalka haweeney dhakhtarad ah oo u dhalatay dalka Nigeria balse ka hawlgasha Mareykanka, taasi oo ku andacootay inay heshay daawada fayraska corona. Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ayaa koox isugu yeertay inay yihiin “dhakhaatiirta Amerikaanka ee safka hore uga jira la dagaalka corona” oo xiran dharka qafilan waxaa ay sheegeen hadal loo arkay in uu yahay marin habaabin la xiriirta cudurka Corona. Kooxdan ayaa sheegtay in daawda malaariyada ee hydroxychloroquine ay waxtar u leedahay daweynta xanuunka corona, sidookalena xirashada maryaha gafuurka lagu xirto aanay waxba tareynin. “Waxaa daawada hydroxychloroquine ku daaweeyay dad gaaraya 300 oo bukaan oo qaba xanuunka corona, daawada waxay leedahay waxtar”, ayay tiri Stella Emanuel oo la hadleysay warbaahinta. Muuqaalkaas ma uusan yeelanin wax sameynin markii hore balse waxaa lagu baraarugay markii madaxweyne Donald Trump iyo curadkiisa Trump Junior ay arrinkaas ku taageereyn barta Twitter-ka, taas oo keentay in ay si aad ah baraha bulshada u qabsato, laguna baahiyo Facebook iyo Twitter. Sidoo kale muuqaaladaas ayaa lasoo dhigay barta muuqalaada la dhigo ee Youtube-ka, haseyeeshe saacado kadib waxaa hawada ka saaray shirkadaha Facebook iyo Twitter, kadib markii ay sheegeen inay marin habaabinayaan dadka, aysan waafaqsaneynna shuruucdooda. Wiilka Trump Facebook, YouTube iyoTwitter ayaa inta anaay saarin kahor waxaa muuqaalkaas daawatay dad ka badan 17 milyan oo qof. Madaxweyne Trump ayaa ku andacooday in daawada malaariyada ee hydroxychloroquine ay daweyso corona, taas oo kahor imaneysa tallooyinka caafimmaad ee ilaa iyo hadda lagu dhaqmo. Khubarada caafimmaadka ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aysan heynin wax caddeynaya in daawdaas ay dabiibi karto fayraska adduunka aafeeyay ee ilaa iyo hadda loo la’ yahay dawo rasmi ah. Trump waxaa kale o uu sheegay in sababta keliya ee loo diidayo daawada Covid19 ay tahay in uu isaga soo jeediyay, balse dadka qaar waxay su’aal gelinayaan aqoonta uu madaxweyne Trump u yeelan karo in uu ogaado waxa daawo u noqon karo xanuunka corona, maadaama saraakiisha caafimmaadka ee ugu sareysa Mareykanka aysan la qabin arrinkaas. Shirkadda Twiter ayaa sidoo kale curudka Trump ka mamnuucday in uu bartaas wax ku qora muddo 12 saac, taas oo ah ganaaxa muuqaalka uu baahiyay. Dhakhaatiirta cudurrada faafa ee Mareykanka ayaa ka digay hadalada marin habaabinta ee la xiriirta corona. Hey’adda cuntada iyo daawada ee dalka Mareykanka ayaa bishii lasoo dhaafay ka digtay isticmaalka daawadaas, kaddib markii ay ogaadeen inay waxyeeleyn karto wadnaha. Sidoo kale hey’adda caafimmaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in aysan heynin wax caddeyn ah oo muujinaya in daawada malaariyada ay daweyn karto covid19, sidaas darteedna aanan lagu kadsoomin. Daraasad ay si wadajir ah u soo saareen WHO iyo machadka caafimmaadka ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in dadku ay ka digtoonaadaan isticmaalka hydroxychloroquine oo uu soo jeediyay mas’uulka ugu sareeya Mareykanka. Hadal heynta ah in daawada Hydroxychloroquine loo isticmaali karo corona ayaa soo shaac baxday bishii Maarso ee sanadkan, xilligaas oo ku doodayay madaxweyne Trump balse su’aal la geliyay sax ahaanshaheeda. Go’anka ay qaateen shirkadaha baraha bulshada ayaa u muuqda mid lagu dardagelinayo dedaalada looga hortagayo macluumaadka khaldan ee cudurka corona. Maxaan ka naqaannaa dawooyinkan? Daawada malaariyada Mr Trump wuxuu marar badan “wax tarka ay dawadan u leedahay coronavirus” ku sheegay shirarka jaraa’id ee uu ku qabanayay Aqalka Cad, wuxuuna yiri: “Maxay kaa dhibeysaa? isticmaal.” Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro ayaa isagana sheegay in dawada loo adeegsado Malaariyada ay meel kasta ka shaqeyneyso, inkastoo hadalkaas ay shirkadda Facebook meesha ka saartay, maadaama ay sheegtay inuu hareer marayo sharciga ay kula dagaallameyso faafinta xogta marin habaabinta ah. Wixii ka dambeeyay hadalkii uu madaxweyne Trump arrintaas ku sheegay dabayaaqadii bishii March, waxaa jiray sare u kac weyn oo lagu soo warramay inuu ku yimid isticmaalka dawada malaariyada ee gudaha Mareykanka, inkastoo dalabkaas uu markii dambe hoos u dhacay. Kaniinnada ka sameysan maaddada chloroquine-ta waxaa muddo dheer loo isticmaalayay in lagu daweeyo xanuunka ay kaneecada sababto ee malaariyada, si loogu dhimo qandhada iyo kuleyka xad-dhaafka ah, rajaduna waxay tahay inay dawaasi sidoo kale ula tacaali karto faraska dhaliya cudurka Covid-19. Qaran News