-
Content Count
212,276 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mid ka mid ah beelaha degan Muqdisho oo soo dhaweeyay hanaankii Golaha Shacabka Baarlamaanka ay ugu codeeyeen kuraasta uu Aqalka Sare uu ku yeelanayo Gobolka Banaadir. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Mid ka mid ah beelaha degan Muqdisho oo soo dhaweeyay https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-upp-.mp4 Source: goobjoog.com
-
Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa maanta ufarisatay wajiga kowaad ee dacwadii lo heystay 2 eedeysane oo mid kamid ah uu yahay shacab halka kan kalane uu ka tirsan yahay ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed. Labada eedeysane oo kalaah Dable xoogga Cabdi Cabdule jaliil iyo,iyo Ibraahim Maxamuud oo shacab ayaa lo heystaa lunsasho Dhuunta qoriga dhashiikaha ee ay ku howl gali jireen ururka 40-aad guutada 5 aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka. Dhageysiga fadhiga Maxkamada waxaa daah-furay Guddumomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad, Gaashanle Maxamed Amiin Cabdule Aadan, Ku xigeenka xeer ilaaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo qareenkii dhifaacaya ayaa dhankooda inta ay dacwaddu socotay dood dheer dhax martay. Sidoo kale abuukaate carab yuusuf Nuur shabeel oo ah qareenkii udoodayay ee dey sana yaasha ayaa Maxkamada ka codsaday in eedeysanayaashani lo firiyo sifaalaha danbiga Fududeeynaya. Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamada ciidamada qalabka sida gaashanle Maxamed Cabduqaadir Maxamed ayaa garsoorka ka hor cadeeyay in eedeysanayaasha ay isku dayeen lunsadaan hantida ciidanka xooga dalka,waxaana uu Garsoorka ka codsaday in lamarsiiyo ciqaab uqalanta si ay tusaale ay ugu noqoto Askarta iyo saraakiisha kale ee ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed. Garmaqalka isi soo laabashada maanta Maxkamada waxaa soo xeeray Guddoonka Maxkamada Ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad ,gaashanle Maxamed amiin Cabdule Aadan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Malawi, Lazarus Chakwera, ayaa Axadda maanta ah loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee dalka Malawi ka dib markii Sabtidii lagu dhawaaqay in uu ku guuleystey doorashadii madaxtinimada ee ku celiska aheyd ee dalkaasi ka qabsoontay. Tani ayaa ka danbeysay ka dib markii bishii February ee sanadkan ay maxkamadi waxba kama jiraan ka soo qaaday doorashadii madaxtinimada ee Malawi ka dhacday bishii May ee sanadkii 2019-kii, taasi oo madaxweynaha xilka banneynaya, Peter Mutharika, ku sheegtay guul uu mar labaad dalka ku sii hogaamiyo. Chakwera, oo 65 jir ah, ayaa helay aqlabiyaddii loo baahnaa, iyadoo guddiga doorashooyinku ay sheegeen inuu helay 58.57% codadkii dadweynaha ee la dhiibtay Salaasadii la soo dhaafay kana guuleystay madaxweyne Mutharika. Chakwera ayaa ku guuleystay inuu Malawi oo ay ku nool yihiin 18 milyan oo qof uu ka taliyo muddo shan sanadood ah. “Guushaydu waxa ay guul u tahay dimuqraadiyadda iyo cadaaladda,” ayuu yiri Chakwera oo hadlayay ka dib markii guushiisa lagu dhawaaqay gelinkii danbe ee Sabtidii, taasi oo dhalisay dabaal degyo xalay oo dhan ka dhacayay waddooyinka caasimadda Lilongwe, oo ah halka uu ka soo jeedo. Codeyntan ayay falanqeeyeyaashu u arkayeen in ay tahay imtixaan ku wajahan awoodaha maxkamada Africa ay u leeyihiin la tacaalidda khiyaanada doorashooyinka, iyo xakameynta awooddaha madaxweynaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa ku baaqay inay is-casilaan dhammaan xubnaha guddiga madax-banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Yarey, kadib markii ay sida ay sheegeen ay ku fashilantay shaqadii loo igmaday. Qoraal kasoo baxay Madasha ayaa lagu yiri “Madasha Xisbiyada Qaran waxay caddeyneysaa in hadal-jeedintii Guddiga 27/06/2020 golaha shacabka ee ahaa ineysan qaban karin doorasho waqtigeeda ku dhacda uu xambaarsanaa kaliya hadafkii muddo kororsiga ahaa ee GMDQ iyo Hoggaanka dalku kawada shaqeynayeen muddooyinkii dambe oo ay Madashu dhawrjeer ka digtey.” Madasha waxay sheegtay in guddiga doorashada aysan ahayn dhexdhexaad Madax banaan sida dastuurku siiyay ayna ku milmeen hoggaanka dalka kalana shaqeynayaan muddo dheereysi ka baxsan dastuurka iyo sharciga doorashooyinka dalka. War-saxaafadeedka ay soo saareen Madasha Xisbiyada Qaran waxey guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ugu baaqeen iney is casilaan, tiiyoo ay jirto inaan gabi ahaan lagu soo hadal qaadin go’aankii ay Baarlamaanka ku ansixiyeen matalaadda gobolka Banaadir. “Madashu waxey ku baaqeysaa in Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinku dhamaantood is casilaan mar hadii ay lumiyeen kalsoonidii shacabka iyo saamileyda siyaasadeed ayna caddaatey iney ku milmeen hoggaanka dalka isla markaana ku fashilmeen qabashada doorasho qof iyo cod ah kuna dhacda waqtigeeda dastuuriga ah,” ayaa lagu yiri qoraalka. Madasha ayaa sidoo kale sheegtay inaysan marnaba aqbali doonin muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha dowladda. “MXQ ku wargalineysaa hoggaanka dawladda, dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo cidkasta oo daneysa geeddi socodka siyaasadda Soomaaliyeed inaan la aqbali karin muddo dheereysi aan sharci ahayn. Sidaasi darteed, waxii dhibaato ah ama dib udhac ah ee dalka kasoo gaara ka tallaabsiga dastuurka dalka iyo isku dhajinta kursiga waxaa masuuliyaddeeda qaadi doona hoggaanka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka. Halkan hoose ka aqriso qoraalka Madasha
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Sahan ee uu hoggaamiyo Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa qoraal uu soo saaray ku caddeeyey mowqifkiisa ku aadan qabashada doorashooyinka 2020/2021. Hoos ka aqriso qoraalka xisbiga. MAWQIFKA XISBIGA SAHAN EE KU AADAN QABASHADA DOORASHOOYINKA 2020/2021 Xisbiga Sahan markuu u kuurgalay hadal jeedintii GMDQ ee kulankii golaha Shacabka taarikhdu markay ahayd 27 Bisha June 2020 , Warbixinta Guddiga waxa lagu sheegay in aanay doorasho qof iyo cod ah ku qabsoomi Karin muddo xileedka u hartay dawladda talada haysa. Iyagoo dhanka kale gudigu si dooarasho qof iyo cod ah loo qabto uu guddigu soo gudbiyay laba hab oo lagu diiwaangalin karo codbixiyayaasha doorashadana ay ku qabsoomi karto kuwaas oo kala ah : Doorasho ku dhacda habka diiwaan gelinta electronica ee loo yaqaan (biometric) oo leh kayd iyo kalsooni , taas oo ku dhici karta muddo 13 bilood gudahood laga bilaabo bisha July 2020 illaa bisha August 2021. Doorasho ku dhacda habka diiwaangelinta gacanta (manual voter registration) oo aan lahayn kayd iyo kalsooni midna taas oo ku qabsoomi karta ilaa bisha July 2020 ilaa March 2021. CAQABADAHA KU XEERAN SOO JEEDINTA GUDDIGA DOORASHOOYINKA EE QABASHADA DOORASHO QOF IYO COD AH Khilaafka hareeyay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee ku aadan hab raacyada sharciyeed iyo midka wadahadal ee loo abaaro doorashada Qaran ee loo madlanyahay. Ilaa hadda GMDQ waxa uu warbixintiisa u gudbiyay oo hortegay golaha shacabka kaliya , walina ma hortegin aqalka sare sida ku cad fariinta qodobka 53 aad ee doorashooyinka wuxuu ku farayaa guddiga inuu warbixintiisa ka horjeediyo labada aqal ee baarlamanka si wada jir ah . Soo jeedinta waqtiga kooban qaadaneysa ee qabashada doorasho ku dhisan habka diiwaan gelinta gacanta ee codbixiyaha oo ilaa bisha March ee sanadka 2021 ku qabsoomi karta maaha mid maangal ah oo waa hab aan la aamini Karin , laguna kalsoonaan karin hufnaanta natiijada doorashada iyo cod bixinta intaba. Hubaal la’aanta ka jirta in doorasho xor ah oo xalaal ah lagu qaban karo muddo 13 bilood ah ee soo jeedinta labaad, marka la eego caqabadaha farsamo, Qalab, dhaqaale, siyaasadeed iyo amni ee ku xeeran hawlaha qabashada doorasho qof iyo cod ah. Khilaafka iyo is af-garashawaaga siyaasadeed ee u dhexeeya dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada oo aan wali xalismin. Saamileyda siyaasadeed ee dalka oo ilaa haatan ku qanacsaneyn hanaan ay u socdaan arimaha doorashooyin, wax talo ahna aan ku laheyn. Haddaba Xisbiga Sahan asagoo ka duulaya duruufaha sharci, Amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo farsamo ee ku xeeran qabashada doorasho qof iyo cod ah, taas oo ku dhacda mudadeedii dastuuriga aheyd, waxuu soo jeedinayaa qodobadaan soo socda: In ay lagama maarmaanta tahay in doorashooyinka ay ku qabsoomaan mudadii xileedka dastuuriga ah, oo aan marnaba la aqbali karin wax muddo kordhin ah, taas oo wadanka galin karta qalalaase siyaasadeed iyo mid amni intaba. In Golaha Shacabku uu garwaaqsado xaaladda xasaasiga ee siyaasadda dalka marayso iskana ilaaliyo maraxaladaan inuu soo saaro go’aamo ama xeerar khatar gelinaya dawladnimada oo ka kooban Dawladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada. In maadaama gudiga doorashooyinka uu cadeeyay inuusan doorasho qof iyo cod ah xiligeedii dastuuriga aheyd ku qaban karin, waxaa lagama maarmaan ah in arimaha doorashooyinka ee ku aadan nooca doorasho ee la qaban karo iyo sida loo qaban karaba ay si wadajir ah go,aan siyaasadeed oga gaaraan saamileyda siyaasadeed ee dalka kuwaa oo kala ah dowladda dhexe, dowlada gobaleedyada iyo xisbiyada siyaasadeed ee mucaaradka ah. In dhammaan arrimaha ay isku hayaan aqalka sare iyo golaha shacabku si deg deg ah loo dhameeyo , ayna labada gole garwaaqsadaan in aanay habboonayn inay khilaaf iyo isqabqabsi ku khatimaan muddo xileedkooda , ayadoo danta guud la eegayo. Mahadsanidiin Guul iyo Gobanimo
-
DR.Xasan Sheekh Cali Nuur oo ah Barre Jamaacadaha dalka ayaa waraysi dhinacyo badan uu siiyay Goobjoog waxa uu sharaxaad dheeri ka bixiyay khudbadii ay Golaha shacabka u jeedisay guddoomiyaha Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ‘Xaliimo Yarey’. Daawo Waraysi Dr.Xasan Sheekh Cali Uu Siiyay Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shirkado & Ganacsato lacago badan & Deymo Muddo dhaafa ku leh madaxtooyada Soomaaliya oo cabsiyi soo foodsaartey Qaar ka mid ah ganacsatada iyo shirkadaha ka howl gala Muqdisho ee ka shaqeynayay Madaxtooyada Soomaaliya seddaxdii sano ee lasoo dhaafay ayaa ka cabanaya shaqooyin badan ay qabteen lacagtooda aan la siin si aan wanaagsaneyna loola dhaqmayo. Shirkadahan iyo Ganacsatada qaar ayaa sheegay in ay ka cabanayaan Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xersi (Fuursade), oo is hortaag ku sameeyay in ay helaan lacagaha deynta ah ay ku leeyihiin Madaxtooyada looguna qabtay shaqooyin kala duwan. Agaasime Nuur Fuursade ayey sheegeen ganacsatana in uu diidan yahay bixinta lacago deyman ah oo lagu leeyahay Madaxtooyada Soomaaliya oo shaqooyin loogu qabtay inta uusan xilka qaban iyo inta uu xilka hayay . Waxa ay sheegeen shirkadaha iyo ganacsatada lacagaha deynta ku leh Madaxtooyada Soomaaliya in arintooda u gudbiyeen Xildhibaano iyo dad kale oo galaan gal u leh Madaxtooyada balse agaasimaha been u sheegayo kuna qancinayo in la bixin doono. ”Anagana Madaxtooyada waxaa ka shaqeynayay muddo seddax sanno ah waxaa lasoo shaqeynay agaasimayaashii Nuur Fuursade ka horeeyay oo ay ugu danbeysay agaasime Aamina Saciid ,wax dhib ah kuma qabin agaasime Aamina dhankasto ha noqoto mid macaamil wanaag ama mid lacag bixin intaba, laakin laga bilaabo markii lasoo magacaabay agaasime Nuur waxa uu diiday inuu bixiyo lacagaha deynta ah ee ku taagan xafiiska Madaxweynaha muddada sanadka ah xataa inuu fursad na siiyo aan kula kulano waa diiday waxa uu dhahay agaasimihii hore waxii la xariiro la igalama hadli karo. Walahi waxaa walwal xoogan ka qabnaa waqtiaga dowlada oo gabagabo ah iyo xiliga kala guurka ah in ay ku dhumaan xoolahena ama lagaga faaiideysto xiligan adag ee wadanka iyo guud ahaan aduunka ka jirto.” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada lacagta ku leh Villa Somalia Ganacsatada iyo Shirakadaha Deymanka ku leh Madaxtooyada ayaa isugu jiro kuwa laga qaaday baabuur, alaabo furniture-ka, stationary, shidaal iyo shirkada dhismaha iyo kuwa qurxinta xafiisyada iyo waliba hoteelo leh lacago dad la seexiyay oo madaxtooyada marti u ahaa. Shaqooyin badan oo ka socday Madaxtooyada Soomaaliya sida dhismayaal iyo qurxin ayaa istaagtay kadib markii agaasimaha Madaxtooyada ka biyo diiday in uu bixiyo lacagaihii hore ee deymanka lagu lahaa Villa Soomaaliya . Dadkan xoolaha ka maqan yihiin ayaa ka codsaday in arintaan uu soo fara galiyo Madaxeynaha Soomaaliya Mudane Mohamed Abdulahi farmaajo, waxa ayna sheegeen in aaminaad wax ugu qabteen Madaxtooyada balse hada ay shaleyto ka joogto. Dowlada fadaraalka ayaa markasto ku faani jirtay in wax lacag deyn ah lagu laheyn oo uu kordhay dhaqaalaha wadanka, taasna waxaa Meesha ka saaray cabashadan hadda taagan oo caqabad ka dhigi karta deyn cafinta Soomaaliya . Qaran News
-
UN-ka & EU oo War cusub ka soo saaray Doorashooyinka Somalia & warbixintii Komishanka Doorashooyinka Qaramada Midoobey ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay hanaanka doorasho oo ay soo bandhigeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo ay hogaamineyso Xaliimo Yareey, UN-ka waxey dhinacyada Soomaalida ku boorisay in la yeesho wadatashi dhexmara hogaamiyayaasha siyaasadda si loo tiigsado wadar-ogol, sidii horay loogu sii dhaqaaqi lahaa iyo shirka la filayo inuu dhexmaro dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada. 1/2)The EU joins UN in congratulating NIEC and its Chairperson for the presentation yesterday. We also insist on the need of political consensus based on agreed principles: opening of political space (from selection to election) and timely elections https://t.co/FGP09an2cS — Nicolas Berlanga (@NBerlangaEU) June 28, 2020 Dhanka kale Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicholas Berlanga ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran, isagoo ku adkeeyay baahida loo qabo is afgarad siyaasadeed oo ku saleysan mabaa’diida la isku raacay in la furo saaxada siyaasadda, laga soo bilaabo min xulasho illaa doorasho, iyo doorashada waqtigeeda. Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xilli Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ay shalay Baarlamaanka ka hor-jeedisay warbixinta doorashada 2020/21, kaasoo ahaa mid la wada sugayay. Guddoomiye Xaliima Yarey ayaa caddeysay in doorashada habka diiwaan gelinta ay ku dhici karto muddo 13 bilood gudahood laga bilaabo bisha July 2020 illaa bisha Agosto 2021. Waxaa ay sheegtay doorashada nooca diiwaan gelinta aysan ku qabsoomi karin bisha November ee sanadkan oo ah xilliga Baarlamaanka waqtigiisa dhamaanayo, Sidoo kale waxaa ay xustay in doorashada ku dhaceyso hab diiwaan gelinta ay ku dhici karto illaa bisha Agosto 2021. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Habeenkii 26-ka June ee Muqdisho looga dabaal dagayey xornimadii gobollada waqooyi ee Soomaaliya 60-sano kahor, ayaa rasaastii la adeegsaday dabaa-deggan waxaa ku dhaawacday dad shacab ah. Inta la xaqiijiyay ilaa 10-qofood ayey dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen rasaastii habeenkaas loogu dabaal dagayay xuska 60-guuradii xornimada gobolada Waqooyi, waxaana jirta warbixin laga soo aruuriyay xarumaha caafimaadka magaalada. Isbitaalada Madiina iyo Darul Shifa ayaa laga soo xigtay in wadar ahaan 8 qofood loo keenay oo ay ku jireen canug yar iyo hooyo da’ ah, sidoo kalana taliska booliska ayaa qirtay in rasaasta la riday ay waxyeelo badan geysatay. Dadka ugu badani waxey qabaan in rasaastaas ay rideen ciidamada dowladda, balse waxaa la ogyahay in hubka cid walba gacanta ugu jiro, islamarkaana aan la xaqiijin karin gacanta rasmiga ah ee dhibaatada geysatay. “Dowladda waxaan ka codsaneynaa in dowladda ay xuska 1-da Luulyo aan la ridin xabado isla markaana la adeegsado bulaleer,” ayaa laga soo xigtay qof ka tirsan ehelka hooyo waayeel ah oo ay waxyeelo kasoo gaartay rasaastii la riday. Casiisa Shiekh Cali ayaa lagu sheegay magaca hooyada ay dhibaatada soo gaartay waa 85-jir, waxeyna ku jirtaa xaalad culus maadaama ay xabadu kaga dhacday meel halis ah.
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa Muqdusho ayaa soo dhoweeyey ansixinta kuraasta aqalka sare ee matalaadda Muqdisho, waxaa uuse ku dheeraaday falcelintiisa la xiriira hadaljeedinta guddoomiyaha guddiga doorashada Xaliimo Yarey ay ka sameysay golaha shacabka isaga oo codsigeeda waqti kordhinta ku sheegay in ay u hadashay madaxweyne Farmaajo iyo fulinta, una dalabtay muddo kordhin. Madaxweyne Xasan oo hadalka Xaliimo ka hadlayey ayaa yiri “Muddo 3 sano ka badan badan , guddiga waxaa uu noo sheegay in doorasho ka diyaar tahay, laakin hadaljeedintoodu waxaa ka soo baxday in umadda Soomaaliyeed u hoosaasiyeen, oo waqti xeero iyo fandhaal kala dhaceen ay umadda u soo bandhigeen iney hordheersi u sameynayaan hoggaan muddo 4 sano ah wax ka qaban waayey doorashada dalka isla markaana xoog iyo xoolo fara badan ku bixiyey burburinta nidaamka federaalka ah ee dalka, s Dhanka kale, waxaa uu sheegay in muddo kordhinta ay sheegtay ay daba socdaan qaar kale “Sidoo kale, hadaljeedinta guddiga waxaa laga dheehan karaa muddo kordhin rimman, muddo kordhimo kale”. Xaliimo Yarey, guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa golaha shacabka u sheegtay iney kala doortaan labo qaab oo diiwaangelinta ah “Biometric” ama “manual” middo hore oo la sigayo 13 bil iyo tan dambe oo 8 bil ah, labada waqtiba waxaa ay ka dib marayaan xilliga ay dhacayaan hey’adaha dastuuriga ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
QM oo war ka soo saartay warbixintii guddiga doorashooyinka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war kasoo saaray hadalkii ka soo yeeray guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo ay ku shaacisay nooca doorasho ee Dalka ka dhaceysa. Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa loogu mahadceliyay guddoomiye Xaliimo Yarey oo soo bandhigtay noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga doorasho toos ah oo Soomaaliya ka dhacda horraanta Maarso ee sanadka soo socda 2021. “Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ugu mahadcelineysaa Guddoomiyaha Guddiga madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey), soo bandhigidda noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga doorasho toos ah oo Soomaaliya ka dhacda horraanta Maarso 2021” Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa sidoo kale uu ku boorrinayaa wadatashi ballaaran oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro Isfahan, si hore loogu sii socdo – kulanka qorsheysan ee dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe waa tallaabo yididiilo leh oo xigta.” ayaa lagu yiri Qoraalka. View the full article -
Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa Khubad ka jeediyay Taallada Daljirka Daahsoon oo ah halka uu ka dhacay Banaanbax lagu taageerayey ansixinta matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare. Cumar Filish oo la hadlaayay boqolaal Dad ah oo isugu soo baxay fagaaraha Daljirka Daahsoon ayaa waxaa uu sheegay inuu soo dhaweynayo go’aankii ay Xildhibaanada Golaha Shacabka matalaadda ku siiyeen gobolka Banaadir. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Muqdisho ay tahay caasimadda Soomaaliya, ayna muhiim tahay in Aqalka Sare Kuraas laga siiyo, isagoo xusay in tallaaba geesinimo leh ay qaadeen Xildhibaanada Golaha Shacabka. “Magaalada Muqdisho waa Hooyada Magaalooyinka Soomaaliya oo dhan, waa Magaalada Dadka Soomaaliyeed oo dhan, waana Hooyada Calanka Soomaaliyeed waa meesha kaliya ee shanta Soomaaliyeed aysan ku dareemin in laga leeyahay oo ay ku dareemaan inay iyagu leeyihiin taas ayaa mudan in lagu qiimeeyo Muqdisho” ayuu yiri Cumar Filish. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa ciidamada wasiirka amniga maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdiuur (Janan) ku eedeeyey inay qal-qal amni ka wadaan gudaha magaalada Mandera oo ka tirsan gobolka waqooyi bari ee dalkaasi. Xildhibaan Cumar Maxamed Macalin oo laga soo doorto magaaladaasi ayaa sheegay in ciidamada Janan ay hub ka iibinayaan qabaa’illada ku nool magaaladaasi. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintan ay sababi karto isku dhacyo hor leh oo dhex-mara beelaha daga halkaasi oo marar badan dagaalamay. Xildhibaanka ayaa soo jeediyey in is-maamulka Mandera laga saaro wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland iyo ciidamada uu wato, si loo xasiliyo amniga. Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Kenya ayaa sidoo kale sheegay inay hayaan shaqsiyaad hubka ka iibinayey dadka deegaanka. Wasiirka amniga Jubbaland ayaa tan markii uu ciidamada dowladda kula dagaalamay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ku sugan qeybo ka mid ah magaalada Madera ee gobolka waqooyi bari, halkaas oo uu ka wado abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaramada Midoobey ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay hanaanka doorasho oo ay soo bandhigeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo ay hogaamineyso Xaliimo Yareey, waana hanaan lagu gaarayo doorashada tooska ah ee Soomaaliya ilaa bilowga bisha Maarso ee sanadka soo aadan. UN-ka waxey dhinacyada Soomaalida ku boorisay in la yeesho wadatashi dhexmara hogaamiyayaasha siyaasadda si loo tiigsado wadar-ogol, sidii horay loogu sii dhaqaaqi lahaa iyo shirka la filayo inuu dhexmaro dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada. Dhanka kale Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicholas Berlanga ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran, isagoo ku adkeeyay baahida loo qabo is afgarad siyaasadeed oo ku saleysan mabaa’diida la isku raacay in la furo saaxada siyaasadda, laga soo bilaabo min xulasho illaa doorasho, iyo doorashada waqtigeeda. Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xilli Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ay shalay Baarlamaanka ka hor-jeedisay warbixinta doorashada 2020/21, kaasoo ahaa mid la wada sugayay. Guddoomiye Xaliima Yarey ayaa caddeysay in doorashada habka diiwaan gelinta ay ku dhici karto muddo 13 bilood gudahood laga bilaabo bisha July 2020 illaa bisha Agosto 2021. Waxaa ay sheegtay doorashada nooca diiwaan gelinta aysan ku qabsoomi karin bisha November ee sanadkan oo ah xilliga Baarlamaanka waqtigiisa dhamaanayo, Sidoo kale waxaa ay xustay in doorashada ku dhaceysa hab diiwaan gelinta ay ku dhici karto illaa bisha Agosto 2021.
-
Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan doorashada 2020/21 iyo sidoo kale matalaadda gobolka Banaadir. Xasan Sheekh ayaa si aad ah u dhaliilay warbixinta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, wuxuuna shaaciyey in laga damacsan yahay muddo kororsi hor leh. Sidoo kale wuxuu dhanka kale soo dhaweeyey go’aankii Golaha Shacabka ee ku aadanaa ansixinta matalaadda gobolka Banaadir oo Aqalka Sare ku yeelan doono 13 xubnood. Halkan hoose ka aqriso hadal-jeedinta madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamed. Horudhac Waxaan marka hore hambalyo u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee u dabbaaldageysa usbuuca xorriyadda Soomaaliyeed. Sida maalinta xorriyadda ee gobollada waqooyi iyo walaalaheen reer Jabuuti iyo munaasabadda soo socota ee 1da Luulyo ee lixdanguuradii ee xorriyadda iyo midnimada jamhuuriyadda Soomaaliya. Shalay oo ay taariikhda ahayd 27kii June, 2020, golaha shacabka ee baarlammaanka federaalka Soomaaliya (BFS), waxaa ka dhacay laba arrimood oo kala ah: 1. Matalaadda gobolka Banaadir ee Aqalka sare, iyo, 2. Hadal jeedinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ). Matalaadda Gobolka Benaadir Usbuucii la soo dhaafay golaha shacabka waxaa la horkeenay mooshin lagu soo bandhigay Matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare. Dadaal dheer ka dib maanta waxaa la ansaxiyay 13 xubood oo mustaqbalka ku matali doonto Benaadir aqalka sare ee baarlammaanka. Waxaa bogaadin usoo jeedinayaa senetarrada aqalka sare ee ku soo daray arrinta Benaadir sharciga doorashooyinka iyo xildhibaannadii golaha shacabka ee u guntaday meel marinta arrinkaas. Waxaan leeyahay dhammaan mahadi ha idinka gaarto, abaalka dadaalkoodane yaan la isku dayin in qolo kale ay dafto. Hase yeeshe, waxaan rabaa inaan wax yar iftiimiyo waxa dhimman ee inaan u sii wada istaagno ay tahay. Sida ku cad dastuurka KMG ah ee JFS, aqalka sare wuxuu matalaa danaha Dowladgoboleedyad. Sida aan wada ognahayne Benaadir wali uma sammeysna dowladgoboleed ama maamul ay soo dhisteen dadkiisa si waafaqsan nidaamka federaalka. Sidaas daraadeed, baahida dhabta ah ee gobolka Banadir waa inuu helaa maamul ay soo dhisteen dadka tirada badan ee deggan gobolka si matalaadda aqalka sare ay dhab u noqoto, dadka reer benaadirne ay ugu hoos noolaadaan hoggaan ay raalli ahaanshahooda ku soo dhisteen ayna uga mid noqdaan nidaamka iyo saabaanka federaalka ee uu dastuurka KMG xeeriyay. Ugu dambeyn, waxaa kale oo dadka reer Benaadir u rajeynayaa inaan indhahooda laga sii jeedin qadiyadda dowlad dhisidda ee qiimaha badan ee xoog iyo xoolaba leh ay ku bixiyeen muddooyinkii la soo dhaafay. Qaddiyaas oo maanta taagan isgoys qatar ah ka dib markii hoggaanka hadda talada haaya uu si bareer ah u diiday laba arrimood oo waaweyn: 1. Waxaa si aan qarsoodi lahayn u diiddan yahay nidaamka federaalka ee ay Soomaalida cusub ku heshiisay iney dib ugu dhisato dowladnimadeeda 2. Qabashada doorasho heer qaran ah oo heshiis lagu wada yahay si loo helo kalsoonida heer labaad ee federaalka oo kala ah dowlad-goboleeyada iyo midda saamileyda kale sida xisbiyada siyaasadeed iyo guud ahaanba kalsoonida shacabka Soomaaliyeed. Doorashooyinka qaran Waxaa la jooga waqtigii ay dhici lahayd doorashada qaran ee xilli-xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee heer federaal. Shalay oo taariikhdu ahayd bisha Juun 27, 2020 waxaa golaha shacabka hadal jeedin ka sammeeyay guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ), Marwo Xaliima Ismaaciil Ibraahim. Hadaljeedinta guddiga oo muddo laga wardhowrayay waxay noqotay mid aad looga fajacay oo dadka Soomaaliyeed ka yiraahdeen “TANI TAAN U DHIGANNAYBA MA AHA” li’anna lagama sugeynin muddo kordhin iyo abuurid mugdi siyaasadeed oo hor leh. Muddo saddex sano ka badan guddiga waxay noo sheegayeen iney doorashada diyaar ka tahay dhankooda. Hase yeeshe, hadal jeedinta guddiga waxaa ka soo baxday iney ummadda Soomaaliyeed u hoosaasiyeen oo waqti xeero faldhaan kala dhaceen ay ummadda usoo dhigeen iney ruux dheereysi u sammeeyaan hoggaan muddo ku dhaw AFAR SANO wax ka qaba waayay doorashada dalka isla markaana xoog iyo xoolo fara badan ku bixiyay burburinta nidaamka federalka ee dalku doortay. Sidoo kale hadaljeedinta guddiga waxaa laga dhadhansa kara muddo kordhin rimman muddo kordhin kale sababaha aan soo sheegi doono awgood. 1. Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa waxay muddo dheer ku faanayeen iney wada joogeen muddo ku dhaw AFAR sano. Hase yeeshee maalin ka mid ah muddadaas madaxweynuhu kama hadlin wax doorasho la yiraa. Haddaba, ninkii doorasho laga sugayay ee aan ka hadlin muddadaas dheer sow shalay afkiisa af aan ahayn looguma hadlin? oo GMDQ nama dhihin Madaxweynaha iyo dhammaan hay’adaha dastuuriga ah (Madaxweynaha, 2da aqal ee baarlammaanka iyo guddoonkooda, afar sano howl doorasho maalinne ma soo hadal qaadin laakin doorasho wey qaba karaan haddii loo kordhiyo muddo xiloodkood ku dhawaad SANNAD amd ka badan. Arrinkaasi “WAA KAAF IYO KALA DHEERI”! 2. Hadal jeedinta guddiga waxaa kale oo ku cad muddo kordhin hoosta ku wadato muddo kordhin kale. Taas waxaa daliil u ah guddigu waxay ku andacoodeen ama ka muuqata hadal jeedintooda asbaabtii keentay dib u dhaca oo ay ugu horreyso hoggaankii iyo hay’adaha ay u tiirinayeen dib u dhaca iney wali ka sugayaan wixii ay ka waayeen muddo AFAR sano ah. “ALLOW RUNEY YAA KU SHEEGA”! 3. Hoggaanka iyo xukuumadda laga dhur sugayo sow ma aha kuwi tan iyo markii ay talada yimaadeen khilaaf iyo burburin ku waday dowladaha xubnaha ka ah federaalka. 4. Madaxweynaha wuxuu horay u ballan qaaday ineysan jiri doonin wax muddo kororsi ah, taasoo uu ku tilmaamay iney lumineyso kalsoonida lagu qabo dowladnimada. Sidaas daraadeed wax la aqbali karo ma aha inuu maanta noogu soo dul gabbado GMDQ isagoo raadinayo muddo kororsi. 5. Sidii aan horay u soo sheegay, fidnada iyo qalalaasaha maanta ka dhex taagan labada aqal ee baarlammaanka waxaa aad uga muuqda faraha madaxweynaha oo shalay aqalka sare KOORAMKII ku waayay faragelin qaawan awgeed. Baaq Madaxweynaha JFS, waxaan ugu baaqayaa inuu dhago laab u daloola ku dhageysto baaqeyga: 1. Waqti ayaa horay dalka iyo dadka uga soo lummay ee fadlan mid kale ha kasii luminin. 2. Waqtiga yar ee ka haray xilli-xileedkaaga hal arrin ayuu ku filan yahay. Kaas oo ah inaad u istaagto in doorashada loo helo heshiis siyaasadeed si awoodda xukunka si nabad ah loola kala wareego ama si sharci ah mar kale laguugu soo doorto. Gunaanad Walaalayaal, doorashadii ugu dambeysay ee dimoqraadiga ahayd ee dalkaan ka dhacday oo ay ka soo wareegtay in ka badan 50 sano, qaladaad ka dhacay awgeed, waxay dalkaan iyo dadkiisa u keentay ma hadho siyaasadeed oo ilaa hadda taagan. Sidaas daraadeed, Soomaaliya ma xammili karto qalad kale oo taariikhi ah oo dhaca xilli ay ka soo bogsaneyso jahawareer muddo dheer ay la soo tacaaleysay. Sidaas daraadeed, qofka ama kooxda maanta diiddan wadatashi siyaasadeed oo la gaarayo heshiis siyaasadeed oo wada-oggol ah waa QARAN DUMIS IYO DOWLAD DIID, ha ku soo gabbado GMDQ ama ha soo mare jid kale e. Waxaan madaxweynaha JFS ugu duceynayaa in Ilaahey tubta toosan iyo talada toosan waafajiyo Waxaan rabaa dadka Soomaaliyeed inaan u sheego, kororsiimada uu madaxweynuhu u hanqal taagayo ma aha mid ku kooban isaga oo kaliya ee waxay gadaal ku wadataa kororsiimmayaal badan oo kala ah: 1. Kororsiimmo Xilli-xileedka Madaxweynaha. 2. Kororsiimmo Xilli-xileedka Xukuumadda. 3. Kororsiimmo Xilli-xileedka Golaha Shacabka. 4. Kororsiimmo Xilli-xileedka Aqalka Sare. 5. Kororsiimmo Xilli-xileedka GMDQ. 6. Xilli-xileedka guddiyo kale oo dhacaya. 7. IWM Ugu dambeyntii, waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu duceynayaa in Ilaahey tubta toosan iyo talada toosan waafajiyo. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Duhur-28062020.mp3 View the full article
-
Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa soo dhoweeyay Warbixintii ay Shalay Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ka jeedisay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya Xaliima Yareey. UNSOM waxay ugu mahadcelisay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka, soo bandhigidda noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga doorasho toos ah oo Soomaaliya ka dhacda horraanta Maarso 2021. “Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ugu mahadcelineysaa Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil, soo bandhigidda noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga doorasho toos ah oo Soomaaliya ka dhacda horraanta Maarso 2021” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay UNSOM. “Guddoomiye Xaliimo waxa ay soo bandhigtay noocyo doorasho, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay boorrinaysaa wadatashi ballaaran oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro Isfahan, si hore loogu sii socdo – kulanka qorsheysan ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka waa tallaabo yididiilo leh oo xigta” ayuu sii raaciyay Qoraalka. PUNTLAND POST The post UNSOM oo soo dhowaysay Warbixintii Xaliima Yareey appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish oo boqolaal dibad-baxayaal ah kula hadlayey taalada caanka ah ee Daljirka Daahsoon ayaa u mahadceliyey xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo sheegay inuu soo dhwaweynayo xaqsiinta gobolka Banaadir oo Aqalka Sare ku yeelan doono 13 xubnood. Cumar Filish ayaa tilmaamay in Muqdisho ay tahay hooyada magaalooyinka Soomaaliya, islamarkaana ay tahay meesha kaliya ee shanta Soomaaliyeed ku dareemin in laga leeyahay. Sidoo kale wuuxuu intaasi ku daray in Muqdisho aysan noqon doonin H ooyo ilmaheeda ku caasisa, sida uu hadalka u dhigay. “Muqdisho waa hooyada magaalooyinka Soomaaliya oo dhan, waa hooyada calanka hortiina ka bananaya ee tilmaamaha shanta bixinaya hooyadood waa meesha kaliya ee dadka ku abtirsan shanta Soomaali aysan dareemin in laga leeyahay, lahaansho meesha ay joogaan ha joogeen waa meel ay ayagu leeyihiin inay joogaan, taas ayaa ah mida mudan in lagu qiimeeyo magaalada Muqdisho. ”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish. Ugu dambeyn go’aankii baarlamaanka ayuu ku tilmaamay mid taariikhi ah, kaas oo uu sheegay inuu ka dhashay codsigii madaxweyne ee Farmaajo ee mataaladda G/Banaadir. Xildhibaanada Golaha Shacabka Somalia ayaa shalay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyey xeerka matalaadda gobolka Banaadir, kaas oo Aqalka Sare ku yeelanayo 13 kursi.