Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,306
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka AL-Shabaab ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliya iyo qeybo kamid ah dalalka Africa ayaa isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya. Sarkaalkaan isku soo dhiibay Dowladda kana soo baxay AL-Shabaab ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Abukar Maxamed Dhagoole oo Al-Shabaab dhexdeeda loo yaqaan magaca (Caato). Caato ayaa Ururka Al-Shabaab u qaabilsanaa aruurinta lacagaha ay Al-Shabaab ka qaado dadka ku dhaqan Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Gaadiidka isticmaalo waddooyinka maro Gobolkaas. Sarkaalkaan ayaa wuxuu isku soo dhiibay ciidamada kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab sida ay sheegtay warbaahinta ku hadasha afka Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya. Taliyaha Guutada 16-aad ee ciidanka Danab G/lle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka sida u sheegay in sarkaalkaan ay soo dhaweeyeen islamarkaasna ay u gudbindoonaan hay”adaha ku shaqadaleh. Muddooyinkii dambe waxaa soo badanayey xubnaha ka tirsan AL-Shabaab ee isku soo dhiibayo Dowladda Soomaaliya kadib markii ciidamada Dowladda ay howlgalo Militari ka bilaabeen Gobolka Shabeelada Hoose. Al-Shabaab weli kama aysan hadlin sheegashada Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ah inuu isku soo dhiibay sarkaalkaas la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa Maaliyadda Gobolka Shabeelada Hoose.
  2. Munaasabad balaaran oo loogu mahadcelinayay xildhibaanada golaha Shacabka ee Barlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa xalay lagu qabtay hoolka xarunta Tiyaatarka qaran. Xafladaan ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guulee Qadar, Wasiiro ka tirsan Xukumadda Federaalka Soomaaliya ,Xildhibaano la tirsan labada gole ee Barlamaanka ,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada,ku xigeenadiisa fanaaniin ,Abwaano iyo marti sharaf lagu casuumay. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa u Mahad Celiyay Xildhibaanada sharafta leh oo si aqlabiyad leh u ansixiyay Matalaada Gobolka Banaadir. “Waxaan uga mahadcelineynaa sida sharafta leh ay u ansixiyeen in bulshada Gobolka Banaadir ay helaan xubo ku matalo golaha aqalka sare ,waxaana bulsho weynta caasimada aan leeyahay guusha waa soo dhawaatay dowladdiina ayaa idin garab taagan”Ayuu yiri guddoomiye cumar Filish. Xildhibaanada golaha shacabka ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada muqdishi ku ansixiyay 13 xubnood uu gobolka banaadir ku yeelan doono golaha aqalka sare ee dalka si ku dhawaad 4 milyan ee bulshda ku nool gobolka ay u helaan xuquuqda ay ku leeyihiin matalaad . Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  3. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Khadka taleefanka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Norway Marwo Erna Solberg. Ugu horayn Ra’iisul Wasaaruha Norway oo telfoonka kula soo xiriirtay madaxweyne Farmaajo waxay ugu hambalyeysay 60-guurada ka soo wareegtay xornimada iyo midnimada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo Waxa uu uga mahadceliyey Norway kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadaneyso xoojinta hay’adaha dowladda iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka Soomaaliya. Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Norway ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha ku saabsan doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Norway? appeared first on Puntland Post.
  4. Munaasabad loogu mahadcelinayay xildhibaanada Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka Soomaaliya, ayaa xalay lagu qabtay hoolka xarunta Tiyaatarka qaranka ee Muqdisho. Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guulee Qadar, Wasiiro ka tirsan Xukumadda Federaalka Soomaaliya ,Xildhibaano la tirsan labada gole ee Barlamaanka ,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada,ku xigeenadiisa fanaaniin ,Abwaano iyo marti sharaf lagu casuumay. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa u Mahad Celiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka oo si aqlabiyad leh u ansixiyay Matalaada Gobolka Banaadir. Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamanka ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada muqdisho ku ansixiyay 13 xubnood uu Gobolka Banaadir ku yeelan doono Golaha Aqalka sare. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo Munaasabad mahadcelin ah u sameeyay Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho ( Caasimadda Online) – Waxaa Xalay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu qabtay kulan lagu taageerayey kuraasta Aqalka sare laga siiyay Gobolka Banaadir, waxaana kulankaas ka qeybgalay madax kala duwan oo isugu jiray heer Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed. Kulankaan oo uu soo qaban qaabiyey Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxay madaxdii kasoo qeybgashay oo dhan codsadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo dhismaha kuraasta 13-ka ah ee ay Banaadir ku yeelan doonto Aqalka Sare. Ra’isulwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo kamid ahaa madaxdii ka qeyb gashay kulankaas ayaa sheegay in Shacabka Muqdisho ay marti geliyeen Dowladda isla markaasna ay usoo dulqaateen dhibaatooyin badan haddan ay tahay lagama maarmaan in loo abaalgudo. “Dowladnimadeena horumarka ay gaartay in ay noqoto hoygii isu keenayay Soomaalida dibna u mideynayay mar labaad, Muqdisho matalaad waa ay heshay 13 iyo wax ka badan way istaahishaa, maqaamkana waxa uu ku xusan yahay qodobka 9-aad ee Dastuurka, awoodaha Golaha shacabka uu leeyahay waaye, Xukuumad ahaan, Gobolka Banaadir iyo guud ahaan waan kawada shaqeyneenaa” ayuu yiri Mahdi. Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo isna kulanka hadal ka jeediyey ayaa sheegay in aysan jirin cid si cad u diidan maqaamka Gobolka Banaadir balse ay jiraan dad si qaldan u baalmaray tarjumaada xeerka xaqsiinta Gobolka Banaadir . “Qof kasta oo Soomaali ah waxa uu xaq u leeyahay in uu ka hadlo kuraasta la siiyay Gobolka Banaadir iyo matalaadda Caasimadda, Madaxda Dowladda waa in ay sameeyaan Tarjumaad dhinaca saxan ah oo ay kaliya waafajiyaan sharciga, ka Guddoon ahaan waan garab taaganahay in la xaqiijiyo kuraasta 13-Senatar ee Golaha u ansixiyay” ayuu yiri Mudane Mursal. Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah mucaaradka Dowladda oo isna kulanka ka qeybgalay ayaa sheegay in 13-ta Kursi ee la siiyey gobolka Banaadir ay tahay wax yar oo aan dhameyn wax lagu kala dhinto, wuxuuna Madaxweyne Farmaajo ka codsaday inuu si deg deg ah u meel mariyo sharcigaan. “Waxa aan rabaa in aan meeshaan fariin uga diro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Mudane Madaxweyne sida aad ku sheegtay khudbaddii aad ku jeedisay 6-dii June iyo soo dhaweyntii 27-kii June kuraasta Gobolka Banaadir Ansixinta kadib, in aad soo dadajiso dhameystirka wax ka dhiman oo ah in aad saxiixdid“ Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad. Maamulka Puntland iyo siyaasiyiinta kasoo jeedo ayaa si cad uga hor imaaday matalaada loo meel mariyey Gobolka Banaadir iyagoo ku tilmaamay inay tahay mid aan waafaqsaneyn Dastuurka Dalka u yaalo.
  6. Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay Xadgudubyadda loo geysto Saxaafadda ku sugan degaanada mamulka Somaliland. Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa cambaaraysay xadgudubyada ka dhanka ah weriyayaasha iyo warbaahinta xorta ah ee Somaliland. Safaaradda ayaa ugu baaqday hogaanka Somaliland inay xushmeeyaan isla markaana ay difaacaan xuquuqda xoriyadda hadalka. “Safaaradda Mareykanka waxay ku celcelinaysaa sida ay uga go’an tahay difaaca Saxaafadda. Waxaan cambaareyneynaa hanjabaadaha iyo xadgudubyada loo geysto suxufiyiinta iyo saxaafadda xorta ah ee Somaliland. Waxaan ugu baaqaynaa hoggaanka Somaliland inay ixtiraamaan, dhawraan oo ilaaliyaan xuquuqda xorriyadda hadalka” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Safaaradda. View the full article
  7. Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka qeyb-galayey munaasabad ay soo qaban-qaabisay Madasha Xisbiyada Qaran oo loogu dabaal-dagay maalmaha xoriyadda ayaa waxa ay ka hadleen xaaladda dalka, gaar ahaan doorashada la filayo in la qabto 2020 illaa 2021. Ugu horreyn Xasan Sheekh oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dowladda federaalka la siiyey fursad ku filan oo afar sano ah, islamarkaana ay ka ka gaabisay dhammaan dadaalladii laga sugayey. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay diyaar u yihiin inay dowladda kala shaqeeyaan arrimaha doorashada, si looga gudbo caqabadaha jira. Dhankiisa guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa tilmaamay inuu dhammaaday muddo xileedkii dowladdda, islamarkaana aysan muuqan diyaar garow doorasho, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn Shariif ayaa hoosta ka xariiqay in aysan aqbali doonin qorshe kasta oo mudada loogu kordhinayo madaxda dowladda Soomaaliya. View the full article
  8. Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa ku baaqay xasilooni kadib markii dalka Ethiopia ay ka dhaceen rabshado ka dhashay dilka heesaa caan ahaa. Rabshado socday laba maalmood ayaa 81 qof ku dilay Ethiopia, sida uu Arbacadii sheegay madaxa booliska, kadib markii la dilay heesaaga Hachalu Hundessa oo kasoo jeeday qowmiyadda ugu tirada badan dalka ee Oromada. Qoraal kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu yiri “Iyada oo waddanku u barooranayo khasaaraha Hachalu Hundessa, Guddoomiyuhu wuxuu codsanayaa deganaansho, xakamayn dhinac walba ah, wuxuuna ugu baaqayaa dhammaan Ethiopian-ka inay ka fogaadaan falalka sii kordhin kara xaaladda hadda jirta. Moussa Faki Mahamat ayaa ugu baaqayaa Dowladda Ethiopia “inay keento dambiilayaashan ficillada xun gaystay si ay u wajahaan caddaaladda.” Wuxuu sidoo kale ku dhiirrigeliyey dhammaan dhinacyada in ay ku xalliyaan khilaafaadka wadahadal iyo qaab nabadeed, si loo oggolaado dadaallo ku filan oo looga hortago laguna xakameeyo masiibada COVID-19. Hachalu Hundessa, oo heesihiisa siyaasadeed ay cod siiyeen dareenka ay muddada qabeen Oromada ee ah in la liiday, ayaa toogasho lagu dilay habeenkii Isniinta, waxaana maanta lagu aasay magaalada Ambo. View the full article
  9. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Khadka taleefanka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Norway Marwo Erna Solberg. Ugu horayn Ra’iisul Wasaaruha Norway oo telfoonka kula soo xiriirtay madaxweynaha JFS waxay ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeysay 60-guurada ka soo wareegtay xornimada iyo midnimada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo Waxa uu uga mahadceliyey Norway kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadaneyso xoojinta hay’adaha dowladda iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka Soomaaliya. Madaxweynaha JFS iyo ra’iisul wasaaraha Norway ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha ku saabsan doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya. Waa mas’uulkii labaad oo telfoonka kula soo hadlay Madaxweynaha JFS uguna hambalyeeya xuska 60-guurada xorriyadda Soomaaliya muddo ka yer 24 gydahooda,horey waxaa ula soo xiriiray ra’iisul wasaaraha Dalka Talyaaniga oo salaana uga siday madaxweynaha wadankaasi. View the full article
  10. Mogadishu (HOL) - Turkish Airlines is planning to resume it's flights to key African destinations, including Mogadishu, starting next week, according to an industry insider. Source: Hiiraan Online
  11. Kismaayo (Caasimadda Online) – Weerar loo adeegsaday Hoobiyaal ayaa lagu qaaday Saldhig Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howlgalka Ururka Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin Deegaanka Cabdalla Biroole Duleedka Magaalada Kismaayo Gobolka Jubada Hoose. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa hobiyeyaasha lagu soo uuray Saldhiga Ciidamada Kenya, sidoo kalena dhankooda ay ku jawaabeen madaafiic dhowr ah oo ay ku tuureen duleedka degaanka Cabdalla Biroole. Waxaa jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay weerarkaasi madaafiicda ah, in kastoo aan sirasmi ah weli loo cadeyn ayaa hadana Warar lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in 7 Askari ay ku dhinteen weerarkaas. Saraakiisha Ciidamada Kenya weli kama aysan hadlin weerarka lagu soo qaaday saldhigooda iyo jawaabta madaafiicda ah ay ka bixiyeen. Weli lama soo sheegin khasaaro dadka Shacabka kasoo gaaray madaafiicda ay is dhaafsadeen AL-Shabaab iyo Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM. Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada degaanka Cabdalla Biroole ay tahay mid degan,hayeeshee Ciidamada Kenya oo ay wehlinayaan kuwa Jubbaland ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan. Ururka AL-Shabaab ayaa dhawr jeer soo weeraray deegaanka Cabdalla Biroole oo markii hore laga saaray kadib markii ay isku dhaceen Beesha halkaas dagto, waxaana Al-Shabaab iyo Beeshaas dhex maray dagaal culus oo dhimasho iyo dhaawac badan ka dhashay kaasoo ugu dambeyn keenay in Al-Shabaab looga adkaado.
  12. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-03072020.mp3 uu View the full article
  13. ZeHabesha, a Minnesota-based news outlet that covers Ethiopian issues, was sued by Ethiopian Airlines, the largest airline in Africa. Credit: Photo via ZeHabesha's Facebook page. Source: Hiiraan Online
  14. In New York, federal authorities seized a shipment of human hair weaves suspected to be taken from and created by Uyghur women detained in a Chinese internment camp. The seizure is related to a rare sanction placed by the United States Customs and Border Protection (CBP) on May 1 on hair products from Hetian Haolin Hair Accessories after they were linked to forced labor. Source: Hiiraan Online
  15. ST PAUL, Minnesota — More than 80 people have been killed in unrest in Ethiopia after a popular singer and activist was shot dead this week. Those numbers were released by the state-run Ethiopian Broadcasting Corporation today, according to the Associated Press. Source: Hiiraan Online
  16. Somalia’s historic one-person-one vote election, scheduled for late 2020, looks set to be postponed. Electoral commission chair Halima Ismail told the country’s federal Parliament on 29 June that the much-anticipated polls could not be carried out in less than 13 months. Source: Hiiraan Online
  17. Sida Sacuudiga iyo Imaaraadku ugu fashilmeen dunida Carabta Somalia ilaa Libya? Gugii Carbeed ee 2010- 2011, waxaa uu dunida carbeed ku hogaamiyay tarar siyaasadeed iyo mid dhul ahaaneed, ayada oo hoggaamiyeyaal badan oo caan ah ay ku baxeen. Ugu horreyn, kadib kacdoonadii Masar iyo Tunisia, Juquraafi-siyaasadeed saddee geesood ah ayaa kasoo muuqatay Bariga dhexe. Qayb kacdoonka kasoo horjeeday oo ay hogaaminayeen Sacuudiga iyo Imaaraadka, qeyb islaamiyiin isbedel doon ah oo ay hogaaminayeen Turkiga iyo Qatar, iyo gees iska caabin ah o ay ka midyihiin Iran, Siiriya iyo Xisbullah. Siyaasadaha iyo xeeladaha dhinaca u janjeera Colaadaha hubeysan ee Liibiya iyo Siiriya ayaa kala soocday mowqifyada dhinacyada. Iyadoo garabka Iska caabintu uu la dhacsanaa kacdoonada, garabyada Riyad-Abu Dhabi iyo Ankara-Doxa waxay u midoobeen inay la dhacsanaayeen in Mucamar al-Qadafi laga tuuro talada Liibiya iyo in meesha laga saaro Bashaar Al-Assad-ka Siiriya. Ujeedka ugu weyn ee Sucuudi Carabiya waxaa uu ahaa in ay ka hortagto farogelinta Iran ee gobolka. Xaqiiqdii, Sedaxdaas geesood waxay u buurmeen siyaasad iyo goobo istaatiiji ah dartood balse uma aysan sameysmin arrimo diineed. Ma ahan mucaaradad u dhaxaysa Sunniga iyo Shiicada taasi oo go’aamineysa qaybinta juquraafi-siyaasadeedka Bariga Dhexe. Garabka Abu Dhabi iyo Riyadh laguma qeexin in ay doonayaan difaaca Suniyiinta, laakiin waa xiriirka dhow ee ay la leeyihiin Washington, waxay daneynayaan in ay hagaajiyaan xiriirka ay la leeyihiin Israel, iyo cadaawad ka dhan Iran. Bishii july 2013-kii, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa guul weyn ka gaaray Masar kadib afgambigii lagu sameeyay Maxamed Mursi iyo maamulkii Ikhwaanul muslimiinka. Waxaa talada yimid Cabdul Fitaax Al-Sisi, nakhshadeeyihii ka hor-tagga kacdoonka Masar. Hubinta la’aanta Sacuudiga Dalka Siiriya, farogelinta militari ee Ruushka ayaa badbadisay Al-assad, iskudaygii lagu tuuraayayna ka dhigay mid aan guuleysan. Sacuudi Carabiya waxaa ugu dambeyn Siiriya looga adkaaday April, 2018-kii. Taageeradda Sucuudigu siinayo kooxda Salafiga ah waxay sidoo kale muujineysaa madmadowga Riyadh ee la xiriira Islaamka. Ikhwaanul Muslimiinka waxaa lagu nacay isbedelka ay sameynayaan, laakiin qaar ka mid ah kooxaha Salafiga ayaa laga ogolaaday Masar iyo Siiriya. Sideed bilood ka dib markii laga adkaaday kooxihii joogay bariga Ghouta ee Sacuudiga taageerayay, Imaaraadka Carabta ayaa dib u furay safaaradiisii uu ku lahaa Dimishiq islamarkaana si toos ah u soo celiyay shaqadii Safaaradda. Maanta xukuumadaha Riyadh iyo Abu Dhabi dhibaatooyin ayaa ka heysta Liibiya. Imaraadka, Masar iyo Sacuudiga waxay taageerayaan Khaliifa Haftar, oo dagaal kula jira Dowladda caalamku aqoonsanyahay ee uu hogaamiyo Fayez Al-Sarraj. Isbahyasi baylahan Sanadihii u dambeeyay, Imaaraadka Carabta ayaa u muuqday inuu dib u qeexayo hortabintiisa, taasi oo mararka qaar iska soo horjeeda, si ay u difaacdo xasiloonideeda iyo maamulkeeda dhexe ee ka dhanka ah Dimoqaraadiyadda. Imaaraadka ayaa sidoo kale waxaa uu doonayaa isku xir dhanka badda ah, xitaa hadii ay noqoneyso xoojinta gooni u goosadka Somaliland ee Soomaaliya iyo Koonfurta Yemen. Dalka Yemen, xulifadda uu Sucudigu hogaaminayay ee ka dhanka ahayd Xuutiyiinta ayaa baaba’day. Militari ahaan iyo Siyaasad ahaan, kadib muddo ka badan shan sano oo dagaal ah, xuutiyiinta oo maamulka Sanca iyo inta badan Yemen ayaa xoogeystay. Sucuudiga maamul xoogan kuma lahan Yemen: Woqooyiga iyo koofurta ayaa waxaa hogaamiya Xuutiyiinta iyo gooni u goosatada Imaaraadka taageero.. Siyaasad arrimo dibadeed fashilantay In Imaaraadka Carabtu uu ka xoroobay xulufadii uu kula jiray Riyadh waxay leedahay cawaaqib la xusi karo oo Juquraafi-siyaasadeed ah. Xiisadda u dhaxaysa Imaaraadka iyo Turkiga ayaa la tartameysa dagaalka qabow ee ka dhexeeya Iran iyo Sacuudiga. Ug dambeyntii, natiijadda xulifadda Sucuudiga iyo Imaaraadka ee dunida carbeed aad uma ifeyso. Afgambigii Mursi ee Masar ka dhacay keliya ayaa guul u ahaa. Dadweynaha Carbeed kuma qanacsana maamulka Dowliga ah ee xukunka dhexe, taasi oo dadka Algeria iyo Lebanon ay dhowaan muujiyeen. Natiijadda siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga waa musiibo: Sucuudigu waa uu ka tagay Ciraaq, Siiriya waa looga adkaaday, Lubnaan dib ayuu uga gurtay, guul darro ayaa ka heysata Yemen, waxaana uu gebi ahaanba si khaldan u xisaabiyay Istiraatiijiyadda Liibiya. Imaaraadka waa ka yara roon yahay Sacuudiga, oo Yemen wuxuu haystaa taageerada gooni u goosatada koonfureed, laakiin Soomaaliya waxaa kaga adkaaday Qatar, inkasta oo ay ku xiran yihiin Somaliland oo federaalka Xamar uu dunida kala kasoo go’doomiyey. Libya, waxaa kaga adkaanaya Turkey iyo Qatar, shirqoolkoodii Tunisa-na waa laga hortagay. Sacuudi iyo Imaaraad waxay isku haystaan hormuud Carabta iyo Islaamka, balse sanadihii dhowaa waxay guul-darraba u dhiibeysay mid kale. Qaran News
  18. Two people were shot dead and seven others injured Thursday when soldiers opened fire on mourners seeking to attend the funeral of a popular Ethiopian singer, whose assassination sparked violence that has left more than 90 dead. Source: Hiiraan Online
  19. VAST SWARMS of locusts have swept through Kenya and Ethiopia since January, devastating fields, pastures and livelihoods. Governments have struggled to suppress them. They have continued to breed in their billions, threatening whole economies, which are also being battered by the covid-19 pandemic. Source: Hiiraan Online
  20. MOGADISHU - Eight years after a suicide bomber destroyed the building, Somalia has reopened its imposing national theatre in Mogadishu as a symbol of culture in the heart of a city often defined by violence. Source: Hiiraan Online
  21. @US2Somalia reiterates its commitment to the defense of #PressFreedom. We condemn threats and violations against journalists and the free press in #Somaliland. We call on Somaliland’s leadership to respect, uphold and protect the right to freedom of expression. — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) July 2, 2020 Qaran News
  22. For Sumaya Aden, the demand that officials reopen the case of her brother Isak, killed a year ago by police in Eagan, the commemoration of Somali Independence Day and the Black Lives Matter movement all are part of the same struggle for unity and justice. Source: Hiiraan Online
  23. Idaajaa oo kibirka wuxu ku jecelaaday la aqoon oo mar kaste ninka kibra qisada magaciisa ku sunta , ama atoor ka qisadaba ka dhiga. Sida Aadan Galaydh ama Mataan ciideed oo labduba kibir ku dhinteen murtida na ay leeyiin ragay is maandhaafeen. Labada sheeko ba waxay ahayd in lagu sunto Boos Cawr iyo Nuur Jiir oo ka aarasaday Aadan Galaydh iyo Mataan Ciideed. Hadaan qisadan Boos Cawr u soo laabto, waxay u eegtay in sheekadii Jaamac Amuume iyo Warsame Dhakaar oo Habar Yoonis ahaa in Lagu qurxiyey qisadaas Sool clan dhex martay. Sheekadaas Sool clan waxa loo bixiyey sheekadii Qabaalka tan Habar Yoonis na waxa loo bixiyey sheekadii Haad Qadiye. Sheekada aarsiga Jaamac Amuume waxay dhacday 1879-1880 oo ay is dileen reer Sugulle dhexdoodu. Waxa is dilay laba wiil ay dhaleen , Suldaan Xirsi Amaan iyo Guuleed Xaaji , Ina Guuleed Xaaji ayaa Ku dhintay is dilkii . Waxa magtii ayaa waxa isku qabtay suldaan Xirsi Amaan iyo Guuleed Xaaji Guuleed oo nin xikmad badnaa oo maahmaahyo badan maanta Laga dhaxlay sida; 1- ceel biyo leh ma foga, uu ula jeedo wax lagama maarmaan ka ah waa kugu qasab meel kaste ha jireene. Oo hadii biyo aad waydo oo lagugu sheego ceel xamar adoo hargaysa joogaa waad ku qasbsntay. 2- naag taad barataaba b’an. Dumar ka mid kaste dhib gaar ah aysy leeday Guleed baa suldaan Xirsi ku yidhi: Wiil laana qaadan maayo tol l’aana ma rabo. Wuxu ula jeeday wiilkaygii mag l’aan kaga samri maayo, hadaad diidaana waa dagaal laysku jabo oo tolku ku baabao oo waa ii Tol la’aan. Suldaan Xirsi Amaan oo kibirsan baa Ku jawaabay ma wiilkaygii oo dhaawac ah ayaad weliba mag bixi ila timi. Guuleed baa yidhi waar reer sugulle isku dilkooda waxba ka heli maysaane kala daaya. Xirsi baa yidhi waar raga hayga bajin, intu weliba kacay uu warankii la booday ayuu yidhi iga wala waatay labadeena noqon. Markii lagu kala kacay ayuu wiilkiisii yidhi aabo Guuleed waa kaa gar joogaa. Xirsi baa Ku yidhi ” cabanaa ma uurkii hooyadii baa lagu ciilay.” Dagaalkii baa qarxay , oo Xirsi Amaan oo Ba Awal ah iyo Guuleed oo baho sugulle ah baa is labadoodi jilib dagaalameen. Waxa dagaalkii ugu horeyey ku jabay Ba Awal suldaan Xirsi na dagaalkii lagu dilay iyo rag culus. Goobtaas waxa la odhan jiray Lebi Cawl. Gabadh ninkeedii lagu dilay dagaalkaas hore ee Lebi Cawal baa inankeeda Ku guubaabinaysa inu aabihii iyo Xirsi Amaan iyo rag kale u aaro. Gabadhaas ma ahayn beesha HY, oo wagaas HY dhexdooda iskmay guursan jirin oo waa talooyinku kaga tagay suldaan Diiriye bay ka mid ahayd. Richard Burton baa buugiisii safarkii Seylac ku sheegay in asnay Habar Yoonis dhexdooda kala guursan. Odayaasha qaar baa yidhaahda waxa dagaalkaas iyo dilkii suldaan Xirsi ka gabayday xaaskiisii Cawrala Ducaale Suldaan Guuleed oo Nuur Dhagacun walaashi ahayd. Waxay ku gabayday: Calow gaydha waxa iigu wacan geeridaan qabo’e Caawaba gelin dhexaadkaan hadba gogosha taabtaaye Gamas baa ku dhacay aabahaa goraygii dheeraaye Gacmo jeedlaow Warsamaey gudurii siiyeene Gaashaan-cade Muxumed bay giringirsheen meele Mohammed Golaxley dhigeen geedkii Lebi-Cawle Xirsigi madaxa ahaa waa gawraceen gacal ha waayaane. Abaanduulaa jilibka Guuleed Xaaji waxa u ahaa nin la odhan jiray Warsame Dhakaar ama Dakaar 3 nin oo walaalo ahaa ayuu maalintaas dilay oo Jaamac Amuume walaaladii ah , Jaamac waa Jaamac Xirsi ” Dhinbiil'” Yuusuf Suldaan Diiriye. Markaas ayuu Warsame digasho raaciyey oo u yidhi ” islaantan goblamiyey Amuume awaaraha hakaga baxdo”. Jaamac wuxu ahaa 17 jir waanu cod yaraa sidaas darteed ayaa loogu biixiyey Amuume oo af Somali ahaan loo yaqaan qofka aanu hadalku ka soo bixin. Jaamac ayaa warkii gaadhay iyo hadalkii yasida ahaa ee u Warsame ku baanay inu islaanta wiilashii roona ka laayey Amuume na u reebay oo u baabah ka dhigay reerka. Dagaaladii waa sii socdeen waxa se Ku jabay Ba Awal oo ah laba jilib ay dhashay gabadh Ciise Muuse ahyd oo ah jilibka Xirsi Amaan halka Baho Sugulle yihiin 6 is bahaystay caaqilkooduna ahaa Xaaji Guuleed Xaaji Axmed Sugulle. Waa la dhex galay oo Guuleed Xaaji iyo Warsame oo baho Sugulle ah ayaa mag lagu xukumay intii dilka dheeraadka ahayd intii kale duudsi lagu heshiiyey. Waxa la yidhihaadaa waxa ka mid ahaa ragii gartaas reer Sugulle qaaday gabayaa , abaandule iyo garyaqaan Kite Fiqi oo East Burco Clan ahaa. Baho sugulle ayaa mag lagu xukumay , Warsame ayaa markii qeybtii magta loo doontay kibir ku yidhi erigadii ” geela fulaa hala bixiyo ” anigu hal bixin maayee. Ina Xirsi Amaan ayaa marku xaalku halkaas marayo , Warsame na diiday nabadii. Ayaa gabay ku tiriyey inaan nabadi jirayn ilaa u aabihii Xirsi ugu aaro jooga faraskiis Waxa ninkaas la odhan jiray Bookh Xirsi Amaan , oo waxa dhashay gabadh Carab ah oo suldaan Xirsi Amaan Bulxaar mar u weeraray magaalada Carab kii timirta keeni jiray oo maalqabeen ahaa reer Suur ( Cumasn ka mid ah masnta) ah lagula taliyey si ay u badbaado Bulxaar iyo ganacsigiisu ba inu suldaan Xirsi siiyo inantiisa Xafsa. Colkaas dooxada Weehaan Xirsi dhigayna Magaalada soo galin.. Sidaas ayuu Carab kii reer Suur Xasan Al Yaafici , Xasana ku siiyey suldaan Xirsi oo bah Carabo ayaa la yidhaahda maanta, ayadaa Bookh dhashay oo gabayaa ahaa. Wuxu Bookh yidhi. Jidhkii ina Amaan iyo la waa jalanqayaashiiye Jirid nimaan lahayn baa baqee taydu ii jarane Hadii nabada jeelkeeda la helo waa anoon jirine Jillow baan ahay haddi aabahay joogi lagu raadin. Jaamac oo ka soo jeeda dhanka Suldaan Xirsi Amaan ayaa ku tashaday ama inu Warsame ka aarsado ama u dagaalka ku dhinto. Mudo ka dib ayaa duulaan loo diyaar garoobay. Jaamac oon aqoon warsame ayaa ragii waaweynaa waydiiyey dagaalka sideen Warsame raga uga gartaa.? Nin baa ku yidhi hadaynu jabno waa ninka ugu horeeya ee inagu daba jira. Hadaynu guulaysano warsame waa ninka colkiisa u danbeeya . Habeenkii ayuu Jaamac warankiisu iyo laba hooto wadaad asmo ugu akhriyey kuna yidhi ” yaanu siil kaa taaban” Subaxii ayuu faraskiisii Xamar heenseeyey. Dagaalkii la gal ayadoolaga soo laabtay. Jaamac baa yidhi warsame waan dilay. Markaas bay raggi waaweynaa qosleen oo mid yidhi waar Warsame oo bari colka ka dhex qawdhamaya baad arki doontaan. Islaan baa la diray oo reerkii iyo kambal kii warsame soo eegtay. Waxay soo aragtay reer murugaysan iyo maryo dhiig leh oo geed ku wadhan. Warkii bay keentay in warsame dhintay. Oo Jaamac runtii ahayd. Jaamac wuxu wariyay in faraskiisii dagaalka la galay oo faraskiisii warsame ka hadhin oo qoobabka hore Ku suul daaray warsame na faraskii la kufay isna warankii ku tumaatiyey.. warsame oo dhaawac xun gaadhay na faraskii isku tuuray oo u cararay. Waxa kale ee u gabayga ku sheegayaa jaamac inu ka ciil baxay AF xumadii warsame ku xaqiray. Markaas ayuu Jaamac oo weligii gabyin ciil gabyayaa wuxu na tirinayaa tixdan cajiibka ah. 1-Col aloosan Xamarow haddii xalay la ugaanshay 2-Heensaha hadddaan kugu itibay goor aleyl dhexe ah 3-Indhaalaha haddaan kuu xidh-xidhay suuman la adkeeyay 4-Isha bari hadii loo kiciyo awrtii reer Sugule 5-Kuwii lays aqoon jiray haddii lagu ogaan duulay 6-Abaanduule Guuleed hadii ubaxa loo gooyay 7-Waa boqor agtiisa’e hadday “ililidii” yeedh’dhay 9-Usha Daba-xidh ooddiyo haddii laysu wada giijay 10-Eebada haddii laysku riday ilig-jartii hooto 11-Abdikayba intii hore hadaan dabo adeegaayay 12-Kolku ina qolyaeedkii sidii aarka nagu qayshay 13-Anigoo aqoon jirin haddii lay ogeysiiyay 14-Onkad baxay la moodyow kolkan amarka qaadsiiyay 15-Doc aroorka uguma tago orodka saydhshaaye 16-Oogada hadduu igala maray agabarkuu joogo 17-Anna Awlaxaan siday haddaan oofta midig gooyay 18-Kol haddaan Warsame aayiroon Baho agoonteeyay 19-Kol haddaan ugaaskii ka dilay u ololaynaayay 20 -Kol haddaan Warsame aayiroon Baho agoonteeyay 19-Kol haddaan ugaaskii ka dilay u ololaynaayay 20 -Kol hadaan ka oon baxay afku aramigu jiifay. 21-Alxamdu lilaa caawaba haddaan umalkii qaar reebay. Labada qisadood waxa horsysay tan Jaamac Amuume iyo Warsame Dhakaar. Oo Xirsi Amaan waxa la dilay 1879 kii, suldaan kii ku xigay na wuxu ahaa wiilku adeerka u ahaa suldaan Nuur Axmed Amaan oo 1881 la caleemo saaray waana suldaankki waagi danbe daraawiish abaabulay masntana qudbigiisu ku yaal Taleex. Saladanada waxa ka lahaa ismaaciil Amasn de ismaaciil isagoon la caleemo saarin ayuu ku dhintay dagaal ogaadeen. Dhacdadaas waxay ahayd dhacdo caan ah oo gabayada qaar waxa la qoray 1889 oo nin Talyaani ah qoray iyo nin Jarmal ah. 1889 kii ayuu Luigi Robecchi Bricchetti gabayga Jaamac Amuume iyo Bookh ku soo daabacay majalada Italian geographic society.. Paulitschke, Philipp oo Austrian ah isna qoray gabayada iyo dilka Xirsi 1885kii . Hadaba in qisada Jaamac Amuume iyo Warsame Dhakaar badhkeed lagu qurxiyey tan Boos cawar waxa u daliil ah dhowr arimood. 1- maahmaahda Xirsi inankiisa u adeegsaday ” cabanaa ma uurkii hooyadii baa lagu ciilay. 2- Jaamac 3 ay walaalo yihiin buu warsame dilay weedh xaqiraad ahna ku yasay Jaamac. Sidoo kale Boos isna walaaladii oo la dilay iyo Aadan Galaydh oo yasay. 3- faraska Jaamac gabayga ayuu ku sheegayaa inu u ciidan galay faraskiisii , Boos se gabay lagama hayo sidu u caawayey faraskiisu oo isna la yidhaahdo faraskii Aadan Galaydh ayuu qoobabka ku sul daaray hadal buu ku sheegayaa. Jaamac se waa ka tuducyada Ku sheegayaa amaanta faraskiisa iyo sidu u booday marku amarka siiyey: waaka leh: 14-Onkad baxay la moodyow kolkan amarka qaadsiiyay 15-Doc aroorka uguma tago orodka saydhshaaye 16-Oogada hadduu igala maray agabarkuu joogo 17-Anna Awlaxaan siday haddaan oofta midig gooyay 4- arinka yasida oo ay wadaagaan ta Boos inu ka ciil baxay xaqiraadii Aadan hadal ayuu ku sheegay. Se Jaamac gabayga ayuu ku sheegay tuduca 20 u fiirso. Oo waaka leh 18-Kol haddaan Warsame aayiroon Baho agoonteeyay 19-Kol haddaan ugaaskii ka dilay u ololaynaayay 20 -Kol haddaan Warsame aayiroon Baho agoonteeyay 19-Kol haddaan ugaaskii ka dilay u ololaynaayay 20 -Kol hadaan ka oon baxay afku aramigu jiifay 21-Alxamdu lilaa caawaba haddaan umalkii qaar reebay. 5- warsame oo diiday magtii oo yidhi ” geela fulaa hala bixiyo ” iyo Aadan oo yidhi ” geelaan sumayda lahayn mag u qaata”. Gabay iyo weedho inta badan nin wixiisa gabay Ku sheegta ayaa runta u dhow. Idaajaa sheekada Aadan iyo Boos cidiii bartay waxay ku qurxiyeen qisadii Jaamac Amuume. Weliba arinka maahmaahda Xirsi Amaan iyo faraska iyo afxumada, intaas Jaamac baa laga biliiliqaystay. Ninka Idaajaa horta isagu maba xishoodo oo waa nin u nool inu aduunka daarood baro. Sanadkii hore markay qaar iska litta hargaysa hor boodayeen isagoo ka jawaabaya eeda Daaroodism ka iyo u qaraabo kiilka suugaameed oo mar kaste 4.5 ka suugaanta isagu bilaabay 1974kii reerkiisa siiyo 4 ka somalida kake na .5 u reebo. Isagoo eedaas iska difaacaya dadki hortooda sheekadii habartii tidhi Guuleed xaajow gurigaa b’a , ee Guleed kii laftiisi maqlay ayaduna aqoon ba ilay hadalka ayuun bay maqashay. Guuleed baa Ku yidhi islaantii ninka Guuleed eed habaaraysay maxuu ku dhimay mise ma taqaan . Ay Ku jawaabtay ma aqaan ee dadkuba waa lahaa Guuleed xaajow gurigaa b’a. Sheekadaas oo cauurta Burco taqaan ayuu Idaajaa Hargaysa sheekadaa lafteedi uu yidhi habar baa tidhi reer siyaasadaw b’a oo ( reer siyaad oo mareexaan ah) markii la yidhi reer siyaad maxay ku dhimeen waxay ku jawaabtay , dee dadkuba waa lahaa. Wuxu sidaas badheedhka ah dhacdadaas u badalayaa jilibkiisa , waxana hor fadhiya qaar u ka mid yahay ninka Shaacir oo caashaq aan dawo lahayn u qaba Aw Jaamac iyo Idaajaa. Iyo laba nin oo la yidhaahdo midna Badal oo shaqo laga eryey kaga aarsabayey qoraa Guribarwaaqo iyo wiil la yidhaahdo Gamadiid oo marna Majeerteen amaana marna Al Shabaab. Idajaa oo khibrad dheer u leh ilawshiyaa dhaw ee Isaaq wuu filan waayey sida loo hor boodayey. Wuxu is lahaa goobta waxa iman ragii yaqaanay nacaybkaaga iyo qabyaladaada. Markiiba wuxu beer laxwstay baraarkii goobta joogay oo u yidhi dawladii Afweyne ayaa hargaysa u soo dirtay 1974 inu ururiyo gabayadii Qawadhan Ducasle iyo Faarax Nuur. Idaajaa abidkii 4 gabay barnaamijkiisa oo qawdhan leeyey kama sheegin daa suugaan u ururiyee. Mid u ururiyo daayoo mid nasab cay iyo bahdilaad ah ayuu u alifaa. Duke Hargaysa yimi 1956 ayaa wuxu yidhi Nin reer hargaysa ah ( Isaaq macnii ) maanso ku amaanay Ingiriis ka. Kuna gabyey: Sidii habar dhali wayday Ingiriis dhalaanaw halkeenu kaa dhunkanaa . 45 sanadod ayuu Idaajaa iyo xulufadiisii Afweyne ku biili jiray inay taarikhda soomali iyo suugaanta ba lagu qeybiyo 4.5 , Daarood kuna helo 4 ka. Idaajaa . Waraysi dhowr sanadod ah ayaa gabadh Mogadishu Clan ah waydisay suaal ay ahayd baraarku Ku helay hargaysa waydiiyaan. Oo ahay suugaanta beeshisa ayun baad sheegtaa oo ismaaciil mire iyo ina Cabdulle Xasan madhaaftid. Wuxu isagoo iska dhigaya nin suaasha jawabteeda odanayaa 4.5 siyasadii ayey naga kharibtee yaanay suugaanta inaga kharibin markaasu tirinayaa dhowr gabayaa Sool clan ah isagoo Leh ayagaa u gabayaa badan, waa Sool clan oo hadii Harti xataa la soo raaciyo maansada iyo gabayga ciidagale oo kaliya gaadhayn. Kaas noocaas ah saw ma cada Inu qisadii Jaamac Amuume ku qurxsaday tii Sool clan? Ma xishoode Idaajaa oo waayey wax iska waabiya waxa u suurto gashay waxyaabo waalida qabyaaladu xataa gaadhin. Waxa laga hayaa sheekh Cali Majeerteen baa Somali ugu horeeyey wax xajjka taga , Cali Majeerteen wuxu noolaa 1860. Waxa ka mid ah Raage Ugaas baa soomaali gabayada la hayo ugu fog kiisu , waa Raage Ugaas oo Muxumed Liibaan Jadeer iyo Aadan Axmed Dube Gabayxoog ba d’a weynaayeen kana midho cuslaa silsiladii dhex maray ayaga iyo Raage. Waxa ka mid ah Raage Ugass waxay. Dawladii Afweyne Iskool ugu magac dartsy Xamar wuxu ahaa ragii alanyada gabayga Somali alifay , Murtida soomali na u qeybiyey Tix Iyo Tiraab ( diiwanka dhawaan loo qoray Raage ayaa loo biixiyey) waxa kale ee Raage dusha ka saarteen inu ahaa ninka ” hoyaalayeey hooy* gabayga Somali hordhac ugu dhigay.. Ninkaas ayaa Hargaysa Ku casuumeen Shaacir iyo wajiyo xunta suugaanyahan ama taariikh yahan isku sheega , Idaajaa na Ku qaban waayey cuqabooyinkii taarikhda laga galay waliba ta reerka SL u badan oo si kaste loola dagaalamayey. Waxan filayaa jaale Idaajaayaw Inu Raage Ugaas ” hoyaalayeey hoyaalayeey hooy” xataa gaadhsiyey Masai da Tanzania . ? Cahaladaasi waa dhaliin yaro Masai ah oo heesahooda tirinaya, ilaa 3 jeer ayay qeyb kaste Ku gabagabaynayaan ” hoyaalayeey hoyaalayeey hooy* Idaajaayaw waxan kugu gabagabaynayaa diraasadan aan Ku cadeeyey in qisadii Jaamac Amuume biliiliqaysateen , wax kaste ood 45 sanadod ka been sheegteen Somalina isku dileen in sidaas hawsha yar hangool suugaanta iyo taariikh da laga dhicin karo horarada boobaya sidaada. Iga gunud idaajaayaw teydu waa kaa gun dheertahaye. Rashid Jaamac kayse78@hotmail.com Qaran News
  24. Hargeysa (Caasimada Online) – Xiisada ka dhex aloosan Somaliland iyo Puntland ee ku saleysan gacan ku haynta deegaanada ayaa waxa si weyn uga faa’iideysatay dowladda Itoobiya, gaar ahaan dowlad deegaanka Soomaalida, sida ay ogaatay Caasimada Online. Itoobiya ayaa faa’iido dhaqaale oo buuran ka sameysay xiisada labada dhinac, iyada oo si toos ah canshuuraha uga qaadata deegaanka Buuhoodle oo ay si weyn ugu muransan-yihiin labada maamul. Dowladda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa ciidamadaasi geeyay Buuhoodle, kuwaasi oo ka sameystay bar kantarool oo ay ku baaran gawaarida soo galeysa ama kasoo baxeysa deegaankaasi, iyagoona ka qaadaya canshuur aan xadi laheyn. Mid kamid ah dirawaliinta wadadaasi mara oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inay dhibaato ba’an ku hayaan ciidamadaasi oo si toos ah uga amar qaata dowlada Itoobiya. Ciidamadaasi oo ay ku jiraan Liyuu booliska ayaa canshuuro qasab ah ka qaada gaadiidka kasoo baxaya deegaankaasi, iyada oo mararka qaarna ay kala kulmaan hanjabaad iyo jir dil. Buuhoodle ayaa inta badan waxa gacan ku haynteeda sheegta maamulada Puntland iyo Somaliland, walow aysan halkaasi si dhab ah uga talin, inkasta oo mararka qaar ciidamo ay labada dhinac soo dhooban ku dagaalaman deegaankaasi. “Buuhoodle waxay noqotay deegaan ka tirsan Itoobiya, gaar ahaan ka dowlad deegaanka Soomaalida ee dalkaasi, waxaana gacanta ku haya oo canshuuro qasab ah naga qaada ciidamo ay kantarool uga sameysay duleedka deegaankaasi” ayuu yiri Dirawalka la hadlay Shabakada oo aan qarinay magaciisa. Ciidamada Liyuu booliska ayaa markii hore deegaankaasi ku yimid nabadeynta iyo kala dhex-galida ciidamada labada maamul ee deegaankaasi ku dagaalama, inkasta oo uu markii dambe is badalay ujeedkoodu, sida naloo xaqiijiyey.