-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wafdi uu hoggaaminayo sii hayaha wasiirka waxbarashada xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa lagu wadaa inay gaaraan gobolka Gedo, gaar ahaan magaalooyinka Garbahaarey, Luuq iyo Beledxaawo oo ka wada tirsan gobolkaasi. Xubaha wasiirka wehlinayo waxaa ka mid ah xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee barlamaanka federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan gobolka . Mudane Cabdullaahi Goodax Barre sii hayaha wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa marka uu gaaro caasimadda gobolka Gedo ee Garbahaarey waxaa uu dhagax dhigo doono goobo waxbarasho oo qeyb-ka ah mashruuca hormarinta dugsiyada waxbarshada dalka,waxaana uu usii gudbo doonaan magaalada Luuq oo si la mid ah uu uga dhagax dhigo doono , Sii hayaha wasiirka waxbarashada ee xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdigiisa ayaa ugu dambeyn ku soo gabagabeyn doono safarkooda magaalada Beledxaawo oo ay ka dhagax dhigi doonaan goobo kale oo lagu xoojinayo waxbarashada gobolka Gedo. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Subax-16082020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha ra’iisul wasaaraha dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa xalay xarigga ka jaray musawac laga hirgeliyay Muqdisho, kaas oo loogu tala-galay inuu astaan u noqdo maraakiibta iyo doomaha isticmaala xeebaha Soomaaliya, si haddii ay cilad ku timaado ugu soo xirtaan dekedda. Adeeggan oo ah mid casri ah ayaa bixinaya iftiin xilliyada habeenkii ah, si ay u arkaan Mariibta iyo Doomaha, haddii ay halis dareemaaan. Mahdi Guuleed Khadar oo daah-furay mashruucaan ayaa sheegay inuu muhiim u yahay dekedda Muqdisho iyo dhammaan maraakiibta isticmaala biyaha Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hir-gelintiisa ay ku timid dadaal ay si wadajir ah u bixiyeen wasaaradaha kalluumeysiga iyo dekedaha ee dowladda Soomaaliya. “Waxa ay inoo tahay farxad aad u weyn in aynu daah-furno musawaca oo ah hagaha maraakiibta iyo doomaha marka ay dabayo dhacaan ama dhibaatooyin kale soo wajahdo, waana meesha ay kusoo hiranayaan si ay usoo gaaraan Dekedda, waana tallaabo muhiim ah, waxaana qalabkaan loo sameeyay hab casri ah, horay ayuu dalka ugu jiray balse haatan ayaa dib loo soo nooleeyay waliba si casri ah” ayuu yiri Mahdi Guuleed Guuleed. Dekedda magaalada Muqdisho oo dakhli badan uu ka soo xaroodo ayaa sanadihii u dambeeyey ku tallaabsaneysay horumaro kala duwan, waxaana Musawaca xalay laga hir-geliyey uu ku soo aadayaa, xilli haatan xeebaha Soomaaliya ay ka jiraan dabeylo xoogan.
-
As Africa passes more than a million confirmed Covid-19 cases, innovators on the continent have responded to the challenges of the pandemic with a wide range of creative inventions. Here are 10 we've picked out. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay khudbad u jeediyey Golaha Shacabka ayaa ka warbixiyay Shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ee ku qabsoomay magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan wada hadallada ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka. Hadalka Farmaajo ayaa yimid saacado kahor inta aanu madaxweynaha u bixin magaalada Dhuusomareeb oo uu ka dhici doono kulankii saddexaad ee shirka Dhuusamareeb, ayada oo la isku dayayo in heshiis laga gaaro nooca doorashada dalka ka dhaceysa. Hase yeeshee khudbadda madaxweynaha ayaa caddeysay laba qodob oo muhiim ah. 1 – Doorasho qof iyo cod horey ayaa loogu heshiiyey Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyey in waxa kaliya ee uu doonaya inay tahay in la gaaro heshiis siyaasadeed ku saabsan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, sababtuna ay in horey loogu heshiiyey oo dowlad goboleedyadana ay ogolaadeen dhowr jeer. “Horey ayuu u dhacay heshiis siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka, sanadkii 2018-kii Shirkii Baydhabo, kaddib markii guddi ka socda Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ay muddo soo diyaarinayeen, Shirarkii London iyo kii Brussels sidaas oo kale waxaa la isku raacay qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah, halka aad idinkuna ansixiseen sharcigii hagi lahaa doorashadaas.” Si kastaba, madaxweynaha ayaa u muuqda inuu iska indho-tirayo xaqiiqda ah in dowladda uu hoggaamiyo ay saddex sano iyo bar ku guul-darreysatay inay ka shaqeyso sidii dalka looga hirgelin lahaa doorasho qof iyo cod ah, oo haddii ay sidaas sameyn lahayd, aanu jiri lahayn muranka hadda taagan. 2 – Go’aanka kama dambeysta waxaa leh Golaha Shacabka Inkasta oo madaxweynaha uu qodobka koowaad ku muujiyey inuusan aqbali doonin heshiis aan ahayn doorasho qof iyo cod ah, haddana wuxuu xaqiijiyey in xitaa haddii uu soo ogolaado uu Golaha Shacabka dib ugu soo celin doono heshiiska noocaas ah, ama mid walba oo lala gaaro Madaxda Dowlad Goboleedyada. “Waxaa lagama maarmaan ah in Xukuumadda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyaduba ay mar walba wada hadlaan, wada tashadaan, is qanciyaan, lana yimaaddaan qorsheyaal iyo go’aamo siyaasadeed oo awoodda dib ugu celinaya shacabka Soomaaliyeed ee aad idinka matashaan, taas oo sii xoojinaysa in Golahani uu noqdo marjicii arrimaha masiiriga ah ee dalka.” Halkan waxaan ka fahmi karnaa in madaxweynaha uu laba arrinba isku haleynayo. A – Xildhibaano badan oo doodaya muddo kororsi oo Golaha Shacabka ku jira B – Taageerada uu ku haysto guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, oo ay isku xiran yihiin. Labadan arrinba waxay madaxweynaha siinayaan fursad uu heshiis uusan rabin uga soo qaadi karo Dhuusamareeb, kadibna ku dili karo baarlamanka, isaga oo aan eed lahayn, islamarkaana u muuqan qofka wax diidan inuu isaga yahay ee ay yihiin xildhibaano doonaya inay kursiga sii haystaan. Dhammaan arrimahan oo idil marka la isku geeyo waxaa muuqaneysa in rajada ah inuu miro dhalo shirka Dhuusamareeb saddex ay tahay mid aad u liidata, ayada oo ay muuqato in madaxweynaha uusan tanaasuleyn, islamarkaana dowlad goboleedyada ayaguna aysan tanaasuli doono. Balse kulamaa muranka iyo khilaafka uu sii ragaado, waxay sii kordhineysa fursadda muddo kororsi ee baarlamanka iyo madaxweynaha.
-
One US soldier and two Pentagon contractors were killed at a military base in Manda Bay, Kenya in January in an attack carried out by al-Qaeda-affiliated Somalia-based terrorist group al-Shabaab. The US responded to the attack by beefing up its Kenya presence, and assassinating the two terrorists believed responsible in an airstrike in February. Private US military contractors are deeply involved in the ‘kill chain’ of the Pentagon’s East Africa drone strike operations being run out of Kenya, the Organized Crime and Corruption Reporting Project (OCCRP), a US-based non-profit media platform, has reported. Citing flight tracking data and geo-coded airstrike information, the OCCRP found that US surveillance aircraft flying out of Camp Simba on Manda Island, Kenya to Somalia are contractor-owned, with owners’ identities hidden behind limited liability companies. These aircraft include at least one privately owned Gulfstream jet, and major contractors are said to include L3Harris Technologies and AEVEX Aerospace. The former saw two contractors killed and a plane destroyed in the January 5 al-Shabaab attack at Manda Bay. Contractors Can’t Pull the Trigger, Military Maintains A US Africa Command spokesperson also confirmed that “contractors may operate an armed drone,” but said that “they cannot make the decision to deploy the weapon system.” “For example, Contractor personnel may make technical decisions related to collection and operation of an armed drone, such as routing the collection asset. However, decisions requiring an exercise of substantial discretion or value judgement when applying [Department of Defence] authority, such as the employment of kinetic effects or the decision to target a particular military objective, must be taken by a military member,” the spokesperson specified. USAFRICOM maintains that the use of contractor pilots and planes for intelligence collection activities is entirely within the bounds of the law. However, Sean McFate, a former military contractor said that the Pentagon’s “ethical standard of who can pull the trigger has been slowly eroding over the last 30 years,” with contractors initially meant only to analyze data, not engage in its actual collection. McFate suggests that the military’s move toward contractor-based operations is based on political considerations. “Americans do not care about dead contractors. They care about dead soldiers, like Black Hawk Down, but nobody cares at all about a dead contractor,” he said. The OCCRP says the Air Force program for awarding of contracts to private contractors, known as Big Safari, is vulnerable to corruption due to lack of oversight, including the heightened chance of contracts being won by companies connected with former military and intelligence officials. Big Safari has reportedly won nearly $158 billion in contracts over the past twelve years. However, USAFRICOM says that the Air Force “remains satisfied that the acquisition practices utilized by Big Safari are in accordance” with all laws, regulations, DoD instructions and guidance. The OCCRP also found that military contractors are popular among major global investment firms, with investors ranging from pension fund operators to foundations such as the University of Iowa’s endowment fund involved in AEVEX-related transactions. L3Harris, meanwhile, is partially owned by hedge fund giant BlackRock. Somalia Strikes Controversy The United Nations has expressed concerns over US operations in Somalia, with air strikes said to put civilians at risk, while rights groups have accused the White House of a lack of transparency on the drone strikes being carried out in that war-torn country. The US military has carried out 42 airstrikes into Somalia since January 5, when the Camp Simba attack took place. By comparison, the US conducted 63 airstrikes in 2019. The US began drone strikes in Somalia in 2007 and has ramped them up significantly since 2016. Airwars, a non-profit collecting and analyzing data on civilian casualties in conflicts around the world, estimates that up to 145 civilians have been killed in these strikes since 2017. According to the OCCRP, tens of thousands of people from Lower Shabelle, Somalia, where many of the US drone strikes have taken place, have also been forced to flee to a refugee camp outside Mogadishu amid fears of being caught in the crossfire.
-
"We want to inform the Somali people that today, March 16 2020, we can confirm the first case of coronavirus in the country,” said Somalia’s health minister, Fawziya Abikar, in a televised statement. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mustaf Sandheere, oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab islamarkaana hore u dhameystay 5 sano oo xabsi ah, sidoo kalane markii uu dib ugu laabtay Al-Shabaab markale la soo qabtay ayaa kamid noqday kooxdii ka qeyb qaadatay weerarkii Xabsiga dhexe. Sandheere oo ku dhaawacmay weerarkaas ayaa saraakiisha ammaanka siiyay xogo muhiim ah waxaana la soo xiray 6 qof oo ka tirsan xabsiga dhexe. Ninkaan ayaa dalbaday heshiis ah in aan loo celin xabsiga dhexe oo la geeyo goob kale, si uu u dhiibo warar qarsoodi ah oo ammaanka ku saabsan. Sidoo kale waxa uu sheegay inuu cabsi ka qabo haddii xabsiga dhexe lagu sii hayo in la dilo waxayna taasi sababtay in loo wareejiyo xerada ciidanka Asluubta ee KM7, oo ku taalla agagaarka Ex Control Afgooye. “Sagaal qof ayaa la xiray 6 kamid waxaa sheegay Sandheere, waxeyna ahaayeen dad aan laga filaneyn falkaas, si faah -aahsan ayuu u hadlay, laakiin lama hubo waa la baarayaa iyaga dhan,” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan ciidanka Asluubta Soomaaliya. Sidoo kale Sarkaalkaan ayaa sharci darro ku tilmaamay Sandheere oo Shabaab ah loo wareejiyo xabsiga KM7, isagoo sheegay in halkaas ay aad uga dabacsan tahay Xabsiga Dhexe, islamarkaana uu ka baxsan karo. Weerarkii Xabsiga dhexe ee dhacay Isniintii todobaadkaan ayaa u muuqda in ay ka qeyb qaateen xubno muhiim ah oo ka tirsan ciidanka iyo saraakiisha ciidanka Asluubta Soomaaliya, waxa uuna noqday hadal heynta ugu weyn ee Muqdisho.
-
Haweenay Somaliyada oo Naas & Gacan uga go`een Dagaalada Suuriya oo dib loogu soo celiyay UK+Magaceeda,Da’deeda & Cida Gacanta ku haysa Waxaa dalkaasi Britain dib loogu soo celiyay oo hadda gacanta booliska ku jirta Saamiya Xuseen oo asal ahaan soomaali ah islamarkaana laga keenay dalka Suuriya. Gabadhan oo iminka 25 jir ah ayaa waxaa ay “xaas” u aheyd nin ama mujaahid kooxda ISIS ka tirsan, waxaana dalkaasi Suuriya oo ay u haajirtay sannadkii 2015 kusoo qabsaday dhacdo lama ilaawaana ku noqotay. Saamiya Xasan ayaa waxaa gacan iyo naas uga go`een duqeyn diyaaradeed oo xilliyadii ugu dambeeyay ee jabka ISIS ku qabsaday magaalada Baghouz ee dalkaasi Suuriya. Saamiya Xuseen, 25 jir. Kadib jabkii ISIS ayaa Saamiya waxaa lagu arkay kaam qaxooti oo ay maamulaan Kurdiyiinta kaas oo lagu magacaabo al-Hawl iyada iyo “xaasas” kale oo iyagana Ingriiska ka yimid sida gabadha lagu magacaabo Shamima Begum. Gabadhan ayaa muddo 7 bilood ah waxa ay dhaawaca soo gaadhay ugu jirtay isbitaal. Waxa ay iska diiday in loo duufsaday dalka Suuriya, waxaana ay sheegtay in ay halkaasi u tagtay taakuleyn dhanka carruurta dhibaateysan ah. Saamiya ayaa ka mid ah tobaneeyo gabdho soomaaliyeed oo meelo kala duwan oo dunida ah ka tagay kuwaas oo Suuriya tagay xilligii ay ISIS ka dillaacday. Qaran News
-
Shaqaaqo u dhaxeysa koox islaamka neceb iyo kuwo kasoo horjeeda ayaa waxaa ay maanta ka dhacday senterka xaafadda Furuset ee magaalada Oslo. Ururka islaamka neceb ee loo soo gaabiyay SIAN (Stopp islamiseringen av Norge) oo micneheedu yahay “jooji islaameynta Norway” ayaa waxaa uu maanta duhurkii ku lahaa bannaanka hore ee suuqa Fururset Senter kulan kaas oo uu taageerayaashiisa ugu soo bandhigayay fikirradohooda. Waxyar kadib markii uu kulankaasi bilowday ayaa waxaa dhacay iska-hor-imaad u dhexeeya taageerayaasha ururkaasi iyo booliska oo isku dhinac ah iyo kuwii kasoo horjeeday. Booliska ayaa u adeegsaday kooxihii diidanaa ururkan sunta dadka ka ilmeysiisa, waxaana ay soo qab-qabteen qaar iyaga ka mid ah. Sarkaal u hadlay booliska oo lagu magacaabo Tor Gulbrandsen ayaa warbaahinta u sheegay in askari iyaga ka mid ah lagu dhaawacay shaqaaqadaasi kadib markii bir lagu dhuftay. Booliska ayaa horay usii sheegay in ay soo buux-dhaafin donaan goobta si ay ula tacaalaan shaqaaqadan la filayay in ay dhaceyso. Tuuryo nooc walba leh ayaa goobta ka dhacday kuwaas oo lagu beegsanayay xubnaha ururka SIAN iyo qaar ka mid booliska. Dhawaan ayay aheyd markii isla ururkan oo had iyo goor soo wata booliska isu-soobax ku qabsaday xaafadda Mortensrud ee degmada Søndre Nordstrand kaas oo sidoo kale laga carqaladeeyay. Qaran News
-
Tan iyo yagleeliddii dowladihii ku meel gaadh ka ahaa ee Soomaaliya soo maray, waxaa qasab ahayd mar ba meel ka baxsan Soomaaliya in lagu shiro, Soomaalida shirka ka qayb galaysana in loo dhexeeyo. Laakiin, 10-kii sano ee u dambeysay xaaladdu waa isa soo beddalaysay. Waxaana la marayaa heer hadda, guri ka mid ah Guryaha Soomaaliya lagu wada tashanayo, 3 jeer na la isugu yimid, isaga oo aan wax buuq iyo is afgarn waa ahi dhicin, hadduu dhacana kolba tallaabo hore la qaadayey. Galmudug markii la dhisayey hadda dad baa lahaa waxani suuro gal ma aha, waase suuro gashay oo wataas maanta Horyaalka Maamul Goboleedyada Hoggaaminaysa, hoyga nabadda iyo xasiloonnida Siyaadsadeedna noqotay. Waloow qofba dhinac ka eegi karo. Dulucda haddalkaygu waxa ay tahay. Hadalka ka soo yeedhay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya aad buu u khadhaadhaa marka la eego luuqaha Diblumaasiyadda Casriga ah (Modern Diplomacy Languages). Sida Caadiga ah Safiirka dal loo soo diraa waa masuulka ugu sarreeya ee u metela Madaxweynaha dal kasta, laba siyaabood ayuuna Safiirku u gudan karaa howlihiisa, midda koowaad waa in uu dhisayo khibraddiisa iyo xidhiidhkiisa shakhsiga ah (ma khuseyso labada dhinac midna), midda labaad waa inuu guto waajibaadka Dowladdiisa iyo Dowladda uu la joogo ay saareen. Dowladduna waa isu soo diraan Dhambaallada Siyaasadeed dan dooniba hallaga yeeshee. Haddaba, labo qaab ayaa farrimaha badanaa la isu weydaarsan karaa: Mid qaboow oo wada hadal ku dhisan; si fool-ka-fool ah ama dadban labadabana waa la isu weydaarsan karaa, hannaanka labaad waa mid qallafsan; oo bannaanka loo soo saaro wixii laga wada hadlay, sida tan Yamamooto hadda sameeyey, waxayna ku imaan kartaa marka la isu awood sheeganayo. Marka ay tan danbe dhacdo waxaa ay Dowladaha qaar sameeyaan inay si cad isooga celiyaan Dowladda Farogelinta Sameeya, sida inay dhambaal jawaab ah diraan, inay si kale ooga jawaabaan (inay caydhiyaan Saraakiisha dhambaalka hore soo diray, tusaale sidii Haysom lagu sameeyey oo ah hannaan sharci ah). Waxaan ku soo gunaanadayaa, wadahadalka Dhuusomareb 3, waxa uu go’aamin karaa jihada dalka ee doorashooyinka qaranka si kasta oo lagu heshiiyo ayaa maslaxo u ah dadka iyo dalkaba, wixii xal ah iyo wixii xaq ahba, waxaan soo dhaweynaynaa wixii dan noo ah, horusocodna dalkan u ah. Bal aan isha ku haynno! Irshad Maxamud Sheekh Dahir (Tubeec) – Waxaad kala xiriiri kartaa Email: Murshad145@gmail.com WhatsApp: +252619109222 AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
MOSCOW: Russia has started manufacturing its new vaccine for COVID-19, the Interfax news agency reported on Saturday, citing the health ministry. Russia has said the vaccine, developed by Moscow’s Gamaleya Institute and the first for the coronavirus to go into production, will be rolled out by the end of this month. Some scientists said they fear Moscow may be putting national prestige before safety. Arabnews Qaran News
-
Makhaayad aan dalab lagaa qaadeyn ilaa aad ismiisaanto Hashtag maqaayaddaasi looga soo horjeedo waxaa ka falcelisay 300 oo malyan oo qof Maqaayad ku taalla dalka Shiinaha ayaa ku dhaqaaqday tallaabbo aan maqaayadaha dalkaasi looga baran oo ah inuu qofka ismiisaamo kaddibna dalabkiisa uu ku saleysnaanayo hadba miisaankiisa inta uu noqdo. Maqaayadda ay dadka cunta u doonto iney ismiisaamaan ku qasbeyso ayaa ku taalla bartamaha dalkaasi Shiinaha. Wuxuuna qofka cuntada uu dalbanayo ay ku xirnaaneysaa hadba miisaankiisa inta uu noqdo, iyada oo dadka miisaankooda uu bato cunta yar oo keli ah laga iibinayo. Maqaayadda ayaa tallabadaasi qaadday kaddib marki dalka Shiinaha laga billaabay olole heer qaran oo ka dhan ah buurnida oo lagu yareynaya tirada dadka buurbuuran oo dalkaasi ku sii badanaya. Maqaayadda oo ku taalla magaalada Changsha ayaa toddobaadkan labada albaab ee maqaayadda laga soo galo ku dhajisay farriin ay dadka maqaayaddaasi ku xiran ku wargelineyso intaynan maqaayadda gelin iney ismiisaamaan. Maqaayadda waxay sida oo kale hirgelisay nidaam ama App marka uu qofka natiijada miisaankiisa uu geliyo uu moobaaylka u soo saarayo cuntada uu cuni karo ee isaga ku habboon. Kaddibna qofka miisaankiisa uu badan yahay cunto yar ayaa laga iibinayaa halka qofka miisaankiisu caadiga yahayna laga iibinayo cunta inta uu doono. Falcelinta maqaayadda Tallaabbada ay maqaayaddaasi qaadday iyo ololaha barnaamijkaasi heer qaranba si weyn ayaa looga horyimid iyada oo baraha bulshada laga sameeyey Hashtag looga soo horjeedo oo lagu dalbanayo iney maqaayaddaasi ka noqoto tallabbada ay qaadday isla-markaana ay macamiisheeda raalli geliso. Hashtag baraha bulshada ay dadka ka soo horjeedo qorshahaasi ku wadaageenna waxaa wadaagtay oo ka falcelisay dad ka badan 300 oo malyan oo qof. Maqaayadda Changsha waxay sheegtay “iney aad uga xuntahay” ololaha qaran ee ‘saxanka maran’ ama dadka iney cuntada yareystaan sida ay u macneysay ama ay u hirgelisay. “Ujeeddada aan barnaamijkaasi ka laheen waxay ahayd inaan dadka ku dhiirragelinno iney joojiyaan cunnada saa’idka ah maadaamaa ay caafimaadka u wanaagsaneen balse ay cuntada u qaataan si caafimaadkooda u wanaagsan. Mardambana macamiishayada ku qasbi meyno iney ismiisaamaan” ayey tiri maqaayadda oo farriin ay macaamiisheeda uga raalli gelineyso tallaabbada ay ku dhaqaadqday qaab online ah u soo dhigtay. Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping oo ololahaasi toddobaadkan daah furay, wuxuu ku baaqay heerka uu marayo adeegsiga cuntada faraha badan ee heer qaran uu yahay “mid laga argagaxo oo dhibkiisa leh”. Farriinta Xi kaddib, ururka ay ku bahoobeen warshadaha soo saara waxyaabaha la cuno waxay ku baaqeen iney maqaayadaha magaalada Changsha ku yaalla ay yareeyeen noocyada cunnooyinka ee ay macamiishooda casha ahaan uga iibiyaan, ayna hirgeliyaan nidaam suuragelinaya iney dadku hal cunto oo keli ah dalbadaan halka qofka uu keligii uu cuntooyin kala duwan dalban lahaa ama uu cuni lahaa. Telefishiinka dowladda wuxuu sida oo kale cambaareeyey tabinnada tooska ah (livestreams) dadka soo dhiga iyaga oo cunnooyin aad u badan hal mar wada cunaya. Qaran News
-
New York (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in walaalkiis ka yar Robert Trump uu geeriyooday habeenkii Sabtida, maalin kadib markii madaxweynaha uu ku booqday Isbital ku yaalla New York. “Waxaan aniga oo aad u murgsan idinla wadaagayaa in walaalkeygii cajiibka ahaa, Robert, uu caawa si nabdoon u geeriyooday. Ma ahayn oo kaliya walaalkey, waxa uu ahaa saaxiibkeyga ugu wanaagsan. Aad ayaa loogu xiiso doonaa, balse dib ayaan u kulmi doonaa. Xusuustiisa waxay abid ku nagaan doontaa qalbigeyga. Robert, Waan ku jeclahay. Nabad ku nagow,” ayuu Trump ku yiri bayaan uu soo saaray. Robert Trump, oo ahaa 71 jir, islamarkaana saddex sano ka yaraa madaxweyne Trump, ayaa waxaa uu ahaa ganacsade ka shaqeysta horumarinta hantida ma guurtada ah. Robert oo ahaa qofka ugu yar qoyska Trump ayaa aad ugu dhowaa madaxweynaha oo 74 jir ah, wuxuuna bishii June isku dayey inuu codsi maxkamadeed ku joojiyo buug ay qortay gabar uu Trump adeer u yahay oo kashifay sirta qoyskan. Illaa iyo hadda lama shaacin faah-faahin ku saabsan xanuunka uu u geeriyooday Robert, waxaana mar ay weriyayaasha weydiiyeen uu madaxweynaha diiday inuu jawaab ka bixiyo.
-
Garowe (PP News Desk ) — Mustaqbal, a political association in Puntland, has raised objections to pilot local elections to be conducted at designated districts. At a ceremony to hand certificates from Transitional Puntland Electoral Commission to new political associations in Garowe the Chairman of Mustaqbal, Mohamed Sibad, called for popular participation in local elections. “Plato said that failure to participate in politics leads to be led by bad leaders” Sibad said. Mr Sibad called for popular participation in local elections in line with Puntland Constitution. TPEC plans to conduct pilot local elections in Qardho, Ufeyn and Eyl. Abdirahman Farole, Chairman of Horseed, a political association and former Puntland President, said that he was committed to participating in local elections. Unsubstantiated reports indicate donors have come up with the precondition to conduct pilot local elections in three districts. Key Puntland stakeholders objected to transition to political parties proposed by Puntland State Government in 2013. Lukewarm support for pilot local elections in Puntland might transform into apathy if other political associations express dissatisfaction with the plan to conduct local elections in two pre-1991 districts and one hamlet. TPEC is considering the possibility of conducting three-phase, pilot local elections throughout districts under Puntland administration if the call to increase the number of districts participating in local elections grows intense. © Puntland Post, 2020 The post Mustaqbal Cautions Against Pilot Local Elections for Only Three Designated Districts appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug waxaa caawa ku wada sugan madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed, waxaana goor dhaw u soo dhamaaday kulan ay ku yeesheen xarunta madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb. Waxaan faahfaahin badan laga helin waxyaabaha ay uga wadahadleen kulankaas, maadaama uu ahaa mid ay albaabadu u xiranyihiin. Sidoo kale waxaa Dhuusamareeb soo gaaray inta badan xubnaha guddiga farsamada ee ka baaraan degista talooyinka la xiriira hannaanka iyo hab-sami u socodka arrimaha doorashooyinka dalka, kuwaas oo ka socda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed. Illaa hadda Dhuusamareeb sooma gaarin xubnaha guddigaas ugu jira dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, sidoo kale waxaa dalka ka maqan madaxweynayaasha labadaas dowlad goboleed oo ku kala sugan Jabuuti iyo Kenya. Madaxweyne Deni ayaa maanta sheegay in safarkiisa Jabuuti uu soo gaban-gabeyn doono, isla markaana uu ka qeyb geli doono shirka wadatashiga ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uga furmaya magaalada Dhuusamareeb. Dhankiisa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe weli wax war ah oo ku aadan ka qeyb galka shirkaas kama soo bixin, balse warar ee heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu xanuunsan-yahay oo qaliin uu ku galay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Qaliinkaas waxaa la sheegay in madaxweynaha looga sameeyey sinta, isla markaana ay xaaladiisa caafimaad haatan soo hagaageyso, lamana oga in uu kasoo qeyb geli doono shirka Dhuusamareeb iyo in uu wakiillo u soo dirsan doono.
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Qubanaha-Shabelle-15082020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshey Caasimada Online, ayaa sheegaya in Alle ha naxariistii mid kamid ah maxaabiista Xabsiga dhexe uu Xalay saqdii dhexe geeriyooday. Maxbuuska dhintay ayaa ku xukunaa xabsi shan sano ah, waxaana loo heestay eedo la xariira caasi-waalidnimo, sidoo kale waxaa laga jarayay isticmaalka maandooriyaha, halka warar kale ay sheegayaan in loo xukumay falal aan aheyn argigixisinimo. Qaar kamid ah saraakiisha Xabsiga dhexe ayaa Caasimada Online u sheegay in marxuumka dhintay uu xanuunsanaa maalmihii la soo dhaafay, waxaana la sheegay in uu la il-darnaa nabar dhuunta uga soo baxay, mana helin daryeelkii uu u baahnaa. Galabta ayaa laga saaray Meydka Marxuumka Xabsiga dhexe ee Xamar, waxaana la soo sheegayaa in aanan weli lagu wargelin qoyskiisa. Tayada caafimaadka ee xabsiga dhexe ayaa aad looga deyrinayaa, waxaana la sheegay in maxaabiistu wajahayaan daryeel la’aan aad u daran. Qaar ka mid ah waalidiinta maxaabiista ayaa horay u sheegay in gudaha xabsiga ay ka jirto dhibaatooyin kala duwan, waxaana hadda sii adkeeyay weerarkii dhacay todobaadkii hore. Mid ka mid ah dadka ku sugan Xabsiga Dhexe ayaa Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho u sheegay in maxbuuska xabsiga ku dhintay lagu magacaabi jiray Cabdullahi, isla markaana uu waayey wax daryeel ah. Sidoo kale waxa uu sheegay in maxbuuskaas in ka badan todobaad uu dalbanayey in loo fidiyo daryeel caafimaad, kadib markii uu nabar uga soo baxay dhuunta, balse sida uu sheegay ma helin cid dabiibta oo sidaas ayuu Cabdullahi u dhintay. Qofka ku sugan xabsiga dhexe oo dalbaday in magaciisa aan warbaahinta loo adegsan ayaa sidoo kale sheegay in wixii ka dabeeyey weerarkii ka dhex dhacay xabsiga todobaadkii lasoo dhaafay ay adkaatay xaaladda maxaabiista, isla markaana ay wajahayaan cadaadiskii ugu adkaa abid. Isniintii lasoo dhaafay weerar ay fulityeen qaar ka mid ah maxaabiista oo hub gacanta ku dhigay ayaa waxaa ku naf waayey 19 qofood, halka sideed kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu shaaciyey taliska ciidanka Asluubta Soomaaliya oo gacanta ku haaya Xabsiga Dhexe. Waxaa sidoo kale intii uu weerarkaasi socday xabsiga ka baxsaday Mubaarak Ibraahim Iidle oo banaanka hore ku sii dilay laba qof oo shacab ahaa, taliska ciidanka Asluubta ayaana ka gaabsaday faahfaahinta baxdaskiisa.
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Qarax aad u weyn oo gil-gilay guud ahaanba xaafadaha ay ka koobantahay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa caawa ka dhacay xaafadda Faanoole, gaar ahaan waaxda Imbiritooriya. Qaraxa ayaa lagu xiray guri dabaq ah oo ka koobnaa laba biyaano, kaas oo uu lahaa ganacsade caan ka ah deegaanada Jubbaland oo lagu magacaabo Cabdullahi Gaari. Xog ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in ganacsadahaas ay lacag canshuur ah ka dalbadeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, balse uu ku gacan seyray. Qaraxan waxaa lagu tuhmayaa inay fuliyeen Al-Shabaab, inkastoo aysan weli sheegan, welina wax faahfaahin ah lagama helin nooca uu ahaa. Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in guriga xilliga la qarxiyey aysan qofna ku sugneyn, isla markaana uu cidlo iska ahaa waayihii dambe. Illaa hadda si rasmi ah looma oga in uu jiro khasaare ka dhashay qaraxaas, waxaana durbadiiba goobta xiray oo baritaano ka bilaabay ciidamada ammaanka Jubbaland ee ka howlgala magaalada Kismaayo. Ururka Al-Shabaab ayaa canshuura inta badan dadka maal-qabeenada ah ee ku nool dalka, gaar ahaan gobollada dhaca koonfurta oo ay ugu horeyso Muqdisho, waxayna mararka qaar khaarajiyaan ciddii ka dhega adeygta dalabkooda, iyagoo sidoo kale weerara xarumahooda.
-
WASHINGTON (VOA) - Somali government troops, backed by African Union (AU) forces, have taken control from the al-Shabab militant group of a strategic town in the Lower Shabelle region, freeing dozens of children in the process, residents and official said. Source: Hiiraan Online
-
Columbia (Caasimada Online)-Maxkamad ku taalla Mareykanka ayaa soo saartay amar ah in uu ku hor imaanayo dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed bin Salmaan, kadib markii uu dacwad ka gudbiyay sarkaal horay uga tirsanaa sirdoonka Sucuudiga, kuna eedeeyay in uu isku deyay in uu dilo. Maxkamadda degmada Columbia ayaa soo saartay u yeeristaan Jimcihii oo ah maalin kadib markii Saad Al-jabri uu maxkamadda u dacwooday, isagoo bin Salmaan ku eedeeyay in uu usoo diray koox si ay u dilaan xilli uu ku nolaa Canada. Jabri oo hadda degan Canada ayaa dacwadiisa waxaa uu ku sheegay in aqoonta uu u leeyahay Maxamed bin Salmaan ay keentay in uu dhaxal suguha beegsado. “Waa ay yaryihiin dad Dr. Saad uga aqoon badan Maxamed bin Salmaan,” ayaa lagu yiri dacwadda. “Meelo yar ayaa lagu hayaa akhbaar xasaasi ah oo ku saabsan Maxamed bin Salmaan oo aan ka ahayn xusuusta Dr. Saad- marka laga reebo duubistii uu Dr Saad ka sameeyay dilkii loo qorsheeyay,” ayaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka dacwadda. U yeeristu waa ogeysiin rasmi ah oo dacwadeed, taasi oo shaqsiyaadka la dacweeyay ugu yeerta in ay maxkamadda ka soo hor muuqdaan. Waxaa intaas dheer in Dhaxal-sugaha ay wehliyaan 12 shaqsi oo ay ka mid yahiin lataliye horay uga tirsanaa maxkamadda boqortooyadda Sacuud Al-Qaxtaani, ku xigeenkii hore ee sirdoonka military-ga Axmed Al-Casiri iyo sidoo kale lataliyaha sare ee MBS Al-askar. “Haddii aad ku guul darreysato in aad kasoo jawaabto, waxaa lagaa gaari doonaa xukun sida cabashadda lagu dalbadayba,” ayaa lagu yiri amarka loogu yeeray bin Salmaan. Cabashadda waxaa sidoo kale ku xusan in laba caruur ah oo uu dhalay Al-Jabri ee dhowaan muuqooda la waayay ay ahayd isku day ay kooxda tiger Squad ku doonayeen in ay Al-Jabri ku geystaan meel ay ku dili karaan. Bishii March, Sarah iyo Cumar oo uu dhalay Jabri ayaa loo diiday in ay ka baxaan dalka Boqortooyadda Sucuudiga – halkaas oo markii dambena lagu xiray. Bishii May Jabri walaalkiis ayaa la xiray. Ma jirto cid qaraabadooda la soo xiriirtay, sida uu sheegay Khaalid oo ka mid ah ilmaha uu dhalay Jabri kuna nool Canada. “Waa olole lagu doonayo in ay aabahay lagu dilo waxaa Dowladda la-hayste u ah walaalahay Sarah iyo Cumar,” ayuu Khaalid Al-Jabri u sheegay CNN. Dacawadda ayaa waxay Washinton ka dhigeeysaa in ay xaalad adag la marto Al-Jabri oo ka mid ah hantida CIA-da Maraykanka, Sucuudiguna waxaa uu xiriir diiran la leeyahay Maraykanka, waxaana ka dhexeeya heshiis hub kala gadasho.
